24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

Beesha caalamka oo farriin kama dambeys ah u dirtay Xasan iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa farriin kama dambeys ah u dirtay hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, sidii loo furi lahaa wada-hadal siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, si xal loogu helo ismari-waaga siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wakiillo ka socda beesha caalamka ayaa farriimo gaarsiiyay Madaxtooyada Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo ku saabsan diyaar-garowga wada-hadallo la filayo inay qabsoomaan toddobaadyada ugu horreeya bisha Luulyo.

Dadaalladan dhex-dhexaadinta ah ayaa la sheegay inay diiradda saarayaan sidii miiska wada-hadalka loogu keeni lahaa dowladda iyo mucaaradka, xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira khilaafaadka siyaasadeed iyo muranka ka dhashay arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka dalka.

Wararka ayaa tilmaamaya in dhinacyada dhex-dhexaadinta wada ay aqbaleen in Golaha Mustaqbalka uu noqdo dhinaca si rasmi ah u matalaya mucaaradka Soomaaliya ee wada-hadalka la galaya Dowladda Federaalka.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegayaan, beesha caalamka ayaa Madaxtooyada Soomaaliya u caddeysay in dowladda ay xor u tahay inay la kulanto ama wada-hadal la yeelato siyaasiyiin kale oo ay dooneyso, hase yeeshee wada-hadallada rasmiga ah ee lagu raadinayo xal siyaasadeed ay si gaar ah u dhex mari doonaan Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.

Qorshahan ayaa lagu doonayaa in lagu soo afjaro ismari-waaga siyaasadeed ee ka dhashay dhammaadka muddo-xileedyada hay’adaha dowladda iyo khilaafaadka la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale, wararka la helayo ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu qayb ka noqon doono wada-hadalladan, inkastoo uusan si rasmi ah uga mid ahayn siyaasiyiinta ku mideysan Golaha Mustaqbalka.

Farmaajo ayaa muddooyinkii u dambeeyay si weyn u dhaliilayay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo dhowr jeer la soo muuqday qaar kamid ah hoggaannada mucaaradka, xilli uu muddo ku dhaqmayay mucaaradad gooni u socod ah oo ka madax-bannaan isbahaysiyada mucaaradka.

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid go’aankii Cirro uu safaarad uga furay Qudus

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka ah ee Kaah ayaa si adag uga horyimid safaaradda ay Somaliland sheegtay inay dhawaan ka furtay magaalada Qudus, taas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed oo xooggan.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga Kaah, Ambassador Barkhad Maxamed Kaariye oo shir jaraa’id qabtay ayaa ku eedeeyay xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro inay ku deg-degayso go’aanno siyaasadeed oo waaweyn.

Xoghayaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in heshiisyada iyo tallaabooyinka diblomaasiyadeed ay noqdaan kuwo dhameystiran oo aan ku koobnayn qodobo kooban oo aan caddeyn buuxda lahayn.

Amb. Barkhad ayaa sidoo kale sheegay in xisbiga Kaah uu ka digayo in xukuumaddu ay “meel madow la gasho masiirka umadda”, isagoo tilmaamay in arrimaha noocan ahi ay yeelan karaan cawaaqib siyaasadeed oo fog.

Maamulka Somaliland ayaa dhawaan si rasmi ah uga furtay safaarad magaalada Qudus, taas oo noqotay mid ka mid ah tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee ugu muranka badan ee ay qaaday Somaliland muddooyinkii u dambeeyay.

Xisbiga Kaah ayaa sheegay in tallaabadaasi ay muujinayso isbeddel siyaasadeed oo aan isku xiranayn, isagoo ku tilmaamay hadallada xukuumadda qaar ka mid ah kuwo iska hor imanaya, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga.

“Xukuumaddu iyadaa hore u sheegtay in jihaadku ku wajahan yahay Qudus, maantana waxay qaadday tallaabo kale oo ka duwan. Tani waa jahawareer siyaasadeed oo muuqda,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna dhawaan ku baaqay in si taxaddar leh loo eego heshiisyada siyaasadeed ee la galayo, xilli uu sheegay in dunidu ay marayso isbeddello waaweyn oo saameyn kara xiriirrada caalamiga ah.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, Muuse Biixi ayaa sheegay in la arkayo isbeddelka ku yimid awoodaha dalalka Muslimka ah sida Iran, Pakistan, Turkiga, Masar iyo Sacuudi Carabiya, kuwaas oo uu tilmaamay in ay suuragal tahay inay si istaraatiji ah isu soo dhowaadaan mustaqbalka.

Waxa uu intaas ku daray in xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil ay saameyn weyn ku yeelan karaan nidaamka caalamiga ah, isla markaana aan la dhayalsan karin cawaaqibkooda siyaasadeed.

Muuse Biixi ayaa ugu dambeyn ku boorriyay hoggaanka hadda haya talada Somaliland in ay si qoto dheer uga fiirsadaan heshiisyada caalamiga ah, si aanay waxyeello uga soo gaarin masiirka siyaasadeed iyo kan diblomaasiyadeed ee Somaliland.

Sacuudiga oo dil toogasho ah ku fuliyay muwaadiniin Soomaali ah + Magacyada

Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ku fulisay saddex muwaadin oo Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu helay dambiyo la xiriira tahriibinta maandooriyaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi.

Sida lagu sheegay bayaanka, saddexda qof ee la toogtay ayaa lagu eedeeyay inay si qarsoodi ah gudaha Sacuudiga u geliyeen maandooriye, gaar ahaan xashiish, iyagoo ka soo gudbay xuduudaha dalka. Sacuudiga ayaa sheegay in maxkamadaha dalkaasi ay ku heleen dambiyada loo haystay, kaddibna lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa.

Magacyada saddexda nin ee la toogtay ayaa kala ah: Axmed Aadan Cabdi Ibraahim, Axmed Maxamuud Ismaaciil Cabdiraxmaan iyo Maxamuud Cabdiraxmaan Xasan. Dowladda Sacuudiga ayaa xaqiijisay in dhammaan eedeysanayaashan ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu helay falal la xiriira tahriibinta maandooriyaha.

Fulinta xukunkan ayaa ka dhacday gobolka Najraan ee koonfurta Sacuudi Carabiya, kaas oo xuduud la leh dalka Yemen. Qoraalka ay baahisay dowladda Sacuudiga ayaa tilmaamaya in raggan lagu qabtay deegaanno buuraley ah oo ku dhow xadka, xilli ay isku dayayeen inay gudaha dalka geliyaan walxaha maanka dooriya.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa muddo dheer waday olole adag oo ka dhan ah ka ganacsiga iyo tahriibinta maandooriyaha, iyadoo mas’uuliyiinta dalkaasi ay marar badan ku celiyeen in qof kasta oo lagu helo dambiyadaas la marsiin doono ciqaab adag oo waafaqsan shuruucda dalka.

