26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Kadib safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Mareykanka saddex arrin oo soo ifbaxay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hor inta uusan haatan u safrin dalka Mareykanka kasoo laabtay dalka Itoobiya oo uga qeyb-galay munaasabadda furitaanka biyo-xireenka Itoobiya wabiga Nile-ka, kaasi oo xukuumadda Abiy ay dhameystirtay buuxintiisa.

Inkasta oo Madaxweyne Xasan muujiyay niyad wanaag iyo is-afgarad uu la leeyahay Itoobiya, haddana damaca Itoobiya ee ku aaddan inay hesho marin badeed wuxuu sii xoogeysanayaa maalinba maalinta ka dambeysa.

Waxaa jirta cabsi isa soo taraysa oo ku saabsan in Itoobiya isku daydo inay ku fiddo biyaha Soomaaliya ama Eritrea, kadib hadallada qalafsan ee kasoo yeeraya madaxda iyo saraakiisha Itoobiyaanka.

Haddii ay taasi dhacdo, waxay ku soo beegmi doontaa xilli Soomaaliya ay lumisay isbahaysigii saddex geesoodka ahaa ee horay uga hor yimid damacaas, kaasi oo ay ku mideysnaayeen Masar, Eritrea iyo Soomaaliya.

Wada-hadallada Jubbaland ‘oo sii adkaanaya’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii ula heshiin lahaa Jubbaland, oo ay xiisad siyaasadeed kala dhaxeyso, isagoo dhawaan shaaciyay inay heshiis gaarayaan ka hor doorashada.

Dadaallada lagu wada hadashiinayo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo ay garwadeen ka tahay Kenya ayaa weli sameyn horumar muuqda, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in uu baaqday kulan la qorsheynayay in ay yeeshaan labada mas’uul ka hor safarka Xasan Sheekh ee Mareykanka, halkaasi oo uga qeyb-galayo shirka Qaramada Midoobay.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu dib uga joogsaday kulan toos ah oo si dhaqso leh u dhexmara Xasan Sheekh, xilli uu mucaaradka ka dhageystay tallooyin la xiriira wada-hadallada dowladda dhexe, uuna ka baaqsaday kulankaasi.

Villa Somalia ayaa loo arkaa mid doonaysa in kulanka u adeegsato muuqaal siyaasadeed oo lagu tuso caalamka in khilaaf siyaasadeed oo baaxad leh uusan dalka ka jirin. Mucaaradka ayaa horey ugu eedeeyay Madaxweynaha in aysan dhab ka aheyn wada-hadalladii uu hore ula qaatay Xasan Sheekh, taas oo ku yimid cadaadiska beesha caalamka.

Sidoo kale, waxaa soo baxaya shakiga in dhawaaqa wada-hadallada dowladda dhexe iyo Jubbaland lagu abuurayo shaki u dhaxeeya Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, kuwaas oo dhawaan heshiis gaaray kadib khilaaf muddo dheer ka dhex aloosnaa.

Dhanka mucaaradka, Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo iyadu u muuqata mid ka sastay garabkii mucaaradka ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh kala go’ay ayaa si buuxda uga hortagaysa kulanka.

Masar oo weli u aragta Soomaaliya goob istiraatiiji ah

Kadib ka qeyb-galka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ee furitaanka biyo-xireenka Wabiga Nile-ka, dowladda Masar ayaa muujisay muhiimadda istaraatiiji ee Soomaaliya u leedahay. Masar ayaa sii wada dhameystirka qorshaha ciidamada ku keenayso dalka, iyadoo dadaallada socda uusan isbeddelin ku keenin tallaabooyinkii u dambeeyay ee hoggaanka dowladda.

Wargeyska ugu weyn ee dowladda taageersan, Al-Ahraam ayaa qoray in Masaaridu ay Soomaaliya u aragto goob muhiim ah oo culays laga saari karo Itoobiya.

Sidoo kale waxaa intaas dheer in wargeysku xusay in xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal uu dhiirri-gelinayo in shacabka Soomaaliyeed loo muujiyo taageero iyo garab istaag.

Isku soo wada duubo, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida muuqata ku jira xaalad siyaasadeed oo cakiran oo ka dhalatay siyaasaddiisa, iyadoo dalku wajahayo caqabado adag oo la xiriira siyaasadda gudaha, deriska iyo loollanka juqraafiyeed ee cusub ee Masar ku soo biirtay.

Caqabadda ugu weyn ayaa ah in iyadoo muddo-xileedka Madaxweynaha uu dhammaad yahay, aysan weli jirin tub qaran oo la isku raacsan yahay oo lagu wajaho kala-guurka iyo doorashooyinka.

Mucaaradka ayaa dhankooda sii wada tallaaboyinka ay cadaadiska ku saarayaan Madaxweynd Xasan Sheekh, iyadoo Madasha Samatabixinta ay maalinta berri ah ku qabanayso magaalada Muqdisho shir muhiim ah oo noqon doona midkii ugu horreeyay shirar taxane ah oo qeyb ka ah cadaadiska Xasan Sheekh ee ku aqbalo hannaan siyaasadeed oo lagu gaaro doorasho heshiis lagu yahay.

Si kastaba, arrintan ayaa sii adkaynaysa xaaladda taagan, maadaama aysan muuqan ifafaalo ay dhinacyadu ku gaari karaan heshiis wada-ogol ah, isla markaana uu hoggaanka dalka ku dhagan yahay hanaankiisa doorasho ee qof iyo cod.

Muxuu yahay heshiiska ay SOOMAALIYA maanta ku saxiixday Dubai? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis cusub ku saxiixday magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu ka socdo shirweynaha ururka boostada adduunka.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Soomaaliya, Maxamed Aadam Macallim (Soomaali) ayaa si rasmi ah u saxiixay dhammaan heshiisyada iyo shuruucda wax ka beddelka lagu ansixiyey shirweynaha 28-aad ee ururka boostada adduunka.

Qodobada uu Wasiirka uu qalinka ku duugay ayaa waxaa kamid ah: 

  1. In Soomaaliya door muuqda ku yeelato bulshada boostada caalamiga.
  2. In adeegyada boostada gudaha loo qaabeeyo si ay ula jaanqaadaan nidaamka caalamiga ah.
  3. Iyo in la dardargeliyo qorshaha dowladdu ku horumarinayso adeegyada dhijitaalka iyo isku xirka bulshada.

“Go’aankan wuxuu daliil cad u yahay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay dhisto adeegyo casri ah oo isku xira bulshada, kobciya ganacsiga, isla markaana soo jiita fursadaha dhaqaalaha caalamiga ah,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali.

Saxiixa Wasiirda ayaa ahaa tallaabadii rasmiga ahayd ee lagu soo xiray Shirweynihii 28aad ee UPU, kaas oo intii uu socday lagu doortay hoggaanka cusub ee ururka, isla markaana lagu meel mariyey isbeddello sharci iyo heshiisyo cusub oo ay dalalka xubnaha ahi ku mideysan yihiin.

Wasaaradda ayaa ku tilmaamtay heshiiska ay saxiixday mid kamid ah guulaha diblomaasiyadeed iyo farsamo ee dowladda Soomaaliya ay ku muujineyso hoggaamin iyo ka-qaybgal firfircoon oo ku wajahan isbeddellada ka socda bulshada boostada caalamka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa tallaabadan ku xaqiijisay ka go’naanteeda ku aaddan in si buuxda loogu dhaqmo heshiisyada caalamiga ah ee boostada, taas oo ka tarjumeysa istiraatiijiyadda dowladda ee ku wajahan casriyeynta adeegyada boostada iyo kuwa gaarsiinta (courier), si kor loogu qaado ganacsiga, e-commerce-ka, iyo koboca dhaqaalaha bulshada.

UK, Australia iyo Canada oo maanta ku dhowaaqay go’aan taariikhi ah oo la xiriira Falastiin

London (Caasimada Online) – Britain, Australia iyo Canada ayaa Axadda maanta ah si rasmi u aqoonsaday dawlad Falastiini ah, taasoo ah isbeddel weyn oo gilgilay siyaasaddii arrimaha dibadda ee Reer Galbeedka ee tobannaan sano soo jirtay, tallaabadaas oo si degdeg ah uga caraysiisay Israel.

