27.1 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Dowladda oo shaacisay gobollada ay u aqoonsan tahay maamulka Waqooyi Bari

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in la dhammeystiray dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari, kaasi oo shalay doorashada hoggaanka maamulka ay ka dhacday magaalada Laascaanood.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maamulka Waqooyi Bari uu haatan noqday mid rasmi ah, kana mid noqday dowlad-goboleedyada federaalka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale caddeysay in maamulka cusub uu ka kooban yahay gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaas oo ay sheegtay in bulshada deggan ay kaalin muuqata ku lahaayeen dhismihiisa.

Maamulka Waqooyi Bari wuxuu ka soo farcamay maamulka kumeel-gaarka ahaa ee SSC-Khaatumo oo la sameeyay bishii Agoosto 2023, iyada oo muddadii laba sano ahayd la qabtay wadatashiyo, shirar ballaaran iyo qorista dastuur ku-meel-gaar ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in hawlahaasi dhidibada u taageen hirgelinta dowlad-goboleed rasmi ah oo maanta si buuxda u dhisan.

Gobollada ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya sheegtay inay kamid yihiin maamulka cusub ayaa ahaa kuwo muran ka taagan yahay, uuna sheegto maamulka Somaliland oo ku dooda inuu yahay dal ka madax banaan Soomaaliya.

Si kastaba, maamulkan ayaa waxaa haatan hoggaamin 5-ta ee soo socota Cabdulqaadir Axmed Firdhiye oo shalay loo doortay Madaxweynaha cusub ee Waqooyi Bari. Ninkan oo maamulkan kasoo saaray kumeel-gaarnimada ayaa si weyn ugu xiran dowladda dhexe.

Hoggaamiyahan oo hadda ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP ayaa waxaa gadaal ka riixaysay Villa Somalia oo galaangal xooggan ku laheyd doorashada Waqooyi Bari.

Sidoo kale waxaa madaxweyne ku-xigeenka maamulkaloo doortay  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo isna kusoo baxay cod aqlabiyad leh, kadib markii ay soo xaadiri waayeen musharrixiintii kale ee isku diiwaangeliyay doorashada.

Sarkaal ka tirsanaa NISA oo u baxsaday Al-Shabaab oo lagu riday xukun adag

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ex Dable Nisa Maxamed Buulle Muumin oo u baxsaday dhanka kooxda Al-Shabaab kadib markii uu dil ka geystay magaalada Kismaayo ayaa maanta la xukumay.

Ninkan ayaa lagu soo eedeeyay dilka Alifle Maxamed Kaariye Maxamed (Sharafoow) iyo dhaawaca dhibanayaal Dable Nisa Maxamed Cabdulaahi Maxamed iyo Alife NISA Cabdullaahi Axmed Cabdiqaadir (Ilkacase), falkaas oo ka dhacay magaaladda Kismaayo, 20-kii bishii Juun sanadkii 2023.

Fal dambiyeedkaan ayaa dhacay habeen Saq dhexe xilli ay hurdaayeen marxuumka iyo dhibaneyaasha. Eedeysanaha ayaana ku dooday in sababta dilka keentay ay aheyd muran dhul oo kala dhaxeeyay Marxuumka.

Dilka kadib Maxamed Buulle ayaa ka baxsaday magaaladda Kismaayo, isaggoo isku-dhiibay kooxda Al-Shabaab, kuna wareejiyay qorigii dowladda ay siisay.

Eedeysanaha ayaa laga soo qabtay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho, isaggoo ku dhuumaleysanaya 19 bishii April ee sanadkaan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday 19-kii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Nisa Maxamed Buule Muumin dil toogasho ahna qisaastii Marxuum A/Le Maxamed Kaariye Maxamed (Sharafoow). Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Somalia finalizes creation of new North-East State

LAS ANOD, Somalia – Somalia’s federal government on Sunday declared the “successful finalization” of the state-formation process for the North-East State, formally recognizing it as the country’s newest Federal Member State. The announcement came just a day after the region elected its first president in the war-scarred city of Las Anod.

The decision marks a major shift on the Horn of Africa’s volatile political map. It crowns a year-long, bloody struggle by local clans to break away from the self-declared republic of Somaliland and firmly realign with a unified Somalia.

In a statement, the Ministry of Interior, Federal Affairs, and Reconciliation in Mogadishu announced that the process had been successfully completed, adding that the new entity is now “a member of the officially recognized Federal Member States of the Federal Government of Somalia.”

The move represents a political victory for President Hassan Sheikh Mohamud, while delivering a severe blow to Somaliland’s three-decade campaign for international recognition and sovereignty.

A state forged in conflict

The new administration governing the historically contested regions of Sool, Sanaag, and Cayn (SSC) was born out of a conflict that erupted in late 2022.

For decades, Somaliland — which unilaterally declared independence from Somalia in 1991 but has never been internationally recognized — laid claim to the territory. Puntland, another Federal Member State, has also staked historic claims.

The standoff escalated in February 2023, when elders from the Dhulbahante clan declared their intent to form a state loyal to Mogadishu. That decision triggered fierce fighting between Somaliland’s army and newly organized local militias known as SSC-Khaatumo.

The battles left Las Anod devastated. Tens of thousands were displaced, and according to the United Nations, indiscriminate shelling killed hundreds of civilians. By August 2023, local forces had driven Somaliland’s troops from the entire Sool region.

Mogadishu quickly embraced the momentum. Officials highlighted that the federal interior minister personally spent 53 days in Las Anod to “oversee, facilitate and witness this milestone.”

On Saturday, lawmakers elected Abdiqadir Ahmed Aw-Ali, better known as Firdhiye, as the state’s first president. Firdhiye had previously led the interim administration set up during the conflict.

A blow to Somaliland

For Somaliland, the loss of this strategic region is a major setback. It reduces the area under its control and undercuts its argument for independence based on the borders of the former British Somaliland protectorate.

The development adds new uncertainty to a region already unsettled by Somaliland’s controversial port access deal with Ethiopia, which Mogadishu has denounced as an act of aggression earlier this year.

According to the government, the statehood process was legitimized during a July 2025 Delegate Conference. The gathering brought together 432 representatives — including elders, religious scholars, business leaders, women, youth, intellectuals, politicians, and members of the diaspora.

The conference adopted a state constitution on July 30, which paved the way for the election of an 83-member parliament on August 17. That process culminated in Saturday’s presidential vote.

In its statement, the ministry congratulated President Firdhiye and his administration, and pledged Mogadishu’s “unwavering commitment… to work closely with the new state in the spirit of unity, cooperation, reconciliation and federalism.”

Despite the political breakthrough, President Firdhiye faces enormous challenges: rebuilding a shattered city, securing a fragile region, and building state institutions from the ground up.

Go’aan cusub oo maanta ka soo baxay xiisadda suuqa Xamar Jadiid ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed (Muungaab) ayaa go’aan cusub kasoo saaray xiisadda maalmihii dambe ka taagneyd suuqa Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda.

Muungaab oo maanta kormeer ku tagay suuqaasi, ayaa ku dhawaaqay in aysan jirin cid gaar ah oo cabbir ku sameyn karta dhulka suuqaasi ama suuqyada kale ee magaalada Muqdisho, kadib cabashooyin ganacsatada suuqaasi ay muddooyinkii la soo dhaafay soo gudbinayeen.

Guddoomiyaha ayaa intii uu ku sugnaa suuqa, wuxuu kulan la yeeshay guddi ka socday ganacsatada, isaga oo ku wargeliyay in maamulka gobolka Banaadir uusan marnaba aqbali doonin isku day kasta oo dhul-boob ah.

