Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay, ayaa waxa uu si gaara uga dhacay aaga wadada Taleex.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal ruux, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex qof oo shacab ah, kuwaasi oo la dhigay isbitaalada ku dhow Taleex.
Qaraxa kadib ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaao lagu xaqiijinaayo Qaraxa iyo cidii ka danbeysay.
Si kastaba ha ahaatee, Qaraxan ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho ay maalmahaani ka caaganeyd Qaraxyada.
Afgooye (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in Qarax lala eegtay gaadiid dagaal oo uu la socday Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Gen. Cabdullaahi Cali Caanood oo shalay uu xilka ka qaaday Madaxweynaha.
Caanood, ayaa Qaraxa lagula eegtay Jiiro Gaaljecel oo u dhaxeysa Lambar 60 iyo Shalambood, waxaana lasoo sheegayaa in Qaraxa uu la kacay ku dhawaad laba gaari oo kamid ahaa gaadiid dagaal oo uu galbinaayay Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Gen. Caanood.
Gaadiidka uu galbinaayay Caanood ayaa la sheegay in guud ahaan ay ahaayen 46 Cabdi Bille kuwaa oo dib ugu soo laabanaayay magaalada Muqdisho oo markii horaba ay ka tageen.
Qaar kamid ah Saraakiisha wehlineysay Abaanduulaha ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi uu burburiyay hal gaari, halka gaari kale uu soo gaaray burbur aan sidaa u buurneyn, islamarkaana waxyeelo uu ka soo gaaray ciidankii gaariga saarnaa.
Waxa ay sheegen in Qaraxa uu ka badbaaday Gen. Caanood, hase yeeshee ay waxyeelada ugu badan aheyd mid soo gaartay ciidamada.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan Ilaa hadda la ogayn khasaaraha guud ee ciidamada kasoo gaaray Qaraxa waxaana arrintaasi ka gaabsaday Saraakiisha xaqiijisay burburka labada gaari oo dab ka dhashay Qaraxa qabsaday.
Mac-hadka cilmi-baarista siyaasadda ee Heritage ee ku yaala Muqdisho ayaa daraasad cusub kasoo saaray wax uu ku tilmaamay ‘gebi-dhaclaynta’ siyaasadda arrimaha dibedda ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna mac-hadka soo jeediyay tallooyin ‘wax-ku-ool ah’.
Gefafkii Taariikhda
Daraasadda waxaa lagu bilaabay gefafkii waaweynaa ee xagga dublamaasiyadda ee taariikhda ka dhacay Soomaaliya, waxaana tusaale loosoo qaatay in markii uu dhacay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii 1977-dii.
Waxaa daraasadda lagu sheegay in waraaqo sir ah oo uu faafiyay bogga seeri-afuufka ee Wiki Leaks uu soo bandhigay caddeymo ku saabsan in xulufadii Soomaaliya ee Sucuudiga, Liibiya iyo Yemen iyo xitaa Maraykanka ay la safteen Itoobiya, taasna ugu wacnayd gefkii dublamaasiyadeed ee ay gashay.
“Taas waxa ay jabisay qabkii ama isla qabweyninkii Soomaalida, xukunkii kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre kama uusan soo kabsan dhibaatadii kasoo gaartay dagaalkii Itoobiya” ayaa lagu yiri daraasadda.
QM oo loogu baaqay inay farageliso Suuriya
Waddamada khaliijka oo iska kaashanaya la dagaalanka argagixisada
Britain oo doonaysa inay bilawdo ‘bog cusub’ xiriirka dalalka Khaliijka
“Qudha 40 sano kadib xilligaas, taariikhda ayaa u muuqata in ay markale dib ugu laabanaysa halkii, balse markan waa ay kasii walwal badantahay” ayay daraasadda intaas ku dartay.
Khilaafka Khaliijka
Daraasadda ayaa aad loogu lafo gurey in go’aankii dhexdhexaadnimada ee ay Soomaaliya ka qaadatay khilaafka dalalka Carabta ee xulufada Sucuudiga oo dhinac ah iyo Qatar oo dhinac.
Waxaa lagu sheegay in ay dowladda Soomaaliya loo arkay in ay u janjeerto dalka Qatar, balse ay dad badan la yaabeen, waxa ay ugu xilatay Qatar, kuna lumisay kalsoonida dalalkii xulufada soo jireenka ahaa sida Sucuudiga, Imaaraatka iyo Masar.
“Xitaa booqashooyinkii madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ay ku tageen Riyadh iyo Dubai ma aysan soo hagaajin xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo dalalkaas” ayaa lagu yiri daraasadda Heritage, oo intaas ku dartay in Sucuudiga uu Soomaaliya dib ugu soo celiyay 27 kun oo ari ah, xilli lagu dhowyahay munaasabadda Ciidda Carafada oo xoolaha la qalo.
Waxaa xusid mudan in tallaabada Sucuudiga ay kusoo hagaagtay maalmo uun kadib markii dowladda Soomaaliya ay la safatay Sucuudiga markii ay is qabteen Canada, go’aankaas oo daraasadda ay ku tilmaamtay mid uu degdeg badan ka muuqday.
Tallooyin
Daraasadda waxaa lagu soo jeediyay tallooyin dhawr ah, waxaase ugu muhiimsan labo talo.
Tan koowaad waa in siyaasadda arrimaha dibedda lagu dhiso wax loogu yeeray ‘dublamaasiyadda ganacsiga’ taas oo ah in go’aamada lagu saleeyo hadba danaha ganacsi ee Soomaaliya.
Sucuudiga waxa ay dhoofsadaan inta badan xoolaha Soomaaliya, halka Imaaraatka uu yahay dalka ganacsiga ugu badan ay la leedahay Soomaaliya dalalka adduunka oo dhan.
Daraasadda ayaa waxaa lagu sheegay in dhanka kale Qatar aysan jirin wax la taaban karo oo ka dhaxeeya, sidaasi oo ay tahay saamayn badan ay ku yeelatay dowladda Soomaaliya.
Tallada labaad ayaa ah in inkasta oo dastuur ahaan dowladda dhexe xaq u leedahay dajinta siyaasadda arrimaha dibedda, haddane ay wanaagsanaan lahayd haddii ay la tashan lahayd dowlad goboleedyada iyo dadka kale ee saamiilayaasha dalka ah.
Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame iyo xisbigisii ayaa lasoo warinaya in aaney weli aqbalin qorshaha socda ee la doonayo in lagu mideeyo xubnaha mucaaradka ku ah Dowlada hada jirta, sababaha uu uga gaabsaday ayaa lagu sheegay iney la xiriirto cida hogaamineya isbaheysiga.
CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame wuxuu doonayay in isaga uu noqdo ninka hogaamiaya isbaheysiga mucaaradka, laakiin xubnaha Daljir iyo kooxdii Qabyo ayaa soo jeediyay inuusan Warsame hada boqolkiiba boqol ka gadmi karin bulshada Soomaaliyeed. Waxaa la sheegaya in Cadikariin Guuleed uu ku dadaalayay in mudo ah in CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame uu noqdo hogaamiyaha isbaheysiga mucaaradka. Xubnaha wada hadalada ku galay Nairobi iyo Ankara ayaa codkoodu u batay in Xasan Shiikh uu noqdo hogaamiyaha isbaheysiga si ku meel gaar ah inta laga dhameystiraayo dhismaha ururkaan.
Wadajir iyo CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame ayaa la sheegay iney ka gaabsadeen qorshihii wax isku darsiga.
Waxyaabaha ay xubnaha Daljir iyo Qabyo ku doodayaan waxaa ka mid ah in xisbiga WADAJIR uusan hal xildhibaan ku laheyn labbada Aqal ee Baarlamanka Somalia, sidaa darteed uusan u furneyn gor gortan weyn.
CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame waxaa lagu tilmaamaa nin inta badan jcel inuu isagu kaligii wax maamulo.
Caasimadda Online ayaa ogaatay in xisbiga WADAJIR uu ku qanacsanyahay qorshaha mucaaradka balse uu ka gaabsaday isbaheysiga hadii aan dalabkooda loo fulin karin. CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame ayaa mudooyinkaan is balaarin ku waday xisbigiisa isagoo xarumo uga furay dhowr wadan.
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha ciidanka hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General C/laahi Xasan Bariise, ayaa daboolka ka qaaday in Somalia ay ka xoroobeyso dhaqanka isku dhexyaaca ciidamada.
General C/laahi Xasan Bariise oo la hadlay TV-ga Somali Cable ayaa sheegay in isku darka ciidamada labisan ee NISA iyo kuwa Booliska ay waxbadan ka bedeshay hanaanka amni ee magaalada Muqdisho.
Waxa uu tilmaamay in laga gudbay isku dhexyaaca ciidamada xiliyada ay dhacayaan howlgalada, waxa uuna carab dhabay in xiligaani uu wanaagsan yahay howlgalka maadaama la mideeyay labada ciidan.
