26.4 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Kiiska gabadhii ka dacwootay Roobow oo weji kale yeeshay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Amaal Garaad oo dhawaan cabasho ay ka qabtay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ku baahisay baraha bulshada taas oo si weyn looga falceliyay.

Xamza ayaa warqadaha ka qabtay Amaal, kadibna wareystay, wuxuuna sheegay inuu la hadlay wasiirka, balse uu ogaaday inay fasax la’aan maqneyd muddo ku dhow sanad, taas oo ay qiratay Amaal oo sheegtay inay tahay shaqaale kumeel gaar ah Nairobina ay aadday.

Intaas kadib Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday inuu jirin dulmiga ay sheegtay in loo gaystay, lagana haboonaa arrinta ay faafisay.

“Qof hal sano maqnaa iyo qof aanan tagin oo sii joogi jiray kee shaqo siin lahayd kan jooga ayaad siin lahayd sow maaha?. Waxaa ii muuqanayo dulmi wayn oo laguu gaystay ma jiro yacni hal sano ayaa maqneyd fasax ma haysanin shaqaale rasmi ah ma ahayn, hadda waa soo noqotay” ayuu ku yiri gabdhan oo uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale, wuxuu uu ballan qaaday in hadda shaqo loo raadinayo, haddii ay noqoto Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ama xafiisyada kale ee dowladda.

“Waxaa kale oo isoo baxay inaa dooneysid inaad shaqo hesho, xaqna waad u leedahay dowladdaada ayaad ku leedahay, taas waa ballan waa kula raadineynaa, waa la hadleynaa wasaaradda, xittaa meel kale haddii ay noqoto”. ayuu mar kale yiri Xamza Cabdi Barre.

Arrintan ayaa dhalisay falcelin xooggan, waxaana dad badan ay siyaabo kala duwan uga hadleen, sida Ra’iisul wasaaraha u wajahay kiiska Amaal Garaad.

Shukri Ibraahin Xasan: “Bilooyin iska maqneyd intuu u tirin lahaa waxaa ka wanagsaneyd 3 sano kumeelgaarkaa ugu shaqeyneyse inuu u xisaabiyo”.

Cabdulqaadir Cali: “Oo hadda cabashadii gabadha ma waxay kuso dhamaatay fashil miyaa war gabadha shaqa siiya?

Axme Cawil Jaamac: “Gabadha haddii aan RW shaqo rasmi ah u amrayn wasaaraddii ay ku meel gaadhka ka ahayd muxuu uga yeedhay?”.

Aadan Jubba: “Si dibacsan oo naxariis leh muu ula hadlo, wuxu waa dumaree?

Imaaraadka Carabta oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Soomaaliya

0

Dubai (Caasimada Online) – Dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa haatan qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Soomaaliya, kadib markii ay soo saartay liis cusub oo ah wadamada laga mamnuucay in muwaadiniintooda la siiyo fiisooyinka gelitaanka dalkaas.

Imaaraadka oo cusboonaysiis ku sameeyay liiska dalalka uu ka mamnuucay in ay helaan dal ku galkiisa, sanadka soo socda ee 2026ka, ayaa Soomaaliya kusoo daray waddamadaasi, sida lagu sheegay bayaan culus kasoo baxay dowladda dalkaasi.

Go’aankan ayaa sidoo kale saameeyay waddamada Afghanistan, Libya, Yemen, Somalia, Lebanon, Bangladesh, Cameroon, Sudan iyo Uganda, sida ku cad bayaanka soo baxay.

Faah-faahin dheeraad ah Imaaraadku kama bixin sababta ka dambeysa tallaabadan, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in go’aankan uu la xiriiro amniga, maadaama xaalado adag iyo rabashado ay ka jiraanqaar ka mid ah waddamada kusoo baxay liiska cusub.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku aadan tallaabada Imaaraadka Carabta oo isla markiiba la dareemay saameynteeda.

In Soomaaliya ay kasoo muuqato liiskan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, maadaama Dubai iyo Muqdisho uu haatan ka dhexeeyo xiriir xooggan oo gaaray heer uu saameeyo siyaasada iyo arrimaha gudaha dalka.

Sidoo kale, Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha Carabta ee caawiya Dowladda Federaalka, isaga ooka taageero milatariga, siyaasaddda iyo dhanka horumarinta.

Si kastaba, Lama oga sida uu go’aankaan u saameyn doono xiriirka labada dal, iyada oo khubarado ay sheegeyaan in tani ay sabab u noqon karto caqabad ku timaada is-dhexgalka labada dal, gaar ahaan dhinacyada la xiriira socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga, intaba.

3 ka mid ah garoomada diyaaradeed ee Yurub ugu weyn oo lagu qaaday weerar…

London (Caasimada Online) – Weerar dhanka internetka ah oo lagu qaaday shirkad bixisa adeegyada hubinta tikidhada iyo nidaamka rakaabka ayaa sababay hakad ku yimid duullimaadyada dhowr garoon oo waaweyn oo Yurub ah, oo uu ku jiro garoonka London ee Heathrow — kan ugu mashquulka badan qaaradda — taasoo keentay dib u dhacyo iyo duullimaadyo la baajiyey Sabtida maanta ah.

Shirkadda Collins Aerospace, oo hababka diiwaangelinta iyo hubinta siisa dhowr shirkadood oo diyaaradeed oo ka hawlgala garoomada caalamka, ayaa wajahaysa cilad farsamo oo dib-u-dhac ku keeni karta rakaabka dhoofaya, sida lagu sheegay war ka soo baxay maamulka garoonka Heathrow, oo horay uga sii digay suurtagalnimada dib-u-dhacyo.

Garoomada diyaaradaha ee Brussels iyo Berlin ayaa sidoo kale uu saameeyay weerarku, sida ay ku sheegeen warbixino kala duwan oo ay soo saareen.

Shirkadda RTX, oo ah shirkadda iska leh Collins Aerospace, ayaa sheegtay inay ka war heshay “carqalad la xiriirta dhanka internetka” oo ku timid barnaamijkeeda software-ka ah ee ay ku isticmaasho garoomo diyaaradeed oo cayiman, balse ma aysan magacaabin garoomadaas.

RTX ayaa sheegtay in cilladdu ay ku koobantahay nidaamka electronic check-in iyo adeegga boorsooyinka, balse lagu maareyn karo hab gacanta lagu hubiyo. “Waxaan si degdeg ah uga shaqeyneynaa xal u helidda arrintan,” ayay shirkaddu ku tiri bayaan email ah.

Weerarku wuxuu hawlgab ka dhigay nidaamyadii otomaatika ahaa, taasoo keentay in kaliya la isticmaalo habka gacanta ee diiwaangelinta iyo soo-gelidda diyaaradda, sida lagu sheegay bogga internetka ee garoonka Brussels, oo intaas ku daray in dhacdadu ay dhacday habeenimadii Jimcaha.

“Tani waxay saameyn weyn ku yeelatay jadwalka duulimaadyada, nasiib-darrose waxay sababi doontaa dib-u-dhacyo iyo baaqashooyin,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Maamulka garoonka ayaa sheegay in ilaa hadda la baajiyay 10 duulimaad, iyadoo celcelis ahaan uu jiro dib-u-dhac hal saac ah oo ku yimid dhammaan duulimaadyada dhoofaya.

Rakaabkii oo xog la’aan lagu daayay

Garoomada ay dhibaatadu saameysay ayaa kula taliyay rakaabka u qorsheysnaa duulimaadyada maalinta Sabtida inay xaqiijiyaan safarkooda inta aysan imaan garoonka, iyagoo la xiriiraya shirkadahooda diyaaradaha.