Maamulka gobolka ayuu sheegay inay ka go’an tahay difaaca suuqyada iyo hantida guud ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ganacsatada suuqa Xamar Jadiid ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu ku dhawaaqay Duqa Muqdisho, iyagoo uga mahad-celiyay sida uu uga jawaabay cabashadooda iyo garab istaagga uu u muujiyay.

Sidoo kale waxay xuseen in suuqaasi uu muhiim u yahay nolosha ganacsi iyo dhaqaale ee degmada Warta Nabadda iyo nawaaxigeeda.

Go’aankan cusub ee uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayey ganacsatada suuqaasi sheegeen inuu u yahay badbaado, si looga hortago isku dayo ay samaynayeen shakhsiyaad doonayay in ay si sharci-darro ah dhulka suuqa u hantaan.

Maamulka gobolka ayaa sidan oo kale hore u fashiliyey isku day kan la mid ah oo kooxo abaabulan ku doonayeen in ay dhul ku boobaan qaybo ka mid ah suuqa Bakaaraha.

Tallaabada maanta ayaa noqonaysaa middii labaad oo uu Guddoomiye Muungaab mawqif cad ka istaago isku dayo dhul-boob oo lala damacsanaa suuqyada magaalada Muqdisho.









Madasha Samatabixinta oo dalbatay nooc doorasho oo cusub iyo 11 qodob oo kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ku mideysan yihiin qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa soo saaray bayaan culus oo ku dalbanayaan in la gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla markaan si deg-deg ah loo qabto doorashada maamullada.

Madasha ayaa caddeysay in aysan aqbali doonin muddo xileed dhaafsiisan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waqtiga loo asteeyay ee 15-ka May 2026.

“Si hubanti la’aan siyaasadeed looga badbaadiyo dalka, in waqtiga yar ee ka harsan muddo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha laga heshiiyo doorasho la hirgelin karo, loona dhanyahay, ka fiicantii tii 2022, heshiisna lagu yahay,” ayaa lagu yiri bayaan mucaaradka kasoo saaray shir labadii maalmood ee u dambeeyay ku yeelatay Muqdisho.

Sidoo kale, Madasha ayaa dalbatay in Madaxweynuhu ku laabto wax-ka-beddelkii sharci darrada ahaa ee uu ku sameeyay dastuurkii la isku raacsanaa ee 2012, si dalka looga badbaadiyo qalalaase iyo dastuurro iska soo horjeeda.

“Madashu waxay u aragtaa xeerka doorasho, kan Xisbi iyo Guddiga Doorashada ee uu Madaxweynaha uu samaystay in ay yihiin shaatigi isaga ku jjin ah, sababta luuqnta la iskugu suray doorashooyinka heer degaan, dowlad goboleed iyo federaalna ay tahay muddo kororsi.”

Doorashada dowlad-goboleedyada ayay Madashu dalbatay in deg-deg loo qabto, “Dowlad-goboleedyada uu muddo xileedkoodu mar hore dhammaaday si degdeg ah u qabtaan doorasho loo dhanyahay, tartankeedu furan yahay, heshiisna lagu yahay,” ayaa lagu yiri bayaanka mucaaradka.

Madasha ayaa muujisay sida ay uga welwelsan tahay gaabiska dowladda ee dagaalka Al-Shabaab, oo ay sheegeen inay uga mashquushay dastuurkii dalka oo la beddelo, khilaafka doorashooyinka iyo ciidankii oo loo adeegsadey fulinta ajende siyaasadeed iyo barakicinta shacabka danyarta ah.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran:

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo kulan labadii maalin ee 30-31 bisha Agoosto ku yeelatay magaalada Muqdisho ayaa kaga arrinsatay xaaladda dalka iyo halista ay dowlad dhiska iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed wajahayo; waxaana ka soo baxay go’aannada soo socda:

1. Madashu waxay ka welwelsantahay ka jeedsiga Dowladda ee dagaalka argagixisada duulaanka ku ah degaanno hore looga xoreeyey kaga mashquushay dastuurkii dalka oo la beddelo, khilaafka doorashooyinka iyo ciidankii oo loo adeegsadey fulinta ajende siyaasadeed iyo barakicinta shacabka danyarta ah.

Madashu waxay ugu baaqaysaa dowladda in ay u soo jeesato la-dagaallanka argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish, lana timaaddo qorshe, istiraatiijiyad iyo abaabul hoggaamineed oo lagu taageero.

2. In dedeg loo joojiyo barakicinta danyarta, xaraashka suuq madow ah ee dhulka danta guud iyo dhulfidisga lagu duudsinayo xaqa milkiyadeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

3. In Madaxweynaha ku laabto wax-ka-beddelkii sharci darrada ahaa ee uu ku sameeyay Dastuurkii la isku raacsanaa ee 2012, si dalka looga badbaadiyo qalalaase iyo dastuurro iska soo horjeeda.

4. Si hubanti la’aan siyaasadeed looga badbaadiyo dalka, in waqtiga yar ee ka harsan muddo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha laga heshiiyo doorasho la hirgelin karo, loona dhanyahay, ka fiicantii tii 2022, heshiisna lagu yahay.

5. Madashu waxay u aragtaa xeerka doorasho, kan Xisbi iyo Guddiga Doorashada ee uu Madaxweynaha uu samaystay in ay yihiin shaatigi isaga ku jjin ah, sababta luuqnta la iskugu suray doorashooyinka heer degaan, dowlad goboleed iyo federaalna ay tahay muddo kororsi.

6. Madashu ma aqbali doonto muddo xileed dhaafsiisan doorashada Madaxweynaha waqtiga loo asteeyay ee 15-ka May 2026.

7. In dowlad-goboleedyada uu muddo xileedkoodu mar hore dhammaaday si degdeg ah u qabtaan doorasho loo dhanyahay, tartankeedu furan yahay, heshiisna lagu yahay.

8. Madashu waxay ka digaysaa halista ku geedmaan iyo natiijada ka dhalan karta doorashada qorig iyo qafaallka ah ee uu maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh ka wado Gobolka Banaadir, iyadoo aan la ogayn Maqaamka Caasimadda, heshiisna lagu ahayn hanaanka, sharciga iyo guddiga doorashada.

9. Madashu waxay ka walaacsan tahay dhaawaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh u geystay midnimada dalka iyo wadajirka ummadda, sumcadda iyo haybada dowladnimada Soomaaliya, waxayna ugu baaqeysaa in uu ka waantoobo falalka gurracan iyo ficillada kala gaynta ah ee ay isaga iyo xukuumaddiisu ku hawlanyihiin.

10. Madashu waxay cambaareyneysaa cabburinta, cagajugleynta, iyo xariigga uu maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh kula kacayo dadweyne si nabdoon oo dastuurii ah u cabbiraya aragtidooda, sida Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud Xaadoole, waxayna madashu ku baaqaysaa in si degdeg ah xorriyaddiisa loogu celiyo, waxayna u aragtaa warqadda ka soo baxday Xeer Ilaalinta mid baalmarsan Dastuurka dalka, una adeegaysa ajandaha kali talisnimo ee Madaxweynaha, taasoo looga hortegayo xorriyadda hadalka, iyo tabashooyinka dhab ah ee shacabka Gobolka Banaadir.

11. Madashu waxay ciidamada qaranka uga digaysaa in loo adeegsado barakicinta danyarta iyo burburinta suuqyada ganacsiga, xarumaha caafimaadka, iyo goobaha cibaadada, iyagoo fulinaya dano shakhsi ah.

