26.9 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Siyaasi caan ka ah Somalia oo GAAS kula tartamaya doorashada madaxweyne

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha DFS Soomaaliya iskamarkaana soo noqdey Wasiirka waxbarashada Puntlan sanadihii 2009-2014 Cabdi Faaraxa Siciid Juxa ayaa xalay 09 Augost 2018 ku dhawaaqay inuu u taaganyahay xilka Madaxweynaah Puntland ee 2019.

Xaflad uu ku shaacinayay ololahiisa doorasho oo ay ka qaybgaleen qaar kamid ah ragga u sharaxan xilkaas ayaa lagu qabtay magaalada Garowe.

“Waxan isku sharraxay idinka waxaan u baahnahay gacantiina iyo taageeridiina,” sidaas waxaa yiri Cabdi Faarax Juxa oo hadalkiisa ku daray, “Waxaan u mahad naqayaa madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole oo fursad ii siiyay tijaabo siyaasadda oo ii magaacabay wasiirka waxbarashada Puntland. Sidoo kale waxaan mahad u celinayaa madaxwayne farmaajo oo fursad ii siiyay in xil kasoo qabto wasaaradda arrimaha gudaha Somaaliya”.

Mar uu ka hadlayay qayb kamid ah ajandihiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha uu diiradda saari doono wuxuu ugu hormariyay Amniga isagoo tilmaamay inuu kala tashan doono cidda ehelka u ah.

“Haddii lay doorto waxaa kow u ah qorshahayga Amni dhammaystiran oo ay Puntland hesho. Waxaan dhisaya amniga Puntland anoo u maray cidda shaqadeeda aqoonta u leh. Waxaan awood saarayaa koboca dhaqaale. Waxaan ka baaran dagayaa oo dul istaagay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Puntland oo leh gacan ammaan ah,” ayuu yiri Juxa.

Juxa ayaa sidoo kale ballanqaaday hadii xilkan loo doorto inuu kala saari doono hay’adda dowladda ee hadda isku xiran sida Garsoorka iyo fulinta si loo helo caddaalada.

“Waxaan kala saari doona hay’adaha dawladda sare sida garsoorka fulinta iyo sharci dajinta.. Waxaan idinku matali doona taariikhdiinna himiladiina tabashadiina maqaamkina iyo miisaankiina,” Murashax Juxa ayaa hadalkiisa ku daray.

Arrinta Gobolka Sool ayuu soo hadal qaaday wuxuuna Muuse Biixi ku eedeeyay inuu yahay ruuxa mas’uulka ka ah dhibka ka taagan deegaanada gobolkaas.

“Dadka reer Puntland iyo Somaliland waa dad nabad ku nool o ka shaqeeyay horumarkooda kana tilmaaman Soomaaliya. Madaxwayne Muuse oo ah nin ciidan ah garanayana dhibaatada colaada waxaan leeyahay si nabad ah uga bax gobollada Sool iyo Sanaag. Arrintan waxaa go’aankeeda iska leh dadka reer Sanaag iyo Puntland. Muuse biixi oo go’aanka nabadda iyo colaadda gobolladaas gacanta ku haya waxa ku codsanayaa inu nabad uga baxo gobolladaas.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay faraha kula jirto burburinta nidaamka federaalka, sidoo kale ay faraha la gashay Jaahwareer dhinaca arrimaha Dibadda ah gaar ahaan Canada iyo Sucuudiga oo uu sheegay in xukuumadda Muqdisho aysan wax door ah ku lahayn.

Wuxuu ka horyimid tallaabada lagula saftay Sucuudiga ee looga soo horjeestay Canada oo ku tilmaamay inuu yahay waddan martigaliyay dad Soomaaliyeed oo ka barakacay dhibaatadii waddanka ka dhacday.

“Federalku wuxuu ku samaysmay dadaal ay Puntland dawr wayn ku lahayd. Dhismahiisuna waa mid socda waxase muuqata dheelli. Dheelligaas oo ah awoodda garsoorka fulinta iyo kii sharci dajinta oo isku qasan. Taas oo khatar ku ah inay dhacdo dood loo siman yahay o ku dhacda talo wadaag. Sidoo kale maamul gobolleedada waxaa ka jro faragalinno ay u baahan tahay in wadaddeeda sharciga ah loo maro. Arrimaha dibadda oo u astaysan dawladda federaalka waxaa ka muuqda qarda jeex oo ay ugu dambaysay khilaafka Canada iyo Saudi Arabia. Labada dal oo mid walba xiriir nagala dhaxeeyo. Eretrtia iyo jabuuti sidoo kale Qatar iyo Imaraadka . Waxaa la yaabka ah in dawladda federaalka ah ay mar walba dhex gasho kiis walba o dawladaha adduunka ka dhex dhaca” Murashaxa ayaa sidaas ku sheegay khudbadii uu jeediyay.

Ugu dambayn wuxuu ka digay in DFS ay faragalin ku samayso doorashada Puntland la filayo inay ka dhacdo 2019.

Shaacinta Murashaxnimada Juxa ayaa kusoo aadaysa xilli muddo kooban ay naga xigto waqti hayntii xukuumadda Cabdiwali Gaas oo lagu eedeeyo inay ku fashilantahay ballanqaadkii ay sameeyeen 5 sano ka hor oo ay ugu horayso hirgalinta nidaamka Dimuqraadiyadda.

Xigasho: Garowe Online

Saadaasha xiisadaha ka taagan Soomaali Galbeed

Ra’igayga gaaban

Waxaan rabaa in aan wax yar ka idhaahdo xiisadaha ka taagan dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho ee magacyada badan leh (Soomaali Galbeen, Ogaadeeniya, DDSI, K5).

Marka hore

Xusuuso Dr. Abiyot Axmed arrinta Soomaalida mooyee dhammaan arrimihii kale ee aayaha Itoobiya la xidhiidhay si nabad iyo miyyir ah ayuu u waajahay. Waxaa ka mid ah: tii Ereteriya, tii Massar, tii Suudaan, tii maxaabiis Itoobiya iyo is cafinta, tii Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Marka xiga

Weerarkii Oromadu bilihii la soo dhaafay ku haysay Soomaalida ee foosha xumaa waxba kama uusan qabannin. Waa sax Soomaalida lafteed colaadda Soomaalida iyo Oromada qayb ayey ku ahayd, inkasta oo aan shacabka lagu eedi karin ee uu maamulkii Cabdi Ilay, ka xukuumad ahaan, ka dambeeyay weerarkii ay Liyuugu bilowgii ku qaadeen Oromada; lagana yaabo in ay gacmo saddexaad ka dambeeyeen, sida Tigreega oo markay ku la ciirtay ka shaqeeyey isku dhaca Soomaalida iyo Oromada.

Tan kale

Dr. Abiyot Axmed si kicin ah ayuu u sheegay in shidaalka gobolka Soomaalida ay dadka deegaanku 5% ku leeyihiin, iyadoo la filayey in ay billowdaan wada haddalo u dhexeeya ONLF iyo Itoobiya, khayraadkuna wadalka uu qayb wayn ka ahaa. Waxaana xigay Ciidan Milatari ah oo xoog ku qabsaday maamulkii jiray, iyagoo aan sababta sheegin!

Waxaa la’isla dhex marayey waxay ciidanku ka hortagayeen qorshe qarsoodi ah oo uu Cabdi Ilay ku dhawaaqi rabay oo ahaa in ay baarlamaanka DDSI cod u qaadaan go’itaanka gobolka – lama hubo arrinkan.

Intaa innagoo maskaxda ku haynna;

Waxaan rabaa bal in aan suureeyo sida ay wax noqon karaan – waa odoros, ilaahay swt ayaa garan kara sida ay noqon doonto, laakiin waxaa inoo bannaan in aan saansaanta socota ka fahanno waxa xigi doona.

Dareenka Soomaaliyeed ee ah duullaanka dhul ballaadhsi ee Oromada

Ugu horrayn dadka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo waxaa jira dareen iyo hadal hayn ah in ay Oromadu duullaan soo tahay, ayna waddo dhul ballaadhsi, waxaa arrintaa loo daliishan karaa sida ay dadka ku nool DDSI uga midaysan yihiin in ay Oromo qabsatay, xataa ciidanka qaranka Itoobiya waxay aaminsan yihiin in uu Oromo yahay – waa sida ay ii sheegeen dhammaan dadkii aan la hadlay ee gudaha joogay. Gobollada kale ee Soomaalida waxaa ka dhacay dilal ka dhan ah Oromada sida Boosaaso, Puntland.

