28.1 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Deadly clashes erupt in Mogadishu over disputed land

MOGADISHU, Somalia – Heavy gunfire erupted in the Somali capital on Thursday as security forces clashed with armed residents during an operation to clear a disputed plot of land, leaving several people dead and wounded, according to police and witnesses.

The fighting broke out in the early morning in the Tarabunka neighborhood of Hodan, one of Mogadishu’s most populous districts, when forces conducting a weapons sweep met with stiff resistance.

A senior police commander was among those injured in the violence, which highlights the volatile issue of land ownership in a city scarred by decades of civil war.

In a statement, the Somali police command confirmed the operation was aimed at “security stabilization and combating illegal weapons.”

“During the operation, security forces were confronted with armed resistance from a group of militiamen,” the statement said. “The confrontation caused casualties, including deaths and injuries, affecting civilians near the scene, members of the security forces, and some of the armed militia.”

A long-simmering dispute

The clashes centered on a piece of government-owned land that formerly housed the barracks for the historic Horseed Sports Club, a team affiliated with the Somali National Army before the state’s collapse in 1991.

For years, the area has been occupied by a community of civilians, many of whom settled there during the protracted conflict that left property records destroyed and land ownership in disarray across the country.

Residents told local media they had been ordered to vacate the land but had refused, claiming long-term residency. Such disputes are a frequent and explosive source of conflict in Mogadishu, often pitting the government’s efforts to reclaim public property against vulnerable communities with nowhere else to go.

Security officials confirmed that Mire Sahal, the commander of the 2nd unit of the 22nd Military Police Brigade, was wounded in the firefight. The total number of fatalities has not yet been officially released.

“The security forces deeply regret such incidents that disrupt public security,” the police statement added, offering condolences to the families of the victims and wishing a speedy recovery to the injured.

Government vows crackdown

Authorities issued a stern warning following the incident, vowing to take action against anyone involved in undermining security in the capital.

“We issue a strong warning to anyone engaged in or supporting acts against security to cease immediately,” the police statement read.

Security forces have since regained control of the area and dispersed the armed group, according to the police command, which stated that “steps have been taken to ensure the security and stability of the area.”

The incident underscores the immense challenges facing the Somali government as it tries to assert its authority and enforce the rule of law. The capital, Mogadishu, has seen a relative improvement in security in recent years. However, it remains a tinderbox of clan rivalries, political tensions, and property disputes.

These efforts are complicated by the continued presence of illicit firearms in the hands of civilians and private militias, a legacy of the civil war.

The government has conducted numerous disarmament operations in the capital to curb violence. However, a high-profile report from the UN Panel of Experts on Somalia has previously noted the difficulty in distinguishing between state security forces, clan militias, and criminal gangs.

While the federal government, with the support of international partners, continues its fight against the Al-Shabaab Islamist insurgency in other parts of the country, internal conflicts over resources like land remain a critical threat to stability in the capital itself.

Mucaaradka oo shaaciyey burburka wada-hadaladii, soona saaray 4 qodob oo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka dalka, ayaa shaaciyay inay fashilmeen wada-hadalladii ay la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya ee xalka loogu raadinayay khilaafka siyaasadeed ee taagan.

Madasha oo soo saaray bayaan ka kooban laba bog, ayaa ku baaqay afar qodob oo ay ugu horeyso in dib loogu laabto dastuurkii 2012 ee ay bulshada Soomaaliyeed heshiiska ku aheyd ee ku saleysnaa nidaamka Baarlamaaniga.

Madasha ayaa nasiib darro ku tilmaamtay in 5 kulan wadaxaajood oo socday muddo bil iyo bar ah laga gaarin wax natiijo ah oo dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa khilaafka.

“Waxayna Madasha u aragtaa in uu dalku marayo kalabayr halis ku ah midnimada dalka iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed,” ayey si cad u sheegtay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa lagu yiri bayaanka: “9-ka bilood ee ka harsan muddo xileedka Madaxweynaha waa in xal laga gaaro doorasho toos ah oo loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay, dalkana u hoggaamisa qof iyo cod.”

Madasha ayaa ku baaqday in dedeg loo joojiyo colaadda ay dowladu dalka ka hurrinayso, gaar ahaan gobolka Gedo. Sidoo kalena waxay Madaxweynaha ugu baaqday inuu hakiyo arrimaha dhulka danta guud ee dhalisay xasillooni darrida.

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran:

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ka duulaysa

  1. Adkaynta midnimada iyo wadajirka dalka, iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay beddelkii Dastuurka.
  2. In meel looga soo wada-jeesto dagaalka kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimo iyo dowladnimada ee dalkeenna.
  3. In dowlad goboleedyada maqan ee Puntland iyo Jubbaland lagu qanciyo in ay qayb ka noqdaan wada hadalka qaran.
  4. In heshiis buuxa laga gaaro doorasho toos ah oo daahfuran, heshiis lagu yahay, looguna gogol-xaaraayo qof iyo cod, kuna salaysan dastuurkii dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen 2012.

Madashu oo ka bariganataalay qodobbadka kor ku xusan ayaa wadahal la furtay Madaxweyne Xasan Sheekh. Shan kulan wadaxaajoood oo socday muddo bil iyo bar ah oo labada dhinac dhexmaray ayuu madashu dalbatay in Madaxweynaha uu ka laabto cutubka afaraad ee dastuurka iyo shuruucdii doorasho ee ka ratibmay, kaasoo dhaxalwareegay heshiiskii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa Jamhuuriyadda Saddexaad ee dalka sida;

  • Nidaamka Barlamaani-ga ah
  • Hannaanka xukun ee Federaalka
  • Awood qaybsiga siyaasadeed
  • Doorashada afar sanadlaha ah
  • Talada geedi-socodka dowlad-dhiska dalka oo wadar-oggol lagu gooyo

Madashu waxay u dhabar adaygtay in wadahallada laga miro dhaliyo, si dalka looga samatabixiyo khilaaf iyo kala qaybsanaan dhaawaac ku ah wadajirka iyo midnimada, niyadjabkana ku riday shacabka iyo beesha caalamka, taasoo u adeegaysa cadowga Soomaaliyeed iyo argagixisadu ugu horreys.

Nasiib-darro, lama gaarin heshiiskii ay shacabka Soomaaliyeed rajada gelin lahaa, looga badbaadi lahaa khilaafka, loogana mashquuli lahaa dadaalka looga soo horjeedo argagixisada.

Madasha waxaa u aragtaa in uu dalku marayo kala bayr halis ku ah jiritaanka dowladnimada iyo midnimada dalka.

Haddaba Madashu waxay ku baaqaysaa;

  1. In dib loogu laabto dastuurkii 2012 ee ay bulshada Soomaaliyeed heshiiska ku ahayd ee ku salaysan nidaamka Baarlamaanka ah ee u uku dhisnaa heshiiskii Carta.
  2. In 9-ka bil ee ka harsan muddo xileedka Madaxweynaha xal laga gaaro doorasho toos ah oo loo dhanyahay, heshiisna lagu yahay, dalka u hoggaamisa qof iyo cod.
  3. In dedeg loo joojiyo colaadda ay Dowladu dalka ka hurrinayso, gaar ahaan Gobolka Gedo.
  4. In uu Madaxweynaha hakiyo arrimaha dhulka danta guud ee dhalisay xasillooni darrida.

Ugu dambayn; Madashu waxay caddaynaysaa in ay diyaar u tahay wadaxaajood dalka lagu samatabixinayo, iyadoo mudnaanta la siinayo danta guud, midnimada dalka iyo wadajirka ummadda, si taas looga miradhalyo, Madashu waxay go’aamisay in guddigii wada wadaxaajoodka uu sii wado hawshiisa.

Dhammaad.

Laamaha amniga oo war ka soo saaray dagaalkii maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Laamaha Amniga Dowladda Soomaaliya ayaa bayaan ka soo saaray dagaal culus oo saaka aroortii ciidamada amniga iyo shacab hubeysan ku dhexmaray xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan.

Dagaalkan ayuu taliska booliska sheegay inuu sababay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo soo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa meel u dhow goobta, xubno ka tirsan ciidamada amniga iyo qaar ka mid ah maleeshiyaadkii hubaysnaa.

“Ciidamada Amniga ee magaalada Muqdisho ayaa saaka aroortii hore howlgal isugu jira xaqiijinta amniga iyo la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah ka fulinayay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan. Intii uu howlgalka socday, waxaa iska hor imaad hubaysan kala horyimid koox maleeshiyaad ah,” ayaa lagu yiri bayaankan oo kasoo baxay laamaha amniga Muqdisho.

Falkan oo taliska booliska ku sheegay inuu ahaa mid khilaafsan nidaamka iyo xeerarka amniga ee caasimadda ayaa wuxuu digniin adag u diray cid kasta oo ku hawlan ama taageerta falalka amniga lidka ku ah, in ay si degdeg ah uga waantoowdo.

“Ciidamada amniga waxay tacsi u dirayaan qoysaska ay waxyeelladu ka soo gaartay dhacdadan, halka ay caafimaad degdeg ah u rajeynayaan dadka ku dhaawacmay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dagaalka kadib waxaa goobta xasiliyay ciidamada amniga, sida uu sheegay taliska booliska, iyadoo ka saartay maleeshiyaadkii hubaysnaa. “Ciidamada amnigu waxay qaadeen tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaanka.

“Ciidamada Amnigu waxay aad uga xun yihiin falalka noocan oo kale ah ee khalkhalka ku haya amniga bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dagaalka saaka ayaaa si gaar ah uga dhacay xerada Kooxdii Horseed ee Ciidanka Xoogga dalka oo ku taalla halkii ahayd Salaan-saarka ee xaafadda Tarabuunka, halkaas oo shacabka muddo dheer deganaa ay ka biyo diideen inay isaga baxaan dhulkaasi, taas oo keentay isku dhaca.

Dadka ku dhaawacmay dagaalkan ayaa waxaa kamid ah taliyaha ururka 2-aad ee guutada 22-aad ee Boolis Milataaro Mire Sahal, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya.

Tirada ardayda sanadkan ku dhacday imtixaanka shahaadiga oo isbeddel weyn ku yimid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta shaaciyay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad, oo ay sanadkan u fadhiisteen arday gaareysa 41,076 oo wax ka barta Dugsiyadda Dhexe ee gobolka Banaadir.

Natiijada la shaaciyay ayaa muujinaysa in 2,813 ardey ay dhaceen sanadkaan, halka ay gudbeen 38,263 arday. Tan ayaa muujineysa natiijada heerka hoos u dhac ee ardeyda ku harta imtixaanka shahaadiga oo sanadihii hore aad u badnaa.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Muungaab oo ka qeyb-galay munaasabadda shaacinta natiijada imtixaanka ayaa u hambalyeeyay dhammaan ardaydii ka gudubtay imtixaanka, gaar ahaan gabdhaha ku guuleystay kaalimaha ugu horreeya ee najiitada imtixaanka oo kala ah;

Kaalinta 1-aad: Sakiyo Cabdullaahi Cali Iimaan oo wax ka barata Dugsiga Amiir Nuur ee Degmada Warta Nabadda.

Kaalinta 2-aad: Sahro Axmed Cali Maxamed oo wax ka barata Dugsiga Giirre ee Degmada Dharkenley.

Kaalinta 3-aad: Maymuun Ramadaan Cali Cumar oo wax ka barata Dugsiga Imamu Zaylici ee Degmada Yaaqshiid.

Duqa Muqdisho ayaa abaal marin dahab ah guddoonsiiyay saddexda gabdhood ee kaalmaha hore galay, isagoo tillaabadaasi ku tilmaamay dhiiri-galin. Sidoo kale Guddoomiye Muungaab ayaa hambalyo u diray waalidiinta, macalimiinta iyo agaasinka waxbarashada.

Waxa uu si gaar ugu mahad-celiyay hay’addaha amniga iyo cid weliba oo ka qeyb qaadatay in imtixaanka shahaadiga Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025 si guul ah uu kusoo dhammaado.

“Waxaa naga go’an tayeynta waxbarashada, horumarinta iyo kordhinta xarumaha waxbarashada, si ubadka ku nool gobolka Banaadir ay u helaan waxbarasho tayo leh oo lacag la’aan ah,” ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Xiisad xooggan oo ka taagan magaalada Laascaanood kadib muran ka dhashay…

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Xiisad xooggan ayaa ka dhalatay xulista Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari, kadib markii cabasho xooggan ay muujiyeen qaar kamid ah qabaa’ilka.

Murankan ayaa salka ku haya in Hoggaamiye Firdhiye iyo xubno ku dhow loo xiray kuraasta ay beeluhu xaqa u leeyihiin. Madaxweyne Firdhiye, oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxtinimada maamulka, ayaa lagu tuhunsan yahay inuu Baarlamaanka ku biirinayo shakhsiyaad si gaar ah ugu ololeynaya inuu codka helo.

Arrintan ayaa horseeday in guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaanada hoos u dhigo codsiyada musharaxiinta ay beeluhu kalsoonida ku qabaan.

Dhaliilo toos ah ayaa dhawaan loo jeediyay guddiga hubinta, iyadoo musharaxiinta madaxtinimada maamulka ay ku tilmaameen guddi si cad ugu janjeera musharax gaar ah.

Sidoo kale, baraha bulshada ayaa lagu arkay digniino ka imanaya beelo kala duwan, kuwaas oo ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabo militari haddii aan la joojin fara-gelinta lagu eedeeyay Firdhiye.

Xiisadda ayaa kasii dartay markii dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen xarunta ololaha doorashada ee Firdhiye, kadib markii kursigii xildhibaan ee uu ku fadhiyay loo xirey Fahiimo Yuusuf Quuje oo kamid ah taageerayaashiisa. Weerarkaasi waxa uu sababay dhaawaca mid ka mid ah ilaalada Firdhiye.

Culeyska siyaasadeed ee sii kordhaya ayaa ku qasbay guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaanada inay hakad geliyaan shaacinta liiska xubnaha soo baxay, iyagoo cabsi ka qaba in rabshadaha socda ay dhaawacaan geeddi-socodka dhismaha maamulka cusub.

Si kastaba, hanaanka doorasho ee maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa waxaa galaangal xooggan ku leh Dowladda Federaalka Soomaaliya oo door weyn ka qaadatay dhismaha maamulka, waxaana halkaasi ku sugan mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladda, oo ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Shakiga soo dhex-galay madaxda mucaaradka oo si weyn looga fal-celiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay kala shaki haatan soo kala dhex-galay xubnaha Madasha Samatabixinta ee mucaaradka, kadib markii xalay ay ku kala tageen shir gaar ah oo ay yeesheen, kaas oo kusoo dhammaaday natiijo la’aan.

Markii ay shalay ka soo baxeen xarunta Villa Somalia, waxay si toos ah u tageen guriga hoggaamiyaha Madasha Shariif Sheekh Axmed, halkaas oo ay ku yeesheen shir gaar ah, kaas oo ay xubnaha mucaaradka isku raaci waayeen hanaanka loo dhigayay war-saxaafadeedka laga soo saarayo kulankii fashilmay ee ay la yeesheen Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale waxaa soo baxday inay jiraan rag ka tirsan mucaaradka oo raadinaya kursiga Ra’iisul wasaaraha dalka, sida uu shaaciyay Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran ee Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in xubnahaasi ay fashiliyeen shirkii xalay, kuwaas oo loo ballan qaaday in Ra’iisul wasaare iyo safiir la siinayo, sida uu ku sheegay qoraal uu soo saaray.

Haddaba sidee looga fal-celiyay kala shakiga soo kala dhex-galay mucaaradka?

Maxamed Cali Caraaye: “Waa danleey calooshood u shaqeestayaal ah maxaa ka dhigay maalin kasta kuwa soo taagan?”.

Muxudiin Xasan: “Kaligood may mucaarad iyo muxaafad noqdeen?”.

Xasan Maxamed Xasan: “Niman aan iyagu heshiis ehayn miyaa heshiis cid kali la gali kara?”.

Dahraan Cabdi: “Dad sidaan ah oo war-saxaafadeed ku heshiin waayey dal ma samatabixi karaan?.

Maxamed Cabdi: “Ma laga dhex qadeeyay ar Villada caadi ma ahan”.

Xuseen Xasan Xuseen: “Samatabixin ma ahane waa sun qasayaal ee kuwaan dalka halaga qabto”.

Xasan Cabdi Jaamac: “Waxaan mucaarad ma ahane danihiina raacda dhaha, dan uma hayaan shacabka Soomaaliyeed”.

Israel oo wada-hadallo rasmi ah oo lagu soo rarayo dadka Gaza la furtay dowladda…

Tel Aviv (Caasimada Online) — Dowladda Israel ayaa wadahadallo kula jirta South Sudan oo ku saabsan sidii Falastiiniyiinta ka soo jeeda Marinka Gaza loogu rari lahaa dalkaas dagaalladu la degeen ee Bariga Afrika. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaal ballaaran oo ay Israel ku doonayso inay ku fududeyso hijro ballaaran oo dadka Falastiiniyiinta looga saarayo dhulkooda.

Lix qof oo xog-ogaal u ah arrintan ayaa warkan u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee The Associated Press. Ma cadda heerka ay wadahadalladu marayaan, balse haddii la meel mariyo, qorshahani wuxuu noqonayaa mid dadka looga rarayo dhul dagaallo aafeeyeen oo qarka u saaran macluul, loona qaadayo dhul kale oo isla xaaladdaas ku sugan — taasoo dhalinaysa walaac la xiriira xuquuqda aadanaha.

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu doonayo inuu hirgeliyo aragtida Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah in la raro qaybo badan oo ka mid ah dadweynaha Gaza, isagoo adeegsanaya waxa uu ugu yeeray “ka guurid iskaa ah.” Israel waxay hore u soo bandhigtay qorshayaal la mid ah oo dib-u-dejin ah oo ay kula gashay dalal kale oo Afrikaan ah.

“Waxaan qabaa in waxa ugu habboon, xitaa marka la eego sharciyada dagaalka sida aan aniga u aqaanno, ay tahay in dadweynaha loo oggolaado inay isaga baxaan, ka dibna aad awooddaada oo dhan isugu geyso cadowga meesha ku haray,” ayuu Netanyahu ku yiri wareysi uu Talaadadii siiyay telefishinka Israel ee i24. Ma uusan soo hadal qaadin South Sudan.

Falastiiniyiinta, kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha, iyo qaybo badan oo ka mid ah beesha caalamka ayaa si adag uga horyimid qorshayaashan, iyagoo ku tilmaamay qorshe horseedaya barakicin qasab ah oo ka hor imanaya sharciga caalamiga ah.

Dhanka South Sudan, heshiiskan oo kale wuxuu ka caawin karaa inay xiriir dhow la yeelato Israel, oo hadda ah awoodda milatari ee Bariga Dhexe. Sidoo kale, waa waddo ay ugu dhowaan karto Trump, oo bishii Febraayo soo hadal qaaday fikradda dib-u-dejinta dadka Gaza, balse u muuqata inuu ka laabtay bilihii la soo dhaafay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel way ka gaabsatay inay ka hadasho arrintan, halka wasiirka arrimaha dibadda ee South Sudan aanu ka jawaabin su’aalaha ku saabsan wadahadallada. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay inaysan ka hadlin wadahadallada diblomaasiyadeed ee gaarka ah.

Joe Szlavik, oo ah aasaasaha shirkad Mareykan ah oo u ololeysa South Sudan, ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan dowladda South Sudan ay xog ka siiyeen wadahadallada. Wuxuu sheegay in wafdi reer Israel ah ay qorsheynayaan inay booqdaan dalkaas si ay u qiimeeyaan suurtagalnimada in halkaas laga dhiso xeryo loogu talagalay Falastiiniyiinta. Ma jirto taariikh la cayimay oo booqashadaas loo qabtay, mana aysan Israel ka jawaabin codsi loo diray oo ku saabsanaa xaqiijinta booqashada.

Szlavik wuxuu sheegay in Israel ay u badan tahay inay bixin doonto kharashka xeryaha ku-meel-gaarka ah.

Edmund Yakani, oo madax ka ah urur bulshada rayidka ah oo ka tirsan South Sudan, ayaa sheegay in isaga laftiisa ay saraakiil reer South Sudan kala hadleen wadahadalladan. Afar sarkaal oo kale oo xog-ogaal u ah arrintan ayaa xaqiijiyay inay socdaan wadahadalladu, iyagoo codsaday inaan magacyadooda la shaacin maadaama aan loo oggolayn inay si fagaare ah uga hadlaan.

Laba ka mid ah saraakiishan, oo labaduba ka soo jeeda Masar, ayaa u sheegay AP inay muddo bilooyin ah ka warqabeen dadaallada Israel ee lagu doonayo in dal loo helo qaabilaadda Falastiiniyiinta, oo ay ku jirto xiriirka ay la samaysay South Sudan. Waxay sheegeen inay ku qanciyeen South Sudan inay diiddo qaabilaadda Falastiiniyiinta.

Masar ayaa si weyn uga soo horjeedda qorshe kasta oo Falastiiniyiinta looga rarayo Marinka Gaza oo ay xuduud la wadaagto, iyadoo ka cabsi qabta qulqul qaxooti ah oo soo gala dhulkeeda.

Wakaaladda AP ayaa hore u warisay wadahadallo la mid ah oo Israel iyo Mareykanku la yeesheen Sudan iyo Soomaaliya — dalal iyaguna la tacaalaya dagaallo iyo gaajo — iyo gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland. Lama oga halka ay marayaan wadahadalladaasi.

Szlavik, oo South Sudan u shaqaaleysiisay inuu hagaajiyo xiriirka kala dhexeeya Mareykanka, ayaa sheegay in Mareykanku uu ka warqabo wadahadallada lala leeyahay Israel balse uusan si toos ah ugu lug lahayn.

South Sudan waxay rajaynaysaa in maamulka Trump uu ka qaado xayiraadda socdaalka ee saaran dalkeeda iyo in cunaqabataynta laga qaado qaar ka mid ah shakhsiyaadka saamaynta ku leh siyaasadda dalka, sida uu sheegay Szlavik. Waxay hore u aqbashay siddeed qof oo lagu soo qabtay tarxiillada ballaaran ee maamulka Trump, taasoo laga yaabo inay ahayd isku day ay isaga ku raalli gelinayso.

Maamulka Trump ayaa cadaadis saaray dalal dhowr ah si ay u fududeeyaan tarxiillada.

“South Sudan oo dhaqaale ahaan ciriiri ku jirta waxay u baahan tahay xulafo kasta, faa’iido dhaqaale iyo dammaanad diblomaasiyadeed oo ay heli karto,” ayuu yiri Peter Martell, oo ah saxafi iyo qoraaga buugga “First Raise a Flag” ee ka hadlaya dalkaas.

Hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad ayaa gacan siin jirtay reer South Sudan intii uu socday dagaalkii sokeeye ee tobannaan sano qaatay ee ay kula jireen xukuumaddii Carabta u badnayd ee Khartoum, ka hor intii aysan helin xorriyadda 2011, sida lagu sheegay buuggaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, oo la weydiiyay inuu jiro heshiis is-dhaafsi ah oo lala galay South Sudan, ayaa sheegtay in go’aannada bixinta fiisooyinka loo sameeyo “qaab mudnaanta siinaya ilaalinta heerarka ugu sarreeya ee amniga qaranka Mareykanka, badqabka bulshada, iyo dhaqangelinta sharciyadayada socdaalka.”

Falastiiniyiin badan ayaa laga yaabaa inay doonayaan inay ka baxaan Gaza, ugu yaraan si ku-meel-gaar ah, si ay uga baxsadaan dagaalka iyo xaaladda gaajada ee qarka u saaran macluul. Hase yeeshee, waxay si adag u diideen in si joogto ah looga raro dhulka ay u arkaan qayb muhiim ah oo ka mid ah dhulkooda hooyo.

Waxay ka cabsi qabaan in Israel aysan marnaba u oggolaan doonin inay soo laabtaan, isla markaana bixitaan ballaaran uu siin doono fursad ay kula wareegto Gaza oo dib uga dhisto deegaannada Yuhuudda, sida ay ku baaqayaan wasiirrada midigta-fog ee xukuumadda Israel.

Si kastaba ha ahaatee, xitaa Falastiiniyiinta doonaya inay baxaan uma badna inay ku wajahdaan South Sudan, oo ka mid ah dalalka ugu xasillooni darrada badan iyo colaadaha badan adduunka.

South Sudan waxay la daalaa dhacaysaa sidii ay uga soo kaban lahayd dagaal sokeeye oo qarxay xorriyaddii ka dib, kaas oo galaaftay nolosha ku dhowaad 400,000 oo qof, qaybo ka mid ah dalkana geliyay macluul.

Dalkan hodanka ku ah saliidda waxaa hareeyay musuqmaasuq, wuxuuna ku tiirsan yahay gargaar caalami ah si uu u quudiyo 11 milyan oo qof oo ku nool — caqabad sii weynaatay tan iyo markii maamulka Trump uu si weyn u dhimay kaalmada dibadda.

Heshiis nabadeed oo la gaaray toddobo sano ka hor ayaa ahaa mid jilicsan oo aan dhammaystirnayn, halista dagaalkuna waxay soo laabatay markii hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka xabsi guri la geliyay sanadkan.

Gaar ahaan, Falastiiniyiinta waxaa laga yaabaa inaysan halkaas soo dhaweyn ka helin. Dagaalkii dheeraa ee xorriyadda looga qaadanayay Sudan wuxuu iska horkeenay koonfurta, oo u badan Masiixiyiin iyo dad dhaqameed haysta, iyo waqooyiga, oo u badan Carab iyo Muslimiin.

Yakani, oo ka tirsan ururka bulshada rayidka, ayaa sheegay in dadka reer South Sudan ay u baahan yihiin inay ogaadaan cidda imaanaysa iyo inta ay qorsheynayaan inay joogaan, haddii kale ay dhalan karto colaad sababtoo ah “khilaafka taariikhiga ah ee kala dhexeeya Muslimiinta iyo Carabta.”

“South Sudan waa inaysan noqon goob qashin-qub ah oo dadka lagu soo daadiyo,” ayuu yiri. “Sidoo kale waa inaysan aqbalin in dadka laga dhigo qalab gorgortan siyaasadeed si loo hagaajiyo xiriirkeeda diblomaasiyadeed.”

Xiisadda maanta Tarabuunka oo kasii dartay iyo shacab careysan oo sameeyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa xaafadda Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay saaka howlgal barakicin ah ka bilaabeen ciidamada dowladda Soomaaliya, kadibna ay isku dhaceen shacab hubeysan.

Dagaalka oo saaka xilli hore soo bilowday ayaa soo gaaray barqanimadii maanta, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

Xiisadda ayaa ka dhalatay barakicin lagu sameynayo shacabka deggan xerada Kooxdii Horseed ee Ciidanka Xoogga dalka oo ku taal halkii ahayd Salaan saarka ee Tarabuunka, waxayna shacabku ka biyo diideen inay ka baxaan dhulkaasi, taas oo keentay isku dhaca.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ay xaaladdu kasii dartay, isla markaana uu jiro khasaare leh dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac iyo dad kale oo raydi ah.

Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah taliyaha ururka 2-aad ee guutada 22-aad ee Boolis Milataaro Mire Sahal, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya.

Waxaa kale oo jira dhalinyaro sawirradooda la baahiyay, kuwaas oo ku dhintay dagaalka, maadaama la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale, waxaa haatan isgoyska Tarabuunka isugu soo baxay shacab careysan oo dibad-bax ka dhigay halkaasi, kuwaas oo taayaro ku gubayo waddada, isla markaana xirtay halkaasi.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo ciidamada oo weli sii wada howlgalka, iyaga oo isku sii fidinayo halka lagu dagaalamayo, si ay soo afjaraan dagaalka.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dagaalka iyo xiisadda weli ka taagan xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan.

Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay barakicinta dhulalka danta guud, waxaana dowladda ay illaa iyo hadda ku guuleysatay inay la wareegto dhulalkii ugu badnaa ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxii xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya oo geeriyootay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxii Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS), Dr. Aisa Kirabo Kacyira, ayaa geeriyootay 12-kii Agoosto 2025 iyadoo 61 jir ah, kaddib xanuun muddo dheer soo jiitamayay.

Dr. Kacyira waxaa bishii Febraayo 2023 xilkan u magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, iyadoo bedeshay Lisa Filipetto oo u dhalatay Australia. Waxay la timid in ka badan soddon sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan diblomaasiyadda, hoggaanka siyaasadda, gargaarka bini’aadantinimo, iyo horumarinta heer maxalli, qaran iyo caalami.

Waxbarashadeeda jaamacadeed waxay ka koobnayd Bachelor of Veterinary Medicine oo ay ka qaadatay Jaamacadda Makerere ee Uganda iyo Master of Veterinary Science in Animal Production and Economics oo ay ka qaadatay Jaamacadda James Cook ee Australia. Sidoo kale, waxay wadatay MBA ka socday School of Finance and Banking ee Rwanda iyo Maastricht School of Management ee Netherlands.

Intii ay xilal kala duwan ka soo qabatay dowladdeeda Rwanda, waxay ahayd Duqa Magaalada Kigali intii u dhaxaysay 2006 ilaa 2011, xil ay ku kasbatay abaal-marinta UN-Habitat Scroll of Honour Award sannadkii 2008, iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Rwanda muddo kooban sannadkii 2011. Waxay sidoo kale ahayd safiirka Rwanda u fadhida Ghana, isla markaana ahayd safiir aan degganayn oo qaabilsan Benin, Togo, Sierra Leone, Côte d’Ivoire iyo Liberia.

Shaqadeeda Qaramada Midoobay waxay ka bilaabatay xilka Ku-xigeenka Agaasimaha Fulinta ee UN-Habitat oo ay haysay intii u dhaxaysay 2011 ilaa 2018, ka hor inta aysan loo magacaabin Madaxa UNSOS sannadkii 2023. Kahor shaqooyinkaas, waxay ka soo shaqeysay horumarinta beeraha iyo arrimaha bini’aadantinimada ee Wasaaradda Beeraha ee Rwanda, ururrada Oxfam iyo Care International, iyo ururro kale oo caalami ah.

Dr. Kacyira waxay ahayd hooyo iyo xaas, waxayna ka tagtay afar carruur ah. Saaxiibadeed iyo asxaabteed shaqo waxay ku tilmaameen hoggaamiye dulqaad leh, daacad ah, isla markaana ka go’an wadahadalka iyo horumarinta nabadda.

Dagaal culus oo ka qarxay Muqdisho – Yuu u dhaxeeya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo saaka aroortii hore ka qarxay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan, kaas oo u dhexeeyo ciidamada ammaanka ee dowladda iyo dad shacab ah oo hubeysan.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga socda xerada Kooxdii Horseed ee Ciidanka Xoogga dalka oo ku taalla halkii ahayd Salaan saarka ee xaafadda Tarabuunka, waxaana shacabka oo muddo dheer deganaa ay ka biyo diideen inay isaga baxaan dhulkaasi, taas oo keentay isku dhaca.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in saaka ay goobta tageen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo weeraray maleeshiyaad deegaanka ah oo isku uruursanayay halkaasi, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka oo illaa iyo hadda ka socda aagga Tarabuunka.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo ciidamada oo weli sii wada howlgalka iyo difaac xooggan oo ay ku jiraan dadka deegaanka ee hubeysan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo dad kale oo rayid ah oo ka agdhowaa halkaas.

Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah taliyaha ururka 2-aad ee guutada 22-aad ee Boolis Milataaro Mire Sahal, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Booliska ay haatan gaareen aagga lagu dagaalamayo ee Tarabuunka.

Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay barakicinta dhulalka danta guud, waxaana dowladda ay illaa iyo hadda ku guuleysatay inay la wareegto dhulalkii ugu badnaa ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Anwar, Xamsa iyo Garaad oo saaka toogasho lagu fuliyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab, kuwaas oo usoo gacan galay dowladda, kadibna lagu xukumay dilka saaka lagu fuliyay.

Raggan ayaa saaka aroortii hore la geeyay tiirka toogashada ee Iskuul Buluusiya, halkaas oo ay ku toogteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Saddexda marxuum ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Abuukar Axmed Maxamed oo magaciisa afgarashada uu ahaa (Anwar), Xamsa Jeylaani Cabdulllahi oo Al-Shabaab looga dhex yaqiinay (Abtiga) iyo Xassan Cali Xuseen oo isna loo yaqaanay (Garaad), waxaana lagu wada fuliyay dil toogasho ah oo ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada.

Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada oo goobta kula hadlay warbaahinta, isla markaana ka warbixiyay toogashada saddexdaasi nin ee horay uga tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada ah.

Dhammaan ragga la dilay ayaa si gaar ah uga tirsanaa amniyaatka kooxda Al-Shabaab, waxaana ay u qaabilsanaayeen madax jabiska iyo fulinta weerarada gaadmada ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha goobjoogga ahaa fulinta toogashada.

Anwar, Xamsa iyo Garaad ayaa saddexduba lagu helay inay horay dilal qorsheysan iyo qarxayo uga gaysteen magaalada Muqdisho iyo sidoo kale gobolka Shabeellaha Hoose.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidana oo kale loo toogtay Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka), kuwaas oo iyana ka tirsanaa Al-Shabaab, laguna helay dilal iyo qaraxyo ay gaysteen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa dhawaan shaacisay inay dib u billowday fulinta xukunnada dilalka toogashada ah ee ay horay u ridday, waxaa kamid ah shaqsiyaadka kale ee lagu fuliyay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga oo lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab.

Xogta shir xasaasi ah oo mucaaradka uga socda Jaziira

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee la magaca baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa haatan shir xasaasi ah wuxuu uga socdaa hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga arrinsanayaan waxa ay kala soo kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay lasoo yeesheen wada-hadallo maalmo badan qaatay.

Siyaasiyiinta mucaaradka oo tan shalay Muqdisho ka waday kulamo goono gooni ah ayaa mar kale maanta isugu tegay hoteelka Jaziira, waxaana u socdo shir gaar ah oo la filayo inay kasoo saaraan go’aanno la xiriira mowqifkooda wada-hadalkii Xasan Sheekh.

Ilo wareedyo ku dhow kulanka ayaa innoo xaqiijiyay in hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo uu horkacayo Sheekh Shariif ay qorsheynayaan inay soo saaraan go’aanno xasaasi ah, walow dhexdooda ay ka taagan tahay dood xooggan oo xalay bannaanka usoo baxday, kadib markii xubnaha dhexdooda ay isku khilaafeen qaabka loo dhigayo warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa soo baxday inay jiraan rag ka tirsan mucaaradka oo raadinaya kursiga Ra’iisul wasaaraha dalka, sida uu shaaciyay Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran ee Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in xubnahaasi ay fashiliyeen shirkii xalay, kuwaas oo loo ballan qaaday in Ra’iisul wasaare iyo safiir la siinayo, sida uu ku sheegay qoraal uu soo saaray.

Si kastaba, Kulankii shalay ee Villa Somalia oo lagu waday inuu noqdo kii ugu dambeeyay ee lagu xallinayo khilaafka ka taagan wax ka beddelka cutubka afaraad ee Dastuurka, ayaa la mid noqday kulamadii hore, taas oo wada-hadallada ka dhigaysa kuwa burburay.

Mucaaradka ayaa ku adkeystay qodobada qaar, gaar ahaan cutubka afaraad ee Dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyaga oo Madaxweynaha ka dalbaday inuu sameeyo tanaasul dhab ah oo aan leexleexad lahayn, taas oo sida muuqata aan suuragal noqon.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo waxa ay lasoo shir tagi doonaan mucaaradka, waxaana kasii careysiiyay tallaabadii ugu dambeeyay ee uu Madaxweynuhu qaaday kadib markii uu maalin kahor isku diiwaangeliyay doorashooyinka qof iyo codka ah ee uu rabo inuu ka qabto dalka.

Shir xasaasi ah oo u furmaya Xawaadle iyo go’aan la xiriira mustaqbalka HirShabelle oo…

Beledweyne (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Ugaaska 21-aad ee beelaha Xawaadle, ayaa shalay soo gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, si uu uga qeyb galo shir weyne beeleed xilli xiisado siyaasadeed iyo dagaallo ka socdaan gobolka.

Ugaaska iyo wafdigiisa ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay masuuliyiin, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka. Wafdiga waxaa ka mid ahaa siyaasiyiin caan ah oo Xawaadle ah, sida Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac, Xildhibaan Cabdirisaaq Macalin Ciid iyo Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Ugaas Yuusuf ayaa si kooban ula hadlay shacabka iyo saxaafadda, isagoo ku dhawaaqay in saaka 09:00 subaxnimo uu Baladweyne ka furmi doono shir weyne ay isugu iman doonaan dhammaan waxgaradka beelaha Xawaadle, si ay uga tashadaan mustaqbalka maamulka HirShabeelle, oo beeshu ay muddo diidaneyd.

Shirkan la iclaamiyay ayaa kusoo beegmaya xilli dagaallo culus ay ka socdaan qaybo badan oo Hiiraan ka tirsan, isla markaana boqolaal qoys oo Xawaadle ah ay ku barakaceen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Bulshada deegaanka iyo falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa si dhow indhaha ugu haya natiijada ka soo bixi doonta kulankaas, maadaama beeshu muddo dheer tabasho ka qabtay nidaamka Hirshabeelle, taas oo ay uga sii dartay colaadda ka dhex taagan Xawaadle iyo Al-Shabaab.

Khilaafka ka taagan maamulka Hirshabeelle – oo loo dhisay inuu mideeyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe – ayaa taariikh dheer leh, isagoo salka ku haya tabashooyin siyaasadeed, awood qaybsiga, iyo muran ku saabsan maamulida kheyraadka.

Dhinaca ammaanka, gobolka ayaa ku jiray xaalad kacsanaan joogto ah oo ka dhalatay weerarrada iyo qaraxyada ay Al-Shabaab ka fulisay magaalooyinka iyo tuulooyinka, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maal leh. Sidoo kale, dagaallo culus oo ka dhacay xuduudaha Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sababay dhimasho badan iyo barakac ballaaran.

Shirkan uu iclaamiyay Ugaas Yuusuf ayaa lagu wadaa inuu noqdo madal lagu mideeyo mowqifka beelaha Xawaadle ee ku aaddan maamulka HirShabeelle iyo dagaalka Al-Shabaab.  

Mucaaradka oo kala shakiyey kadib markii xubnaha qaar loo balan-qaaday R/Wasaare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran ee Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa sheegay in xubno ka mid ah mucaaradka ay raadinayeen kursiga Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xubnahaasi ay fashiliyeen shirkii xalay, kuwaas oo loo ballanqaaday in Ra’iisul Wasaare iyo safiir la siinayo, sida uu ku sheegay qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale, Xildhibaan Caana-nuug ayaa sheegay in ballanqaadyada dowladda ee ku saabsan kursiga Ra’iisul Wasaaraha ay wehliyaan lacago, xilal safiirnimo iyo kuwo heer gobol, isagoo tilmaamay in mucaaradka qaar la go’aansaday in “dhiiro lugaha loo geliyo,” sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkiisa ayaa imanaya ayadoo xalay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku midoobay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ay ku guul darreysteen inay isku raacaan in ay faahfaahin ka bixiyaan shirkii shalay natiijo la’aanta ku soo dhamaaday ee ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Markii ay ka soo baxeen Villa Somalia, waxay si toos ah u tageen guriga hoggaamiyaha Madasha, Shariif Sheekh Axmed, halkaas oo ay ku yeesheen shir gaar ah oo goor dhow soo dhamaaday.

Mucaaradku waxay isku raaci waayeen hanaanka loo dhigayay war-saxaafadeedka laga soo saarayo kulankii fashilmay ee ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qoraalka Xildhibaan Caana-nuug oo dhameystiran hoos ka akhriso:

Saaxiibada Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxaa loo baahan yahay inay hoos isu eegaan, waana lama huraan in xilligan xasaasiga ah aan la isku dhex huursanaan.

Madaxda waqtigoodu sii dhamaanayo waxaa haysta cadaadis siyaasadeed oo culus, gudaha iyo dibaddaba. Sidaas darteed looma baahna in ragga qaarkiis ay aqbalaan ama rajeeyaan cad-quureed sida ballan-qaad siyaasadeed (Ra’iisul Wasaare) oo waqtiga lagu moodayo, dhaqaale yar, safiirnimo, ama maamul heer gobol iyo wixii la mid ah.

Sida muuqata, DFS oo muddo xileedkeedu gabaabsi yahay waxay doonaysaa in xubno yar oo ka mid ah Madasha Samatabixinta ay dhiiqo lugaha u galiso. Waxaan saaxiibadaas u sheegayaa inaysan dhiiqadaas dooran ee ay dhab ka noqdaan dadaallada iyo hadafka lagu badbaadinayo hay’adaha dowladda, isla markaana loogu gogol xaarayo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo la isku raacsan yahay.

Heshiis la’aan ayaa dhaanta heshiis xun oo waqti lumis ah.

Shirkii mucaaradka u gaarka ahaa oo lagu kala tegay caawa kadib markii la isku qabtay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku midoobay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa caawa ku guul darreystay inay isku raacaan in ay faahfaahin ka bixiyaan shirkii maanta natiijo la’aanta ku soo dhamaaday ee ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Markii ay ka soo baxeen Villa Somalia, waxay si toos ah ugu tageen guriga hoggaamiyaha Madasha, Shariif Sheekh Axmed, halkaas oo ay ku yeesheen shir gaar ah oo goor dhow soo dhamaaday.

Mucaaradku waxay isku raaci waayeen hanaanka loo dhigayay war-saxaafadeedka laga soo saarayo kulankii fashilmay ee ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa suuragal ah in caawa mar kale lagu shiro Hotel Jazeera, si loo isla meel dhigo go’aanka ay ka qaadanayaan kulamadii tixanaha ahaa ee ay la yeesheen Xasan Sheekh, kuwaas oo si dhab ah u fashilmay gelinkii dambe ee maanta.

Saxaafadda oo caawa tagtay guriga Sheekh Shariif ayaa goor dhow loo sheegay in war-saxaafadeedka weli la gorfeynayo, isla markaana berri la soo saari doono bayaanka ay ku cadeynayaan mowqifka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkan ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo aysan dhinacyadu gaarin wax heshiis ah.

Kulanka maanta, oo lagu waday inuu noqdo kii ugu dambeeyay ee lagu xallinayo khilaafka ka taagan wax ka beddelka cutubka afaraad ee Dastuurka, ayaa la mid noqday kulamadii hore, taas oo wada-hadallada ka dhigaysa kuwa burburay.

Mucaaradka ayaa ku adkeystay qodobada qaar, gaar ahaan cutubka afaraad ee Dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyaga oo Madaxweynaha ka dalbaday inuu sameeyo tanaasul dhab ah oo aan leexleexad lahayn, taas oo sida muuqata aan suuragal noqon.

DF Soomaaliya oo soo saartay qodobo cusub oo sii adkeynaya cunaqabateynta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga qaran ee la hortagga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada oo maanta kulan miro-dhal ah yeeshay ayaa soo saaray qodobo muhiim ah oo lagu sii adkeynayo cunaqabateynta dhaqaale ee kooxda Al-Shabaab.

Shirkan oo uu guddoomiyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige ayaa waxaa diiradda lagu saaray qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay sidii loo dardar-galin lahaa curyaaminta maaliyadeed ee kooxaha argagixisada.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha guddiga oo kala ah, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Amniga, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Isgaarsiinta, Bangiga Dhexe, Hay’adda NISA, Xeer-ilaaliyaha Qaran, Hay’adda Warbixinada Maaliyadda iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Qodobada ka soo baxay shirkan ayaa u dhignaa sidan:

  1. In la dhammaystiro nidaamka sharci ee la dagaalanka maalgelinta argagixisada.
  2. Waxaa la go’aamiyay in la adkeeyo kor joogtaynta hay’adaha warbixinada.
  3. Waxaa la go’aamiyay samaynta istaraatijiyado qaran oo la dagaalanka lacag dhaqidda iyo maalgelinta.
  4. Asset recovery agency in la sameeyo, sidoo kale la howlgeliyo hay’ad u qaabilsan arrimahaasi.
  5. In Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ay qorshe ka keento hannaan diiwaangelinta SIM-ka dadka, kuwa cusub iyo kuwii hore.
  6. Sidoo kale waxaa FRC laga dhagaystay horumarka laga sameeyay curyaaminta maalgelinta argagixisada iyo wacyigelinta bulshada.

Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay in iyadoo ka duuleysa waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran dhowrista sharciga iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, ay ka go’an tahay fulinta qorshayaasha qaran ee ka hortagga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada.

Sawirro: Taliyaha Ciidamada Xoogga oo qorshe culus uga dhawaaqay Bariire

0

Bariire (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta kormeer ku tegay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan goobihii dhowaan laga saaray Khawaarijta Al-Shabaab.

Taliyaha oo safarkaan ku maray Sabiib iyo Caanoole ayaa tegay Bariire oo dhowaan lagu laayey dhamaan wixii Shabaab joogay, kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Uganda ay ku qaadeen weerar toddoba maalmood socday.

Jeneraal Odowaa ayaa ciidamada ugu tegay difaacyada ugu dambeeyey ee deegaanka Bariire, isagoo faray inay sii dhaqaajiyaan howlgalka gobolkaas looga sifeynayo Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska GorGor Gaashaanle Cali Cagey ayaa Taliyaha Odowaa kusoo dhaweeyay deegaanka, isagoo warbixin ka siiyey jabkii argagixisada loogu geystay degaanka Bariire iyo sida uu u dhacay howlgalku.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka fagaaraha Bariire kula hadlay Ciidanka Xoogga ee xoreeyey deegaankaas iyo kuwa Ciidanka Uganda ayaa aad ugu amaanay naf hurnimada ay sameeyeen, isagoo bogaadiyey guushii ay ka gaareen howlgalkii adkaa ee Bariire.

Taliyaha ayaa ciidanka kula dardaarmay inay isku diyaariyaan weerar kale oo maalmaha soo socda lagu qaadayo Awdheegle oo dhowaan gacanta u gashay Al-Shabaab, halkaas oo ay ka qoteen difaacyo kasii adag kuwii lagu laayey ee Bariire.

Howlgalka ka socda gobolka Shabeellaha Hoose waxaa loogu magacdaray duufaanta aamusan, waxaana la qorsheeyey in Al-Shabaab deg deg looga xoreeyo gobollada Shabeellooyinka, hadii kooxda laga saaro Awdheegle, waxay ka dhigan tahay inay ku jabeen oo gacantooda uu ka baxay gobolka muhiimka ah ee Sh/Hoose.

 

Dowladda Soomaaliya oo maanta heshay malaayiin dollar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshay deeq cusub, taasi oo dhan $125 milyan. Deeqdan ayaa noqoneysa maalgelintii labaad ee Bangiga Adduunka uu ansixiyo laba sano xiriir ah.

Deeqdan ay heshay Soomaaliya ayaa loogu talagalay taageerada siyaasadaha horumarinta , taas oo ay bixineyso Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA). Bogga Larolav ayaa warbixin ay baahisay ku sheegtay in maalgelintan cusub ay tahay wejiga labaad iyo kan ugu dambeeya ee barnaamij loogu talagalay kor u qaadista adkeysiga dhaqaalaha Soomaaliya.

Tan ayaa xoojinaysa maamul wanaagga maaliyadda guud iyo horumar waara oo laga sameeyo. Qaybtii hore ee isla maal-gelintan oo ahayd $125 milyan ayaa la meel mariyay sanadkii 2024.

Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Hideki Matsunaga ayaa tilmaamay in tallaabadani ay caddeyn u tahay sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta dib-u-habeyn muhiim ah oo dhanka hay’adaha ah, taas oo kor u qaadaysa dhismaha dawlad deggan iyo xoojinta heshiiska bulshada.

Maalgelintan ayaa diiradda saaraysa xoojinta xasilloonida maaliyadeed ee dowladda iyada oo la kordhinayo dakhliga canshuuraha, hufnaanta iyo waxtarka kharashaadka, yaraynta ku tiirsanaanta gargaarka caalamiga ah, maalgelinta tamarta la cusboonaysiin karo si loo kordhiyo helitaanka koronto oo gaarta 50 megawatt sanadka 2026, horumarinta maalgelinta yar-yar, abuurista caymiska ka hortagga abaaraha, iyo dhiirrigelinta maalgelinta qaybta kalluumeysiga.

Dadaalladan ayaa qayb ka ah iskaashiga Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya ee lagu qeexay qorshaha sanadaha 2024 ilaa 2028, iyadoo la kaashanayo la-hawlgalayaasha horumarka caalamiga ah.

Shirkii Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo mar kale ku soo dhamaaday natiijo la’aan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Madaxtooyada Soomaaliya uga socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Samatabixinta oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ayaa soo dhammaaday.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkan ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo aysan dhinacyadu gaarin wax heshiis ah.

Siyaasiyiinta mucaaradka oo kasoo dareeray Villa Somalia ayaa haatan usii socdo shir gaar ah oo ay leeyihiin, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow xubnaha mucaaradka.

Shirka mucaaradka ayaa ujeedkiisu yahay sidii ay war kama dambeys uga soo saari lahaayeen dalab cusub oo Madaxweynuhu soo gudbiyay, kaddib shirkii saacadaha badan socday ee aanan wax natiijo ah laga gaarin.

Kulanka maanta oo lagu waday in uu noqdo midkii ugu dambeeyay ee lagu xallinayo khilaafka ka taagan wax-ka-beddelka cutubka afraad ee Dastuurka, ayaa isna la mid noqday kulamadii hore, taas oo wada-hadallada ka dhigaysa kuwa burburay.

Si kastaba, Mucaaradka ayaa ku adkeystay qodobada qaar, gaar ahaan cutubka 4-aad ee dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyaga oo Madaxweynaha ka dalbaday in uu sameeyo tanaasul dhab ah oo aan leex leexad laheyn, taas oo aan suurta-gelin sida muuqata.

Dagaalka Masar iyo Itoobiya ee gobolka Gedo – Addis oo qaaday saddex tallaabo

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Xifaaltan siyaasadeed oo muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeyay Masar iyo Itoobiya ayaa ka dilaacay gudaha Soomaaliya, isagoo isu beddelay dagaal wakiilnimo oo halis ah, kana dhigay gobolka istiraatiijiga ah ee Gedo goob cusub oo uu ka qarxo khilaafkoodii faca weynaa.

Loollankan, oo salkiisu ku fadhiyo is-maandhaaf qaraar oo ka dhashay xuquuqda biyaha Webiga Niil, ayaa hadda halis gelinaya inuu Geeska Afrika u jiido dagaal ka ballaaran oo ka sii adag, iyadoo Soomaaliya ay dhexda u gashay loollankaas.

Xudunta xiisaddan sii kordheysa ayaa ah eedeymo sheegaya in Qaahira ay ka faa’iideysanayso heshiis amni oo ay la gashay Muqdisho si ay furin cusub ugu furto Addis Ababa, taasoo si toos ah caqabad ugu noqonaysa saameynta Itoobiya ee gobol ay u aragto deyrkeeda dambe ee istiraatiijiyadeed.

Taas beddelkeeda, Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inay waddo dhaqdhaqaaqyo milatari oo gardarro ah gudaha xuduudaha Soomaaliya, iyadoo ujeeddadeedu tahay inay meesha ka saarto wax ay u aragto khatarta soo ifbaxaysa ayna dib u soo ceshato awooddeeda gobolka.

Xiisaddii biyaha oo isu rogtay dagaal wakiilnimo

Loollanka u dhexeeya labadan quwadood ee Afrika ma ahan mid cusub. In ka badan toban sano, Masar iyo Itoobiya waxaa ka dhex taagnaa ismari-waa diblomaasiyadeed oo ku saabsan Biyo-xireenka Weyn ee Horumarka Itoobiya (GERD), oo ah mashruuc aad u weyn oo korontada biyaha lagaga dhalinayo Webiga Niilka Buluugga ah.

Qaahira, oo in ka badan 90% biyaheeda macaan ka hesha Webiga Niil, waxay biyo-xireenka u aragtaa mid khatar ku ah jiritaanka iyo sugnaanshaheeda biyaha. Dhanka kale, Addis Ababa waxay ku adkaysanaysaa in biyo-xireenka GERD uu muhiim u yahay horumarkeeda dhaqaale iyo baahideeda tamarta, iyadoo u aragta astaan muujinaysa madax-bannaanida qarankeeda.

Khilaafkan faca-weyn ayaa hadda usoo gudbay dhinaca Soomaaliya, waxaana sii huriyay heshiis is-afgarad (MoU) oo muran dhaliyay, kaasoo bishii Janaayo 2024 dhexmaray Itoobiya iyo gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

Heshiiskaas ayaa Itoobiya, oo aan bad lahayn, u ballanqaaday helitaanka deked iyo saldhig ay helaan ciidamadeeda badda oo ay muddo dheer raadinaysay, taasoo beddelkeeda ay Somaliland heleysto suurtagalnimada in loo aqoonsado dal madax-banaan—tallaabadaas oo Soomaaliya ay ku tilmaantay “xadgudub bareer ah” oo ka dhan ah madax-bannaanideeda.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dareentay cabsi iyo go’doon ayaa u weecatay dhanka Qaahira.

Isbahaysi istiraatiiji ah oo lagaga hortagayo Itoobiya

Masar, oo ka faa’iideysanaysa fursaddan, ayaa si degdeg ah u xoojisay xiriirkeeda Soomaaliya, waxayna gaarsiisay heer iskaashi istiraatiiji ah. Bishii Agoosto 2024, labada dal waxay kala saxiixdeen heshiis difaac iyo amni oo ballaaran. In kasta oo aan faahfaahintiisa oo dhan la shaacin, heshiiskan ayaa si weyn loogu arkaa xeelad ay Masar ku doonayso inay ku hareerayso Itoobiya.

Sida la sheegay, heshiiskan hoostiisa, Soomaaliya waxay ku martiqaadday Masar inay ka qaybgasho hawlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Afrika. Waxaa taas kasii muhiimsan, wuxuu albaabka u furay suurtagalnimada in ciidamo Masar ah la keeno Soomaaliya, oo ay ku jirto awoodda ay ku samaysan karaan saldhigyo iyo inay geeyaan ciidamo.

In Qaahira ay saldhig milatari ka samaysato gobolka Gedo, oo xudduud dheer oo daloola la wadaaga Itoobiya, waxay u noqonaysaa guul istiraatiiji ah oo weyn, taasoo u saamaxaysa inay cadaadis toos ah saarto Addis Ababa.

Jawaabta xooggan ee Itoobiya ee gobolka Gedo

Itoobiya waxay isbahaysiga Soomaaliya iyo Masar u aragtay mid daandaansi toos ah. Jawaabteedu waxay noqotay mid degdeg ah oo xooggan, taasoo toddobaadyadii la soo dhaafay xiisadda gobolka Gedo gaarsiisay heerkii ugu sarreeyay. Sida ay sheegayaan wararka soo baxay horraantii Agoosto 2025, ciidamada Itoobiya, oo muddo dheer ku sugnaa gobolka, waxay qaadeen tallaabooyin dhowr ah oo gardarro ah:

  • Duullaan milatari: Ciidamada Itoobiya ayaa waxay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin magaalada xuduudda ku taalla ee Doolow.
  • Xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida: Taliyeyaasha Itoobiyaanka ayaa lagu warramay inay waqti kama dambays ah u qabteen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) si ay isaga baxaan fariisimo muhiim ah oo ku yaalla gudaha dhulkooda.
  • Ka-tallaabsiga Muqdisho: Saraakiil ka tirsan milatariga Itoobiya ayaa wadahadallo toos ah la yeeshay mas’uuliyiin ka socday maamul-goboleedka Jubaland iyo odayaasha deegaanka, taasoo wiiqaysa awoodda dowladda dhexe.

Tallaabooyinkan ayaa loo fasirtay farriin cad oo ka timid Addis Ababa oo muujinaysa inaysan u dulqaadan doonin isku-urursi milatari oo cadowtinimo ah oo ka dhaca xuduuddeeda, ayna diyaar u tahay inay awood adeegsato si ay u ilaaliso danahaheeda.

Soomaaliya oo dhexda u gashay loollanka

Dagaalkan wakiilnimo ee sii kordhaya ayaa Soomaaliya geliyay xaalad aad u nugul. Heshiiskii Ankara ee uu Turkigu dhexdhexaadinayay bishii Diseembar 2024, oo loogu talagalay in lagu qaboojiyo xiisaddii hore ee ka dhalatay heshiiska dekedda, ayaa u muuqda mid gebi ahaanba burburay culeyska xifaaltanka sii xoogeystay ee Masar iyo Itoobiya awgiis.

Intaas waxaa dheer, taageeradii milatari ee ay Qaahira ballanqaadday weli si buuxda uma hirgelin, taasoo Muqdisho ka dhigtay mid diblomaasiyad ahaan cidla ah oo keligeed iska hor keenaysa deriskeeda Itoobiya.

Dadka dhaliila siyaasadda Soomaaliya qaarkood ayaa dowladda ku eedeeyay “xisaabtan qaldan oo halis ah,” iyagoo ku doodaya in isbahaysiga ay la gashay Masar uu dalka usoo jiiday colaad aad uga weyn oo ka khatarsan, iyadoo aan la helin dammaanad-qaadyadii taageero ee lagama maarmaanka ahaa.

Dowladda Federaalka ah ee Muqdisho ayaa hadda wajahaysa cadaadis xooggan oo ku qasbaya inay marto waddo halis badan, iyadoo laga doonayo inay madax-bannaanideeda ka difaacdo duullaanka Itoobiya, isla markaana ay maamusho khatarta ah inay noqoto gacan-yare u adeega danaha loollan siyaasadeed oo ka weyn.

Iyadoo hooskii khilaafka Niilku uu sii fidayo guud ahaan Geeska Afrika, nabadda jilicsan ee gobolka waxay suran tahay meel halis ah.