Tereza Pultarova, oo ah saxafiyad, ayaa la hadashay warbaahinta iyadoo ku sugan gudaha garoonka Heathrow, halkaasoo ay ka raaci lahayd diyaarad 6:30 subaxnimo u socotay Amsterdam si ay halkaas uga sii raacdo duulimaad kale oo ku wajahan Cape Town.

“Nasiib-darro, shirkadda diyaaradaha ee aan la socdo… xafiis adeeg kuma lahan halkan, marka xog la’aan ayaa nalagu daayay,” ayay tiri. “Waxay ahayd jahwareer weyn, waxayna runtii ahayd xaalad niyad-jab ku ah dadka intooda badan ee halkan jooga,” ayay raacisay.

Garoonka Berlin ayaa boggiisa internetka ku sheegay in waqtiga sugitaanka uu ka sii dheeraaday hubinta tikdhada, balse uu ka shaqeynayo xal degdeg ah. Garoonka Frankfurt, oo ah kan ugu weyn Jarmalka, lama saameynin, sida uu sheegay afhayeen.

Garoonka Berlin, qof rakaab ah oo lagu magacaabo Kim Reisen ayaa la daalaa dhacaysay dib-u-dhaca iyo xog la’aanta, waxayna u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters in kaliya loo sheegay inay jirto “cilad farsamo.”

Rakaab kale oo lagu magacaabo Siegfried Schwarz, oo isna ka yimid Berlin, ayaa yiri: “Aniga… waxaan u arkaa wax aan la fahmi karin, in iyadoo maanta la haysto teknoolajiyaddan oo dhan, aysan jirin waddo looga difaaco naftaada wax sidan oo kale ah.”

Shirkadda EasyJet, oo ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee ugu waaweyn Yurub, ayaa sheegtay inay hadda si caadi ah u shaqeyneyso, aysan filayn in dhibaatadu ay saameyn ku yeelan doonto duulimaadyadeeda inta ka dhiman maalinta.

Shirkadaha Ryanair iyo shirkadda IAG, oo ah tan leh British Airways kama aysan jawaabin codsiyo loo diray oo la weydiinayay inay ka hadlaan arrintan.

Shirkadda diyaaradaha Mareykanka ee Delta Air Lines ayaa sheegtay inay filayso saameyn yar oo ku timaada duulimaadyadeeda ka baxaya saddexda garoon ee ay dhibaatadu saameysay, waxayna intaas ku dartay inay hirgelisay xal kale oo lagu yareynayo carqaladda.

Ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya khatar ku wajahan garoomada diyaaradaha ee Poland, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dijitaalka ee dalkaas, Krzysztof Gawkowski.

Wasiirka gaadiidka Britain, Heidi Alexander, ayaa sheegtay inay si joogto ah u helayso warbixinno ku saabsan xaaladda.

Ilhaan Cumar oo jawaab kulul siisay madaxweyne Trump

0

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa si adag ugu jawaabtay Madaxweyne Donald Trump oo dhowaan iyada weerar ku qaaday, sidoo kale u gefay dalka ay kasoo jeedo Soomaaliya.

Ilhaan ayaa shaaca ka qaaday inay ku faaneyso muslinimada iyo Soomaalinimada, sidoo kalena ay ku faraxsan tahay in ay qaadato dhalashada dalka Mareykanka.

“Waan ku faanaa in aan Muslim ahay, waan ku faanaa in aan ka dhashay Soomaaliya, waana ku faanaa in aan ahay Ameerikaan, cidna wax igama baddeli karto” ayay tiri Ilhaan.

Sido kale waxa ay intaasi kusii dartay in aysan jirin cid ka xayuubi karta xubinimadeeda  Xildhibaanimo, iyada oo Trump iyo xulufadiisa ku eedeysay in ay dhinac iska dhigayaan shuruucda dalkaas.

Waxaa kale oo ay hoosta ka xariiqday in marnaba la aqbali karin hadallada kasoo yeeraya Madaxweyne Trump uu u adeegsanayo shaqsiyaddeeda iyo dalka ay kasoo jeedo Soomaaliya, waxa ay si asluubaysan u fartay in uu aqristo nidaamka sharci dejinta oo si qaldan u fahmay.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa Khamiistii lasoo dhaafay si xun u weeraray xildhibaan Ilhaan Cumar iyo Soomaaliya, maalin kadib markii Aqalka Hoose uu fashiliyey qaraar lagu doonayey in lagu canaanto xildhibaanadda Minnesota isla markaana laga saaro guddiyada ay ku jirto.

“Aniga ahaan, waa qof aad u liidata. Waxaan aaminsanahay in ay mudan tahay in xilka laga qaado. Waa qof aad u liidata,” ayuu madaxweynuhu ku yiri weriyeyaasha isagoo saaran diyaaradda Air Force One maalintii Khamiista.

Sidoo kale, Trump oo aflagaadeynaya Soomaaliya ayaa yiri “Haddaba, sidee xaaladoodu tahay? Sidee tahay dawladdoodu? Madaxweyne ma leeyihiin? Gole ma leeyihiin? Wax kale ma leeyihiin? Boolis ma leeyihiin? Waan jeclahay dadkan.”

“Waxay ka yimaadeen meel aan waxba oollin, waxba, maya, waxba, ka dibna waxay noo sheegayaan sida loo maamulo dalkeenna.” “Haddii la cambaareeyo, taasi waa wax weyn, haddii xilka laga qaadana, xitaa way kasii fiican tahay,” ayuu raaciyay.

Hadallada Trump ee ku saabsan Ilhaan, oo ku dhalatay Soomaaliya ka hor inta aysan qoyskeedu imaan Mareykanka sannadihii 1990-meeyadii, ayaa yimid kadib markii Aqalka Wakiillada uu u codeeyay in meesha laga saaro qaraar ay soo gudbisay Xildhibaan Nancy Mace (R-S.C.), kaasoo lagu doonayay in lagu cambaareeyo xildhibaannada Minnesota.

Xildhibaano shaaciyay in la afduubtay baarlamanka kadib tallaabadii uu qaaday Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada la baxay Golaha Samatabixinta oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka haday dib u dhaca ku yimid furitaanka Kalfdhigga 7-aad ee Baarlamaanka, kadib markii ay soo korortay cabsi soo wajahday madaxweyne Xasan Sheekh.

Kalfadhiga Baarlamaanka oo qorshuhu ahaa inuu furmo maanta ayaa baaqday, waxaana lagu wadaa in la furo 29-ka bishan September. Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa loo diray farriin lagu wargelinayo in dib u dhacay furitaanka kalfadhiga.

Intaas kadib qaar kamid ah xildhbaannada, gaar ahaan kuwa la magac baxay Golaha Samatabixinta Qaranka ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu afduuban yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna si cad u diideen inuu sii xirnaado golaha.

“Waxaa ayaan darro ah in si lamid ah Kalfadhiggii 6aad ee ku dhamaaday waxqabad la’aanta kulamadii kalfadhigaasna ay u baaqdeen farogelin kaga imaaneysay guddoonka Baarlamaanka iy laanta fulinta, haddana Kalfadhiga 7aad muddo hal bil ah uu weli u xiran yahay sabab aan maangal ahayn” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen xildhibaannadu.

Sidoo kale, waxa ay guddoonka ku eedeeyay inuu jabiyay dastuurka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka ee horay loogu dhaariyay, isla markaana uu ku milmay xukuumadda.

Golaha Samatabixinta Qaranka ayaa sidoo kale farriin u diray ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo ay u sheegeen in Baarlamaanka ay xireen Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe, sida ay ku shaaciyeen bayaankooda.

