25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Siduu Mareykanka u arkaa heshiiska dekada Berbera iyo saamiga ETHIOPIA?!!

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya danjire Ambassador Mike Raynor, ayaa la weydiiyay su’aal ku saabsan aragtida Maraykanka ee heshiiska sannadkan dhex maray Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda DP world ee ah saamiga 19% ee ay Itoobiya ku yeelanayso maalgelinta dekedda Berbera.

Danjire Mike, oo uu u waramay wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa, ayaa waxa la weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa, aragtida dawladda Maraykanka ee heshiiska ay kala saxeexdeen Somaliland, Itoobiya iyo DP world ee ah saamiga Itoobiya ee dekedda Berbera ee 19%.

Waxa uu safiirka Maraykanka ahi yidhi “Runtii arrintaas aragti kama lihin. Itoobiya waa in ay garato, waxa macno u samaynaya danaheeda gaarka ah, iyo xidhiidhada ay la yeelanayso gobalka. Laakiin, arrintu ma’aha wax u yaalla in ay dawladda Maraykanku mawqif gaar ah ka yeelato.”

Safiirkan, ayaa waxa kale oo uu sheegay inay dawladda Maraykanku la dhacsantahay talaaboyinka isbedel ee uu ilaa hadda qaaday raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, waxaanu sheegay in Maraykanku sidoo kale diyaar u yahay inuu gacan ka gaysto sidii loo sii wadi lahaa wada hadalka nabadeed ee u bilaabmay Itoobiya iyo Ereteriya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Imaaraatka oo Soomaaliya u soo iibsaday duuliyayaal iyo ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah (XOG)

Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Imaaraat-ka carabta ayaa la xaqiijiyay inay soo kireysatay duuliyeyaal calooshood u shaqeysteyaal u dhashay dalka South Africa.

Dowlada Imaaraat-ka ayaa duuliyayaashaasi u adeegsaneysa duqeynta ciidamada Xuutiyiinta ee dalka Yeman kadib la wareegidooda madaarka Berbera ee Somaliland.

Duuliyayaasha Imaaraat-ka ay kasoo kireysatay dalka shirkad laga leeyahay dalka South Africa ayaa tirro ahaan dhan 4 duuliye kuwaa oo laga howlgalin doona Saldhiga Berbera iyo kan Isbaheysiga Sacuudiga ee ku yaala dalka Yemen.

Duuliyayaasha calooshood u shaqeystayaasha ayaa si rasmi ah uga howlgali doona Saldhiga Berbera, balse waxa ay hadda si KMG ah uga sii shaqeyn doonaan Saldhiga isbaheysiga ee Yemen.

Duuliyayaasha calooshood u shaqeystayaasha oo ay soo kireysatay Imaaraadka ayaa waxaa la socda ciidamo gaara oo ay leedahay shirkadda Saracen International ee laga leeyahay dalka Koonfur Afrika.

Imaaraat-ka ay Saracen qandaraas ku siisay diyaarinta ciidamo iyo duliyeyaal calooshood u shaqeysteyaal ah oo ay u adeegsadaan dagaalka Yeman ka socda, waxa ayna wargeysyadu qoreen in shirkada Saracen ay wareejisay duuliyayaasha iyo ciidamada.

Dowlada Imaaraadka carabta ayaa si KMG ah ugu sii shaqeyn doonto qeyb kamid ah Saldhiga Berbera oo si hordhac ah loo hagaajiyay, waxa uuna ujeedku yahay in dalkeeda ay kasoo fogeyso dhibaatada uga imaankarta Xuutiyiinta.

Dhinaca kale, Xukuumada Somaliland ayaa horaantii bishii September 2016-kii Imaaraadka u saxiixday heshiis u saamaxaya inay saldhig Milatari ku yeelato Berbera.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Sawiro: Jaceylki xalay Qalbi Dhagax Nairobi lagu tusay iyo soo dhoweyntii cajiibka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Sarkaalka ONLF ee lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Qalbi-Dhagax oo ka soo duulay magaalada Addis-ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxaa Garoonka Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi kusoo dhaweeyay boqolaal ruux oo ay wehlinayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha Somalia iyo Kenya.

Siyaasiga C/kariin (Qalbi-dhagax) oo Khamiistii ina dhaaftay laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada Addis-ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta uga hortagay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Siyaasiga Faarax Macalin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sida lagu arkay muuqaalo iyo sawiro la soo geliyay baraha bulshada dadweynaha ka qeyb qaatay soo dhaweynta C/kariin ayaa waxa ay wateen Calanka Soomaaliya, Sawirka (Qalbi-dhagax) iyo boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay ka mid yihiin geesigeena soo dhawoow.

C/kariin Qalbi Dhagax ayaa markii uu gaaray Nairobi ka mahadceliyay soo dhoweynta loo soo sameeyay, isagoo gacan qaaday dadweynihii soo dhoweeyay, wuxuuna xalay si gaar ah kulamo ula yeeshay xildhibaanada iyo siyaasiyiinta soo dhaweeyay.

Sii deynta C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa waxaa ka dambeeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed Ali, oo bilooyin kahor qabtay xilka Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi.

