27.5 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Imaaraatka oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Suudaan kadib diyaaradii laga soo riday

Khartoum (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka ee Suudaan ayaa Arbacadii shaacisay in Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta uu diyaaradaha Suudaan ka mamnuucay inay ka soo degaan garoomadiisa, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda. Tallaabadan ayaa ah calaamaddii ugu dambaysay ee muujinaysa xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa labada waddan.

Sidoo kale, hay’addu waxay xaqiijisay in diyaarad rakaab ah oo laga leeyahay Suudaan loo diiday inay ka duusho garoonka diyaaradaha ee Abu Dhabi.

Hay’adda Duulista ee Suudaan ayaa sheegtay inay ka fajacday go’aankan, waxayna intaas ku dartay inay la xiriirayso shirkadaha diyaaradaha si dib loogu habeeyo tikidhada rakaabka u safraya dalka Imaaraatka iyo kuwa ka imaanaya.

Dhankooda, mas’uuliyiinta Abu Dhabi ayaan weli si rasmi ah uga hadlin arrintan.

Go’aankan mamnuucista ah ayaa yimid kaddib markii ciidanka cirka ee Suudaan ay sheegeen inay burburiyeen diyaarad laga leeyahay Imaaraatka Carabta. Sida uu sheegay telefishanka dawladda Suudaan, diyaaradda ayaa siday calooshood-u-shaqaystayaal u dhashay dalka Colombia, waxaana la beegsaday xilli ay ku degaysay garoon ku yaal gobolka Daarfuur oo ay maamulaan Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF).

Telefishanka dawladdu wuxuu intaa ku daray in weerarkaas oo dhacay Arbacadii fiidkii lagu dilay ugu yaraan 40 qof. Garoonkan ayaa muddooyinkii dambe la kulmayay duqeymo isdaba joog ah oo ay fulinayeen ciidanka Suudaan, kuwaas oo dagaal kula jiray ciidanka RSF tan iyo bishii Abriil 2023.

Il-wareed dhanka militariga ah, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in diyaaradda Imaaraatka “la duqeeyay oo gebi ahaanba la burburiyay” xilli ay ku sugnayd garoonka diyaaradaha ee Niyala ee gobolka Daarfuur.

Dhinaca kale, weli wax war ah kama soo bixin ciidanka RSF oo ku saabsan dhacdadan.

Wakaaladda AFP ayaa soo xigatay sarkaal Imaaraati ah oo cambaareeyay eedeymahaas, isagoo ku tilmaamay “kuwa been abuur ah” sheegashada Suudaan ee ah inay burburiyeen diyaaradda.

Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro, ayaa sheegay in dawladdiisu ay baarayso tirada muwaadiniinta Colombian-ka ah ee weerarkaas ku dhintay. “Waxaan qiimayn doonnaa suurtagalnimada soo celinta meydadkooda,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Telefishanka dawladda Suudaan ayaa sidoo kale sheegay in diyaaraddu ay ka soo duushay saldhig cirka ah oo ku yaal Gacanka Carbeed, ayna siday tobanaan dagaalyahan oo ajnabi ah iyo qalab milatari oo loogu talagalay ciidanka RSF, kuwaas oo gacanta ku haya inta badan gobolka Daarfuur.

Xiisaddan ayaa salka ku haysa go’aankii ay Suudaan xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay dalka Imaaraatka Carabta bishii Maajo 2025. Xukuumadda Suudaan waxay ku eedaysay Imaaraatka inuu hub casri ah siiyo Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF) si ay ugu adeegsadaan dagaalka sokeeye ee ba’an ee dalkaas ka qarxay Abriil 2023. Imaaraatku wuxuu si isdaba joog ah u beeniyay eedeymahaas.

Sweden oo soo tarxiishay Soomaali badan iyo kuwa kale oo la qorsheynayo dhowaan

Stockholm (Caasimada Online) – Dowladda Sweden ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay dalkeeda ka masaafurisay sideed muwaadin oo Soomaali ah, waxayna isu diyaarinaysaa inay celiso ugu yaraan 15 kale, xilli ay dowladdaasi dhaqangelinayso siyaasaddeeda ugu adag ee dhinaca socdaalka muddo tobannaan sano ah, tallaabo ay madaxda jaaliyadda Soomaalida ka digeen inay halis weyn gelin karto dadka la celinayo.

Shan iyo tobanka qof ee sugaya in la masaafuriyo ayaa hadda ku jira xabsiyada dalka Sweden, sida uu sheegay Yoonis Khaliif oo ka tirsan Ururka Jaaliyadda Soomaalida ee Sweden. Wuxuu intaas ku daray in dadka la celinayo ay isugu jiraan kuwo aan loo cusboonaysiin sharciga deggenaanshaha iyo kuwo magangalyo-doon ah oo muddo u dhaxaysa saddex ilaa toban sano jawaab ka sugayay codsiyadooda.

