27.5 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is afgarad oo lagu dhisayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu dhisayo hannaan rasmi ah oo lagu yeelanayo wadahadal joogto ah oo labada dhinac ah, kadib kulan ay yeesheen Wasiirada arrimaha dibadda ee labada dal ee walaalaha ah.

Ugu horreyn wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa xarunta wasaaradda kusoo dhaweeyay dhiggiisa Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulanka dhex-maray labada dhinac ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kor u qaadidda iskaashiga labada dal ee dan-wadaagga ah.

Sidoo kale, intii uu socday kulanka waxa lagaga wada-hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhanka amniga, xasilloonida gobolka, iyo arrimaha caalamiga ah ee labada dal ay danaha ka leeyihiin.

Labada wasiir arrimo dibadeed ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si dhow la iskula shaqeeyo si loo horumariyo nabadda, horumarka, iyo barwaaqada Geeska Afrika.

Intaas kadib labada wasaaradood ayaa waxa ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed, taas oo dhisaysa hannaan rasmi ah oo lagu yeelanayo wadahadal joogto ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Heshiiskan ayaa la filayaa inuu sii xoojiyo iskaashiga diblomaasiyadeed isla markaana uu horumariyo mudnaanta labada dal ee heer gobol iyo heer caalami.

Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxaa ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo taariikhi ah, dhaqan iyo walaaltinimo, waxaana dhisidda iskaashigooda soo jireenka ah uu xoojinayaa wada-shaqeyntooda iyo isu soo dhowaansho ah labada dowladood.

Somaliland oo faafin deg-deg ah soo saartay kadib doorashadii Waqooyi Bari

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka Kaah ee Somaliland oo faafin deg-deg ah soo saaray ayaa si adag uga hadlay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo lagu soo doortay madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) iyo ku xigeenkiisa Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Xisbigan oo uu hoggaamiyo Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in wixii maanta ka dhacay Laascaanood iyo raggii hadlay ay xambaarsanaayeen colaad abuur iyo abaabulka dagaal sokeeye oo mar kale ka qarxa Sool.

Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kale arrintan ku eedeeyay inuu ka dambeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo tilmaamay inuu wado damac gurracan, sida uu hadalka u dhigay.

“Faafin Degdeg Ah: Hadallada maanta ka soo baxayey raggii ka hadlayey madashii Laascaannood, waxay ahaayeen kuwo xambaarsan colaad abuur iyo abaabul dagaal sukeeye. Nasiibdarro, dareenkaasi ma aha mid u adeegaya danaha dadka ehelka iyo ood-wadaagta ah ee isu baahan. Hase yeeshee, waa mid dabada ku haya damac gurracan iyo arragti deyaysan oo loogu danaynayo maamulka taagta darran ee Xasan Sheekh” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyaha Xisbiga Kaah ee maamulka Somaliland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in bariga iyo Sanaag-ba ay ka tirsan yihiin dhulka Somaliland, ayna haboon tahay in laga joogsado, isaga oo sheegay in wixii tabasho ah lagu xallin karo wada-hadal.

“Sanaag iyo Sool Bari waa dhul ka tirsan soohdinta sharciga ah ee JSL. Sidaa darteed, waxaa habboon in xurgufaha iyo khilaafka jira lagu xalliyo wadahadal iyo garnaqsi walaalnimo” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu

Waxaa kae oo uu sii raaciyay” waxa aan far waaweyn ku dhigayaa in Ceerigaabo aannay u baahnayn colaad loo soo raro, balse ay baahan tahay caano iyo cawo-bari nabadeed. Ragga soo bu’aya ee ku baaqaya colaadda waxaan leeyahay: waar hooy nimaan idiin furi doonin yaanuu idiin rarin, lama huraanna waa caws jiilaal. Ugu danbayntii, waxaan leeyahay Ceerigaabo ma aha jabbad cusub ee waa tii shalay, dadka reer Ceerigaabo na ma aha soo guurto balse waa kuwii shalay iyo doraad ba jaangoynayey masiirkeeda, ee yaan loo deymo la’aan”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta Laascaanood ay ka dhacday doorasho taariikhi ah oo lagu soo doortay hoggaanka sare ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Maamulkan cusub ayaa ah natiijo toos ah oo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay, taas oo marxaladdo kala duwan soo martay, ugu dambeyntiina dhashay maamulka Waqooyi Bari oo maanta la dhameystiray, kaas oo ka talin doono Sool, Sanaag iyo Todheer.

Muxuu Farmaajo ka yiri doorashadii madaxweynaha iyo ku-xigeenka Waqooyi Bari?

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war kasoo saaray doorashadii maanta ka dhacday magaalada Laascaanood ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali iyo Madaxweyne Kuxigeenka cusub ee maamukaasi Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil.

Farmaajo ayaa guul u rajeeiyay madaxda la doortay, wuxuuna Alle uga baryay inuu u fudueeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.

“Hoggaanka la doortay ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari waxaan Eebbe uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo doortay oo ay ugu horreyso dhammaystirka dhismaha hay’adaha dowladeed, xoojinta midnimada iyo wadajirka bulshada deegaanka, adkaynta amniga iyo xaqiijinta hiigsiga dadja deegaanka” ayuu yiri Maxamed Farmaajo.

Sidoo kale, wuxuu boggaadiyay Xildhibaannada, Guddoonka iyo Guddiga Doorashada, musharrixiinta iyo laamaha amniga, isaga oo ku adkeeyay bulshada iyo hoggaanka Waqoogi Bari in ay xoojiaan midnimada iyo wadashaqeynta ku aaddan nabadda iyo horumarka.

Horay dhammaan kan lamid ah waxaa u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isna u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee maamul-goboleedka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdirishiid Yuusuf Jibriil.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey bisaylka ay muujiyeen Xildhibaannada, Guddoonka iyo musharraxiinta Madaxtinimada ee ku loollamay Waqooyi Bari Soomaaliya, isaga oo ku dhiirogeliyay tallaabada ay qaadeen.

“Waxaan u rajeynayaa Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil in uu ka yeelo hoggaan mideeya bulshada Waqooyi Bari, kana shaqeeya nabadda, horumarka iyo dowladnimada. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay in ay garab istaagto dowlad-goboleedka si wadajir loogu xaqiijiyo dhammaystirka Federaaleynta” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu ku adkeeyay bulshada iyo hogaanka cusub ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari in ay adkeeyaan midnimada, wadajirka iyo iskaashiga, si looga gudbo caqabadaha jira loona gaaro horumar waara.

Ra’iisul Wasaarihii Yemen iyo wasiirro badan oo duqeyn lagu laayay

Sanca (Caasimada Online) – Raysal Wasaarahii dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen iyo wasiiro badan oo ka tirsanaa golahiisa wasiirrada ayaa ku dhintay weerar ay Israa’iil ka geysatay magaalada Sanca Khamiistii.

