25.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Sweden denies Somalia aid funds reached PM’s office

STOCKHOLM, Sweden – Sweden has denied that redirected aid funds to Somalia were channelled to Prime Minister Hamza Abdi Barre’s office, after Swedish media revealed a secret migration-for-aid deal that triggered a months-long diplomatic row between Stockholm and Mogadishu.

Development Minister Benjamin Dousa (M) insisted that Swedish aid had been safeguarded and delivered through the United Nations, not directly to Somali politicians.

“No money has gone to the prime minister’s office – it has never been on the table to support politicians directly,” Dousa told SVT’s Morgonstudion on Friday. “Because of the risk of corruption, we never give direct support to politicians or the state. If money were misused, we would immediately pull the brake.”

Secret migration-for-aid deal

The denial followed revelations by Swedish Radio’s Ekot that Sweden struck a confidential agreement with Somalia in December 2023. According to the investigation, Sweden promised to transfer 100 million kronor (about $9 million) from its aid budget to a Somali-Italian trust fund in exchange for Mogadishu’s acceptance of deported Somali nationals from Sweden, including convicted criminals who had refused to leave voluntarily.

An internal email from Ambassador Joachim Waern, titled “Agreement reached,” informed Swedish officials that he had secured the deal with Prime Minister Hamza Abdi Barre.

The arrangement immediately drew opposition within Sweden’s International Development Cooperation Agency (Sida). Officials warned that placing the money in the Somali-Italian fund would give Barre’s office disproportionate control over the resources.

“It’s basically the prime minister’s fund,” said Omar Mahmood, a Somalia analyst at the International Crisis Group, who told Ekot the case highlighted Mogadishu’s attempts to gain direct authority over aid flows.

When Sweden attempted to make the transfer, the World Bank blocked part of the payment. In response, Somali officials suspended deportations, accusing Stockholm of failing to honour its side of the bargain.

The dispute escalated in early 2024 when Somalia expelled Sweden’s head of aid in Mogadishu, Anna Saleem Högberg, declaring her persona non grata. Somali sources told Ekot she was perceived as obstructing the release of the funds.

The standoff ended in May 2024, when Stockholm amended Sida’s appropriation directive, authorising the release of the remaining 60 million kronor. Instead of going to the Somali-Italian fund, the money was channelled through projects carried out under the United Nations Development Programme (UNDP) but involving the prime minister’s office. Deportations from Sweden to Somalia subsequently resumed.

Critics say the revised arrangement still increased Barre’s influence. According to SVT, about 32 million kronor was allocated to a joint project between his office and UNDP, which experts have described as a “high-risk project.”

Dousa defended the arrangement, stressing that Swedish funds remained under UN management. “When the fund builds schools or health clinics in Somalia, of course, it engages with the prime minister’s office and other ministries. In that sense, it is entirely true,” he said.

He added that Sweden had imposed its own conditions for aid and conducted close dialogue with Mogadishu through Sida and the Swedish embassy. “We have communicated our interests, and they have communicated theirs,” he said.

Antisemitism controversy

The aid dispute has resurfaced alongside fresh scrutiny of Somali leadership. On Thursday, Swedish broadcaster TV4 reported that Barre praised Hamas following its October 7, 2023, attack on Israel and, in remarks translated by SVT, referred to Jews as “descendants of apes and pigs.”

Sweden has introduced new guidelines barring aid from reaching antisemitic actors. Dousa described Barre’s comments as “horrific and appalling” but said they did not alter Sweden’s position.

“No money goes to him,” he said. “And if we could not provide aid to countries where there are extreme views or corruption, then we could hardly provide aid at all.”

Somalia, a fragile nation in the Horn of Africa, is rebuilding after decades of conflict and is one of the largest recipients of international aid. The government of Hamza Abdi Barre, appointed in 2022 by President Hassan Sheikh Mohamud, has sought greater control over external assistance, arguing that Somali institutions must oversee development priorities.

Donors, however, have long expressed concerns about corruption and weak governance. Aid experts note that Somalia consistently ranks among the most challenging environments for development work, with widespread poverty, food insecurity, and recurring droughts leading to a heavy dependence on foreign support.

Sweden has been a significant donor to Somalia, contributing to humanitarian relief, governance reforms, and security sector support. The latest revelations underline the political sensitivities of linking aid to migration agreements, a practice increasingly used by European governments facing domestic pressure to curb irregular migration.

Soomaaliya oo diiday shan qodob oo ka hor-imanaya diinta Islaamka oo ku jiray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka Soomaaliya oo bayaan culus soo saartay ayaa shaaca ka qaaday inay iska diiday qodobo ku jira Axdiga Xuquuqda Carruurta Afrika ee ay todobaadkii hore meel-mariyeen xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Qodobda ay diiday dawladda ayaa ka hor imaanaya Diinta Islaamka, sida ay sheegtay wasaaradda haweenka iyo xuquuqun insaanka oo soo saartay bayaanka soo baxay.

Wasaaradda ayaa caddaysay in Axdiga Xuquuqda Carruurta Afrika ee la ansixiyey ay ka reebtey qodobo doodda dhaliyay ee aan u wanaagsaneyn carruurta Soomaaliyeed, kuwaas oo ay kamid yhiin  mamnuucidda guurka ka yar 18-jirka iyo da’da qaangaadhka.

Waxaa kale oo ay wasaaraddu intaasi kusii dartay in go’aankan uu ku salaysan yahay “ilaalinta madaxbannaanida sharciga ee dalka, ixtiraamka Diinta Islaamka, iyo ilaalinta dhaqanka iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed”

Arrintan ayaa ku timid, kadib markii dib-u-eegis qoto-dheer lagu sameeyay qodobada qaar oo halis ku ahaa diinta dhaqanka wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed.

Axdigan ayaa waxaa horay uga soo gudbay Golaha Wasiirrada Soomaaliya, kadibna waxaa todobaadkii hore ansixiyay Golaha Shacabka, wuxuuna sidaas ugu sii gudbay Aqalka Sare, iyada oo taasina ay keentay in walaac badan laga muujinayo qodobada qaar ee axdiga.

Xildhibaan Saadaam oo kamid ahaa xubnihii diidan axdigan ayaa sheegay inuu ka hor imaanayo diinta Islaamka, isla markaana ay ku jiraan qodobo halis ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Ra’iisul-wasaare Xamze oo na dhahayey Siyaasadda inaa ku janno tago ayaan usoo galay maanta xafiiskiisa waxaa soo maray sharci dhahaya cunugga yar ee aan qaan-gaarin Diinta uu rabo ayuu qaadan karaa” ayuu yiri xildhibaan Saadaam oo kasoo horjeestay sharciga.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Annaga oo dood sharci qabna ayaa guddooomiyuhu ansixii ku dhuftay, waana wax laga xumaado oo sharci darro ah, waxayna hormuud u tahay sharciyada ay rabaan inay ansaxsadaan oo uu ugu horreeyo dastuurka”.

Dhankeeda, Xildhibaan Sareeda Cabdalle ayaa taageertay meel marinta Axdiga Afrika ee Xaquuqda iyo Barbaarinta Carruurta, waxayna ku dooday inuu muhiim u yahay carruurta Soomaaliyeed.

“Dalkeenna waa muslim asalna waxaa u ah diinta Islaamka, balse waxaa rabnaa in ilmaheenna ay la jaan qaadaan kuwa Afrika iyo adduunka, wixii qaldan oo annaga dhaqankeenna ahayn waa la sixi karaa” ayay iyaduna tiri Xildhibaan Sareeda.

Daawo: DF oo maanta furtay 52 waddo oo ku yaal Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo dib loogu furay in ka badan 50 waddo oo horay loogu xiray, sababo amni dartood, kuwaas oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha caasimada.

Daah-furka waddooyinkan oo gaaraya illaa 52 jid ayaa waxaa ka qayb-galay, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, Wasiirka Amniga Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Asad Cismaan Diyaano,  kuwaas oo socod kusoo maray dhammaan waddooyinka maanta dhagaxyada laga qaaday.

Furista waddooyinka ayaa timid kadib markii ay dowladdu ku guuleysatay sugidda amniga magaalada Muqdisho oo hadda xasiloon, kadib markii laga qabtay shaqo adag.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda lagu furay waddooyinka ayaa sheegay inay hordhac yihiin jidad kale oo la furi doono maalmaha soo socda.

