28 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Mareykanka oo duqeymo culus ka fuliyay Soomaaliya

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa faahfaahisay hawlgal duqeymo ah oo ay todobaadkan ka fulisay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, gaar ahaan togga Baallade oo ka tirsan degmada Boosaaso.

Bayaan kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee (AFRICOM) ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in la soo gaba-gabeeyay hawl-gal muddo laba toddobaad socday, kuwaas oo ahaa weerarro qorshaysan.

Weerarradan ayaa lagu beegsaday goobo ay ku dhuumanayeen hoggaanka Daacish ee ku sugan buuraha Golis oo dhaca gobolka Bari ee Puntland.

“Duqeymahan dilaaga ah waxay muujinayaan sida ay nooga go’an tahay xaqiijinta in muwaadiniinta Mareykanka iyo saaxiibadeennu ka badbaadaan khatarta argagixisada caalamiga ah,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika Gen. Dagvin Anderson.

Gen. Anderson oo ka warbixiyay hawl-galkaasi, ayaa tilmaamay in ay muhiim u tahay badbaadinta shacabka iyo amniga gobolka.

Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu hambalyeeyay ciidamada Mareykanka iyo saaxiibadooda Soomaalida ah, gaar ahaan ciidanka Puntland.

Waxa uu ku amaanay in ay dejiyeen hal-beeg fulineed oo si wacan loo qorsheeyay oo wadajir ah, kaas oo ka dhan ah kooxaha doonaya in ay argagixisada u soo dhoofiyaan Mareykanka iyo shuraakadiisa.

Mareykanka ayaa fuliyay in ka badan 50 duqeyn gudaha Soomaaliya tan iyo bilowgii sanadka 2025, taasoo ah tirada ugu badan ee hawl-gallo noocan oo kale ah ee Soomaaliya laga fuliyo sanad gudihiis, sida uu qoray wargeyska Stars and Stripes,

DF iyo mucaaradka oo soo afjaray awoodii doorashada ee madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qaar kamid ah mucaaradka ayaa maanta ku heshiiyey in labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka JFS ay shacabku soo doortaan oo qof iyo cod ay ku yimaadaan, kuwaas oo doora doona Madaxweynaha, taas oo ka dhigan in Teendhadii loo laabanayo oo Madaxweynaha lagu soo dooranayo.

Sidoo kale, shacabku waxay soo doora doonaan golayaasha deegaanka, baarlamaanka dowlad-goboleedyada, sidaas oo kale madaxweynaha dowlad goboleedka waxaa doora doona xildhibaanada heer gobol ee shacabku ay soo doortaan, kuwaas oo qof iyo cod ku imaanaya.

Inkastoo tallaabo horay loo qaaday, hadana waxaa madaxweynayaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada doora doona baarlamaanada heer federaal iyo heer dowlad goboleed, sida lagu heshiityey maanta, hadii aysan wax kale iska beddelin.

“Waxaa la isku raacay in si wadajir ah (muxaafad iyo mucaarad) looga wada qayb qaato geedi-socodka doorashada tooska ah (qof iyo cod),” ayaa lagu yiri qeyn ka mid ah war-saxaafadeedkii xukuumadda iyo mucaaradka.

Waxyaabihii lagu muransanaa Xasan Sheekh waxna waa ka tanaasulay, qaarna waxaa loola qaatay sidii uu qorsheeyey, balse arrinta ugu daran ee dad badan ka niyad-jabeen waa in madaxweynaha aysan shacabku doora doonin.

Tani waxay ka dhigan tahay in siyaasiyiintu ay iska wareejiyeen caqabad ay ka mideysnaayeen oo ka heysatay awooda madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo fursad dambe aan u heli doonin inay soo xulaan xildhibaanada, si lamid ah doorashadii hore oo siyaasiyiin badan lagu gumeystay.

Ra’iisul wasaare hore, Cumar Cabdirashiid, oo heshiiskii maanta sharaxay ayaa yiri, “70% wixii ku jiray cutubkii afaraad waa isla qaadanay, Madaxweynuhu inuu noqdo Madxweyne Baarlamaanku soo doorto, Ra’iisul Wasaaraha inuu Madaxweynuhu magacaabo, awoodda kalsooni siinta iyo ka qaadista in Baarlamaanku leeyahay, arrintii xisbiyada ee saddexda xisbi la xiray in laga dhigo xisbiyo ku saleysan nidaamka “Threshold” illaa 10% la gaarsiiyo, si aysan u baahin.”

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan ku heshiinay in dib loo soo celiyo nidaamkii  Baarlamaaniga ahaa ee dhaqan siyaasadeedka ahaa, salkana ku hayay heshiiskii Carta, kaas oo qeexaya awood qeybsiga iyo hannaanka lagula xisaabtami karo dowladnimada.”

Waxaa la isku raacay in ururkii hela ugu yaraan 10% xubnaha baarlamaanka fadaraalka uu noqonayo xisbi qaran, “Hannaanka doorashada dalka waxaa lagu salaynayaa Xeerka doorashooyinka 2024,” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah war-murtiyeedka.

Sidoo kale waxaa la go’aamiyey in doorashada dowlad goboleddyada deg deg loo aado, taasi oo ka bilaabaneysa Laascaanood oo 30-ka bishaan oo ku beegan Sabtiga soo socda lagu doora doono Madaxweynaha dowlad goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya.

Dowlad goboleedyada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku soo xiga, kuwaas oo saaxiib dhow la ah dowladda federaalka, bilaha soo socda waxaa la qabanayaa doorashadooda, halka gobolka Gedo la qorsheynayo in laga dhiso maamul cusub oo Jubbaland lagu jebinayo, maadaama Axmed Madoobe Kismaayo looga adkaan waayey.

Xasan Sheekh oo aqbalay in la isla aado teendhada – Muxuu ku bedeshay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta heshiis la gaaray xubno kamid ah mucaaradka oo ka baxay Madasha Samatabixinta ayaa aqbalay in doorashada madaxtinimada la isla aado teendhada Afisyoone.

Tan ayaa ka dhigan in doorashada soo socota ee Madaxtinimada Soomaaliya ay ka dhici doonto teendhadii lagu soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay Madaxweynaha soo dooran doonaan 329 Xildhibaan labada Aqal ee baarlaamanka Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo muddooyinkii dambe diidanaa in dib loogu laabto teendhada ayaa ugu dambeyn maanta aqbalay, kadib diidmo adag uga timid mucaaradka iyo cadaadiska beesha caalamka ee in aan la qaban karin doorasho dadweyne oo heer Madaxweyne ah.

Sida ka muuqata war-murtiyeedka ay sida wadajirka ah u soo saareen xukuumadda iyo xubnaha mucaaradka ah ee ka baxay Madasha Samatabixinta, Madaxweyne Xasan ayaa qodobkan ku bedeshay kuwa kale oo haatan u arko kuwo dan ugu jirto.