Warbaahinta Israa’iil ayaa shalay soo werisay, iyada oo aan soo xigan wax ilo ah, in  qiimeynta milatariga Israa’iil ay muujinayso in “dhammaan golaha wasiirrada Xuutiyiinta” ay ku dhinteen weerarkii lagu qaaday Sanca.

Maanta, kooxda Xuutiyiinta ayaa xaqiijisay geerida Axmed Ghaalib Rahwi iyo wasiiro kale oo badan.

Israel ayaa dhowr jeer beegsatay saldhigyada Xuutiyiinta bilihii la soo dhaafay.

Isha: BBC

Faah-faahinta dagaal culus oo ciidanka Jubaland ay la…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada maamulka Jubaland iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka magaalo xeebeedka Kismaayo.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni ee gobolkaasi, waxaana kadib xigay iska horimaad toos ah oo dhex-maray ciidamada iyo ragga weerarka qaaday.

Saraakiil u hadashay Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka, isla markaana ay khasaare gaarsiiyee maleeshiyaadka Al-Shabaab ee kusoo duulay.

Sidoo kale waxa ay tilmaamay in haatan xaaladda ay dagan tahay, isla markaana meelaha lagu dagaalamay ay weli gacanta ku hayaan ciidamada Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul wayn ka sheegatay dagaalka, waxaana baraha bulshada ay ku shaacisay in khasaare lixaadleh ay gaarsiisay ciidanka Jubaland.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada labada dhinac, waxaana adag isgaarsiinta deegaanka lagu dagaalamay oo aad uga fog magaalada Kismaayo.

Marar badan ayaa labada dhinac ay ku dagaalameen aagga Kismaayo, halkaas oo ay howlgallo ka wadaan ciidanka Kumaandooska Danab iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa weli ku xooggan gobollada Jubbooyinka, waxayna kasoo abaabuushaa weeraro arbushaad ah oo ay ku ekeyso xerooyinka ciidamada ee ku yaalla halkaasi.

Somalia’s new Northeast State elects first president

LAS ANOD, Somalia – Lawmakers in Somalia’s newly recognized Northeast State on Saturday elected their first president in a landmark vote held in the war-scarred city of Las Anod, cementing the region’s autonomy after a bloody year-long struggle for self-rule.

Abdiqadir Ahmed Aw-Ali, better known as Firdhiye, won a clear majority to lead the administration for the next five years. He had already been serving as head of the region’s interim government.

The election represents a major step in formalizing Northeast State’s role within Somalia’s federal system. It also delivers a blow to Somaliland, the self-declared republic that lost control of the territory after fierce fighting in 2023.

Celebrations broke out in the streets of Las Anod as Firdhiye’s victory was announced. The ballot took place under tight security, with a citywide curfew imposed the night before and armed forces guarding the parliament hall.

“This is a historic day that moves our administration from a provisional to a permanent status,” one electoral official told lawmakers.

Firdhiye’s path was eased when his main rival, Abdirisaq Khalif—a former Somaliland parliamentary speaker who defected to join the uprising—pulled out before the second round of voting.

Khalif reportedly walked out of the chamber after another candidate, Jamal Mohamed Hassan, threw his support behind Firdhiye. The process continued regardless, confirming Firdhiye’s majority.

Forged in conflict

The creation of the Northeast State administration is rooted in a brutal conflict that erupted in late 2022. The Sool, Sanaag, and Cayn (SSC) regions have long been contested by Somaliland to the west and Somalia’s Puntland state to the east.

For years, the Dhulbahante clan and other local communities have demanded their own autonomous state within a united Somalia, rejecting authority from both the central government and regional administrations.

The standoff turned violent in February 2023, when elders announced plans to establish an administration loyal to Mogadishu. Months of heavy fighting between Somaliland’s forces and clan militias devastated Las Anod and displaced tens of thousands. By August, local fighters had expelled Somaliland’s army from all of Sool.

Meanwhile, Abdirashid Yusuf Jibril (Abwaan) was elected vice president of the Northeast State administration by a majority vote, after the absence of other registered candidates cleared the way for his unopposed victory.

The Somali Federal Government soon recognized the new administration, clearing the way for Saturday’s presidential election.

Firdhiye’s election is seen as a political win for Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud. Reports indicate strong backing from Villa Somalia, the presidential palace in Mogadishu, during the process. Firdhiye is said to be a member of Mohamud’s JSP party.

By supporting Northeast State, Mogadishu reinforces its federalist model while undermining Somaliland, which has claimed independence since 1991 but has yet to gain international recognition. The emergence of the Northeast State effectively shrinks Somaliland’s territory and complicates its decades-long quest for statehood.

Still, challenges loom for President Firdhiye. He must oversee the rebuilding of a city shattered by war, set up functioning government institutions, and stabilize security in a fragile region.

Xasan Sheekh iyo Xamza oo war kasoo saaray guusha Firdhiye iyo Abwaan

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo war kasoo saaray doorashadii maanta ka dhacday magaalada Laascaanood ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee maamul-goboleedka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdirishiid Yuusuf Jibriil.

Ugu horreyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey bisaylka ay muujiyeen Xildhibaannada, Guddoonka iyo musharraxiinta Madaxtinimada ee ku loollamay Waqooyi Bari Soomaaliya, isaga oo ku dhiirogeliyay tallaabada ay qaadeen.

Sidoo kale wuxuu Alle uga rajeeyey Hoggaanka la doortay in uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda culus ee hortaalla.

“Waxaan u rajeynayaa Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil in uu ka yeelo hoggaan mideeya bulshada Waqooyi Bari, kana shaqeeya nabadda, horumarka iyo dowladnimada. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay in ay garab istaagto dowlad-goboleedka si wadajir loogu xaqiijiyo dhammaystirka Federaaleynta” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku adkeeyey bulshada iyo hogaanka cusub ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari in ay adkeeyaan midnimada, wadajirka iyo iskaashiga, si looga gudbo caqabadaha jira loona gaaro horumar waara.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Awcali (Firdhiye), iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, isaga oo sheegay in doorashadooda ay muujinayso biseyl siyaasadeed iyo dadaalka shacabka Waqooyi Bari ay ugu jiraan helitaanka adeeg dowladeed oo dhammeystiran.

Xamza ayaa sidoo kale xusay in xukuumaddiisa ay dadaal badan gelisay xoojinta nidaamka dowladnimada iyo horumarinta hannaanka Federaaleynta dalka maantana la gaaray miro-dhalka dadaalladaasi.

Guusha Firdhiye iyo Abwaan oo la fahamsan yahay inay lug lahayd Villa Somalia ayaa si weyn loo dareemay, waxaana durbo Laascaanood ka bilowday dabaal-degyo waawayn iyo damaashaad farxadeed.

