24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 25, 2026

Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo qaaday tallaabo muhiim ah + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankodii 6-aad ee kalfadhiga 1-aad ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku aadan dhismaha guddiyada golaha.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay Mudane Mudane Mahad Maxamed Sheekh Xasan oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, iyadoo si buuxda ay uga soo qayb-galeen mudayaasha golaha.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Guddiyada iyo hab-dhowreyaasha Golaha si loo dardar geliyo howlaha hortabinta u leh Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya.

Guddiyada la dhisay oo ka kooban illaa 8 Guddi ayaa kala ah:-

1-Guddiga-Xeer-Hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda, Daryeelka Xildhibaannada iyo Dastuurka.

2-Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta.

3-Guddiga Amniga, Arrimaha Gudaha, Maamulka Gobolada, Degmooyinka, Dib-uheshiisiinta iyo Horumarinta Reer Miyiga.

4-Guddiga Arrimaha Bulshada, Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada, Isboortiga, Isgaarsiinta, Warfaafinta iyo Wacyigelinta.

5-Guddiga Horumarinta Kheyraadka.

6-Guddiga Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Qorsheynta iyo Tira koobka.

7-Guddiga Haweenka, Xuquuqul Insaanka, Gargaarka, iyo Maaraynta Musiibooyinka.

8-Guddiga Howlaha Guud, Dib-udhiska Dalka, Dekadaha iyo Gaadiidka.

Sidoo kale Hab-dhowreyaasha ay meel mariyeen Xildhibaannada Koonfur galbeed Soomaaliya oo ka kooban saddex Hab-dhowre ayaa kala ah:-

1-Idiris Axmed Yacquub ( Guddoomiye ).

2-Maxamed Mucaawiye  Ibraahim ( ku xigeenka 1aad ).

3-Maxaad Maxamed Ciise ( ku xigeenka 2aad ).

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Mahad Maxamed Sheekh Xasan oo natiijada codaynta ku dhawaaqay ayaa Xildhibaannada ugu mahadceliyay gudashada waajibaadkooda iyo ka shaqaynta howlaha hortabinta u leh Dowlad dhiskeenna.

Daawo: Trump oo markale weeraray Ilhaan: Waa inay ka baxdaa dalkeenna

0

Washigton (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa maanta mar kale weerar culus oo afka ah ku qaaday  Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congresska, isla markaana ay si wen isugu hayaan siyaasadda dalkaasi.

Donald Trump ayaa Ilhaan ku tilmaamay qof aan caad ahayn, wxuuna amray inay ka baxdo dalka Mareykanka, sida uu ku dooday.

Trump oo sidoo kale aflagaadeynaya Ilhaan Cumar ayaa yiri “Ilhan Omar Waa qof caqli ahaan liita, sidoo kalena waa qof aan daacad ahayn. Waa inay dalkeenna ka baxdaa, ma ahan inay sii joogto”.

Trump, oo horey u weeraray asalka Soomaalinimo ee Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale si adag u dhaleeceeyay Soomaaliya oo uu xitaa u gefay dhowr jeer oo hore.

Hadallada Trump ee ku saabsan Ilhaan, oo ku dhalatay Soomaaliya ka hor inta aysan qoyskeedu imaan Mareykanka sannadihii 1990-meeyadii, ayaa marar badan soo noq-noqday, isaga oo sidoo kale u gefay dalka ay asal ahaan kasoo jeedo.

Ilhaan Cumar, weli dhankeeda kama jawaabin weerarkan cusub ee Trump, balse horey ayay uga falcelisay weerarradiisa, iyadoo ku sheegtay inay tahay astaan u taagan halganka muhaajiriinta iyo dadka laga tirada badan yahay ee Mareykanka.

Si kastaba, Madaxweynaha Mareykanka oo caan ku ah hadallo soo noq-noqda iyo jees-jees, ayaa muddo dheer ku celinayay kaftan uu ka sheegay Ilhaan, isagoo xittaa mar shaaciyay inuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh weydiiyay in “dib loogu celin karo” dalkii ay asal ahaan ka soo jeeday.

Sacuudiga oo tallaabo qaaday kadib gantaallo lagu weeraray

Riyadh (Caasimada Online) – Nidaamka difaaca cirka ee ay isticmaalaan militariga Giriigga ee Sacuudi Carabiya yaalla ayaa maanta qabtay laba gantaal oo nuuca ballistic-ga ah oo laga soo riday gudaha dalka Yemen.

Gantaallada laga hortegay ayaa ujeedkooda ahaa in lagu bartilmaameedsado warshadaha saliidda ee Yanbu, sida ay ilo-wareedyo amni oo Giriig ah u sheegeen Reuters.

Sidoo kale, saacado ka hor, Ururka Difaaca Madaniga ah ee Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay in la baabi’iyay khatarta weerar ka dhici kara gobolka Yanbu.

Digniintan ayaa timid saacado ka dib markii Xuutiyiinta Yemen ay ku dhawaaqeen inay qaadi doonaan tallaabo aargoosi ah oo ay kaga jawaabayaan weerarrada isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudigu uu ku qaaday goobaha kooxda ee Hodeidah.

Horay waxay Xuutiyiinta Yemen ee taageerada ka hesha Iran ugu dhawaaqeen inay xannibaad badeed kusoo rogtay Sacuudi Carabiya, taas oo loo arkay tallaabo sii ballaarin karta dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, isla markaana halis cusub gelinaysa maraakiibta ganacsiga iyo sahayda shidaalka caalamka.

“Waxaan ku dhawaaqeynaa xannibaad badeed oo ka dhan ah cadowga Sacuudiga, annaga oo ku dhaqmeyna mabda’a ah il ka il,” ayaa lagu yiri bayaanka Xuutiyiinta.

Tallaabadan ayaa furtay jiho cusub oo dagaal xilli Mareykanka iyo Iran ay wel is weydaarsanayaan weerarro culus, kuwaas oo ku fiday dalal dhowr ah oo ku yaalla Bariga Dhexe.

Bab al-Mandab waa marin istaraatiiji ah oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, waxaana mara qayb muhiim ah oo ka mid ah shidaalka iyo badeecadaha u kala goosha Aasiya, Bariga Dhexe iyo Yurub.

Haddii marinka si buuxda loo xiro, waxaa hakad geli kara shidaal u dhigma ku dhowaad toddoba boqolkiiba sahayda caalamka, iyadoo inta badan dhoofinta shidaalka Sacuudiga ee dhinaca Badda Cas ay ku adkaan karto inay gaarto suuqyada caalamka.

Dagaalka ka socda Gacanka ayaa durba hoos u dhigay qulqulka shidaalka caalamka qiyaastii 10 boqolkiiba, taas oo sare u qaadday qiimaha tamarta, gaadiidka iyo badeecadaha kale. Qiimaha shidaalka ayaa markii hore kor u kacay kadib ku dhawaaqista Xuutiyiinta, balse dib ayuu hoos ugu soo laabtay markii suuqyadu rajo ka muujiyeen dadaallada diblomaasiyadeed.

DF oo qaaday tallaabo ka farxisay ardeyda Soomaaliyeed ee Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya oo maalmahan ku howlanayd sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ka haysta ardayda Soomaaliyeed ee dalka Kenya u yimaada waxbarashada heerarkeeda kala duwan, ayaa sii xoojisay dadaallada lagu xaqiijinayo aqoonsiga iyo isu-ekeysiinta shahaadooyinka dugsiyada sare ee Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Dadaalladan oo uu hormuud ka yahay Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo diblomaasiyiinta, howlwadeenada, ayaa lagu doonayaa in ardayda Soomaaliyeed loo fududeeyo helitaanka fursadaha waxbarasho ee jaamacadaha iyo machadyada kala duwan ee ku yaala dalkanKenya, iyadoo meesha laga saarayo caqabadihii muddooyinka soo jiitamayay ee la xiriiray aqoonsiga shahaadooyinka.

Iyadoo arrintaasi ay qayb katahay qorshaha Safaaradda ee lagu horumarinayo adeegyada ay u hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayaa Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Waxbarashada iyo Taclinta sare ee Soomaaliya ay kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Golaha Imtixaanaadka Qaranka Kenya (KNEC), Dr. David Njengere, kaas oo diiradda lagu saaray horumarka laga sameeyay geeddi-socodka aqoonsiga iyo isu-ekeysiinta shahaadooyinka dugsiyada sare ee Soomaaliya iyo Kenya.

Kulanka intii uu socday, Danjiruhu wuxuu Agaasimaha Guud ee hay’adda KNEC la wadaagay horumarka laga gaaray soo ururinta iyo diyaarinta dukumiintiyada looga baahan yahay dalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in Safaaraddu ay si dhow ula shaqaynayso hay’adaha ay khusayso si loo dhammaystiro dukumiintiyada harsan loona soo gudbiyo waqtiga ugu dhow.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee KNEC, Dr. David Njengere, ayaa soo dhaweeyay dadaalka iyo horumarka ay Safaaraddu ku tallaabsatay, isagoo xaqiijiyay in hay’adda KNEC ay diyaar u tahay inay si degdeg ah u guda gasho qiimeynta farsamo ee shahaadooyinka marka la helo dhammaan dukumiintiyada loo baahan yahay. Wuxuu sidoo kale muujiyay sida ay hay’addu uga go’an tahay inay ka shaqeyso xal waara oo dan u ah ardayda Soomaaliyeed.

Lataliyaha wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdullahi Sujuu ayaa is a dhankiisa ka cadeeyay in Wasaaradda Soomaaliyeed ay taabagalinayso codsiyadda ka yimid hay’adaha Waxbarashada dalka Kenya.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya ay mudnaan gaar ah siisay xallinta caqabadaha waxbarasho ee haysta ardayda Soomaaliyeed, maadaama ay si toos ah u saameynayaan mustaqbalka kumannaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo doonaya inay sii wataan waxbarashadooda.