“Arrintan waa mid ay dowladda cusub ku hawlanayd muddo dheer,” ayuu Yoonis Khaliif u sheegay BBC-da. “Waxaa dadkaas ka mid ah dad da’ ah, carruur, iyo dhallinyaro qaan-gaar ah, oo qaar badan oo ka mid ah ay shaqeeyaan oo canshuurta bixiyaan, kuwaas oo hadda luminaya xaqa ay u lahaayeen inay dalka sii joogaan.”

Yoonis Khaliif wuxuu sheegay in wakiillada jaaliyadda ay qorsheynayaan inay toddobaadkan magaalada Stockholm kula kulmaan safaaradda Soomaaliya si ay ugala hadlaan arrimaha masaafurinta, ayna horey arrintan ula wadaageen mas’uuliyiinta Sweden. Wuxuu xusay in dowladdii hore ay ahayd mid si weyn u dhageysan jirtay tabashooyinka Soomaalida, balse maamulka hadda jira uu mawqif adag ka qaatay arrintan.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay isbaheysiga laga tiro badan yahay ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Ulf Kristersson sannadkii 2022, oo ay taageerayaan xulafadiisa garabka midig iyo xisbiga la dagaallanka socdaalka ee Sweden Democrats, ayay Sweden soo rogtay tallaabooyin loogu talagalay in lagu yareeyo qaabilaadda qaxootiga iyo in la adkeeyo shuruudaha bixinta magangalyada.

Sannadkii 2024, waxaa sharciga deggenaanshaha la siiyay oo kaliya 6,250 magangalyo-doon, taasoo ah hoos u dhac boqolkiiba 42 ah marka loo eego xukuumadihii hore, waana tiradii ugu hooseysay ee la diiwaangeliyo tan iyo 1985, sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka Sweden (Swedish Migration Agency). Codsiyo yar ayaa la aqbalay, waxaana tirada sharciyada cusub ee deggenaanshaha ee la bixiyay ay gaartay heer taariikhi ah oo aad u hooseeya.

Dowladda ayaa siyaasaddan ku difaacday inay lagama maarmaan u tahay si wax looga qabto caqabadaha miisaaniyadda, balse dadka dhaliila, oo uu ku jiro Yoonis Khaliif, ayaa sheegay in sababaha dhaqaale aysan marmarsiiyo u noqon karin in la masaafuriyo dad muddo dheer deggenaa oo bulshada wax ku soo kordhinayay.

Hoggaamiyeyaasha jaaliyadda ayaa ka digaya in dadka lagu qasbayo inay ku laabtaan Soomaaliya ay la kulmi karaan isla khatarihii ay markii hore ka soo carareen, oo ay ka mid yihiin xasillooni-darrada siyaasadeed, colaadaha socda, iyo halista ah in si qasab ah ay u qortaan kooxaha mintidiinta ah.

“Xasillooni siyaasadeed ma jirto, kooxaha xagjirka ahna waxay qabsanayaan dhul hor leh,” ayuu yiri Yoonis Khaliif. “Dhallinyarada dib loo celiyo waxay noqonayaan kuwo nugul, gaar ahaan iyadoo aysan jirin shaqooyin ay helaan. Kuwani waa dad saxaraha soo maray oo halkan ammaan ka helay, balse hadda dib loogu celinayo dhibaatooyinkii ay ka soo baxsadeen. Waxaa habboon in dowladda Soomaaliya ay si dhab ah uga fiirsato arrintan.”

Shirkad Mareykan ah oo diyaarisay qorshaha reer Gaza loogu soo rarayo Soomaaliya

Boston (Caasimada Online) – Shirkadda La-talinta Boston (Boston Consulting Group – BCG) ayaa diyaarisay qorshayaal lagu rarayo Falastiiniyiinta reer Gaza, laguna dejinayo Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland, oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya. Arrintan ayaa lagu sheegay in shirkaddu u fulisay wakiillada danaha ganacsato reer Israa’iil ah oo doonaya dib u dhiska marinkaas.

Dad xog-ogaal u ah qorshahan ayaa u sheegay wargayska Financial Times in Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ay ka mid ahaayeen dhowr dal oo loo qorsheeyay in Falastiiniyiinta lagu mastaafuriyo. Liiskaas waxaa sidoo kale ku jiray waddamada Masar, Imaaraadka Carabta iyo Urdun.

Daraasaddan ayaa ku salaysnayd shaqo ay BCG ku taageeraysay aasaaska Hay’adda Gargaarka Bani’aadannimo ee Gaza (Gaza Humanitarian Foundation – GHF), oo uu Maraykanku taageero, taas oo dhaliil badan loo jeediyay sababo la xiriira tirada dadka ku dhintay goobaha gargaarka lagu qaybiyo.

Qorshahan dagaalka kaddib marka la shaaciyay wuxuu kiciyay caro weyn. Shirkadda la-talintu waxay si cad isaga fogaysay mashruuca, iyadoo sheegtay in shirkad kale oo mas’uul ka ahayd la faray in aan la fulin.