“Haddaba xildhibaannada Golaha Samata-Bixinta Qaranku waxay bulshada Soomaaliyed, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo beesha caalamka la wadaagayaan in Baarlamaankii ummadda Soomaaliyeed uu u xiran yahay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo iyo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dib u dhacan ayaa imanaya xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya toos ula hadlay Guddoonka Baarlamaanka, isagoo ka codsaday in dib loo dhigo furitaanka kalfadhiga 7-aad oo maanta furmi lahaa.

Sida uu dhigayo qodobka 90-aad ee Dastuurka KMG ah, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa furaya kalfadhiga Baarlamaanka, taas oo waajib ka dhigaysa ka-qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh, uuna khudbad ka jeediyo furitaanka kalfadhiga.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in culeys madaxweynaha uga imanaya dhanka xildhibaanada mucaaradka uu soo foodsaaray, taas oo laga cabsi qabo inay Firinbi ku yeeriyaan inta ay socoto hadal jeedintiisa. Tan ayaa loo sababeynayaa koror xad dhaaf ah oo ku yimid tirada xildhibaanada mucaaradka ah oo abaabul xooggan waday maalmahan.

Arrimahaan ayaa imanaya xilli uu weli jiro guuxa mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kaas oo ay kordheen mudaneyaasha wada, lagana cabsi qabo in xildhibaanada kulanka koowaadba ay gudoonka ku wareejiyan liiska xubnaha saxiixay mooshinka kalsooni kala noqoshada xukuumadda.

 

Faarax Macallin oo ku baaqay isbaheysi ka kooban afar dal oo ka dhan ah Itoobiya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga mucaaradka ah ee dalka Kenya, Faarax Macallim ayaa ugu baaqay dalalka Eritrea, Soomaaliya, Jabuuti, iyo Sudan inay sameystaan isbahaysi is-difaac oo wadajir ah si ay uga hortagaan wax uu ku tilmaamay “damaca dhul-ballaarsiga” ee Itoobiya, xilli Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu xoojiyay baaqyadiisa ku aaddan helitaanka marin-badeed.

Qoraallo xiriir ah oo uu soo dhigay barta X, ayuu Faarax Macallim ku eedeeyay madaxda Itoobiya inay wadaan “gorgortan kibir ku jiro” oo ku tiirsan “taariikh la been abuuray iyo taageero aan xad lahayn oo reer Galbeedka ah.” Wuxuu ka digay in Abiy uu halis ugu jiro inuu dardargeliyo “burburka” Itoobiya isagoo adeegsanaya “dhul-ballaarsi aan laga fiirsan.”

“Itoobiya waa dal aan bad lahayn, laakiin sidoo kale waxaa sidaas ah Uganda, Rwanda, Burundi, iyo South Sudan,” ayuu yiri Faarax. “Dalalka aan badda lahayn marinno badeed kuma raadiyaan inay dhul qabsadaan. Waa inay deriskooda kala xaajoodaan sidii ay marin u heli lahaayeen.”

Wuxuu dib u xusuustay iska hor’imaadyo taariikhi ah oo gobolka ka dhacay, laga soo bilaabo jabkii Soomaaliya ka soo gaaray dagaalkii Ogaadeeniya ee 1978-kii oo ay la gashay ciidamadii Itoobiya ee uu taageerayay Midowgii Sofiyeeti, ilaa faragelintii Addis Ababa ay ku samaysay Muqdisho sanadkii 2006, taasoo uu sheegay inay ku dhammaatay khasaare culus oo soo gaaray Itoobiya. “Ma jiro hoggaamiye Itoobiyaan ah oo caqli qaba oo weerari doona Soomaaliya,” ayuu yiri.

Digniinta Faarax Macallim ayaa ku soo beegantay xilli Abiy, oo Talaadadii ka hadlayay magaalada Addis Ababa xafladdii daah-furka buuggiisii ugu dambeeyay ee Medemer, uu meesha ka saaray fikradaha sheegaya in Itoobiya loo qaddaray inay ahaato “maxbuus juqraafi ah” oo aan lahayn marin-badeed.

“Haddii uu jiro qof Itoobiyaan ah oo aaminsan in Itoobiya ay weligeed ahaan doonto maxbuus juqraafi, qofkaasi waa qof dhintay,” ayuu yiri, isagoo saboolnimada dalka dusha uga tuuray “albaabbada xiran iyo go’doonka.”

In kasta oo uu carrabka ku adkeeyay in “colaad iyo dagaal” aysan xal ahayn, haddana Abiy wuxuu ku adkeystay “inaysan caqli-gal ahayn in loo qaato in dal baaxadda Itoobiya le’eg carruurteena loogu dhiibo isagoo go’doonsan.”

Horaantii bishan, Abiy wuxuu ku dhawaaqay inay “waqti uun qaadan doonto” inta aysan Itoobiya dib u helin dekedda Assab ee Eritrea ee ku taalla Badda Cas, isagoo ku tilmaamay luminta xeebtii sanadkii 1993-kii “qalad taariikhi ah” oo ay qasab tahay in la saxo.

Eritrea ayaa si degdeg ah u cambaaraysay hadalladaas, iyadoo ku tilmaantay “dagaal-hurin aan laga fiirsan,” waxayna ka digtay inay halis gelinayaan burburinta heshiiskii nabadda ee 2018-kii ee soo afjaray collaaddii tobannaan sano u dhaxaysay labada dal ee deriska ah, kaasoo Abiy ku mutaystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel.

Saraakiil sare oo Itoobiyaan ah ayaa taageeray mowqifka Abiy. Wasiiru-dowlaha Maaliyadda, Eyob Tekalign, ayaa sheegay in Itoobiya ay “diyaar u tahay inay si adag uga hortagto cid kasta oo ka soo horjeesata” danteeda qaran, halka saraakiil ka tirsan millateriga ay marin-badeedka Badda Cas ku tilmaameen arrin ku saleysan “xaq taariikhi ah” iyo “badbaado qaran,” iyagoo hoosta ka xariiqay in diblomaasiyaddu tahay waddada la doorbidayo.

Eritrea ayaa gebi ahaanba iska diiday sheegashooyinka noocaas ah, iyadoo ku doodday in aftidii madaxbannaanida ee 1993-kii ay ahayd go’aan “aan laga noqon karin.”

Xiisado ayaa sidoo kale ka dhashay dhinaca Soomaaliya tan iyo markii ay Addis Ababa heshiis is-afgarad ah oo muran dhaliyay sanadkii 2024 la saxiixatay Somaliland, oo ah gobolka gooni u goosad ah oo ka tirsan Soomaaliya.

Heshiiskaas wuxuu Itoobiya siinayay kiro dhul-badeed ah, beddelkeedana ay ku aqoonsanayso madaxbannaanida Somaliland, taasoo dhalisay falcelin adag oo ka timid dowladda Soomaaliya. Dhexdhexaadin uu Turkigu sameeyay ayaa horseedday Baaqii Ankara bishii Disembar 2024, laakiin xiriirka labada dhinac ayaa weli ah mid cakiran.

Falanqeeyayaashu waxay ka digayaan in hadal-haynta sii kordheysa ee Abiy ee ku aaddan dekedaha Eritrea, oo ay weheliso tallaabooyinka Itoobiya ee dhanka Somaliland, ay halis gelinayaan inay xasilooni-darro ka abuuraan gobol horeyba ula daalaa-dhacayay colaado, dhibaatooyin cimilada la xiriira, iyo dhaqaale xumo.

Trump oo aad ugu caraysan Benjamin Netanyahu kadib arrin uu ku sameeyey

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si hoose u muujiyay xanaaq iyo niyad jab weyn oo uu ka qabo Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu — haddana, diblomaasiyiinta iyo falanqeeyayaashu waxay sheegayaan inuusan awoodin, ama uusan doonayn, inuu saaro cadaadis dhab ah.

