25.1 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh ma baxsan doonaa mise waa is-dhiibi doonaa?

0

22 Janaayo 1905 Axaddii-Dhiiga (The Bloody Sunday) waa maalintii ay ciidanka Tsar Nicholas II ee Ruushka ay dileen wadaadkii Georgy Gapon ee hogaaminayay mudaharaad nabadeed. Halkaas oo lagu xasuuqay dad kabadan boqol qof maalintaas magaalada St. Petersburg. Dhacdadaan waxaa keenay dhowr arimood oo is biirbiirsaday; dhaqaale xumo, nolosha oo adkaatay, lahaanshaha dhulalka oo loo diiday shacabka, shaqo la’aan, dagaalkii Russo-Japanese War oo socday iyo Nicolas 2 oo awoodii gacantiisa kusoo uruuriyay, dadkuna ay u oomanaayeen isbedel. Intaas waxaa kasii cuslaa oo arrinta sii-riixayay dunida oo kasii tageysay qoysas boqortooyo iyo dad kooban inay xukunka iska haystaan. Dhacdadaas waxaa kadhashay kacaankii Ruushka ee loo yaqaanay Bolsheviks, in la burburiyay boqortooyadii, lana dilay Tsar-kii loo haystay aabihii dadka iyo dalka iyo in kooxdii Lenin ee Bolsheviks ay xukunka qabsadeen, halkaana kadhalatay Communist Party iyo Soviet Union loolanka dunida qayb ka ahaa illaa sanadkii 1990.

Jimcihii Madoobaa July 1989 – Masjid Cali Suufi

Dhacdadaas Ruushka haddaan sawirkeeda soodhoweysano (Zoom in) oo xaalad Soomaali ku eegno waxay ina xusuusinaysaa Jimcihii Madoobaa 14 July 1989 ee kadhacday Masjidka Sh. Cali Suufi Muqdisho, in askartii Kacaanka ay laayeen shacab mudaaharaadayay oo kayimi salaad jimce. Waxaa arrinka sababo isbiirbiirsaday u ahaa; xukun-mururuqsi, dhaqaale-xumo dhac iyo boob joogta ah iyo qabyaalad. Intaas waxaa kasii xoog badnaa dunida oo tartankii USA iyo Soviet Union soo afjarmayay, usii banbaxday awoodii dunida in USA kusoo uruurto (unipolarity & Globalization). Sidaa awgeedna looga takhalusayay nidaamyadii lascoday Soviet-ka, sida Soomaaliya iyo Itoobiya. Natiijadu waxay noqotay in ay sii ballaartaan rabshadihii, dad badan oo shacab ah lagu xiro NSS, qaar la geeyay xeebta Jazeera 15 July oo halkaa lagu tooktay, laguna aasay. Human Rights Watch Africa waxay xusaan dhacdadaas Jimcaha-Madow ilaa 24 July in ladilay 400 ruux. Jabhadihii ay sii hubeeyeen dowlado. Sanad kadib dowladdii Kacaanka dalka way ka carartay, waana la wada ogyahay in dal iyo dadba ka danbeyn oo sidii duurjoogta la isku cunay oo waagaas jiilashii yaacay, jiilashii ay dhaleen, kuwii ay sii dhaleen ku dayacan yihiin duni aysan aqoon, balse qaarkoodna aysan garaneyn dad, diin  iyo dal ay kasoo jeedaanba asal ahaan.

Jimcihii talo-xumada Febraayo 2021

Dhacdadaas 1989 haddaan sawirkeeda aad usoo dhoweyno oo keenno 19-Febraayo 2021, masuuliyiintii amniga markaa joogay waxay amar kubaxsheen in xabado nool-nool lagu furo mucaaradkii ahaa madaxdii hore ee dalka oo si nabadeed u mudaaharaadayay, iyagoo ay kamid ahaayeen Madaxweynaha iyo xulafadiisa hadda jooga. Qaybo iyaga kamid ah oo lagu tuhmo fudeyd badan ayaa ka dhawaajiyay in loo noqonayo 1991, iyagoo tixraacayay dhacdadaas kore. Qaybo kale oo amniga magaalada hayay, kana mid ahaa nidaamkaas wakhtigiisu dhamaaday kahor 2021, ayaa shirarka hoose ku doodi jiray in mucaaradka cagta lamariyo oo aan loo jixin-jixin oo dowladnimo latuso. Raggan oo isla waagaa kusoo fashilmay in ay Axmed Madoobe soo xiraan ama Gedo qabsadaan iyaga iyo Janan oo ahaa mercenary ay isticmaalayeen, sida UAE ugu isticmaashay Ccolombian Mercenaries burburinta Sudan. Nasiib wanaag markan xikmadda ayaa shaqaysay oo labadaa aragti ee xagjirka ahaa toona lama qaadan. Madaxweynihii hore oo ay lataliyeen odayaal aan nidaamkisa kamid aheyn, wuxuu doortay in uu talada dhexda dhigo, doorasho la aado. Waana meesha ay kabilaabatay kala weecashadii isaga iyo lataliyayaashiisii aragtida-dhowaa ee rabay in ay facood ka aargutaan. Ka warran hadii 2021 ay dhacdooyinku isku sii xigxigsami lahaayeen sidii 1989-1991, duni uu Trump wareerinayay markaa?

Arbacadii Dhiig-qubadka Sebtember 2025

Dhacdooyinkaas kore waxay kusoo biyo-dhacayaan dhacdadan Arbaco 24 Sebtember 2025 kadhacday Muqdisho ee lagu laayay wiilal Soomaaliyeed, laguna xabadeeyay isla mucaaradkii iyo madaxdii hore ee dalka oo uu Madaxweyne XSM qayb ka ahaa 2021 iyo hotel Maa’ida! Cidda xabad-ridida amraysa waa taliyayaashiisi amniga ee qaarkood Shiirkole dhufeys kasoo galeen 2021! War maalmuhu kala duwanaa, dadkuna isku ekaa, taarikhduna isa soo celin badanaa, laakin yaraan badanaa inta fahanta, kuna cibro qaadata? Samiira Qayd ayaa qortay halhays xikmad leh oo Kenyaanku leeyihiin “Dhirtii waa isbedeshay, laakin duurjoogtii waa sideedi”!

Talo-xumayaal Talo laweydiiyay – Jihada Caalamku usocdana aan ogeyn

Waayahaan dhacdooyinku waa isku dhowdhow yihiin, hadii qofku doonayo inuu xusuusto oo kucibro qaato taarikhda iyo sunooyinka Rabbaaniga ah. Kamase muuqato hoggaanka dalka jooga in ay yihiin kuwo faham-fog iyo cibro-qaadasho leh. Sababtoo ah waxaa shalay shir degdega isugu yimid RW iyo qaybo kamida Wasiiradiisa iyo amniga, wardiga iyo talada meesha la akhriyay waxay ahaayeen; dowlad ayaanu nahay ee raggan aan soo qabqabano, talo lamida midii ay baxsheen lataliyayaashii nidaamkii hore, lana mid ah midii ay kusoo halaagsameen Kacaankii & Nicolas, hortoodna ay baddu laqday Fircoon markii lagula taliyay (إِنَّ هَؤُلَاءِ لَشِرْذِمَةٌ قَلِيلُون · وَإِنَّهُمْ لَنَا لَغَائِظُونَ). RW-ha aayaddan oo kale ayaa kusocotay oo uu fahmayaa, maadama lasoo baray tafsiirka Quraanka, laakin lama soo barin faham siyaasadeed oo mug-&-baaxad leh oo aayadaha iyo dhacdooyinka taariikh-siyaasi isugu xirmi karaan. Waxaana shirkaas kadhashay in xalay laxiray rag uu kamid ahaa Xaaji Cali Iimaan oo 90-jir ah, beeshiisa aad looga ixtiraamo, lana dhageysto, siyaasad aan kumilmin, aabihiisna oday-nabadoona ahaa. Intaas laguma harin ee siyaasiyiintii la wareeraray ayaa isla xalay jimcihii lasoo hordhoobay ciidamo bandow saaray guryahooda. Nidaamku wuxuu kudooday afganbi, muxuu qof awood doonaya ka afganbin saldhig kuyaal Wardhiigleey, iyadoo Airport-kii & dekaddii daris layihiin ama uu abbaari karo Villada oo awooddu taal ama goobaha talisyada ciidamada?

Maxaan Saadaalin Karnaa?

