25.1 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Wararkii ugu dambeeyay ee furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Axaddii dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib safar uu ku tegay Mareykanka ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa inuu furo kalfdhigga 7-aad ee Baarlamaanka dalka.

Xildhibaannada labada gole ayaa lagu wargeliyay kulankan muhiimka ah, iyada oo laga codsaday inay si buuxda usoo xaadiraan, maadaama uu furayo madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa khudbad dheer ka jeedin doono kulanka, taas oo uu uga hadli doono xaaladda dalka, ammaanka, dagaalka Al-Shabaab iyo guud ahaan waxqabadka dowladda.

Sidoo kale, waxaa madaxweynaha uu soo hadal qaadi doonaa arrimaha muranka siyaasadeed uu ka taagan yahay, sida wax ka beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka oo ay weli isku hayaan Villa Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Baarlamaanka kala hadli doono dardargelinta shaqadooda, maadaama la galayo xilli xasaasi ah, loona baahan yahay in la meel mariyo shuruucda loo  gudbiyay, gaar ahaan kuwa quseeya doorashooyinka dalka oo si weyn la’isugu haayo.

Dhawaan guddoonka sare ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa go’aamiyay in kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka la furo dhammaan bishaan  September, si loo guda galo howlaha shaqo ee horyaallo Baarlamaanka dalka.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa galay fasax dheer, waxaana markii uu dhammaaday fasaxooda hakad sii galay shaqada, sababo ku aadan culeyska siyaasadeed ee dalka.

Kalfadhigan 7-aad ee maanta  furmi doono ayaa isha lagu wada hayaa, waxaana jira guux wayn oo ku aadan mooshin la sheegay in xildhibaannada ay ka wadaan Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kaas oo laga abaabulay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana si weyn isku haya kooxda Villa Soomaaliya, xubnaha mucaaradka iyo qaar kamid ah madax-goboleedyada dalka.

Xamza oo ka digay arrin ku sii xoogeysanaysa dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa markii u horeysay si adag uga digay luuqadaha shisheeye ee kusii xoogeysanaya waxbarashada, maamulka iyo nolosha bulshada.

Xamza oo Axaddii ka qeyb-galay daah-furka barnaamijka xoojinta Afka Carabiga ee Soomaaliya ayaa muujiyay muhiimada xoojinta Afka hooyo ee Soomaaliga, oo lagu ladhay kan Carabiga, oo uu sheegay in laf-dhabar u yahay dhaqanka iyo aqoonsiga diineed ee Soomaaliya.

“Waxaan markhaati ka nahay hoos u dhac ku yimid dadaalladii lagu casriyeeyay afka, taasoo albaab u furtay in luqadaha shisheeye ay ku sii xoogaystaan waxbarashada, maamulka iyo adeegyadii rasmiga ahaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Xamza ayaa sheegay in Afka Carabiga uu laf-dhabar u yahay dhaqanka iyo aqoonsiga diineed ee Soomaaliya, isagoo qiray in caqabad ka jirto isku dheelitirka isaga iyo Af-Soomaaliga oo ah luqadda rasmiga ah ee dalka.

“Afka Carabigu ma aha af shisheeye Soomaaliya, balse waa qayb ka mid ah ruuxa iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xamza oo sidoo kale xaqiijiyay in dowladdiisu ay qaadan doonto tallooyinka kasoo baxa barnaamijka, laguna dari doono siyaasadaha waxbarashada iyo maamulka.

Barnaamijka xoojinta Afka Carabiga Soomaaliga ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah sanadihii ugu dambeeyay. Munaasabadda ayaa isu keentay mas’uuliyiin Soomaaliyeed iyo wakiillo ka socday Jaamacadda Carabta si ay uga wada-hadlaan sidii Afka Carabiga loogu xoojin lahaa dugsiyada, jaamacadaha iyo hay’adaha dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey ururka Jamacadda Carabta, taageeradooda ku aaddan dhinacyada diblumaasiyadda, waxbarashada, dowlad-dhiska iyo doorka ay ka qaateen dayn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale wuxuu amaanay kaalinta Jaamacadda Carabta, isaga oo xusay shaqada wakiilkeeda Muqdisho, Cabdullaahi Al-Otaibi.

Xubnaha ka socday ururka Jaamacadda Carabta oo uu hoggaaminayo Agaasimaha waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta, Zayd Al-sabbaan, ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda Soomaaliya iyo horumarka ay gaartay, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista iskaashiga iyo horumarka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo wada-shaqeynta.

DF oo xirtay haween maanta ka banaanbaxay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta xiray haween dibadbax ka dhigay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka cabanayay barakicin iyo dhul-boob ay sheegeen in lagu hayo xaafadda Horseed ee degmada Hodan.

Banaanbaxa haweenkan ayaa imanaya xilli la baajiyay dibadbax weyn oo mucaaradka qorsheynayay in Sabtidii uu ka qabto magaalada Muqdisho, kaasi oo dib loo dhigay muddo 9 maalmood ah, si dibadbaxaasi u noqdo mid nabadeed oo laamaha amniga ka qeyb qaadanayaan sugida amnigiisa.

Dowladda ayaa maalmihii dambe xabsiga dhigtay shaqsiyaad si weyn uga horyimid baneynta dhulka danta guud, oo ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, Cumar Cali Rooble, iyo ganacsade Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale, kuwaas oo markii dambe la sii daayay.

Xariga haweenkan ayaa waxaa si adag u cambaareeyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku tilmaamay sharci darro, iyagoo ku baaqay in si deg-deg ah loo sii daayo dibna loogu soo celiyo xoriyaddooda.

“Waxaa nasiib darro ah inay wali sii socdaan xariga sharci darrada ah iyo cabburinta bulshada caasimadda, waxaana codkeyga ku biirinayaa in si deg-deg ah loo sii daayo haweenka iyo dhalinyarada Ciidamada Boolisku maanta ay ka xireen xaafada Horseed ee Degmada Hodan xili ay muujinayeen dareenkooda ku aadan barakicinta sharci darrada ah,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu intaas kusii daray “Cabashada shacabku waa dareen bulsho oo ay tahay in si dhab ah ay dowladu u wajahdo mana ahan wax u wanaagsan dowlanimada, xasilloonida iyo ammaanka in looga jawaabo codka shacabka xarig iyo cabburin waana arrinta mar walba aan ka digayno.”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa isna si adag uga hadlay xariga haweenkan ayaa ayaandarro ku tilmaamay in hooyooyin Soomaaliyeed ay caawa xabsi ugu xiran yihiin Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu sheegay inay caadeysatay caburinta shacabka, barakicinta danyarta, iyo boobka dhulka dantaguud.

“Waxaan cambaareynayaa xarigga ay dowladdu xaafadda Horseed ee degmada Hodon ugu gaysatay haween ka dhiidhiyay dhulboobka iyo barakicinta danyarta ee ay ku hawllan tahay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu yiri Kheyre.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa ayaandarro ah in hooyooyin Soomaaliyeed ay caawa xabsi ugu xiran yihiin Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo caadeysatay caburinta shacabka, barakicinta danyarta, iyo boobka dhulka dantaguud.”

Kheyre ayaa Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu si deg-deg oo shuruud la’aan loo sii daayo hooyooyinka xiran, kana joogsado dhulboobka oo cuuryaaminaya horumarka dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah xubnaha mucaaradka ee ku midoobay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaaraynayaa xarriga loo gaystay haweenka Soomaaliyeed ee sida nabadda ah u muujinayay dareenkooda ku aaddan barakicinta iyo dhul-boobka lagu hayo xaafadda Horseed ee degmada Hodan.

“Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku hawllan yahay xadgudubka muwaadiniinta Soonaaliyeed ee sida nabadda ah dareenkooda u cabbiraya,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah loo sii daayo dibna loogu soo celiyo xoriyaddooda. Waxaan mar walba garab taagannahay muwaadinka dulman, qoysaska la barakiciyey, iyo kuwa xaqooda difaacanaya. Dowladdu waa in ay joojiso dhul-boobka, gaboodfalka iyo dulmiga joogtada ah ee lagu hayo shacabka.”

Si kastaba, xariga haweenkan ayaa imanaya xilli biyo qabow lagu shubay xiisaddii xooganeyd ee ka dhalatay dhulka danta guud, isla markaana guddi dhex-dhexaadin oo xildhibaanno iyo odayaal dhaqan iskugu jira ay dhinacyada dhex dhigeen is-afgarad labada dhinac.

Mucaaradka oo xoqanaya kaarka dhibane Axmed Siicow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lasoo laabay gogosha tacsida Allaha u naxariistee Liibaan Xaashi Ciise oo maalmo ka hor lagu dilay iska hor imaadkii ka dhacay saldhiga Warta Nabadda.

Iska hor imaadkaas ayaa dhacay kadib markii ciidamada booliska Soomaaliya ay soo xireen askar ku eedeysan inay jirdil xoogleh kula kaceen Aabe Sheekh Axmed Siicow Maxamed, oo kamid ah dadka laga saaray dhulka danta guud ee xaafadda Siinaay.