“Dhabarka ayuu iga tooganayaa,” ayuu Trump ka yiri Netanyahu, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargayska Wall Street Journal, kaddib duqeymo cirka ah oo Israel ay la beegsatay wada-xaajoodayaal ka tirsan Xamaas oo ku sugnaa dalka Qatar.

Hadalladan ayaa ka soo yeeray Madaxweynaha xilli uu kulan la lahaa la-taliyeyaal sare, oo uu ku jiray Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Marco Rubio, markaas oo uu Trump ogaaday hawlgalka saacado kaddib markii uu bilowday.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo dhowr ah oo uu soo xigtay wargayska WSJ, Trump waxaa si isa soo taraysa uga sii darayay xanaaqa uu ka qabo Netanyahu. In kasta oo ay jireen xaalado badan oo caradiisu ay cirka isku shareertay, haddana waxaa la sheegay in Madaxweynaha Mareykanku uusan awoodin inuu wax saameyn ah ku yeesho Ra’iisul Wasaaraha Israel.

“Maxay tahay sababta uu Trump, oo jecel inuu mar walba isagu gacanta sare yeesho, ugu oggolaanayaa in Netanyahu uu si joogto ah ugu dhaqmo si liddi ku ah rabitaankiisa?” ayuu isweydiiyay wargayska Wall Street Journal.

“Waa arrin wareer ku reebaysa qofka oo aan la fahmi karin,” ayuu yiri Shalom Lipner. Lipner wuxuu la soo shaqeeyay toddobo ra’iisul wasaare oo Israeli ah oo isku xigxigay muddo rubuc qarni ah, haddana wuxuu ka tirsan yahay golaha Atlantic Council, oo ah xarun cilmi-baaris oo fadhigeedu yahay Washington.

“Tallaabooyinka Netanyahu waxay dheereeyeen dagaalka Gaza, waxay dhibaatooyin dhanka xulafada gobolka ah u abuureen Trump, waxayna sidoo kale ballaarinta Heshiisyadii Abraham (Abraham Accords) ka dhigeen mid aad u dhib badan,” ayuu raaciyay Lipner.

In kasta oo ay jiraan hadalladaas kulul ee gaarka ah, haddana ma jirin wax iska-caabbin ah oo si fagaare ah uga yimid dhanka Trump. Wargayska Wall Street Journal wuxuu xusayaa in daacadnimada Trump, oo ay weheliso xiriirka qotoda dheer ee uu Netanyahu la leeyahay xisbiga Jamhuuriga Mareykanka iyo warbaahinta muxaafidka ah, ay sababtay in madaxweynaha Mareykanka ay siyaasad ahaan qaali ku noqoto inuu saaro wax cadaadis ah.

Netanyahu ayaa muddo dheer ku faani jiray awoodda uu u leeyahay inuu saameyn ku yeesho siyaasadda Mareykanka ugana weeciyo dhinaca uu rabo. Muuqaal la helay oo la duubay sannadkii 2001-dii, balse dib u soo shaac baxay 2010-kii, ayaa laga maqlayay isagoo leh: “Anigu waan aqaan waxa uu Mareykanku yahay; Mareykanku waa dal si sahlan loo dhaqaajin karo, looguna jeedin karo jihada saxda ah. Jidka nooma istaagi doonaan.”

Ciidanka DF oo dul tegay meydadkii ugu badnaa oo Al-Shabaab ay ku aaseen…

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen duleedka fog ee degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay dhawaan soo weerareen Al-Shabaab, balse lagu jabiyay dagaal adag oo ka dhacay gudaha degmadaasi.

Howlgalkan ayaa ciidamadu waxa ay ku gaareen deegaanno iyo tuulooyin fog fog oo dhaca miyiga degmada Ceeldheer, halkaas oo ay kusoo arkeen raadadkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab.

Gaashaanle Aadan Maxamed Faarax oo kamid ah saraakiisha kumaandooska Gorgor ee howlgalka sameysay ayaa sheegay inay dul tageen maydad ay Al-Shabaab ku aaseen aagga ay gaareen iyo goobo ay ku daaweysteen dhaawacyadii ay kala soo carareen Ceeldheer.

“Waxaan sameynay howlgal ballaaran oo aan ugu talagalnay qorshayaan ciidanka, kaas oo aan horay loo sii shaacin agagaarada aan soo marnay waxaa daadsan raadadkii cadowga dhaawacyadiisii iyo maydad ay halkan ku aaseen, waxaan kaloo aragnay baraagadihii ay biyaha ka cabeen, annaga oo kaashaneyna dadka deegaanka” ayuu yiri Aadan Maxamed.

Sidoo kale, wuxuu farriin u diray bulshada deegaanka, isaga oo ugu baaqay iny qaataan doorkooda, ayan la shaqeeyeen ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi.

Ujeedka howlgalladan ayaan ah in sare loo sii qaado gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si looga hortago inay soo abaabulaan weeraro kale.

Waxaa kale ood degmada Ceeldheer ku sugan saraakiil sar sare oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Jeneral Sahal Cadbullahi Cumar (Khaalid), kuwaas oo dhiiragelinaya ciidamada jabiyay Khawaarijta ee ku sugan furimaha hoe.

Khasaaraha dhimashada ee Shabaab lagu gaarsiiyay Ceeldheer ayaa illaa 70 xubnood, halka ay dhaawacmeen 50 kale, sida uu horay u shaaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaalkii shalay ka dhacay Ceeldheer.

“Khasaaraha dagaalka kusoo gaaray kooxda Khawaarijta, qiyaastii meydadka hadda la hayo waa soddomeeyo, laakiin waxay qaateen oo la hubaa maydad kale iyo dhaawacyo kale, illaa 60 ayuu gaaraya khasaarahooda dhimashada, dhaawacoodana illaa 50 ayuu kor u dhaafay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Si kastaba, Dowladda Federaalka ayaa mar kale laba jibaartay dagaalka argagixisada, waxaana haatan howlgallo ay ka socdaan HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Ramla Cali

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxmauud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xiddigta Soomaaliyeed ee caalamiga ah Marwo Ramla Cali oo dalkeenna ku matasha ciyaaraha feerka caalamiga ah.

Ramla ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay qasriga Madaxtooyada oo uu ku qaabilay Madaxweyne Xasan oo ay wehlinayeeen wasiirka ciyaaraha iyo wasiir ku xigeenka oo si aad ah uga shaqeeyay soo dhaweynta gabadhan iyo seygeeda oo dalka yimid todobaadkii hore.

Ugu horreyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey doorka iyo dedaalka Ramla Cali, iyadoo ku adkaystay una dhabar adaygtay mataaladda qarankeeda, waxa uuna ku tilmaamay astaan dhiirrigelin iyo midnimo oo ay ku faanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Ramla Cali, isaga oo uga mahadceliyey dadaalkeeda, sumcadda ay dalka u soo hoysay iyo kaalinta ay ku leedahay dhiiri-gelinta ciyaaraha Soomaaliyeed.

Marwo Ramla Cali ayaa sidoo kale shalay kulan ciyaareed ay si buuxda uga qayb-galeen  bahda ciyaaraha Soomaaliya loogu qabtay Muqdisho, halkaas oo ay ciyaar wanaagsan kusoo bandhigeen xiddiga gabdhaha Soomaaliya oo garoonka iska xaadiriyay.

Ramla Cali oo 31 sano jir ah ayaa ah gabar Soomaaliyeed, waxayna noqotay gabadhii ugu horreysay oo Soomaali ah oo abid si xrifadeysan feerka uga keento guul wayn.

Gabadhan ayaa hadda ku nool dalka Ingiriiska, waxana ay hore ugu guuleysatay tartamo badan oo ka dhacay gudaha dalka Ingiriiska iyo dalal kale.

