27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xuska maalmaha xorriyada caada-dhaqameed miyaa! mise astaan dawladnimo?

Muqdisho (Caasimada Online)-Sanad kasta xiliyadaan oo kale meel kasta oo Somaali dunida ka joogto waxaa laga Xusaa maalmaha Xorriyada ee 26 ka Juun iyo 1 da Luulyo. Lkn macnaha ay xanbaarsantahay xorriyadu iyo fahamka laga haysto ayaa kala fog sida;

Caada-dhaqameed Somaaliyeed oo sanad kasta la xuso, lana xasuusto, meeshana looga haro miyaa? Mise waa Astaan dawlad-nimo oo la rabo sanad kasta in la qiimeeyo waxa ka maqan iyo wixii laga hayo dawladdii la dhisay 1960 kii halgan dheer kadib???.

Gumaystuhu markii uu qabsaday Dhulka Somaaliya waxa ay haysatay 4 Astaamood oo kala ah:

1-Hal Qawmiyad oo ah Somaali.

2-Hal Diin oo ah Diinta Islaamka.

3-Hal Deegaan oo aan lahayn xuduud kala xira.

4-Hal Dhaqan iyo hal Luqad.

Alle ayaa ku manadaystay 4 taan Astaan Somaaliya Gumaysiga ka hor welina waa haysataa ee maxaa laga xuroobay 1960 kii? Oo mudan in la xuso sanad kasta?

WAXAAN FILAA IN AY JAWAABTU TAHAY:

1-Hal Dawlo oo madax banaan.

2-Hal Hogaamiye oo Somaali ah.

3-Hal Calan oo na mideeya.

4-Hal Awood oo na matasha.

Afartaan ayaa ah kuwa loo soo halgamay, lana soo dhiciyey 1960 kii halgan dheer kadib ee 58 sano kadib maxaa laga hayaa?

Imisa dawlo, hogaamiye, Calan iyo Gobal ayaan leenahay maanta? Dadka Somaaliyeed haddii ay Gumaysigii ka saareen dalkooda 1960 kii, ma ka xuroobeen Maskaxda? Mise weli Gumaysigii ayey ku tiirsanyihiin oo dhulkiisii uga daba tageen?.

Dadkii dhaliyey Xorriyada 1960 kii kuma fikirin mana samayn laba dawlo, laba calan, laba dastuur, laba hogaamiye, laba Astaan iwm, mana jirin koofur iyo waqooyi ee waxaa jiray laba Gumaysi kaliya oo kala haystay Koofur iyo Waqooyi, lamana midoobin 1 dii Luulyo ee waxaa la midoobay 26 kii Juun markii Calankaan Buluuga ah ee laga haystay Koofurta ilaa 1954 tii laga taagay Hargeysa 26 kii, lana qaatay Astaanta Jamhuuriyadda ee hadda la xuso, kaliya waxa ay reer Waqooyigu sugayeen reer Koofurta 4 maalmood inta uu Talyaani ka baxayo, 1 dii Luulyo kaliya waxaa lagu wada dhawaaqay lana wada dhistay Dawladii JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA.

Waxaa nasiib daro ah in Rag Siyaasiyiin iyo Aqoon-yahan sheeganaya ay lasoo taagan yihiin maalin kasta ama ay qorayaan in Jamhuuriyadu aheed laba dawladood oo isku darmay 1960 kii, hadana kala go’ay 1991 taas oo ah marin habaabin taariikheed???.

Haddii uu weli jiro qof Somaali ah oo ka baqaya Somaali kale! Ama Somaali ka cararaya Somali kale una cararaya Gumaystihii laga xuroobay! Haddii uu jiro Somaali raba in beel beel iyo gobal gobal loo kala jaro dalka? Haddii Gumaystihii shalay u kala qeybiyey dalka beel beel, gobal gobal, kuna soo galay dalka heshiisyo Oday dhaqameed welina uu beel kasta iyo Odayaasheeda uu awood u leeyahay in uu heshiis gaar ah la galo!

Arrinta Xorriyada iyo Madaxbanaanidu waxa ay u baahantahay in dib loo eego dibna loo fasiro macnaha Xorriyad?

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Qalbi Dhagax oo maanta ka dhoofay Addis Ababa

Adis Ababa ( Caasimadda Online) – Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax oo dhawaan laga soo daayey xabsi ku yaal Dalka Itoobiya ayaa isaga dhoofay Magaalada Adis Ababa.

Qalbi Dhagax oo shalay la siiyey waraaqda fasaxa ee uu dalka kaga bixi karo ayaa lagu arkay Garoonka Diyaaradaha ee Adis ababa.

Sida wararka sheegayaan Qalbi Dhagax ayaa ka dagi doono Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya halkaas oo ay dagan yihiin qoyskiisa.

Qalbi Dhagax ayaa dhawr bil u xirnaa dowladda Itoobiya kadib markii dowladda Somalia ay kasoo qabatay Magaalada Gaalkacyo ee Caasimadda Mudug.

Dhiisbista Qalbi Dhagad ayaa waxaa ka dhashay muran badan iyadoo baarlamaanka Somalia uu ku tilmaamay inay aheyd Qalad.

Sida uu sheegay Qalbi Dhagax soo deyntiisa ayaa ka timid ra,sulwasaaraha cusub ee dalkaas Abiy Ahmed oo dalka ku maamulayo siyaasad cusub.

Qalbi Dhagax ayaa si gaar ah ugu eedeyey taliyihii hore ee nabadsugidda Sanbaloolshe inuu ka dambeeyey xarigiisa isla markaasna la kala qariyey isaga iyo madaxda dalka ugu sareyso.

“Shacabka Muqdisho laguma maamuli karo in hantidooda la boobo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wareegto maanta kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir taa oo lagu mamnuucay Heshiiskii darjiinada iyo Beeraha ku yaalla Muqdisho.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxa uu sheegay in talaabada Guddoomiyaha Gobolka Yariisow ay horseedi karto sharci darro iyo inaan la aqoonsan warqadaha maamulba maamulka ka danbeeya.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxa uu tilmaamay inaanu suuragal aheyn warqadaha isdaba jooga ah ee kasoo baxaaya maamulka Gobolka, kaa oo lagu caburinaayo dadka deegaanka ah.