General C/laahi Xasan Bariise, waxa uu tilmaamay in markii magaalada gudaheeda ay ka wada shaqeyn jireen ciidanka Nabad Sugidda iyo kuwa Booliska uu imaan jiray isku dhac ciidanka dhexdooda ah, hase yeeshee iminka laga gudbay ciidankuna uu yahay hal ciidan oo qura.
“Waxaan ka gudubnay isku dhacyada ciidamada NISA iyo kuwa Booliska ee gudaha magaalada, hadda ciidamadu waa hal jiho qura waxa ayna ku shaqeyn doonaan hal amar oo kaliya”
Wuxuu sheegay ciidankii Nabad Sugidda ee magaalada ka hawlgali jiray qaarkood in la hoos geeyay Booliska, kana amar qaadanayaan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Cabdi Maxamed, arrintana ay keentay in la helo wada shaqeyn dhab ah oo ciidamda ay yeeshaan.
“Shalay laba amar hadii ay bixi jirtay, maanta Hal amar ayuu ku soo wareegay amnigii oo Taliyaha ciidanka Booliska ayay ka amar qaadanayaan ciidankii Nabad Sugidda ee lagau biiriyay Booliska, hada waxaa u socda tababar xirfadeed, waxaan rajeynaa in amniga aan ku guuleysano, shacabka waxaan ka codsanayaa inay nagala shaqeeyaan sugidda amniga”.
Waxa uu sheegay in dhibaatada ugu badneyd ee heysatay ciidamada ay aheyd isku dhaca, balse iminka leyskala gudbay, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, General C/laahi Xasan Bariise, waxa uu sheegay in dowlada Somalia talaabadani laga doonaayay xili hore, hase yeeshee xiligan la doonaayo in la dhaqan galiyo keliya nidaamka loo bareeray.
Haddalka General C/laahi Xasan Bariise,ayaa imaanaya xili ciidamada dowlada ay ku dagaalami jireen magaalada Muqdisho kuwaa oo kala taabacsanaa Hay’ado kala duwan oo is midab faquuqayay.
Waa waxa ninkan aan la aragba, oo saxaafada aan kasoo dhexmuuqan, rag badan uga qeeyliyeen. XILKA KU-XIGEENKA AGAASIMAHA GUUD EE NISA!
Wuxuu Shalaly oo ay taariikhdu ku began tahay 16-da August, 2018-ka Madaxweynaha u magacaabay Fahad Yaasiin kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabada-Sugidda Qaranka (NISA).
Waxaa laga fahmayaa in hey’adan oo qas badan, iyo isqabqabsi uu kadhexjiro, Madaxweynuhu rabo in la isku toosiyo.
Madaxweynaha oo la dhacsan qaab-maamulkii Fahad Yaasiin ee Madaxtooyada, uu sidaa ugu dhiibay xilkan. Waxaa laga rajo qabaa inuu si hufan umaamulidoono, isuguna dubadhiridoono. Waxa loobaahan yahay waa maamul xufan.
Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor). Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University [email protected]. Minnesota-USA.
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday inay dib ula soo baxeyso ciidamadii ka joogay xadka kala dhexeeya dowlada Eriterea.
Dowladu waxa ay sheegtay in xal waara loo helay colaadii kala dhexeysay wadanka Eriterea isla markaana laga gaaray go’aan la xiriira in dib loo soo saaro ciidamada.
Ciidamada Ethiopia ayaa xadka Eriterea ku sugnaa muddo 20 sana ah, kadib markii ay fogaatay colaada labada dal oo gaartay heer la kala qabsado dhulal baaxad leh.
Go’aankan dawladda Ethiopia ay gaartay ayaa waxa uu ka dambeyay kadib marki ay Ethiopia iyo Eriterea colaaddi u dhaxeysay ay heshiis nabad galyo ku soo afjareen.
Ciidamada Ethiopia ayaa ku sugnaa jiidaha hore ee deegaanada Buree, Zaalambass, Shiraaro iyo Baadme.
Ciidamada Ethiopia ee laga soo saarayo xadka Eriterea ayaa tiradoodu kor u dhaafeysay 100,000 iyada oo ay tirada ciidamada marar badan isbeddeleysay.
Sidoo kale, dowlada Eriterea waxa ay iyaduna dhankeeda ka sheegtay iney qaadeyso tallaabbo la mid ah tan ay Ethiopia qaadday oo ay ciidamadeeda ka qaadeyso xadka labada dal ay wadaagaan.
Si kastaba ha ahaatee, shacabka labada dal ayaa aad usoo dhaweeyay go’aanka lagu kala qaadayo labad ciidan.
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa ku hanjabay inuu Gacan bir ah ku qaban doono xaaladaha amni darro ee ka taagan qaybo ka mid ah Dalkaasi, markii ay dhawaan hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka u soo jeediyeen inuu wax ka qabto qul-qulatooyinka jira.
Maria Burnett, oo ah Agaasimaha hay’adda u doodda xuquql Insaanka (HRW) ee Bariga Afrika, ayaa sheegtay in dilalka Qowmiyadaha, gaar ahaan is ugaarsiga ka dhexeeya Soomaalida iyo Oromadu in ay ku beertay walaac aad u weyn.
War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in marxaladdan ay ku hayso walaac xooggan, wuxuuna ballan qaadan Abiy Axmed, inuu samayn doono dib u habayn xagga ammaanka ah.
Human Rights Watch, ayaa faah-faahin ka bixisay rabshadihii u dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Jig-jiga, halkaas oo lagu dilay Dad Shacab ah, laguna boobay hanti, iyadoo Deb la qabadsiiyay Macbadyo iyo goobo kale, taasoo sabab u ahayd markii ay Ciidamada Federaalku xoog ku galeen xarumahii Dowlad degaanka.
Tallaabadaas ayaa ka caraysiisay Ciidanka Liyuu Boolis oo daacad u ah Madaxweynihii hore ee DDSI, iyo Bar-baarta Heego, oo ah Dhallin yaro taabacsan Cabdi Maxamuud Cumar, kaas oo haatan ku jira Xabsi ku yaalla Addis ababa.
Hay’adda ayaa sidoo kale ka hadashay rabshado ka dhacay Magaalada Dire-dhaba oo ay ku dhinteen 15 Qof oo Soomaali ah iyo dilal ka dhacay Shashabane, Tabe, Adama iyo degaanno kale, kuwaasoo intooda badan dhacay Bishan Augost.
Dhinaca kale, waxaa haatan yaraaday xasaradihii ka dhex aloosnayd Soomaalida Itoobiya iyo Oromada, waxaana imminka billoowday in Kumanaan Qof oo kasoo cararay rabshadaha kuna sugnaa Waqooyiga Soomaaliya iyo jabuuti ay dib ugu laabtaan degaannadoodii hore.
Jabuuti (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf aya ka hadlay xiriirka dalalka Soomaaliya ee Jabuuti, kadib booqasho uu dalkaasi ku tegay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wasiirka ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu ahaan doono mid xoog leh ka sokow dib u dhicii dhowaan soo wajahay, wuxuuna intaas ku daray in socdaalka madaxweyne Farmaajo ku joogo Jabuuti iyo wadahadallada uu la leeyahay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay xaqiijinayaan xiriirka qotoda dheer ee labada dal.
Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo ay maalintii labaad ku sugan yihiin dalka Jabuuti si xal loogu helo madmadow soo dhex galay labada dal oo yimid kadib socdaalkii Farmaajo ee dalka Eritrea iyo baaqiisii ahaa in Q/Midoobay ay cunaqabateynta ka qaado dalka Eritrea.
Wararka laga helayo Jabuuti ayaa sheegaya in wadahadal toos ah u socdo madaxda labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iyadoo lagu wado in maanta gelinka danbe laga soo saaro War-murtiyeed.
Muqdisho (Caasimadda Online) – Inta badan madaxda maamulada Somalia waxaa kusoo wajahan doorashooyin waxaana jirta walaac xooggan oo ku aaddan in Dowladda dhexe ay la timaado xubno ay gadaal ka riixeyso.
Madaxda shanta maamul goboleed ee Somlia ayaa ku heshiiyay iney Hagbad ama Ayuuto sameystaan taas oo lagu caawinayo musharax kasta oo iyaga ka mid ah oo doorasho galaya. Maamul walba wuxuu bixin doonaa hal milyan oo dollar waxaana la siin doonaa musharaxa markaas doorashada galaya si uu ugu guuleysto inuu dib usoo noqdo. Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Koonfur Galbeed maamula wuxuu noqon doonaa midka koowaad ee lacagtaa la siiyo madaama ay doorashadiisu soo dhowdahay.
Arrintaan waxaa ka shaqeeyay xoghayaha guud ee golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Cabdi Cali Rage, wararka ayaa sheegayaan in dhammaan madaxda maamuladu ay aqbaleen qorshahaan iskaashiga dhaqaale ee u sahalaya inuu mid walba dib usoo laabto markii la gaaro xiligiisa doorashada.