12. Madashu waxay xil iska saareysaa ilaalinta midnimada dadka iyo wadajirka dalka Soomaaliyeed, iyadoo soo dhoweynaysa dadaal walba oo dalka looga badbaadinayo xasillooni-darro siyaasadeed, iyo firaaq dastuurii ah, waxayna ku baaqaysaa in si degdeg ah la isugu yimaado shir dalka lagu samatabixinayo oo ay qayb ka yihiin dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo shaaciyay sababtii uu uga baxay hoolka doorashada

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Musharrax madaxweyne maamulka Waqooyi Bari Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo shalay looga adkaaday doorashadii ka dhacday Laascaanood ayaa ka hadlay sababihii keenay inuu isaga baxo hoolka, intii ay socotay doorashada.

Khaliif oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa marka hore sheegay inuu u tanaasulay dadkiisa, uuna aqbalay natiijada doorashada, isaga oo u hambalyeeyay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo shalay loo doortay Cabdulqaadir Firdhiye iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Musharraxa laga adkaaday ayaa tilmaamay in shalay ay dhaceen khaladaad farsamo iyo awood sheegasho wax u dhimaya hufnaanta doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

“Intii lagu guda jiray habsami u socodka doorashada, in kasta oo ay dhaceen khaladaad farsamo loogu awood sheeganayay Guddiyada iyo Xildhibaanada wakiilka ka  ah bulshada oo wax u dhimay hufnaanta doorashada, abuurayna kala qaybsanaan, haddana anniga oo qiimaynaya duruufta dadkayga iyo wadajirka ummadda, waxaan bogaadinayaa natiijada laga gaaray doorashada iyo dowlad-dhiska” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdirisaaq Khaliif.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-

Hambalyo iyo Bogaadin

Waxa aan hambalyo u dirayaa Madaxda cusub ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaali Madaxweyne Mudane Cabdilqaadir Axmed Awcali (Firdhiye) iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Waxaan Rabbi uga baryayaa in uu Ilaahay u fududeeyo xilka iyo mas’uuliyadda culus.

Waxaa kale oo aan u mahad celinayaa xubnaha baarlamaanka maamul goboleedka Waqooyi Bari, ciidamada amaanka iyo guddiga abaabulay doorashada oo hawl weyn u qabtay bulshada. Hawl wadeenadaan oo todobaadyo u soo jeeday hawl qaro weyn oo mudan in lagu bogaadiyo.

Intii lagu guda jiray habsami u socodka doorashada, in kasta oo ay dhaceen khaladaad farsamo loogu awood sheeganayay Guddiyada iyo Xildhibaanada wakiilka ka  ah bulshada oo wax u dhimay hufnaanta doorashada, abuurayna kala qaybsanaan, haddana anniga oo qiimaynaya duruufta dadkayga iyo wadajirka ummadda, waxaan bogaadinayaa natiijada laga gaaray doorashada iyo dowlad-dhiska.

Waxaa mudnaanta koowaad leh geeddi-socodka dowladnimada, waxaan ugu baaqayaa hogaanka cusub in uu abuuro jawi degan oo bulshada isu soo dhoweeya.

Markasta midnimo iyo wada jir ayaa ina deeqda, waxaana noo ballan ah horay u socod wanaagsan iyo wadashaqayn dhammaanteen.

Daawo: Murusade oo DF ku eedeeyay inay ka burburisay maqaar ku kacaya $6 milyan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacstada beesha Murusade ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeysay inay ka burburisay maqaar ku kacaya hanti gaareysa 6 milyan oo dollar.

Maqaarkan oo ah kan xoolaha ayay ganacsatada u dhoofin jireen dalka dibaddiisa, waxayna sheegeen in gebi ahaanba xarumihii maqaarka ay burburiyeen ciidamada dowladda.

Ganacsatada dhoofisa maqaarka iyo odayaasha dhaqanka beesha Murusade oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxay arrintaan ku tilmaameen “beegsi beeleed iyo curyaamin dhaqaale” sida ay hadalka u dhigeen.

“Haddii dowladnimada loo sinayn, maalin walba waxaa ku jirayna in nin ciilqabo waddanka qabsado, ka aarsado umadda kale,” ayuu yiri mid kamid nabadoonada beesha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayay ka dalbadeen inuu magdhaw ka bixiyo dhibaatada ay dowladdiisu geysatay, taasi oo ay ku cayroobeen qaar kamid ah ganacsatada beesha Murusade ee ka ganacsada dhoofinta maqaarka xoolaha.

“Madaxweynow anaga saaka waxaan leenahay dadka halkaan fadhiya ee Murusade oo aad taqaan waxay ku leeyihiin Madaxweyne waxaan rabnaa in dhibtii ku dhacday ganacsatadeena magdhowgeedii bixiso ayaa rabnaa,” ayuu sidoo kale yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka beesha oo la hadlay warbaahinta.

Maqaarka la burburiyay ayaa ku jiray xarumo keyd oo ganacsatadu ku laheyd magaalada Muqdisho. Maqaarkan ayaa la keydinayay in muddo ah, waxaana ku baxay kharash aad u badan, sida ay sheegeen ganacsatada, iyadoo hantidaasi lagu qiyaasay illaa 6 milyan oo dollar.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka socday howl-galka qasabka ah ee dowladda ku baneynayso dhulka danta-guud, kuwaas oo laga deyrinayo hanaanka ay kula wareegayso dowladdu.

Hoos ka daawo muuqaalka

Sarkaalkii Shabaab ka diiday $50,000 oo bixiyay xog cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa haatan guda gashay kiis xasaasi ah oo ka dhan ah Shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo howlgal lagu soo qabtay, waxaana ku jira Injineer u qaabisanaa farsameynta qaraxyada waa waayn.

Shabakaddan oo ka koobnaa dhowr qof ayaa waxaa hormuud uu ahaa Cabdiraxmaan Maxamuud Ilkacase oo ah Injineerka lasoo qabtay iyo Nuur Muxudiin Jibriil oo qaraxyo Muqdisho kusoo gelin rabay gaari dameer, balse ay gacanta ku dhigeen ciidanka amniga.

Gaari dameerka ayaa lagu qabtay duleedka Muqdisho, gaar ahaan aagga degmada Balcad, iyadoo ay saarnaayeen 7 bam-gacmeed iyo 8 miino nooca dhulka lagu aaso, iyada oo sidaas lagu qabtay eedeysanaha waday qaraxyadaas, kahor inta uuna soo gelin caasimada.

Cabdiraxmaan Maxamuud Ilkacase oo ah ninka ugu halista badnaa shabakaddan ayaa sheegay inuu Al-Shabaab uga  biiray gobolka Hiiraan, isla markaana loo soo wareejiyay Muqdisho, si uu howlgal uga fuliyo, balse waxaa dhagartiisa fashiliyay Nuur Muxudiin Jibriil oo uu kula noolaa gurigiisa, waxaana marka la qabtay Nuur iyo gaari dameerkiisa uu laamaha amniga u geeyay Ilkacase oo diyaarin lahaa qaraxyada oo isna sidaas lagu soo qabtay.

“Aniga ninkan waa laygu soo xiray waxaa la’ii dhahay magaaladaas ayaan lagu gaynaa bal soo kala baro xaalkeeda soo fiiri in magaalo shaqo lagaaga diri karo ay tahay in kale” ayuu yiri Ilkacase oo ka hor hadlay Maxkamadda Ciidamad Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Intaas kadib waxaa isna la wareystay sarkaalka soo qabtay eedeysanayaasha oo lagu magacaabo Qooje, wuxuuna ka sheekeeyay qiso dhex-martay isaga iyo Al-Shabaab, kadib markii ay isku dayeen inay lacago kumaan dolllar ah kusii daayaan Ilkacase, markii la qabtay.