Si kasta ha’ahaatee, tallaabadan ayaa loo arkaa fursad kale oo muhiim ah oo ay heshay Villa Somalia, maadaama maamul taabacsan ay ka aas aastay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Finland suspends Somalia aid over deportation dispute

HELSINKI, Finland – Finland has suspended its development aid program for Somalia in an effort to pressure Mogadishu into accepting more deported Somali nationals, including those convicted of crimes.

The new policy links humanitarian funding directly to Somalia’s cooperation on deportations. It was confirmed by Finland’s Minister for Development Cooperation and Foreign Trade, Ville Tavio, who framed the decision as a matter of fairness.

“I think it’s fair that an administration that doesn’t welcome its own citizens doesn’t get development funding either,” Tavio said. He added that aid would only resume once “tangible progress” is made on the readmission of Somali citizens from Finland.

The freeze, which began in November 2024, halts new spending under Finland’s Somalia Country Programme—worth about €8 to €9 million ($8.6 to $9.7 million) annually—but does not affect ongoing projects, emergency humanitarian aid, or grants to NGOs.

The move reflects pressure from the right-wing Finns Party, a key member of the governing coalition, which has pushed for stricter immigration rules.

A coordinated diplomatic push

Although the foreign ministry manages aid, Finland’s interior ministry is spearheading efforts to secure a returns agreement.

Interior Minister Mari Rantanen visited Mogadishu in January to meet Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre. In June, Somali Minister of Internal Security Abdullahi Sheikh Ismail traveled to Helsinki for follow-up talks.

“It is of great importance for Finland to build functional return procedures with Somalia,” Rantanen said, noting progress in negotiations.

So far in 2025, Finnish police have returned 11 Somali nationals. Authorities estimate that between 100 and 200 Somalis remain subject to deportation, with 128 removal orders issued this year alone. Most involve rejected asylum seekers or individuals convicted of crimes.

Under Finnish law, a single criminal conviction with a maximum sentence of at least one year can be grounds for deportation. Finnish broadcaster Yle reported that Tavio informally suggested a target of at least 100 accepted returns before aid might be restored.

Part of a wider European trend

Finland’s approach mirrors a broader hardening of migration policies across Europe:

Sweden: Backed by the far-right Sweden Democrats, the government deported eight Somalis this summer, with 15 more scheduled for removal, under some of the strictest immigration laws in decades.

Germany: Authorities are expelling Somali nationals convicted of serious crimes, citing public safety.

Ireland: Dublin has tightened border checks after an influx of asylum seekers, including Somalis, crossing from the UK—reportedly to avoid London’s plan to send migrants to Rwanda.

For Somalia, the issue is politically sensitive. Authorities in Mogadishu have cited fragile security conditions and reluctance to accept deportees with criminal records. Ongoing conflict with al-Shabaab militants complicates the reintegration of returnees.

Finland hosts a Somali community of around 20,000 people, long considered part of the country’s social fabric. Despite the aid freeze, officials in Helsinki insist that bilateral relations remain broadly positive. To support cooperation, Finland is funding a small project aimed at strengthening Somalia’s immigration and border control agency.

Cairo rejects Ethiopia’s protest over Somali troop mission

CAIRO, Egypt – An Egyptian lawmaker on Friday defended Cairo’s decision to send troops to Somalia under an African Union mandate, insisting the move is both legal and at the request of Mogadishu, while brushing aside Ethiopia’s objections as an attempt to “provoke instability.”

The deployment highlights a new front in the long-running rivalry between Cairo and Addis Ababa, shifting disputes over water rights and regional influence into Somalia’s fragile security arena.

Mustafa Bakri, a member of Egypt’s parliament, told reporters the decision was fully sanctioned. “It came at the request of the Somali government and with the approval of the African Union’s Peace and Security Council, which gives it full legitimacy,” he said.

He dismissed Ethiopia’s criticism as “unacceptable” and designed to stir conflict, stressing that Egypt’s move is not connected to the bitter dispute over the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) on the Blue Nile.

The remarks came days after Somalia announced, on August 26, that Egyptian troops would soon join the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM). Somalia’s Defense Ministry said the units, trained in Cairo, will be deployed in Hiiraan, Lower Shabelle, and Gedo—key battlegrounds in the fight against al-Shabaab.

A war of words

Ethiopia, which already has thousands of troops in Somalia under its own deal with Mogadishu and as part of the AU mission, has strongly opposed Egypt’s involvement.

Earlier this week, Ethiopia’s ambassador to Somalia, Suleyman Dedefo, issued a blunt warning on Somali broadcaster Universal TV. “We are greatly concerned. We are not those who are afraid or feel threatened, and we can defend ourselves,” he said.

He questioned Egypt’s intentions and credibility as a peacekeeper. “We know that Egypt will not contribute to solving Somalia’s security challenges. The Egyptian army does not have a significant history of international peacekeeping,” Dedefo argued, pointing to Cairo’s lack of involvement in crises in Sudan and Libya.

The flare-up comes against the backdrop of two intertwined conflicts.

The most immediate is the collapse in relations between Somalia and Ethiopia. Tensions spiked in January 2024 when Ethiopia struck a controversial deal with Somaliland, the breakaway region Somalia claims as part of its territory. The pact would give Ethiopia a 50-year lease on a naval base and commercial port in exchange for potentially recognizing Somaliland’s independence.

Somalia branded the deal illegal, prompting Mogadishu to seek new allies—including a defense pact signed with Egypt the same month.

That dispute has folded into the broader rivalry between Egypt and Ethiopia. The two countries have spent more than a decade locked in a battle over the GERD, which Egypt fears threatens its critical share of Nile water.

President Abdel Fattah el-Sisi has framed Cairo’s new role in Somalia as part of a wider effort to safeguard Arab and regional stability, particularly the Red Sea—a vital maritime corridor leading to the Suez Canal.

Strategic stakes

Egyptian troops will now enter a zone long dominated by Ethiopian forces, at a moment when the AU’s larger Transition Mission in Somalia (ATMIS) is being wound down and replaced by the leaner AUSSOM.

For Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud, the partnership with Egypt provides not only troops on the ground but also valuable diplomatic leverage against Addis Ababa. For Egypt, it secures a strategic foothold in the Horn of Africa and a new way to counter its main regional rival.

Bakri warned that Ethiopia’s continued defiance could worsen tensions. “Ethiopia does not want Egypt to play a significant role in the Horn of Africa,” he said, cautioning that Addis Ababa’s stance risked pushing the two countries closer to confrontation.

ICE detains Somali-American leader Omar Jamal

MINNEAPOLIS, Minnesota – Omar Jamal, a prominent Somali-American community leader long seen as a bridge between Minnesota’s Somali diaspora and law enforcement, has been detained by U.S. Immigration and Customs Enforcement (ICE) agents in downtown Minneapolis.