Xildhibaanka ayaa qoraal kooban oo uu kusoo daabacay baraha bulshada ku sheegay in wax laga xumaado ay tahay in guddoomiye Yariisow uu shaaciyo in laga laabto dhul markii hore lasiiyey dad Shacab ah.

Xildhibaanka waxa uu sheegay inay muhiim tahay in mar waliba la aqoonsado warqadaha maamuladii hore, waxa uuna arrin aad u fool-xun ku sheegay in si sahlan lagu mamnuuco amar hore oo kasoo baxay dowladii lasoo dhaafay.

Waxa uu Xildhibaanku carab dhabay inay u muuqato in shacabka Muqdisho aan lagu maamuli karin in hantidooda lagu boobo sifo aan sharci aheyn sida uu hadalka u dhigay.

Nuqul kamid ah haddalka Xildhibaanka ayaa ahaa “Waxaa kale oo runti wax aad looga xumaada ah waxa kasoo yeeray Gud. Yariisow ee ahaa in uu kala noqoday dhul ku yaala Magaalada muqdisho dad shacab ah oo hore loosiiyay waxaana u sheegayaa gudoomiyaha goabalka in aan marna shacabka Soomaaliyeed lagu maamuli karin hantidoodana lagu boobi karin laguna baabi’in karin sifooyinka nuucaan ah oo sharci darada ah”.

Waxa uu qoraalkiisa intaa ku daray Xildhibaanka “Gobalka Banaadir waxa ka socda ma ahan bilic soo celin ee waa baab’in bulsho iyo mid dhaqaale mana ahan wax la aqbali karo, waxaana si dhow ula socday habdhaqanka dowlada dhexe iyo kan maamulka Gobalka banaadir ee uu hormuudka ka yahay Abdirahman Omar Osman (Eng Yariisow) ee ku aadan bulshada Gobalka Banaadir waxayna muujinayaan ficiladani fashilka hogaanka dalka oo gadaal kariixaya cuuryaaminta bulshada Degan Gobalka iyo Guddoonka ay usoo Magacaabeen oo kaliya in ay Danhooda gaarka ah oo kaliya u fuliyaan”,

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka ayuu ku sheegay mid aan aqoon fiican ka heysan nidaamka dowladeed, waxa uuna ku taliyay in wax laga bedelo warqadaha leyska soo daba saarayo.

Xildhibaanka ayaa wax kama jiraan ku sheegay warqadaha manta kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Yariisow, waxa uuna ku baaqay in shuruud la’aan laga laabto qoraalkaasi.

Dhinaca kale, waxa uu amarkaasi ku sheegay mid aan waxba dhaamin in muqdisho aysan ka socon wax la yiraahdo bilic soo celin balse ay ka socoto sidii loo baabi’in lahaa dadka Shacabka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Mahad Salaad: Beelo gaar oo dega Xamar ayaa lagu baabi’in tallaabada Yariisow

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si weyn uga hor yimid wareegto maamulka G/Banaadir ku laalay heshiisyadii lagu bixiyey Jardiinooyinka iyo Beerihii dowladda Hoose ee Muqdisho, isagoo jawaab culus u diray madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Soomaaliya kasoo gudubtay xiligii kacaameynta oo aysan habooneyn in loo soo jiidoa dib udhac iyo dowlad la’aan, wuxuuna is weydiiyay waxay ku kala duwan yihiin heshiisyadii ay saxiixeen Tarsan, Muungaab, Yuusuf Jimcaale iyo kuwa uu saxiixay Xasan Abshir ee dowladii Siyaad Barre.

“Waxaa is-weydiin mudan maxay ku kala duwanyihiin heshiisyada iyo wareegtooyinka la laalay ee ay saxiixeen Tarsan, Mungaab iyo Yusuf Jimcaale iyo kuwii Hassan Abshir ku bixiyay dhulalkii iyo Jardiinooyinkii Mogadishu ee daaraha dhaadheer ay ka dhisteen dad ay qaraabo ahaayeen xiligii Mohamed Siyaad Bare, daarahaas oo ka tilmaaman magaalada Mogadishu ilaa maantada aan joogno?!…” ayuu yiri Mahad Salaad

Wuxuu intaas ku daray: “Ujeedu haddii ay tahay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa dowlad aniga igama horeyn. Ama run ay tahay hadal heynta maalmahaan ka jirtay magaalada Mogadishu ee ah in uu jiro qorshe lagu baabi’inayo hantida qabaa’ilada reer Mogadishu qaarkood. Taasi micnaheedu waxay tahay dulmigii iyo takoorkii dadka lagu hayay ee burburiyay dowladnimadii Soomaaliya oo mar kale la rabo dalka in dib loogu celiyo!”

Wuxuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Waxaan rabaa inaan idiin sheego inshaa’allaah waad ku hungoobi doontaan sidii kuwii idinka horeeyayba ay ugu hungoobeen ee ha usoo jiidinina dib udhac iyo dowlad la’aan dadkiina iyo dalkiina..”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dagaal qaraar oo mar kale ka dhex qarxay Oromada iyo Soomaalida Itoobiya

Baabili (Caasimadda Online) – Dagaal xooggan ayaa la sheegayaa inuu ka socdo gudaha magaalada Baabili oo maamul ahaan hoos timaadda gobolka Oromada ayna wada degaan qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Dagaallada oo maalmahanba ka socday tuulooyin ku hareereysan magaalada baabili ayaa wuxuu ku sii ballaartay magaalada gudaheeda.

Ilaa iyo hadda waxaa dagaalkaasi ku dhintay 6 qof dhaawac tira bandanna uu jiro waxaana burbur xooggan loo geystay huteellada iyo ganacsiga kale e ay Soomaalida ku lahayd magaalada baabili.