Xeerarka uu ku dhaqmo Sacuudiga ayaa ka mid ah kuwa ugu adag dunida marka ay timaaddo dambiyada la xiriira maandooriyaha, waxaana dadka lagu helo dambiyada qaarkood lagu xukumaa dil, kaddib marka ay maraan heerarka kala duwan ee garsoorka dalkaasi.

Xabsiyada Sacuudi Carabiya waxaa ku xiran ajaaniib badan oo kasoo kala jeeda dalal kala duwan, kuwaas oo qaarkood lagu eedeeyay inay si sharci darro ah ku galeen dalka, halka kuwo kale loo haysto dambiyo la xiriira maandooriyaha iyo falal kale oo ciqaabo adag ay ka yaallaan.

Dilalkan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli ay dowladda Sacuudigu sii xoojinayso tallaabooyinka ka dhanka ah tahriibinta iyo ka ganacsiga walxaha maanka dooriya.

Muqdisho: Maydka qof jirkiisu isbeddelay oo laga soo saaray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta Warta KM4 ee magaalada Muqdisho ka soo saartay meydka qof muddo ku jiray goobtaas, kaas oo jirkiisu isbeddelay, isla markaana aan la aqoonsan karin.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, ur xooggan oo ka soo baxayay deegaanka ayaa sababtay in la baaro halka ay ka timid, waxaana ugu dambeyntii la helay meydka qofkaas oo la rumeysan yahay inuu yahay nin.

Meydka ayaa la sheegay inuu muddo ku jiray biyaha iyo qashinka ku ururay warta, taas oo sababtay in jirkiisu isbeddelo, isla markaana ay adkaato in si fudud loo aqoonsado.

Markii la helay meydka, waxaa isla markiiba la wargeliyay Dowladda Hoose ee Xamar, taas oo dirtay shaqaale iyo gaadiid si goobta looga saaro meydka. Shaqaalaha dowladda hoose ayaa muddo ku qaatay ka saarista meydka, iyagoo ugu dambeyntii ku guuleystay soo saaristiisa.

Roobabkii xooganaa ee toddobaadkii hore ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa sababay in biyo badan ay ku fatahaan Warta KM4 iyo goobo kale oo ka tirsan caasimadda, taas oo keentay dhibaatooyin kala duwan oo soo gaaray shacabka.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in qofkan uu ka mid yahay dadkii ku dhintay daadadka iyo biyaha ku fatahay Warta KM4, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin aqoonsigiisa iyo duruufaha saxda ah ee geeridiisa.

Si kastaba, wartan ayaa waxaa hore looga soo saaray meydadka dad ku geeriyooday roobabkii xooganaa ee ka da’ay Muqdisho, iyadoo dadka deegaanka ay mar kale ka digeen khatarta ay wartaasi ku hayso shacabka xilliyada roobka. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale waxay ku baaqeen in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu yareynayo halista ka dhalata fatahaadaha iyo biyaha fadhiya.

Sawirro: Muqdisho oo ka gudubtay marxaladihii adkaa iyo R/W Xamza oo maanta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay mashaariic horumarineed oo isugu jira waddooyin iyo xarumo dowladeed, kuwaas oo door weyn ka qaadan doona horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale dhagax-dhigay mashaariic cusub oo ay hirgelinayso xukuumaddiisa. Xamza ayaa maanta xarigga ka jaray waddo laami ah oo dhererkeedu yahay 2 (laba) kiiloomitir, taas oo ay maamulka gobolka Banaadir ka hirgeliyeen degmada Dayniile.

Waxa uu uga mahadceliyey maamulka iyo shacabka caasimadda hirgelinta waddadan muhiimka ah oo fududeynaysa isku socodka bulshada, gaar ahaan isu-socodka gobolka Banaadir iyo gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana ka qayb qaadanaysa horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in waddooyinku aysan ahayn oo keliya marin la maro, balse ay astaan u yihiin horumar, bilic iyo dib-u-dhis qaran. Waxa uu sidoo kale bogaadiyey dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo kaabeyaasha caasimadda.

Xamza ayaa hoosta ka xarriiqay in Muqdisho ay maanta ka gudubtay marxaladihii adkaa ee ay soo martay, isla markaana ay cagta saartay jidka horumarka iyo dib-u-soo kabashada, isagoo bulshada ku boorriyey ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, maadaama ay yihiin saldhigga horumarka.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu waxa uu ku baaqay in la xoojiyo nadaafadda magaalada, isla markaana bulshada lagu wacyigeliyo shuruucda isticmaalka waddooyinka si loo xaqiijiyo badbaado iyo kala dambeyn.

Intaa kadib, ra’iisul wasaaruhu waxa uu xarigga ka jaray xarunta cusub ee wasaaradda beeraha iyo waraabka, oo loo dhisay qaab casri ah una dhiganta heerarka caalamiga ah. Waxa uu ku ammaanay wasiirka iyo shaqaalaha dadaalka ay geliyeen hirgelinta xaruntan, isagoo sidoo kale ku boorriyey ganacsatada iyo beeraleyda Soomaaliyeed in ay kordhiyaan wax-soo-saarka gudaha si loo gaaro isku filnaansho cunno.

Waxa uu sheegay in beeruhu ay yihiin tiir muhiim ah oo dhaqaalaha dalka lagu tiirsan yahay, isla markaana aan xorriyad dhab ah la gaari karin haddii dalka uu ku tiirsanaado cunto dibadda laga keeno.

Sidoo kale, Xamza waxa uu daah-furay xarunta qurba-joogta Soomaaliyeed ee wasaaradda arrimaha dibadda, taas oo u adeegaysa malaayiinta qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool dunida oo dhan. Xaruntan ayaa fududeyn doonta xiriirka dowladda iyo qurba-joogta, isla markaana ka jawaabi doonta baahiyahooda iyo cabashooyinkooda.

Waxa uu xusay doorka muuqda ee qurba-joogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin horumarka dalka, isagoo ku ammaanay dadaalkooda joogtada ah ee ay ugu adeegaan dalkooda iyo ilaalinta afka, dhaqanka iyo diinta.

Ugu dambeyn, ra’iisul Wwasaaruhu waxa uu dhagax-dhigay dib-u-dhiska xarunta dhexe ee wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa iyo xarunta cilmi-baarista xoolaha, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona horumarinta dhaqaalaha xoolaha.

Waxa uu tilmaamay in cilmi-baaristu ay tahay tiir muhiim ah oo lagu horumariyo tayada xoolaha Soomaaliyeed, isagoo rajo ka muujiyey in mashaariicdan si dhakhso ah loo dhammaystiri doono.