Jamal, 52, was arrested on Friday, August 29, 2025, and is being held at Freeborn County Jail in Albert Lea, a facility used to house federal immigration detainees.

Jamal arrived in the United States more than two decades ago as a refugee fleeing civil war and famine in Somalia. In Minnesota, which is home to the largest Somali population in the United States, he became a highly visible advocate.

He served as executive director of the Somali Justice Advocacy Center, a nonprofit organization that aimed to assist immigrants in navigating the legal system. Over the years, he became a go-to source for journalists on topics ranging from police shootings to terrorism investigations involving Somali-Americans.

“Omar has been a respected Somali-American civic leader who spent years advocating for public safety, interfaith cooperation, and stronger ties between law enforcement and immigrant communities,” his attorney, Abdiqani Jabane, said in a statement.

In 2020, Jamal was hired by the Ramsey County Sheriff’s Office as a civilian community service officer. His role, according to county officials, was to improve communication between law enforcement and immigrant residents.

“He’s done a great job in that role,” said Steve Linders, a spokesman for the Sheriff’s Office. “He has played an integral role in helping us liaise with the Somali community in Minnesota.”

Why he was arrested

Jamal’s legal troubles date back to 2005, when he was convicted of immigration fraud in Tennessee and sentenced to one year of probation. His conviction triggered a referral to federal immigration authorities. Though his appeal was denied, he remained in the country.

In 2011, Jamal was issued a final order of removal but was not deported. That order remains active, according to the Department of Homeland Security (DHS).

On Friday, ICE agents acted on the order, detaining Jamal in Minneapolis. DHS officials confirmed the arrest, citing his criminal record.

“Under the Trump administration, America is no longer a safe haven for the world’s criminals,” a DHS spokesperson said in a statement to local media. “Mr. Jamal’s history includes assault, a restraining order issued by a court, three counts of fraud, and two counts of making a fraudulent statement. He was ordered removed in 2011.”

Jamal’s attorney, Jabane, strongly disputed the portrayal, stressing his client’s decades of community service.

“Mr. Jamal has devoted decades to serving Minnesota’s Somali-American community and strengthening trust with law enforcement,” Jabane said. “We are engaged with ICE and will pursue all lawful remedies to protect his rights and secure his release.”

He added that Jamal’s detention came as a shock to many community members, who have seen him work directly with police and government officials on public safety initiatives.

A divisive figure

While Jamal has often been praised by law enforcement and civic leaders, his prominence has not been without controversy. Some Somali-Americans have questioned whether he truly represented their views, while others accused him of being too close to government agencies during periods of heightened scrutiny on immigrant communities.

Still, his defenders say he has been a consistent voice for dialogue during tense times, including after high-profile police shootings and during federal counterterrorism investigations involving Somali youth.

“He was always the one who stood up to explain things to the media and to the government,” said a Somali-American elder in Minneapolis who asked not to be named. “Even if people disagreed with him, he was there when the community needed someone to speak.”

Minnesota is home to the largest Somali population outside Africa, with estimates ranging from 70,000 to 100,000 people, concentrated in the Twin Cities. Many arrived as refugees during and after Somalia’s civil war in the 1990s and early 2000s.

Community leaders like Jamal have played a crucial role in helping new arrivals navigate housing, education, immigration paperwork, and relations with law enforcement.

His detention has therefore raised concerns about what message it may send. “When someone who has worked so hard to build bridges is suddenly arrested, it shakes people’s trust,” said the same community elder.

As of Friday evening, ICE had not explained why it acted now on Jamal’s 2011 deportation order. He remains in federal custody at Freeborn County Jail while his attorney prepares to challenge the detention.

The case highlights the tension between old deportation orders and years of community service. For many Somali-Americans in Minnesota, Jamal’s detention underscores the precarious position of immigrants who, despite building long lives in the United States, remain vulnerable due to past legal issues.

“His record is clear, but so is his service,” Jabane said. “We will continue to fight for him.”

Madaxweynaha cusub iyo madaxweyne ku-xigeenka Waqooyi Bari oo la doortay

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa goordhow doortay Madaxweynaha cusub ee maamulkas, kadib doorasho maanta ka dhacday gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana kusoo baxay Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) oo maamulkan kasoo saaray kumeel-gaarnimada.

Doorashada oo ahayd mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartamay illaa 5 musharrax, waxaase waeegga labaad usoo gudbay Cabdulqaadir Firdhiye iyo Cabdirsiaaq Khaliif oo isagu inta aanu bilaaban tartanka wareegga labaad isaga baxay hoolka, kadib markii uu musharrax Jamaal Maxamed Xasan codadkiisii u wareejiyay dhanka Firdhiye, hayeeshee codeynta oo uu sii waday Baarlamaanka ayaa waxaa ugu dambeyn cod aqlabiyad leh kusoo baxay Cabdulqaadir Firdhiye oo mar kale 5 sano ee soo socoto hoggaamin doono maamulka.

Sida uu shaaciyay guddoomiyaha Baarlamaanka Madaxweynaha cusub ee la doortay Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) ayaa helay 62 cod, halka musharraxa kale ee laga adkaaday uu iska helay 18 cod. “Madaxweynaha dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee 5-ta sanno ee soo socota waa Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye)” ayuu yiri guddoomiyaha oo ku dhawaaqay natiijada doorashada.

Guusha Firdhiye ayaa si weyn loo dareemay, waxaana durbo Laascaanood ka bilowday dabaal-degyo waawayn oo lagu soo dhaweynayo doorashada uu kusoo baxay Firdhiye.

Hoggaamiyahan oo hadda ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP ayaa waxaa gadaal ka reexeysay Villa Somalia oo galaangal xooggan ku leh doorashada Waqooyi Bari.

Dhinaca kale waxaa isna madaxweyne ku xigeenka maamulka Waqooyi Bari loo doortay  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan) oo isna kusoo baxay cod aqlabiyad leh, kadib markii ay soo xaadiri waayeen musharrixiintii kale ee isku diiwaangeliyay doorashada maanta.

Abwaan ayaa helay 65 cod, kadib markii la sameeyay codeyn gacan taag ah, sida uu sheegay guddoomiye Aadan Cabdullaahi Aw-Xassan oo ku dhawaaqay natiijada.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo xalay bandow xooggan lagu soo rogay guud ahaan Laascaanood, inta ay socoto doorashada, si loo sugo amniga guud. Ciidamada ayaa sidoo kale isku wareejiyay goobta ay ka dhaceyso doorashada iyo waddooyinka muhiimka ah, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada.

Hogaamiye ka tirsan bulshada Soomaalida Minnesota oo ay xireen ciidamada tarxiilka

Minneapolis (Caasimada Online) – Cumar Jamaal, oo muddo dheer ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, ayaa Khamiistii lagu xiray bartamaha magaalada Minneapolis, kaddib markii ay qabteen saraakiil ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (U.S. Immigration and Customs Enforcement – ICE).