Talo waa tan Allah, laakin iskuxirka iyo isla akhrinta taarikhda iyo dhacdooyinka waxaanu fili karnaa labo xaaladood in ay dhici karaan:

  • Hoggaanka Sare dalka inuu markuu soo noqdo helo waxgarad la taliya oo gacanta kaqabta. Usheega in dunidu ku socoto xaalad isbedel hubanti la’aaneed oo hoggaanka dunidu isku qabsan rabaan dowlado badan (uncertainity and multilpoliarty). Isbedeladda waaweyn ee dunida kadhacana way dhaafiyaan xukunka dadka markaa jooga. Haduu taladaas qaato, wuxuu oran doonaa “Ustaadow intaan New York kumaqnaa ayay nidaamkii kudheeleen, ee rabshada hanalaga qaboojiyo”. Wuxuuna tareenka hoostiisa kutuuri doonaa raggii uu talada uga sii tagey, khadkana uu kasoo hagayay. Waxaan kaloo filan karnaa oday Xaaji Cilmi intuu u yeero oo xaal siiyo. Baryootankaas iyo walaalow ayaa xalka soo dhoweyn karta. Haddii taas kore dhacdo oo la heshiiyo, loona dareero doorasho is-oggol ah, waa la kala badbaadayaa, dalka iyo dalkuna waa inoo harayaan. Nidaamka dunida cusubna waan la jaanqaadi karnaa.
  • Tan labaaad; waxaa kusoo xumuumi kara talo-xumaayasha kuhareeraysan, wuxuuna qaadan karaa talooyinkooda ah; in raggaas laweeraro, lana soo qabqabto; Mucaarad madax ahaan jiray oo guryahoodi loogu yimid, waa is-difaaci doonaan, wiilal badana waa la iska leyn doonaa, haddii aysan naftooda ubaqin oo ay qadiyadooda ka tanaasulin. Beelaha ay kadhasheen dibadda ayay usoo bixi doonaan in ay difaacdaan. Dad badan oo dhul iyo hanti laga boobay waxay qayb ka noqon doonaan dagaalka iyo boobka ay soo qaadi doonaan dhalin iyo dad badan oo ay haysato baahi iyo dhib. Argagaxisada Al-Shabaab ee fadhida albaabada Xamar, waxay kafaa’iidaysan doonaan fursadda iskudhaca, waxayna la wareegi karaan xaafadaha dulleedka Muqdisho. Somaliland oo qarka usii saaran in ay kabooddo Qaranka Soomaaliyeed, way kusii farxi doontaa dhacdooyinkan oo u ah fursad ictiraaf u soo dhown karta. Markaana waxaan filno waa xaalad khatar ah oo duni isbedel sii galaysa; in Soomaali beylah u noqoto awoodo is ceyrsanaya iyo duni aan la isku jixin-jixi doonin, kajirin nidaam caalami ah. Waxayna kudhamaan Madaxweynaha oo baxsada ama meel aan fiicneyn ku danbeeya.

Xamar hal arrin ayay kaga duwantahay caasimadaha gobolada kale, waa caasimad lawada degan yahay, waligeedna laguma kala adkaan, dib u jaleec; Kacaankii iyo kacdoonkii, dagaaladii qabqablayaasha, maxaakimtii iyo Itoobiyaankii, nidaamkii hore iyo mucaaradka. MW XSM markuu 25 September u waramayay “Council on Foreign Relations”, waxay talo iyo tusaale ahaan tiri haweenaydii daadihinaysay barnaamijka “peaceful political process”, waa farriin haduu XSM fahmay macnaheedu yahay waxaad sheegayso namagelin’e, waxaad arbacadii samaysay kanoqo. Mucaaradkana waxaa u wanaagsan in ay ka fekeraan sidii dadka iyo dalka ay uga hari lahaayeen nidaamka hadda talada haya.

Ilaahay ha xifdiyo, hoggaan fiicanna haka soosaaro Soomaalida iyo Soomaaliya.

W/Q: Mukhtar Qoransay, Senior Strategist & Geopolitics Expert
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Danjire Ilyaas oo qaaday tallaabo la xiriirta DRC Congo kadib dagaalkii Jabriil

0

Dar es Salaam (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania Ilyaas Cali Xasan ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta dalka DRC Congo oo ay dhawaan isku qabteen safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo shaqo u tegay dalkaasi.

Danjire Ilyaas oo gudanaya shaqadiisa ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay dhiggiisa safiirka DRC Congo u fadhiya magaalada Dar es Salaam oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah, sida xoojinta xiriirka labada safaaradood, si ay u yeeshaan wada shaqeyn dhow.

Sidoo kale waxa ay ka wada-hadleen dhinacyada siyaasada, amniga iyo ganacsiga oo muhiim u ah labada dal oo ka wada tirsan Qaaradda Afirika.

Waxaa kale oo uu safiirka Soomaaliya dhiggiisa kala hadley sidii loo sii deyn lahaa muwaadiniin Soomaaliyeed ee maalmihii lasoo dhaafay  lagu xiray magaalada Lubambashi ee dalka Congo, si ay u helaan xorriyadood.

Ilyaas Cali  Xasan ayaa u muuqdo inuu xoojinayo shaqadiisa, maadaama uu u xilsaaran yahay danaha dalka DRC Congo, oo ay dhowaan shaqo ahaan isku qabsadeen isaga iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee caasimada dalka kenya.

Xiisadda labada safiir ayaa timid, kadib markii Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle iyo wafdi ganacsato ah oo uu hoggaaminayo ay gaareen magaalada Kinshasa ee dalka DRC Congo, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Ujeedka ayaa ahaa xoojinta ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliyeed ee ku sii baahaya guud ahaan qaaradda Afrika, gaar ahaan Bariga, Bartamaha iyo Koonfurta qaaradda Africa. Ku biiritaanka ay Soomaaliya ku biirtay Urur Goboleedka Bariga Afrika taas oo sidoo kale siii dhiirigaliyay in ganasatada Soomaaliyeed  inay ku dhiiradaan in ganasigooda ku baahiyaan suuqayada Bariga Afrika, sida ay sheegtay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Intaas kadib Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa ka horymid tallaabada Jabriil wuxuuna tilmaamay in safaaradda Soomaaliya ee Dar es Salaam ay iyadu ay mas’uul uga tahay Soomaaliya danaha dalka DRC Congo.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in safiirka Soomaaliya ee Kenya aanu kusoo wargelin safarkiisa, sidaas daraadeedna uu ka baxsan yahay sharciga diplomaasiyadda iyo kan wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn dagaalka ayaa waxaa markii dambe soo farogelisay wasaaradda arrimaha dibadda oo u yeertay labada Safiir, kadibna waxaa sidaas lagu xalliyay khilaafkooda.

Wasiir Jaamac oo is barbar dhigay qorshaha mucaaradka iyo midka Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, una dhexeyso mucaaradka iyo dowladda.

Jaamac ayaa marka hore is barbar dhig ku sameeyay qorshaha is-diidan ee Madasha Samatabixinta iyo midka Villa Somalia, maadaama ay isku hayaan siyaasadda dalka.

Wasiirka ayaa su’aal ka keenay qorshaha mucaaradka, wuxuuna sheegay inay ogol yihiin dibadbax nabadeed oo uu dastuurka qabo, balse ay diidan yihiin doorasho qof iyo cod ah oo uu tilmaamay in iyadana uu ogol yahay dastuurka dalka, ayna xaq u leeyihiin shacabka.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka in shacabka ay u diidan yihiin xuquuqdooda dastuuriga ah, si ay uga qayb-galaan doorasho, sida uu hadalka u dhigay.

“Banaanbax nabadeed oo habraac sharci loo maro waa dastuuri qodobkaas waa arkaan saaxiibadeeda mucaaradka, Xuquuqdii ka muhiimsaneed ee ahayd in dadku xaq u leeyihiin iney doortaan madaxdooda maxaa diidey iney arkaan, isla Dastuurka ayuu ku qorantahay aleen. Weliba maxaa la isgugu dayaayaa in hor istaag lagu sameeyo iney shacabku xaqooda dastuuriga ah isticmaalaan?. Baroortu orgiga ka weyn” ayuu yiri Jaamac.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo culus, taas oo ka dhalatay khilaafka gudaha ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaashamucaaradka, kaas oo meel xun gaaray, isla markaana isku beddalay gacan ka hadal, kadib markii todobaadkii hore ay labada dhinac ku dagaalameen aagga saldhiggga Warta Nabadda.

Dagaalka ayaa sii xumeeyay xaaladda, waxaana kadib mucaaradka ay iclaamiyeen dibadbaxayo waa wayn oo ka dhacaya saddex goobood oo ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile, Tarabuunka iyo Siinaay oo kamid ah meelaha ay ka taagan tahay xiisadda ka dhalatay dhulalka danta guud ee laga barakiciyay dadka shacabka ah.

Inkastoo maanta dib loo dhigay mudaharaadyada, ayaa waxaa hadane la’isku raacay in la qabto 9 maalmood gudahood, iyada oo laga fakirayo badqabka shacabka ka qayb-galaya.

“Mudaharaadku waa xuquuq dastuuri ah oo qof walba oo Soomaali ah uu leeyahay, sidaas darteedna ayaana ugu baaqnay, akhayaarta halkan fadhida ayaa waxa ay naga codsadeen mudaaharaadkaas inay u helaan hab nololeed oo daamaanad qaadayo nolosha dadka inaanan qatar la gelininin, waxaan isla garanay waqtiga ay ku dhici karto waana 9 maalmood gudahood ” ayuu yir Sheekh Shariif oo hoggaamiyo Madasha Samatabixinta.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dhalinyarada wiilasha, gabdhaha iyo odayaasha ee runtii arrintaas ka shaqeynaayay waxaan ku amaaneynaa dadaalkoodii, waxaana ugu cudur daaraneynaa waqtiga isbeddalkiisa, laakiin waxaan ku beddalnay mudaharaad nabad ah oo aan khatar lahayn oo aan culeys lahayn” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Amiir oo sheegay wax ay ka dhigan tahay in uu baaqday banaanbaxii mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib baaqashada ku timid dibadbaxii maanta ee mucaaradka, dalka ayaa ka badbaaday ‘halis wayn’ sida uu shaaciyay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahaana duqii Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo warsaxaafadeed soo saaray.

Amiir ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dalka uu wajahay xaalad halis ah, balse laga hortegay, kadib dadaakii ay sameeyeen xildhibaannada iyo odayaasha dhaqanka Beesha Hawiye.

“Dalka wuxuu wajahay halis weyn, balse waxaa guuleystay midnimada iyo wadajirka shacabka iyo hoggaanka. Haddii uu wax noqon lahaa mid ka mid ah madaxdii goobta tagtay xaaladda intaan waa ka adkaan lahayd” ayuu yiri duqii hore ee Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu bogaadiyay doorka ay qaateen odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta xalay ku shiray caasimada, kadibna soo saaray go’aanka lagu baajiyay dibadbaxa.

“Hoggaamiyeyaasha dhaqanka sida Imaam Daahir iyo Ugaas Maxamuud, siyaasiyiin mucaarid iyo muxaafid, ganacsato iyo shacabka caadiga ah ayaa caddeeyey in marka la iskaashado wax kasta xal loo heli karo” ayuu mar kale yiri Maxamed Amiir.

Dhinaca kale wuxuu ammaanay madaxweyne Xasan iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, maadaama ay aqbaleen dhex-dhexaadinta laga dhex sameeyay oo guuleysatay.

Waxaa kale oo uu ka digay inay soo laabato dhacdadii saldhigga degmad Warta Nabadda, laguna dhex dagaalamo mar kale magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Madaxweyne Xasan Sheekh, oo safar ugu maqan Mareykanka, wuxuu muujiyey hoggaan iyo garasho odaynimo kadib markii uu si sharaf leh uga garaabay khaladaadkii loo geystay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale, Madaxweyne Shariif iyo Madasha ayaa si qaranimo leh u aqbalay in dib loo dhigo bannaanbixii la qorsheeyey”

“Dhacdadii 24-ka Sebtember waxay muujisay in khalad yar ama  hadal xanaf leh ay keeni karaan xaalad qori ku dambeysa. Sidaas darteed, waxaa lama huraan ah in hoggaanka dalka iyo mucaaridkuba ka fogaadaan eray kasta oo sii hurin kara xiisadda” ayuu raaciyay.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray shacabka oo u ugu baaqay deganaan iyo inay ka shaqeeyaan midnimada dalka, inta laga gudbayo marxaladda adag ee lagu jiro ” Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan masuuliyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed inay midoobaan, dalka looga gudbo marxaladdan, loona jihaysto doorasho qof iyo cod si shacabka Soomaaliyeed ay u doortaan hoggaankooda mustaqbalka dhow”.

Xaaladda Muqdisho ayaa haatan deggan, waxaana muddo 9 cisho ah dib loo dhigay dibadbaxa mucaaradka oo loo qorsheeyay inuu ka dhaco Dayniile, Tarabuunka iyo Siinaay.

5 arrimood oo guul wayn u ah mucaaradka dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo culus, taas oo ka dhalatay khilaafka gudaha ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo mucaaradka, kaas oo meel xun gaaray, isla markaana isku beddalay gacan ka hadal, kadib markii todobaadkii hore ay labada dhinac ku dagaalameen saldhiggga Warta Nabadda.

Dagaalka ayaa sii xumeeyay xaaladda, waxaana kadib mucaaradka ay iclaamiyeen dibadbaxayo waa wayn oo ka dhacaya saddex goobood oo ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile, Tarabuunka iyo Siinaay oo kamid ah meelaha ay ka taagan tahay xiisadda ka dhalatay dhulalka danta guud ee laga barakiciyay dadkashacabka ah.

Inkastoo maanta dib loo dhigay mudaharaadyada, ayaa waxaa hadane, la’isku raacay in la qabto 9 maalmood gudahood, iyada oo laga fakirayo badqabka shacabka ka qayb-galaya.

“Mudaharaadku waa xuquuq dastuuri ah oo qof walba oo Soomaali ah uu leeyahay, sidaas darteedna ayaana ugu baaqnay, akhayaarta halkan fadhida ayaa waxa ay naga codsadeen mudaaharaadkaas inay u helaan hab nololeed oo daamaanad qaadayo nolosha dadka inaanan qatar la gelininin, waxaan isla garanay waqtiga ay ku dhici karto waana 9 maalmood gudahood ” ayuu yir Sheekh Shariif oo hoggaamiyo Madasha Samatabixinta.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dhalinyarada wiilasha, gabdhaha iyo odayaasha ee runtii arrintaas ka shaqeynaayay waxaan ku amaaneynaa dadaalkoodii, waxaana ugu cudur daaraneynaa waqtiga isbeddalkiisa, laakiin waxaan ku beddalnay mudaharaad nabad ah oo aan khatar lahayn oo aan culeys lahayn” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Hadaba mucaaradka ayaa ku guuleystay 5 arrin waa wayn, sida uu shaaciyay Wariye Bashiir Maxamed Caato oo ka hadlay is haysiga madaxda dowladda iyo Madasha Samatabixinta.

Shan arrin Madasha mucaaradka waa u GUUL.

– In markii ugu horreeysay mucaarad ay Dowladda Federaalka kaga horyimaadaan wax aan siyaasad ama doorasho aheyn balse shacab dhibaateysan oo la garab istaagayo ay tahay, mucaaradka waa u GUUL.

– In iyadoon wax bannaanbax uusan dhicin Dowladda Federaalka ay culeys maskaxeed iyo mid bulsho ay dareento, mucaaradku waa u GUUL.

– In qof ama dad laga yaabay in maanta ay dhiman lahaayeen ama dhaawac soo gaari lahaa la baajiyay na, mucaaradku waa u GUUL.

– In haddii ay dhacdo in wadahadallo horleh ay mucaaradka la galaan Dowladda Federaalka, Villa Somalia iyadoo intii hore ka nugul ay miiska soo fariisatana, mucaaradku waa u GUUL.

– In haddii mucaaradka ay ku adkeysan lahaayeen dibadbaxa in uu dhaco, dadkii la filayay na aysan soo bixin ( ama dowladda waddooyinka haka xirto ama tiradii la rabay ba aysan soo bixin)  Madashu waxay ku noqon laheyd weji-gabax, in dibadbaxa uu baaqday na, mucaaradku waa u GUUL.

WQ Bashir Mohamed Caato

Falcelin xooggan oo ka dhalatay dib u dhaca dibadbaxii mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay dib u dhaca ku yimid dibadbaxii mucaaradka ee la filayay in maanta uu ka dhaco gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile, Tarabuunka iyo Siinaay oo horay loo qorsheeyay.

Dadaallo ay hoggaaminayeen Imaamka, Ugaaska Mudullood iyo guddiga xildhibaannada beelaha Hawiye ayaa horseeday is-afgarad, iyadoo Madasha Samatabixinta ay aqbaleen soo jeedintii ka dhalatay dadaalladaas, oo lagu baajiyay bannaanbaxii dhici lahaa maanta.

Waxaa la isku raacay, shir jaraa’id oo wadajir ahna lagu sheegay, in bannaanbaxu uu yahay mid dastuuri ah, islamarkaana uu qabsoomi doono muddo 9 maalmood gudahood, iyadoo wixii farsamo ah laga shaqayn doono ka hor.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kulanka ka hadlay ayaa faah-faahiyay  qorshahooda, wuxuuna tilmaamay in weli aanu isbedalin go’aankooda, balse ay aqbaleen dadaalka la sameeyay, dibadbaxana uu dhacayo 9 maalmood gudahood.

“Mudaharaadku waa xuquuq dastuuri ah oo qof walba oo Soomaali ah uu leeyahay, sidaas darteedna ayaana ugu baaqnay, akhayaarta halkan fadhida ayaa waxa ay naga codsadeen mudaaharaadkaas inay u helaan hab nololeed oo daamaanad qaadayo nolosha dadka inaanan qatar la gelininin, waxaan isla garanay waqtiga ay ku dhici karto waana 9 maalmood gudahood ” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “”Dhalinyarada wiilasha, gabdhaha iyo odayaasha ee runtii arrintaas ka shaqeynaayay waxaan ku amaaneynaa dadaalkoodii, waxaana ugu cudur daaraneynaa waqtiga isbeddalkiisa, laakiin waxaan ku beddalnay mudaharaad nabad ah oo aan khatar lahayn oo aan culeys lahayn”.

Haddaba sidee looga falceliyay dib u dhaca ku yimid dibadbaxa mucaaaradka?

Cabdiftaax Waaasuge: “Banaanbax lama diidana ee hubka aad wadataan iyo Police Station in la weeraro meel ay aduunka ka dhacdo ma laha waana nasiib xumo wayn”.

Cabdullahi Maxamed Siyaad: “Sida maanta loo qorsheeyey asigoo ka diyaarsan insha allah, guuleyso madaxweyne Shariif”

Axmed Suldaan: “Dhalinta yaan xaaba laga dhiganin ciyaalkiina qurbaha ayay idiin jiraanee”.

Abdikarim Jabra: “Muqdisho banaanbax nabadeed ma ka dhici karo, idinkuna diyaar uma tihiin ee foodo iyo dhib dhaco ayaad rabtiin”.

Albashiir Sheekh Cabdiweli: “Sheekh Shariifooy dhiiqaa lugaha laguu galinaa ee ka joog madaxweyne”.

Naaji: “Madaama, mudaharaadka mid nabadeed noqon doono waqtina haystaan, carruurtiina dibada nabada, waxbarashada iyo caafimaadka ku haysto hanagala soo qeyb galaan”.

 

Itoobiya oo shirka QM ka hor caddeysay inay Soomaaliya…

0

New York (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii ballan qaadday inay sii wadi doonto taageerada ay siiso geeddi-socodka nabadda iyo amniga Soomaaliya, xilli uu hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee xasilinta uu ka digay inuu wajahayo farqi maaliyadeed oo curyaamin kara oo gaaraya $180 milyan oo doollar sanadka 2025-ka.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Hadera Abera, oo ka hadlayay Shirka Heerka Sare ee Ballanqaadyada Maalgelinta Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM), kaasoo ka qabsoomay hareeraha Shirweynihii 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in xasiloonida muddada dheer ee Soomaaliya ay ku xiran tahay xoojinta ciidamadeeda amniga.

“Waxaan ka gaarnay horumar la taaban karo daciifinta awoodda Al-Shabaab,” ayuu yiri Abera. “Sidaas darteed, waxaan salaan sharaf iyo maamuus u direynaa ciidamadeena, gaar ahaan kuwii naftooda ku waayey iyagoo gudanaya waajibaadkooda.”

Wuxuu ammaanay horumarka ay Muqdisho ka samaysay xoojinta Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Soomaaliya, balse wuxuu ka digay in saaxiibada caalamku ay waajib ku tahay inay si degdeg ah u kordhiyaan taageeradooda.

Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo fuliyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2719, kaasoo dejinaya qaab-dhismeed loogu talagalay maalgelin la isku halleyn karo oo lagu bixiyo hawlgallada nabadda ee ay hoggaamiyaan Afrikaanka.

Hawlgalka AUSSOM, oo la bilaabay bishii Janaayo si uu u beddelo Hawlgalkii Ku-meelgaarka ahaa ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa waxaa loo xilsaaray adkeynta guulaha dhanka amniga ee la gaaray, iyadoo isla markaasna mas’uuliyad ballaaran lagu wareejinayo ciidamada Soomaaliya. Hawlgalka ATMIS wuxuu ka dambeeyay kii Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), oo la aas-aasay sanadkii 2007, isla markaana kaalin lama huraan ah ka qaatay hawlgalladii lagula dagaallamayay al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalka hawlgalkan waxaa mugdi geliyey khilaafyo dhanka maalgelinta ah. Deeq-bixiyeyaashu waxay weli isku khilaafsan yihiin cidda qaadi doonta culayska dhaqaale ee hawlgallada amniga ee ay hoggaamiyaan Afrikaanka.

Dadka dhaliilsan ayaa ka digaya in habka maalgelinta isku-dhafan ee ay soo jeediyeen Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika uu keeni karo musuq-maasuq iyo hawlgabnimo, halka kuwa taageersan ay ku doodayaan inay muhiim tahay in la ilaaliyo guulaha aan cagaha adag ku taagnayn ee laga gaaray Geeska Afrika.

Soomaaliya, oo ay Al-Shabaab weli ka maamusho deegaanno ballaaran ayna si joogto ah uga fuliso weerarro dhiig badan ku daato, ayaa weli tijaabo u ah in bulshada caalamku ay xal waara u heli karto colaadaha muddada dheer ka jiray qaaradda.

Wiilka Hassan Nasrallah oo shaaciyey xog xasaasi ah oo la xiriirta ka hor dilka aabihiis

Beirut (Caasimada Online) – Sannad ka hor xilligan oo kale, hoggaamiyihii Xisbullah, Xasan Nasrallah, waxaa hareeyey caro xooggan oo ka dhalatay qaraxyo ay Israel la beegsatay aaladaha gacanta ee lagu xiriiro (pagers) oo ay siteen xubno ka tirsan kooxdiisa oo ku sugnaa daafaha dalka Lubnaan, sida uu sheegay wiilkiisa. Maalmo kadib, Nasrallah laftiisa ayaa waxaa dishay Israel.

Qaraxyadaas iyo dilka Nasrallah oo ka dhashay weerar cirka ah oo Israel ay ku qaadday xaafadaha koonfureed ee Beirut bishii Sebteembar 2024, ayaa noqday bilowgii duullaanka Israel ee lagu dilay in ka badan 4,000 oo qof oo ku noolaa Lubnaan, laguna burburiyay qeybo badan oo ka mid ah koonfurta dalkaas.

Dagaalkaas, oo Israel ay sheegtay inay u qaadday si ay u joojiso weerarada xuduudda ka tallaaba ee Xisbullah ay ku taageeraysay xulafadeeda Xamaas ee Gaza, wuxuu gilgilay awooddii Xisbullah ku laheyd Lubnaan, halkaas oo hadda kooxda lagu cadaadinayo inay hubka dhigto.

Isbeddelladaas waxay ahaayeen kuwo aan la qiyaasi karin sanad ka hor, xilligaas oo hoggaamiyihii Xisbullah uu wajahayay sir-jebin weyn oo dhinaca sirdoonka ah oo lagu sameeyay aaladihii isgaarsiinta, taasoo ay ku dhinteen tobannaan ka mid ah xubnaha kooxda, kuna naafoobeen kumannaan kale.

“Wuu murugaysnaa, wuu xanaaqsanaa, wuuna ka shalaynayay — waxaa jiray ciil badan iyo fikir ah, ‘Sidee bay tani ku dhici kartaa?’ Wuxuu isu arkayay in ay aamin ku aheyd nolosha dadkaas,” ayuu yiri Jawad Nasrallah, oo ah wiilka labaad ee ugu weyn Nasrallah, isagoo u warramayay wakaaladda wararka ee Reuters xilli uu ku sugnaa qabriga aabbihiis.

Xilligaas, amniga Nasrallah ayaa si weyn loo adkeeyay. Jawad, oo la mid ahaa in ka badan hal milyan oo reer Lubnaan ah, waxaa barakiciyay duqeymaha cirka ee Israel, mana uusan arag aabbihiis muddo saddex bilood ah.

“Waxaad dhihi kartaa maalinba maalinta ka dambaysa ayaan ku noolayn. Wax la hubo ma jirin,” ayuu yiri Jawad.

Khudbaddii ugu dambaysay ee Nasrallah laga arkay telefishinka waxay ahayd 19-kii Sebteembar. Siddeed maalmood ka dib, dhowr bam oo nooca burburiya dhufaysyada dhulka hoostiisa ah oo Israel ay la beegsatay xarun ay Xisbullah ku lahayd xaafadaha koonfureed ee Beirut ayaa lagu dilay Nasrallah, kaasoo hoggaaminayay kooxdan awoodda badan ee Shiicada ah ee diiniga, siyaasadda iyo militariga isugu jirta in ka badan 30 sano.

“Sida dadka kale oo dhan ayaan wararka ka ogaannay. Waxay ahayd arrin naxdin leh, laakiin ma ooyi karin – qof guriga joogay ma uusan qaylin karin ama muujin karin dareenkiisa,” ayuu yiri Jawad, isagoo sharraxayay in dadkii kale ee degganaa dhismaha ay si ku-meel-gaar ah ugu noolaayeen aysan ka warqabin xiriirka ay la leeyihiin hoggaamiyaha Xisbullah.

Wakhtigaas, weerarada Israel waxay beegsanayeen Muslimiinta Shiicada ah ee barakacay oo ku sugnaa meelo tobannaan kiiloomitir u jira xuduudda koonfureed ee Lubnaan, taasoo dhalisay cabsi laga qabo dagaal sokeeye, maadaama magaalooyinka Sunnida ama Masiixiyiinta ay si shaki leh u eegayeen Muslimiinta Shiicada ah ee soo qaxayay.

“Waxaan dareennay dareen go’doon ah sida dadka kale oo dhan, marka lagu daro dhibaatooyinkii foosha xumaa ee xilligaas, oo qof walba u ahaa mid xun: dagaal, duqeyn, naxariis-darro — iyo waxaas oo dhan waxaa dheeraa dareenka qariibnimada,” ayuu yiri Jawad.

Iyadoo Israel ay kordhisay weerarada ay ka geysanaysay guud ahaan Lubnaan ayna ciidamo dhulka ah u dirtay koonfurta dalkaas, maydka Nasrallah looma rari karin xabaal dhawr maalmood, waxaana loo sameeyay aasin ku-meel-gaar ah. Munaasabad rasmi ah ayaa la qabtay bilooyin ka dib xilli xabbad-joojin ay jirtay.

Dagaalkii Israel ee si weyn u wiiqay Xisbullah waxaa xigay afgembigii lagu riday xulafadoodii Suuriya, Bashar al-Assad, iyo dowlad cusub oo ka dhalatay Lubnaan taasoo ballan-qaadday inay xoojin doonto in hubka oo dhan ay dowladdu keliya gacanta ku hayso.

Xisbullah way diidday inay iska dhiibto hubkeeda — mowqifkaas oo uu ku celiyay Jawad, oo ah ganacsade aan xil rasmi ah ka hayn kooxda balse ay cunaqabatayn saartay Dowladda Mareykanka.

“Weligaa ha ku riyoonin ama ha ku fikirin,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray inuu weli aabbihiis ka dalbado hagitaan.

“Waxaan ka codsadaa inuu xalliyo dhibaatooyinka qaarkood. Waxaan ku dhahaa: ‘Waa inaad mushkiladdan noo xallisaa oo aad igala shaqeysaa,’” ayuu yiri.

Mucaaradka oo war culus kasoo saaray dib u dhaca ku yimid dibadbaxooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Axmed ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid dibadbaxii la filayay in ay maanta ku qabtaan magaalada Muqdisho, kadib dhex dhexaadin ay sameeyeen iyaga iyo madaxda dowladda Soomaaliya.

Dadaallo ay hoggaaminayeen Imaamka, Ugaaska Mudullood iyo guddiga xildhibaannada beelaha Hawiye ayaa horseeday is-afgarad, iyadoo Madasha Samatabixinta ay aqbaleen soo jeedintii ka dhalatay dadaalladaas, oo lagu baajiyay bannaanbaxii dhici lahaa maanta.

Waxaa la isku raacay, shir jaraa’id oo wadajir ahna lagu sheegay, in bannaanbaxu uu yahay mid dastuuri ah, islamarkaana uu qabsoomi doono muddo 9 maalmood gudahood, iyadoo wixii farsamo ah laga shaqayn doono ka hor.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kulanka ka hadlay ayaa faah-faahiyay  qorshahooda, wuxuuna tilmaamay in weli aanu isbedalin go’aankooda, balse ay aqbaleen dadaalka la sameeyay, dibadbaxana uu dhacayo 9 maalmood gudahood.

“Mudaharaadku waa xuquuq dastuuri ah oo qof walba oo Soomaali ah uu leeyahay, sidaas darteedna ayaana ugu baaqnay, akhayaarta halkan fadhida ayaa waxa ay naga codsadeen mudaaharaadkaas inay u helaan hab nololeed oo daamaanad qaadayo nolosha dadka inaanan qatar la gelininin, waxaan isla garanay waqtiga ay ku dhici karto waana 9 maalmood gudahood ” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray qaban-qaabiyeyaasha banaan-baxa iyo shacabka, isaga oo uga cudur daartay dib u dhaca ku yimid waqtiga mudahaaradka, balse waxa uu sheegay in ay ka fakireen badqabka shacabka, isla markaana hadda ay ka shaqeynayaan sidii uu dibadbaxooda u noqon lahaa mid nabdoon oo aysan waxyeelo kasoo gaarin dadka.

“Dhalinyarada wiilasha, gabdhaha iyo odayaasha ee runtii arrintaas ka shaqeynaayay waxaan ku amaaneynaa dadaalkoodii, waxaana ugu cudur daaraneynaa waqtiga isbeddalkiisa, laakiin waxaan ku beddalnay mudaharaad nabad ah oo aan khatar lahayn oo aan culeys lahayn” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna qoraal soo saaray ayaa sii xoojiyay hadalka Shariif, wuxuuna yiri “Mudaaharaadku waa xaq dastuuri ah oo xumaan lagu diido ama wanaag lagu taageero. Xumaantu waxay guulaystaa markii dadka wanaagsan iyo kuwa uusan markaa dhibku haysanin ay iskaga aamusaan oo aysan tilaab qaadin, dantooda oo keli ahna ku foofaan”.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaa inoo balan ah in aan midnimo kaga hortagno ku takrifalka awoodda, musuqa, eexda, barakaca, iskana qabano madaxda musuqa, mukaalaha cayilan iyo dhiigmiiratada”.

Si kastaba, ha’ahaatee Waxaa hadda muuqata in dowladda si farsamaysan uga adkaatay mucaaradka, iyadoo damisay xiisaddii taagneyd, lagana yaabo in 9 maalmood kadib mucaaradku waayaan xamaasaddii dadka soo bixin lahayd.

Muxuu ahaa ujeedka shirka ka dhacay New York ee uu guddoomiyay Xasan Sheekh?

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaalya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada New York oo uu u tegay Meertada 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa halkaas ka wada kulamo duceedyo muhiim u ah Soomaaliya.

Shirkan oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa waxaa ka soo qeybgalay saaxiibbada caalamiga ah iyo deeq-bixiyeyaasha oo xoogga saarayey maalgelinta howlgalka AUSSOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta guddoomiyey shirka weyn oo ku saabsan maalgelinta hawlgalka taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo lagaga arrinsayey garab istaagga amniga iyo xasilloonida dalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa muujiyey mudnaanta ay leedahay in Soomaaliya hesho taageero dhaqaale oo joogto ah, si loo xaqiijiyo amniga, loo dhiso awoodda Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, loona sii ambaqaado jidka xasilloonida iyo madax-bannaanida dalka.

Sidoo kale inta uu socday shirka Dawladda Federaalka iyo bahwadaagta caalamiga ah ayaa soo bandhigay qorshayaasha dhaqaale ee hawlgalka iyo sida loo xaqiijin lahaa taageerada dhaqaale ee amniga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay kabka miisaaniyadeed ee Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muddooyinka dambe xoojinyay dadaallada dhaqaalaha loogu raadinayo howlgalka cusub ee AUSSOM, waxaana dhawaan Addis Ababa uu uga qayb-galay kulan shan geesood ah oo ay yeesheen isaga, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, kaas oo looga arrinsanayey maalgelinta Howlgalka AUSSOM.

Kulankaas waxaa kaloo ka horreeyay mid kale oo uu dhowaan Madaxweyne Xasan Madaxtooyada Qaranka kula yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, ahna Madaxa cusub ee howlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene iyo saraakiisha ugu sarreysa ee hoggaamisa howlgalkaasi, kaas oo isna looga hadlay caqabadaha haysta AUSSOM.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Ururka Midowga Afrika uu la daala dhacayo culaysyo maaliyadeed tan iyo markii la bedelay howl-galka AMISOM loona beddelay AUSSOM. Dhaqaale la’aantaas ayaa si toos ah u saameysay waxqabadka ciidamada iyo kalsoonida howl-galka, taasoo dhalisay walaac ku saabsan awoodda uu u leeyahay in uu la tacaalo xaaladda amni ee sii cakiran ee Soomaaliya.

Falanqeeyayaal arrimaha amniga iyo siyaasadda ah ayaa qaba in xal waara uusan ku imaan karin oo keliya joogitaanka ciidamada ajaanibta. Waxaa la is weydiinayaa sida ay suurtagal u tahay in amniga la sugo iyadoo aan jirin isfaham siyaasadeed oo gudaha ah.

Banaanbaxii mucaaradka ee Sabtida oo la baajiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Banaanbaxii mucaaradka ee qorshaysnaa inuu Sabtida ka dhaco Muqdisho ayaa dib loo dhigay, kadib markii ay dhex dhexaadin sameeyeen dowladda iyo xubnaha mucaaradka ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.

Dadaallo ay hoggaaminayeen Imaamka, Ugaaska Mudullood iyo guddiga xildhibaannada beelaha Hawiye ayaa horseeday is-afgarad, iyadoo Madasha Samatabixinta ay aqbaleen soo jeedintii ka dhalatay dadaalladaas, taas oo lagu baajiyay bannaanbaxii dhici lahaa Sabtida.

Waxaa la isku raacay, shir jaraa’id oo wadajir ahna lagu sheegay, in bannaanbaxu uu yahay mid dastuuri ah, islamarkaana uu qabsoomi doono muddo 9 maalmood gudahood, iyadoo wixii farsamo ah laga shaqayn doono ka hor.

Waxaa sidoo kale la isla gartay in dowladda iyo mucaaradka si wadajir ah uga shaqeeyaan bannaanbax nabdoon, lagana heshiiyo goobta iyo goorta uu dhici doono, si uu ugu qabsoomo nabad ay dowladdu amnigeeda sugeyso.

Is-afgaradka laga gaaray xiisaddii taagneyd ee bannaanbaxa Sabtida dib loo dhigay ayaa biyo qabow ku shubay walaaca ay dadka Muqdisho ka qabeen in bannaanbaxu isu beddelo mid hubeysan oo qalalaase ka dhasha.

Dowladda Soomaaliya ayaa u caddeysay guddiga dhexdhexaadinta inay ogoshahay xorriyadda kulamada, bannaanbaxyada iyo cabashooyinka, balse loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo goorta iyo goobta lagu qabanayo, si dowladda ay u xaqiijiso sugidda amniga.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya waxay ku adkaysatay in ay mamnuuc tahay isku soo bixinta ciidan, wadashada gaadiidka dagaalka (tikniko) iyo hubka culus. Arrintaasna waxaa si cad loogu sheegay dhammaan xubnaha madasha.

Waxaa hadda muuqata in dowladda si farsamaysan uga adkaatay mucaaradka, iyadoo damisay xiisaddii taagneyd, lagana yaabo in 9 maalmood kadib mucaaradku waayaan xamaasaddii dadka soo bixin lahayd.

Biixi oo la kulmay safiirrada dalalka xiriirka dhow la leh Soomaaliya + Ujeedka

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa kulamo muhiim ah ka bilaabay magaaladaasi, kuwaas oo uu la yeelanayo safiirrada dalalka caalamka.

Biixi ayaa Nairobi kula shiray safiirrada dalalka Soomaaliya xiriir dhow la leh, isaga oo kala hadlay xaaladda dalka iyo sii wadida taageeradooda joogtada ah.

Inta uu socday ayaa waxaa kulanka  diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, taageerada dib-u-habeynta maaliyadda iyo horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Sidoo kale wasiirka maaliyadda ayaa danjireyaasha uu la kulmay uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, maadaama la sameeyay horumar dhinac kasta ah, gaar ahaan ammaanka, dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

Waxaa kale oo uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay u leedahay in si daahfuran loo wada shaqeeyo, si loo xaqiijiyo guulaha laga gaaray dib-u-habeynta maaliyadda iyo barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha, xili ay Dowladdu dadaal xoogan galinayso sidii loo heli lahaa mashaariic horumarineed oo wax tar leh.

Dhankooda safiirrada beesha caalamka ee kulanka ka qayb-galay bogaadiyey horumarka dowladda Soomaaliya ka sameysay dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo casriyeynta hannaanka dakhli uruurinta, kadib guushii weyneyd ee laga gaaray barnaamijka deyn cafinta.

Sidoo kale waxa ay balan qaadeen in ay sii wadi doonaan taageerada ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo mustaqbal dhaqaale oo waara.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa Nairobi u tegay ka qayb-galka  shir socday muddo Shan maalmood ah oo u dhaxeeyay Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF, kaas oo lasoo gabagabeeyay.

Shirkaas oo ahaa hannaanka dib-u-eegista 4-aad kadib deyn-cafintii Soomaaliya ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta dhaqaale ee u dhaxaysa Dowladda Soomaaliya iyo IMF, iyada oo si gaar ah looga wada hadlay horumarka laga gaaray dib-u-habeynta Maaliyadda, Casriyeynta hannanka dakhli uruurinta, maamul wanaagga maaliyadda iyo ka wada shaqeynta horumarinta dhaqaalaha iyada oo la maalgalinayo wax-soosaarka dalka.

Nabadoonnada beesha SHEEKH SHARIIF ee lagu xiray Muqdisho oo la sii daayay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa goordhow xoriyadooda dib ugu celiyay nabadoono ka tirsan beesha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Nabadoonnadan oo gaaraya illaa 25 oday ayaa dib u helaya xoriyadooda kadib saacado ay ku xirnaayeen saldhiga booliska degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Nabadoonada ayaa markii hore laga soo xiray hotelka Lafweyn ee degmada Kaaraan, halkaasi oo ay shir ku lahaayeen, kadib markii ciidamada amniga ugu galeen hotelka.

Sheekh Shariif ayaa goor sii horeysay si adag u cambaareeyay xariga Nabadoonada, isagoo ku tilmaamay fal dhaawac ku ah karaamada odayaasha dhaqanka.

Madaxweynihii hore oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si cad u sheegay in banaanbaxa berri uu dhacayo, ayna xaq u leeyihiin in shacabka muujiyaan dareenkooda, isla markaana aysan ka laabanayn.

“Waxaa la socotiin in ciidamo lagu soo wareejiyo meesha uu mucaaradka ku badan yihiin. Ciidamadan sow ma fiicnayn in aagaga dagaalka aadan,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray buunbuunin uu sheegay in laga sameynayo ciidanka hubeysan ee ay wataan mucaaradka, kaasi oo uu sheegay in aysan ka duwaneyn ilaalada ay wataan madaxda dalka.

“Ilaalada aan wadano waa kuwii aan shalay wadanay waaye oo Madaxtooyada ku tegi jirnay, oo isbitaalka ku tegi jirnay, saldhiga in aan ku tagno maxaa diidaya. Saldhiga sidiisaba waa goob cadaaladeed, booliska wuxuu la shaqeeya maxkamadaha iyo cadaalada, oo mucaaradka tagaya oo muxaafidka tagaya,” ayuu yiri Shariifka.

Xalay ayay aheyd markii la xiray Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, ganacsatada Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale, isla markaana saacado kadib lasii daayay.

Sii deyntooda ayaa timid kadib markii ay soo dhex galeen xubno mucaarad ah oo ay hoggaaminayeen Xildhibaan Ugaas Dhagey Geelle, Senator Dhagdheer, Xildhibaan Yaasiin Farey iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, kuwaas oo lagu sheegay inay kaalin muuqata ku yeesheen damiinta lagu sii daayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sii dayntood uu soo amray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan shirka Qaramada Midoobe ee New York.

Cumar Cali Rooble, Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale ayaa horey uga mid ahaa siyaasiyiinta iyo ganacsatada si adag uga hadlay muranka dhulka Siinaay iyo sida ay dowladdu u maareyneyso. Arbacadii waxay qeyb ka ahaayeen xubnihii mucaaradka ahaa ee rasaasta lagu kala eryay xilli ay ku sugnaayeen Saldhigga degmada Warta Nabadda.

Arrimahan ayaa sii hurinaya xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho, xilli mucaaradku ay abaabulayaan bannaanbax ballaaran oo berri ka dhacaya caasimadda, kaas oo dowladda si weyn uga horjeedo.

Wafdigii la sugayay ee Jaamacadda Carabta oo yimid Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda Ururka Jaamacadda Carabta ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, waxaana soo dhaweyn ballaaran u sameeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Bare iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada.

Wafdigan oo la sugayay ayaa horay loogu wargeliyay Dawladda Federaalka oo xubin buuxda ka ah Jaamacadda Carabta, kadib markii Danjire, Cabdalla Cuteybi uu horay u sheegay in ay sii xoojin doonaan doorka wanaagsan ee Soomaaliya ay ku leedahay horumarinta iskaashiga dalalka ku mideysan Ururka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay si iskaashigaasi loo sii xoojiyo in ay dalka soo gaari doonaan wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta, kaas oo maanta yimid Muqdisho.

Xamze Cabdi Barre oo qaabilay wafdigan sare ayaa kala hadlay ujeedkooda oo la xiriira hirgalinta mashruuc weyn oo lagu taageerayo Manhajka waxbarashada dalka iyo horumarinta Afka Carabiga.

Ra’iisul wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey ururka Jamacadda Carabta, taageeradooda ku aaddan dhinacyada diblumaasiyadda, waxbarashada, dowlad-dhiska iyo doorka ay ka qaateen dayn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.

Dhankooda xubnaha ka socday ururka Jaamacadda Carabta oo uu hoggaaminayo agaasimaha waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta, Mudane Zayd Al-sabbaan, ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda Soomaaliya iyo horumarka ay gaartay..

Waxaa kale oo uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista iskaashiga iyo horumarka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo wada-shaqeynta.

Imaashaha wafdiga ayaa kusoo aadayo iyada oo dhowaan Ururka Jaamacadda Carabta uu tirtiray 75% daynta lagu lahaa Soomaaliya, taas oo uu safiirka Soomaaliya ee Masar iyo wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ku tilmaamay “guul taariikhi ah.”

Inkasta oo aan si cad loo shaacin cadadka guud ee Soomaaliya ku lahayd Jaamacadda Carabta, haddana Awaare ayaa xusay in cafiskaasi uu ka dhashay “dadaallo diblomaasiyadeed oo joogto ah” oo ay safaaradda Soomaaliya ee Qaahira wadaysay, taasoo waafaqsan tilmaamaha hoggaanka qaranka Soomaaliya.

Tan iyo 1991-kii, markii dowladdii dhexe ay dhacday, Soomaaliya ma aysan awoodin inay bixiso waajibaadkeeda xubinnimo ee Jaamacadda Carabta, taasoo deynta sii kordhisay sannadba sannadka ka dambeeya.

Fiqi oo ka jawaabay dhawaaqa mucaaradka: Cid idiin soo baxeysa ma jirto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa si adag uga jawaabay dhawaaqa caawa kasoo yeeray mucaaradka, kaasi oo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ugu adkeysteen qabashada banaanbaxa berri.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqday qabsoomida banaanbaxa looga soo horjeedo dowladda Xasan Sheekh, xilli ay socoto waanwaantii la doonayay in lagu baajiyo banaanbaxaasi, si aysan uga sii darin xiisadda taagan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ku goodiyay haddii dowladdu isku daydo is-hortaaga banaanbaxaasi ay lumin doonto xaqeeda u hogaansanaanta. “Haddii xukuumaddu is hor istaagto xaqaas Dastuuriga ah, waxaa meesha ka baxaya xaqa fulinta ee Dastuuriga ah ee loogu hogaansanaa.”

Fiqi oo u jawaabay mucaaradka ayaa sheegay in aysan jirin cid usoo baxeysa mucaaradka, oo diidan qabashada doorasho qof iyo cod. “Cid kuu soo baxaysa ma jirto,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Waxa uu intaas kusii daray “Xuquuqda dadka Gobolka Banaadir waxaa ugu horaysa in ay codeeyaan oo madaxdooda doortaan taas ayaadna diidan tihiin adiga iyo kuwa saldhigga Warta Nabadda weeraray.”