“Waxaa naga go’an inaan xaqiijinno in arday kasta oo Soomaaliyeed uu helo fursad waxbarasho oo caddaalad iyo sinaan ku dhisan. Muddooyinkii u dambeeyay waxaan dadaal xooggan aan gelinnay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha la xiriira aqoonsiga shahaadooyinka, annagoo si joogto ah ula shaqaynaynay hay’adaha ay khusayso ee Soomaaliya iyo Kenya. Horumarka maanta la gaaray waa mid dhiirrigelin leh, waxaana rajaynaynaa in tallaabooyinka harsan si degdeg ah loo dhammaystiro, si ardaydeennu aysan mar dambe ula kulmin dib u dhac ku yimaada waxbarashadooda ama fursadahooda mustaqbalka. Safaaraddu waxay sii wadi doontaa dadaal kasta oo lagu difaacayo laguna horumarinayo danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool ama wax ku barta dalka Kenya,” ayuu yiri Danjire Jabriil Ibraahim.

Si kastaba, Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya ay ku xoojinayso adeegyada ay u hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, horumarinta aqoonta iyo fududeynta fursadaha ay ka faa’iideysanayaan ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u jooga dalka Kenya.

Labada dhinac ayaa ugu dambayn isku raacay in la dhiso guddi farsamo oo wadajir ah, kaas oo si dhow ula socon doona dhammaystirka geeddi-socodka isu-ekeysiinta shahaadooyinka, isla markaana dardargelin doona tallaabooyinka farsamo ee harsan si arrintan loo soo gabagabeeyo.

Waxaana la isla qaatay in bisha Sabtembar la soo afjaro qorshaha Qiimeybta shahaadooyinka si ay Ardeyda soomaliyeed ula jaan -qaadaan bilowga sanad- jamavadeedka ee bilaabano sandakan.

Talabadaan ayaa ah mid farxad-gelinaysa ardeyda Soomaaliyeed ee danaynaysa in ay waxbarashadooda sare ku qaataan dalka kenya iyo guud ahaan geedisocdka wabarashada Soomaaliya.

 

2 ka mid ah dalalka Khaliijka oo weerar toos ah ku qaaday Iiraan kuna biiray dagaalka

Manama (Caasimada Online) – Baxreyn iyo Kuwait ayaa si qarsoodi ah diyaarado dagaal ugu diray gudaha Iran, iyagoo duqeeyay goobo militari oo ku yaalla dalkaas, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Weerarradan, oo dhacay horraantii bishan, ayaa noqonaya tallaabadii ugu horreysay ee ay labada dal si toos ah uga qaadaan Iran, xilli dagaalka gobolka uu sii daba-dheeraanayo, dowladaha Carabtuna ay wajahaan xaalad amni iyo dhaqaale oo aad u adag.

Duqeymaha ayaa lagu bartilmaameedsaday bakhaarro lagu keydiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada, iyo sidoo kale xarumo kale oo militari, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen wargeyska Wall Street Journal.

Imaaraadka Carabta, oo dhowr jeer weerarro ka fuliyay Iran bilowgii dagaalka, ayaa labada dal siiyay xog sirdoon oo ku saabsan bartilmaameedyada, iyo difaac cirka ah oo lagu ilaalinayay diyaaradaha fulinayay weerarrada.

Tallaabadan ayaa muujineysa bilowga iskaashi militari oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya qaar ka mid ah dalalka Carabta, kuwaas oo doonaya inay si wadajir ah uga hortagaan weerarrada Iran.

Iran ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay inta badan weerarradeeda aargoosiga ah ku bartilmaameedsatay Baxreyn iyo Kuwait, oo labaduba martigeliya saldhigyo militari oo Mareykanku leeyahay.

Labada dal waxay leeyihiin ciidamo cirka oo tiro ahaan kooban, kuwaas oo ku hubeysan diyaarado ay sameeyeen Mareykanka iyo dalal Yurub ah. Hase yeeshee, waxay go’aansadeen inaysan Iran u oggolaan inay sii waddo weerarrada iyada oo aan wax jawaab ah la siin, sida ay sheegeen dadka xogta u leh arrintan.

Dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay inay taageersan tahay dadaallada lagu dhimayo xiisadda gobolka, oo ay ku jirto in si buuxda dib loogu furo marin-biyoodka Hormuz, oo muhiim u ah dhoofinta saliidda dalalka Khaliijka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa sidoo kale cambaareysay weerarrada lagu qaaday Kuwait iyo Baxreyn, waxayna sheegtay inay “si buuxda ula garab taagan tahay dalalkaas, ayna taageersan tahay dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo ammaankooda iyo xasilloonidooda”.

Afhayeenno u hadlay dowladaha Kuwait iyo Baxreyn kama aysan jawaabin codsiyo loo diray oo ku saabsanaa inay faallo ka bixiyaan duqeymaha.

Dalalka Carabta ee Khaliijka ayaa hadda ku dhex jira dagaal aysan dooneyn, iyagoo dhinaca kalena deris la ah Iran oo ka weyn, awood badanna leh, isla markaana u aragta in si weyn loo dhibaateeyay.

Dalalkan ayaa si wadajir ah u qaaday qeybta ugu badan ee weerarradii Iran ay fulisay intii uu dagaalku socday. Waxay hadda la tacaalayaan suuragalnimada in colaadda iyo is-horfadhigu sii dheeraadaan, taas oo khatar ku ah ammaankooda iyo dhaqaalahooda.

“Dagaalka oo sidan hadda uu ku socdo kusii socda waa xaaladda ugu xun ee ay wajihi karaan,” ayay tiri Dina Esfandiary, oo ah khabiir ku takhasustay Bariga Dhexe kana tirsan Bloomberg Economics.

Waxay sheegtay in dagaalku uusan dalalka Khaliijka siin fursad ay dib ugu dhistaan sawirkooda ah inay yihiin meel xasilloon oo ku dhex taalla gobol qalalaase badan, isla markaana uu saameynayo qaab-dhismeedka dhaqaalahooda.

Imaaraadka ayaa dagaalka ku lug yeeshay xilli hore, isagoo tobannaan duqeymo ah ka fuliyay Iran tan iyo bilowgii colaadda, weerarradana sii waday ilaa maalintii ka dambeysay markii xabbad-joojin lagu dhawaaqay bishii April.

Iran ayaa toddobaadyadii dambe inta badan ka gaabsatay inay weerarto Imaaraadka, inkastoo horraantii bishan ay duqeysay laba markab oo shidaal oo laga leeyahay dalkaas.

Kuwait iyo Baxreyn ayaa wajahaya xaalad ka sii adag. Labada dal muddo tobannaan sano ah xiriir wanaagsan lama lahayn Iran, waxayna noqdeen bartilmaameedyada ugu waaweyn ee weerarradii ugu dambeeyay.

Iran ayaa hadda kordhisay weerarrada ay ku beegsaneyso kaabeyaasha muhiimka ah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuwait ayaa Axaddii sheegtay in Iran ay weerartay warshad koronto iyo xarun biyaha badda looga dhigo kuwo la cabbi karo.

Kuwait waxay weerarka ku tilmaantay khatar ka dhan ah muwaadiniinteeda iyo tallaabo si weyn u sii hurineysa xiisadda gobolka.

Dalalka Oman iyo Qatar ayaa muddo dheer isku dheellitirayay xiriirkooda Iran iyo reer Galbeedka, mana muujin rabitaan weyn oo ay Tehran si toos ah ula galaan dagaal.

Sacuudi Carabiya ayaa bilowgii dagaalka Imaaraadka kala qeyb qaadatay weerarrada Iran, balse hadda waxay dib u qiimeyneysaa mowqifkeeda, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Dowladaha Carabta ayaa markii hore rajeynayay in dagaalku si degdeg ah ku dhammaado, si ay dib ugu laabtaan qorshayaashooda dhaqaale. Hase yeeshee, colaadda ayaa hadda gashay bishii shanaad, iyadoo aanay jirin calaamad muujineysa in dhinacyadu gaareen ujeeddooyinkooda ama ay diyaar u yihiin inay dib u gurtaan.

Dhoofinta saliidda dalalka Khaliijka ayaa si weyn u dhaawacantay, kadib markii Iran ay ciriiri gelisay marin-biyoodka Hormuz.

Khatar kale ayaa toddobaadkan kasoo baxday Badda Cas, halkaas oo kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto ay xayiraad kusoo rogtay maraakiibta, isla markaana weerarro ku qaaday gaadiidka badda.

Dalxiiskii gobolka ayaa hoos u dhacay, halka maalgelintii caalamiga ahayd ay cadaadis sii kordhaya wajahayso. Dowladaha Carabta ayaa hadda ka fiirsanaya inay qaadaan tallaabooyin militari oo ka xoog badan kuwa hadda jira, si dib loogu furo marinnada ganacsi ee muhiimka u ah dhaqaalahooda.

“Waxaan u maleynayaa in dalalka Khaliijka ay bilaabayaan inay fahmaan in dagaalkani sii socon doono muddo,” ayuu yiri Umer Karim, oo ah cilmi-baare ku takhasusay siyaasadda Sacuudiga iyo juqraafi-siyaasadeedka Khaliijka kana tirsan Jaamacadda Birmingham.

“Arrintani ugu dambeyn waxay ka dhigan tahay inay qasab ku noqon doonto inay si furan uga hortagaan Iran,” ayuu raaciyay.

Karim ayaa sheegay in qaar ka mid ah dowladaha gobolka ay xitaa bilaabeen inay tixgeliyaan suurtagalnimada isbeddel lagu sameeyo maamulka Tehran, maadaama ay u arkaan in sii jiritaanka dowladda hadda ka talisa Iran uu dalalka deriska ah gelin karo xaalad ay ku hoos noolaadaan awoodda iyo saameynta Iran.