Booliska oo markaas u yeeray Aabe Axmed Siicow ayaa raalli-gelin ka siiyay falkaas, iyadoo warbaahintana uu kula hadlay saldhiga warta nabadda oo lagu soo bandhigay raggaan, ayay ka dul dhaceen hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo wata ciidan hubeysan, waxaana isla markaaba bilowday is-rasaaseynta labada dhinac.

Kadib iska hor imaadkaasi, mucaaradka ayaa sheegay in naftooda halis geliyay, isla markaana ay ciidamada dowladda u bareereen iyagoo u socday inay so damiintan shacab ay dhibaato u geysteen ciidanka booliska oo lagu xiray saldhigaasi, sida ay sheegeen.

Mucaaradka ayaa isla habeenkaasi ku dhawaaqay banaanbax dadweyne oo looga soo horjeedo barakicinta dhulka danta guud ee magaalada Muqdisho, kaasi oo markii dambe la baajiyay kadib guddi xildhibaanno iyo dhaqan ah oo waanwaan ka dhex sameeyay dowladda iyo mucaaradka.

Inkastoo oo mucaaradka uusan gebi ahaanba ka laaban qabashada banaanbaxa, haddana waxaa dib loo dhigay muddo 9 maalmood gudahood, iyadoo wixii farsamo ah laga shaqayn doono ka hor. Sidoo kale waxaa la isla gartay in dowladda iyo mucaaradka si wadajir ah uga shaqeeyaan bannaanbaxa, si uu ugu qabsoomo nabad ay dowladdu amnigeeda sugeyso.

Mucaaradka ayaa mar kale maanta shaaciyay in ay diyaar u yihiin garab siinta dadka la barakiciyey, iyagoo sheegay in Aabbe Axmed uu tusaale muuqda u yahay dadkii deegaankooda laga barakiciyey.

“Adeer Axmed, wuxuu la yimi adkaysi, wuxuu aaminay in xaqu ka awood badan yahay baaddilka. Marnaba ma aysan niyadjabin in uu da’yahay oo aanu haysan awood ciidan iyo cudud dhaqaale midna. Isaga ayaa isku tashaday iyo wixii garab ah ee uu cid ka heli karay,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Waxaa lagu xaaqay cagaf, dhulka ayaa lagu jiiday, waa lagu joogjoogsaday, waa la jirdilay, xabsiga ayaa la dhigay. Waxaa la gula kacay fal kasta oo bahdilaad iyo handadaad ah si xuquuqdiisa loo duudsiiyo. Laakiin, Xaaji Axmed Siicow wuu diiday in uu isdhiibo oo uu xaqiisa ka tanaasulo.

Taasi waxay dhaxalsiisay in uu muddo gaaban gudaheed isu beddelo halyeeyey loo hoydo, askartii jirdilka u geystay xabsiga loo taxaabo, kuwii ka dambeeyey askarta falka arxandarrada ah ku kacdayna ay ku qasbanaadaan in ay raalligelin siiyaan, ka dibna ay isku sawiraan.

Adeer Axmed, wuxuu la yimi adkaysi, wuxuu aaminay in xaqu ka awood badan yahay baaddilka. Marnaba ma aysan niyadjabin in uu da’yahay oo aanu haysan awood ciidan iyo cudud dhaqaale midna. Isaga ayaa isku tashaday iyo wixii garab ah ee uu cid ka heli karay.

Xaaji Axmed waxaa taa u fududeeyey in uu lahaa sifada ku dhaca, oo ah mid la’aanteed aanay macne ku fadhiyin dhammaan sifooyinka kale ee wanaagsan, sababtoo ah qofna ma joogtayn karo sifo kasta oo wanaagsan haddii uusan ku dhac lahayn.

Adeer Axmed, waxa uu tusaale muuqda u yahay dadkii deegaankooda laga barakiciyey. Haddii aad ku adkaysataan oo aad u halgantaan dhacsashada xaqiiqiina ogaada waad helaysaan.

Dhallinyarada, waxgaradka iyo aqoonyahanka, gaar ahaan kuwa waalidiintoodii iyo ehelkoodii la baraciyey waajib ayaa ka saaran abaabulka dadkooda sidii ay ugu celin lahaayeen goobihii laga soo barakiciyey.

Waxaan diyaar u nahay in aan garab siino dadkii la barakiciyey, ee awoodda dawladnimo awgeed sida fooshaxun ee dadnimada ka baxsan loogu tacaddiyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay – Maxaa dhacaya berri?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib safarkiisi Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa magaalada New York uga qeyb-galay shirweynihii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay, kaasi oo looga arrinsanayay caqabadaha taagan, xiisadaha soo kordhay iyo saameynta isbeddalka cimilada.

Xasan Sheekh ayaa intii uu joogay shirka wuxuu kulamo doceedyo kala duwan la yeeshay hoggaamiyeyaal caalami ah, kuwaas oo uu kala hadlay arrimo khuseeya xaaladda Soomaaliya iyo iskaashiga caalamiga ah.

Soo laabasahda madaxweynaha ayaa qeyb ka ah furitaanka baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu berri si rasmi ah u furo kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka dhici doona xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Furitaanka kalfadhiga baarlamaanka ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa mucaaradka iyo dowladda.

Horey furitaanka kalfadhiga baarlamaanka ayaa dib u dhac ku yimid kadib cadaadis ka yimid Madaxtooyada Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Kalfadhiga Baarlamaanka oo qorshuhu ahaa inuu furmo 20-kii bisha ayaa baaqday, waxaana lagu wadaa in la furo maalinta berri ah ee 29-ka bishan September.

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona furitaanka kalfadhiga, taas oo uu uga hadlayo waxyaabihii u qabsoomay dowladda muddadii uu Baarlamaanku fasaxa ku jiray.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli uu weli si hoose u jiro guuxa mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, kaas oo muddooyinkii dambe ay xukuumaddu ka shaqaynaysay fashilintiisa.

Wasiir Jaamac oo si cajiib ah uga hadlay dhulka danta guud

0

Marka laga soo tago in dowladdu masuul ka tahay maamulka dhulka danta guud, xaqna u leedahay in ay ku tasarufto iyada oo la xaqiijinaayo dan qaran; waxaan halkan idin kula wadaagayaa dhowr arrimood oo ka dahsoon in badan oo dadka ka mid ah:

1- Dad in laga saaro xarun iyo dhul dowladeed waxey ka soo billaabatay Madaxtooyada qaranka, garoonka diyaaradaha iyo dekedda Xamar. Dhammaan xarumaha iyo goobaha ay maanta dowladdu ku shaqeyso waxey soo mareen waqti ay deegaan u aheyd ama ay haysteen dad gaar ah duruuf la xariirta burburki guud ee ku yimid dowladdi dhexe 1991. Waxaa taas ka sii muhiimsan in la ogaado in dhulka dowladda oo dhan uu asalkiisa hore ahaa dhul gaar ah oo la qarameeyay dadki lahaana laga qaaday, waxaana la rabaa in ay dadku ogaadaan in dowladdu iska daa dhulkeeda e, dowaddu waxa ay awood sharci u leedahay in ay qofka ka qaaddo dhulkiisa gaarka ah sifo sharci ah kana qarameyso.

2- Dowladdi dhexe ee millitariga aheyd waxay ku dhisneyd aragti hanti wadaag iyo shuuciyad ku saleysan, oo aragti ahaan xoojineysa hantida guud aadna u xakameyneysa hantida gaarka ah, gaar ahaan dhulka caasimadda iyo guud ahaan degmooyinka dalka. Sidaa darteed, waxaa la qarameeyay dhul aad u fara badan oo waqtiga la joogo aysan dowladdu baahi badan u qabin.

3- Isbedelki dabiiciga ahaa ee ku yimid baaxadda caasimadda, cufkeeda deegaan iyo ganacsi iyo baahiyaha nolasha cusub ay la timid, waxaa dabiici ah in ay dowladdu dib u eegis ku sameyso qaab deegaanka xarumaheeda hadba sida markaa dadka iyo deegaanka u nacfi badan. Caasimaddu si ay ula qabsato nolasha casriga ah waxa ay u baahan tahay Mall-al waaweyn iyo goobo laga dukaameysto oo dhul ballaaran u baahan, hoteello muunad leh oo heer sara ah, xaafado iyo estate-yo si hormarsan u qaabeysan, isbitaallo, iskuullo iyo jaamacado aad uga badan intii horay u jirtay, hadaba si adeegyadaas oo dhan loo helo, ganacsiga gaarka ahna loo dhiirigaliyo si ka duwan aragtidi hantiwadaagga iyo xukunki ciidamada dowladda waxaa waajib ku ah in bixiso dhulki adeegyadaas gaarka ah laga fulin lahaa.

