24.3 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Xog: Mas’uuliyiin hor leh oo lagu wado inay weyn doonaan xilalkooda (Yaa kamid ah)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya inuu socdo qorsho hor leh oo xilka looga xayuubinayo mas’uuliyiin dhowr ah oo xilal kala duwan ka hay dowlada.

Xogta aan ilaa iyo hadda ka heleyno xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegeysa in xil ka qaadis lagu sameyn doono Taliyaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Koofi, ayaa la sheegayaa in lagu bedeli doono mas’uul ka tirsan isla Hay’adda, halka isagana loo magacaabi doono xil cusub oo dhanka amaanka ah.

Mas’uuliyiinta xilalka weyn doona ayaa waxaa kamid ah Taliyaha Hay’adda dambi baarista CID, oo la sheegay inuu sababsan doono kiisas is uruursaday oo loogu xadgudbay mas’uuliyiin dhowr ah kuwaa oo la xiray warqad fasax la’aan ah.

Waxaa kamid noqon doona mas’uuliyiinka xilalka weyn doona Wasiiro ku-xigeeno la sheegay in loo heysto kiisas isdabamarin iyo Agaasimayaal dhowr ah kuwaa oo gabi ahaantooda warqadooda ay tahay mid miiska saran.

Dowlada Somalia ayaa ku guda jirta dardar galinta la dagaalanka musuqa, waxaana suuragal ah in kiisaska musuqa ay u xirmaan Wasiiro, sida laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan guddiga dabagalka iyo la dagaalanka musuqa.

Si kastaba ha ahaatee, talaabada lagu doonaayo in lagu bedelo mas’uuliyiintan ayaa qeyb ka noqon doonta isbedelada dhanka shaqada oo ay ku howlan tahay dowlada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Seefta Maxkamada G.Banaadir oo dusha ka saran Saraakiisha maaliyada 3 Hay’adood (Maxay kala yihiin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno illo wareedyo ka tirsan Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Maxkamadu ay ku howlan tahay xariga Saraakiil ka kala tirsan Hay’adaha Booliska, Militeriga iyo Nabadsugida Somalia.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Gudoomiyaha Cusub ee Maxkamada Gobolka Banaadir Muuse macalin Maxamed uu amar ku bixiyay in dhammaan Saraakiisha lo ohayo cadeymaha musuqa la xiro si loo horgeeyo sharciga.

Saraakiisha Hay’adaha amaanka ee isha lagu hayo ayaa la sheegay inay yihiin kuwa Seddexdaasi Hay’adood u qaabilsan dhanka Maaliyada oo iyagu la sheegay inay ku tagri falaan hantida ciidamada.

Saraakiisha xafiiska maaliyada ciidamada Booliska, Nabadsugida iyo Booliska ayaa la xaqiijiyay in lagu hayo cadeyno kuwaa oo isugu jira Lacago, Guryo iyo Warqado muujinaaya inay isku dabamariyeen mushaaraadka bilow dhowr ah.

Waxa ay xogtu tibaaxeysaa in Saraakiisha xafiisyada Maaliyada Seddexdaasi Hay’adood ay iibsadeen guryo ka badan mid Seddex kuwaa oo laga iibsaday mushaaraadka iyo xuquuqda ciidamada Qaranka.

Musuqa ay ku kacaan Saraakiisha xafiisyada Maaliyada Hay’adaha amaanka ayaa waxaa kaalin weyn ka qaata qaar kamid ah Taliyayaasha, waxaana musuqa ceynkaasi ah difaaca Xildhibaano qaata lacago laaluush ah.

Sidoo kale, dagaalka musuqa ay wado dowlada Somalia oo sii ballaaranaaya ayaa waxaa iminka u xiran Saraakiil dhowr ah kuwaasi oo lagu helay cadeymo muujinaaya inay geesteen xadgudub hantiyadeed iyo laaluush.

Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili musuq ceynkaani ah ay xabsiyo ugu jiraa mas’uuliyiin ka howlgasha Wasaarado kala duwan oo ka tirsan Xukuumada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay qorsho adag oo lagula dagaalamayo Musuq maasuqa

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay kulanka sanadlaha ee xafiiska Hantidhowrka Qaranka ayaa boggaadiyey howlaha muhiimka ah oo ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.

Guddoomiyaha ayaa adkeeyey baahida loo qabo in la xoojiyo nidaamka lagula dagaalamayo musuqa, si looga baaqsado ku takrifalka hantida dawladda, isagoo xusay in maamulkiisu uu meel adag ka taagan yahay la dagaalanka Musuqa oo dhowr jeer caddaaladda la horgeeyey xubno lagu tuhmay musuq-maasuq oo ka tirsanaa shaqaalaha iyo madaxda Maamulka Gobolka Banaadir.