Madaxweynaha ayaa qodobada qaar ee doorashada qof iyo cod ku adkeystay, sida in golayaasha deegaanka, baarlamaanka iyo labada aqal ay noqdaan kuwa loogu tartamo doorasho dadweyne.

Xildhibaannada ayaa ku imanaya doorasho qof iyo cod, iyadoo xubnaha baarlamaanka lagu soo saaran doono ururro, taas oo ka dhigaysa “ururrada xubno badan soo saarta in ay noqon doonaan xisbiyo qaran.”

Heshiiskan cusub ayaa dhigaya in doorashooyinka dalka lagu saleeyo xeerka doorashooyinka 2024 iyadoo la tixgelinayo qodobada cusub ee soo kordhay, isla markaana si dhakhso ah loo qabto doorashooyinka heer deegaan, heer dowlad-goboleed iyo heer federaal.

Baarlamaanka Federaalka iyo golayaasha dowlad-goboleedyadu ayaa dooranaya Madaxweynaha Soomaaliya, halka golayaasha wakiiladuna ay dooran doonaan hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada.

Si kastaba, Xasan Sheekh oo heshiiska kadib la hadlay bulshada Soomaaliyeed iyo xubnaha kale ee mucaaradka ayaa sheegay in dowladdiisa ay marwalba diyaar u tahay in miiska wada-hadalka xal looga gaaro kala aragti duwanaashah siyaasadeed, isagoo si cad u sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in Soomaaliya lagu hayo halka ay taagan tahay, ayna tahay inay hore uga socoto si ay ula jaanqaado caalamka.

Turkiga oo dhawaan dayax gacmeedkii u horeeyay ee Afrika ka diraya Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ku hawlan mashruucii u ballaarnaa ee gudaha Soomaaliya, kaasi oo ah dhismaha saldhig dayax gacmeedka laga diro.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa ku dhawaaqay in dhawaan ay Soomaaliya ka diri doonaan dayax-gacmeed, taas oo qayb ka ah iskaashiga sii xoogeysanaya ee labada dal ka dhexeeya.

Alper ayaa sheegay in dhismaha saldhigga laga maamuli doono dayax-gacmeedka uu socdo, isla markaana mashruucani uu barbar socdo hawlaha kale ee Turkidu ka wado Soomaaliya, sida kuwa amniga, ganacsiga iyo gargaarka bani’aadantinimo.

Safiirka ayaa carabka ku dhuftay inay jiraan dad ku hawlan faafinta dacaayado ka dhan ah xiriirka Ankara iyo Muqdisho, balse xaqiiqadu ay tahay in Turkiga uu yahay saaxiibka ugu weyn ee garab istaaga Soomaaliya.

Sidoo kale, safiirka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka hor dhammaadka sanadkan heli doonto doomaha xawaaraha sare ku socda ee loogu tala-galay ciidamada ilaalinta xeebaha, si wax looga qabto kaluumaysiga sharci darrada ah.

Dhinaca kale, Safiirka ayaa xusay kaalinta Turkiga ee dhismaha dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga. Alper ayaa tilmaamay kaalintooda dagaalka Al-Shabaab iyo dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Muhiimadda istaraatiijiyadeed ee mashruucan

Saldhigga dayax-gacmeedka ka sokow waxaa soo baxeysa in yoolalka istiraatiijiyadeed ee Turkiga ay sidoo kale ku wajahanyihiin horumarinta awoodda difaaca. Ankara waxay muujisay inay dooneyso saldhig madax-bannaan oo dayax-gacmeedyo laga tuuro oo ku dhow dhul-baraha.

Iyadoo Soomaaliya ay leedahay “muuqaal si toos ah ugu furan Badweynta Hindiya,” warbixintu waxay tilmaamaysaa in dalka uu yahay “goob istiraatiiji ah” oo ku habboon saldhig noocaas ah. Qorshahan ayaa la mid ah kan Talyaaniga oo raba inuu dib u furo saldhiggiisii hore ee Kenya, iyo xiisaha Sacuudigu ka qabo saldhigga Duqm ee dalka Cumaan.

Sidoo kale, Turkigu “kuma koobna oo keliya dhismaha saldhigga dayax-gacmeedka.” Ankara waxay sidoo kale raadineysaa “goob ku habboon oo ay ka dhigato xarun lagu tijaabiyo gantaallo waaweyn oo masaafado fog fog u duula.”

Dhismaha juqraafiyeed ee Turkiga ayaa ka dhigaya tijaabooyinkaasi kuwo adag in la sameeyo, waxaana si fudud ula socon kara quwado kale, maadaama gantaalladu ay u duuli karaan dhanka Badda Midhiterranean ama Badda Madow.

Dhanka kale, dhulka baaxadda leh ee Soomaaliya oo dad yari ku nool yihiin ayaa bixinaya jawi aad u habboon oo lagu sameeyo tijaabooyin noocaas ah, iyada oo laga fogaado meelaha si weyn loo deggan yahay, isla markaana laga yaabo inay yaraato indho-indheynta caalamiga ah marka la joogo marxaladaha ugu muhiimsan ee tijaabada.

Somaliland oo WAR cusub kasoo saartay aqoonsiga ay ka rabto Mareykanka

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Aadan Bakaal ayaa mar kale ka hadlay arrimo ku aadan aqoonsiga Somaliland ee Mareykanka, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in dhowaan uu hirgeli doono.

Bakaal ayaa shaaca ka qaada in ay u badan tahay in Maraykanku dhawaaqo aqoonsiga Somaliland, isla markaana uu arko iftiinka ictiraafka, sida uu hadalka u dhigay.

“Socod dheer ayaynu soo galnay, laakiin hadda iftiinkii ictiraafka ayaa inoo muuqda, inyar ayaynu u jirnaa. Waqti yar ayuu qaadanayaa, waan ogahay. Dareenkayguna wuxuu ii sheegayaa oo aan aaminsanahay in uu muddo dhow imanayo,” ayuu yiri Wasiir Bakaal.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay socdaan dadaalladii ugu dambeeyay ee ku aadan aqoonsiga, isla markaana ay awoodda saareen in ay qanciyaan xubnaha u arkaan inay dhaqaajin karaan arrintooda, sida xildhibaannada golayaasha oo ay muhiim u arkaan.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Hargeysa iyo Washington ay ka dhexeeyaan dano waawayn, isla markaana ay haatan isla garteen in la mideeyo danaha labada dhinac.

“Danta uu Maraykanku Somaliland ka leeyahay waa mid aan indhaha laga qarsan karin, sidoo kale danta Somaliland Maraykanka ka leedahay waa mid aan indhaha laga qarsan karin. Marka waxaannu fahannay in aanu danahayaga mideyno,” ayuu raaciyay Wasiirku.

Hadalka ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka uu ka digay in aqoonsiga gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland uu jabindoono xeerarka caalamiga ah, isla markaana uu wiiqayo iskaashiga la-dagaallanka argagixisada, xilli koox yar balse cod kar ah oo ka tirsan sharci-dejiyeyaasha Mareykanka ay Aqalka Cad ku cadaadinayaan inuu beddelo siyaasaddiisa.