4- Xaaladaha amni ee caalamka oo dhan ku cusub, gaar ahaan dalkeena, oo ay argagixisadu ugu horreyso iyaduna waxa ay qasbeysaa dhowr arrin oo ay ka mid tahay in xarumaha dowladdu is aruuriyaan inta laga helaayo awoodda dhaqaale ee lagu xaqiijin karo amniga xarumaha dowladda oo dhan, arrintaan oo dhalisay in xaruma badan oo dowladeed aanan dib loo howlgalin karaanka dowladda oo aan gaarsiisneyn dartiis. Xaaladdaas waxaa ka dhashay in ay abuurmaan deegaanno isku raran ah oo aan la garaneyn waxa gala iyo waxa ka soo baxa, ka dib marki xarumihii iyo dhulalkii dowladdu isku bedeleen abasiibooyin aan amni ahaan la koontarooli karin gabbaadna ay ka dhigteen canaasiir argagixiso ah oo amniga khatar ku ah, meelaha qaarna ay ka dhex abuurmeen kooxo shufto ah oo shaqo ka dhigtay dambiyada abaabulan iyo ka ganacsiga daroogada oo ku dhex dhuumanaya muwaadiniinta danyarta ah ee goobahaas deggan.

Sidaa dareed, dowladda waxaa waajib ku ah in ay dib u nidaamin ku sameyso dhulalka noocaas noqday si ay meesha uga saarto khatarta amni ee ku sugan. Waxaana qof walba u muuqata sida amniga caasimaddu u soo wanaagsanaanayo tan iyo inti la billaabay in deegaannada isku raranka ah la nidaamiyo.

Dhulka danta guud ee dowladdu dadka ka saartay waxa uu isugu jiraa dhowr qeybood oo kala ah:

  1. Dhul iyo xarumo ay dowladdu dadki ka saartay si loogu qabto adeeggii dowladeed ee loogu talagalay ama adeeg dowladeed oo kale, dhulkaa waxaa ka mid ah xarumaha ay dowladdu maanta ku shaqeyso dhammaantood oo waqtiyo la soo maray ku jiray gacan gaar ah, laga soo billaabo madaxtooyada qaranka oo gacanta dowladda ku soo laabaty xilligi AUN madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waana inta ugu badan dhulalka iyo xarumaha ay dowladdu dadka ka saartay.
  2. Dhul iyo xarumo ay dawladdu dadki ka saaratay oo ay heshiis kula gashay shirkado iyo adeegbixiyayaal soomaali iyo ajanabi isugu jira, si loo soo nooleeyo adeegyadii xarumahaas lagu qaban jiray oo aysan dowladdu tabar u hayn dadkuna u baahan yahay. Dhulalka iyo xarumaha noocaas ah waxaa u badan goobaha waxbarashada, isbitaallada iyo kuwa la midka ah.
  3. ⁠Dhulal iyo Xarumo abasiibooyin iyo deegaanno isku raran ah isku beddelay, amnigoodana la sugi waayay, wasaaradihi iyo hay’adi lahaana ay caddeeyeen in ay ka kaaftoomeen oo ay dowladdu ku qasbanaatay in hadii dadka deggan ay diyaar u yihiinna loo cabiro ayna iska bixiyaan khidmad yar marka loo fiiriyo beeca dhulalka caasimadda, ama lagu wareejiyo ganacsato dowladda lacag u celiya dhulalkana loo sharciyeeyo ka dib marka la nashqadeeyo oo abasiibooyinka meesha laga saaro.

Hadaba, Su’aasha macnaha sameyneysa ayaa ah: maxey tahay baahida ay dowladdu u qabto nooca dhulalka ay iibso?

Dadka soomaaliyeed in badan oo ka mid ah ma oga in dakhliga ay soo xareyso DFS uu yahay oo kaliya $429.4 milyan (filashada dakhliga gudaha ee 2025) halka khaarashaadka uu yahay 1,342.5 bilyan, taa oo macnaheedu yahay in kharashku uu la eg yahay in ka badan seddex laabka dakhliga aya sameyso DFS!

Marka ay sidaa tahay waxaa qof walba oo si sax ah u fekeraaya ku waajib ah in uu is weydiiyo, halka misaaniyadda dowladda laga kabo.

Dakhliga dowladda waxaa lagu kabaa deeqaha aan dibadda ka helno oo intooda badan ah mashaariic qoondeysan oo aan fulinno kaliya shuruudahooduna ay aad u adag yihiin.

Arrintase taa ka daran ayaa ah in marka laga soo tago mashaariicda na lagu kaalmeeyo, in miisaaniyaddeena lagu maareeyo mushaar iyo kharashaad howl socodsiin oo kaliya.

  • Waxaan ku jirnaa dagaal joogta ah oo aan ku baacsaneyno argagixisada wax qoonda ahna aanan ku laheyn miisaaniyadda dowladda, hal wiil oo naga dhaawacmo ayaa mararka qaar 70-100kun oo doolar nooga baxdaa daryeelkiisa caafimaad. Miisaaniyadeena kuma jirto lagac rasaas, hub, gaadiid dagaal iyo sahay ciidan lagu gado, marka waa in qof walba is weydiiyo dagaalka dalka lagu xoreynaayo muxuu ku socdaa? ciidamada macawusleyda ah ee meel walba ka halgamaayo maxaa lagu taageeraa?
  • Waxaad la socotaan inaan ku jirno dagaal dublumaasiyadeed oo caalami ah oo lagu difaacaayo midnimada dhuleed iyo badqabka badda iyo barriga soomaaliyeed, ma qiyaasi kartaan dagaalka intaas la eg oo wax qoonda ah aan ku laheyn miisaaniyadda sida loo maareeyo iyo waxa lagu halgamo oo wax lagu kala farsameeyo halka ay ka yimaadaan.
  • Waxaad la socotaan in madaxtooyada JFS ay ku jirto halgan qaran oo la isaga caabinaayo faragalinta shisheeyaha uu ku hayo siyaasaddeena arrimaha gudaha iyo dibadda labadaba, cadawgeenu waxa si joogta ah ugu howlan yahay abaabul lagu kala jarjaraayo dalka, lagu kala fogeynaayo umadda, laguna abuuraayo xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni, waxaa la rabaa in qofka dalkaan u naxaayo uu is weydiiyo maxaa dagaalkaas la isaga caabiyaa oo wax lagu kala farsameeyaa ama lagu kala sanceeyaa. Sow ma ogidiin in sideeda qeybood ee dakhliga sakada lagu bixiyo oo quraanku sheegay ay ka mid tahay (Mu’allafatu Quluub) oo macnaheedu yahay dad ay dowladdu iska maslaxeyneyso oo muxaafid in ay noqdaan shartoodana laga nabadgalo laga shaqeynayo. Wali miisaaniyadda ma ku aragteen madax lagu magacaabo “Mu’allafatu Quluub” oo quraanku jideeyay. Mise Wold Bank iyo IMF ayaa kula fahmayo kharashaad wax lagu sanceeyo?
  • Marka laga soo tago dagaalka aan ku jirno, waxaa garab socdo dhismaha ciidamada iyo hay’adaha amniga. Waxaad maqrqaati ka wada tihiin in aan si joogta ah hub, rasaas, gaadiid ciidan, diyaarado helicopterro ah, diyaarado daroon ah iyo dooman dagaal in aan ciidamadeena ku qalabeynayno marki ugu horreysay burburka ka dib, ma is weydiiseen halka laga maareeyo oo laga debbero.
  • Waxaad wada ogtihiin in waddoiyinka caasimadda meel walba oo ka mid ah ay ka taagan tahay kaamirooyin casri ah oo magaalada oo dhan laga daawado amnigana wax wayn ka qabatay si joogta ahna loo dayac tiro, yaa iga tusi kara miisaaniyadda meesha ay uga jirto.
  • Magaaladaan laga been abuuranaayo oo la leeyahay dadkeeda ayaa la dulmiyaa waxaa ka howlgalo kumannaan wiil iyo gabdho dharcad ah oo luuq walba habeen iyo maalin u fadhiyo iyagoo hubeysan in ay xaqiijiyaan amniga caasimadda. Yaa ii sheegi karo meesha miisaaniyadda dalka looga daray ciidameyntooda, hubeyntooda, mushaarsiintooda iyo daryeelkooda.
  • Shidaal ayaan qodaneynaa, doorasho qof iyo cod ah ayaan ka shaqeyneynaa, garoomo iyo dekedo cusub ayaan dhisaneynaa, ballaarinti ugu weyneyd ayaan ku haynaa baahinta waxbarashada asaasiga ah, macallimiinti ugu faraha badnaa ayaan qaadanay marki ugu horreysay, golihi ammaanka aduunka ayaan xubin ka noqonnay oo aan ergo culus u dirnay lacag adagna ku baxadaa. Waxaa oo dhan iyo in ka badan oo aan soo koobi karin ayaa madaxda qaranka dhabarkooda saaran oo xal ka suagayo.

Soomaaliyey nin weyn siduu wax u ogyahay uma sheego, hadii hannaanka maamulka maaliyaddeena oo si weyn loo saxay, hay’ado caalami ahna nagala shaqeeyaan uu wali wax dhaliil ah leeyahay, ciddi aqoon iyo khibrad u leh ha noo timaado hana nala toosiso diyaar ayaan u nahay.