Maamulka deegaanka Oromada, kan Soomaalida iyo kan Federaalkaba kama aysan hadalin.

Dagaalladaasi ayaa waxay maalmihi la soo dhaafay ka socdeen tuulooyinka Erer iyo Biisidiimo maantana waxay ku fideen gudaha Baabili.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Shakur: Aragtida Farmaajo uu qabay iyo xantii VILLA Somalia ayaa ii soo baxday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir eek u aadan in la burburiyey dhammaan heshiisyadii ay gashay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ee ku aadan Darjiinada danta guud.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inay hadda usoo baxday xantii uga horay uga maqli jiray Villa Somalia iyo Aragtida Madaxweyne Farmaajo ee ah in hantida, ganacsiga iyo maalgashiga inta badan Muqdisho yaala uu yahay mid sharci daro ah oo boob ah gacanta dawlada na lagu soo celiyo.

Wuxuu sheegay inay dowladda Farmaajo ku socoto wadadii kalitalisnimada isla markaasna aragtidaan camal ay horey u socon weysay.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka uu soo dhigay Bartiisa Facebook

Maanta markii aan dhagaystay Warka Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaa ii soo baxay dhabta xantii aan horay uga maqli jiray Villa Somalia. Aragtida Madaxweyne Farmaajo ayaa ah in hantida, ganacsiga iyo maalgashiga inta badan Muqdisho yaala uu yahay mid sharci daro ah oo boob ah gacanta dawlada na lagu soo celiyo. Si taas loo meel mariyana ay tahay in

1- La qarameeyo (nationalize) shirkadaha diyaaradaha, kuwa Isgaarsiinta, Korontada, Biyaha iyo Maaliyada iwm.

2- In lala wareego dhismayaalka danta guud ee dawladihii isaga ka horeeyey ay bixiyeen ama heshiis kiro mudo dheer ah ku galeen, kuwaasoo ay haatan ka dhisan yihiin kaalimo shidaal, hoteelo iyo jardiinooyin beero nasasho iyo ganacsi kale oo waawayn.

Waxay ilo xog-ogaal ahi ii sheegeen in Farmaajo uu kala dooran siiyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir in uu is casilo ama burburiyo jardiinooyinka ay horay u bixiyeen dawladihii hore.

Su’aashu waxay tahay xagee laga soo bilaabayaa sharciga iyo bixinta dhulka danta guud ee ay dawladu bixisay ama kiraysay? Ma Dawladii la doortay ee rayadka ahayd, ma tii xukunka xoogtay ee miliateriga ahayd? Mise kuwii ku meelgaarka ahaa ee uu Madaxweyne Farmaajo u danbeeyo.

Madaxweynaha ama Gudoomiyaha xiligaas jooga miyaa go’aanka iska leh? Mise go’aanadii iyo sharcigii dawladihii ka horeeyey wuu jiraa.

Fikirka dawladnimo ee ku dhisan in ganacsiga ay dawlada gacanta ku hayso, in Baarlamaanka iyo lamaaha fulinta ay isku gacan ku jiraan, in ciidanka nabadsugida loo adeegsado jaasuusida, daba galka iyo fadeexaynta siyaasiyiinta, waa mid horay loo soo tijaabiyey dalka meel u gaynayo ma laha, mana filaayo in dib u heshiisiinta dalkani u baahan yahay ay wax wayn ka tarayso.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wadahadal cusub oo DF iyo Imaaraadka Carabta dhex maray (Maxaa kasoo baxay)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan waxayna kawada hadleen xiriirka aan wanaagsaneen ee u dhaxeeya Labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka

Labada Dhinac ayaa Intii uu socday kulanka waxay isla soo qaadeyn is faham darrada u dhaxeysa labada Dal taas oo saameysay dhamaan xiriirkii Labada Dowladood oo muddo iskaashi xoog leh ka dhaxeeyay.

Kulankaan oo ahaa mid khaas ah ayaan la ogeyn waxyaabaha sida gaarka ah looga wada hadlay iyo xalka khilaafka labada dowladood.

Sidoo kale waxyaabihii looga hadlay inta uu socday kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya ayaa waxaa kamid ahaa waxa ka cusub xaaladda gobolka iyo dunida inteeda kale, gaar ahana Arimaha Khaliijka.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa cadaadis weyn ku heyso dowladda Soomaaliya kadib markii ay dowladda dhexe go’aan dhex dhexaadnimo ah ka qaadatay Khilaafka dowladaha Khaliijka.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa garab weyn ka heshay Madaxda Maamul Goboleedyada oo la siiyey lacag aad u badan si ay uga hor imaadaan dowladda dhexe iyo go’aanada ka dhanka ah Imaaraadka Carabta.

Dhawaan ayaa la filayaa inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre gaaro dalka Imaaraadka Carabta si loo soo afjaro Khilaafkaan soo socday waqti badan.

QATAR oo ku soo biirtay loolanka dekadaha Somalia iyo wafdi imaaday XAMAR + 3 dekad oo ay dooneyso

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wafdi ka socdo Dowladda Qatar iyo Hey’ad maalgashi laga leeyahay dalkaas ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wafidigaan ayaa soo dhaweyn loogu sameeyey garoonka Muqdisho, wuxuuna yahay qorshahooda si ay uga qeyb noqon lahaayeen loolanka loogu jiro maalgashiga Dekadaha Soomaaliya.

Sida ay Caasimadda Online xogta ku heshay wafdigaan ayaa booqan doono Dekadaha Muqdisho, Kismaayo iyo Hobyo si ay u  qiimeeyaan isla markaasna ay maalgashi Caalami ahugu sameyn lahaayeen.

Sidoo kale waxaa jiro Dekado kale oo ay Qatar qorsheneyso inay la wareegto, waxaana circa isku sii shareeri doono Khilaafka dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo hadda marayo meel xun.