“Soomaaliya waxay horumar weyn ka gaartay sannadihii dhowaa la dagaallanka musuq-maasuqa, balse horumar masii jiri karo ilaa xidida loo siibo musuqa. Maamulka Gobolka waxaan bilownay qorsheyaal aan kula dagaalamayno musuq-maasuq si loo hirgeliyo maamul wanaag leh isla xisaabtan iyo fur-furnaan u adeegaya bulshada Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in loo baahanyahay wacyigelin baahsan oo lagula dagaalayo dhaqanka maamul xumada iyo fahamka dowladda, maadaama uu musuqmaasuqu yahay midka dalkan dib u dhigay loona baahan yahay in meel looga soo wada-jeesto ciribtirkiisa, si loo sii xoojiyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan maamulkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sacuudiga oo ku dhawaaqday arrin cusub oo sii kordhineysa xiisada kala dhexeysa CANADA

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ku dhawaaqday shaqo joojin ay sameyneyso Safaaradooda dalka Canada.

Shaqo joojinta ayaa la sheegay inuu ku dhawaaqay Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga oo ku duulaya amar kasoo baxay Xafiiska Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Dhaxalsugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, ayaa sheegay in shaqooyinkooda Safaarada Canada ay dib u bilaabi doonaan kadib isbedelka ku imaan doona go’aan dowlada Canada ay ku faragalineyso arrimaha Sacuudiga.

Safiirka iyo Diblumaasiyiinta Sacuudiga ka joogta Safaarada Canada ayaa la sheegay in loo qabtay in 24 saac ay uga soo baxaan dalkaasi, halka Canada ay diblumaasiyiinteeda durba kala baxday Safaarada ay ku leeyihiin Riyadh.

Dowlada Sacuudiga ayaa tan iyo markii ay Dhaxalsugaha Boqortooyada u aqoonsatay  Maxamed Bin Salmaan qaaday talaabooyin lagula loolamaayo dowladaha reer galbeedka, taasi oo laga cabsi qabo in Sacuudiga ay cagaha kula gasho colaado halis galinkara amnigeeda.

Dowlada Canada wali kama aysan hadal go’aankaani ka dhashay kadib caro ay Dowladda Sacuudiga ka qaaday tallaabada dowladda Canada uga hadashay xariga dadka u dhaq dhaqaaqa bulshada, waxaana ay ku tilmaamtay mid faragelin ku ah arrimaha gudaha Sacuudiga.

Si dhab ah looma saadaalinkaro sida uu noqon doono xiriirka labada dal waxaana aad looga cabsi qabaa in arrinka uu intaa kasii adkaado.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

R/W Kheyre oo 2 arrin uga digay ardayda waxkabarata Jaamacadaha dalka Sudan

Khartoum (Caasimada Online)- Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo howlo shaqo u gaaray magaalada Khartoum ee xarunta dalka Sudan ayaa booqasho ku tagay Jaamacadda Africa ee dalka Sudan.

Jaamacadaani oo ay dhigtaan arday farabadan oo Soomaali ah ayaa waxa uu Ra’isul wasaare Xasan Kheyre u jeediyay khudbad lagu dhiiri galinaayo ardayda.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa ardayda uga digay inay ku dhaqmaan qabyaalad iyo in ay sumcad xumo usoo jiidan dalkooda Somalia oo ay ku matalaan Sudan.

Waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre u sheegay ardayda inay ogaadan in ay mas’uul ka yihiin magaca Somalia waxa uuna ku amaanay sida ay ugu nugul yihiin waxbarashada ay uga soo socdaalen dalkooda hooyo.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Waxaan idinkaga digayaa inaad magac xumo usoo jiidan dalkiina waxa aad tihiin Safiiro Somalia ku matalaaya dalkaan aad joogtaan waa inaad ka fogaatan qabyaalada”

Waxa uu intaa raaciyay “Waa inaad ilaalisan dalka iyo dadka idinku martigaliyay waxbarashada Sudan sida aan la socno waa dal ay ka go’an tahay inuu soo saaro dad Soomaaliyeed oo aqoon iyo karti leh”.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dowlada Sudan ku amaanay inay is garabtaagtay Somalia oo aan xiligaan laheyn Jaamacado tayo leh waxa uuna sheegay in dadka la sugaayo inay ka faa’iideystan ay yihiin dhalinyarada.

Haddalka Ra’isul wasaare Kheyre ayaa kusoo beegmaaya xili Jaamacada Africa ee Sudan ay noqoneyso Jaamacada ugu badan ee soo saarta Kumanaan arday oo qaarkood xilal ka haya dowlada Somalia, sida uu sheegay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Rasaas xoogan oo caawa laga maqlayo qeybo kamid ah magaalada Jigjiga

Jigjiga (Caasimada Online)-Rasaas xoogan ayaa waxaa caawa laga dhex maqlayaa gudaha magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka Soomaalida Ethiopia.