Wafdi Imaaraati ah oo ku sugan Israel xilli isbaheysi cusub la aas-aasayo..!!

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wafti milatari oo ka socda dalka Imaaraadkaa Carabta ayaa ku sugan Israel, halkaasi oo booqasho rasmi ah ay ku joogaan, sida ay ku warrameen warbaahinta Israel.

“Ciidamada cirka Israel waxa ay dhowaan marti-geliyeen wafti milatari oo ka socda Imaaraadka, si ay u eegaan habka ay u shaqeeyaan diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka uu sameeyo” Waxaa sidaas ku warramay taleefishinka 124 ee Israel, oo soo xigtay saraakiil Israeli ah.

“Wafti ka socday dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale goobjoog ka ah kulamada” sida uu sheegay il-wareedka.

Sida uu sheegay taleefishinka 124 dowladda Imaaraadka Carabta ayaa isku dayeysa inay diyaaradaha F-35 kasoo iibsato Mareykanka, xilli uu jiro isbaheysi cusub oo Israel iyo dalalka Khaliijka sameysanayaan oo ka dhan ah Iran.

Dowladda Imaaraadka Carabta weli ma aysan xaqiijin booqashada saraakiisheeda ay ku joogaan dhulka Yahuuda ay xooga ku haysato, ayada oo jirto in Imaaraadka xiriir diblomaasiyeed oo rasmi ah uusan la lahayn Israel.

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa dhowaanahan aad ugu dhowaanayey Yahuuda, ayada oo xitaa ay beddeleen qadiyadoodii Falastiiniyiinta iyo Qudus, oo hadda ay u muuqdaan inay dhinaca Yahuuda la safteen.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

 

 

 

 

 

Aqri: Machadka isgaarsiinta qaranka oo dib u hawlgalay

Caasimada Online (Muqdisho): Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa dib u hawl-gelisay Machadka Tababarka Isgaarsiinta Qaranka oo hoos tagi jiray Wasaaradda, kaas oo sare u qaadi doonta xirfadaha teknoolojiyada ee dalka.

Machadka oo la aasaasay sanadkii 1976-dii waxaa dhinaca qalabka iyo tababarrada ka caawin jiray Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), hase yeeshee waxay hawlihiisi joogsadeen sanadkii 1991-kii. Hase yeeshee, tan iyo sanadkii 2011-kii waxaa la isku dayay in dib loo kiciyo Machadka, waxaase caqabad ka haysatay sidii loo heli lahaa qalabkii farsamada isgaarsiinta iyo teknoolojiyada ee lagu tababaran lahaa, taas oo haatan la xalliyay.

Machadka ayaa haatan lagu diyaariyay sheybaarro computer iyo cisco ah (computer and Cisco labs), waxayna ardeydu ku tababaran karaan internetka Dawladda, dotSO oo laga baranayo sida loo maamulo website-yada, Xarunta Isku-xirka Internetka (Internet Exchange Point), kuwaasoo ay Wasaaradda hirgelisay lixdii bilood ee u dambeysay, iyadoo hawlahaasi ay Wasaaradda kala shaqeyn doonto Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Injineer Cali Afey oo ah Agaasimaha Isgaarsiinta ee Wasaaradda iyo Injineer Daahir Jeyte oo ka tirsan Shirkadda NationLink oo ku hadlayay magaca shirkadaha isgaarsiinta, oo labaduba ka tirsanaa ardeydii ka soo aflaxday machadkan, ayaa ka hadlay kaalintii uu machadkan lahaa iyo in aqoontii ay ka kororsadeen ay haatan ku shaqeeyaan maamulayaasha isgaarsiinta dalka.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada GalMudug, Mudane Axmed Dubbad Cali, oo matalayay wasaaradaha isgaarsiinta ee dawlad-goboleedyada, ayaa ku ammaanay Wasaaradda guusha laga gaaray dib-u-hawl-gelinta Machadka, isagoo u rajeeyay Machadka guulo waaweyn.

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Prof. C/laahi Sheekh Cali (Qalloocow) iyo Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan, ayaa labaduba ka hadlay sida aqoonta teknoolojiyada ay u horseedi karto shaqo-abuurista, kordhinta dhaqaalaha, iyo sidii loo dhimi lahaa saboolnimada.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Machadka uu wax weyn ka qaban doono sidii loo soo saari lahaa xirfadlayaal dhinaca teknoolojiyada ah. “Markii aan xilka la wareegnay waxaan goosanay inaan Machadka ku dhisno isku-tashi, waxaana qalabkan iyo dayactirka ku sameynay inagoo kaashanay bahda waxbarashada, inaga oo aan Xukuumadda wax lacag weydiisanin,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa u mahad celiyay Isku-xirka Waxbarashada iyo Cilmi-baariista Soomaaliya (Somali REN) oo ku deeqay qalabka computer-ka, website-ka iyo dajinta manhajka Machadka, isaga oo ugu baaqay ganacsatada Isgaarsiinta inay markan kaalintooda ka geystaan sidii dhismihii hore ee Machadka loo dhisi lahaa sida ugu dhaqsaha badan. Wasiirka ayaa ugu dambeyntii ku ammaanay Wasiiru-dawlaha iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, oo labaduba munaasabadda goobjoog ka ahaa, gacanta ay ka geysteen guulaha degdegga ah ee ay Wasaaraddu ku tallaabsatay.

Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xasan Cali Kheyre, oo ka hadlayay xiritaanka munaasabadda, ayaa ku ammaanay Wasaaradda dadaalka ay ku bixisay ansixinta sharciga iyo dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo inay haatan dib u soo nooleysay Machadkii Isgaarsiinta Qaranka, isagoo sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu u baahan yahay in isbeddel lagu sameeyo iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyadda.

Ra’iisul wasaaraha oo isbarbardhig ku sameynayay waqtiga ku baxa iyo dhaqaalaha ay soo kala saari karaan qofka ku shaqeysta teknoolojiyada iyo qofka ku shaqeysta beero ama xoolo aan cilmi lagu dhaqin ayaa xusay n dadkeena loo jiheeyo dhinaca teknoolojiyada. “Dhaqaalaheena ma horumari karo haddii aan la helin shaqaale xirfad leh”, ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Ra’iisul Wasaaraha.

Caasimada Online
Muqdisho-Office
[email protected]

Kheyre: Sarkaal iyo askari aan daacad noo aheyn ma sii wada joogi karno.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladiisu ay ahmiyad gaara siin doonto akhlaaqda Saraakiisha iyo ciidamada u bareeray difaaca Qaranka.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay inay adag tahay in wada shaqeyn ay dhexmarto dowlada iyo Sarkaal aan daacad u aheyn Qaranka, waxa uuna farta ku goday in Askariga uu akhlaaq xumada ka dhexlo Sarkaalka u taliya.

“Waan la socnaa in Askariga uu akhlaaqda fiican iyo tan xunba uu ka dhexlo sarkaalka u taliya, sidaa darted ma wada shaqeyn doono sarkaal iyo askari aan u diyaarsaneyn akhlaqda iyo difaaca dalka”

“Ma jirto sabab uu dowlada ugu shaqeynkaro sarkaal iyo askari aan daacad u aheyn Qaranka, askariga wanaagsan waa in danihiisa uu ka hormariyaa mida gaar ahaaned”

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay in ahmiyada koowaad ay tahay in askari waliba ay daacad ka tahay difaaca Qaranka, waxa uuna carab dhabay in dalka uu yahay mid kasoo kabanaaya burbur una baahan in lagu dhaqo daacad.

Sidoo kale, Kheyre ayaa ka digay in la arko Saraakiisha iyo askar ku xadgudbeysa shacabka, waxa uuna arrinka noocaasi ah ku sheegay mid ka dhalankarta ciqaab.

Dhinaca kale, Kheyre ayaa hadalkan ka sheegay kulan khaasa uu la qaatay saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa loo xallin la’yahay colaada xaafada Tukaraq?

Tukaraq (Caasimada Online) – Deegaanka Tukaraq  oo katirsan gobalka Sool waxaa wada maamula Puntland iyo Somaliland  , waxaana deegaanka Tukaraq in Muddo ah ku dagaalamaya Ciidamada laba dhinac  kuwaa oo sidoo kale isku hub aruursanaya islamarkaana xili walba dagaal diyaar u ah.

Tan iyo markii  dib u soo cusboonaaday dagaalka labada dhinac waxaa ka dhashay khasaaro naf iyo maalbo leh oo soo kala gaaray ciidamada Puntland iyo Somaliland waxaana meesha ka marneyn dadka shacabka ah ee lagu kor dagaalamay.

Waxaa jirtay waa waan nabadeed oo ay garwadeen ka aheyd Beesha Caalamka balse la ogyahay in colaadii sii xumaatay iyadoo la xasuusti Markii danjirha Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Ambassador Micheal Keating uu la kulmay Madaxda Labada Maamul inuu dagaalka dib u bilowday.

Sababaha ugu weyn ee colaada loo xalin la’yahay ayaa ah  in aysan  is hor fariisan madaxda labada maamul oo la ogyahay in natiijooyin  wanaagsan ay ka soo bixi la haayeen hadii Madaxwyenaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ay kulan gaar ah ka yeelan la haayeen dagaalka  ka dhex aloosan, gaar ahaan muran dhuleedka u dhaxeeya.

Dagaalka Tukaraq waxaa sidoo kale in xal laga gaaro ku hor gudban hadalada ka soo yeera Mas’uuiyiinta kala duwan ee Puntland iyo Somaliland gaar ahaan saraakiisha iyo Madaxda Ciidanka oo sii hurinaya colaada Tukaraq.

Aamusnaanta culumada Soomaaliyeed oo iyagu lagu yaqiinay iney calanka Nabadda u dooraan dhincyada dagaalama ayaan weli ka hadlin dagaalka Tukaraq.

In La soo afjaro dagaal u dhaxeeye laba maamul wey fududahay hadii loo tanaasulo nabadda iyo wada noolaashaha.