“Soomaaliya waa dal madax bannaan… xuduudaheedana waa kuwo caalamku aqoonsan yahay, sharciga caalamiga ahna uu dhowrayo,” ayuu Danjire Daahir Xasan Cabdi ku yiri qoraal uu daabacay.

“Hindisayaasha lagu doonayo in lagu kala qaybiyo Soomaaliya waxay halis gelinayaan inay xasilooni darro ka abuuraan, ma aha Soomaaliya oo kaliya, balse qaaradda oo dhan.” Wuxuu ku dooday in tabashooyinka ka jira waqooyiga ay yihiin kuwo siyaasadeed, “laguna xallin karo qaab-dhismeed Soomaali mideysan.”

Somalia president, opposition reach landmark electoral deal

MOGADISHU, Somalia – Somalia’s federal government and a major opposition faction have reached a landmark agreement on a new electoral framework, breaking a prolonged political deadlock and setting the stage for long-delayed popular elections.

The deal, unveiled in Mogadishu through a joint statement, reaffirms a parliamentary system in which lawmakers will elect the president. It also lays out a roadmap toward long-promised “one person, one vote” elections for parliament and local councils — a goal Somalia has been chasing since it last held a popular vote in 1969.

President Hassan Sheikh Mohamud and representatives of an opposition group that recently split from the larger National Salvation Forum finalized the pact after intensive negotiations.

“We have agreed that Parliament will elect the President of the Federal Republic of Somalia,” the joint declaration read. At the state level, “the leaders and deputy leaders of federal member states will be chosen by their respective houses of representatives.”

The agreement also states that the president retains the authority to appoint the prime minister. However, the appointment must win parliamentary approval, and lawmakers will hold the power to withdraw confidence if needed.

A path toward ‘one person, one vote’

A cornerstone of the deal is the pledge to move away from the clan-based, indirect electoral model that has shaped Somali politics for more than two decades.

The roadmap envisions direct, universal suffrage for local councils, state assemblies, and both houses of the federal parliament.

To encourage a stronger political party system, the agreement introduces a new threshold: any political association that secures at least 10% of seats in parliament will gain national party recognition.

“We agreed on 70% of what was in the fourth chapter,” said Omar Abdirashid Ali Sharmarke, a former prime minister and prominent opposition negotiator. “The issue of political parties, previously capped at three, will shift to a threshold system to avoid fragmentation.”

The accord could prove to be a breakthrough in Somalia’s tense political climate. The National Salvation Forum — a coalition that includes former presidents and influential opposition leaders — was created to resist President Mohamud’s approach to constitutional reforms and elections.

By choosing to engage and strike a deal with the government, a faction of this group may have reshaped the broader political landscape.

President Mohamud welcomed the agreement as a step toward unity.

“I commend the part of the Salvation Forum that today joined us in correcting and straightening the path of state-building,” he said. “The doors of the Federal Government of Somalia remain open for negotiation and the unity of our nation-building efforts.”

He added, “We cannot cling to a system unfamiliar to the world. Somalia must take steps that bring its statehood in line with global norms.”

Overcoming a legacy of indirect polls

Since the collapse of the central government in 1991, Somalia has struggled to restore a stable political order. The 2000 Arta Conference in Djibouti introduced a transitional government and a parliamentary system, a framework upon which this new agreement builds.

But elections since then have relied on indirect methods, with clan elders and delegates selecting lawmakers — a process often criticized for corruption and for keeping the government distant from ordinary citizens.

Achieving a genuine “one person, one vote” system has been a repeated promise by successive administrations, and a key demand from international partners, but progress has consistently stalled.

Alongside the electoral reforms, the agreement also commits both sides to strengthening unity and national security. This includes accelerating joint efforts to liberate areas still under Al-Shabaab control, with the group referred to by the government as “Khawarij.”

The parties further pledged to finalize Somalia’s provisional constitution, giving the state-building process a firmer legal foundation.

Kadib heshiiska, Xasan oo mucaaradka haray u cadeeyay in uusan aqbali doonin in…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay heshiiska siyaasadeed ee uu maanta la gaaray xubno kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasi oo dhawaan ka baxay Madasha Samatabixinta.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn bogaadiyay xubnaha mucaaradka ee la gaaray is-fahamka, isagoo sheegay in labada dhinac uu mid walba soo bandhigay aragtidiisa, isla markaana la qaatay halka ay ku jirto maslaxada umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan bogaadinayaa qeybta ka tirsan Madasha Samatabixinta ee maanta nala qaatay hagaajinta iyo toosinta sowlad dhiska dalka. Arrintaas waxaa loo arkay in maslaxada iyo wadajirka umadda ku jirto, mana aha mid qof gaar ah loogu daneynayay ama looga soo horjeedo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray: “Waxaana dadka Soomaaliyeed u sheegayaa in Dowladda Soomaaliya albaabadeeda wada-xaajoodka ee u midowga dowlad dhiska uu furanyihiin.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisa ay marwalba diyaar u tahay inay la fariisato xubnaha kale ee mucaaradka ee ka aragti duwan, isagoo rejo wanaag ka muujiyay in heshiis guud oo loo dhan yahay la gaaro.

“Heshiis siyaasadeed ayaa la gaaray, waxaana rajeynaynaa in ay nala aqbalaan (siyaasiyiinta maqan) ama haddii kuwa kale ay wax ka qabaan jiraan soo bandhigaan. Inta dhiman in aan sii wadno rabnaa illaa laga gaaro hadafka u dambeeya.”

Xasan Sheekh ayaa si cad u sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in Soomaaliya lagu hayo meesha ay taagan tahay, isla markaana ay tahay inay hore u socoto, taas oo ula jeedo in hanaanka doorashooyinka dalka la gaarsiiyo mid dadweyne.

“Nidaam gaar ah oo caalamka nala ogeyn ma waxayn karno. Waa in aan qaadno tallaabooyin hor leh si dowladnimada Soomaaliyeed ula mid noqoto dowladnimada caalamka ka jirta,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xasan Sheekh iyo xubnihii ka baxay Madasha oo gaaray heshiis doorasho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta, oo ku bahoobay siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa maanta heshiis ku gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo isku waafaqay hanaanka doorashada.

Bayaan ka soo baxay kulan gaar ah oo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnahan mucaaradka ayaa lagu sheegay in dhinacyadu ku heshiiyeen in Baarlamaanka uu doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Hoggaamiyayaasha iyo ku-xigeennada dowlad-goboleedyada waxaa soo dooranaya golayaasha wakiillada dowlad-goboleedyada,” ayaa lagu yiri bayaanka ay si wadajir ah u soo saareen dowladda iyo xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa sidoo kale qeyb ka ah in magacaabista Ra’iisul Wasaaraha uu leeyahay Madaxweynaha, iyadoo codka kalsoonida u qaadi doono Baarlamaanka, uuna awood u yeelanayo inuu kala laabtana.