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka gobolka Banaadir ay ka gudbeen markii siyaasi dano gurracan wataa uu ku adeegan jiray, taas oo uu xusay inay marqaati u noqonayso maalinta Sabtida ah.

“Haddii Xildhibaan Shariif iyo kooxdiisu ay wax ka mudaharaadayaan maxay uga mudaharaaadi waayeen sharabka dadka uu matalo ay ka mid yihiin ee kooxaha Khawaarijtu ay soo barakiciyeen,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Arrimahan ayaa imanaya xilli saacadihii u dambeeyay ay socdeen dadaallo waanwaan ah oo lagu dejinayo xiisadda, iyadoo guddi xildhibaanno ah oo kasoo jeeda beesha Hawiye ay la kulmeen hoggaanka mucaaradka.

Sidoo kale, waxaa fiidkii caawa guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed tegay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo ganacsadaha caanka ah ee Ibraahim Kaah iyo ganacsade Mursal Kadiye, kuwaas oo ku biiray dadaalada lagu qaboojinayo xiisada ka dhalatay bannaanbaxa ay ku baaqeen mucaaradka.

Dadaalada socda oo dhammaantood gundhig u ah baajinta bannaanbaxa, ayaa sida muuqata natiijo fiican laga gaarin, maadaama xubnaha mucaaradka ay ku adkeysteen qabashada banaanbaxa berri.

Daawo: Sheekh masjid ku yaalla Muqdisho ‘ka nacladay’ mucaaradka dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Dheere oo ka mid ah culimada magaalada Muqdisho ayaa khudbadii Jimcaha kadib ka hadlay banaanbaxa uu ku dhawaaqay mucaaradka, kaas oo berri ka dhigayaan magaalada Muqdisho.

Sheekh Cali ayaa sheegay in Diinta aysan ogoleyn in shacabka laga qalqal geliyo amniga ay haystaan, isla markaana la horkaco banaanbax dhibaato u geysanaya shacabka.

“Ka gamban meyno, diinta Islaamku ma ogola mudaharaad dhibaato wata, dadka waxaan leeyahay guryihiina jooga,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo kamid ah culimada da’da ah ee magaalada Muqdisho

Waxa uu intaas kusii daray “Kii mudaharaad sameeya waa nacladayna shaqsi ha ahaado ama shaqsiyaad, ma ogola diinta Islaamka mudaharaad iyo in la iska hor imaado oo nabad-galyada dadka la dardaro oo masaakiinta miisaska laga jajabiyo, guryaha la tuuryeeyo, oo dadka sharafta leh lagu xadgudbo diinta Islaamka ma ogola.”

Sheekhan ayaa bulshada ugu baaqay in aysan qeyb ka noqon abaabulka banaanbaxa ay wadaan siyaasiyiinta mucaaradka, kaasi oo la qorsheynayo in maalinta berri ah uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

“Arrintaas waa arrin khalad ah waaye, waa arrin aan suuroobeyn, nabadgelyada yaan wax loo dhimin. Cidii dacwo qabto ama la xun tahay dowladda waa dacweyn karyaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Cali Dheere.

Hadalkan ayaa imanaya xilli mucaaradka uu magaalada Muqdisho ka wado abaabulka banaanbaxa berri, iyadoo saaka ciidamo badan oo dowladda ka tirsan lagu arkayay wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda, gaar ahaan goobaha ay gaadiidku iskaga gudbaan, si looga hortago isu-soo-baxa.

Dowladda Federaalka, maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha ammaanka ayaa si wadajir ah u diiday qabsoomidda banaanbaxaasi, iyago ka digay cawaaqibka ka dhalan karta isku day kasta oo sharci darro lagu fuliyo.

Banaanbaxan ayuu mucaaradka sheegay in looga soo horjeedo dowladda Xasan Sheekh, laguna muujinayo diidmada dhul boobka iyo barakicinta shacabka ee dhulka danta guud, taas oo magaalada Muqdisho ka abuurtay xiisad xooggan.

Hoos ka daawo muuqaalka

Sheekh Shariif oo shaaciyay in la xiray nabadoonnada beeshiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in dowladda ay xirtay nabadoonnadii u badnaa ee beeshiisa.

Shariif ayaa dalbaday in deg-deg loo sii daayo, isagoo si cad u sheegay in banaanbaxa berri uu dhacayo, ayna xaq u leeyihiin in shacabka muujiyaan dareenkooda, isla markaana aysan ka laabanayn.

Nabadooonnadan ayaa lagu xiray saldhiga degmada Kaaraan, kadib markii ciidamada booliska ay kasoo xireen hoteelka Lafweyn ee degmada Kaaraan, halkaasi oo ay shir ku lahaayeen odayaashan.

“Waxaa la xiray nabadoono, weliba aniga nabadoonadeydii khaaska ahaa. Waxaa la socotiin in ciidamo lagu soo wareejiyo meesha uu mucaaradka ku badan yihiin. Ciidamadan sow ma fiicnayn in aagaga dagaalka aadan,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu intaas kusii daray “Ilaalada aan wadano waa kuwii aan shalay wadanay waaye oo Madaxtooyada ku tegi jirnay, oo isbitaalka ku tegi jirnay, saldhiga in aan ku tagno maxaa diidaya. Saldhiga sidiisaba waa goob cadaaladeed, booliska wuxuu la shaqeeya maxkamadaha iyo cadaalada, oo mucaaradka tagaya oo muxaafidka tagaya.”

Xalay ayay aheyd markii la xiray Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, ganacsatada Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale, isla markaana saacado kadib lasii daayay.

Mas’uuliyiintan, oo ka soo jeeda beesha Waceysle ayaa lagu qabtay agagaarka Hotel Global ee waqooyiga Muqdisho, halkaas oo uu deggenaa Cali Xaaji Iimaan, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sii deyntooda ayaa timid kadib markii ay soo dhex galeen xubno mucaarad ah oo ay hoggaaminayeen Xildhibaan Ugaas Dhagey Geelle, Senator Dhagdheer, Xildhibaan Yaasiin Farey iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, kuwaas oo lagu sheegay inay kaalin muuqata ku yeesheen damiinta lagu sii daayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sii daynta uu soo amray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan shirka Qaramada Midoobe ee New York.

Cumar Cali Rooble, Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale ayaa horey uga mid ahaa siyaasiyiinta iyo ganacsatada si adag uga hadlay muranka dhulka Siinaay iyo sida ay dowladdu u maareyneyso. Arbacadii waxay qeyb ka ahaayeen xubnihii mucaaradka ahaa ee rasaasta lagu kala eryay xilli ay ku sugnaayeen Saldhigga degmada Warta Nabadda.

Xarigga iyo sii deyntan deg-degga ah ayaa sii hurinaysa xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho, xilli mucaaradku ay abaabulayaan bannaanbax ballaaran oo lagu wado inuu qabsoomo Sabtida, kaas oo dowladdu si weyn uga soo horjeedo.

Ugaas Maxamuud Cali iyo ganacsato caan ah oo tegay guriga Shariif

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo ganacsato caan ah ayaa goordhow tagay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo galabta uu ka dhacay kulan u dhaxeeyay guddi xildhibaanno ah oo kasoo jeeda beesha Hawiye iyo hoggaanka mucaaradka.

Xubnahan uu horkacayay Ugaaska ayaa waxaa kamid ah ganacsadaha caanka ah Ibraahim Kaah iyo ganacsade Mursal Kadiye, kuwaas oo si rasmi ah ugu biiray dadaalada lagu qaboojinayo xiisada ka dhalatay bannaanbaxa ay ku baaqeen mucaaradka.

Kulankii u dhaxeeyay guddigii xildhibaannada beesha Hawiye ee ku baxay waan-waanta xiisadda dowladda iyo mucaaradka ayaa soo dhammaaday, waxaana loo balamay kulan kale oo caawa fiidki ka dhici doona isla guriga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

Dadaalada socda ayay waxay dhammaan gundhig u yihiin baajinta bannaanbaxa, inkastoo khilaafka markii hore uu ka billowday arrimaha dhulka iyo doorashooyinka.

Tan ayaa u baahnaan doonta heshiis siyaasadeed iyo sida madaxweynuhu u aqbalo kiiska doorashada inuu miiska soo saaro.

Si kastaba, dadka Muqdisho ayaa isha ku haya kulamada iyo dadaalada socda natiijada ka soo baxda, maadaama maalinta berri oo Sabti ah ay mucaaradka doonayaan inay qabtaan bannaanbaxa.

Sidoo kale, dowladda ayaa qorsheyneysa inay ka hortagto banaanbaxan, waxaana gaadiidka qafilan ay geysay baraha koontaroolada laga galo garoonka diyaaradaha oo ah xeyndaabka madaxda mucaaradka degan yihiin.

Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo shalay si cad u sheegay in xubnaha muwaadiniinta aysan qaban karin mudaharaad, sidoo kalena aysan xukumin goobaha ay sheegeen in la’isugu tago.

“Mudaaharaad ay ku baaqi karaan ma jiro, Tarabuun adi ma xukuntid, mana u xilsaarnid Siinaay ma xukuntid meel aad u calaameyn kartana ma jirto” ayuu yiri Muungaab.

