26.4 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Somalia meets Ted Cruz amid Somaliland recognition push

0

WASHINGTON, USA — Somalia’s Minister of State for Foreign Affairs, Ali Omar (widely known as Ali Balcad), has met with US Senator Ted Cruz to discuss counterterrorism and regional stability, at a time when the Texas Republican is pushing Washington to recognize Somaliland’s independence.

In a post on X (formerly Twitter), Omar said he was “grateful” to Cruz for the meeting, emphasizing Somalia’s “pivotal role in countering terrorism & securing the Horn of Africa.” He stressed that continued US backing is vital to defeating Al-Shabaab and ISIS, while safeguarding maritime trade routes through the Red Sea and Gulf of Aden.

“Let’s strengthen our partnership for a stable, prosperous Somalia,” Omar wrote.

However, Omar did not provide further details of the conversation or indicate whether the talks touched on Cruz’s recent calls for the United States to recognize Somaliland, a breakaway territory that declared independence in 1991.

The meeting comes against the backdrop of Cruz’s August 14 letter urging President Donald Trump to recognize Somaliland as an independent nation formally. Cruz praised the breakaway territory’s democratic credentials, citing multiple peaceful elections and its strategic location along the Gulf of Aden.

He argued that Somaliland could serve as a key security partner for Washington, including as a potential host for a US military presence near the Bab el-Mandeb Strait — a vital chokepoint for global shipping and energy flows.

Cruz also accused China of backing Mogadishu to undercut Somaliland, pointing to Beijing’s role in Somalia’s decision earlier this year to bar Taiwanese passport holders from entering Somaliland.

The United States, in line with the African Union, officially recognizes Somalia’s territorial integrity and does not extend formal recognition to Somaliland, which declared independence in 1991.

By engaging directly with Omar, Cruz signaled openness to Somalia’s perspective, even as he continues to advocate for Somaliland in Washington. For Mogadishu, the talks provided an opportunity to underline its role as a central partner in counterterrorism and to reaffirm its sovereignty claims over Somaliland.

Somalia’s federal government has consistently rejected Somaliland’s bid for international recognition, insisting that the country must remain united within its internationally recognized borders.

Mogadishu views overtures such as Cruz’s as challenges to its sovereignty, especially at a time when Somalia is seeking greater international support to fight Al-Shabaab. The insurgent group continues to wage a deadly insurgency across central and southern regions, posing threats not only to Somalia’s stability but also to wider regional security.

The United States, in line with the African Union, officially recognizes Somalia’s territorial integrity. While Washington engages with Somaliland on development and security cooperation, it has stopped short of granting formal recognition.

Xog: Xasan Sheekh oo cabsi soo wajahday u baajiyay furitaanka baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dib loo dhigay kadib cabsi soo wajahday madaxweynaha Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Kalfadhiga Baarlamaanka oo qorshuhu ahaa inuu furmo maalinta berri ah ayaa baaqday, waxaana lagu wadaa in la furo 29-ka bishan September. Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa loo diray farriin lagu wargelinayo in dib u dhacay furitaanka kalfadhiga.

Dib u dhacan ayaa sidoo kale imanaya xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya toos ula hadlay Guddoonka Baarlamaanka, isagoo ka codsaday in dib loo dhigo furitaanka kalfadhiga 7-aad oo berri furmi lahaa.

Sida uu dhigayo qodobka 90-aad ee Dastuurka KMG ah, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa furaya kalfadhiga Baarlamaanka, taas oo waajib ka dhigaysa ka-qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh, uuna khudbad ka jeediyo furitaanka kalfadhiga.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in culeys madaxweynaha uga imanaya dhanka xildhibaanada mucaaradka uu soo foodsaaray, taas oo laga cabsi qabo inay Firinbi ku yeeriyaan inta ay socoto hadal jeedintiisa. Tan ayaa loo sababeynayaa koror xad dhaaf ah oo ku yimid tirada xildhibaanada mucaaradka ah oo abaabul xooggan waday maalmahan.

Arrimahaan ayaa imanaya xilli uu weli jiro guuxa mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kaas oo ay kordheen mudaneyaasha wada, lagana cabsi qabo in xildhibaanada kulanka koowaadba ay gudoonka ku wareejiyan liiska xubnaha saxiixay mooshinka kalsooni kala noqoshada xukuumadda.

Shir ay shalay isugu yimaadeen in ka badan 50 xildhibaan, ayey isku raaceen in furitaanka baarlamaanka inta khudbada madaxweynuhu socoto ay cod sare kaga hadlaan dhul boobka xargaha goostay ee ka socda magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Xamza ayaa noqday Ra’iisul Wasaarihii ugu xilka dheeraa, marka dib loo eego taariikhda intii ay xafiiska joogeen Ra’iisul Wasaarayaashii Soomaaliya soo maray, taasina waxaa sabab u ah kalsoonida uu Madaxweyne Xasan Sheekh u qabo Ra’iisul Wasaarihiisa.

Xasan oo shaaciyay inuu xiriiro la sameynayo xubnaha mucaaradka ee harsan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay inuu ku hawlan yahay xiriiro uu la sameeyo xubnaha mucaaradka ah ee ka haray heshiiskii uu dhawaan la galay qeybo ka mid ah mucaaradka.

Madaxweynaha oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka Al-Carabiya ayaa sheegay in dowladdiisa ay marwalba diyaar u tahay wada-hadal, isla markaana ay la fariisaneyso siyaasiyiinta mucaaradka ee ka aragtida duwan, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee taagan.

“Albaabada dowladda had iyo jeer waa u furan yihiin dhamaan dhinacyada, waxaana diyaar u nahay wada xaajood joogto ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaa dhawaan gaarnay is-afgarad muhiim ah oo aan la leenahay qaar kamid ah mucaaradka, welina waxaa wadnaa si aan ula xiriirno dhinacyada aan weli nagu soo biirin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay dadaal badan ku bixinayso sidii doorasho toos ah uga dhici laheyd dalka, isagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in laga gudbo hanaanka doorasho dadban oo uu sheegay inuu la jaanqaadi kareyn nidaamka casriga ah ee dunida.

“Kadib 25 sano oo kasoo wareegtay dhismaha Jamhuuriyadda 3-aad, suurta-gal ma ahan in aan kusii socono nidaamka doorasho dadban, duniduna maanta diyaar uma ahan inay la macaamisho hoggaamiyayaal aan shacabka ama wakiiladooda si toos ah u dooran,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa qiray in marka hore aysan bulshada Soomaaliyeed oo dhan wada gaari karin doorashada qof iyo cod, balse ay ku dadaalayaan in malaayiin Soomaali ah ay soo doortaan hoggaankooda.

Tan ayuu madaxweynuhu sheegay inay meesha ka saarayso hanaankii hore ee hoggaanka sare ee dalka lagu dooran jiray, kaasi oo u xusay inuu mugdi badan ku gadaamna.

“Anigu ma dhahayo doorashada waxay noqon doonta mid 100% fiican ama waxa codeyn doona dhamaan shacabka Soomaaliyeed, balse waxaa ku guuleysaneyna nidaam ay malaayiin qof codeeyaan, anagoo ka gudbeyna mid kumanaan ergo oo keliya ku doortaan hoggaamiyeyaasha,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo wareysiga oo dhameystiran

Deni oo bilaabay qorshaha uu ku gaarayo damiciisa xilka madaxweynaha Soomaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dadaallo xoogan ku bixinaya qorshaha uu ugu gogol-xaarayo musharraxnimadiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ay tilmaamayaan ilo xog-ogaal ah.

Deni ayaa bilaabay shirar gaar ah oo uu la yeeshay qaar ka mid ah wasiirradiisa, si ay ula dhisaan istiraatiijiyad cad oo ka caawin karta inuu ka mid noqdo musharraxiinta u tartamaya hoggaanka dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland waxa uu xooga saaraya kulamo joogto ah oo uu la yeesho wakiillada beesha caalamka, si loo abuuro faham iyo is-afgarad dhexmara isaga iyo dowladda federaalka, maadaama ololihiisa siyaasadeed uu si dhow ula xiriiro arrintaas.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Deni uu taageero ka raadinayo madaxda Imaaraadka Carabta, oo uu xiriir dhow la leeyahay, isagoo ka faa’iidaysanaya khibradooda iyo kaalintooda siyaasadeed ee gobolka.

Dhanka kale, Saciid Deni waxa uu xoogga saaraya qorshe ku aaddan in baarlamaanka 12-aad ee dalka dib loogu soo xulo dowlad-goboleedyada, si uu fursad ugu helo in xildhibaanada mustaqbalka uu ku yeesho saameyn ballaaran.