ONLF iyana fikirkaas ayey qabtaa, waxayna aaminsan tahay Itoobiya oo ay aqlabiyaddu (majority; Oromo » 40%) xukumayso way ka qalafsan tahay tii ay 30ka sano la dagaalamayeen ee ay inta yaru (minority; Tigree » 6%) u talinaysay.

Itoobiya Dareenkaas ma aysan tixgalinnin

Itoobiya dareenkaas ma aysan tixgalinnin! Waxayna si lama filaan ah u soo daabushay ciidankii difaaca uga jiray aagga Baadhame oo gaasas ah, haddana waxay ku suganyihiin dhulka Soomaalida. Kollayna ciidanka farahaas leh duullaankoodu ma sahlana! Gaashaan dhigga Itoobiyana wuxuu sheegay inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo suuro gal ah si amniga iyo kala dambaynta loo soo celiyo. Waxaana loo fassiran karaa hanjabaad.

Sida la’iska dhex marayo, Cabdi Ilay wuxuu waday mooshin ah go’itaan, laakiini lama hubo. Waa sababta soo dedjisay soo galintaanka Milatariga Itoobiya ee gobolka. Ogow, waa laga baaqsan karay, sababtoo ah, qodobka 39aad ee dastuurka Itoobiya ayaa ogol hadday 2/3 (saddex meelood labo) golaha deegaanku ansixxiyaan go’itaan, in ay dawladda Federalku 3 sano gudohood ku qaban qaabiso afti dadwayne oo dhammaytir u ah codbixinta baarlamaanka deegaanka ee go’itaanka.

Haddii marka uu qorshahaas waday xaq dastuuri ah ayuu u leeyahay in uu baarlamaanka mariyo, loomana baahnayn in ciidan milatari ah lagu dalbado.

Ku darso, Dr. Abiye Axmed wuxuu maalin dhawayd sheegay in ay Soomaalidu (Saami ahaan) shidaalka dhulkooda ku leeyihiin 5-10%. Arrintaasu Soomaalida mucaarad iyo muxaafidba way dhibtay, waxayna u aragtay in Oromada la naas nuujinayo. Waa dabkii oo baasiin lagu sii shubay!

Oromada

Dhanka kalana, dad Oromada xog’ogaal u ah waxay ii sheegeen in ay leeyihiin dhulka Soomaalidu deggan tahay annagaa lahaan jirnay! RW Dr. Abiyot Axmed hal marna kama uusan hadlin colaadda Oromada iyo Soomaalida oo meeshii ugu xumayd maraysa, marka laga reebo maalin uu yidhi waan ognahay dadka colaadda hurinaya, tallaabo cadna waan ka qaadi doonnaa dadkaas. Maalmihii xigayna wuxuu weerar sharci darro ah ku billaabay maamulkii Soomaalida.

Waxaa la soo sheegay in uu yidhi ciidankii Liyuu Boolis ee Soomaalida ha la kala diro, hubkana ha dhigeen – laakiin lama hubo.

Liyuu Boolis

Ciidankii Liyuu Boolis way gadoodsan yihiin, waana ciidan xoog leh oo dhisan, tiradooda waxaa lagu qiyaasaa 30,000 ilaa 60,000 oo Soomaali miidhan ah. Waa ciidan 10 sano jir ah oo aad u tababaran, hubka fududna si waafi ah u haysta.

Sida aan wararka ku helaynno, waxay isku uruursadeen aagag gaar ah, waxayna wacad ku mareen in ay dagaalamayaan. Wayna diideen in ay hubka dhigaan.

Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay)

CMC ama Cabdi Ilay hadda wuxuu joogaa Adis Ababa, waxaana si khasab ah ku kaxaystay ciidanka Milatariga Itoobiya. Ismaan dhaaf darranna wuxuu kala dhexeeyaa RW Dr. Abiyot Axmed. War aanan hubin ayaa sheegaya in la’is mari la’yahay. Waxaa kale oo Adis Ababa jooga Axmed Madoobe iyo Yuusuf xaaji; rag kalana waa la sheegaya laakiin lama hubo. Raggaas waxay meesha u joogaan sida la sheegayo dhex dhexaadin iyo wada hadal.

ONLF

Jabhadda ONLF waa 34 sano jir (1984). Waa urur waayo aragnimo dheer u leh la dagaalanka Itoobiya, wayna ka hor imaadeen fara galinta millatari ee Itoobiya ay ku samaysay dhulka iyo maamulka  Soomaalida; iyo saamigii shidaalka (5%) ee dhulka Soomaalida, waxayna sheegeen in ay caqab ku tahay wada hadalladdii la sugayey.

Waxaa kale, maalmihii dhawayd kacdoonkii Oromo-diidka ahaa, dadku waxay siteen calankii ONLF. Liyuuga ayaa lulaya calanka ONLF.

Waxaad mooddaa colaaddii u dhaxaysay ONLF iyo Liyuuga mid ka culus ayaa timid oo labadoodaba hal saf ka dhigtay.

Haddaba maxaa xigi kara?

Waxaan u kala qaadayaa

1) Xal Milatari (Xoog)

2) Xal Siyaasadeed (Xal nabadeed)

Xal Milatari (Xoog)

Hadday Itoobiya isku daydo in ay xiissadan xoog ku xalliso, maxaa dhici kara?

Ugu horrayn jabhadda ONLF waxay helaysaa fursad qaali ah iyo shacbiyad ay ku dardar galiso hawlaheedii gobanimodoonka ahaa oo markaan la’isla wada ogol yahay;  iyo waliba hub iyo ciidan Liyuu ah oo aad u fara badan.

Fursaddaasna ma dayici doonaan sida muuqata, sababtoo ah, waxaa soo deg degaya waxa khayaanooyin u’eg oo RW Dr. Abiyot Axmed ku kacayo sida: saamigii shidaalka; soo daalubidda Milatarigii Baadhame, wax ka qabasho la’aanta weerrarada Oromada iwm.

ONLF waan urur siyaasad ahaan qaan gaadhay, si fududna u abaabuli kara dagaallo Itoobiya ka dhan ah. Waxay heli doonaan saldhigyo dhaw oo Soomaalida dhexdeeda ah, iyadoo Soomaalida Jamhuuriyadda iyo maamulladooda  si fudud looga iibin/dhaadhicin karo khatarta iyo duullaanka Oromada iyo dhul ballaadhsigeeda.

Dadka deegaanku (dadka reer DDSI/reer Soomaali Galbeed/reer Ogaadeeniya) iyaguna waxay u dhaga nuglaan doonaan farriimaha sheegaya in ay dhulkooda ka difaacdaan Oromada wuxuushta ah (erayga “wuxuushta” anigu ma dhihin ee waa sida dadka lagu hawl galin doono) ee dhul ballaansiga doonaya, waxaana adkaan doonta in maamul Oromada ka dab qaata oo DDSI loo sameeyey uu saldhigto.

Dagaal waxaa billaaban doona leh ujeeddooyin is huwan. Waa dagaal isugu jira gobanimo doon iyo qowmiyad iska celin. Waa dagaal shacabku uu gali doono!

Xusuusnow, dagaallada noocaas ku billowda, waa kuwa ugu ba’an uguna khasaaraha badan, sababtoo ah, waa dagaal uu galayo shacab wax walba leh oo anshax la’aan ah. Waxaa suurowda in uu dhiiggu sidii biyihii meel walba u qul-qulo.

Wax yaabaha dhici doona waxaa ka mid ah, shacabka Soomaalida ayaa aad u layn doona Oromada, kadib sharciyadda ayaa faraha ka bixi doonta, dowladduna (Itoobiya) waxay si suuq madaw ah u hubayn doontaa shacabka Oromada, si ay isu difaacaan. Iyaguna dadka Soomaaliyeed ayey ka aar goostaan doonaan! Kadib Soomaalida waxaa gacan siin doona fawdada, waxayna heli doonaan hub iyo saanad hor leh. Kadib waxa dhici doona lama sawiran karo – waa baaba’ iyo hoog.  

Ciidanka Itoobiya waxay geysan doonaan burbur iyo baaba’ xoog leh, sababtoo ah, waxaa qabsan doona dagaal lagu gubto oo kor iyo hoos ah, waxaana laga yaabaa in ay waayaan Soomaali gadh qaada, oo ay xabbadda isaga dhigaan – sidii hore u dhici jirtay.