“Ninkan marka la qabtay wuxuu yiri aniga macno ayaan leeyahay ii ogolaada ninka odeyga ah inaan wacdo dhaqaale aan bixinaa, waana i gadahaa wax allaale waxa ay gaarto fursad ayaa loo siiyay ninkii wuxuu ku yiri waa gacan galay, kadib wuxuu yiri iigu dhiib nimanka kula jiro anaa laygu dhiibay waa la hadlay wuxuu igala hadlay lacag waxay ka bilaabatay 10 kun, waa socotay 20 aya y gaartay waa socotay 50 ayay ku dhawaatay” ayuu yiri Qooje.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Wax walba waa la’iska fahmay shuruud ayay imaatay see isku aamineynaa? wareeg ayuu galay ninkii waa la’is fahmi waayay anne kuma qaano, adne ima taqaanid ayay ku dhammaatay”.

Qooje oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in wada-hadalkaas oo ay la socdeen saraakiisha kale ee ka sarreysa la’isku fahmi waayey, kadibna Al-Shabaab ay u socon waysay qorshaheeda, si loogu daayo Ilkacase oo muhiim u ahaa, maadaama uu ahaa Injineer qaraxyada u diyaara kooxda oo muddo dheer lasoo shaqeynayay.

“Marka dambe waxa uu yiri xarash iyo madax ayaan galaa lacag 15 kun ah ayaan kuu soo shubaa ee soo daay ninka Ilkacase, yarka kale iyo dameerka isku qaado haddane wixii waa la’isku qaadi waayay warkii illaa saraakiishii waa nala socotaa wixii inayna suurtagal ahayn ayay arkeen oo cabsi badan ay qabaan waa lagu kala socday” ayuu mar kale yiri Qooje.

Maamulka Trump oo shaaca ka qaaday sababta loo xiray Omar Jamal iyo kiis xasaasi ah

Minneapolis (Caasimada Online) – Omar Jamal, oo ka mid ahaa dadka ugu firfircoon bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, ayaa Jimcihii lagu xiray magaalada Minneapolis kadib markii ay qabteen saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (Immigration and Customs Enforcement – ICE).

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Ammaanka Gudaha Mareykanka (Department of Homeland Security – DHS) ayaa xaqiijiyay xariga Jamal, isaga oo sheegay in, “Mareykanka uusan marti-geliye u ahayn dadka sharciga jebiya ee muhaajiriinta sharci-darrada ah. Dalka Mareykanka mar dambe ma noqon doono meel ay ku nabadgalaan dambileyaasha caalamka.”

Sida ay sheegeen saraakiisha Waaxda Amniga Gudaha, Jamal ayaa horay loogu haystay eedeymo ay ka mid yihiin “weerar, amar maxkamadeed oo looga reebay inuu la xiriiro xaaskiisa iyo carruurtiisa, saddex dacwadood oo la xiriira khiyaano, iyo laba kiis oo ku saabsan bixinta warbixin been ah.”

Homeland Security ayaa sidoo kale xaqiijisay in Jamal lagu soo rogay amar kama-dambeys ah oo musaafurin ah sanadkii 2011, hase yeeshee aan markaas laga saarin dalka.

Diiwaannada maxkamaddu waxay caddeynayaan in Cumar Jamaal sannadkii 2005-tii lagu helay dembi ku saabsan wax isdaba marin dhinaca socdaalka ah, xilligaas oo uu ku sugnaa gobolka Tennessee. Waxaa lagu xukumay hal sano oo kormeer shuruudeysan ah (probation), iyadoo amarka maxkamaddu uu dhigayay in loo gudbiyo hay’adaha socdaalka ee federaalka si looga baaraandego in la tarxiili karo.

Racfaan uu ka qaatay xukunkaas waa laga diiday, balse wuxuu sii degganaa dalka Mareykanka.

Qareenka u doodaya Jamal, Abdiqani Jabane, ayaa sheegay in Jamal hadda lagu hayo xabsiga degmada Freeborn ee magaalada Albert Lea, Minnesota.

“Mr. Jamal waxa uu tobannaan sano u hibeeyay adeega bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota iyo dhisidda kalsooni wada shaqeyn oo u dhaxeysa bulshada iyo laamaha amniga. Waxaan la xiriirnaa ICE, waxaana adeegsan doonaa dhammaan dariiqyada sharciga ah ee ilaalinaya xuquuqdiisa iyo sidii loo sii dayn lahaa,” ayuu ku yiri Jabane warsaxaafadeed uu soo saaray.

Xafiiska Sheriff-ka ee degmada Ramsey ayaa u sheegay FOX 9 in Jamal uu ku biiray waaxda amniga sanadkii 2020 isaga oo u shaqeynayay sidii qof rayid ah oo ka tirsan qeybta adeegga bulshada (Community Service Officer).

Xafiisku waxa uu intaas ku daray in Jamal uu “door muhiim ah ka qaatay xiriirinta bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, taas oo ah tan ugu weyn dalka oo dhan. Shaqadaasna si heer sare ah ayuu u gudanayay.”

Cumar Jamaal, oo 52 jir ah, ayaa dalka Mareykanka soo galay in ka badan 20 sano ka hor isagoo qaxooti ahaan uga soo cararay abaarihii iyo dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, wuxuuna tan iyo xilligaas ahaa waji caan ka ah jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota.

Markii uu yimid Minnesota, Jamaal wuxuu ku soo shaac baxay jagada agaasimaha fulinta ee Xarunta U doodista Caddaaladda Soomaalida (Somali Justice Advocacy Center), oo ah urur aan macaash doon ahayn oo ujeeddadiisu ahayd inuu Soomaalida ka kaalmeeyo hannaanka sharciga ee dalka.

Wuxuu noqday shakhsi ay joogto u ahaayeen warbaahinta maxalliga ahi, isagoo ka faalloon jiray mowduucyo xasaasi ah sida toogashooyinka ay boolisku geystaan iyo baaritaannada argagixisada ee heer federaal.

Inkastoo qaar ka tirsan jaaliyadda ay su’aal gelin jireen inuu matalo iyo in kale, Cumar Jamaal wuxuu marar badan ku adkeystay in howshiisu ay tahay oo keliya inuu gacan siiyo dadka la daalaa dhacaya arrimaha socdaalka ama laamaha sharciga.

Xog: Wasaaradda A/Dibadda Soomaaliya oo u yeertay safiirka Itoobiya + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa Sabtidii u yeertay safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho Suleymaan Dedefo, si wax uga waydiiso hadallo uu dhawaan ka sheegay warbaahinta oo ku saabsanaa ciidamada Masar ee la keenayo dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa safiirka la wadaagtay go’aan culus, waxayna u sheegtay in hadalladaasi ay faragelin ku yihiin arrimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa si toos ah loogu wargeliyay inuu faraha kala baxo arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana uu ku ekaado shaqadiisa diblomaasiyadeed, si aysan mar kale u dhicin xiisad ka dhex qaraxda labada dal ee dariska oo horay isugu qabta kiiskii badda.

Safiirka ayaa maalmo ka hor sheegay in Ciidanka Masar aysan nabad ka keenayn Soomaaliya, ayna u socdaan oo kaliya inay dhibaato, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan.

Suleymaan Dedefo ayaa sidoo kale tilmaamay in Itoobiya aysan wax cabsi ah ka qabin haddii la keeno ciidanka Masar, wuxuuna diray farriin cad oo uu ku sheegay inay awood u leeyihiin inay is difaacaan goor kasta.