Ruushka oo saraakiil cusub usoo tababaray Soomaaliya

0

Moscow (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa haatan saraakiil cusub usoo tababartay Booliska Soomaaliya, kuwaas oo Jimcihii si rasmi ah uga qalinjabiyay Akadeemiyadda Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaas, iyagoo ku guuleystay shahaadada heerka labaad ee Jaamacadda (Master Degree).

Saraakiishan oo afar ah ayaa si gaar ah ugu takhasusay maamulka guud iyo qorshaynta istaraatiijiga ah, oo ah aqoon muhiim u ah hoggaaminta hay’adaha amniga, horumarinta maamulka, dejinta siyaasadaha, iyo qorsheynta istaraatiijiyadda lagu xoojinayo tayada adeegyada Booliska Soomaaliyeed.

Qalin-jebinta afarta sarkaal ayaa loo arkaa guul weyn oo u soo hoyatay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo guud ahaan dalka, maadaama ay sare u qaadayso aqoonta iyo xirfadaha hoggaamineed ee saraakiisha loo diyaarinayo inay door muuqda ka qaataan dib-u-dhiska iyo casriyeynta hay’adaha amniga.

Sidoo kale, dhacdadani waxay leedahay muhiimad taariikhi ah, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay muddo ku dhow 40 sano oo saraakiil Soomaaliyeed ay kasoo qalinjebiyaan Jaamacad ku taalla dalka Ruushka.

Tani waxay ka tarjumaysaa inuu dib u soo noolaanayo iskaashiga waxbarasho iyo xiriirka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Ruushka, gaar ahaan dhinacyada tababarka, aqoon-is-weydaarsiga, iyo horumarinta awoodda hay’adaha dowladda.

Waxaa la filayaa in aqoonta iyo waayo-aragnimada ay saraakiishan cusub kasoo kororsadeen waxbarashadooda ay door weyn ka qaadato horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kor u qaadista hufnaanta shaqada, iyo xoojinta qorsheynta istaraatiijiga ah ee lagu horumarinayo amniga iyo adeegyada bulshada.

Guushan ayaa sidoo kale dhiirrigelin u noqonaysa saraakiisha kale ee Soomaaliyeed ee doonaya inay sii wataan waxbarashadooda sare iyo kobcinta xirfadooda hoggaamineed.

Mareykanka oo wada-hadallo culus la billaabay Soomaaliya iyo Eritrea kadib markii ay…

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sare u qaaday wada-hadallada ay la leedahay Soomaaliya iyo Eritrea, xilli weerarrada sii kordhaya ee lagu beegsanayo maraakiibta ganacsiga ay walaac cusub ka abuureen ammaanka Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab.

Tallaabadan diblomaasiyadeed ayaa timid kaddib kulamo 19-kii July magaalada Qaahira ku dhexmaray Massad Boulos, oo ah la-taliyaha sare ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee arrimaha Carabta iyo Afrika, iyo wasiirrada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Eritrea.

Kulamada, oo ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiin Masaari ah, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee Geeska Afrika, xasilloonida Badda Cas iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dalalka gobolka.

Mas’uuliyiintu ma shaacin wax heshiis ah oo ku saabsan saldhigyo ciidan ama marin-badeed uu Mareykanku ka heli doono Soomaaliya ama Eritrea. Si kastaba, kulamadan ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan in Washington ay dooneyso inay dhisto qorshe amni oo ballaaran oo ka hanaqaada xeebaha Afrika ee Badda Cas.

Boulos ayaa sheegay inuu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, kala hadlay “arrimo muhiim ah oo la xiriira ammaanka iyo xasilloonida Geeska Afrika”, oo ay ku jiraan iskaashiga gobolka iyo wada-hadallada siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya.

Kaddib kulankii uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Eritrea, Osman Saleh, Boulos wuxuu sheegay in labada dhinac ay ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha gobolka iyo arrimaha amniga.

“Xilli dadaallada wadajirka ahi ay ka muhiimsan yihiin sidii hore, waxaan adkeynay baahida loo qabo inaan si wax-ku-ool ah uga wada shaqeyno xalinta khilaafaadka gobolka iyo horumarinta nabad, xasillooni iyo barwaaqo waarta oo ka hanaqaada Badda Cas iyo Geeska Afrika,” ayuu yiri Boulos.

Halisaha maraakiibta

Wada-hadalladan ayaa ku soo aadaya xilli kooxda Xuutiyiinta Yemen ay kordhisay hanjabaadaha iyo weerarrada ka dhanka ah maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo kala qeybiya Yemen, Jabuuti iyo Eritrea.

Weerarrada lagu qaaday maraakiibta shidaalka iyo digniinaha la xiriira xannibaad ballaaran ayaa ku qasbay shirkado badan inay beddelaan marinadii ay isticmaali jireen.

Xiisadda ka taagan marin-biyoodka Hormuz ayaa sidoo kale kordhisay cabsida laga qabo in carqalad ay ku timaado labada dhinac ee marinka muhiimka u ah dhoofinta shidaalka dalalka Khaliijka.

Qiimaha shidaalka ayaa sare u kacay, iyadoo suuqyada caalamka ay si dhow ula socdaan weerarrada maraakiibta iyo suuragalnimada in sahayda tamarta ay hakad gasho.

Mareykanka ayaa horey uga digay in maraakiibta xiriirka la leh Washington, Britain ama Israel ay wajahaan halis sare marka ay marayaan koonfurta Badda Cas, Bab al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed.

Bab al-Mandab wuxuu isku xiraa Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, isaga oo maraakiibta u sii gudbiya Kanaalka Suweys, waxaana uu kamid yahay marin-biyoodka ugu muhiimsan ganacsiga iyo tamarta caalamka.

Weerarrada Xuutiyiinta ayaa horey hoos ugu dhigay tirada maraakiibta isticmaasha marinkan, waxaana shirkado badan lagu qasbay inay qaataan jidka dheer ee ku wareega koonfurta Afrika.

Cameron Hudson, oo horey uga tirsanaa Aqalka Cad xilligii madaxweyne George W. Bush, ayaa sheegay in Washington ay dooneyso in dalalka ku yaalla xeebaha Afrika aysan noqon ilo cusub oo xasillooni-darro ah.

“Mareykanku wuxuu u muuqdaa inuu leeyahay, ‘Haddii aydnaan naga caawin karin Badda Cas, ugu yaraan ha noqonina dhinac xaaladda sii xumeeya,’” ayuu yiri Hudson.

Muhiimadda xeebaha

Dhaqdhaqaaqan cusub ee Mareykanka ayaa Eritrea siinaya miisaan istaraatiiji ah oo sii kordhaya.

Eritrea waxay leedahay dekedaha Massawa iyo Assab iyo xeeb dheer oo ku teedsan mid kamid ah marinnada ganacsi ee ugu mashquulka badan dunida.

Xiriirka Washington iyo Asmara ayaa muddo dheer xumaa, balse maamulka Trump ayaa muujiyay inuu daneynayo dib-u-soo-celinta xiriirka, maadaama ammaanka Badda Cas uu noqday arrin muhiim ah.

Soomaaliya ayaa sidoo kale leh xeeb istaraatiiji ah oo ka bilaabata Gacanka Cadmeed kuna fidsan Badweynta Hindiya, waxayna Mareykanka kala shaqeysaa la-dagaallanka Al-Shabaab iyo kooxda Daacish.

Bishii March 2025, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mareykanka u soo bandhigay inuu isticmaalo garoomo diyaaradeed iyo dekedo ay ku jiraan Baledogle, Berbera iyo Boosaaso.

Qorshahaas ayaa lagu sheegay inuu Mareykanka siin karo marin milatari iyo mid sahay oo joogto ah, isla markaana ka hortagi karo in dalal ay Washington tartan kula jirto ay saameyn xooggan ku yeeshaan gobolka.

Si kastaba, ku darista Berbera ayaa muran dhalisay, maadaama ay ku taallo Somaliland, oo Soomaaliya ay u aqoonsan tahay qeyb kamid ah dhulkeeda.

Mareykanka ayaa hadda saldhiggiisa ugu weyn ee gobolka ee Camp Lemonnier ku leh dalka Jabuuti, wuxuuna sidoo kale sii wadaa duqeymaha uu Soomaaliya kula beegsanayo Al-Shabaab iyo Daacish.

Falanqeeye amni oo lagu magacaabo Mubarak Aliyu ayaa sheegay in iskaashiga Masar iyo Mareykanka uu muujinayo in dhibaatooyinka Geeska Afrika iyo Badda Cas aan hadda si kala gooni ah loo wajihi karin.

“Iskaashiga Masar iyo Mareykanka wuxuu caddeynayaa in dhibaatooyinka Geeska Afrika ay isku xiran yihiin, ayna u baahan yihiin diblomaasiyad isku dheellitirta awood-celinta, iskaashiga gobolka iyo xasilloonida muddada dheer,” ayuu yiri.

Inkasta oo Washington aysan weli si cad u shaacin qorshaheeda, haddana kororka halisaha Bab al-Mandab ayaa Soomaaliya iyo Eritrea siinaya muhiimad diblomaasiyadeed iyo mid amni oo cusub, iyadoo xeebaha Afrika ee Badda Cas ay sii galayaan xisaabta istaraatiijiyadda Mareykanka.

Dagaal culus oo dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya

0

Mandera (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanno hoostaga magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari, kaas oo u dhexeeyay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Kenya.