Xogtu waxey intaaa ku dareysa in sidoo kale lagu heshiiyay in madaxweyne goboleedkii mooshin laga keenno la isugu dari doono min shan boqol oo kun oo dollar si uu mooshinka isaga difaaco. Arrintaan waxey muujineysa ayaa la lee yahay culeeska heysta madaxda maamulada Soomaaliya ka jira.
Dadka deegaanka yo odayaasha dhaqanka ayaa badi damacsan is badalo laakiin waxaa ragga talada haya ka go`an iney boosaskooda kusoo laabtan. Hagbadda ay sameysteen shanta maamul goboleed ee ka jirta Somalia ayaa dhanka kale cules ku noqon karta qorshaha ay Dowlada federaalka ah ku raadineyso is badalo ka dhaca maamul goboleedyada, waxaana laga yaabaa inuu khilaaf dhasho hadii ay doorashooyinka qaar fara galiyaan.
Sido kale talaabadan waxey muujineysa in dowlada dhexe aaney wali kala fur furin midnimada madaxda maamul goboleeyada.
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay hay`adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA waxaa ay ku jirtay xaalad kacsan iyadoo ay adkaatay iney wada shaqeeyaan xubnihii loo dhiibay hoggaanka NISA. Hay`adddani waa mida ugu badan ee caalamku lacago ku bixiyaan.
Wax badan ayey amnig Xamar ka badaleen muddadii ay jireen inkastoo dhinaca kalana ay dhib badan lee yihiin.
Taniyo markii maamulkeeda loo mgacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen waxaa dhalatay dood ah qaabka ay u shaqeyso hay`adda sirdoonka Somalia.
Dadka caasimaddu waxa ay arki jireen ciidamada NISA oo leh dhar lagu yaqaano, hub xoogan wadooyinka la taagan ,oo dadkana u sheegaya iney sirdoon yihiin, taas oo fashil badan abuurtay.
Sida uu qoray Wargeyska Muqdisho Evening News , taliyaha cusub ee NISA Xuseen wuxuu soo jeediyay in la badalo guud ahaan hannaanka sirdoonka Somalia oo loo badalo qaab dharcad u badan iyo xog aruurin , oo la joojiyo ciidamadan jidadka dhooban balse arrintaas la iskuma waafaqin, oo waxaa ka dhashay kala aragti duwanaan isaga iyo kuxigeenkiisa ah, sidoo kale waxaa jiray doodo ka abuurmay maamulka dhaqaalaha, hubka iyo amarrada oo is garab yaac badan uu ka jiray waxaana ay taasi keentay inuu khilaafkoodu bannaanka yimado.
Xuseen oo la aaminsanaa inuu awood iyo garab buuxa ka heystay xafiiska madaxweynaha ayaa shaqo joojin ku sameeyay ku xigeenadiisa, laakiin Jaamac iyo Cabadala Cabadala oo iyaguna ku tiirsanaa xafiika Ra`iisul wasaare Kheyrre ayaa isku dayay iney arrintaas ka biyo diidaan iyadoo ay doodo ka dhasheen sharciga arrintaa la xiriira.
Si walbaba madaxweyne Farmaajo ayaa maanta soo afjaray dagaalkii Nisa markii uu xilalkii ka qaaday labadii kuxigeen ee Cabadala Cabdala iyo Jaamac waxaana uu soo magacaabay Fahad Yaasiin oo laga dhigay taliye kuxigeenka NISA. Hada waxaa la hadal hayaa iney NISA dhinac isu raaci doonto, waxaa loo baahan doonaa in dib loo helo ciidamo gaar ah oo fuliya howlgalada, oo sidoo kalana la tacalaali kara amniga caasimadda.
Waxaa dood la galin kara qibrada Amni ee Fahad Yaasiin iyo Xuseen oo hadda ah labbada nin ee ugu sareysa sirdoonka Somalia balse dadka yaqaana Fahad Yaasiin waxey sheegeen inuu yahay nin u saldhigi kara NISA.
Waxa ugu weyn ee la filanaayo waa inuu taliyaha NISA dhaqan galin doono falsafaddiisa cusub ee sirdoon ka oo aheyd mid uu ka dhaadhicin waayay kuxigeenadiisii hore, sidoo kale waxa laga cabsi qabaa iney dhacaan jilaafooyin amni oo ka yimaada NISA madaaama la isku qabsaday xukunka sirdoonka.
NISA oo ciidan muhim ah u aheyd taliskii madxweyne Xasan Shiikh ayaa hada ahmiyadeedii hoos u dhacday base waxaa laga yaabaa in dib boorka looga jafo.
Waxaa kaloo la hadal hayaa iney hada si fiican ugu milmi doonaan siyaasada. Tobankii bilood ee lasoo dhaafay waxaan NISA ay ku eedeyeen xoogaga mucaaradka ee Somalia iney NISA ku milantay siyaasadda iyadoo Soomaalidu ku heshiisay inaan ciidanka lagu lifaaqin is jiid jiidka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda, taasoo haddii ay dhacdo keeni karta iska hor imaad bulsho.
Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay cunna qabateynta kusii adkeyn doonaan dalka Turkiga oo uu ku eedeeyey inay muddo badan ka faa’ideysaneysay Mareykanka, wuxuuna hadalkaan kusoo aaday xilli Wasiirka Maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin uu ku hanjabay inay cunaqabateynta kusii adkeyn doonaan dalka Turkiga haddii aysan si deg deg ah usoo deyn Baadariga dalkeeda u dhashay ee lagu magacaabay Andrew Brunson kaasoo muddo u xiran.
Taas badalkeeda Wasiirka Arrimaha Debadda Dalka Turkiga ayaa sheegay inaan khilaafka labada dal lagu xallin karin sida ay wax u wado Mareykanka isla markaasna aysan u arkin inay tahay saaxiib dhow oo aan laga maarmi karin.
Madaxweyne Trump oo farriin soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay inay dowladda Turkiga xiratay nin aan dambi laheyn isla markaasna ay arrintaas tahay afduub, wuxuuna xusay inaysan Mareykanka wax ku badalan karin shakhsi uu ku tilmaamay inuu yahay mid aan dambi gelin isagoo ku hanjabay inay ceejin doonaan.
Trump oo inta uusan qoraalkaas soo dhigin bartiisa Twitterka kulan xasaasi ah la qaatay xubnaha ugu sareeyo dalkiisa ayaa u sheegay in Turkiga uusan weli kala caddeyn haddii uu Mareykanka u yahay saaxiib fiican.
Kulankaas ayuu Trump sidoo kale ku xusay inay dowladda Mareykanka ka caawisay Turkiga sii deynta muwaadin uga xirnaa wadan uusan magacaabin, wuxuuna tilmaamay in wadanka ay iskala tirsan yihiin NATO uusan abaal uga heyn arrintaas.
Wasiirka Maaliyadda Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay inay Turkiga u qorsheeyeen cunna qabateyn dheeraad ah haddii aan si deg deg ah loo soo deyn Baadariga laga heysto.
Hakan Çavuşoğlu ayaa aaminsan in khilaafka labada dowladood lagu xallin karo qaab fudud balse aysan waxba ku socon karin qaabka uu Mareykanka hadda wado isagoo si cad u sheegay inaysan Mareykanka u arkin Saaxiib xaqiiq ah.
Wasiirka oo la hadlayey xubnaha Safaaradaha dowladaha shisheeye ee ku yaal Ankara gelinkii dambe ee Khamiistii Shalay ayaa sheegay in Turkiga uusan rabin inay sii jirto dhibaatada kala dhaxeyso Mareykanka , isagoo tilmaamay in Ankara ay dhawr jeer Washington u gudbisay xallinta khilaafkaan sidoo kalana ay ku wargeliyeen in cunna qabateyn aysan waxba soo kordhineyn.
“ Waxaa Waajib ku ah Mareykanka inoo ogaado in arrinta aysan aheyn filimka Cowboy, anaga ma jileyn mana diiwaan gelineyno Filimka Cowboy, waxaana nahay laba dowladood oo awood leh waxaana haboon xiriirka inuu noqdo mid wanaagsan, isla markaasna ay noqdaan kuwa yaqaan sidii la isku qadarin lahaa, is ixtiraamka kuma imaado cadaadis balse wuxuu ku imaadaa isku soo dhawaansho” ayuu yiri Hakan Çavuşoğlu.
Ugu dambeyntii wasiirka ayaa carabka ku dhuftay inaysan jirin wax dambi ah oo ay Turkiga ka gashay Mareykanka.
Jabuuti ayaa dib ugu yeertay safiirkeedii Muqdisho, wax yar kadib markii uu Farmaajo uu Qaramada Midoobey ugu baaqay inay xayiraadda ka qaadaan Eritrea, hadalkaasi oo Xukuumadda Jabuuti sheegtay inay ka naxday, oo lama filaana ku noqday.
Siyaasiga Maxamed Cabdi Wahaab, oo wareysi siiyay Radio Garowe ayaa si qoto-dheer u falan-qeeyay socdaalka Madaxweyne Farmaajo, isagoo ku micneeyay mid loo baahnaa, oo waqtigeeda yimid.