Sidoo kale waxaa la isla qaatay in ururradu ay kusoo bixi doonaan tirada xubnaha ay ka helaan Baarlamaanka, taas oo go’aamin doonta inay noqdaan xisbi iyo in kale. Golayaasha deegaanka, Baarlamaanka iyo labada Aqal ayaa noqonaya kuwo loogu tartamo doorasho qof iyo cod ah.

“70% wixii ku jiray cutubkii afaraad waa isla qaadanay. Madaxweynuhu inuu noqdo Madaxweyne Baarlamaanka soo doorto, Ra’iisul Wasaarahana inuu Madaxweynaha magacaabo, awoodda kalsooni siinta iyo ka qaadista inay Baarlamaanka leedahay,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen xukuumadda iyo xubnaha mucaaradka.

Waxa uu intaas ku daray: “Arrintii xisbiyada ee saddexda xisbi la xiray, in laga dhigo xisbiyo ku saleysan nidaamka Threshold illaa 10% la gaarsiiyo si aysan u baahin.”

Sidoo kale waxaa la isla gartay in dib loo soo celiyo nidaamkii baarlamaaniga ahaa ee salka ku hayay heshiiskii Carta, kaas oo qeexaya awood qeybsiga iyo hannaanka lagula xisaabtami karo dowladnimada.

Qodobada Heshiiska:

  1. Waxaa la isla gartay adkeynta madax-bannaanida iyo midnimada JFS.
  2. Waxaa la isku raacay in laga wada qeyb qaato xoojinta amniga dalka iyo dadaallada dib u xoreynta deegaannada ay weli ku sugan yihiin khawaarijta.
  3. Baarlamaanka Federaalka ayaa dooranaya Madaxweynaha JFS, sidoo kale golayaasha wakiillada dowlad-goboleedyada ayaa dooranaya hoggaamiyayaasha iyo hoggaamiye-ku-xigeennada dowlad-goboleedyada.
  4. Madaxweynaha ayaa leh awoodda uu ku magacaabo Ra’iisul Wasaaraha JFS, iyadoo uu ansixinayo Golaha Shacabka, kalsoonidana kala noqon karo.
  5. Waxaa la isla gartay in ururkii ka hela ugu yaraan 10% ee xubnaha Baarlamaanka Federaalka noqonayo xisbi qaran.
  6. Hannaanka doorashada dalka waxaa lagu salaynayaa Xeerka Doorashooyinka 2024, iyadoo la tixgelinayo qodobada war-murtiyeedkan ku xusan.
  7. Waxaa lagu heshiiyey in si dhakhso ah loo guda galo qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka, dowlad-goboleedyada iyo tan Dowladda Federaalka.
  8. Waxaa lagu heshiiyey in sida ugu degdegga badan loo dhameystiro cutubyada weli harsan ee Dastuurka Federaalka si loo sugo sharciyadda iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.
  9. Waxaa la isku raacay in si wadajir ah (muxaafid iyo mucaarad) looga wada qayb qaato geeddi-socodka doorashada tooska ah (qof iyo cod), oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka, golayaasha wakiillada dowlad-goboleedyada iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka JFS.

Baaq:

  1. Iyadoo laga ambaqaadayo isfahankan laga gaaray arrimihii lagu kala aragti duwanaa, waxaan ugu baaqeynaa daneeyayaasha siyaasadda in loo midoobo, lagana wada qeyb qaato dhameystirka geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.











Guddoomiye Muungaab oo maanta sameeyay magacaabis si weyn looga fal-celiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta sameeyay magacaabis si weyn loofa fal-ceiyay, kadib markii uu dib usoo magacaabay guddoomiyihii hore ee degmada Heliwaa Mudane Mire Salaad Dhuxulow, isaga oo u wareejiyay degmo kale.

Muungaab ayaa Mire u magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee degmada Daarusalaam, waxaana xilkii laga qaaday guddoomiyihii degmadaasi, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxay xafiiska duqa Muqdisho.

“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Mire Salaad Dhuxulow u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam ee Gobolka Banaadir, waxaana Xilkii Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam laga qaaday Md. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sidoo kale guddoomiye Muungaab ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Degmada Daarusalaam in uu mudnaan siiyo horumarinta Degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga.

In dib loo soo magacaabo guddoomiye Mire Salaad Dhuxulow ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, waxaana ka falceiyay dad badan oo su’aallo ka keenay magacabistiisa.

Yuusuf Calasow: “Guddoomiye degma laga qaaday ee mid kale loo dhiibayo ma horumaraa mise dib u dhac?”

“Adiga oo mar xil lagaa qaaday haddii lagu soo celiyo waxaa tahay qof waxqadkiisa la mahdiyey hampalyo guddoomiye” ayuu yiri Xuseeen Saxnuuni oo ka falceliyay magacaabista.

Cabdiqani Aadan Xasan ayaa isaguna yiri: “Come back cajiib ah ayuu sameeyay Gudoomiye Mire Salaad Dhuxulow”.

Mustaf Nuur Qayloy: “Yarkan wala soo celiyay wa fiicanyahay miyaa?”.

Isbeddelkan ayaa qayb ka ah tallaabooyin dheeraad oo uu haatan wado Muungaab oo horay xilalkii uga qaaday guddoomiyeyaal degmo, isaga oo magacaabay kuwa kale oo cusub oo durbo xilalka la wareegay, waxaana arrintan ay qayb ka tahay qorshihiisa horumarineed ee caasimada.

Guddoomiyaha gobolka ayaa dardar  u shaqeynayey tan iyo markii uu xilka la wareegay, waxaana lagu tilmaamay nin aad u garanaya shaqada loo dhiibay iyo hoggaaminta gobolka.

 

Sawirro: R/W Xamza oo dhaq-dhaqaaq culus ka wada Shiinaha oo uu u tegay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali doono Shirka 7-aad ee China-Arab States Expo.

Shirkaas ayaa lagu qabanayaa magaalada Yinchuan ee dalka Shiinaha, wuxuuna furmayaa berri.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, tiknoolojiyadda, iyo tamarta.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo horumarinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Carabta.

Si gaar ah, Xamsa Cabdi Barre, wuxuu shirkaas ku soo bandhigi doonaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, kuwaas oo u baahan maalgashi caalami ah, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideysato.

Xamsa ayaa shalay ka dhoofay duulay Muqdisho, wuxuuna shirka ka hor halkaas ka wadaa kulamo doceedyo uu la yeelanayo madashada Shiinaha.

Shiinaha iyo Soomaaliya, ayaa ah saaxiib dhow, waxaana ka dhaxeeya heshiisyo iskaashi dhaqaale u badan, Shiinaha ayaa ku sii siqaya Afrika oo uu kula tartamayo Mareykanka.

