25.1 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

DF oo saraakiil iyo ciidamo u dirtay furinta kadib dagaalkii Ceeldheer

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta saraakiil sar-sare iyo ciidamo dheeraad ah u dirtay gobolka Galgaduud, kadib dagaalkii lagu jabiyay Al-Shabaab ee dhawaan ka dhacay gudaha degmada Ceeldheer ee gobolkaasi.

Saraakiisha tegtay furimaha hore waxaa hoggaaminayo taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Jeneral Sahal Cadbullahi Cumar (Khaalid) oo uu wehlinayo taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Tuuryare, kuwaas oo booqday ciidamada dowladda ee ku sugan jiidda hore, gaar ahaan aagga magaalada Masagaawa ee Galgaduud.

Khaalid oo watay ciidamo badan iyo gaadiid dagaal ayaa ka khudbeeyay Masagawaa, wuxuuna marka hore boggaadiyay geesiyeyaasha ciidanka Xoogga dalka ee cashirka u dhigay Khawaarijta, isaga oo sheegay inuu faraxsan yahay guusha wayn ee ay gaareen.

“Waxaan aad iyo aad ug faraxsanahay inaan maanta la joogo ciidankeyga sharafta leh oo runtii shaqo aad iyo aad u badan deegaankan ay joogaan ka haya, cadowgana wacdaro badan u dhigay, haddii ay noqoto Masagaawa iyo haddii ay noqoto Ceeldheer” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Inaan idin arko ayaan u imid xaaladdiina ogaado idin-ku guubaabiyo wanaagga aad sameyseen iyo shaqada aad qabateena aan idin-kaaga mahad-celiyo”.

Ujeedka booqashada taliyaha iyo saraakiisha ee la socota ayaa ah in sare loo qaado gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga hortago inay mar kale soo abaabulaan weeraro kale.

Kormeerkan ayaa sidoo kale yimid maalmo uun, kadib markii ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay guul wayn kasoo hoyeen dagaal ay Al-Shaaab kula galeen degmada Ceeldheer, halkaas oo lagu qarxiyay gaadiid qaraxyo siday, kadibna la jabiyay Khawaarijta.

Khasaaraha dhimashada ee kooxda Al-Shabaab ayaa gaaray illaa 70 xubnood, halka ay dhaawacmeen 50 kale, sida uu horay u shaaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaalkii shalay ka dhacay Ceeldheer.

“Khasaaraha dagaalka kusoo gaaray kooxda Khawaarijta, qiyaastii meydadka hadda la hayo waa soddomeeyo, laakiin waxay qaateen oo la hubaa maydad kale iyo dhaawacyo kale, illaa 60 ayuu gaaraya khasaarahooda dhimashada, dhaawacoodana illaa 50 ayuu kor u dhaafay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Falcelin aan caadi ahayn oo ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi aheyn oo lagu farxay ayaa ka dhalatay tallaabo uu maanta Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ku baxay cabasho kasoo yeertay garoonka diyaaadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa soo indha-indheeyay qaybaha kala duwan ee dhismaha garoonka, wuxuuna la kulmay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha howsha waday oo uu kala hadlay fadeexa ka taagan garoonka, gaar ahaan nadaafadda, wuxuuna o amray inay wax ka beddalaan adeegga ay u hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

”Intaan ka dib looma dul-qaadan karo waxa ka jira garoonka Aadan Cadde, Waxaan ku imid anniga dareen shacab oo cabasho ah, wixii ay sheegayeen iyo wax ka sii liita ayaan ku arkey” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada uu qaaday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya?

Axmed Cadaad: “Ra’iisul wasaare Xamse  Cabdi Barre– Waa nin daggan, daacad na u ah dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed, una diyaar ah qancinta iyo u shaqaynta Ummadda Soomaaliyeed. Tallaabo wanaagsan buu qaaday Ra’iisul wasaaruhu”.

Sayid Cabdalle: Runta in indhaha la iska saaro waa muhiim Lkn waxaa kasii qurux badan in ficil loo badalo arintaan Ra’iisul wasaare waa inaa ka dhabeysaa”.

Mustaf Mahdi: “Mahadsanid mudane raisul wazaare hadalka isoo jiitay baa waxuu ahaa haddii aad intan qaban weysay waxaad u joogto ayaaba khalad ah”.

Maxamed Cabdulqaadir: “Saan ayaa dowladd iyo wadan lagu dhisi karaa. Waxaan aad ugu faraxsanahay shaqadaa wadaan RW Xamse Cabdi Barre, Somalia oo barwaaqo ah ayaa inoo ballan ah In Sha Allah”.

Zakariye Xasan: “Wlh horey looma arag qof asigoo kaamira hortaagan saan runta u sheegayo lkn mudane ra’iisul wasare allaha ku xifdiyo shaqo wacan ayaa u heysaa bulshada”

Cali Dayib: “Hambalyo mudane raysal wasaare —waxaad tahy masuul la Dareen ah shacabkiisa. Guualyso”.

CC SHAKUUR iyo FIQI oo si weyn uga dhex-tafatay kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Wasiirka Gaadhaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayay ka dhex-tafatay maanta, kadib markii xildhibaanka oo mucaarad ah uu weerar ku qaaday kooxda Villa Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo shir jaraa’id qabtay ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo ka hadlay arrinta dhulalka iyo dhalinyarada lasoo xir-xiray ee loo haysto inay aflaagaadeeyeen, una gefeen madaxda qaranka.

Xildhibaanka ayaa si weyn uga soo horjeestay xarigga loo gaystay dhalinyaro iska soo duubay muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada oo ay ku aflagaadeeyeen Xasan Sheekh, wuxuuna tilmaamay intaasi ay muujineyso i taal darri haysato madaxda talada haysa.

“Itaal darrada dowladda haysata waxay u dul qaadan la’dahay muuqaalada Tiktok-gga, Madaxweyne xaafadaada iska joog hadaad dulqaad yartahay” ayuu yiri CC Shakuur.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Hadda waxa ay noqotay in madaxda dowladda ay shacabka eryato oo maalin wala lasoo dhajiyo hebel ayaa lasoo xiray oo madaxweynaha wax ka sheegay waa dulqaad la’aan, haddii aad xaq u ku taagan tahay xujo isku difaac”.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo sheegay in Madasha Samataixinta ee uu ka tirsan yahay Warsame ay isku bedashay meel laga difaaco dadka u gefa madaxda dalka, sida uu hadaka u dhigay.

Fiqi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in tani ay muujineyso in ajende qaran aysan u taagneyn Madashu ee ay u dhisan tahay dano gaar ah oo siyaasadeed.

“Madashii cambaarta meeshii ay ajende qaran dadka la soo hor istaagi lahayd, waxay isku bedeshay in ay daafacdo dadka madaxda dalka caayaya! Qaar ka mid ah Kama foga in ay dadkaas soo adeejiyeen!  CC Shakuur iyo Fiqi oo ay ka dhex-tafatay” ayuu ku jawaabay.

Dagaalkan afka ah ee dhex-maray labada nin ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli xubnaha mucaaradka iyo kooxda Villa Somalia ay is hayaan, kuwaas oo horay ugu kala tagay wada-hadallo waqti badan qaatay oo labada dhinac ay ka yeesheen hannaanka doorashooyinka.

Midowga Yurub oo soo faro-geliyay xiisadda ka taagan Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa maanta kulan gaar ag xafiiskiisa kula yeeshay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsay Soomaaliya, Danjire Francesca Di Mauro, oo ay wehlinayso ku xigeenkeeda arrimaha siyaasadda, Marwo Karin Gatt-Rutter.

Ugu horreyn guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa si diirran u soo dhaweeyay Danjiraha cusub, isaga oo sheegay in si dhow ula shaqeyn doonaan muddada ay joogto xafiiska, si loo sii hormariyo xiriirka iyo wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Ururka Midowga Yurub.

Intaasi kadib labada dhinac ayaa kulankooda diiradda ku saaray xaaladaha taagan gaar ahaan arrimaha siyaasadda, shuruucda muhiimka ah ee Golaha hortaalla, dib-u-eegista dastuurka,iyo qorshayaasha kale ee mudnaanta u leh Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Cabdi Xaashi oo kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale ka warbixiyay howlaha shaqo ee Aqalka Sare iyo shuruucda muhiimka u ah dib-u-dhiska dalka iyo dowlad-wanaagga, iyadoo si gaar ah loogu tilmaamay dhammaystirka cutubyada harsan ee Dastuurka KMG ah ee dalka.

Dhankeeda Danjiraha Midowga Yuru ee Soomaaliya Francesca Di Mauro aya guddoomiyaha uga mahadcelisay soo dhaweyntiisa diirran ee uu u sameeyay, waxayna bogaadisay dadaallada Golaha Aqalka Sare ee ku aaddan ansixinta shuruucda muhiimka ah ee dowlad-dhiska Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay xaqiijisay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xoojiyo taageerada siyaasadeed iyo farsamo ee lagu garab istaagayo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Danjire Di Mauro ayaa todobaadkii hore la kulantay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ay ka wada-hadleen xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhexeysa Baarlamaanka iyo Midowga Yurub, gaar ahaan arrimaha la xiriira dib-u-eegista dastuurka iyo shuruucda muhiimka ah ee hortaalla Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kulamadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay ka taagan taay xiisad siyaasadeed oo culus, una dhexeysa Villa Somalia, mucaaradka iyo laba kamid ah maamullada dalka, taas oo ka dhalatay arimaha dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.

Sawirro: Xamza oo soo arkay fadeexo culus oo ka taagan garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xuukumadda Soomaaliya Mudane Xamza Cabdii Bare ayaa maanta booqasho ku tegay gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isaga oo ka jawaabay cabasho shacab oo kasoo yeertay garoonka.

Meelaha laga soo cawday ayaa waxaa kamid ah musqulaha garoonka oo la sheegay in dayac badan uu ka jiro, sida uu baahiyay Wariye Cabdulqaadir Ok oo ka hadlay xaaladda garoonka Muqdisho, waxaa sidoo kale jirtay in kulankii dadweynaha ee xalay Ra’iisul wasaaraha loo gudbiyay cabashooyin la xiiira garoonka iyo su’aallo ku aadan adeegga E-Visa ee dhowaan la soo kordhiyey.

“Waa musiibo iyo ayaan-daro weyn in garoonka Aadan Cadde halka farxalka ee musqulaha gacanta lagu mayrto ay saakay ay xittaa awoodi waayeen in lagu rakibo shaambo gacmaha lagu dhaqdo taas bedelkeedna ay soo dhigeen Oomo. Tani waa in aysan jirin isla xisaabtan dhab ah oo la xariirta garoonka qaybtiisa maamulka” ayuu yiri Wariye Cabdulqaadir Ok.

Ujeedka kormeerka Ra’iisul wasaaraha ayaa ahaa mid ay xukuumaddiisa ay uga jawaabeyso dareenka shacabka oo muddooyinkan ka cabanayay in la horumariyo adeegyada garoonka Aadan Cadde, si wax looga qabto adeeg xumo iyo nadaafad darro baahsan ka jirta gudaha garoonka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa soo indha indheeyay qaybaha kala duwan ee dhismaha garoonka, wuxuuna la kulmay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha howsha waday oo uu kala hadlay fadeexadda taagan, isaga oo amray inay wax ka beddalaan adeegga ay u hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Xamza ayaa sidoo kale faray in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto cabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan adeegyada garoonka ee muhiimka u ah bulshada.

”Intaan ka dib looma dul-qaadan karo waxa ka jira garoonka Aadan Cadde, Waxaan ku imid anniga dareen shacab oo cabasho ah, wixii ay sheegayeen iyo wax ka sii liita ayaan ku arkey” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku soo laaban doono garoonka muddo laba toddobaad gudahood ah, isla markaana uu tallaabo ka qaadi doono, haddii aan isbeddel degdeg ah lagu sameyn adeegyada muhiimka ah sida mashiinnada.

 

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo qaaday tallaabo muhiim ah + Sawirro

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxayna qaadeen tallaabo muhiim ah oo ku aadan sameynta xeer hoosaadka golaha.

Kulanka oo ahaa mid ay soo xaadireen inta badan xildhibaanadu ayaa waxaa guddoomiyay  Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Marwo Amran Axmed Xasan iyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame, wuxuuna kulankan ahaa kii todobaad ee kal-fadhiga koowaad ee Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Ajendaha fadhiga maanta waxa uu ahaa akhrinta 1-aad ee qabya qoraalka xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, waxaana kooramka fadhiga uu ahaa 50 Mudane.

Intaas kadib golaha ayaa loo akhriyay nuqulka qabya qoraalka Xeer-hoosaadka akhrintiisii 1-aad, sida uu dhigayo Dastuurka Dawlad-goboleedka Waqooyi Bari, qodobkiisa 55-aad, farqadiisa 11-aad, ee qeexaya in goluhu samaysto Xeer-hoosaad lagu nidaamiyo hawlahooda.

Xildhibaannada sidoo kale ayaa dood adag ka yeeshay qoraallada loo qabiyay, waxayna fikradahooda ka dhiibteen nuqulka xeer-hoosaadka loo sameynayo golahooda,

Dhankiisa guddoomiye Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo kulanka ka hadlay aya u mahad celiyay guddiga soo diyaariyay qabya qoraalka Xeer-hoosaadka, waxa uuna siiyay xildhibaannada fursad ay kusoo akhriyaan Xeerka iyada oo lagu balamay in akhtinta 2-aad lasoo jeediyo maalinnimada Talaadada ah, taariikhduna ku beegantahay 16 September.

Ugu dameyn guddoomiyaha golaha Wakiillada ayaa soo xidhay fadhigii maanta, wuxuuna xildhibaannada ka codsaday inay soo akhriyaan nuqulka xeer-hoosaadka ee loo dhiibay, si kulanka soo socda dood looga yeesho, kadibna loo meel mariyo.

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo dhawaan la dhisay ayaa durbo qabtay shaqooyin waa wayn, waxaana kamid ah qabsoomidda doorashada, isagoo ku guuleystay inuu soo doorto madaxweyne & ku xigeen oo loo doortay Cabdulqaadir Firdhiye iyo Cabdirashiid Abwaan.

Somali woman sentenced to 15 years for laundering $1.2M for Al-Shabaab

0

MOGADISHU, Somalia – A court in Somalia’s capital on Tuesday sentenced a woman to 15 years in prison for financing terrorism and laundering more than $1.2 million for the militant group Al-Shabaab, a significant verdict in the government’s escalating war on the insurgents’ financial networks.

The Banaadir Regional Court in Mogadishu found Nadifa Hassan Abdulkadir Abdulle guilty of membership in a terrorist organization, financing terrorist acts, and money laundering. In addition to the prison term, she was fined $20,000.

Prosecutors from the National Attorney General’s Office presented evidence showing that Nadifa had processed approximately $1,237,010 through her personal bank accounts. The funds were used to finance and execute the operations of the al-Qaeda-affiliated group, which has waged a deadly insurgency against the Somali state for over 15 years.

The court also ordered the immediate closure of all bank accounts registered in her name and mandated that the federal government seize all assets contained within them.

“The Office of the National Attorney General affirms its commitment to combating the financing of terrorism and money laundering,” the office said in a press statement following the verdict. It issued a stark warning that “anyone involved in such dangerous acts against security and statehood will be brought before the law to face justice.”

A crackdown on illicit funding

This high-profile conviction is a key part of a broader “total war” on Al-Shabaab declared by Somali President Hassan Sheikh Mohamud in 2022. The strategy targets the group on three fronts: military, ideological, and, crucially, financial.

The Somali government, with support from international partners, has intensified its efforts to disrupt the militants’ extensive financial empire. Authorities have shut down hundreds of bank and mobile money accounts suspected of links to Al-Shabaab, aiming to choke off the revenue streams that fuel its insurgency.

This financial campaign is considered a critical component of the ongoing military offensive that has seen Somali forces, backed by local clan militias, reclaim significant territory from the insurgents in the country’s central regions.

Despite territorial losses, Al-Shabaab maintains a sophisticated and resilient financial structure, often described as one of the wealthiest jihadist groups in Africa. According to a 2022 report by the Hiraal Institute, a Mogadishu-based security think tank, the group generates well over $100 million annually.

Its primary source of income is a pervasive system of extortion and “taxation” imposed on businesses, transportation, and agriculture, even in areas under government control. The group leverages Somalia’s widespread use of mobile money to collect these funds, making the financial trail difficult to track.

The United Nations Panel of Experts on Somalia has repeatedly documented how the group launders its illicit gains through investments in real estate and other legitimate businesses, integrating its operations deeply into the local economy.

The conviction of Hassan Abdulkadir Abdulle highlights the vital role individuals play as nodes in this complex network, using the formal banking system to move and conceal funds destined for terrorist activities.

By securing such convictions, the Somali government aims to deter others and signal a new level of scrutiny over financial transactions across the country.

Somalia: PM Hamza vows not to run against president

0

MOGADISHU, Somalia – Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre has unequivocally ruled out a presidential bid in 2026 against the president who appointed him, a move that signals a significant break from the country’s turbulent political tradition of infighting between its top leaders.

In a public forum this week, Barre stated he would not challenge President Hassan Sheikh Mohamud, attributing his stance to a matter of principle and loyalty. His declaration aims to quell speculation and project an image of stability within the executive branch as Somalia navigates complex security and political challenges.

“I will not run against the president who appointed me. I say that to everyone, it is very clear,” Prime Minister Barre said during a town hall meeting in Mogadishu. “As long as the president who gave me the opportunity to stand before you tonight… is running, I will not.”

This commitment, however, came with a caveat. Barre suggested his decision could change if President Mohamud opts not to seek a second term. “If he forgoes it, I don’t know what I will do,” he added.

A departure from political norms

The announcement is a notable departure from a recurring pattern in Somali politics, where the relationship between presidents and their prime ministers has often been fraught with rivalry, leading to political gridlock and instability.

Historically, prime ministers have used their position as a springboard to launch their own presidential campaigns, frequently challenging their former bosses in a bid for the nation’s top office.

Barre, a long-time political ally of the president, was appointed in June 2022 after Mohamud began his second non-consecutive term.

His tenure has already become the longest of any prime minister in Somalia’s recent history, a fact many analysts attribute to the close and trusting relationship he maintains with the president. This stability contrasts sharply with previous administrations, which often saw multiple prime ministers appointed within a single presidential term due to political discord.

Amid a backdrop of growing friction with some of Somalia’s federal member states, Barre also delivered a forceful message on the basis of his authority, declaring he would only leave office if he lost the confidence of the Somali people, not due to pressure from his home region or clan.

“I am the prime minister for every Somali everywhere in the world, and that includes my clan,” Barre asserted. “It is right that I leave office if I lose the confidence of the Somali people. But if the Somali people have confidence in me, why should I leave?”

His comments come as the federal government faces significant political opposition from Puntland and Jubaland, two powerful semi-autonomous states. Tensions have escalated over disputes concerning constitutional amendments approved by the federal parliament earlier this year, which altered the electoral system and consolidated executive power. Leaders in Puntland and Jubaland have accused the central government of overreach and failing to build a sufficient consensus on the changes.

Barre firmly rejected the notion that national leaders hold office merely as representatives of their clans, a robust social structure that has traditionally dictated political power-sharing in Somalia through an informal arrangement known as the “4.5 formula.”

“To say the president sits in his seat for a clan, and the prime minister sits for a clan… is an insult to the national leaders, he said. “It is far from the responsibility we hold.”

Navigating Towards 2026

The federal government under President Mohamud has committed to moving Somalia towards one-person, one-vote elections in 2026, a landmark goal intended to replace the indirect, clan-based system used in previous electoral cycles.

This ambitious transition is a cornerstone of the administration’s political agenda. However, it remains a point of contention with states like Puntland, which have resisted the constitutional changes underpinning the new electoral model.

Prime Minister Barre’s pledge of loyalty and his administration’s focus on national unity over clan politics are seen as crucial for navigating the complex road ahead.

His public statements aim to reassure Somalis and international partners that the government is focused on its agenda of security reform, state-building, and preparing for democratic elections, rather than being derailed by internal power struggles. 

Jubaland oo 5 qodob soo saartay kadib hadalkii Xamza

0

Kismayo (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbland ayaa si deg-deg ah uga jawaabay hadal kasoo yeeray Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qayb-galay barnaamij dadweyne, isagoo kusoo hadal qaaday arrinta xiisada Jubbaland.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar oo qoraal dheer soo saaray ayaa 5 qodob ugu jawaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Jubbaland ay xaq u leedahay inay ka tashato masiirkeeda siyaasadeed iyo dastuurkeeda, si waafaqsan nidaamka federaalka dalka.

Cabdifitaax ayaa shaaca ka qaaday in Jubbaland ay tahay dowlad xubin ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana dastuurka federaalka iyo kan Jubbalandba ay si cad u siinayaan xaqa ay u leedahay furista iyo wax ka beddelka dastuurkeeda. Wuxuu tusaale u soo qaatay in Jubbaland ay hore u beddeshay qodob oggolaanaya in Madaxweynaha Jubbaland mar kale isu sharaxi karo xilka, taas oo uu ku tilmaamay xuquuq sharci ah oo aan la dafiri karin.

“Sida dowladdu federaalka u furtay dastuurka si  lamid ah ayey jubbaland ufurtay qodobo uga beddeshay – tusaale ahaan in Madaxweynaha Jubbaland loo oggolaaday inuu mar kale isku sharaxi karo xilka MD– Jubbalandna xaq ayey u leedahay in ay dastuurkeeda wax ka beddesho ama qodobo cusub ku darto, si waafaqsan rabitaanka shacabka iyo Dastuurka jubbaland u ogolyahay. Xuquuqdan waxaa lagu dhisay mabda’a sinnaanta iyo wadajirka federaalka, mana aha arrin lagu murmi karo, waana xuquuq uu dastuurka Jubbaland si cad u siinayo” ayuu yiri wasiirku.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Farriin Furan Mudane Ra’iisul Wasaare,

Salaan sharaf iyo qaddarin ka dib, farriintan furan waxay jawaab iyo falcelin toos ah u tahay hadalkii aad xalay jeedisay. Ujeeddadaydu ma aha in muran iyo khilaaf cusub la abuuro, balse waa inaan si cad oo ixtiraam leh u muujiyo aragtida Jubbaland ee ku aaddan arrimaha la xiriira dowladnimada, dastuurka iyo xiriirka federaalka.

Waxaan aaminsanahay in doodaha siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanta loo wajaho hab waddaniyad ku dhisan, si xal iyo is-afgarad loogu helo wixii tabasho ah. Jubbaland waxay ka mid tahay dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federalka, ku dhisan dastuurka Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna waxay leedahay xuquuq iyo awood ay ku maamusho masiirkeeda, iyadoo weliba ku dhaqmeysa wixii dastuurka federaalka u oggol yahay. Sidaa darteed, jawaabtan waxaan ku doonayaa in ay noqoto mid wax dhisaysa oo horseed u noqota wada shaqeyn iyo kalsooni.

Qodobada muhiimka ah ee jawaabta u baahan ee uu xalay codsaday in RW looga jawaabo ayaa hoos ku xusan:

  1. Xildhibaanada Jubbaland waxay xaq u leeyihiin oo uu dastuurka u ogolyahay in ay furaan dastuurka iyo inay wax ka beddelaan, taas oo ah awood ay si toos ah u siinayo nidaamka federaalka iyo sharciga dalka. Xuquuqdan ma aha mid Jubbaland oo keliya gaar u ah, balse waa mid ay leeyihiin dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Sida dowladdu federaalka u furtay dastuurka si  lamid ah ayey jubbaland ufurtay qodobo uga beddeshay – tusaale ahaan in Madaxweynaha Jubbaland loo oggolaaday inuu mar kale isku sharaxi karo xilka MD– Jubbalandna xaq ayey u leedahay in ay dastuurkeeda wax ka beddesho ama qodobo cusub ku darto, si waafaqsan rabitaanka shacabka iyo Dastuurka jubbaland u ogolyahay. Xuquuqdan waxaa lagu dhisay mabda’a sinnaanta iyo wadajirka federaalka, mana aha arrin lagu murmi karo, waana xuquuq uu dastuurka Jubbaland si cad u siinayo.

  1. Waa run in ciidamo ay joogeen Kismaayo, Dhoobley, Ceelwaaq iyo Gedo, balse joogitaankoodu wuxuu ku dhisnaa heshiis la isla ogaa oo u dhexeeyay Jubbaland iyo dowladda federaalka. Hase yeeshee, ciidankii la geeyay Kaambooni waxay ahaayeen kuwo dano siyaasadeed oo gaar ah wata, waxayna geysteen rabshado iyo khasaare dadweyne. Subax hore ayey weerareen ciidankii Jubbaland ee fariisinka ku sugnaa, taas oo sababtay dhimasho, dhaawac iyo barakac, iyadoo aan weliba la ilaawin fadeexaddii ciidanka qaranka ee xuduudaha ka tallaabay.
  2. Ra’iisul Wasaare, askariga Soomaaliyeed ee diyaarad lagu keenay Baladxaawo ee xadka wuxuu sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac qoysas Soomaaliyeed, arrin laga hortagi karayna ahayd. Waxaa murugo leh in askarigaas dartiis ay u dhinteen dad walaalo ah, xigto ah, ood-wadaag ah. Intaas ka sokow, adeegyo dowladeed oo muhiim ahaa ayaa meesha ka baxay. Ujeedada ciidamadaas loo soo diray waxay ahayd cadaadis iyo in Jubbaland lagu dhib galo, gaar ahaan kadib fashilka Raasgaambooni. Wali fursad baa jirta in ciidankaas meesha laga raro, askarigana dib loo celiyo.
  3. Waxaa kale oo la hilmaamay, Ra’iisul Wasaare, inta aad joogtay xilka RW in la xayiray diyaaradaha garoomada Jubbaland, taas oo culays xooggan ku noqotay bulshada: hooyooyinka, waayeelka, iyo bukaannada safarka caafimaad u baahnaa. Dad badan ayaa u geeriyooday xannibaaddaas.
  4. Sidoo kale, waxaa xusid mudan in deegaanka aad ka soo jeedo cunaqabateyn la saaray oo laga jartay mashaariicdii muhiimka ahaa, halka deegaan nabdoon ciidan lagu qaaday halkii horumar lagu dhiirrigelin lahaa oo DF ugasoo dhicin lahayd adeegyada ka maqan Jubbaland.

Soomaaliya waa dal federaal ah, Jubbalandna waxay xaq u leedahay inay ixtiraamto dastuurkeeda iyo go’aannada ay si sharci ah u gaarto, iyadoo sidoo kalena ku dhaqmeysa wixii dastuurka federaalka u oggol yahay. Waxaa lama huraan ah in xuquuqdaas dastuuriga ah la dhowro, si loo helo wada shaqeyn iyo dowladnimo adag oo ka tarjumeysa rabitaanka shacabka.

Jubbaland waxay xaq u leedahay inay ka hadasho masiirkeeda, ka tashato mustaqbalkeeda, iyo in go’aankeeda la ixtiraamo. In aan wada joogno sharci la’aan waxaa ka wanaagsan in aan ku wada noolaanno sharci iyo nidaam cad.

Soomaalidu waxay tiraahdaa: “Gacanta aad goyn weydo waa la dhunkadaa.” Ixtiraam iyo qaddarin.

Sawirro: Qarax ay soo abaabuleen Al-Shabaab oo laga hortegay – Sidee?

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo ay maanta ciidamada dowladda ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu fashiliyay qarax ay soo diyaariyeen Al-Shabaab.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa deegaannada Lambar-konton iyo Muuri ayaa lagu soo saaray miino ay waddada ku aaseen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October Dhamme Cali Mahdi Cabdi Beerdiide oo howlgalka hoggaaminayay ayaa xaqiijiyay in qaraxa laga hortegay, isaga oo aan gaysan wax dhibaato ah, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamadu ay ku guuleysteen inay ka fashiliyaan dhagarta kooxaha Khawaarijta.

Beerdiide ayaa sidoo kale tilmaamay in ujeedka kooxda uu ahaa in qaraxaas ay ku dhibaateeyaan shacabka ku safraya iyo gaadiidka isaga kala goosha gobolka intiisa kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgallada, si amni loogu soo dabaalo aagga deegaannadaas oo mararka qaar ay dhuumaaleysi ku yimaadaan Al-Shabaab.

Malamihii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan Shabeellaha Hoose, waxayan ka xorreeyay deegaannada Bariire, Sabiid iyo Canoole.

Intii ay socdeel dagaalladii lagu xoreeyay deegaannadaas, ciidamada ayaa sidoo kale qarxiyay gaadiid ay qaraxyo kasoo buuxiyeen Al-Shabaab, kuwaas oo duqeyn lagu burburiyay.

Dowladda Federaalka ayaa haatan sii laba jibaartay dagaalka, waxaana la sii xoojiyay ciidamada ku sugan furimaha hore, kuwaas oo howlgaladii ugu dambeeyay kasoo hooyay guullo waa wayn.

Daawo: Xamza oo si yaab leh uga hadlay dhul boobka la sheegay inuu ka socdo Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in dhul boob uusan ka socon magaalada Muqdisho xilli ay isgaadhay qeylo dhaanta shacabka.

Xamza ayaa ku dooday in dhulka ay dowladda bixisay loo maray hab sharci ah, isagoo sheegay in dowladihii hore ay iibin jireen dhulalka dowladda.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhul uu leeyahay muwaadin aan si sharci ah loogu xad-gudbi karin, haddii ay taasi dhacdana uu qofka xuquuqdiisa ku raadsan karo maxkamadaha awoodda u leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas kusii daray in cid kasta oo ku kacda xad-gudub ay sharciga mari doonto, si adagna loola xisaabtami doono, haddii sheegashada la xaqiijiyo.

“Dadka cabanaya haddii ay hayaan caddeymo sax ah oo loo mari doono hannaan sharci ah, dadka ku lug lehna waxay wajihi doonaan sharciga iyagoo mas’uuliyadda qaadaya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Mar la waydiiyay sababta warbaahinta dowladda loogu baahin waayay dhulka la bixiyay, ayuu ku jawaabay: “Dhulka oo dhan Dowladda ayaa dadka Soomaaliyeed siin jirtay, ma xayaysiin jirtay? Dhulka qofka sharciga ku lehna laguma xadgudbi karo, haddii ay dhacdana waxaa jira meelo lagu dacwoodo.”

Waxa uu intaas kusii daray: “Dadkii laga qaaday xaggee ku maqan yihiin? Maxkamad ma u tageen? Haddii ay maxkamadaha geeyeen, arrintaas xal ayaa loo helayaa.”

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka taagnaa dood ka dhalatay barakicinta dadka deggan dhulalka danta-guud, iyadoo inta badan ay la wareegtay dowladda dhexe. Mucaaradka ayaa walaac xooggan ka muujiyay hanaanka dowladda u mareyso iibinta dhulka danta-guud, taas oo dadka qaar ku tilmaameen “dhul boob”.

Haweenay $1.2 milyan u ururisay kooxda Al-Shabaab oo xukun adag lagu riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku ridday Nadiifo Xasan Cabdiqaadir Cabdulle, oo hore Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ugu soo oogay dacwad culus.

Haweenaydan ayaa loo haystay kiis la xiriira ka mid ahaanshaha ururka argagixisada ee Al-Shabaab, maalgellinta falal argagixiso iyo dhaqidda lacago sharci darro ah.

Baaritaannada iyo caddeymaha uu xafiisku horgeeyay Maxkamadda ayaa muujiyey in Nadiifo ay akoonkeeda marsiisay lacag gaareysa $1,237,010. Lacagtaas oo loo adeegsaday maalgellin argagixiso, lacag dhaqid iyo fulinta hawlaha argagixisada, iyadoo la raacayo caddeymahaas,

Sida ay shaacisay xeer ilaalintu, maxkamadda gobolka Banaadir ayaa waxay ku xukuntay haweenaydan 15 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $20,000.

Sidoo kale, waxay maxkamaddu go’aamisay in la baabi’iyo akoonnada ay leedahay Nadiifo Xasan Cabdiqaadir Cabdulle, isla markaana lagu wareejiyo dowladda wixii hanti ah ee akoonkeeda ku jira.

“Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu caddeynayaa in ay ka go’an tahay la-dagaallanka maalgellinta argagixisada iyo dhaqidda lacagta sharci darrada ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa mar kale u digtay cid kasta oo ku hawlan falalka khatarta ah ee ka dhanka ah ammaanka iyo dowladnimada in sharciga hortiisa la keeni doono si cadaaladda loo waafajiyo.

Maxaa dhex-maray Trump iyo Netanyahu kahor inta aysan Israel weerar ku qaadin Qatar

0

Washington (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa subaxnimadii Talaadadii hore ku wargeliyey Madaxweyne Trump in Israel ay qorsheyneysay inay weerarto hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ku sugan Qatar, wax yar ka hor inta uusan weerarku dhicin, sida ay warbaahinta Axios u sheegeen saraakiil Israeli ah oo xog-ogaal toos ah u ahaa arrintan.

Aqalka Cad ayaa ku andacooday in lagu wargeliyey oo keliya markii gantaalladu ay hawada ku jireen, taasoo Trump aanay siin wax fursad ah oo uu kaga soo horjeesto weerarka. Si kastaba ha ahaatee, toddoba sarkaal oo Israeli ah ayaa Axios u sheegay in Aqalka Cad uu arrintan ogaa waqti ka horreeyey, xitaa haddii fursadda lagu joojin lahaa ay ahayd mid aad u kooban.

Markii fiidnimadii Talaadada la weydiiyey in Israel ay horay usii wargelisay iyo in kale, Trump wuxuu ku adkeystay inaan la soo ogeysiin. Wuxuu si fagaare ah uga horyimid weerarka, isagoo sheegay inuu ka xun yahay, maadaama Qatar ay tahay xulafo muhiim u ah Mareykanka.

“Sida uu Madaxweyne Trump sheegay, Ciidanka Mareykanka ayaa ku wargeliyey weerarka Israel ee ka dhanka ah hoggaamiyeyaasha Xamaas ee Doha, isaguna wuxuu si degdeg ah u amray Ergaygiisa Gaarka ah Steve Witkoff inuu ogeysiiyo dowladda Qatar,” sidaas waxaa Axios u sheegtay Xoghayaha Warfaafinta, Karoline Leavitt.

Ka dib markii uu warkani soo baxay, Trump ayaa mar kale beeniyey inuu horay wax xog ah uga hayey, isagoo ku andacooday inuu weerarka ogaaday isla waqtigii ay shacabkuba ka war heleen.

Sheekada ay saraakiisha Mareykanku soo bandhigeen asbuucii hore ayaa ahayd in milateriga Mareykanku ay arkeen diyaaradaha dagaalka ee Israel oo hawada ku jira, ayna Israel ka dalbadeen sharraxaad, balse jawaabtaas aysan helin ilaa iyo markii gantaallada ballistic-ga ah ay hawada ugu jireen dhanka xarunta Xamaas ee magaalada Doha.

Aqalka Cad wuxuu sheegay in Witkoff uu ku degdegay inuu u digo dhinaca Qatar, balse ay markaas gantaalladu horey u wada dhaceen. Warbaahinta, oo ay ku jirto Axios, ayaa horey u tebisay in aan Trump lagala tashan arrinkan.

In la duqeeyo dal xulafo la ah Mareykanka iyadoo aan lagala tashan Washington waxay noqon lahayd tallaabo dhiirranaan aan caadi ahayn oo ay Israel qaadday — gaar ahaan maadaama hoggaamiyeyaasha Xamaas ay isugu imanayeen si ay uga arrinsadaan hindisihii nabadeed ee ugu dambeeyay ee Trump ee ku saabsanaa Marinka Gaza.

Sida ay sheegeen saraakiisha Israel, Netanyahu wuxuu Aqalka Cad wargeliyey waqti aad u dambeeyey, balse wuxuu ahaa waqti weli suuragal ka dhigi karayey in weerarka dib looga laabto.

Saddex sarkaal oo Israeli ah ayaa u sheegay Axios in Netanyahu uu Trump kala soo xiriiray arrinta weerarka abbaare 8:00 subaxnimo ee waqtiga D.C. Wararka ugu horreeya ee qaraxyada Doha ayaa soo baxay 8:51 subaxnimo.

“Trump wuu ogaa weerarka ka hor inta aan gantaallada la ridin. Marka hore waxaa jiray wada-hadal siyaasadeed oo dhex maray Netanyahu iyo Trump, kaddibna waxaa la sii marsiinayey isgaarsiinta militariga. Trump ‘maya’ ma dhihin,” sidaas waxaa ku andacooday sarkaal sare oo Israeli ah.

Sarkaal kale oo sare oo Israeli ah ayaa sheegay in Mareykanka “waqti hore” lagu wargeliyey heer siyaasadeed ahaan. “Haddii uu Trump doonayo inuu joojiyo, wuu awoodi lahaa. Laakiin xaqiiqadu waxay tahay, ma uusan samayn.”

Labada sarkaalba waxay sheegeen in aan weli gantaallada la ridin markii ay Trump iyo Netanyahu wada hadlayeen, waxayna ku andacoodeen in Israel ay baajin lahayd weerarka haddii uu Trump ka soo horjeesan lahaa.

Aqalka Cad kama uusan jawaabin su’aalo gaar ah oo ku saabsanaa kala-horreynta dhacdooyinka. Sidoo kale, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel ayaa diiday inuu ka faalloodo warkan ka hor inta aan la daabicin ama inuu ka jawaabo su’aalaha la weydiiyey.

Markii warku soo baxay kaddib, xafiisku wuxuu soo saaray bayaan afka Ingiriisiga ku qoran oo lagu sheegay in “sheekada Aqalka Cad ee dhacdooyinka ay sax tahay” ayna Israel kaligeed mas’uul ka tahay wixii dhacay.

Saraakiisha Israel ma aysan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan wada-hadalkii dhex maray Trump iyo Netanyahu — tusaale ahaan, in Netanyahu uu si fudud Trump ugu sheegay qorshaha Israel iyo inuu si cad uga codsaday ogolaansho.

Sidoo kale ma cadda in Trump uu si degdeg ah ula wadaagay macluumaadka saraakiishii ay khuseysay, kuwaasoo qaarkood ay si weyn uga careysnaayeen Netanyahu weerarka kaddib.

Netanyahu ayaa marar badan sheegay in weerarku ahaa tallaabo ay Israel kaligeed qaadday, oo ay ku jirto shir jaraa’id oo uu Isniintii qabtay isagoo uu garab taagnaa Xoghayaha Arrimaha Dibedda Marco Rubio. Rubio ayaa Talaadada maanta ah u safri doona Doha si uu wada-hadallo ula yeesho saraakiisha Qatar.

Sarkaal saddexaad oo Israeli ah ayaa isaguna xaqiijiyey in Israel ay horay u wargelisay maamulka Trump, balse wuxuu sheegay in Israel ay go’aansatay inay la jaanqaaddo beeninta Aqalka Cad ee ah inaan horay waxba looga ogeysiin.

“Dhinaceena, waxaa la go’aansaday inaan arrintaas kaga caawinno si loo ilaaliyo xiriirka Mareykanka iyo Israel,” ayuu yiri sarkaalku.

“Mareykanku riwaayad ayey dhigayaan. Waan la socodsiinnay weerarka,” ayuu yiri sarkaal afaraad oo Israeli ah.

“Waxa ay fagaaraha ka sheegayaan waa inaan si dhab ah loo qaadan,” ayuu yiri sarkaal shanaad oo Israeli ah.

Sarkaal lixaad oo Israeli ah ayaa sheegay inaysan ahayn markii ugu horreysay ee maamulka Trump uu “waxyaabo ka been sheego” wada-hadalladooda Israel sababo la xiriira dano siyaasadeed.

“Ilo-wareedyadan Israeli-yiinta ah ee aan magacooda la sheegin ee eedeymaha beenta ah u jeedinaya Madaxweynaha Mareykanka iyo Maamulkiisa waa inay caqli yeeshaan,” sidaas waxaa Axios u sheegay sarkaal Mareykan ah.

Weerarkii Doha wuxuu gilgilay xiriirkii u dhexeeyey Mareykanka iyo Qatar, wuxuu abuuray xiisad u dhexaysa Mareykanka iyo Israel, wuxuuna si weyn u kordhiyey go’doominta Israel ee heer gobol iyo heer caalamiba.

Shan xubnood oo Xamaas ka tirsan iyo hal sarkaal oo ka tirsan ciidanka amniga Qatar ayaa ku dhintay weerarka, balse Xamaas waxay sheegtay in dhammaan hoggaamiyeyaashoodii sare ay ka badbaadeen.

Saraakiil Israeli ah ayaa arrintaas u xaqiijiyey Axios, waxayna sheegeen in sirdoonka la helay weerarka kaddib uu muujinayey in hoggaamiyeyaashii sare ay ka baxeen dhismaha wax yar ka hor intaanay qaraxyadu dhicin.

 

Ganacsade caan ah oo lagu dilay bartamaha Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in saaka bartamaha suuqa magaalada lagu dilay ganacsade caan ah, iyadoo falkaasi lala xiriirinayo aano qabiil.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Siyaad Cali Xirsi, wuxuuna ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay magaalada Gaalkacyo, isla markaana kamid ahaa haldoorka gobolka Mudug.

Ganacsadaha ayaa waxaa lagu toogtay goobtiisa ganacsi oo ku taalla bartamaha magaalada, kadib markii dabley hubaysan weerar ku qaadday.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dableyda hubaysan ay tacshiirad ku rideen Siyaad Cali Xirsi, xilli uu ku sugnaa xaruntiisa ganacsi ee ku taalla bartamaha suuqa Gaalkacyo, halkaas oo uu ku naf waayay.

Laamaha amniga ee gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay in kooxdii dilka fulisay ay goobta ka baxsadeen, hase yeeshee ay ciidamada wadaan hawl-gal lagu raadinayo raggii ka dambeeyay falkaasi.

Gaalkacyo ayaa waxaa marar badan ka dhacay dilal la xiriira aanooyin qabiil, waxaana magaaladaas muddo dheer ka taagan colaad beeleed, taas oo sanado badan qaadatay.

Si kastaba, dhacdadan cusub ayaa kusoo aadeyso, ayada oo muddooyinkii ugu dambeeyay gobolka Mudug ay dib uga soo laba kacleynayaan dagaal beeleedyo sababay khasaarooyin kala duwan.

Booliska oo soo xiray gabar aflagaadeysay Xasan, kuna raad jooga shaqsiyaad kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa saaka soo xiray haweenay lagu eedeeyay inay u geftay Madaxweynaha Soomaaliya, kadib muuqaal ay ku baahisay baraha bulshada.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Malyuun Cawad Xaydar ayaa loo haysta inay aflagaadeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilli heeska Birmade Xasan Sheekh oo dhinac kale loo rogay lag ku faafinayo baraha bulshada, gaar ahaan barta TikTok.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaleey, ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney lagu magacaabo Malyuun Cawad Xaydar, oo ku eedaysan aflagaado madaxeed iyo anshax-xumo,” ayaa lagu yiri qoraal saaka kasoo baxay taliska booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir.

Booliska ayaa sheegay in falka ay ku kacday haweenaydan uu dhaawacayo sharafta iyo karaamada madaxda qaranka, isla markaana baalmarayo dastuurka iyo shuruucda dalka u dejisan.

“Eedeysanadu waxay ku jirtaa gacanta Booliiska, waxaana si waafaqsan sharciga loogu gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale ku raad-jooga shaqsiyaad kale oo ku kacay falal isugu jira anshax-xumo iyo aflagaado ka dhan ah madaxda qaranka, sida uu xaqiijiyay taliska booliska Soomaaliyeed.

Booliska ayaa ka dalbaday shacabka Muqdisho inay lasoo wadaagan xogta shaqsiyaadka caadeystay aflaagadada madaxda. “Muwaadin haddii aad aragto qof ku kacaya falal lid ku ah anshaxa iyo shuruucda dalka u dejisan, fadlan xogtiisa u gudbi saldhigga kuugu dhow, si boolisku uga qaado tallaabo habboon oo waafaqsan sharciga,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Shalay ayey aheyd markii booliska uu afar dhalinyaro ah usoo xiray aflaagadada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib muuqaal ay ku baahiyeen baraha bulshada.

Afartaas eedeysane oo kala ahaa Cumar Ciise Salaad, Mahad Cumar Yirid, Amin Maxamed Xasan iyo Cabdisalaan Ceenaanshe Ibraahim ayaa la horgeyn doonaa maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Booliska ayaa shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan falalka noocaan oo kale ah iyo muuqaallada anshax darrada ah ee kusii baahaya baraha bulshada ee Internet-ka

Si kastaba, horay waxaa sidaan oo kale loogu soo xiray dhalinyaro isticmaasha baraha bulshada oo sameeya falal anshax xumo ah, kuwaas oo qaarkood la horgeeyay maxkamadda gobolka, balse waa markii u horeysay oo aflagaadeyn madaxweyne loo maxkamadeynayo shaqsiyaad dhowr ah.

Daawo: Xamza oo shaaciyay sabab uu xilka uga tegi karo xilli uu wajahayo mucaarado

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa shaaciyay in sababta keliya ee xilka uga tegi karo ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay kalsoonida kala laabtaan.

Xamza ayaa sheegay inuu ra’iisul wasaare u yahay umadda Soomaaliyeed oo dhan, isla markaana uusan isku casili doonin in deegaanada uu metelo ay kasoo horjeedaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii beelo meesha ku fadhino, inta kale meelahaas ha aadaan miyaa? Aniga ma beel ayaa i keentay oo i magacowday? Hal qof oo beeshayda ah intuu Madaxweynaha u tegay ma dhihin ‘ninkaan ra’iisul wasaare ka dhig,’ laakiin Soomaali u tagtay way jiraan.”

Waxa uu intaas kusii daray: “In la yiraahdo madaxweynuhu beel ayuu kursiga ugu fadhiyaa, ra’iisul wasaaruhu beel ayuu ugu fadhiyaa iyo madaxda kaleba beelo ayay kursiga ugu fadhiyaan, waa cay la caynayo madaxda qaranka. Waxay ka fog tahay mas’uuliyadda aan hayno iyo dhaqankayaga.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa meesha ka saaray in cadaadis uga yimaada deegaannada uu kasoo jeedo oo haatan siyaasad ahaan is hayaan, uusan uga tegi doonin xilka, xilli uu wajahayo mucaaradad xooggan oo uga imanaysa maamullada Jubbaland iyo Puntland.

“Anigu waxaan ra’iisul wasaare u ahay qof kasta oo Soomaali ah oo dunidaan jooga, oo ay ku jirto beeshaydu. Haddii aan waayo kalsoonida umadda Soomaaliyeed, beeshayda ma aha. Waa sax in aan xilka ka tago, laakiin haddii aysan umadda Soomaaliyeed kalsoonidooda haysto maxaan xilka uga tegi? Ma u shaqeeyo,” ayuu si cad u sheegay ra’iisul wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha, oo shalay ka qeyb galay madal ay dadweynaha ku weydiinayeen su’aallo, ayaa sheegay in aysan qorshaha ugu jirin inuu isku soo taago xilka madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada 2026, sida hore u dhacday doorashooyinkii hore ee soo maray dalka.

Inkastoo Xamza uu muujiyay in go’aankiisu isbeddeli karo haddii madaxweynaha haatan talada haya uu ka tanaasulo, in mar kale uu isku soo taago xilka madaxweyne.

Si kastaba, Xamza Cabdi Barre ayaa noqonaya ra’iisul wasaarihii ugu xilka dheeraa, markii dib loo eego taariikhda intii ay xafiiska joogeen ra’iisul wasaarayaashii Soomaaliya soo maray, taas oo sabab u ah kalsoonida uu madaxweyne Xasan Sheekh ku qabo ra’iisul wasaarihiisa.

Hoos ka daawo muuqaalka

Madaxweyne Al-Sharca oo qaadaya tallaabo dalkiisa mamnuuc ka ahayd 60 sano

0

Dimishiq (Caasimada Online) – Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Shaarac ayaa ka qayb-galaya kalfadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu qabanayo magaalada New York inta u dhexeysa 22–30-ka September.

Warbaahinta rasmiga ah ee SANA ayaa xaqiijisay in Madaxweynaha safarkiisa ku wehlinayaan Wasiirka Arrimaha Dibadda, Ascad Xasan al-Shaybaani iyo wafdi diblomaasiyadeed oo heer sare ah.

Kalfadhigan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee madaxweyne Suuriyaan ah ka soo muuqda Golaha Guud ee Qaramada Midoobay tan iyo sanadkii 1967.

Madaxweyne Al-Shaarac iyo Wasiir al-Shaybaani ayaa inta lagu jiro booqashadan ka qayb qaadan doona shirar iyo kulammo badan.

Sidoo kale waxay kulamo la yeelan doonaan wada-hadallo madaxda dalalka iyo hoggaamiyeyaasha wafdiyada ka qayb-galaya kalfadhiga.

Axmed Al-Shaarac oo xukunka dalkaas kala wareegay Bashar Al-Asad bishii December 2024 ayaa hirgeliyay isbeddello ballaaran.

Isbeddelladaas ayaa horseeday in Suuriyaan badan ay dib ugu soo laabtaan dalkooda, inkastoo Suuriya muddo dheer uga maqneyd Golaha Guud kadib dagaalkii Israa’iil kula wareegtay buuraha Goolaan sanadkii 1967.

Xog: Imaaraadka Carabta oo billaabay dhex-dhexaadinta DF, Jubaland iyo Puntland

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa billowday dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo lana isugu soo dhaweynayo Puntland, Jubaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo muddo uu khilaaf ka dhex jiray, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa magaalada Abu Dhabi ee waddanka Imaaraadka Carabta kulamo siyaasadeed kula yeeshay saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Imaaraadka.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in shirarkaasi looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dadaallada lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka u dhexeeya Saciid Deni iyo Axmed Madoobe iyo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadda ku sugan Doha, uu dhawaan safar aan horay loo shaacin ku tegi doono dalka Imaaraadka Carabta, kaddib safarkiisii uu ku tagay Qatar.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa muddooyinkii dambe dedaal xooggan ku bixinaysay sidii laysugu soo dhawayn lahaa madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha maamulada Garoowe iyo Kismaayo.

Arrintan ayaa timid iyadoo dowladda federaalka ay bilowday inay dhankeeda la macaamisho ama xiriir dhow la yeelato dhinacyo ay is-hayaan Imaaraadka Carabta, taasi oo laga yaabo inay cadaadis saartay Abu Dhabi.

28-kii August waxaa Muqdisho yimid wafdi ka socda Imaaraadka oo uu hoggaaminayay wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka, saacado kadib markii ay caasimadda Soomaaliya soo gaareen wafdi ka socday dowladda Suudaan.

“Wafdiga uu hoggaaminayey Sheikh Shakhboot Bin Nahyan Al Nahyan, wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka, waxa uu ahaa socdaal muddo labo toddobaad ah horay loo qorsheeyay, kaas oo salka ku hayay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal iyo iskaashiga soo jireenka ah,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda xilligaas.

Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu daray: “Waxaa jiray warar been abuur ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo socdaalka wafdigan la xiriirinayay imaanshaha mid ka mid ah wufuudda caalamiga ah ee soo booqday dalka.”

Isla maalintaas waxaa Muqdisho yimid, ka hor intii aan wafdiga Imaaraadka soo gaarin, taliyaha sirdoonka Suudaan Lt-Gen Ahmed Ibrahim Ali Mufaddal, kaas oo kulan la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin sare oo amni.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Mufaddal waxa uu watay fariin uu ka sidey hoggaamiyaha ciidanka Suudaan iyo madaxa dowladda ku-meel-gaarka ah, Gen Abdel Fattah al-Burhan, oo adkeeyay “baahida degdegga ah” ee iskaashi lagu baaro marinada lagu tuhunsan yahay in hub iyo dagaalyahanno lagu soo geliyo, gaar ahaan dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee mashquulka badan ee Boosaaso.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya labada socdaal, iyadoo safarka wafdiga Imaaraadka uu ahaa mid horay loo qorsheeyay labo toddobaad ka hor. Balse, sida muuqata, Abu Dhabi waxay dareentay in Muqdisho la xiratay dhinacyo ka soo horjeeda, sidaas darteedna waxay qaaday tallaabo degdeg ah.

Imaaraadka oo xoogga saaraya in dowladda sharciga ah ee Suudaan meesha laga saaro ayaa taageeraya kooxda fallaagada ah ee RSF oo dagaal ba’an kula jirta dowladda, halka dowladda Soomaaliya ay si toos ah u taageertay jiritaanka iyo guusha dowladda sharciga ah ee Suudaan.

Maamulka Waqooyi Bari oo qoraal culus ka soo saaray dilkii Caaqil Cumar Cabdullaahi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay duqeyntii cirka ee lagu dilay nabadoon Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibrahim, waxaana ay ku tilmaameen dhacdadan “xadgudub weyn oo khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

War-saxaafadeed ay soo saareen, maamulka ayaa tacsi u diray qoyskiisa, ehellada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Dilka nabadoonka oo ay geysteen diyaarado aan la garanayn waa arrin dhaawac ku ah nabadda iyo xasilloonida shacabka Waqooyi Bari iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntaasi ay tahay mid aan la aqbali karin. “Dawladdu waxay cambaareyneysaa falka foosha xun ee lagu beegsaday nabadoonka, kaas oo ah xadgudub cad oo ka dhan ah dhaqanka Soomaaliyeed, karaamada iyo nolosha shacabka Waqooyi Bari,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedku wuxuu intaas ku daray in diyaaradaha ku duulaya hawada gobolka ay cabsi iyo khatar ku abuureen shacabka.

“Sidoo kale Dawladda Waqooyi Bari waxay cambaareyneysaa diyaaradaha aan la garanayn ee ku jira hawada gobolka Sanaag, kuwaas oo argagax iyo cabsi ku abuuraya shacabka, isla markaana khatar ku ah xasilloonida gobolka iyo guud ahaan deegaannada Waqooyi Bari,” ayaa lagu xusay.

Faahfaahinta duqeynta

Taliska Booliska Puntland, oo gobolka Sanaag muddo dheer sheegan jiray, ayaa xaqiijiyay in duqeyntu ka dhacday deegaanka Jiicaanyo ee degmada Ceelbuh, halkaas oo gaariga Nabadoonka lagu dhuftay saddex gantaal.

Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Puntland ayaa sheegay in marxuumku kaligiis saarnaa gaariga.

“Meesha waxaan ugu tagnay gaarigii iyo maydka Nabadoonka oo burbur weyn gaaray. Baaritaanno hordhac ah waxay muujinayaan in uusan qof kale la socon, wuxuuna kusii jeeday degmada Badhan,” ayuu yiri sarkaalka Booliska.

Sarkaalku wuxuu intaas ku daray in diyaaradda ay si toos ah u beegsaday gaariga Nabadoonka.

“Duqeyntaas oo ay indhahooda ku arkeen xoolo-dhaqato deegaanka ku sugnaa waxay ahayd mid si cad loogu beegsaday gaariga Nabadoonka Cumar Cabdullaahi. Wuxuu beryahaan ku sugnaa Badhan, Ceelbuh iyo Boosaaso, isagoo qayb ka ahaa odayaashii ka qaybgalay shirkii dowladda ee lagaga hadlayay horumarinta Sanaag,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Reerka oo jawaab dalbaday

Cali Cabdullaahi Cabdi oo la dhashay Nabadoonka ayaa sheegay in qoyskiisu ay weli sugayaan war cad oo ku saabsan cidda ka dambeysa weerarka.

“Lafaha Caaqilka oo keliya ayaan haynaa, cid kalena lama socon. Weligii xidhiidh lama yeelan kooxaha lala dagaallamayo. Dowladda Puntland ayaan war cad ka sugeynaa,” ayuu yiri Cali.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa ugu baaqay shacabka Sanaag in codkooda la maqlo oo aan la dayacin.

“Waxaan ku baaqeynaa in loo dhug yeesho codka shacabka gobolka Sanaag, isla markaana si dhab ah loo tixgeliyo baaqyada kasoo baxaya qaybaha kala duwan ee bulshada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale maamulka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay door ka qaadato ilaalinta hawada iyo badda dalka.

“Waxaan ugu baaqeynaa dowladda federaalka inay qaadato doorkeeda ku aaddan ilaalinta hawada iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana ay qayb ka noqoto baadhitaanka dilka nabadoonka, si loo helo natiijo rasmi ah oo caddaalad ah,” ayaa lagu sheegay.

Su’aalo ka dhashay dhacdada

Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin dalka laga leeyahay diyaaradda fulisay weerarka, haddana duqeymaha noocan oo kale ah waxaa inta badan ka geysta gudaha Soomaaliya ciidamada Mareykanka ee howlgalka AFRICOM, kuwaas oo ka caawiyay Puntland dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Daacish ee Buuraha Calmiskaad.

Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan sababta Nabadoonka loo beegsaday, maadaama qoyskiisu sheegeen inuusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

Geerida Caaqil Cumar ayaa saamayn ballaaran ku yeelatay bulshada Ceelbuh iyo nawaaxigeeda, iyadoo dadka deegaanka ay muujiyeen cabsi iyo walaac, kana dhigtay duqeyntii ugu horreysay ee noocan oo kale ah oo ka dhacda gobolka Sanaag.

Dalalka Khaliijka oo jawaab is-difaac oo mideysan ka bixinaya weerarkii Israa’iil

Doha (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha dalalka Khaliijka ayaa Isniintii sheegay inay kulan isugu yeeri doonaan golaha difaaca wadajirka ah ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), kaddib markii ay dowladda Qatar ku baaqday in jawaab “la taaban karo” laga bixiyo weerarkii ay Israel toddobaadkii hore ku qaadday magaalada Doha.

Hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah GCC waxay ka mid ahaayeen in ka badan 50 hoggaamiye oo ka kala socday waddamada Islaamka iyo Carabta oo isugu yimid dalka Qatar, halkaasoo Amiirka dalkaas, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, uu ka jeediyey khudbad xooggan oo uu ku dhaleeceeyey weerarkii Israel ee lala beegsaday saraakiisha siyaasadda ee Xamaas, isagoo ku tilmaamay mid “qaawan, gardarro ku dhisan, iyo fulaynimo ah”.

Amiir Thani ayaa dhiggiisa ugu baaqay inay qaadaan “tallaabooyin la taaban karo oo wax lagaga qabanayo xaaladda waalida, kibirka, iyo dhiig-daadin-jacaylka ee la soo deristay xukuumadda Israel”.

Iyadoo ka jawaabaysa, Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) – oo ah dallad ay ku mideysan yihiin lixda waddan ee Khaliijka – wuxuu soo saaray bayaan uu ku cambaareynayo “gardarrada arxan-darrada ah ee Israel ka gaysatay Dalka walaalaha ah ee Qatar”, taasoo uu ku tilmaamay “khatar toos ah oo ku wajahan amniga guud ee Khaliijka iyo nabadda iyo xasilloonida gobolka”.

Golaha Iskaashiga Khaliijka wuxuu isku raacay in kulan loo qabto Golaha Difaaca Wadajirka ah iyo Guddiga Sare ee Millateriga.

“Guddiyadu waxay qiimeyn doonaan heerka diyaargarowga difaac ee dalalka xubnaha ka ah iyo isha ay ka imanayaan khataraha, marka la eego gardarrada Israel,” ayaa lagu yiri bayaanka, oo intaas ku daray inay “dhaqaajin doonaan hababka difaaca wadajirka ah iyo awoodaha ka-hortagga ee Khaliijka”.

Dalalka xubnaha ka ah GCC waxay heshiis is-difaac wadajir ah saxiixdeen sanadkii 2000, kaasoo dhigaya in weerar lagu qaado mid ka mid ah xubnaha uu yahay weerar lagu qaaday dhammaantood. Goluhu wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay “in la adeegsado awood kasta si loo taageero Dalka walaalaha ah ee Qatar, loogana ilaaliyo amnigiisa, xasilloonidiisa, iyo madaxbannaanidiisa khatar kasta”.

Si kastaba ha ahaatee, ballanqaadka GCC ee is-difaaca ma aha mid u adag sida kan isbahaysiga millateriga ee NATO. Ma jiro qaab-dhismeed talis millateri oo isku xiran oo uu leeyahay Goluhu.

Weerarradii hore ee lagu qaaday xubnaha golaha, sida kuwii Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadeen Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, Golaha GCC ma uusan qaadin dadaal difaac oo wadajir ah.

Laakiin hoggaamiyeyaasha Khaliijka waxay mar horeba ka walaacsanaayeen gardarrada Israel ee ka socota Lubnaan, Suuriya iyo Iran. Shacabkooda ayaa sidoo kale si weyn uga caraysan xasuuqa Israel ay ka waddo Gaza, halkaas oo lagu dilay in ka badan 64,900 oo Falastiiniyiin ah. Dalalka Khaliijka waxaa kale oo ka nixiyey sida Mareykanku uu indhaha uga laabtay weerarrada Israel ee ka dhanka ah marinkaas.

Dhabar jeedinta Mareykanka

Wargeyska Middle East Eye ayaa toddobaadkii hore kashifay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu “ogolaansho u siiyey” Israel weerarkii ay ku qaadday Qatar. Isniintii, shabakadda wararka ee Axios ayaa xaqiijisay warbixintii Middle East Eye ee ku saabsanayd in Trump uu horay ula socday ugana raalli ahaa weerarkaas.

Qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka oo sida caadiga ah xiriir la lahaan lahaa xarunta hawlgallada Mareykanka ee Doha ayaa u sheegay Middle East Eye in isgaarsiinta la jaray markii uu weerarku dhacayey, taasoo muujinaysa in isgaarsiinta la damiyey si loo fududeeyo hawlgalka.

Boqortooyooyinka hodanka ah ee Sunnida ah ee Khaliijka ayaa muddo dheer ku tiirsanaa Mareykanka dhinaca amniga. Dalka Qatar waxaa ku yaalla saldhigga millateri ee ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay gobolka, dhismihii ay Israel duqeysayna wuxuu ku yaallay meel aad ugu dhow hoyga safiirka Mareykanka ee Doha.

Falanqeeyayaal ayaa u sheegay Middle East Eye inuu jiro khilaaf gudaha ah oo ka dhex taagan Imaaraadka Carabta – oo ah dalka Carabta ee xulafada ugu dhow la ah Israel – kaasoo ku saabsan sida looga jawaabayo weerarka Israel ee Qatar. Wargeyska Haaretz ee Israel ayaa toddobaadkii hore sheegay in Qatar ay ka codsatay Imaaraadka inuu xiro safaaraddiisa ku taalla Israel.

Shirka Doha wuxuu socday xilli uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Marco Rubio, uu Isniintii booqanayey Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.

Intii uu socday shir jaraa’id oo ay wada qabteen Rubio, Netanyahu wuxuu diiday inuu meesha ka saaro suurtagalnimada weerarro kale oo lagu qaado dalalka ay joogaan xubnaha Xamaas. Masar, Turkiga iyo Qatar ayaa dhammaantood lagu yaqaannaa inay martigeliyaan saraakiisha Xamaas marar kala duwan. Turkigu waa xubin ka tirsan isbahaysiga NATO.

Rubio si toos ah uma uusan cambaareyn weerarka Israel.

Dhanka kale, Trump wuxuu bixiyey jawaab isku dhex yaacsan oo u muuqatay inay tilmaamayso ku lug lahaanshaha Mareykanka ee weerarka, mana uusan meesha ka saarin suurtagalnimada weerarro kale oo ay Israel fuliso.

“Qatar waxay ahayd xulafo weyn oo Mareykanka la ah. Dad badan taas ma oga, amiirkeeduna waa qof cajiib ah. Waxa kale oo aan u sheegay Netanyahu in marka aan kuwa kale weerarayno, ay tahay inaan taxaddarno,” ayuu yiri Trump.

Qatar iyo Masar ayaa door muhiim ah ka qaatay dhexdhexaadinta u dhaxaysa Xamaas iyo Israel, codsi uga yimid Mareykanka. Kaddib weerarkii Israel ee Doha, falanqeeyayaal iyo diblomaasiyiin qaar ayaa soo jeediyey suurtagalnimada in Qatar ay joojiso dadaalladeeda dhexdhexaadinta.

Laakiin Isniintii, Rubio wuxuu u muuqday mid hoos u dhigaya muhiimadda dhexdhexaadinta, isagoo ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhinayn, wuxuuna sheegay in Xamaas ay tahay “‘koox argagixiso ah, koox bahalnimo ah, oo hadafkeeda la sheegay uu yahay burburinta dawladda Yuhuudda.’ Markaa, ma rajaynayno in taas [xabbad-joojin] ay dhacdo”.