Rasaasta ayaa la sheegayaa inay ridayaan ciidammada militariga dowladda federaalka Ethiopia ee maanta la geeyay intabadan magaalada Jigjiga.

Ciidamada ayaa kala eryinaaya dhalinyaro wax boobaya oo la sheegay inaysan dadka soomaalida oo ay horey u saamaysay rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada goobahooda kula dhaqaaqay boobka.

Intabadan magaalada ayaa waxaa qariyay rasaasta ifisada ah oo heehaabeysa hawada iyo dhulka, waxaana laga cabsi qabaa in dadka deegaanka ay caawa sii xoojiyaan boobka iyo rabshadaha xiliga habbeenka ku cusub Jigjiga.

Sidoo kale, wararku waxay sidoo kale sheegayaan in shirar looga hadlayo arrimaha ammaanka ay ka socdaan dowlad deegaanka soomaalida Ethiopia.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaana muuqaneysa in isbacsi uu u dhexeeyo ciidamada Militeriga iyo dadka deegaanka oo iyagu aad u careysan.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

[email protected]

Gaadiid lagala soo goostay dhulka Soomaalida Ethiopia oo lagu qabtay Somaliland (Warbixin)

Hargeysa (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in deeganada maamulka Somaliland lagu qabtay gaadiid nooca waaweyn oo lagala soo goostay dhulka Soomaalida Ethiopia.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gawaari ka timid dhinaca dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo dhalinyaradii waday.

Maamulka ayaa sheegay in Gaadiidkaasi oo dhowr ah ay ku qabteen deegaanada xaduudka ah ee togwajaale kuwaasi oo ay sheegen in lagala soo goostay dhulka Soomaalida.

Maxamed Muuse Diiriye oo ah Wasiir ku-xigeenka Amniga maamulka Somaliland ayaa sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku hayaan afar gaari, halka kuwo kale lagu hayo deegan kale oo aan sidaa uga suu fogen togwajaale.

Wasiir ku-xigeenka waxa uu sheegay inaanu jirin sabab iyo cadeymo ay ku socdeen wadayaasha gaadiidka, balse ay jireen xogo muujinaayay in gaadiid lagala soo goostay deegaanka Soomaalida ay kusoo fool leeyihiin Somaliland, sidaana ay gacanta ugu dhigeen gaadiidka.

Waxa uu sheegay in gaadiidka ay yihiin kuwo maamulka uu leeyahay balse aanu jirin sabab muujineysa inay ku socdaan gaadiidka.

Waxa uu sheegay Wasiirku in Somaliland ay adkeysay xaduudkeeda,isla markaana ay baaritaan ku hayaan gawaarida iyo dadkii ay qabteen.

Geesta kale, waxa uu sheegay inay jiraan hanta badan oo lagala soo baxsaday dhulka Soomaalida ay ka hortageen in lasoo galsho Somaliland, iminkana ay wadaan ka hortag.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

Madaxweyne cusub oo loo magacaabay Dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya

0

Jigjiga (Caasimadda Online) –  Guddiga fulinta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Goordhow waxa ay Magacaabeen Madaxweyne Cusub dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya,ka dib kulan ay Maanta yeesheen.

Warar soo baxay ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu is casilay sababo la xiriira rabshadaha khasaaraha egsytay ee ka dhacay magaalooyinka Waaweyn sida Jigjiga iyo Diridhaba.

Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay u Magcaabeen Xilka Madaxeynaha Cusub ee Dawlad Deeganka Soomalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed(Ilkacase)

Dad badan oo siyaasada la socda ayaa waxa ay qabaan in xiisadii ka jirtay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay yareyn karto isbedelka Cusub ee lagu sameeya Hoggaankii ugu sareeyey.

Magacaabistan ayaa waxa ay imaaneeysaa iyada oo muddo 3-maalmood ah xaalad cakiran ay ka taagneed Guud ahaan dhulka Soomaalida ee Itoobiya ay heysato.

Sidoo kale magacaabistaan ayaa waxay kusoo aadeysaa xilli ciidamada Militariga  Itoobiya ay Maanta galeen Magaalada

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected]

Milateriga Itoobiya oo galay Diridhabe, Soomaalida oo ka Qaxeysa iyo Liyu Police oo banneeyay

0

Diridhabe (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Diridhabe ayaa sheegaya in ciidamada federaalka Itoobiya ay galeen magaalooyinka Jugjiga iyo Diridhabe oo labadii maalmood ee uu danbeeyay shaqaaqooyin ku dhex marayeen Soomaalida iyo Oromada.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay gudaha u galeen labada magaalada iyadoo ay wadooyinka dhooban yihiin, waxayna la wareegeen dhismooyinka maamulka iyo goobaha dowladda, kadib markii xaaladda magaalada ay qarka u saarantay inay faraha ka baxdo.