Sawirro: Xildhibaanno ka tirsan mucaaradka DF oo Qalbi-Dhagax la kulmay

Nairobi (Caasimada Online)- Waxaa caawa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya soo gaaray Sarkaalka ONLF Cabdikariin Qalbi-Dhagax.

Sarkaalkaan ayaa caawa kasoo duulay Garoonka Boley ee magaalada Addis Ababa waxaana Nairobi kusoo dhaweeyay boqolaal dadweyne oo ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia iyo Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dowlada Kenya.

Xildhibaanada ka tirsan BFS ee soo dhaweeyay Qalbi-Dhagax ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Axmed Fiqi oo qeyb weyn ka ah Xildhibaanada mucaaradka ee dowlada Somalia.

Siyaasiyiinta ka qeybqaatay soo dhaweynta Qalbi-Dhagax ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa Faarax Macalin iyo Saraakiil kale oo ka tirsan ONLF.

Qalbi-Dhagax ayaa markii uu kasoo dagay Garoonka Nairobi u gacan qaaday qaar kamid ah dadweynihii soo dhaweeyay waxaana intaa kadib loo dhaadhiciyay Hoteel aan sidaa uga sii fogeyn Garoonka oo uu kusii nagaan doono maalmaha fooda nagu soo haya.

Qalbi-Dhagax ayaa nasiinadiisa kadib lagu wadaa inuu la kulmo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana xusid mudan in magaalada Nairobi ay ku sugan yihiin Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan garabka mucaaradka dowlada Somalia kuwaa oo daneynaaya la kulanka Qalbi-Dhagax.

Ma cada in Qalbi-Dhagax uu booqashada Nairobi kadib u safri doono magaalada Muqdisho, walow uu horay u sheegay inuu gaari doono Muqdisho.

Akhriso: Axmed Madobe oo golihiisa wasiirada isku shaandheyn ku sameeyay

Kismaayo (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Caawa isku shaandheyn ku sameeyey Golihiisa Wasiirada, iyadoo Wasiiradii hore qaarkood ay waayeen xilkooda.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Hogaamiyaha ayaa lagu sheegay in wadatashi uu la sameeyey ku-xigeenadiisa kadib uu magacaabay tirro Wasiiro ah, halka qaarna uu xilka ka qaaday.

HOOS KA AKHRISO ISKU SHAAN DHEYNTA

Wasiir ka tirsanaa DF ee Soomaaliya oo caawa ka badbaaday isku day dil

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in isku day dil uu ka badbaaday Wasiirkii Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Eng. Saalax Sheekh Cismaan.

Wasiirka ayaa la sheegay in gaari uu la socday isla markaana sii galaayay hooygiisa lagu dhuftay gaari kale oo markii hore ku diyaarsanaa agagaarka Wasaradii hore ee Amniga Gudaha.

Gaariga lagu dhuftay kan Wasiirkii howlaha guud ayaa la sheegay inuu ahaa gaari raaxo, waxaana intaa kadib xigay rasaas ooda looga qaaday Wasiirkii howlaha guud.

Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa baahisay in Wasiirka gaarigaasi loogu sii diyaariyay wadada dhinaceeda, iyadoo falka ku dhufashada iyo rasaastuba ay ku bilaabatay xili uu ku xaroonaayay Hooygiisa oo ku yaalla agagaarka Wasaaradii hore Amniga ee ku dhow taalada Daljirka daahsoon.

Intaa kadib ilaalada la soctay gaariga Wasiirkii howlaha guud ayaa iska caabiyay Kooxda isku dayday inay khaarijiso Eng. Saalax Sheekh Cismaan.

Ciidamo ka tirsan Booliska oo ku baxay falkaasi ayaa xaqiijiyay in iska hor imaadka uu ku dhintay hal qof, halka laba kale oo shacab ahaa uu soo gaaray dhawac.

Sidoo kale, Wasiir Saalax ayaan weli ka hadal weerarka lagu doonaayay in lagu khaarijiyo, waxa ayna Saraakiisha iyo ciidamada Booliska ee halkaa gaaray sheegen in qorshaha uu ahaa mid lagu khaarijin lahaa Eng. Saalax Sheekh Cismaan.

Dhinaca kale, waxaa xilkaani Wasiirnimo horay looga dishay Wasiir Siraaji, waxaana xusid mudan in dilka iyo weerarka ceynkaani ah uu yahay mid aysan turxan bixin dowlada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro qurux badan: Qalbi Dhagax oo si xarago leh uga dhoofay Addis Ababa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa goordhow garoonka Bole ee magaalada Addis ababa ka dhoofay Sarkaalka ONLF Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax).

Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax), ayaa waxaa magaalada Addis ababa ee Xarunta dalka Ethiopia kala dhoofay qaar kamid ah Eheladiisa iyo xubno kaalin ku lahaan deysmadiisa.

Qalbi-Dhagax,ayaa waxaa wehlinaayay ku dhawaad lix xubnoo oo Seddex kamid ah ay ahaayen Ganacsato gacan ka geystay deesmadiisa, waxa uuna kusii jeeda magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Markii Xabsiga laga siidaayey Qalbi Dhagax ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayaa in uu magangalyo ka helay dowladda Kenya,waxaana haatan magaalada ay degan tahay Soomaalida ee Islii ka socda diyaar garoowgii u dambeeyey ee soo dhaweyntiisa.