Dagaalka oo laba goobood ka kala dhacay ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerareen fariisimo ay ciidamada Kenya ku leeyihiin duleedka magaalada, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Weerarka koowaad ayay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka lagu magacaabo Fino, iyaga oo beegsaday saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib la maqlay rasaas ay is waydaarsanayaan labada dhinac.

Sidoo kale, weerarka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Carabiya oo isna hoostaga Mandera, halkaas oo ay beegsadeen maleeshiyaad kale oo ka tirsan Al-Shabaab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarradan iyo dagaallada xigay, maadaama goobaha la beegsaday ay yihiin saldhigyo ay dagan yihiin ciidamada dalka Kenya.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Kenya oo ku aadan weerarradaas iyo haddii ay jiraan howlgallo ay sameeyeen ciidamada kadib dagaalka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah xadka dheer ee ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, halkaas oo ay dhuumaaleysi uga gudbaan xubnaha Shabaab ee weerarada ka fuliya Gobolka Waqooyi Bari.

Inta badan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha ciidamada Kenya ku yaalla halkaasi, maadaama ay weli kooxda si weyn ugu xoogan tahay gobollada Jubbooyinka ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Iiraan oo duqeymo ku burburisay xarunta xogta ee…

Tehran (Caasimada Online) – Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa ku dhawaaqay inay burburiyeen xarun xogeed (Data Center) oo ay sheegeen inay leedahay shirkadda weyn ee Amazon, taasoo ku taalla dalka Baxreyn.

Sheegashadan ayaa imanaysa iyadoo xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka ay sii xoogeysaneyso, isla markaana gobolka Bariga Dhexe uu wajahayo xaalad amni oo aad u cakiran.

Bayaan ay soo saareen IRGC ayaa lagu sheegay in weerarkan uu qeyb ka ahaa mowjaddii 27-aad ee hawl-galka “Nasr 2”, kaasoo ay ku tilmaameen inuu ahaa howlgal lagu dhammaystirayay weerarro hore oo lagu qaaday xarunta xogta ee Amazon.

Ciidanka ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen qaybihii ugu dambeeyay ee xarunta, isla markaana ay gabi ahaanba burburiyeen dhismaha harsanaa.

Sida lagu sheegay bayaanka, howl-galka waxaa lagu fuliyay weerarro qorsheysan oo lagu beegsaday kaabayaal ay Iiraan ku eedeysay inay taageero farsamo iyo xog ururin u fidiyaan ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda gobolka. IRGC ma aysan soo bandhigin caddeyn muuqaal ah oo xaqiijinaysa heerka burburka ay sheegtay.

IRGC ayaa hore u sheegtay 21-kii Luulyo inay weerartay isla xaruntan xogta, iyadoo adeegsatay dhowr gantaal oo nooca cruise missile-ka ah. Waxay markaas ku tilmaantay xarunta Amazon inay tahay goob muhiim u ah kaabayaasha xogta ee Mareykanka ku leeyahay gobolka.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in weerarkan uu yahay jawaab toos ah oo ay ka bixinayaan weerarkii uu Mareykanku ku qaaday xarunta nukliyeerka ee Darkhuyn, kaasoo Iiraan ay ku eedeysay Washington inay ku xadgudubtay madax-bannaanideeda isla markaana ay waxyeello gaarsiisay xarumo muhiim ah oo dalkaasi leeyahay.

Mas’uuliyiinta dowladda Baxreyn ayaa ilaa iyo hadda wax war rasmi ah ka soo saarin sheegashada Iiraan. Sidoo kale, shirkadda Amazon ayaan weli soo saarin wax bayaan ah oo arrintan ku saabsan.

Khubarada amniga gobolka ayaa sheegay in tani noqon karto tallaabo cusub oo muujinaysa in dagaalka u dhexeeya Tehran iyo Washington uu ku sii fidayo bartilmaameedsiga kaabayaasha tiknoolajiyadda iyo xarumaha xogta ee muhiimka u ah adeegyada dijitaalka ah.

Si kastaba, dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan weerarrada u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka, iyadoo laga digayo in weerarro lagu beegsado xarumaha xogta iyo kaabayaasha muhiimka ah ay halis gelin karaan adeegyada dijitaalka ah iyo dhaqaalaha gobolka, isla markaana ay sii hurin karaan xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.

Xog: Saldhigga Israa’iil ee Berbera oo dardar ku socda

0

Berbera (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Berbera ayaa waxaa haatan ka socda mashruuc ballaaran oo lagu dhisayo saldhig milatari oo la sheegay inay si wadajir ah u adeegsan doonaan Mareykanka, Israa’iil iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Mashruucan ayaa la rumeysan yahay inuu qayb ka yahay isbeddel istaraatiiji ah oo ka socda gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas, xilli ay sii xoogeysanayaan tartanka quwadaha caalamiga ah.

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, qorshaha ugu weyn ayaa ah in garoonka Berbera oo hadda ay isticmaalaan diyaaradaha rayidka, si tartiib tartiib ah loogu beddelo xarun milatari oo istaraatiiji ah. Garoonkan ayaa la filayaa inuu noqdo saldhig muhiim u ah hawl-gallada dhinaca cirka iyo saadka ee quwadaha ku lugta leh mashruucan.

Xogaha la helay waxay muujinayaan in dhismaha iyo ballaarinta xaruntaasi ay si joogto ah u socdeen muddo ku dhow 10 bilood. Inta lagu guda jiray muddadaas waxaa la sheegay in la dhisay xarumo cusub, goobo amni iyo kaabayaal kale oo la xiriira adeegyada milatariga, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin nooca dhismayaasha la hirgelinayo.

Tan iyo markii uu mashruucan billowday, waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka garoonka. Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in si adag loo xaddiday gelitaanka garoonka, isla markaana gebi ahaanba la xiray waddadii ugu weyneyd ee loo mari jiray, iyadoo dhaq-dhaqaaq kasta oo ka ag dhow garoonka lagu soo rogay kormeer iyo xannibaado amni.

Garoonka Berbera wuxuu ku yaallaa xeebta Gacanka Cadmeed, meel aan ka fogeyn marin-biyoodka Bab al-Mandab oo ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan caalamka.

Goobtan ayaa muhiimad weyn u leh isku socodka maraakiibta ganacsiga iyo kuwa milatariga, taasoo ka dhigeysa saldhig kasta oo halkaas laga dhiso mid leh qiime istaraatiiji ah.

Arrintan ayaa imanaysa xilli Israa’iil ay bishii December 2025 qaaday tallaabo aan hore loo arag oo ay ku aqoonsatay madaxbannaanida ay ku doodo Somaliland. Aqoonsigaas ayaa xilligaas dhaliyay falcelin siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo ka timid dalal iyo dhinacyo kala duwan, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya meel adag iska taagtay xad-gudubkaasi.

Sida ay tilmaamayaan xogaha sirdoon ee la helayo, saldhiggan ayaa loogu talagalay inuu noqdo xarun laga fuliyo hawl-gallo oo u dhow Yemen, halkaas oo xoogagga Xuutiyiinta ay weerarro ka dhan ah Israa’iil ka bilaabeen dabayaaqadii bishii Maarso.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in Isutagga Imaaraadka Carabta uu hormuud ka yahay hirgelinta mashruucan, isagoo ka duulaya heshiis iskaashi oo dhinaca difaaca ah oo maamulka Somaliland uu la galay sanadkii 2017. Heshiiskaas ayaa hore u horseeday ballaarinta dekedda Berbera iyo mashaariic kale oo istaraatiiji ah oo gobolka laga fuliyay.

Mareykanka iyo Israa’iil ayaan ilaa hadda si rasmi ah uga hadlin wararka la xiriira saldhigga la sheegay inuu ka socdo Berbera, sidoo kale ma jirto wax faahfaahin ah oo ay Somaliland ama Imaaraadka Carabta ka bixiyeen xogahan.

Saciid DENI oo safar aan la shaacin ugu baxay dalka…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta galinkii dambe safar aan si rasmi ah loo shaacin ugu ambabaxay dalka dibaddiisa.

Madaxweyne Deni ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe. Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, wuxuu marka hore sii mari doonaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, ka hor inta uusan u gudbin magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxtooyada Puntland ayaa weli wax war ah kasoo saarin safarka Madaxweyne Deni, ujeeddada booqashadiisa ama muddada uu qaadan doono.

Madaxweyne Deni ayaa hore dhowr jeer safarro aan la shaacin ujeeddadooda ugu tagay dalalka Itoobiya, Kenya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta. Safarradaas ayaa qaarkood qaatay maalmo ama toddobaadyo, iyadoo inta badan uusan la socon wafdi ballaaran oo ka tirsan xukuumaddiisa.

Safarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Labada dhinac ayaa muddooyinkii dambe isku hayay arrimo la xiriira amniga, maamulka ciidamada iyo khilaafyo siyaasadeed.

Maalin ka hor, wasiir ku-xigeenka amniga Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay hub soo gelisay magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay in hubkaas loogu talagalay in lagu khalkhal-geliyo amniga Puntland. Dowladda Federaalka ayaan weli wax jawaab ah ka bixin eedeymahaas.

Xiisadda u dhexeysa labada dhinac ayaa sii xoogeysatay kadib iska horimaadyo iyo muranno amni oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Puntland, kuwaas oo ay ka mid tahay deegaanka Laag ee gobolka Bari. Arrimahaas ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo amniga iyo xiriirka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka.

Si kastaba, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kulamada iyo ajandaha safarka Madaxweynaha Puntland ee Itoobiya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Taariikhi: 40 sano kadib, Soomaaliya oo dib u furtay albaabkii diblomaasiyadda…

0

Malé (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah dib ugu soo celisay xiriirkeedii tooska ahaa ee diblomaasiyadeed ay la lahayd Jamhuuriyadda Maldives, kaddib ku dhowaad 40 sano oo xiriirka labada dal uu ahaa mid xaddidan.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku ballaarineyso xiriirkeeda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka caalamka.