“Annagu ma nihin kuwa cabsi qaba ama dareemaya khatar, waana awoodnaa inaan is difaacno,” ayuu ku yiri wareysi uu dhawaan Danjiruhu siiyay Telefishinka Universal.

Hadalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo haatan ay Masar si rasmi ah usoo geba-gabeysay tababarkii ugu horreeyay ee ciidanka usoo direyso gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku biiraya howl-galka cusub ee Midowga Afrika (AUSSOM).

Ciidanka lasoo dirao ayaa qaatay tababar heer sare ah oo la xiriira ilaalinta nabadda, iskaashiga caalamiga ah iyo la-qabsiga xaaladaha adag ee gudaha Soomaaliya. Xarunta Qaahira ee Nabadda, Halganka iyo Tababarka (CCCPA) ayaa soo xirtay tababarkan oo si wadajir ah u maamulayeen CCCPA iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Masar, iyadoo taageero muuqata ka geystay dowladda Japan oo bixisay gargaar dhaqaale iyo farsamo.

Si kastaba, howl-galka AUSSOM oo haatan dalka ka bilowday ayaa lagu qiimeyn doonnaa waxyaabaha uu kusoo kordhiyo Soomaaliya, maadaama dalal cusub lagu soo kordhiyay, halka askarta howl-galkaan qeybta ka ah ay si toos ah ula howl-gali doonaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Prof. Cabdi Samatar oo beeniyay in Mareykanka uu aqoonsanayo Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah Senatorada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa markii ug horreysay ka hadlay arrimo ku aadan aqoosniga ay ku taameyso Somaliland, isaga oo beeniyay wararka sheegaya in Mareykanku aqoonsanayo Somaliland.

Senator Cabdi Ismaaciil oo deegaan doorashadiisu tahay Gobollada Waqooyi ayaa waxba kama jiraan riyada Somaliland, isaga oo sheegay in Washington ay horay u shaacisay in aysan qayb ka noqon doonin kala goynta Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan uusan suuragal ahayn in lagu dhawaaqo aqoonsiga Somaliland, isla markaana dunidu ay ka shaqeyneyso sidii loo soo yarayn lahaa dalalka badan ee kala tegay.

“Ma huuhaada mise xaqiiqdu waxa ay tahay? Wasaaradda Amuuraha dibadda sida maqaalaha igu ah in ay sheegtay in ay yiraahdeen anagu Soomaali la kala googoynayo kuma jirno, Yurub oo dhan ayaa isku imaaneysa, Afrika oo aan xubin Baarlamaan ka ah ayaa laga shaqeynayaa sidii la isugu keeni lahaa loona yarayn lahaa” Ayuu yiri Senatorku.

Warka ku saabsan aqoonsiga Somaliland ayaa soo baxay, kadib markii Senator Ted Cruz uu dhawaan ku boorriyay maamulka Trump inuu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland, isagoo ku sifeeyey inay Washington u tahay “saaxiib istiraatiiji ah oo dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda ah.”

Cruz, oo ah guddoomiyaha Guddiga Hoose ee Arrimaha Afrika ee Aqalka Senate-ka, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee goobta ay Somaliland kaga taallo Gacanka Cadmeed. Dhanka kale, wuxuu Beijing ku eedeeyey inay Somaliland ku ciqaabayso taageerada ay u muujisay Taiwan.

Dhankeeda Soomaaliya ayaa ka digaty in aqoonsiga gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland uu jabin doono xeerarka caalamiga ah, isla markaana uu wiiqayo iskaashiga la-dagaallanka argagixisada, xilli koox yar balse cod kar ah oo ka tirsan sharci-dejiyeyaasha Mareykanka ay Aqalka Cad ku cadaadinayaan inuu beddelo siyaasaddiisa.

“Soomaaliya waa dal madax bannaan… xuduudaheedana waa kuwo caalamku aqoonsan yahay, sharciga caalamiga ahna uu dhowrayo,” ayuu Danjire Daahir Xasan Cabdi ku yiri qoraal uu daabacay” ayuu yiri Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka.

In kasta oo uu jiro cadaadis ka imaanaya Kongareeska, siyaasadda rasmiga ah ee Washington waxay weli taageersan tahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya — mowqifkaas oo ay mar kale ku celisay bishii Oktoobar 2024 kooxda loogu yeero Shanta Soomaaliya (the Somalia Quint) (Mareykanka, UK, Midowga Yurub, Qatar, iyo Turkiga), sidoo kalena ka muuqday bayaannada Mareykanka ee lagu soo dhoweeyay Baaqa Ankara ee Turkigu dhex-dhexaadiyay oo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya bishii Diseembar 2024.

Yaa fuliyey dilkii R/Wasaare Ahmad Ghaleb al-Rahwi?

Sanca (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii xukuumadda Xuutiyiinta ee Yemen iyo wasiirro kale oo dhowr ah ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo Israa’iil ay ka fulisay magaalada caasimadda ah ee Sanca, sida uu sheegay madaxa Golaha Sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta, Mahdi al-Mashat, Sabtidii.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee toos ah oo lala beegsado madax sare oo Xuutiyiinta ka tirsan.

Mashat ayaa intaas ku daray in sidoo kale dad kale lagu dhaawacay duqeyntii dhacay Khamiistii, balse ma uusan faahfaahin tirada iyo xogta dhaawacyada.

Israa’iil ayaa sheegtay Jimcihii in duqeynta Khamiista ay ku bartilmaameedsatay madaxa shaqaalaha guud, wasiirka difaaca iyo mas’uuliyiin kale oo sare oo ka tirsan kooxda ay Iran taageerto, isla markaana ay hadda hubinayaan natiijada weerarka.

Hadalkii Mashat kama uusan caddayn in wasiirka difaaca Xuutiyiinta uu ku dhintay weerarka iyo in kale.

Xaaladda hoggaanka Xuutiyiinta

Ahmad Ghaleb al-Rahwi, oo xilka ra’iisul wasaare qabtay ku dhowaad sanad ka hor, ayaa inta badan loo arkayay shaqsi sumcad ah balse aan qayb ka ahayn go’aaminta siyaasadda ugu sarreysa ee Xuutiyiinta.

Shaqada hoggaamineed ee dowladda waxa dhab ahaantii hayay ku-xigeenkiisa, Mohamed Moftah, kaas oo Sabtidii loo magacaabay in uu sii wado waajibaadka ra’iisul wasaaraha.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas bishii Oktoobar 2023, Xuutiyiinta oo taageero ka helaya Iran waxay weerarro ku qaadeen maraakiibta maraysa Badda Cas, iyagoo ku tilmaamay ficilladan “garab istaag” ay u muujinayaan shacabka Falastiin.

Kooxdu waxay sidoo kale marar badan gantaallo ku rideen dhulka Israa’iil, inkasta oo intooda badan la soo riday. Israa’iil ayaa jawaab uga bixisay duqeymo ka dhan ah deegaanada Xuutiyiinta ay gacanta ku hayaan ee Yemen, oo ay ku jirto dekedda muhiimka ah ee Hodeidah.

Sanadkii la soo dhaafay, Israa’iil waxay fulisay weerarro ismiidaamin ah oo lagu beegsaday hoggaamiyeyaasha sare iyo saraakiisha Xamaas iyo xulafadooda Xisbullah ee Lubnaan, taas oo si weyn u wiiqday awoodda labada kooxood.

Jawaabaha iyo fariinta dagaalka

Wakaaladda wararka ee Xuutiyiinta maamusho, Saba, ayaa daabacday bayaan uu ku saxiixan yahay wasiirka difaaca Mohamed al-Atifi kadib markii la xaqiijiyay geerida ra’iisul wasaaraha, iyadoo ka soo xigatay hadal uu ku sheegay in kooxda Xuutiyiinta “ay diyaar u tahay la-dagaalanka Israa’iil.”