Mar wax laga waydiiyo in booqashada Jabuuti ay tahay mid uu doonayo Farmaajo inuu kasooo raali-geliyay Ismaaciil Cumar Geelle, hadii uu ka jeediyay Asmara ee ku baaqay in Cunaqabateynta, ayuu ku jawaabey “Waa noqon kartaa.”
Maxamed oo horey usoo noqday Agaasiimiha Wasaaradda Waxbarashada Puntland, gaar ahaan dowladdii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa xusay in Jabuuti ay tahay walaal aan la lumin karin.
“Aniga waxaan u arkaa in Madaxweyne Soomaaliya haddii markii uu joogay Eritrea ay hoos baxday in hadda inuu ka odiyeeyo waa arin mudan, waana arin u baahan in lagu bogaadiyo,” ayuu yiri Maxamed.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay door ka qaadan doonto islamarkaana dedaal ay ku bixinayso in heshiis la dhex-dhigo Eritrea iyo Jabuuti, maadaama gobolka Geeska Africa hadda uu ka socdo Isbedel.
Siyaasiga ayaa aaminsan in Soomaaliya ay mudan tahay inay dhex-dhexaadan ka noqoto khilaafka Jabuuti iyo Eritrea, maadaama labada dal uu kala dhaxeeyo xiriiro taariikhi ah, oo midna lala safan karin.
Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelley ayaa ka arrinsadeen kor u qaadista iskaashiga ku aaddan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan qadiyadaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
Nairobi (Caasimadda Online) – Warbixin lagu baahiyey Tv-ga Channel 4 ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa waxaa looga hadlay Haween Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya oo looga faa’iideestay dhaqaalo xumo heysata in rag ka yimaada dalka dibadiisa ay sixun ula dhaqmeen.
Warbixinta oo aheyd mid dokometeri ah ayaa waxaa diyaariyey Wariye Jamaal Cusmaan,waxana lagu soo bandhigay Haween sheegayey in Rag ka yimid dalka dibadiisa ay ku maran habaabiyeen Guur beenaad iyo haween kale oo sheegayey in Waalidiintooda ay deyriyeen.
“Waxaan la kulanaa Rag iskula socda Saddex Saddex oo mid ka mid ah Wadaad iska-dhigaya,waxana meesha ka dhaca in ay nagu mehehrsadaan guur been abuur ah,markii raga qaarkood ay qurbaha ku laabtaan la iska iloobo Guurkii oo loogu magacdhabo’Guur Dalxiis’ ayay qaarkood ku sheegeen Warbixinta.
Muuqaalka Warbixinta qaarkood ayaa waxaa lagu arkayaa Haweenka Soomaalida qaarkood oo ilmeynaya,iyaga oo sheegay in Noloshooda ay naceyn.
Warbixinta oo aad u dheer Hoos Ka Daawo Waxaana diyaariyey Wariye Jamaal Cusmaan.
Muqdisho (Caasimadda Online) – Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda ayaa soo saaray warbixin uu cinwaan uga dhigay (Soomaaliya iyo Baahida Siyaasad Dibadeed Fogaan-Arag ku Qotonta).
Warbixintaas oo aad u dheereyd ayaa qeyb kamid ah waxaa looga hadlay dowladda Somalia oo 40 sano kadib dib usoo celineyso dhibaato ay Soomaaliya waligeed la daala dhaceysay.
Haddaba halkaan hoose ka akhriso warbixinta Machadka uu qoray:
Marar badan, Soomaaliya waxa ay eersanaysay, farsamo-xumadeeda xiriirka dowliga ama caalamiga ah. Ilaa markii xorriyadda la qaatay sanadkii 1960-kii, dalka Soomaaliyeed waxa uu ku baraarugayey isaga oo ay is-xulufaysi caalami ah uu kala jiidanayo.
Dowladihii rayadka ahaa, waxay ku dadaaleen in ay si taxaddar leh ugu taag-taagsadaan xiriirada dowliga ah oo danaysan. Sidaas oo ay tahay, waxaa jiray xaalado ay ku fashilmeen in ay xanaf-tiraan xiriirka ay la-lahaayeen dowladaha xoogga leh qaarkood, sida Ingiriiska oo ay xiriirka u jareen iyo iyaga oo faraqa ku xirtay Midowga Sofiyeeti oo ay ka quud-darraynayeen in uu ka caawiyo in Soomaalidu ay Itoobiya cagta mariso.
Sidoo kale, saraakiishii awoodda dalka kula wareegay af-ganbiga mileteri waxay iyana ku dheceen dabinada siyaasadaha caalamiga ah ee isa-suran.
Todobaatameeyadii, xilligii uu cirka ku shareernaa Dagaalkii Qaboobaa, dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya, waxa ay si fiiro-dheeri la’aan ah marba gacan-saar ula yeelanaysey Midowga Sofiyeeti iyo NATO. Weliba xilligii ugu darnaa, markii dalka Soomaaliya isku diyaarinayey in uu dagaal uga xorreeyo dowladda Itoobiya dhulkii Soomaaliyeed, dowladda Soomaaliyeed, looma arag, dal saaxiib la ah Midowga Sofiyeeti iyo reer galbeedka midna. Xeel-dheerayaasha, ayaa u tiiriya fashilka Soomaaliya ka raacay dagaalkaas iyo hungowgii lagala soo rogmadey, guul-darraysiga ay dowladda Soomaaliyeed ku guul-darraysatay in laba quwadood oo markaas adduunka ugu tun-buurnaa ay mid gaashaan-buursato. Waayadaas, in waddan soo korayo uu qaado dagaal, iyada oo aan la dugsan mid ka mid ah dalalka xoogga leh, waxa ay ahayd fiiri-gaabni siyaasadeed oo fashil sababa. Dhab ahaantiina, dalka Soomaaliya aakhirkii waxa uu eeday in uu u dhaqaaqay in uu hirgeliyo siyaasad arrimo dibadeed oo aan jiho layaqaan u socon.
Haba noqoto ayaan darada Soomaaliya’e, Midowgii Soofiyeeti iyo Maraykankuba, waxay labaduba u ekaadeen kuwo dagaalkii 1977-dii ku midaysan taaageridda Itoobiya, in kasta oo go’aankooda iyo sababaha ay u taageereenba ay kala duwanayd. Waxaa Soomaaliya intaas uga sii xanuun badnaa, in waddamadii Carbeed ee taariikh ahaan Soomaaliya la jaalka ahaa sida Sacuudiga, Liibiya iyo Koofurta Yemen, ay dhammaantood sababo kala duwan Itoobiya u taageereen sida lagu qeexay xog ay siiddeysey Wikileaks. Dhanka kale, Itoobiya, waxay si xirfadaysan ugu guulaysatey inay ka faa’iideysato aragtigaabnida siyaasadeed ee Soomaalida, iyada oo markaas ku guulaysatey in ay Maraykan iyo Midowga Sofiyeeti u mideeyaan in Soomaaliya la maquuniyo.
Guul-darradaas ayaa badanaa loo aaneeyaa in ay sababtay hakadka galay xawaarihii Soomaaliya ku socotey ee ahaa in ay noqoto waddanka ugu awoodda badan Afrika. Taliskii miletariga ee Maxamed Siyaad Barre, kama soo kaban jabkaas, kaas oo fududeeyey inay abuurmaan jabhado beeleedyo, badankooda ay Itoobiya xarun u ahayd.
Afartan sano kaddib, waxaad mooddaa in taariikhdu ay dib u qormayso, iyada oo saaran waddadii hore wel-welna wadata. Mar kale ayaa waddamo xoog leh u kala jiidanayaan Soomaaliya jihooyin is-weydaarsan. Sidoo kale, mar kale ayaa hannaanka ay dowladdu isugu dayday inay u furdaamiso xiriiradaas, waxay keeni karaan khatar lamid ah siriqdii horay loogu dhici jirey.
Nasiib wanaag, dalku maanta waxa uu leeyahay hay’ado qaran oo awooda in ay aragtiyo kala duwan miiska soo saaraan, kuna dhaqaaqaan habab wax toosin kara, haddii loo baahdo. In qaranka Soomaaliyeed doortay hannaan dimoqraadi ah ayaana soo dhaweyneysa in fikrado iyo aragti-wadaag la sameyn karo. Balse, in talaabo horay loo qaado waxay u baahan tahay in la helo dowlad xog-ogaal u ah khataraha ka dhalan kara aragti gaabnida siyaasadda dibadda ogna ahmiyaada ay leedahay siyaasad lagu dhan yahay, gaar ahaan dal sida Soomaaliya oo kale ah oo nidaam federaal ah doortay, dagaalana ka soo kabanaya.
Machakada Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda ayaa soo saaray warbixin dheer oo uu kaga hadlayo Soomaaliya iyo baahida siyaasad dibadeed fogaan-arag ku qotonta.
Warbixintaan ayaa looga hadlay xiriirka ay Soomaaliya la leedahay wadamada Caalamka, waxayna warbixinta muujisay walaac ku aadan inay Soomaaliya dib ugu soo laabatay jahwareer dhanka xiriirka Caalamiga ah oo muddo 40 sano ka hor ay la tacaaleysay.