Wuxuu hadda ku xiran yahay xabsiga Freeborn County ee magaalada Albert Lea, oo loo adeegsado xarun lagu hayo dadka ay qabtaan ICE, sida uu sheegay qareenkiisa, Abdiqani Jabane.

Illaa fiidnimadii Jimcaha, mas’uuliyiinta ICE weli ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xarigga Jamaal, mana cadda sababta dhab ahaantii keentay tallaabada la qaaday Khamiistii.

Cumar Jamaal, oo 52 jir ah, ayaa dalka Mareykanka soo galay in ka badan 20 sano ka hor isagoo qaxooti ahaan uga soo cararay abaarihii iyo dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, wuxuuna tan iyo xilligaas ahaa waji caan ka ah jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota.

Qareenkiisa Jabaane ayaa ku sifeeyay “hoggaamiye bulsho oo Soomaali-Mareykan ah oo tixgelin leh,” kaasoo sannado badan u soo halgamayay amniga guud, is-dhexgalka diimaha, iyo adkeynta xiriirka ka dhexeeya laamaha ammaanka iyo bulshooyinka soo-galootiga ah.

Diiwaannada maxkamaddu waxay caddeynayaan in Cumar Jamaal sannadkii 2005-tii lagu helay dembi ku saabsan wax isdaba marin dhinaca socdaalka ah, xilligaas oo uu ku sugnaa gobolka Tennessee. Waxaa lagu xukumay hal sano oo kormeer shuruudeysan ah (probation), iyadoo amarka maxkamaddu uu dhigayay in loo gudbiyo hay’adaha socdaalka ee federaalka si looga baaraandego in la tarxiili karo. Racfaan uu ka qaatay xukunkaas waa laga diiday, balse wuxuu sii degganaa dalka Mareykanka.

Markii uu yimid Minnesota, Jamaal wuxuu ku soo shaac baxay jagada agaasimaha fulinta ee Xarunta U doodista Caddaaladda Soomaalida (Somali Justice Advocacy Center), oo ah urur aan macaash doon ahayn oo ujeeddadiisu ahayd inuu Soomaalida ka kaalmeeyo hannaanka sharciga ee dalka.

Wuxuu noqday shakhsi ay joogto u ahaayeen warbaahinta maxalliga ahi, isagoo ka faalloon jiray mowduucyo xasaasi ah sida toogashooyinka ay boolisku geystaan iyo baaritaannada argagixisada ee heer federaal.

Inkastoo qaar ka tirsan jaaliyadda ay su’aal gelin jireen inuu matalo iyo in kale, Cumar Jamaal wuxuu marar badan ku adkeystay in howshiisu ay tahay oo keliya inuu gacan siiyo dadka la daalaa dhacaya arrimaha socdaalka ama laamaha sharciga.

Sannadkii 2020, Jamaal wuxuu ka mid noqday Xafiiska Sheriff-ka Degmada Ramsey, isagoo qabtay xilka sarkaal rayid ah oo qaabilsan adeegga bulshada. Steve Linders, oo ah afhayeenka waaxdaas, ayaa Jimcihii sheegay in Jamaal uu ka soo baxay “door aas-aas u ahaa isku xirka anaga iyo jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota, oo ah tan ugu ballaaran ee ku nool dalka.”

“Shaqo heersare ah ayuu ka qabtay doorkaas,” ayuu Linders hadalkiisa ku daray.

Masar oo jawaab kulul ka bixisay diidmada Itoobiya ee ciidanka ay keeneyso Somalia

Qaahira (Caasimada Online) – Xildhibaan Masaari ah ayaa sheegay Jimcihii in go’aanka Qaahira ay ciidamo ugu direyso Soomaaliya, kuwaas oo ka tirsan howlgalka xasilinta ee Midowga Afrika, uu yahay mid sharci ah oo ay si buuxda u taageersan yihiin Muqdisho iyo Midowga Afrikaba, isagoo meesha ka saaray diidmada Ethiopia oo uu ku tilmaamay isku day xiisad lagu abuurayo.

Mustafa Bakhri, oo ka tirsan baarlamaanka Masar, ayaa u sheegay weriyeyaasha in dirista ciidamada “ay ku timid codsi ka yimid dowladda Soomaaliya iyo oggolaanshaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, taasoo siinaysa sharciyad buuxda.”

Wuxuu sheegay in dhaleecaynta Ethiopia “ay tahay mid aan la aqbali karin oo kaliya looga gol leeyahay in lagu kiciyo xasillooni darro.”

Hadalladan ayaa daba socda war ay Soomaaliya soo saartay 26-kii Agoosto, kaasoo lagu sheegay in ciidamo Masaari ah ay ku biiri doonaan Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) toddobaadyada soo socda.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in cutubyadaasi ay tababar ku soo qaateen magaalada Qaahira, isla markaana la dejin doono gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose, iyo Gedo, halkaasoo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa xulafada la ah ay kula dagaallamayaan dagaalyahannada al-Shabaab.

“Ciidamada Masar waxay taageero toos ah siin doonaan ololaha Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyagoo isla markaana xoojinaya xasiloonida dowladda,” ayuu yiri Bakhri, isagoo ku nuux-nuuxsaday in ka qaybgalka Qaahira uusan xiriir la lahayn muranka kala dhexeeya Ethiopia ee ku saabsan Biyo-xireenka Weyn ee Ethiopia.

Horraantii toddobaadkan, Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya, Suleyman Didefo, ayaa u sheegay telefishinka Soomaaliga ee Universal TV in dowladdiisu ay ka soo horjeeddo geynta ciidamada Masar, isagoo sheegay in Addis Ababa ay “si weyn uga walaacsan tahay” qorshahaas.

Danjiraha ayaa tilmaamay in Itoobiya aysan wax cabsi ah ka qabin haddii la keeno ciidanka Masar, wuxuuna diray farriin cad oo uu ku sheegay inay awood u leeyihiin inay is difaacaan goor kasta.

“Annagu ma nihin kuwa cabsi qaba ama dareemaya khatar, waana awoodnaa inaan is difaacno,” ayuu wareysiga ku yiri Danjire Suleyman Dedefo.

“Waxaan ognahay in Masar aysan wax taageero ah ka geysan doonin xasilinta caqabadaha amni ee Soomaaliya. Suudaan waa dal daris la ah Masar, haddana kama aysan helin wax kaalmo ah. Libya sidoo kale waa daris, iyaduna kama aysan helin caawimaad. Ciidanka Masar ma laha taariikh muuqata oo nabad-ilaalin caalami ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ka qaybgalka Masar waxaa oggolaaday Midowga Afrika dabayaaqadii 2024-kii, kaddib wadahadallo lala yeeshay mas’uuliyiinta Soomaaliya, waxaana si rasmi ah loogu meel mariyay heshiis amni oo labo geesood ah oo la saxiixay bishii Janaayo.