Gaari cod baahiye ku xiran yahay oo uu sawir Qalbi Dhagax ku dhegan yahay oo dhex wareegaya xaafada Islii ayaa dadweynaha ugu baaqaya inay isugu soo baxaan soo dhaweynta Qalbi Dhagax.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Qlabi Dhagax uu la ahdli doono dadka isu diyaarinaya soo dhaweyntiisa, isagoo faahfaahin doona qabashadiisii, sida loo sii daayay iyo waxa uqorsheysan maadaama dib uu uhelay Xoriyadiisa.

Aqriso: Hoteelo caan ah iyo goobo kale oo uu saameyn doono amarka Yariisow

Muqdisho (Caasimada Online)-Wareegto shalay kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow ayaa waxaa lagu baabi’iyay heshiisyadii lagu bixiyey Jardiinooyinka iyo beeraha ku yaalla gobolka Banaadir.

Amarka Guddoomiyaha oo ahaa mid xadidan maalmaha lagu dhaqan galinaayo ayaa waxa uu saameyn doonaa goobo caan ka ah magaalada Muqdisho.

Goobaha uu saameyn doono amarka Guddoomiye Yariisow ayaa waxaa kamid ah Hoteel caan ka ah magaalada Muqdisho iyo Goobo dhowr ah oo ay isku arkaan dadka shacabka ah.

Haddaba goobaha muhiimka ah ee ilaa iyo hadda la xusi karo in amarkaasi uu saameynaayo ayaa waxaa kamid ah:-

1)- XAAFADA AFASIYOONI, waxaa ku yaalla dhul Danguud oo ay ka mid yihiin Darjiino laga kireeyey Ganacsato,Goobaha Ganacsi ee ku yaalla waxaa ka mid ah Kaalin Shidaal oo weyn iyo Bakhaaro lagu xareeyo Qalabka dhismaha, kuwaa oo dhamaantooda ku yaala dhabarka dambe Suuqa Beerta ee degmada Waaberi.

2)- MALL-KA SANCA, waxaa ka dhisan Suuq weyn oo ka kooban dhismooyin guryo 5 dabaq ah, waxaana wehlinaaya baakinka la dhigto gaadiidka iyo maqaayado, waxaana xusid mudan in lagu maalgaliyay malaayiin doolar.

3)-HOTEL AFRIK, waxa uu ku yaala hoteelkan isgooska KM4,waxa uuna ahaa Jardiin lagu nasto oo laga dhigay hotelka,isla markaana uu ka mid ah yahay hotelada waaweyn ee Muqdisho laguna maalgaliyey lacag Malaayiin Dollar ah.

4)-AFARTA DARJIINO, oo kamid ah isgoysyada ugu waaweyn Muqdisho,ayaa ahaa darjiino lagu nasto,waxaana dadka ay ku sugi jireyn gaadiidka dadweynaha,balse hadda waxaa ka dhisan Maqaayad Weyn.

Darjiinada aan kor kusoo xusnay iyo kuwo kale oo dhowr ah ayaa waxaa xalaaleeyay Dowladii dhacday iyo maamulkii hore ee Gobolka Banaadir.

Haddaba burburinta goobahaani ayaa dhulka galin doonta Ganacsato badan oo dhaqaale xoogan ku dhistay dhulka danta guud.

Dhinaca kale, Ganacsatada oo amarka Gobolka u arka mid kasoo horjeeda danahooda gaarka ah ayaa qaabab khaldan u dhigaaya amarka iyaga oo adeegsanaaya Xildhibaano dhaqan iyo caado u leh qeyla dhaanta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

5 arrin oo dowladda Qatar u diidaya in si sahlan gacanta ugu dhigto dekada Hobyo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Soomaaliya ku sugan wafdi caalami ah oo ka scoda Dowladda Qatar kuwaa oo sahminaya dekadaha dalka iyagoo ujeedkoodu yahay iney maalgashi ku sameeyaan qaar kamid ah dekadaha Soomaaliya.

Waxaa Dekadda Hubyo oo hoos timaado Maamulka Galmudug gaaray wafdi ka socda Dowladda Qatar oo sahminaya si ay u maalgashtaan waxana halkan hoose idinkugu soo gudbinayaa 5 Qodobo  oo u saamaxeynin dowladda Qatar iney hesho maalgashiga dekadda Hobyo.