Ramla ayaa sidoo kale qaxooti ahaan u tagtay London iyadoo da’yar jirto, waxayna waqtigaas bilowday barashada xirfadaan.

Abiy oo wacad ku maray inuu Itoobiya ka saarayo ‘xabsiga juqraafi’, una keenayo bad

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dalkiisu uu ka bixi doono “albaabada xiran iyo go’doonka” uu ku eedeeyay saboolnimada, isaga oo meesha ka saaray aragtida sheegaysa in dalka ku yaalla Geeska Afrika uu weligiis ahaan doono “maxbuus juqraafiyeed.”

Isagoo ka hadlayay xafladda daahfurka buuggiisa cusub ee Medemer fiidnimadii Talaadada, Abiy ayaa ku dhawaaqay: “Haddii uu jiro qof Itoobiyaan ah oo aaminsan in Itoobiya weligeed ahaan doonto maxbuus juqraafiyeed, qofkaasi waa mid dhintay.”

Wuxuu intaas ku daray in “aanay xikmad ahayn in dal sida Itoobiya oo kale u weyn lagu wareejiyo carruurteena isagoo weli ku dhex jira go’doon,” balse uu ku adkaystay in “colaad iyo dagaal aanay ahayn xal.”

Itoobiya ayaa xeeb la’aan ahayd tan iyo 1993, markii Eritrea ay madaxbannaani qaadatay, waxaana Abiy marar badan ku dooday in go’doonka badda uu caqabad ku noqday kobaca dhaqaalaha dalka.

Arrintan ayaa mar kale muhiimad weyn yeelatay xilliga maamulkiisa, iyadoo Addis Ababa ay si joogto ah u raadineyso marin badeed ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xiisadda Eritrea

Hadalladiisii ugu dambeeyay ayaa daba socda xiisad weyn oo cirka isku shareertay horraantii bishan, markii uu Abiy ku dhawaaqay inay tahay “arrin waqti uun naga xigo” in Itoobiya ay dib u hesho marinka dekedda Assab ee Badda Cas. Wuxuu ku tilmaamay luminta xeebtii Itoobiya soddon sano ka hor inay ahayd “khalad taariikhi ah” oo la sixi doono, isagoo helitaanka badda u muujiyay arrin ku xiran badqabka qaranka.

Eritrea ayaa si degdeg ah u cambaaraysay hadalladaas, iyadoo ku tilmaantay “dagaal-hurin aan laga fiirsan” iyo “leexin quursi leh” oo lagu sameeyay taariikhda. Is-weydaarsiga hadallada kulul ayaa halis geliyay inuu burburiyo heshiiskii nabadeed ee jilicsanaa ee 2018-kii, kaasoo soo afjaray colaad tobannaan sano soo jirtay oo labada dal u dhaxaysay, kuna muteystay Abiy Abaalmarinta Nabadda ee Nobel.

Waraysi uu siiyay telefishinka dawladda ee EBC, ayuu Abiy ku dooday in “Badda Cas ay ka tirsanayd Itoobiya soddon sano ka hor,” isagoo la’aanta xeebta la xiriiriyay wax uu ugu yeeray “caqabado yaryar” oo joogto ah oo haysta qaranka ka kooban 120-ka milyan ee qof.

Saraakiil sare ayaa ku celiyay farriintiisa, iyadoo Wasiiru Dawlaha Maaliyadda, Eyob Tekalign, uu ka digay in Itoobiya ay “diyaar u tahay inay si adag uga hortagto cid kasta oo ka soo horjeesata” danaha qarankeeda. Saraakiisha ciidanka ayaa sidoo kale ku tilmaamay helitaanka Assab inay tahay arrin “xaq taariikhi ah” iyo “badqab qaran,” inkastoo ay ku nuuxnuuxsadeen in diblomaasiyaddu ay tahay waddada la doorbidayo.

Si kastaba ha ahaatee, Eritrea ayaa gebi ahaanba iska diidday sheegashooyinkaas. Wasiirka Warfaafinta, Yemane Gebremeskel, ayaa difaacay aftidii madaxbannaanida ee 1993-kii, isagoo ku tilmaamay “awood siyaasadeed oo qaran oo aan laga qaadi karin lana wadaagi karin,” wuxuuna meesha ka saaray doodaha taariikheed ee Itoobiya, isagoo ku sifeeyay “hadal siyaasadeed aan sal lahayn.”

Xiisadda Soomaaliya

Xiriirka Soomaaliya ayaa sidoo kale xumaaday kadib heshiis is-afgarad muran dhaliyay oo sannadkii 2024 dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, oo ah gobolka gooni-u-goosadka ah ee Muqdisho ku adkaysanayso inuu weli ka tirsan yahay madax-bannaanideeda.

Heshiiskan, oo Itoobiya siinayay marin ay ku gaarto Badda Cas isagoo beddelkeeda Itoobiya ku aqoonsanaysay madax-bannaanida Somaliland, wuxuu kiciyay carro xooggan oo ka timid dawladda Soomaaliya, wuxuuna sii xumeeyay xasilooni darrida gobolka. Ankara ayaa soo faragelisay si ay u dhex-dhexaadiso, taasoo keentay Baaqii Ankara ee December 2024; si kastaba ha ahaatee, xiisaduhu weli waa taagan yihiin oo lama xallin.

Falanqeeyayaashu waxay ka digayaan in sheegashooyinka Abiy ee codka dheer ee ku aaddan dekedaha Eritrea, oo ay weheliso isusoo dhoweynta Addis Ababa ee Somaliland, ay halis gelinayaan inay sii xumeeyaan xasilooni darrida Geeska Afrika, halkaasoo ay markii horeba ka jiraan caqabado adag oo ay sababeen colaadaha, isbeddelka cimilada, iyo dhibaatooyinka dhaqaale.

In kasta oo Abiy uu si isdaba joog ah u sheegay in diblomaasiyaddu ay tahay waddada xalka, haddana hadalkiisa cusboonaaday ee ku saabsan helitaanka Badda Cas wuxuu keenay in dalalka deriska ah iyo saaxiibbada caalamku ay isku diyaariyaan waji cusub oo halis ah oo ku yimaada xiriirka Itoobiya ay la leedahay Eritrea iyo Soomaaliya.

Xogta kulamo uu weli wasiir Jaamac ka wado dalka Turkiga

0

Istanbul (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo haatan ku sugan dalka Turkiga ayaa kulamo xasaasi ah ka wada gudaha dalkaas, isaga oo maanta Istanbul kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Warshadaha iyo Teknoolajiyadda Turkiga, Mehmet Fatih Kacir.

Labada wasiir ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan hal-abuurka, horumarinta teknoolojiyada casriga ah iyo dhiirrigelinta dhallinyarada.

Wasiir Jaamac oo madasha ka hadlay ayaa boggaadiyey kaalinta muhiimka ah ee dowladda Turkiga ku leedahay qaban-qaabada TEKNOFEST 2025, oo ah bandhigga ugu weyn caalamka ee duulista hawada, dayax-gacmeedyada iyo teknoolajiyada casriga ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in iskaashigan uu gacan ka geysan doono horumarinta kaabeyaasha dekedaha iyo tayeynta adeegyada gaadiidka badda ee Soomaaliya.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya ayaa sidaan oo kale maalin kahor ula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga, Ali Yerlikaya oo ay ka wada-hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta saaxiibtinimada qotada dheer iyo iskaashiga wax ku oolka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhanka dekedaha, gaadiidka badda iyo amniga.

Jaamac ayaa haatan xiriir dhow la leh Turkiga, waxaana la sheegaa inuu xiriirka Turkiga uga saameyn badan yahay mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sanadihii uu joogay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo bilooyin kahor laga soo beddelay ayuu Wasiir Jaamac aad ula shaqeyn jiray Turkiga, waxaana la gaarsiiya inuu yahay “masuulka ay Turkidu ugu aaminaada badan yihiin”.

