25.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Mucaaradka oo si yaab leh uga hadlay safarka Xasan ee Kismaayo iyo qorshahiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii u horreysay ka hadlay safarka uu Madaxweynaha Soomaaliya maanta ku tegay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland.

Mucaaradka ayaa socdaalka Kismaayo ku tilmaamay mid si xooggan u caddaynayaa fashilka iyo dhammaadka taaktikadii ku danaysiga iyo kumeel gaarnimada ee madaxweynaha, sida uu sheegay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Madaxweynaha aysan ka aheyn in uu nin dawladeed oo dan qaran u tanaasulay yahay, balse ay tahay xeeladaysi ay baahidu ku qasabtay.

“Maaddaama uu faro maran ka joogo saaxadda ballaaran ee siyaasadda, waqtigiisiina gabaabsi yahay, kana cabsi qabo in uu wajaho cawaaqibta habdhaqankiisii iyo go’aannadiisii aan ka fiirsiga lahayn, maanta Madaxweynaha khiyaaraad badan ma laha. Waa tallaabada nin ay sandulle ku noqotay in uu siyaasadihiisa wax ka beddelo si uu u helo muddo kororsi,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo uu cinwaan uga dhigay: Markabkii heehaabayey ee marsada Kismaayo ku xirtay.

Waxaa laga yabaa in dad badani ku jahwareersan yihiin safarka Madaxweynah ee Kismaayo iyo sidoo kale natiijada ka dhalan karta. Balse layaab kugu noqon mayso haddii aad seddaxdii sano iyo barkii tagtay si dhow ula socotay sooyaalkii siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kala qaybi oo u tali

Madaxweyne Xasan markii uu xilka ku soo laabtay wuxuu dhinac iska dhigay hawshii waynayd ee aragtida, istiraatiijiyada, qorshaha iyo dhabar-adayga dawlad-dhiska u baahnayd, wuxuuna ka doorbiday taaktiko ku dhisan kala qaybi oo u tali, taas oo uu kula dhaqmay saaxiib, mucaarad, mid la jaal ah iyo mid ka fogb intaba, Wuxuu kaloo go’aansaday in aan la saadaalin karin waxa ka suurooba, si aysanba u dhicin qof kalsooni ka haysta oo isku hallayn kara.

Waxaa intaa u dheeraa in hawl kasta, heerka ay doonto ha noqotee, uu isagu halkeeda ugu hooseeya maamulo.

Wuxuu iska dhaadhiciyey in sidaasi ay tahay furaha ugu sahlan ee uu talada ku haysan karo. Waxaa laga yaabaa in ay muddo u shaqaysay, waase hubaal ah in aysan noqon karin istiraatiijiyad waarta.

Maadaama aysan jirin cid Madaxweynaha saadaalin karta tallaabadiisa labaad, waxaa ka dhalatay in uusan jirin qof isku hallayn kara, ama saaxibtinimo iyo isbahaysi taabbagal ah la geli karta, gudo iyo debad, Soomaali iyo Shisheeye intaba.

Intii uu is lahaa dadka ka caqli badi, maalintaana ku mood, ayuu dhaawacay kalsoonidii isaga iyo dawladda Soomaaliyeedba lagu qabay.

Hantida ugu muhiimsan ee hoggaamiye uu helaa waa kalsooni iyo aaminaad. Madaxweyne XSM waxa raasamaalkan muddada dheer hayn karey uu ku doorsaday dheef maalinle ah. Kalsoonidii lagu aamini lahaa waxa uu dilay markii uu si kasta u muujiyay in eraygiisuba uu le’eg yahay wixii hadba markaas ku soo dhaca, iyo danta markaas u muuqata.

Hawo Shakhsi ah

Awoodda dawladeed waxa lagu dhisaa hay’ado xooggan oo aan la shakhsiyadaynin. Madaxweyne XSM mabda’aas wuu xooray, oo dawladdiiba waxa uu u qaatay in ay tahay badeecad uu qof ahaan u leeyahay ee aanay ahayn dan dawladnimada loogu adeegayo.

Jagooyinkii muhiimka ahaa ee siyaasadda, hay’adaha ammaanka, maaliyadda, iyo diblomaasiyadda loo ma eego mutaysi, ee waxa la isugu abaalgudaa hadba sida isaga daacadda loogu yahay.

Tani ma aha dhaqan qof dawladimo doon ah oo dhisaya hay’ado dawladeed oo tabargal ah, mana aha kelitaliye fiiro dheer oo sii dhisanaya mishiin siyaasadeed oo cimrigiisa siyaasadeed raajiya.

Xil iyo xoolo bixintiisu ku ma salaysna falsafad is haysata, oo u adeegaysa himilo weyn iyo qorshe cad oo dawladnimada hanaqaad ka dhigi kara midna.

Hannaankani waxa uu shabbahaa hantiile batrooni ah oo xoolihiisa ku bixiya qofkii amaana ama u rucleeya, marka ay hantidu ka dhammaatana laga kala dareero, kolkaana uu ku waabariisto in awooddiisuba ay gunta ka haawanaysay jidmarna ahayd.

Haddii hawo shakhsi ah lagu socon, aaway xeer ilaalintii danbiga ku soo oogtay Axmad-Madoobe, aawayse Maxkamaddii waaranka u jartay, aaway go’aannadii Golaha Xukuumadda ka soo baxay ee argagexiso la shaqaysi ku eedaysay, aaway kumanaankii wiil ee Raskambooni lagu halligay? Aaway, aaway?

Qab masaajayn

Guuldarraysigan istiraatajiyadeed waxa ku lammaan dhinac shakhsiyadeed oo walaac leh. Waxa ay u muuqataaba in waxan Madaxweynaha ka dhigaya lamafilaanku aanu ahayn xisaab ka xumaatay e, uu yahay gedgeddoon caaddifadeed iyo hadba sida uu dareekiisa ama dooqiisu yahay. Dawladnimadii Soomaaliyeed waxay hoos joogtaa dareenka caaddifadeed iyo falcelinta qof kaligii ah.

Tani waxay keentay in dadka aadka ugu dhow Madaxweynaha ay siiyaan warbixino xaqiiqada ka fog, huwiyaanna amaan sii quudinaysa sawirka wayn ee uu naftiisa ka haysto. Iska-badbadashadaas iyo qab masaajayntu waxay ka dabooshay waayaha qallafsan iyo xaqiiqooyinka jira.

Dabadeed halkaa waxa ka dhashay saaxad siyaasadeed oo nacab iyo nasteex aan la kala saari karin, oo kartileyda iyo kartilaawuhu isku mid yihiin. Go’aannada lagu ma saleeyo danta qaranka, ee waxa lagu beegaa rabitaanka iyo hawada Madaxweynaha ee maalintaa.

Safarka Kismaayo

Socdaalka Kismaayo wuxuu si xooggan u caddaynayaa fashilka iyo dhammaadka taaktikadii ku danaysiga iyo kumeel gaarnimadka. Madaxweynaha kama ah in uu nin dawladeed oo dan qaran u tanaasulay yahay, ee waa xeeladaysi ay baahidu ku qasabtay.

Maaddaama uu faro maran ka joogo saaxadda ballaaran ee siyaasadda, waqtigiisiina gabaabsi yahay, kana cabsi qabo in uu wajaho cawaaqibta habdhaqankiisii iyo go’aannadiisii aan ka fiirsiga lahayn, maanta Madaxweynaha khiyaaraad badan ma laha. Waa tallaabada nin ay sandulle ku noqotay in uu siyaasadihiisa wax ka beddelo si uu u helo muddo kororsi.

Ma kula tahay in ay jirto cid aaminaysa nin mawqifyadiisu ay habeendhax yihiin? Cidda ay maanta is hayaan ay berri shuraakoobayaan, kuwa maanta la joogana ay kala tegi karaan?

Way caddahay in uusan jirin isbeddel ku yimid Madaxweynaha, iyada oo danta qaranka la xeerinayo darteed, ee waxa ay marag u tahay in khilaafkii Jubbaland aanu marna ahayn mid hay’adeed ee uu ahaa mid shakhsiyadeed.

Dabin uu isagu isu qoolay

Madaxweyne Xasan taaktikooyinkii kala qaybi ee u tali, in la fili karin ama ficilkiisa la saadaalin karin, daacadnimada shakhsiga ah, cabsida iyo badroonnimada uu la-shaqayntiisa shardiga uga dhigi jiray, waa tan halka uu taagan yahay dhigtay. Isaguna marba marka ka danbeeya wuu sii liicayaa, maaddaama aanu dhisin hay’ado dawladeed oo waara, oo aanu yeelan saaxiib daacad u ah iyo isbahaysiyo dhab ah.

Doonnidii heehaabanaysay ee jahadu ka habawday haatan waxay ku soo xiratay Kismaayo. Waxaase is wayddiin mudan: ilaa goorma, ujeeddaduse waa maxay? Marba haddii aanay jirin istiraatajiyad fadhida oo ku dhisan ballanqaadyo laga dhabaynayo iyo wadashaqayn hay’adeed, safarkani wuxuun buu noqonayaa mid ka mid ah ficilladii lamafilaannimada.

Waa laga yaabaa in cinwaannada wararka ee maalintaa uu galo, balse dib u ma dhisayso kalsoonidii sannadaha la soo burburinayey. Waa xeeladaysi looga dan leeyahay samatabax siyaasadeed, ee ma aha seesdhigga dawladnimo xasilloon oo Soomaaliya ay aadka ugu baahan tahay.

Kismaayo ka dib siyaasada dalka waxay qaadanaysaa itijaaah cusub, waxaaase doqon ah cidii maanta ka dib eed ama godob u gasha Xasan Sheekh.