Hase yeeshee, haddii qorshahaasi fashilmo oo ay doorashadu u dhacdo qaab ka duwan kii 2022, ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijiyay in Deni uu diyaarinayo istiraatiijiyad kale oo uu ku wajaho xaaladda cusub.

Warbixinno kale ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha Puntland uu ku hawlan yahay abaabul shir uu ku mideynayo xubnaha mucaaradka Dowladda Federaalka, si uu u dhiso isbahaysi siyaasadeed oo uu ugu gudbo hamigiisa ah inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Trump oo mar kale u gefay Soomaaliya, weerar xun ku qaaday Ilhaan Cumar

0

Washigton (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Khamiistii si xun u weeraray xildhibaan Ilhan Omar (D-Minn.) iyo Soomaaliya, maalin kadib markii Aqalka Hoose uu fashiliyey qaraar lagu doonayey in lagu canaanto xildhibaanadda Minnesota isla markaana laga saaro guddiyada ay ku jirto.

“Aniga ahaan, waa qof aad u liidata. Waxaan aaminsanahay in ay mudan tahay in xilka laga qaado. Waa qof aad u liidata,” ayuu madaxweynuhu ku yiri weriyeyaasha isagoo saaran diyaaradda Air Force One maalintii Khamiista.

Trump oo aflagaadeynaya Soomaaliya ayaa yiri “Haddaba, sidee xaaladoodu tahay? Sidee tahay dawladdoodu? Madaxweyne ma leeyihiin? Gole ma leeyihiin? Wax kale ma leeyihiin? Boolis ma leeyihiin? Waan jeclahay dadkan.”

“Waxay ka yimaadeen meel aan waxba oollin, waxba, maya, waxba, ka dibna waxay noo sheegayaan sida loo maamulo dalkeenna.”

“Haddii la cambaareeyo, taasi waa wax weyn, haddii xilka laga qaadana, xitaa way kasii fiican tahay,” ayuu raaciyay.

Hadallada Trump ee ku saabsan Ilhaan, oo ku dhalatay Soomaaliya ka hor inta aysan qoyskeedu imaan Mareykanka sannadihii 1990-meeyadii, ayaa yimid kadib markii Aqalka Wakiillada uu u codeeyay in meesha laga saaro qaraar ay soo gudbisay Xildhibaan Nancy Mace (R-S.C.), kaasoo lagu doonayay in lagu cambaareeyo xildhibaannada Minnesota.

Mace waxay ku eedeysay Cumar inay “sumcad-dishay Charlie Kirk oo ay si dadban u sheegtay inuu isagu mas’uul ka ahaa dilkiisa” markii ay dib ugu faafisay muuqaal baraha bulshada.

Maalintii Arbacada, Aqalka Wakiillada ayaa cod dhan 214-213 ku meel mariyay in qaraarka meesha laga saaro. Afar xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ku biiray dhiggooda Dimoqraadiga, taasoo keentay in qaraarka la diido.

“Waxaan u mahadcelinayaa asxaabteyda shaqada ee i garab istaagay oo aan horay usii wadin beenta lagu faafiyay fadhiga Aqalka. Waxaan ku qanacsanahay sida ay u difaaceen xorriyadda hadalka ee uu dammaanad qaadayo qodobka koowaad ee dastuurka, iyo sida ay uga hortageen in awoodda cambaareynta si qaldan loo isticmaalo,” ayay Ilhaan ku qortay baraha bulshada codbixinta kadib. “Ugu dambeyn, Aqalkii wuxuu yeeshay xoogaa miyir qab ah.”

Trump, oo horey u weeraray asalka Soomaalinimo ee Ilhaan ayaa sidoo kale si adag u dhaleeceeyay Soomaaliya maalintii Khamiista.

“Dalka Ilhan Cumar ee Soomaaliya waxaa hareeyay dowlad dhexe oo aan lahayn awood ay wax ku maamusho, faqri joogto ah, gaajo, argagixisannimo dib usoo cusboonaatay, burcad-badeednimo, dagaallo sokeeye oo tobannaan sano socday, musuq-maasuq, iyo rabshado baahsan,” ayuu madaxweynuhu ku qoray qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social fiidnimadii Khamiista.

Trump wuxuu yiri “70 boqolkiiba dadweynaha waxay ku nool yihiin saboolnimo aad u daran, waxaana jirta cunno yari baahsan. Soomaaliya waxay si joogto ah uga mid tahay dalalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka, waxaana ka mid ah laaluushka, lunsashada hantida, iyo dawlad aan shaqaynayn.”

Kadib Trump wuxuu ku eedeeyay Ilhaan inay guursatay walaalkeed si ay u hesho dhalashada Mareykanka. Ilhaan ayaa muddo dheer beeninaysay eedeymahan.

“Waxaas oo dhan, haddana Ilhaan waxay noo sheegaysaa sida loo maamulo Ameerika! P.S. Sow iyadu ma ahayn tii guursatay walaalkeed si ay u hesho dhalasho??? Waa maxay dadka qashinka ah ee dalkeenna jooga, ee noo sheegaya waxaan samayno, iyo sidaan u samayno,” ayuu yiri Trump.

Dhanka kale, dhowr urur oo Mareykan ah iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ayaa si adag uga jawaabay hadalka Trump, iyagoo ku tilmaamay mid naceyb ku dhisan oo lagu weerarayo qowmiyad gaar ah.

Ilhaan Cumar lafteeda ayaan weli si toos ah uga hadlin hadalladan kasoo yeeray Trump, balse horey ayay uga falcelisay weerarradiisa, iyadoo ku sheegtay inay tahay astaan u taagan halganka muhaajiriinta iyo dadka laga tirada badan yahay ee Mareykanka.

Al-Shabaab oo war ka soo saartay dilkii Caaqil C/llaahi iyo sheegashada Mareykanka

0

Badhan (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa Khamiistii beenisay sheegashada Mareykanka ee ahayd in duqeyn dhanka cirka ah oo dhowaan ka dhacday Waqooyi-Bbari Soomaaliya lagu dilay ganacsade hub u soo iibin jiray kooxda, iyadoo ku eedeysay Washington inay sameyneyso marmarsiinyo been abuur ah oo lagu taageerayo weerarro waxyeelleeya shacabka.

Dhanka kale, odayaal iyo mas’uuliyiin deegaanka ah ayaa ku tilmaamay ninka la dilay inuu yahay Cabdullaahi Cumar Cabdi, oo ahaa odey dhaqameed caan ah, arrintaas oo kicisay bannaanbaxyo ka dhacay gobolka Sanaag.

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa 17-kii September sheegay inuu afar maalmood ka hor fuliyey “duqeyn sax ah” oo ka dhacday meel u dhow magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, taas oo lagu bartilmaameedsaday qof ay ku tilmaameen ganacsade hub u soo gudbiya Al-Shabaab.

Taliska ayaa intaa ku daray in hawlgalkan, oo lala kaashaday dowladda federaalka Soomaaliya, uu ujeedkiisu ahaa in lagu wiiqo awoodda kooxda ee ay ku waxyeeleyn karto danaha Mareykanka iyo Soomaaliya.

AFRICOM ma aysan magacaabin xubinta la sheegay inay beegsadeen, mana aysan soo bandhigin wax caddeyn ah oo lagu taageerayo sheegashadooda, iyagoo ku sababeeyay arrimo la xiriira amniga hawlgalka.

Duqeyntii dhacday September 13 waxay ahayd tii 78-aad ee Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya sannadkan oo keliya, taasoo mar horeba dhaaftay tiradii ugu badnayd ee ahayd 63 duqeymood oo la diiwaan geliyay sannadkii 2019, xilligii uu Donald Trump ahaa madaxweynaha muddo xileedkiisii hore, sida ay sheegtay hay’adda la socota weerarrada cirka (Airwars).

Al-Shabaab oo sheegashada ku tilmaantay ‘mid aan sal lahayn’

War-saxaafadeed kasoo baxay garabkooda warbaahinta Al-Shabaab ee Al-Kataib, ayuu ururka xiriirka la leh Al-Qaacida ku beeniyay warka AFRICOM, isagoo sheegay in ninka la dilay “uusan wax xiriir ah haba yaraatee” la lahayn shabakadooda.

“Mareykanku wuxuu leeyahay taariikh madow oo ku aaddan dilka bareerka ah ee dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed—oo ay ku jiraan culimo la ixtiraamo, haween, iyo carruur—iyagoo ku dhuumanaya sheegashooyin been abuur ah oo ah inay beegsadeen mintidiin,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa tusaale loo soo qaatay duqeyn dhacday sannadkii 2016 meel u dhow Gaalkacyo, taasoo saraakiisha Mareykanku ku sheegeen inay ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, balse dadka deegaanka ay sheegeen in lagu laayay xubno ka tirsanaa maleeshiyo xulufo la ahayd dowladda.