Saadaq Joon oo dib loogu doortay xildhibaan Golaha Shacabka + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursi kamid ah golaha shacabka, waxaana loo doortay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo horay uga tirsanaa golaha.

Saadaq Joon ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#248 ee baarlamaanka, kaas oo uu shalay uun iska casilay xildhibaankii ku fadhiyay ganacsade Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne), wuxuuna is casilaaddisa ku sheegay sababo isaga u gaar ah.

Afweyne ayaa muddo kooban oo 5 bil ah ka tirsanaa baarlamaanka, waxaana kursigan loo soo doortay 4-tii March ee sanadkan 2025, isaga oo markaas soo buuxiyay, maadaama uu bannaanaa kursiga HOP#248.

Saadaq Joon ayaa horay ugu fadhiyay kursiga, laakiin waxa uu waayay xubnimadiisa markii uu aqbalay xilka agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee (NISA), balse mar kale saaka ayaa loo soo doortay, si uu ugu laabto baarlamaanka.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, maadaama kursiga loo xiray Saadaq Joon, isla markaana deg-deg doorashadiisa loo qabtay, maadaama uu  shalay is casilay xildhibaankii ku fadhiyay, taas oo keentay inay si weyn uga fal-celiyaan dad badan oo Soomaaliyeed.

Cabaas Cali Maxamed oo kamid ah dadkii fal-celiyay ayaa yiri: “NIN DOORNAA BAA LA DOORTEY”.

Hon Ismaaciil A. Maxamed: “Somaaliya waxaa ka jiro ma ahan kursi iyo xil waa wax la dhaho hebal baa la siin iyo hebal haa loo sii haayo”.

Shukri Sheekh: “Soomaaliya wexeeda oo dhan waa ciyaar magacii kursiga ayey sharafta ka qaadeen”.

Ismaaciil Shekh Axmed Faqe: “Kursi mid laga tagaayo hadana loo soo noqonaayo muu noqday?”.

 

Xog: Imaaraadka Carabta oo dhaqaajiyey heshiis ay aqoonsi ku heli karto Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhex-dhexaadinaysa qorshe muran badan dhaliyey oo boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah si qasab ah looga soo rarayo marinka Gaza ee dagaalladu la degeen si dib-u-dejin loogu sameeyo jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Warbixintan, oo ay daabacday hay’adda baaritaannada ee “Dark Box,” ayaa sheegaysa in qorshahani uu ka faa’iideysanayo masiibada bini’aadannimo ee ka taagan Gaza si loogu helo aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland muddo dheer raadinaysay, iyadoo isla markaasna la horumarinayo danaha istiraatiijiyadeed ee Imaaraadka, Israel, iyo Mareykanka ee Geeska Afrika.

Warbixinta, oo soo xiganaysa dokumiintiyo gudaha ah, ayaa sheegaysa in shirkadda la-talinta ee Boston Consulting Group (BCG) ay samaysay daraasado ku saabsan xaaladaha dagaalka kaddib, kuwaasoo ay ku jirto in si joogto ah loo raro ilaa rubuc ka mid ah 2.3 milyan ee qof ee ku nool Gaza, iyadoo Somaliland lagu xusay inay ka mid tahay meelaha suurtagalka ah ee loo rari karo.

Waxay kaloo warbixintu sheegaysaa in ergooyin ka kala socda Mareykanka iyo Israel ay wada-hadallo la yeesheen hoggaanka Somaliland, iyagoo dib-u-dejinta qaxootiga Falastiiniyiinta u sawiraya inay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah heshiis ballaaran.

Beddelka aqbalaadda dadkan la barakiciyay, Hargeysa ayaa la sheegay inay heli doonto aqoonsi diblomaasiyadeed oo buuxa — hadaf ay ku taamaysay tan iyo markii ay madaxbannaanida kaga dhawaaqday Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

Somaliland waxay u shaqeysaa sidii dal ammar-waaqic ah, oo leh dowlad, lacag, iyo ciidamo ammaan oo u gaar ah, balse weli hal dalna si rasmi ah uma aqoonsan. Aqoonsi noocan oo kale ah wuxuu noqon lahaa guul-weyn oo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah.

Qorshahan ayaa hoosta ka xariiqaya miisaanka istiraatiijiyadeed ee sii kordhaya ee Somaliland. Dhulkeedu wuxuu ku yaallaa Gacanka Cadmeed, isagoo ka soo horjeeda marinka Bab el-Mandeb — oo ah marin ciriiri ah oo muhiim u ah ganacsiga badaha adduunka.

Imaaraadka Carabta ayaa maalgashi baaxad leh ku sameeyay gobolka. Shirkaddiisa waaweyn ee saadka ee ay dowladdu leedahay ee DP World ayaa maamusha islamarkaana ballaarinaysa Dekedda Berbera, iyadoo ka dhigaysa xarun weyn oo gobolka ah. Saamayntan qotoda dheer ee dhaqaale iyo siyaasadeed ayaa ka dhigaysa Imaaraadka dhex-dhexaadiye awood leh oo ku lug leh arrimaha Somaliland.

Dhanka Mareykanka, xiriir dhow oo lala yeesho Somaliland wuxuu gacan ka geysan karaa in lagaga hortago saamaynta sii fidaysa ee Shiinaha, oo ay ku jirto saldhiggiisa ciidanka badda ee ku yaal dalka deriska ah ee Djibouti. Dhanka kale, Israel waxay heli lahayd saldhig diblomaasiyadeed iyo mid amni oo suurtagal ah meel u dhow Badda Cas.

Fikradda ah in Falastiiniyiinta si joogto ah looga saaro Gaza ayaa cambaarayn kulul kala kulantay Qaramada Midoobay iyo dhowr waddan oo Carab ah, kuwaasoo ku doodaya in tallaabadani ay ka dhigan tahay isir-sifeyn ayna jabinayso sharciga caalamiga ah.

Axdiga Afraad ee Geneva (Fourth Geneva Convention) wuxuu mamnuucayaa in shakhsiyaad ama kooxo si qasab ah looga raro dhul la haysto. Saraakiisha Qaramada Midoobay waxay si isdaba joog ah u adkeeyeen xaqa ay Falastiiniyiintu u leeyihiin inay ku nagaadaan dhulkooda — iyo inay ku soo noqdaan haddii la barakiciyo.

Muuqaal ahaan, Imaaraadka Carabta wuxuu taageeray qaddiyadda Falastiin, wuxuuna ku biiray dalalka kale ee Carabta ee diiday qorshe kasta oo lagu doonayo in si joogto ah loo barakiciyo dadka reer Gaza. Si kastaba ha ahaatee, warbixinta “Dark Box” waxay ku eedeyneysaa in diblomaasiyadda daaha gadaashiisa ka socota ee Abu Dhabi ay ka hor imaanayso mowqifkeeda caamka ah, ayna dhibaatadan u adeegsanayso sidii ay dib ugu qaabayn lahayd isbahaysiyada gobolka.