Waxay miciinsan doonaan hubka waawayn iyo duqaymaha diyaaradaha, kadibna waxaa halaagmi doona uun (makhluuqaad) wixii meelahaas ku nool! Oo ay iyaguna ku jiraan.

Taasu waa natiijada laga yaabo in ay dhacdo hadday Itoobiya maanta xiisadda taagan xoog ku xalli is dhahdo –  waa aragtidayda.

F.G. wax yaabaha ka sii dambayn doona kama hadlayo. Waxaa kale oo aanan Halkan kaga hadlaynin colaadda Oromada iyo Soomaalida dariska la’ah, ma ku fidi doontaa Soomaalida kale. Oromaduse ma Soomaali gaar ah ayey col la yihiin, mise Soomaali oo dhan waa isugu mid.

Xal Siyaasadeed (Xal nabadeed)

Sida kale ee xissadan lagu xallin karo waa in si ay Itoobiya hawshan si nabad ah u gasho. In ay Itoobiya xiisaddan si naba ah u xalliso ma fududa, sababtoo ah, waxaa kow ka ah in ay soo laabato kalsoonidii shacabka reer DDSI. Kalsoonidii shacabka reer DDSI ma soo laaban karto ilaa ay arrimahanu dhacaan:

1) In ay ciidamada milatarigu laabtaan

2) In weerrada Oromada la hakiyo

3) In ay Itoobiya si dhab ugu guntato colaadda Oromada iyo Soomaalida

4) In uu Ra’iisul wasaare Dr. Abiye Axmed raalli galin bixiyo

5) In ciidanka Liyuu Police sidooda loo daayo

6) In Cabdi Ilay la soo daayo oo uu dadka la hadlo, xilkiisana lagu celiyo ilaa laga tashanayo cidii badeli lahayd

7) In Soomaalidu nafis dareento si ay Oromadu nafis u dareemayso

8) In dib loo billaabo wada haddalladii ONLF iyo Itoobiya

9) In uu RW Dr. Abiye Axmed saamiga ugu badan ee shidaalka dhulkooda, u ogolaado Soomaalida

Lambarrada 1, 5 iyo 9 uma fududa Itoobiya in ay ogolaato!

Ugu dambayn, waxay ila tahay in ay Soomaalidu meel ay joogtaba u diyaar garawdo colaad iyo nabadba.

W.Q. Maxamuud Cabdisamad Xareed
[email protected]

Goormaa ayuu Sacuudigu same noo sameeyay?.!!

HORDHAC

Dhawaan waxaa xumaaday xiriirka diblomaasiyadeed ee wadamada Saudi Arabia iyo Canada kadib markii dowladda S.Arabia ka carootay hadal kasoo yeeray dowladda Canada kaas oo ku aadanaa in Canada ay ka xuntahay dad u dooda xuquul aadanaha oo xarig loogu gaystay S.Arabia. Dowladda Sacuudigu waxay amartay in dalkeeda uu 24 saac uga baxo safiirka Canada iyadoo sidoo kale joojisay dhamman wixii ganacsi kala dhexeeyay Canada,waxaana ugu danbayntii arrintu gaartay in S.Arabia hakiso duulimaadyadii tooska ahaa ee S.Airline ay ku tagi jirtay Toronto. Dowladda Canada waxay ku adkaysatay hadalkii horay ay u sheegtay, waxayna ku dhawaaqday in dhankeeda ay tallabo qaadi doonto iyadoo laga cabsi qabo in arrintaan ay saaamayn ku yeelato ardayda S.Arabia u dhashay ee Canada wax ku barta iyo kuwa magangalyada-siyaasadeed ugu nool dalkaan.

SOMALIDA IYO SACUUDIGA KADIB BUR BURKII DOWLADDII DHEXE EE SOMALIYA. 

Burburkii dowladdii dhexe ee Somaliya kadib dadka Somaaliyeed waxay kala barteen dowladaha daneeya wanaagga Somaliya iyo kuwa jillaafeeya. Kumanaan qaxooti Somaaliyeed ah ayaa dantu ku kalliftay in ay u cararaan dibadaha si ay u helaan noolal dhaanta midda markaas ay ku jireen. Somalida timid S.Arabia waxay la kulmeen noolal ka liidata midda Somalida timid Canada ay la kulmeen. Waxaa qaar badan oo ka mid ah ku seexdaan kuna soo toosaan wal wal iyo walbahaar kadib arrimo la xiriira xagga sharciyadda. Waxaa inta badan dhacda in S.Arabia ay masaafuriso dadka Somaaliyeed iyadoo laga yaabo in goobta markaas lagu celinayo ama la gaynayo ay ka jirto nabad galayo xumo taas oo dhaawac ku ah xuquul aadanaha. S.Arbia waxay markay doonto furtaa markay doontana xirtaa xoolaha Somaliya oo ay ku tiirsanyihiin malaayiin Somaaliyeed. Maanta in badan oo shacabka Somaaliyeed ah waxaa niyadooda ka guuxaya Abaal badha, abaal bura, abaal bur iyo dheeraad ah Ninba kiisa kaan ugu bedeli, beerka ka ogsooni”. Su,aasha aan had iyo goor is waydiiyo ayaa ah haddii xilliyadii adkaa ee nasoo maray sidaas ay noola tacaamushay dowladda Sacuudigu goorma ayaa Sacuudigu Same noo Sameeyay?

MOWQIFKA DOWLADDA FEDERAALKA SOMALIYA

Dowlad kasta oo jirta waxay wakiil ka tahay shacabka waxayna marwalba eegta meesha maslaxadu ugu jirto dalka iyo dadka ay wakiilka ka tahay. Waxay ku fiicnayd in dowladda Somaliya ay  fiiriso kana fakarto dadka iyo dalka maslaxada u haya dadka Somaaliyeed. Canada majiro farqi u dhexeeya qofka labaatan qarni ku noolaa iyo midka labada maalmood jooga. Waxaa Somalidu qabtaan shaqo la qabto midda ugu sarraysa iyo midda ugu hoosaysa, waxayna ku xiran tahay qof walba iyo dadaalkiisa iyo meesha uu is dhigo. Inkastoo dal kasta u madax banaan yahay arrimiisa hadana go,aanka dowladda waa mid aan aamisanahay inuu ku jiro deg deg iyo ka fiirsasho la,aan, waa mid aan isleeyahay wuxuu u baahanyahay in dib loo eego, waa mid naxdin galiyay malaayiin Somaaliyeed oo soo dhawayn wanaagsan iyo hab dhaqan fiican kala kulmay dowladda Canada.

GUNANAD.

Dowladda Somaliyeed waxaan kula talin lahaa in ay il gaar ah ku eegto Dalalka soo dhawaynta wanaagsan u muujiya dadka Somaliyeed iyo in go,aan kasta oo gaarayso uu ahaado mid la lafa guray oo dhinacyo badan laga eegay.

Mahadsanidiin,

Duran Xasan-yare Aw-Aden
Edmonton, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sagal Biixi: Go’aanka DF ay qaadatay wuxuu meel uga dhacay haweenka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo ay dowladda Soomaaliya caddeysay mowqifkeeda ku aadan khilaafka u dhaxeeya boqortooyada Scauudiga iyo dowladda Canada, oo ay is dhinac taagtay maamulka Riyad ayey xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya si kulul u naqdisay go’aanka dowladda.

Xildhibaan Sagal Isaaq Biixi oo qoraal soo dhigtay tirsiga ay ku leedahay barta twitter ayaa sheegtay in uu yahay wax lagu qoslo mowqfika dowladda federaalka ah.

“Waa wax lagu qoslo oo meel ka dhac ku ah guud ahaan haweenka meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan dumarka Soomaaliyeed. Intii aan u doodi lahayn xuquuqdooda waxa aan dhinac istaageynaa wadan uu ka jiro dhaqanka carsi-jaahiliga, oo haweenka ula dhaqma sidii wax liita oo aan qiimo ku fadhin, waxa aan garaaceynaa durbaanka niyad-jabka” ayey tiri xildhibaan Sagal Isaaq Biixi.

Qoraalkeeda ayaa intaas ku daray, “Warqaddan-Bayaanka dowladda Soomaliya-kama hadleyso waxa ka dhex jira Sacuudiga iyo Kanada balse waxa ay bidhaamineysaa heerka sida arrimaha haweenka aysan ugu jirin siyaasadeenna iyo go’aamadeenna maalinlaha ah-waa wax laga xumaado” ayey tiri xildhibaan Sagal.