DF oo soo saartay amar cusub kadib weerarkii Godka Jilacow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar cusub oo lagu adkeynayo xakamaynta gaadiidka ciidamada, kaddib weerarkii galabnimadii shalay ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xarunta NISA ee Godka Jilicow, degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa ku wargelisay ciidanka amniga ee jooga baraha hubinta in ay si buuxda u baaraan gaadiidka dowladda, isla markaana si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa hubka iyo gaadiidka ciidamada ee gudaha caasimadda, si loo xaqiijiyo amniga Muqdisho.

“Hay’adaha amniga waxaa lagu amray in ay si adag u xakameeyaan socodka hubka iyo gaadiidka ciidamada gudaha magaalada. Tallaabadani waxay muujineysaa muhiimadda degdegga ah ee ay leedahay baarista iyo xakamaynta gaadiidka lagu rinjiyeeyay midabka ciidamada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha.

Amarkan cusub ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab oo watey dharka ciidamada dowladda iyo gaari lagu rinjiyeeyay calaamadda NISA ay weerar ku qaadeen xarunta sirdoonka ee Godka Jilicow.

“Waxaa lama huraan ah in si buuxda loo dhaqan geliyo xeerarka iyo habraacyada amniga ee lagu ilaalinayo caasimadda, lana xakameeyo hubka iyo gaadiidka ciidamada,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Tallaabadan ayaa haddii la dhaqan-geliyo, si toos ah u saameyn doonta ciidamada ku socda gaadiid buufsan, maadaama hore baaritaanka baraha hubinta uu inta badan ku koobnaa gaadiidka rayidka ah oo safaf dhaadheer ku gala isgoysyada Muqdisho.

Weerarkii shalay ayaa daaha ka qaaday daldaloolo amni oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, gaar ahaan ilaalinta gaadiidka iyo hubka ciidamada ee maraya gudaha magaalada Muqdisho, si looga hortago in argagixisadu u adeegsadaan falal amni-darro.

Xukuumadda ayaa dhankeeda sheegtay in weerarkii Sabtidii dhacay uu ahaa mid ay kooxda Al-Shabaab ugu jawaabeysay guulihii ciidamadu ka gaareen gobollada koonfureed, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada ah shalay ka xoreeyeen deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo.

Dowladdu waxay tilmaamtay in weerarkaasi uu daaha ka qaaday daldaloolo amni oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, gaar ahaan ilaalinta gaadiidka iyo hubka ciidamada ee maraya gudaha magaalada Muqdisho, si looga hortago in argagixisadu u adeegsadaan falal amni-darro.

Xukuumadda ayaa dhankeeda sheegtay in weerarkii Sabtidii dhacay uu ahaa mid ay kooxda Al-Shabaab ugu jawaabeysay guulihii ciidamadu ka gaareen gobollada koonfureed, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada ah shalay ka xoreeyeen deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo.

Puntland iyo Somaliland oo ku dhawaaqay heshiis cusub

Nairobi (Caasimada Online) – Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashiga amniga, nabadda iyo horumarinta bulshada kadib shir taariikhi ah oo ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya 4-5-tii October 2025, sida lagu sheegay war-murtiyeed si wadajir ah loo soo saaray.

Shirkan oo ay ka qayb galeen wasiirro iyo saraakiil sare oo ka kala socday labada dhinac ayaa lagu falanqeeyay xaaladda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan sida loo xoojin karo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo iskaashiga dhinacyada la-dagaalanka argagixisada.

“Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan la-dagaalanka argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish, iyadoo la mideynayo qorsheyaasha amniga ee ka dhanka ah kooxaha fulinaya falalka argagixisanimo ee xuduudaha labada maamul,” ayaa lagu yiri bayaanka.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale xusay in labada dhinac ay isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga amniga badda, iyadoo diiradda la saarayo la-dagaalanka dambiyada badda iyo tahriibka. Waxaa lagu heshiiyey in la dhiso guddiyo amni oo wadajir ah si loo xaqiijiyo bad-qabashada iyo isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee dhex-marta xeebaha labada maamul.

Labada maamul ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo soo afjaro colaadihii ka dhacay Ceerigaabo iyo deegaannada hoos yimaada, lana fududeeyo dib-u-celinta dadka barakacay.

Shirku wuxuu ammaanay gogosha nabadda ee uu dhigay Madaxweynaha Somaliland, wuxuuna ku boorriyay dadka deegaanka inay ka qayb qaataan dadaallada lagu xoojinayo deganaanshaha.

“Dadka barakacay waa in si nabad iyo kalsooni leh ugu soo laabtaan guryahooda,” ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka, iyadoo lagu daray in Puntland ay kaalin muuqata ka qaadanayso qabsoomidda gogosha nabadda ee Ceerigaabo.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo isu-socodka bulshada iyo ganacsiga, lana hirgeliyo kaabayaal dhaqaale oo kor u qaada xiriirka ganacsi ee labada dhinac.

Waxaa lagu tilmaamay in tallaabadani ay muhiim u tahay kobaca dhaqaalaha, xasillinta bulshada iyo abuuridda jawi iskaashi oo waara.

War-murtiyeedka ayaa si cad u cambaareeyay siyaasadaha iyo xayiraadaha saameeya isticmaalka hawada iyo duulimaadyada rayidka, iyadoo lagu baaqay in hawada loo isticmaalo si nabad iyo cadaalad ku dhisan oo aan carqaladeyn isu-socodka bulshada.

Gebagebadii shirka, mas’uuliyiinta Puntland iyo Somaliland ayaa ku heshiiyeen in la joogteeyo kulamada wada-tashiga iyo wadahadalka ku saabsan arrimaha danaha guud ee labada dhinac.

Waxay sidoo kale bogaadiyeen taageerada Beesha Caalamka ee ku aaddan nabadda iyo horumarinta Geeska Afrika.

“Labada dhinac waxay caddeeyeen inay ka go’an tahay in la xoojiyo wada-shaqeynta, la-dagaalanka argagixisada, iyo in dadka reer Geeska loo abuuro mustaqbal nabdoon,” ayaa lagu soo xiray war-murtiyeedka.

Heshiiska amni ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland ayaa imanaya xilli labada dhinac ay xiriir adag iyo kalsooni darro siyaasadeed kala dhexeeyaan Villa Somalia, kadib markii dowladda federaalka ay taageertay dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari. Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa si isku mid ah uga caroodey tallaabadaas, iyagoo u arka dhulkaas in midba uu maamulkiisa ka tirsan yahay.

Sidoo kale, Puntland waxaa dowladda federaalka kala dhaxeeya khilaaf salka ku haya arrimaha federaalka iyo dastuurka, halka Somaliland ay la kulantay cadaadis xooggan oo Muqdisho ku wiiqday dadaalladeeda gooni isu taagga.

Inkastoo labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland ay weli isku khilaafsan yihiin arrimo dhuleed iyo siyaasadeed, haddana wada-hadalkan ayaa loo arkaa tallaabo diblomaasiyadeed oo lagu muujinayo in labada maamul ay diyaar u yihiin iskaashi ka madax-bannaan iyo iska caabin ka dhan ah saamaynta Villa Somalia.

Xog: Halkee magaalada kasoo galeen raggii fuliyay weeraka Godka Jilacow? + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad iyo xogo dheeraad ah ayaa waxa weli laga helayaa weerarkii ay Al-Shabaab gelinkii dambe ee shalay ku galeen gudaha Godka Jilacow oo ah xarunta baarista ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee (NISA).

Weerarkan ayay Al-Shabaab usoo qorsheeyeen si ka duwan weeraradadii hore, iyaga oo adeegsaday xeelad cusub oo ay ku qaldeen hay’adaha ammaanka, kadib markii ay isku soo ekeysiiyeen ciidamada, ayna isticmaaleen dareeska ciidanka Duufaan iyo astaantooda oo ay ku buufiyeen gaari Cabdi Bile ah oo ay u adeegsadeen qaraxa koowaad ee lagu furay weerarka.

Caasimada Online, oo saameysay xooraan dhinacyo kala duwan ah ayaa ku ogaatay in ragga weerarka fuliyay iyo gaarigooda ay magaalada kasoo galeen dhanka dhanka gobolka Shabeelaha Hoose, waxayna si caadi ah uga soo gudbeen Ex-koontarool Afgooye, kadibna ay soo abaareen gudaha oo ay ka fuliyeen weerarkooda oo ahaa bartilmaameed aad looga soo shaqeeyay.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in gaariga ay wateen ragga fuliyay weerarka oo ahaa illaa 7 nin ay soo mareen koontaroolo kala duwan, ayna ciidanka ku qaldeen dareeska iyo astaanta gaariga oo ahayd midda ay adeegsadaan ciidanka Duufaan ee hay’adda NISA, taas oo u fududeysay in aysan marin wax baaritaan ah.

Sidoo kale, waxaa u suurageliyay in gudaha ay usii gudbaan in Godka Jilacow ay xero ku dhex leeyihiin Duuufaan, taas oo keentay in aan laga shakin, lana baarin gaarigooda oo kadib qarxay, uuna xigay dagaalka ay meesha ku galeen raggii saarnaa oo dhammaantood xalay lagu toogtay gudaha taliska.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in hadda kadib loo baahan doono in la baaro gaadiidka ciidamada, si loo hubiyo cidda saaran.

“Tani waxay muujineysaa baahida degdegga ah ee loo qabo hubinta iyo xakamaynta gaadiidka lagu rinjiyeeyey midabka ciidamada ee gudaha caasimadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dowladdu waxay tilmaamtay in weerarkaasi uu daaha ka qaaday daldaloolo amni oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, gaar ahaan ilaalinta gaadiidka iyo hubka ciidamada ee maraya gudaha magaalada Muqdisho, si looga hortago in argagixisadu u adeegsadaan falal amni-darro.