Warbixintu waxay sheegtay saa in soo-jeedintani aysan ahayn dadaal bini’aadannimo, balse ay tahay “khiyaano juqraafi-siyaasadeed” oo dadka barakacay looga dhigayo “lacag” lagu gaarayo hadafyo diblomaasiyadeed iyo kuwa milateri. Dowladaha Imaaraadka Carabta, Israel, Mareykanka, iyo Somaliland ayaan weli si fagaare ah uga jawaabin eedaymahan gaarka ah.

Xogta Laba nin oo uu ku jiro Imam Masjid oo maanta Boosaaso lagu qabtay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada Puntland ayaa magaalada Boosaaso kasoo xiray laba qof oo uu ku jiro Imaam masjid, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada.

Labada nin ayaa la soo qabtay kadib howl-gal ay ciidanka amniga gobolka Bari xalay ka fuliyeen magaalada Boosaaso.

Xogaha aan helayno ayaa sheegaya in imaamka masjidku yahay nin Oromo ah oo si wanaagsan ugu hadlaya af-Carabi, taasoo dhalisay tuhun badan oo ku aaddan sababta uu halkaas ugu sugnaa.

Labada nin ee la qabtay ayaa hadda laamaha amnigu ku wadaa baaritaan, mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyay waxa si gaar ah loogu tuhunsan yahay.

Hawl-galka xalay lagu qabtay labada nin ayaa qayb ka ah dadaallada ciidamada ammaanka ee lagu sugayo xasilloonida magaalada Boosaaso iyo ka hortagga khataraha amni, xilli maamulka dagaal adag kula jiro kooxda Daacish.

Dhinaca kale, Ciidamada Ammaanka Boosaaso ayaa saaka sii amba-qaaday hawl-gallada, iyagoo gaaray duleedka magaalada, gaar ahaan deegaannada Biyo-kulule iyo Girible.

Ujeeddada hawl-galladan ayaa lagu sheegay in looga hortago in dagaal-yahannada Daacish ee ka firxanaya hawl-galka Calmiskaad ee ka socda togga Baallade ay ku soo dhuuntaan gudaha magaalada Boosaaso.

Ciidamada Puntland ayaa dagaal naf hur ah la galay kooxda Daacish, waxaana lagu guuleystay in laga saaro deegaano muhiim ah oo ay hore uga sameysteen saldhigyo tababar, iyadoo howl-galka lagu dilay dagaal-yahaanadii ugu badnaa oo ajaanib ah.

Xog: Waa kuma safiirka cusub ee Soomaaliya ee Sacuudiga?

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Danjire Cumar Sheekh Cali Idiris inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya u jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kadib isbeddel diblomaasiyadeed oo ka dhacay safaaradda Soomaaliya ee Riyadh.

Danjire Cumar Idiriis, oo horay u ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Eritrea, ayaa xilkan loo doortay kadib markii Aweys Xaaji Yuusuf, safiirkii hore ee Riyadh, loo magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore u gudbisay dhiggeeda Boqortooyada Sacuudiga waraaqaha codsiga rasmiga ah ee safiirka cusub, waxaana la filayaa in dowladda Sacuudigu si rasmi ah ugu aqbasho dhawaan.

Cumar Sheekh Cali Idiris waxa uu ka mid yahay diblomaasiyiinta ugu saameynta badan ee ku dhow Villa Somalia. Waxa uu hore uga soo shaqeeyay hay’ado waxbarasho iyo samafal, waxaana uu ka tirsan yahay kooxda siyaasadeed ee Damul Jadiid, oo madaxweynaha kaalin weyn ku leh. Taasi waxay ka dhigaysaa magacaabistiisa mid aan kaliya diblomaasiyad ahayn balse sidoo kale leh miisaan siyaasadeed oo gudaha ah.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ka codsatay Urur-wadaagga IGAD in Cumar Idiris loo magacaabo ergay gaar ah, balse codsigaas ayaa la diiday maadaama Soomaaliya muddo sanado ah aysan bixin waajibaadkeeda dhaqaale ee qaaraanka IGAD.

Ka hor safaaradda Eritrea, Cumar Idiris wuxuu sidoo kale soo noqday safiirka Soomaaliya ee Qatar, oo ah mid ka mid ah dalalka saameynta ugu xooggan ku leh Soomaaliya

Riyadh ayaa muhiimad gaar ah ugu fadhida siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, maadaama Boqortooyada Sacuudigu tahay mid ka mid ah waddamada ugu saameynta badan gobolka, isla markaana xiriir dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo qoto dheer ay kala dhaxeeyo Muqdisho. Sacuudigu waxa uu si joogto ah u taageeraa Soomaaliya, isagoo kaalin weyn ku leh gargaar bani’aadannimo, taageero dhaqaale iyo wada-shaqeyn amni.

Magacaabista Cumar Idiris ee xilkan ayaa loo arkaa isku day Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga, xilli Muqdisho ay raadineyso maalgelin, taageero siyaasadeed iyo iskaashi amni oo joogto ah.

Xubnaha ka baxay Madasha Samatabixinta oo la kulmaya Xasan, wada qorshe culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnihii dhawaan ku dhawaaqay inay ka baxeen Madasha Samatabixinta ayaa la filayaa in kulan gaar ah ay la yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida xogaha horudhaca ah lagu helay, siyaasiyiintan ayaa qorsheynaya in kulanka kadib ay soo saaraan bayaan rasmi ah oo ay ku taageerayaan qorshaha doorashada qof iyo cod ee uu madaxweynuhu si xooggan u riixayo.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid dhabbaha u xaareysa hirgelinta qorshaha madaxweynaha ee ah in dalka lagu guuro nidaamka codbixinta tooska ah, taas oo muddo dheer ku adkayd siyaasadda Soomaaliya sababo la xiriira khilaafka siyaasiyiinta iyo kala qaybsanaanta mucaaradka.

Xogtan cusub ayaa daba socota go’aankii Sabtidii ay ku dhawaaqeen siyaasiyiin miisaan culus leh, oo xubno ka ahaa Madasha Samatabixinta. Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid, guddoomiyayaashii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan iyo Maxamed Mursal, iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Geelle ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay inay iska casileen xubinnimada madasha.

Siyaasiyiintan ayaa mowqifkooda ku shaaciyay kulan gaar ah oo ay yeesheen xubnaha Madasha, waxayna caddeeyeen inay qorsheynayaan inay furaan xisbiyo siyaasadeed. Talaabadan ayaa loo arkay mid xaqiijinaysa tuhunkii hore ee jiray oo ahaa inay si hoose heshiis ula gaareen madaxweyne Xasan Sheekh.

Is-casilaaddaas ayaa ku soo beegantay, iyadoo isla Sabtidii uu guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka uu shaaciyay inuu muddo labo todobaad ah dib u furay is-diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo codbixiyeyaasha. Go’aankaas wuxuu siiyey fursad ururrada cusub ee siyaasiyiintaasi sameysanayaan inay si sharci ah isku diiwaangeliyaan.