Xiisadda  Sacuudiga iyo Kanada ayaa ka dhalatay markii ay xukuumadda Toronto sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay xiritaanka loo gaystay dad xuquuqda aadanaha u dooda.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah Samar Badawi oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka oo Sacuudiga u dhalatay haysatana dhalashada Maraykanka.

Samar ayaa ku baaqaysay in la so af jaro habka Sacuudiga looga dhaqmo ee muxramka. Xiritaankan ayaa yimid iyadoo amiiirka dhaxalka leh ee Sacuudiga Maxamed Bin Salman uu sannadkan sameeyay isbadallo.

Madaxweyne Farmaajo oo Isbadallkii ugu ballaarnaa tan iyo markii la doortay ku sameeyey maxkamada sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo ayaa isbadalkii ugu ballaarnaa tan iyo markii uu xilka qabtay waxa uu ku sameeyey Maxkamadda Sare ee dalka.

Madaxweynaha oo dhawaan u magacaabay xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare nin dhallinyaro ah ayaa maantana soo saaray wareegto uu xilka kaga qaaday guud ahaan Garsooreyaashii Maxkamadda Sare oo tiradoodu ahayd lix xubnood kuwaas oo kale ahaa;

Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir, Maxamed Maxamuud Maxamed, Maxamuud Axmed Faarax, Sheekh Cumar Aadan Maxamed, Cabdinaasir Seeraar Axmed iyo Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.

Farmaajo ayaa magacaabay 5 xubnood oo kaliya kuwaas oo laga soo kala xulay Garyaqaanno la sheegay in muddadii la soo dhaafay qiimeyn gaar ah lagu waday shaqadooda.

Garsooreyaasha cusub ayaa qaarkood dhawaan waxaa laga qaaday xilal ay ka hayeen Maxkamadaha Gobolka Banaadir, taas oo looga gollahaa in loo dallacsiiyo Maxkamadda Sare ee Dalka.

Haddaba Akhriso magacyada 5-ta Garsoore ee loo magacaabay Maxkamadda Sare:

– Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.
– Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.
– Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.
– Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.
– Garyaqaan Axmed Cali Muuse.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Caddeyn muujineysa inuu Xasan Cali Kheyre hormuud u yahay musuq maasuqa

Sida ay Xukumadda sheegtay ama la arkay waxaa dhawaanhan socday dhaq dhaqaaq ay ku tilmaameen la dagaalanka musuq maasuqa! Hase ahaatee, u muuqda mid aan xaqiiqada ku saleysneyn.

Xukumadda Xassan Cali Kheyre waxa ay maanta shaqo ka joojin ku sameysay Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda oo ay maalmo kahor si aan wanaagsaneyn ciidamu gudaha wasaaradda ugula dhaqmeyn.

Sida la ogyahay waxaa muuqata in Mukhtaar Mahad lagu haysto musuq maasuq ay wasaaraddu beenisay, yeelkeede, ma aha mid dood laga keenayo in ay dowladdu xididdada u siibto musuq maasuqa lakiin waxaa jirta su’aal weyn oo ay tahay in laga jawaabo!, Xukumaddu maka dhabbaa la dagaalanka musuq maasuqa?

Waxaa muuqata in xukumadda aysan daacad ka ahayn la dagaalanka musuq maasuqa balse loo qaadan karo mid lagu marin habaabinayo dad weynaha.

Waxaa taas tusaale u ah isku shaandeyntii uu dhawaan golihiisa wasiiradda ku sameeyey RW Xassan Cali Kheyre oo ay ku caddahay in uu qaaday tallaabooyin ka so horjeeda sheegashadiisa ah la dagaalanka musuq maasuqa.

Talaabooyinkii yaabka lahaa ee uu qaaday ayaa ah in uu u wasaaradda kalluumeysiga u magacaabay Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka isaga oo ku badalay Dr Cabdiraxman Maxamed Cabdi Xaashi oo wasaaraddaas shaqo aad u weyn ka qabtay mudaddii uu xilka hayey.

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu ahaa wasiirka kaliya ee shahaadada PHD-da ka haystay xubnaha golaha wasiiradda marka laga yimaado Dr Cabdiraxmaan Bayle oo ah wasiirka maaliyadda.

Dr Cabdiraxman Cabdi Xaashi waxa uu soo nooleeyey wasaaradda kalluumeysiga isaga oo dib u qaabeyn aad u ballaaran ku sameeyey sidii ay u shaqeyn jirtay.
Maxaa lagu galay?

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu M/Puntland ka horistaagay ruqsooyin aan sharciga waafaqsaneyn oo ay siin jireen maraakiibta sida sharci daradda ah uga kalluumeysta badaha Soomaaliya, taas bedelkeeda waxa uu cadaadis kala kulmay Cabdi Wali Cali Gaas oo ku qasbay RW Kheyre in uu shaqada ka eryo.

Muxuu ku bedeshay?

RW Xassan Cali Kheyre waxa uu ceyrinta Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi isaga dajiyey culeyskii uga imaan lahaa Puntland kaddib markii uu ka gaabsaday in uu dhagax dhigo dekedda Garacad! Waana sababta ugu weyn ee uu ku bedelay wasiirka kuna magacaabay nin aan waligiis xil heerkaas oo kale ah qaban?

Hadaba, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah, Xassan Cali Kheyre Ma Musuq Maasuq Ayuu La Dagaalamayaa Mise Isagii Ayaa Horboodaya?

W/Q: Cabdi Geeseey.

Al-Jazeera: Sacuudiga wixii uu SOMALIA ku sameeyey ayuu kaga cabanaa Canada

Doha (Caasimada Online) – Taleefishinka Al-Jazeera ayaa warbixin uu qoray kaga hadlay khilaafka dalalka Canada iyo Sacuudiga, iyo in Sacuudiga kaga cabanayaan Canada arrimo ay ku sameeyeen Soomaaliya iyo dalal kale.

Dowladda Sacuudiga ayaa sare usii qaaday Khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Canada iyadoo dadkeeda ku sugan dalkaas ku amartay inay deg deg uga soo baxaan.

Dadka ay Sacuudiga amartay inay soo baxaan ayaa xataa waxaa ku jiro muwaadiniin halkaas u joogo arrimo waxbarasho, Caafimaad iyo dalxiis.

Dowladda Sacuudiga ayaa ku doodeyso inay Canada soo faragelisay arrimaha Gudaha dalka Sacuudi Carabia taasna ay tahay mid aan la qaadan karin.

Khilaafka halka uu ka bilowday:

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay hakisay dhammaan ganacsigii iyo maalgalintii cusbayd ee kala dhaxaysay Canada, iyadoo arrintaas ku sababaysay “faragalinta” ay ku hayso arrimaheeda gudaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo Twitterro badan soo qortay ayaa sheegtay in ay eryayso safiirka Canada ayna la soo laabanayso midkeedii Canada u fadhiyay.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay Canada sheegtay “in ay aad uga walaacsan tahay” xiritaanka loo gaystay dad xuquuqda aadanaha u dooda.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah Samar Badawi oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka oo Sacuudiga u dhalatay haysatana dhalashada Maraykanka.

Samar ayaa ku baaqaysay in la so af jaro habka Sacuudiga looga dhaqmo ee muxramka.

Xiritaankan ayaa yimid iyadoo amiiirka dhaxalka leh ee Sacuudiga Maxamed Bin Salman uu sannadkan sameeyay isbadallo.

Dawladda Canada ilaa iyo hadda kama aysan hadlin tallaabada dublamaasiyadeed ee uu Sacuudigu qaaday.

Faragelinta Arrimaha Gudaha:

Khilaafka labadaan dal ayaa salka ku hayo sida ay Sacuudiga sheegtay faragelin lagu hayo dalkeeda, haddaba Sacuudiga ma aragto miyaa faragelinta ay ku heyso dowlado badan oo Islaam ah?.

Dowladda Sacuudiga ayaa faragelin qaawan ku sameysay dalka Qatar oo ay xataa isku dayday inay rido hoggaamiyaha xukunka u hayo.

Sidoo kale waxay si toos ah u weerartay dalka Yeman oo ay ciidamo ka tirsan xulafeeda ay laayeen dad shacab ah welina ay wadan.

Sacuudiga ayaa sidoo kale faragelin gudaha ah ku heyso dowladaha ka tirsan Jaamacadda Carabta oo ay ku qasbeyso inay xiriirka u jaraan dowlad kasta oo ay is khilaafaan.