  1. Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf wuxuu xeriir dhaw la’ leeyahay dowladda Imaaradka Carabta waxaana Maamulka Galmudug uu kamid yahay maamuladii ka hor yimid Dowladda Federalka Soomaaliya go’aankii ay ka qaadatay khilaafka Khalej-ka Carabta.
  1. Dowladda Itoobiya oo dhawan heshiis dhanka dekadaha ah la gashay Dowladda Soomaaliya ayaa la saadaalinayaa iney muhiim u tahay Maalgashiga dekadda Hobyo oo dhacdo goob Strategic ah.
  1. Dowladda Imaaraadka Carabta oo iyadana dooneyso inay maalgeshi ku sameysato Dekadaha Soomaaliya iyadoo la ogyahay inuu dagaal siyaasadeed ka dhaxeeyo dowladda Qatar iyo Dowladda Imaaraadka Carabta, wuxuuna khilaafkaas gaaray in dowladda Qatar la saaro cunaqabateyn, arrintaana waxay saameyn ku yeelan doontaa inay Qatar si fudud u hesho Dekadda Hobyo iyo Dekadaha kale ee Soomaaliya maadaama ay cadaadis kala kulmeyso dowladaha Khaliijka oo ay hormuud u yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka…
  1. Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo taageersan Imaaradka Carabta islamarkaana intooda badan ka soo jeeda deegaanada Galmudug.
  1. Khilaafka ka dhex taagan Madaxda Galmudug oo saameyn ku yeelanaya maalgashiga ay Qatar la rabto dekadda Hobyo maadama isku siyaasad iyo isku aragti aaneyn aheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wafti ka socda dalka Qatar oo maanta booqday dekad ay Soomaaliya ka rabaan

Hobyo (Caasimada Online) – Wafdiga ka socday dowladda Qatar ayaa maanta tageya magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, ayaga oo soo eegaya dekadda magaalaaas, oo ay doonayaan inay maal-gashtaan.

Waftigan ayaa waxaa safarkooda magalada Hobyo ku wehlinaya madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya.

Xubnaha ka socda dalka Qatar ayaa doonaya inay sahmin ay ku sameeyaan dhismaha ku socda dekada Hobyo iyo arrimo kale.

Wafdiga ayaa kormeer ku tagay halka laga dhisayo dakada Hobyo oo uu dhawaan uu dhagax dhigay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib booqashadii uu ku tegay.

Sidoo kale inta ay ku sugan yihiin wafdiga ka socda wasaarada dekadaha dowladda Qatar waxa ay booqan doonaan dhowr goobood oo ka tirsan xeebta magaalada Hobyo, waxaana sidoo kale dhawaan la filayaa in ay booqdaan dekadda degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Hobyo
[email protected]

Maxaad ka ogtahay xaqiida ay ciidamada DF u dilaan darawalada bajaajta? (Aqri)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Daruufaha amni xumi ee ka jira magaalada Muqdisho iyo taxadar la’aanta Ciidamada amniga ayaa sababaya dil iyo dhaawac joogto ay la kulmayaan dhalinyarada ka xeeya Gaadiidka Bajaajta waxaana sii kordhaya walaaca ay qabaan waalidiinta magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan todobaadkii magaalada waxaa ka dhaca ama loo geestaa dhalinyarada wade-yaasha ka ah Bajaajta, dhaawac, Jirdil ama dil toogasho ah waxaana fuliya Ciidamada gaarka ah ee loo xilsaaray amaanka muwaadiniinta ku nool magaalada Muqdisho.

Wade-yaasha Bajaajta oo ah dhalinyaro maareeya Nolasha kumanaan dad ah oo Soomaaliya ku nool ayaa kuu sheegaya in Ciidamada ay ka soo horreyso rasaasta lagu furayo Gaadiidleyda taasina ay ku waayeen rag badan oo ka tirsan islamar kaana aysan ilaa hadda toboneeyo dad ah oo laga dilay aysan cadaalad u helin waxayna qeyla dhaan u direen Madaxda Soomaaliya.

Ciidamada amaanka iyo Saraakiisha gobalka ayaa dhankooda kuu sheegaya in xaalad amaan darro ay ka jirto magaalada sidaas darteedna ay heegan ugu jiraan habeen iyo maalin sidii ay u sugi lahaayeen amaanka muwaadiniinta wade-yaasha Gaadiidkana ay ku xad gudbayaan amarro badan oo magaalada lagu soo rogay.

“Markii aad iska ilaaliso qof kugu midib ah oo wata gaari ama lugeynaya waxaa badanaya qaladaadka dhacaya kutala gal looma dilo dhalinyarada ee waxaa jira goobo ay ka caagan tahay isticmaalka gaadiidka waxaana loo arkaa qofkii ka soo gudba xadkaasi mid qatar xambaarsan waana in aan ka badbaadinaa nolasha shacabka iyo mida ciidanka wade-yaashana maahan dad war maqla tala qaata u hogaan-sama awaamiirta waxay ku soo galayaan iyagoo socda warna makaa yeelayaan, maxaa ka taqaanaa waxa uu yahay ma is qarxin rabaa ? ma soo qaldamay ? waan ku jahwareernay” sidaas waxaa noo sheegay Ciidan ku sugan Baraha kontarool ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Qaladka ugu weyn waxa uu ka jira Taliyaasha awaamiirta siiya Ciidamada sida ay KNN u sheegayn Ciidamada amniga ” Taliyaheyga waxa uu isiiyay amar ah in aan halkaan laga soo gudbi karin, hadii laga soo gudbo waxaan ku eedeysanahay dayacaad amni, mashin masuuliyiin, amar diido iyo IWM, waxaana mutaysanayaa shaqo joojin, Ciqaab Ciidan oo aad u adag, xerag iyo dhibaatooyin kale, laguuma ogolo inaa soo deyso Gabadha foosha ah ee aad ujeedo iney fool tahay waliba wadada ku dhax dhaleyso, hadii aad taliyahaada u sheegto dhibaatada jirta waa ku jeebeynaya Ciidamo kale halis ayaana ku jirtaa, dadkii annaga ayey noo heestaan naxariis laabayaal” sidaas waxaa KNN u sheegay Ciidamo ku sugan Baro kontarool oo ku yaala G/Banaadir.