Kala-tagga xubnaha mucaaradka ee ku biiraya ururrada cusub ayaa si weyn loo fasiray inuu yahay guul siyaasadeed oo uu gaaray Madaxweyne Xasan Sheekh, oo muddooyinkii dambe ku taamayey sidii uu u heli lahaa taageero ballaaran oo uu ku fuliyo qorshihiisa doorasho qof iyo cod ah.

Kala-jabka mucaaradka ayaa sidoo kale muujinaya sida ay u burburtay isku duubnidii Madasha Samatabixinta, taasoo ka dhigan in mucaaradka ay hadda u kala jabeen laba garab oo midkood u janjeero Madaxweyne Xasan Sheekh halka kan kalena uu wali ku adkeysanayo dhisidda midow cusub oo mucaarixiinta ah.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa muddooyinkii dambe si xeeladeysan ugu hawlanayd kala qaybin iyo wiiqidda mucaaradka, iyadoo dedaalkaas ay si dhow uga qeyb qaateen saddex masuul oo muhiim ah: Wasiirka Caddaaladda Xasan Macallin Maxamuud, Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raysal Wasaaraha Xirsi Gaanni.

Saddexdan xubnood ayaa loo xil-saaray fulinta qorshaha lagu kala furfurayo mucaaradka, waxaana muuqata in howl-galkoodii uu hadda miro dhalay.

Kulanka xubnaha ka baxay Madasha iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa loo arkaa mid rasmi ka dhigi kara kala-jabkii shalay la shaaciyay.

Haddii siyaasiyiintan ay si cad ugu dhawaaqaan taageerada qorshaha doorasho qof iyo cod, waxay noqon doontaa guul muhiim ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh u horseedaysa inuu kasbado taageero ballaaran oo siyaasadeed, halka mucaaradka kalena lagu qasbi doono inay wajahaan xaalad adag oo ay dib ugu dhisaan kalsoonidii iyo midnimadii hore.

Xog: Wada-hadallo u bilowday Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe – Yaa fududeeyay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa waxaa u bilowday wada-hadallo ay dhex-dhexaadinayso dowladda Kenya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xogo hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in khadka telefoonka ay ku wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe. Wada-hadalkan ayaa waxaa fududeeyay Taliyaha Sirdoonka Kenya Nuuradiin Yuusuf Xaaji.

Nuuradiin ayaa maalmo ka hor safar qarsoodi ah ku tagay Kismaayo, sida ay illo wareedyo si dhow ula socda arrintaan inoo xaqiijiyeen.

Labada mas’uul ayaa wada-hadalkooda u horeeyay ee ay ku qaateen taleefanka uu ahaa mid kooban, kaasi oo Taliyaha Sirdoonka Kenya ku doonayo inuu bilow u noqdo qaboojinta xiisada Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kadib wada-hadalka telefoon ee labada madaxweyne, waxa uu shalay Axmed Madoobe gaaray magaalada Nairobi. Khilaafka Xasan Sheekh iyo Madoobe ayaa kasoo bilowday shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee bishii October 2024, markaas oo la isku mari waayey guddiga doorashada iyo in doorashooyinka qof iyo cod lagu soo doorto madaxda maamullada.

Axmed Madoobe ayaa xilligaas ku dooday in doorashooyinka maamullada ay gooni u qabsadaan, halka Villa Soomaaliya ay ku adkeysaneysay hal guddi doorasho oo ay dowladda dhexe gacanta ku hayso inay qabtaan doorashada labada heer.

Tan iyo markaas wixii ka dambeeyay khhilaafka ayaa isku bedelay dagaallo culus oo ka dhacay Raaskambooni daba-yaaqadii 2024 iyo Beledxaawo Luuliyo 2025, taas oo keentay in ciidamo labada dhinac ah ay xadka Soomaaliya iyo Kenya ka tallaabaan.

Si kastaba, waxaa isweydiin mudan: maxay Dowladda Kenya uga dan leedahay inay xilligan dhex-dhexaadiso labada dhinac, iyadoo la ogyahay inay hore uga muuqatay diidmo? Ma loo fasiri karaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta marayo heer uu aqbalay dhex-dhexaadinta isaga iyo Axmed Madoobe, mise Kenya ayaa ka wel-welsan qorshaha dowladda dhexe ee dhismaha Jubbaland-ta cusub ee lagu karkarinayo Garbahaareey?

Rag dilal ka soo gaystay Puntland oo maanta lagu toogtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo horay dilal uga soo gaystay deegaannada maamul-goboleedka Puntland.

Raggan ayaa saaka aroortii hore la geeyay tiirka toogashada ee Iskuul Buluusiya, halkaas oo ay ku toogteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Labada marxuum ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud oo magaciisa afgarashadu yahay (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow, waxaana lagu wada fuliyay dil toogasho ah oo ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada.

Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada oo goobta kula hadlay warbaahinta, isla markaana ka warbixiyay toogashada saddexdaasi nin ee horay uga tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada ah.

Anas Cabdulqaadir iyo Aadan Mursal ayaa si gaar ah uga tirsanaa amniyaatka kooxda Al-Shabaab, waxaana ay u qaabilsanaayeen madax jabiska iyo fulinta weerarada gaadmada ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha goobjoogga ahaa fulinta toogashada.

Sidoo kale waxaa lagu helay inay horay dilal uga gaysteen magaaladda Gaalkacyo qeybta Puntland, iyaga oo dilay Haldooro ahaa labeenta Bulshadda oo ay ka mid yihiin Nabadoono.

Dhawaan Maxkamadda Ciidamada ayaa siyaabo kala duwan u toogatay illaa 8 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kala ahaa Saleebaan Xuseen Nuur Cali (Siyaaf), Cabdulqaadir Abuukar Axmed (Nasru-diin iyo Saabir), Abuukar Axmed Maxamed (Anwar), Xamsa Jeylaani Cabdulllahi (Abtiga), Xassan Cali Xuseen (Garaad), Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka), kuwaas oo iyana ka tirsanaa Al-Shabaab, laguna helay dilal iyo qaraxyo ay gaysteen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa mar kale haatan dib u billowday fulinta xukunnada dilalka toogashada ah ee ay horay u ridday, waxaa kamid ah shaqsiyaadka kale ee lagu fuliyay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga oo lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab.

Macawiisleda iyo ciidamada DF oo weeraray goob ay isku urursanayeen Al-Shabaab

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay maanta qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo ku sugaan qaybo kamid ah gobolka Galgaduud.

Ciidamada huwanta ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday maleeshiyada Al-Shabaab oo isku uruursanayay  dhulka howdka ah ee u dhxeeya deegaanada Cali- heelle iyo Ciid-Kuus ee gobolkaasi, waxayna gaarsiiyeen khasaare culus.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay howlgalkaasi ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen goobta ay isku uruursanayeen, kadibna ay khasaare culus gaarsiiyeen dagagaalyahannadii ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Ciidanka ay burburiyeen fadhiyo argagixisadu maalmihii lasoo dhaafay ay ka sameysteen deegaanadaas, kuwaas oo cagta la mariyay.