Dowladda Qatar ayaa loolan adag oo dhanka Qaaradda Africa ah kula jirto dowladda Imaaraadka Carabta iyo dalka Turkey kuwaas oo labaduba saameyn ku leh dalka Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Dekado badan kula heshiisay Maamul Goboleedyada dalka ka jiro iyo Maamulka Somaliland.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dalka Itoobiya kula heshiisay inay maalgeshi ku sameysato ilaa afar Dekadood oo aan ilaa hadda magacyadooda la sheegin waxaana lala yaaban yahay sida ay isku qaban doonaan heshiisyadaan dhinacyada ka socdo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Qorsho yaab leh oo uu CC Shakuur xildhibaanimo ku doonayey oo fashilmay.!!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeedo dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaasna la kulmay cadaadis aad u weyn ayaa doonayo inuu helo xasaanad si uu usii wato mucaaradnimadiisa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Muqdisho lagu xiray kadib markii ay gurigiisa weerareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa isaga tagay Muqdishi, waxayna dowladda ka kansanshay kulan loogu qaban lahaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Haddaba Cabdiraxmaan  Cabdishakuur ayaa isku dayey qorsho yaab badan oo ku aadan sidii uu uga mid noqon lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Kursiga Beesha C/raxmaan C/shakuur waxaa ku fadhiya Ganacsade weyn oo lacag badan ku bixiyey kursiga si uu xasaanad ugu helo, kaasoo ah xildhibaan Siciid Nuur Gariish, waxaana in muddo ah socday sidii loogu qancin lahaa inuu saayasiga beesha ku wareejiyo kursiga.

Milkiilaha Shirkadda diyaaradaha ee Jubba Airweys Siciid Nuur Giriish ayaa la sheegay inuu diiday qorshahan, iyadoo ay cadaadis weyn saareen odayaasha beesha iyo waxgaradka, iyadoo ay adag tahay inuu aqbalo arrintan.

Waxaa sidoo kale jirta cabsi ku saabsan haddii kursigu bannaanaado inuu ka qeyb noqdo musharax ay wataan madaxda dowladda federaalka kuna dagaalamaan inuu ku soo baxo kursigaasi, taasoo ah khatar kale oo heysata damaca xildhibaanimo ee siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Arrimahan oo dhan waxay qorshaha C/raxmaan C/shakuur ka dhigeen mid ay adag tahay inuu shaqeeyo, waxaana sii adkaanaya fursadaha uu heysto si uu uga mid noqdo xildhaabana Baarlamaanka Federaalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadda ku sugan  Yurub, wuxuuna doonayaa inuu laba jibaaro qorshaha uu kaga soo horjeedo dowladda Soomaaliya oo iyada mar u adeegsaday howlgal Militari oo keenay in Maxkamad la saaro.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadda ku qasban inuu sugto doorashada soo socoto si uu uga mid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya inkastoo uu la kulmi doono cadaadis ku aadan kursiga Beeshiisa maadaama ganacsadahaan uu yahay nin lacag badan ku bixin karo si uu u difaacdo booskiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Duqa magaalada Muqdisho oo baabi’iyey heshiisyadi ay dawladii Xasan ku bixisay…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta soo saaray wareegto dib loogala noqday, isla markaana lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka Jardiinooyinka.

Eng Yarisow ayaa sheegay in dhammaan heshiisyadaas ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin,isla markaana dib loogala noqday heshiisyadii lagu bixiyey dhulalka darjiinooyinka iyo Beeraha.

Sababaha loo baabi’iyey heshiisyadaas ayuu ku sheegay in markii heshiisyada la gelayey aan loo marin tartan furan,sidaasna ay sharcidarro ku noqdeen.

Waxa uu ku amray Ganacsatada in ay dib maamulka ugu soo celiyaan goobaha danta guud sida darjiinada iyo Beeraha,oo uu sheegay in ay yihiin kuwo kor u qaadaya bilicda Caasimadda,mudo 30 Maalmood ahna ay ku soo wareejiyaan.

Waxa uu sheegay in cid alaala iyo cidii cabasho qabta ay la soo xiriirto balse ciddii ka soo horjeesata amarkaas tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Akhriso Wareegtada

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Markuu Arkay heshiisyadii lagu bixiyay dhulka jardiinooyinka ah ee ku yaal Isgoysyada Waddooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho; isla markaasna uu hubsaday in heshiisyada loo maray hab khilaafsan shuruucda dalka, Madaama goobahaasi ay yihiin dhul Dan/Guud ah oo ka dhexeeya Bulshoweynta Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Banaadir;

Markuu hubsaday in lacagaha kirada ah ee dhulkaas lagu kireeyay ay yihiin Kuwo aad u hooseeya oo qiimo ahaan aan u qalmin dhulkaas Jardiinooyinka ah iyo sidoo kale muddada heshiiyada oo nidaam ahaan xad dhaaf ah iyo in goobahaas bixintooda lala baal maray habka toosan ee lagu maamulo hantida Dawladda oo ah in lagu bixiyo qandaras;
Isagoo waajib ahaan ay ugu muuqatay in ay lagama maarmaan tahay in dib loo soo celiyo billicda Magaalada iyo hantida Ummadda ka dhexysa.

Wuxuu Soo Saaray Xeerkan:

Qodobka 1aad.

Laga billaabo maalinta Xeerkan la Saxiixo, waxaa dib looga noqday, isla markaana baabi’yay dhamaan heshiisyadii lagu bixiyay dhulka Jardiinooyinka ah ee ku yaal Isgoysyada Waddooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho, maadaama goobahaasi ay yihiin dhul Dan/guud ah oo loogu tala galay in Dadweynaha Soomaaliyeed ay ku nastaan, waqtiyada fasaxa ay ka yihiin shaqadooda, isla markaana jardiinooyinku ay ka mid yihiin adeegyada ugu muhimsan dhanka aragtida guud iyo dib u soo cellinta billicda Magaalada Muqdisho;

Qodobka 2aad.