Aabuhu marka qoysku uu dhaqaalo yar yahay waxbuu kala mijilaa (farsameeyaa), haddaad aragtaan madaxdiina oo wax kala mijileysa ha ku dambaabina ee u fahma in reerku dhaqaalo yaryahay, oo in xanjo iyo suuf laysku gunto aan laga maarmin.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha qaranka, Mudane Xasan Sh Maxamuud, waa oday soomaaliyeed oo 70 jir ah, ahlu diin ah, dhorsan, siyaasadda aan jabhadnimo iyo dhiig sokooye aanan ku soo galin, khiyaano iyo madax magacawday oo uu ka hoos guurayna aysan jirin, marki labaand lagu sharfay laguna cimaamaday in uu qaranka hoggaamiyo, hadana diyaar uma aha in uu aakhiradiisa iska dhaawaco ee yaan lagu dambaabin, isagu waa qof oo xitaa wixi dambi ka dhaco xanta iyo aflagaadada joogtada ah ee lagu haayo ayaa ka dhaqeyso.

Kuwa ma gudbayaasha ah ee faraqa ku dheggan waxaan leeyahay, maxaad sameyn doontaan marka sanad ka dib shidaalkeenna la suuqgeeyo, oo mallaaygeenna la suuq geeyo, oo garoomo iyo dekedo caalami ah oo lacag adag na soo galiyo aan yeelanno, oo madaxweyne xasan sheekh shabaabkana ka adkaado idinkana doorashada idinkaga adkaado, oo midnimada dalka ee soo carfeysana la xaqiijiyo.

Mahadsanidiin

W/Q Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda JFS

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo fulinaya qorshe culus + Sawirro

0

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ah ku jooga magaalada Riyadh ee Boqortooyada Saudi Arabia ayaa maanta halkaas ka bilaabay kulamo uu la yeelanayo madaxda dalkaasi.

Biixi ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay xarunta wasasaaradda maaliyadda ee dalkaasi, wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Saudi Arabia Mudane Abdulmuhsen Bin Sa’ad Alkhalaf iyo xubno sare oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda, iyaga oo ka wada-hadlay qorshayaal waa wayn oo ay isla fuliyaan labada dowladood.

Inta uu socday shirka laba geesoodka ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac ee dhanka dhaqaalaha, iyada oo mahadcelin kadib uu wasiirku si faah-faahsan ugala hadlay qorshayaasha maalgalinta mashaariicda horumarineed ee dowladda Soomaaliya ee dhinacyada kaabayaadha dhaqaalaha, khayraadka badda, xoolaha, beeraha iyo dhanka tamarta.

Wasiir Biixi iyo wasiir ku xigeenka maaliyadda Saudi Arabia ayaa intaasi kadib ku heshiiyay in wada-hadalladan hore loo sii wado, isla markaana loo beddelo heer farsamo, si looga miro dhaliyo oo loo gaaro heshiis maalgashi oo laba geesood ah (Investment treaty).

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa maalmahan dambe waday dadaallo dheeraad ah, oo la xiriira horumarinta dhaqaalaha dalka, waxaana ugu dambeysay shalay oo uu Nairobi kula kulmay safiirrada dalalka xiriirka dhow la leh Soomaaliya, isaga oo kala hadlay xaaladda dalka iyo sii wadida taageeradooda joogtada ah.

Kulankaas ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, taageerada dib-u-habeynta maaliyadda iyo horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Wasiirka ayaa safiirrada uu la kulmay ku sii adkeeyay muhiimadda ay u leedahay in si daahfuran loo wada shaqeeyo, si loo xaqiijiyo guulaha laga gaaray dib-u-habeynta maaliyadda iyo barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha, xili ay dowladdu dadaal xoogan galinayso sidii loo heli lahaa mashaariic horumarineed oo wax tar leh.

Madaxa shabakad haweenka ka ganacsata oo lagu xiray…

0

Dubai (Caasimada Online) – Charles Abbey Mwesigwa ayaa lagu xiray magaalada Dubai, oo dhawaan la kashifay inuu hoggaamiyo shabakad sharci-darro ah oo haweenka ku tacaddiya.

Baaritaano ay sameysay BBC-da ayaa daaha ka rogay in Mwesigwa oo aha muwaadin u dhashay Uganda uu gabdho badan oo dalkaasi kasoo jeeda uu si been ah ugu dhoofin jiray dalka dibaddiisa.

Ninkan ayaa la sheegay inuu ku qancin jiray haweenka safarro shaqo oo uu ku sheegay inay ka howl-galayaan huteello iyo dukaamo, balse markii ay gaaraan Dubai lagu qasbi jiray inay u adeegaan macaamiisha galmo sharci-darro ah, sida ay baahisay BBC Africa Eye.

Wariye BBC-da oo isu ekaysiiyay macmiil ayaa sheegay in Mwesigwa uu ku tilmaamay qiimaha haweenka in uu ka bilaabmo $1,000, isaga oo ku faanay in gabdhahaasi sameyn karaan “wax kasta” oo lagu amro.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ninkan lagu hayo xabsiga dhexe ee Al Awir, iyadoo weli aan si rasmi ah loo shaacin dacwadaha lagu soo oogay. Xarigiisa ayaa waxaa fuliyay booliska Interpol kadib amar kasoo baxay qaybtooda Uganda.

Qunsuliyadda Uganda ee Abu Dhabi ayaa hore u xaqiijisay in baaritaanno socdaan, kuwaas oo ku saabsan kiisaska lala xiriiriyay tahriibinta iyo xad-gudubka haweenka.

Warbixinta baaris ee BBC Africa Eye ay baahisay ayaa sidoo kale soo bandhigtay in falal aad u xanuun lagu khasbi jiray gabdhahaan sida beenta ah looga dhoofin jiray dalka Uganda.

Mwesigwa dhankiisa waxa uu ku dooday in uusan wax dambi ah gelin, balse uu haweenka ka caawin jiray arrimaha guryaha iyo xiriirada bulshada. Si kastaba, laba haween oo lala xiriiriyay shabakaddiisa ayaa geeriyooday kadib markii ay kasoo dhaceen dhismayaal dhaadheer, iyadoo ehelkoodu dalbadeen in si qoto dheer loo baaro kiiskooda.

Gabdho kale oo goobtaas ka shaqeeya ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in labada marxuum si ula kac ah looga tuuray dabaqyada markii ay ka horyimaadeen falalka qaar oo lagu qasbay.

Kiiskan ayaa gilgilay gudaha Uganda, iyadoo baarlamaanka iyo masuuliyiin dowladda ka tirsan ay ku sifeeyeen “arrin argagax leh”, isla markaana ballanqaaday in si dhow ula shaqayn doonaan booliska Imaaraadka iyo Interpol si cadaalad loo horgeeyo shaqsiyaadka shabakadan maafiyada ah ku lugta leh.

Sawirro: Ciidanka dowladda oo amar culus lagu siiyay in ay si deg deg u soo afjaraan…

0

Afgooye (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa amar culus siisay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose, si ay usoo afjaraan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee haatan ku sugan deegaanno ka tirsan gobolkaasi.

Amarkan ayaa waxaa bixiyay taliyaha ciidanka dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) oo booqasho ku tegay deegaanno ka tirsan gobolka, waxaana wehlinayay taliyaha Sector-ka 1-aad ee Hawlgalka AUSSOM iyo saraakiil kale oo ka tirsan Xoogga Dalka.

Sarreeye Guuto Sahal ayaa faray geesiyaasha is garabsanaya inay soo afjaraan goobaha gabbaadka ay ka dhiganayaan cadowga, si looga saaro dhulkaasi.

Sidoo kale wuxuu kormeer ku tegay difaacyada hore ee ay ku sugan yihiin ciidamada, isagoo ku bogaadiyay guulaha ay gaareen iyo jabka culus ee ay gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu ku booriyay inay ka feejignaadaan dhagarta Khawaarijta, gaar ahaan weerarrada abaabulan ee ay mararka qaar kusoo qaadaan fariisimaha ciidanka.

Shabeellaha Hoose ayaa waxaa haatan si dardar leh uga socda wajiga saddexaad ee howlgalka ‘Duufaanta Aamusan”, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Uganda ayaa wada howlgalladaas oo lagu xoreeyay deegaanno muhiim ah sida Bariire, Sabiid iyo Caanoole ee gobolkaasi.

S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) ayaa maalmahan booqasho ku marayay furimaha dagaalka, isaga oo dhawaan tegay aagga degmada Ceeldheer oo lagu jabiyay argagixisada, isagoo soo abaal mariyay ciidamada geesiyaasha ah ee ka hortegay Shabaab.

Wada-hadallada Xasan iyo Axmed Madoobe – Qodobo la isku fahmay iyo kuwa harsan

Kismaayo (Caasimada Online) – Wada-hadallada u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa galay marxalad xasaasi ah, iyadoo magaalada Kismaayo loo asteeyey inay noqoto goobta kulan la filayo inuu dhaco.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa diyaarinaysa safar uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagi doono magaaladaas si loo soo afjaro khilaaf muddo dheer jiray.