Dowladaha ay faragelinta gudaha ah ku sameysay ayaa waxaa kamid ah dalka Soomaaliya kadib markii dowladda dhexe ay diiday inay xiriirka u jartay dalka Qatar.

Xuquul Insaanka ma arrimaha gudahaa?

Arrinta ay isku hayaan dowladaha Sacuudiga iyo Canada ayaa ah xarig ay dowladd Sacuudiga u geysatay dad u doodo xuquuqda aadanaha.

Sida ay adduunyada ku heshiisay xuquuqul Insaanka maahan wax u gaar ah hal dowlad balse wuxuu yahay heshiiska in xuquuqul isaanka si guud loo ilaaliyo isla markaasna looga wada hadlo si dowli ah.

Haddii ay dowladda Sacuudiga dhibsatay in laga hadlo dad u doodo xuquul insaanka oo ay xirtay maxaa u maleeneysaa faragelinta qaawan oo ay ku heyso Dowladaha Islaamka iyo weliba dhigga masaakiinta ay Sacuudiga iyo xulafadooda ku daadinayaan gudaha dhulka Yemen?

Yaa ka dambeeya dagaalka Ethioopia ee gobolka DDSI, muxuuse salka ku hayaa?

Guud ahaan dalka itoobiya waxaa sanadihii ugu dambeeyey hadheeyey Mudaharaado looga soo horjeedo, dawladii hore ee TPLF hogaanka u haysay taasi oo shacabka itoobiya ka tirsanayeen in ay dalka ka gaysatay gabood falyo farabadan, sidoo kalena lagu eedaynayey, cadaalad xumo, Cabudhin iyo cagajuglayn ay ku hayso shacabka ka soo kala jeeda qoomiyadaha itoobiya, taasi oo keentay in ururo hubaysani ay dagaal kaga horyimaadaan, sidoo kale, kacdoon shacab ayaa si weyn uga bilowday gobolada Oromo iyo Amxara kaasi oo dhaxalsiiyey in gabi ahaanba meesha laga saaro xukunkii TPLF.

Dalka itoobiya la isku yidhaahdo wuuxuu ka kooban yahay Sagaal kilil ama ismaamul hase yeeshee  afar ka mid ah sagaalka ayaa isku qoray in ay iyagu awooda maamulka sare ee dalka iska leeyihiin, kuwaasi oo kala ah, Oromo, Tigre, Amxara iyo Shucubta Koonfureed, hardankii xukunka dalka waxay kooxda TPLF xulufo la samaysatay goboladii kale ee laga reebay awooda dalka waxayna deegaamadaasi gacanta u galisay rag ku shaqeeya awaamiirta TPLF.

Goboladda TPLF xulufada la samaysay ee aan awooda ku lahayn dalka itoobiya waxaa ka mid ah Deegaanka Soomaalidu degto, gobolkaas oo baaxad ama dhul ahaan lagu qiyaaso in uu yahay Gobolka labaad, dad ahaana tirada itoobiya marka la eego ah Gobolka sadexaad ee ugu dadka badan.

Haddaba Gobolka Soomaalida ayaa ahaa gobolka dhibaatada ugu weyni ka soo gaadhay xukunkii TPLF  mudadii dalka majaraha u hayeen,  dadka soomaalida ah waxaa lagu soo rogay, xukun adag lagana dhigay goob ay ka caagan yihiin hay.adaha caalamiga ah iyo sharciyada dalka, mudadii TPLF xilka haysay gobolkaasi wax dhibaato aan ahayn kama ayna helin shacabka soomaalidu.

Xukuumaddii hore ee TPLF mudadii ay xilka aysay waxaa deegaanka soomaalida lagu dilay kumanaan dad ah kuwaasi oo aan waxba galabsan, waxaa la kufsaday dumar tiro badan, waxaana lagu xidhxidhay kumanaan kale, waxaa ku curyaamay dad tiro badan, waxaa dacdaro iyo dhibaato ka soo gaadhay eheladii dadkaasi la laayey iyo kuwa la xidhay dhalay. Dadka soomalidu marnaba kama helin xukuumadihii itoobiya isaga dambeeyey wax naxariis ah. Waxaana muuqata in xukuumada Abiye ay raacayso raadashii hore ee xukuumadihii itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, dadka Soomaalida ah oo mudooyinkanba u dhaga taagayey isbadalka dhacay dalka itoobiya filayeyna in ay maanta ka nastaan dhibaatooyinkii Xukuumadii TPLF u gaystay ayaa hada wajahay Xaaladii ugu xumayd abid ee ka soo gaadha dalka itoobiya tan iyo xilligii dhargiga ee dalka uu ku jiray xukunkii gumaysigii kaligii talisnimada.

Dawlada Abiye oo ah dawlad rajo weyn ay ka qabeen dadyowga kala duwan ee itoobiya iyo guud ahaan beesha caalamka ayaa hadda waxaa muuqda in uu deegaanka soomaalida ku soo rogay xukun milatari iyadoo marmarsiinyo looga dhiganayo qabashada Madaxweynihii  hore ee deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar kaasi oo bishan August 7deeda laga qaaday Magaaladda Jigjiga ee Caasimada Maamulka hadda jire ee Soomaalida.

Hawlgalkan milatari oo ah mid qorshaysan ayaa dhacay kadib markii Raysal Wasaaraha itoobiya Abiye Ahmed      uu dalka maraykanka iyo Gudaha Magaaladda Addis ababa kula kulmay kooxo Soomaali ah oo ka cadhooday gabood faladii Madaxweynihii hore ee deegaanka, kuwaasi oo la rumaysan yahay in ay ka dambeeyeen dalbashada in xoog loo adeegsado qabashada Cabdi Iley.

Hadaba si loo qabto Cabdi iley wuxuu raysal Wasaaraha itoobiya Mr Abiyot ku dhawaaqay in deegaanka Soomaalida(Ogadenia), shidaalka laga helay ay ka heli doonaan, saami dhan 5%, taasi oo si weyn uga cadhaysiisay dhammaan dadka Soomaalida ah, hadalkaasi Raysal wasaaraha ayey dadbani rumaysan yihiin in uu ahaa jaranjartii loo siimaray qabashada Cabdi iley, kadib markii uu ka mid noqday dadka sida weyn uga soo horjeeda qoodada Raysal wasaaruhu sheegay.

Inkasta oo Cabdi iley dadka shacabka ahi si weyn uga soo horjeediin dhaqamadiisa iyo dhibaatooyinkii uu shacabka u gaystay hadana qabashadiisii kadib waxaa gadooday shacab tiro badan, kuwaasi oo aaminsan in deegaanka Oromo la wareegayso.

Cabdi iley wuxuu ahaa dambiile, ka gaystay deegaanka Soomaalida (Ogadenia), dambiyo farabadan isagoo ku adeeganayey Ciidamo aan sharci qabtaa jirin, kuwaasi oo gaystay Gabood falo badan oo isugu jiray kufsi, dil, xadhig sharci daro ah iyo boob hanti dadweyne.

Hay.ada Xuquuqda aadanaha ee Human Right watch ayaa marar badan soo saartay warbiximo lagu cambaaraynayo dhibaatooyinka Cabdi iley ka gaystay deegaanka soomaalida waxayna hay.adaasi codsatay in ninkaasi sharciga la horkeeno.

Sidoo kale, Ururada mucaaradka ah sida ururka ONLF ayaa in badan  soo jeediyey in dadka shacabka ah dhibaatadda laga daayo, lagana qabto ninkan dhibaatadda ku haya, shacabka,  hase yeeshee maamulkii TPLF dhag jalaq uma siinin eedaymahaasi.

Hadaba Dawlada Abiye ayaa qaadatay tilaabo ninkaasi lagu qabanayo hase yeeshee waxaa muuqata in wadadii ku haboonayd in lagu qabto aan loo marin, taasi oo keentay in dadkii shacabka ahaa ee deegaanku kacdoono ka sameeyaan weerarka Abiye, kadibna ay dhibaato ka soo gaadhay dad farabadan oo u bada qoomiyadaha kale ee itoobiya. 

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga filayaa in dawlada itoobiya isbadal xal ah oo lagu dajinayo xiisadaha ka dhashay  Qabashadii Ina iley ay la iman doonto, Hadii kale, waxaa ka dhalan doona dhibaatooyin sii daba dheeraada iyo in ay is garabsadaan ururadii horey uga sii jiray dalka iyo kuwo ka dhashay kacdoonkan cusub.