Ciidamadii maamulka Soomaalida Itoobiya ee Liyu Police ayaa la sheegay inay isaga baxeen oo ay banneeyeen magaalada Diridhabe waxyar ka hor intii aanay ciidamada Itoobiya gelin halkaasi, waxay kaloo banneeyeen magaalada Jigjiga iyagoo loo sheegay inay xerooyinkooda ku ekaadaan.

Soomaalida ku nool magaalada Diridhabe ayaa la sheegay inay ka qaxayaan degaanada ay la degan yihiin Oromada iyo qowmiyadaha kale, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in xaaladda magaalada ay kacsan tahay.

Faragelinta ciidamada Itoobiya ayaa bilaabatay galabta iyadoo ciidamo badan oo wata diyaarado helikobtar ah iyo qalab culus, waxayna arrintan ka dambeysay wadahadal maamulka Soomaalida Itoobiya iyo dowladda Federaalka ugu dhammaaday magaalada Jigjiga oo la sheegay inuu maamulka DDSI codsaday ciidamo federaal ah.

Caasimada Online
Xafiiska Diridhabe
[email protected]

Sagaal ruux oo reer Jabuuti ah oo Diridhaba lagu dilay

0

Diridhaba  (Caasimadda Online) – Ugu yaraan sagaal qof oo u dhalatay dalka Jabuuti ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay isku dhacyadii qowmiyadaha ku salaysnaa ee shalay ka dhacay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, sida ay dad goob joogeyaal ah u sheegeen BBC.

Iskudhacyadan cusub ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa la sheegayaa inay ka dhasheen qalalaasihii Sabtidii ka dhacay magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhanka kalana wararku waxa ay sheegayaan in dhibaatadu ay u talowday dhinaca dalka Jabuuti halkaasna lagu dhaawacay labo ruux oo Oromo ah, sida uu BBC-da u talaiyaha booliiska ee dalka Jabuuti Cabdullaahi Cabdi.

Taliyuhu wuxuu sheegay in gacanta lagu dhigay dadkii weerarkaas qaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Diridhaba  
[email protected]

Dagaalka musuq maasuqa ee dowladda oo cirka galay & taliyayaal ciidan oo la xiray

0

Muqdisho (Caasimadda Online)-Gaashaanle Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha Ciidanka Boliska saldhiga degmada Wartanabadda iyo Alifle Cabdi Cumar Isaaq taliyaha Baarista Dambiyada Saldhiga iyo Kormeera Labaada Cabdifitaax Maxamuud Cabdi oo ka tirsana Ciidamada saldhiga degmada ayaa lagu soo eedeeyay in ay qaateen lacag laauush ah.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa amartay in raggan lasoo xiro, waxaana durbadiiba lagu wareejiyay Maxkamadda Ciidamada.

Warkan waxaa baahisay Warbaahinta Dowladda, waxa ayna u muuqataa inxoowli uu ku socdo nidaamka Dowladdu ay sheegtay in ay musuqa kula dagaalamayso, inkasta oo dhaliilo badan loo jeedinayo.

Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa markii ay soo gaartay eedda ka dhanka ah eedeysanayaasha, waxa ay maalin kadib horgeeyeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xeer Ilaalinta ayaa weydiisatay garsoorayaasha in la xiro si’ ay u soo dhameystiraan cadeymaha eedda loo heysto Gaashaanle Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha Boliska saldhiga degmada Wartanabadda iyo labada askari ee kala tirsanaa saldhiga degmada Warta-nabadda.

Waa markii Sedexaad tan iyo Sabtigii Dowladdu ay qaaday tillaabo Musuq la dirir ah.

Kiiska musuqa wasaarada dibadda oo lugaha la galay wasiir Axmed Ciise Cawad

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kiiska dacwadda musuqmaasuqa ah ee loo heysto Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa lugaha la galay Wasiirka Wasaaraddasi Axmed Ciise Cawad.

Sida ay sheegeyso xog ay heshay mareegta Caasimadda online, kiiskan oo soo taagnaa muddo ka badan 4 bilood ayaa salka ku haya dhaqaale si xun loo maamulay iyo ku takri fal awoodeed, waxaana wasiir ku xigeenka uu ahaa qofka kiiskan ugu weyn ee loo haysto, maadaama uu ahaa qofka ku sugan xarunta Wasaaradda oo maamulka gacanta ku hayey.

Wasiir ku xigeenka Mukhtaar Mahad ayaa ka hor yimid baaritaan ay waday hay’adda Hanti dhowrka guud oo xafiisyada maamulka calaamado ku dhejisay, taasoo caddeyneysa in baaritaan socdo oo aan la furi karin khasnadaha iyo xafiisyada baaritaanku ka socdo, laakiin wasiir ku xigeenka ayaa la sheegay inuu jebiyay amarkaasi, taasoo xaaladda uga sii dartay.

Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa ku doodaya inuu ku shaqenayay Amarka wasiirka Arimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, isla markaana aanu wax u gaara isagu ku dhaqaaqin, taasoo kiiskan lugaha u soo gelisay wasiirka, iyadoo laga cabsi qabo inay xaaladda sii cakirto.

Wasiir ku xigeenka oo la isku dayey in la xiro kadib markii loo soo jaray amar maxkamadeed, ayaa xaaladiisu weli cakiran tahay markii qaab aan habooneyn ay ciidamo boolis ah u damceen inay qabtaan, taasoo uu soo dhex galay Ra’iisal wasaare Kheyre, laakiin waxaa saxaafadda la hadlay Xeer ilaaliyaha iyo hanti dhowrka oo eedeyn musuqmaasuq ah u jeediyey Wasiirku ku xigeenka.

Warkii kasoo baxay xalay Wasaaradda Arrimaha dibadda oo si weyn loogu eedeeyay falkii lagula kacay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo tallaabada ay qaadeen Hanti dhowrka iyo xeer ilaaliyaha ayaa si cad u muujiyey in mas’uuliyiinta wasaaradda Arrimaha dibadda ay u dhan yihiin kiiskan, marka laga reebo wasiiru dowlaha wasaaradda C/qaadir Axmed Kheyr oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha, kaasoo u muuqda inuu xilli hore u shaqeeyo sida wasiir.

Is-mari waaga ka taagan kiiskan ayaa ah kii ugu horeeyay ee mas’uul heerkiisu yahay wasiir ku xigeen xil haya lagu soo oogo dacwad musuq ah, waxaana dadka qaarkii ay sheegayaan in arrintani ku dhammaan doono xil ka qaadis.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Meydadka Soomaali la jar jaray oo laga helay kaniisad ku taal magaalada Jigjiga

Jigjiga (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xiisada ka taagan deegaanka Soomaalida Ethiopia kadib markii ciidamada maamulka iyo kuwa dowlada ay bilaabeen inay kala badbaadiyan Soomaalida iyo Oromada.

War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ilaa iyo Meydka 8 qof oo Soomaali ah laga helay Degmada 6-aad ee magaalada JigJiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia.

Meydadkaan ayaa la sheegay in laga dhex helay Kaniisad laga raray dadka Oromada ah waxaana lasoo sheegayaa inay dileen Oromada.

Meydadka qaarkood ayaa waxaa ka muuqda mindiyo iyo jug culus oo loo geystay taasi oo sababtay geerida dadka qaar.

Dadka kunool Magaalada Jigjiga oo qaarkood la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dadkaasi qaarkooda la jarjaray isla markaana aan la aqoonsan karin oogada jirkooda.

Meydadkaan ayaa la sheegay inay soo saaren Ciidamada Liyuu Boolis oo Saaka gudaha u galay Kaniisadda oo dadkii Oromadda ahaa ay xalay ka baxeen.

Meydadka Soomaalida ee laga soo saaray Kaniisada ayaa waxaa ku jira Haween, Carruur iyo Dhalinyaro u muuqda in lagu qabsaday rabshadaha.

Arrintaani ayaa timid xilli shalay iyo maanta ay degan tahay Xaaladda magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

[email protected]

Video: Faroole oo sheegay goorta dadkiisa ay Xamar dib ugu laaban doonaan

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Dhawaan Raisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo hoggaaminaya wafdi ballaaran ayaa booqasho ku tagay M/Gobolleedka Puntland.

RW Xassan Cali Kheyre  si weyn ayaa loogu soo dhaweeyey Garoowe iyo magaalooyinkii kale ee uu booqday isaga oo kula kulmay madaxda M/Puntland iyo shacabkaba.

Raisul Wasaaraha dadkii soo dhaweeyey waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole oo tusay qol uu ku tilmaamay ‘Qolkii Taariikhda”.

Faroole waxa uu RW Xassan iyo madaxdii kale ee la socotay mid mid u tusay sawirro taariikhi ah oo ay ku jireen hoggaamiyeyaashii saldanooyinkii hore ee gayigga Soomaalida ka talin jiray sida Boqor Cismaan , Suldaan Cali Yusuf Keynadiid, Suldaan Cali Shire iyo halgamaayaal aad loo jeclaa sida xubnihii SYL iyo Cumar Samatar.

Waxaa sawirrada oo ku dhaganaa gurigiisa sidoo kale ku jiray madaxweynihii ugu horreeyey Soomaaliya Aadan Cabdille Cismaan, boqorkii Abyssinia Najashe iyo halyeeyo kale.

Haddaba sawirka xiisaha dhaliyey waxa uu ahaa mid laga qaaday magaalada Xamar ama Muqdisho oo qadiimi ah.