”Waxaa billownay in aan furno 52 jid oo ah wajiga caasimadda, kuwa kale ee dhimman waa furi doonaa dhawaan”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha gobolka Banaadir oo isna sheegay in guul wayn u tahay in la furo inta badan jidadkii xirnaa, si loo yareeyo cariiriga ka jira waddooyinka muhiimka ah ee caasimada.

”Maanta waa maalin taarikhi ah haddii dib loo furay wadooyinkii xirnaa, waxaa uu maamulkeygu ballan qaadayaa in wadooyinkaas la furay aan dib u dhisno kuwaas oo burbursan oo hagaajin doono, ku dadaali doono nadaafadooda iyo daryeelkooda” ayuu yiri

Dhinaca kale, shacabka ku dhaqan caasimadda ayaa si weyn u soo dhoweeyey furista waddooyinka iyo sida balaaran ee dowladda ugu guuleysatay sugidda amniga Muqdisho

Si kastaba ha’ahaatee, In la furo waddooyinka xirnaa ayaa ka dhigan guul weyn oo ay gaareen hay’adaha u xilsaaran amniga, waxayna dhinac kale fursad muhiim ah u tahay shacabka oo sanadihii u dambeeyay dhibaato ku qabay jaamka waddooyinka waa wayn.

Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo muhiim ah kadib ku laabashadiisii Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Jimcihii shalay dib ugu laabtay Kismaayo ayaa qaaday tallaabo muhiim ah, kadib munaasabad wayn oo ka dhacday gudaha magaaladaasi.

Axmed Madoobe ayaa isla markii uu ka dagay garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu xarigga ka jaray dib-u-habeyn lagu sameeyay qeybo kamid ah Garoonka oo ay kamid yihiin qeybta martida gaarka ah iyo qeybta dadka safarka ku baxaya.

Dib-u-habeyntani ay wax badan kusoo kordhinayso shaqada iyo adeegyada garoonka, sida ay shaacisay dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Xarunta koowaad ee uu xarigga ka jaray Axmed Madoobe ayaa loogu talagalay in ay fududeyso adeegyada kastamka, islamarkaana dadka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo degaya garoonka ay si raaxo leh ugu sugaan safarkooda,

Dhismaha xaruntan ayaa si casri ah loo dhisay loona qalabeeyay, waxaa hirgelisay dhismeheeda wasaradda maaliyadda Jubaland oo kaashanaysa Mashruuca PREMISE, kaas oo si gaar ah u taageera howlaha furdooyinka.

Xarunta labaad ayaa iyana si gaar ah loogu talagalay, Martigelinta dadka u baahan qaybta nasashada ee garoonka, qabashada shirar iyo munaasabado muhiim ah, marti galinta gaarka ah, xaruntan waxaa si wadajir ah u maalgeliyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada reer Jubaland oo iska kaashaday.

Xarumahan cusub ayaa qeyb ka ah qorshaha ballaarinta dhismayaasha adeegyada Dowladda, waana qorshe ay Wasaaradda Maaliyaddu  wado sidii looga  hirgelin lahaa xarumo wax ku ool ah si guud Jubaland.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa sheegay in xarumahan cusub ay caddeynayaan dadaalka joogtada ah ee dowladdu ku bixineyso, Casriyeynta adeegyada maaliyadeed, Kor u qaadista dakhliga gudaha, Hagaajinta adeegyada muwaadiniinta iyo rakaabka ka dhoofaya garoonka.

Si kastaba, ku laabashada Axmed Madoobe ee Kismaayo ayaa kusoo aadeyso, xilli xasaasi ah oo ay weli taagan tahay xiisadda kala dhexeysa Dawladda Federaalka, waxaana haatan aad loo hadal hayaa safar lagu wado in Madaxweyne Xasan uu ku gaaro magaaladaas, walow ay soo wajaheen caqabado sii xoojinaya khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac.

Xamas oo ka soo jawaabtay qorshaha 20-ka qodob iyo Trump oo bixiyey amar culus

Gaza (Caasimada Online) – Xamas ayaa Jimcihii sheegtay inay aqbalayso qaar ka mid ah qodobbada ku jira qorshaha uu soo jeediyey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si loo joojiyo dagaalka Gaza, oo ay ku jirto sii-daynta la haystayaasha, balse waxay ka baaqsatay in ay ka hadasho arrimaha cakiran sida hub-ka-dhigista, iyadoo sheegtay inay dooneyso wada-xaajoodyo dheeraad ah.

Warbixin nuqul ka mid ah oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters, ayay Xamas ku soo saartay jawaabteeda ku aaddan qorshaha 20-ka qodob ka kooban ee Trump, kaddib markii madaxweynuhu uu kooxda reer Falastiin u qabtay ilaa maalinta Axadda inay aqbasho ama diiddo hindisaha.

Xamas ma aysan caddeyn inay oggolaan doonto hub ka dhigista iyo ka saarista militariga ee Gaza—waa arrin ay Israel iyo Maraykanku doonayaan balse ay Xamas horey u diidday. Sidoo kale, ma aysan oggolaan in ciidamada Israel ay si heerar ah uga baxaan Gaza, taasoo ka duwan ka bixitaanka degdegga ah oo buuxa ee ay Xamas dalbanayso.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamas ayaa u sheegay telefishinka Al Jazeera in kooxdu aysan hubka dhigi doonin ilaa uu ka dhammaado gumeysiga Israel ee dhulkaas, hadalladaas oo sii caddeynaya is-mari-waaga u dhexeeya labada dhinac xilli uu dagaalku ku dhow yahay sannad-guuradiisii labaad.

Xamas oo doonaysa wada-hadallo dheeraad ah

Jawaabteeda ku aaddan qorshaha Trump, Xamas waxay sheegtay inay “mahadinayso dadaallada Carabta, Islaamka, iyo kuwa caalamiga ah, iyo sidoo kale dadaallada Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ee ku baaqaya in la soo afjaro dagaalka ka dhanka ah Marinka Gaza, is-dhaafsiga maxaabiista, (iyo) gelitaanka degdegga ah ee gargaarka,” iyo qodobo kale.

Waxay sheegtay inay ku dhawaaqayso “oggolaanshaha sii daynta dhammaan maxaabiista gumeysiga — kuwa nool iyo meydadkoodaba — sida waafaqsan qaacidada is-dhaafsiga ee ku jirta hindisaha Madaxweyne Trump, iyadoo la abuurayo shuruudaha lagama maarmaanka ah ee dhulka si loo fuliyo is-dhaafsiga.”

Balse Xamas waxay intaas ku dartay: “Xaaladdan, dhaqdhaqaaqu wuxuu xaqiijinayaa diyaar ahaanshihiisa inuu si degdeg ah, iyada oo loo marayo dhex-dhexaadiyeyaasha, u galo wada-hadallo si looga doodo faahfaahinta.”

Kooxdu waxay sheegtay inay diyaar u tahay “inay ku wareejiso maamulka Marinka Gaza guddi Falastiiniyiin ah oo madax bannaan (khubaro farsamo) oo ku saleysan is-afgarad qaran oo Falastiiniyiin ah, oo haysta taageerada Carabta iyo Islaamka.”

Xamas ayaa horey u soo bandhigtay inay sii deyn doonto dhammaan la-haystayaasha iyo inay maamulka Marinka Gaza ku wareejiso guddi kale.

Qorshaha Trump wuxuu qeexayaa xabbad-joojin degdeg ah, is-dhaafsiga dhammaan la haystayaasha ay Xamas haysato iyo maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ay Israel haysato, ka bixitaanka Israel ee Gaza oo heerar ah, hub ka dhigista Xamas, iyo soo dhisidda dowlad ku-meelgaar ah oo uu hoggaamiyo guddi caalami ah.

Trump oo soo dhoweeyey jawaabta Xamas

Madaxweynaha Mareykanka ayaa soo dhoweeyey jawaabta Xamas, wuxuuna ku baaqay in Israel ay joojiso duqaynta Gaza, isaga oo sheegay in wada-hadallo dheeraad ah ay durba socdaan.  

“Anigoo ka duulaya bayaanka ay hadda soo saartay Xamas, waxaan aaminsanahay inay diyaar u yihiin NABAD waarta,” ayuu Trump qoray. “Israel waa inay isla hadda joojisaa duqaynta Gaza si aan la haystayaasha si nabadgelyo leh oo si degdeg ah dibadda ugu soo saarno! Hadda, aad bay khatar u tahay in taas la sameeyo,” ayuu yiri.