 Qore: Ahmed Mohamed Ali

R/W Kheyre oo shaqada ka joojiyey wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Somalia

0

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shaqada looga joojiyay Wasiir kuxigeenkii Arrimaha Dibadda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

War qoraal ah oo uu Bartiisa twitter-ka soo dhigay Wasiirka Warafafinta xukuumadda Soomaaliya Dahir Maxamuud Geelle ayaa waxaa Shaqadii looga jiijiyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Muqtaar Mahad Daa’uud.

Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa dhowaan ku soo oogay Wasiir kuxigeenka dacwad ku saabsan kutagri fal hantida Qaranka, iyadoo Xeer Ilaaliyaha Qaranka uu sheegay in Maxkamad awood u leh kiiskiisa loo gudbin doono.

Sabtidii la soo dhaafay ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan Booliska sida gaarka u tababaran ay galeen xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyagoo isku dayay inay xiran Wasiir kuxigeenka, hase ahaatee ku fashilmay, markii uu buuq iyo is mari uu ka dhashay qaabkii ay rabeen in xarunta Wasaaradda ugala soo baxaan.

Sababaha ugu weyn ee Shaqa joojinta ayaa waxaa lagu sheegay in  khilaafkii waayadaan jiray,iyada oo dhawaan Xarunta Wasaaradda ay tageen Ciidamo boolis ah si ay u soo xiraan Wasiir ku xigeenka balse arrintaasi la xaliyey,iyada oo lagu eedeynayey arrimo musuq maasuq.

4 qodob oo muujinaya inay DF ku saxneyd go’aankii ay Sucuudiga kula safatay

War saxaafadeed ay wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya soo saartay dhawaan ayaa dhaliyey muran bulshada dhexdeeda ah kuwaas oo siyaabo kala duwan uga dooday.

Muxuu ahaa?

War saxaafadeedka ayaa lagu taageeray Sucuudiga oo uu khilaaf la xiriira arimimaha bili’aadannimada kala dhexeeyo dowladda Canada.

Hadaba, saddexdan qodon ee hoose waxa ay muujinayaa sida go’aanka dowladda uu u ahaa mid sax ah.

Qodobka kowaad:

Dowladda Soomaaliya iyo Sucuudiga waa xulufo maadama ay ka wada tirsan yihiin uruka Jaamacadda Carata, labadana waxaa saaran waajibaadka lagu dhaqan galinayo qodobada ku xusan xeer-hoosaadka ururka jaamacadda Carabta oo ay ka mid tahay haddii mid ka mida lagu xadgudbo madaxbaanideeda kuwa kalena lagu xad gudbay, waa sida ay yeeli lahayd, Canada haddii wadamada ay xulufada yihiin taas oo kale qabsato

Qodobka Labaad:

Dowladda Soomaaliya iyo Sucuudiga danaha iyo xiriirka ka dhexeeya waa mid aad uga qotodheer kana guunsan kuwa ay la leedahay dalalka kale ee caalamka sida Canada. Taas iyada oo laga shidaal qaadanayo, haddii uu yimaado khilaaf caalami ah oo Sucuudiga kala dhexeeya dal kale, Soomaaliya ay ku qasban tahay in ay ku lug yeelato, waxaa waajiba in ay iyada oo dhawrseysa xiriika soo jireenka ah ee kala dhexeeya Sucuudga in ay garab istaagto.

Qodobka Saddexaad:

Dowladda Soomaaliya waxaa saarnaa cadaadis culus oo uga yimi mawqifkeedii dhex dhexaadnimo ee ay ka qaadatay khilaafkii dalalka Khilijka oo ay Sucuudiga ka mid tahay. Dhex dhexaadnimada ay Soomaaliya qaadatay waxaa ku dulmiyey oo kula dagaalay dhinac ka mida kuwii khilaafku u dhexeeyey sida Imaaradka Carabta, hase ahaatee, Sucuudiga oo ilaalinaya xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya waxa uu qaatay tallaabo ka dabacsan taas isaga oo isku dayey in aan Soomaaliya go’aankeeda dartiis lagu collaadin oo aan lagu go’doomin, Taas oo ay jirto, Soomaaliya waa In aysan qaadan go’aan dhib ku keenaya Sucuudiga.

Qodobka Afraad:

Sucuudiga waxa uu kaabaa miisaaniyadda dowladda Federal-ka sida lagu soo kala saxiixday heshkii laba geesoodka ahaa ee labada dalka wada galeen booqashadii madaxweyne Farmaajo uu ku tagay dalkaas maalmihii la doortay bilowgoodii.

Ma jirto, meel ay dowladda Soomaaliya ku caddeysay in heshkii kabidda miisaaniyadda iyo mashaariicdii ay Sucuudigu ballan qaadeen aysan ku fulin ama wax ka bilaabin, waa qodob ku tusaya in danaha aan Sucuudiga ka leenahay ka gudo ballaaran yahay mid ka Canada.

Kadib heshiisyadii Eritrea & Ethiopia, IMAARAADKA oo shaaciyey qorshaha xiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka carabta ayaa sheegtay inay xoojineyso talaabooyinkeeda ganacsi ee qaarada Africa, kadib heshiisyo ay dhawaan la gashay dowladha Eritrea iyo Ethiopia.

Dowlada Imaaraadka ayaa sheegtay inaan loo tilmaameynin danaheeda ganacsi ee qaarada Africa, sidaa aawgeed ay diyaar u yihiin inay ganacsi la sameeyan dowladaha Africa kuwooda faqiirka ah.

Dhaxal-sugaha Imaarada Abu Dhabi Maxamed bin Zayed bin Suldan Al Nahyan oo madaxtooyada dalkaasi kulan saacado qaatay kula yeeshay wufuud heer caalami ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay u faa’iideeyan Africa isla markaana ka faa’iideystaan.

Waxa uu Al Nahyan sheegay inay muhiim tahay in marka hore la helo heshiisyo loo maraayo wadada sharciga ah, iyadoo wixii intaa ka danbeysa ay u gudagali doonaan dhaqan galinta heshiisyada ganacsi.

Waxa uu sheegay Al Nahyan in qorshaha ganacsigooda uu yahay mid la doonaayo in la gaarsiiyo xitaa Somalia oo uu sheegay in iminka uu kala dhexeeyo khilaaf Siyaasadeed, waxa uuna sheegay inay qaadi doonaan talaabo ganacsi tii ugu wanaagsaneed.

Waxa uu tilmaamay in ahmiyada koowaad ay siinayaan ganacsiga Dekadaha, Beeraha iyo sameynta shirkado Somalia iyo Afrikada kale kala shaqeeya soo saarka ganacsiga fudud.

Al Nahyan, ayaa sheegay inay kala saari doonaan Ganacsiga iyo khilaafka, waxa uuna cadeeyay in kala bar dowladaha ugu qanisan Africa ay iminka ku jiraan gacantooda.

Waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in xal loo helo tabashooyinka qaar ee dowladaha Africa sida Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in ahmiyada koowaad ay tahay mid ay siin doonaan danahooda gaarka ah.

Sidoo kale, waxa uu intaa raaciyay in Heshiisyada ay la galayaan dowladaha Africa uu yahay mid kala duwan isla markaana ay suuragal tahay inuu is khilaafo, hase yeeshee ay taasi tahay mid dhabaha u xaareysa guusha Imaraadka carabta.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Imaaraadka carabta ayaa waxa uu xiligaan khilaaf Siyaasadeed buuran kala dhexeeya Somalia, kaasi oo xalintiisa aan wali leysu fahmin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

CAWAD: Sacuudiga go’aan ay qaateen oo Soomaaliya ay ku taageertay ma jiro.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyey BBC Somali ayaa sheegay in aanu jirin go’aan ay qaateen Soomaliya oo ay ku taageereen dalka boqortooyada Sacuudiga.