Portugal ayaa sidoo kale lagu waday inay aqoonsato dawladnimada Falastiin goor dambe oo Axadda ah, xilli ay Israel la kulmayso cadaadis caalami ah oo xooggan oo ku saabsan dagaalka ay kula jirto Xamaas ee Gaza iyo xaaladda bini’aadannimo ee aadka u daran ee ka taagan dhulkaas go’doonsan.

“Maanta, si loo soo nooleeyo rajada nabadda ee Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta, iyo xalka labada dawladood, Boqortooyada Midowday waxay si rasmi ah u aqoonsanaysaa Dawladda Falastiin,” ayuu Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, ku yiri farriin uu soo dhigay barta X.

Saddexdan waddan ayaa noqday xubnihii ugu horreeyay ee ka tirsan Ururka Waddamada Todobada ah ee ugu Dhaqaalaha Weyn (Group of Seven) ee qaada tallaabadan, iyadoo la filayo in Faransiiska iyo quruumo kale ay ku dayan doonaan inta uu socdo shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Isniinta ka furmaya New York.

“Canada waxay aqoonsan tahay Dawladda Falastiin waxayna u fidinaysaa iskaashi aan kaga wada shaqayno dhisidda ballanqaadka mustaqbal nabadeed,” ayuu Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, ku qoray barta X.

Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa sheegay in tallaabada Canberra ay tahay “mid lagu aqoonsanayo himilada sharciga ah ee muddada dheer soo jirtay ee shacabka Falastiin ay u qabaan inay yeeshaan dawlad u gaar ah”.

Madaxweynaha Falastiin, Maxmuud Cabbaas, ayaa ku ammaanay aqoonsiga Axaddii inuu yahay “tallaabo muhiim ah oo lagama maarmaan u ah sidii loo gaari lahaa nabad caddaalad ah oo waarta oo waafaqsan sharciga caalamiga ah.”

Laakiin Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa tallaabadan ku tilmaamay “wax aan macquul ahayn” wuxuuna sheegay inay “halis gelin doonto” jiritaanka Israel.

Waa xilli taariikhi ah oo wax kala saaraya oo u soo hoyday Falastiiniyiinta iyo hamigooda dawladnimo, maadaama waddamada Reer Galbeedka ee ugu awoodda badan ay muddo dheer ku doodayeen in aqoonsigu uu yimaado oo keliya isagoo qayb ka ah heshiis nabadeed oo laga wada xaajoodo oo lala galo Israel.

Inkastoo ay tahay tallaabo u badan astaan, waxay haddana waddamadan ka hor keenaysaa Maraykanka iyo Israel.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa toddobaadkii hore sheegay kaddib wadahadallo uu la yeeshay Starmer, booqasho rasmi ah oo uu ku joogay UK in “mid ka mid ah khilaafyada yar ee naga dhexeeya” ay ahayd arrinta dawladnimada Falastiin.

Tiro sii kordhaysa oo ah xulafada muddada dheer la soo saaxiibka ahaa Israel ayaa beddelay mowqifyadoodii hore, xilli ay Israel xoojisay duullaankeeda Gaza, kaasoo billowday ku dhawaad laba sano ka hor weerarkii Xamaas ee Oktoobar 7, 2023.

Marinka Gaza waxaa soo gaaray burbur baaxad leh, iyadoo ay sii kordhayso qaylodhaanta caalamiga ah ee ka dhalatay tirada dhimashada ee cirka isku sii shareeraysa ee ka jirta dhulkaas xeebta ah ee go’doonsan.

‘Culays gaar ah’

Dawladda UK waxay la kulantay cadaadis dadweyne oo sii kordhaya oo ku aaddan inay tallaabo qaaddo, iyadoo kumanaan qof ay isugu soo baxaan waddooyinka bil kasta. Codbixin ay soo saartay hay’adda YouGov Jimcihii ayaa muujisay in saddex-meelood laba meel dadka British-ka ah ee da’doodu u dhaxayso 18-25 sano ay taageersan yihiin dawladnimada Falastiin.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, David Lammy, ayaa bishii Luulyo ka qiray Qaramada Midoobay in “Britain ay saaran tahay mas’uuliyad gaar ah oo ay ku taageerto xalka labada dawladood”.

UK waxay door muhiim ah ka ciyaartay aasaaskii horseeday abuuritaanka Dawladda Israel iyadoo loo marayo Axdigii Balfour ee 1917.

Saddex-meelood afar meelood xubnaha Qaramada Midoobay ayaa horay u aqoonsan dawladnimada Falastiin, iyadoo in ka badan 140 ka mid ah 193-da waddan ay tallaabadaas qaadeen.

Starmer wuxuu bishii Luulyo sheegay in dawladdiisa Xisbiga Shaqaalaha ay damacsan tahay inay aqoonsato dawlad Falastiini ah, haddii aysan Israel qaadin tallaabooyin “muuqda” oo ay ka mid yihiin in la gaaro xabbad-joojin Gaza, in gargaar badan la geliyo dhulkaas, iyo inay xaqiijiso inaysan ku darayn Daanta Galbeed.

Waxa uu Axaddii sheegay in Britain ay u dhaqaaqayso “si wax looga qabto xaaladda argagaxa leh ee sii kordhaysa ee Bariga Dhexe”.

Xisbiga Shaqaalaha ayaa cusboonaysiiyay baaqyadiisa xabbad-joojinta wuxuuna mar kale dalbaday in dagaalyahannada Falastiiniyiinta ay sii daayaan la haystayaashii ay ku qabsadeen weerarkoodii 2023 ee Israel.

Isagoo Xamaas ku tilmaamay “urur argagixiso oo arxan daran”, Starmer wuxuu sidoo kale xaqiijiyay qorshayaal lagu kordhinayo cunaqabataynta saaran dagaalyahannada, isagoo beeniyay in aqoonsigu yahay “abaalmarin” loo siiyay kooxda.

‘Qaab-dhismeed nabadeed’

Weerarkii Xamaas ee 2023-kii ee koonfurta Israel wuxuu sababay dhimashada 1,219 qof, oo u badnaa rayid, sida lagu sheegay tirokoob ay samaysay wakaaladda wararka ee AFP oo ku salaysan tirooyin rasmi ah.

Ololaha aargoosiga ah ee Israel ayaa lagu dilay ugu yaraan 65,208 qof, oo sidoo kale u badnaa rayid, sida ay sheegeen tirokoobyo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas, kuwaasoo ay Qaramada Midoobay u aragto kuwo la isku halleyn karo.

Portugal waxay sheegtay inay sidoo kale si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto aqoonsigeeda magaalada New York maalinta Axadda ah.

“Markaan hadda tallaabo qaadnay … waxaan noolaynaynaa suurta-galnimada in la helo laba dawladood,” ayuu yiri Madaxweynaha Portugal, Marcelo Rebelo de Sousa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK ayaa sheegtay in aqoonsiyadani ay qayb ka yihiin “dadaallo caalami ah oo isku dubaridan” oo lagu dejinayo qaab-dhismeed nabadeed si “wax looga qabto arrimaha maamulka, amniga, iyo helitaanka gargaarka bini’aadantinimo” iyo sidoo kale dhisidda xalka labada dawladood.

Dekedda Muqdisho oo xiran maalintii labaad + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dekedda Muqdisho ayaa weli xiran maalintii labaad oo xiriir ah, kadib markii ganacsatada ay dowladdu kusoo rogtay canshuur dheeraad ah.

Canshuurtan cusub oo lagu soo rogay badeecadaha dalka la keeno, ayaa waxay ganacsatada ku doodeen in aanay lahayn saldhig sharci, isla markaana aysan jirin heshiis hore oo lagu fulin karo.

Waxay sheegeen in canshuurahaas sharci-darrada ah ay wiiqayaan ganacsiga, isla markaana sababeen hakad weyn oo ku yimid keenista alaabaha daruuriga ah ee Muqdisho.

Hakadka dekedda ayaa dhalisay cabsi ku saabsan suurtagalnimada kororka qiimaha badeecadaha, haddii xirnaanshuhu sii socdo, iyadoo sidoo kale walaac laga muujiyay dhibaato dhaqaale oo si weyn u taaban karta ganacsatada waaweyn iyo kuwa yaryarba.