Bayaanku ma uusan caddeyn in hadalka Atifi uu ahaa mid ka horreeyay duqeyntii Khamiista ama kadib. Al-Atifi oo hoggaamiya guutada gantaallada Xuutiyiinta, ayaa loo arkaa khabiirkooda ugu sarreeya ee hubka gantaallada.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Reuters in wasiirrada tamarta, arrimaha dibadda iyo warfaafinta ay ka mid ahaayeen kuwii lagu dilay weerarka.

Saraakiisha amniga Israa’iil ayaa Khamiistii sheegay in bartilmaameedyadu ahaayeen goobo kala duwan oo ay ku kulansanaayeen tiro badan oo madax sare ah oo Xuutiyiinta ka tirsan, si ay u daawadaan khudbad telefishan laga sii daayay oo uu jeedinayey hoggaamiyahooda Abdul Malik al-Houthi.

Milatariga Israa’iil ayaa ku tilmaamay weerarkaasi “hawlgal adag” oo suurta-galay kaddib xog-ururin istiraatiiji ah iyo awood ciidan oo cirka ah.

“Halgankeenu waa sidii uu ahaa, waana sii ahaan doonaa ilaa duullaanka la joojiyo iyo cunaqabataynta laga qaado, xitaa haddii caqabado waaweyn la kulanno,” ayuu yiri Mashat oo khudbad ka jeediyay telefishanka, isaga oo ku daray in kooxda “ay sameyn doonto aargudasho.”

Xeer ilaalinta qaranka oo soo bandhigtay kiis xasaasi ah oo ka dhashay aflagaadada…

0

Muqisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo warsaxaadeed soo saaray ayaa shaaciyay inuu gacanta ku hayo gal-dacwadeed la xiriira  aflagaadada, sumcad-dilka iyo i sku-dirka bulshada ee lagu faafiyo baraha bulshada.

Xeer Ilaalinta oo faah-faahisay dacwadda ayaa sheegtay inay ku jiraan kiisas la xiriira faafinta sawiro iyo muuqaallo anshax-xumo, faafinta beenta lyo kicin bulshada dhexdeeda ah.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in kiiskan dad loo maxkamadeeyay, kuwa kalena ay haatan ku socdaan baaritaanno dheeraad ah, si looga qaado tallaabo sharci ah.

“Kisaskaan ayaa muujinaya sida falalka noocan ahi ay khatar ugu yihiin xasiloonida bulshada, sumcadda dadka, aminga iyo kalsoonida guud ee bulshada” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sidoo kale digniin adag u diray cid kasta oo ku kacda falal ka soo horjeeda shuruuda dalka iyo sumcadda shacabka, wuxuuna tilmaamay in la maxkamadeyn doono.

“Xafiisku, isagoo gudanaya waajibaadkiisa ku aaddan ilaalinta sharciga, kala dambeynta, iyo bad-qabka bulshada, wuxuu digiin adag u dirayaa cid kasta oo ku kacda falal ka soo horjeeda shuruuda dalka iyo sumcadda shacabka, isagoo ku wargelinaya in tallaabo sharci ah oo adag laga qaadi doono kuwa lagu helo, si loo ilaaliyo sharafta, sumcadda, iyo nabadgelyada bulshada Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yii warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay :Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu adkeynayaa in ilaalinta sharciga, ka hort-agga dambiyada, iyo difaaca sumcadda bulshada ay yihiin tirarka ugu muhiimsan ee xaqiijinaya nabad waarta iyo horumar bulsho oo joogto ah”.

Horay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u qabatay kiis la xiriiray kicin bulsho oo ka dhashay gabdho isku dhex-dagaalay baraha bulshada, kadibna u rogay dagaal qabiil, kuwaas oo lasoo xiray, kadibna la xukumay, inkastoo markii dambe lagsii daayay xabsiga.

SOOMAALIYA oo noqotay xudunta hindisaha dowladda SHIINAHA ay wado GSI

Beijing (Caasimada Online) – Soomaaliya oo muddo dheer wajahaysay dagaal sokeeye iyo rabshado ay hurinayaan kooxaha xagjirka ah, ayaa hadda noqotay meel muhiim u ah hindisaha amniga caalamiga ah ee Shiinaha (Global Security Initiative – GSI), iyadoo Beijing ay kordhisay iskaashiga dhanka milatariga iyo laamaha amniga ee ay la leedahay Muqdisho.

Iskaashigan sii xoogeysanaya ayaa si cad loo muujiyay horraantii bishan, markii in ka badan labaatan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed lagu guddoonsiiyay deeqo tababar oo ay ku helayaan Shiinaha.

Intii lagu jiray xafladda, safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu, ayaa ballanqaaday in “Shiinaha uusan ka maqnaan doonin” dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro nabadda gudaha dalka Geeska Afrika.

Soomaaliya iyo muhiimadda taageerada

Soomaaliya oo weli ka soo kabanaysa burburkii ka dhashay afgambigii 1991-kii ee xilka looga tuuray Madaxweyne Siad Barre, ayaa taageeradan u aragta mid muhiim u ah dhismaha ciidamo difaac oo isku filan si ay uga hortagaan kooxda al-Shabaab, gaar ahaan iyadoo howlgalka Midowga Afrika uu ku jiro marxalad kala-guur ah oo lagu dhimayo ciidamada.

Hindisaha deeqaha tababarka ayaa ah tallaabadii ugu dambeysay ee taxane iskaashi amni ah oo hoos yimaada GSI. Bishii hore, koox kale oo saraakiil amni Soomaaliyeed ah ayaa tababar ku dhammaystay Shiinaha, kaas oo ku saabsanaa booliska, amniga gudaha iyo xakameynta xuduudaha.

Bishii Luulyo, safaaradda Shiinaha ee Muqdisho waxay sidoo kale wadahadallo la yeelatay ciidamada Badda ee Booliska Soomaaliyeed, si ay uga wada shaqeeyaan la-dagaallanka burcad-badeednimada — arrin si dhow ugu xiran danaha kalluumeysiga Shiinaha iyo ilaalada maraakiibtiisa ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Hindisaha amniga caalamiga ah ee Shiinaha

GSI oo uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xi Jinping sanadkii 2022, ayaa loo soo bandhigay sidii beddel ku wajahan isbahaysiyada reer Galbeedka, kuna saleysan mabaadi’da is-ixtiraam iyo faragelin la’aan. Afrika ayaa noqotay goob tijaabo ah oo muhiim u ah hindisahan, waxaana Soomaaliya tusaale cad u tahay sida Beijing ay ugu beddelayso hadallada siyaasadeed ficil muuqda.

Ilaria Carrozza, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Peace Research Institute Oslo, ayaa sheegtay in barnaamijyada tababarka Shiinaha ee Soomaaliya ay muujinayaan sida GSI ugu guureyso “mabda’ guud oo hadal ahaan ah… una rogmanayso diblomaasiyad amni oo wax ku ool ah.”

Waxay tilmaantay in tani qayb ka tahay istaraatiijiyad ballaaran oo Shiinuhu ku adeegsanayo taageerada amniga si uu “u xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah ee muddada dheer iyo ilaalinta danihiisa dhaqaale ee Afrika,” iyadoo sidoo kale kor u qaadaysa saameynteeda, halkii ay si toos ah u beddeli lahayd doorka reer Galbeedka.