“Wada-xaajoodyo ku saabsan faahfaahinta ayaan durba bilownay. Tani kuma koobna Gaza oo keliya; waxay ku saabsan tahay NABAD muddo dheer la raadinayey oo ka hirgasha Bariga Dhexe.”

Horaantii Jimcihii, Trump wuxuu ka digay in “JAHANNAMO” ay ka qarxi doonto Gaza haddii Xamas ay ku guuldareysato inay saxiixdo hindisihiisa ku aaddan dhulkaas.

“Heshiis waa in lala gaaro Xamas Axadda Fiidkii marka ay saacaddu tahay LIXDA (6) P.M., ee waqtiga Washington, D.C.,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social.

Trump wuxuu raaciyay: “Dal walba wuu saxiixay! Haddii aan la gaarin heshiiskan FURSADDA UGU DAMBEYSA ah, JAHANNAMO, oo aan cidina weligeed arag mid la mid ah, ayaa ka dillaaci doonta Xamas.”

Kaddib markii uu qorshihiisa u soo bandhigay dalalka Carabta iyo Muslimiinta asbuucii hore, Trump wuxuu Aqalka Cad ku martiqaaday Benjamin Netanyahu, halkaas oo ra’iisul wasaaraha Israel uu ku taageeray dokumentiga, isagoo sheegay inuu daboolayo yoolalkii dagaal ee Israel.

Xamas kama aysan qeybgelin wada-hadalladii horseeday hindisahan, kaasoo ku baaqaya in kooxda Islaamiga ah ee dagaallanta ay hubka dhigto, waana dalab ay horey u diidday.

Israel ayaa xirtay wadada weyn ee magaalada Gaza Khamiistii, waxayna u sheegtay malaayiin qof oo deggan inay u qaxaan koonfurta, iyadoo uga digtay inay tahay fursaddoodii ugu dambeysay ee ay kaga baxsadaan weerar ballaaran. Qaramada Midoobay ayaa si isdaba joog ah u sheegtay in aysan jirin meel ammaan ah oo Gaza ka mid ah.

“Hindisaha Madaxweyne Trump ee Gaza wuxuu furayaa fursad qaali ah. Wuxuu bixinayaa fursad ay Falastiiniyiintu ku helaan gargaar naf-badbaadin ah oo si baaxad leh loogu baahan yahay, iyo in la haystayaasha dib loogu soo celiyo guryahoodii,” ayuu yiri madaxa gargaarka ee Qaramada Midooba Tom Fletcher, bayaan uu soo saaray Jimcihii.

“Waan diyaar u nahay oo aan u heelan nahay inaan tallaabo qaadno.”

Qorshaha Trump wuxuu ku baaqayaa in gargaarka Gaza ay qeybiyaan kooxo caalami ah oo dhex-dhexaad ah iyada oo aan la faragelin, iyadoo Qaramada Midoobay ay ballanqaadday 170,000 oo tan oo metric ah oo diyaar u ah inay galaan.

Sidee ayaa looga falceliyay khudbaddii Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay khudbad xasaasi ah oo uu Jimcihii shalay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada, isaga oo uga hadlay khilaafka xooggan ee kala dhexeeya mucaaradka iyo arrinta hubka oo iyana ah xaalad taagan.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in marnaba aysan dowladdiisu aqbalayn in hub culus lagu dhex qaato caasimadda, oo hore looga dhaqan-geliyay xeerka xakameynta hubka.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale si cad u sheegay in isagoo Madaxweynaha dalka ah uusan qaadan gaari uu ku xidhan yahay dhashiike, sidaas darteedna ay tahay in sideeda loogu hoggaansamo xeerka xakameynta hubka.

“Aniga oo Madaxweynaha dalka ah, ma qaato gaari uu ku xidhan yahay qori dhashiike ah, cid kalena laga aqbali maayo inay Muqdisho ku dhex waddo baabuur ay qoryo saaran yihiin,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri khudbaddii Jimcaha ee shalay.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli uu dhawaan magaalada Muqdisho ka dhacay qalalaase amni, iyadoo iska hor imaad u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka uu dhacay, kadib markii hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay ciidan hubeysan la tageen saldhigga Warta Nabadda.

Haddaba sidee looga falceliyay khubadda Masaajidka ee Xasan Sheekh?

Cabdirisaaq Xaashi: “Madaxweynow Masjidka cibaadaa loogu talagalay ee ma hawshii ayaa soo celisay?”.

Axmed Naaji: ” Dalkaan meel fog baa laga keenay cid laga yeelayo maleh in dib loo celiyo. Mahadsanid Mudane Madaxwayne”.

Cabdi Cabdule: “Madaxweyne inta aad waqtigaaga lagu jiro talada dalka adaa masuul ka ah kuwa qeylinaa buudka kula tumo”.

Cabdulahi Fiidow: “Masjidka iska daayee fagaaraha imow Madaxweyne”.

Cumar Xaaji: “Waa tanaasulaynaa iyo waxa aan wado waa wadaa oo ma joojinaayo bal see la isu qabadsiiyaa?”.

QM oo ku dhowaaqday go’aan saameyn weyn ku yeelan doona Soomaaliya

Roma (Caasimada Online) – Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ku dhawaaqday inay dhimeyso gargaarka cunnada ah ee ay siiso boqollaal kun oo qof oo ku nool Soomaaliya, halkaas oo malaayiin qof ay la daalaa dhacayaan saameynta ba’an ee isbeddelka cimilada iyo heerarka daran ee gaajada.

WFP waxay sheegtay in tirada dadka dalka ka hela gargaarka degdegga ah ee cunnada ay hoos uga dhici doonto 1.1 milyan oo qof bishii Agoosto illaa 350,000 oo qof bisha Nofeembar, taasoo loo aaneeyay “dhaqaale yaraan ba’an oo soo wajahday.”

“Waxaan arkeynaa kor u kac halis ah oo ku yimid heerarka gaajada ee xaaladaha degdegga ah, awooddeena wax ka qabashaduna maalinba maalinta ka dambeysa way sii yaraaneysaa,” ayuu yiri Ross Smith, oo ah agaasimaha u qaabilsan hay’adda u diyaar garowga iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.

“Haddii aan la helin dhaqaale degdeg ah, qoysaska markii horeba xaaladdoodu liidatay waxay noqon doonaan kuwo aan waxba haysan xilli ay baahida ugu weyn u qabaan.”

Sida ku cad warbixintii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay, 4.6 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa wajahaya heerar gaajo ah oo halis ah, iyadoo la saadaalinayo in 1.8 milyan oo carruur ah ay sanadkan la il-daran yihiin nafaqo-darro ba’an. Tiradaas, waxaa ku jira 421,000 oo carruur ah oo la tacaalaya nafaqo-darro aad u daran, balse hay’adda cunnada ee Qaramada Midoobay waxay awoodday oo kaliya inay caawiso qiyaastii 180,000 oo ka mid ah.

Soomaaliya kaligeed lama daalaa dhacayso saameynta ba’an ee isbeddelka cimilada, oo ay ku jiraan abaaraha iyo fatahaadaha, balse sidoo kale waxay wajahaysaa colaado iyo amni-darro dalka khal-khal gelinayay tobannaan sano. Kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida ayaa maamusha qaar ka mid ah gobollada dalka.

Dhimista gargaarka dibadda ee Mareykanka ayaa uga sii dartay xaaladda wax ka qabashada ee hay’adaha gargaarka bani’aadannimada, kuwaasoo markii horeba la daalaa dhacayay sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyaha tirada sii kordheysa ee dadka nugul.

Barnaamijka Cunnada Adduunka wuxuu sheegay inuu u baahan yahay $98 milyan oo doollar si loo “sii wado hawlgallada naf-badbaadinta ee ugu muhiimsan, kuwaas oo loogu talagalay 800,000 oo qof inta lagu jiro xilliga cunnadu ku yar tahay illaa bisha Maarso 2026.”

Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay arrimaha dhulka iyo cidda mas’uulka ka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa markii ugu horreysay si hufan uga hadlay arrimaha muranka dhulka iyo cidda wax laga weydiinayo, isagoo iska fogeeyay inuu wax lug ah ku leeyahay.

Madaxweyne Xasan ayaa carabka ku adkeeyay in arrimaha dhulka iyo bixintooda mas’uuliyadeeda ay leedahay dowladda hoose ee Xamar, sida ay xuquuq ahaan ugu leeyihiin gobollada kale ee dalka maamulladooda.

“Magaalada Muqdisho oobasiibo ma sii ahaaneyso; meel Shabaab ku dhuunto oo ciidamada amnigu geli karin ma sii ahaaneyso; meel qofkii ku dhinta meydkiisa laga soo saari karin ma sii ahaaneyso; meel dab hadduu ka kaco, dab-damisku geli karin ma sii ahaaneyso,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan, isaga oo intaa ku daray in dhulka Xamar ay ka mas’uul tahay dowladda hoose ee Xamar.

“Dhulka Xamar waxaa ka mas’uul ah dowladda hoose, sida kuwa ku yaalla Baydhaba ama Dhuusamareeb ama Garoowe ama Kismaayo ku yaalla ay mas’uul uga yihiin dowladaha hoose iyo maamullada halkaasi ka jira. Haddii ay wax ka qaldamaan dhaqan-gelintiisa, meeshaas waa la dhihi karaa wax ha laga toosiyo, waan laga toosinayaa. Dowladda hoose ee Xamar iyo dowladda dhexe toona inta dad gobollo kale laga soo qaaday Xamar ma soo dejin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu muhiimad gaar ah siiyay in dhulalka is dul-saaran ee oobasiibooyinka ay tahay in la habeeyo oo jidad laga bixiyo: “Meel oobasiibo ah oo jidad is dul-saaran yihiin waa la habeynayaa, jidadna waa laga bixinayaa hadii la yiraahdo. Dhulka dadkii deganaa la ekeyn maayo. Boqol qof haddii ay deganayd oo la yiraahdo shan jid ayaa laga bixinayaa, shantaas jid dhulkii laga bixiyay dadbaa deganaa. Dadkiina waa guryo lahaa, wayna qeylinayaan. Ama lacag ha la siiyo, ama meel kale ha lagu yiraahdo dega, ama ha isdabararaan. Laakiin aniga ceeb ma ahan maxay dadka u qeyliyeen; xaqiiqduna sidaas ayey tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maxkamaduhu iyo dowladda hoose ay awaamiir ka soo saareen arrimaha dhulka, balse magaalada Muqdisho aysan sii ahaan doonin oobasiibo.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisu ay dhageysaneyso cabashooyinka bulshada iyo dhaliilahooda, ayna ka jawaabi doonaan. Ciddii dood iyo dacwo qabta ayuu tilmaamay in maxkamaduhu u furan yihiin.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday Oday Axmed Siicoow oo ciidamo ka tirsan dowladda hoose si arxan-darro ah ula dhaqmeen, isagoo sheegay in arrintaasi aheyd mid aan la aqbali karin, wuxuuna tilmaamay in kuwii ka dambeeyay caddaalad la horgeyn doono.

Arrinta ugu weyn ee lagu dhaliilo Madaxweyne Xasan ayaa noqotay arrimaha dhulka iyo barakicinta, taas oo noqotay kaar adag oo mucaaradku ay ku dagaalamayaan.

Aqalka Sare oo la horgeeyay sharci muhiim u ah DF iyo dowlad-goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la horgeeyay hindise- Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakulaynta Barakacayaasha Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si au mariyaan Akhrinta koowaad.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo hortegay golaha ayaa sharraxaad ka siiyay hindise sharciyeedkan oo muhiim ah dowadda dhexe iyo dowlad-goboleedyadyada.

Xoosh ayaa sheegay in sharcigan uu ka mid yahay talaabooyinka muhiimka ah ee dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu ay ku wajahayaan arrimaha barakaca, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu badan ee ay ka jiraan barakacayaal gudaha ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in masuuliyaddiisu ay tahay ilaalinta iyo taakulaynta barakacayaasha iyo waajibaadkooda.

Wasiirka oo si qote dheer uga hadlay sharcigan ayaa dul istaagan 1 qodob oo muhiim ah, kuwaas oo ka hadlaya ujeeddooyinka sharciga, kuwaas oo kala ah:-

1-In la xaqiijiyo ilaalinta sharafta iyo karaamada aadanaha ee barakacayaashagudaha, sida ku xusan Qodobka 10aad ee Dastuurka KMG JFS.

2-In la dejiyo waajibaad sharci oo cad si ay dowladda iyo hay’adaha kala duwan kuhoggaamiyaan daryeelka iyo taakulayntabarakacayaasha gudaha dalka.

3-In la abuuro nidaam waara oo sharci iyosiyaasadeed si loo yareeyo barakaca soonoqnoqda, loona hormariyo xalal waara.

4-In la waafajiyo siyaasadda gudaha iyosharciga Soomaaliya heshiisyada caalamigaah, gaar ahaan: Heshiiska Kambaala(Kampala Convention 2012) ee Midowga Afrika oo ay Soomaaliya ka mid ahayd saxiixayaashiisa.

Si kastaba, Sharcigan oo ka kooban 12 cutub iyo 31 qodob ayaa waxuu ka hadlayaa; Masuuliyadda Ilaalinta iyo Taakulaynta Barakacayaasha, Waajibaadka & dhisidda Guddi Farsamo ee howlaha Barakacayaasha, Baaxadda Ilaalinta & Taakulaynta Barakacayaasha, Tallaabooyinka Ilaalinta Xilliga Barakacayaasha, wacyigelinta iyo Xalka waara ee Barakacayaasha.

 

Muungaab oo maanta fulinaya ballantii uu horay uga qaaday shacabka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta lagu wadaa inuu ka dhabeeyo ballan qaad uu horay u sameeyay oo la xiriira furista wadooyin ku yaalla caasimada oo muddo dheer xiran.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisul wasaare Xamze, Duqa Muqdisho iyo mas’uuliyiinta hay’adaha amniga ayaa saaka si wadajir ah u furi doono waddooyin xirnaa dhowr iyo 10 sano, si loo fududeeyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Furista wadooyinkan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan uu soo hagaagay amniga Muqdisho oo galay marxalad xasiloon kadib qorshe ay la timid dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maalmahan ku howlanaa dhismaha waddooyinka caasimada ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in maamulkiisu qaadayo tallaabo culus oo ay go’aamisay xumuumadda Soomaaliya, taas oo lagu furayo waddooyin badan oo hadda xiran, kuwaas oo maanta dhagaxaanta laga qaadayo.

“Dhagxaanta waddooyinka yaalla ee aan munaasabka ahayn in laga qaado ayaa loo baahan yahay maalmaha soo socdo waxaa magaaladan ka dhici doona barnaamij ay xukuumadda soo go’aamisay, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha amnigana ay fulinayaan oo ah in waddooyin dhowr ah oo lambar culus ah oo xiran dib loo furi doono” ayuu horay u yiri Muungaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ujeedka uu yahay in shacabka loo fududeeyo isku socodka guud ee Muqdisho, maadaama uu haatan soo hagaagay amniga, wax badana laga qabtay.

“Ujeedka waxaa waayay inuu fududaado guud ahaan isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyada oo mar weliba la tixgelinaayo amniga wanaagsan ee caasimada” ayuu sii raaciyay.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka Soomaliyeed, wuxuuna ka codsaday inay garab siiyaan hay’adaha amniga, ayna kala shaqeeyaan nabad-geylada.

“Bulshada caasimada waxaan ugu baaqayaa in ay mar waliba gacan siiyaan hay’adaha amniga, sababtoo ah amniga kaliya qoray laguma sugo shacabka door ayay ku leeyihiin” ayuu mar kale yiri duqa Muqdisho.

Muungaab ayaa tan iyo markii la magacaabay waday dadaallo horumarineed oo ku aadan caasimada, isaga oo sidoo kale isbeddal wayn ku sameeyay hoggaanka gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee, Arintan ayaa imaaneysa iyadoo mudooyinkan uu sii kordhayay cariiriga ka jira gudaha caasimada, oo saameyn ballaaran ku yeeshay shacabka, maaadaama waqti badan uu kaga lumo jaamka ka jira waddooyinka waa wayn.

Daawo: Qarax culus oo goor dhow ka dhacay agagaarka Madaxtooyada

0

Muqisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa si weyn looga maqlay aagga xaafadaha ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay agagaarka Godka Jilacow oo ku yaalla afaafka hore ee Madaxtooyada, gaar ahaan dhinaca Taalada Daljirka Daahsoon. Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa ismiidaamin, isla markaana lala beegsaday bar-koontarool oo laga ilaaliyo amniga xarunta Villa Soomaaliya.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo uuro is qabsaday hawada sare iyo xaalad deg deg ah oo ka taagan meesha ay wax ka dhaceen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale isku geedaamay goobta la beegsaday oo ah meel aad loo ilaaliyo amnigeeda, waxaana soconayo gurmad deg-deg ah.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta la furay illaa 52 waddo oo horay loogu xiray sababo amni dartood,  waxaana ujeedka lagu sheegay fududeynta isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Furista waddooyinka ayaa timid kadib markii ay dowladdu ku guuleysatay sugidda amniga Muqdisho oo xasilnaa bilihii lasoo dhaafay, kadib markii laga qabtay shaqo adag.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda lagu furay jidadka ayaa goor sii horreysay oo maanta ah sheegay inay hordhac yihiin jidad kale oo la furi doono maalmaha soo socda.

”Waxaa billownay in aan furno 52 jid oo ah wajiga caasimadda, kuwa kale ee dhimman waa furi doonaa dhawaan”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Si kastaba, Muqdisho ayaa bilihii lasoo dhaafay ka caaganeyd weerarada qaraxyada ah iyo dilalka qorsheysan ee ay soo abaabulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Wixii soo kordha kala soco: Caasimada.net

Dowladda Qatar oo u qeylo dhaamineysa Soomaaliya

0

New York (Caasimada Online) – Qatar ayaa xoogga saaraysa muhiimadda ay leedahay caawinta farsamo ee joogtada ah ee lagu taageerayo xuquuqda aadanaha Soomaaliya

Dowladda Qatar ayaa shaaca ka qaaday muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya laga siiyo taageero farsamo joogto ah, taas oo lagama maarmaan u ah kor u qaadista awoodaha xuquuqul insaanka ee dalka.

Qatar waxay sheegtay in taageeradan farsamo ay Soomaaliya ka caawin doonto gudashada waajibaadkeeda qaran iyo kan caalami ah, iyadoo si waafaqsan u ilaalinaysa qawaaniinta caalamiga ah ee la xiriira xuquuqda aadanaha.

Jassim Ibraahim Al Malki, Xoghayaha Saddexaad ee Waaxda Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, ayaa hadalkan ka sheegay intii lagu guda jiray kulan Soomaaliya ay ku soo bandhigtay tallaabooyinka ay u qaaday horumarinta xuquuqul insaanka.

Waxaa ka mid ahaa tallaabooyinkaasi dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, oo lagu tilmaamay mid muhiim u ah habraaca ilaalinta xuquuqaha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Al-Malki ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso caqabado kala duwan oo saamaynaya xasilloonideeda iyo koboca dhaqaalaheeda, taas oo u baahan in beesha caalamka ay si wadajir ah uga jawaabto.

Wuxuu xusay in beesha caalamka ay ku waajib tahay in ay gutaan mas’uuliyadda ka saaran taageeridda hannaanka qaran ee la xiriira xuquuqul insaanka Soomaaliya.

Xoghayaha Saddexaad ayaa sidoo kale tilmaamay in dhinaca bini’aadannimada, Soomaaliya ay xilligan wajahdo saameynta abaarta, cunno yari iyo barakac gudaha ah.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay jawaab celin caalami ah oo isku duuban, taas oo isku xirta taageerada degdegga ah iyo istaraatiijiyado horumarineed oo bulshada u dhisaya adkeysi mustaqbalka.

Al-Malki ayaa ugu dambayn xaqiijiyey in Dowladda Qatar ay sii wadi doonto bixinta taageerada bini’aadannimo, gargaarka iyo horumarinta, iyadoo iskaashi wax ku ool ah la yeelanaysa Qaramada Midoobay, isla markaana muujinaysa sida ay uga go’an tahay taageerada joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya.

Daawo: Xasan Sheekh oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka DF iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horreysay ka hadlay iska hor imaadkii dhawaan ka dhacay saldhiga Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhacdadaa mas’uuliyadeeda dusha saaray siyaasiyiinta mucaaradka oo ayagu ciidan hubeysan la tagay saldhiga, isagoo sheegay in markaas aysan jirin sabab ku kalifta inay tagaan saldhiga.

“Maalin dhaweyd saldhiga shil ayaa ka dhacay, wax fiican ma aheyn, sideedaba shalay ayay dhacday in aan wixii shalay daba taagnaano wax macno leh sameyn mayso. Walax aad iyo aad u xun ayaa aheyd oo dadka Soomaaliyeed iyo dowladnimada qaban,” ayuu yiri

Sidoo kale waxa uu sheegay in tacadigii ka dhacay xaafadda Siinaay uu amray in tallaabo deg-deg ah laga qaado askartii geysatay dhibtaas, isla markaana lasoo qabtay, oo cadaaladda la horgeynayo.

“In saldhigii la aado iyadoo odeygii la raali geliyay, loona xiray askartii. In saldhiga la tago daw ma aheyn, xitaa sidii lagu tagay daw ma aheyn. Afar askari oo saldhiga joogtay waxaa u furnaa oo keliya in saldhiga ku cararaan oo irida xirtaan ay yeeleen,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray “Madax mas’uuliyiin shalay soo ahaa, Berrina inay noqdana rabaan, oo saldhigii oo kuwo Shabaab, kufsi iyo dilal ku xiran yihiin in daboolka laga qaado la yiraahdo ama buux ay ka dhex dhacdo sax ma aheyn.”

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in askartii tacadiga u geysatay la horgeyn doono maxkamadda, isla markaana aan askari dowlo laga yeelayn in uu ku tacadiyo shacabka uu direyska u xiran yahay.

“Haddii booliska Soomaaliyeed is xakameyn laheyn oo saldhiga dhexda kasoo xiran laheyn, maalintaas meesha musiibo ayaa ka bilaaban laheyn, masiibada marka ay bilaabato ma kontatooli kartida, inta ayna bilaabin fidnada waa hurudaa ninkii ka kiciyay naclad ha ku dhacdo.”

Xasan Sheekh ayaa dalbaday in dhinacyada kala duwan ee isku haya siyaasadda ay ka shaqeeyaan amniga dalka oo haatan maraya meel wanaagsan.

Dhawaan, hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ayagu sheegay in ay saldhiga u tageen inay soo damiintaan shaqsiyaad loo xiray arrimaha danta guud, ayaa sheegay in dowladda ay halis gelisay naftooda, una adeegsatay ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa markaas mucaaradka ku eedeysay inay weerar ku qaadeen saldhig ciidan, halka ay sheegeeen in siyaasiyiinta ay jabiyeen xeerka xakameynta hubka.

Intaas kadib, mucaaradka ayaa ku dhawaaqay banaanbax ay ku sheegeen mid looga hortagayo tacaddiyada dowladda u geysaneyso shacabka. Banaanbaxaas oo qorshuhu ahaa in maalintii shalay uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho ayaa u baaqday waanwaan laga dhex sameeyay dowladda iyo mucaaradka.

Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ayaa sanadihii u dambeeyay aad u wanaagsana, iyadoo la xakameeyay hubka lagu dhex qaato, isla markaana shacabka caasimadda ka nasteen dilalkii tooska ahaa, halka meesha laga saaray qaraxyadii gaadiidka ay ku soo rari jireen Al-Shabaab.

Xasan oo ku dhawaaqay in uusan marnaba aqbali doonin in mucaaradka ay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta khudbad ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ayaa si adag uga horyimid in siyaasiyiinta mucaaradka ay hub qaataan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in marnaba aysan dowladdiisu aqbalayn in hub culus lagu dhex qaato caasimadda, oo hore looga dhaqan-geliyay xeerka xakameynta hubka.

Xasan ayaa si cad u sheegay in isagoo Madaxweynaha dalka ah uusan qaadan gaari uu ku xidhan yahay dhashiike, sidaas darteedna ay tahay in sideeda loogu hoggaansamo xeerka xakameynta hubka.