Arrintan ayaa dhaawaci karta xiriirka ganacsatada iyo maamulka dekedda, taas oo horseedi karta dib u dhac ku yimaada horumarka ganacsi ee magaalada iyo guud ahaan dalka.

Ganacsatada Muqdisho ee shaqo joojinta sameeyay ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo hay’adaha ku shaqada leh in si degdeg ah xal loogu raadiyo muranka jira, maadaama ay tahay mid soo laab-laabtay saameyn weyn ku yeelatay ganacsiga dalka.

Sidoo kale waxay caddeeyeen inay bixiyeen wax kasta oo taageero ah oo dowladdu uga baahneed, sidoo kale waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay dowladda la xaliyaan culeysyada soo wajaha, balse waxay cadeeyeen in canshuur sharci darro ah aysan dhiibeyn.

Ma ahan markii u horeysay ee dekedda magaalada Muqdisho ay maalmo u xirmato khilaaf la xiriira canshuur kordhin ay soo rogto dowladda, iyadoo horey uu madaxweyne Xasan Sheekh uga balan qaaday ganacsatada in canshuur dambe aan lagu kordhi doonin, kadib markii uu ka codsaday in ay bixiyaan 50% isla markaana ay ka ogolaadeen.

Xasan Sheekh ayaa markaas u sheegay ganacsatada in dowladda ay ku dadaali doonto sidii ay wax kasta ula fududeyn laheyd ganacsatada Soomaaliyeed.

Balse sidii uu Madaxweynaha u ballanqaaday uma dhicin, iyadoo sanad walba ay soo yeerto qeylada ganacsatada ka shaqeeya dekedda iyo dowladda, oo ayadu mar walba soo rogta canshuur dheeraad ah, kuwaas oo ganacsatadu ku tilmaaman sharci darro aan waajib loogu laheyn.

Deadly clashes erupt over forced evictions in Mogadishu

0

MOGADISHU, Somalia – One person was killed and several others wounded in Somalia’s capital after government forces opened fire on residents protesting the demolition of their homes, triggering sharp condemnation from lawmakers and drawing a threatening intervention from the militant group Al-Shabaab.

The violence broke out in the sprawling Dayniile district on the outskirts of Mogadishu, where tensions have been steadily rising over the government’s controversial policy of clearing settlements built on land officially designated as public property.

Witnesses said security forces used live ammunition to disperse demonstrators after protests against the demolitions turned violent. The deceased was identified as Mohamed Abdullahi Hassan.

“A protest is a constitutional right for the people to express their grievances, and they do not have the right to be shot at,” lawmaker Faiso Mohamed Jayte said in a sharply worded statement. She expressed solidarity with the residents and warned that accountability for the violence was inevitable.

“There is no doubt that those who gave the orders will be held responsible,” she added, further urging residents to remain vigilant against private business interests she alleged were colluding with officials to seize their land.

The clashes underscore a deeply divisive issue in Mogadishu, a city whose very landscape has been profoundly shaped by decades of civil war, mass displacement, and contested land ownership.

Accusations of land grabbing

At the heart of the dispute lies the contested ownership and use of “danta guud” — public land. Many of the families affected by the evictions have lived in these informal settlements for years, often after being uprooted by conflict from other parts of the country.

Residents and opposition figures accuse the administration of President Hassan Sheikh Mohamud of selling off public land to private developers without due process or adequate compensation for the occupants. This has sparked a wave of forced evictions across Mogadishu, which critics have denounced as “dhul boob” — land grabbing.

“What is happening in Mogadishu is land grabbing,” a coalition of former Somali presidents declared in a joint statement issued in August, directly accusing President Mohamud’s government of illegally seizing public property and flouting legal procedures for its disposal. The government has yet to issue a formal response to either the latest outbreak of violence or the broader allegations.

Al-Shabaab exploits the unrest

The turmoil has created an opportunity for the Al-Qaeda-linked militant group Al-Shabaab, which continues to wage a long-running insurgency against the Somali state. The jihadist group released a statement condemning the evictions and warning that it would take action against businesspeople involved in the land deals.

“We are telling the people of Banadir that looted land cannot be developed by anyone other than its original owner,” the group declared, attempting to cast itself as a defender of public property and citizen rights.

Analysts note this is a familiar tactic: Al-Shabaab frequently seeks to exploit grievances and governance failures to undermine state authority and cultivate sympathy among disaffected populations, as highlighted in reports by security think tanks such as the International Crisis Group.

Land disputes in Mogadishu are rooted in the collapse of the Somali state in 1991, which unleashed decades of civil war and mass displacement. Millions fled to the capital, occupying vacant public lands and establishing sprawling informal settlements.

For more than thirty years, these communities have evolved into semi-permanent neighborhoods, but without formal land titles, their residents remain perpetually vulnerable to eviction as the government and private investors push forward with redevelopment plans.

Opponents of President Mohamud have repeatedly called on the government to suspend forced evictions and to establish a transparent legal framework for resolving historic land claims. Yet demolitions continue, and tensions in districts like Dayniile remain dangerously high — threatening to fuel further instability in a city already struggling with entrenched insecurity and severe economic challenges.

Safiir Somaliland oo dilkiisa lagu tuhunsanaa Jabuuti oo xog yaab leh laga shaaciyay

0

Boorama (Caasimada Online) – Hay’adda Dambi baarista Somaliland ayaa shaacisay natiijada baarista toogashada safiir ku-xigeenkeeda Jabuuti, Cabdifataax Cilmi Maxamed.

Taliyaha laanta dambi baarista gobolka Awdal, Maxamed Cabdullaahi Muuse, oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in baaristii ay sameeyeen ay muujisay in safiir ku-xigeenka uu isagu xabbad isku dhuftay.

Toogashadan ayaa 17-kii September ka dhacday magaalada Boorama, waxaana tan iyo markaas soo baxayay tuhunno falkaas la xiriirinaya sirdoonka Jabuuti, maadaama ay ahayd markii labaad ee la weeraro safiirka, iyadoo hore loo sheegay in wadada isku xirta Boorama iyo Gabiley loo galay safiir ku-xigeenka.

Natiijada baarista ee uu shaaciyay taliska dambi baarista Somaliland ayaa meesha ka saaraysa tuhunnadii laga qabay toogashooyinkii is-xigxigay ee lagu bartilmaameedsaday safiir ku-xigeenka Somaliland ee Jabuuti.

“Saddexda qashar (fooqa xabbadda) ee aan soo helnay, xabbaddan nool (xabbad aan weli la ridin) iyo dhaawaca isaga gaaray waxay caddeynayaan in rasaasta ay tiisii ahayd, sababtoo ah rasaasta meesha ka dhacday iyo bastooladda uu isagu haystay waa Turkish,” ayuu yiri Taliyaha laanta dambi baarista gobolka Awdal.

Waxa uu intaas ku daray: “Waxaa noo soo baxday in rasaastii iyo bastooladda uu adeegsanayay ay is leeyihiin, taas ayaana ku caddeynaynaa in fal-dambiyeedkaas uu isagu isku geystay, oo aysan cid kale u geysan safiir ku-xigeenka.”

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dhaawaca safiirka laga helay uu ahaa mid gudaha afkiisa ah, iyadoo aysan jirin wax dhaawac kale ah, taasna ay ku xaqiijiyeen inuu isagu isku geystay dhaawaca.

“Baarista waxaa noo soo baxday in bastooladda afka la galiyay laga riday, maadaama gudaha uusan ka muuqan dhaawac culus, keliya waxaa la tolay laba qodob gudaha, halka daanka dibaddiisa laga tolay sagaal qodob,” ayuu yiri Taliyaha laanta dambi baarista gobolka Awdal, isagoo sheegay in xabbaddu bannaanka uga soo baxday, taasna ay caddeyneyso inuu isagu istoogtay.

Hoos ka daawo muuqaalka

Al-Shabaab oo digniin culus ka soo saartay ‘dhul boobka’ ka socda Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si adag uga hadashay qaylo dhaanta ka taagan dhulka danta guud ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay kooxda ayey ku hanjabtay in ay tallaabo ka qaadi doonto xaraashka iyo iibka dhulka danta guud ee ka socda Muqdisho, iyadoo ganacsatada uga digtay in ay gacan ku yeeshaan dhulka laga saarayo shacabka.

“Waxaan u sheegaynaa shacabka Banaadir in dhul la boobay uusan dhisan karin qof aan ahayn qofkii awal lahaa dhulkaasi,” ayaa lagu yiri hanjabaada kasoo yeertay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Haddii uu dhulkaasi ahaa dhul dowladeedna laguma takri fali karo, weligiisana waxuu ahaan doonaa, sida uu yahay”.

Digniinaha iyo hanjabadaha kooxdan ka soo yeeray ayaa imanaya xilli maalintii shalay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ay ka dhaceen bannaanbaxyo looga soo horjeedo in dadka laga saaro dhulkii danta guud ee halkaas ku yaallay.

Dhulkaasi ayaa la sheegay in dowladda Xasan Sheekh ay ka iibisay ganacsato iyo shirkado gaar loo leeyahay.

Horay siyaasiyiinta mucaaradka ayaa baaqyo uga soo saaray arrimaha dhulka danta guud iyo tallaabooyinkii u dambeeyay ee dowladda sida qasabka ah uga saaraysay shacabka degan dhulka danta guud ah, kuwaas oo sanado badan ay daganaayeen.

Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dhul boob u arka waxa ka socda magaalada Muqdisho, iyagoo si adag u cambaareeyay barakicinta shacabka ee dowladdu ku howlan tahay.

Xog: DF oo heshiisyo cusub la saxiixanaysa Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa dhawaan qalinka ku duugi doona heshiisyo is-afgarad oo muhiim ah.

Heshiisyadani waxay ku saabsan yihiin ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga istaraatiijiga, waxaana la saxiixi doonaa horraanta bisha October, inta lagu guda jiro shir lagu wado inuu Muqdisho ka dhaco 4–5 October.

Casuumaad rasmi ah oo kasoo baxday Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka iyo shirkadda Cleanport Ventures ayaa lagu sheegay in kulankani uu furayo weji cusub oo labada dal u dhexeeya, oo quseeya ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga istaraatiijiga.

“Waxaan sharaf u ah inaan ku dhawaaqno in Madasha Ganacsiga Mareykanka iyo Soomaaliya lagu qaban doono Muqdisho,” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, Daahir Carab.

Waxa uu intaas ku daray: “Iyadoo la haysto iskaashi amni oo xooggan oo u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya, waxaan furaynaa suuqyo cusub, soo jiidaneynaa maalgashi, isla markaana abuuraynaa shaqooyin cusub oo dadkeenna u gaar ah.”

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in madashu ay isku keento madaxda labada dal, wasiiro, maalgashadayaal, khubaro siyaasadeed iyo hoggaamiyayaal ka socda ganacsiyada gaarka loo leeyahay.

Shirkan ayaa lagu saleyn doonaa aragtida qaran ee 2060, oo muujinaysa sidii Soomaaliya ay u ekaan doonto boqol sano ka dib xornimada, taas oo horay loogu daah-furay magaalada Muqdisho.

Shirweynahan ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa qodobo ay ka mid yihiin: kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, maaliyadda iyo arrimaha maamulka.

Shirkan ayaa imanaya xilli dowladda Soomaaliya ay horey Mareykanka ugu soo jeedisay inuu cusbooneysiiyo heshiiskii difaaca ee labada dal, kaasi oo ay wada galeen 1980-kii. Heshiiskaasi wuxuu Mareykanka u oggolaanayay inuu isticmaalo dekedaha iyo garoomada Berbera, Kismaayo iyo Muqdisho, oo uu horey u adeegsan jiray.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa taageero hor leh siiya Soomaaliya, gaar ahaan dhanka ciidanka iyo bini’aadannimada, wuxuuna qeyb weyn ka qaataa dagaalka ay dowladda kula jirto kooxaha argagixisada.

Puntland oo sheegtay in loo noqanayo 1991 – Maxaa dhacay?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeya Dawladda Federaalka, oo saameyn ku yeeshay wada-shaqeyntii labada dhinac.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor oo khudbad ka jeediyay shir ka dhacay Garoowe ayaa qiray in khilaafka taagan uu saameyn dhaqaale ku yeeshay maamulkooda, wuxuuna dawladda dhexe ku eedeeyay inay ka goosatay qoondadoodii deeqaha caalamka.

Ilyaas Lugatoor ayaa xusay in xaalad adag uu ku jiro dalka, isla markaana haddii aan la helin badbaado deg-deg ah loo laaban doono burburkii iyo 1991-kii, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii wixii caalamka laga helay ay DFS cunaha-qabatay dadkii, oo hal dollar ka imaan waayay wax la qaban karaa way yaraaneysaa, haddii aan la badbaadina 1991 ayaa lagu noqonayaa” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka maamul-goboleedka Puntand.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay dagaalka ay Puntland kula jirto Daacish, isaga oo sheegay in wax taageero ah aanay ka helin dawladda Soomaaliya, ayna guulo ka gaareen dagaalka.

“Puntland iyadoo aan hal fuuq ka helin deeqihii caalamka ayey dagaal caalami ah ku jirtaa, waxayna ka keentay guulo waa wayn” ayuu sii raaciyay Iyaas Lugatoor.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay wada-hadallo u socdaan Madaxweyne Xasan iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo lagu soo afjarayo khilaafkooda.

“Waxaan wada-hadal la wadnaa Puntland iyo Jubbaland, waxaana rajaynaynaa in arrinta Jubbaland la xalliyo ka hor inta aan la gaarin doorashooyinka deegaanka iyo kuwa qaranka, Wadahadalka iyo xiriirka waan sii wadaynaa, Puntland way ka warqabtaa arrintaas.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo dhawaan wareysi siiyay warbaahinta Alcarabiya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in heshiiskaas uu horseed u noqon doono in doorasho hufan oo wada ogol ah ay ka dhacdo Soomaaliya, ayna ka shaqeyn doonaan madaxda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed intaba.

Xiisadda ka taagan degmada Dayniile oo sii laba kacleysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa weli ka jirta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir oo shalay, illaa xalay ay ka dhaceen rabshado isku bedddalay gacan ka hadal dhex-maray shacabka iyo ciidamada oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dadka dhintay waxaa kamid ahaa Marxuum Maxamed Cabdullaahi Xasan, kaas oo ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamada dowladda ee ku baxay xiisadda ka jirta Dayniile.

Dadka deegaanka iyo dowladda ayaa isku haya burburin ka socota xaafado ka tirsan degmadaas oo ay ka biyo diidan yihiin shacabka, waxaana weli socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo qoraal soo saartaya ayaa si kulul uga hadashay xaaladda ka taagan degmada Dayniile, iyada oo gara istaag u muujisay deegaanka deegaanka, waxayna sheegtay inay xaq u leeyihiin inay bannaabaxaan.

Faa’iso ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in la’iskula xisaabtami doonto dilka iyo dhaawaca shacabka loogu gaystay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

“Banaanbuxu waa xaq dastuuri ah oo shacabku ku muujiyaan cabashadooda, xaqna uma laha in la xabadeeyo. Inta dhimatay Allaha u naxariisto inta dhaawaca ah Allaha u booga dhayo, laakiin waxaa shaki ku jirin in tiirka taliyayaal u tagi doonaan oo aysan noqon waa dhintay waa baxsaday” ayay tiri Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte.

Sidoo kale waxa ay farriin u dirtay dadka deegaanka oo ay ugu baaqday inay ka hortagaan ganacsato iyo dad kale oo ay sheegtay inay kusoo dhex dhuumanayaan, si loo burburiyo dhulkooda.

“Dadka dagmada Dayniile daggan waa iney ogaadaan dhilqaha dharka ugu jiro  sida kuwa ganacsatada isku sheegaa ee guryahooda habeenki dumiska  ku qoraayo, nin gurigiisa dumis ku qoray si uu kaaga u dunsho hadaad garan weydid adigiyo garaadkaa” ayay mar kale tiri

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Sidoo kale kuwa Taleefanada beenta ah shacabka kula dhex wareegaa ee dalaaleenta ah ee ku qaraabta aniga kun ii saar anigaa kala furfuraayee, ileyn ceeb looma dhinto”.

Xiisadda degmada Dayniile ayaa gaartay meel xun, waxaana si kulul u cambaareeyay xubnaha mucaaradka oo qoraallo soo saaray, balse illaa iyo hadda kama hadlin dowladdu.

Sawirro: R/W Xamza oo dhagax dhigay dhismaha xarun muhiim u ah dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, taas oo muhiim u ah dalka, maadaama ay noqoneyso saldhigga tacliinta.

Xaruntan cusub ayaa laga hirgelin doonaa dhisme casri ah oo ka qeyb ka qaadan doona horumarinta adeegyada waxbarashada dalka, sida ay sheegtay xukuumaddu.

Xamza oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dib-u-dhiska xarunta Wasaaradda Waxbarashada dalka ay muujinayso dadaalka dowladda ee ku aaddan tayeynta adeegyada bulshada iyo barbaarinta Ubadka Soomaaliyeed, maadaama ay wasaaraddani ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee dowladda.

“Xukuumadda DanQaran waxa ay dadaal badan gelisay tayeynta waxbarashada dalka iyo casriyeynta dhammaan nidaamyada waxbarashada bilow ilaa dhammaad, waxaana la dhisay Guddiga Tacliinta Sare si loo helo waxbarasho jaamacadeed oo horumarsan, Waxaana naga go’an in ubadkeennu helaan aqoon iyo xirfad tayo sare leh”. ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in wasaarada waxbarashada ay tahay midda ugu muhiimsan ee dalka, ayna ka shaqeyneyso wax baridda ubadka Soomaaliyeed, si ay u helaan mustaqbal wanaagsan.

“Wasaaraddaan Waxaa ay ka mid tahay Wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, maadaama ay maamuleyso wixii ugu muhiimsanaa ee dalkani uu lahaa oo ah ubadka, dhallinyarada doonaya inay wax bartaan dowladda waxaa ay ku leeyihiin waa inay hagaajiso goobihii ay wax ku baran lahaayeen”.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare dadaalkooda ku aaddan horumarinta adeegga waxbarasho ee Soomaaliya, ilaalinta xogta ardayga iyo casriyeynta nidaamka tacliinta.

Masjid ku yaalla Galgaduud oo loo gubay khilaaf culimo

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay la gubay Masajid wayn oo ku yaallay gudaha degmada Huurshe ee gobolkaasi, kadib khilaaf soo kala dhex-galay culimada deegaanka.

Dood wayn ayaa ka dhalatay dhismaha masaajidka, taas oo muddo dheer soo socotay, waxaana hadda dhacday in la burburiyo, kadibna dab la qabadsiiyo, sida ay muujinayaan sawirro yo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka.

Shacabka ku dhaqan degmada Huurshe ayaa isugu soo baxay goobta, kadibna isku raacay in si khaldan loo dhisay masaajidka, iyaga oo sidaas ku burburiyay.

Sababta loo gubay masjidkan ayaa lagu sheegay in uu kaasoo horjeeday dariiqada deegaanka, taas oo abuurtay khilaaf wayn oo soo kala dhex-galay culimada.

Dhacdadan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, madaama la gubay goob loogu talagalay in lagu cibaadeysto, kadib khilaaf soo kala dhex-galay culimada oo firqooyin kala duwan ah.

Dad badan oo ka falceliyay arrintan ayaa ku xumaaday iyo baydkii Alle sidaas loo galo, lana burburiyo, iyada oo xal loo heli karay muranka culimada.

Cabdi Gurey ayaa yiri “Masaajidka wax qaldan miyaa lagu hayay mise Suufi iyo Alitixaat wax u dhexeeya weeye?”.

Saciid Maxamuud “Dariiqooyin in la samaysto ayaaba qalad ah Diinta Islaamka hala wada haysto wixii kala fikir duwanaan ah waa meesheeda”.

Binti Ciise ayaa iyaduna tiri “llaahow daalimiinta ummadda caqiidada ka qaloocinaayo ka qabo”.

Galmudug ayaa dhankeeda haatan wadda dadaallo dheeraad ah, waxaana lasoo warinayaa in deegaanka loo diray ciidamo, si loo soo xiro dadkii ka dambeeyay falkaasi foosha xun.

 

Netanyahu oo codsi u diray Trump isaga oo ka walacsan qorshe ay waddo Masar

Washingron (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka codsaday maamulka Trump inuu Masar ku cadaadiyo inay dhinto awood-kordhin milateri oo ay dhowaan ka samaysay Gacanka Siinaay, sida ay Axios u sheegeen hal sarkaal oo Maraykan ah iyo labo sarkaal oo Israa’iiliyiin ah.

Saraakiisha Israa’iil waxay sheegeen in awood-kordhinta milateri ee Masar ay ka waddo Siinaay ay noqotay qodob kale oo muhiim ah oo xiisad ka dhex abuuray labada dal, xilli uu sii socdo dagaalka Gaza.

Intii lagu guda jiray kulankoodii Jerusalem ee maalintii Isniinta, Netanyahu wuxuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, u gudbiyay liis hawlo ah oo ka socda Siinaay, kuwaasoo uu ku andacooday inay yihiin xadgudubyo waaweyn oo ay Masar samaysay.

Laba sarkaal oo Israa’iiliyiin ah ayaa sheegay in Masar ay ka dhisayso kaabayaal milateri — kuwaas oo qaarkood loo adeegsan karo ujeeddooyin duulaan ah — goobo uu heshiisku dhigayo in lagu hayn karo oo keliya hubka fudud.

Saraakiishu waxay ku andacoodeen in Masar ay dheeraysay dhabbooyinka diyaaraduhu ku ordaan ee saldhigyada cirka ee Siinaay si ay u isticmaali karaan diyaaradaha dagaalka, ayna dhistay xarumo dhulka hoostiisa ah oo sirdoonka Israa’iil ay aaminsan yihiin in loo isticmaali karo kaydinta gantaallada.

Ma jirto wax caddeyn ah oo muujinaya in Masar ay si dhab ah gantaallo ugu kaydinayso xarumahaas, sida ay saraakiishu sheegeen.

Laakiin waxay sheegeen in Masar aysan bixin sharraxaad macquul ah oo ku saabsan ujeeddada loo dhisay xarumahan, markii ay Israa’iil wax ka weydiisay iyadoo u maraysa wadooyin diblomaasiyadeed iyo kuwa milateri.

Hal sarkaal oo Israa’iili ah ayaa sheegay in Israa’iil ay go’aansatay inay ka codsato maamulka Trump inay soo farageliyaan kaddib markii wadahadallo toos ah oo lala yeeshay Masar ay noqdeen kuwo aan wax horumar ah laga gaarin.

“Waxa ay Masar ka waddo Siinaay waa arrin aad u culus, aad ayaanan uga walaacsanahay,” ayuu yiri sarkaal labaad oo Israa’iili ah.

Sarkaalku wuxuu sheegay in xaaladda ay sii xumeysay kaddib markii Ciidanka kormeerayaasha caalamiga ah ee uu Maraykanku hoggaamiyo ay si weyn u yareeyeen duulimaadyadoodii kormeerka ee Siinaay, taasoo xaddidaysa awooddooda ay kula socon karaan xaaladda.

Sarkaal Masri ah ayaa beeniyay eedeymaha Israa’iil, wuxuuna sheegay in maamulka Trump uusan dhowaanahan arrintan kala hadlin Masar.

Xiisadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Masar ayaa si joogto ah u sii kordhaysay tan iyo markii la dhisay xukuumadda Netanyahu dhammaadkii 2022.

Netanyahu iyo Madaxweynaha Masar, Abdul Fattah al-Sisi, ma yeelan wax kulan ah oo shaacsan muddo ku dhow saddex sano, sidoo kale ma jirto wax diiwaan ah oo muujinaya inay khadka taleefanka ku wada hadleen tan iyo bishii Juun 2023.