Guddoomiyaha ayaa amar siiyay laamaha amniga oo uu faray in tallaabo adag ay ka qaadaan, cid kasta oo ku xadgudubta nabadda iyo xasiloonida ka jirta magaalada Muqdisho.

Farmaajo oo hadda guranaya miraha go’aankii uu ku diiday isbaheysiga mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu ka maqan yahay Muqdisho, haddana go’aankii uu kaga fogaaday mucaaradka qalalaasaha wada ee dalka ayaa hadda u muuqda mid aad u xikmad badan.

Arbacadii, xilli hoggaamiyeyaasha mucaaradku ay saldhig boolis ula dhaqaaqeen maleeshiyaad hubeysan — taasoo dhalisay iska hor imaadyo dhimasho keenay iyo caro shacab — ayuu Farmaajo kaga jawaabay si deggan oo ka fiirsi badan, isaga oo qoraal soo saaray.

Qoraalka ayaa lagu cambaareeyay jirdilka arxan-darrada ah ee loo geystay Sheekh Axmed Siicow, oo ah oday da’ ah oo deggen xaafadda Siinaay, kaasoo muuqaal laga duubay isagoo ay dhibaateynayaan ciidamada ammaanka uu si weyn ugu faafay baraha bulshada. Farmaajo wuxuu falkaas ku tilmaamay “nabar madow iyo gabood-fal culus” oo gilgilay kalsoonidii shacabku ku qabeen hay’adaha dalka.

Wuxuu ku tilmaamay muuqaallada odayga iyo haweeneyda la garaacayay “bahdilaad aan loo dulqaadan karin oo soo gaartay qarankeena”, isagoo dalbaday in sharciga la horkeeno cid walba oo falkaas ku lug lahayd. Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay u istaagaan dhibanayaasha guryaha laga saarayo, wuxuuna uga digay laamaha amniga ku takrifalka awoodda.

“Xuquuqda iyo sharafta muwaadiniinta waa aasaaska dowladnimada Soomaaliyeed,” ayuu Farmaajo ku yiri qoraalkiisa, isagoo intaas ku daray in xadgudubyada soo noqnoqda ay cawaaqib xumo waarta ku keeni doonaan xasilloonida dalka.

Erayadaas sida taxaddarka leh loo doortay waxay si weyn uga soo horjeedeen tallaabadii ay mucaaradku qaadeen isla maalintaas. Halkii ay ka sugi lahaayeen in hay’adaha garsoorku ay gacanta ku dhigaan kiiska askartii la xiray, hoggaamiyeyaasha mucaaradku waxay maleeshiyaadkoodii geeyeen saldhigga booliska ee Warta Nabadda, taasoo sababtay israsaasayn dhex marta iyaga iyo ciidanka dowladda.

Waxay ahayd fursad lagu iftiimin lahaa xadgudubka booliska, balse waxay si degdeg ah isugu rogtay fadeexad weyn oo sumcaddooda dhaawacday.

Farmaajo, oo ka fogaaday loollanka siyaasadeed, wuxuu u muuqday mid deggan oo leh haybad dowladnimo. Si ka duwan xafiiltamayaashiisa oo cinwaannada wararka ku raadiya iska hor imaadyo, wuxuu doortay inuu aragtidiisa ka dhiibto isagoo dalka dibedda ka jooga — aragti miisaaman, oo dhaliilaysa marka ay lagama maarmaan noqoto, balse naadir ku ah inay xiisad abuurto.

Hab-dhaqan ku dhisan is-xakameyn

Is-xakameynta madaxweynihii hore ma ahan arrin cusub. Kaddib markii uu xafiiska ka degay, wuxuu ka fogaaday inuu dhibaatooyinka amni ee dalka ka dhaca u adeegsado faa’iido siyaasadeed. Markii ay Al-Shabaab weerarro fuliyaan, Farmaajo kuma jeesjeesin dowladda talada haysa, kumana baaqin fowdo iyo qalalaase. Taas beddelkeeda, wuxuu boorrin jiray midnimo iyo in la garab istaago ciidamada qalabka sida, xitaa xilliyada ay xafiiltamayaashiisu dhaleeceynayeen.

Taa beddelkeeda, mucaaradka Muqdisho waxay guusha argagixisada iyo jabka ciidamada qaranka marka ay dhacdo u adeegsadaan in ay fursad siyaasadeed ahaan uga faa’iideystaan, oo ay dhaliilaan ciidanka iyo dowladda ayagoo niyadjab abuuraya.

“Xilli ay siyaasiyiinta kale ku khamaarayaan maleeshiyaad, Farmaajo wuxuu mar walba xoogga saarayay kala-dambeynta iyo xasilloonida. Farriintaasina waxay leedahay saameyn, gaar ahaan marka ay fowdadu qabsato wararka ugu waaweyn,” ayuu yiri Maxamed Cabdi, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo Muqdisho jooga.

Markii uu diiday inuu ku biiro isbahaysiga mucaaradka, Farmaajo wuxuu iska fogeeyay silsilad khaladaad ah oo tan iyo xilligaas meel kaga dhacay sumcadda isbahaysiga. Go’aankiisa ah inuu dibedda sii joogo kuna tiirsanaado oo kaliya qoraallada uu soo saaro ayaa ka ilaaliyay gefafkii siyaasadeed ee hadda halakeeyay xafiiltamayaashiisa.

Hadalkiisii ugu dambeeyay wuxuu isku dheelli-tirayay: u damqashada dhibanayaasha, baaq ku wajahan la-xisaabtan, iyo digniin loo diray ciidamada ammaanka — iyadoo aan la hurinayn xiisad siyaasadeed. Hab-dhaqankan ayaa ka dhigay inuu u muuqdo qof miisaaman, oo leh astaamo madaxweyne, xilli ay kuwa kale u eg yihiin kuwo fowdo doon ah.

Marka la eego siyaasadda qalafsan ee Soomaaliya, ka fogaanshaha uu la yimid waxa ay u noqon kartaa hanti siyaasadeed oo qaali ah. Xilli ay sii kordhayso niyad-jabka laga qabo dowladda iyo mucaaradka, Farmaajo wuxuu abuuray kaalin ah inuu yahay ninka ka sarreeya khilaafaadka hoose.

Sida uu hadalka u dhigay fallanqeeye jooga Muqdisho: “Wuxuu u muuqdaa hoggaamiyaha kaliya ee aan ku lug yeelan tallaabooyinka halista ah ee aan laga fiirsan. Taasina, xilligan la joogo, waxay ka dhigaysaa mid si gaar ah u soo ifbaxaya.” 

Xog: Shir xasaasi ah oo u socda hoggaanka mucaaradka iyo guddi dhex-dhexaadin ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka Madasha Samatabixinta iyo guddi xildhibaanno ah oo kasoo jeeda beesha Hawiye ayaa wuxuu hataan shir xasaasi ah uga socda magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo daba socda waanwaan uu guddigan saacadihii u dambeeyay ka dhex waday dowladda iyo xubnaha mucaaradka ayaa waxaa looga hadlayaa qaboojinta xiisadda taagan, iyo sidii looga baaqsan lahaa bannaanbaxa berri ay ku baaqeen mucaaradka.

Xiisad u dhaxeysa siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda federaalka ayaa xoogeystay kadib markii Arbacadii ay iska horimaad ku dhexmaray Saldhigga Warta Nabadda, halkaasoo mucaaradka ay tageen iyagoo la socdaan ciidan hubeysan.

Banaanbaxan ayaa la qorsheeyay inay ka dhacaan degmada Dayniile, Tarabuunka iyo Siinaay oo kamid ah meelaha ay ka taagan yihiin xiisadaha ka dhashay dhulalka danta guud ee laga raray shacabka.

“Waxaan rabnaa in umadda Soomaaliyeed u sheegno anaga dagaal ma rabno, xabado ma sidano, cid aan dhib ku nahay ma lahan, waxaase garab taaganahay dadka la dulminayo ee Soomaalida ee aragtaan,” ayuu yiri madxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif.

Waxa uu intaas kusii daray “Madashu waxay rabtaa inay ku baaqdo Soomaali meel ay joogto mudaharaad nabadeed, oo lagu diidan yahay falalka waxshinimida ah iyo dhul boobka ka socda magaalada Muqdisho.”

Dhinaca kale Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ka horyimid go’ankan ayaa isna shaaca ka qaaday in xubnaha hadlay aysan qaban karin mudaharaad, sidoo kalena aysan xukumin goobaha ay sheegeen in la’isugu tago.

“Mudaaharaad ay ku baaqi karaan ma jiro, Tarabuun adi ma xukuntid, mana u xilsaarnid Siinaay ma xukuntid meel aad u calaameyn kartana ma jirto” ayuu yiri Muungaab.

Sidoo kale wuxuu amar siiyay laamaha amniga oo uu faray in tallaabo adag ay ka qaadaan, cid kasta oo ku xadgudubta nabadda iyo xasiloonida ka jirta magaalada Muqdisho.

Si kastaba, kulamada haatan socda ayaa si dhow isha loogu hayaa, iyadoo laga dhursugayo natiijada ka soo baxda, maadaama maalinta berri oo Sabti ah ay mucaaradka doonayaan inay qabtaan bannaanbax ballaaran.