Si kastaba, ha’ahaatee,Kulamadan ayey Soomaali badan su’aallo ka keeneen, iyadoo dadka qaar ay muujiyeen shaki la xiriira sababta dhabta ah ee ka dambeyn karta kalsoonida intaas le’eg ee Turkiga ku qabo ninkaan.

DENI oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Mareykanka kadib duqeyntii ka dhacday Sanaag

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso kula kulmay wafdi ka socda dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard Riley, kuwaas oo ay qeyb ka ahaayeen taliyaha hawlgalka gaarka ah ee Afrikaa, Major General Claude K. Tudor JR  iyo taliyaha hawlgalka gaarka ah ee Bariga Afrika  Col. Benander.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada, amniga, siyaasadda iyo horumarinta, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahisay Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale, Deni iyo wafdiga uu hoggaaminayay Danjire Richard Riley ayaa isku soo hadal qaaday la dagaallanka Argagixisada, maadaama Mareykanku uu qayb ka yahay dagaalka, isaga oo duqeymo ka fuliya deegaannada Puntland, kuwaas oo lagu beegsado Khawaarijta.

Safiirka Maraykanka oo madasha ka hadlay ayaa ku boggaadiyey Puntland hawlgalada ciribtirka ee ka socda buuraha Calmiskaad, isaga oo soo dhaweeyay guulaha laga gaaray.

Waxaa kale oo jiray kulan gaar ah oo dhex-maray saraakiisha hawlgalka gaarka ah ee Maraykanka ee Afrika iyo saraakiisha Puntland ee hoggaamineyso hawlgalka Hillaac ee ka socda buuraleyda Calmiskaad, kaasi oo diiradda lagu saaray sii wadida dagaalka socda.

Kulankan ayaa kusoo aaday, iyada oo Mareykanka sheegtay duqeyn culus oo todobaadkii hore ka dhacday gobolka Sanaag, taas oo uu sheegay inuu ku beegsaday nin hubka ka iibiya kooxda Al-Shabaab, balse ma shaacin magaca iyo waxa uu qabanayay xilliga la dilay.

Sheegashada Mareykanka ayaa timid iyada oo isla maalintaas la dilay Caaqil Cumar Cabdullahi Cabdi oo kamid ahaa waxgaradka Sanaag, kaas oo gaarigiisa lagu dhuftay gantaal, xilli uu kasoo baxay deegaanka Ceelbuh, kuna sii jeeday degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Si kastaba, Dhacdadan waxay dhalisay isweydiin badan oo ku saabsan sababta gaariga Caaqilka loo bartilmaameedsaday, maadaama walaalkiis oo la hadlay warbaahinta uu sheegay in uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

Puntland oo digniin culus soo saartay kadib xaalad…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo saaray digniin culus oo ku aadan safarka waddooyinka, xili haatan uu billowday Roobka Dayrta.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidanka ilaalada waddooyinka ee Puntland, waxaa si gaar ah digniintan loogu diray gaadiidleyda iyo dadka safarreyda ah oo loogu baaqay inay taxadar muujiyaan.

Taliska ayaa ka digay meelaha ay ku yaallaan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka hoostooda, maadaama biyaha roobku halis ku yihiin darawallada, rakaabka iyo hantida.

Sidoo kale waxaa farriin loo diray dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa ku dhaqan meelaha u dhow biyo mareennada iyo togagga, iyada oo la faray inay ka fogaadaan goobahaasi.

“Shacabka waxaa lagu boorinayaa in darawalladu ka taxadaraan ka gudubka togagga iyo buundooyinka ay biyuhu ka buuxaan. In dadka degan meelaha ku dhow togagga iyo biyo-mareennada ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, isla markaana ilaaliyaan waayeelka, carruurta iyo xoolaha.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo farriin loo diray ciidamada, gaar ahaan kuwa booliska iyo maamullada degmooyinka oo laga dalbaday inay qaataan kaalintooda, si ay tallaabo u qaadaan haddii xaalad la dareemo, iyada oo heegan la gelinayo gaadiidka gurmadka deg-degga ah.

Puntland ayaa waxaa kusoo noq-noqda dabeylaha, iyada oo inta badan waxyeello ay soo gaarto dadka shacaka ee ku dhaqan dhulka xeebaha iyo kuwa u dhow biyo fariisadka.

Muungaab oo xalay qaaday tallaabo bogaadin mudan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xalay sameeyay kormeer shaqo, isagoo cagta soo marayay cirifyada caasimada, halkaas oo ay ku tegay booqasho.

Koormeerkan oo loogu kuurgalayay xaaladda amniga ayaa waxaa guddoomiyaha ku wehlinayay Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi), iyo Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ee Gobolka Banaadir, Liibaan Cabdiraxmaan Aadan, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Meelaha uu booqday Muungaab waxaa kamid ah degmada Cabdicasiis goobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Cali Kamiin, Baar Ubax, Balaagsii, Warshadaha, Ekis-Kontarool Balcad, isaga oo ugu dambayn ku soo gunaanaday Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

“Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa kormeer ballaaran ku sameeyay qaybo muhiim ah oo ka tirsan caasimadda, isagoo u kuurgalay xaaladda amniga iyo adeegyada bulshada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska duqa magaalada Muqdisho.

Muungaab oo hadal siiyay warbaahinta ayaa ciidamada ammaanka ku boggaadiyay sugidda amniga iyo sida ay u ugu taagan yihiin inay mar walba u shaqeeyaan shacabkooda.

Sidoo kale waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay joogteynta kormeerka iyo la-socodka xaaladda amniga, isagoo hoosta ka xarriiqay in maamulka gobolka iyo hay’adaha amniga ay ka go’an tahay in la xaqiijiyo nabadgelyada caasimadda.

Waxaa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinka lagu xoojinayo amniga caasimadda ay sii socon doonaan, iyadoo kormeeradan iyo dhexgalka shacabka ay qayb ka yihiin qorshaha lagu xoojinayo xiriirka bulshada iyo hay’adaha dowladeed.

Magaalada Muqdisho ayaa hadda nabad ah, waxaana guuleystay qorshihii ay la timid Dowladda Federaalka ee ku aadan xasilinta caasimada oo hadda ka caagan dilalkii iyo qaraxyadii joogtada ah ee ay horay uga gaysan jireen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Farah Maalim urges 4-nation alliance to counter Ethiopia

NAIROBI, Kenya – Kenyan opposition politician Farah Maalim has urged Eritrea, Somalia, Djibouti, and Sudan to form a mutual defence pact to counter what he described as Ethiopia’s “expansionist ambitions,” as Prime Minister Abiy Ahmed stepped up calls for maritime access that have rattled the Horn of Africa.

In a series of posts on X, formerly Twitter, Maalim accused Ethiopian leaders of pursuing “arrogant adventurism” underpinned by “fake history and unfettered Western support.” He warned that Abiy risked accelerating the “disintegration” of Ethiopia through “careless expansionism.”

“Ethiopia is landlocked, but so are Uganda, Rwanda, Burundi, and South Sudan,” Maalim wrote. “Landlocked countries don’t seek outlets to the sea by territorial acquisition. Negotiate with neighbours for outlets.”

He recalled historic clashes in the region, from Somalia’s 1978 defeat in the Ogaden war against Soviet-backed Ethiopian forces to Addis Ababa’s 2006 intervention in Mogadishu, which he said ended with heavy Ethiopian losses. “No Ethiopian leader in his right mind will attack Somalia,” he declared.