Wadahadallada waxaa markii hore soo jeedisay Villa Somalia, iyadoo dalalka deriska loo maray dalabka in labada dhinac la isu keeno. Imaaraadka Carabta ayaa si gaar ah ugu lug yeeshay gogol xaarka, kadib safarro saraakiishooda ay ku yimaadeen Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa fulisay talooyin Imaaraadka ka yimid, sida inay mowqifkeeda Golaha Ammaanka kaga hor timaado Iran iyo inay taageerto qaraaro ay dalbanayeen oo la xiriira Suudaan, taas beddelkeedna ay xal ka keeni karaan xiriirka xumaaday ee dowladda iyo Axmed Madoobe iyo Siciid Deni.

Dadaalladaasi waxay horseedeen isfaham cusub. Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in xiriirka caadi loo soo celiyo, safarrada magaalooyinka dib loo furo, lana qaado xanibaadaha saarnaa mashaariicda.

Si kastaba, muranka ugu weyn weli waa mustaqbalka Axmed Madoobe. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa diyaar u ah inuu aqbalo sii joogitaankiisa, balse wuxuu ku adkaysanayaa in laga noqdo doorashadii muranka dhalisay ee Oktoobar 2024.

Miiska waxaa saaran laba ikhtiyaar: muddo-kordhin ku meelgaar ah oo laba sano ah ama inuu sii joogo xukunka doorasho la’aan. Axmed Madoobe ayaa dhankiisa ku doodaya in arrimaha Jubaland ay iyagu go’aan ka leeyihiin, isla markaana dowladda ay qaadato mas’uuliyadda khaladaadkii hore, oo ay ku jiraan dagaalkii Raaskambooni.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii hore qorsheeyay inuu Kismaayo tago 15-ka bishan, balse Axmed Madoobe ayaa ka cudurdaartay. Socdaalka waxaa hadda la qorsheeyay dhammaadka bisha, haddii aanay wax isbeddelin, iyadoo magaalada Kismaayo ay isku diyaarinayso qaabilaadda mucaaradka oo iyaguna doonaya inay halkaas taageero siyaasadeed ka helaan.

Si kastaba, mucaaradka ayaa weli haysan ogolaansho ay ku tagaan magaalada Kismaayo, waxaana ku horgudban codsi uu halkaas u dirsaday Madaxweyne Xasan Sheekh oo ah in aan loo ogolaan in ay tagaan.

Kismaayo ayaa sidaas ku noqotay goobta loolanka siyaasadda Soomaaliya, iyadoo dowladda iyo mucaaradkuba si isku mid ah u arkaan taageerada Axmed Madoobe inay tahay guul siyaasadeed oo horudhac ah.

Mareykanka oo fiisaha kala noqday madaxweyne arrin cajiib ka sameeyey New York

New York (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa sheegay inuu fiisaha kala noqonayo madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro, kadib markii uu Jimcihii ka qaybgalay bannaanbax Falastiin lagu taageerayo oo ka dhacay waddooyinka magaalada New York, isagoo sidoo kale ugu baaqay askarta Mareykanka inay diidaan amarrada Madaxweyne Donald Trump.

“Waan kala noqon doonnaa fiisaha Petro sababo la xiriira tallaabooyinkiisa taxadar la’aanta ah ee xaaladda sii hurinaya,” ayaa lagu yiri qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka soo dhigtay barta X.

Petro, oo la hadlayay dadweyne taageersan Falastiin oo isugu soo baxay bannaanka xarunta Qaramada Midoobay ee Manhattan, ayaa ku baaqay in la dhiso ciidan caalami ah oo hubeysan oo mudnaanta siinaya xoreynta Falastiiniyiinta, wuxuuna intaas ku daray, “Awoodda ciidankan waa inay ka weynaato tan Mareykanka.”

“Taasi waa sababta aan halkan, New York, uga codsanayo dhammaan askarta ciidanka Mareykanka in aysan qoryahooda ku ekeysan dadka. Diida amarrada Trump. U hoggaansama amarrada bani’aadannimada,” ayuu yiri Petro, isagoo ku hadlayay luuqadda Isbaanishka.

Weli si degdeg looma xaqiijin karin in Petro uu weli ku sugan yahay New York. Xafiiskiisa iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Colombia ayaan isla markiiba ka jawaabin codsiyo loo diray oo lagu weydiinayay inay arrintan ka hadlaan.

Khilaafka QM ee dagaalka Gaza

Maamulka Trump ayaa caburinayay codadka taageersan Falastiin, halka waddamo ay ka mid yihiin France, Britain, Australia iyo Canada ay aqoonsadeen dowlad Falastiini ah – tallaabooyinkaas oo ka careysiiyay Israel iyo xulafadeeda Mareykanka.

Petro, oo ah madaxweynihii ugu horreeyay ee garabka bidix ee Colombia, isla markaana si weyn uga soo horjeeda dagaalka Israel ee Gaza, ayaa si kulul ugu weeraray Trump khudbaddii uu Talaadadii ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in hoggaamiyaha Mareykanka uu “shirko ku yahay xasuuqa” ka socda Gaza, wuxuuna ku baaqay in “dacwad dembi” lagu qaado weerarrada gantaalaha ee Mareykanku ku qaaday doonyo looga shakisan yahay inay daroogo ka ganacsadaan oo marayay biyaha Caribbean-ka.

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, oo Jimcihii ka hadlayay golaha, ayaa si kulul u cambaareeyay waddamada reer Galbeedka ee taageeray dowladnimada Falastiin, isagoo ku eedeeyay inay direen farriin ah “in dilka Yuhuudda abaalmarin laga helo.”

Israel waxay weerarkeeda Gaza billowday kadib markii kooxda Falastiiniyiinta ee Hamas ay 7-dii Oktoobar, 2023, weerar ku qaadday, halkaasoo lagu dilay ku dhawaad 1,200 oo qof, 251 kalena la afduubtay. Tan iyo xilligaas, duullaanka militari ee Israel ee Gaza waxaa ku dhintay in ka badan 65,000 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen hey’adaha caafimaadka ee Gaza, waxaana gebi ahaanba la barakiciyay dadka ku nool marinkaas cidhiidhiga ah.

Khabiirro badan oo dhinaca xuquuqda aadanaha ah ayaa sheegay in falkani uu yahay xasuuq, eedeyntaas oo ay si caro leh u beenisay Israel, oo sheegtay in dagaalku uu yahay is-difaac.

Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Mahmoud Abbas, ayaa Khamiistii khadka muuqaalka kaga hadlay fadhiga Qaramada Midoobay kadib markii maamulka Trump uu sheegay inuusan siin doonin fiiso uu ugu safro New York.

Xafiiska Abbas ayaa xilligaas sheegay in xayiraadda fiisaha ay ka hor imaaneyso heshiiskii xarunta Qaramada Midoobay ee 1947-kii, kaasoo guud ahaan ku waajibinaya Mareykanka inuu u oggolaado diblomaasiyiinta shisheeye inay tagaan xarunta Qaramada Midoobay. Si kastaba ha ahaatee, Washington waxay sheegtay inay diidi karto fiisooyinka sababo la xiriira amniga, xagjirnimada iyo siyaasadda arrimaha dibedda.

Xiriirka caqabadaha la kulmay ee Colombia iyo Trump

Mareykanku waa saaxiibka ugu weyn ee Colombia ee dhinaca ganacsiga iyo xulafadeeda ugu weyn ee dagaalka ka dhanka ah ka ganacsiga maandooriyaha, laakiin xiriirka Mareykanka iyo Colombia ayaa si xun ku bilowday wax yar kadib markii Trump uu xafiiska ku soo laabtay bishii Janaayo, xilligaas oo Petro uu diiday inuu aqbalo diyaarado militari oo sida dad la soo tarxiilay oo qayb ka ahaa tallaabooyinka adag ee Trump ee socdaalka.

Petro wuxuu sheegay in muwaadiniintiisa loola dhaqmayo sidii dembiilayaal. Laakiin si degdeg ah ayuu go’aankiisa uga laabtay, isagoo oggolaaday inuu aqbalo muhaajiriinta, kadib markii labada dal ay isugu hanjabeen inay canshuuro isku soo rogaan, iyo kadib markii Mareykanku uu joojiyay ballamihii fiisaha ee loogu talagalay dadka reer Colombia.

Bishan, Trump wuxuu Colombia ku daray liiska dalalka ay Washington sheegtay inay ku guuldareysteen inay fuliyaan heshiisyadii la-dagaallanka maandooriyaha, isagoo eedda dusha ka saaray hoggaanka siyaasadeed ee Colombia.

Petro wuxuu xafiiska yimid sanadkii 2022 isagoo ballanqaaday heshiisyo lala galo kooxaha hubeysan, balse sanadkii hore ayuu isbeddel sameeyay, isagoo ku dhaartay inuu xakameyn doono gobollada lagu beero geedka kookaha isagoo adeegsanaya faragelin ballaaran oo dhinaca bulshada iyo militariga ah. Istaraatiijiyaddan ayaan keenin guul la taaban karo.