Xukuumadda ayaa dhankeeda sheegtay in weerarkii Sabtidii shalay dhacay uu ahaa mid ay kooxda Al-Shabaab ugu jawaabeysay guulihii ciidamadu ka gaareen gobollada koonfureed, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada ah shalay ka xoreeyeen deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo.

Qorshihii mucaaradka ee Nairobi oo fashilmay kadib tagista Xasan ee Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Qorshe culus oo ah mucaaradka ka lahaayeen shirkii ay magaalada Nairobi kula yeesheen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa fashilmay, sida uu shaaciyay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in mucaaradka ay damacsanaayeen in ay ka hortagaan safarka Xasan Sheekh ee Kismaayo, balse ay ku guul darreysteen qorshahooda, maadaama uu maanta Kismaayo ka dagay madaxweynaha.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in markale ay hadda isku dayayaan inay fashiliyaan wada-hadallada bilaabanaya , balse aysan ku guuleysan doonin, sida uu hadalka u dhigay.

“Madashii calaacalku waxay Xamar uga safreen oo dal kale shirar ugu abaabuleen in ay caqabado ku hor gudbaan safarka madaxweynaha ee Kismaayo in uusan hirgelin balse taas waa ku guuldarraysteen” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Waxay hadda isku dayayaan wadahadalku inuusan guualysan oo aan la heshiin taasna waxaan rajaynayaa in aysan ku guulaysan!”.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa sidoo kale xusay in xubnaha Madasha Samatabixinta ay diidan yihiin in heshiis buuxa la gaaro, maadaama horay fursad loogu siiyay 5 fadhi, kadib shirar ka dhacay Villa Somalia.

“Shan fadhi oo wadahadal ah ayaa madaxweynuhu madashaas ugu fidiyey Madaxtooyada, intoodii ay dhabta ka ahayd waa la heshiiyay, kuwii ajandayaasha kale watay ayaa diiday ayagana halgankoodii wuxuu ku soo idlaaday saldhiggii Wardhiiglay markii ay weerareen!” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale mucaaradka hadda jira ku sifeeyay inay yihiin “Waayeel Weero” lamid ah ciyaal weerarkii horay loola dagaalamay, sida uu hadalka u dhigay.

“Xamar waxaa ka jirey oo lala tacaalay Ciyaal weero, waxaa haddana soo baxay “Waayeel Weero” ayagana waa laga xallinayaa insha Allaah!” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Si kastaba, safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta ku gaaray Kismaayo ayaa kusoo aaday, iyada oo todobaadkii hore Axmed Madoobe uu Nairobi kula shiray dhigiisa Puntland iyo xubno kamid ah Madasha Samatabixinta, iyaga oo dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ugu talagaleen waqtiga kala guurka ee dalka

Xog: Saldhigyo militari iyo sirdoon ay ku lug leedahay Israel oo laga dhisay Somalia

Berbera (Caasimada Online) – Biyaha istiraatiijiga ah ee ku hareereysan Geeska Afrika iyo Jasiiradda Carabta, dowladda Imaaraatka Carabta ayaa si xooggan u ballaarisay shabakad saldhigyo militari iyo kuwa sirdoon ah, iyadoo abuuraysa silsilad adag oo ay kaga arriminayso mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee adduunka ugu muhiimsan.

Sida ay qortay Middle East Eye, In kasta oo shabakaddan ay ka kooban tahay jasiiradaha Suqadara ee Yemen ilaa marin-biyoodka Baab al-Mandab, haddana saldhigyadeeda ugu muhiimsan uguna shaqada badan waxay ku yaallaan xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Puntland iyo Somaliland.

Saldhigyadan Soomaaliya ku yaalla ayaa laf-dhabar u ah damaca ballaaran ee Imaaraatka, waxayna u adeegayaan sidii ay awooddeeda ugu fidin lahayd guud ahaan Geeska Afrika, si toos ahna shidaal ugu shubayaan colaadda ka socota Suudaan.

Istiraatiijiyadda guud ee Imaaraatka ayaa ku dhisan inay ka faa’iideysato awooddeeda maaliyadeed ee baaxadda leh iyo saameynteeda diblomaasiyadeed si ay u cago-dhigato dalal jilicsan ama aan dowladahoodu si buuxda u shaqeynin. Ballaarintan, oo lagu fulinayo iyadoo si dhow loola shaqeynayo xulafada ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Israel, ayaa xawaareysay tan iyo weerarradii 7-dii Oktoobar iyo dagaalkii xigay ee ka qarxay Marinka Gaza.

Shabakaddan saldhigyada ah—oo ku taalla jasiiradaha Yemen sida Abd al-Kuri, Samhah, iyo Mayun—waxay fududeyneysaa nidaam isku-dhafan oo sirdoon iyo difaaca gantaalaha ah, kaasoo ujeeddadiisu ugu weyn tahay la socodka maraakiibta iyo ka hortagga khataraha ka imaanaya xoogagga Xuutiyiinta ee xiriirka la leh Iran.

Si kastaba ha ahaatee, saldhigyada Imaaraatka ee ku yaalla dekedaha Soomaaliya ee Boosaaso iyo Berbera ayaa yeeshay door ka duwan kii hore oo aad u muhiim ah, kaasoo ka baxsan kormeerka badaha oo kaliya.

Hawlgallada Imaaraatka ee Soomaaliya waxaa saldhig u ah ka faa’iideysiga khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka. Iyadoo ka tallaabsanaysa dowladda federaalka ah ee Muqdisho, lana macaamishay maamul goboleedyada Puntland iyo Somaliland, ayay Abu Dhabi heshay xulafada deegaanka oo awood leh, halka ay abuurtay wax lagu tilmaamay “collaytan raagay” oo kala dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Habkan ayaa u oggolaanaya Imaaraatka inuu si madaxbannaan uga hawlgalo, taasoo gobolladan xeebaha ah u rogtay xarumo istiraatiiji ah oo uu ka fuliyo loollankiisa awoodeed ee gobolka.

Boosaaso: Xuddunta saadka

Magaalada Boosaaso ee Puntland, Saldhigga Cirka ee Boosaaso, oo ku dheggan garoonka diyaaradaha caalamiga ah, ayaa loo beddelay xarun militari oo casri ah oo Imaaraatku maamulo. Sawirrada dayax-gacmeedku waxay muujinayaan dhisme weyn oo ay ka mid yihiin raadaarka nooca GM-403 ee Faransiisku sameeyo ama kan Israel ee EL/M-2084, kaasoo awood u leh inuu la socdo bartilmaameedyo ka fog masaafo ka badan 400km, isla markaana daboolaya guud ahaan Gacanka Cadmeed.

Saldhiggu wuxuu ka kooban yahay bakhaarro rasaas oo si adag loo dhisay, meel u gaar ah diyaaradaha xamuulka culus, hangarro, isbitaal militari, iyo xarumo loogu talagalay Ciidanka Booliska Badda Puntland, oo markii hore lagu aasaasay taageerada Imaaraatka iyadoo lagu xadgudbayo cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay.

Intii u dhaxaysay Jannaayo 2024 iyo Jannaayo 2025, saldhigga waxaa lagu sameeyay ballaarin degdeg ah, iyadoo la dhisay saddex goobood oo cusub oo ay diyaaradaha qummaatiga u kaca ka haadaan iyo hangarro waaweyn oo qaadi kara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taasoo calaamad u ah kor u qaadis weyn oo lagu sameeyay awooddiisa hawlgal.

Waxaase ugu muhiimsan, saldhigga Boosaaso inuu yahay tubada saadka ee ugu weyn ee taageerada Imaaraatku siiyo ciidamada maleeshiyada ah ee Dhaqdhaqaaqa Degdegga ah (RSF) ee ka dagaallamaya Suudaan, halkaasoo uu ka socdo dagaal sokeeye oo waxyeello ba’an geystay.

Ilo-wareedyo kala duwan oo Suudaani ah iyo kuwa diblomaasiyadeed ayaa xaqiijinaya in Boosaaso loo isticmaalo gudbinta hubka iyo rasaasta loo wado ciidanka RSF, oo uu Mareykanku ku eedeeyey inay geysteen xasuuq.

Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa si isdaba-joog ah u qabtay diyaaradaha waaweyn ee xamuulka qaada ee noocoodu yahay IL-76 ee Ruushku sameeyo iyo kuwa C-130 Hercules ee militariga, kuwaasoo ku degan garoonka diyaaradaha. Horraantii 2024, duulimaadyadan saadka sida ayaa la sheegay inay imaan jireen laba ilaa saddex jeer maalintii; bartamihii 2025, tirada duulimaadyadu waxay degtay qiyaastii 15 jeer bishii, taasoo muujineysa jid sahay oo joogto ah oo la taaban karo.

Xiriirkan tooska ah ee ka imaanaya dhulka Soomaaliya ee ku wajahan goobaha dagaalka Suudaan ayaa ka dhigaya Boosaaso xarun lama huraan u ah siyaasadda arrimaha dibedda ee Imaaraatka ee ku dhisan faragelinta.

Berbera: Xarun istiraatiiji ah

Dhinaca galbeed ee xeebta Soomaaliya, Imaaraatku wuxuu isbahaysi istiraatiiji ah oo qoto-dheer la yeeshay Somaliland, oo ah maamul-goboleed wada dhaqdhaqaaq gooni-goosad. Sanadkii 2017, iyadoo dooneysa inay xoojiso sheegashadeeda madaxbannaanida, ayay xukuumadda Somaliland oggolaatay in magaalada dekedda ah ee Berbera laga dhiso saldhig militari oo Imaaraatku leeyahay.

Mashruucii markii hore hakadka galay ayaa si aamusan loogu beddelay xarun istiraatiiji ah oo heer sare ah. Saldhiggu wuxuu hadda leeyahay deked militari oo casri ah, meel ay ku soo xirtaan maraakiibta biyaha-dheer, iyo dhabbe diyaaraduhu ku ordaan oo dhererkiisu yahay 4 kilomitir, kaasoo qaadi kara diyaaradaha xamuulka culus iyo kuwa dagaalka. Kaabayaashan waaweyn ayaa Berbera ka dhigay xarun militari oo miisaan weyn ku leh gobolka.

Si ay u sii adkeyso ballanqaadkeeda muddada dheer, Abu Dhabi waxay sidoo kale bishii Juun 2025 soo gabagabaysay heshiis lagu dhisayo jid tareen oo isku xira dekedda Berbera iyo Itoobiya, taasoo sii adkeyneysa gacan sarraynteeda dhaqaale iyo saad ee Geeska Afrika.

Labadan saldhig ee Soomaaliya ma ahan goobo go’doon ah, balse waxay si adag isugu xiran yihiin xarumaha kale ee Imaaraatka ee gobolka. Xogta lagala socdo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ayaa muujineysa socod joogto ah oo ay wadaan maraakiib sida Takreem iyo al-Mabroukah 2, kuwaasoo isaga kala goosha Boosaaso, Berbera, jasiiradda weyn ee Suqadara, iyo jasiiradaha Yemen ee hadda la militareeyay, taasoo goobahan kala duwan isugu xireysa shabakad isku-xiran oo is-kaabeysa.

Gebogebadii, in kasta oo silsiladda saldhigyada Imaaraatku ay u adeegto ujeeddooyin istiraatiiji ah oo kala duwan, joogitaankeeda Soomaaliya wuxuu ku caan baxay saameynteeda tooska ah ee ay ku leedahay colaadaha gobolka iyo sida xirfadda leh ee ay uga faa’iideysatay kala qeybsanaanta siyaasadeed ee gudaha.

Iyadoo ka aasaastay xarumo sahay iyo militari oo casri ah magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera, Imaaraatku kuma aysan helin oo kaliya gacan sarrayn ay ku maamusho Gacanka Cadmeed, balse waxay sidoo kale abuurtay marin muhiim ah oo ay ku fidinayso saameynteeda kuna sahaynayso xulafadeeda, gaar ahaan dagaalka masiibada ah ee ka socda Suudaan.

Hawlgalladan ka socda Soomaaliya ayaa ah tusaalaha ugu cad ee muujinaya qorshayaasha waaweyn ee hamiga leh ee boqortooyadan yar ee Khaliijka ay ku doonayso inay dib ugu qaabeyso khariidadda siyaasadeed ee guud ahaan gobolka.

Madaxweyne Xasan oo ka dagay Kismaayo + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan uga hortegay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, qaar kamid ah golihiisa wasiirrada, xildhiaanno iyo boqolaal shacab oo loo diyaariyay soo dhaweynta madaxweynaha qaranka.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, waxaana sugaya ilaalada madaxweynaha oo saaka kaga sii horeeyay Kismaayo iyo ciidamo kamid ah kuwa maamulka Jubbaland.

Madaxweyne Xasan ayaa nasiino kadib wada-hadallo la yeelan doono Axmed Madoobe oo muddo dheer uu kala dhexeeyay khilaaf culus oo isku beddalay gacan ka hadal, kadib markii ay isku qabteen arrimaha doorasooyinka dalka

Wararka ayaa inaasti ku daraya kulanka maanta ay ka qeyb ka yihiin wafdi ka socda Dowladda Kenya oo ay ku jiraan Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Sirdoonka Qaranka Kenya Nuuradiin Xaaji, halka madaxweynaha uu la socday taliyaha NISA Mahad Salaad.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wada-hadalka oo socon doona laba maalmood ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee fool ka fool ah oo dhex mara labada dhinaca tan iyo markii ay ku kala tageen Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee sanadkii hore October 2024.

Sidoo kale lama saadaalin karin natiijada rasmiga ah ee kasoo bixi karta shirkooda, oo ku yimid cadaadis gudaha iyo dibadda oo ay la kulmeen labada nin.

Horay Xasan Sheekh oo wareysi bixiyay ayaa ku sheegay in wada-hadallo uu kula jiro Jubbaland iyo Puntland, uuna ku rajo wayn yahay in heshiis la gaaro ka hor 2026-ka.

Si kastaba, safarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadkii hore Axmed Madoobe uu Nairobi kula shiray dhigiisa Puntland iyo xubno kamid ah Madasha Samatabixinta, iyaga oo dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ugu talagaleen waqtiga kala guurka ee dalka.

Sweden oo war kasoo saartay fadeexada lacagta la sheegay in loo leexiyey R/W Xamza

Stockholm (Caasimada Online) – Dowladda Sweden ayaa beenisay in lacago gargaar ah oo Soomaaliya loogu tala galay la leexiyay oo la gaarsiiyay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kadib markii warbaahinta Swedish-ka ay kashiftay heshiis sir ahaa oo isku beddelasho muhaajiriin iyo gargaar ku saabsanaa, kaasoo horseeday khilaaf diblomaasiyadeed oo bilo socday oo dhexmaray Stockholm iyo Muqdisho.

Wasiirka Horumarinta Sweden, Benjamin Dousa, ayaa ku adkeystay in gargaarka Sweden la xaqiijiyay ammaankiisa lana marsiiyay Qaramada Midoobay, balse aan si toos ah loo siin siyaasiyiinta Soomaalida.

“Wax lacag ah ma aysan aadin xafiiska ra’iisul wasaaraha – waligeedna miiska lama soo saarin in si toos ah loo taageero siyaasiyiinta,” ayuu Dousa u sheegay barnaamijka Morgonstudion ee telefishinka SVT Jimcihii.

“Khatarta musuq-maasuqa awgeed, weligeen si toos ah uma siinno taageero siyaasiyiinta ama dowladda. Haddii lacagta si khaldan loo isticmaalo, isla markiiba waan joojin lahayn.”

Heshiis qarsoodi ah

Beenintan ayaa timid kadib markii barnaamijka Ekot ee Idaacadda Sweden uu kashifay in Sweden ay heshiis qarsoodi ah la gashay Soomaaliya bishii Diseembar 2023. Sida uu sheegay baaritaanku, Sweden waxay ballan qaadday inay 100 milyan oo karoon (qiyaastii $9 milyan) oo ka mid ah miisaaniyadeeda gargaarka u wareejiso sanduuq maaliyadeed oo ay iska kaashanayaan Soomaaliya iyo Talyaaniga, taasoo beddelkeeda Muqdisho ay ku oggolaanayso inay qaabisho muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo masaafuriyo Sweden, oo ay ku jiraan dembiilayaal la xukumay oo diiday inay si iskood ah uga baxaan dalkaas.

Email gudaha ah oo ka yimid Danjire Joachim Waern, oo ciwaankiisu ahaa “Heshiis waa la gaaray,” ayaa saraakiisha Sweden ku wargeliyay inuu heshiiska la meel dhigay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Heshiiskan ayaa isla markiiba waxaa ka horyimid hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (Sida). Saraakiisha hay’adda ayaa ka digay in lacagta la geliyo sanduuqa Soomaaliya iyo Talyaaniga ay xafiiska Xamza siin doonto awood xad-dhaaf ah oo uu ku maamulo kheyraadkaas.

“Asal ahaan waa sanduuqa ra’iisul wasaaraha,” ayuu yiri Cumar Maxamuud, oo ah falanqeeye arrimaha Soomaaliya u qaabilsan hay’adda International Crisis Group, kaasoo u sheegay Ekot in kiiskani uu iftiiminayo isku dayada Muqdisho ee ah inay si toos ah ula wareegto maamulka gargaarka.

Markii ay Sweden isku dayday inay lacagta xawisho, Bankiga Adduunka ayaa xannibay qayb ka mid ah lacag bixinta. Ayaga oo ka jawaabaya, mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa hakiyay masaafurinta, iyagoo ku eedeeyay Stockholm inay ka baxday ballantii heshiiska.

Khilaafka ayaa sii xumaaday horraantii 2024 markii ay Soomaaliya dalkeeda ka eriday madaxii gargaarka Sweden ee Muqdisho, Anna Saleem Högberg, iyadoo ku tilmaantay qof aan dalka laga rabin (persona non grata). Ilo Soomaaliyeed ayaa u sheegay Ekot in loo arkayay inay caqabad ku ahayd sii deynta lacagaha.

Xiisaddii ayaa soo afjarantay bishii Maajo 2024, markii Stockholm ay wax ka beddeshay awaamiirta qoondada miisaaniyadda ee Sida, iyadoo oggolaatay in la sii daayo 60-ka milyan ee karoon ee harsanaa.

Halkii ay aadi lahayd sanduuqa Soomaaliya iyo Talyaaniga, lacagta waxaa la marsiiyay mashaariic ay fulinayso Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), balse uu ku lug leeyahay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Wixii markaas ka dambeeyay, waxaa dib u bilowday masaafurintii dadka ee Sweden looga celinayay Soomaaliya.

Dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in habka wax laga beddelay uu weli kordhiyay saameynta Xamza. Sida uu sheegay telefishinka SVT, qiyaastii 32 milyan oo karoon ayaa loo qoondeeyay mashruuc wadajir ah oo u dhexeeya xafiiskiisa iyo UNDP, kaasoo ay khubaradu ku tilmaameen “mashruuc khatar badan.”

Sweden oo difaacday heshiiska

Dousa ayaa difaacay heshiiska, isagoo ku nuuxnuuxsaday in lacagta Sweden ay weli hoos imaanayso maamulka Qaramada Midoobay. “Marka sanduuqa uu dugsiyo ama xarumo caafimaad ka dhisayo Soomaaliya, dabcan, wuxuu la shaqeeyaa xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo wasaaradaha kale. Marka dhinacaas laga eego, waa run gebi ahaanba,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in Sweden ay dejisay shuruudo u gaar ah oo gargaarka ku xiran, ayna wadatashi dhow la yeelatay Muqdisho iyadoo u soo marisay Sida iyo safaaradda Sweden. “Annagu waxaan u sheegnay danteenna, iyaguna dantooda ayay noo sheegeen,” ayuu yiri.

Muranka gargaarka ayaa dib usoo shaac baxay iyadoo ay barbar socoto dabagal cusub oo lagu hayo hoggaanka Soomaaliya. Khamiistii, telefishinka TV4 ee Sweden ayaa baahiyay in Xamza uu ammaanay Xamaas kadib weerarkeedii Oktoobar 7, 2023, ee ka dhanka ahaa Israel, iyo in hadallo uu jeediyay oo uu tarjumay SVT, uu Yuhuudda ku tilmaamay “kuwo ka soo farcamay daanyeerro iyo doofaarro.”

Sweden waxay soo saartay habraacyo cusub oo mamnuucaya in gargaarku gaaro shaqsiyaadka ama kooxaha Yuhuud naceybka ah. Dousa ayaa hadallada Xamza ku tilmaamay “kuwo argagax iyo naxdin leh” laakiin wuxuu sheegay in aysan beddelaynin mowqifka Sweden.

“Wax lacag ah isaga toos uguma dhacdo,” ayuu yiri. “Oo haddii aynaan gargaar siin karin waddamada ay ka jiraan aragtiyo xagjir ah ama musuq-maasuq, markaas gabi ahaanba gargaar ma bixin karteen.”

Sweden waxay muddo dheer ahayd deeq-bixiye weyn oo Soomaaliya taageera, iyadoo ka gacan geysata gargaarka bini’aadannimo, dib-u-habeynta dowladnimada, iyo taageerada qeybta amniga.

DF oo qaaday tallaabo culus kadib weerarkii Godka Jilacow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta weerarkii is qarixinta ee ay Al-Shabaab ku qaadeen xarunta Godka Jilacow, waxaana haatan ciidamadu ay xireen qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla caasimada, halkaas ooo lagu arkayo gaadiidka ciidanka.

Ciidamada ayaa celinaya dhammaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo mootooyinka ka shaqeeya gudaha caasimada, taas oo keentay in shacabka ay lugeeyaan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in sababta loo xiray jidadkan ay tahay si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaqa gaadiidka, maadaama gelinkii dambe ee Sabtidii uu dhacay weerar shaki badan dhaliyay oo ay Al-Shabaab ku qaadeen xarunta baarista NISA ee Godka Jilacow.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah isgoysyada Sanca, Jardiinka, Siinaay, Foloranza, Aadan Cadde, Howlwadaag, KPP, Isgoyska isku xira Carwadii qaranka iyo Taleex, Tarabuunka, Banaadir iyo dhammaan waddooyinka gala aagga Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa saaka la xanibay dhaq-dhaqaaqa gawaarida habeenkii gasha Dekedda wayn ee Muqdisho, kuwaas oo illaa iyo hadda ku xayiran qaybo kamid ah caasimada.

Arrintan ayaa keentay saxmad wayn oo haatan ka jirta gudaha caasimada, maadaama inta badan la xiray waddooyinka waa wayn ee caasimada.

Weerarkii shalay ayaa dhaliyay tuhun wayn, maadaama ragga fuliyay ay wateen gaari loo ekeysiiyay midka hay’adaha amniga, laguna buufiyay astaanta NISA, taas oo u sahahay inuu gaaro bartilmaameedka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda.

“Tani waxay muujineysaa baahida degdegga ah ee loo qabo hubinta iyo xakamaynta gaadiidka lagu rinjiyeeyey midabka ciidamada ee gudaha caasimadda,” ayaa lagu xusay war-saxaafadeedka.

Dowladdu waxay tilmaamtay in weerarkaasi uu daaha ka qaaday daldaloolo amni oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, gaar ahaan ilaalinta gaadiidka iyo hubka ciidamada ee maraya gudaha magaalada Muqdisho, si looga hortago in argagixisadu u adeegsadaan falal amni-darro.

Xukuumadda ayaa sheegtay in weerarka Sabtida dhacay uu ahaa mid ay kooxda Al-Shabaab ugu jawaabeysay guulihii ciidamadu ka gaareen gobollada koonfureed, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada ah shalay ka xoreeyeen deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo.

Weerarkii Godka Jilacow oo la soo afjaray iyo DF oo soo saartay xog buuxda

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si buuxda u soo afjartay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ay shalay galab ku qaadday xarunta Baarista Jilacow ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ciidamada ammaanka ay ku dileen dhammaan kooxdii weerarka fulisay.

War-saxaafadeed rasmi ah oo xukuumaddu soo saartay ayaa lagu sheegay in ciidamada amniga ay si degdeg ah uga jawaabeen weerarka, islamarkaana ay toogteen toddoba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaas oo isku dayay inay galaan xarunta baarista ee hoos timaadda hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).

“Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay in muddo kooban gudaheed ay ku soo afjaraan weerarkii argagixisadu qaaday, ayna toogtaan dhammaan dhagarqabayaashii weerarka fuliyay,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda oo lagu faahfaahiyay natiijada howlgalka.

War-saxaafadeedka laguma sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka, iyo suurta-galnimada waxyeelo soo gaartay ciidamada ammaanka iyo shacabka.

Xeeladda kooxda weerarka qaaday

Dowladda ayaa sheegtay in kooxda weerarka fulisay ay adeegsatay gaari nooca Cabdi-Bilaha ah oo lagu rinjiyeeyay midabka iyo astaanta ciidamada qalabka sida, iyaga oo sidoo kale xirnaa darees u eg kan ciidamada amniga, taas oo u suurto-gelisay in ay si fudud uga gudbaan baraha koontarool ee caasimadda.

“Tani waxay muujineysaa baahida degdegga ah ee loo qabo hubinta iyo xakamaynta gaadiidka lagu rinjiyeeyey midabka ciidamada ee gudaha caasimadda,” ayaa lagu xusay war-saxaafadeedka.

Dowladdu waxay tilmaamtay in weerarkaasi uu daaha ka qaaday daldaloolo amni oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, gaar ahaan ilaalinta gaadiidka iyo hubka ciidamada ee maraya gudaha magaalada Muqdisho, si looga hortago in argagixisadu u adeegsadaan falal amni-darro.

Xukuumadda ayaa sheegtay in weerarka Sabtida dhacay uu ahaa mid ay kooxda Al-Shabaab ugu jawaabeysay guulihii ciidamadu ka gaareen gobollada koonfureed, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada ah shalay ka xoreeyeen deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo.

“Weerarka argagixiso ee galabta dhacay wuxuu ka tarjumayaa rafashada cadawga argagixisada ah ee shalay jab xooggan loogu geystay gobolka Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay duqeymo culus oo lala beegsaday deegaannada Jilib, Mubaarak, Ugunji iyo Kuunya-Barrow lagu dilay horjoogayaal waaweyn oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo ay ka mid yihiin saraakiil sare oo amniyaadka iyo qaraxyada u qaabilsanaa kooxda.

Waxaa la xaqiijiyay, sida lagu sheegay bayaanka, in duqeymahaasi lagu dilay Maxamed Cusmaan Maxamed (Tuutax), oo ahaa ku-xigeenkii madaxa guud ee amniyaadka Al-Shabaab iyo madaxa adeegga iyo soo iibinta walxaha qarxa.

Amarro cusub oo la soo saaray

Dowladdu waxay sheegtay in kadib weerarkan, la amray dhammaan hay’adaha amniga in ay si adag u fuliyaan xeerarka amniga caasimadda, kuwaas oo horey loo ansixiyay balse aan si buuxda loo dhaqan gelin.

“Waxaa lama huraan ah in si buuxda loo dhaqan geliyo xeerarka, habraacyada iyo go’aannada maamulka ee khuseeya amniga caasimadda iyo xakameynta hubka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hay’adaha amniga ayaa si gaar ah loogu faray in ay adkeeyaan xakamaynta gaadiidka iyo hubka gudaha Muqdisho, lana ilaaliyo isticmaalka midabada iyo astaamaha ciidamada oo si khaldan u adeegsada cid kasta oo aan amar u haysan.

“Waxaa si gaar ah loo farayaa hay’adaha amniga in ay si adag u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa hubka iyo gaadiidka ciidamada ee gudaha caasimadda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Federaalka ayaa u tacsiyeeysay ehellada iyo saraakiishii ay ka geeriyoodeen weerarka, iyadoo ku ammaanay ciidamada amniga sida ay uga jawaabeen weerarka iyo geesinimada ay muujiyeen.

“Waxaan tacsi u direynaa ehellada iyo ciidamada amniga ee ay ka shahiideen geesiyaashii ka hortagay weerarkii argagixisada, halka inta dhaawaca ah aan u rajeyneyno caafimaad degdeg ah,” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka dowladda.

Muqdisho oo muddo nabad ahayd

Weerarkan ayaa yimid iyadoo caasimadda Muqdisho ay bilihii la soo dhaafay ku jirtay xaalad amni oo degan, waxaana dhawaan la furay 52 waddo oo horay loo xiray sababo la xiriira amniga, iyadoo ujeedku ahaa fududeynta isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshaha lagu xoojinayo amniga caasimadda iyo kalsoonida shacabka ee dowladda.

“Waxaa billownay in aan furno 52 jid oo ah wajiga caasimadda, kuwa kale ee dhimman waa furi doonaa dhawaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda furitaanka waddooyinka.

Muddo bilo ah ayaa Muqdisho ka caaganeyd weerarrada waaweyn iyo qaraxyada ay kooxda Al-Shabaab fuliso, waxaana weerarka maanta uu xasuusin u yahay halista weli jirta ee ay kooxdu ku hayso caasimadda, inkastoo dowladda sheegtay in ay sii wadi doonto howlgallada lagu ciribtirayo. 

Axmed Madoobe oo dhaq-dhaqaaq culus ka billaabay Kismaayo + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Jimcihii dib ugu laabtay gudaha degmada Kismaayo ayaa isla markiiba magaaladaas ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo siyaaseed oo culus.

Axmed Madoobe ayaa shalay kulan gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka Jubbaland, isaga oo kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee maamulka iyo tan guud ee dalka.

Sidoo kale waxaa kulankan diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadda dalka iyo doorka odayaasha dhaqanku ku leeyihiin xasiloonida iyo horumarinta bulshada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Jubbland.

Kulankan ayaa qayb ka ah wada-tashiyo uu haatan bilaabayo Axmed Madoobe oo la xiriira wada-hadalka uu kula jiro Dawladda Federaalka, maadaama aad loo hadal hayo isku soo dhawaasho labada dhinac ah iyo inuu Madaxweyne Xasan qorsheynayo tagista Kismaayo, inkastoo weli ay jiraan caqabado ku hor dadban safarkiisa oo la xiriira khilaafka labada nin.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa sidoo kale kusoo aadayo, iyada oo Axmed Madoobe oo uu wehlinayo Madaxweyne maamulka Puntland Saciid Deni iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta  Soomaaliyeed ay todobaadkii hore go’aanno culus ku gaareen magaalada Nairobi, iyaga oo go’aamiyay dhowr arrimood oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin:

1- In la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada Jubaland iyo Puntland.

2- In si dhaqso ah shir kale loogu qabto gudaha dalka Soomaaliya si looga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka dalka.

3- In shirka socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

4- In shacabka Soomaaliyeed loogu baaqo midnimo iyo iskaashi, loona istaago ilaalinta Qarannimada, Xasilloonida iyo Wadajirka dalka.

5- In lagu bogaadiyo Dowladda Kenya kaalinta ay ku bixisay fududeynta iyo martigelinta shirka.

“Shirku wuxuu ugu baaqayaa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta iyo ka shaqeynta midnimadooda, xasilloonida dalkooda, kana hortagaan cid kasta oo dhaawacaysa wadajirkooda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa weli ku jirta xaalad siyaasadeed oo cakiran, waxaana la’isku hayaa hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo saaka ku wajahan Kismaayo + Qorshihiisa

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka kusii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo haatan laga dareemayo qaban qaabada soo dhaweyntiisa.

Wafdi hordhac u ah madaxweynaha iyo ciidankiisa ilaalada ayaa goor sii horeysay ka dagay Kismaayo, halkaas oo haatan ay ku sugan yihiin shacab iyo madax ka tirsan Jubbaland.

Muuqaallo laga soo duubay garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa muujinayo boqolaal shacab ah oo loo diyaariyay soo dhaweynta madaxweynaha, kuwaas oo gacmaha ku sita sawirradiisa iyo calanka Soomaaliya iyo midka maamul-goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne Xasan ayaa marka uu ka dago Kismaayo qorshihiisa wuxuu yahay inuu wada-hadallo la yeesho Axmed Madoobe oo muddo dheer uu kala dhexeeyay khilaaf culus oo isku beddalay gacan ka hadal, kadib markii ay isku qabteen arrimaha doorasooyinka dalka

Labada nin ayaa la filayaa in maanta ay is gacan qaadaan, isla markaana ay gaaraan heshiis lagu soo afjarayo xiisadda daba dheeraatay ee dowladda dhexe iyo Jubbaland.

Sida ay Ogaatay Caasimada Online, dadaalladan waxaa dhex dhexaadiyay dowlado waa wayn oo saameyn ku leh arrimaha gudaha Soomaaliya, sida Imaaraadka Carabta iyo Kenya oo u kala dab qaadaya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyaha mayalka adag ee Axmed Madoobe oo horay doorasho iskiis ah ugu qabsaday gudaha magaalada Kismaayo.

Wada-hadallada maanta bilaabanayo ayaa qorshuhu yahay in xoogga lagu saaro soo afjarida xiisadda labada dhinac, si looga wada shaqeeyo hannaan doorasho oo lagu mideysan yahay.

Xasan Sheekh oo dhowaan wareysi bixiyay ayaa ku sheegay in wada-hadallo uu kula jiro Jubbaland iyo Puntland, uuna ku rajo wayn yahay in heshiis la gaaro ka hor 2026-ka.

Si kastaba, safarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadkii hore Axmed Madoobe uu Nairobi kula shiray dhigiisa Puntland iyo xubno kamid ah Madasha Samatabixinta, iyaga oo dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ugu talagaleen waqtiga kala guurka ee dalka.

UAE expands military and intelligence bases in Somalia

BERBERA, Somalia – In the strategic waters surrounding the Horn of Africa and the Arabian Peninsula, the United Arab Emirates has aggressively expanded a network of military and intelligence bases, creating a formidable ring of control around one of the world’s most critical shipping lanes.

While this network spans from Yemen’s Socotra archipelago to the Bab al-Mandab strait, its most crucial and functional outposts are located on the coast of Somalia, in the autonomous regions of Puntland and Somaliland. These Somali bases serve as the linchpin for the UAE’s broader ambitions, projecting its power across the Horn of Africa and directly fueling the conflict in Sudan.

The UAE’s overarching strategy involves leveraging its immense financial power and diplomatic influence to establish footholds in fragile or under-governed states. This expansion, conducted in close coordination with allies like the United States and Israel, has accelerated since the October 7 attacks and the subsequent war in Gaza.

The network of bases—on Yemeni islands like Abd al-Kuri, Samhah, and Mayun—facilitates a shared intelligence and missile defense umbrella, primarily aimed at monitoring shipping and countering threats from Iran-aligned Houthi forces. However, the Emirati bases in Somalia’s ports of Bosaso and Berbera have taken on a distinct and pivotal role beyond maritime surveillance.

The UAE’s operations in Somalia are defined by its exploitation of the country’s internal political divisions. By bypassing the federal government in Mogadishu and dealing directly with the regional administrations of Puntland and Somaliland, Abu Dhabi has cultivated powerful local allies while fostering what has been described as a “chronic enmity” with Somali President Hassan Sheikh Mohamud. This approach allows the UAE to operate with considerable autonomy, transforming these coastal regions into strategic hubs for its regional power plays.

Bosaso: The supply lines

In Puntland, the Bosaso Air Base, adjacent to the international airport, has been transformed into a sophisticated Emirati-managed military facility. Satellite imagery reveals an extensive complex featuring a French-made GM-403 or Israeli EL/M-2084 radar system capable of tracking targets over 400km away, covering the entire Gulf of Aden.

The base includes fortified ammunition depots, a dedicated cargo area for heavy transport aircraft, hangars, a field hospital, and facilities for the Puntland Maritime Police Force, which was initially established with UAE backing in violation of a UN arms embargo.

Between January 2024 and January 2025, the base underwent rapid expansion, with the construction of three new helipads and large hangars capable of accommodating drones, signaling a significant upgrade in its operational capacity.

Crucially, the Bosaso base functions as the primary logistical pipeline for the UAE’s support of the paramilitary Rapid Support Forces (RSF) in Sudan’s devastating civil war. Multiple Sudanese and diplomatic sources confirm that Bosaso is used to transfer weapons and ammunition to the RSF, which the United States has accused of committing genocide.

Satellite imagery has frequently captured Russian-made IL-76 heavy transport aircraft and C-130 Hercules military transports on the airfield. In early 2024, these supply flights reportedly arrived two to three times per day; by mid-2025, the frequency had settled at around 15 flights per month, demonstrating a sustained and substantial supply line.

This direct link from Somali soil to the Sudanese battlefront makes Bosaso an essential node in the UAE’s interventionist foreign policy.

Berbera: Strategic hub

Further west along the Somali coast, the UAE has cultivated a deep strategic partnership with Somaliland, the autonomous region with the strongest independence movement. In 2017, seeking to bolster its claims for autonomy, the Somaliland government agreed to host an Emirati military base in the port city of Berbera.

What was once a stalled project has been quietly transformed into a premier strategic facility. The base now features a modern military port, a deep-water dock, and a 4-kilometer-long runway capable of accommodating heavy transport aircraft and fighter jets. This immense infrastructure has turned Berbera into a regionally significant military hub.

Reinforcing its long-term commitment, Abu Dhabi also finalized an agreement in June 2025 to build a railway linking the port of Berbera to Ethiopia, cementing its economic and logistical dominance in the Horn of Africa.

These two Somali bases are not isolated outposts but are intricately connected to the UAE’s other facilities in the region. Ship-tracking data reveals a constant flow of vessels, such as the Takreem and the al-Mabroukah 2, moving between Bosaso, Berbera, the main island of Socotra, and the newly militarized Yemeni islands, weaving the disparate locations into a cohesive and mutually supportive network.

In conclusion, while the UAE’s ring of bases serves multiple strategic purposes, its presence in Somalia stands out for its direct impact on regional conflicts and its masterful exploitation of local political fractures.

By establishing sophisticated logistical and military hubs in Bosaso and Berbera, the UAE has not only secured a dominant position over the Gulf of Aden. However, it has also created a critical corridor to project its influence and supply its proxies, most notably in the tragic war in Sudan.

These Somali operations are the most explicit demonstration of the small Gulf monarchy’s monumental and ambitious plans to reshape the entire region’s geopolitical landscape.

Somali forces thwart Al-Shabaab attack on NISA base

MOGADISHU, Somalia – Somali security forces on Saturday repelled a complex attack by Al-Shabaab militants on a high-security intelligence agency headquarters in the capital, Mogadishu, killing all seven assailants, the government said.

The brazen daylight assault on the Jilacow interrogation center, a key facility of the National Intelligence and Security Agency (NISA), shatters a period of relative calm in the city and underscores the persistent threat posed by the Al-Qaeda-linked group.

In an official statement, the Somali federal government confirmed that its forces “swiftly responded and successfully neutralized all seven terrorists who attempted to storm the facility.” The attack was brought to an end “in a short period,” the statement added.

While the government did not release figures on its own casualties, it offered condolences “to the families and security forces for the heroes who were martyred,” indicating that government forces suffered fatalities.

The militants used sophisticated tactics, disguising themselves in military uniforms and using a vehicle painted with the insignia of the armed forces to bypass security checkpoints in the heavily fortified capital.

Security lapses exposed

The government acknowledged the attack exposed “security vulnerabilities that need to be addressed urgently.” It issued new directives to all security agencies to strictly enforce protocols on the movement of weapons and military vehicles within Mogadishu to prevent militants from exploiting such disguises in the future.

“This highlights the urgent need to control and inspect vehicles painted in military colours inside the capital,” the statement read.

The Jilacow facility is one of Somalia’s most sensitive detention and interrogation centers, notorious for holding high-value suspects, and has been targeted by Al-Shabaab in the past. An attack in 2014 also saw militants attempt to free prisoners held there.

The government framed the attack as an act of desperation, coming just a day after Somali forces, supported by allied militias, announced significant gains against the jihadists in the southern Lower Shabelle region. The military said it had liberated the strategic towns of Awdheegle, Raqayle, Shaangarre, and Malabo.

“Today’s terrorist attack reflects the desperation of the enemy after they suffered a major blow in the Lower Shabelle region yesterday,” the government said.

Somalia’s government, with backing from the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) and international partners, has been engaged in a sustained offensive against Al-Shabaab for over a year.

Despite initial successes, the campaign has faced stiff resistance, with the militant group retaining control over vast swathes of rural territory and the ability to launch high-profile attacks on urban centers.

In a related development, the government also claimed to have killed several senior Al-Shabaab leaders in recent airstrikes in southern Somalia, including a key figure in the group’s intelligence and explosives wing.

The statement named Mohamed Osman Mohamed, also known as “Tuutax,” as among those killed in the strikes on Jilib, Mubaarak, Ugunji, and Kuunya-Barrow. He was described as the deputy head of the “Amniyat,” Al-Shabaab’s feared intelligence and assassination unit, and was responsible for procuring explosive materials.

Fragile calm shattered

The assault comes as a stark reminder of Mogadishu’s fragile security. In recent months, the capital had experienced a lull in major attacks, leading authorities to begin normalizing life by reopening 52 roads that had been blocked for security reasons.

Just a day earlier, Prime Minister Hamza Abdi Barre had hailed the reopening of the roads as a sign of growing public confidence and security gains.

Al-Shabaab, which has been waging a brutal insurgency against the internationally-backed federal government for more than 15 years, seeks to impose its strict interpretation of Islamic law in the Horn of Africa nation. According to the Council on Foreign Relations, the group remains one of Al-Qaeda’s most effective affiliates.

Wararkii ugu dambeeyey weerarka Godka Jilacow iyo Shabaabka oo laga dilay 6

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka ay Al-Shabaab ku qaadeen xarunta Godka Jilacow ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay ku dhow yihiin inay soo afjaraan weerarka, isla markaana la toogtay inta badan maleeshiyadii weerarka fulisay.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa in tirada kooxdii weerarka soo qaaday ay gaarayeen illaa siddeed xubnood. Ilo-wareedyo ayaa Caasimada Online u sheegay in lix ka mid ah weeraryahannada la dilay, halka labada kale ay weli dagaal kula jiraan ciidamada amniga.

Ciidamada gaarka ah ee Gaashaan ayaa lagu soo warramayaa inay ku biireen howlgalka ka socda gudaha xabsiga Godka Jilacow, waxaana weli aan la xaqiijin xaaladda maxaabiistii halkaas ku xirnayd, oo qaar ka mid ah lagu sheegay inay yihiin xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa jiray maxaabiis dhowr iyo toban ah oo baxsaday, hase yeeshee qaar ka mid ah shacabka ku nool xaafadaha ku dhow Godka Jilacow iyo ciidamada dharcadka ee halkaas ka howl-gala ayaa intooda badan dib u soo qabtay iyaga oo isku dayaya inay baxsadaan.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax loo adeegsaday gaari loo soo ekeeysiiyay kuwa ay isticmaalaan ciidamada hay’adda NISA, sida ay dowladda Soomaaliya ku sheegtay war hordhac ah oo ay soo saartay.

Qoraalka dowladda ayaa lagu sheegay in abaare 4:40 galabnimo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ay weerar naf-hur ah ku qaadeen xarunta Godka Jilacow, oo kamid ah xarumaha hay’adda NISA. Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ayaa isticmaalay gaari ay u ekaysiiyeen gaadiidka ciidamada hay’adda, taas oo suurto-gelisay in ay gaaraan bartilmaameedkooda.

Warbixinta dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in weeraryahannadu adeegsadeen xeelad cusub, iyagoo isku ekeeysiiyay ciidanka amniga, islamarkaana isticmaaleen gaari lagu buufiyay astaanta NISA.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta dib loogu furay illaa 52 waddo oo horay loo xiray sababo amni awgeed, si loo fududeeyo isku socodka gaadiidka iyo dadka shacabka ah ee ku nool caasimadda.

Maxay Shariif iyo Kheyre ku macneeyeen weerarka lagu qaaday Godka Jilacow?

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Soomaaliya ayaa bayaano falcelin ah ka soo saaray weerarka qaraxa ku bilowday ee ay galabta Al-Shabaab ku qaadeen xarunta Godka Jilacow oo ka mid ah talisyada NISA, kaas oo ku yaalla agagaarka Madaxtooyada, gaar ahaan dhanka Taalada Daljirka Daahsoon.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in dagaalyahannada weerarka fuliyay ay adeegsadeen xeelad yaab leh, ayna isku ekeysiin ciidanka amniga, iyaga oo isticmaalay gaari lagu soo buufiyay astaanta NISA, kadibna ay sidaas ku gaareen bartilmaameedkooda.

Haddaba hoos ka aqriso falcelinta Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre:

Shariif Sheekh Axmed

“Waxaan si adag u cambaaraynayaa weerarka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ay ku qaaday xarunta Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho. Waxaan duullaankaan u arkaa mid lagu carqaladeynayo nabadgelyada iyo xasilloonida shacabka.

Waxaan ka tacsiyeynayaa khasaaraha ka dhashay duullaanka argagixisada, waxaana ciidanka ammaanka iyo shacabka caasimadda ku boorrinayaa inay sii xoojiyaan wada-shaqeyntooda xaqiijinta nabadgelyada iyo kahortaga weerarada naf-la-caariga ah.

Kooxaha argagixisada ah waxay mar walba halis aan la iska indho tiri karin ku yihiin dowladnimada, waana in ciidanka ammaanka loo jiheeyo sugidda nabadgelyada iyo la dagaallanka kooxaha caadeystay daadinta dhiigga shacabka.

Ugu dambayn, waxaan bogaadinayaa geesiyaasha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee maanta dib ula wareegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.”

Xasan Cali Kheyre

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka bahalnimada ah ee argagaxisadu ku qaadeen xarunta Nabadsugidda ee Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho. Waxaan Alle ka baryayaa inuu u naxariisto dadkii ku geeriyooday, una bogsiiyo intii ku dhaawacantay.

Argagaxisadu waa halista iyo caqabadda ugu weyn ee hortaagan horumarka dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliya. Waxaan si buuxda dowladda ugu garab taaganahay la dagaallanka khawaarijta arxanka daran. Waxaana ummadda Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba, ugu baaqayaa inaan u midowno ciribtirka argagaxisada oo ah waajib diini iyo damiiri ah.

Waxaan bogaadinayaa ciidamada qaranka ee habeen iyo maalinba u heellan difaaca dalkeenna iyo dadkeenna. Waxaana ku boorrinayaa inay sii labanlaabaan feejignaanta iyo dadaallada ay ku xaqiijinayaan amniga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

Al-Shabab militants storm Somali spy base in Mogadishu

Mogadishu, Somalia – Al-Shabaab militants stormed a major national intelligence agency base in a heavily fortified area of Mogadishu on Saturday, using a disguised vehicle to launch the assault just hours after the government touted improved security by reopening dozens of city roads.

The Somali government confirmed the complex attack on the notorious “Godka Jilacow” detention and interrogation center, which is run by the National Intelligence and Security Agency (NISA) and located near the presidential palace.

In a preliminary statement, the government said the operation to neutralize the attackers was still underway.

“Today, around 4:40 PM, Khawarij militias launched a suicide attack on the Godka Jilicow center,” the government statement released on state media said, using the term “Khawarij,” meaning “deviants,” which it uses to refer to Al-Shabaab.

“Some of the enemy militias have been shot, and the final operation to end this attacking group is now underway,” the statement added, promising further updates.

Officials said the assailants employed deceptive tactics, disguising themselves as security forces and using a vehicle painted with NISA insignia to breach the facility’s perimeter. Godka Jilacow is one of the country’s most well-known NISA facilities, used for holding and questioning high-value suspects in the long-running war against the Islamist insurgency.

Attack undermines security claims

The brazen assault delivered a direct challenge to the government’s recent narrative of success in securing the capital. Earlier on Saturday, authorities had celebrated a significant step toward normalcy by reopening 52 roads, many of which had been blocked for years by concrete barriers to thwart vehicle-bomb attacks on government buildings.

The move was intended to ease Mogadishu’s crippling traffic congestion and signal confidence that government forces had gained the upper hand against the militants in the capital, which had experienced a period of relative calm in recent months.

Speaking at a ceremony for the road openings, Prime Minister Hamza Abdi Barre hailed the progress.

“We have started to open 52 roads… and we will open the remaining ones soon,” Barre said hours before the attack. “This is a testament to the hard work of our security forces in stabilizing the capital.”

A Persistent insurgency

Al-Shabaab, an affiliate of al-Qaeda, has been waging a violent insurgency against the internationally backed federal government of Somalia for over 15 years. The group seeks to topple the government and impose its own strict interpretation of Islamic law.

Though pushed out of Mogadishu in 2011, the group retains control over large swathes of rural southern and central Somalia. From these strongholds, it continues to launch deadly attacks against civilian, government, and military targets across the country and in neighboring nations.

The Somali government, led by President Hassan Sheikh Mohamud, launched a “total war” against the jihadists in mid-2022, marshalling national forces and local clan militias. The offensive has successfully recaptured significant territory. However, Al-Shabaab has responded by escalating its campaign of asymmetric warfare, including high-profile attacks in major cities.

Saturday’s assault on a key NISA installation in one of Mogadishu’s most secure zones underscores the group’s enduring intelligence capabilities and its capacity to strike at the heart of the state security apparatus. The attack shatters the recent calm in the capital. It serves as a grim reminder of the persistent threat the insurgency poses to Somalia’s stability.

Al-Shabaabka weerarka ku qaaday Godka Jilacow oo adeegsaday xeelad yaab leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo war hordhac ah soo saartay ayaa faah-faahin kooban ka bixisay weerarka qaraxa ku bilowday ee ay galabta Al-shabaab ku qaadeen xarunta Godka Jilacow oo kamid ah talisyada NISA, kaas oo ku yaalla agagaarka Madaxtooyada, gaar ahaan dhanka Taalada Daljirka Daahsoon.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in weli howlgalka uu socdo, isla markaana qaar kamid ah raggii weerarka qaaday la toogtay, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay warbaahinta qaranka.

Sidoo kale waxaa warbixinta  lagu sheegay in dagaalyahannada weerarka fuliyay ay adeegsadeen xeelad yaab leh, ayna isku ekeysiin ciidanka amniga, iyaga oo isticmaalay gaari lagu soo buufiyay astaanta NISA, kadibna ay sidaas ku gaareen bartilmaameedkooda.

“Maanta abaaro 4:40 galabnimo, maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa weerar naf-halignimo ah ku qaaday xarunta Godka Jilicow, oo ka mid ah xarumaha hay’adda NISA. Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ayaa isticmaalay gaari ay u ekaysiiyeen gaadiidka ciidamada hay’adda”. ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda.

Waxaa kale oo lasii raaciyey “Qaar ka mid ah maleeshiyaadka cadowga ayaa la toogtay, waxaana haatan socda howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo kooxdan weerarka soo qaaday. Wixii warar ah ee ku soo kordha howlgalka, dib ayaan ka soo gudbin doonaa.”.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta la furay illaa 52 waddo oo horay loogu xiray sababo amni dartood, waxaana ujeedka lagu sheegay fududeynta isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Furista waddooyinka ayaa timid kadib markii ay dowladdu ku guuleysatay sugidda amniga Muqdisho oo xasilnaa bilihii lasoo dhaafay, kadib markii laga qabtay shaqo adag.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda lagu furay jidadka ayaa goor sii horreysay oo maanta ah sheegay inay hordhac yihiin jidad kale oo la furi doono maalmaha soo socda.

”Waxaa billownay in aan furno 52 jid oo ah wajiga caasimadda, kuwa kale ee dhimman waa furi doonaa dhawaan”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Si kastaba, Muqdisho ayaa bilihii lasoo dhaafay ka caaganeyd weerarada qaraxyada ah iyo dilalka qorsheysan ee ay soo abaabulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay weerarka qaraxyada ku billowday ee Godka Jilacow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah iyo macluumaad ayaa waxaa laga helayaa weerar toos ah oo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay galabbta ku qaadeen aagga Xarunta Madaxtooyada, gaar ahaan Xarunta Godka Jilacow ee Hay’adda NISA.

Qaraxyo iyo rasaas xooggan ayaa weli laga maqlayaa aagga Godka Jilacow, waxaana soconaya iska hor imaad u dhexeeya ciidanka amniga iyo ragga weeraray halkaasi.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax ismiidaamin ah oo lagu dhuftay bar-koontarool oo ku taalla halkaasi, kadibna waxaa xigay dagaal toos ah , sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xaaladda ayaa kacsan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa iyo weerarka xigay ee illaa iyo hadda ka socda Taliska Godka Jilacow ee Hay’adda NISA.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale isku geedaamay goobta la weeraray, waxaana socda gurmad deg-deg ah iyo howlgal lagu soo afjarayo weerarka.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta la furay illaa 52 waddo oo horay loogu xiray sababo amni dartood,  waxaana ujeedka lagu sheegay fududeynta isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Furista waddooyinka ayaa timid kadib markii ay dowladdu ku guuleysatay sugidda amniga Muqdisho oo xasilnaa bilihii lasoo dhaafay, kadib markii laga qabtay shaqo adag.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda lagu furay jidadka ayaa goor sii horreysay oo maanta ah sheegay inay hordhac yihiin jidad kale oo la furi doono maalmaha soo socda.

”Waxaa billownay in aan furno 52 jid oo ah wajiga caasimadda, kuwa kale ee dhimman waa furi doonaa dhawaan”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Si kastaba, Muqdisho ayaa bilihii lasoo dhaafay ka caaganeyd weerarada qaraxyada ah iyo dilalka qorsheysan ee ay soo abaabulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Sweden denies Somalia aid funds reached PM’s office

STOCKHOLM, Sweden – Sweden has denied that redirected aid funds to Somalia were channelled to Prime Minister Hamza Abdi Barre’s office, after Swedish media revealed a secret migration-for-aid deal that triggered a months-long diplomatic row between Stockholm and Mogadishu.

Development Minister Benjamin Dousa (M) insisted that Swedish aid had been safeguarded and delivered through the United Nations, not directly to Somali politicians.

“No money has gone to the prime minister’s office – it has never been on the table to support politicians directly,” Dousa told SVT’s Morgonstudion on Friday. “Because of the risk of corruption, we never give direct support to politicians or the state. If money were misused, we would immediately pull the brake.”

Secret migration-for-aid deal

The denial followed revelations by Swedish Radio’s Ekot that Sweden struck a confidential agreement with Somalia in December 2023. According to the investigation, Sweden promised to transfer 100 million kronor (about $9 million) from its aid budget to a Somali-Italian trust fund in exchange for Mogadishu’s acceptance of deported Somali nationals from Sweden, including convicted criminals who had refused to leave voluntarily.

An internal email from Ambassador Joachim Waern, titled “Agreement reached,” informed Swedish officials that he had secured the deal with Prime Minister Hamza Abdi Barre.

The arrangement immediately drew opposition within Sweden’s International Development Cooperation Agency (Sida). Officials warned that placing the money in the Somali-Italian fund would give Barre’s office disproportionate control over the resources.

“It’s basically the prime minister’s fund,” said Omar Mahmood, a Somalia analyst at the International Crisis Group, who told Ekot the case highlighted Mogadishu’s attempts to gain direct authority over aid flows.

When Sweden attempted to make the transfer, the World Bank blocked part of the payment. In response, Somali officials suspended deportations, accusing Stockholm of failing to honour its side of the bargain.

The dispute escalated in early 2024 when Somalia expelled Sweden’s head of aid in Mogadishu, Anna Saleem Högberg, declaring her persona non grata. Somali sources told Ekot she was perceived as obstructing the release of the funds.

The standoff ended in May 2024, when Stockholm amended Sida’s appropriation directive, authorising the release of the remaining 60 million kronor. Instead of going to the Somali-Italian fund, the money was channelled through projects carried out under the United Nations Development Programme (UNDP) but involving the prime minister’s office. Deportations from Sweden to Somalia subsequently resumed.

Critics say the revised arrangement still increased Barre’s influence. According to SVT, about 32 million kronor was allocated to a joint project between his office and UNDP, which experts have described as a “high-risk project.”

Dousa defended the arrangement, stressing that Swedish funds remained under UN management. “When the fund builds schools or health clinics in Somalia, of course, it engages with the prime minister’s office and other ministries. In that sense, it is entirely true,” he said.

He added that Sweden had imposed its own conditions for aid and conducted close dialogue with Mogadishu through Sida and the Swedish embassy. “We have communicated our interests, and they have communicated theirs,” he said.

Antisemitism controversy

The aid dispute has resurfaced alongside fresh scrutiny of Somali leadership. On Thursday, Swedish broadcaster TV4 reported that Barre praised Hamas following its October 7, 2023, attack on Israel and, in remarks translated by SVT, referred to Jews as “descendants of apes and pigs.”

Sweden has introduced new guidelines barring aid from reaching antisemitic actors. Dousa described Barre’s comments as “horrific and appalling” but said they did not alter Sweden’s position.

“No money goes to him,” he said. “And if we could not provide aid to countries where there are extreme views or corruption, then we could hardly provide aid at all.”

Somalia, a fragile nation in the Horn of Africa, is rebuilding after decades of conflict and is one of the largest recipients of international aid. The government of Hamza Abdi Barre, appointed in 2022 by President Hassan Sheikh Mohamud, has sought greater control over external assistance, arguing that Somali institutions must oversee development priorities.

Donors, however, have long expressed concerns about corruption and weak governance. Aid experts note that Somalia consistently ranks among the most challenging environments for development work, with widespread poverty, food insecurity, and recurring droughts leading to a heavy dependence on foreign support.

Sweden has been a significant donor to Somalia, contributing to humanitarian relief, governance reforms, and security sector support. The latest revelations underline the political sensitivities of linking aid to migration agreements, a practice increasingly used by European governments facing domestic pressure to curb irregular migration.