Bishii Luulyo, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Masar kula kulmay Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi, halkaasoo ay Qaahira ku ballanqaadday inay kordhinayso tababarka iyo hubeynta ciidamada Soomaaliya, ayna soo saartay digniin ka dhan ah tallaabooyinka loo arko inay halis gelinayaan amniga Badda Cas.

Xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa cirka isku shareertay bishii Janaayo 2024 markii Addis Ababa ay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Somaliland, kaasoo siinaya marin badeed ay isticmaasho dekad iyo saldhig ciidan badeed, iyadoo beddelkeeda laga yaabo in la aqoonsado madax-bannaanida Somaliland.

Muqdisho ayaa si degdeg ah heshiiskaas ugu tilmaantay xadgudub sharci-darro ah oo ka dhan ah madax-bannaanideeda, waxayna ku hanjabtay inay eryi doonto ciidamada Ethiopia. Dalka Turkiga ayaa markii dambe dhex-dhexaadiyay Baaqii Ankara bishii Diseembar, kaasoo lagu soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadeed.

Dhinaca Masar, ka qaybgalka howlgalka xasilinta Soomaaliya waa mid ay ku muujinayso garab istaagga ay la garab taagan tahay Muqdisho iyo sidoo kale qayb ka ah istiraatiijiyaddeeda ballaaran ee Badda Cas.

Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi wuxuu ka digay in damaca Ethiopia ee dhinaca badda uu khatar ku yahay amniga gobolka, gaar ahaan marinnada maraakiibta ee gala Kanaalka Suweys. Dhanka kale, Soomaaliya waxay isku dayday inay isku dheellitirto xiriirkeeda, iyadoo soo dhoweysay taageerada Masar, balse ku adkaysanaysa inaan lagu soo jiidi doonin siyaasadda Webiga Niil.

Diidmada Ethiopia waxay salka ku haysaa loollan juquraafi-siyaasadeed oo soo jireen ah oo kala dhexeeya Masar. Qaahira iyo Addis Ababa waxay sanado badan isku khilaafsanaayeen Biyo-xireenka Weyn ee Ethiopia (GERD), kaasoo Masar ay ka cabsi qabto inuu xaddidi doono saami-qaybsigeeda biyaha Webiga Niil. Xiisadda ayaa sii qoto dheeraatay bishii Janaayo 2024 kaddib heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhex maray Ethiopia iyo Somaliland.

Bakhri wuxuu ka digay in iska caabbinta joogtada ah ee Ethiopia ay kordhin karto halista isku dhacyo. “Ethiopia ma rabto in Masar ay door muhiim ah ka ciyaarto Geeska Afrika,” ayuu yiri.

Turkiga oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan Israa’iil

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay, xilli uu baarlamaanka khudbad uga jeedinayay xasaradda Gaza, in Ankara ay hawadeeda ka xiratay diyaaradaha rasmiga ah iyo kuwa militariga ee Israel.

“Gebi ahaanba waxaanjarnay xiriirkeennii ganacsiga ee aan la lahayn Israel. Waxaan dekedaheena ka xirnay maraakiibta Israel, mana u oggolin in maraakiibta Turkiga ay ku xirtaan dekedaha Israel. Ma jiro dal kale oo si buuxda xiriirka ganacsiga ugu jaray Israel sida aan annagu yeelnay,” ayuu yiri Fidan.

“Waxaan ka mamnuucaynaa maraakiibta konteenarrada ee u sida hubka iyo rasaasta Israel inay soo galaan dekedaheena, sidoo kalena uma oggolin diyaaradaha Israel inay isticmaalaan hawadeena sare.”

Ku dhawaaqista Fidan ee siyaasadda duulimaad-la’aanta ee ka dhanka ah diyaaradaha Israel ayaa la yaab ku noqotay dad badan oo ku sugan Ankara. Si kastaba ha ahaatee, saraakiil Turki ah oo la hadlay warbaahinta Middle East Eye, oo codsaday inaan magacooda la shaacin, ayaa caddeeyay in Turkigu uu horeyba hawadiisa uga xiray duullimaadyada rasmiga ah iyo kuwa militariga ee Israel dabayaaqadii sanadkii 2023-kii.

Illo wareed kale oo Turki ah oo arrintan la socday ayaa sheegay in diyaaradaha caalamiga ah ee ganacsiga ee ku wajahan Israel ay weli awoodi doonaan inay isticmaalaan hawada Turkiga, isagoo beeniyay warbixinno lagu daabacay warbaahinta Israel iyo Turkiga.

Sida uu sheegay il-wareedka, diyaaradaha rasmiga ah, kuwa militariga, iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Israel ayaa muddo dheer laga mamnuucay hawada Turkiga, balse aan la qaadin wax tallaabooyin cusub ah oo looga hor istaagayo duullimaadyada ganacsiga ee shisheeye inay isticmaalaan.

Sarkaal labaad oo Turki ah ayaa xusay in mas’uuliyiinta Turkigu ay bishii November hor istaageen duullimaadkii madaxweynaha Israel, Isaac Herzog, ee uu ku tegi lahaa Azerbaijan.

“Waxaan si joogto ah u diideynay codsiyada duullimaadyada rasmiga ah ee Israel muddo aad u dheer,” ayuu yiri sarkaalkaasi.

Fidan ayaa tallaabooyinkan ku sababeeyay inay jawaab u yihiin falalka Israel ee Gaza, daandaansiga ay ka waddo Masaajidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus, iyo rabshadaha joogtada ah ee dadka deegaanka ee Yuhuudda ay ka wadaan Daanta Galbeed ee la haysto.

Horaantii toddobaadkan, Fidan wuxuu sidoo kale ugu baaqay dalalka Islaamka inay ku dadaalaan in Israel laga joojiyo ka qaybgalka shirarka iyo hawlaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

“Waa inaan mideynaa dadaalkeenna si aan u joogteyno una ballaarino dardarta lagu doonayo aqoonsiga Falastiin, iyadoo sidoo kalena aan hindise ka bilowno Qaramada Midoobay oo lagu doonayo xubinnimada buuxda ee Falastiin. Intaa waxaa dheer, waa inaan ka fikirnaa in Israel laga joojiyo hawlaha Golaha Guud,” ayuu yiri isagoo ka hadlayay shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka.

Turkigu wuxuu dhowaan soo rogay xayiraado dheeri ah oo saaran maraakiibta ay leedahay Israel iyo kuwa xiriirka la leh, isagoo ka mamnuucay inay ku soo xirtaan dekedaha Turkiga.