Dad badan ayaa ku talinaya in Ciidamada ay joojiyaan toogashada dadka Soomaaliyeed ee dhalinyarada ah waxayna ku taliyeen Gaarigii laga shakiyo in rasaasta kor loogu rido, ama Taayarada Gaariga la toogto ama la banjariyo laakiin aan laga bilaabin toogashada wiilasha.

Xigasho: Radio Kulmiye

Xog: Ethiopia oo warqad muhiim ah gudoonsiisay C/Kariim Qalbi-Dhagax

Addis-Ababa (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Sarkaalka ONLF Cabdikariin Qalbi dhagax lasiiyay warqad uu maalmahaani ka sugaayay dowlada Ethiopia.

Warqadaani oo dhanka dowlada kasoo baxday saacado ka hor ayaa la xaqiijiyay inay ku soctay dhammaan Hay’adaha amaanka iyo maamulka Garoomada diyaaradaha Ethiopia.

Yaasin Maxamuud oo kamid ah Saraakiisha DDSI ayaa xaqiijiyay Warqadaasi ay amar buuxa sii neyso jihooyinka ay ku socoto waxa uuna xaqiijiyay inay tahay mid lagu fasaxaayo Qalbi-Dhagax.

Sarkaalkan waxa uu intaa ku daray in dhammaan mas’uuliyiinta Hay’adaha iyo kuwa Garoomada la farax inaysan hor istaagin safarada uu Sarkaalka ONLF Qalbi-Dhagax uga baxaayo Ethiopia.

Sidoo kale, Sarkaalkan waxa uu xaqiijiyay in Qalbi-Dhagax lasiiyay fasax xadidan oo uu uga maqnaankaro Ethiopia, isagoo carab dhabay in soo laabashadiisa ugu horeysa ay bilaaban doonto goortii ay su’aalo uga baahdan Hay’adaha amaanka ee arrinkiisa gacanta ku hayay.

Si kastaba ha ahaatee, Qalbi-Dhagax oo muddo ay kala maqan yihiin Saraakiisha ONLF ayaa lagu wadaa inuu kula kulmo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

Dhageyso: Taliyaha NISA ee Muqdisho oo soo iibsaday hub u socday Xuutiyiinta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Muran ayaa ka taagan hub ay dowladda Soomaaliya 22-kii bishii hore ka soo dejisay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo isugu jiray 300 AK47, 300 Bastoolado iyo agab kale, waxaana shaki badan laga muujiyay sharciyadiisa iyo qaabkii loo soo dejiyay, sida ay sheegtay idaacadda VOA.

Caasimada Online ayaa ahayd warbaahinta ugu horreysay ee shaacisay inuu hubka usoo degay Kheyre oo uu wakiil ka ahaa taliyaha NISA ee Muqdisho, Saadaq John. Halkan ka aqri warkii aan qornay June 28. 

Hubkan ayaan lagu xareyn Bakhaarada ciidamada, isla markaana waxaa la wareegay Hay’adda NISA, iyadoo aysan la socon madaxda sare ee NISA iyo xukuumadda Soomaaliya, marka laga reebo Taliyaha NISA ee G/Banadir Saadaq John iyo madax gaara.

Warbixinta waxay soo bandhigay in hubkaasi laga soo iibiyey dalka Jabuuti isagoo ahaa suuq madow oo hore loo qabtay Badda Cas una socda Xuuthiyiinta dalka Yeman.

Waxaa kale oo su’aal ka taagan tahay sharcinnimada hubkan oo la sheegay in laga qabtay badda cas. ayna qabteen ciidamada xeebaha ee Jabuuti, waxaana la aaminsan yahay inuu u socday mucaaradka Xuutiyiinta ee ka dagaalama Yemen.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in hubkan la geeyey kayd hub oo aan ahayn kii dawladda, isla markaana aysan keenistiisa ka wada warqabin laamaha dawladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sheekh Shariif oo hal arrin oo xasaasi ah uga digay Farmaajo iyo R/W Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay in lasii fogeeyo khilaafka ku saleysan siyaasada maamulka Somaliland oo uu sheegay in iminka ay tahay mid taagan meel dhow.

Sheekh Shariif, waxa uu sheegay in lama huraan ay tahay in lasoo dhaweysto maamulka Somaliland, waxa uuna tilmaamay inaysan diidaneen midnimada, balse ay jirto tabasho xal u baahan.