Kooxda ayaa ku eedeysay mas’uuliyiinta Soomaalida inay hawlgallada Mareykanka uga faa’iideystaan sidii ay ku baabi’in lahaayeen cidda siyaasad ahaan kasoo horjeedda, waxayna ku dhaaratay inaysan oggolaan doonin in magacooda loo adeegsado marmarsiiyo lagu weeraro dadka shacabka ah.

Hoggaamiyeyaasha bulshada ee Badhan ayaa iyaguna meesha ka saaray sheegashada Mareykanka, waxayna xaqiijiyeen in qofka dhintay uu ahaa Caaqil Cabdullaahi Cumar Cabdi, oday caan ah oo lagu yiqiinay doorkiisii dhexdhexaadinta ee khilaafaadka beelaha. Goobjoogayaal ayaa sheegay in saddex gantaal lagu dhuftay gaarigiisa isagoo keligiis usii jeeday dhanka Badhan.

“Wuxuu ahaa shakhsi nabadeynta ka shaqeeya, qof isku daya inuu bulshooyinka isku soo dhoweeyo,” ayuu mid ka mid ah odayaasha u sheegay Caasimada Online. “Ma jirto sabab loogu beegsan karo si milateri ah.”

Dilkiisa ayaa kiciyay dibadbaxyo ka dhacay guud ahaan gobolka Sanaag, halkaas oo dadka deggan ay ku eedeeyeen quwadaha shisheeye inay faragelin ku hayaan arrimaha Soomaaliya. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale farta ku fiiqay dalka Imaaraadka Carabta, iyagoo duqeynta la xiriirinaya mucaaradnimada uu Cabdi ka muujiyay heshiis kheyraad oo Abu Dhabi siinaya inay ka faa’iideysato macdanta Sanaag.

Aamusnaanta oo sii hurinaysa kalsooni-darrada

AFRICOM weli si fagaare ah ugama aysan hadlin eedeynta ah in la dilay oday dhaqameed rayid ah. Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku boorriyay Washington inay baarto arrintan oo ay shaaciso haddii uu jiro khasaare soo gaaray dadka rayidka ah.

Khasaaraha shacabka kasoo gaara duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa muddo dheer ahaa isha khilaafka u dhexeeya Washington iyo bulshooyinka Soomaaliyeed. Hay’adaha Human Rights Watch iyo Amnesty International ayaa diiwaan geliyay kiisas markii dambe la qirtay in duqeymahaas lagu dilay dad aan dagaalka ku jirin.

Duqeymaha laga fuliyo gobolka Sanaag waa naadir. Inta badan hawlgallada Mareykanka ee Puntland waxay diiradda saarayeen gobolka Bari, halkaas oo ciidamada Mareykanku ay ka caawiyaan ciidamada amniga ee deegaanka dagaalka ay kula jiraan koox yar oo raacsan Daacish.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in duqeymaha lagu muransan yahay ay halis gelinayaan hadafyada la-dagaallanka argagixisada.

“Mar kasta oo oday la ixtiraamo ama qof rayid ah si qalad ah loo dilo, waxay xoojinaysaa sheekada Al-Shabaab, waxayna fogaynaysaa bulshooyinka deegaanka,” ayuu yiri Cumar Maxamuud, oo ah falanqeeye ka tirsan Xarunta Daraasaadka Xasaradaha Adduunka (International Crisis Group).

 

Heshiiska Sacuudi-Pakistan – Qaxwihii lagu cabbay Qadar iyo kala yaacinta Soomaalida

Weerarkii indha la’aanta iyo argagaxa heer-dowladeed ahaa ee ay Israa’iil ku qaadday Qadar 9-kii September 2025, kana fajiciyay madaxda dunida, wuxuu ahaa mid aanan la gaarin yoolkiisii la sheegay. Sidoo kale waxay hurdo-salal ku ridday dalal Muslimiin ah oo qaatay ama saf ugu jiray “Abraham Accords” oo ah in lala heshiiyo Israa’iil.

Waxaase u baxay dalalka Carbeed, heshiis iska daaye in aysan nabad ku helin karin qasriyadooda, oo ay daris la yihiin “Rogue State”, alyacnii dowlad-shareed aanan ixtiraameyn heshiisyada caalamiga ah iyo nabadda dunida, xattaa cidii kala shaqaysa danahooda. Waayo waxay Israa’iil ku weerartay 72-saac gudahood 5 dal: Suuriya, Lubnaan, Tuniisiya, Yemen iyo Qadar. Ujeedkeeda dhabta ahi waa haymanka iyo katalinta gobolka, balse ma gaari karto, sida uu yiri Professor Stephen Walt, International Relations ee Jaamacadda Harvard.

Shirkii iyo qaxwihii lagu cabbay Qadar

Duullaankaas waxaa ka dhashay in ay 15 September 2025 shir degdeg ah isugu yimaadeen 57 dal ee ku midoobay ururrada Jaamacadda Carabta iyo Organization of Islamic Cooperation (OIC). Shirkaas oo daarnaa sidii looga jawaabi lahaa gardarradii argagaxa ahayd ee lagu qaaday Qadar.

Waxaana goobta laga soo jeediyay hadallo kulkulul oo Qadar u qaboojiyay qalbiga, laakin aanan u noqon karin jawaab u dhow gantaalkii lagu soo tuuray gurigeeda. Waxaa kaloo la isku soo qaaday in lagu midoobi karo Carab-Islamic-Nato, laakin kalsooni ma dhex taal dalalkaas?

Waayo, weli lama haleeli karo sida la isku waafajin karo masaalixda kala socota, haddana wada socota ee dalalka Muslimiinta. Iiraan waxay rabtaa in hal mar la wada cunaqabateeyo Israa’iil, Masar waxay rabtaa mashruuc militari oo ay xarun iyo dallaal u tahay Qaahira, Qadar waxay rabtaa cid sharciyan siin karta maxmiyad-amni, Sacuudi waxay rabtaa noqoshada boqoraddii dhulka barakaysan ee talada laga qaadan lahaa, Turkiga wuxuu rabaa hubkiisa iyo drones-kiisa cid ka iibsata.

Falanqeeyayaasha wargeysyada caalamiga ah waxay ku soo afjareen shirkaas, in aysan Carabi ku yareyn shirar-qabasho, laakin ku yar tahay fulin. Waxaana oran karnaa meeshaas waxaa ka muuqatay soo dhaweyn fiican oo lagu cabbay qaxwe Carbeed fara badan iyo timir macaan, laakin dunidu ma arag wax ka badan canbaareyn, sida lagu yaqaanay wadamada Muslimiinta. Waxaas oo idilna waa shimbirayahow heesa — “symbolism”.

Heshiiska Sacuudi iyo Pakistan – Bilow Islamic-NATO miyaa?

Waxaa la xusaa in boqor-sugaha Maxamed Bin Salmaan (MBS) yahay nin caqli badan oo yaqaan tallaabo-qaadka 1-aad, laakin aanan xisaabin natiijada ka dhalata. Qoraaga Bob Woodward ayaa buugiisa Dagaal «War» ku qoray in MBS ku yiri US-Senator Lindsey Graham: «Uma baahni uranium si aan u sameysto bambo, mid uun ayaan Pakistan ka iibsan!» MBS isagoo taas ka duulaya, haddana arkay waxa ku dhacay Qadar iyo natiijo la’aanta qaxwihii lagu cabbay Dooxa, waxaa ka dhalatay in MBS iyo RW Pakistan Shahbaz Sharif ay Sacuudi iyo Pakistan kala saxiixdaan heshiis is-difaac (Defence Pact), waxaana goob joog ahaa Taliyaha Xoogga Dalka Pakistan Asim Munir, 17 Sept. 2025.

Qodobada heshiiska waxaa ku jira in «gardarro kasta oo lagu sameeyo mid kamid ah labada dal, ay ka dhigan tahay gardarro loo geystay labadaba» — qodobkan oo la mid ah qodobka 5-aad ee dalalka Nato isku difaacaan. Haddaba, ma dhici kartaa in heshiiskani noqdo bilowga abuurista Islamic-Nato oo ay dalalka Muslimiintu mid-mid ugu soo biiraan, isagoo mid walba baadi-goobayo badbaadinta jiritaankiisa?