Ganacsatada Go’aankani sida tooska u quseeyo, waxaa la farayaa in muddo 30 maalmood gudohood ah ay ku banneeyaan ama ay kala baxaan wax allaale iyo agab shaqo ah ee u dhex yaal dhismooyinka dhulka Jardiinooyinka ah ee kor ku tilmaaman, maadaama qorshe ahaan lagu tala jiro in hatidaas dib loogu soo celiyo gacanta Maamulka D/Hoose ee Xamar, waxeyna muddadu ka billaabaneysaa maalinta Xeerkan la Saxiixo;

Qodobka 3aad.

Cid allaale iyo Ciddii Xeerkan jabisa ama u hogaansami weyda fulintiisa, waxaa laga qaadi doona tillaabo sharci ah oo arrimahooda waafaqsan, haddii ay jirto cid wax ka qabta amarkan, waxay waqtiga fullinta ka hor kala xiriiri karaan Maamulka Sare ee Gobalka Banadir iyo D/Hoose ee Xamar.

DHAMMAAD

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaanada mucaaradka BF oo qorsheynaya inay la kulmaan Qalbi Dhagax.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Nairobi ee xarunta Kenya lagu diyaarinaayo kulan khaasa oo dhexmara Xildhibaanada mucaaradka ee ka tirsan BFS iyo Sarkaalka ONLF C/kariin Qalbi Dhagax.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Xildhibaanada doonaya qaabilaada Qalbi Dhagax uu horboodi doono Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah mudanayaasha sida aadka ah uga soo horjeeda dowlada Somalia.

Xildhibaanada wehlin doona Axmed Fiqi ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa Todobo Xildhibaan oo mucaarad ah, waxaana kamid noqon doona Xildhibaan Saabir.

Mudanayaashan oo aad uga soo horjeeda dhiibista iyo xariga Qalbi Dhagax ayaa xiriir toosa iyo mid hooseba la sameeyay Madaxda ONLF ee ku sugan magaalada Nairobi si loogu cayimo wakhti ay kula kulmaan Qalbi Dhagax oo laga sugaayo magaalada Nairobi.

Xildhibaanada ayaa la xaqiijiyay in la kulanka Qalbi Dhagax ay uga faa’iideysan doonaan laba arrin midkood:

1-In Xildhibaanada mucaaradka ay Qalbi Dhagax u adeegsadan duulaan Siyaasadeedka kala dhexeeya dowlada Somalia.

2-In mucaaradka ay Qalbi Dhagax la wadaagan shirar ay naceeb ugu abuurayaan DFS, iyadoo si guud loo soo bandhigi doono muuqaal wada jir ah oo looga hali doono in DF ay ka fogaato talaabooyinka lamidka ah kan lagula kacay Sarkaalka ONLF.

Mucaaradka dowlada ayaa ahmiyad gaara u arka in xiligaan ay Siyaasadooda gaarka ah u adeegsadan qadiyada Qalbi Dhagax oo aad loo hadal hayo.

Warar hoose ayaa sheegaya in iminka Xildhibaano ku sugan magaalada Nairobi ay kulamo la yeesheen Saraakiil ka tirsan ONLF kuwaa oo kala hadlay in meel lagu xiro waxa loogu yeeray gafka ay DFS ka  gashay Qalbi Dhagax.

Sidoo kale, warbaahinta Imaaraadka Carabta ayaa aad u buun-buunineysa arrinta Qalbi Dhagax iyo qeyla dhaanta waayadan kasoo yeereysay mucaaradka Dowlada, waxa uuna arrinku u muuqdaa mid ay kaalin dhaqaale ka qaadan doonto dowlada Imaaraadka oo inta ugu badan mucaaradka dowlada ku bixisa dhaqaale.

Si kastaba ha ahaatee, Qalbi Dhagax ayaan la ogeyn sida uu ka yeeli doono talaabada lagu doonayo in deysmadiisa loo maro dhaliilaha mucaaradka uu ku hayo dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog-warran: Hadalka ONLF iyo midka safiir Jamaludiin keeba runta u dhow (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa beeniyey in Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax lagu sii daayey codsi ka yimid dawladda Soomaaliya. Afhayeenka ururka ONLF Caddaani Hirmooge oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax lug ah ku lahayn sii daynta Qalbi-Dhagax.

Hadalkiisa ayaa imanaya laba maalin un kadib markii safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustaf Cumar uu sheegay in Qalbi-Dhagax lagu sii daayey codsiga dowladda Soomaaliya, oo markii hore u gacan gelisay dowladda Ethiopia.

Ayada oo labadan hadal ay is khilaafayaan, ayaan haddana dowladda Soomaaliya aysan weli ka hadal arrintan, mana shaacin inay kaalin ku lahayd sii daynta Qalbi-Dhagax iyo in kale.

Labada hadal ee is-khilaafsan waxaan ku macneyn karnaa

1 – In Safiirka hadalkiisa uu sax yahay, balse laga yaabo in ururka ONLF uusan ka warhayn kaalinta dowladda Soomaaliya ka gashay arrintan. Waxaa xusid mudan in ONLF uu yahay urur aan awood lahayn inuu ogaado siyaasadda dowladda Ethiopia. Waxaa sidoo kale suurto gal ah in kasta oo Qalbi-Dhagax lagu daayey codsiga odayaasha beeshiisa, haddana dowladda Soomaaliya ay gadaal ka riixday arrinta. Dowladda Soomaaliya ayaa horey liiska argagixisada ugu dartay ururka ONLF, waxaana macquul ah in ONLF ay fursaddan uga faa’iideysatay inay mucaaraddada usii badiso dowladda.

2 – Arrinta labaad ee suurta-galka ah ayaa ah in ONLF ay saxan tahay, islamarkaana dowladda Soomaaliya aysan wax kaalin ah ku lahayn sii daynta Qalbi-Dhagax. Qodobkan ayaa waxaa taageeraya xaqiiqda ah in odayaasha beesha Qalbi-Dhagax ay sheegeen in dadaalkooda lagu sii daayey sarkaalkan. Sidoo kale Qalbi-Dhagax oo hadlay ayaa sheegay in sii dayntiisa uu mas’uul ka ahaa kaliya ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

Xaqiiqda ah in sheegashada safiir Jamaaludiin ay asaga un ku kooban tahay, halka tan ONLF ay dhinacyo badan oo kale ay taageerayaan, waxay u muuqataa inay ONLF runta sheegeyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Xog: Xafiiska KHEYRE iyo safiir Jamaaludiin oo Qalbi Dhagax ku haya cadaadis

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax lagu cadaadinayo inuu jeediyo hadal la mid ah kii uu sabtidii Muqdisho ka sheegay safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya.