Halkaa marka uu marayey ayaa waxa uu madaxweynihii hore ee Puntland sidoo kalena ah xubin ka mid ah Aqalka Sare ee  dowladda Federal-ka ah  ayaa waxa uu yiri-

Waagii dhaweed Xamar aan tagay, munashiibiyada la iga casumay, waxaan ku iri Xamar baan soo dhexmarayoo meel nool kuma arag, meesha hadda aad nagu casumeysaan waa meel cusub oo aad dhisteen laakiin Xamar bey ku taal, Xamarweyney ku taalaa, Xamar, Xamar, toddobaddii degmo ee Xamar koorkoodii waakaa, Xamarweyne iyo Shingaani meeshey iska galaan, soo hadda ka garanmeysaan wax, halkaas Barqash Area soo garan meysaan, Gurigii Barqash, wixuunuba soo garan meysaan.

Ayaantii waxan ku yiri adiga [Kheyre] hadda ku oran maayee, adigu dadkii dagaalka sokeeye galay ma ahide, raggii waa weynaa baa meesha fadh fadhiyaye aan qaar aqoonayo, Xamar oo saasaa idinka rabnaa haddii kale idinku soo noqon meyno. [Raiusl Wasaaraha waxa uu yiri waa run isaga oo qoslaya!

Hadaba waxaa su’aal mudan waxa uu ula jeedo Faroole hadalka ah ‘Xamar oo saasaa idinka rabnaa haddii kale idinku soo noqon meyno?”

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisada gobolka Somalida

Jigjiga (Caasimada Online) – Dadka aan Soomaalida ahayn ee ku sugan magaalada Jigjiga ayaa isku aruursanaya Kiniisad wayn oo ku taalla magaalada Jigjiga iyaga oo wata burar iyo baangado, sida ay BBC-da u sheegeen dad goobjoogeyaal ah.

Dadkan oo dhallinyaro u badan ayaa markii hore kiniisadda u tagay si ah u difaacaan maadaama oo ay jiraan kuwo kale oo la gubay.

Waddada ay kiniisaddaasi ku taallo ayaa go’an iyadoo laga cabsi qabo in ay rabshado ka dhacaan.

Dad Soomaali ah oo iyaguna is aruursanayay ayay booliisku dib u celiyeen, waxaana magaalada dhex maraya gawaari ay cod baahiyeyaal ku xiran yihiin oo dadka lagaga dalbanayo in ay is dajiyaan rabshado dambana aysan gaysanin.

Booliiska caadiga ah iyo ciidammada gaar ah ee Liyuu Booliis ayaa wadooyiinka magaalada gaaf wareegaya iyaga oo qaar ay lugaynayaan iyo kuwo kalana ay gawaari adeegsanayaan.

Dhinaca kale, Magaalda Diridhaba ayaa maanta degen, waxaana caadi ku soo noqday isu socodkii gaadiidka dadwaynaha, sida ay BBC-da u sheegeen dad magaalada ku sugan.

Booliis ayaa aad loo dhoobay waddooyinka magaalada, waxaana jira kuwo kale oo baabuur wata oo gaaf wareegaya magaalada.

Rabshado ayaa Dirdhabo ka dhacay Axaddii, kuwaas oo la sheegay in ay dabo socdeen kuwii ka horeeyay ee Sabtii ka dhacay magaalada Jigjiga.

Dad Soomaali ah oo daganaa Xaafadaha ay Oromadu ku badan tahay ayaa sheegay in ay guryahooda ka carareen ka dib markii la gubay guryo ay Soomaali lahayd.

Wasaaradda gaashaan dhigga ee dalka Itoobiya oo ka hadashay rabshadaha ayaa sheegtay in ay sugi doonto ammaanka shacabka iyo hantida dalka.

Isha: BBC Somali

MUUSE BIIXIN: “Aniga iyo odayaal daalan oo balwadi ay dishay waan is deynay”

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa daboolka ka qaaday in Wasiirada maamulkiisa uu ka ilaaliyay kuwa isticmaala balwada.

Biixi waxa uu sheegay in doorashadiisa kadib uu xooga saaray inaanu Xukuumadiisa kamid noqon kuwo uu sheegay inaysanba awoodin inay usoo shaqo tagaan xafiisyadooda.

“Anigu xukuumadeydu kama mid aha Wasiiro isticmaala balwada sida qaadka, waxaan qabaa in wasiir cunaa qaad aan laga heli doonin xukuumadeydu”

Muuse Biixi ayaa sheegay in inta badan xubnaha Wasiiradiisa ay yihiin dhalinyaro wax ku baratay deegaanada Somaliland,isla markaana aan qaadka iyo balwada qeybaheeda kale cunin.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Waxaan maqli jirey in wasiiradii hore inta badan lagu tilmaami jiray Odayaal da’ah oo daalan laakin aniga dadaal aan sameeyey ayaan golaheyga Wasiirada u badiyey dhalinyaro dalka”

Waxa uu intaa raaciyay “Dhalinyarada wax ku baratay dalka ayaa kordhiyay,laakin Odayaal iyo qurba joog weey ku jiraan waxaase ka badan dhalinyarada gaar ahaan kuwa aqoonta leh,hadii xilligihii hore da’ la sheegi jiray hadda waxaa nagula eedeeyaa maxay yihiin dhalinyaradaan”.