Dekadaha Muqdisho iyo Berbera oo noqday dekadaha ugu horreeya bariga Afrika

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dekedaha Muqdisho iyo Berbera ayaa noqday kuwa ugu horreeya ee bariga Afrika, sida lagu sheegay warbixinta halbeegga CPPI (Container Port Performance Index) taas oo ay si wadajir ah usoo saareen Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Xog-uruurinta Suuqa Caalamiga ah.

Warbixintan oo lagu qiimeeyay illaa 407 dekadood oo aduunka ah oo ay ku jiraan 47 dekadood oo Afrika ku yaalla ayaa waxaa dekedda Muqdisho ay gashay kaalinta koowaad ee bariga Afrika, halka ay caalamka ka gashay kaalinta 163-aad.

Sidoo kale, dekedda Berbera ayaa iyana gashay kaalinta labaad ee bariga Afrika, halka aduunka ay ka gashay kaalinta 243-aad, sida ku cad warbixinta qiimeynta ee 2024.

Labada dekadood ayaa sidaas ku noqday kuwa ugu waxqabadka wanaagsan ee bariga Afrika, iyaga oo ka hormaray dekadaha faca wayn ee ku yaalla gobolka.

Warbixinta ayaa si gaar ah loogu eegay waqtiga ay markabka ku qaadaneyso inuu yimaado dekadda, kana shiraacdo, waxayna Muqdisho noqotay midda ugu horreysa ee bariga Afrika, halka labaadna ay kusoo baxday dekedda Berbera ee maamulka Somaliland.

Dhinaca kale, bayaan kasoo baxay wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay ku faraxsan tahay in labada dekadood ee Muqdisho iyo Berbera loo aqoonsado kuwa ugu horreeya ee Afrika, ayna muujineyso waxqabadkooda.

“Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda JFS waxay ku faraxsantahay inay ku dhawaaqdo in dekadaha Muqdisho iyo Berbera loo aqoonsaday dekedaha ugu waxqabadka wanaagsanaa Bariga Afrika sannadkii 2024,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in guushan ay ku timid dadaalka ay sameysay dowladda Soomaaliya ee ku aadan horumarinta dekedaha ku yaalla gudaha dalka.

“Guushan waxay muujinaysaa dadaalka Dowladda Federaalka, Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda, maamulka dekedaha, shirkadaha maamula iyo iskaashiga ganacsatada gaarka loo leeyahay ay geliyeen sare u qaadidda adeegga dekadaha” ayaa lasii raaciyay

Ugu dambeyn Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay ka go’an casriyeynta dekedaha dalka, kordhinta hufnaanta iyo in laga dhigo marinno lagu kalsoonaan karo oo ganacsiga caalamiga ah.

 

War cusub oo kasoo kordhay raggii dilay Jeneraal Qalyare

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada difaaca Puntland ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Bari, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish.

Howlgalka oo ka dhacay deegaannada Kooraxanle iyo Abal ee buuraleyda Calmiskaad ayaa waxaa lagu dilay 8 xubnood oo ka tirsanaa Daacish, iyada oo nolosha lagu qabtay mid kale.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in ragga la khaarijiyay oo xilligaas miino aasayay ay ahaayeen kuwii ka dambeeyay qaraxii dhawaan lagu dilay taliyihii guutada 2-aad ee ciidamada difaaca Puntland ee wax ka hoggaaminayay dagaalka ka socda halkaasi, kaas oo lagu magacaabi jiray Jeneraal Axmed Cabdi Cali-Qarjab (Qalyare).

“Allaahu Akbar, Ciidanku waxay dileen 8 argagixiso ah, midna nolol ayeey ku qabteen, waa firxadkii Miinada u dhigay AHUN Gen. Qalyare. Hawlgalka ayaa weli ka socda aaga Kooraxanle iyo Abal ee buuraleyda Calmiskaad,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Jeneraalka la dilay ee Axmed Cabdi Cali-Qarjab (Qalyare), ayaa ku geeriyooday miino lala helay gaarigiisa, waxaana sidoo kale dhimasho iyo dhaawac kale uu gaaray qaar kamid ah ciidankii la socda taliyaha, xilliga la qarxinayay.

AUN marxuumka ayaa ahaa sarkaal firfircoon oo ka dhex muquday ciidamada Puntland, wuxuuna horay ugu dhaawacmay dagaalka Calmiskaad, isaga oo dibadda loo qaaday, kadibna markii uu kasoo laabtay dib ugu noqday difaaca hore oo ugu dambeyn lagu dilay.

Puntland oo weli dagaalka sii wadda ayaa guul wayn ka sheegatay howlgallada Calmiskaad, sida uu maanta shaaciyay madaxweynaha maamulkaasi oo wareysi cusub bixiyay

Saciid Deni ayaa sheegay in dagaalladii ka dhacay buuraha hoostooda ay ku dileen xubno badan oo Daacish ah, isaga oo xaqiijiyey inay u badnaayeen ajaanib kasoo kala jeeda dalal kala duwan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qaarkood oo dhaawacyo ah ay weli ku sugan yihiin dhulka ay ku go’doonsan yihiin ee ay haatan ciidamada ka wadaan howlgalllada culus.

“Daacish waxa aan ka dilnay ajaanib badan oo Puntland ku imaan jirtay dalxiis ama ganacsi, dagaalka militariga ah waa gaba-gabo, xogta aan hayno 95% waan ka adkaanay, dhulka aan tagnay waxa ay ku lahaayeen beero” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in inta badan ajaaniibta ay Puntland ku yimaadeen dalxiis, kadibna ay sidaas ugu biireen Daacish, balse waxaa uu intaasi ku daray in haatan ay xadideen kororka kooxda, ayna kahor tageen in dad cusub ay ku biiraan.

James Swan oo la kulmay wasiirka amniga dowladda kadib qalalaasihii Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan ayaa la kulmay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

Kulanka labada masuul ayaa looga hadlay arrimo la xiriira amniga iyo iskaashiga ka dhaxeeya hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Wasaaradda Amniga Gudaha.

Waxaa si gaar ah diirada loogu saaray horumarka laga sameeyey amniga caasimadda, tababarrada ciidanka daraawiishta, dardar-gelinta wajiga labaad ee barnaamijka JPP iyo ka hor-tagga askareynta carruurta.

Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Fartaag ayaa uga mahad-celiyey danjiraha taageerada kala duwan ee ay siiyaan hey’adaha amniga Dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga, si loo gaaro horumar wax ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo guulaha la gaaray.

Dhankiisa, Danjire Swan ayaa sheegay in sii wadi doonaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin hey’adaha amniga dalka, gaar ahaan arrimaha mudnaanta weyn leh, sida amniga caasimadda iyo xaqiijinta barnaamijyada lagu taageerayo hey’adaha hey’adaha amniga Soomaaliya.

Kulankan ayaa imanaya xilli Arabacadii uu magaalada Muqdisho ka dhacay qalaalase amni, iyadoo iska hor imaad u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka uu dhacay, kadib markii hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay ciidan hubeysan la tageen saldhiga Warta Nabadda.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ayagu sheegay in ay saldhiga u tageen inay soo damiintaan shaqsiyaad loo xiray arrimaha danta guud, ayaa sheegay in dowladda ay halis gelisay naftooda, una adeegsatay ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa dhankeeda mucaaradka ku eedeysay inay weerar ku qaadeen saldhig ciidan, halka ay sheegeeen in siyaasiyiinta ay jabiyeen xeerka xakameynta hubka.

Intaas kadib, mucaaradka ayaa ku dhawaaqay banaanbax ay ku sheegeen mid looga hortagayo tacaddiyada dowladda u geysaneyso shacabka. Banaanbaxaas oo qorshuhu ahaa in maalintii shalay uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho ayaa u baaqday waanwaan laga dhex sameeyay dowladda iyo mucaaradka.

Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ayaa sanadihii u dambeeyay aad u wanaagsana, iyadoo shacabka caasimadda ka nasteen dilalkii tooska ahaa, halka meesha laga saaray qaraxyadii gaadiidka ay ku soo rari jireen Al-Shabaab.

Xog: Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo ku kulmaya Nairobi + Qorshahooda

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu wadaa inay sugu tegaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo ay ku yeelan doonaan wada-hadallo gaar ah, sida ay innoo xaqiijieen ilo wareedyo xilkas ah.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa qorshuhu yahay in kulankooda ay diiradda ku saaraan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeyo Dowladda Federaalka, sida ay sheegeen ilo wareedyo ku dhow Puntland.

Labada hoggaamiye oo la sheegay inay kasoo laabteen dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo ku howlan dhex-dhexaadinta iyaga iyo dowladda Soomaaliya ayaa hadda ka wada-hadlaya sidii loo wajihi arrinta, si xal waara oo kama dambeys ah loo gaaro.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ay socdaan dadaallo ku aadan sidii ay isfaham buuxa u gaari lahaayeen hoggaamiyeyaasha Jubbaland, Puntland iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, si loo soo afjaro xiisadda dhex taalla oo saameysay guud ahaan wada shaqeyntoodii.