Amb. Axmed Ciise  oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Sacuudiga go’aan ay qaateen oo aan ku taageernay ma jiro, innaga waxan taageernay in labada dal ay khilaafkooda si nabad ah ku dhameeyaan, waxaa kale oo aan taageernay in aan la faragelin dal arrimahiisa u gaarka ah, oo la ilaaliyo qaranimadiisa”

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo sharaxaad ka bixinayey go’aakooda isaga oo yiri “Go’aanka waa midka aad aragteen, waa in labada dal ee walalaalaha ay khilaafkooda dhameeyaan, oo ay ku dhameeyaan isku kalsooni iyo wanaag, waxaa kale oo go’aanka sheegayaa sida uu xiriirka calamiga ah qabo in laga dheeraado faragelinta dalalka arrimahooda gudaha, oo madaxbannaani, qarannimada iyo go’aankooda siyaasadeed iyo mowqifka dowladda”

Waxaa la weydiiyey erayga taageerada ee war saxaafadeedka dowladda Soomaaliya ku qornaa “Waa run ku taageernay dowladda Sacuudiga inaan arrimahooda gudaha lagu faragelin, sida aan u taageeri laheyn dalka Canada inaan arrimahooda gudaha la faragelinin, marka mowqifka dowladda waa kaas, waa mowqif mas’uul ah, waa mowqif qawaaniinta xeeraka waafaqsan weeye”.

Mar la weydiiyey haddii go’aanka lagu cadaadiyey waxaa uu ku jawaabey“Waqtiga hadda la joogo, waxaan u maleynaa inay caddaatay in dowladda Soomaaliya ay go’aamadeeda iyada qaadan karto iyada oo ka fog cadaadis, arrintan waxaa ay aheyd arrin ay madaxda ka foorsatay, markii la fiiriyana mowqifkaas ayaa la qaatay.

Hadalka Amb. Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa uu ka hor imaanayaa qoraal ay xukuumadda federaalka ah soo saartey arbacadii kaas oo lagu taageeray Sacuudiga

Qoraalka dowladda Soomaaliya waxaa ku jiray “Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

R/W Kheyre oo hal arrin ku qanciyey cid walba oo aan Somalia la rabin xasilooni

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisa aysan marka hore ka raali noqon doonin in si sahlan lagu burburiyo horumarka ay Soomaaluya hiigsaneyso.

Kheyre waxa uu sheegay in Somalia ay ku dhex jiran kuwo aan u diirnixin shacabka ku dhawaad Sodonka sano ku noolaa burburka waxa uuna taasi bedelkeeda sheegay in Somalia ay nafta ag dhigayan si ay dib ugu soo laabato halka ay markii hore joogtay.

Waxa uu sheegay inaanu u cuntami doonin in Somalia dib loogu celsho halka ay kasoo gudubtay waxa uuna cod dheer ku sheegay inay sahlan tahay in kuwa qaska ku haya dalka iyo kuwa nabadda u diidan ay iska celshaan.

“Somalia oo dib ugu laabataa halkii ay kasoo gudubtay waxaa nooga sahlan inaan iska celino oo aan la dagaalano cid waliba oo kasoo horjeeda Somalia oo nabad ah”

“Ma jiro cid dooneysa inay burburiso dalkeeda ilaa iyo mid aan laheyn damiir, balse anagu waxa aan xooga saareynaa inaanu noqono kuwa dadkaasi fahansiiya ahmiyada nabadda” ayuu yiri mar uu la hadlaayay dhalinyaro uu kula kulmay Khartoum.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay in cid waliba oo diidan Somalia oo nabad ah uu ku qancinaayo inay u furan tahay keliya inuu ku noolaado dalka dibadiisa si aysan u saameyn duufaanta isbedelada ka socda Somalia.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Somalia oo nabad ah ay tahay mid anfaceysa dhammaan wadamada Africa, maadaama uu yiri nabarada soo gaaray Somalia ay saameyn adag ku reebayaan dowladihii nabdoona ee Africa.

Haddalka Kheyre ayaa u muuqda mid ku fooraara dhinacyada mucaaradka, halka qeyb kamid ahna ay baraarujin u tahay dhalinyarada Soomaalida ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey Jigjiga iyo ciidanka Ethiopia oo shacabka u diidan inay..

Jigjiga (Caasimada Online) – Ciidammada milatariga ee dalka Itoobiya oo maalmihii u dambeeyay gacanta ku hayay ammaanka magaalada Jigjiga ayaa dadka shacabka ah u diidan in ay ka baxaan magaalada, sida ay BBC-da u sheegeen dad deegaanka ku sugan oo ehelkooda laga soo celiyay duleedka magaalada.

Waxaa jira warar sheegaya in dadka kali ah ee loo ogol yahay in ay magaalada ka baxaan ay yihiin dadka aan Soomaalida ahayn ee muruq maalka ka ahaa magaalada een nolosha kale ku haysanin.

Waxaa furan ganacsiyo badan, waxaana la qorshaynayaa in shacabka magaaladu ay mar kale nadiifin ka bilaabaan waddooyinka magaalada.

Qaar ka mid ah shacabka Soomaalida ah iyo kuwa aan Soomaalida ahayn ayaa shalay billaabayn in ay isla nadiifiyaan waddooyinka Jigjiga.

Dawladda ayaa dadaal ugu jirta in ay noloshu caadi ku soo noqoto, inkastoo ay wali taagan tahay hubaanti la’aantii siyaasadeed.

Isha: BBC Somali

Canada oo si yaab leh uga hadashay khilaafka kala dhaxeeya SAUDI ARABIA

Ottawa (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Sacuudi Carabiya.

Ra’isulwasaaraha Canada ayaa sheegay in wadankiisa uu xogga saarayo sidii loo difaaci lahaa Xuquuqul Insaanka.

Justin oo Saxaafadda la hadlay ayaa si cad u sheegay in mowqifka dowladiisa ee Xuququul Insaanka uu yahay mid aan gambad laheyn oo ay ka shaqeenayaan si qarsoon iyo si aan qarsooneyn.

Wuxuu intaas ku daray “ ma dooneyno inaan dowladda Sacuudiga la yeelano xiriir daciif ah… balse waxaan sii wadi doonaa inaan tilmaamno dhibaatooyinka ka dhanka ah xuquul Insaanka haddii ay ka dhici lahaayeen Sacuudiga iyo meel ka baxsan”.

Sidoo kale Justin ayaa saxaafadda u sheegay in wasiirka Arrimaha Debadda Canada Chrystia Freeland ay wada hadleyn dhigeeda dalka Sacuudiga Cadil Jubeyr Maalintii talaadada aheyd inkastoo uusan wax faahfaahin ah ka bixin kulankaas iyo waxyaabaha kasoo baxay.

Hadalka kasoo baxay Ra’isulwasaaraha Canada ayaa kusoo aadayo xilli ay dowladda Sacuudiga sare usii qaaday xiisadda labada dal u dhaxeyso iyadoo dadkeeda ku amartay inay deg deg uga soo baxaan Canada.

Dowladda Sacuudiga ayaa sidoo kale diiday in wax wada hadal ama dhexdhexaadin ah aan laga gelin karin arrinta kala dhaxeyso dalka Canada waxayna taas badalkeeda dowladaha Jaamacadda Carabta ugu baaqday inay xiriirka u jaaraan Canada.

Dowladaha baaqaas ka jawaabay ayaa waxaa ugu horeeyey Soomaaliya, Jabuuti,  Cumaan iyo Kuwait oo si rasmi ah u sheegay inay xiriirka u jareen Canada.

Caasimada Online
Xafiiska Ottawa
[email protected]

Xariga Cabdi ILEY oo arrin xasaasi ah ka dhex abuuray Liyuu Boolis iyo Ethiopia

Addis ababa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Soomaalida Ethiopia gaar ahaan degmada Dhagax-buur ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhexeysa ciidamada Liyuu Boolis iyo kuwa Militeriga Ethiopia.

Labada ciidan ayaa lasoo sheegayaa inay isku horfadhiyaan deegaanka isla markana aad looga cabsi qabo dhaqdhaqaaq ay wadaan labada dhinac.

Is horfadhiga iyo colaada saaka ka dhextaagan ciidamada Liyuu Boolis iyo Militeriga ayaa waxa ay ka dambeysay xiisada ka dhalatay gacan ku dhigista Madaxweyne hore Cabdi Maxamed Cumar oo hada la soo sheegayo inuu ku jiro xabsi guri ku yahay magaalada Addis Ababa.

Dadka deegan ayaa sheegaya in ciidanka Liyuu Boolis ay aad uga gadoodeen qaabkii Ciidanka Militeriga Ethiopia ay magaalada Jigjiga uga kaxeeyeen Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana labadan dhinac ay yihiin kuwo is hor fadhiya.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in mar walba laga baqdin qabo in dhinacyadan uu dagaal dhexmaro, maadaama dadaalo badan oo la sameeyay lagu guul dareystay in la kala qaado.