Falanqaynta iyo aragtida khubarada

Paul Nantulya, oo ah khabiir ku takhasusay xiriirka Shiinaha iyo Afrika kana tirsan Africa Centre for Strategic Studies, ayaa sheegay in iyadoo tababarada lagu sumadeeyo GSI, “Shiinuhu uu ruux iyo nuxur siin karo, kuna beddeli karo qaab ficil ah.”

Wuxuu ku daray in diiradda la saarayo amniga gudaha Soomaaliya ay si toos ah ula jaanqaadayso mid ka mid ah tiirarka aasaasiga ah ee GSI.

Doorka Soomaaliya waxa uu ku xiran yahay ballanqaad ballaaran oo uu bixiyay Madaxweyne Xi, kaas oo sheegay inuu tababari doono 6,000 oo askari iyo 1,000 oo sarkaal amni oo Afrikaan ah ka hor 2027, iyadoo la taageerayo deeq ciidan oo gaaraysa hal bilyan yuan ($140 milyan).

Inkasta oo Soomaaliya ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu waaweyn ee ka faa’iideysta, waddamo kale sida Itoobiya iyo Nigeria ayaa sidoo kale saxiixay heshiisyo tababar oo ay la leeyihiin Shiinaha.

Si kastaba ha ahaatee, qaabka Shiinaha ma waayo dhaliilo. Cilmi-baarista Nantulya ayaa muujisay in inkasta oo qaar ka mid ah dowladaha Afrika ay usoo dhoweynayaan GSI sidii il kale oo gargaar amni, haddana kuwa kalena ay ka taxadaraan khataraha.

Mid ka mid ah walaacyada ugu waaweyn ayaa ah in iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta nidaamka talada haya, habka Shiinaha uu kor u qaadi karo ciidan siyaasadaysan — kuwaas oo u adeega xisbiyada talada haya halkii ay noqon lahaayeen ciidan xirfadaysan oo siyaasadda ka madax-bannaan.

DF oo beenisay warar laga faafiyey booqashadii wafdiga Imaaraadka iyo Suudaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in booqashooyinkii dhowaan ay Muqdisho ku yimaadeen wafdiyo ka kala socday Sudan iyo Imaaraadka Carabta ay xiriir la lahaayeen, iyadoo meesha ka saartay sheegashooyin lagu baahiyey baraha bulshada oo ku xirayey colaadda sokeeye ee Sudan.

Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, oo ah hay’adda warbaahinta dowladda, ayaa sheegtay in wararka ku faafay baraha bulshada ay ahaayeen “kuwa la soo dhoodhoobay” isla markaana si khaldan loo fasiray ujeeddada safarka wafdiga Imaaraadka.

“Saacadahii ugu dambeeyey waxaa baraha bulshada ku faafay warar been abuur ah oo si khaldan ula xiriirinayey booqashadan imaatinka wafdi kale oo caalami ah,” ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday SONNA.

Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ayaa carrabka ku adkeeyay in booqashada Imaaraadku ay ahayd mid la qorsheeyay toddobaadyo ka hor, isla markaana si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta xiriirka labada dal. Wafdiga oo uu hoggaaminayey Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Sheikh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan ayaa August 27 kulan kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud magaalada Muqdisho.

Intii kulanka socday, Sheikh Shakhboot wuxuu gudbiyey fariin khaas ah oo uu ka waday madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, taasoo mar kale lagu xaqiijiyey go’aanka Abu Dhabi ee ah in la sii qoto dheereeyo xiriirka labada dhinac.

Wadahadallada labada dhinac ayaa inta badan ku salaysnaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Safarka wafdiga Imaaraadka wuxuu ku soo beegmay kadib booqasho uu Muqdisho ku yimid wafdi Sudan ka socday oo uu hoggaaminayey Janaraal Axmed Ibraahim Cali Mufaddal, agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka ee Sudan.

Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Mufaddal uu gudbiyey fariin uu ka waday Guddoomiyaha Golaha KMG ah ee Kacaanka Sudan Gen. Abdel Fattah al-Burhan, taasoo lagu xaqiijiyey sida Khartoum uga go’an in ay ballaariso iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya. Faahfaahinta fariintaas si rasmi ah looma shaacin.

Isku soo beeganka waqtiga labada booqasho ayaa dhaliyey tuhun, maadaama Sudan ay hore ugu eedaysay Imaaraadka in ay taageero siyaasadeed, dhaqaale iyo mid ciidan siiyeen kooxda ciidamada gurmadka deg degga ah ee RSF oo dagaal kula jira ciidamada rasmiga ah ee dalkaas. Sudan waxay horraantii sanadkan xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Imaaraadka, iyagoo ku eedeeyay taageero soo noqnoqotay oo ay siiyeen RSF.

Imaaraadka ayaa beeniyey eedeymahaas. Sannadkii 2023, Sudan waxay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (International Court of Justice) ka dacweysay Abu Dhabi, iyagoo ku eedeeyay ka qaybgal “xasuuq.” Garsoorayaashu ayaa ugu gacan sayray dacwada cod 14–2 ah, kadib markii la ogaaday in Imaaraadku uu ka baxay Qodobka 9-aad ee Heshiiska Xasuuqa (Genocide Convention), kaas oo dhigaya in dalalka lagu dacweyn karo kiisas ku saabsan xasuuq.

Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay in labada booqasho aysan wax xiriir ah lahayn.

Maxaa ka cusub ciidamada Masar ay keenayso Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Masar ayaa wada-hadallo cusub ka yeeshay ciidamada ay Qaahira usoo direyso Soomaaliya, ee qeybta ka noqonaya howl-galka nabad ilaalinta.

Wada-hadalladan oo ka dhacay xarunta difaaca Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu dhex maray Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Cumar Cali Cabdi, iyo Col. Axmed Fatxi Cabdelsatar Al-Xusayni, u qeybsanaha arrimaha difaaca ee safaaradda Masar.

Kulanka ayaa looga wada-hadlay diyaar-garowga ciidamada Masar ee ku soo biiraya howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo kasoo baxay kulanka.

Sidoo kale, kulanka intii uu socday waxaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tababarrada iyo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah argagixisada.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar.

Toddobaad ka hor ayey ahayd markii dowladda Masar ay ku dhawaaqday soo geba-gabeynta tababarkii ugu horreeyay ee ciidankeeda ay usoo direyso gudaha Soomaaliya. Ciidankaas oo ku biiraya howlgalka cusub ee Midowga Afrika ayaa qaatay tababar heer sare ah oo la xiriira ilaalinta nabadda, iskaashiga caalamiga ah iyo la qabsiga xaaladaha adag ee gudaha Soomaaliya.

Masar ayaa markan si rasmi ah ugu biirtay dalalka taageeraya amniga Soomaaliya, iyadoo cutubyadeeda la diyaarinayo ka hor inta aan loo dirin goobaha howlgalka.

Howl-galka AUSSOM ayaa beddelaya kii hore ee ATMIS, waxaana diiradda la saarayaa dhismaha awoodda amniga Soomaaliya, taageeridda ciidamada qaranka iyo hubinta in kala-guurka amni uu noqdo mid deggan.

Si kastaba, dowladda Masar ayaa muddooyinkii dambe si weyn u danaynaysay kamid noqoshada howlgalka cusub, xilli ay Itoobiya ku sigatay in laga reebo howlgalka, hase yeeshee markiiba waxaa la gaaray isfaham dhex maray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xog: Al-Shabaabkii ugu badnaa oo soo buux dhaafiyay degmo ka tirsan MUDUG

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maalmihii u dambeeyay Al-Shabaab ay soo buux dhaafiyeen aagga degmada Xarardheere ee gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo dadka deegaanka ah.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee gaaray halkaasi ayaa lasoo wariyay in ay ka kala yimaadeen qaybo kamid ah gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubnaha Al-Shabaab ay fariisimo cusub ka sameysteen bannaanka degmada Xarardheere, iyaga oo kadib halkaas ka bilaabay dhaq-dhaqaaq culus.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa inay isku ballaariso deegaannada hoos yimaada Xarardheere, kadibna ay soo weerarto magaaladaas oo horay looga saaray.