Safiir Jamaaludiin Mustaf Cumar ayaa sheegay sabtidii in Qalbi-Dhagax lagu sii daayey codsi ka yimid dowladda Soomaaliya, oo markii hore sarkaalkan ka tirsan ONLF u gacan gelisay dowladda Ethiopia.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online sheegay in saraakiil ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre iyo Jamaaludiin ay ay ku cadaadinayaan Qalbi-Dhagax inuu sheego in dowladda Soomaaliya ay dadaal ku bixisay sii dayntiisa.

Ma cadda, haddii arrintan ay ku lug leedahay dowladda Ethiopia guud ahaan iyo inay ku siman tahay safiirka. Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya ayaa ay isku beel yihiin ra’iisul wasaare Kheyre.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qalbi-Dhagax loo ballan-qaaday dhaqaale aan la shaacin cadadiisa.

Ilo-wareedyadeena waxa ay sheegayaan in Qalbi-Dhagax uu illaa hadda ka caga jiidayo arrintan, isaga oo aaminsan inuu ku lumin karo taageerada dadkii sida aadka ah uga gubtay dhiibistiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso wareysi cusub: Qalbi-Dhagax oo shaaca ka qaaday qaabkii loo dhiibay

Addis-Ababa (Caasimada Online) – C/kariin Sheekh Muuse Qalbidhagax ayaa ka hadlay qaabkii loo sii daayey, ciddii ka danbeysay xiritaankiisa iyo in Itoobiya loo gacan  geliyo iyo qorshaha mustaqbalka uu doonayo inuu ku dhaqaaqo.

Isagoo wareysigii ugu horeeyay bixiyay ayuu caddeeyay in sii deyntiisa ay ka timid Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo isbedello ka wada dalkiisa, isla markaana ay is arkeen 30-kii bishii June oo ay wadahadleen, isla markaana aysan jirin cid kale oo uu kala tashaday ama la qorsheysay inaysan jirin sii deyntiisa.

Wuxuu sheegay in Hay’adda Nabadsugidda Soomaalida ee NISA iyo agaasimihii ugu sareeyay xilliga la soo qabanayey C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ay ka dambeeyeen in la soo xiro oo Itoobiya loo gacan geliyo, iyadoo madaxda sare ee dowladda uu filayo inay la socdeen arrintaasi.

“Xarigeyga waa ka danbeeyay Maamulka Farmaajo, waxaa howsheyda gacanta igu hayay Hay’addii uu Sanbaloolshe madaxda ka ahaa, iyaga iga soo qabtay Gaalkacyo dhibaato badan ayay ii geysteen, Xamar ayey Godka Jilacow igu xireen, … Mudadii aan xirnaa waxay ila tahay madaxweynaha iyo madaxda dowladda waa ogaan kareen…” ayuu yiri Qalbi dhagax oo wareysi siiyey Ramadan TV.

HOOS KA DAARO OO DHAGEYSO

Xog: Imaaraadka oo Cabdi Weli Gaas siinaya dhaqaale laga leeyahay hal ujeedo

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lasoo sheegayaa inay ballanqaday dhaqaale xoogan oo la filaayo in loo adeegsan doono doorashada maamulka Puntland.

Dhaqaalahaani ayaa la xaqiijiyay inuu ballanqaaday Dhaxal Sugaha Imaaradda ahna ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida ee dalkaasi Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in dhaqaalaha uu ballanqaaday Sheekh Maxamed Bin Zayed ay gaar u tahay Hoggaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas oo xusul duub ugu jira dib u hanashada maamulka uu kasii dagaayo.

Sheekh Maxamed Bin Zayed, ayaa C/weli Gaas u ballanqaaday lacag dhan 1 Milyan taa uu u adeegsan doono codadka Xildhibaanada baarlamaanka, Odayaasha, Siyaasiyiinta iyo Ololaha oo qaadan doona dhaqaalaha ugu badan.

Sheekh Maxamed Bin Zayed, ayaa doonaya in C/weli Gaas uu kusii ilaalshado Heshiiska Dekadda Boosaaso iyo Saldhigyo la sheegay in Imaaraadka uu ka dhex sameystay gudaha Garoonka magaalada Garoowe iyo Boosaaso.

Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa Gaas u ballanqaaday inay ku bixin doonaan dhaqaale kale oo noqon doona keyd kaa oo loo adeegsan doono Musharaxiinta miisaanka leh si aysan u galin tartanka doorashada.

Sidoo kale, Gaas ayaa laga doonayaa inuu fududeeyo xal u helida caqabadaha aadka u badan ee dowlada Imaaraadka ka heysta dhanka dowlada Somalia, waxaana arrintaasi dhiiri galinaaya Sheekh Maxamed Bin Zayed.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Imaaraadka ayaa dooneysa inay kusii nagaato Dekadda iyo Garoomada Puntland, waxa ayna dagaal dadban kula jirtaa musharaxiin ay wadato dowlada Somalia, kuwaa oo laga cabsi qabo haddii ay guuleystan inay meesha ka saaran Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

DF oo xabsi dhigtay taliye ka tirsan ciidanka NISA oo ku kacay fal aan fiicneyn

Baydhabo (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xabsi la dhigay Taliyaha Nabad-sugida Degmada Waajid ee Gobolka Bakool Nuur Xasan Buule.

Taliyaha ayaa lasoo sheegayaa in ciidamo badan oo isku dhaf ah ay hooygiisa kala baxeen kadib amar kasoo baxay maamulka Gobolka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Somalia oo ka hadlaayay xariga Taliyaha ayaa sheegay in lala xiray dhowr askari oo xiliga xariga isku dayay inay bad-baadiyaan Taliyaha.