Masar ayaa si isa soo taraysa uga walaacsanayd intii uu socday dagaalka Israa’iil ee Gaza, iyagoo ka cabsi qaba in Netanyahu iyo xukuumaddiisu ay doonayaan inay qaar ama dhammaan labada milyan ee Falastiiniyiinta Gaza ah ku riixaan dhinaca Siinaay.

Masar ayaa xoojisay ciidamadeeda ku sugan xuduudda Gaza, waxayna sheegtay in qulqulka qaxooti Falastiiniyiin ah loola tacaali doono sidii halis ku ah amniga qaranka Masar. Xukuumadda Sisi ayaa sidoo kale uga digtay Israa’iil inay ka fogaato falal wiiqi kara heshiiskooda nabadda.

Dhanka kale, Netanyahu wuxuu si fagaare ah ugu dhaleeceeyay Masar diidmadeeda ku aaddan inay aqbasho qaxootiga Falastiiniyiinta ah ee ka imaanaya Gaza. Wuxuu dhowaan ku eedeeyay Masar “inay si qasab ah u xabistay dadka degan Gaza ee doonaya inay ka baxaan aagga dagaalka.”

Kaddib weerarkii Israa’iil ee Qatar horaantii bishan, Sisi wuxuu farriin toos ah u diray shacabka Israa’iil xilli uu khudbad ka jeedinayay Doha, isagoo uga digay in xukuumadda Netanyahu ay halis gelinayso heshiiska nabadda ee kala dhexeeya Masar, isla markaana ay meesha ka saarayso suurta-galnimada in la sii wado caadiyaynta xiriirka waddamada gobolka.

Masar ayaa sidoo kale walaac ku abuurtay saraakiisha Israa’iil kaddib markii ay soo bandhigtay dood ku saabsan in la dhiso ciidan milateri oo Carabtu wada leedahay, kaasoo jawaab u noqon lahaa weerarkii Israa’iil ee Doha.

Xasan oo Mareykanka uga qayb-galaya shir caalami ah

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka qayb-geli doono kalfadhiga 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo si rasmi ah u furmi doona maalinta berri ah oo ku beegan 22-ka September 2025.

Madaxweyne Xasan ayaa qorshuhu yahay inuu khudbad ka jeediyo shirka, isaga oo kaga hadli doono arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya, xaaladaha ka jira gobolka iyo caalamka.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa guulaha la wadaagi doono guulaha ay dowladdiisa ku tallaabsatay, gaar ahaan horumarrada laga sameeyay dagaalka lagula jiro argagixisada.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale inta uu joogo New York, kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda tageysa shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo kala hadli doono danaha labada dhinac, xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.

Shirkan oo mid sanadleh ayaa waxaa isugu tegi doono madaxda xubnaha ka ah QM, iyaga oo caqabadaha taagan, xiisadaha soo kordhay iyo saameynta isbeddalka cimilada.

Sanadkan waxaa shirka intiisa badan diiradda lagu saari doonaa sidii loo qaadi lahaa tallaabo wadajir ah oo ku aadan isbeddelka cimilada iyo saameynta taban ee uu ku leeyahay dunida, si xal loogu helo.

Waxaa kale shirka looga hadli doonaa xoojinta nabadda, amniga, dib-u-habeynta hay’adaha caalamiga ah, wax ka qabashada saboolnimada, iyo horumarinta dhaqaalaha guud.

Shirka ayaa sanadkan kusoo aaday, iyada oo haatan caalamka uu wahayo qataro waa wayn, sida xiisadda bariga dhexe ee kasii dareysa kadib markii uu sii xoogeystay dagaalka ka socda gobolka ee hormuudka ay u tahay Israel oo weerarradeeda sii laba jibaartay.

Maxay yihiin ciidanka cusub ee Galayr ee Mareykanka uu u tababaray DF? + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay ciidamo cusub oo kamid noqonaya kuwa gaarka ah ee Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo loogu magac daray Galayr, isla markaana ah ciidamo leh xirfad sare, aadna u qalabeysan.

Ciidamada Galayr ayaa waxaa tababar siisay dowladda Mareykanka, isla markaana u dhammeystirtay qalabkooda, kuwaas oo haatan soo bandhigay dhoolatus cajiib ah.

Galayr waa cutub muhiim ah oo kusoo biiraya Booliska Soomaaliya, waxaana loogu talagay la dagaallanka cadowga gudaha iyo dibadda, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, waa ciidan awooda inuu dhaqso ku gaaro goobaha cadowga, loona carbiyay inay la dagaalamaan argagixisada gudaha, gaar ahaan kooxaha kasoo horjeedo dowladda.

Waxaa kale oo dhismadooda lagu sheegay inuu muhiim u yahay qorshayaasha haatan ay dowladda u dajisay amniga dalka, gaar ahaan soo afjariddda kooxaha argagixisada, iyaga oo ku biiri doono howlgallada haatan socda ee ay hoggaamineyso dowladda dhexe.

Si kastaba, Ciidanka Galayr ayaa noqonaya ciidan Soomaaliyeed oo casrigan la sameeyo kuwii ugu tayada fiicnaa, waxayna wajihi doonaan cadow kasta oo ay leedahay Soomaaliya.

Mareykanka ayaa horay Soomaaliya ugu tababaray kumaandooska Danab oo ka tirsan Xooga Dalka, kuwaas oo door muuqda ka qaata dagaalka Al-Shabaab, iyaga oo xittaa mararka qaar u daata deegaannada ay joogta kooxda, kadibna howlgal culus kasoo fuliya.

Soomaaliya, ayaa xilligan meel wanaagsan ka gaartay dhismaha ciidamada, waxaana ka caawiyay dowlado waa wayn, sida Mareykanka, Turkiga iyo kuwa kale oo saaxib  ah.


Maxay tahay tallaabada ay qaadeen Soomaaliya iyo dalal kale ee ka dhanka ah Iiraan?

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cod ku diiday in si joogto ah loo qaado cunaqabataynta dhaqaale ee saaran Iiraan, arrintan ayaana la xiriirta barnaamijkeeda nukliyeerka. Go’aankan ayaa dhaawac dhaqaale ku ah Iiraan.

Tehran waxay arrintaas ku tilmaantay “mid siyaasadeysan oo eex ah.” Danjiraha joogtada ah ee Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegay in falkaasi yahay mid lagu deg-degay.

“Ficilka maanta la qaaday waa mid degdeg ah, aan loo baahnayn, isla markaana sharciga baal marsan. Iiraan wax waajib ah kama saarna in ay fuliso,” ayuu yiri Amir Saeid Iravani, danjiraha joogtada ah ee Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay.

Golaha Ammaanka oo ka kooban 15 dal, afar ka mid ah ayaa u codeeyey in la sii wado habkii khafiifinta cunaqabatayntii saarnayd Iiraan, halka sagaal wadan oo kale ay u codeeyeen in dib loo soo celiyo cunaqabatayntii ka hor heshiiskii 2015, iyadoo laba dalna ay ka aamuseen.

Soomaaliya oo ku fadhida kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ayaa ka mid ahayd dalalkii codka dhiibtay, waxayna kula biirtay Denmark, France, Greece, Panama, Sierra Leone, Slovenia, UK iyo Maraykanka si dib loogu soo celiyo cunaqabatayntii saarnayd Iiraan.

Ruushka, Shiinaha, Algeria iyo Pakistan ayaa u codeeyey in la sii wado hanaankii khafiifinta cunaqabatayntii saarnayd Iiraan.

Tallaabadan waxay dhaqaajisay nidaamka loo yaqaan “snapback”, kaas oo dhigaya in dhammaan cunaqabatayntii Qaramada Midoobay ee jirtay ka hor heshiiskii nukliyeerka ee 2015 (JCPOA) dib loogu soo rogo Iiraan marka la gaaro 28-ka Sebtembar, haddii aan horumar diblomaasiyadeed oo weyn la gaarin ka hor waqtigaas.

Qaraarka tirsigiisu ahaa 2231, kaas oo la ansixiyay bishii Luulyo 2015, ayaa dejiyay habka cunaqabataynta looga qaadi karo Iiraan, iyada oo la samaynayo hab lagu soo celiyo haddii ay dhacdo “waxqabad la’aan weyn” oo ka timaadda mid ka mid ah ka qaybgalayaasha heshiiska, sida Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka, Ruushka, UK, Maraykanka, Midowga Yurub (EU) iyo Iiraan.

Danjiraha Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay, Vassily Nebenzia, ayaa sheegay in aysan jirin sababo sharci, siyaasadeed ama habraac ah oo lagu oggolaado habka “dib u dhac” ama in loo codeeyo xal qabyada ah. Wuxuuna ku eedeeyay Faransiiska, Jarmalka iyo UK inay ku dhaqmeen si ka baxsan qaraarka 2231 iyo JCPOA.

Wuxuu sheegay in saddexdaas dal ay ku guul-darreysteen inay raacaan habka xalinta khilaafka, taas beddelkeedana ay cunaqabatayn hal dhinac ah ku soo rogeen Iiraan, taasoo uu ku tilmaamay “sharci darro.”

Sida oo kale, danjiraha Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay, Fu Cong, ayaa ka digay khatarta ay leedahay degdegsiinta la xiriirta codbixinta qaraarka.

Wuxuu sheegay in ay jiraan “kala duwanaansho weyn” oo u dhexeeya xubnaha Golaha Ammaanka marka la eego fahamka nidaamka snapback.

Wuxuu uga digay Golaha in codbixin degdeg ah ay “kordhin karto iskahorimaadka dawladaha,” taasoo carqaladayn karta dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo arrinta nukliyeerka Iiraan.

Danjiraha UK ee Qaramada Midoobay, Barbara Woodward, ayaa difaacday go’aanka ay soo jeediyeen dalalkaas, iyadoo sheegtay in E3 (dalalka Yurub ee Faransiiska, Jarmalka iyo UK) ay dhaqan geliyeen habraaca snapback “si buuxda sharci ah, caddaalad ah, baaxad leh isla markaana waafaqsan shuruudaha Qaraarka 2231.”

Iyadoo tixraacaysay wargelin la gudbiyay 28-kii Agoosto ee sanadkan, taas oo ay soo gudbiyeen Faransiiska, Jarmalka iyo UK, waxay tiri: “Waxa loo baahan yahay si dib loogu soo celiyo habka snapback waa ogeysiis ka yimaada dowlad ka tirsan heshiiska JCPOA oo aaminsan in arrin gaar ahi ay tahay ku guul-darro weyn oo laga galay ballanqaadyadii JCPOA.”

Danjiraha Faransiiska, Jérôme Bonnafont, oo hadlay ka hor codaynta, ayaa xusay in barnaamijka nukliyeerka Iiraan ee sii xoogeysanaya iyo wada-shaqeynta hoos u dhacday ee ay la leeyihiin Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga ay muujinayaan in snapback uu lagama maarmaan u yahay ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamka, iyo in la ilaaliyo daacadnimada nidaamka ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka ee caalamiga ah.

Heshiiska JCPOA – oo ay saxiixeen Iiraan, Mareykanka, Shiinaha, Ruushka iyo Midowga Yurub – ayaa Tehran ku ogolaatay in ay xaddido barnaamijkeeda nukliyeerka si ay uga hesho ka-qaadista cunaqabateynta.

Laakiin heshiiskaasi wuu burburay sannadkii 2018, kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka baxay xilligii mudda xileedkiisii koowaad, isagoo dib u soo rogay cunaqabatayn uu si gaar ah Mareykanku u saaray.

Wasiir Fiqi oo taageero wayn u muujiyay Ilhaan Cumar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa taageero iyo garab istaag u muujiyay Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, isla markaana ay haatan si weyn siyaasaddda dalkaas isugu hayaan madaxweyne Donald Trump.

Fiqi ayaa sheegay in Ilhan ay tahay gabar Soomaaliyeed oo magaca dalkeeda gaarsiisay meel wayn, isla markaana ay difaacayaan, haddii lagu beegsanayo isirkeeda.

“Wixii siyaasadda dalka ay xildhibaanka ka tahay ah waa arrin aan inoo oolin, balse Gabadheena haddii isirkeeda lagu beegsanayo garabkeeda ayaan taagannahay, magaceeda iyo magaca halka ay ka soo jeeddo asal ahaan meel weyn ayay gaarsiisay. Soomaalidu waa dad fac weyn, taariikh fog leh, Meesha ay ku nool yihiin ka muuqda, dunidana ka tilmaaman, intaasna waxa jiri kara kuwo dhibsanaya” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan suuragal ahayn in fikirkeeda siyaasadeed darteed loogu eedeeyo dalka ay kasoo jeedo ee Soomaaliya, iyada oo lagu liidayo.

“Xildhibaanad Ilhaan waa tusaale lagu dayan karo, waa gabar kartideeda ku meelmartay, ayada iyo afkaarta ay xambaarsan tahay waxay yeelan karaan kuwa dhibsada, sida kuwa kaleba afkaar kale oo qalafsan u yeelan karaan, laakin taas marna dalka ay ku dhalatay kuma eedaysna, loomana eedayn karo!” ayuu mar kale yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Waxaa kale oo uu wasiirku intaasi sii raaciyay “Soomaaliya waa dal jira, oo inta cid walba ku naaloonayso hiigsanaya, wadadeediina ku jooga, fadhiya golaha ammaanka, ku hawllan taxaddiyaadka haysta sidii looga gudbi lahaa. Soomaaliya ha noolaato”.

Ilhan ayaa dhankeeda shalay si adag ugu jawaabtay madaxweyne dalka Mareykanka oo dhowaan iyada weerar ku qaaday, sidoo kalena u gefay dalka ay kasoo jeedo Soomaaliya.

Ilhan ayaa shaaca ka qaaday inay ku faaneyso muslinimada iyo Soomaalinimada, sidoo kalena ay ku faraxsan tahay in ay qaadato dhalashada dalka Mareykanka.

“Waan ku faanaa in aan Muslim ahay, waan ku faanaa in aan ka dhashay Soomaaliya, waana ku faanaa in aan ahay Ameerikaan, cidna wax igama baddeli karto” ayay tiri Ilhaan.

Madaxweyne Trump ayaa Khamiistii lasoo dhaafay si xun u weeraray xildhibaan Ilhan Omar iyo Soomaaliya, maalin kadib markii Aqalka Hoose uu fashiliyey qaraar lagu doonayey in lagu canaanto xildhibaanadda Minnesota isla markaana laga saaro guddiyada ay ku jirto.

“Aniga ahaan, waa qof aad u liidata. Waxaan aaminsanahay in ay mudan tahay in xilka laga qaado. Waa qof aad u liidata,” ayuu madaxweynuhu ku yiri weriyeyaasha isagoo saaran diyaaradda Air Force One maalintii Khamiista.

Sidoo kale, Trump oo aflagaadeynaya Soomaaliya ayaa yiri “Haddaba, sidee xaaladoodu tahay? Sidee tahay dawladdoodu? Madaxweyne ma leeyihiin? Gole ma leeyihiin? Wax kale ma leeyihiin? Boolis ma leeyihiin? Waan jeclahay dadkan.” “Waxay ka yimaadeen meel aan waxba oollin, waxba, maya, waxba, ka dibna waxay noo sheegayaan sida loo maamulo dalkeenna.” “Haddii la cambaareeyo, taasi waa wax weyn, haddii xilka laga qaadana, xitaa way kasii fiican tahay,” ayuu raaciyay.

Hadallada Trump ee ku saabsan Ilhaan, oo ku dhalatay Soomaaliya ka hor inta aysan qoyskeedu imaan Mareykanka sannadihii 1990-meeyadii, ayaa yimid kadib markii Aqalka Wakiillada uu u codeeyay in meesha laga saaro qaraar ay soo gudbisay Xildhibaan Nancy Mace (R-S.C.), kaasoo lagu doonayay in lagu cambaareeyo xildhibaannada Minnesota.

Wararkii ugu dambeeyay 4 duqeyn oo khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab

0

Bu’aale (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo is xig-xigay oo xalay ka dhacay gobollada Jubbada Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Baay, kuwaas oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta koowaad oo lagu bartilmaameedsaday ajaaniib ka barbar dagaalameysay kooxda ayaa ka dhacday deegaanka Sariiraha oo hoostaga degmada Bu’aale, waxaana halkaas lagu laayay saraakiil ajaaniib ah oo tababar siin jiray maleeshiyaadka A-Shabaab, kuwaas oo ka kala yimid dhowr dal.

