25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Madaxweyne Xasan oo ku dhawaaqay dhaqan-galka go’aan culus oo saameynaya…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay dhaqan-galka go’aan si weyn u saameynaya bulshada Soomaaliyeed, kaasi oo shardi ka dhigaya qaadashada kaarka aqoonsiga ee NIRA.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray hay’adaha dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay in aysan u adeegin qof aan wadan kaarka NIRA.

“Cidii u adeegta qof aan waddan kaarka NIRA waxaan u arkaynaa inay wax u fududeysay Khawaarijta waana lala xisaabtamayaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Go’aankan oo dhaqan-galkiisa ay dhowr jeer dib u dhigtay dowladdu ayaa haatan si rasmi ah u dhaqan-galaya, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Tallaabadan ayey dowladdu ku sheegtay mid qayb ka ah dadaal qaran ee lagu doonayo in lagu casriyeeyo maamulka guud, laguna tayeynayo adeegyada bulshada, iyadoo lagu xoojinayo amniga, laguna xaqiijinayo in Soomaali kasta si sax ah loo aqoonsado loona diiwaan-geliyo.

Puntland iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada kale ayaa ka horyimid barnaamijkan ay waddo dowladda dhexe, iyagoo ku eedeeyay Muqdisho inay awoodda isku koobayso iyadoo adeegsanaysa kaabayaasha aqoonsiga.

Dhinacyadan ayaa waxay ku doodeen in NIRA ay ka tallaabsanayso hay’adaha heer gobol ayna wiiqayso nidaamka federaalka.

Loollankan siyaasadeed ee jira, dowladda federaalku waxay ku adkaysanaysaa in barnaamijka aqoonsigu yahay mid aan siyaasad ku dhisnayn oo looga gol leeyahay in lagu casriyeeyo hab-maamulka dalka.

Inkastoo hoggaanka NIRA uu beeniyay eedeymaha sheegaya in nidaamka aqoonsigu uu xiriir la leeyahay doorashooyinka soo socda, haddana ujeedka u weyn ayaa lagu sheegay in la xaqiijiyo in si siman loo helo adeegyada dowladda.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in bilaha soo aadan ay lacag ka dhigto kaarka aqoonsiga qaranka ee ay bixiso hay’adda NIRA, kaas oo haatan lagu xirayo adeegyo badan oo dowli ah.

Raali-gelin laga bixiyay hadalkii Xasan Sheekh uu Soomaalinimada uga saaray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka ayaa raali-gelin ka bixiyay hadalkii xalay kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo uu ku sheegay in qofka wata baasaboorka dal kale aanu ahayn Soomaali.

Xasan oo ka hadlayay arrimo ku aadan horumarinta baasaboorka dalka iyo nidaamka lasoo kordhiyay ee e-Visa ayaa sheegay in qofka sita baasaboor ajnabi ah uu lamid yahay ninka ajnabiga ah ee dalka soo galaya, sidaas darteedna laga rabo inuu u hoggaansamo shuruucda cusub ee ay soo rogtay dowladda.

“Baasaboor shisheeye qofkii wata Soomaali ma aha, luuqadda Af-Soomaaliga iyo midabka madow laguma noqdo Soomaali.” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu ka raali-gelinayo dadka Soomaaliyeed ee laga saaray Soomaalinimada.

“Waa idinka raali gelinaynaa xadgudubkaas, xaqiiqduse waxay tahay waxa la isku hayo ma aha yaa Soomaali ah?, sababtoo ah dastuurka dalka iyo sharciga jinsiyada ayey ku caddahay. Qof kasta oo asal, af iyo dhaqan ku abtirsada isirka Soomaaliyeed ayaa Soomaali ah,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Waxa uu intaas kusii daray: “Waxa ugu wayn ee duqa dhexgeliyey in uu Laysin, Shati, Fiiso iyo Taargo ka hadlo waa in meesha dhacdhac lagu sheegay, ee si edeb leh oo aan handadaad iyo shaki gelin Soomaalinimo ku jirin dadka wax haloo warsado.”

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran:

Ma mudna in la yiraa “kumaa tahay?” Soomaaliga heli kara in uu fasaxiisa ku qaato waddan uu dal-ku-gal lacag la’aan ah ka qaadan karo garoonka diyaaradaha ka doorbiday in uu dalkiisii Hooyo ku bixiyo waqtigii iyo qarashkii uu dal shisheeye ku bixin lahaa.

Waa idinka raali gelinaynaa xadgudubkaas, xaqiiqduse waxay tahay waxa la isku hayo ma aha yaa Soomaali ah?, sababtoo ah dastuurka dalka iyo sharciga jinsiyada ayey ku caddahay.

“Qof kasta oo asal, af iyo dhaqan ku abtirsada isirka Soomaaliyeed ayaa Soomaali ah”.

Ee waxaa la isku hayaa waa $64-ka doolar cidda ay u dhacayso. Markii horeba $60 waa la qaadi jiray, laakiin garoon kasta Haragysa, Garoowe iyo Muqdisho maamulka jooga ayaa qaadi jiray. Waxa dheeraadka ah waa in Muqdisho doonayso in ay $60-kii oo $4 lagu daray kaligeed qaadato.

Muqdisho waxay haystaa awoodda sharci (De jure), halka maamullada kalana ay hastaan awoodda ka talin (De facto).

Taas ayaana qasbaysa in qoondaynta, qaybinta, iyo dhaqangelinta awoodda, dakhliga iyo khayraadka dabiiciga ah laga wada xaajoodo.

Waxa ugu wayn ee duqa dhexgeliyey in uu Laysin, Shati, Fiiso iyo Taargo ka hadlo waa in meesha dhacdhac lagu sheegay, ee si edeb leh oo aan handadaad iyo shaki gelin Soomaalinimo ku jirin dadka wax haloo warsado.

Haddaba, si aan dadka labo lacag looga qaadinn, waa in deegannada aysan dowladda federaalka ah ka talin lagala xaajoodo qaybsiga dakhliga fiisaha ka soo xarooda.

DF oo mucaaradka Saciid DENI u adeegsaneysa qorshe xasaasi ah

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal oo maanta ku soo laabtay magaalada Garowe tan iyo guuldarradii uu kala kulmay doorashadii madaxtinimada Puntland ee 2024 ayaa durba muujiyay mucaaradad xooggan oo ka dhan ah Saciid Deni.

Xasan Abgaal ayaa ku goodiyay in haddii madaxweyne Deni uu magaalada Garoowe keeno mucaaradka dowladda federaalka, isagna uu diyaar u yahay inuu dowladda federaalka keeno Garoowe.

Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta xiriirka dhow la leh dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu shakhsiyan u hor istaagay mashaariicda horumarineed ee loogu talagalay shacabka reer Puntland.

Abgaal ayaa sheegay in socdaalkiisa uu salka ku hayo dadaal lagu doonayo dhismaha Puntland cusub, isagoo ugu baaqay isimada dhaqanka inay isugu yimaadan shirweyne looga tashado aayaha maamulka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhammaan hay’adihii dowliga ahaa ee Puntland ay gabi ahaanba hawlgab noqdeen, shaqaalihii iyo ciidamadiina ay muddo ka badan lix bilood la’yihiin xuquuqdoodii.

“Maanta hal xafiis dowladeed oo shaqo ka socoto Puntland kama jiro, hay’adihii dowladduna dhammaantood waa istaageen,” ayuu yiri Xasan Shire Abgaal.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaad ogtihiin mushaarooyinkii shaqaalaha iyo ciidamada waxaa ugu danbaysay mudda lix bilood ka badan, oo ciidamadii waddooyinka ayey isbaarooyin dhigteen, si ay xuquuqdooda u helaan.”

Xasan Shire ayaa intaas ku daray in go’aannada siyaasadeed ee xukuumadda Deni ay sababeen go’doon dhaqaale iyo nololeed oo ku dhacay shacabka Puntland, wuxuuna ku baaqay in madaxweynaha hadda kadib lagula xisaabtamo xaaladdaas.