Haddaba halkaan hoose ka akhriso warbixintaas oo dhameystiran:
Kaddib tobannaan sano oo ay Soomaaliya ahayd dal adduunka ka haray kuna astaysan dagaalo sokeeye, macaluul, burcad-badeed, argagixiso, ayay beryahaan Soomaaliya is aragtay iyada oo dhextaagan wax lagu tilmaami karo mawjado iyo hardan siyaasadeed ugub ku ah gobalka Geeska Afrika. Dhaxtaal-nimada Soomaaliya ee loolanada iyo is-xulufeysiga Geeska Afrika, waxay noqdeen kuwo Soomaaliya aanay mahadin. Kala ir-dhowga boqortooyooyinka shidaalka ka hodmay ee Carbeed iyo is-afgaradka dalalkii kala gadoodsanaa ee gobolka Geeska Afrika, waxay u dhaweeyeen Soomaaliya oo awalba nugleyd, in ay ku dayaanto duufaanaha socda, dib-u-dhacna uu ku yimaado guulihii la gaaray tan iyo sanadkii 2000, kolkaas oo qorshayaashii nabaddaynta iyo qaran-dhiska la bilaabay.
Ilaa iyo intii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ bishi Febraayo ee sanadkii 2017-kii, labada gobol ee Soomaaliya ugu muhiimsan xagga xasilinta iyo ganacsiga – Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe – waxaa ka dhex socda is-badello ugub ah oo aan la odorosi karin meesha ay ku danbayn doonaan. Taariikh ahaan dowladda Soomaaliya ee Muqdisho ka dhisan waxay xoogga saari jirtey in ay waddamada Geeska ka kaalmaysato amniga iyo xasilinta halka ay saaxiibadeeda Bariga Dhexe ka dugsato soo kabashada dhaqaale.
Labadaas arrimoodba waxa ay u eg yihiin kuwa ka talin-tooda aanay gacanta dowladda ku jirin, maamulka Faramaajana waxa uu u eg yahay mid la daalaa-dhacaya, fahmidda, iskadaa, ka fal-celinta siyaasadahan caalamiga ah ee foolanaya. Arrimo ku bilowday wax u ekaa fahmo-darro ay keentay curdan-nimo siyaasadeed ee Xukuumadda Farmaajo ayaa u xuub-siibtay fashillo siyaasado arrimo dibadeed oo keeni kara amaba keenay in ay Soomaaliya ugu kacaan in ay bur-buraan xiriiradii ugu wanaagsanaa ee ay dalal saaxiib ah la lahayd. Gaar ahaan xilli adduunku u batay mid aan xasilnayn, halkaas oo hannaankii sharciga ku salaysnaa iyo in dowladuhu sharciga caalamiga ah ku wada shaqeeyaan aad mooddo in uu harqiyey is-bar-baryaac la isla og’ yahay. Si kastaba ha noqotee, in kasta oo xukuumadda Farmaajo talada gacanteeda ku jirta ay xaddidan tahay, haddana xukuumadda Farmaajo waxaa la gudboon in ay dhagax-dhigto, oo hirgeliso qorshe siyaasad arrimo-dibadeed cilmiyaysan, taas oo dhidibada u aasta danaha istiraatiijiga ah ee Soomaaliya, isla markaana xiriirradii jirey sii xoojisa.
Farsamo xumadii xiriirka caalamiga
Marar badan, Soomaaliya waxa ay eersanaysay, farsamo-xumadeeda xiriirka dowliga ama caalamiga ah. Ilaa markii xorriyadda la qaatay sanadkii 1960-kii, dalka Soomaaliyeed waxa uu ku baraarugayey isaga oo ay is-xulufaysi caalami ah uu kala jiidanayo.
Dowladihii rayadka ahaa, waxay ku dadaaleen in ay si taxaddar leh ugu taag-taagsadaan xiriirada dowliga ah oo danaysan. Sidaas oo ay tahay, waxaa jiray xaalado ay ku fashilmeen in ay xanaf-tiraan xiriirka ay la-lahaayeen dowladaha xoogga leh qaarkood, sida Ingiriiska oo ay xiriirka u jareen iyo iyaga oo faraqa ku xirtay Midowga Sofiyeeti oo ay ka quud-darraynayeen in uu ka caawiyo in Soomaalidu ay Itoobiya cagta mariso.
Sidoo kale, saraakiishii awoodda dalka kula wareegay af-ganbiga mileteri waxay iyana ku dheceen dabinada siyaasadaha caalamiga ah ee isa-suran.
Todobaatameeyadii, xilligii uu cirka ku shareernaa Dagaalkii Qaboobaa, dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya, waxa ay si fiiro-dheeri la’aan ah marba gacan-saar ula yeelanaysey Midowga Sofiyeeti iyo NATO. Weliba xilligii ugu darnaa, markii dalka Soomaaliya isku diyaarinayey in uu dagaal uga xorreeyo dowladda Itoobiya dhulkii Soomaaliyeed, dowladda Soomaaliyeed, looma arag, dal saaxiib la ah Midowga Sofiyeeti iyo reer galbeedka midna. Xeel-dheerayaasha, ayaa u tiiriya fashilka Soomaaliya ka raacay dagaalkaas iyo hungowgii lagala soo rogmadey, guul-darraysiga ay dowladda Soomaaliyeed ku guul-darraysatay in laba quwadood oo markaas adduunka ugu tun-buurnaa ay mid gaashaan-buursato. Waayadaas, in waddan soo korayo uu qaado dagaal, iyada oo aan la dugsan mid ka mid ah dalalka xoogga leh, waxa ay ahayd fiiri-gaabni siyaasadeed oo fashil sababa. Dhab ahaantiina, dalka Soomaaliya aakhirkii waxa uu eeday in uu u dhaqaaqay in uu hirgeliyo siyaasad arrimo dibadeed oo aan jiho layaqaan u socon.
Haba noqoto ayaan darada Soomaaliya’e, Midowgii Soofiyeeti iyo Maraykankuba, waxay labaduba u ekaadeen kuwo dagaalkii 1977-dii ku midaysan taaageridda Itoobiya, in kasta oo go’aankooda iyo sababaha ay u taageereenba ay kala duwanayd. Waxaa Soomaaliya intaas uga sii xanuun badnaa, in waddamadii Carbeed ee taariikh ahaan Soomaaliya la jaalka ahaa sida Sacuudiga, Liibiya iyo Koofurta Yemen, ay dhammaantood sababo kala duwan Itoobiya u taageereen sida lagu qeexay xog ay siiddeysey Wikileaks. Dhanka kale, Itoobiya, waxay si xirfadaysan ugu guulaysatey inay ka faa’iideysato aragtigaabnida siyaasadeed ee Soomaalida, iyada oo markaas ku guulaysatey in ay Maraykan iyo Midowga Sofiyeeti u mideeyaan in Soomaaliya la maquuniyo.
Guul-darradaas ayaa badanaa loo aaneeyaa in ay sababtay hakadka galay xawaarihii Soomaaliya ku socotey ee ahaa in ay noqoto waddanka ugu awoodda badan Afrika. Taliskii miletariga ee Maxamed Siyaad Barre, kama soo kaban jabkaas, kaas oo fududeeyey inay abuurmaan jabhado beeleedyo, badankooda ay Itoobiya xarun u ahayd.
Afartan sano kaddib, waxaad mooddaa in taariikhdu ay dib u qormayso, iyada oo saaran waddadii hore wel-welna wadata. Mar kale ayaa waddamo xoog leh u kala jiidanayaan Soomaaliya jihooyin is-weydaarsan. Sidoo kale, mar kale ayaa hannaanka ay dowladdu isugu dayday inay u furdaamiso xiriiradaas, waxay keeni karaan khatar lamid ah siriqdii horay loogu dhici jirey.
Nasiib wanaag, dalku maanta waxa uu leeyahay hay’ado qaran oo awooda in ay aragtiyo kala duwan miiska soo saaraan, kuna dhaqaaqaan habab wax toosin kara, haddii loo baahdo. In qaranka Soomaaliyeed doortay hannaan dimoqraadi ah ayaana soo dhaweyneysa in fikrado iyo aragti-wadaag la sameyn karo. Balse, in talaabo horay loo qaado waxay u baahan tahay in la helo dowlad xog-ogaal u ah khataraha ka dhalan kara aragti gaabnida siyaasadda dibadda ogna ahmiyaada ay leedahay siyaasad lagu dhan yahay, gaar ahaan dal sida Soomaaliya oo kale ah oo nidaam federaal ah doortay, dagaalana ka soo kabanaya.
Saamaayna khilaafka Khaliijka
Iyada oo ay jirtey khilaafka dabada dheeraaday ee waddamada Khaliijka iyo Iiraan (tiiyoo 2015-kii Soomaaliya ay xiriirka u jartay Iiraan iyada oo la safanaysa Sacuudiga), ayaa haddana is-qoonsiga kharaaraadey ee Imaaradaha Khaliijku dhibaatooyin waaweyn u geystey Soomaaliya.
Foodda isku-diirka Qatar oo dhan ah iyo dhanka kale oo ay kala hardamayaan is-bahaysi Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn ah. Khilaafkan waxa ay Soomaaliya ka qaadatay mowqif aaney cidna filayn. Soomaaliya waxay dhexda ugashay Sacuudiga oo u bartay in madaxda Soomaaliyeed iyaga oo aanba iska calalin in ay iska qaataan siyaasadooda arrimaha dibadda, iyo Qatar oo xarga-goosi ah sina ugu daabnayd dowladda Faramaajo.
Bilowgii isku-dhaca Qatar iyo xulafada kale Khaliijka bishii Juun 2017, is-bahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadku waxa ay cadaadis dul-dhigeen dhammaan waddamada Carabta iyo kuwa Afrikaanka si ay xiriirka ugu jaraan Qatar. In yar ayaa sidaas yeelay, laakiin badankooda dalalkaasi uma aysan bixin dalabkaas, si tartiib ah ayayna u wateen xiriirkooda kala dhaxeeyey Qatar.
Soomaaliya ayaase ka mid ahayd dhowr dal oo doorbiday in ay mowqif dhexdhexaad ah ka qaataan. Sababtu siday doontaba ha ahaatee Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday in ay dhex-dhexaad ka tahay is-qab-qabsiga waddamada Khaliijka, go’aankaas oo ahaa mid Soomaalida shacab badanna soo dhaweeyey, siyaasiyiin badanna ay dureen.
Is-bahaysiga Sacuudigana, dhex-dhexaadnimada Soomaaliya waxa uu u xaqiijiyey tuhun ay qabeen oo tilmaamayey in xukuumadda Farmaajo ay Qatar la xulafo tahay.
2017-kii xiriirkii is-bahaysiga Sacuudiga iyo Soomaaliya ayaa sii xumaanayey. Kulamo dhowr ah oo ay caasimadda Sacuudiga ee Riyaad ku tageen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Khayre ma noqon kuwa xiriirkii soo wanaajiyey. Dhanka kalana, xiriirka xukuumadda Farmaajo iyo Qatar-na si muuqda ayuu u sii karaar-qaatay, kaasoo gaaray in Madaxweyne Farmaajo booqasho rasmi ah ku tagey Qatar, taas oo keentay in Qatar ay Soomaaliya ugu deeqdo boqolaal milyan oo doollar oo mashaariic iyo kaalmo ah.
Waxaa filan-waa ku noqday is-bahaysiga Sacuudiga, xiriir furashada dowladda Soomaaliyeed oo taariikh ahaan ku daab-naan jirtey Sacuudiga. Waxay u qaadan waayeen in dal sabool ah oo Khaliijka ugu tiirsan dhammaan ganacsigooda in ay qaadan karaan siyaasad arrimo dibadeed oo u muuqatey mid madax-bannaan. Oo waa iyada, Imaaraadku yihiin waddanka 1-aad ee Soomaaliya la ganacsato, Sacuudiguna waa kan dhoofsada dhammaan xoolaha Soomaaliya dhoofiso. Masar qudheedu muddo dheer ayay xarumaheeda ku tababareysey ciidamada Soomaaliya iyo ardayba. Dhanka kale ma jirin xiriir qoto-dheer iyo ganacsi baahsan oo ka dhaxeeyey Qatar iyo Soomaaliya. Sidaas darteed su’aasha ay is-weydiinayeen is-bahaysiga Sacuudiga iyo xeel-dheerayaasha daraaseeya xiriirka arrimaha dibadda waxay noqotay mid taagan: Xukuumaddu waxay ku andacootay in xiriirkeeda Qatar uu yahay arrin la xiriirta mabda’ ee aan dhuuni ku salaysnayn. Waa suurtagal, in dooddaas wax ka jiraan, aysanse ahayn sababta keli ah.
Sii xumaanshaha xiriirka is-bahaysiga Sacuudiga iyo Soomaaliya waxa uu gaarey meesha ugu sarraysey bishii April 2018 markii masuuliyiinta Soomaaliya ay qabteen lana wareegeen toban milyan oo doollar oo Imaaraadku ay diyaarad ku keeneen kana soo dajiyeen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Imaaraadku waxay ku adkaysanayaan in lacagta loogu tala galay ciidamada amniga ee Soomaaliya.
Dhanka kale, dowladda Soomaaliya waxay ay sheegtay in ay tuhuntey in lacagta loo isticmaalayey khilaaf baarlamaanka Soomaaliya ka dhextaagnaa xiligaas, kaas oo aakhiritaankii keenay in xilkii laga xayuubiyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka. Intaas kaddib, Imaaraadku waxay joojiyeen taageeradii dhaqaale ee ay ku bixin jireen ciidamada amniga ee Soomaaliya, isbitaalna waa ay xireen.
Inkasta oo xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya uu gaarey abid meeshii ugu hoosaysay, Sacuudigu isagu albaabada cilaaqaadka ma xirin. Cidse kama ay dahsoonayn in Sacuudigu uu caadi ka ahaanayo is-fahan waaga iyaga iyo dowladda Soomaalida. Waxaa la tuhunsanaa in markay doonto ha noqotee mar uun ay bannaanka imaan doonto fal-celinta Sacuudiga ee madax-taagga Soomaaliya.
Bishan aan ku jirno ee Agosto,boqortooyada Sacuudigu waxay soo celisay 27 kun neef arri ah oo Soomaaliya laga dhoofiyay, waxyar ka hor xilliga xajka, iyaga oo ku sababeeyey in ay xoolahaas qabaan cudurka Rift Valley ayna khatar ku yihiin caafimaadka dadka Sacuudiga, in kasta oo dhakhaatiir xoolaad oo madax bannaan ay markii ay dhoofayeen fayo-qab ku fasaxeen.
Ga’aankaas ayaa yimid laba berri kaddib markii Soomaaliya ay Sacuudiga ku taageertay, khilaaf kale oo kala dhexeeyey Canada; go’aankaas la kala safashada Sacuudiga iyo Canada ayaa si aad ah loogu tilmaamay mid muujinaya dhaqanka ka fiirsasho la’aanta iyo ku soo booddada ah ee siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda. Dooddii dowladda ee ahayd siyaasad dhex-dhexaadnimo arrimo dibadeed ayaan ku shaqaynaa, ayaa waxaa xigtay dhex-bood is-qab-qabsi dalal kale. Waxaa kale oo soo celinta xoolaha Soomaaliyeed ay muujineysaa sida xiriirka Sacuudiga iyo Soomaaliya uu u yahay mid aan dheelli tirnayn, awooduna ay jirto dhanka Sacuudiga, Soomaaliduna ay isha-ka-dhawrayso waxa dhacaya.
Isbaddelka deg-degga ah ee Geeska Afrika
Dabaylaha siyaasadeed ee Bariga Dhexe, gaar ahaan kuwa dhex yaalla dowladaha Khaliijka, ayaa ku soo butaacay Geeska Afrika. Markii dhinacyo badan laga eegana waxaaba la oran karaa, gobalka Geesku waxa uu noqday goob ay ku fal-tamaan waddamada Gacanka Carbeed. Imaaraadka ayaadna mooddaa inay tahay midda ugu dhaq-dhaqaaqa badan, iyada oo ku guulaysatey in ay xarumo ciidammo ka samaysato Yemen, Eriteriya iyo Soomaaliya. Imaaraadku waxaa kale oo ay xiriir hoose la samaysteen Somaliland (gobal doonayay in uu Soomaaliya ka go’ ilaa sanadihii sagaashamaadkii) iyo inta badan maamul-goboleedyada Soomaaliya.
Dhawaan, dowladda Imaaraadku waxa ay tilmaantay in ay dowladda Soomaaliya uga fadhido in ay raalli gelin ka bixiso tobanka malyan ee ay ka qabsatay iyo diblomaasiyiinta ay sheegtay in lagu xadgudbey. Dhanka kale, iyada oo ay weheliso Sacuudigu, Imaaraadku saamayn ayay ku lahayd xal-u-helidda khilaafkii taariikhiga ahaa ee u dhexeeyey Itoobiya iyo Eriteriya. Hirgelinta taasina, waxay u eg tahay in is-bahaysiga Sacuudigu uu ballaaranayo, halka ay faquuqayaan dalalkii ku madax adkaaday ama ay ka aamin baxeen. Labada waddan oo ishu ku dhacaysana waa Jabuuti iyo Soomaaliya. Jabuuti isku dhac ayaaba uga horreeyey Imaaraadka oo waa iyagii isku seegay dekadda Dooraale. Sanadkii hore ayayna ahayd markii Jabuuti ay kala noqotay idankii DP World oo Dubia laga leeyahay u fasaxayey in ay maareeyaan dekaddaas Dooraale. DP World waxay kaloo heshiisyo la saxiixatay maamullada Soomaalida si ay u maareeyaan dekadaha Berbera iyo Boosaaso. Asbuucaan, Imaaraadku waxay shaaciyeen in ay dhisi doonaan dhuumo shidaalka qaada oo caasimadda Itoobiya ku xira dekedda weyn ee Casab ee dalka Ereteriya.