Kulankan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah wada-hadallada hosoe ee haatan socda, iyada oo weli ay taagan tahay baahida loo qabo xal waara oo laga gaaro khilaafaka dalka.

Dhawaan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xaqiijiyey in dowladdiisu ay wada-hadallo la furtay maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu qaboojiyo khilaaf siyaasadeed oo qaraar oo curyaamiyay dib-u-habaynta qaran isla markaana huriyay iska hor-imaadyo hubeysan.

Is-mari-waaga daba-dheeraaday ee kala dhaxeeya labadan Dowlad-Goboleed ayaa wiiqay geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya ee jilicsan, isagoo halis ku ah inuu carqaladeeyo doorashooyin xasaasi ah.

Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka ay tahay mudnaanta koowaad ee dowladdiisa, ayna ku xigi doonaan doorashooyinka qaranka.

Si kastaba, Dib-u-heshiisiinta lala gaaro Jubbaland iyo Puntland ayaa loo arkaa mid muhiim u ah in geeddi-socod kasta oo doorasho uu noqdo mid lagu kalsoonaan karo dalka oo dhan.

13 qof oo shacab ah oo lagu laayay duleedka Wanlaweyn

0

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo Sabtidii ka dhacday deegaanka Gareeri oo koonfur kaga beegan degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii halkaas lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dadka oo xoolo dhaqato ahaa ayaa loogu tegay iyaga oo waraabinayo xoolahooda, kadibna sidaas ayaa lagu laayay, sida ay sheegtay Senator Zamza Cabdullahi Axmed oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare.

Senatorada oo metasha dadkaasi oo kasoo jeeda Beesha Gaaljecel ayaa xaqiijisay in dhimashada ay gaartay illaa 13 qof, isla markaana ay mas’uuliyadda qaadeyso Koonfur Galbeed.

Dadka dhintay waxaa ku jira Hooyo, Aabe iyo ilmo yar oo ay dhaleen, waxaana dilkooda lala xiriiray aano qabiil oo ka taagan aagga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Dhimashada waxay mareysaa 13 qof oo qoysas dhan oo la’is ag dhigay, kadibna la laayay arrintaa waxaa wax laga waydiinayaa Laftagareen & wasiirkiisa amniga” ayay tiri Zamzam.

Dhanka kale, Nabadoon u hadlay dadka xoola dhaqatada ah ee la laayay ayaa ku eedeeyay dhibaatada dhacday inay ka dambeeyeen ciidanka Koonfur Galbeed, isaga oo sheegay inay arkayeen ragga weerarka gaystay, balse aysan waxba ka qaban.

“Ilaahey ha u naxariisto dadkii masaakiinta ahaa ee xoolo dhaqatada ahaa oo maanta loogu tegay wartii ay xoolaha ka shubanaayeen, iyaga oo waxba ka ogeyn inay u tageen niman ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed halkaas ay ku xasuuqeen” ayuu yiri Nabadoon u hadlay ehelka dadka la laayay.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka, si ay usoo farageliyaan kiiska dadka la laayay, haddii kale ay iyagu bixin doonaan jawaab culus.

“Arrintaas waa dulmi ay sameyneyso Koonfur Galbeed iyadaa mas’uul ka ah wixii meeshaas ka dhaco waxaan u sheegeynaa adduunka iyo dowladda Soomaaliya haddii arrintaasi degdeg looga soo jawaabi waayo in gacmaheenna aan uga jawaabi doono”. ayuu raaciyay.

DENI oo shaaciyay xogta ajaaniib badan oo ay dileen

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo bixiyay wareysi cusub ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallada haatan ka socda aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee maamulkaasi.

Deni ayaa sheegay in ciidamada difaaca Puntland ay guulo waa wayn ka soo hoyeen dagaalka, isla markaana ay jab culus gaarsiiyeen maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalladii ka dhacay buuraha hoostooda ay ku dileen xubno badan oo Daacish ah, isaga oo xaqiijiyey inay u badnaayeen ajaanib kasoo kala jeeda dalal kala duwan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qaarkood oo dhaawacyo ah ay weli ku sugan yihiin dhulka ay ku go’doonsan yihiin ee ay haatan ciidamada ka wadaan howlgalllada culus.

Saciid Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in inta badan ajaaniibta ay Puntland ku yimaadeen dalxiis, kadibna ay sidaas ugu biireen Daacish, balse waxaa uu intaasi ku daray in haatan ay xadideen kororka kooxda, ayna kahor tageen in dad cusub ay ku biiraan.

“Daacish waxa aan ka dilnay ajaanib badan oo Puntland ku imaan jirtay dalxiis ama ganacsi, dagaalka militariga ah waa gaba-gabo, xogta aan hayno 95% waan ka adkaanay, dhulka aan tagnay waxa ay ku lahaayeen beero” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.

Waxaa kale oo uu boggaadiyay ciidanka geesiyeyaasha ah ee howlgallada ka wada dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, isaga oo u xaqiijiyay inay ku garab taagan yihiin dagaalka.

Calmiskaad ayaa fadhi weyn u ahayd maleeshiyada kooxd Daacish, faraceeda Soomaaliya, waxaana la rumeysan iyo hoggaamiyeyaal sar sare ay weli ku sugan yihiin halkaasi.

Si kastaba, dagaalka oo ah mid wayn ayaa waxaa ka qayb-qaata dalal kala duwan, sida Mareykanka iyo Imaaraadka oo duqeymo ka fuliya aagga ay ku sugan yihiin xubnaha Daacish.

Xasan Sheekh oo ka hadlay 4 qodob oo xasaasi ah xilli ay taagan tahay xiisad culus

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka hadlay afar qodob oo xasaasi ah, kuna aadan xaaladda dalka, xilli ay taagan tahay xiisad culus.

Xasan Sheekh oo ka qeyb galay barnaamij uu soo diyaariyay Machadka Council On Foreign Relations ayaa si faah-faahsan uga hadlay dagaalka Al-Shabaab, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo wada-hadallada Somaliland.

Ugu horreyn wuxuu soo bandhigay guulaha waa wayn ee ay dowladdiisu ka gaartay dagaalka argagixisada, gaar ahaan dhulka ballaaran ee laga saaray, isaga oo ku ammaanay guushaas ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalka tooska ah uu barbar socday dagaal kale oo dhinaca dhaqaalaha iyo fikirka ah, si loo cuuryaamiyo argagixisada ku sugan Soomaaliya.

“Dagaalka aan ku jirno kaliya ma ahan mid Militeri, waxaa jira mid dhinaca fikirka iyo dhaqaalaha, inta badan hadda waxaa jira guulo muuqda oo laga gaarey” ayuu yiri ,adaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta doorashada oo uu haatan muran xooggan ka taagan yahay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay socoto diiwaangelinta dadweynaha ee doorashada qof iyo codka ah, si ay dadka Soomaaliyeed usoo doortaan hoggaankooda beri.

Waxaa kale oo uu ka hadlay kobaca dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in Soomaaliya laga cafiyay deyn gaareysa illaa $5 bilyan, isla markaana ay dhistay sharciyo iyo nidaamyo fududeynaya maalgashiga, gaar ahaan kheyraadka dabiiciga ah, saliid, shidaal iyo badda.

Ugu dambeyn waxa uu khudbadiisa kusoo hadal qaaday wada-hadallada hakadka ku jira ee DFS iyo Somaliland, wuxuuna sheegay in markasta ay diyaar u yihiin wada-hadal ka turjumaya ilaalinta Midnimada dalka, si guul looga gaaro dadaallada haatan socda.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo xoog leh, taas oo ka dhalatay dagaalkii ka dhex-qarxay ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka ee todobaadkii hore ka dhacay saldhigga Warta Nabadda, waxaana haatan dhaq-dhaqaaq iyo abaabulka dibadbax ku howlan mucaaradka dalka.

Xasan Sheekh iyo Trump oo kulmay kadib arrintii uu shaaciyey Trump

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay casho sharaf uu magaalada New York ku sameeyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo lagu xusayey 80-guuradii ka soo wareegtay aasaaska Qaramada Midoobay, sida ay sheegtay Villa Somalia.

Villa Somalia ayaa barteeda X ku qortay: “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay casho sharaf ay martigeliyeen Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Marwada Koowaad Melania Trump, taas oo lagu maamuusay madaxda dalalka iyo dowladaha ka qeyb-galaya xuska 80-guurada Qaramada Midoobay.”

Qoraalka ayaa waxaa la socday sawirka Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay dhinac taagan yihiin Trump iyo Melania. Wax faahfaahin dheeraad ah lagama bixin kulanka.

Kulankan ayaa imanaya iyadoo maalmihii dhowaa Madaxweyne Trump uu marar badan u gefay Soomaaliya, isaga oo ku xumeynaya xildhibaan Ilhaan Cumar oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, kana tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, iyadoo matasha gobolka Minnesota iyo xisbiga Dimoqraadiga.