Si kastaba, hanjaabadda Xasan Abgaal ee inay keenayaan dowladda federaalka magaalada Garoowe ayaa u muuqata mid dowladda dhexe uga dan leedahay in mucaaradka Puntland u adeegsato qorshaha looga hortagayo in mucaaradka Villa Somalia uu isugu tago Garoowe, xilli ay dhawaan u balansan yihiin shirweyne xasaasi ah.

Sacuudiga oo heshiis Reer Galbeedka ka nixiyey la galay Pakistan iyo Nukliyeerkeeda

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo Pakistan oo hubka nukliyeerka haysata ayaa kala saxiixay heshiis is-difaac oo laba geesood ah, kaasi oo si weyn u xoojinaya iskaashi dhinaca amniga ah oo soo jiray tobanaan sano, wuxuuna yimid todobaad kaddib markii duqeymihii Israel ay ka gaysatay Qatar ay gebi ahaanba beddeleen xisaabtankii diblomaasiyadeed ee gobolka.

Xoojinta xiriirkan dhinaca difaaca ah ayaa imanaya xilli ay dalalka Khaliijka ee Carbeed ay shaki sii kordhaya ka muujinayaan isku-halleynta Mareykanka ee ah damaanad-qaade amni.

Mar la weydiiyay sarkaal sare oo Sacuudiyaan ah in Pakistan ay hadda ku qasbanaan doonto inay Sacuudiga siiso dallad nukliyeer ah, wuxuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters: “Kani waa heshiis difaac oo dhammaystiran, kaasoo ka kooban dhammaan awoodaha militari.”

Pakistan waa dalka keliya ee Muslimiintu u badan yihiin ee haysta hubka nukliyeerka, sidoo kale waxay leedahay ciidanka ugu weyn dunida Islaamka, kaasoo ay si joogto ah u sheegta inuu diiradda saarayo la tacaalidda cadowgeeda deriska la ah ee India.

Heshiiskan wuxuu ahaa natiijadii wadahadallo soo socday sanado badan, sida uu sheegay sarkaalka Sacuudiga ah mar la weydiiyay waqtiga heshiiska la gaaray. “Kani kama jawaabayo dalal gaar ah ama dhacdooyin gaar ah, balse waa rasmiyaynta iskaashi fac-weyn oo qoto dheer oo ka dhexeeya labadeena dal,” ayuu sarkaalku raaciyay.

Isku daygii Israel ee 9-kii September ee ay ku doonaysay inay ku disho hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Xamaas iyadoo duqeymo cirka ah ka gaysatay magaalada Doha, xilli ay ka wada hadlayeen soo jeedin xabbad-joojin ah oo laga hirgelinayo Gaza oo ay dhexdhexaadinayso Qatar, ayaa si weyn uga caraysiiyay dalalka Carabta.

Kahor dagaalka Gaza, boqortooyooyinka Khaliijka – oo xulufo la ah Mareykanka – waxay doonayeen inay xiriirka la dejiyaan Iran iyo Israel si ay u xalliyaan welwelka amni ee mudada dheer soo taagnaa. Sanadkii la soo dhaafay, dalka Qatar waxaa laba jeer lala beegsaday weerarro toos ah, mid ay fulisay Iran iyo mid ay fulisay Israel.

Waxaa si weyn loo aaminsan yahay in Israel ay haysato keyd hub nukliyeer ah oo aad u ballaaran, balse waxay ku dhaqantaa siyaasad aan caddayn oo ku saabsan hubkeeda nukliyeerka, iyadoo aan qiranayn ama aan dafirin inay haysato hubka noocaas ah.

Pakistan waxay horey u sheegtay in hubkeeda nukliyeerka ah uu keliya yahay mid looga hortagayo India, gantaalaheedana loo naqshadeeyay inay gaari karaan meel kasta oo dhanka bari kaga aaddan gudaha dalka India.

Dalladda nukliyeerka

Telefishinka dowladda Pakistan ayaa soo bandhigay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman, oo ah hoggaamiyaha dhabta ah ee boqortooyada, oo isku duubaya kaddib markii ay heshiiska saxiixeen. Waxaa sidoo kale goobjoog ahaa taliyaha ciidanka Pakistan, Field Marshal Asim Munir, oo loo arko qofka ugu awoodda badan dalkaas.

“Heshiisku wuxuu dhigayaa in gardarro kasta oo lagu qaado mid ka mid ah labada dal loo arki doono gardarro lagu qaaday labadoodaba,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Pakistan.

Isbahaysiga tobannaan sano soo jiray ee u dhexeeya Pakistan iyo Sacuudi Carabiya – oo ah dalka ay ku yaallaan goobaha ugu barakaysan Islaamka – wuxuu salka ku hayaa caqiido ay wadaagaan, dano istiraatiijiyadeed iyo isku-tiirsanaan dhaqaale.

Pakistan waxay muddo dheer askar ku lahayd gudaha Sacuudi Carabiya, waxaana hadda lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 1,500 iyo 2,000 oo askari, kuwaasoo kaalmo dhinaca hawlgallada, farsamada iyo tababarka ah siiya militariga Sacuudiga. Taas waxaa ka mid ah gacan siinta ciidamada cirka iyo kuwa dhulka ee Sacuudiga.

Sacuudi Carabiya waxay Pakistan deyn ahaan u siisay lacag dhan $3 bilyan, heshiiskaas oo la cusbooneysiiyay bishii December, si loo xoojiyo keydkeeda lacagaha qalaad.

Heshiiskan wuxuu imaanayaa xilli xasaasi ah. Siyaasadda gobolka waxaa gebi ahaanba beddelay laba sano oo gardarro Israel ah – oo ay ku jiraan dagaalkeeda Gaza iyo weerarrada ay ku qaadday dalalka deriska la ah – taasoo ay soo af-meertay weerarkii Israel ee todobaadkii hore ku qaadday magaalada Doha ee caasimadda Qatar, oo xad la leh Sacuudi Carabiya.

Asfandyar Mir, oo ah khabiir sare oo ka tirsan Xarunta Stimson (Stimson Center) ee fadhigeedu yahay Washington DC, ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid “taariikhi ah” oo u ah labada dalba.

“Pakistan waxay horey heshiisyo is-difaac ah ula lahayd Mareykanka xilligii Dagaalkii Qaboobaa, laakiin waxay burbureen 70-meeyadii. Xitaa Shiinaha, inkastoo uu jiro iskaashi difaac oo ballaaran, kama dhaxeeyo Pakistan heshiis rasmi ah oo is-difaac,” ayuu Mir u sheegay Al Jazeera.

Muhammad Faisal, oo ah cilmi-baare dhinaca amniga Koonfurta Aasiya oo ka tirsan Jaamacadda Teknolojiyadda ee Sydney (University of Technology Sydney), ayaa sheegay in heshiiskan uu tusaale u noqon karo qaabka ay Pakistan iskaashi difaac oo labo geesood ah ula yeelan karto Imaaraadka Carabta iyo Qatar, oo ah labo saaxiib oo muhiim ah oo Khaliijka ku yaal.

Heshiiskan Sacuudiga lala galay wuxuu yimid bilo kadib markii Pakistan ay isku dhac militari oo kooban la gashay India bishii May.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee India, Randhir Jaiswal, ayaa qoraal uu soo dhigay baraha X Khamiistii ku sheegay in India ay ka war-hayso horumarkan, ayna daraasayn doonto saameynta uu ku yeelan karo amniga New Delhi iyo xasilloonida gobolka.

Sarkaalka sare ee Sacuudiga, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa qiray baahida loo qabo in la isku dheellitiro xiriirka kala dhexeeya Pakistan iyo India, oo iyaduna ah quwad nukliyeer ah.

“Xiriirka aan la leenahay India wuu ka xooggan yahay sidii uu weligiis ahaan jiray. Waxaan sii wadi doonnaa kobcinta xiriirkan, waxaanan ku dadaali doonnaa inaan gacan ka geysanno nabadda gobolka si kasta oo aan awoodno.”

Pakistan iyo India waxay dhex mareen saddex dagaal oo waaweyn tan iyo markii labada dal laga sameeyay gumeysigii British-ka ee India sanadkii 1947.

Kaddib markii ay labadooduba heleen hubka nukliyeerka dhammaadkii 1990-meeyadii, isku dhacyadoodu waxay noqdeen kuwo baaxaddoodu xaddidan tahay, sababtoo ah khatarta ka dhalan karta in la adeegsado awoodda nukliyeerka.

 

 

PUNTLAND oo ka hortimid tallaabada DF una jawaabtay Xasan Sheekh

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si weyn uga hortimid tallaabada Dawladda Federaalka ee ku aadan nidaamka cusub ee e-Visa iyo qaadashada Kaarka NIRA, kadib markii uu xalay dhaqan-galkooda sii adkeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyay in qof aan wadan kaarka NIRA aan loo furi karin akoon Banki, taleefan lambar, lana siin karrin buugga baabuurta.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qofka wata baasaboorka dal kale aanu ahayn Soomaali, uuna lamid yahay ninka ajnabiga ah ee dalka soo galaya, sidaas darteedna laga rabo inuu u hoggaansamo shuruucda cusub ee ay soo rogtay dowladda.

“Baasaboor shisheeye qofkii wata Soomaali ma aha, luuqadda Af-Soomaaliga iyo midabka madow laguma noqdo Soomaali.” ayuu khudbaddiisa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo weerar ku qaaday madaxweyne Xasan iyo dowladdiisa, wuxuuna yiri  “XSM iyo xukuumaddiisu ma haystaan sharciyad ay ku dhaqan geliyaan shuruuc cusub, maadaama uu laalay sharcigii asaasiga ahaa ( Dastuurkii) heshiiska lagu ahaa”.

Juxa ayaa sidoo kale su’aal ka keenay qaadasha kaarka NIRA iyo sidoo kale arrinta nidaamka e-Visa oo ay horay uga hortimid dowlad-goboleedka Puntland.

“Arrinta kaarka macmalka ah ee #NIRA iyo E-visaha wuxuu ugu gabanayaa oo weli daba socdaa sharcigii 1962 ee #Jinsiyadda #Soomaaliga oo uu rabo inuu si raad-gadasho ah u bedelo” ayuu mar kale yiri wasiirka arrimaha gudaha ee maamul-goboleedka Puntland.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Qodobka 3-aad ee sharciga ayaa dhigaya ” qof kasta oo asal ahaan, af ahaan iyo caado (hiddo) ahaan  ummadda Somaliyeed uga soo jeedaa waa “Somali”.

DF Soomaaliya oo diiwan-gelinta dadweyanaha ka billaabeysa Jubaland – Sidee?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo xalay khudbad ka jeediyay bandhigga waxqabadka xukuumaddiisa ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan ololaha diiwangelinta ee doorashooyinka qof iyo codka ah, si loo gaarsiiyo dalka oo dhan.

Xamza ayaa sheegay in haatan inta badan dowlad goboleedyada dalka ay ka socoto diiwaangelinta, isla markaana ujeedka uu yahay in la qabto doorashada dowladaha hoose.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in hadda qorshahooda uu yahay in Jubbaland ay ka bilaabaan diiwaangelinta dadweynaha ee doorasho qof iyo codka ah, si shacabka deegaannadaasi u helaan xaqooda dastuuriga ah.

“Jubbaland ayaa dhawaan ka billaabeyna diiwaan galinta Doorasho qof iyo cod ah, si shacabkaasi xaqooda u helaan” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay wada-hadallo u socdaan dowladda dhexe iyo Jubbalad, kuwaas oo lagu soo jarayo xiisadda u dhexeysa labada dhinac.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Arbacadii xaqiijiyey in dowladdiisu ay wada-hadal la furtay maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu qaboojiyo khilaaf siyaasadeed oo qaraar oo curyaamiyay dib-u-habaynta qaran isla markaana huriyay iska hor-imaadyo hubeysan.

Is-mari-waaga daba-dheeraaday ee kala dhaxeeya labadan Dowlad-Goboleed ayaa wiiqay geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya ee jilicsan, isagoo halis ku ah inuu carqaladeeyo doorashooyin xasaasi ah.

Weli waxaan wadahadal kula jirnaa Puntland iyo Jubbaland, waxaana rajaynaynaa in arrinta Jubbaland la xalliyo doorashada ka hor,” ayuu yiri. “Wada-hadalka iyo is-aragyadu way sii socon doonaan.” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka ay tahay mudnaanta koowaad ee dowladdiisa, ayna ku xigi doonaan doorashooyinka qaranka. Si kastaba ha ahaatee, dib-u-heshiisiinta lala gaaro Puntland iyo Jubbaland ayaa loo arkaa mid muhiim u ah in geeddi-socod kasta oo doorasho uu noqdo mid lagu kalsoonaan karo dalka oo dhan.

Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay hadal kasoo yeeray Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay khudbad xasaasi ah oo uu xalay Madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay bandhigga waxqabadka xukuumadda Dan-Qaran oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, isaga oo ka hadlay arrimo ku aadan horumarinta baasaboorka dalka iyo nidaamka lasoo kordhiyay ee e-Visa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qofka wata baasaboorka dal kale aanu ahayn Soomaali, uuna lamid yahay ninka ajnabiga ah ee dalka soo galaya, sidaas darteedna laga rabo inuu u hoggaansamo shuruucda cusub ee ay soo rogtay dowladda.

“Baasaboor shisheeye qofkii wata Soomaali ma aha, luuqadda Af-Soomaaliga iyo midabka madow laguma noqdo Soomaali.” ayuu khudbaddiisa ku yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu sii adkeeyay go’aanka ku aadan qaadashada e-Visa, isaga oo carrabka ku ku dhuftay in qofka Soomaaliga ah ee haysta baasaboorka dal kale iyo kan ajnabiga ah laga rabo inay Viso kusoo galaan dalka, una hoggaansamaan amarka soo baxay.

“Baasaboorka Soomaaliga adiga oo Fiiso heysan dal kale kuma gali kartid, sidaasi si lamid ah ayaa qof Ajanabi ah ama dhalasho ahaan Soomaali ah u imaan karin gudaha dalkeena isagoo aan wadan Fiiso” ayuu sii raaciyay Madaxweyn Xasan Sheekh.

Dhankiisa Xildhibaan hore Maxamed Xasan Idiris ayaa si weyn u boggaadiyay tallaabada madaxweynaha, isaga soo dhaweeyay go’aankiisa ku aadan horumarinta adeegga baasaboorka.

“Waa ku mahadsantahay mudane madaxwayne sidaad warka u qeexdey!   Qofka wuxuu xuquuqda muwaadinimada  jinsiyadda aan laga qaadi karin ee ku cad Qoddobka 8aad (3) ee Dastuurka  uu lee yahay marka uu qaato Baasaboorkaan” ayuu yiri Maxamed Xasan Idiris.

Sidoo kale wuxuu sii raaciya “Dad badan oo  ay iskaga qaldan tahay sida warku u dhacaayayey ee ku wareersan ayaan arkayaa kuwa saxaafaddaba  ha u badnaadaane.  Walaal baasaboorkaan qaado si aad u heshid Xuquuqdiisa, meel loo dhaafo majirto!

Dhinaca kale, qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga fal-celiyay khudbadda Madaxweynaha, iyaga oo inta badan soo dhaweeyay.

Hoodo Xayinimo: ‘Waddamada kale waxaad u ogashay waddankaaga u ogolow ceeb maaha”.

Liibaan Aadan: “Wasiirrada iyo xildhibaannada maxey xilalka noogu haayaan ayagoo ajaaniiba marka su’aashaas wax weydiiyo mala waayay?”.

Maxamed Madaxey: “Yaa muwaadin Soomaali ah? Muwaadin Soomaali waxaa noqonaya qofka ku dhashay xuduuda Soomaaliya, muslim ah haystana dhalashada ama baasaboorka Soomaaliya dambina aan ka galin dalka. Halkaa waa ku saxan yahay”.

Xuseen Cabdullahi: “Qof walba waddanka uu baasaboorkiisa wato ayuu muwaadin u yahay”.

 

Xasan Sheekh oo xog ka bixiyey wada-hadallo uu kula jiro Deni iyo Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Arbacadii xaqiijiyey in dowladdiisu ay wada-hadallo la furtay maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu qaboojiyo khilaaf siyaasadeed oo qaraar oo curyaamiyay dib-u-habaynta qaran isla markaana huriyay iska hor-imaadyo hubeysan.

Is-mari-waaga daba-dheeraaday ee kala dhaxeeya labadan Dowlad-Goboleed ayaa wiiqay geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya ee jilicsan, isagoo halis ku ah inuu carqaladeeyo doorashooyin xasaasi ah.

Madaxweyne Maxamuud oo waraysi siiyay telefishinka Al-Carabiya, ayaa xaqiijiyay in wada-hadalladu ay ka socdaan jihooyin kala duwan. “Weli waxaan wadahadal kula jirnaa Puntland iyo Jubbaland, waxaana rajaynaynaa in arrinta Jubbaland la xalliyo doorashada ka hor,” ayuu yiri. “Wada-hadalka iyo is-aragyadu way sii socon doonaan.”

Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka ay tahay mudnaanta koowaad ee dowladdiisa, ayna ku xigi doonaan doorashooyinka qaranka. Si kastaba ha ahaatee, dib-u-heshiisiinta lala gaaro Puntland iyo Jubbaland ayaa loo arkaa mid muhiim u ah in geeddi-socod kasta oo doorasho uu noqdo mid lagu kalsoonaan karo dalka oo dhan.

Khilaaf ka dhashay dastuur iyo dhul

Xiisadda Puntland ayaa billaabatay bishii Maarso 2024 ka dib markii baarlamaanka federaalku uu meelmariyay wax-ka-beddelo dastuuri ah. Hoggaamiyeyaasha Puntland ayaa ku dooday in isbeddelladaasi ay awoodda ku ururinayaan Muqdisho ayna wiiqayeen ismaamulka gobollada, taasoo keentay in Garoowe ay hakiso wada-shaqeyntii kala dhexeeysay dowladda federaalka.

Xiisaddu waxay sii korortay bishii Oktoobar 2024 markii Muqdisho ay soo saartay khariidad cusub oo qaran oo qaybo ballaaran oo Puntland ka tirsan ku calaamadisay dhul lagu muransan yahay. Garoowe ayaa tallaabadaas ku tilmaantay weerar toos ah oo lagu qaaday madax-bannaanideeda.

Khilaafku wuxuu markiiba ku fiday dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga. Muqdisho waxay ku eedeeysay Puntland inay hor istaagtay mashaariicda shidaal-baarista ee ay ansixisay dowladda federaalku, halka Puntland ay ku jawaabtay in dowladda ay isku dayayso inay la wareegto kheyraadkeeda dabiiciga ah.

Horraantii 2025, saameynta khilaafku waxay carqaladeysay iskaashigii amniga, iyadoo labada dhinac ay isku eedeeyeen inay ka gaabiyeen isku-dubbaridka howl-gallada ka dhanka ah maleeshiyada Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha gobolka Bari ee Puntland.

Xaaladdu waxay sii cakirantay bishii Luulyo 2025 ka dib ku dhawaaqistii Maamulka Goboleedka Waqooyi-Bari Soomaaliya, oo ah maamul federaal ah oo cusub oo sheeganaya maamulka gobollada Sool iyo Sanaag — dhul ay sidoo kale sheegato Puntland.

Xiisad doorasho iyo iska hor-imaadyo hubeysan

Khilaafka Jubbaland, oo ku taalla koonfurta dalka, ayaa qarxay ka dib dib-u-doorashadii lagu murmay ee hoggaamiyiheeda Axmed Maxamed Islaam, oo loo yaqaan Madoobe, bishii Nofeembar 2024. Muqdisho ayaa diidday natiijada, iyadoo ku tilmaantay codbixinta mid aan sharci ahayn.

Khilaafku wuxuu si degdeg ah isu beddelay is-qabqabsi sharci ah. Maxkamad ku taalla Muqdisho ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Madoobe, iyadoo ku eedeysay qiyaano qaran. Taas beddelkeeda, maxkamad ku taalla Jubbaland ayaa aargudatay iyadoo amar soo qabasho ah u jartay Madaxweyne Xasan.

Dowladda federaalku waxay qaadday tallaabo intaas ka sii fog, iyadoo ka codsatay Booliska Caalamiga ah ee Interpol inay soo saaraan waaran cas oo lagu soo xirayo Madoobe — tallaabadaas oo Kismaayo ay ku tilmaantay mid siyaasadeysan.

Bishii Diseembar 2024, is-maandhaafku wuxuu isu rogay dagaal toos ah. Ciidamada federaalka ee la geeyay magaalada xuduudda ah ee Raaskambooni ayaa isku dhacay ciidamada Jubbaland, waxaana la soo sheegay in dagaalkaas loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) — taasoo ahayd xaalad sii-kacday oo halis ah oo ka gudubtay hadal-haynta siyaasadeed loona gudbay iska hor-imaad hubeysan.

Dagaalladu waxay dib uga qarxeen gobolka lagu muransan yahay ee Gedo bishii Luulyo 2025, ka dib markii Muqdisho ay madaxa sirdoonka gobolka u magacawday Cabdirashiid Janan, oo ahaa wasiirkii hore ee amniga Jubbaland oo leh taariikh muran badan dhalisay. Imaatinkiisa oo ay wehliyeen ciidamo gurmad ah oo ka socday dowladda federaalka ayaa kiciyay dagaallo cusub oo barakiciyay dad rayid ah ayna xirmeen iskuulladu, taasoo sii xoojisay is-horfadhiga militari.

Xiisadda Ilhaan Cumar iyo Nancy Mace oo ka dartay iyo hadallo kulul oo la is-dhaafsaday

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaanad Ilhan Cumar ayaa Arbacadii si kulul uga jawaabtay soo jeedintii Xildhibaanad Nancy Mace ee ahayd “waxaa laga yaabaa in Soomaaliya ay dib kuu qaadato,” iyadoo ku tilmaantay xildhibaanadda reer South Carolina mid aan “caafimaad qabin ama caqli badanayn.”

Is-weydaarsigan hadallada kulul ayaa yimid xilli ay Mace u ololaynayso qaraar ay ku doonayso in lagu canaanto Ilhaan, lagana xayuubiyo xubinnimada guddiyada ay ka tirsan tahay, kaddib markii ay Mace ku eedeysay xildhibaanadda Dimoqraadiga ah ee Minnesota inay “sumcad-dishay Charlie Kirk ayna si dadban u sheegtay inuu isagu sabab u ahaa dilkiisa” mar ay waraysi siinaysay Mehdi Hasan iyo iyadoo dib u faafisay muuqaal ku eedeynayay hadalladii Kirk inay sabab u ahaayeen shirqoolka dilkiisa.

Sidoo kale, Mace waxay iftiimisay qoraal ay Omar soo dhigtay sannadkii 2022-kii oo ay ku sheegtay in Qodobka Koowaad ee Dastuurka uusan dadka ka difaacin cawaaqibka ka dhalan kara hadalkooda, sida in la ceebeeyo ama la takooro.

“Haddii aad u dabbaaldegayso dil, waxaa laga yaabaa in Soomaaliya ay dib kuu qaadato,” ayay Mace ku qortay farriin ay soo dhigtay boggeeda ololaha ee baraha bulshada ee X.

Ilhaan, oo carruurnimo ku timid Mareykanka kaddib markii qoyskeedu ay qaxooti ahaan uga soo carareen dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, ayaa iyaduna kaga jawaabtay qoraal kale.

“Waan ogahay inaadan caafimaad qabin ama caqli lahayn, laakiin waxaan rajeynayaa in qof kuu sharxo inuusan jirin xiriir ka dhexeeya xubinnimadayda guddiyada iyo masaafurinta,” ayay tiri Ilhaan. “Si kastaba ha ahaatee waxa aad ka yeeshaan guddiyadaan, xafiiskaygu wuxuu sii ahaan doonaa mid agtaada ah, aniguna waxaan sii ahaan doonaa xubin ka tirsan Congress-ka.”

Mace ayaa ku celisay baaqeeda. “Tikit hal-dhinac ah oo Soomaaliya aada oo magacaagu ku qoran yahay, Ilhaan Cumar,” ayay Mace ku qortay barta X.

Ilhaan ayaa markii dambe raacisay: “Waxaan jeclaan lahaa inaan arko adigoo helaya caawimaadda aad u baahan tahay. Waxaad ku habboon tahay xarun dhaqan-celin, ee kuma habboonid Congress-ka.”

Mace ayaa markaa sii kicisay baaqeeda ah in Ilhaan dalka laga saaro, iyadoo tiri: “Ilhaan Cumar waa in laga xayuubiyaa kursigeeda iyo dhalashadeeda.”

Ilhaan ayaa waraysiga ay siisay Hasan ku tilmaantay dilka Kirk mid “argagax leh,” iyadoo sheegtay in Kirk uu difaaci jiray xuquuqda hubka lagu qaato uuna “diyaar u ahaa inuu ka doodo oo uu fududeysto dhimashadii George Floyd.” Waxay sheegtay inay tahay wax “aad u qaldan” in ay jiraan dad “ka hadlaya inuu kaliya doonayay inuu yeesho dood ilbaxnimo ah.”

Xildhibaanadda Minnesota ayaa xustay in midna hadalladii lagu soo qaatay qaraarka canaananta ee Mace uusan ahayn erayadeeda, waxayna Omar ku eedeysay Mace inay qaraarka u riixayso si ay dhaqaale ugu ururiso ololaheeda doorashada guddoomiyaha gobolka.

Qaraarka canaananta ee Mace ayaa la filayaa in tallaabo looga qaado fadhiga Golaha Wakiillada ugu dambayn Arbacada, kaddib markii Mace ay ku qasabtay in cod loo qaado arrinta.

Xildhibaanadda South Carolina ma ahan Jamhuurigii keliya ee sheegay in Ilhaan aysan ahayn inay joogto Mareykanka.

“Ilhaan Cumar (Dimoqraadiga-Soomaaliya) weligeed ma ahayn in dalkeenna la keeno,” ayuu Xildhibaan Randy Fine oo ah Jamhuuril aga soo doorto Florida ku soo qoray isagoo ka jawaabaya muuqaalkii waraysiga Omar ee Hasan.

Madaxweyne Xasan oo sii adkeeyay go’aanka e-Visa ee DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad ka jeediyay bandhigga waxqabadka xukuumadda Dan-Qaran ayaa ka hadlay arrimo ku aadan hirgalinta Barnaamijka E-visa oo maalmihii la soo dhaafay aad loo hadal hayay.

Madaxweynaha ayaa xusay in dalka u socdo Dijital, isla markaana tallaabooyinkooda ay la jaanqadayaan kuwa casriga ah, ayna ka go’an tahay hormarinta adeegyada dowladda.

Sidoo kale wuxuu sii adkeeyay go’aanka ku aadan qaadashada e-Visa, isaga oo carrabka ku ku dhuftay in qofka Soomaaliga ah ee haysta baasaboorka dal kale iyo kan ajnabiga ah laga rabo inay Viso kusoo galaan dalka, una hoggaansamaan amarka soo baxay.

“Baasaboorka Soomaaliga adiga oo Fiiso heysan dal kale kuma gali kartid, sidaasi si lamid ah ayaa qof Ajanabi ah ama dhalasho ahaan Soomaali ah u imaan karin gudaha dalkeena isagoo aan wadan Fiiso” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Laguuguma haysto inaa haysato baasaboor ajanbi ah, dambina ma aha laakiin dalkan marka aad imaaneysid Soomaali noqo”.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in la hormariyay adeegga garoonka Muqdisho, isla markaana la keenay system la  la jaanqaadaayo kuwa caalamka.

“Dowladda Soomaaliya waxay maanta ku guuleysatay systemes-ka caalamiga ah inay ka qayb gasho oo dal baasaboor faalso ah laga qaatay ama baasabooro laga dhacay system uu galiy ayaa jiro oo maanta garoonka Muqdisho hadda kasoo dagto la geliyo baasaboorkaaga la arkaayo haddii lasoo xaday ama faalso uu yahay’ ayuu mar kale yiri.

Nidaamkan cusub ee ay soo rogta DFS oo hanaanka fiisaha ka dhigay hab online ah (e-Visa) ayaa dhaliyay fal-celin xooggan, waxaana ka horyimid Somaliland iyo Puntland.

R/W Xamza oo si adag ugu jawaabay mucaaradka DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay bandhigga waxqabadka xukuumaddiisa oo xalay lagu qabtay Muqdisho ayaa si adag ugu jawaaay xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda.

Xamza ayaa marka hoe shaaca ka qaaday in dadka dhaliilaya xukuumaddiisa ay rabaan in dalka lagu hayo halka uu joogo, balse aysan suuragaleynin, iyaguna ay ka go’an tahay in horay oo loo sii wado dowladnimada, si loo gaaro meel sare.

“Waagii hore waxaa nala dhihi jiray madaxweynaha iyo xukuumaddiisa dalka waxay u wadaan meel aan la garaneynin anigu berigaa waxaa iri way fiican tahay meel aydaan garaneynin ayaan idin wadnaa maxaa jira meesha aad garaneysaan waan garaneynaa waxa ay ku dambeyn jirtay” ayu yiri Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in isaga iyo madaxweynuhu ay isla jaanqadeen, isla markaana ay Sooaaliya ku hoggaamiyeen waddo cusub oo khilaaf la’aan ah, taas oo uu tilmaamtay in ay horseedday midnimo, deganaasho iyo guulaha waa wayn ee maanta la gaaray.

“Annagu wxaa rabnaa wixii hore wax ka duwana aan keeno, maanta waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed inaan u sheego dowladdaan wadajirkeeda iyo midnimadeeda iyo daganaashaha waa arrin cusub, waana mida keentay guulahaan in la gaaro” ayuu raaciyay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha mucaaradka ay doodu tahay mid ma dhaleys ah, isla markaana ay siyaasadda u arkaan mashuuc lacag looga soo qaato dalal shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka qaar aan naqaano oo mushkilad haysato kibir shaqsi ah iyo isla waynaan oo aan shaqo la jirin dood candhoola ah oo ma dhaleys ah oo maalin walba meida-yaha lala taagnaado iyo siyaasadda oo loo qaato mashruuc dowlado shisheeye looga biil qaato yeysan idin lug goyn waxaas” ayuu mar kale yiri Xamza Cabdi Barre.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan si weyn loogu dhagan yahay Xamza iyo xukuumaddiisa, waxaana taagan guuxa muushin culus oo ay ka wadaan xubno ka tirsan Baarlamaanka, kuwaas oo maalmahan dhaqdhaqaaq ka waday Muqdisho iyo Nairobi.

Sirdoon khaldan mise xiriir sir ahaa – Su’aalo ka taagan dilkii Caaqil Cabdullaahi Cumar

0

Badhan (Caasimada Online) – Duqeyn cirka ah oo Mareykanku ka fuliyey gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa dhalisay carro iyo jahawareer xooggan, kaddib markii dadka deegaanku ay sheegeen in howlgalkii dhacay 13-kii Sebteembar lagu dilay oday dhaqameed tixgelin weyn ku lahaa bulshada, ee uusan ahayn dagaalame ka tirsan al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Arbacadii shaaciyey in ciidamadoodu ay fuliyeen wax ay ku tilmaameen “weerar sax ah” oo ka dhacay meel u dhow magaalada Badhan, iyagoo sheegtay in ay beegsadeen shakhsi hubka u iibin jiray al-Shabaab.

Laakiin, qofka dhintay ayaa ahaa Caaqil Cabdullaahi Cumar Cabdi, oo ahaa nabadoon caan ah oo si weyn loogu qaddarin jiray dadaalladiisa nabadeynta iyo dhex-dhexaadinta. Eheladiisa iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa si kulul u beeniyey sheegasho kasta oo la xiriirineysa inuu xiriir la lahaa al-Shabaab.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in saddex gantaal lagu dhuftay gaarigii uu watay Cabdi xilli uu keligiis u safrayey dhanka magaalada Badhan. Dhimashadiisa kediska ah ayaa ka dhalisay dibadbaxyo guud ahaan gobolka Sanaag, iyadoo dadka deegaanka oo caraysan ay cadhadooda u jeediyeen quwadaha shisheeye.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa farta ku fiiqay dalka Imaaraatka Carabta—oo mararka qaar fuliya duqeymo u gaar ah gudaha Soomaaliya—waxayna ku eedeeyeen Abu Dhabi inay ku lug lahayd dhacdadaas, iyagoo falkaas la xiriiriyey mowqifkii Caaqilka ee ahaa inuu si cad uga soo horjeeday heshiis muran dhaliyey oo ku saabsan kheyraadka, kaasoo Imaaraatka siinaya fursad ay uga faa’iideystaan macdanta deegaanka.

Odayaasha deegaanka ayaa muujiyey sida aysan u rumaysan karin warbixinta Washington. “Wuxuu ahaa shakhsi la ixtiraamo oo noloshiisa u huray dib-u-heshiisiin. Ma jirto sabab loogu beegsan karo si milateri ah,” ayuu mid ka mid ah odayaasha u sheegay weriyeyaasha Soomaalida ah.

Taliska AFRICOM wax faahfaahin dheeri ah kama bixin dhacdada, iyagoo ku sababeeyey arrimo la xiriira amniga howlgalka. Ma aysan sheegin inay ka warhayaan in oday dhaqameed la dilay iyo in kale, ama inay damacsan yihiin inay baaraan dhibaatada rayidka soo gaartay.

Duqeymaha laga fuliyo gobolka Sanaag waa kuwo aan badnayn. Inta badan howlgallada Mareykanka ee Puntland waxay ku wajahan yihiin gobolka deriska la ah ee Bari, halkaas oo ciidamada Mareykanku ay ku taageeraan ciidamada maxalliga ah ee la dagaallamaya farac ka tirsan kooxda Daacish (ISIS).

Howlgalkii 13-kii Sebteembar wuxuu noqonayaa duqeyntii 78-aad ee Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya sanadkan—taasoo horay u dhaaftay tiradii ugu badneyd ee hore loo diiwaan geliyey oo ahayd 63 duqeymood, taasoo la qoray sanadkii 2019-kii xilligii koowaad ee madaxweyne Donald Trump.

Dilkan ayaa abuuray su’aalo badan oo walaac leh. Caaqil Cabdullaahi Cumar Cabdi ma si khaldan ayaa loogu maleeyey inuu ahaa dagaalame ka tirsan Al-Shabaab? Sirdoon khaldan miyaa marin-habaabiyey qorsheeyeyaasha Mareykanka? Suurtagal ma tahay in xifaaltan deegaanka ka jiray uu sababay in xog been abuur ah la siiyo ciidamada Mareykanka? Mise, sida ay dad badan oo deegaanka ah sheeganayaan, Caaqil Cabdullaahi si bareer ah ayaa loo beegsaday sababtoo ah wuxuu ka soo horjeeday heshiisyada kheyraadka ee shisheeyaha lala galo?

Mise waxaa jirta xog aynan anaga ogeyn oo Mareykanka uu hayo? Haddii AFRICOM ay ku adkaysanayso sheegashadeeda, maxay u soo bandhigi la’dahay wax caddeyn ah?

Waqtigan la joogo, aamusnaanta ayaa sii xoojisay kalsooni-darrada jirta. Washington waxay ku adkaysanaysaa in howlgalladeedu ay yihiin kuwo loogu talagalay in lagu wiiqo shabakadaha xagjirka ah. Hase yeeshee, duqeyn kasta oo muran ka dhasho waxay khatar gelinaysaa inay kala fogaadaan bulshooyinkii uu Mareykanku sheeganayey inuu ilaalinayo. 

Sababta lacag cusub loogu soo daabici la’yahay SOOMAALIYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa weli ku guuleysan soo daabicista lacag cusub oo shillin Soomaaliga, taas oo wajahaysa caqabado dhowr ah, sida uu shaaciyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhawaan ka qeyb-galay kulan dadweyne ayaa sheegay in dhaqaale la’aan ay qeyb ka tahay caqabadaha hortaagan soo daabicista lacagta cusub, isagoo xusay in lacag dhan 70 milyan oo doollar loo baahday si loo soo daabaco.

Xamza ayaa shaaciyay in 30 milyan oo doollar laga caawiyay, inkasta oo uusan carabaabin cidda ama dalka ka taageeray.

Lacagta loo xayiran yahay oo ah 40 milyan oo doollar ayuu sheegay in ay wada-hadal kala galeen dowladda Carbeed ee Kuwait, isagoo rejo fiican ka muujiyay in ay doorkaas qaadato, kana taageerto soo daabicista lacagta cusub.

“Si aan lacag u daabacano waxaa nalooga baahan yahay $70 milyan, waxaa nagala caawiyay 30 milyan, waxaana naga maqan 40 milyan oo aan rabno in aan helno, iyadoo aan dayn ahayn, waxa aan wada-hadal fiican kula jirnaa dowladda Kuwait oo aan ka rajeyneyno in ay naga caawiso,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Dib-u-habaynta lacagta, oo udub-dhexaad u ah aragtida dawlad-dhisidda ee xukuumadda, ayaa loo arkaa mid muhiim u ah midnimada qaranka.

Madaxdu waxay aaminsan yihiin in dib u soo noolaynta lacag qaran oo lagu kalsoonaan karo ay fududeyn doonto is-dhaafsiga maalinlaha ah, isla markaana ay noqon doonto mid loo wada dhan yahay, gaar ahaan Soomaalida nugul ee aan awoodin inay helaan dollarka ama adeegyada lacagaha telefoonnada.

Tan iyo burburkii dowladdii Soomaaliya sannadkii 1991, nidaamkii maaliyadeed ee rasmiga ahaa ee dalka ayaa gebi ahaanba meesha ka baxay. Bankigii Dhexe wuu istaagay, shilinkii Soomaaliga ee rasmiga ahaa qiimihiisii wuu lumay, suuqana waxaa buux dhaafiyay lacago duugoobay oo inta badan been abuur ah, kuwaas oo qaarkood weli si xaddidan looga isticmaalo dalka maanta.

Why Somali President’s dam remarks stir headlines in Ethiopia

0

MOGADISHU, Somalia – Ethiopian media outlets are giving wide coverage to remarks by Somali President Hassan Sheikh Mohamud, who has hailed Ethiopia’s Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) as a transformative project for the Horn of Africa.

President Mohamud’s words are attracting attention not only for their content but also for their political resonance, given Somalia’s strengthening alliance with Egypt—one of the fiercest critics of the GERD.

In a recent interview with Saudi Arabia’s Al Arabiya television, Mohamud described the GERD as a project primarily designed to generate electricity. He called electricity “indispensable for development” and argued that from this perspective, the dam represents “a success.”

The Somali leader pointed out that Ethiopia already exports electricity to Kenya, Sudan, and Djibouti, presenting the GERD as both a national milestone and a regional engine for integration and growth.

Rising on the Blue Nile in Ethiopia’s Benishangul-Gumuz region near the Sudanese border, the GERD is Africa’s largest hydroelectric project. President Mohamud attended the official inauguration on September 9, 2025, alongside other African heads of state—a presence that Ethiopian outlets have highlighted as a powerful gesture of continental endorsement.

He also welcomed Ethiopia’s willingness to engage in dialogue with countries concerned about the dam’s impact, stressing that constructive talks could ensure shared benefits and strengthen regional cooperation.

The weight of Mohamud’s praise is magnified by Somalia’s increasingly close partnership with Egypt, which has consistently opposed the GERD. Cairo maintains that the project threatens downstream water security and has long demanded a binding agreement on how Ethiopia fills and operates the reservoir. Egyptian officials have warned that unilateral steps could endanger the country’s vital Nile water supply.

Against that backdrop, Somalia’s president publicly calling the GERD a “success” marks a striking divergence from Egypt’s narrative. Ethiopian media have seized on the moment, presenting Mohamud’s endorsement as symbolic proof of wider regional acceptance.

For them, Somalia’s stance demonstrates that even a country aligned with Egypt views the dam not as a destabilizing threat, but as a catalyst for development and unity across the Horn of Africa.

By amplifying his remarks, Ethiopia seeks to bolster its case that the GERD is far more than a national achievement—it is a shared continental triumph.

Somalia President opens talks to end rift with key states

0

MOGADISHU, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud announced Wednesday that his government has opened negotiations with the semi-autonomous states of Puntland and Jubbaland, in an effort to defuse a bitter political feud that has paralyzed national reforms and fueled armed clashes.

The protracted standoff with the two influential Federal Member States (FMS) has undermined Somalia’s fragile state-building process, threatening to derail critical elections and distracting the government from its ongoing war against the Al-Shabaab jihadist insurgency.

Speaking in an interview with Al-Arabiya television, Mohamud confirmed that dialogue was active on several fronts. “We are still in talks with Puntland and Jubbaland, and we hope the issue with Jubbaland will be resolved before the elections,” he said. “The dialogue and engagement will continue.”

The president emphasized that holding local council elections remains his government’s immediate priority, with national polls to follow. Yet reconciliation with Puntland and Jubbaland is widely seen as essential for any electoral process to be considered credible across the country.

A rift over constitution and territory

The crisis with Puntland, a strategically significant state in northeastern Somalia, began in March 2024 after the federal parliament passed constitutional amendments. Puntland leaders argued that the changes centralized authority in Mogadishu and eroded regional autonomy, prompting Garowe to suspend cooperation with the federal government.

Tensions spiked further in October 2024 when Mogadishu released a new national map labeling vast portions of Puntland as disputed territory. Garowe denounced the move as a direct assault on its sovereignty.

The dispute soon extended into economic and security domains. Mogadishu accused Puntland of obstructing federally sanctioned oil exploration projects, while Puntland countered that the government was attempting to seize control of its natural resources.

By early 2025, the fallout had disrupted security cooperation, with both sides accusing each other of failing to coordinate operations against Islamic State (IS) militants entrenched in Puntland’s Bari mountains.

The situation grew more complex in July 2025 following the declaration of the Northeastern Somali Regional State, a newly formed federal entity claiming authority over the Sool and Sanaag regions — territories that Puntland also claims.

Electoral crisis and armed clashes

The conflict with Jubbaland, in the country’s south, erupted after the disputed re-election of its veteran leader, Ahmed Mohamed Islam, better known as Madobe, in November 2024. Mogadishu rejected the result, dismissing the vote as illegitimate.

The dispute swiftly escalated into a legal confrontation. A court in Mogadishu issued an arrest warrant for Madobe on charges of treason. In response, a Jubbaland court retaliated by issuing a warrant for President Mohamud himself. The federal government then went a step further, requesting an Interpol Red Notice for Madobe’s arrest — a move that Kismayo condemned as politically motivated.

By December 2024, the conflict spilled onto the battlefield. Federal troops deployed to the southern border town of Raskamboni clashed with Jubbaland forces in fighting that reportedly included drone strikes — a dangerous escalation from political rhetoric to armed confrontation.

The violence reignited in July 2025 in the contested Gedo region, after Mogadishu appointed Abdirashid Janan, a former Jubbaland security minister with a controversial past, as regional intelligence chief. His arrival alongside federal reinforcements triggered new battles that displaced civilians and closed schools, deepening the military standoff.

High stakes for national stability

Somalia operates under a delicate federal system where collaboration between the central government and Federal Member States is essential for both governance and security. The decision by Puntland and Jubbaland to boycott a national consultative forum in June 2025 underscored their ability to stall the national agenda.

Analysts caution that the internal disputes are draining vital resources and attention from Somalia’s most pressing challenge: the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab insurgency. The International Crisis Group has stressed that resolving these constitutional and political disputes is crucial for ensuring long-term stability in the Horn of Africa nation.

As Mogadishu pushes for reconciliation, reports in Emirati media suggest that the United Arab Emirates (UAE) — a key ally to both the federal government and its regional rivals — has stepped in to mediate. The success or failure of these talks will be a defining test of Somalia’s capacity to overcome internal divisions and chart a path toward a more stable, unified future.

Somali clan elder’s death in US strike raises questions

0

MOGADISHU, Somalia — A US airstrike in Somalia’s northern Sanag region has unleashed a wave of anger and confusion after locals reported that a respected clan elder, rather than an al-Shabaab militant, was killed in the September 13 operation.

US Africa Command (AFRICOM) announced on Wednesday that its forces had carried out what it described as a “precision strike” near the town of Badhan, claiming it had targeted an al-Shabaab arms dealer.

But the victim was identified as Abdullahi Omar Abdi, a prominent elder widely regarded for his peacebuilding and mediation efforts. Relatives and community leaders have vehemently rejected any suggestion that he was connected to al-Shabaab.

Witnesses said three missiles struck Abdi’s car as he traveled alone toward Badhan. His sudden death has sparked protests across the Sanag region, with furious residents directing their anger at foreign powers.

Some demonstrators pointed the finger at the United Arab Emirates — which has occasionally carried out its own strikes in Somalia — and accused Abu Dhabi of involvement, linking the incident to Abdi’s outspoken opposition to a controversial resource deal that grants the UAE access to Puntland’s mineral wealth.

Local elders expressed disbelief at Washington’s version of events. “He was a respected figure who dedicated his life to reconciliation. There is no reason why he would be targeted militarily,” one elder told Somali reporters.

AFRICOM has offered no further details, citing operational security. It has not said whether it is aware that a clan elder was killed or whether it intends to investigate possible civilian harm. Antiwar.com reported that it sought clarification but had yet to receive a reply.

Airstrikes in Sanag are unusual. Most US operations in Puntland have concentrated on the neighboring Bari region, where American forces support local troops battling an ISIS affiliate.

The September 13 operation marked the 78th US airstrike in Somalia this year — already surpassing the previous record of 63, set in 2019 during president Donald Trump’s first term.

The killing has left a host of troubling questions. Was Abdullahi Omar Abdi wrongly identified as a militant? Did faulty intelligence mislead US planners? Could local rivalries have fed false information to American forces? Or, as many locals allege, was Abdi deliberately targeted because of his opposition to foreign resource deals? And if AFRICOM stands by its claim, why has it failed to provide any evidence?

For now, the silence has only deepened mistrust. Washington insists its operations are designed to weaken extremist networks. Yet every disputed strike risks alienating the very communities the US claims to protect.

Wasiir Fiqi oo shaaciyay faa’iido weyn oo Soomaaliya ka heshay heshiiska Turkiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi ayaa sharaxaad qoto dheer ka bixiyay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan heshiisyadii ugu dambeeyay ee ay gaareen labada dal.

Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka faa’iidday heshiisyada Turkiga, isagoo si gaar ah u xusay heshiiska difaaca, kaasi oo Ankara ay taageero dhinaca amniga ah oo ballaaran ku siiso Soomaaliya.

Ankara ayaa ciidanka Soomaaliya siisa taageero isugu jirta saanad ciidan iyo tababaro lagu tayeynayo ciidanka, iyadoo sidoo kale taageero weyn ka geysata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida uu Fiqi ku sheegay wareysi dhinacyo badan taabanayay oo uu siiyay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay in Turkiga uu kaalin muuqata ka qaadanayo tababarka ciidanka gaarka ah ee ku sugan saldhigga TÜRKSOM, iyagoo lagu qalabeyn doono diyaarado casri ah iyo weliba gaadiidka gaashaaman ee dagaalka.

“Turkiga waa garab weyn, iyadoo la raacayo heshiiska is-afgarad, ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya waxay tababar heer sare ah ka helayaan Turkiga, waxaana lagu tababarayaa saldhigga milatari ee TÜRKSOM,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale wareysigan uga hadlay isbeddelka amniga Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda dalka, isagoo xaqiijiyay in amniga Muqdisho uu haatan si weyn uga duwan yahay sidii uu ahaa sanadkii 2011-kii, oo waqtigaas Madaxweynaha Turkiga, Erdoğan uu booqasho ku yimid.

Wareysigan ayaa muujinaya qoto dheerida xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo haatan maraya heer sare, iyadoo Muqdisho iyo Ankara ay gaareen heshiisyo iskaashi oo waaweyn, kuwaas oo ka mid yihiin heshiiska difaaca iyo kan shidaal baarista dalka.

Sawirro: Farmaajo oo kulamo ka wada dalka dibaddiisa ka hor soo laabashadiisa Muqdisho

0

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo siyaasadeed ka bilaabay dalka dibaddiisa, gaar ahaan dalka Turkiga.

Farmaajo ayaa magaalada Istanbul kula kulmay qaar kamid ah qurbajoogta Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka mid taageerayaasha la dhacsan siyaasadda madaxweynihii hore ee dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah bilaabashada ololaha Farmaajo ee doorashada 2026, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno si dhow ula socda dhaq-dhaqaaqa cusub ee uu haatan ka bilaabay dalka dibaddiisa.

Farmaajo ayaa sidoo kale la filayaa in uu toddobaadyada soo aadan uu soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Tan iyo markii uu xilka wareejiyay Madaxweyne hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo bishii May 2022 waxaa uu ahaa dibad joog, iyadoo fariisin u aheyd magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Sida muuqata, Farmaajo ayaa haatan raba inuu beddelo siyaasaddii dibad-joognimada, uuna si toos ah ololihiisa doorashada uga bilaabi doono magaalada Muqdisho, kadib marka uu soo afmeero kulamada Istanbul.

Si kastaba, Farmaajo ayaa ka mid ah madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee weli sida wayn u diidan qorshaha Villa Somalia ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ka taagan tahay xiisad xooggan.



Kadib fadeexadii uu ku baxay Xamza, wasaaradda duulista oo baahisay qandaraas

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa baahisay qandaraas ku saabsan nadaafadda garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wasaaradda ayaa shaacisay in qandaraaskan ay soo xareysan karaan shirkadaha ka shaqeeya nadaafadda, sida la doonayo inay u qabtaan shaqooyinka nadaafadda ee garoonka Aadan Cadde, iyadoo loo baahan yahay shirkad leh khibrad, qalab, shaqaale iyo awood dhaqaale.

Qandaraaskan oo xayeysiintiisa ay baahisay wasaaraddu ayaa lagu sheegay in shirkadda shaqadaan qabaneysa ooga baahan yahay nadaafadda terminal-ka gudaha iyo dibada, nadiifinta gudaha garoonka ee meelaha rakaabku isticmaalaan: meelaha laga dhoofo, laga yimaado, VIP-da iyo meelaha sugitaanka.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah nadaafadda xafiisyada maamulka iyo shaqaalaha garoonka iyo musqulaha oo nadaafad joogto ah 24 saac ah, iyadoo bishiina loo sameynayo nadaafad qotodheer hal mar.

“Hawlaha nadaafadeed ee laga rabo waxaa kamid ah; in qashinka laga aruuriyo meelaha kala duwan iyo in si habboon loo asturo. Nadaafad deg-deg ah: Tusaale ahaan haddii uu dhaco shil, wax daato, ama xaalad caafimaad dhacdo — shirkaddu waa inay diyaar u ahaato in si degdeg ah u nadiifiso,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

Shirkadaha qandaraaskan soo xareysaneysa ayaa lagu xiray shati ganacsi oo shaqaynaya iyo soo bandhigista lacagta bishii ay ku qabanayaan adeegga, iyadoo tixgelinta la siin doono midda keenta qiimaha ugu macquulsan.

Si kastaba, baahinta qandaraaskan ayaa imanaysa 24 saac kadib markii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu kormeer kedis ah ku tegay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaasi oo dadweynaha si weyn uga deyriyeen nadaafadiisa.

Meelaha laga soo cawday ayaa waxaa kamid ah musqulaha garoonka oo la sheegay in dayac badan uu ka jiro, iyadoo kulankii dadweynaha ee uu ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha loogu gudbiyay cabashooyin la xiriira garoonka Aadan Cadde.

Xamza oo indhaha soo saaray waxyaabaha ay ka cabanayeen shacabka, ayaa maamulka garoonka ku canaantay fadeexadda taagan, isagoo faray in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto cabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan adeegyada garoonka ee muhiimka u ah bulshada.

Beesha Warsangeli oo jawaab deg-deg ah ka dalbatay Puntland + Sababta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Beesha Warsangeli ayaa si adag uga hadashay dilka Caaqil Cumar Cabdillaahi Cabdi Ibraahim oo Sabtidii duqeyn diyaaradeed lagu dilay.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen odayaasha dhaqanka, aqoonyahan iyo culimada beesha Warsangeli ayaa waxaa xukuumadda Puntland looga dalbaday inay jawaab deg-deg ah ka siiso weerarkii lagu dilay caaqilka, oo ehelkiisu sheegeen in uusan wax xiriir ah la laheyn kooxaha argagixisada.

“Sida aan wada ogsoonnahay waxaa 13/Sep, 2025 weerar diyaaradeed oo gantaalo loo adeegsadey lagu diley Caaqil Cumar C/laahi Cabdi Ibraahim isagoo ku jira safar oo keligiis wata gaadhigiisii, kana soo baxay Magaalada Ceelbuh, kuna socdey magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, markii uu marayey meel u dhow Tuulada Jiicanyo ayaa lala beegsaday saddex gantaal,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay beesha Warsangeli.

Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri “Madaxda dhaqanka, aqoonyahanka iyo culimada diinta ee gobollada Sanaag, Haylaan iyo galbeedka gobolka Bari iyaga oo ku hadlaya afka bulshada gobolladaas kana duulaya xilka iyo waajibaadka masuuliyiinta dawladda Puntland ka saaran amniga guud ee dalka, ilaalinta bedqabka bulshada iyo ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah waxay madaxweynaha iyo dhammaan golayaasha maamulka ka dalbayaan inay jawaab deg-deg ah kasoo bixiyaan.”

Beesha ayaa dalbatay in loo caddeeyo sababta loo beegsaday caaqilka, oo ay sheegeen inuu ahaa oday samatalis ah. “Ciddii geysatey ee fulisey weerarka diyaaradda iyo gantaalaha loo adeegsaday laguna diley Caaqil Cumar iyo cid kasta oo gacan kasiisay dilkaas.”

“Sababta loo beegsaday ee lagu bannaystay dilkiisa annagoo og inuu ahaa oday samatalis ah dalka oo dhanna laga yaqaaney inuu ahaa caaqil ku suntan ka shaqaynta amniga, nabadgelyada iyo maslaxadda dalka iyo dadka” ayuu u dhignaa bayaankaasi,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka beesha.

Beesha ayaa sheegtay in ay jawaab dhameystiran ka sugayso xukuumadda Saciid Deni, isla markaana talo guud ka yeelan doonaan dilkii AUN Caaqilka Cumar, haddii uu maamulka xog lagu qanci karo ka bixin weerarkan.

Dilka Caaqilka ayaa waxaa ka dhashay banaanbaxyo xooggan oo ka dhacay gobolka Sanaag, kuwaas oo looga soo horjeedo duqeyntii lala beegsaday.

Inkastoo maamulka Puntland uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo duqeyntan, waxaa maanta sheegtay inuu duqeyn ka fuliyay gobolka Sanaag taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika, oo sheegay in weerarku u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana ay kala kaashatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyay in duqeyntaas lagu bartilmaameedsaday nin hubka ka iibiya kooxda Al-Shabaab, balse ma shaacin magaciisa iyo waxa uu qabanayay xilliga la dilay.

Sheegashada Mareykanka ayaa kusoo aadeyso, iyada oo isla maalintaas la dilay Caaqil Cumar Cabdullahi Cabdi oo kamid ahaa waxgaradka gobolka Sanaag, kaas oo gaarigiisa lagu dhuftay gantaallo, xilli uu kasoo baxay deegaanka Ceelbuh, kuna sii jeeday degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Cali Cabdullahi oo la dhashay marxuumka ayaa horay uga hadlay, sida ay wax u dhaceen waxaana uu sheegay in

Gaariga caaqilka ayaa lagu dhuftay 3 gantaal, mana jirin cid kale oo la socotay, sida uu xaqiijiyay Cali Cabdullaahi oo la dhashay marxuumka, oo ka waramay sida ay wax u dhaceen.