Maalim’s warning came as Abiy, speaking in Addis Ababa on Tuesday at the launch of his latest book Medemer, dismissed suggestions that Ethiopia was destined to remain a “geographic prisoner” without sea access.

“If there is any Ethiopian who believes that Ethiopia will forever remain a geographic prisoner, that person is a dead one,” he said, blaming “shuttered doors and isolation” for the country’s poverty.

While stressing that “conflict and war” were not solutions, Abiy insisted it was “not wise to assume that a country as large as Ethiopia should be handed to our children while encapsulated.”

Earlier this month, Abiy declared it was “only a matter of time” before Ethiopia regained access to Eritrea’s Red Sea port of Assab, describing the loss of a coastline in 1993 as a “historic mistake” that must be corrected.

Eritrea swiftly condemned the remarks as “reckless saber-rattling,” warning that they threatened to unravel the 2018 peace accord that ended decades of hostility between the two neighbours and earned Abiy the Nobel Peace Prize.

Senior Ethiopian officials have backed Abiy’s position. State Minister of Finance Eyob Tekalign stated that Ethiopia was “ready to stand strong against anyone who opposes” its national interests, while military officers described Red Sea access as a matter of “historical right” and “national survival,” emphasizing diplomacy as the preferred path.

Eritrea has rejected such claims outright, defending the 1993 independence referendum as an “inalienable” decision.

Tensions have also flared with Somalia since Addis Ababa signed a controversial 2024 memorandum of understanding with Somaliland, the breakaway region that Mogadishu insists remains part of its territory.

The deal offered Ethiopia a lease on coastal land in exchange for recognising Somaliland’s independence, prompting a sharp backlash from Somalia’s government. Turkish mediation led to the Ankara Declaration in December 2024, but relations remain strained.

Analysts warn that Abiy’s increasingly vocal rhetoric on Eritrean ports, combined with Ethiopia’s overtures to Somaliland, risks destabilising a region already beset by conflict, climate shocks, and economic hardship.

DF oo baareysa sida ay 10 milyan oo qof ku qaateen baasaboorka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baasaboorka Soomaaliya ayaa haatan waxaa haysata in ka badan 10 milyan oo qof, sida uu shaaciyay Madaxweynaha Soomaaliya. Dadkan ayay dowladdu ku bilaabi doonta baaris, iyadoo la waafajin doono hanaanka cusub ee dhawaan la dhaqan-geliyay

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadkaan aan la ogayn qaabkii ay u heleen baasaboorka, sidaas darteedna ay dowladdu saxayso habka baasaboorada lagu bixiyo.

Madaxweynaha ayaa dhawaan ku dhawaaqay dhaqan-galka qaadashada kaarka aqoonsiga ee NIRA, iyadoo la faray hay’adaha dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay in aysan u adeegin qof aan wadan kaarka NIRA.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa hadda kadib aqoonsiga qaranka ku xiri doonta qofka doonayo inuu qaato baasaboorka Soomaaliga, taas oo qeyb ka ah dib u habeynta hanaanka qaadashada baasaboorka iyo sugnaanshaha xogta.

“Hay’ad dowladeed ama ganacsi, qofkii fududeeya in aanu dhaqan-galin kaarka aqoonsiga qaranka, ha ogaado waa dambiile qaran. Argagixisada ayuu waddo u fududeeyay, tuugada ayuu waddo u fududeeyay, ajaanib sharci darro ku jooga dalka ayuu u sahlay joogitaankooda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Go’aankan oo dhaqan-galkiisa ay dhowr jeer dib u dhigtay dowladdu ayaa haatan si rasmi ah u dhaqan-galaya, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Tallaabadan ayey dowladdu ku sheegtay mid qayb ka ah dadaal qaran ee lagu doonayo in lagu casriyeeyo maamulka guud, laguna tayeynayo adeegyada bulshada, iyadoo lagu xoojinayo amniga, laguna xaqiijinayo in Soomaali kasta si sax ah loo aqoonsado loona diiwaan-geliyo.

Puntland iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada kale ayaa ka horyimid barnaamijkan ay waddo dowladda dhexe, iyagoo ku eedeeyay Muqdisho inay awoodda isku koobayso iyadoo adeegsanaysa kaabayaasha aqoonsiga.

Dhinacyadan ayaa waxay ku doodeen in NIRA ay ka tallaabsanayso hay’adaha heer gobol ayna wiiqayso nidaamka federaalka.

Loollankan siyaasadeed ee jira, dowladda federaalku waxay ku adkaysanaysaa in barnaamijka aqoonsigu yahay mid aan siyaasad ku dhisnayn oo looga gol leeyahay in lagu casriyeeyo hab-maamulka dalka.

Inkastoo hoggaanka NIRA uu beeniyay eedeymaha sheegaya in nidaamka aqoonsigu uu xiriir la leeyahay doorashooyinka soo socda, haddana ujeedka u weyn ayaa lagu sheegay in la xaqiijiyo in si siman loo helo adeegyada dowladda.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in bilaha soo aadan ay lacag ka dhigto kaarka aqoonsiga qaranka ee ay bixiso hay’adda NIRA, kaas oo haatan lagu xirayo adeegyo badan oo dowli ah.

Wasiir Fiqi oo maanta dhigay taariikh cusub + Sawirro

0

Beijing (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Beijing kulan taariikhi ah kula yeeshay Wasiirka Difaaca Jamhuuriyadda Dallka Shiinaha, Admiral Dong Jun, xilli uu ka qayb-galay Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Xiangshan.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee heer wasiir dhexmara labada dal muddo ku dhow 40 sano, taas oo calaamad u ah bog cusub oo ku saabsan xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiir Fiqi ayaa kulanka uag waramay horumarka muuqda ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo difaaca, dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kocoaha argagixisada.

Sidoo kale wuxuu xusay in ciidamada Soomaaliyeed ay xoreeyeen dhul badan oo ay hore ugu sugnaayeen kooxaha argagixisada, isla markaana lagu tallaabsaday xasillinta deegaanno muhiim ah oo dalka ka mid ah.

Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun ayaa bogaadiyay horumarka iyo jihada wanaagsan ee ay Soomaaliya ku socoto, isagoo ku tilmaamay “tallaabo rajo iyo xasillooni horseedaysa” dadaallada socda ee dib-u-dhiska amniga iyo adkeynta hay’adaha difaaca.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta, iyada oo diiradda la saarayo xasilloonida gobolka, la-dagaallanka argagixisada, taageerada howl-galka AUSSOM.

Sidoo kale waxay isla qaateen muhiimadda tayaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo nabad iyo amni waara oo ka hirgala Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

DF oo shaacisay in horumar wayn laga sameeyay sahminta shidaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo barnaamijka qodista shidaalka ee dalka, isagoo xusay in dowladdu ay dejisay siyaasad cad oo ku aaddan arrintan.

Wareysi uu siiyay warbaahinta qaranka ayuu Wasiirku ku sheegay in nidaamka lagu wajahayo qodista shidaalka uu ku saleysan yahay shuruuc iyo heshiisyo rasmi ah oo Soomaaliya iyo Turkiga ay wada gaareen, isla markaana aysan jirin khasaare dowladda uga imaanaya howlaha socda.

Sidoo kale, Wasiir Daahir ayaa sheegay in la soo geba-gebeeyay wajigii ugu horreeyay ee sahminta shidaalka, taas oo lagu sameeyay dhul ballaaran oo badda ku yaal, kuna fidsan masaafo dhan 4,460.

“Waxaan horumar weyn ka sameynay sahminta shidaalka dalka oo aan bilaha soo socda si rasmi ah u soo bandhigi doono natiijada laga gaaray,” ayuu yiri Wasiirka Daahir Shire Maxamed.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu caddeeyay in dhowrka bilood ee soo socda lagu dhawaaqi doono natiijooyinka rasmiga ah ee sahminta, ayna bilaaban doonto marxaladda soo saarista shidaalka.