“Waa in lala fadhiistaa Somaliland maadaama wadanka uu hadda ka jiro isbedel, xalka Somalia waxa uu muuqan doonaa wixii ka danbeeya wadahadalka Somaliland”

Waxa uu intaa raaciyay “Walaalkaa waxbuu kaa tabankaraa, khaladna wuu dhacay oo nina ma inkiri karo reer Koonfuroow maxaa idinka tallo ah arrinkaasi aniga waxa ay ila tahay in aan la garnaqsano ninkii shalay intuu xornimo qaatay kuu yimid ee calanka kuu keenay hadana ku yiri dhibaato ayaan tabanayaa ninkaasi gar ayuu taagan yahay”

“Marka haddii aan alle ka baqno waxa ay Somaliland mudan tahay in lala fadhiisto oo xal rasmi ah loo raadiyo cabashadooda”

Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in xal degdeg ah loo raadiyo khilaafka labada dhinac, waxa uuna cadeeyay in Somaliland ay muhiim u tahay xalka Somalia.

Sidoo kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ugu baaqay inay garwaaqsadan tabashooyinka Somaliland, waxa uuna ugu baaqay keliya inay ka shaqeeyan wanaajintooda si ay usoo degdegto midnimada.

Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in adduunka uu raadinaayo midow, halka Somaliland ay xiligaani mareyso kala ququb iyo gooni isku taag, hase yeeshee waxa uu ku baaqay midnimada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

“Somaliland waxay Somalia la midoobi doontaa kaliya hadii hal arrin ay dhacdo”

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiye ku-xigeenkii hore ee maamulka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland aysan marnaba diyaar u aheyn la midoobida Somalia.

Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu sheegay in Somaliland iyo Somalia ay kala yihiin habbeen iyo maalin, waxa uuna carab dhabay in Somaliland ay aasaas u tahay dimuquraadiyada.

Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu sheegay in Somaliland aysan kasoo kaban doonin dhibaato joogta ah, waa haddii shacabkeeda ay maalin qura niyeyestaan la midoobida Somalia.

“Wey adkaan doontaa inaan la midowno Somalia waayo Somalia uma jilcana dowladnimo iyo dimuquraadiyad”

“Aniga ma garanaayo sabab aan ula midowno Somaliland, waayo Madaxda ugu sareysa dowlada iyo baarlamaanka Somalia intuba kuma imaan rabitaan shacab sidee ula midownaa”

“Anagu madaxdeenu waxaa soo doortay shacab waxa ay ku yimaaden rabitaanka shacabka, taa ayaan uga duwanahay Somalia mana dooneysno la midoobideeda’’

Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu sheegay in Somaliland ay qarka u saran tahay ictiraaf sidaa aawgeed la doonaayo in Madaxda ugu sareysa Somaliland ay muujiyaan dulqaad, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka digay in maanka la galiyo la midoobid ama la tashi lala sameeyo Somalia, isagoo arrin aad u adag ku sheegay in niyad jab lagu rido shacabka.

Haddalka Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa u muuqanaaya mid lagu sii ololinaayo khilaaf Siyaasadeedka Somaliland kala dhexeeya dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Cabdi Iley: Shidaalka aad aragtaan waxaa ka darran midka ku jira goob uu iska heysto shaqsi kaligiis.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia laga qodaayo ceel shidaal ayaa waxaa markii ugu horeysay arrintaasi ka hadlay Madaxweynaha maamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley).

Cabdi Iley, ayaa sheegay in soo saarista shidaalka ku jira dhulka Soomaalida ay waxbadan ka bedeli doonto xaalada dhammaan deeganada maamulka.

Cabdi Iley, waxa uu sheegay in ceelasha uusan aheyn hal ceel, balse ay jiran ceelal badan oo u baahan in la qodo si looga faa’iideysto kheyraadka ku jira.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inay jiraan dhowr ceel shidaal oo aysan wax war ah ka hayn Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, kuwaa oo u baahan kaliya in lasiiyo wakhti kooban oo lagu soo saarayo.

Madaxweynuhu waxa uu qiray inuu jiro aag shidaal buux dhaafiyay oo uusan waxba kala soconin hawsha ka socota, hase yeeshee la doonaayo in wakhti iyo baaritaan lagu bixiyo.

Cabdi Iley, oo arrinkaan ka hadlaaya ayaa yiri “Gobolka Jarar agagaarkeeda mid baa iska haysta Tewadhros la dhoho, ma garanaayo waxa uu damacsan yahay, waa dhul la ciirciiraya shidaal’’

“Dhulkaas inta ku jirta ayaa ku filan Somalia oo dhan, marka waa inaan ka shaqeynaa sida ninkaasi looga eryin lahaa dhulka uu iska heysto”

Sidoo kale, Cabdi Iley ayaa intaas sii raaciyay “Haddase waa la isaga daba yimid mana cadda waxa uu ula jeedo heesashada dhulka”.

Docda kale, Cabdi Iley ayaa hadalkaas ka jeediyay goob lagu sharaxaayay shidaalka uu maamulka soo saaray xili uu ku sugnaa magaalada Qabridahar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]