Markaan ka eegno dhowr dhinac, kuna darno falanqeeyayaasha wargeysyada dunida sida Al-Jazeera, The Washington Post, The New York Times, The Times, The Economist iyo kuwo kale, waxaad is oran kartaa waa suuragal, dhowr sababood awgood:

  • Fekerka Islamic-Nato ma aha mid cusub oo muddo ayaa la hadal hayay, Masar ayaana 2015-kii soo saartay miiska, laakin markii xaaladuhu xasilaanba waa la hilmaami jiray, balse xasuuqa Qaza iyo duullaankii Dooxa, waa xaalad cusub oo ay dunidu gashay.
  • Pakistan maadaama ay tahay dalka keliya Muslimka ah ee haysta nukliyeer, waa dal u soo joogsan kara difaaca Makka & Madiina, haddii dollarka Carabta loogu daro. Walow horey ay Wasiiraddii Arrimaha Dibadda Kenya Aamina Maxamed Jibriil tiri: «Kenya iyo Pakistan waa labo dal oo la nool, haddana u dhiman kansarka musuqmaasuqa»!
  • Turkey oo Nato ku jirta, waxay suuq fiican u helaysaa hub badan oo ay samaysay, horayna dhowr jeer bay bidhaamisay fekerka noocaas, wayna dhici kartaa in ay ku soo biirto.
  • Dareenkii dowladaha Khaliijka waa isbeddelay, waxayna u arkeen isku halleyntii USA in ay tahay dhaan-dabagaale, markii la arkay sida ku dhacday Qadar oo ah xarunta ciidanka US ee ugu weyn mandiqadda, una jirta xuduudda Iiraan 190km.
  • Waxaa suuragal ah in ay Qadar iyo dowladaha Khaliijka ee raadinaya damaanad-amni, iskana caabin karin dulmiga Israa’iil, u arkaan meel ay ukumohooda ku xafidan karaan.
  • Walow is-xagxagashada Sacuudi vs Iiraan, Qadar vs Imaaraad, Turkey vs Masar ay carqalado noqon karaan, haddana xaaladda la galay waxay bidhaamisay in markan ay u muuqato lagama maarmaan in awoodaha la mideeyo, si ugu yaraan loo badbaado.
  • Lubnaan waxay faraha ka qaadi doontaa hub ka dhigistii ay ku samayn lahayd Xisbullah.
  • Xamaas arrinteeda way sii xoogaysan doontaa.

Diirad si saarid – USA, Israa’iil, Hindiya iyo Shiinaha

Dhanka kale, waxaa dhab ahaanta heshiiskan sii xoojinaya kana dhalan kara dhowr arrimood:

  • Maraykanka waxaa calaamad su’aal weyn saaran tahay in ay noqon karaan damiin-amni ee Khaliijka, wuxuuna isku dayi doonaa in uu Sacuudi sasabto oo dib u kasbado.
  • Shiinaha wuxuu u arkaa heshiiskan dabeel-qabow iyo fursad xeeldheer oo uu ku saameyn karo labo dal oo gacansaar la lahaa USA, xagiisana u soo dhoweyn karo.
  • Falanqeeyayaasha Israa’iil waxay ku tilmaameen heshiiskan in ciyaartii isbeddashay, waxayna ka digeen in baaxaddii hanjabaaduhu ballaarteen — game-changer & expanded threat matrix.
  • In Sacuudi la gashay heshiis-difaac Pakistan oo sida Soomaaliya aanan ictiraafsaneyn, wax xiriir ahna la lahayn dowladda Yuhuudda, qadiyadda Falastiinna ula mid tahay tan Kashmiir, waxay diraysaa calaamado ah in heshiiskii Abraham Accords dhimanayo.
  • Duullaan walba oo Israa’iil qaaddo oo Sacuudi agteeda ama dusheeda soo mara, wuxuu daandaansi ku samayn karaa Pakistan oo dhinacna dowlad nukliyeer ah, dhinacna xiriir fiican la leh USA.
  • Israa’iil waxay xoojin doontaa xiriirka iyo heshiisyada ay la leedahay Hindiya.
  • Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya waxay ka tiri heshiiska: «Waxaan daraaseyn doonnaa saameynta ka dhalan karta» (will study the implications).
  • Hindiya waxaa walwal ka haya; Pakistan oo dhabar-difaac u noqota dunida Carabta-Muslimiinta, oo helaysa murqo ay ku jimicsato qadiyadda Kashmiir iyo lacago badan.
  • Heshiiskan Pakistan calankeeda ayuu maalmahan kor u kicin doonaa.
  • Canbaareynta dunida ee Israa’iil way sii labo jibbaarmi doontaa.

Saameynta ay ku leedahay kala yaacinta Soomaalida iyo gunaanad

Inta ay dunidu ku mashquulsan tahay isbahaysiyo, is uruursi iyo heshiisyo-difaac ka dhashay walwalo laga qabo dagaalo waaweyn oo dhici kara, hoggaanka Soomaaliya jooga waxaa u daaran qorshe kale oo ah; in dadkan awal 35 sano kusoo jiray dagaalo sokeeye iyo dowlado iitaal-darran, haddana laga shaqeeyo intii dalka joogtay in ay qaxaan iyagoo lacag darteed loo barakicinayo, intii horay u qaxdayna, iyagoo gunno-visa keliya laga rabo, in lagu yiraahdo «Haddaad haysato passport ajnabi ah, ma tihid Soomaali».

Akhristow, sidee duni hanaankeeda isbeddelaya ula jaanqaadi karaa dal sidaas ah, dadkiisana la sii kala firdhinayo? Amma dunida kale, inta xaaladda Qaza sidaas tahay, Israa’iilna uu madax u yahay Natenyahu oo ah nin kursigiisa la ciyaaraya, oo aaminsan inuu soo celin karo boqortooyadii 3-aad ee Yuhuudda, middii Nabi Suleymaan (cs) kadib, isagoo marba daris dhow iyo mid fogba ku tuurayay dhagxaan-naara, waxaa shaki ku jirin in heshiiska Sacuudi-Pakistan xoog sii yeelan doono, caalamka Islaamkuna isku sii dhawaan doono.

Laakiin Soomaaliya Ilaahay ha u soo saaro cid aanan sii kala daadin ee isku haysa, una sii dhoweysa dunidaas Islaamka ee aanu qayb ka nahay. Haddii kale Soomaalidu waxay noqon xaabada lagu huriyo dabka laga shidayo dunida, Alle kama dhigee, aamiin.

W/Q: Mukhtar Qoransay
– Strategist iyo qorshe-dajiyihii hore ee hay’adda NISA
– Maareeyihii Hore ee Hay’adda Aqoonsiga (DADSOM/NIRA)
– Falanqeeye Juqraafiga-Siyaasadeed (Geopolitics Analyst)
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Sawirro: Magaalada Jigjiga oo si weyn looga dabaal-degay biyo-xireenka Itoobiya

0

Jigjiga (Caasimada Online) –Magaalada Jigjiga ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa maanta si weyn looga xusay biyo-xireenka Abay, kaasi oo dhawaan si rasmi ah loo furay.

Biyo-xireenkan oo marxalado kala duwan soo maray ayaa ugu dambayntii soo dhammaaday, waxaana Soomaalida deegaanka u arkaan guul taariikhi ah oo ay gaartay Itoobiya.

Madaxweynaha Dowlad-deegaanka, Mustafe Cagjar oo khudbad ka jeediyay isu-soo-baxa maanta lagu taageerayay biyo-xireenka Abay, ayaa sheegay in mashruucan uu kor u qaadayo miisaanka Itoobiya.

“Waa dhaamka ugu weyn ee laga hawl-galiyay qaaradda Afrika. Mashruucaasi waxa kale oo uu kor u qaadaya miisaanka Itoobiya ku leedahay Geeska Afrika iyo guud ahaan mandiqadda aan ku noolnahay, isagoo noqon doona xitaa mid u adeegga dalalka jaarka,” ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan si rasmi ah u furtay biyo-xireenkan oo ay ka hirgelisay Wabiga Nile. Munaasabaddaas oo madax kala duwan ka qayb-gashay, ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya oo haatan sii xoojinaya xiriirka Addis Ababa, xilli ay Qaahira la leedahay xiriir diblomaasiyadeed oo wanaagsan.

Masar ayaa muddo dheer ka soo horjeeday biyo-xireenka, sababo la xiriira walaac ay ka qabto inuu yareyn karo saamigeeda biyaha Wabiga Nile.

Qaahira ayaa ku tilmaantay biyo-xireenka oo loo yaqaan “Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya” mid khatar ku ah jiritaankeeda, maadaama dalku uu si buuxda ugu tiirsan yahay Wabiga Nile si uu biyo ugu helo beeraha iyo dadka ka badan 100 milyan.

Si kastaba, biyo-xireenka Itoobiya oo lagu dhisay in ka badan $4 bilyan ayaa noqonaya midkii ugu weynaa ee Itoobiya laga fuliyo, iyadoo la filayo inuu soo saaro tamar koronto oo gaarta guud ahaan Itoobiya iyo dalalka deriska ah.

Mareykanka oo ‘diidmada qayaxan’ ku hor istaagay qaraar lagu xakameynayo Israel

0

New York (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa ka hor istaagay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar ku saabsanaa xabbad-joojin degdeg ah oo laga hirgeliyo magaalada Gaza.