Muuse Biixi, waxa uu sheegay in mudada uu hayo xilka aysan xil ku kulmi doonin Siyaasiyiinta isticmaasha balwada, waxa uuna tilmaamay inay ka feejigan yihiin kuwa saaxiibka u ah qaadka.

Si kastaba ha ahaatee, Muuse Biixi ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka qeyb galayey munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Wasiirada uu magacaabay Kheyre oo muujisay sida uu hal arrin isaga ilaalinayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shalay isku shaandeyn kooban iyo buuxinta boosaskiii banaan ku sameeyey Golihiisa Wasiirada.

Meelaha uu isku shaandheynta ku sameeyey waxaa ugu weyneyd Wasaaradda Kalluumeysiga Iyo Kheyraad-ka Badda isaga oo isku bedelay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi oo ah midka xilka laga qaaday iyo Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo loo dhiibay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaha waxa uu buuxiyey boosaskii baanaanaa sida Wasiiraddii Diinta iyo Awqaafka iyo Waxbarashada. Cabdullaahi Godax Barre ayaa loo magacabay wasiirka Waxbarashada halka Diinta iyo Awqaafka loo magacaabay Sheekh Nuur. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha waxaa loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni.

Waxa kaloo la magacaabay wasiiro dowlaha madaxtooyada oo laga dhigay C/qaadir Sheekh Baqdaadi.

Hadaba maxaa kaaga baxay magacaabistaas?

Dhammaan wasiirada xilalka cusub loo dhibay iyo kuwa isku shaandheynta ku yimi waa wada xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya!

Arrintan waxay muujineysaa sida ay dowladda uga feejigan tahay mooshin walba oo la isku dayo in laga keeno, ayada oo inta badan wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha xukuumadda Kheyre, ay wada yihiin xildhibaano.

Haddii xukuumadda laga keeno mooshin waxaa ku filnaan doono kaliya wasiirada wada xildhibaanada ah iyo saaxiibadooda, ayada oo wasiir kasta oo keeni karo hal ama laba xildhibaan oo ku beel ama saaxiib la ah.

Sidoo kale waxa ay tallaabada Kheyre caddeysay walaacii ay qabeen xubnaha mucaradka dowladda ku ah oo hore ugu dhaliilay dowladda isku milanka xukumadda iyo golaha sharci dejinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Xog ka cusub xarigii wasiir ku xigeenka dibedda iyo mas’uuliyiin kale oo loo haysto musuq-maasuq

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir, oo ka hadlayay arrinta la xiriirta wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay in wasiirka ay baaris ku haayeen mudadii uu xilka hayay.

Axmed Cali Daahir, waxa uu sheegay in afartii bilood ee la soo dhaafay wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ay baaris ku haayeen, isla markaana sheegay in dib u habeyn lagu sameeyay xafiiskiisa.

Sidoo kale, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya waxa uu sheegay in xafiiska siyaasada Hant- Dhowrka qaranka iyo kan xeer ilaaliyaha uusan cid xad gudub ku sameyn doonin, balse sheegay in marnaba aysan dhici doonin inay dhagaha ka fureysataan fal dambiyeed sharci ah oo quseya musuq maasuqa.

Wasiir ku-xigeenka Arrmaha Dibedda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay in uu hor tegi doono maxkamad sharci ah, si ay u bilaabato dhageysiga dacwadda loo heysto, sharcigana loogu kala baxo.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyey wadday dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa, ayada oo siyaasiyiin badan oo xilal haye xabsiga loo diray qaarna laguw ado baaritaan.

Axmed Cali Daahir waxa kale oo uu sheegay in dhowaan lasoo bandhigi doono mas’uuliyiin kale oo ku kacay musuq-maasuq, kuwaas oo uu baaritaan ku socday muddo.

Hoos ka dhageyso codka xeer ilalaiyaha guud ee qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Culimada SOMALIA oo soo bandhigay 12 qodob oo ka dhan ah shareecada oo ku jira xeer ay ansixisay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa si aad ah uga soo horjeestay Xeerka jinsiga ee La-dagaalanka Kufsiga oo xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ay ansixisay. Culimada ayaa soo saaray 12 qodob oo ay sheegeen inay ka cabanayaan, kuwaasi oo xeerka ku jira balse ka horimanaya shareecada islaamka.