Furitaanka iyo dhagax-dhigga mashaariicdan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Soomaaliya ay u dabaaldegayso sanad-guuradii 66-aad ee xornimada, taas oo sanadkan lagu muujinayo horumar iyo isbeddel muuqda oo ay gaartay xukuumadda Dan-Qaran.

Soomaaliya oo garab istaag wayn u muujisay Sacuudiga kadib dhacdadii Ras Tanura

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay shil naxdin leh oo ka dhacay Gobolka Ras Tanura, kadib markii ay burburtay diyaarad qumaatiga u kacda oo ay leedahay Shirkadda Saudi Aramco, waxaana ku dhintay oo illaa 14 qof oo Sacuudiyaan ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sacuudiga, iyada oo sheegtay inay ka xun tahay dhacdadaas.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS  waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaddib shilkii naxdinta lahaa ee diyaaradda qumaatiga u kaca ee shirkadda Saudi Aramco ee ka dhacay Gobolka Ras Tanura, kaas oo ay ku geeriyoodeen 14 muwaadiniin Sacuudiyaan ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Soomaaliya ayaa sidoo kale xilligan adag garab istaag buuxa u muujisay dowladda Sacuudiga, waxayna shaacisay inay sii adkeyneyso xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dhinac.

“Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya xilligaan adag, waxayna Alle SWT uga baryeysaa inuu naxariistiisa iyo dembi-dhaafkiisa waasaca ah ku mannaysto dhammaan dadkii ku geeriyooday shilkaas, isla markaana samir iyo iimaan ka siiyo ehelladooda iyo dhammaan dadkii ay ka baxeen,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale waxaa lagu sii daray “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa garab istaaggeeda buuxa ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo adkaynaysa xiriirka walaaltinimo iyo saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee mideeya labada dal”.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee haatan taageerada xooggan siiyo DFS, waxayna ka caawisaa dhinacyo kala duwan oo muhiim ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Abiy + Sawirro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliyda, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho ku jooga magaalada Addis Ababa ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Ahmed oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.

Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarka, iyo sidii labada dal ay uga wada shaqeyn lahaayeen xasilloonida iyo arrimaha istiraatiijiga ah ee gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka ka hadlay ayaa Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay guusha uu xisbigiisu ka soo hooyay doorashooyinkii ka dhacay dalka Itoobiya, isaga oo u rajeeyay sii ambaqaadidda dadaallada horumarineed iyo xasilloonida dalkaasi.

Safarkan waxaa ka horreeyay booqasho uu maalin kahor Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu uga qayb-galay munaasabadda qaran ee xuska 49 sano guurada kasoo wareegatay markii dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay gumeystihii Faransiiska, waqtigaasi oo ku beegan 27-kii bishii Juun, sanadkii 1977-dii.

Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu todoaad kahor booqday dalka Kenya, isaga oo beer ku taalla magaalada Narok kula kulmay dhigiisa dalkaas, William Ruto oo ay ka wada-hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dal.

Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya ayaa ka mid ah waddamada dariska ah ee haddane xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, waxayna sidoo kale ka qayb-qaadataan howlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika oo xoogga saaro amniga iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Safarradan uu galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo ay mucaaradka Soomaaliya ku baaqeen qabashada doorashooyin toos ah oo degdeg ah, iyagoo dalbanaya in la helo hannaan doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda dalka.

Ra’iisul wasaare Xamza oo difaacay qorshaha DF ee Puntland + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni, kadib khudbad uu ka jeediyay munaasabad xarrigga looga jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Xamza ayaa marka hore ka hadlay qorshaha dowladda dhexe ee ku aadan deegaannada Puntland, wuxuuna tilmaamay in aysan jirin faragelin ay dowladda sameyneyso, balse ay gudaneyso kaliya waajibaadka ka saaran dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku dooday in dowladda Soomaaliyeed ay mas’uul ka tahay dalka oo dhan, isla markaana ay shaqaale ka qoran karto meel kasto, iyadoo xusid mudan tahay in dowladdu ay ciidan ka qoratay gudaha Puntland, taas oo keentay in go’aanno xasaasi ah ay saarto xukuumadda Saciid Deni.

“Waxaa jira kuwo aan Somaliland ahey oo cuqdadeysan oo lasoo shir tagtay dowladdaa nagu soo duushay oo na faragalineysa oo dalkaan yaa maamulo marba dowlada hadday meel walba tagi karin?,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Goormee noqotay in dowladda Soomaaliyeed ay dalkeeda adeeg gayso qof Soomaali ah shaqaaleysiiso booqato ma waajib laga rabay ayuu ahaa oo aysan hadda kahor qaban, mise faragelin?”.

Dhinaca kale, wuxuu si dadban u weeraray Madaxweyne Saciid Deni iyo madaxda kale ee kasoo horjeedo dowladda, isaga oo ku eedeeyay inay isku dhajinayaan xukunka, isla markaana danta dalka ay ka hormarinayaan tooda.

“Anigu dadka Soomaaliyeed-baan la hadlayaa horay ayaan u sheegay nin siyaasi ah oo shahwada xukunka ay madax martay anigu la hadli maayo kursigu wuu dhib badan yahay mararka qaarkood dadka dariiqa fiican-buu seejiyaa,” ayuu mar kale yiri Xamza Cabdi Barre.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka xooggan ee haatan u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqablka, isaga oo sheegay in mucaaradka ay diidan yihiin in la daadajiyo doorashooyinka, isla markaana fursad la siiyo shacabka Soomaaliyeed.

Muxuu yahay ujeedka shirka uu Aadan Madoobe ka furay Baydhaba? + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta Baydhaba ka furay Madasha Arrimaha Bini’aadanimada Soomaaliya oo diiradda lagu saarayo soo kabashada abaaraha dalka iyo u diyaargarowga khataraha El Niño 2026.

Shirkan oo ah mid ballaaran ayaa waxaa ka qayb-galaya Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), wasiirrada gargaarka dowlad-goboleedyada dalka iyo madaxda hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada, kuwaas oo isla falanqeyn doono xaaladda bani’aadanimo ee dalka.

Madashan ayaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo hay’adaha gargaarka, sidii loo dardargelin lahaa gurmadka la gaarsiinayo bulshada nugul iyo dejinta qorshayaal lagu wajahayo caqabadaha bini’aadanimada ee ka jira Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo madasha ka hadlay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhammaan hay’adaha ku lugta leh arrimaha gargaarka si loo helo xal waara oo lagu yareynayo saameynta masiibooyinka iyo xaaladaha bani’aadamnimo ee dalka.

Dhankiisa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa hadal ka jeediyay Madasha Arrimaha Bani’aadannimada ee Soomaaliya (Country Humanitarian Forum) oo ka socota magaalada Baydhabo, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay weli wajahayo saameynta abaaraha, fatahaadaha iyo isbeddelka cimilada, isagoo ka digay khatarta roobabka El Niño ee la filayo inay sababi karaan fatahaado iyo dhibaatooyin Bini’aadannimo.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in SoDMA ay diyaarisay qorshaha qaran ee u-diyaargarowga iyo ka-jawaabista El Niño, kaas oo diiradda saaraya digniinaha hore, tallaabooyinka ka hortagga, kaydinta agabka gurmadka, xoo

Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, Geprge Conway oo isna hadalka qaatay ayaa si adag uga digay xaaladda bani’aadannimo ee dalka. Conway wuxuu sheegay in Soomaaliya ay weli la tacaalayso abaaro, cunto yari iyo nafaqo-darro ba’an, gaar ahaan qaar ka mid ah deegaannada sida Baraawe, halkaas oo uu sheegay in xaaladdu marayso heer aad u daran oo u baahan gurmad degdeg ah.

Ugu dambayn, wuxuu ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dowladda, hay’adaha gargaarka iyo bulshada rayidka ah, si loo dardargeliyo gurmadka loona gaarsiiyo dadka ugu nugul adeegyada bani’aadannimo ee degdegga ah.

DF ma waxay soo xirtay albaabkii hubka Xuutiyiinta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo lagu tilmaamay tii ugu weynayd ee lagu ballaarinayo hannaanka sharciga badda tan iyo markii dalku xornimada qaatay sanadkii 1960-kii, kadib markii ay ku biirtay 15 heshiis-badeed oo caalami ah.

Tallaabadan ayaa Soomaaliya siinaysa saldhig sharci oo cusub oo ay ku xoojiso maamulka baddeeda, ilaalinta xeebaha, badqabka maraakiibta, xuquuqda badmaaxiinta iyo ka faa’iideysiga dhaqaalaha buluugga ah.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulkaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in Soomaaliya ay muddo tobanaan sano ah lahayd kaliya saddex heshiis-badeed oo ay hore u ansixisay, inkastoo dalka uu leeyahay xeebta ugu dheer Afrika, islamarkaana uu ku yaallo marinno muhiim u ah ganacsiga caalamka.

“Maanta Soomaaliya waxay qaaday tallaabo weyn oo horay loogu socdo,” ayuu wasiirku ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Wuxuu sheegay in ku biirista 15-ka heshiis ay tahay “ballaarintii ugu weyneyd ee hannaanka sharciga badda Soomaaliya tan iyo xornimadii 1960-kii”.

Xuutiyiinta iyo marinnada hubka

Tallaabada Soomaaliya ma aha mid si rasmi ah loogu bartilmaameedsanayo Iran ama Xuutiyiinta Yemen, balse waxay kusoo beegmeysaa xilli marinnada badda ee ku dhow Soomaaliya ay noqdeen kuwo muhiim u ah amniga gobolka.

Xuutiyiinta Yemen, oo ay taageerto Iran, ayaa tan iyo dagaalka Gaza kordhiyay weerarrada ay ka fulinayaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Kooxda ayaa gantaallo, diyaarado aan duuliye lahayn iyo doonyo qaraxyo sida u adeegsatay inay ku bartilmaameedsato maraakiib ganacsi, iyadoo sheegtay inay cadaadis ku saarayso Israel iyo xulafadeeda.

Weerarradaas waxay sare u qaadeen muhiimadda marinnada badda ee isku xira Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed, Bab al-Mandab iyo Badda Cas. Waa marin ay maraan ganacsi caalami ah, shidaal, badeecooyin iyo maraakiib militari, waxaana khalkhal kasta oo ka dhaca uu saameyn toos ah ku yeeshaa qiimaha gaadiidka badda iyo xasilloonida gobolka.

Mareykanka, Britain iyo dalal kale ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ay ku baadigoobayaan maraakiib looga shakiyo inay hub u sidaan Xuutiyiinta. Howlgalladaas ayaa lagu qabtay doonyo iyo maraakiib yaryar oo lagu eedeeyay inay wadeen qaybo gantaallo, hubka lidka maraakiibta, walxo qarxa iyo qalab kale oo militari.

Qaar ka mid ah howlgaladaas ayaa ka dhacay biyaha u dhow Soomaaliya ama marinnada u dhexeeya Geeska Afrika iyo Yemen, taasoo muujisay sida xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed ay ugu dhex jiraan xisaabta weyn ee hubka loo gudbiyo Xuutiyiinta.

Dadka la socda amniga badda ayaa sheegaya in marka cadaadis xooggan la saaro marin toos ah oo hub looga raro Iran kuna wajahan dekedaha ay Xuutiyiintu ka taliyaan ee Yemen, shabakadaha tahriibka ay raadsadaan waddooyin kale. Waddooyinkaas waxaa ka mid noqon kara in doonyo ay hoos ugu sii leexdaan dhinaca xeebaha Soomaaliya, kadibna ay mar kale u gudbaan Yemen, ama in rarka hubka lagu qariyo ganacsi caadi ah.

Sidaas darteed, muhiimadda Soomaaliya kuma koobna inay leedahay xeeb dheer. Waxaa muhiim ka dhigaya meesha ay ku taallo. Biyaha Soomaaliya waxay ku dhow yihiin marinno ay isku dhaafaan hub, shidaal, ganacsi sharci ah, tahriib iyo dhaqdhaqaaqyo militari oo caalami ah.

Haddii Soomaaliya hesho awood sharci oo ay kula shaqeyso maraakiibta reer Galbeedka iyo hay’adaha caalamiga ah, waxay yeelan kartaa door ka weyn kii hore ee la socodka iyo ka hortagga maraakiibta laga shakiyo. Taasi waxay muhiim u noqon kartaa dadaallada lagu xakameynayo hubka gaaraya Xuutiyiinta.

Waxaa sidoo kale jirta cabsi ah in hubka loogu talagalay Yemen uusan mar walba halkaas gaarin. Qaar ka mid ah khubarada amniga ayaa muddo dheer ka digayay in shabakadaha hubka ee gobolka ay isku xiran yihiin, islamarkaana hubka mara xeebaha Soomaaliya uu mararka qaar geli karo gacanta kooxo gudaha Soomaaliya ka dagaallama, oo ay ku jirto Al-Shabaab.

Arrintaas ayaa ka dhigeysa in ku biirista Soomaaliya ee heshiisyada badda ay leedahay laba dhinac: mid caalami ah oo la xiriira xakameynta hubka Xuutiyiinta, iyo mid gudaha ah oo la xiriira ilaalinta amniga Soomaaliya.

Nusqaan sharci oo jiray

Wasiirka ayaa sheegay in maqnaanshaha heshiisyadan ay muddo dheer badda Soomaaliya ka dhigtay mid nugul, deegaanka badda aan si buuxda loo ilaalin, badmaaxiinta Soomaalida ahna aysan helin xuquuqda ay mudan yihiin.

“Farqigaas wuxuu ka tagay biyaheena oo nugul, deegaanka badda oo aan la ilaalin, iyo badmaaxiinteena oo aan haysan xuquuqdii ay mudnaayeen,” ayuu yiri.

Heshiisyada ay Soomaaliya ku biirtay ayaa taabanaya dhinacyo badan oo muhiim u ah maamulka badda, sida badbaadinta maraakiibta, tababarka badmaaxiinta, xeerarka ka hortagga shilalka badda, cabbirka maraakiibta, la dagaallanka wasakheynta shidaalka, iyo ka hortagga khataraha ka dhasha burburka maraakiibta.

Laakiin qeybta ugu xasaasisan ee tallaabadan ayaa ah in Soomaaliya ay hadda hesho qaab sharci oo caalami ah oo u fududeyn kara inay la shaqeyso dalalka kale, gaar ahaan marka laga hadlayo maraakiibta lagu tuhmo hub, argagixiso ama falal amni-darro oo badda ka dhaca.

Fursad dhaqaale

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale tallaabadan u aragtaa fursad dhaqaale oo weyn. Wasiirka Dekedaha ayaa sheegay in heshiisyadan ay Soomaaliya ka caawinayaan inay si fiican uga faa’iideysato dhaqaalaha buluugga ah, kor u qaaddo heerarka dekedaha, kana dhigto biyaha Soomaaliya kuwo ammaan u ah ganacsiga caalamka.

Wuxuu xusay in dekedaha Muqdisho iyo Berbera ay hore ugu jireen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika, sida lagu muujiyay qiimeynta Bankiga Adduunka ee waxqabadka dekedaha.

“Casriyeyntan sharci waxay dunida u direysaa fariin ah in Soomaaliya ay u furan tahay ganacsi, diyaar u tahay maalgashi, ayna si buuxda uga go’an tahay xeerarka caalamiga ah ee badda,” ayuu yiri wasiirku.

Hadalkan ayaa muujinaya in dowladda federaalka ay rabto in tallaabadan loo arko mid aan ku koobnayn amniga, balse qayb ka ah qorshe ballaaran oo Soomaaliya loogu celinayo kaalinteeda marin-badeedka gobolka.

Imtixaanka fulinta

Si kastaba, caqabadda ugu weyn ma aha ku biirista heshiisyada, balse waa fulintooda.

Soomaaliya weli ma haysato awood buuxda oo ay si joogto ah ugu maamusho xeeb dheer oo ka badan 3,000 kiiloomitir. Waxaa jira maamullo goboleedyo gacanta ku haya qaybo muhiim ah oo xeebaha ah, halka kooxaha hubeysan, burcad-badeed, mukhalasiin iyo shabakado ganacsi oo sharci-darro ah ay muddo dheer ka faa’iideysanayeen farqigaas.

Taasi waxay ka dhigan tahay in dowladda looga baahan yahay sharciyo gudaha ah oo la jaan qaada heshiisyada cusub, tababar la siiyo hay’adaha badda, xeer-ilaaliyeyaasha iyo ciidanka ilaalinta xeebaha, iyo wada-shaqeyn cad oo lala yeesho saaxiibada caalamiga ah.

Tallaabada Soomaaliya waa mid muhiim ah, balse natiijadeeda waxay ku xirnaan doontaa sida ay Muqdisho uga dhigto heshiisyadaas kuwo ka shaqeeya xeebaha, dekedaha iyo badda Soomaaliya.

Haddii ay dowladda ku guuleysato, Soomaaliya waxay heli kartaa fursad ay ku xoojiso madax-bannaanideeda badeed, ku ilaaliso marinno ganacsi oo muhiim ah, kuna yareyso khataraha amni ee muddo dheer ka jiray biyaha ku dhow Geeska Afrika.

Daawo: R/Wasaare Xamza oo jaam ku galay Tarabuunka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo saaka xarig jaray waddada laamiga ah ee degmada Dayniile ayaa jaam ku galay isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, halkaas oo muddo ay hakad ku galeen isaga iyo kolonyadiisa.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay dhacdadaan ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu dhex socdo bulshadiisa, isla markaana uu arko xaaladdooda dhabta ah, maadaama uu ciriiri badan ka jiro waddooyinka caasimada.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in saaka aan loo xirin waddo, isla markaana uu si nabad ah ku gaaray degmada Dayniile oo ay tageen isaga iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

“Waxaa Ilaahey mahadiis ah inaan saaka soo maray Tarabuunka, iyada oo aan jid la ii xirin oo aan isa soo dhex soconay bulshadeenna waan ku faraxsanahay in Tarabuunka aan xoogaa taagneyn iyo meela kaleba oo uu jaam ka jiray,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Xamza oo sii hadlaya ayaa yiri “Waan ku faraxsanahay inaan la socono dadka oo aan ku dhex noolnahay bulshadeenna iyo inaan joogno xilligan oo aan cabsi jirin”.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa bogaadiyay ammaanka guu ee Muqdisho oo haatan wax badan iska beddalay, kadib markii ay hirgaleen qorshayaal amni oo ay la timid dowladda dhexe, kuwaas oo guuleystay.

“Magaaladan waa nabad looma baahna hub waa wayn nabad ayay ku naalooneysaa magaaladaan shacabkeedana ay ku noolaanayaan Ilaahey ayaan ugu shukrineynaa,” ayuu yiri mar kale yiri, Mudane Xamza Cabdi Barre.

Kadib xisbiga Dimoqraadiga, Jamhuuriga oo ku soo jeestay Israa’iil – Maxaa is-bedelay?

Washington (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed oo cusub, kadib markii taageeradii uu muddada dheer ka heli jiray xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ay muujisay dildilaac aan hore loo arag.

Muddo ka badan 15 sano, Netanyahu wuxuu ku tiirsanaa xiriir adag oo uu la dhistay xisbiga Jamhuuriga, xilli taageerada xisbiga Dimoqraadiga ee Israel ay si tartiib ah u sii yaraaneysay. Hase yeeshee, dagaalka Gaza, duqeymaha ballaaran ee Israel iyo xiisadda ka dhalatay dagaalka Iran ayaa hadda abuurtay xaalad cusub oo Washington ka dhex dhalisay su’aal adag: Jamhuuriga ma sii ahaan doonaan garabka ugu adag ee Israel?

Dhibaatadan cusub waxay ka bilaabatay heerka ugu sarreeya ee xisbiga Jamhuuriga. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo muddo dheer loo arkayay saaxiibka ugu dhow ee Netanyahu, ayaa dhowr jeer muujiyay caro uu ka qabo hab-dhaqanka ra’iisul wasaaraha Israel.