Inkastoo 14 xubnood ay taageereen qaraarka, Washington ayaa adeegsatay awoodda diidmada qayaxan (Veto).

Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay ayaa gacanta u taagtay diidmada, taas oo micnaheedu yahay in la baabi’iyo dadaallada lagu joojin lahaa dagaalka Gaza, xilli dadka rayidka ah ay wajahayaan xaalad aad u adag oo duqeymo joogto ah ay kala kulmayaan Israel.

Qoraal kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in qaraarka Golaha Ammaanka uusan si cad u muujin xaqa Israel ee isdifaaca, isla markaana uusan cambaareynin weerarrada Xamaas. Arrintan ayaa dhalisay dhaliilo xooggan oo loo jeediyay Washington.

Dalal badan oo xubno ka ah Golaha ayaa ku tilmaamay mowqifka Mareykanka mid u gogol xaaraya xad-gudubyada Israel, iyagoo ku nuux-nuuxsaday in aan la indho-tirin karin masiibada bani’aadamnimo ee ka taagan Gaza.

Safiirka Aljeeriya ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dadka reer Gaza ay waayeen nabad iyo cunto, taasna ay sabab u tahay diidmada Mareykanka oo isku muujinaya dhexdhexaadnimo aan dhab ahayn.

Soomaaliya oo ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa caddeysay mowqifkeeda, iyadoo si toos ah u taageertay shacabka Gaza, kuna baaqday nabad, gargaar bani’aadamnimo iyo xasillooni waarta.

Ilhaan oo ka guuleysatay isku day lagu ciqaabayay

Washigton (Caasimada Online) – Aqalka Wakiillada ee Mareykanka ayaa diiday inuu tallaabo ciqaab ah ka qaado mid ka mid ah xubnihiisa, taasoo la xiriirtay hadallo ay jeedisay kaddib dilkii loo geystay Charlie Kirk, balse isku daygaasi wuxuu iftiimiyey saameynta ballaaran ee ololaha Madaxweyne Donald Trump ee aargoosiga siyaasadeed, wuxuuna gogol-xaar u yahay tallaabooyin kale oo soo socda.

Cod bixin natiijadeedu noqotay 214-213 ayaa meesha ka saartay qaraar ay soo gudbisay xildhibaanadda Jamhuuriga ah ee Nancy Mace oo laga soo doorto South Carolina, kaasoo lagu doonayay in lagu cambaareeyo xildhibaanadda Dimoqraadiga ah Ilhaan Cumar oo ka soo gasha Minnesota, isla markaana laga saaro laba guddi oo Aqalka ka tirsan: Guddiga Waxbarashada iyo Shaqaalaha, iyo kan Miisaaniyadda.

Labada xildhibaan ayaa waxaa horey dhex maray dagaal afka ah oo kulul oo ay isku dhaafsadeen baraha bulshada.

Mace waxay sheegtay in Ilhaan, oo dhaleeceysay aragtidii Kirk ee ku aaddanayd lahaanshaha hubka iyo xiriirka dadka isku jinsiga ah kaddib dhimashadii George Floyd ee sanadkii 2020 ka dhacday Minneapolis, in dalkeeda Soomaaliya dib loogu celiyo. Ilhaan waxay ku dhalatay Soomaaliya, waxayna dhalashada Mareykanka qaadatay sanadkii 2000.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in Mace ay waddo sheeko been abuur ah si ay lacag ugu uruuriso “una xoojiso ololaheeda doorashada Guddoomiyaha Gobolka.”

“Ma sidatan ayuu ixtiraamka iyo asluubtu ka noqdeen Aqalka Wakiillada ee ay maamulaan Jamhuuriyiinta?” ayuu su’aalay Hoggaamiyaha Dimoqraadiyiinta, Hakeem Jeffries.

“Waxaan ku noolnahay xilli ay sii kordhayaan rabshadaha siyaasadeed ee ba’an, sida aan ku aragnay dilalkii dhawaan loo geystay Afhayeenaddii Hore ee Aqalka Melissa Hortman iyo aasaasihii Turning Point USA Charlie Kirk,” ayuu yiri, isagoo tixraacaya toogashada sharci-dejiyeyaasha Minnesota.

Dhaxalka saameynta shaqsiyadeed iyo tan siyaasadeed ee Kirk ayaa si weyn ugu baahsan uguna qotodheer Aqalka Congress-ka (Capitol Hill) — Afhayeenka Aqalka Mike Johnson wuxuu ka mid yahay dadka u arka hoggaamiyahan da’da yaraa ee muxaafidka ahaa saaxiib — waxaana, asbuucii ka dambeeyay dilkiisii, loo xusay siyaabo kala duwan, kuwa waaweyn iyo kuwa yaryarba.

Habeenimadii Isniinta waxaa lagu qabtay hoolka taallooyinka ee Capitol-ka (Statuary Hall) munaasabad shumacyo lagu xusayay, waxaana la filayaa in si degdeg ah loo ansixiyo qaraar Aqalku ku maamuusayo. Mid ka mid ah sharci-dejiyeyaasha, Xildhibaanad Anna Paulina Luna, R-Fla., oo qortay in “guusheyda siyaasadeed oo dhan uu sabab u ahaa Charlie Kirk,” ayaa ku baaqeysa in taallo looga dhiso Kirk dhismaha Capitol-ka “si loo maamuuso dhaxalkiisa.”

Isla mar ahaantaana, Jamhuuriyiintu waxay soo bandhigeen hindise-sharciyeedyo isdaba-joog ah oo ka tarjumaya baaqii Trump ee ahaa in tallaabo laga qaado waxa uu ku tilmaamo “bidixda xagjirka ah”—kuwaasoo ah dadka ka soo horjeeda aragtidiisa iyo tan hoggaamiyihii muxaafidka ahaa ee la dilay.

Xildhibaan Chip Roy oo ka socda Texas ayaa soo jeediyay in la dhiso guddi gaar ah oo sameeya “baaritaan buuxa oo ku saabsan shabakadda isku xiran ee bidixda ee na soo weerareysa.”

Senatarka Jamhuuriga ah Ted Cruz oo Texas ka socda ayaa isna horumariyay sharcigiisa ku daraya rabshadaha (rioting) liiska dembiyada lagu soo oogi karo ee hoos yimaada sharciyada la-dagaallanka dambiyada abaabulan (racketeering), halka Senatarka Jamhuuriga ah Mike Lee ee laga soo doorto Utah uu doonayo in Congress-ku uu dib u soo nooleeyo sharci ka soo haray xilligii Dagaalkii Qaboobaa kaasoo “dowladda Mareykanka ka mamnuucaya inay ku lug yeelato dacaayadaha siyaasadeed ee gudaha.” Wuxuuna ugu magac daray Sharciga Charlie Kirk.

Xildhibaan Buddy Carter oo Jamhuuriga ka tirsan kana soo jeeda Georgia, ayaa soo jeediyay qaraar kale oo diiradda saaraya canaan loo jeediyo Ilhaan, halka Mace ay sidoo kale soo jeedisay in Wasaaradda Waxbarashadu ay ka jarto maalgelinta federaalka iskuullada ku guuldareysta “inay tallaabo ka qaadaan shaqaalaha cudurdaarka u raadinaya ama ammaana dilka Charlie Kirk.”

Qaar badan oo ka mid ah dadka soo jeedinaya hindiseyaashan, oo ay ku jiraan Roy, Carter iyo Mace, ayaa dhammaantood u tartamaya xilal ka sarreeya gobolladooda, taasoo muujineysa muhiimadda ay leedahay in fariinta Trump la gaarsiiyo saldhiggooda ballaaran ee cod-bixiyeyaasha iyo taageerayaasha.

“Dilkii Charlie Kirk kaddib, siyaasiyiintu waa inay sameeyaan wax kasta oo ay awoodaan si ay u joojiyaan rabshadaha bidixda xagjirka ah,” ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday qeybta siyaasadda ee Hay’adda Heritage Foundation oo lagu magacaabo Heritage Action, iyagoo ku taageerayay soo jeedinta Roy ee ah in la dhiso guddi cusub oo baara “awoodaha ka dambeeya weerarka bidixda xagjirka ah ee lagu hayo Mareykanka.”

Ma ahan markii ugu horreysay ee Congress-ku uu tallaabo ka qaado Ilhaan Cumar ama xildhibaanno kale.

Sanadkii 2023, Ilhaan Cumar waxaa laga xayuubiyay xubinimadii Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka, wuxuuna Congress-kii hore dejiyay heerar cusub oo ku saabsan bixinta cambaareynta iyo ciqaabaha.

Markan, markii ay Mace soo bandhigtay qaraarkeeda ka dhanka ah Omar, Xildhibaanka Dimoqraadiga ah ee Greg Casar oo ka socda Texas ayaa si degdeg ah uga jawaabay: wuxuu soo gudbiyay hindise liddi ku ah oo lagu canaananayo Xildhibaanka Jamhuuriga ah ee Cory Mills oo ka socda Florida, kaasoo la xiriira eedeymo ku saabsan dhaqankiisa shaqsiyadeed iyo midka xirfadeed.

Mills wuxuu ka mid ahaa afar xildhibaan oo Jamhuuri ah oo kula biiray Dimoqraadiyiinta diidmada qaraarkii ka dhanka ahaa Ilhaan.

Dhawaanahan, Aqalka Wakiillada wuxuu u muuqdaa mid qaboojinaya dadaalladan. Sharci-dejiyeyaashu waxay diideen qaraar lagu cambaareynayay Xildhibaanad LaMonica McIver, D-N.J., lagagana saarayay xubinimada guddi, iyadoo wajahaysa dacwado federaal ah oo ka dhashay booqasho ay ku tagtay xarun lagu hayo dadka soo-galootiga ah.

DF Soomaaliya iyo Jubaland oo howlgal wada jir ah ka fuliyay duleedka Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa duleedka magaalada Kismaayo ka fuliyay howlgal ballaaran oo lagu baarayay miinooyinka lagu aasay waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Jubada Hoose.

Howl-galkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray jidadka isku xira deegaanno kala duwan oo muhiim u ah isu socodka shacabka iyo gaadiidka, kuwaas oo marar badan ay ka dhaceen qaraxyo sababay khasaare kala duwan.

Saraakiisha hogaamineysay howlgalka ayaa tilmaamay in ujeeddadu tahay in laga hortago khataraha ka dhalan kara miinooyinka, maadaama ay hore u dhaceen qaraxyo lagu beegsaday gaadiid ay saarnaayeen dad rayid ah.

Ciidanka Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku dadaalayay in ay fuliyaan hawlgallo wadajir ah iyo kuwo gaar ah, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga gobolka, gaar ahaan waddooyinka ay si joogto ah u adeegsadaan dadka deegaanka.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe amni oo ay wadaan laamaha kala duwan ee ciidanka, kaas oo lagu doonayo in lagu yareeyo halista miinooyinka iyo in shacabka gobolka ay helaan isu socod ammaan ah.

Maalmihii la soo dhaafay, ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Sirdoonka Qaranka ayaa si joogto ah uga waday howlgallo amni xaqiijin ah deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo, iyagoo bartilmaameedsanaya goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Shabaabka.

Howl-galladan ayaa hordhac u ah qorshayaal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga, isla markaana muujinaya go’aanka Jubbaland ee ku aaddan in gebi ahaanba la ciribtiro khatarta Al-Shabaab loona sugo nabadda shacabka.

Waa maxay ujeedka uu Fiqi u joogo Shiinaha? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qeyb-galay furitaanka 12-aad ee Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Beijing Xiangshan Forum.

Shirweynahan oo ah mid caalami ah ayaa waxaa iskugu yimaadeen wasiirada gaashaandhiga iyo ergooyin ka kala socday in ka badan 100 dal.

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu goob joog ka ahaa furitaanka madashaan Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cismaan oo ka qeyb qaadatay kulammada iyo doodaha halkaasi ka dhacay.

Madashan ayaa lagu soo bandhigay dooddo ku saabsan amniga caalamiga ah, iskaashiga milatari, iyo sidii loo wajahilahaa caqabadaha cusub ee nabadda iyo xasilloonida.

Halku-dhigga shirkan ayaa ahaa: “Ilaalinta Nidaamka Caalamiga ah, iyo Dhiirrigelinta Horumarka Nabadgelyada si wadajir ah”.

Waxaa madasha ka soo qeyb-galay in ka badan 1,800 ergo oo isugu jira wasiirro, saraakiil ciidan, khubaro iyo wakiillo ka socda ururo caalami ah.

Ka qeyb-galka Soomaaliya ee heerkan ayaa muujinaya sida dalkeenu si toos ah uga dhex muuqdo wada-hadallada caalamiga ah ee ku saabsan mustaqbalka amniga iyo iskaashiga dalalka dunida.







Ethiopia’s Abiy vows end to ‘geographic prisoner’ status

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed said his country must break free from the “shuttered doors and isolation” he blames for its poverty, dismissing suggestions that the Horn of Africa nation is destined to remain a “geographic prisoner.”

Speaking at the launch of his latest book, Medemer, on Tuesday night, Abiy declared: “If there is any Ethiopian who believes that Ethiopia will forever remain a geographic prisoner, that person is a dead one.”

He added that “it is not wise to assume that a country as large as Ethiopia should be handed to our children while encapsulated,” while insisting that “conflict and war” were not solutions.

Ethiopia has been landlocked since 1993, when Eritrea gained independence, and Abiy has repeatedly argued that maritime isolation has constrained the country’s economic growth. The issue has gained renewed urgency under his administration, as Addis Ababa looks for access to the Red Sea and the Gulf of Aden.

Escalation with Eritrea

His latest comments follow a dramatic escalation earlier this month, when Abiy declared it was “only a matter of time” before Ethiopia regained access to the Red Sea port of Assab. He described Ethiopia’s loss of a coastline three decades ago as a “historic mistake” that would be corrected, framing sea access as a question of national survival.

Eritrea swiftly condemned those remarks, calling them “reckless saber-rattling” and a “disdainful distortion” of history. The pointed exchange has threatened to unravel the fragile 2018 peace accord that ended decades of hostility between the two countries and earned Abiy the Nobel Peace Prize.

In an interview with state broadcaster EBC, Abiy argued that “the Red Sea was part of Ethiopia thirty years ago,” linking the lack of a coastline to what he called persistent “little challenges” for the nation of 120 million people.

Senior officials echoed his message, with State Minister of Finance Eyob Tekalign warning that Ethiopia was “ready to stand strong against anyone who opposes” its national interests. Military officers also described access to Assab as a matter of “historical right” and “national survival,” though they emphasized diplomacy as the preferred path.

Eritrea, however, has rejected those claims outright. Information Minister Yemane Gebremeskel defended the 1993 independence referendum as an “inalienable and exclusive national political prerogative,” dismissing Ethiopia’s historical arguments as “political hogwash.”

Tensions with Somalia 

Ties with Somalia have also been strained following a controversial 2024 memorandum of understanding between Ethiopia and Somaliland, the breakaway region that Mogadishu insists remains under its sovereignty.

The deal, which offered Ethiopia access to the Red Sea in exchange for recognising Somaliland’s independence, provoked a sharp backlash from Somalia’s government and heightened regional instability. Ankara stepped in to mediate, resulting in the Ankara Declaration in December 2024; however, tensions remain unresolved.

Analysts warn that Abiy’s increasingly vocal claims on Eritrean ports, combined with Addis Ababa’s overtures to Somaliland, risk further destabilizing the Horn of Africa, where conflict, climate change, and economic hardship already pose severe challenges.

While Abiy has repeatedly said diplomacy is the way forward, his renewed rhetoric over Red Sea access has left neighbours and international partners bracing for a dangerous new chapter in Ethiopia’s relations with Eritrea and Somalia.

Al-Shabab rejects U.S. claim over strike that killed elder

0

Mogadishu, Somalia – Al-Shabaab on Thursday dismissed U.S. claims that a recent airstrike in northeastern Somalia killed an arms dealer for the militant group, accusing Washington of fabricating justifications for attacks that harm civilians.

Local leaders, meanwhile, identified the victim as Abdullahi Omar Abdi, a prominent clan elder, sparking protests across the Sanaag region.

U.S. Africa Command (AFRICOM) said on September 17 it had carried out a “precision strike” four days earlier near the town of Badhan in Sanaag region, targeting an al-Shabaab weapons supplier.

The command said the operation, conducted in coordination with Somalia’s federal government, aimed to degrade the group’s ability to threaten U.S. and Somali interests.

AFRICOM did not name the alleged militant and has not released evidence to support its claim, citing operational security.

The September 13 strike was the 78th U.S. operation in Somalia so far this year, already surpassing the record 63 airstrikes recorded in 2019 during Donald Trump’s first year as president, according to monitoring group Airwars.

Al-Shabaab calls claims ‘baseless’

In a statement issued by its Al-Kataib media arm, the al-Qaeda affiliate rejected AFRICOM’s account, saying the slain man “had no connection whatsoever” to its network.

“The United States has a dark history of deliberately killing Somali civilians—including respected scholars, women, and children—while hiding behind false claims of targeting militants,” the statement said. It cited a 2016 strike near Galkayo that U.S. officials described as hitting al-Shabaab fighters but which locals said killed members of a government-allied militia.

The group accused Somali officials of exploiting U.S. operations to eliminate political rivals, vowing it would not allow its name to be used as cover for attacks on civilians.

Community leaders in Badhan contradicted U.S. claims, identifying the victim as Abdullahi Omar Abdi, a respected elder known for his mediation work in clan disputes. Witnesses said three missiles struck his car as he drove toward Badhan alone.

“He was a figure of reconciliation, someone who tried to bring communities together,” one elder told Caasimada Online. “There is no reason why he would be militarily targeted.”

His killing triggered demonstrations across Sanaag, where residents accused foreign powers of meddling in Somali affairs. Some protesters also pointed at the United Arab Emirates, linking the strike to Abdi’s opposition to a resource deal that grants Abu Dhabi access to Sanaag’s mineral wealth.

Silence fuels mistrust

AFRICOM has not publicly addressed the allegation that a civilian elder was killed. Rights monitors have urged Washington to investigate and disclose whether civilian harm occurred.

Civilian casualties from U.S. drone strikes in Somalia have long been a source of friction between Washington and Somali communities. Human Rights Watch and Amnesty International have documented cases where strikes were later acknowledged to have killed non-combatants.

Airstrikes in Sanaag are rare. Most U.S. operations in Puntland have focused on the Bari region, where American forces assist local security forces battling a small Islamic State affiliate.

Somalia has faced decades of instability, with al-Shabaab controlling swathes of territory in the south and center despite an African Union peacekeeping mission and U.S. military support. The group, designated a terrorist organization by Washington and the United Nations, routinely carries out bombings and raids against government and international targets.

But disputed airstrikes threaten to undermine counterterrorism objectives, analysts say. “Every time a respected elder or civilian is wrongly killed, it strengthens al-Shabaab’s narrative and alienates local communities,” said Omar Mahmood, an analyst at the International Crisis Group.

For now, the U.S. has not presented evidence to support its claim that aan arms dealer was killed. Until it does, the controversy over who died on a lonely road in Sanaag is likely to deepen Somali mistrust of foreign military operations.

Muxuu yahay hadalka madaxweyne Xasan ka soo yeeray ee qabsaday warbaahinta Itoobiya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Itoobiya ayaa si weyn u tebinaysa hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ku ammaanay Biyo-xireenka Weyn ee Horumarka Itoobiya (GERD), kuna tilmaamay mashruuc isbeddel weyn u horseedi kara Geeska Afrika.

Hadalka Madaxweyne Maxamuud ayaa soo jiidanaya dareenka, mana ahan oo keliya nuxurkiisa darteed, balse sidoo kale saameyntiisa siyaasadeed ee uu leeyahay, marka la eego isbahaysiga sii xoogeysanaya ee Soomaaliya la leedahay Masar—oo ka mid ah dalalka ugu adag ee sida weyn uga soo horjeeda biyo-xireenka GERD.

Wareysi uu dhowaan siiyay telefishinka Al-Arabiya ee fadhigiisu yahay Sacuudi Carabiya, ayuu Madaxweyne Xasan ku qeexay biyo-xireenka GERD inuu yahay mashruuc aasaas ahaan loogu talagalay in lagu dhaliyo koronto. Wuxuu ku sheegay in korontadu ay tahay “mid horumarka aan looga maarmi karin,” isagoo ku dooday in dhinacaas marka laga eego, uu biyo-xireenku yahay “guul.”

Hoggaamiyaha Soomaaliya wuxuu farta ku fiiqay in Itoobiya ay durba koronto u dhoofiso dalalka Kenya, Suudaan, iyo Jabuuti, isagoo biyo-xireenka GERD ku sifeeyay mid ah guul qaran iyo sidoo kale horseed u noqon kara isdhexgalka iyo kobaca dhaqaalaha gobolka.

Biyo-xireenka GERD, oo laga dhisay Webiga Niilka Buluugga ah ee deegaanka Benishangul-Gumuz ee dalka Itoobiya, kuna dhow xudduudda Suudaan, ayaa ah mashruuca koronto-biyoodka ugu weyn qaaradda Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qaybgalay xafladdii furitaanka rasmiga ahayd ee dhacday Sebtembar 9, 2025, isagoo garab taagnaa madax kale oo Afrikaan ah—arrintaas oo warbaahinta Itoobiya ay si weyn u iftiimisay, kuna tilmaantay tallaabo muujineysa taageero ballaaran oo heer qaaradeed ah.

Waxa uu sidoo kale soo dhoweeyay sida ay Itoobiya diyaar ugu tahay inay wada-hadal la gasho waddamada ka walaacsan saameynta biyo-xireenka, isagoo carrabka ku adkeeyay in wada-hadallo wax-ku-ool ah ay xaqiijin karaan in faa’iidooyinka la wadaago oo la xoojiyo iskaashiga gobolka.

Miisaanka ammaanta Madaxweyne Xasan waxaa sii weyneynaya iskaashiga sii dhowaanaya ee Soomaaliya la leedahay Masar, oo si joogto ah uga soo horjeedday biyo-xireenka GERD. Dowladda Qaahira waxay ku adkeysaneysaa in mashruucan uu halis gelinayo sugnaanta biyaha ee dalalka webigu hoos u maro, waxayna muddo dheer dalbaneysay heshiis sharciyad ku dhisan oo ku saabsan sida Itoobiya ay u buuxineyso una maamusho keydka biyaha. Saraakiisha Masar ayaa ka digay in tallaabooyinka kasta oo hal dhinac ah ay khatar gelin karaan sahayda biyaha Niilka oo nolosha dalkooda muhiim u ah.

Xaaladdan marka la eego, in madaxweynaha Soomaaliya uu si fagaare ah ugu yeero biyo-xireenka “guul” waxay muujineysaa aragti aad uga duwan mowqifka Masar. Warbaahinta Itoobiya ayaa si weyn u qaadaa-dhigtay hadalkan, iyagoo taageerada Madaxweyne Maxamuud u soo bandhigay astaan caddeyn u ah in gobolka uu si ballaaran u aqbalay mashruuca.

Dhankooda, mowqifka Soomaaliya wuxuu muujinayaa in xitaa dal xulufo la ah Masar uusan biyo-xireenka u arag mid amni-darro horseedaya, balse uu u arko mid horseed u ah horumar iyo midnimo ka dhalata guud ahaan Geeska Afrika.

Iyadoo buunbuunineysa hadalkiisa, waxay Itoobiya dooneysaa inay ku xoojiso aragtideeda ah in biyo-xireenka GERD uu yahay wax aad uga weyn guul qaran—balse uu yahay guul ay wadaagaan guud ahaan qaaradda Afrika.

Xog: Wafdi ka socda Mareykanka oo ku wajahan Puntland kadib duqeyntii Sanaag

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda Mareykanka ayaa lagu wadaa inay gaaraan magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya Taliyaha cusub ee AFRICOM, General Dagvid Anderson iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, waxaana halkaasi kula kulmi doonaan madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kusoo laabanaya Boosaaso, kadib marka uu dhameysto booqashadiisa, oo u daaran u kuur-galida askar ka tirsan ciidamada Puntland oo ku dhaawacmay hawl-galka Calmiskaad oo halkaasi lagu dabiibayo.

Wafdiga Mareykanka ayaa Madaxweynaha maamulka Puntland kala shiri doona la-dagaallanka kooxaha argagixisada ee Daacish iyo Al-Shabaab, iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Socdaalka la filayo in saraakiisha Mareykanka ku gaaraan Boosaaso ayaa imanaya xilli uu 13-kii bishaan Mareykanka uu duqeyn ka fuliyay gobolka Sanaag, taasoo taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda uu sheegay in lagu beegsaday nin hubka ka iibiya kooxda Al-Shabaab.

Duqeyntan oo xiisad xooggan ay ka dhalatay ayaa lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullahi Cabdi oo kamid ahaa waxgaradka gobolka Sanaag, kaas oo gaarigiisa lagu dhuftay gantaallo, xilli uu kasoo baxay deegaanka Ceelbuh, kuna sii jeeday degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Inkastoo taliska AFRICOM uu sheegay inuu duqeyn ku dilay nin gacan saar la lahaa argagixisada Al-Shabaab, haddana ma shaacin magaca ninka la dilay iyo waxa uu qabanayay xilliga la dilay.

Gaariga caaqilka ayaa lagu dhuftay 3 gantaal, mana jirin cid kale oo la socotay, sida uu xaqiijiyay Cali Cabdullaahi oo la dhashay marxuumka, oo ka waramay sida ay wax u dhaceen.