Cali Xasan Ibraahim Cali Dheere, oo ah Taliyaha Booliska degmada Waajid isla markaana ka hadlaayay xariga ayaa sheegay in Taliyaha Xarigiisa uu yahay mid xabsi guri ah.

Cali Xasan, waxa uu intaa ku daray in sababta xariga Taliyaha Nabad-sugida Degmada Waajid uu yahay in loo heysto isku dhac dhexmaray Ciidamo uu watay iyo ciidamada Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed oo ku guda jiray howlgal roondo ah.

“Kiiska xariga Taliyaha waxa uu iminka gaaray meel fog,waayo rasaasta ay rideen ciidamadiisa waxa ay geysteen dhibaato’’

Isku dhaca loo xiray Taliyaha Nabad-sugida degmada Waajid ayaa waxaa ku dhintay illaa 2 Askari halka mid kalena uu ku dhaawacmay, waxaana falkaasi lagu sheegay mid aad u xun.

Dhinaca kale, talaabada lagu xiray Taliyaha ayaa  khilaaf ka dhex abuurtay maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

C/xakiin Cameey: “6 bil oo soo socota SOMALILAND ma sii taagnaan doonto”

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Camey, ayaa daboolka ka qaaday inay la dagaalami doonaan maamulka Somaliland ee uu Hoggaamiyo Muuse Biixi.

Camey, ayaa sheegay in Puntland aysan u dulqaadan doonin in maamul jaar la’ah uu sheegto dowlad ka madax-banaan Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Muuse Biixi uu kala ququbay Soomaalida.

Camey, waxa uu sheegay in Muuse Biixi uu yahay mid halis ku ah Somalia maadaama isagoo jooga muddo aad u yar uu bilaabay hurinta colaadaha ka oloosan Gobolka Sool, sida uu hadalka u dhigay.

“Biixi waxa uu lasoo baxay colaad abuuris Puntland indhaha kama qabsan doonto falalka colaadeed ee uu abuuray Muuse Biixi’’

“Puntland waxa ay jiritaanka Somaliland kusoo gabagabeyn doontaa wax ka yar Lix bilood, wey adkaan doontaa inay sii dhisnaato Somaliland wixii xiligaan ka danbeeya”, ayuu yiri Cabdixakiin Camey.

“Waxaa naga dhamaaday sabarka waxeynu kaashan doonaa awoodeena, Somalilandi-na ha kaashato muruqeeda”.

Sidoo kale, Camey ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay ka fiirsadaan wixii u dana, ka hor inta aysan dhabar jabin buu yiri maamulka Muuse Biixi.

Haddalka Camey, ayaa imaanaya iyadoo labada maamul ay ciidamo hor leh geeyen deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Faallo: Maxaa ka qaldan mucaaradka Soomaaliya?

Marna ma aragtay iyagoo ka hadlaya sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa qaxootiga ku dayacan dalka gudahiisa iyo dibadahaba? Ma aragtay iyagoo ka hadlaya sidii wax loogo qaban lahaa halaynta bay’adda iyo ka hortagga nabaad-guurka bad iyo birri midna? Ma aragtay iyagoo soo bandhigay fikrado xal u noqon kara dhaqaale darida, hagaajinta kabayaasha dhaqaalaha, yareynta saboolnimada, tacliinta iyo cadaaladda? Ma aragtay iyagoo hadal haya qorshe looga difaaci karo macaamiisha danyarta ah  dhiig-miiratada mehradaha ganacsi leh ee hadafkooda keliya yahay sidii ay dhaqso ku taajiri lahaayeen? Miyaad aragtay iyagoo ka doodaya sida ugu wanaagsan ee dalka looga hirgelin karo demokaraatiyad hannaqaada? Miyaad aragtay hindiseyaal loo bogey oo ay golayaasha dalka hor keeneen? Waxyaabahas iyo kuwa kale oo badan oo danta muwaadinta Soomaaliyeed ku jirto annigu ma arag mucaraad ku sheega Soomaaliya oo ka doodaya ama hadal haya. Xaqiiqada se waxay tahay in aysan jirin cid aragtay iyagoo wax nuxur leh oo ay la soo shir tagaan. Waxa keliya ee ay xeel-dheerayaal ku nogdeen sida loo baahiyo waxa afka-qalaag lagu yiraahdo conspiracy theory (aragti shirqool) oo ah in tillaabo kasta oo la qaado iyo wax kasta oo la sameeyo ay ku duugan tahay shirqool iyo damac guracan oo ka dhan ah shacabka soomaaliyeed. Falcelintooda iyo hadalkoodana waxa uu ku soo koobmay ka daba dheh sida dhoocil dhaajis barad ah.

Annigu ma difaacayo xukumadda Xamar maanta ka jirta, waxaana qirayaa in ay dhanka xukumadda ka jirto gaabis badan, liidnaansho xaad dhaaf ah iyo wax ba’in badan. Laakiin waxaa ka dar oo dibi dhal noqday mucaaradkii ay aheyd in ay ugu yaraan isku muujiyaan kuwo wax dhaama kuwa maanta awoodda haya.

Labo aan kala maarmin

Inkasta oo uusan caalamka maanta jirin waddan loo barbar-dhigi karo xalaadda soomaaliya ku sugan tahay sababo la xiriira amni la’aanta iyo xasilooni la’aanta dabada dheeraatay, hadana waxaa la oran karaa xukumad liidata waxaa u sabab ah mucaraad liita. Dabcan sidoo kale waa la oran karaa mucaarad liita waxaa sababa xukumad liidata. Micnahuna waa labo isku baahan oo aan midkoodna laga maarmin. Marka ay xukumad ma dhalays noqoto ama ka gaabiso howlahii loo igmaday waa waajibka mucaaradka u iftiiminta shacabka waxii ay xukumadda gabtay, tilmaamidda dhabahii laga lumay iyo curinta afkaaro cusub oo lagu gaaaro himilada bulshadu leedahay. Balse haddii kii awoodda hayay ee liitay ka sii daran yahay kii rabay in uu  baddelo soo jugjug meeshaada joog ma ahan.

Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed dowladnimada u haraadsan?

Runtii maanta ma jiro mucaraad nuxur le oo abaabulan oo xambaari kara qarannimada ummadda Soomaaliyeedd. Waxa keliya ee jira shaqsiyaad danley ah oo waxtarkooda ku kooban yahay sidaan horey u sheegay beenta iyo warxumo tashiilka. Hadaan la helin sida ugu dhaqsiyaha badan mucaarad xalaal ah oo hanan kara quluubta shacab weynaha Soomaaliyeed waa nuga dheeraanayaa geedi socodka aan ugu jirno dowladnimo dhamaystiran. Waxaa xataa dhaci karta in ay naga burburto inta yar ee an hadda haysano. Suurta-galna ma ahan in laga dhexwaayo 12ka malyan ee Soomaaliyeed gabdho iyo wiilal qaluub wanaagsan oo toosiya dowladnimada yar ee aynu hadda haysano.

W/Q: Warsame Elmi
Saxafi madax-banaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Qarax ka dhacay Muqdisho iyo khasaare ka dhashay (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay degmada Waabari ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Xaafada  Afizooni ee degmada.

Qaraxa ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay khasaaro kala duwan oo soo gaaray dad goobta ku sugnaa.

Qaraxa ayaa waxaa kasoo baxaaya warar kala duwan wararka qaar ayaa sheegaya inuu ka dhashay Gaari nooca raaxada oo lagu xiray qarax, halka warar kaa ka duwan ay sheegayaan inuu ka dhashay Miino dhulka lagu aasay.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal ruux, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen dhowr kale oo xiliga Qaraxa ku sugnaa goobta.

Meydka iyo dhaawaca ayaa waxaa goobta ka qaaday ciidamada amaanka oo ku baxay Qaraxa, waxaana lasoo warinayaa in la dhigay goobaha caafimaadka si ay gurmad u helaan kuwa dhaawaca ah.

Sidoo kale, goobta uu ka dhacay Qaraxa ayaa waxaa qadar ka hor inta uusan Qaraxa dhicin maray ciidamo ka tirsan dowlada kuwaa oo ku guda jiray rondo.

Dhinaca kale, Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta laga qabtay ku dhawaad shan ruux oo looga shakiyay inay ka danbeeyen Qaraxa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta oo hay’ada isgaarsiinta ka warbixisay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa ka warbixiyay guulaha laga gaaray dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo dhowaan loo sameeyay Hay’ad Maamul (Borad of Directors), taasoo ahayd tallaabo kale oo loo qaaday in nidaam iyo kala-dambeyn loo sameeyo isgaarsiinta dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dhismaha guddigan uu yimid muddo 6 bilood ah ka dib oo ay Wasaaraddu wada-tashiyo caddeymo leh la yeelanaysay dhinacyada uu sharcigu dhigayo oo kala ah dawladda, dhinacyada isgaarsiinta (sectorka), iyo xubno ka kala imanaya bulshada rayidka iyo bahda sharci-yaqaannada, si loo dhiso guddi dhammeystiran. Wuxuu xusay inuu ku faraxsan yahay aqoonta iyo waayo-aragnimada xubnaha guddigan ka dib markii uu la kulmay dhammaadkii bishii hore, isagoo intaasi ku daray in guddigan uusan ahayn mid siyaasadeed, balse uu yahay mid farsamo oo aqoon iyo waayo-aragnimo lagu xushay.

Wasiirka oo uu dhinaciisa fadhiyay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, wuxuu sheegay in Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ay gacan ka geysan doonto sidii loo fulin lahaa sharciga isgaarsiinta, isagoo xusay in loo baahan yahay in fursad la siiyo si ay u gutaan waajibaadkooda.

Isaga oo ka hadlayay ahmiyadda Hay’addan, ayaa Wasiirku waxa uu sheegay in uu culeys badan kala kulmay ansixintii sharcigan oo muddo 12 sano ah soo jiitamayay, balse aysan Xukuumaddu oggolaan doonin in sanado kale ay qaadato dhaqan-gelinta sharcigan maadaama ujeeddada ansixinta sharcigan aysan ahayn inuu warqado ku qornaado.

Wasiirka oo ka hadlayay farqiga u dhexeeya nuqulka ku soo baxay faafinta rasmiga iyo asalkii ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka, gaar ahaan xubinta ka imanaysa sharciyaqaannada, ayaa sheegay in khaladka uu yimid kadib markii nuqulka uu Golaha Shacabka soo gudbiyay uu soo xigtay asalkii sharciga ay Xukuumaddu u gudbisay Baarlamaanka, balse isbeddelkii uu sameeyay Baarlamaanka aan lagu xusin. “Waxaa asal ah nuqulka ay ansixiyeen Golayaasha Baarlamaanka, sixitaanka arrintaana waxay u taallaa xafiisyada ay khuseyso, kuwaasoo haatan ku hawlan,” ayuu yiri wasiirku.

Ugu dambeyntii Wasiirku wuxuu sheegay in albaabka Wasaaradda uu u furan yahay ciddii tabasho qabta oo soo mareysa nidaamka dawladeed. “Waxaan ogsoonnahay in sharciga la ansixiyay iyo guddiganba aysan ahayn kuwo aan ceeb lahayn. Laakiin si loo gaaro wax dhammeystiran waa in meel eber ah laga billaabo oo sanad walba la horumariyo. Haddiise laga fekerayo in laga billaabo 100%, waxaa cad inaan joogeyno halkii aan joognay intii aan sharciga la ansixinin,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray “waxaan rajeynayaa in waxqabadka Hay’addan iyo Guddiga la magacaabayba la mahadin doono mustaqbalka, waayo hadda dadka uma muuqan karaan faa’iidooyinka sharciga iyo Hay’addaba. Marka waxaan leeyahay yaan laga hordhicin oo waqti ha la siiyo, hana lala shaqeeyo Hay’adda.”

DHAMMAAD