Sida lagu sheegay buug cusub oo ay qoreen Maggie Haberman iyo Jonathan Swan, Trump ayaa bishii Sebtember 2025 Netanyahu ku cadaadiyay inuu aqbalo heshiis nabadeed oo Gaza ku saabsan, isagoo uga digay in xiriirka labada dal uu geli karo “furriin” haddii Israel ay diido waddadaas.

Axios ayaa sidoo kale qortay in Trump uu si gaar ah uga carooday Netanyahu, isagoo ka digay in tallaabooyinka Israel ay sii go’doomin karaan dalkaas. Trump ayaa markii dambe sheegay in xiriirkiisa Netanyahu uu wanaagsan yahay, balse uu ku daray in ay tahay in “xoogaa la dejiyo”.

Muranka ugu weyn ee hadda taagan wuxuu la xiriiraa heshiiska Iran. Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa si cad ugu digay xubno ka tirsan dowladda Israel oo dhaliilay heshiiska Trump ee Tehran.

“Haddii aan ka mid ahaan lahaa golaha wasiirrada Israel, ma weerareen saaxiibka kaliya ee awoodda leh ee aad dunida ku leedihiin,” ayuu yiri Vance, isagoo farriin adag u diray madaxda Israel.

Hadalkaas wuxuu muujiyay in Washington aysan hadda si sahlan u aqbali doonin in Netanyahu uu cadaadis joogto ah ku hayo siyaasadda Mareykanka ee Bariga Dhexe, gaar ahaan marka Trump uu doonayo inuu soo afjaro dagaallada gobolka.

Dhinaca kale, garabka “America First” ee xisbiga Jamhuuriga ayaa si xooggan u sii kordhiyay dhaliisha Israel. Dadka codka dheer ku leh garabkaas, oo ay ka mid yihiin Tucker Carlson, Megyn Kelly iyo Marjorie Taylor Greene, ayaa si furan u dhaliilay taageerada Mareykanka ee Israel, iyagoo ku doodaya in Washington ay mudnaanta siiso danaha Mareykanka.

Carlson ayaa si gaar ah ugu eedeeyay Netanyahu inuu Trump ku riixay dagaalka Iran, halka dooddaas ay si weyn uga dhex faaftay baraha bulshada ee taageerayaasha midigta Mareykanka.

Doodda Israel ayaa sidaas ku noqotay tijaabo cusub oo lagu kala saarayo Jamhuuriga dhaqanka ah iyo garabka “America First”. Qaar ka mid ah dhalinyarada midigta ayaa hadda u arka taageerada Israel astaan muujineysa in siyaasiyiinta Washington ay ka tageen ballanqaadkii ahaa in Mareykanka la hor mariyo.

Si kastaba, arrintan waxay sidoo kale siisay fursad kooxo xagjir ah oo faafiya hadallo ka dhan ah Yuhuudda, kuwaas oo muddo ku eedeynayay siyaasiyiinta muxaafidka ah inay si xad dhaaf ah ugu daacad yihiin Israel. Taasi waxay walaac ku abuurtay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Jamhuuriga iyo kooxaha taageera Israel.

Codbixinnada cusub ayaa muujinaya isbeddelka socda. Pew Research Center ayaa bishii Abriil sheegtay in afar ka mid ah 10-kii Jamhuuriga ay aragti taban ka qabaan Israel. Tiradaas waxay aad ugu badan tahay dadka da’da yar, iyadoo 57 boqolkiiba Jamhuuriga da’doodu u dhexeyso 18 illaa 49 ay sheegeen inay Israel si taban u arkaan.

Quinnipiac University ayaa sidoo kale bishan sheegtay in 20 boqolkiiba Jamhuuriga ay aaminsan yihiin in Mareykanka uu si xad dhaaf ah u taageero Israel. Inkastoo tiradaas ay weli ka yar tahay Dimoqraadiyiinta iyo kuwa madax-bannaan, haddana waxay saddex jibbaar ka badan tahay heerkii la diiwaangeliyay kadib weerarradii Hamas ee 7-dii Oktoobar 2023.

Dagaalka Gaza ayaa si gaar ah u beddelay aragtida dhalinyarada Jamhuuriga. Codbixin ay sameysay University of Maryland ayaa muujisay in 46 boqolkiiba Jamhuuriga ay aaminsanaayeen in tallaabooyinka militari ee Israel ay ku jiraan xaqa is-difaaca, balse taageeradaas waxay 22 boqolkiiba keliya ka ahayd Jamhuuriga da’doodu u dhexeyso 18 illaa 34.

Professor Shibley Telhami, oo hoggaamiya daraasaddaas, ayaa sheegay in “wax weyn ay ka dhex socdaan dhalinyarada Jamhuuriga”, isagoo tilmaamay in dagaalka Gaza iyo kan Iran ay dedejiyeen kala fogaanshaha cusub.

Si kastaba ha ahaatee, Jamhuuriga guud ahaan weli waxay si xooggan u taageeraan Israel. Gallup ayaa bishii Febraayo sheegtay in 70 boqolkiiba Jamhuuriga ay weli u damqadaan Israel marka la barbardhigo Falastiiniyiinta, inkastoo tiradaas ay hoos uga dhacday 2024.

Ralph Reed, oo ah aasaasaha Faith & Freedom Coalition, ayaa sheegay in hoggaanka Jamhuuriga iyo bulshada evangelical-ka ay weli si adag u garab taagan yihiin Israel. Laakiin wuxuu ka digay in hoos u dhaca taageerada guud ee Mareykanka uu yahay arrin khatar ku ah mustaqbalka xiriirka labada dal.

Su’aasha ugu weyn waxay hadda tahay in dhibaatadan ay ku kooban tahay Netanyahu oo keliya, mise ay taabaneyso sawirka Israel guud ahaan. Netanyahu ayaa wajahaya mid ka mid ah tartammadii doorasho ee ugu adkaa noloshiisa siyaasadeed, waxaana muuqata in xiriirkii uu muddo dheer ku dhisay Jamhuuriga Mareykanka uusan hadda sidii hore u adkeyn.

Haddii Israel ay lumiso taageerada jiilka cusub ee Jamhuuriga, Netanyahu kaliya ma wajahayo dhibaato gudaha ah, balse Israel lafteeda ayaa lumin karta mid ka mid ah tiirarkii ugu muhiimsanaa ee siyaasadda Washington.

Faah-faahinta dagaal culus oo dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya + Khasaaraha

0

Gaarisa (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaan dhaca xadka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo u dhex-maray xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada difaaca ee dalka Kenya.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Dhaashow oo hoostaga magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari, halkaas oo uu kadib ka qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen rasaasta ay is waydaarsanayeen Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya, waxaana jira khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Kooxda Al-Shabaab oo qoraal soo saartay ayaa guul ka sheegatay dagaalka ay la gashay ciidamada Kenya, isla markaana ay u gaysatay khasaare lixaad leh.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalka kadib ay xerada ku dageen diyaaradaha u kaca qumaatiga, ayna maydad iyo dhaawacyo ka qaadeen halkaasi.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Kenya oo ku aadan weerarkaas iyo dagaalka xigay ee ay guulaha ka sheegteen dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah xadka dheer ee ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, halkaas oo ay dhuumaaleysi uga gudbaan xubnaha Shabaab ee weerarada ka fuliya Waqooyi Bari.