“Aniga oo Madaxweynaha dalka ah, ma qaato gaari uu ku xidhan yahay qori dhashiike ah, cid kalena laga aqbali maayo inay Muqdisho ku dhex waddo baabuur ay qoryo saaran yihiin,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri khudbaddii Jimcaha ee maanta.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli uu dhawaan magaalada Muqdisho ka dhacay qalalaase amni, iyadoo iska hor imaad u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka uu dhacay, kadib markii hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay ciidan hubeysan la tageen saldhigga Warta Nabadda.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka, oo iyagu sheegay inay saldhigga u tageen si ay u soo damiintaan shaqsiyaad loo xiray arrimaha danta guud, ayaa ku eedeeyay dowladda inay halis geliyeen naftooda, una adeegsadeen ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa markaas mucaaradka ku eedeysay inay weerar ku qaadeen saldhig ciidan, halka ay sheegtay in siyaasiyiintu ay jabiyeen xeerka xakameynta hubka.

Intaas kadib, mucaaradka ayaa ku dhawaaqay bannaanbax ay ku sheegeen mid looga hortagayo tacaddiyada dowladda u geysaneyso shacabka. Bannaanbaxaas oo qorshuhu ahaa in 27-kii bishii hore uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho ayaa baaqday, kadib waanwaan laga dhex sameeyay dowladda iyo mucaaradka.

Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ayaa sanadihii u dambeeyay aad u wanaagsanaa, iyadoo la xakameeyay hubka lagu dhex qaato, isla markaana shacabka caasimadda ay ka nasteen dilalkii tooska ahaa, halka meesha laga saaray qaraxyadii gaadiidka lagu soo rari jiray ee ay fulin jireen Al-Shabaab.

Kadib heshiiskii Nairobi: Deni, A/Madoobe iyo Madasha oo qaaday tallaabo cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa shalay heshiis cusub ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib shir xasaasi ah uga socday halkaasi.

Shirka ayaa lagu go’aamiyay in la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo maamullada Jubaland iyo Puntland iyo in si dhaqso ah shir kale loogu qabto gudaha dalka Soomaaliya, si looga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka dalka.

Sidoo kale waxaa lagu gaaray in shirka socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo in shacabka Soomaaliyeed loogu baaqo midnimo iyo iskaashi, loona istaago ilaalinta qarannimada, xasilloonida iyo wadajirka dalka.

Dhinacyada ayaa waxa kale oo isla gaareen in sida ugu dhaqsah badan shir kale loogu qabto gudaha dalka Soomaaliya, si looga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka dalka.

Kadib heshiiskan maxaa dhacay?

Isbaheysigan ayaa bilaabay dhaq-dhaqaaqyo lagu xoojinayo dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaasi oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo maamullada Jubaland iyo Puntland.

Golahan oo durba shaqo bilaabay ayaa waxaa loo sameeyay baraha kala duwan ee bulshada, si loogu soo gudbiyo farriimaha mideysan ee dhinacyadan.

Golahan ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo maamullada Jubaland iyo Puntland ayaa ka soo horjeeda doorashooyinka tooska ah iyo wax-ka-beddelka dastuurka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Inkastoo golahan uusan weli dooran hoggaan balse waxaa lagu wadaa in ay dhawaan shirar ku yeeshaan magaalooyinka Garoowe, Kismaayo iyo Muqdisho.

Samaynta golahan ayaa durba dib-u-dhigtay socdaal uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegi lahaa Kismaayo, waxaana ay kor u qaaday saameynta Puntland oo muddo gooni ka taagnayd siyaasadda dalka.

Wafdiga hordhaca ah ee madaxtooyada iyo ciidanka ilaaladiisa oo Arbacadii qorshuhu ahaa in ay Kismaayo gaaraan ayaan weli safrin, waxaana dib u dhaca loo sababeeyay in aan la fulin tallaabooyin hordhac u ahaa socdaalka Xasan Sheekh.

Si kastaba, shirkq Nairobi ayaa imid xilli la filayay in wada-hadallo rasmi ah u bilowdaan Dowladda Federaalka iyo hoggaanka maamulka Jubaland, isla markaana lagu waday in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu u safro magaalada Kismaayo.

Tan ayaa mugdi gelinaysa sii amba-qaadista dhex-dhexaadinta Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo dhinac ah, iyadoo sii dheereynaysa in waqti dhow xal laga gaaro khilaafka taagan, xilli ay Villa Somalia dooneysay in galka labada maamul lasoo xiro.

Sababta hakadka loo geliyey howlihii safaarada Maraykanka ee magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah safaaradaha Maraykanka ee Bariga Afrika ayaa ku dhawaaqay inay hakad geliyeen macluumaadkii ay ku qori jireen baraha bulshada. Safaaradahaas waxaa ka mid ah kuwa ku yaalla Muqdisho, Nairobi iyo Kampala.

Farriimo isku mid ah oo ay safaaradahaas soo dhigeen bogaggooda baraha bulshada sida Facebook, Instagram iyo X ayey ku sheegeen inaysan si joogto ah macluumaad u soo dhigi doonin barahaas.

“Sababo la xiriira culays xagga qoondada ah, bartan Facebook si joogto ah looma soo dhigi doono macluumaad ilaa iyo inta ay shaqooyinku sii soconayaan, marka laga reebo akhbaaraadka bedqabka iyo amniga,” ayaa lagu qoray barta Facebook ee safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Safaaradaha Maraykanka ee bixiya fiisooyinka, sida kuwa ku yaalla Nairobi iyo Kampala, waxay barahooda ku qoreen akhbaar dheeraad ah oo sheegaysa in bixinta fiisooyinka ay sii socon doonto.

Hakinta macluumaadkii lagu qori jiray baraha bulshada ee safaaradaha Maraykanka ee gobolka ayaa timid ka dib ismariwaaga siyaasadeed ee ka taagan Washington, halkaas oo hoggaamiyeyaasha labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ay isku mari waayeen miisaaniyadda, taas oo sababtay dib-u-dhac ku yimid sharciga cusub ee kharashaadka.

In kasta oo xisbiga Jamhuuriga uu gacanta ku hayo Aqalka Cad iyo Aqalka Wakiillada, haddana wuxuu u baahan yahay taageerada xisbiga Dimoqraadiga ee Aqalka Senate-ka si barnaamijkaas hore loogu sii wado.

Haddii uusan imaan iskaashi dhex mara labada xisbi, mushkiladdu waxay sii jiitamayn kartaa muddo toddobaadyo ah.

Waxaa kale oo sii daba dheeraanshaha ismariwaagan uu sababi doonaa in la joojiyo shaqooyinka xukuumadda qaarkood, gaar ahaan kuwa aan muhiimka ahayn. Kumannaan shaqaale dowladeed ah ayey si toos ah u saamaysay arrintan.

Waxay kaloo saamayn ku yeelanaysaa hawlaha ergooyinka Maraykanka ee dunida, iyadoo Nairobi durba uu saameeyey, maadaama ay istaageen lacagihii halkaas lagu fulinayey ee ka imaanayey dhinaca federaalka Maraykanka.

Waa markii ugu horreysay ee hawlaha xukuumaddu ay istaagaan tan iyo wixii ka dambeeyey 2018–2019, waana markii afraad ee madaxweyne Donald Trump uu wajaho joogsiga hawlaha xukuumadda.

Arrintan waxay sidoo kale soo martay Bill Clinton, oo muddadii ugu dheerayd ay istaageen hawlihii xukuumadda — taas oo ahayd 21 maalmood sannadkii 1995, dhamaadkii muddo-xileedkiisii koowaad.

Barack Obama ayaa isna wajahay 16 maalmood oo hawlaha xukuumaddu ay hakadeen, sababo la xiriira sharciga daryeelka caafimaadka.

Hase yeeshee, Ronald Reagan ayaa ahaa madaxweynihii ugu badan ee ay soo mareen shaqooyinka istaagay. Ilaa siddeed goor ayey hawluhu istaageen intii uu joogay xafiiska sanadihii 1980-meeyadii.

Waxa ka duwan ismariwaaga markan waa mowqifka Aqalka Cad.

Xilliyadii hore, xiritaanka dheer ee dowladda waxaa loo arkayay khatar siyaasadeed, maadaama ay saameyn xun ku yeeshaan nolol maalmeedka dadweynaha iyo sumcadda xildhibaannada iyo madaxweynaha.

Laakiin markan, maamulka Trump wuxuu u muuqdaa mid si buuxda ugu faraxsan inuu xiro qaybo badan oo ka mid ah dowladda Maraykanka muddo dheer. Xitaa waxaa laga digay in maamulka uu u isticmaali doono xiritaanka si uu u aqoonsado shaqaalaha “aan muhiimka ahayn” ee la fasixi karo si rasmi ah.

Muddada uu ismariwaagan soconayo ayaan la saadaalin karin, saamaynta uu hawlaha safaaradaha ku yeelanayana waxay ku xirnaanaysaa sida xal looga gaaro.

BOOLISKA oo digniin culus kasoo saaray arrin halis ah oo kusoo korortay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi), ayaa digniin adag u diray ciidamada ammaanka, isagoo ka mamnuucay in hubka ay wataan loo dhiibo shacabka.

Tan ayaa muddooyinkii dambe aheyd halis amni oo soo korortay, waxaana talisku mamnuucay in askartu hubkooda ay u dhiibaan ama gacanta u geliyaan dadka shacabka, gaar ahaan dhallinyarada ku duuba muuqaalada lagu baahiyo baraha bulshada.

Macallin Mahdi ayaa sheegay in askari kasta oo sidaas sameeya la horgeyn doono maxkamad, isagoo ku tilmaamay arrintaasi mid khatar amni dhalin karta isla markaana ah masuuliyad darro.

“Ciidanka booliska waxay uga digayaan dhammaan askarta in aysan hubkooda u dhiibin dadka rayidka ah, sidoo kale shacabku uusan hub ku ciyaari karin, muuqaalo halis gelinaya bulshada aan lagu duubi karin,” ayuu yiri Taliye Macallin Mahdi.

Waxa uu intaas kusii daray “Qof kasta oo lagu helo fal noocaas ah waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciyeed oo adag”.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii taliska booliska gobolka uu xiray askari qorigiisa u dhiibay dhallinyaro ku sugnaa garoonka cayaaraha Muqdisho, kuwaas oo iska duubay muuqaal ay ku baahiyeen baraha bulshada. Askariga iyo qofkii rayidka ahaa ee muuqaalka ku jiray ayaa si wadajir ah loo xiray.

Sidoo kale, ciidamada ammaanka ee caasimadda ayaa toddobaadkii la soo dhaafay xiray dhowr dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay falal lid ku ah ammaanka garoonka cayaaraha Muqdisho, halkaas oo Jimcihii hore uu ka bilaabmay tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir.

Waa kuma ninka fuliyey weerarkii lagu qaaday Yahuuda ee magaalada Manchester?

Manchester (Caasimada Online) – Eedeysanaha labada nin ku dilay banaanka macbad ay Yuhuuddu ku leeyihiin magaalada Manchester ee dalka UK, maalintii ugu weyneyd jadwalka diintooda, ayaa la aaminsan yahay inuu yahay muwaadin British ah oo asalkiisu ka soo jeedo Suuriya.

Booliska Greater Manchester ayaa eedeysanaha ku magacaabay Jihad al Shamie, oo ah 35 jir la fahamsan yahay inuu yaraantiisii soo galay dalka UK. Waxaa dhalashada British-ka la siiyay sanadkii 2006.

Saddex qof – oo kala ah laba nin oo soddomeeyo jir ah iyo haweeney lixdameeyo jir ah – ayaa loo xiray iyadoo looga shakisan yahay fulinta, diyaarinta iyo abaabulka falal argagixiso.

Al Shamie ayaa la sheegay inuu gaari ku jiiray irdaha macbadka Yuhuudda ee Heaton Park Hebrew Congregation Synagogue, ka dibna uu dadka ku bilaabay weerar toorey ah.

Waxaa ka hor istaagay inuu gudaha u galo ilaalada ammaanka iyo xubno ka tirsan dadkii goobta ku cibaadaysanayay. Booliska ayaa daqiiqado ka dib toogasho ku dilay, iyagoo ka baqayay inuu xirnaa qalab ismiidaamin ah.

Saddex nin ayaa weli isbitaalka ugu jira xaalad culus. Mid ka mid ah waxaa soo gaaray dhaawac mindi ah, midka labaad wuxuu ku dhaawacmay gaarigii jiiray, halka kan saddexaadna uu qabo dhaawac loo maleynayo inuu soo gaaray “xilligii ay saraakiishu celinayeen ninkii weerarka soo qaaday”.

Baarayaasha dambiyada ayaa xalay weli ku sugnaa laba goobood oo lala xiriirinayo xarigga dadka la qabtay: kuwaasoo kala ah White House Avenue oo ku taal Crumpsall, iyo Langley Crescent oo ku taal Prestwich.

Weerarkan ayaa dhacay maalinta barakaysan ee Yuhuudda ee loo yaqaan Yom Kippur, waxaana hadda la adkeeyay roondooyinka booliska ee agagaarka macbadyada Yuhuudda ee dalka oo dhan.

“Isla markii uu gaariga ka soo degay, wuxuu bilaabay inuu mindiyeeyo qof kasta oo u dhowaa,” sida ay tiri goobjooge Chava Lewin.

“Wuxuu weeraray ilaaladii ammaanka, wuxuuna isku dayay inuu xoog ku galo macbadka.”

Booliska ayaa sheegay inay u muuqato in al Shamie aan horey loogu calaamadeyn barnaamijka la-dagaalanka argagixisada iyo ka-hortagga xagjirnimada ee Prevent.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa cambaareeyay “dhacdadan naxdinta leh” wuxuuna raalligelin siiyay dadka Yuhuudda ah “isagoo ku hadlaya magaca qaranka”.

Wicitaannadii ugu horreeyay ee gurmadka waxaa la helay 9:31 subaxnimo, daqiiqado ka dibna waxaa la bixiyay amarka “Plato” – oo ah erayga sirta ah ee ay adeegsadaan ciidamada gurmadka degdegga ah marka uu dhaco “weerar argagixiso oo aan kala sooc lahayn”.

Muuqaal la duubay ayaa muujinayay booliska oo qoryo ku fiiqaya ninkii weerarka geystay, halka qof kalena uu dhiig ka daadanayo oo aan dhaqdhaqaaq lahayn uu yaallo meel u dhow irdaha macbadka.

“Wuxuu isku dayayaa inuu batoon riixo,” ayuu yiri ninkii muuqaalka duubayay. “Toogta!”

Xilli uu ninkii weerarka geystay isku dayayay inuu kaco, ayaa waxaa la maqlay hal xabbad oo dhacaysa. Booliska waxay sheegeen in la dilay toddobo daqiiqo ka dib wicitaankii ugu horreeyay ee gurmadka.

Khabiirada walxaha qarxa ayaa markii dambe baaray meydka, waxaana agagaarka ku duulaysay diyaarad qumaatiga u kaca oo ay leeyihiin ciidamada gaarka ah ee SAS (Special Air Service), balse qalabkii uu xirnaa ninka weerarka geystay ayaa la xaqiijiyay inuusan ahayn mid “shaqeynaya”.

Taliyaha Guud ee Booliska, Sir Stephen Watson, ayaa sheegay in dad badan ay ku jireen gudaha macbadka markii uu weeraryahanku soo qaaday weerarka.

“Waxaa mahad iska leh geesinimada degdegga ah ee ay muujiyeen ilaalada ammaanka iyo dadkii cibaadaysanayay, iyo sidoo kale jawaabtii degdegga ahayd ee booliska, taasoo suuragelisay in weeraryahanka laga hor istaago inuu gudaha u galo,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaare Sir Keir Starmer, oo goor hore ka soo laabtay shir uga socday dalka Denmark, ayaa sheegay in Britain ay waajib ku tahay inay ka adkaato nacaybka sii kordhaya ee ka dhanka ah Yuhuudda.

“Waxaan muujinayaa garab istaaggayga, laakiin sidoo kale waxaan ka murugaysanahay inaad weli ku qasban tihiin inaad la noolaataan cabsidan,” ayuu yiri Sir Keir.

“Cidna ma ahayn inay sidaas sameyso. Qofna. Sidaa darteed, waxaan idiin ballan qaadayaa inaan samayn doono wax kasta oo awooddayda ah si aan idiinku dammaanad qaado amniga aad xaqa u leedihiin, anigoo ka bilaabaya joogitaan boolis oo muuqda, kaasoo ilaalinaya bulshadiinna.”

 

Bixinta baasaboorka oo horumar laga sameeyay iyo safaarad 8 sano ugu dambeysay…

0

Sanca (Caasimada Online) – Bixinta baasaboorka Soomaaliya ayaa horumar laga sameeyay iyadoo safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen ay 8 sano kadib dib u billowday bixinta baasaboorka dalka.

Tan iyo muddadaas waxa ay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ay dalbanayeen in loo fududeeyo sidii ay ku heli lahaayeen maadaama ay u baahan yihiin.

Safiirka Soomaaliya ee Yemen Cabdixakiin Maxamed Axmed oo ka hadlay Musaabadda dib u furista qaadashada Baasaboorka Dalka ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool ay dalban karaan, iyadoo dib u casriyeyn lagu sameeyay qaadashadiisa.

Sidoo kale wuxuu sheegay in la bilaabay wajigii koowaad ee muwaadiniinta Soomaalida lagu siinayo baasaboorka dalka,kadib markii muddo sideed sano ah ay sugaayeen in ay helaan adeegaan.

Safiirka ayaa xusay in muwaadiniin gaaraya 71 ruuux ay qaateen baasaboorka Soomaaliga ah, isla markaana ay jiraan tiro badan oo weli ku sugan Dalka Yemen oo sugaaya adeegaan, kadib markii uu Danjire C/Xakiim Maxamed uu tilmaamay in la sameeyay baaritaanno lgu xaqiijinaayo a in ay yihiin dad Soomaali ah.

“Ku dhowaad 8 sano sano kaddib ayaa dib u billownay bixinta Baasaboorka oo ah xuquuqda muwaadinka xaqqa u leeyahay, Hadda kaddib si caadi ah ayay u qaadan doonnaan qofkii la caddeeyo muwaadinnimadiisa,” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Yemen, Cabdixakiin Maxamed Axmed.

Bixinta adeegga baasaboorka Soomaaliga ah ayaa la filayaa in muwaadiniinta uu u fududeeyo sidii ay dalka Yemen uga soo bixi lahaayeen,isla markaana ay dib ugu soo noqon lahaayeem gudaha dalka.

Si kastaba, Baasaboorka Soomaaliya ayaa si tartiib tartiib ah usoo ceshanaya maqaamkiisii caalamiga ahaa, taasoo astaan u ah dadaallada diblomaasiyadeed ee dalka ee sii kordhaya iyo adkaysiga uu muujiyay kadib tobannaan sano oo uu go’doon kaga jiray dunida inteeda kale sababo la xiriira ammaan-darro iyo masiibooyin dabiici ah.

Tan iyo markii uu qarxay dagaalkii sokeeye sannadkii 1991-kii, Baasaboorka Soomaaliga waxa uu soo maray isbeddello is-daba-joog ah, oo ay ku jirto soo bandhigidda nooc casri ah oo leh muddo ogolaansho oo gaaraysa shan sano.

Isbeddelladan ayaa ka tarjumaya dadaallada ballaaran ee dalka loogu jiro dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo xoojinta maqaamkiisa caalamiga ah.

Sannadkii 2016-kii, Baasaboorka Soomaaliya waxa uu ku jiray kaalinta 101-aad ee qiimeynta Tilmaamaha Baasaboorrada ee Henley (Henley Passport Index), oo ah shirkad la-talin iyo cilmi-baaris oo caan ku ah qiimeynta awoodda socdaalka caalamiga ah.

Hadda, waxa uu kor u kacay siddeed darajo isagoo soo gaaray kaalinta 95-aad, sida lagu sheegay qiimeyntii ugu dambeysay ee lasoo saaray bishii Luulyo 2025. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa hadda u safri kara in ka badan 30 dal iyaga oo aan u baahnayn fiiso hore loo sii dalbaday.

Qiimeyntan, oo ku saleysan xog laga helay Hay’adda Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA) iyo cilmi-baaris socotay labaatan sano, ayaa lagu qiimeeyaa 199 baasaboor iyadoo la eegayo 227 dal oo loo safri karo, waxaana lagu kala saaraa iyadoo lagu saleynayo tirada waddamada ay dadka wata baasaboorkaas ku booqan karaan fiiso la’aan.

Isbaheysiga mucaaradka iyo madax goboleedyada oo noqon doona laba midkood

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa qodobo ka soo saaray shir ay shalay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amniga Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Saacid Faarax Shirdoon iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay kulanka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kulanka lagu go’aamiyay dhowr arrimood oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin:

  1. In la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Puntland.
  2. In si dhaqso ah shir kale loogu qabto gudaha dalka Soomaaliya si looga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka dalka.
  3. In shirka socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
  4. In shacabka Soomaaliyeed loogu baaqo midnimo iyo iskaashi, loona istaago ilaalinta Qarannimada, Xasilloonida iyo Wadajirka dalka.
  5. In lagu bogaadiyo Dowladda Kenya kaalinta ay ku bixisay fududeynta iyo martigelinta shirka.

Fursad mise caqabad?

Qaar ka mid ah falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in kulanka mucaaradka iyo maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland uu keeni karo laba arrimood oo kala ah culeys iyo faa’iido.

Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, ahna falanqeeye arrimaha Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim, ayaa kulanka ku micneeyay sidan: “fursadna wuu keenayaa, caqabadna wuu keenayaa.”

Isagoo sii sharraxaya labada arrimood ayuu yiri Maxamed Mukhtaar: “Fursadda ugu weyn, sidaan la soconno bishii Maarso dhammaadkeedii, madaxweynuhu wuxuu ku baaqay madal uu rabo inuu kula tashado dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan siyaasiinta. Balse siyaasiinta laftoodu ma aysan mideysneyn. Marka hadda, haddii qaar ka mid ah ay midoobaan oo ay hal cod ku hadlaan, waxay dowladda u fududeyn kartaa inay hal qolo la hadasho, taas ayaana ah fursadda.”

Wuxuu intaa ku daray wasiirkii hore Maxamed Mukhtaar, isagoo ka hadlayay culeyska uga imaan kara dowladda: “Arrintaan waxay abuuraysaa culeys ay rabaan inay helaan mid u dhigma kan madaxweynaha, oo ay ku xakameeyaan. Waxayna keenaysaa culeys mideysan oo ah dowlad-goboleedyadii iyo xubnaha mucaaradka.”

Dhaqan soo noqnoqday

Kulanka xubnaha mucaaradka iyo madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa sidoo kale muujinaya arrin aan ku cusbeyn siyaasadda Soomaaliya, sida uu sheegay Maxamed Mukhtaar, taas oo ah in mar walba oo dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyadu is qabtaan, ay mucaaradku la saftaan maamullada.

“Mucaaradka ujeedadoodu waxay tahay inay xakameeyaan dowladda awoodeeda, iyo in xilliga kala guurka ah ay arrimuhu noqdaan kuwo loo siman yahay,” ayuu yiri.

Is-biirsiga mucaaradka iyo maamul-goboleedyada ayaa sida muuqata keeni kara culeys mararka qaar hakad gelin kara tallaabooyinka dowladdu ku wajahayso dastuurka, doorashooyinka iyo dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, sida uu qabo falanqeeyaha.

Sidoo kale, falanqeeye ahna wasiir hore Maxamed Mukhtaar ayaa sheegay in war-saxaafadeedka ka soo baxay kulanka ka dhacay Nairobi lagu mahadceliyay Dowladda Kenya, arrintaas oo uu u arko inay muujinayso kaalinta sii kordheysa ee Kenya ku leedahay arrimaha Soomaaliya.

“Marka bayaanka ka soo baxay shirka Kenya loogu mahadceliyo, wuxuu muujinayaa doorka soo kordhaya ee Kenya ku leedahay arrimaha Soomaaliya,” ayuu yiri Mukhtaar.

Ugu dambeyn, Maxamed Mukhtaar wuxuu soo jeediyay in labada dhinac – dowladda federaalka iyo siyaasiinta mucaaradka oo ay ku jiraan maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland – ay wada hadlaan si la iskula fahmo arrimaha khilaafka keenaya.

Wuxuu xusay in markii hore aragtiyadu kala fogaa, hase yeeshee aan cidna wax ka faa’iidin marka la eego halka khilaafku gaaray. Wuxuuna intaas ku daray in hadda ay qasab tahay, marka la eego xilliga kala guurka ah iyo sida muhiimka ah ee ay u tahay in miiska wadahadalka la isugu yimaado.

“Waxyaabihii waaweynaa wax lagama qaban, waxaana qasab ah in miiska wadahadalka la isugu yimaado si xilligaan kala guurka ah looga gudbo,” ayuu yiri.