HOOS AKRHISO 12 –KA QODOB

1 – Xeerka Waa Dambi oo Ciqaab lagu Muteysanayo qofkii isku dayo galmo qasab ah.

2 – Xeerka, Ma cadda cuquubada ugalmooshada raalliga la isaga yahay.

3 – Xeekna, Guurka qasabka ah waa dembi, xataa waalidka haddii ay sameeyaan. Culimada waxaa ay sheegayaan in taasi diinta ka hor imaaneyso.

4 – Xeerkan, Waa Dambi galmo aan la dooneyn ama aan raali leeysaha aheyn, xataa xaaskaaga (ha ahaato eray ama ficil).

5 – Xeerka, Kuma cadda sharciga labada aan isqabin, isna doonaya, raalina isaga ah inay ficil jinsiyadeed wada sameeyaan inay dembi tahay.

6 – Xeerka, Waa dambi in qof meel lagu heyso isaga oo raali ku aheyn galmada, haddii uu raali ka yahay sharciga ayaa qeexaya. Haddii uu raali ka yahana waa galayaa denbi cuquubo sharci muteysanayo.

7 – Waa dambi in la duubo, la sawiro cajalado jinsi ah. Culimada waxaa ay leeyihiin arrintaan waa dambi.

8 – Xeerkan, Waa kufsi haddii qofka u galmoodo ruux ka yar 18 sano. Guur iyo guur la’aan. Culimada waxaa ay qalad ku sheegeen in laga reebay inta xalaasha isku qabta.

9 – Xeerka, Qofka waxaa uu galayaa denb caruur guursi(wixii ka yar 18), waana la ciqaabayaa. Sidoo kale culimada waxaa ay leeyihiin lamaga soo reebin kuwa xalaasha isku qaba.

10 – Xeerka, keliya waxaa reebay in laga ganacsado dhanka jinsiga caruurta. Qaangaarka lama caddeyn sharcigan. Culimada waxaa ay ku dareen inay xaaraan tahay ka ganacsiga jinsiga oo dhan.

11 – Xeerka, Eedeysanaha uma soo dhowaan karo deegaanka dhibanaha, lamana kulmi karo ehelada. Xal dhaqameed waa la diiday. Culimada waxaa ay leeyihiin diinta Islamaaka waxay ogoshay xal.

12 – Xeerka, Maxkamadda waxaa ay dacwada ku qaadeysaa meel qarsoon. Daah-furnaan ma jirto ayey leeyihiin culimada.

DP WORLD oo soo saartay war cusub kadib diidmada Jabuuti ee xukunka London

Dubai (Caasimada Online) – Shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in hadalka Jabuuti ee ah inaysan aqoonsaneyn go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ay ka gaartay murankii dekadda Doraleh, uu yahay mid aan waafaqsaneyn xeerarka caalamiga ah.

Maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ee magaalada London ee London Court of International Arbitration (LCIA) ayaa khamiistii go’aamisay in heshiiskii ay DP World kula wareegtay maamulka dekedda Doraleh ee Jabuuti, oo markii dambe dowladda Jabuuti ay ka baxday uu yahay mid “sharci ah, oo weli taagan”

DP World ayaa sheegtayn in go’aanka maxkmadda uu ku saleysan yahay mabaadiida la aqoonsan yahay ee xeerarka caalamiga ah, islamarkaana uu yahay mid waajib ku ah dowladda Jabuuti.

“Sida ay maxkamadda go’aamisay, Jabuuti kama madaxbanaana qandaraas lagu aqoonsan yahay xeer calami ah. Sidoo kalena, sida ku cad xeerka English-ka, qanadaraas laba dhinac ah, dhinacna kaligiis kama bixi karo. Sidaas darteed heshiiska aan kula wareegno dekadda Doraleh, waa mid sharci oo qasab ah” ayay tiri DP World.

DP World waxay sidoo kale sheegtay in go’aanka Jabuuti ay ku diiday go’aanka maxkamadda uusan u adeegeyn danaha dadka Jamhuuriyadda Jabuuti, islamarkaana maamulka DP World ee dekadda Doraleh uu ahaa mid wax badan laga faa’iiday.

Dowladda Jabuuti ayaa ku gacan sayrtay go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay magaalada London.

Jabuuti ayaa bishii March sheegtay inay diyaar u tahay inay iibsato saamiga ah 33% ee DP World ay ku lahayd Doraleh, si loo soo geba gebeeyo muranka kala dhaxeeya mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn dunida ee maamula dekadaha.

Sidoo kale, 17-kii July, shirkadda laga leeyahay dalka Jabuuti ee maamusha Dekadda Doraleh ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay magdhow ka bixiyaan heshiiskii ay ka baxeen ee u dhexeeyay iyaga iyo Shirkadda Dubai Ports World ee laga leeyahay Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected]