25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Wasiir Fiqi oo shaaciyay faa’iido weyn oo Soomaaliya ka heshay heshiiska Turkiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi ayaa sharaxaad qoto dheer ka bixiyay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan heshiisyadii ugu dambeeyay ee ay gaareen labada dal.

Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka faa’iidday heshiisyada Turkiga, isagoo si gaar ah u xusay heshiiska difaaca, kaasi oo Ankara ay taageero dhinaca amniga ah oo ballaaran ku siiso Soomaaliya.

Ankara ayaa ciidanka Soomaaliya siisa taageero isugu jirta saanad ciidan iyo tababaro lagu tayeynayo ciidanka, iyadoo sidoo kale taageero weyn ka geysata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida uu Fiqi ku sheegay wareysi dhinacyo badan taabanayay oo uu siiyay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay in Turkiga uu kaalin muuqata ka qaadanayo tababarka ciidanka gaarka ah ee ku sugan saldhigga TÜRKSOM, iyagoo lagu qalabeyn doono diyaarado casri ah iyo weliba gaadiidka gaashaaman ee dagaalka.

“Turkiga waa garab weyn, iyadoo la raacayo heshiiska is-afgarad, ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya waxay tababar heer sare ah ka helayaan Turkiga, waxaana lagu tababarayaa saldhigga milatari ee TÜRKSOM,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale wareysigan uga hadlay isbeddelka amniga Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda dalka, isagoo xaqiijiyay in amniga Muqdisho uu haatan si weyn uga duwan yahay sidii uu ahaa sanadkii 2011-kii, oo waqtigaas Madaxweynaha Turkiga, Erdoğan uu booqasho ku yimid.

Wareysigan ayaa muujinaya qoto dheerida xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo haatan maraya heer sare, iyadoo Muqdisho iyo Ankara ay gaareen heshiisyo iskaashi oo waaweyn, kuwaas oo ka mid yihiin heshiiska difaaca iyo kan shidaal baarista dalka.

Sawirro: Farmaajo oo kulamo ka wada dalka dibaddiisa ka hor soo laabashadiisa Muqdisho

0

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo siyaasadeed ka bilaabay dalka dibaddiisa, gaar ahaan dalka Turkiga.

Farmaajo ayaa magaalada Istanbul kula kulmay qaar kamid ah qurbajoogta Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka mid taageerayaasha la dhacsan siyaasadda madaxweynihii hore ee dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah bilaabashada ololaha Farmaajo ee doorashada 2026, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno si dhow ula socda dhaq-dhaqaaqa cusub ee uu haatan ka bilaabay dalka dibaddiisa.

Farmaajo ayaa sidoo kale la filayaa in uu toddobaadyada soo aadan uu soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Tan iyo markii uu xilka wareejiyay Madaxweyne hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo bishii May 2022 waxaa uu ahaa dibad joog, iyadoo fariisin u aheyd magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Sida muuqata, Farmaajo ayaa haatan raba inuu beddelo siyaasaddii dibad-joognimada, uuna si toos ah ololihiisa doorashada uga bilaabi doono magaalada Muqdisho, kadib marka uu soo afmeero kulamada Istanbul.

Si kastaba, Farmaajo ayaa ka mid ah madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee weli sida wayn u diidan qorshaha Villa Somalia ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ka taagan tahay xiisad xooggan.



Kadib fadeexadii uu ku baxay Xamza, wasaaradda duulista oo baahisay qandaraas

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa baahisay qandaraas ku saabsan nadaafadda garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wasaaradda ayaa shaacisay in qandaraaskan ay soo xareysan karaan shirkadaha ka shaqeeya nadaafadda, sida la doonayo inay u qabtaan shaqooyinka nadaafadda ee garoonka Aadan Cadde, iyadoo loo baahan yahay shirkad leh khibrad, qalab, shaqaale iyo awood dhaqaale.

Qandaraaskan oo xayeysiintiisa ay baahisay wasaaraddu ayaa lagu sheegay in shirkadda shaqadaan qabaneysa ooga baahan yahay nadaafadda terminal-ka gudaha iyo dibada, nadiifinta gudaha garoonka ee meelaha rakaabku isticmaalaan: meelaha laga dhoofo, laga yimaado, VIP-da iyo meelaha sugitaanka.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah nadaafadda xafiisyada maamulka iyo shaqaalaha garoonka iyo musqulaha oo nadaafad joogto ah 24 saac ah, iyadoo bishiina loo sameynayo nadaafad qotodheer hal mar.

“Hawlaha nadaafadeed ee laga rabo waxaa kamid ah; in qashinka laga aruuriyo meelaha kala duwan iyo in si habboon loo asturo. Nadaafad deg-deg ah: Tusaale ahaan haddii uu dhaco shil, wax daato, ama xaalad caafimaad dhacdo — shirkaddu waa inay diyaar u ahaato in si degdeg ah u nadiifiso,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

Shirkadaha qandaraaskan soo xareysaneysa ayaa lagu xiray shati ganacsi oo shaqaynaya iyo soo bandhigista lacagta bishii ay ku qabanayaan adeegga, iyadoo tixgelinta la siin doono midda keenta qiimaha ugu macquulsan.

Si kastaba, baahinta qandaraaskan ayaa imanaysa 24 saac kadib markii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu kormeer kedis ah ku tegay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaasi oo dadweynaha si weyn uga deyriyeen nadaafadiisa.

Meelaha laga soo cawday ayaa waxaa kamid ah musqulaha garoonka oo la sheegay in dayac badan uu ka jiro, iyadoo kulankii dadweynaha ee uu ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha loogu gudbiyay cabashooyin la xiriira garoonka Aadan Cadde.

Xamza oo indhaha soo saaray waxyaabaha ay ka cabanayeen shacabka, ayaa maamulka garoonka ku canaantay fadeexadda taagan, isagoo faray in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto cabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan adeegyada garoonka ee muhiimka u ah bulshada.

Beesha Warsangeli oo jawaab deg-deg ah ka dalbatay Puntland + Sababta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Beesha Warsangeli ayaa si adag uga hadashay dilka Caaqil Cumar Cabdillaahi Cabdi Ibraahim oo Sabtidii duqeyn diyaaradeed lagu dilay.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen odayaasha dhaqanka, aqoonyahan iyo culimada beesha Warsangeli ayaa waxaa xukuumadda Puntland looga dalbaday inay jawaab deg-deg ah ka siiso weerarkii lagu dilay caaqilka, oo ehelkiisu sheegeen in uusan wax xiriir ah la laheyn kooxaha argagixisada.

“Sida aan wada ogsoonnahay waxaa 13/Sep, 2025 weerar diyaaradeed oo gantaalo loo adeegsadey lagu diley Caaqil Cumar C/laahi Cabdi Ibraahim isagoo ku jira safar oo keligiis wata gaadhigiisii, kana soo baxay Magaalada Ceelbuh, kuna socdey magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, markii uu marayey meel u dhow Tuulada Jiicanyo ayaa lala beegsaday saddex gantaal,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay beesha Warsangeli.

Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri “Madaxda dhaqanka, aqoonyahanka iyo culimada diinta ee gobollada Sanaag, Haylaan iyo galbeedka gobolka Bari iyaga oo ku hadlaya afka bulshada gobolladaas kana duulaya xilka iyo waajibaadka masuuliyiinta dawladda Puntland ka saaran amniga guud ee dalka, ilaalinta bedqabka bulshada iyo ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah waxay madaxweynaha iyo dhammaan golayaasha maamulka ka dalbayaan inay jawaab deg-deg ah kasoo bixiyaan.”

Beesha ayaa dalbatay in loo caddeeyo sababta loo beegsaday caaqilka, oo ay sheegeen inuu ahaa oday samatalis ah. “Ciddii geysatey ee fulisey weerarka diyaaradda iyo gantaalaha loo adeegsaday laguna diley Caaqil Cumar iyo cid kasta oo gacan kasiisay dilkaas.”

“Sababta loo beegsaday ee lagu bannaystay dilkiisa annagoo og inuu ahaa oday samatalis ah dalka oo dhanna laga yaqaaney inuu ahaa caaqil ku suntan ka shaqaynta amniga, nabadgelyada iyo maslaxadda dalka iyo dadka” ayuu u dhignaa bayaankaasi,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka beesha.

Beesha ayaa sheegtay in ay jawaab dhameystiran ka sugayso xukuumadda Saciid Deni, isla markaana talo guud ka yeelan doonaan dilkii AUN Caaqilka Cumar, haddii uu maamulka xog lagu qanci karo ka bixin weerarkan.

Dilka Caaqilka ayaa waxaa ka dhashay banaanbaxyo xooggan oo ka dhacay gobolka Sanaag, kuwaas oo looga soo horjeedo duqeyntii lala beegsaday.

Inkastoo maamulka Puntland uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo duqeyntan, waxaa maanta sheegtay inuu duqeyn ka fuliyay gobolka Sanaag taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika, oo sheegay in weerarku u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana ay kala kaashatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyay in duqeyntaas lagu bartilmaameedsaday nin hubka ka iibiya kooxda Al-Shabaab, balse ma shaacin magaciisa iyo waxa uu qabanayay xilliga la dilay.

Sheegashada Mareykanka ayaa kusoo aadeyso, iyada oo isla maalintaas la dilay Caaqil Cumar Cabdullahi Cabdi oo kamid ahaa waxgaradka gobolka Sanaag, kaas oo gaarigiisa lagu dhuftay gantaallo, xilli uu kasoo baxay deegaanka Ceelbuh, kuna sii jeeday degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Cali Cabdullahi oo la dhashay marxuumka ayaa horay uga hadlay, sida ay wax u dhaceen waxaana uu sheegay in

Gaariga caaqilka ayaa lagu dhuftay 3 gantaal, mana jirin cid kale oo la socotay, sida uu xaqiijiyay Cali Cabdullaahi oo la dhashay marxuumka, oo ka waramay sida ay wax u dhaceen.

Somaliland oo shirkad Imaaraati ah la saxiixatay heshiis $70m oo lagu dhisayo…

0

Dubai (Caasimada Online) – Somaliland ayaa heshiis cusub magaalada Dubai kula saxiixatay shirkadda maalgashiga ah ee International Maharat Investment.

Heshiiskan oo lagu qiimeeyay $70 milyan ayaa lagu kala saxeexday xarunta dhaqaalaha caalamiga ah ee Dubai (DIFC), sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda duulista hawada Somaliland.

Heshiiskan oo ah maalgelin lagu casriyeynayo garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Duulista Hawada iyo horumarinta madaarrada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux.

Mashruucan ayaa loo arkaa maalgelintii ugu weynayd ee lagu sameeyo kaabayaasha madaarrada Somaliland, wuxuuna noqonayaa mashruuca labaad ee ugu ballaaran ee maalgelin shisheeye ah oo dalka ka hirgala, kaddib maalgelintii DP World.

Wasaaradda ayaa sheegtay in shaqada dhismaha madaarka la bilaabi doono muddo lix bilood gudahood ah laga bilaabo saxeexa heshiiska.

“Maanta waxa aanu saxeexnay heshiis maalgelin ah oo gaadhaya $70 milyan, kaas oo lagu casriyeynayo Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa, waana guul weyn,” ayuu yiri Wasiir Fuaad Axmed Nuux.

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu xusay in maalgelintani ay ka dhigan tahay ballanqaad ku wajahan horumar dhaqaale, isku xidhnaan wanaagsan iyo mustaqbal barwaaqo ah.

Wasaaradda ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan habraaca dhaqan-gelinta heshiiska iyo waxa shirkaddu heli doonto, balse warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in shirkaddu yeelan doonto saameyn maamul oo muddo 20 sano ah kadib marka dhismuhu dhammaado.

Imaaraadka ayaa horey maamulka Somaliland uga hirgeliyay mashaariic ballaaran, oo ay ka mid tahay casriyeynta dekedda Berbera oo ku baxday ku dhawaad nus bilyan doollar, dhismaha madaarka cusub ee Berbera iyo waddada isku xirta Berbera iyo gudaha dalka.

Taliye Odowaa iyo Maxamuud Cabdulle oo maanta gaaray heshiis cusub + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage iyo Guddoomiyaha SODMA, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta gaaray heshiis cusub kadib wada-hadallo ka qabsoomay xarunta SODMA.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaalada guud deegaanadii la xoreeyay iyo qorshayaasha la xiriira howlaha dib u xoreynta dhulka ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Intii uu kulanku socday, labada mas’uul waxay diiradda saareen sidii hay’adda maareynta masiibooyinka qaranka uga qayb qaadan lahayd gurmadka bini’aadannimo ee la gaarsiinayo deegaannada cusub ee la qorsheynayo in laga xoreeyo Al-Shabaab.

Waxaa la isku afgartay in hay’addu ay u diyaargarowdo sidii ay u gaarsiin lahayd gargaarka deg-degga ah goobahaas, isla markaana ay hoggaanka u noqon lahayd isku dubbaridka dhammaan howlaha bini’aadannimo.

Labada mas’uul waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi farsamo oo kala matala taliska ciidanka xoogga dalka iyo hay’adda maareynta masiibooyinka qaranka.

Guddigaan ayaa si dhow uga wada-shaqeyn doona sidii loo fulin lahaa qorshayaasha gargaarka iyo taageerada loogu fidinayo dadka ku nool deegaannada la xoreeyay.

Dhinaca kale, Taliye Odowaa ayaa ka codsaday gudoomiyaha hay’adda SODMA in hay’addu ay ciidanka xoogga dalka ka caawiso sidii ay qayb uga noqon lahaayeen gaarsiinta gargaarka iyo caawinta dadka ku nool goobaha ugu daran ee ay ka jiraan xaaladaha adag.

Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda iskaashiga wadajirka ah ee ka dhaxeeya hay’adaha dowladda, si loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, loona gaarsiiyo gargaar deg-deg ah xilliyada ay u baahan yihiin.

Mareykanka oo sheegtay duqeyntii ka dhacday Sanaag

0

Washington (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa sheegtay mas’uuliyadda duqeyn culus oo 13-kii bishaan ka dhacday agagaarka degmada Badhan ee gobolka Sanaag, taas oo dhalisay khasaare leh dhimasho.

AFRICOM ayaa warsaxaafadeedka ay soo saartay ku sheegtay in weerarka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana ay kala kaashatay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, taliska ayaa xaqiijiyay in duqeyntaas lagu bartilmaameedsaday nin hubka ka iibiya kooxda Al-Shabaab, balse ma shaacin magaciisa iyo waxa uu qabanayay xilliga la dilay.

Sheegashada Mareykanka ayaa kusoo aadeyso, iyada oo isla maalintaas la dilay Caaqil Cumar Cabdullahi Cabdi oo kamid ahaa waxgaradka gobolka Sanaag, kaas oo gaarigiisa lagu dhuftay gantaallo, xilli uu kasoo baxay deegaanka Ceelbuh, kuna sii jeeday degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Cali Cabdullahi oo la dhashay marxuumka ayaa horay uga hadlay, sida ay wax u dhaceen waxaana uu sheegay in walaalkiis oo kaliya uu la socday gaariga, isla markaana lagu dhuftay 3 gantaal oo waa wayn.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in dad reer miyi ah oo goobta ka ag dhawaa ay arkeen sida uu weerarka u dhacay, isla markaana uu xaqiijiyay in Caaqilka kaligii la beegsaday.

“Lafaha Caaqilka oo keli ah ayaan haynaa, cid kalena lama socon, weligiina xidhiidh lama yeelan kooxaha la raadinayo. Dowladda Puntland ayaan war cad ka sugeynaa,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi.

Dhankeeda Puntland oo deegaanka ka arrimisa ayaa weli wadda baaris dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, waxayna warbixin hordhac ah ay horay ugu sheegtay in duqeynta dhacday lagu dilay nabadoonka, ayna meesha ugu tegtay maydka marxuumka iyo gaariga oo isku basbeelay.

Si kastaba, Dhacdadan waxay dhalisay isweydiin badan oo ku saabsan sababta gaariga Caaqilka loo bartilmaameedsaday, maadaama walaalkiis uu sheegay in uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Xasan oo war kasoo saaray wadahadallada Jubbaland iyo Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Alcarabiya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dawladda Federaalka ay waddo dadaal ku aadan sidii heshiis buuxa looga gaari lahaa khilaafka taagan, isaga oo xaqiijiyay in wada hadallo ay kula jiraan Jubbaland iyo Puntland

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in lasoo afjaro khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Jubbaland, wuxuuna qiray in la xallin doono kahor doorashooyinka dhacaya 2026-ka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in heshiiskaas uu horseed u noqon doono in doorasho hufan oo wada ogol ah ay ka dhacdo Soomaaliya, ayna ka shaqeyn doonaan madaxda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed intaba.

“Waxaan wada-hadal la wadnaa Puntland iyo Jubbaland, waxaana rajaynaynaa in arrinta Jubbaland la xalliyo ka hor inta aan la gaarin doorashooyinka deegaanka iyo kuwa qaranka, Wadahadalka iyo xiriirka waan sii wadaynaa, Puntland way ka warqabtaa arrintaas.” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sida ay horay u baahisay Caasimada Online, waxaa jira wada-hadallo hoose oo ay garwadeen ka tahay Kenya oo u bilowday Madaxweynaha Soomaaliya, ?Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Madoobe, si xal looga gaaro khilaafkooda.

Xogo hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa xilligaas ku warramay in khadka telefoonka ay ku wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe. Wada-hadalkaas ayaa waxaa fududeeyay Taliyaha Sirdoonka Kenya Nuuradiin Yuusuf Xaaji.

Nuuradiin ayaa maalmo ka hor safar qarsoodi ah ku tagay Kismaayo, sida ay illo wareedyo si dhow ula socda arrintaan inoo xaqiijiyeen.

Labada mas’uul ayaa wada-hadalkooda u horeeyay ee ay ku qaateen taleefanka uu ahaa mid kooban, kaasi oo Taliyaha Sirdoonka Kenya ku doonayo inuu bilow u noqdo qaboojinta xiisada Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Khilaafka Xasan Sheekh iyo Madoobe ayaa kasoo bilowday shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee bishii October 2024, markaas oo la isku mari waayey guddiga doorashada iyo in doorashooyinka qof iyo cod lagu soo doorto madaxda maamullada. Axmed Madoobe ayaa xilligaas ku dooday in doorashooyinka maamullada ay gooni u qabsadaan, halka Villa Soomaaliya ay ku adkeysaneysay hal guddi doorasho oo ay dowladda dhexe gacanta ku hayso inay qabtaan doorashada labada heer.

Tan iyo markaas wixii ka dambeeyay khhilaafka ayaa isku bedelay dagaallo culus oo ka dhacay Raaskambooni daba-yaaqadii 2024 iyo Beledxaawo Luuliyo 2025, taas oo keentay in ciidamo labada dhinac ah ay xadka Soomaaliya iyo Kenya ka tallaabaan.

Sanyare oo shaaciyay sabab yaab leh oo ka dambeysa ‘isqabad la’aanta’ Xasan iyo Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa u jawaabay Ra’iisul wasaare Xamza oo habeen hore si qoto dheer uga hadlay xiriirka kala dhexeeyo madaxweynihiisa, kadib markii su’aal xasaasi ah laga waydiiyay inay is qabtaan isaga iyo madaxweynaha oo uu khilaaf yimaado.

Xamza ayaa tilmaamay in mararka ay dhacdo in ay kala argti duwanaadaan isaga iyo madaxweynaha, balse uu tanaasulo, ama ay si hoose ku wada dhammeystaan doodooda.

“Aragti kala duwanaan way jireysaa marna ma dhacdo hal wax oo dhaco oo kulligeen isku aragti ka noqono ma jirto laakiin iyada oo nala ogeyn oo aan cidna na dhex dhexaadin aan xallino, waana sameynaa” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa shaaciyay in aysan qorshaha ugu jirin inuu isku soo taago xilka madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada soo socota, sida horey uga dhacday doorashooyinkii lasoo maray ee dalka.

“Dhaqan ahaan anigu waa ka duwanahay dad badan. Aniga madaxweynihii i magacaabay islama sharaxayo, dadka oo dhan waa u sheegaa wey iska cadahay taasi,” ayuu yiri Xamza.

Intaa kadib Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo u jawaabay Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Xamza uu ka tanaasulay awooddii uu siiyay Dastuurka, isla markaana halkii uu wax qaban lahaa uu indhaha ka fiirsaday qaladaadka madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay.

“Xamza Cabdi Bare, ayaa la weydiiyey  su’aal  ah, “Noo sheeg sirta ka dambaysa isqabad  la’aanta adiga iyo madaxweynaha. Balse Jawaabta saxda ah waa “inuu katanaasulay shaqadii dastuuriga ahayd ee uu qaranka u qaban lahaa oo dhan, wuxuuna indhaha kafiirsaday waxkasta oo uu khalday madaxweyne Xassan Sheekh”. ayuu yiri Sanayre.

Go’aanka Xamza uu qaatay ayaa ah mid wado cusub jeexaya, iyadoo dadka Soomaaliyeed ay hore u arkeen ra’iisul wasaare si weyn ula loolamay madaxweynihii magacaabay, taas oo dhaqan siyaasadeed ka noqotay Soomaaliya.

Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa noqonaya ra’iisul wasaarihii ugu xilka dheeraa, markii dib loo eego taariikhda intii ay xafiiska joogeen ra’iisul wasaarayaashii Soomaaliya soo maray, taas oo sabab u ah kalsoonida uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku qabo ra’iisul wasaarihiisa.

Horjoogihii Al-Shabaab ee Shabeellada Hoose oo la dilay

0

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada dalka Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ee ka socda Soomaaliya ayaa khaarijiyay horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidanka UPDF.

Magaca sarkaalka la dilay ayaa taliska waxa uu ku sheegay Cismaan Xuseen Buune, kaas oo lagu dilay howlgal ay ciidamada Uganda 14-kii bishaan ka fuliyeen aagga Buulo-mareer.

Waaxda Isgaarsiinta ee UPDF ayaa shaaca ka qaaday in horjoogaha lagu dilay weerar lama filaan ah oo ay ciidamadooda ku qaadeen, xilli uu ku sugnaa meel u dhow Buulo-Mareer oo ay fariisin ku leeyihiin ciidanka Uganda ee qaybta ka ah howlgalka taageerada Midowga Afrika

Sidoo kale, ciidamada Uganda ayaa intii uu socday howgalka gacanta ku dhigay bastoolad, boorso yar, durbaan iyo laba taleefoon gacmeed,iyo agab kale oo muhiim ah.

Taliska Ciidamada Uganda ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan howlgalladooda, ayna ka go’an tahay in la ciribtiro kooxaha argagixisada ee ku sugan halkaasi.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada Uganda ayaa kasoo muuqday furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan Shabeellaha Hoose, iyaga oo la howlgalaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay si wadajir u fuliyeen dagaallo ay kasoo hooyeen guullo waa wayn.

Bishii hore ayay ahayd markii ciidamada Uganda oo kaashanaya kuwa Xoogga Dalka ay howlgal ballaaran oo xoreyn ah ay ku qabsadeen deegaanka Bariire, halkaas oo sidoo kale lagu dilay in ka badan 50 xubnood oo ka tirsan Shabaab, ayna ku jireen saraakiil sar sare.

Intii ay socdeel dagaalladaas waxaa sidoo kale ciidamadu ay qarxiyeen gaadiid ay qaraxyo kasoo buuxiyeen Al-Shabaab, kuwaas oo duqeyn lagu gubay.

Dowladda Federaalka ayaa haatan sii laba jibaartay dagaalka, waxaana la sii xoojiyay ciidamada ku sugan furimaha hore, kuwaas oo howlgaladii ugu dambeeyay kasoo hooyay guullo waa wayn.

Sawirro: Somaliland iyo Taiwan oo maanta qaaday tallaabo cusub + Ujeedka

0

Taipei (Caasimada Online) – Xukuumadaha Somaliland iyo Taiwan ayaa qaaday tallaabo kale oo ay ku xoojinayaan iskaashigooda maaliyadeed iyo midka dhinaca diblomaasiyadeed, kadib kulan gaar ah oo maanta dhex-maray Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliland, Cabdinaasir Axmed Xirsi iyo Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Taiwan, Wu Chih-chung François oo ay wehlinayeen mas’uuliyiin kale oo sare sare.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa labada dhinac ay diiadda ku saareen xoojinta xiriirka gaarka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, iyaga oo sidoo kale isla meel dhigay iskaashi cusub oo dhinacyada maaliyadda, ganacsiga iyo tiknolojiyadda ah.

Sidoo kale Bankiga Dhexe ee Somaliland iyo Hay’addaha dhinaca Maaliyada ee Taiwan ayaa dhawaan kala saxeexan doona heshiisyo is Af-garad (MoUs), sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Somaliland oo lagu faah-faahiyay iskaashiga labada dhinac.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

𝐖𝐚𝐫-𝐒𝐚𝐱𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝: 𝐒𝐎𝐌𝐀𝐋𝐈𝐋𝐀𝐍𝐃 𝐈𝐘𝐎 𝐓𝐀𝐈𝐖𝐀𝐍 𝐎𝐎 𝐗𝐎𝐎𝐉𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐈𝐒𝐊𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈𝐆𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 𝐈𝐘𝐎 𝐃𝐈𝐁𝐋𝐎𝐌𝐀𝐀𝐒𝐈𝐘𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃

Taipei, Taiwan – Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Cabdinaasir Axmed Xirsi, ayaa  kulan heerkiisu sareeyo la  yeeshay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Taiwan, Ambassador Wu Chih-chung François, iyo mas’uuliyiin kale oo sare sare.

Kulanka ayaa daarnaa adkaynta xidhiidhka gaarka ah ee labada dal,  iyadoo labada dhinac-  Baanka Somaliland iyo Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Taiwan weeyaane-   ay isla meel dhigeen iskaashi cusub oo dhinacyada Maaliyadda, Ganacsiga iyo Tignoolajiyada ah.

Guddoomiyaha Baanka Somaliland oo hadal ka jeediyey kulanka, waxa uu xusay kaalintii uu hore uga qaatay aasaaskii iskaashiga iyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan sanadkii 2019 xiligaas oo uu ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha debedda ee somaliland, waxaana uu tilmaamay sida uu maanta u midho dhalay xidhiidhkaas labada dal oo ku dhisan kalsooni, is-ixtiraam iyo himilo wadaag.

Sidoo kale waxa uu tilaamay in Iskaashiga Maaliyadeed, ka ganacsi iyo tignoolajiyaduba ay muhiim u tahay koboca dhaqaale ee labada dal ee Somaliland iyo Taiwan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baanka Somaliland iyo weftigii uu hogaaminayey waxay booqdeen xarunta  dhexe ee Hay’adda Dhexe Caymiska Dhigaalka   ee Taiwan  (Central Deposit Insurance Corporation (CDIC), waxaana weftigta Somaliland  si diiran u soo dhaweeyey Mr. Tien-Mu Thomas Huang, oo ah Guddoomiyaha hay’ada CDIC, Madaxda fulinta Annie Cheng, iyo Guddoomiye ku-xigeenka fulinta Yvonne Y. Fan, kuwaas oo la wadaagay weftiga Somaliland khibraddooda ku saabsan Nidaamyada Caymiska Kaydka baananka iyo Hay’addaha Maaliyadeed ee kale si loo Maareeyo khataraha ke gedaaman, Labada dhinac waxay isku raaceen in la dardar-geliyo iskaashiga iyada oo loo marayo heshiish is af-garad (MoU)  oo dhex mara Baanka Somaliland iyo Hay’ada (CDIC).

Guddoomiyaha Baanku intii uu joogay Taiwan, waxa uu sidoo kale wada hadal la yeeshay

  1. Baanka Dhexe ee Taiwan (Central Bank of Taiwan).
  2. Hay’ada Korjoogtaynta Hay’addaha Maaliyadeed (Financial Supervisory Commission) (FSC) ee Taiwan,
  3. Hay’adda Caymiska Kaydka Dhexe ee Taiwan (CDIC)

Kulamadaas oo dhammaatood guul ku soo dhamaaday  waxa laysla iqaatay in ay sameeyaan dhinacyadu iskaashi ku salaysan Khibrad-wadaag, Taageero farsamo , Horumarinta kaabayaasha maaliyadeed  oo casri ah, iyo Fududeynta ku biirista Somaliland ee Nidaamyada Lacag-bixinta iyo is dhaafsiga lacagaha Caalamiga ah  ee SWIFT.

Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Hay’addaha dhinaca Maaliyada ee Taiwan waxa  ay dhawaan kala saxeexan doona Heshiisyo  is Af-garad (MoUs), si loo rasmiyeyo  oo looga dhabeeyo ballan-qaadyadan iyo is-fahanka dhex maray labada dhinac,   Waxaana sida  ugu dhakhsaha badan  dhawaan la filayaa in Hay’adda Dhexe ee Caymiska Dhigaalka   ee Taiwan (CDIC) ay noqoto hay’addii ugu horraysay, taas oo gacan ka geysan doonta aasaasidda Nidaamka Caymiska Dhigaalka Somaliland, hadii Alle idmo.

Gebogabadii, Guddoomiyaha Baanka  Dhexe Somaliland  ayaa sheegay in iskaashigan uu yahay mid horseedi doona furfurnaan iyo in la horumariyo bahda  Maaliyaddda ee Somaliland, taas oo keeni doonta koboc dhaqaale oo waara.

Guddoomiyaha waxaa kulamada ku wehlinayey Safiirka Somaliland ee Taiwan Mudane Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, , iyo Mudane Maxamuud Axmed Maxamed, Lataliyaha Sare ee Baanka Dhexe ee Somaliland.

ALLA MAHAD LEH

Ganacsade la sheegay inuu la dhuuntay canshuurta cusub ee DF oo la xukumay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsade Cabdullaahi Cismaan Maxamed oo loo haystay inuu la dhuuntay canshuurta Vat-ka ee dowladda Soomaaliya so rogtay ayaa maanta la xukumay.

Ninkan oo ka ganacsada waxyaalaha la isku qurxiyo ayaa dhawaan la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir, taas oo ugu dambeyn maanta ku xukuntay ganaax lacageed, si waafaqsan xeerarka canshuuraha dalka

“Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa eedaysane Cabdullaahi Cismaan maxamed horgeeyey maxkamadda gobolka Banaadir, kadib markii xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranku uu ku soo eedeeyey in uu jabiyay kuna xad-gudbay shuruucda canshuurta dalka iyo habraacyada sharciga ee la xiriira canshuuraha,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xeer ilaalinta.

Waxa intaas lagu sii daray “Maxkamaddu marka ay dhagaysatay, kuna qancaday caddaymaha uu xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranku uu usoo gudbiyay ayay dembiile Cabdullaahi Cismaan Maxamed ku xukuntay ganaax lacageed si waafaqsan xeerarka canshuuraha dalka.”

Xeer ilaalinta ayaa shaacisay in dambiiile Cabdullaahi Cismaan Maxamed uu isku diiwaan-galiyay diiwaanka dambiyada, taas oo ka dhigan in diiwaankiisa u gashay inuu dambi ka galay dalkiisa.

Ganacsatada ayey si adag uga digtay u hoggaansanaan la’aanta shuruucda canshuuraha dalka, iyadoo xeer ilaalintu si cad u sheegtay in cidii u hoggaansami waydana la horgayn doono maxkamadda awoodda u leh.

“Haddii lagu helo dambigaas waxaa lagu diiwaan-galin doono diiwaanka dambiyada dalka, taas oo dhibaato weyn u keeni doonta ganacsigooda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Muxuu madaxweyne Xasan ka yiri xiriirka Soomaaliya ee dalalka Masar iyo Itoobiya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Warbaahinta Alcarabiya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka Itoobiya iyo Masar oo haatan isku haya biyo xireenka wabiga Nile.

Ugu horreyn Madaxweyne Xasan ayaa si qoto dheer uga hadlay mashruuca wayn ee biyo xireenka wabiga Nile iyo saameynta uu ku yeelan karo dalalka uu maro, isaga oo xusay in Soomaaliya ay mar kasta ilaalineyso dheelitirka xiriirka ay la leedahay wadamada gobolka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay xiriirka Muqdisho iyo Addisba, wuxuuna carabka ku dhuftay in aanu saameyn doonin iskaashiga kale ee Soomaaliya kala dhexeeya Masar.

“Xiiriirka aan la leenahay Itoobiya kama hor imaanayo iskaashiga istaraatiijiga ah ee aan la leenahay Masar waxaan taageersanahay wada-hadallada la xiriira arrinta biyo xireenka” ayuu wareysiga ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Masar ay Soomaaliya ka caawiso tababaridda ciidamada iyo bixinta saadka, taas ayuu ku tilmaamay in ay tahay calaamad muujineysa xiriir dhow oo aan ku xirneen khilaafka ka taagan biyo xireenka wabiga ee uu dhawaan ka qayb-galay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay uga sii xeeladeystay carada Masar, wuxuuna lasii wadaagay qorshihiisa, gaar ahaan ka qayb-galka xafladda daah-furka biyo-xireenka GERD oo dhowaan qabsoontay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Masar u sheegtay in ay weli u hayso ixtiraam, uuna iskaashigooda sii socon doono, kaas oo sii xoogeystay markii Itoobiya ay soo damaaacisay badda, markaas oo ay Qaahira garab istaag buuxa u muujisay Muqdisho.

Sidoo kale, inta ay socotay munaasabadda furitaanka biyo-xireenka wabiga Nile oo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen madaxweynayaasha dalalka Jabuuti, Kenya iyo South Sudan ayaa waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu goobta ka sheegay in loo baahan yahay in la helo hab cadaalad iyo is ixtiraam ku dhisan maadaama kheyraadka biyaha dalalka qaarna uu u yahay badbaado, kuwa kalena uu tamar iyo horumar u yahay.

Si kastaba, Marka la eego duruufaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee xiligan iyo danaha diblomaasiyadeedba ma sahlaneyn in Madaxweyne Xasan Sheekh diido casuumaada Itoobiya, maadaama maamulkiisu uu doonayo inuu u muujiyo saaxiibtinimo iyo kalsooni.

Jamhuuriyiinta oo billaabay tallaabo Ilhaan Cumar loogu ciqaabayo Charlie Kirk dartiis

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaanad Jamhuuri ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka, Nancy Mace, ayaa Isniintii gudbisay qaraar ay ku dalbanayso in xildhibaanad Ilhaan Cumar laga xayuubiyo xubinnimadeeda guddiyada aqalka, kaddib hadallo “meel ka dhac ah” oo ay ka sheegtay dilkii Charlie Kirk, oo ahaa nin u dhaq-dhaqaaqa siyaasadda midigta fog.

“Ilhaan Cumar waxay na tustay cidda ay dhab ahaan tahay: waa qof difaacda rabshadaha siyaasadeed, kana gaabsata inay cambaarayso nafta dadka aan waxba galabsan ee la gooyo marka aysan u cuntamin ajendaheeda, xitaa dilkii naxariis darrada ahaa ee loo gaystay Charlie Kirk,” ayay Mace ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay.

“Haddii aad ku jeesjeesto dil siyaasadeed oo aad u dabaal degto dhimasho, ma sii haysan kartid kursigaaga guddiga, laakiin waxaad la kulmi doontaa cawaaqib,” ayay raacisay.

Qaraarkan ayaa ujeeddadiisu tahay in “la cambaareeyo Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Minnesota, lagana saaro Guddiga Waxbarashada iyo Shaqaalaha (Committee on Education and Workforce) iyo Guddiga Miisaaniyadda (Committee on the Budget).”

Xafiiska Ilhaan Cumar ayaa Talaadadii sheegay in tallaabadan ay tusaale u tahay laba-wejiilenimada Jamhuuriga ee ku aaddan arrinta xorriyadda hadalka.

“Xildhibaanad Ilhaan waxay ka mid ahayd dadkii ugu horreeyay ee cambaareeyay dilka Charlie Kirk. Waxay si cad tacsi iyo duco ugu muujisay xaaskiisa iyo carruurtiisa. Waxay cambaaraysay dilkiisa, waxayna si joogto ah u cambaarayn jirtay rabshadaha siyaasadeed, iyadoon eegayn aragti siyaasadeed,” ayuu afhayeen u hadlay xafiiska Ilhaan ku yiri war uu siiyay The Intercept.

Wareysi ay toddobaadkii hore siisay Zeteo, ayay Ilhaan kaga hadashay xuska loo samaynayay Kirk, oo ay ku tilmaantay mid lagu qurxinayo mowqifyadiisii cunsuriyadda cad ka muuqatay, laguna aaminayo ujeeddooyinkiisii siyaasadeed si aan loo baahnayn. Waxay sidoo kale sheegtay in warka dilkiisa uu ahaa mid “argagax leh” oo ay qalbigeedu u jabay carruurtiisa.

“Dad badan ayaa jira oo ka hadlaya in isaga [Kirk] uu doonayay oo kaliya inuu galo dood ilbaxnimo ah,” ayay Ilhaan u sheegtay Mehdi Hasan oo ka tirsan Zeteo. Ilhaan waxay intaas ku dartay in doodahaas laga reebay qirashada aragtiyihii Kirk ee si wanaagsan loo diiwaan geliyay.

“Charlie wuxuu ahaa qof mar yiri ‘qoryuhu waxay badbaadiyaan nolosha’ kaddib toogasho iskuul ka dhacday,” ayay tiri. “Charlie wuxuu ahaa qof diyaar u ahaa inuu ka doodo oo uu dhayalsado dhimashadii George Floyd ee gacanta booliska Minneapolis.”

Waxay sidoo kale dib u faafisay muuqaal gooni ah oo Kirk ku tilmaamaya “argagixiye dadka kiciya” iyo “qof laga yaqyaqsado” oo faafinayay nacaybka “ilaa daqiiqadihiisii ugu dambeeyay.”

Madaxweyne Donald Trump ayaa Isniintii ku tilmaamay Ilhaan Cumar “qof ceebaysan” iyo “guul-darayste” markii la weydiiyay in xildhibaanadda laga xayuubinayo jagooyinkeeda guddiyada.

Trump wuxuu sheegay inay “adag tahay in la aamino” in cod-bixiyeyaashu ay sii wadaan taageeradeeda. “Laakiin waxaan u arkaa inay tahay qof wax laga quudhsado,” ayuu raacisay.

Ilhaan ayaa sanadihii la soo dhaafay horey ula kulantay dhowr qaraar oo cambaarayn ah iyo weerarro uga imanayay Dimoqraadiyiinta iyo Jamhuuriga, kuwaas oo la xiriiray hadallo ay ku dhaleecaysay lobby-ga Israel iyo imbaradooriyadda Maraykanka.

Sanadkii hore, Ilhaan waxay wajahday laba qaraar oo cambaarayn ah oo ku saabsanaa eedeyn sheegaysa inay leedahay “taariikh Yuhuud-naceyb ah” iyo hadallo kale oo ay ka jeedisay khudbad ay kula hadashay Soomaalida Maraykanka.

Sannadkii 2023, Jamhuuriga Aqalka Wakiillada ayaa Ilhaan ka saaray jagadeedii Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka (House Foreign Affairs Committee) sababo la xiriira hadallo ay ku dhaleecaysay lobby-ga Israel. Sidoo kale, sannadkii 2019, Aqalka ayaa u codeeyay qaraar lagu sheegay in lagu cambaaraynayo Yuhuud-naceybka, kaas oo jawaab u ahaa hadallo kale oo ka soo yeeray Ilhaan.

Kirk, oo 31 jir ahaa, ayaa toogasho lagu dilay 10-kii September xilli uu la hadlayay koox arday ah oo dhigata Jaamacadda Utah Valley University ee magaalada Orem, oo qiyaastii 40 mayl (64.4 kilomitir) koonfur ka xigta Salt Lake City. Tyler Robinson oo 22 jir ah ayaa loo xiray dilka saamaynlihii garabka midig.

Agaasimaha Hay’adda Dambi-baarista Federaalka (FBI), Kash Patel, ayaa Isniintii sheegay in caddeyn DNA ah oo laga soo qaaday goobta lagu dilay falanqeeyihii muxaafidka ahaa ay la mid tahay tan eedeysanaha hadda xiran.

Patel wuxuu ku nuuxnuuxsaday in baaritaanka FBI-du uu weli socdo, ayna baarayaashu sii wadaan waraysiga markhaatiyada iyo falanqaynta agabka dambi-baarista, oo ay ku jiraan xogta taleefannada gacanta iyo shaybaarada DNA-da. Natiijooyinka ka soo baxa baaritaanka waxaa lala wadaagayaa xeer-ilaaliyeyaasha deegaanka iyo kuwa federaalka si ay go’aan uga gaaraan eedeymaha, ayuu yiri.

DF oo ka farxisay ciidamada ku sugan Ceeldheer + Sawirro

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wafdi culus oo saraakiil ah u dirtay furinta hore ayaa ka farxiyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka hortegay weerarkii ay dhawaan Al-Shabaab ku qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaas oo khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay argagixisada.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar (Khaalid) oo hogaaminayo saraakiisha tegay halkaas ayaa ka qayb-galay munaasabad isugu jirtay ducada geesiyadii dagaalka ku dhintay, dhiiragalin iyo abaal marinta ciidankii casharka u dhigay Khawaarijta.

Jeneraal Khaalid ayaa Shahaado sharaf iyo bilado amaal-marinno ah guddoonsiiyay qaar kamid ah askarta iyo saraakiishooda, si loogu dhiirageliyo halganka adag ee ay ku jiraan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladdooda ay ka warqabi doonto, isla markaana ay heli doonaan xuquuqaad gaar ah, daryeel iyo dalacsiin, maadaama ay qabteen shaqo adag.

“Waxaan aad iyo aad ug faraxsanahay inaan maanta la joogo ciidankeyga sharafta leh oo runtii shaqo aad iyo aad u badan deegaankan ay joogaan ka haya, cadowgana wacdaro badan u dhigay, haddii ay noqoto Masagaawa iyo haddii ay noqoto Ceeldheer” ayuu yiri.

Ujeedka booqashada taliyaha iyo saraakiisha ee la socota ayaa ah in sare loo qaado gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga hortago inay mar kale soo abaabulaan weeraro kale.

Al-Shabaab ayaa todobaadkan khasaare wayn lagu gaarsiiyay degmada Ceeldheer, waxaana laga dilay illaa 70 xubnood, halka ay dhaawacmeen 50 kale, sida uu horay u shaaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaalkii shalay ka dhacay Ceeldheer.

“Khasaaraha dagaalka kusoo gaaray kooxda Khawaarijta, qiyaastii meydadka hadda la hayo waa soddomeeyo, laakiin waxay qaateen oo la hubaa maydad kale iyo dhaawacyo kale, illaa 60 ayuu gaaraya khasaarahooda dhimashada, dhaawacoodana illaa 50 ayuu kor u dhaafay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Si kastaba, ha’ahaatee Dowladda Federaalka ayaa haatan dalka ka wadda guluf culus oo ka dhan ah Shabaab, waxaana dib boorka looga jafay ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka.

Waqooyi-Bari oo digniin culus ka soo saartay arrin ay ku howlan tahay Somaliland

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay dhaq-dhaqaaqyada colaad hurinta ah ee ay ku eedaysay maamulka Hargeysa, iyadoo sheegtay in qorshayaashaas ay khatar ku yihiin xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga ee Waqooyi Bari ayaa lagu yiri: “Duullaanka qorshaysan ee maamulka Hargeysa waa arrin halis ku ah xasilloonida iyo nabadda gobolka.”

Dawladda Waqooyi Bari waxay sheegtay in maamulka Hargeysa uu abaabulayo colaad iyo amni darro, iyadoo lagu tilmaamay qorshe ku wajahan “deegaannada iyo shacabka nabadda jecel ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.”  

Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in maamulka Waqooyi Bari uu diyaar u yahay inuu ka hortago tallaabo kasta oo keeni karta khalkhal iyo isku day duullaan ah: “Waxay caddaynaysaa in ay si dhab ah u qaadanayso colaad hurinta ay Somaliland waddo, isla markaana ay masuuliyadda ka saaran tahay maamulka Hargeysa.”

Dawladda Waqooyi Bari ayaa si cad ugu baaqday beesha caalamka inay si adag uga hortagaan waxa ay ugu yeertay qorshayaal qaldan oo ay wadaan maamulka Hargeysa:
“Waxay ugu baaqaysaa Dawladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Ururka Jaamacadda Carabta iyo dhammaan beesha caalamka in si buuxda ay u cambaareeyaan qorshaha gurracan.”

Sidoo kale, waxaa lagu adkeeyay baahida tallaabo degdeg ah oo lagu joojinayo “khalkhalgelinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

Warsaxaafadeedka ayaa ku nuuxnuuxsaday in Waqooyi Bari ay ka go’an tahay ilaalinta nabadda: “Diyaar na u tahay nabad kula noolaanshaha derisyadeeda, marnaba duullaan kuma ahayn dhul ka baxsan soohdimaheeda.”

Si kastaba, digniin adag ayaa loo diray cid kasta oo isku dayda inay ku soo xadgudubto dhulka maamulka: “Shacabka Waqooyi Bari ay yihiin lama taabtaan, cid kasta oo ku soo xadgudubta dhulka Dawladda Waqooyi Bari na ay kulmi doonto cawaaqib xumo aan la mahadin.”

Bayaankan oo dhammaantiis ku saleysan digniin iyo baaq, wuxuu si cad u muujinayaa in maamulka Waqooyi Bari uu diyaar u yahay difaaca dhulkiisa iyo shacabka, isla markaana uu doonayo taageero caalami ah si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Digniintan ayaa timid xilli dagaalkii Laascaanood ee 2023 uu weli saamayn xooggan ku leeyahay gobolka. Muddo bilo ah ayaa dagaallo culus ka socdeen magaaladaas, kadib markii shacabka deegaanka ay hubka u qaateen maamulka Somaliland, uga dambeynna ka saareen.

Sida lagu xusay warbixinno caalami ah, dagaalka Laascaanood wuxuu sababay barakac ballaaran oo u dhexeeya 153,000 ilaa 200,000 qof, iyadoo rayid badan lagu dilay rasaas iyo duqeymo aan kala sooc lahayn, inkasta oo shacabka ay markii dambe dib ugu soo laabteen guryahooda.

SSC-Khaatumo ayaa ugu dambeyn qabsatay magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda kadib markii ay 25-kii August 2023 ka guuleysteen Somaliland.

Erdogan: Netanyahu waxa uu dhowaan la kulmi doonaa masiir la mid ah kii Hitler

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa Talaadadii si kulul u dhaleeceeyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, isagoo ka falcelinayay weerarkii Israa’iil ay toddobaadkii hore ku qaadday kooxda wada-xaajoodka ee Xamaas ee ku sugnayd dalka Qatar.

Madaxweyne Erdoğan ayaa yiri, “Fikir ahaan, Netanyahu waa qof la qoys ah Hitler,” sida ay tabisay wakaaladda wararka ee Anadolu.

“Sida uusan Hitler u sii saadaalin karin guuldarradii sugaysay, Netanyahu isna waxa uu la kulmi doonaa masiir la mid ah oo kama dambays ah,” ayuu raaciyay isagoo ka soo laabanayay magaalada Doha, halkaas oo uu kaga qaybgalay shir madaxeed degdeg ah oo ay isugu yimaadeen dalalka Carabta iyo Islaamka, kaasoo ka dambeeyay duqeyntii Israa’iil.

Erdoğan ayaa weerarkii lagu qaaday kooxda wada-xaajoodka Xamaas ku tilmaamay “mid si bareer ah uga hor imanaya nidaamka iyo sharciga caalamiga ah,” wuxuuna sheegay in hoggaanka Israa’iil ay “maskaxdooda xagjirka ah u beddeleen shabakad gacan-ku-dhiigle ah oo ku dhisan fikir faashiiste ah.”

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale ka hadlay aqoonsiga dalalka reer Galbeedku ay aqoonsanayaan Falastiin, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay cadaadis dheeraad ah saari doonto Israa’iil, wuxuuna ballanqaaday inuu arrintan mar kale ka horgeyn doono Qaramada Midoobay.

Waxa uu rajo ka muujiyay in “isbahaysiga aadanaha uu heli doono taageero ballaaran” inta lagu guda jiro shirka soo socda ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Ugu dambayn, Erdoğan waxa uu ka hadlay diblomaasiyadda Turkiga ee Liibiya, isagoo carrabka ku adkeeyay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dalkaas. “Waxaa naga go’an ilaalinta madax-bannaanida Liibiya, dhul-dhawrsanaanteeda, iyo midnimadeeda siyaasadeed, dhammaan tallaabooyinkayaduna waxay ku jihaysan yihiin hadafyadaas,” ayuu yiri.

Waxa uu xusay in Turkigu uu bilowgiiba taageerayay dowladda sharciga ah ee Tripoli, halka siyaasadihii u dambeeyayna ay sidoo kale ku dadaalayeen in la furo marinnada diblomaasiyadeed ee bariga Liibiya. “Tani waxay ka tarjumaysaa dadaallada diblomaasiyadeed ee dhinacyada badan leh ee Turkiga, aragtidiisa gobolka, iyo sida ay uga go’an tahay in la gaaro nabad,” ayuu yiri Erdoğan.

Waxa uu intaa ku daray in oggolaanshaha maamulka Benghazi ee heshiiskii awoodda xadaynta badda ee ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Tripoli ay noqon doonto “guul weyn oo laga gaaray dhanka sharciga caalamiga ah.”

GOP seeks to oust Ilhan Omar over Kirk killing remarks

WASHINGTON, US – A Republican congresswoman on Monday introduced a resolution aimed at stripping Democrat Ilhan Omar of her committee assignments, accusing her of making “disgraceful” remarks in the wake of the assassination of conservative activist Charlie Kirk.

The move escalates an already bitter political feud over free speech, accountability, and the boundaries of political discourse in Washington.

Rep. Nancy Mace of South Carolina is seeking to censure Omar and remove her from the House Committees on Education and the Workforce and on the Budget, alleging that the Minnesota lawmaker effectively defended violence.

“Ilhan Omar has shown us exactly who she is: someone who defends political violence and refuses to condemn the loss of innocent lives when it doesn’t suit her agenda,” Mace declared in a statement. “If you mock a political assassination and celebrate murder, you don’t get to keep your committee seat—you face consequences.”

This latest clash adds to the long list of partisan attacks directed at Omar, one of the first two Muslim women elected to Congress and a prominent member of the progressive “Squad.”

Free speech or condoning violence?

The controversy centers on an interview Omar gave last week to the media outlet Zeteo following Kirk’s killing. While she described the news of his death as “mortifying” and offered sympathy to his family, she also criticized what she called an attempt to “sanitize” his political legacy.

“There are many people who are out there talking about him [Kirk] just wanting to have a civil debate,” Omar told interviewer Mehdi Hasan, arguing that such narratives overlooked Kirk’s more controversial stances.

“Charlie was someone who once said guns save lives after a school shooting,” she said. “Charlie was willing to debate and downplay the death of George Floyd at the hands of Minneapolis police.”

Omar’s office quickly pushed back against Mace’s resolution, accusing Republicans of weaponizing free speech for political gain.

“Congresswoman Omar was one of the first to condemn Charlie Kirk’s murder. She explicitly expressed her sympathies and prayers to his wife and children,” a spokesperson for Omar said in a statement Tuesday. “She condemned his assassination and has consistently spoken out against political violence, regardless of ideology.”

A history of controversy

This is not the first time Omar has faced official sanction in Congress. In February 2023, the Republican-controlled House voted to remove her from the influential House Foreign Affairs Committee, citing earlier remarks critical of pro-Israel lobbying groups—comments that some lawmakers across party lines condemned as antisemitic.

Omar, a former Somali refugee, has long been a lightning rod in US politics for her outspoken critiques of American foreign policy and her advocacy for Palestinian rights.

On Monday, President Donald Trump reignited his own attacks on Omar when asked about Mace’s resolution. “She’s a disgraceful person,” Trump said, adding that it was “hard to believe” voters continued to elect her.

The unfolding political drama comes as law enforcement continues to probe the assassination of Charlie Kirk, the 31-year-old founder of the conservative youth group Turning Point USA.

Kirk was fatally shot on September 10 while addressing students at Utah Valley University in Orem, about 40 miles (65 kilometers) south of Salt Lake City. Authorities arrested 22-year-old Tyler Robinson in connection with the killing.

On Monday, the FBI announced that DNA evidence collected at the scene matched the suspect in custody. Officials stressed that the investigation remains ongoing, with federal and local prosecutors coordinating on potential charges.

DF oo saraakiil iyo ciidamo u dirtay furinta kadib dagaalkii Ceeldheer

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta saraakiil sar-sare iyo ciidamo dheeraad ah u dirtay gobolka Galgaduud, kadib dagaalkii lagu jabiyay Al-Shabaab ee dhawaan ka dhacay gudaha degmada Ceeldheer ee gobolkaasi.

Saraakiisha tegtay furimaha hore waxaa hoggaaminayo taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Jeneral Sahal Cadbullahi Cumar (Khaalid) oo uu wehlinayo taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Tuuryare, kuwaas oo booqday ciidamada dowladda ee ku sugan jiidda hore, gaar ahaan aagga magaalada Masagaawa ee Galgaduud.

Khaalid oo watay ciidamo badan iyo gaadiid dagaal ayaa ka khudbeeyay Masagawaa, wuxuuna marka hore boggaadiyay geesiyeyaasha ciidanka Xoogga dalka ee cashirka u dhigay Khawaarijta, isaga oo sheegay inuu faraxsan yahay guusha wayn ee ay gaareen.

“Waxaan aad iyo aad ug faraxsanahay inaan maanta la joogo ciidankeyga sharafta leh oo runtii shaqo aad iyo aad u badan deegaankan ay joogaan ka haya, cadowgana wacdaro badan u dhigay, haddii ay noqoto Masagaawa iyo haddii ay noqoto Ceeldheer” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Inaan idin arko ayaan u imid xaaladdiina ogaado idin-ku guubaabiyo wanaagga aad sameyseen iyo shaqada aad qabateena aan idin-kaaga mahad-celiyo”.

Ujeedka booqashada taliyaha iyo saraakiisha ee la socota ayaa ah in sare loo qaado gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga hortago inay mar kale soo abaabulaan weeraro kale.

Kormeerkan ayaa sidoo kale yimid maalmo uun, kadib markii ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay guul wayn kasoo hoyeen dagaal ay Al-Shaaab kula galeen degmada Ceeldheer, halkaas oo lagu qarxiyay gaadiid qaraxyo siday, kadibna la jabiyay Khawaarijta.

Khasaaraha dhimashada ee kooxda Al-Shabaab ayaa gaaray illaa 70 xubnood, halka ay dhaawacmeen 50 kale, sida uu horay u shaaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaalkii shalay ka dhacay Ceeldheer.

“Khasaaraha dagaalka kusoo gaaray kooxda Khawaarijta, qiyaastii meydadka hadda la hayo waa soddomeeyo, laakiin waxay qaateen oo la hubaa maydad kale iyo dhaawacyo kale, illaa 60 ayuu gaaraya khasaarahooda dhimashada, dhaawacoodana illaa 50 ayuu kor u dhaafay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Falcelin aan caadi ahayn oo ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi aheyn oo lagu farxay ayaa ka dhalatay tallaabo uu maanta Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ku baxay cabasho kasoo yeertay garoonka diyaaadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa soo indha-indheeyay qaybaha kala duwan ee dhismaha garoonka, wuxuuna la kulmay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha howsha waday oo uu kala hadlay fadeexa ka taagan garoonka, gaar ahaan nadaafadda, wuxuuna o amray inay wax ka beddalaan adeegga ay u hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

”Intaan ka dib looma dul-qaadan karo waxa ka jira garoonka Aadan Cadde, Waxaan ku imid anniga dareen shacab oo cabasho ah, wixii ay sheegayeen iyo wax ka sii liita ayaan ku arkey” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada uu qaaday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya?

Axmed Cadaad: “Ra’iisul wasaare Xamse  Cabdi Barre– Waa nin daggan, daacad na u ah dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed, una diyaar ah qancinta iyo u shaqaynta Ummadda Soomaaliyeed. Tallaabo wanaagsan buu qaaday Ra’iisul wasaaruhu”.

Sayid Cabdalle: Runta in indhaha la iska saaro waa muhiim Lkn waxaa kasii qurux badan in ficil loo badalo arintaan Ra’iisul wasaare waa inaa ka dhabeysaa”.

Mustaf Mahdi: “Mahadsanid mudane raisul wazaare hadalka isoo jiitay baa waxuu ahaa haddii aad intan qaban weysay waxaad u joogto ayaaba khalad ah”.

Maxamed Cabdulqaadir: “Saan ayaa dowladd iyo wadan lagu dhisi karaa. Waxaan aad ugu faraxsanahay shaqadaa wadaan RW Xamse Cabdi Barre, Somalia oo barwaaqo ah ayaa inoo ballan ah In Sha Allah”.

Zakariye Xasan: “Wlh horey looma arag qof asigoo kaamira hortaagan saan runta u sheegayo lkn mudane ra’iisul wasare allaha ku xifdiyo shaqo wacan ayaa u heysaa bulshada”

Cali Dayib: “Hambalyo mudane raysal wasaare —waxaad tahy masuul la Dareen ah shacabkiisa. Guualyso”.