Inta badan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha ciidamada Kenya ku yaalla halkaasi, maadaama ay weli kooxda si weyn ugu xoogan tahay gobollada Jubbooyinka ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Sawirro : FIQI oo booqday ciidamo loo diyaariyay in ay dhowaan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo kamid ah Guddiga Qaban-qaabada ee Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ayaa maanta isaga iyo xubnaha kale ee guddiga waxay kormeer ku tageen Xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga Dalka.

Guddiga ayaa si gaar ah u booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku jira diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee munaasabadda wayn ee 1-da Luulyo oo foodda inagu soo hayso maalmaha soo socda.

Ciidamadan ayaa loo diyaariyay inay soo bandhigaan dhoollatusyo iyo bandhigyo lagu maamuusayo maalinta madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, si ay qayb uga noqdaan dabaal-degga maalinta Kowda Luulyo.

Inta uu socday kormeerka xubnaha guddiga ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyay heerka uu marayo tababarka iyo qorshaha lagu soo bandhigayo dhoolatusyada kala duwan.

Saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada ay si buuxda ugu diyaar garoobeen inay shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigaan xirfaddooda iyo awooddooda ciidan.

Wasiirka Gaashaandhigga oo dhankiisa hadlay ayaa boggaadiyay heerka uu marayo diyaar-garowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna ku dhiirrigeliyay ciidamada inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, si ay shacabka Soomaaliyeed ugu soo bandhigaan tayadooda iyo awooddooda.

“Waa heybad cadowguna ka baqo, qarankuna ku faano waa Xooga dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo isu diyaarinaya ka qeybqaadashada dabaaldagga maalinta Qaran ee Kowda Luulyo. Guulaysta, muuqaalkiinu wuxuu quusinayaa damaca cadowga iyo dabaligkiisa” ayuu yiri wasiirku.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah oo kala guur ah, waxaana taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka iyo wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka KMG ka ah.

Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay tallaabadii uu qaaday Booliska

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay talaabadii uu maanta qaaday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo magaalada Muqdisho ku soo bandhigay dhalinyaro caan ka ah baraha bulshada, kuwaas oo lagu eedeeyay inay faafiyeen anshax-xumo, iyagoo adeegsanayay aaladaha internet-ka.

Afhayeenka ciidanka booliska, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in dhalinyarada la soo bandhigay ay tiradoodu gaareyso toban ruux, kuwaas oo ku lug leh falal la xiriira anshax-xumo iyo baahinta muuqaallo aan waafaqsanayn diinta iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed, sida uu sheegay.

Sidoo kae, Afhayeenka ayaa xusay in eedeysanayaashan ay muddo ku hawlanaayeen duubista iyo faafinta muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ee TikTok, YouTube iyo Facebook, kuwaas oo saameyn taban ku yeeshay bulshada, gaar ahaan dhalinyarada.

Dhanka kale, Waxa uu digniin u diray maamullada hoteellada iyo goobaha kale ee lagu duubo muuqaallada noocan ah, isagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan martigelinta ama fududeynta falalka ka hor imanaya sharciga iyo anshaxa suubban ee bulshada.

Haddaba sidee looga fal-celiyay tallaabada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada oo siyaabo kala duwan uga hadlay howlgalka Booliska ayaa intooda badan ku boggaadiyay inay la dagaalamaan dhalinyarada faafineysa dhaqan xumada.

Axmed Dhaaye: “Dowladdu shaqo fiican ayey haysaa dhaqan dooriska halala dagaalamo”.

Qalinle Maxamed Cali: “Waxaan idinku raacsanahay in dhaqankaan xun la suuliyo”.

Axmed Muuse Caraaye: “Hotelladii ay wax ku duubi jireen kuwii lahaa amaa la soo xiraa?”.

Ibnu Sheekh Axmed: “Weli shaqo ayaa idiin dhiman oo ah kurayada tooreeyaha wata ee odayasha koofiyadaha iyo cimaamafaha ka dafa”.

Prof-Maxamed Cali “Tallaabo wanaagsan waaye inta dhimmana hala soo qabto xukun adagna halagu rido”.

Cabdiraxmaan Cumar: “Waa arrin aad u fiican oo in la boggaadiyo u baahan guul ciidanka booliska soomaaliyeed”.

Maxamed Cawil Siraaji: “Dhowr sano dhaqan celin ah ha loo sameeyo dhamaantooda”.

Faah-faahinta diyaarad sidday koox ciyaartooy ah oo burburtay

Paris (Caasimada Online) –  Diyaarad sidday koox ciyaartooyda barafka ku dul cararta ayaa maanta ku burburtay bariga dalka Faransiiska, waxaana shilkaas naxdinta leh ku geeriyooday dhammaan 11-kii qof ee saarnaa.

Dadka geeriyooday ayaa isugu jiray 5 macallin, 5 arday oo ay tababarayeen, iyo duuliyihii waday diyaaradda. Kooxdan ayaa la sheegay inay u socdeen tababar la xiriira ciyaaraha barafka, balse safarkoodu wuxuu ku dhammaaday musiibo, kadib markii ay galeen shil sababay geeridooda.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in diyaaraddu ay burburtay wax yar uun, kaddib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha. Qaar ka mid ah ehellada iyo qaraabada dadkii saarnaa ayaa goobta joogay xilliga shilka dhacay, iyagoo indhahooda ku arkay diyaaradda oo dhacaysa.

Diyaaraddu waxay ku dhacday meel u dhow xaafad ay dad deggan yihiin, balse nasiib wanaag ma jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka dhulka ku sugnaa, inkastoo ay dhacdadu cabsi weyn ku abuurtay Shacabka deegaanka.

Hay’adaha gurmadka degdegga ah iyo ciidamada ammaanka ayaa si dhaqso ah u gaaray goobta, iyagoo bilaabay howlaha gurmadka iyo baaritaanka.

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay shilka, waxaana mas’uuliyiintu sheegeen in baaritaan ballaaran lagu ogaanayo waxa sababay diyaaradda inay burburto.

Dhacdadan ayaa murugo weyn ku reebtay bulshada iyo bahda ciyaaraha, iyadoo la filayo in mas’uuliyiinta Faransiisku ay soo saaraan warbixin rasmi ah marka baaritaannadu soo dhammaadaan.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Itoobiya + Ujeedka

0

Addis Ababa (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Madaxtooyada Soomaaliya oo qoraal kooban soo saartay ayaa tilmaamtay in booqashadan ay tahay mid shaqo, isla markaana ay qaadan doono muddo 2 cisho ah.

Ujeedka safarka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiisa ayaa daaran xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo mudnaanta la siinayo arrimaha amniga, xasilloonida gobolka iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa kulan la yeelan doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Ahmed, iyagoo ka wada hadli-doona xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.

Safarkan waxaa ka horreeyay booqasho uu maalin kahor Xasan Sheekh ku tegay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu uga qayb-galay  munaasabadda qaran ee xuska 49 sano guurada kasoo wareegatay markii dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay gumeystihii Faransiiska, waqtigaasi oo ku beegan 27-kii bishii Juun, sanadkii 1977-dii.

Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu todoaad kahor booqday dalka Kenya, isaga oo beer ku taalla magaalada Narok kula kulmay dhigiisa dalkaas, William Ruto oo ay ka wada-hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dal.

Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya ayaa ka mid ah waddamada dariska ah ee haddane xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, waxayna sidoo kale ka qayb-qaadataan howlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika oo xoogga saaro amniga iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Safarradan uu galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo ay mucaaradka Soomaaliya ku baaqeen qabashada doorashooyin toos ah oo degdeg ah, iyagoo dalbanaya in la helo hannaan doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda dalka.

 

Maxaa kasoo baxay kulankii dhex-maray Liibaan Shuluq iyo RW Xamza? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay, Liibaan Axmed Xasan  (Liibaan Shuluq), kaas oo loo gartay inuu noqdo musharraxa Galmudug ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xafiiskiisa si diirran ugu soo dhaweeyay musharraxa, waxayna kadib ka wadahadleen xaaladaha Galmudug iyo doorashada kusoo foodka leh, maadaama ay dowladdu heshiis la gaartay Axmed Qoor Qoor.

Liibaan Shuluq oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay soo dhaweyntiisa iyo doorka uu ka qaaday arrimaha Galmudug, maadaama wadahadal iyo deganaan lagu dhammeeyay xiisaddii maamulkaas.

“Waxaan maanta booqasha-sharafeed ugu tegay Ra’iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga JSP, isaga oo si diirran iigu soo dhoweeyay xafiiskiisa. Ra’iisulwasaaraha JFS ayaan uga mahadceliyay dadaalkii muuqday iyo kaalintii wax-ku-oolka ahayd ee uu ka qaatay geeddisocodka siyaasadeed iyo taageerada Dawladgoboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug” ayuu yiri Musharrax Madaxweyne Liibaan Axmed Xasan (Shuluq).

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay arrimo ku aadan mustaqbalkiisa siyaasadeed ee Galmudug, wuxuuna u mahad-celiyay hoggaanka iyo xubnaha JSP, isaga oo sidoo kale ballan qaaday inuu Galmudug ku hoggaamin doono cadaalad, nabad iyo horumar.

‘Waxaan Xisbiga JSP uga mahadceliyay kalsoonida weyn ee ay igu aamineen, taas oo ah musharraxnimada hoggaanka Galmudug; anigoo ballanqaaday in aan shacabka Galmudug ugu adeegi doono, kuna hoggaamin doono: caddaalad, midnimo, nabad, iyo horumar,” ayuu sii raaciyay.

Si kastaba, ha’ahaatee, dadka reer Galmudug ayaa si weyn isha ugu hayo arrimaha Galmudug, gaar ahaan doorashada kusoo foodka leh maamulkaasi.

Dhawaan Villa Soomaaliya ayaa doorasho ka qabatay Koonfur Galbeed, halkaas oo uu isbeddal ka dhacay, kadib markii uu doorashada kusoo baxay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo ahaa musharrixii matelayay Xisbiga JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Daawo: Muungaab oo weerar ku qaaday Farmaajo iyo kooxdiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta hadal siiyay warbaahinta ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo kooxdiisa.

Muungaab ayaa si kulul ugu jawaabay kooxda Nabad iyo Nolol oo maalmahan eedeymo u jeedinayay Dowladda Federaalka, wuxuuna tusaale ugu soo qaatay dhacdooyin dhacay xilligoodii, gaar ahaan qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee Zoobe oo uu tilmaamay in aan la iloobi karin, sida uu hadalka u dhigay.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in aan la qarin karin guulaha waa wayn iyo horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Shan boqol oo qof ayaa hal maalin magaalada Muqdisho dhaxdeeda lagu xasuuqi jiray markaas ayey mas’uuliyiintii waqtigaas maro gaduudan garbaha kusoo xirteen sida reer Galbeedka,” ayuu yiri duqa Magaalada Muqdisho.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Horumarka dowladdeenna gaartay dabool lama saari karo, arrintaasna waa mid dadka oo dhan u muuqata”.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu haatan  sii xoogeysanayo loollanka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, kuwaas oo uu haatan ka dhexeeyo khilaaf xooggan oo ka dhashay doorashooyinka dalka.

Inta badan madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa mucaaradka ayaa iska weerara warbaahinta iyo baraha bulshada, maadaama lagu jiro xilli adag oo kala guur ah oo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa labada dhinac.

Sawirro: Muxuu Mahad Salaad muxuu maanta ka sameeyay magaalada Caabudwaaq?

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta magaalada Caabudwaaq ka dhagax-dhigay xero ciidan oo ay yeelanayso hay’adda NISA, taas oo qeyb ka ah qorshaha lagu xoojinayo awoodda amni ee gobolka Galgaduud.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saraakiil ka socota Dowlad-Goboleedka Galmudug, kuwaas oo si wadajir ah u taageeray hirgelinta xaruntan cusub ee ciidamada.

Taliyaha NISA ayaa sheegay in xaruntan ay muhiim u tahay sugidda amniga deegaannada waqooyiga Galgaduud, isla markaana ay kaalin weyn ka qaadan doonto la dagaallanka kooxaha khatarta ku ah xasilloonida gobolka.

Intii uu ku sugnaa Caabudwaaq, Taliyuhu wuxuu sidoo kale kulammo wadatashi ah la qaatay masuuliyiinta deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo diiradda la saaray xoojinta amniga iyo wada shaqeynta hay’adaha ammaanka.

Kulamadaas ayaa lagu falanqeeyay xaaladda guud ee amniga, caqabadaha jira, iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo shacabka si loo gaaro nabad waarta oo ka hanaqaadda gobolka.

Intaas kadib, Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad iyo wafdigiisa ayaa usii gudbay degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud, halkaas oo uu kula kulmayo mas’uuliyiin iyo odayaasha dhaqanka.

Booqashada Xeraale ayaa qayb ka ah socdaal shaqo oo uu Taliyuhu ku marayo deegaanno ka tirsan Galgaduud, kaas oo lagu xoojinayo amniga iyo is-dhexgalka hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60