Saraakiisha howlgalka horkaceysay ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalkooda, isla markaana ujeedka uu yahay inay xoreeyaan dhulkaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka ay kusii siqayaan dhulka hawdka ah ee ku yaalla aagga Masagawaa.

Howlgallada ayaa waxaa barbar socda duqeymo lagu garaacayo Al-Shabaab ku sugan Galgaduud Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay xoogga soo saartay kooxdu.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan dib u bilaabuleyso gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana la diyaariyay ciidamadii ugu badnaa oo ku biiraya howlgallada bilaabanaya,

UAE brokering Somaliland recognition deal tied to Gaza

HARGEISA, Somaliland — The United Arab Emirates is allegedly brokering a controversial plan to resettle potentially hundreds of thousands of Palestinians from war-torn Gaza to the self-declared republic of Somaliland, according to an investigative report.

The report, published by the investigative outlet “Dark Box,” says the plan would leverage Gaza’s humanitarian catastrophe to win long-sought international recognition for Somaliland while advancing the strategic interests of the UAE, Israel, and the United States in the Horn of Africa.

These allegations add a complex new layer to the Gaza conflict, tying it to the delicate geopolitics of one of Africa’s most strategic regions.

Citing internal documents, the report says the Boston Consulting Group (BCG) modeled post-conflict scenarios that include permanently relocating up to a quarter of Gaza’s 2.3 million residents, with Somaliland named among possible destinations.

It further alleges that U.S. and Israeli envoys have held talks with Somaliland’s leadership, framing the resettlement of Palestinian refugees as a key part of a broader deal. In exchange for accepting the displaced population, Hargeisa would reportedly receive full diplomatic recognition — a goal it has pursued since declaring independence from Somalia in 1991.

Somaliland functions as a de facto state with its own government, currency, and security forces, yet no country has officially recognized it. Such recognition would be a landmark diplomatic breakthrough.

The alleged plan underscores Somaliland’s growing strategic weight. The territory sits on the Gulf of Aden, opposite the Bab el-Mandeb strait — a chokepoint for global maritime trade.

The UAE has invested heavily in the region. Its state-owned logistics giant DP World is managing and expanding the Port of Berbera, turning it into a major regional hub. That deep economic and political footprint positions the UAE as a powerful broker in Somaliland’s affairs.

For the United States, closer ties with Somaliland could counter China’s expanding influence, including its naval base in nearby Djibouti. Israel, meanwhile, would secure a diplomatic and potential security foothold near the Red Sea.

The idea of permanently removing Palestinians from Gaza has drawn sharp condemnation from the United Nations and several Arab states, which argue it would amount to ethnic cleansing and violate international law.

The Fourth Geneva Convention prohibits individual or mass forcible transfers from occupied territory. UN officials have repeatedly stressed Palestinians’ right to remain in their homeland — and to return if displaced.

Publicly, the UAE has supported the Palestinian cause and joined other Arab nations in rejecting any plan for the permanent displacement of Gazans. The “Dark Box” report, however, alleges that Abu Dhabi’s behind-the-scenes diplomacy contradicts its public stance, using the crisis to reshape regional alignments.

The report concludes the proposal is not a humanitarian effort but a “geopolitical gambit” that uses displaced people as “currency” to achieve diplomatic and military objectives. The governments of the UAE, Israel, the United States, and Somaliland have not publicly responded to these specific allegations.

Somalia, Jubaland leaders enter Kenya-led mediation talks

Mogadishu, Somalia — Somalia’s federal leadership and the semi-autonomous state of Jubaland have opened direct talks mediated by Kenya, a potential breakthrough in a long-simmering political and military standoff that has threatened regional stability, according to sources familiar with the matter.

Somali President Hassan Sheikh Mohamud and Jubaland President Ahmed Madobe held a preliminary phone call facilitated by Noordin Haji, director-general of Kenya’s National Intelligence Service (NIS). The conversation marks the first significant step toward de-escalating tensions that have previously spilled into armed clashes along the Somalia–Kenya border.

Following the call, Madobe traveled to Nairobi on Saturday for further discussions, underscoring the seriousness of the engagement. The Kenyan-led mediation signals a concerted diplomatic push to reconcile the two leaders, whose dispute has hampered security cooperation and political progress in the Horn of Africa.

In the days leading up to the call, Haji, Kenya’s intelligence chief, reportedly made a discreet visit to Kismayo to lay the groundwork for talks.

The rift between President Mohamud’s government in Mogadishu and Madobe’s administration in Kismayo escalated after a contentious National Consultative Council (NCC) meeting in October 2024. The NCC is a key forum for dialogue between the federal government and Somalia’s Federal Member States (FMS).

Talks broke down over the framework for future elections. Mogadishu pushed for a centralized electoral commission to oversee all voting, including at the state level—seen by some as an attempt to consolidate federal power. Madobe argued that federal states should manage their own electoral processes, citing constitutional power-sharing arrangements.

The political impasse quickly turned violent. In late 2024, forces loyal to the federal government and Jubaland clashed in the strategic border town of Ras Kamboni. The conflict flared again in July 2025 in Beled Hawo, a key city in the Gedo region, with reports of troops from both sides crossing the porous border into Kenya—raising alarms in Nairobi.

Kenya’s mediation is driven by its own security interests. Jubaland serves as a critical buffer between Kenya and areas contested by the Al-Qaeda-linked group Al-Shabaab. Prolonged instability could create a security vacuum, offering militants an opening and directly threatening Kenya’s northeastern counties.

The Kenyan Defence Forces (KDF) are also major contributors to the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), with troops stationed in Jubaland. Any conflict between Somali partners undermines that mission.

Nairobi has grown increasingly concerned by what it views as Mogadishu’s attempts to destabilize Madobe’s administration. This includes alleged federal plans to back a rival administration in Gedo, based in Garbaharey, which would effectively split Jubaland and weaken Madobe, a longtime Kenyan ally. According to the International Crisis Group, disputes over control of Gedo have been a persistent source of federal-state friction.

The standoff reflects deeper, unresolved tensions over Somalia’s federal model. Since its adoption, the division of power, resources, and security responsibilities between “Villa Somalia”—the presidency in Mogadishu—and the Federal Member States has remained a constant source of strain.

President Mohamud, serving a second non-consecutive term, has pursued a more centralized approach that often pits him against powerful regional leaders like Madobe. A former commander of the Ras Kamboni Brigades militia, Madobe has governed Jubaland since its formation in 2013 and has historically maintained close ties with Nairobi.

Fragile as they are, these initial talks offer a crucial chance to pull key players back from the brink. Success for the Kenyan-led mediation could reshape relations between Mogadishu and Kismayo—and bolster the wider stability of a region grappling with insecurity and political fragmentation.