Wasiirku wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doono war farxad leh oo la xiriira guulaha laga gaaray dadaallada muddada dheer socday ee sahminta shidaalka.

Ugu dambeyntiina, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ayaa carrabka ku adkeeyay in qodista shidaalka ay u horseedi doonto faa’iido weyn shacabka, isaga oo bulshada ugu baaqay in aysan aaminin warar marin-habaabin ah oo caqabad ku noqon kara horumarka dalka.

Natiijada baaritaanka shidaalka ayaa la filayaa inay wax weyn ka beddesho xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashiga Turkiga, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu hore ugu tilmaamay “guul taariikhi ah.”

“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in khayraadka looga faa’iidaysan doono si hufan, cadaalad ah, waxtarna u leh koboca dhaqaalaha dalka iyo bararaha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed.

Tan ayaa qayb ka ah dadaalka dowladda ee lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka, iyadoo loo marayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodanka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaas oo dabooli kara duruufaha ka jira dalka.

DF oo kulan xasaasi ah la yeelatay Ted Cruz xilli uu riixayo aqoonsi la siiyo Somaliland

0

Washington (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa la kulmay Senatarka Mareykanka ee Ted Cruz, si ay uga wada hadlaan la-dagaallanka argagixisada iyo xasiloonida gobolka, xilli uu Senatarkan Jamhuuriga ah ee Texas uu Washington ku cadaadinayo inay aqoonsato madaxbannaanida Somaliland.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ayuu Cali Balcad ku sheegay inuu “uga mahadcelinayo” Cruz kulanka, isagoo hoosta ka xarriiqay “doorka muhiimka ah ee Soomaaliya ay ka qaadato la-dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga Geeska Afrika.”

Wuxuu adkeeyay in taageerada joogtada ah ee Mareykanka ay fure u tahay sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana loo sugi lahaa amniga marinnada ganacsiga ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

“Aan xoojinno iskaashigeenna si aan u gaarno Soomaaliya xasiloon oo barwaaqo ah,” ayuu qoray Cali Balcad.

Si kastaba ha ahaatee, Cali Balcad ma uusan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan waxyaabihii ay ka wada hadleen, kumana uusan xusin in la soo hadal qaaday baaqyadii Cruz ee ahaa in Mareykanku uu aqoonsado Somaliland.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli uu Cruz 14-kii August warqad u qoray Madaxweyne Donald Trump, taasoo uu kaga dalbanayay inuu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland. Cruz wuxuu ammaanay geeddi-socodka dimoqraadiyadda ee Somaliland, isagoo soo xigtay doorashooyin dhowr ah oo si nabad ah uga dhacay iyo goobta istiraatiijiga ah ee ay kaga taallo Gacanka Cadmeed.

Wuxuu ku dooday in Somaliland ay noqon karto saaxiib dhanka amniga ah oo muhiim u ah Washington, oo ay ka mid tahay inay martigelin karto saldhig militari oo Mareykanku ku yeesho meel u dhow marinka Bab el-Mandeb—oo ah marin halbowle u ah maraakiibta caalamiga ah iyo isku-gudbinta tamarta.

Cruz wuxuu sidoo kale Shiinaha ku eedeeyay inuu taageerayo Muqdisho si loo wiiqo Somaliland, isagoo farta ku fiiqay doorka ay Beijing ku lahayd go’aankii Soomaaliya ay dadka sita baasaboorka Taiwan uga mamnuucday inay galaan Somaliland.

Dowladda Mareykanka, oo raacsan mowqifka Midowga Afrika, waxay si rasmi ah u aqoonsan tahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, mana siiso aqoonsi rasmi ah Somaliland, oo madax-bannaanideeda ku dhawaaqday sanadkii 1991.

Kulanka tooska ah ee uu la yeeshay Cali Balcad, wuxuu Cruz ku muujiyay inuu u furan yahay aragtida Soomaaliya, xitaa isagoo weli Washington ka wada olole uu ku taageerayo Somaliland.

Dhanka Muqdisho, wadahadalladan waxay fursad u siiyeen inay hoosta ka xarriiqdo doorkeeda ah inay tahay saaxiibka udub-dhexaadka u ah la-dagaallanka argagixisada.

Muqdisho waxay u aragtaa dhaqdhaqaaqyada uu wado Cruz inay yihiin kuwo liddi ku ah madaxbannaanideeda, gaar ahaan xilli ay Soomaaliya doonayso taageero caalami ah oo ballaaran si ay ula dagaallanto Al-Shabaab.

Kooxdan waxay weli waddaa weeraro dhimasho badan dhaliya oo ay ka geysato gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed, kuwaasoo aan khatar ku ahayn oo keliya xasiloonida Soomaaliya, balse sidoo kale amniga guud ee gobolka.

Dowladda Mareykanka, oo la mowqif ah Midowga Afrika, waxay si rasmi ah u aqoonsan tahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya. In kasta oo ay Washington kala shaqeyso Somaliland arrimaha horumarinta iyo iskaashiga amniga, haddana waxay ka gaabsatay inay siiso aqoonsi rasmi ah.

 

 

Somalia meets Ted Cruz amid Somaliland recognition push

0

WASHINGTON, USA — Somalia’s Minister of State for Foreign Affairs, Ali Omar (widely known as Ali Balcad), has met with US Senator Ted Cruz to discuss counterterrorism and regional stability, at a time when the Texas Republican is pushing Washington to recognize Somaliland’s independence.

In a post on X (formerly Twitter), Omar said he was “grateful” to Cruz for the meeting, emphasizing Somalia’s “pivotal role in countering terrorism & securing the Horn of Africa.” He stressed that continued US backing is vital to defeating Al-Shabaab and ISIS, while safeguarding maritime trade routes through the Red Sea and Gulf of Aden.

“Let’s strengthen our partnership for a stable, prosperous Somalia,” Omar wrote.

However, Omar did not provide further details of the conversation or indicate whether the talks touched on Cruz’s recent calls for the United States to recognize Somaliland, a breakaway territory that declared independence in 1991.

The meeting comes against the backdrop of Cruz’s August 14 letter urging President Donald Trump to recognize Somaliland as an independent nation formally. Cruz praised the breakaway territory’s democratic credentials, citing multiple peaceful elections and its strategic location along the Gulf of Aden.

He argued that Somaliland could serve as a key security partner for Washington, including as a potential host for a US military presence near the Bab el-Mandeb Strait — a vital chokepoint for global shipping and energy flows.

Cruz also accused China of backing Mogadishu to undercut Somaliland, pointing to Beijing’s role in Somalia’s decision earlier this year to bar Taiwanese passport holders from entering Somaliland.

The United States, in line with the African Union, officially recognizes Somalia’s territorial integrity and does not extend formal recognition to Somaliland, which declared independence in 1991.

By engaging directly with Omar, Cruz signaled openness to Somalia’s perspective, even as he continues to advocate for Somaliland in Washington. For Mogadishu, the talks provided an opportunity to underline its role as a central partner in counterterrorism and to reaffirm its sovereignty claims over Somaliland.

Somalia’s federal government has consistently rejected Somaliland’s bid for international recognition, insisting that the country must remain united within its internationally recognized borders.

Mogadishu views overtures such as Cruz’s as challenges to its sovereignty, especially at a time when Somalia is seeking greater international support to fight Al-Shabaab. The insurgent group continues to wage a deadly insurgency across central and southern regions, posing threats not only to Somalia’s stability but also to wider regional security.

The United States, in line with the African Union, officially recognizes Somalia’s territorial integrity. While Washington engages with Somaliland on development and security cooperation, it has stopped short of granting formal recognition.