Inta badan is-bedelada xawliga ku socda ee Geeska Afrika waxaa hormuud ka ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Bishii Juun safar afar saac qaatay ayuu ku tagey caasimadda Soomaaliya isaga oo sheegay in Itoobiya ay wax ka maal-gelin doonto isticmaalina doonto afar dakadood oo ay Soomaaliya leedahay.
In kasta oo faah-faahinta heshiiskaas aan la ogeyn, haddana baaqaas waxa uu welwel ka abuuray Soomaalida dhexdeeda, taas oo mar kale abuurtay su’aal ka taagan in dowladda Soomaaliya ay si farsamaysan u falkin karto siyaasadaha arrimaha dibadda iyo danaha ganacsi ee dunida dalka kala dhexeeya. Su’aalaha badan ee la is weydiiyey waxaa ka mid ahaa: Dekaduhu ma Muqdisho, Kismaayo, Boosaaso iyo Berberaa? Itoobiya ma haysataa awoodda dhaqaale iyo aqooneed oo ay dekado ku maal-gashato ama ku maamusho, mise is-bahaysiga Imaaraadka iyo Sacuudiga ayay wakiil u tahay?
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki waxaacaasimaddaImaaraadkabilladdaugusarraysa ee dalkaasi ku guddoonsiiyey Dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Maxamed Bin Zayed, ‘geesinimadooda si loo dhammeeyo calaadda loona furo xilli cusub oo nabad iyo horumar’ u ah Geeska Afrika. Maalmo kaddib, madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki oo dawladdiisa ay Qaramada Midoobey u saartay cunaqabatayn in ay taageerto kooxaha xag-jira ee Soomaaliya iyo in ay Djibouti dhul ka haysato, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku casuumay Asmara.
Isaga oo aan Jabuuti – oo ah waddanka ay Soomaaliya isugu dhow yihiin Eriteriyana colaadi ka dhaxayso – latashiyo la samayn ayuu Madaxweyne Farmaajo u duulay caasimadda Eriteriya, booqashadii ugu horreysey ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu Asmara ku tago. Intii uu halkaas joogeyna waxa uu ku dhawaaqay in la qaado cunaqabataynta Qaramada Midoobey ee Eriteriya, taas oo si weyn uga carraysiisay Jabuuti, oo ku tilmaantay talaabada madaxweynaha mid yaab leh masuuliyaddarana ka muuqato, iyaga oo weliba abaal la’aan ku tilmaamay in Madaxda Soomaalidu afhayeen u noqdaan Eriteriya oo Jabuuti ugu duulay 2008 in ay Soomaali u qabatay shir nabad iyo dowlad dhisid ah. Qayla dhaanta Jabuuti iyo hadalkeeda caradu ka muuqatey waxa uu ahaa mid ka sii fur-caddaa, kana adkaa xitaa si ay u wada hadlaan saaxiibbo isku dhow.
Weliba waxaad mooddaa in Jabuuti ay dareentay in Madaxweyne Farmaajo ula-kac ama ogaal la’aan uu qayb ka yahay qorshayaal istaraatiiji ah oo dalal kale ku doonayaan in ay Jabuuti ku go’doomiyaan siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Ilaa hadda, dowladda Soomaaliyeed waa ay ka aamusan tahay fool-xumada dhacday
Hirgelinta siyaasad dibadeed fogaan-arag ku fadhida
Maaddaama ay tahay dal aad u nugul oo ka soo ka-banaya calaad sanooyin badan jirtey, Soomaaliya tabar uma hayso in ay ku socoto siyaasad salka ku haysa fudayd iyo kafiirsasho la’aan. Dalkanina uma baahna cadow, umana haboona in uu dhumiyo saaxiibbo dhow sida Jabuuti. Adduunkan ku shaqeeya nin wal-bow naftaa, in xiriirada caalamiga ah la isku miisaamo, danahaagana la ilaashado waa hawl u baahan xariif-nimo. Haddaba si taas loo gaaro, maamulka Madax-weyne Farmaajo waxaa u habboon in uu dhagax-dhigo siyaasad arrimo dibadeed fogaan-arag ku qotonta, ayna xayndaab u yihiin mabaa’diidan hoose:
1) Ha uga darin. Soomaaliya tabarteed ma laha ay cidna isku liqdaarto. Dalkanina waxa uu u baahan yahay in uu xiriirada uu leeyahay adkeeyo, kuwa kala-na kobciyo. Qaranka Soomaaliyeed si aad u weyn ayuu u nugul yahay, oo waa dal dagaalo ka soo kabanaya. Saaxiib cusub oo sida Eriteriya ah laguma badelan karo saaxiib hore oo sida Jabuuti ah.
2) Madax-bannaani. In la raaco siyaasad madax-bannaani ku salaysan dal sida Soomaaliya oo kale ah uma fududa. Si kastaba ha ahaatee, dalalka asalba, waa dantood yaqaan, ku fara adayga dantooda kana hormariya danta cid kasta oo kale. Diblomaasi-yaddu waa farsamada la isugu dheeli tirayo xiriirada kala duwan sida kuwa saaxiibada iyo kuwa cadowga, dhiiri-gelinta danaha, kana war-wareegidda colaadaha, taas oo ah mid aan sahlanayn una baahan xisaabtan taxadar wata oo ay hormuud ka yihiin hay’ado dow-ladeed aysanna la babanahayn siyaasiyiin buubaal ah iyo gacan-yarayaal bar-barad ah.
3) Diblomaasiyadda ganacsi: Maaddaama ay Soomaaliya tahay dal hadda sabool ah, balse hodon ku ah khayraadka dabiiciga ah, ku yaalla goob istraatiiji ah, shacabkeedu yahay dad dhiifoon, dhugna u leh ganacsiga, falsafadda iyo fiirada dowladda ee hageysa xiriirka caalamiga ah waa in ay hagtaa horumarinta ganacsiga Soomaalida. Dadka Soomaaliyeed waxaa u fudud in ay ganacsadaan, waxaana dalka ku hareeray-san boqolaal milyan oo dad ah oo dakhligoodu korayo oo ganacsi uu Soomaalida dhex mari karo. Waajib-ka dowladda Soomaaliya waa inay taas fududeyso. Taasaana keenaysa in isku-dhac dalalka Imaaraadka iyo Sacuudiga uu khasaare u yahay danta fog ee dadka Soomaaliyeed, xiriirkaasna waa in dib loo dhisaa iyada oo aanay khasab ahayn in xiriiro dalal kale la lumiyo.
4) Talo-wadaag: In kasta oo siyaasadda arrimaha dibaddu ay tahay mid hoos timaadda dowladda federaalka ah, haddana maamulka Farmaajo iyaga ayay dani ugu jirtaa in ay talada badiyaan, gaar ahaan go’aamada Qaranka oo dhan saamaynta ku leh. In talada lala wadaago inta mudan, waa hirgelin iyo ictiraaf fahamka guud ama nuxurka nidaamka federaaka, iyo la noolaanshaha xaqiiqada ah in xukuumadda Farmaajo aysanba Muqdisho wada xukumin iska daa, jamhuuriyadda inteeda kale’e, iyo in maamul goboleedyadu ay adduunka xiriir la leeyihiin ama raalli haka ahaato dowladda dhexe ama yaysan ka ahaane.
Si mabaaddii’da kore loo hirgeliyo, Xukuumadda Farmaajo, waxaa la gudboon, in ay is-badal ku samayso sida ay arrimaha qaar uga hawl-gasho, gaar ahaan kuwan hoose:
Hor iyo horraantii, Xukuumadda Farmaajo waxay u baahan tahay in ay dhinto xawaaraha ay go’aamada ku qaadato. Dowladuhu ma xamili karaan khatarta uga imaan karta inay gudcur ku gudaan, weliba waddooyinka xiriirada dowliga ah ay maraan oo ah kuwa aan lahayn shuruuc wax kala hagta. Duruufaha dalkaan haysta waxa ay Soomaaliya u ekaysiinayaan gaari aan muraayad haadyo dhinacyada iyo gadaale toona ku lahayn, taas oo keenaysa in la weheshado, xirfad dheeri ah iyo u-dhabba-gal.
Maaddaama uu yahay masuul loo doortay hoggaaminta dalka, Madaxweynaha waxaa saaran mas’uuliyad sharci iyo mid qofeed oo amraya in uu ilaaliyo masaalixda dalka oo badan, mar-marka qaarkoodna ay dhici karto in ay iska horyimaadaan. Taasina waxay u baahan tahay qiimayn xasil-naan salka ku haysa iyo taxliil qodan, laba arrimood oo aad mooddo in ay go’aan-qaadashada dowladdu si u baal-marsan tahay.