Sida aan xogta ku helnay saraakiisha ajaaniibta ee la laayay ayaa kala ahaa Abuu Fahad Suudaani, Abuu Saleebaan oo Pakistan u dhashay, Abuu Jacfar oo Morocco u dhashay iyo Abuu Maalik oo isna aan la sheegin dalka uu kasoo jeedo.

Sidoo kale duqenynta labaad ayaa ka dhacday magaalada Kunyabarrow waxaana lagu burburiyay qalab casri ah oo yiilay goobta la beegsaday, kaas oo ay Al-Shabaab ka heleen Xuutiyiinta Yemen, sida laga soo xigtay ilo sirdoon oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Weerar kale oo dhanka cirka ah ayaa isla xalay ka dhacay degmada Sablaale, halkaas oo lagu beegsaday guri ay ku shirayeen horjoogayaal Soomaali ah oo ka tirsan kooxda, waxaana jira khasaare culus oo gaaray, inkastoo aan la ogeyn inta uu la’egyahay.

Duqeynta saddexaad waxaa lasoo wariyay inay ka dhacay Buula-Fulaay oo ka tirsan gobolka Baay, halkaas oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka argagixisada, balse lama oga iyana khasaaraha ka dhashay, illaa iyo haddana xog rasmi ah lagama helin weerarka.

Ujeedka duqeymahan ayaa ah kuwa la doonayo in lagu cuuryaamiyo awoodda Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay sidoo kale ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale, Dawladda Federaalka ayaa la filayaa inay faah-faahin dheeraad ah ka bixiso weerarradan, ayna shaaciso baaxadda khasaaraha lagu gaarsiiyay argagixisada.

Inta badan waxaa duqeymahan fuliya saaxibada Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Mareykanka, waxaana lagu beegsadaa xarumaha iyo saldhigyada Khawaarijta.

Xaalad adag oo caawa ka taagan Dayniile iyo mucaaradka oo..

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad adag ayaa caawa ka taagan gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kadib markii ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah oo ka careysan burburin ay dowladda Soomaaliya ka waddo xaafado ka tirsan degmadaasi.

Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay laamiga dheer ee Dayniile, iyaga oo xirtay aagga aargada degmadaas oo ay bar koontarool ku leeyihiin ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dibadbaxayaasha iyo ciidamada ay isku dhaceen, waxaana inta uu socday banaanbaxa xaafadda Raadeerka lagu dilay Maxamed Cabdullaahi Xasan oo kamid ahaa dhalinyarada deegaanka, kadib rasaas ay ku fureen ciidamada dowladda.

Intaas kadib xaaladda ayaa faraha ka baxday, waxaana dibadbaxa uu ku fiday qaybo kamid ah egmada, iyadoo uu kasoo muuqday Gaylac oo kamid ahaa saraakiishii badbaado qaran.

“Waxaa idin imaan doono dad la leeyahay idinka ayay idin metalaan ha dhowna laaluush ayay qaadan doonaan anigu dagaala idin dhihi maayo haddii aadan idinku garanina. Ciise Cabdi illaa Ex-koontarool Balcad inta u dhexeysa adinkoo dad isku xirana go’aan qaata” ayuu yiri Gaylac oo la hadlayay dadweyne careysan oo isugu soo baxay degmada Dayniile.

Dhinaca kae, xubnaha mucaaradka ayaa si deg-deg ah arrintan uga falceliyay, waxayna cambaareeyeen tallaabada dowladda ee ku aadan barakicinta shacabka degmada Dayniile.

Madaxweynihii hore ee dowladddii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo qoraal soo saaray ayaa cambaareeyay barakicinta shacabka iyo dilka caawa ka dhashay.

“Waxaan uga digayaa madaxda sare ee dowladda Federaalka ah inaysan iska indha-tirrin dareenka bulshada ee cirka isku sii shareeraya anigoo dareenkayga si gaar ah ula wadaagaya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Dhankiisa, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo tacsi u diray qoyska marxuumka ayaa musiibo ku tilmaamay waxa ka socda Dayniile.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ay caawa ciidanka dowladdu ku dileen xaafadda Raadeerka ee degmada Deyniile. Waxaan Alle uga baryayaa in uu u naxariisto marxuumka, una boogadhayo shacabkii ay ciidanku ku dhaawaceen iyagoo ka dhiidhinaya dhulboobka ay dowladda ku waddo degmada Deyniile” ayuu yiri Khayre.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa ayaandarro iyo musiibo qaran ah in dowadda Madaxweyne Xasan Sheekh ay laynayso shacab Soomaaliyeed si ay uga barakiciso guryahooda, ugana boobto dhulal ay sifo sharci ah ku bixiyeen dowladihii hore, ciidankii qarankana u adeegsanayso barakicinta iyo gumaadka shacabka”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna qoraal soo saaray ayaa yiri “Allaha u naxariisto Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ay caawa ciidanka ammaanka dowladda ku dileen Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile. Maxamad wuxuu ka mid ahaa shacab dibadbaxayaal oo ka soo horjeeday barakicinta danyarta loogu awood sheegtay saxiixa Madaxweynaha, ciidanka iyo hubka qaranka.  Suuragal maaha in laga aamuso dulmiga ku dhacaya bulshada, gaara ahaan danyarga lana fisho badbaado. Ilaaheey wuxuu inoo sheegay in fidnada ay huriyaan kuwa gaboodfalaya aysan iyaga ku eekaan doonin”.

Kiiska gabadhii ka dacwootay Roobow oo weji kale yeeshay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Amaal Garaad oo dhawaan cabasho ay ka qabtay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ku baahisay baraha bulshada taas oo si weyn looga falceliyay.

Xamza ayaa warqadaha ka qabtay Amaal, kadibna wareystay, wuxuuna sheegay inuu la hadlay wasiirka, balse uu ogaaday inay fasax la’aan maqneyd muddo ku dhow sanad, taas oo ay qiratay Amaal oo sheegtay inay tahay shaqaale kumeel gaar ah Nairobina ay aadday.

Intaas kadib Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday inuu jirin dulmiga ay sheegtay in loo gaystay, lagana haboonaa arrinta ay faafisay.

“Qof hal sano maqnaa iyo qof aanan tagin oo sii joogi jiray kee shaqo siin lahayd kan jooga ayaad siin lahayd sow maaha?. Waxaa ii muuqanayo dulmi wayn oo laguu gaystay ma jiro yacni hal sano ayaa maqneyd fasax ma haysanin shaqaale rasmi ah ma ahayn, hadda waa soo noqotay” ayuu ku yiri gabdhan oo uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale, wuxuu uu ballan qaaday in hadda shaqo loo raadinayo, haddii ay noqoto Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ama xafiisyada kale ee dowladda.

“Waxaa kale oo isoo baxay inaa dooneysid inaad shaqo hesho, xaqna waad u leedahay dowladdaada ayaad ku leedahay, taas waa ballan waa kula raadineynaa, waa la hadleynaa wasaaradda, xittaa meel kale haddii ay noqoto”. ayuu mar kale yiri Xamza Cabdi Barre.

Arrintan ayaa dhalisay falcelin xooggan, waxaana dad badan ay siyaabo kala duwan uga hadleen, sida Ra’iisul wasaaraha u wajahay kiiska Amaal Garaad.

Shukri Ibraahin Xasan: “Bilooyin iska maqneyd intuu u tirin lahaa waxaa ka wanagsaneyd 3 sano kumeelgaarkaa ugu shaqeyneyse inuu u xisaabiyo”.

Cabdulqaadir Cali: “Oo hadda cabashadii gabadha ma waxay kuso dhamaatay fashil miyaa war gabadha shaqa siiya?

Axme Cawil Jaamac: “Gabadha haddii aan RW shaqo rasmi ah u amrayn wasaaraddii ay ku meel gaadhka ka ahayd muxuu uga yeedhay?”.

Aadan Jubba: “Si dibacsan oo naxariis leh muu ula hadlo, wuxu waa dumaree?