Tallaabooyinkan dhinaca maraakiibta ah ayaa daba socda ku dhawaaqistii Ankara ee bishii hore ee lix cunaqabataynood oo ka dhan ah Israel, kuwaasoo waafaqsan bayaan wadajir ah oo ka soo baxay Kooxda The Hague (The Hague Group) ee ka dhashay Shirkii Degdegga ahaa ee Falastiin ee lagu qabtay Bogota.

Xiriirka Turkiga iyo Israel ayaa si weyn u xumaaday tan iyo sannadkii hore, markii uu Turkigu ku biiray dacwaddii South Africa ay ka gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, taasoo Israel ku eedeysay xasuuq. Tan iyo xilligaas, Ankara waxay si isa soo taraysa u isticmaashay fagaarayaasha caalamiga ah si ay u dhisto isbahaysi ka dhan ah xasuuqa ay Israel ka waddo Gaza.

Kulamo xasaasi ah oo dhex-maray madaxda DF iyo wafdiga Jabuuti + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa haatan kulamo xasaasi ah la yeeshay wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar oo maalmahaan safar shaqo ku joogay dalka, kadib booqasho rasmi ah oo ay ku yimaadeen maalitii Khaamiistii ahayd ee lasoo dhaafay.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal ee walaalaha ah, iskaashiga amniga, horumarinta ganacsiga iyo isu-socodka bulshada.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Dhaay iyo safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti Salaad Cali Jeelle, halka wasiir Cabdulqaadir Xuseen uu wehlinayay safiirka Jabuuti ee Soomaaliya iyo madax kale.

Saalax Axmed Jaamac oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti booqashada uu ku yimid dalka, isaga oo sidoo kale xusay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka reer Jabuuti dib u dhiska Soomaaliya.

Wasiirka ka socda Jabuuti ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku qaabilay qasriga madaxtooyada, waxayna ka wada-hadleen arrimo xasaas ah.

Intii uu kulanka socday, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wasiirka la wadaagay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dadaallada socda ee dib u dhiska, horumarinta iyo howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta Daacish iyo Al-Shabaab, isaga oo uga mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Jabuuti hiilka walaalnimo ee ay la garabtaagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Dhankiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay salaan iyo dhambaal uu ka siday dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa kale kulanka Sidoo kale agu soo qaaday in la sii xoojiyo xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti ka dhexeeya kaas oo ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi qotodheer, gaar ahaan dhinacyada amniga, iyo arrimaha gobolka.

Xogta duqeyn culus oo ka dhacday xadka Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn culus oo xalay diyaaradaha dagaalka saaxibada caalamiga ah ay nka fuliyeen xaduuda gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, taas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa lasoo wariyay inay si gaar ah uga dhacday aagga deegaanka Hareera Culusow oo xilligan ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Khawaarijta.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in duqeyntan lagu garaacay saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal sar sare.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sidoo kale laga soo xigtay in weerarka lagu dilay xubno badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku uruursanayeen halkaasi, balse ma shaacin tirada rasmiga ah ee la khaarijiyay.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu intaasi ku daren in cagta la mariyay xarumo muhiim ah oo ay kooxda ku lahayd hakaasi, kana soo maleegeysay weeraro qorsheysan oo laga hortegay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqa laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe oo muddooyinkan ay ka socdeen howlgallo lagu cuuryaaminayo kooxaha argagixisada ee ku sugan labadaas gobol.

Waxaa kale oo dhaq-dhaqaaqyo kuwaan lamid ah ay ka socdaan gobolka Hiiraan oo iyana ay soo galeen Al-Shabaab badan, kadib markii ay qabsadeen degmooyin muhiim ah oo ka tirsan gobolkaasi, waxaana kamid ah Maxaas iyo Moqokori oo ay weli gacanta ku hayaan.

Si kastaba, koonfuta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka socda dagaallo xooggan oo ay iska kaashaanayaan ciidamada dowladda iyo shacab hubeysan oo la baxay Macawiisley, dagaalkaas oo ka dhan ah kooxda Shabaab, laguna xoreeyay dhul ballaaran.

Firdhiye iyo Cabdirisaaq Khaliif oo isugu soo haray doorashada Waqooyi Bari

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa goordhow lasoo gabagabeeyay tirinta coadka wareegga 1-aad ee doorashada maamulka Waqooyi Bari, waxaana codadka la dhiibtay illaa iyo hadda ku horreeyo Madaxweynaha hadda talada haya Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye).

Sida uu shaaciyay guddoonka Baarlamaanka Fidhiye oo wareeggan hoggaaminayo ayaa helay 36 cod, halka musharraxa labaad uu noqday Cabdirisaaq Khaliif oo isna helay 20 cod.

Wareegga koowaad waxaa ku haray saddexda musharrax ee kala ah Jamaal Maxamed  Xasan oo helay 15 cod, Cabdirashiid Macallin Faarax oo helay 4 cod iyo Maxamuud Yuusuf Xasan oo isna helay 8 cod.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa waxaana la guda galay doorashada wareegga labaad oo lagu kala saari doono Firdhiye iyo Khaliif oo ninka soo baxa uu hoggaamin doono maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kadib kusii xigi doonto doorashada madaxweyne ku xigeenka maamulka, waxaana ku tartami doono 5 musharraxa oo kale, kuwaas oo kala ah Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), Cumar Daahir Xasan, Cabdirisaaq Maxame Jaamac, Cabdisataar Sheekh Cismaan Cumar (Dhagacadde) iyo Maxamed Cabdi Bulaale.

Dhinaca kale, ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo xalay bandow xooggan lagu soo rogay guud ahaan Laascaanood, inta ay socoto doorashada, si loo sugo amniga guud.

Ciidamada ayaa sidoo kale isku wareejiyay goobta ay ka dhaceyso doorashada iyo waddooyinka muhiimka ah, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada.

Dalkii u horreeyey ee Afrika ah oo qaabilay muhaajiriinta laga soo tarxiilayo Mareykanka

Kigali (Caasimada Online) – Dowladda Rwanda ayaa Khamiistii ku dhawaaqday in toddoba muhaajiriin ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka ay soo gaareen dalkaas bishan Agoosto, xilli ay dhowaan labada dal kala saxiixdeen heshiis oggolaanaya in Kigali ay qaabisho illaa 250 qof.

Afhayeenka dowladda Rwanda, Yolande Makolo, ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in “kooxdii ugu horreysay ee toddoba muhaajiriin ah oo si rasmi ah loo hubiyey ay soo gaareen Rwanda bartamihii Agoosto.”