Trump ayaa Khamiistii sheegay inuu ka codsaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu “dib u qaato” Ilhan Cumar, oo ah xildhibaanad Mareykan ah oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya, taasoo muddo dheer ka mid ahayd shaqsiyaadka uu siyaasad ahaan sida gaarka ah u beegsado.

Trump ayaa hadalkan ka sheegay Xafiiska Oval Office ee Aqalka Cad, ka dib markii uu saxiixay amar madaxweyne oo waddada u xaaraya in shirkadda TikTok, qeybteeda Mareykanka, ay noqoto mid ay leeyihiin Mareykan.

“Waxaan la kulmay madaxweynaha Soomaaliya,” ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha. “Waxaan u soo jeediyay inuu laga yaabo inuu jeclaan lahaa inuu dib u qaato. Wuxuuna yiri, ‘Anigu ma doonayo.’”

Ma cadda, haddii kulanka uu Trump uu sheegay uu yahay midka ay caawa baahisay Villa Somalia.

Dhinaca kale, Ilhaan oo Trump ugu jawaabtay barta X, ayaa qortay “Waxay ka timid inuu dafiro in Soomaaliya ay madaxweyne leedahay ilaa inuu sheeko abuurayo, Madaxweyne Trump waa beenlow nacas ah,” ayay Ilhaan qortay. “Qofna waa inuusan si dhab ah u qaadan nacaskan ceebaha wada.”

Trump ayaa toddobaadkii tegay barta Truth Social, mar kale si toos ah ugu weeraray Soomaaliya, isagoo dalkii ay ku dhalatay Ilhaan ku sifeeyay mid ay la degtay “gacan ku hayn la’aanta dowladda dhexe, saboolnimo joogto ah, gaajo, argagixisanimo soo laba kaclaynaysa, burcad-badeed, tobannaan sano oo dagaal sokeeye ah, musuq-maasuq iyo rabshado baahsan.”

Wuxuu sheegay in 70 boqolkiiba dadweynuhu ay ku nool yihiin saboolnimo ba’an, wuxuuna ku eedeeyay mas’uuliyiinta Soomaaliya inay maamulaan “dowlad fashilantay oo ay hareeyeen laaluush iyo lunsi hanti dadweyne.”

Ilhaan, oo la doortay 2018-kii, kana mid noqotay haweenkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee ka mid noqda Congress-ka, ayaa si isdaba joog ah ay isku dhacayeen Trump. Sannadkii 2019, waxay bartilmaameed dhexe u ahayd ololihiisii isku soo baxyada ee lagu dhawaaqayay “dib u celiya,” kuwaasoo dhaliyay dhaleecayn ballaaran oo lagu tilmaamay inay yihiin cunsuriyad.

In kasta oo ay jirto dhaleecayntaasi, Trump wuxuu sii waday inuu xoogga saaro asalka Soomaalinimo ee Ilhaan si uu siyaasad ahaan ugu weeraro, halka sharci-dejiyeyaasha iyo falanqeeyayaasha garabka midig ay inta badan soo qaataan dhaleecaynteeda tooska ah ee ay u jeediso siyaasadda arrimaha dibedda ee Mareykanka iyo Israel, iyagoo u adeegsanaya sabab looga saaro Congress-ka.

Militariga Itoobiya oo war ka soo saaray arrinta badda iyo…

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Difaaca Itoobiya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan “dhibaato kasta oo la xiriirta amniga” iyagoo ilaalinaya danaha qaranka, waxaa sidaas yiri afhayeenka ciidamada difaaca, Sarreeye Guuto Getnet Aadan, isagoo soo qaatay tusaalooyinka danaha qaranka oo ay ka mid yihiin: “xuquuqda isticmaalka biyaha” iyo “arrinta ku saabsan badda.”

Taliyaha waaxda shaqaalaha ciidamada, Lieutenant Jeneral Achalu Shallamee, ayaa sheegay in dallacaaddii dhawaan la siiyay saraakiil sare oo ciidamada ka mid ah ay ahayd mid laga fiirsaday oo lagu eegay howlaha iyo waajibaadka dheeraadka ah ee ay qaadayaan. Labada jeneral ayaa warbixintan siiyay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA.

Waxaa xusid mudan in toddobaadkii hore, lixdan iyo lix sarkaal la dallacsiiyay, taasoo uu dalacsiiyay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Afar ka mid ah saraakiisha ciidamada ee dalacsiinta ka helay madaxweynaha ayaa loo dalacsiiyay darajada jeneraallinimo. Kuwaas waxaa ka mid ah darajada jeneraallinimada ee buuxda loo dalacsiiyay Alemshet Degfe, oo ah lataliyaha taliyaha guud ee ciidamada, kaas oo horey u haystay darajada Lieutenant Jeneral, iyo Desta Abche, madaxda qeybta guud ee difaaca Injineerinka. Yimer Mekonnen, madaxa hoggaanka waxbarashada iyo tababarada difaaca, iyo Driba Mekonnen, madaxa kormeerka difaaca, ayaa sidoo kale loo dalacsiiyay jeneraallo buuxa.

Sarreeye Guuto Achalu, oo ah madaxa hoggaanka shaqaalaha ee ciidanka xoogga dalka, ayaa sheegay in dalacsiintan loo sameeyay si waafaqsan sharciga iyo nidaamka Ciidanka Difaaca.

Waxa uu taxay shuruudaha la tixgelinayo marka la bixinayo horumarinta darajada, kuwaas oo ay ka mid yihiin “waxqabadka waajibka milatari,” “karti hoggaamineed,” iyo “karti iyo anshax.”

Sarreeye Guuto Achalu ayaa yiri, “Magacaabidu waa arrin ah in la aqbalo mas’uuliyadda iyo ka shaqeynta si ay u awoodaan in ay gutaan waajibaadka ka iman kara.”

Sidoo kale wuxuu sheegay in saraakiisha milatari loo magacaabo jagooyin milatari “iyagoo la fahamsan yahay inay qaadaan waajibaad iyo howlo dheeraad ah.”

Agaasimaha xiriirka dadweynaha ee ciidanka difaaca Itoobiya, Getnet Aadan, oo Sabtidii loo dalacsiiyay darajada Sarreeye Guuto, ayaa sheegay in dalacsiintan ay xoojin doonto “diyaargarowga ciidanka” ayna “saameyn wanaagsan ku yeelan doonto hawlaha mustaqbalka.”

Wuxuu intaa ku daray in dalacsiintan sidoo kale laga eegay dhinacyada “danaha qaranka” iyo “xoojinta madaxbannaanida.”

Afhayeenku waxa uu xusay in waqtigan dowladda ay horyaalaan arrimo ay ka mid yihiin “danta qaranka” oo ay ku jiraan “xuquuqda helidda biyaha” iyo “arrimaha dekedaha.”

Afhayeenka ciidamada difaaca Itoobiya, Sarreeye Guuto Getnet, wuxuu sheegay in dowladda ay shacabku soo doorteen ay ka go’an tahay ka miro-dhaliyaan danaha qaranka, isla markaana ciidanka la diyaariyo, isagoo intaas ku daray in “gaaska, warshadaha tamarta nukliyeerka, iyo samaynta warshadaha bacriminta” ay yihiin qaybaha la xiriira.

Waxa uu sheegay in diyaar garowga horudhaca ah ee ay sameynayaan ciidamada uu la xiriirayo “isbeddel ku yimaada awoodda” oo ay abuuri karto hay’ad kale oo ku guda jirta fulinta ajandayaasheeda.

“Marka dowladda iyo shacabka Itoobiya ay arrintan soo bandhigaan, waxay leeyihiin, ‘Waxaan ku xallin doonaa si nabad ah.’ Laakiin sidoo kale waxaa jira dhibaato amni oo arrintan ku lug leh,” ayuu yiri, isagoo tilmaamaya in dhibaato amni ay ka dhalan karto geeddi-socodka.

“Haddii ay timaado ikhtiyaarka xoogga, haddii Itoobiya arrintan kor u qaaddo, tani waa waxa dhici doona, markaas ciidamada waa inay diyaar ahaadaan,” ayuu intaas ku daray.

Waxa uu intaa ku daray in diyaar garowga ay sameynayaan ciidamada uu noqon doono mid la jaanqaadi kara hadafka iyo amarada dowladda.

War-saxaafadeedka afhayeenka wasaaradda difaaca uu sii daayay ayaa imaanaya xilli arrinta gaaritaanka badda ee dowladda Itoobiya ay labadii sano ee la soo dhaafay si joogto ah u soo hadal qaadaysay, ayna noqotay mid si weyn u muuqata.

Waxaa xusid mudan in ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu khudbaddiisii usbuucii hore ku sheegay in Itoobiya aysan ahaan doonin “maxbuus juqraafiyeed weligeed.”

Abiy, oo ku nuuxnuuxsaday in arrinta ku saabsan gelitaanka badda Itoobiya ay tahay “mid lama huraan ah,” waxa uu ku booriyay waddamada inay sida ugu dhaqsaha badan isu diyaariyaan wadaxaajoodyada.

Isha: BBC