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa deegaannada lagu arkay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee gobolka Mudug, iyada oo laga cabsi qabo inuu dagaal ka dhaco halkaasi.

Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo ka war helay arrintan ayaa iyaguna isku fidiyay dhammaan waddooyinka soo gala degmada, si ay uga hortagaan is uruursiga Al-Shabaab.

Mid kamid ah saraakiisha hoggaamineyso ciidamada ayaa sheegay inay soo gaartay xogta Al-Shabaabka ku sugan halkaasi, balse waxa uu tilmaamay inay diyaar garoobeen, isla markaana ay difaaci doonaan degmada Xarardheere iyo hareeraheeda.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf ka dhan ah argagixisada, waxaana iska kaashanaya ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Si kastaba, Xarardheere ayaa ah degmo istaraatiji ah oo leh marino muhiim ah, waxaana Khawaarijta laga xoreeyay sanadkii 2023-kii, kadib markii howlgal milatari oo culus ay ku qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Macawiisleyda.

Somalia: A proving ground for China’s security goals

BEIJING, Somalia – In a nation long torn by civil war and extremist violence, Somalia is now emerging as a focal point for China’s Global Security Initiative (GSI), with Beijing stepping up military and law enforcement cooperation with Mogadishu.

This growing partnership was underscored earlier this month when more than two dozen officers from the Somali National Armed Forces received training scholarships in China.

At the ceremony, China’s ambassador to Somalia, Wang Yu, pledged that “China will not be absent” in efforts to help the East African nation achieve peace.

For Somalia—still grappling with the fallout of the 1991 overthrow of President Siad Barre—such support is vital as it works to build a self-reliant defense force against the extremist group al-Shabab, especially with the African Union mission preparing for a phased withdrawal.

The scholarship initiative is the latest step in a series of security engagements under the GSI framework. Just last month, another group of Somali security officials completed training in China on law enforcement, internal security, and border control.

In July, the Chinese embassy also held talks with the Somali Police Force Coast Guard on anti-piracy cooperation—an issue closely tied to China’s fishing interests and its naval patrols in the Gulf of Aden.

Launched by President Xi Jinping in 2022, the GSI is presented as an alternative to Western-led alliances, founded on the principles of mutual respect and non-interference. Africa has become a key testing ground for this vision, and Somalia is serving as a clear example of how Beijing is turning lofty principles into tangible action.

Ilaria Carrozza, a senior researcher at the Peace Research Institute Oslo, said China’s training programs in Somalia show how the GSI is evolving from “broad rhetorical principles… to concrete security diplomacy.”

She pointed out that this fits into a broader pattern of China using security assistance to “strengthen long-term bilateral ties and safeguard its economic interests in Africa,” while expanding its own influence rather than replacing Western actors outright.

Analysts argue that these targeted programs give substance to the otherwise abstract GSI. Paul Nantulya, a China-Africa specialist at the Africa Centre for Strategic Studies, noted that by branding training under the GSI, “China can breathe life into it and give it substance over form.”

He added that the emphasis on domestic security in Somalia aligns neatly with one of the GSI’s core tenets.

Somalia’s role aligns with a broader pledge made by President Xi, who has promised to train 6,000 military personnel and 1,000 law enforcement officers from Africa by 2027, supported by a commitment of 1 billion yuan ($140 million) in military aid.

While Somalia is a major recipient, other countries such as Ethiopia and Nigeria have also signed training agreements with China.

Still, China’s model has its critics. Nantulya’s research shows that while some African governments welcome the GSI as an extra source of security assistance, others are cautious about the risks.

One key concern is that by emphasizing regime security, the Chinese approach could strengthen political militaries—serving the interests of ruling parties rather than fostering apolitical, professional armed forces.

DF oo la yaaban sababta mucaaradku uga aamuseen doorashada Firdhiye iyo Abwaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan doorashadii maanta ka dhacday magaalada Laascaanood, halkaas oo lagu doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen rasmi ah, taasi oo maamulka Waqooyi Bari ka dhigeysa mid dhameystiran oo ka baxay kumeel gaarkii.

Shariif, Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo guud ahaan xubnaha Madasha Samatabixinta ayaan wax hambalyo ah ka soo saarin guushii Cabdulqaadir Firdhiye iyo Cabdirashiid Abwaan oo maanta lagu doortay Laascaanood, kuwaas oo la aaminsan yahay inay taabacsan yihiin dowladda federaalka.

Madaxda dalka oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu horeeyo ayaa hambalyo u diray madaxda ku guuleysatay hoggaaminta dowlad goboleedka cusub Waqooyi Bari Soomaaliya, halka mucaaradku ay ka aamuseen.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa qoraal ka soo saaray aamusnaanta mucaaradka, isagoo dhowr su’aalood hordhigay xubnaha Madasha Samatabixinta.

“Madashii Canbaarta iyo Cambaaraynta isku ciriiri jirtay Maxaa u diiday in ay u soo hambalyeeyaan Dawlad Goboleedka cusub ee madaxdooda doortay?” Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Mise hawshoodu waa cambaar iyo catow oo kaliya !? Mid baa igu yiri biilkaa la iska jaranayaa haddii la galo waxaan la isku ogeyn! Ma fahmin.”

Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa sheegay in Dalku uu horay u soconayo, isla markaana dowlad goboleedka Waqooyi Bari uu yahay ‘faa’ido weyn oo qaranka u soo korortay.’

Madaxweyne Furdhiye iyo ku xigeenkiisa Cabdirashiid Abwaan ayaa ku saaxiibay qadiyadda maamulkaas curdunka ah kala dhaxeysa maamullada Puntland iyo Somaliland oo jiritaankooda aan ogoleyn, waxayna ku soo baxeen iskaashi ay sameeyeen, iyo taageero ay ka heleen dowladda federaalka oo raali ka aheyd inay guuleystaan.

 

Faah-faahinta hordhaca ah qarax ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax goordhow ka dhacay magaaklada Muqdisho, gaar ahaan aagga isgoyska Ceelgaabta.

Qaraxu wuxuu ka dhacay goob ciidamada booliska degmada Xamarweyne ay ku leeyihiin bar control oo gaadiidka lagu baaro, waxaana ilaa hadda la ogaanin nooca uu ahaa.

Ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada qaraxaas loo geliyey goob ay ka jaajareystaan taleefoonada oo aad ugu dhow barta control ee gaadiidka ay ku baaraan.

Wararka qaar waxay sheegayaan in qaraxaasi uu ahaa Bam goobta lagu tuuray, balse weli boolisku wax faahfaahin ah kama soo saarin.

Sidoo kale, ilaa hadda ma jiro khasaare lasoo weriyey, maadaama ay tahay xilli habeen ah oo xogta la helayo ay aad u kooban tahay, booliskuna uusan soo saarin wax faahfaahin ah.

Ciidamada qaraxa lala beegsaday ayaa goobta xiray oo joojiyey isku socodka bulshada iyo gaadiidka, waxaana qaraxa kadib dhacay xabado ay ciidanku fureen.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa lagu wadaa in arrintaan uu faahfaahin ka soo saaro, gaar ahaan sida qaraxaasi uu u dhacay, nooca uu ahaa, khasaaraha uu geystay iyo hadii ay jirto cid loo soo qabtay.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online.