Laba, Dowladda Federaalka ah, in kasta oo aysan u suura-geli doonin in ay helaan siyaasad arrimo dibadeed oo is-qab-qabsi ka maran, haddana waa in aysan dalna isku dhiibin, waa in ay doontaa heshaana xurmadda dalalka kale ay u hayaan, waana in ay raadisaa danaha qaranka Soomaaliyeed.
Arrimahaasna waxaa lagu xaqiijin karaa oo kaliya, haddii dowladdu si cilmiyaysan isu garab dhigto go’aan kasta faa’iidada iyo khataraha uu leeyahay, ayna go’aanka ku qaadato danta dalka ee aysan eegin danta dowladda, iyo in ay go’aamadu noqdaan kuwo hay’ado gaaraan ee aan shakhsiyaad ku talo bixin, laguna saleeyo xayndaabyada iyo xudduudaha sharciga. Aragti noocaas ah iyo hawl-gal ku salaysan aragtidaas ayaa u sahli kara qaranka Soomaaliyeed, si kasta oo u luudayo, in uu u adkaysto, iskana caabiyo culaysyada bannaanka uga imaanaya iyo isku day kasta oo lagu doonayo in looga muraadsado.
Saddex, Madaxweyne Farmaajo waa in uu fahmo in dhammaan go’aamada masiiriga ah ee Qaranka ay u baahan yihiin in ay noqdaan kuwa loo dhan yahay, wada tashi ballaaranna la galiyey. Dastuurka dadkii qoray waxay ku naqshadeeyeen aragti muujinaysa talo-wadaag, taas oo daawo u ah kala ir-dhowga iyo kala shakiga bulshada Soomaaliyeed hayey.
Si dareenkaas dastuuriga ah ee isla tashiga iyo tala-wadaagga ah si cilmiyaysan oo caqliyaysan loogu hirgeliyo, Madaxweynuhu waa in uu talada badiyaa marka uu go’aano qaranka saamaynaya uu gaarayo. Xaaladda dagaal iyo dumis-kasoo-doogsiga ee dalka ayaa iyana khasbaysa in dowladdu ay raadiso aqbalka iyo taageerada maamul goboleedyada iyo talo-leyda kale ee Qaranka sida Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada.
La tashigoodu, waa run oo waa uu xoojinayaa hay’adahaas iyo masuuliyiintaas, laakiin sinaba Madaxweynaha uga wareejin mayo awoodihii dastuurku u oggolaa. Hal cilmi oo taariikhda laga kororsan karo waxa ay tahay, go’aamadii lagu tala baxaa, waxay la kulmaan hor-istaag, iyo fashilin. In awoodda xukuumaddan ay Xamar ku eg tahayna waa mid keenaysa in hanaanka wadar-ogol la iimaansado, markii go’aan qarameed la qaadanayo.
Addis Ababa (Caasimada Online)-Dowladda Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageyso weerar lagu qaado goobaha laga helay shidaalka ee Gobolka Soomaalida.
Dowlada ayaa tilmaantay in ciidamo aad u xoogan ay geyn doonto Gobolka Shilaabo ee dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia halkaas oo dhawaan laga helay ceelal shidaal.
Ciidamo hordhac u ah kuwa la geyn doono Goobaha laga helay Shidaalka ayaa iminka ka baxay Magaalada Jigjiga kuwaa oo kusii jeeda Gobolka Shilaabo.
Ciidamadan ayaa wata Hubka noocyadooda kala duwan iyo Gaadiid dagaal, waxa ayna xogtu tibaaxeysaa in cabsi laga qabo weerar ka imaankara ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore ee maamulka Soomaalida Cabdi Cumar.
Ciidamada ayaa xeryo ka sameystay Gobolka,halkaas oo ay ka waardiyeyn doonaan amniga Ceelasha iyo shaqaalaha.
Saraakiil ka tirsan Liyuu Booliska oo daacad u ah Madaxweynihii hore ee dowlad Degaanka Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la sheegayaa in ay weeraro jabhadeyn ah gobolka ka billaabayaan iyada oo laga baqayo in ay weeraraan Ceelasha shidalka sida uu qoray wargeyska Ezega.
Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Liyuu Boolis ay ku maqan yihiin gadood kuwaa oo daacad u ah Cabdi Cumar oo xiligaani u xiran dowlada Ethiopia.
Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsaday xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, kor u qaadista iskaashiga ku aaddan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan qadiyadaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu bogaadiyey garab istaagga joogtada ah ee Madaxda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee uu dalku soo maray.
“Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti kaalintii uu ka geystay nabadeynta iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya. Sidoo kale, Dowladda Jabuuti waxa ay uga mahad-celisay Soomaaliya kaalinta ay ka qaadatay halgankii xorrnimo-doonka dalkaas.” Ayuu yiri Wasiirku.
Diblumaasiyiinta Soomaaliya ee qeybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa kulammo la yeeshay dhiggooda dalka Jabuuti, iyagoona isla meel dhigay sidii loo sii amba-qaadi lahaa heshiisyada hore ay u kala saxiixdeen labada dal.
Halkan waxaan idinkugu soo gudbinaynaa macluumaad kooban oo la xiriira shakhsiyaadka uu madaxweynaha Soomaaliya xilalka u magacaabay, oo aan si dulmar ah u eegi doonno taariikh nololeedkooda oo kooban.
Wuxuu kaloo tacliin iyo tababarro guud iyo kuwo gaar ah ku qaatay dalka gudihiisa.
Wuxuu ka soo shaqeeyey qaybaha milateriga Soomaaliya, wuxuuna darajo ahaan ka gaaray ilaa iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka, oo markan ay tahay markii labaad ee loo magacaabayo.
Wuxuu haystaa billad dahab ah oo uu guddoonsiiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, taasoo lagu siiyey doorkii uu ka qaatay dagaalkii 1977 dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya.
S/guuto Odawaa Yuusuf Raage: Waa ninka ugu dhallinta yar saraakiisha ragga ah ee uu madaxweynuhu magacaabay. Degdeg ayuu ku dallacay.
Wuxuu ka tirsanaa ururka 60aad ee madaxtooyada, ama loo yaqaanno koofiyad guduudda.
Darajadiisa waxay ahayd gaashaanle markii uu xilka kala wareegayey taliyihii ururkaas uga horreeyey Axmed Maxamed cali (Af-caddeey).
In yar ka dib waxaa loo dallacsiiyey G/dhexe, darajadaas ayuuna ku ahaa taliyaha ciidanka madaxtooyada.
Magacaabiddan ayuu madaxweynaha laba goor mar qura ku dallacsiiyey Odawaa oo ah nin uu aad ugu kalsoon yahay.
Marka la fiiriyo khibradda iyo aqoonta laga rabo abaanduulaha ciidanka xoogga dalka, waa jago u baahan aqoon iyo khibrad aad u ballaaran.
S/guuto Zakiya Xuseen Axmed: Waa gabadhii ugu horraysay ee Jeneraal ka noqota booliska Soomaaliya. Dhowr sano gudahood ayey darajada ugu sarraysa ku gaartay.
Waxay muddo ku noolayd qurbaha, gaar ahaan UK iyo Sweden, waxayna dalka ku soo noqotay 2014, markaasoo ay la shaqaynaysay hay’adda cilmi barista ee Heritage iyo jaamacadda Soomaaliya.
Waxay shahaadada darajada 2aad ka haysataa xiriirka caalamiga, waxayna kaloo baratay diblomaasiyadda islaamka.
Dhowr xil oo xagga maamulka la xiriira ayey ka soo qabatay ciidanka booliska Soomaaliya, waxayna sidoo ka shaqaysay dhanka xiriirka dadwewynaha.
S/guuto Siciid Axmed Kadiye: Wuxuu tacliintiisa badankeed ku soo qaatay dalal uu talyaanigu ka mid yahay sannadihii 70-meeyadii, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha booliska ee khibradda fog leh.
Dhawaanahan wuxuu ahaa taliyaha hogaanka dambi baarista CID, laakin afartameeyo sano ayuu ku dhex jiray hoggaannada iyo qaybaha booliska Soomaaliya ee caasimadda iyo gobollada, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay.
Fahad wuxuu markiisii hore ahaa suxufi u soo shaqeeyey warbaahinno ay Al Jazeera ka mid tahay, wuxuuse siyaasadda si muuqata u soo galay xilligii madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka hayey.
Markii ugu horraysay ee xil loo magacaabo, Xasan Sheekh ayaa u magacaabay jago wasaaradeed, hase yeeshee wuu ka gaabsaday inuu qaato.
Aamina Siciid Cali: Waa aqoonyahanad dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyey si toos ah iyo si dadbanba ugu jirtay siyaasadda Soomaaliya.
Waxay xubin ka ahayd baarlamaankii jiray xilligii dawladdii Sheekh Shariif ee 2009.
Waxay waxbarashada ka gaartay ilaa shahaadada darajada labaad (Masters) ee cilmiga sayniska.
Inta aysan noqon agaasimaha guud ee madaxtooyada waxay soo ahayd ku xigeenka agaasimaha guud ee madaxtooyada.