“Saddex qof oo ka mid ah muhaajiriintan waxay muujiyeen rabitaan ah in dib loogu celiyo dalalkooda hooyo, halka afarta kalena ay doonayaan inay nolol cusub ka dhistaan Rwanda. Iyadoo aan loo eegin baahiyahooda kala duwan, dhammaan waxay heli doonaan taageero iyo ilaalin ku habboon oo ka timaadda dowladda Rwanda,” ayay raacisay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qaaday siyaasad adag oo socdaalka la xiriirta, isagoo ku hanjabay inuu tarxiili doono malaayiin qof oo sharci-darro ku jooga dalkaas, isla markaana ku dadaalaya in muhaajiriinta qaarkood loo raro dalal saddexaad.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Khamiistii sheegay in wixii faahfaahin ah ee la xiriira masaafurinta bishan loo gudbiyey Rwanda ay khuseyso dowladda Kigali, isaga oo ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo wada-hadallada diblomaasiyadeed ee Washington la yeelatay dowladaha kale.

“Dhaqan-gelinta siyaasadaha socdaalka ee maamulka Trump waa mudnaanta koowaad ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Sida uu sheegay Xoghaye Rubio, weli waxaan u heellan nahay in aan soo afjarno socdaalka sharci darrada ah iyo socdaalka baahsan, isla markaana aan xoojino ammaanka xuduudaha Mareykanka,” ayuu yiri afhayeenka.

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi falcelin oo arrintan la xiriira.

Bilowgii Agoosto ayay Rwanda iyo Mareykanku kala saxiixdeen heshiis dhigaya in Kigali ay qaabisho illaa 250 muhaajiriin ah, iyadoo Washington ay dirtay liiska 10 qof oo la baaray in lagu bilaabo.

Sanadihii la soo dhaafay, Rwanda waxay isu muujisay in ay tahay meel ay dejin karaan muhaajiriinta ay dalalka reer Galbeed doonayaan inay ka saaraan dhulkooda, inkasta oo hay’adaha xuquuqda aadanaha ay walaac ka muujiyeen in Kigali aysan si buuxda u dhowrin xuquuqda aasaasiga ah.

Maamulka Trump ayaa ku dooda in tarxiillada loo raro dalalka saddexaad ay dedejiso ka saarista muhaajiriinta, gaar ahaan kuwa dambiyada galay ee aan si fudud loogu celin karin dalalkooda hooyo isla markaana loo arko khatar ku wajahan bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, mucaaradku waxay siyaasaddan ku tilmaameen mid “naxariis darro iyo khatar ah,” maadaama dadka lagu celin karo dalal ay ka jirto rabshad ama colaado, isla markaana aysan lahayn wax xiriir bulsho ama aysan ku hadlin luqadda dalkaas.

Makolo ayaa bishan horaanteedii sheegtay in, heshiiska Washington lala galay kadib, muhaajiriinta loo soo tarxiilo Rwanda lagu siin doono tababaro shaqo, adeegyo caafimaad iyo hoy.

Khamiistii, waxay mar kale xaqiijisay in dadkaas ay la socdaan hay’ad caalami ah, isla markaana ay helayaan daryeel joogto ah oo ka imanaya Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ee IOM iyo adeegyada bulshada ee dowladda Rwanda.

Yaa mudan in madaxweynaha Waqooyi Bari loo doorto Firdhiye, Jamaal iyo Khaliif?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa goordhow ka bilaabatay doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka cusub Waqooyi Bari Soomaaliya, taas oo isla maanta lasoo gabagabeyn doono.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartamaya ilaaa 5 musharrax oo isku soo taagay xilka madaxweynaha iyo 5 musharrax oo kale oo iyana u taagan madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.

Musharrixiinta ugu cad cad illaa iyo hadda xilka madaxweynaha ayaa kala ah Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye), Jamaal Maxamed Xasan iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo la filayo inay maanta ku loolamaan doorashada madaxweynaha ee ka dhaceysa Laascaanood.

Dhammaan musharixiinta ayaa xalay soo gabagabeeyay ololahooda doorashada, waxaana maanta go’aan ka gaaraya xildhibaannada Waqooyi Bari oo iyagu soo dooran doono madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa, si loo dhammeystiro maamulka Waqooyi Bari.

Doorashadan oo si weyn isha loogu ah ayaa waxaa galaangal xooggan kuleh Dowladda Federaalka oo horay waqti badan u galisay dhismaha maamulka Waqooyi Bari Somalia.

Haddaba ayaa mudan in Madaxweynaha Waqooyi Bari loo doorto Firdhiye, Jamaal iyo Khaliif?

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud: “Hogaamiyaha hadda talada haayo Cabdulqaadir Firdhiye ayaa soo bixi doono”.

Axmed Macallin Aadan: “Aniga aragtidayda waxaa mudan in la doorto Jamaal Maxamed Xasan”.

Cabdullahi Shaafici: “Ninkii usoo halgamey ee Soomaaliya ku soo darey unbaa mudan”.

Cabdinaasir Maxamed: “Ninkii Alle u qoro ayaa mudan in uu hogaamiyo”.

Aayatullah Barre: ” Waxaa soo bixi doono ina Khaliif oo aan is leeyahay waa samatabixin karaa maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Yuusuf Cadde: “Anigu koley Firdhiye cidna kuma doorsanayo wayo wuu mudan yahay inuu sii hoggaamiyo maamulka”.

Wararkii ugu dambeeyay doorashada madaxweynaha W/Bari ee maanta dhaceysa

0

Laascanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka cusub ee Waqooyi Bari Somalia, taas oo si weyn loogu loolami doono.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan ka socota gudaha magaalada, waxaana xalay laga dareemay kala jiidasho xildhibaannada ah oo iyagu maanta soo dooran doono madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa, si loo dhammeystiro maamulka.

Illaa 5 musharrax ayaa u tartameyso xilka madaxweynaha, waxayna kala yihiin Cabdulqaadir Axme Aw-Cali (Firdhiye), Jamaal Maxamed Xasan, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Rashiid Faarax Maxamuud iyo Maxamuud Yuusuf Xasan.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka iyana waxaa u tartami doono 5 musharraxa oo kale, kuwaas oo kala ah Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), Cumar Daahir Xasan, Cabdirisaaq Maxame Jaamac, Cabdisataar Sheekh Cismaan Cumar (Dhagacadde) iyo Maxamed Cabdi Bulaale.

Dhammaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa xalay ololahoodii ugu dambeeyay ka sameeyay Laascaanood, waxaana hadda lagu wadaa inay soo wada galaan howlka doorashada, si u galaan tartanka kama dambeysta ah.

Dhinaca kale, ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo xalay bandow xooggan lagu soo rogay guud ahaan Laascaanood, inta ay socoto doorashada, si loo sugo amniga guud.

Ciidamada ayaa sidoo kale isku wareejiyay goobta ay ka dhaceyso doorashada iyo waddooyinka muhiimka ah, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa galaangal xooggan kuleh Dowladda Federaalka oo horay waqti badan u galisay dhismaha maamulka Waqooyi Bari Somalia.