IRAN oo tijaabisay gantaallo cusub xilli xiisad dagaal laga cabsi qabo

0

Tehran (Caasimada Online) – Iiraan ayaa maanta tijaabisay gantaallo ballistic ah, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo diyaar-garow ah ay ka socdaan saldhigyada milatari ee dalkaasi.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo toddobaadkan guddiga amniga ee Baarlamaanka Midowga Yurub uu sheegay in xiisadda Iiraan iyo Israa’iil ay mar kale ku dhowdahay inay dib uga dhex qaraxdo dagaal hor leh oo ka dheer midkii 12 maalmood socday.

Warbaahinta Ruushka ee RT ayaa ku warrantay in tijaabada gantaallada Iiraan ay socotay muddo ka badan afar saacadood, iyadoo lagu arkayay guutooyin badan oo milatari oo ku sugan koonfurta dalkaas.

Ma cadda weli in gantaaladan ay yihiin kuwo cusub ama ay ku saabsan yihiin tijaabo gantaalladii hore, balse saraakiisha difaaca Iiraan ayaa tilmaamay in lagu guuleystay dhammaan hawlgalka tijaabada.

Dhanka kale, taliyaha guud ee ciidanka Iiraan ayaa dhowaan shaaciyay in dalkiisu soo saaray gantaallo leh awood wax-burburin oo ka sarreysa kuwii ay adeegsadeen dagaalkii Israa’iil, taas oo sii xoojisay walaaca ku saabsan awoodda militari ee Tehraan.

Xukuumadda Israa’iil ayaa arrintan ku tilmaantay “khatar weyn oo ku wajahan amniga gobolka,” iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay qaadaan tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si looga hortago weerar kasta oo Iiraan ka yimaada.

Warbaahinta gudaha Iiraan ayaa xustay in tijaabadan loo arko fariin toos ah oo lagula hadlayo Tel Aviv iyo Washington, iyada oo muujinaysa sida uu dalku ugu diyaarsan yahay dagaal kasta oo lagu soo qaado.

Dhanka kale, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ka digay in xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Israa’iil ay halis ugu jirto inay ka dhalato dagaal ballaaran oo saameeya Bariga Dhexe oo dhan, isaga oo ugu baaqay labada dhinac inay xakameeyaan hadallada kacsan iyo falalka militari.

Daawo: Muungaab oo shaaciyay go’aan cajiib ah oo kor ugu qaaday dakhliga gobolka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa shaaciyay in Dowladda Hoose ee Xamar ay sameysay koror dhaqaale muddadii koobnayd ee uu joogay xafiiska.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay inuu dib-u-habeyn ku sameeyay maamulka gobolka, isla markaana uu meesha ka saaray malaayiin doollar oo si macno-darro ah uga bixi jirtay Dowladda Hoose ee Xamar.

Muungaab ayaa tilmaamay in tallaabooyinkaas ay u horseedeen in gobolka Banaadir uu dhaqaale ahaan isku filnaado, isla markaana muddo saddex bilood ah lagu dhiso waddooyin muhiim ah oo sanado badan la dhaqaajin waayay.

“79 agaasime oo qaarkood magacyadooda haddii la idin sheego fadhiga qosol uga kaceysaan ayaa meesha ku nimid, waxaan kusoo reebnay 34. Waxa nasoo galaya waa la beekhaansanay, waxa naga baxaya halka ay ku baxayaan ayaa hubinay, dakhliguna wuu noo kordhay,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Wuxuu intaas ku daray: “Cayrtii la qaadanayay iyo lacagihii sharci-darrada ku dhisnaa waa joojinay. Dhaqaalaha Dowladda Hoose qaado waa canshuur, waana in lagu bixiyaa meel shacabka wax u taraysa. Cidda aan siinayno waa inay noqoto cid shacabka u adeegaysa.”

Muungaab ayaa sheegay in Dowladda Hoose ee Xamar ay si buuxda u maalgelisay waddooyin dhowr ah oo kamid yihiin waddada Shaqaalaha iyo waddada Dabka, halka uu xusay waddooyin kale oo dhismayaashoodu socdaan, kuwaas oo ay ka taageerayaan saaxiibada caalamka.

“Bishii May iyo April waxay Dowladda Hoose ee Xamar ku sigatay inay mushaarka shaqaalaha iska bixin weyso, laakiin saddexdii bilood ee u dambeysay mushaarkii waa la bixiyay, waxaana bixinay malyuumaadkii ku baxayay waddooyin kamid yihiin shaqaalaha, dabka, soobe iyo via Moscow,” ayuu yiri.

Maamulka cusub ee gobolka Banaadir ayaa dhawaan u dabaal-degay waxqabadka 100 maalmood ee ugu horreeyay, kaasi oo lagu soo bandhigay guulaha Dowladda Hoose ee Xamar iyo waddooyin badan oo xariga laga jaray.

Hoos ka daawo muuqaalka

Sawirro: Kulamo uu wasiir Jaamac ka wado Turkiga oo shaki dhaliyay

0

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan kula yeeshay magaalada Ankara Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga, Ali Yerlikaya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo si gaar ah looga wada-hadlay xoojinta saaxiibtinimada qotada dheer iyo iskaashiga wax ku oolka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhanka dekedaha, gaadiidka badda iyo amniga.

Wasiir Jaamac ayaa carabka ku adkeeyay sida dowladda federaalka Soomaaliya ay u danaynayso in xiriirka labada dal uu noqdo mid miro dhal ah, isagoo xusay in iskaashigan uu muhiim u yahay xoojinta horumarka, amniga iyo danaha wadaagga ah ee labada shacab.

“Waxaan kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Ali Yerlikaya. Inta lagu guda jiray kulankeenna, waxaan ka wada hadalnay in la xoojiyo saaxiibtinimada qotada dheer iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Waxa uu intaas kusii daray: “Waxaan uga mahad-celinaayaa wasiirka soo dhoweyntiisa qiimaha badan ee Soomaaliya iyo Turkiga.”

Kulankan ayaa horey ula kulmay Madaxweynaha Turkiga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi. Jaamac ayaa xiriir dhow la leh Turkiga, waxaana la sheega inuu xiriirka Turkiga uga saameyn badan yahay masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sanadihii uu joogay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo bilooyin kahor laga soo bedelay ayuu Wasiir Jaamac aad ula shaqeyn jiray Turkiga, waxaana la gaarsiiya inuu yahay “masuulka ay Turkidu ugu aaminaada badan yihiin”.

Kulankan ayey Soomaali badan su’aallo ka keeneen, iyadoo dadka qaar ay muujiyeen shaki la xiriira sababta dhabta ah ee ka dambeyn karta kalsoonida intaas le’eg ee Turkiga ku qabo ninkaan.

Madaxweyne Xasan oo ku dhawaaqay dhaqan-galka go’aan culus oo saameynaya…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay dhaqan-galka go’aan si weyn u saameynaya bulshada Soomaaliyeed, kaasi oo shardi ka dhigaya qaadashada kaarka aqoonsiga ee NIRA.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray hay’adaha dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay in aysan u adeegin qof aan wadan kaarka NIRA.

“Cidii u adeegta qof aan waddan kaarka NIRA waxaan u arkaynaa inay wax u fududeysay Khawaarijta waana lala xisaabtamayaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Go’aankan oo dhaqan-galkiisa ay dhowr jeer dib u dhigtay dowladdu ayaa haatan si rasmi ah u dhaqan-galaya, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Tallaabadan ayey dowladdu ku sheegtay mid qayb ka ah dadaal qaran ee lagu doonayo in lagu casriyeeyo maamulka guud, laguna tayeynayo adeegyada bulshada, iyadoo lagu xoojinayo amniga, laguna xaqiijinayo in Soomaali kasta si sax ah loo aqoonsado loona diiwaan-geliyo.

Puntland iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada kale ayaa ka horyimid barnaamijkan ay waddo dowladda dhexe, iyagoo ku eedeeyay Muqdisho inay awoodda isku koobayso iyadoo adeegsanaysa kaabayaasha aqoonsiga.

Dhinacyadan ayaa waxay ku doodeen in NIRA ay ka tallaabsanayso hay’adaha heer gobol ayna wiiqayso nidaamka federaalka.

Loollankan siyaasadeed ee jira, dowladda federaalku waxay ku adkaysanaysaa in barnaamijka aqoonsigu yahay mid aan siyaasad ku dhisnayn oo looga gol leeyahay in lagu casriyeeyo hab-maamulka dalka.

Inkastoo hoggaanka NIRA uu beeniyay eedeymaha sheegaya in nidaamka aqoonsigu uu xiriir la leeyahay doorashooyinka soo socda, haddana ujeedka u weyn ayaa lagu sheegay in la xaqiijiyo in si siman loo helo adeegyada dowladda.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in bilaha soo aadan ay lacag ka dhigto kaarka aqoonsiga qaranka ee ay bixiso hay’adda NIRA, kaas oo haatan lagu xirayo adeegyo badan oo dowli ah.