Geesta kale, waxaa saacadihii lasoo dhaafay caadi ku soo laabtay ganacsigii iyo isu socodkii magaalada Jigjiga oo todobaad marti gelisay xiisad colaadeed oo sababtay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Addis ababa
[email protected]

Warbixin: Axmed Madoobe oo lagu amray in deg deg uu uga baxo Addis Ababa

0

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubblanad Axmed Madoobe ayaa lagu amray inuu si deg deg ah uga baxo Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa Axmed Madoobe u sheegtay inuu si deg deg ah isaga baxo Adis Ababa kadib markii la isku qabtay arrinta la xiriirta deegaanada Soomaalida Itoobiya oo maalmahaan ay ka taagenyd khalalaaso siyaasadeed.

Axmed Madoobe ayaa Adis Ababa u tagay sidii uu u dhex dhexaadin lahaa dowladda Itoobiya iyo maamulka deegaanada Soomaalida Itoobiya balse wuxuu cadaadis xoog leh kala kulmay dowladda Itoobiya oo u sheegtay in arrintaan ay u taalo dowladda federaalka Itoobiya.

Sida ay horey ugu akhrisateen wararkeenii hore Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada dowladda Itoobiya ayaa Axmed Madoobe si cad ugu sheegay inuu arrimahaas faraha kala baxo haddii kale ay dowladda Itoobiya tallabo ka qaadi doonto.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno la socday Axmed Madoobe, dowladda Itoobiya ayaa u sheegtay in go’aanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay leedahay dowladda Federaalka ee dalkaas isla markaasna aan lagala tashan doonin Axmed Madoobe.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa Golayaasha maamulka Soomaalida Ethiopialagu wargaliyay in wixii khuseeya arrimaha maamulka ay kala tashan doonaan Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia Axmed Shidde.

Golayaasha maamulka ayaa waxaa lagu wargaliyay in mudada lagu guda jiro marxalada cakiran ay howlaha xiisada iyo go’aan ka gaaristeeda kala xiriiri doonaan Wasiir Axmed Shidde oo mudadaasi kasii howlgali doona magaalada Jigjiga.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Abiy ayaa Golayaasha u cadeeyay in Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia Axmed Shidde uu taagan yahay booskiisa, isla markaana ay muhiim tahay in lagu dabafeylo.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa
[email protected]

Ciidan cusub oo la keenay isgoysyada Muqdisho iyo taliyaha ay ka amar qaatan

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka aan ka heleyno qeybo kamid magaalad Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Shalay galab lagu arkay qeybo kamid ah Isgooysyada muqdisho ciidammadii Nabad sugidda ee dhawaan laga qaaday Isgooysyada.

Ciidammada Isgooysyada lagu arkay ayaa ku labisnaa dharka ciidammada Booliska Soomaaliya, dhawaanna ciidammadii Nabad sugidda muqdisho waxaa lagu daray Booliska.

Meelaha lagu arkay ciidankan waxa kamid ah Isgooysyada Taleex iyo Dabka ee Muqdisho.

Ciidamadan ayaa waxaa la sheegay inuu taliye uyahay Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed Fariid.

Askarta la keenay Isgooysyada Muqdisho ayaana la ogeyn qaabka ay wax uga badali doonaan amaanka Caasimadda.

Magaalada Muqdish ayaa muddo gaaban waxaa isku badbadalay amnigeeda ciidamo kala duwan oo isugu jiro Nabadsuhid, Militari iyo Boolis.

Dhawaan ayey aheyd markii Madaxweyne Farmaajo uu amray in la furo jidadka Muqdisho isla markaasna laga qaado ciidamada ku sugan oo ahaa kuwa ka tirsan ciidamada Xasilinta oo uu markii dambe Madaxweynaha kala diray dhamnaantood.

Khilaaf xoog leh ayaa ka dhashay markii ciidamada xasilinta la kala dirayey waxayna markii hore amar ka qaadan jireyn Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Mursal oo damacsan qorshe baarlaman oo uu Kheyre ku lug leeyahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uu wado qorsho lagu soo koobayo fadhiyada baarlamaanka Somalia.

Guddoomiye Mursal ayaa la sheegay inuu doonayo in aad loo yareeyo kulamada baarlamaanka si xukuumada Somalia ay uga badbaado Mooshino iyo khilaafyo kaga imaada dhank Xildhibaanada baarlamaanka.

Waxaa la xaqiijiyay in Guddoomiye Mursal uu dheereyn doono dib u dhacyo la qorsheeyay in lagu sameeyo kulamada caadiga ah ee uu yeelan jiray baarlamaanka, waxaana lasoo sheegayaa in qorshahaasi uu yimid kadib koror ku yimid Mooshinada Xildhibaanada mucaaradka.

Xogtu waxa ay tibaaxeysa in qorshahaani uu horboodayo Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo uu khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo Xildhibaano ka tirsan garabka mucaaradka.

Sidoo kale, Kheyre ayaa walaac ka qabo kacdoon kaga imaada dhanka Xildhibaanada mucaaradka oo iyagu goor sii horeysay ku goodiyay inay xilka ka tuuri doonaan Ra’isul wasaare Kheyre oo ay u arkaan inuu caqabad ku yahay danahooda siyaasadeed, waxa uuna arrintaasi u arkaa inuu kaga badbaadi karo yareynta fadhiyada baarlamaanka si wakhtigiisa uu u dhameysto.

Ma cadda sida uu ku dhaqan gali doono qorshaha Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Mursal ay ku doonayaan inay ku cuuryaamiyan kulamada baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog cusub: Maxaa keenay is-casilaadda XOG-HAYIHII wasaaradda garagaarka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cumar Macalin, oo ahaa Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu is-casilay.

Warqadda iscasilaadda, ayuu mas’uulkan sabab uga dhigay go’aankiisa dhibaatooyin uu sheegay inuu kasii wadi wayaay shaqadda.

Laakiin, macluumaad hoose ayaa sheegaya in Xoghaye Maxamed uu is-casilay kadib markii Xafiiska Hanti-dhowrka guud uu kusoo furay baarista Kiis la xiriira musuq-maasuq maaliyadeed.

Waxaa soo galay baaritaan lagu hayo Agaasiimiha Waaxda dib u dejinta Wasaaradda, Daahir Maxamuud Nuur kaasoo todobaadkii tagey la xiray kadib markii lagu soo eedeeyay inuu lunsaday $84,000 oo dollar.

Xogta ayaa intaasi ku dareysa in Xoghayaha is-casilay si xariga looga sii daayo Daahir u gudbiyey Dukuminti laga soo saarey Wasaarada kaasoo Hanti-dhowrku ogaadey inuu been abuur yahay, talaabadaan ayaa Wasiirka cusub ee wasaaradda ka warhayn.

Maxamed Cumar ayaa Daahir Maxamuud waxay yihiin qaraabo dhaw iyadoo xarigii Agaasime waaxeedkaan kadib baaritaano soo galeen xoghayahaan.

Xoghayaha is casiley ayaa wararku sheegayaan in Waraaq laga dhigey garoonka diyaardaha Muqdisho isagoo aan ka bixi karin magaaladaas.

Xariga Daahir ayaa dhaliyay muran, waxaana xabsiga loo dhigay Saraakiishii ciidanka ee isaga soo xirteu, iyadoo maxkamadda gobolka Banaadir ay sheegtay in wadadii loo maray xarigiisa ay ahayd mid aan sharciga waafaqsaneyn.

Baaritaanada sida xowliga ku socda ee uu wado xafiiska Hanti-dhowrka qaranka ee lagu hayo Wasaaradaha iyo mas’uuliyiinta ka shaqeeya ayaa waxaa amray Madaxweyne Farmaajo.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii la waayay dhawaan lacag badan, oo lagu qiyaasay labo Milyan oo dollar taasoo loogu tala-galay howlgalkii xasilinta caasimadda iyo mushaarka ciidamada.

Waxaa la filayaa in dhawaan la isagu yeero Saraakiisha iyo Taliye-yaasha Ciidamada ee maamulayay dhaqaalahan la lunsaday, oo qeyb ka ah kiisaska musuq-maasuqa ee mudooyinkii dambe soo ifbaxay.

Soomaaliya ayaa mar walba safka hore ka gashay dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, waxaana uu Ra’iisul Wasaare Khayre marar badan ku celiyay inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa jilbaha dhulka u dhigay horumarka dhaqaale ee dalka.

Xigasho: Garowe Online.