Dib u soo nooleynta xiriirka ayaa timid kadib markii Safiirka Soomaaliya u fadhiya Hindiya, Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowa uu Madaxweynaha Maldives, Dr. Maxamed Muu’izu u gudbiyay waraaqihiisa aqoonsiga danjirennimo. Dr. Odowa ayaa noqday Safiirka aan deggenayn ee Soomaaliya u qaabilsan Maldives.

Munaasabadda gudbinta waraaqaha aqoonsiga ayaa ka dhacday xarunta madaxtooyada Maldives ee magaalada Malé, iyadoo loo qabtay hab-maamuus diblomaasiyadeed oo buuxa. Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo ballaarinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Maldives.

Safiir Odowa ayaa Madaxweynaha Maldives gaarsiiyay salaan iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa uu caddeeyay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso dib u soo nooleynta xiriirka labada dal iyo kor u qaadista iskaashiga dhinacyada ay wadaagaan.

Madaxweyne Maxamed Muu’izu ayaa dhankiisa soo dhaweeyay dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed, isagoo muujiyay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in labada dal ay wadaagaan dano muhiim ah oo la xiriira amniga gobolka, ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha badda.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Maldives ayaa markii ugu horreysay la aasaasay sanadkii 1988, hase yeeshee burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya iyo dagaalladii sokeeye ayaa sababay in xiriirkaasi hakad galo muddo tobannaan sano ah, iyadoo aanay jirin matalaad diblomaasiyadeed oo toos ah.

Soomaaliya iyo Maldives ayaa waxaa ka dhexeeya xubinnimada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), sidoo kale waa laba dal oo ku yaalla Badweynta Hindiya, kuwaas oo leh dano wadajir ah oo ku saabsan kalluumeysiga, dhaqaalaha buluugga ah, ganacsiga badda, ilaalinta deegaanka iyo sugidda amniga marin-biyoodka caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay dardar-gelisay ballaarinta xiriirkeeda dibadda, iyadoo dalal badan u magacaabaysa safiiro aan deggenayn, si loo xoojiyo joogitaanka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leedahay waddamada kala duwan.

Khubarada arrimaha dibadda ayaa qaba in dib u soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Maldives ay tahay tallaabo muhiim ah oo diblomaasiyadeed, balse ay guusheedu ku xirnaan doonto in labada dal ay u beddelaan xiriirka siyaasadeed iskaashi wax ku ool ah oo taabanaya dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, amniga badda iyo horumarinta danaha ay wadaagaan.

DF Soomaaliya oo dalbatay in la kordhiyo saamigeeda…

0

Qaahira (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare ayaa ka codsaday Jaamacadda Carabta in Soomaaliya la siiyo saamigeeda ku aaddan jagooyinka sare ee ururka.

Saamiga ay Soomaaliya dalbaneyso ayaa ah jagooyinka sare iyo hoggaanka ergoyinka ka dhex shaqeeya Xoghaynta Guud ee ururka, si loo xaqiijiyo matalaad ay Soomaaliya ku yeelato hay’addaas.

Codsigan ayaa yimid intii uu safiirku kulan kula yeeshay magaalada Qaahira Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Nabil Fahmy. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, iyo sidoo kale arrimo kale oo khuseeya danaha wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah ururka.

Safiir Cali Cabdi Awaare ayaa Xoghayaha Guud guddoonsiiyay hambalyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ugu hambalyeeyay Nabil Fahmy xilka cusub ee loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta.

Waxa uu sidoo kale caddeeyay in Soomaaliya ay taageersan tahay dadaallada lagu xoojinayo wadajirka iyo iskaashiga dalalka Carabta.

Safiirka ayaa intii kulanku socday soo bandhigay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee ay Dowladda Federaalka ku dooneyso inay ku ballaariso xiriirka ay la leedahay dalalka Carabta iyo hay’adahooda.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay mudan tahay inay hesho saamigeeda ku aaddan xilalka sare ee Jaamacadda Carabta, maadaama ay tahay dal xubin ka ah ururka.

Sida uu sheegay safiirka, kordhinta matalaadda Soomaaliya waxay gacan ka geysan doontaa xoojinta doorka ay ku leedahay ururka iyo difaaca danaha Soomaaliya ee heer gobol iyo heer caalami.

Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Nabil Fahmy ayaa sheegay in ururku uu muhiimad gaar ah siinayo taageeridda Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka kala dhexeeya, isagoo xusay in si dhow u tixgelin doonto codsiyada iyo aragtiyaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u soo gudbiso.

Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada ay Soomaaliya ku dooneyso inay dib ugu soo ceshato kaalinteedii firfircoonayd ee ururka, isagoo muujiyay diyaar garowga Jaamacadda Carabta ee ku aaddan sii wadidda taageerada dhinacyada siyaasadda, horumarinta iyo iskaashiga hay’adaha.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad, iyadoo mas’uuliyiinta adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta ay sii ballaariyaan iskaashigooda, si looga shaqeeyo danaha wadajirka ah, xasilloonida gobolka iyo horumarinta xiriirka dalalka Carabta.

Boqor Buurmadow: Waa in Somaliland ay la midowdo Soomaaliya haddii la siiyo…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland ayaa sheegay in wada-hadal dhab ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay waddada ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafka siyaasadeed ee muddada dheer u dhexeeyay labada dhinac.

Boqor Buurmadow ayaa wareysi cusub oo uu bixiyay ku sheegay in Soomaaliya ay tahay dhinaca ugu dhow ee ay Somaliland wax ku xallin karto, isla markaana aysan jirin beddel ka wanaagsan wada-hadal iyo is-afgarad.

Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah dib loogu bilaabo wada-xaajoodyada u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa, si xal waara loogu helo arrimaha taagan.

Boqorka ayaa sidoo kale sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud u arko hoggaamiye ay suuragal tahay in wada-hadal miro dhal ah lala yeesho. Sida uu sheegay, haddii labada dhinac ay muujiyaan rabitaan siyaasadeed, ay jirto fursad lagu gaari karo is-afgarad wax ku ool ah.

Isagoo ka hadlay aragtidiisa ku aaddan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, Boqor Buurmadow ayaa sheegay inuu taageersan yahay dib u midoobidda Soomaaliya haddii Somaliland la siiyo calanka iyo caasimadda dalka. “Haddii calanka iyo caasimadda la siiyo Somaliland, aynu Soomaaliya la midoowno, maxaynu ku diidnaa,” ayuu yiri Boqorka.

Buurmadow ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka Somaliland la yeelatay Israa’iil, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay ka dhalatay cadaadis siyaasadeed oo kaga imaanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu ku dooday in haddii labada dhinac ay hore u gaari lahaayeen heshiis siyaasadeed, aysan Somaliland u baahateen inay raadiso xiriirro noocaas ah.

Waxa uu intaas ku daray in tabashada Somaliland ay tahay mid siyaasadeed oo u baahan xal iyo wada-hadal, balse aysan ka dhignayn nacayb loo qabo Soomaaliya. Sida uu sheegay, haddii Dowladda Federaalka ay muujiso diyaar u ahaanshaha xalinta tabashooyinka jira, wuxuu ku taliyay in Somaliland dib u eegto xiriirka ay la leedahay Israa’iil.

Hadalka Boqor Buurmadow ayaa ku soo aadaya xilli xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uu marayo marxalad aad u adag. Khilaafka labada dhinac ayaa sii xoogeystay kadib heshiisyadii ay Somaliland la gashay Itoobiya iyo Israa’iil, kuwaas oo Dowladda Federaalka ay si cad uga hortimid, iyadoo ku tilmaantay kuwo ka hor imanaya midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Waxaa weli hakad ku jira wada-hadalladii u dhexeeyay Muqdisho iyo Hargeysa, iyadoo beesha caalamka ay marar badan ku baaqday in labada dhinac ay dib ugu laabtaan miiska wada-xaajoodka si xal nabadeed loogu helo khilaafka siyaasadeed ee soo jiitamayay muddo ka badan soddon sano.

Turkiga oo la ogaaday inuu Soomaaliya ka sameeyey 30…

Muqdisho (Caasimada Online) – Turkiga ayaa la rumeysan yahay inuu tan iyo 2022-kii tobannaan duqeymood ka fuliyay gudaha Soomaaliya, inkasta oo dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay si joogto ah uga gaabsadaan inay faahfaahin ka bixiyaan kaalinta Ankara ee hawlgallada militari ee dalka.

Caleb Weiss, oo ah tifaftiraha wargeyska Long War Journal, ayaa sheegay inuu ururiyay xog muujineysa in Turkiga lala xiriirin karo ugu yaraan 30 duqeyn oo ka dhacday Soomaaliya tan iyo 2022-kii. Hase yeeshee, wuxuu tilmaamay in tirada dhabta ahi ay intaas aad uga badan karto, sababo la xiriira qarsoodiga ku gadaaman hawlgallada.

Arrintan ayaa markale soo ifbaxday horraantii bishan kadib markii Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ay markii hore xaqiijisay in diyaaradaha dagaalka ee F-16-ka Turkiga ay duqeymo ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya, balse markii dambe qoraalka laga saaray magaca Turkiga.

Dabayaaqadii June, war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in 35 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay hawlgallo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasaaradda waxay hawlgalladaas ku sheegtay kuwo ay ciidamada Soomaaliya ka taageereen “saaxiibbo caalami ah”. Hase yeeshee nuqulkii hore ee war-saxaafadeedka ayaa si cad loogu xusay in Turkigu ka qeyb qaatay hawlgallada.

Qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida iyo kuwa caalamiga ah ayaa sidoo kale daabacay warar ay ku xuseen in diyaaradaha F-16-ka Turkiga ay duqeymaha fuliyeen, ka hor inta aan magaca Turkiga laga saarin qoraalka rasmiga ah.

Weiss ayaa sheegay in dhacdadani ay qeyb ka tahay hab ay Soomaaliya iyo Turkigu u yareeyaan ama uga gaabsadaan faahfaahinta kaalinta tooska ah ee ciidamada Turkiga ku leeyihiin hawlgallada gudaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka duwan sida furan ee ay labada dowladood uga hadlaan howlaha kale ee Turkiga, sida tababarka ciidamada Soomaaliyeed ee saldhigga TURKSOM ee magaalada Muqdisho.

Duqeymihii dagaalka Al-Shabaab

Sida uu sheegay Caleb Weiss, duqeymaha ugu badan ee lala xiriiriyay Turkiga waxay dhaceen xilligii uu socday wajigii ugu xooganaa ee dagaalkii ay dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyooyinka deegaanka ku qaadeen Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada dhexe, sannadkii 2022-kii.

Mas’uuliyiin Soomaaliyeed iyo warbaahinta gudaha ayaa xilligaas sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 ee Turkiga si weyn loogu adeegsaday taageerada cirka ee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Wararka qaar ayaa sheegayay in diyaaradaha Turkigu ay duqeynayeen fariisimaha Al-Shabaab, gaadiidka dagaalka iyo goobaha ay ku sugnaayeen madaxda kooxda, si loo taageero ciidamada dhulka ku jiray.

Hase yeeshee, qaar ka mid ah duqeymahaas ayaa lagu eedeeyay inay sababeen dhimashada dad rayid ah.

Hay’adda Amnesty International ayaa sannadkii 2024 sheegtay in ugu yaraan 23 qof oo rayid ah lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo lagu eedeeyay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Turkiga.

Weiss ayaa sheegay in diyaaradahaas aysan ahayn oo keliya diyaarado Turkigu leeyahay oo ay duulinayeen Soomaali, balse ay ciidamada Turkiga si toos ah uga hawlgelinayeen xarumo ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wuxuu sheegay in xogtan ay u xaqiijiyeen saraakiil Soomaali iyo reer Galbeed ah oo ka tirsan hay’adaha sirdoonka, isla markaana warbixinno kale oo hore ay sidoo kale tilmaameen in ciidamada Turkigu ay si toos ah u maamulaan diyaaradaha.

Turkiga ayaan weligiis si rasmi ah u xaqiijin inuu duqeyn ka fuliyay Soomaaliya, inkasta oo kaalintiisa cirka lagu tilmaamo sir furan oo ay ogyihiin mas’uuliyiinta iyo dadka sida dhow ula socda dagaalka Al-Shabaab.

Sidee loo ogaadaa duqeymaha Turkiga?

Weiss ayaa sheegay inay aad u adag tahay in si rasmi ah loo ogaado tirada duqeymaha Turkiga ka fuliyay Soomaaliya, maadaama labada dowladood aysan si joogto ah u shaacin xogta hawlgallada.

Wuxuu tilmaamay inay jiraan laba hab oo lagu aqoonsan karo duqeymaha lala xiriirinayo Ankara.

Habka koowaad ayaa ah marka mas’uuliyiinta Soomaaliya ama war-saxaafadeedyada dowladda ay si toos ah u sheegaan in Turkigu fuliyay duqeyn, kaddibna mararka qaar qoraalka laga beddelo ama magaca Turkiga laga saaro.

Habka labaad ayaa ah in la baaro hawlgallada ay dowladda Soomaaliya ku sheegto inay ka taageereen “saaxiibbo caalami ah”, iyadoo lala barbar dhigayo war-saxaafadeedyada taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM.

Inkasta oo AFRICOM uu sannadihii dambe yareeyay faahfaahinta uu ka bixiyo duqeymaha Soomaaliya, haddana wuxuu weli shaaciyaa inta badan weerarrada uu fuliyo.

Haddii dowladda Soomaaliya ay sheegto hawlgal ay ku taageereen saaxiibbo caalami ah, balse AFRICOM uusan xaqiijin wax duqeyn ah oo ka dhacday goobtaas iyo waqtigaas, waxaa suuragal ah in saaxiibka la tilmaamayo uu yahay Turkiga.

Si kastaba, Weiss ayaa qiray in habkan uusan mar walba keeneyn natiijo cad, sababtoo ah Mareykanka laftiisa ayaan mararka qaar shaacin dhammaan duqeymaha uu fuliyo.

Wuxuu sheegay inuu habkan taxaddarka leh ku gaaray qiyaasta ah in Turkigu ugu yaraan 30 duqeyn ka fuliyay Soomaaliya tan iyo 2022-kii.

Tiradaas, sida uu xusay, looma qaadan karo mid dhameystiran, balse waxay muujineysaa hawlgallada lagu xaqiijin karo wararka furan, hadallada mas’uuliyiinta iyo isbarbardhigga xogaha laga heli karo duqeymaha Soomaaliya.

Caleb Weiss ayaa sheegay inuu ku dhow yahay inuu rumeysan yahay in tirada dhabta ah ee duqeymaha Turkiga ay aad uga badan tahay inta hadda la diiwaangeliyay, balse qarsoodiga iyo xog la’aanta ka jirta hawlgallada ay adkeynayaan in la helo tiro sax ah.

DF oo war kasoo saartay arrin Soomaali badan ka naxeen oo la xiriirta Kenya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay wararka maalmihii u dambeeyay ju faafay baraha bulshada ee sheegaya in Soomaaliya laga soo dhoofiyay muus laga keenay Kenya.

Wasaaraddu waxay sheegtay in wararkaasi aysan waxba ka jirin, iyadoo shacabka ugu baaqday inay ka feejignaadaan xogaha aan la hubin.

Bayaan kooban oo ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in wararkaasi yihiin kuwo marin-habaabin ah, isla markaana aanay jirin wax muus ah oo Kenya laga keenay si loogu iibiyo suuqyada Soomaaliya. Wasaaraddu waxay sheegtay inay muhiim tahay in bulshada ay xogta ka qaataan oo keliya ilo rasmi ah

“Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka DFS waxay beeninaysaa wararka ay dad qaarkood faafinayaan ee sheegaya in Kenya muus fara badan u soo dhoofiso Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ku boorrisay shacabka inay ka fogaadaan faafinta wararka aan la xaqiijin, iyadoo xustay in xog kasta oo la xiriirta wax-soo-saarka beeraha iyo arrimaha cunnada lagu kalsoonaan karo laga heli karo warbaahinta rasmiga ah ee wasaaradda.

“Waxaan shacabka ugu baaqeynaa inay xogta ka qaataan oo keliya ilaha rasmiga ah ee Wasaaradda,” ayaa lagu sii yiri bayaanka, kaas oo yimid kadib hadal-heyn ballaaran oo ka dhalatay wararka ku saabsanaa muus la sheegay in laga keenay Kenya.

Wararka la beeniyay ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, iyadoo dhalisay doodo ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto beeraleyda Soomaaliyeed iyo wax-soo-saarka gudaha, halka dadka qaar ay ku tilmaameen arrin muujinaysa heerka liita ee Soomaaliya ay mareyso, oo ayadu wax walba dibadda kasoo dhoofsata.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka Geeska Afrika ee si weyn looga beero muuska, gaar ahaan gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Jubbooyinka.

Muuska dalka laga soo saaro ayaa si joogto ah loo geeyaa suuqyada Muqdisho iyo gobollada kale, inkastoo waqtiyadii u dambeeyay uu kor u kac ku yimid qiimaha dalagyada qaar sababo la xiriira isbeddellada cimilada, gaadiidka iyo kharashaadka wax-soo-saarka.

Bayaanka wasaaradda beeraha ayaa kusoo aadaya xilli Dowladda Federaalka ay sheegtay inay dadaal ugu jirto xoojinta wax-soo-saarka gudaha iyo dhiirrigelinta beeraleyda Soomaaliyeed, iyadoo mas’uuliyiintu ku celcelinayaan in kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha ay laf-dhabar u tahay sugidda amniga cunnada iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Hiiraan

0

Maxaas (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay deegaanka Waab-weyn ee hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeyay ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda iyo kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa markii dambe waxaa ku biiray cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo gurmad u fidiyay ciidamada deegaanka.

Iska horimaadka ayaa qarxay kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay dileen laba qof oo rayid ah oo ka soo jeeday deegaanka.

Dilka labada qof ayaa la sheegay inuu kiciyay caro xooggan, taasoo keentay in ciidamada Macawiisleyda ay weerar ku qaadaan fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaanka.

Dagaalka ayaa si degdeg ah u xoogeystay, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in rasaas culus laga maqlayay aagga uu dagaalku ka socday, halka ciidamada dowladda ay markii dambe gaareen goobta si ay u garab siiyaan Macawiisleyda.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dagaalka uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli la helin tiro rasmi ah oo muujinaysa khasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii dagaallamay.

Sidoo kale, waxaa la soo sheegay in inta uu socday iska horimaadka la maqlay duqeyn, hase yeeshee weli lama oga cidda fulisay iyo khasaaraha ka dhashay.

Deegaanka Waab-weyn iyo deegaanno kale oo hoostaga degmada Maxaas ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay wadeen ciidamada Dowladda Federaalka iyo Macawiisleyda oo iskaashanaya, kuwaas oo wajahaya dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan.

Gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid ka mid ah goobaha uu sida weyn uga socdaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay dhowr jeer ku qaadeen weerarro ka dhan ah fariisimaha kooxda. Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa iyaduna kordhisay weerarrada ay ka fulineyso deegaannada gobolka.

Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka HirShabeelle oo ku saabsan dagaalka ka dhacay Waab-weyn iyo khasaaraha ka dhashay. Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faah-faahin dheeraad ah, maadaama xaaladda deegaanka ay weli tahay mid kacsan.

Maxaa ka cusub markabka afduubka loogu haysto xeebaha Puntland?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa waxaa ku soo xirtay markabka ganacsiga ee MT ASANA, kaas oo toddobaadkii hore kooxo burcad-badeed Soomaaliyeed ay ka afduubteen xeebaha dalka Yemen.

Wararka laga helayo deegaanka Maraya ee degmada Eyl ayaa sheegaya in xalay kooxda haysata markabka loo geeyay sahay isugu jirta cunto iyo hub, inkastoo aan la ogeyn cidda bixisay sahaydaasi.

Markabka ASANA oo ku socda calanka Tanzania ayaa waxaa saaran 20 shaqaale ah. Shaqaalaha waxaa ku jira siddeed qof oo u dhashay Jarmalka iyo 10 kale oo u dhashay Filibiin, halka labada kale ay kasoo jeedaan dalal kale, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin jinsiyadahooda.

Ilo amni ayaa sheegaya in xaaladda shaqaalaha markabka si dhow loola socdo, iyadoo weli aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay kooxaha burcad-badeedda ee ku saabsan dalab rasmi ah oo la xiriira madax-furasho ama shuruudaha lagu sii deynayo markabka iyo shaqaalihiisa.

Markabka ASANA ayaa noqday markabkii afraad ee muddo saddex bilood gudahood ah ay gacanta ku dhigaan kooxaha burcad-badeedda Soomaalida.

Saddex markab oo kale ayaa weli lagu hayaa xeebaha gobollada Bari iyo Mudug ee Puntland, halkaas oo kooxaha afduubka geystay ay ku dalbanayaan lacago madax-furasho ah.

Dib u soo laba-kacleynta falalka burcad-badeedda ayaa walaac weyn ku abuurtay shirkadaha maraakiibta iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya amniga badda. Khubarada ayaa sheegaya in kororka weerarradan uu halis gelin karo isu-socodka ganacsiga ee marin-biyoodka Geeska Afrika iyo Badweynta Hindiya.

Burcad-badeedda Soomaalida ayaa caan ku noqday afduubka maraakiibta intii u dhexeysay sannadihii 2008 illaa 2018, xilli ay boqolaal maraakiib ah weerareen, iyagoo malaayiin dollar ka helay lacago madax-furasho.

Hawlgalladii caalamiga ahaa ee badda ayaa si weyn u yareeyay falalkaasi, hase yeeshee dabayaaqadii sannadkii 2023 waxaa markale soo muuqday dhaq-dhaqaaqyo muujinaya dib u soo noolaanshaha kooxaha burcad-badeedda.

Soo laabashada weerarrada burcad-badeedda ayaa ku soo beegmaysa xilli gobolka uu wajahayo caqabado amni oo isa soo taraya, kuwaas oo ay ka mid yihiin colaadaha ka jira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Si kastaba, arrimahan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo amniga maraakiibta ganacsiga, iyadoo la filayo in hay’adaha amniga ee Puntland iyo kuwa caalamiga ah ay xoojiyaan dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha burcad-badeedda.

Machad Mareykan ah oo ka digay saldhigyo militari oo laga sameeyo Somaliland

Washington (Caasimada Online) — Dhismaha saldhigyo militari oo Mareykanku ka sameysto Somaliland wax weyn kama tari doono amniga gobolka, balse wuxuu kordhin karaa khatarta ah in Washington ay si qoto dheer ugu lug yeelato colaadaha ka jira Geeska Afrika, waxaa sidaas ka digtay warbixin cusub oo uu soo saaray machadka Defense Priorities ee fadhigiisu yahay Washington.

Machadka ayaa sheegay in Mareykanku horey u haysto kaabeyaasha militari ee uu uga baahan yahay gobolka, gaar ahaan saldhigga weyn ee Camp Lemonnier ee dalka Jabuuti, isla markaana aysan jirin baahi istaraatiiji ah oo loo qabo saldhigyo cusub oo cirka ama badda ah oo laga sameeyo Somaliland.

Warbixinta, oo la daabacay 14-kii July, ayaa lagu sheegay in saldhigyada cusub aysan muhiim u ahayn la-dagaallanka kooxaha hubeysan ee Soomaaliya, ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas ama loollanka Mareykanka iyo Shiinaha ee qaaradda Afrika.

“Saldhigyo cusub uma qalmaan kharashaadka dheeraadka ah, istaraatiiji ahaanna looma baahna,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Warbixinta oo cinwaan looga dhigay Exiting Somalia’s War: End US Military Operations, waxaa qoray William Walldorf, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Defense Priorities.

Digniintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordheyso xiisaha caalamiga ah ee loo qabo goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland, oo ku taalla xeebta Gacanka Cadmeed, kasoo horjeedda Yemen, una dhow marin-biyoodka Bab el-Mandeb oo ka mid ah marinada ugu muhiimsan ganacsiga caalamka.

Somaliland ayaa Mareykanka u soo bandhigtay inuu isticmaalo saldhigyo militari iyo kheyraad macdan ah, taas oo qeyb ka ah dadaalkeeda ku aaddan inay hesho aqoonsi caalami ah.

“Waxaan diyaar u nahay inaan Mareykanka siinno saldhigyo militari,” ayuu wasiirka madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi u sheegay wakaaladda wararka AFP bishii February.

Hase yeeshee, dowladda Mareykanka ilaa hadda si rasmi ah uma shaacin heshiis ku saabsan saldhig militari oo laga sameynayo Somaliland.

Saldhigga Jabuuti

Defense Priorities ayaa ku doodday in saldhigga Camp Lemonnier ee Jabuuti uu Mareykanka siinayo awood ku filan oo uu uga fuliyo howlgallo Bariga Afrika, Badda Cas iyo Jasiiradda Carabta.

Saldhiggaas ayaa hoy u ah taliska ciidamada wadajirka ah ee Mareykanka ee Geeska Afrika, wuxuuna taageeraa howlgallada militari ee Mareykanka iyo xulafadiisa ee gobolka.

“Marka la eego danaha istaraatiijiga ah ee kooban ee Mareykanku ku leeyahay Afrika, Mareykanku wuxuu dhammaan waxa uu u baahan yahay ka helayaa saldhigga dhow ee Jabuuti,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Machadka ayaa ka digay in saldhigyo cusub oo laga dhiso Somaliland ay ciidamada iyo kaabeyaasha Mareykanka u nugleyn karaan weerarro uga yimaada kooxaha hubeysan ama gantaallo laga soo rido Yemen.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in maalgelin ballaaran oo lagu sameeyo saldhigyo cusub ay Washington ku riixi karto inay sii ballaariso howlgalladeeda militari, si ay u difaacdo xarumahaas ama ay u muujiso in siyaasaddaasi guuleysaneyso.

Haddii duqeymo laga fuliyo Somaliland ay ku guuldareystaan inay wiiqaan dagaalyahannada Daacish ee Puntland, mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa wajihi kara cadaadis lagu saarayo inay ciidamo dhulka ah geeyaan gobolka, sida warbixintu sheegtay.

Arrintaas ayaa abuuri karta xaalad uu Mareykanku sii xoojiyo faragelintiisa sababo la xiriira dhaqaale iyo awood uu horey u geliyay, halkii uu ka joojin lahaa siyaasad fashilantay.

Khatarta Xuutiyiinta

Warbixinta ayaa sidoo kale ka hortimid doodda ah in saldhigyo laga sameeyo Somaliland ay Mareykanka ka caawin karaan la-dagaallanka kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas.

Defense Priorities ayaa sheegtay in Mareykanku horey howlgallo militari oo ballaaran uga fuliyay Yemen, isaga oo aan wax saldhig ah ku lahayn Somaliland.

Machadku wuxuu ku dooday in dhibaatada ugu weyn aysan ahayn saldhigyo yari, balse ay tahay awoodda xaddidan ee duqeymaha cirka ay u leeyihiin inay gebi ahaanba burburiyaan kooxaha hubeysan.

Si kastaba, xiisadaha cusub ee gobolka ayaa sii adkeeyay qiimeynta warbixinta ee ah in khatarta Xuutiyiinta ee maraakiibta ganacsiga ay yaraatay.

Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay waxa ay ugu yeereen xayiraad dhinaca badda ah oo ka dhan ah Sacuudi Carabiya, iyaga oo ku hanjabay maraakiibta maraysa Bab el-Mandeb, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka Mareykanka iyo Iran.

Sacuudi Carabiya ayaa qaaday tallaabooyin lagu ilaalinayo maraakiibteeda, halka cabsida weerarro cusub ay sare u qaaday qiimaha caymiska maraakiibta.

Haddii uu hakad weyn ku yimaado ama la xiro marin-biyoodka Bab el-Mandeb, waxaa saameyn ku yeelan kara dhoofinta shidaalka Sacuudiga iyo guud ahaan ganacsiga caalamka.

Hay’adda maamulka badaha ee Mareykanka ayaa sidoo kale sii heysa digniin ku socota maraakiibta maraysa Badda Cas, Bab el-Mandeb, Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.

Inkasta oo Xuutiyiintu aysan weerar ku qaadin maraakiib ganacsi tan iyo xabbad-joojintii Gaza ee October 2025, digniinta ayaa sheegtay inay weli khatar ku yihiin maraakiibta xiriirka la leh Mareykanka, Britain ama Israel.

Defense Priorities ayaa hase yeeshee ku adkeysatay in saldhigyo joogto ah oo laga sameeyo Somaliland aysan wax ka qaban doonin sababaha asaasiga ah ee colaadaha gobolka, balse ay noqon karaan bartilmaameedyo muuqda marka ay qarxaan iska horimaadyo cusub.

Loollanka Shiinaha

Machadka ayaa sidoo kale diiday doodda ah in joogitaanka militari ee Mareykanka ee Somaliland uu ka caawin karo Washington inay xakameyso saameynta Shiinaha ee Afrika.

Shiinaha ayaa si weyn u ballaariyay ganacsigiisa, maalgashigiisa iyo mashaariicda kaabeyaasha dhaqaale ee Bariga Afrika, wuxuuna saldhiggiisa militari ee keliya ee dibadda ku leeyahay ku leeyahay Jabuuti, meel aan sidaas uga fogeyn Camp Lemonnier.

Defense Priorities ayaa sheegtay in in ka badan labaatan sano oo Mareykanku ballaarinayay joogitaankiisa militari ee Afrika aysan hakad gelin kobaca ganacsiga iyo maalgashiga Shiinaha.

“Ma jirto sabab loo filan karo in saldhigyo cusub oo Mareykanku ka sameysto Somaliland ay si ka wanaagsan uga hortagi karaan saameynta dhaqaale ee Shiinaha,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Machadka ayaa ka digay in Beijing ay saldhigyada cusub ee Mareykanka u arki karto khatar ku wajahan maalgashigeeda gobolka, taas oo ku riixi karta inay iyaduna saldhigyo militari oo dheeraad ah ka sameysato Afrika.

Tallaabadaas ayaa horseedi karta natiijada lidka ku ah waxa saldhigyada Mareykanka loogu talagalay, oo ah in joogitaanka militari ee Shiinaha ee Afrika uu sii ballaarto.

Warbixinta ayaa ugu baaqday Washington inay ka fogaato ballaarin militari oo ay ku sameyso Somaliland, isla markaana ay yareyso doorkeeda tooska ah ee dagaalka Soomaaliya.

Waxay soo jeedisay in duqeymaha Mareykanka lagu koobo howlgallo dhif ah oo lagu bartilmaameedsanayo madaxda sare ee kooxaha hubeysan ee leh shabakado caalami ah, si tartiib ahna ciidamada Mareykanka looga saaro Soomaaliya.

Machadku wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya, howlgalka Midowga Afrika iyo dowladaha gobolka ay tahay inay qaataan mas’uuliyadda ugu weyn ee amniga Soomaaliya.

Oggolaanshaha saldhigyo laga sameeyo Somaliland, ayay warbixintu ka digtay, wuxuu howlgal kooban oo la-dagaallanka argagixisada ah u beddeli karaa faragelin militari oo Mareykan ah oo ballaaran, qaali ah, muddo dheerna ka sii jirta Geeska Afrika.

Donald Trump oo is-bedelay, shuruud adag oo yaab lehna ku xiray heshiiska Sacuudiga  

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in heshiis weyn oo iskaashi nukliyeer oo ay dowladdiisu la gashay Sacuudi Carabiya uusan dhaqan geli doonin, haddii Riyadh aysan xiriir diblomaasiyadeed la sameyn Israel.

Trump ayaa sheegay in ansixinta heshiiska si buuxda loogu xiray in Sacuudi Carabiya ay ku biirto heshiisyada Abraham Accords, oo ah qorshe uu Mareykanku dhex-dhexaadiyay, kaas oo dalal Carbeed dhowr ah ay xiriir rasmi ah kula sameeyeen Israel.

“Heshiiska nukliyeerka rayidka ah waxaa la ansixin doonaa, balse wuxuu gebi ahaanba ku xiran yahay in Sacuudi Carabiya ay ku biirto heshiisyada Abraham ee aadka loo ixtiraamo, guuleystayna,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu Khamiistii soo dhigay bartiisa Truth Social.

Trump ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in barnaamijku noqon doono mid rayid ah oo keliya, isagoo sheegay in heshiiska uusan oggolaan doonin kobcinta walxo nukliyeer ah.

“Mareykanku kama soo horjeedo xarumaha nukliyeerka rayidka ah ee aan sameyn kobcinta uranium-ka,” ayuu yiri.

Hadalkiisa ayaa yimid maalin kadib markii wasiirka tamarta Mareykanka Chris Wright iyo dhiggiisa Sacuudiga, Amiir Cabdulcasiis bin Salmaan, ay Washington ku saxiixeen heshiis iskaashi nukliyeer oo loo yaqaan “123 Agreement”, iyo heshiis kale oo dhinaca ilaalinta iyo badbaadada ah.

Waaxda Tamarta Mareykanka ayaa heshiiska ku tilmaantay mid saldhig sharci u noqonaya iskaashi tobannaan sano socon kara, islamarkaana ku kacaya balaayiin dollar, iyadoo shirkadaha Mareykanka siinaya fursad ay uga qeyb qaataan dhismaha barnaamijka tamarta nukliyeerka Sacuudiga.

Aqalka Cad oo xaqiijiyay shuruudda

Afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa xaqiijisay in Trump uu muddo dheer madaxda Sacuudiga iyo dalalka kale ee Khaliijka kala hadlayay in heshiiska nukliyeerka lagu xiro xiriir ay Riyadh la yeelato Israel.

“Haddii Sacuudi Carabiya aysan ku biirin heshiisyada Abraham, heshiiska waa baaqanayaa,” ayay Leavitt u sheegtay wariyeyaasha.

Waxay sheegtay in Mareykanku sii wadi doono wadahadallada uu la leeyahay mas’uuliyiinta Sacuudiga, si loo dhammeystiro heshiiska, looguna qanciyo Riyadh inay ku biirto dalalka xiriirka la sameeyay Israel.

“Waxaan sii wadi doonnaa wadahadallada aan la leenahay saaxiibbadeena Sacuudiga, si heshiiska loo soo gabagabeeyo, waxaana rajeyneynaa inay dhowaan ku biiraan heshiisyada Abraham,” ayay tiri.

Leavitt ayaa sheegtay in aysan rumeysneyn in Trump uu la hadlay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan tan iyo markii uu shuruuddan ku dhawaaqay, balse arrintan hore looga wada hadlay kulammo iyo wada-hadallo dhexmaray labada hoggaamiye.

Sacuudi Carabiya weli si rasmi ah ugama jawaabin shuruudda cusub ee Trump. Riyadh ayaa muddo dheer ku adkeysaneysay in aysan xiriir la sameyn doonin Israel, ilaa laga helo waddo cad oo lagu dhisayo dowlad madax-bannaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin.

Jahwareerka kobcinta uranium-ka

Hadalka Trump ee ah in heshiisku uusan oggolaan doonin kobcinta uranium-ka ayaa abuuray su’aalo ku saabsan waxa rasmiga ah ee ku jira heshiiska labada dal.

Wararka laga helayo heshiiska ayaa sheegaya inuu Sacuudiga u oggolaan karo inuu mustaqbalka kobciyo uranium-ka, kaddib daraasad suuragalnimo oo soconaysa laba sano. Kobcinta uranium-ka iyo dib-u-warshadeynta shidaalka nukliyeerka ayaa loo adeegsan karaa tamar rayid ah, balse sidoo kale waxay noqon karaan waddo loo maro sameynta hub nukliyeer.

Uranium-ka loo isticmaalo shidaalka xarumaha nukliyeerka waxaa badanaa loo kobciyaa heer hoose, halka walxaha hubka nukliyeerka lagu sameeyo loo baahan yahay in lagu kobciyo heer ku dhow 90%.

Heshiiska Sacuudiga ayaa sidaas kaga duwan heshiiskii Mareykanku 2009-kii la galay Imaaraadka Carabta, kaas oo Abu Dhabi ay ku aqbashay inaysan gudaha dalka ku kobcin uranium-ka ama dib u warshadeyn shidaalka nukliyeerka.

Heshiiska cusub waxaa loo gudbin doonaa Congress-ka Mareykanka, oo haysta 90 maalmood oo shaqo si uu u eego ugana hortago haddii ay sharci-dejiyeyaashu diidmo xooggan ka muujiyaan.

Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka ee IAEA ayaa dhankeeda sheegtay inay sugeyso codsi rasmi ah oo uga yimaada Washington iyo Riyadh, si loo dejiyo hababka kormeerka iyo xaqiijinta barnaamijka.

Israel oo soo dhoweysay go’aanka

Dowladda Israel ayaa soo dhoweysay go’aanka Trump ee ah in heshiiska nukliyeerka lagu xiro in Sacuudi Carabiya ay xiriir rasmi ah la sameyso Israel.

“Ku biirista Sacuudi Carabiya ee heshiisyada Abraham waxay noqon doontaa tallaabo taariikhi ah oo horay loogu qaaday nabadda Bariga Dhexe,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn ayaa sanadkii 2020 ku biiray heshiisyada Abraham, xilligii ugu horreeyay ee Trump uu madaxweynaha ahaa. Morocco ayaa sidoo kale xiriir rasmi ah la sameysay Israel, halka Sudan ay oggolaatay inay qaaddo tallaabooyin lagu caadiyeynayo xiriirka labada dhinac.

Si kastaba, dagaalka Gaza iyo mowqifka adag ee Sacuudiga ee ku saabsan dowlad Falastiini ah ayaa caqabad weyn ku ah dadaallada Trump ee uu doonayo inuu Riyadh ku daro heshiisyadaas.

Shuruudda cusub waxay heshiiska nukliyeerka ka dhigeysaa mid si toos ah ugu xiran mid ka mid ah arrimaha diblomaasiyadeed ee ugu murugsan Bariga Dhexe, iyadoo aan weli la ogeyn in Sacuudi Carabiya ay aqbali doonto xiriir ay la sameyso Israel, si ay u hesho tiknoolajiyadda nukliyeerka Mareykanka.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60