Qorshayaasha dib-u-dejinta ayaa ku salaysnaa warbixinno sheegaya in saraakiil ka tirsan Israa’iil iyo Maraykanka ay wadahadallo la yeesheen hoggaamiyeyaal ka tirsan Bariga Afrika, kuwaas oo ku saabsanaa qaabilaadda Falastiiniyiinta la mastaafurinayo, beddelkeedana loo ballanqaaday faa’iidooyin, oo ay ka mid tahay in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Qorshahan, oo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump sheegay inuu suurtagelin doono dib-u-dhiska Marinka Gaza, ayaa waxaa “isir-sifeyn” ku tilmaamay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha, hay’adaha caalamiga ah iyo saraakiil shisheeye.

“Haddii dal uu aqbalo reer Gaza oo si ku-meel-gaar ah, ikhtiyaari ahna, u soo guura, dalkaasi wuxuu helayaa dad cusub oo ku soo kordha, taas oo si cad u yeelan karta faa’iido dhaqaale oo weyn,” ayuu yiri qof xog-ogaal u ah shaqadan, sida uu u sheegay wargayska Financial Times.

“Laakiin waddamada ku jira qorshahan looma dooran iyadoo lagu salaynayo xog ku saabsan wadahadallo gaar ah oo dhacay. Ujeeddadu waxay ahayd in la fahmo dhinacyada dhaqaale ee la xiriira xulashooyinka uu Madaxweyne Trump miiska soo dhigay.”

Warbixin la socotay qorshahan ayaa saadaalisay in 25% Falastiiniyiinta reer Gaza ay go’aansan doonaan inay ka guuraan marinka, iyadoo inta badan kuwa baxa aysan dib ugu soo laaban doonin. BCG waxay qiyaastay in waddamada qaabila Falastiiniyiinta ay heli doonaan faa’iidooyin dhaqaale oo gaaraya $4.7 bilyan afarta sano ee ugu horreysa.

Waxaa la soo wariyay in shirkadda BCG – oo uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ka mid yahay ardaydeedii hore – ay ku lug yeelatay GHF markii shirkadda qandaraasyada amniga ee Maraykanka, Orbis, ay u xil saartay inay ka caawiso daraasad ku saabsan suurtagalnimada hawlgal gargaar oo cusub.

Sida la sheegay, BCG waxaa loo doortay sababtoo ah xiriirka ay la leedahay Phil Reilly, oo ah sarkaal hore uga tirsanaa CIA-da, haddana ka shaqeeya Orbis.

Sida uu markii ugu horreysay baahiyay wargayska Middle East Eye, Reilly wuxuu ahaa la-taliye sare oo BCG u shaqeynayay muddo sideed sano ah, ilaa lix bilood ka hor, markaas oo uu aasaasay shirkadda Safe Reach Solutions – shirkad faa’iido-doon ah oo ka shaqaysa amniga iyo saadka, isla markaana ilaalisa xarumaha gargaarka ee GHF ee Gaza.

Wargayska Financial Times ayaa sidoo kale soo tebiyay in xubno ka tirsan Machadka Tony Blair (Tony Blair Institute) ay ka qaybqaateen mashruuc ku saabsan xaaladda Gaza ee dagaalka kaddib, kaas oo ay ku jireen qorshayaal loogu magac daray “Trump Riviera” oo lagu adeegsaday naqshado maaliyadeed oo ay diyaarisay BCG.

Puntland oo baaris deg-deg ah ku bilowday baabuur looga shakiyay…

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada difaaca Puntland, gaar ahaan ururka Gantaal oo kaashanaya Booliska degmada Qandala, ayaa qabtay gaari laga shakiyay xilli uu marayay deegaanka Unuun ee gobolka Bari.

Gaarigan ayaa loo tuhunsan yahay in uu sahay iyo raashin u waday firxadkii kooxda Daacish ee weli ku dhuumaaleysanaya dhulka buuraleyda ah ee Calmiskaad.

War kasoo baxay Hawl-galka Calmiskaad ayaa lagu sheegay in gaariga oo ah nooca loo yaqaan Probox uu siday raashin, qalab isgaarsiin iyo qalab kale oo sahay ah, iyadoo sidoo kale lala qabtay ninkii waday.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay: “Ciidanku waxay Turmasaale keeneen gaari iyo ninkii watay, oo lagu soo qabtay isagoo raashin, solar iyo agab isgaarsiin u wada dhulka laga sifeynayo firxadka argagixisada Daacish.”

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada difaaca ee Puntland ay gacanta ku dhigeen gaari sahay u swaday maleeshiyaadka Daacish. Gaarigaas oo siday raashin uu ka qaaday Boosaaso ayaa ciidamadu ay ku qabteen deegaanka Biyo Kulule, halkaas oo ay weli ka socdaan howl-gallo culus.

Howl-galladan waxaa barbar socda duqeymo culus oo ay saaxiibada caalamiga ah ka fuliyaan deegaannada la tuhunsan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan Daacish. Weeraradan ayaa si weyn u taageera ciidamada difaaca Puntland ee haatan howl-gallada culus ka wada aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Si kastaba, Guulaha laga gaaray howl-galka Hillaac ayaa la sheegay inay yihiin kuwa si buuxda u wiiqay awooddii ururka Daacish ee gobolka, inkasta oo weli loo baahan yahay feejignaan dheeri ah oo ku wajahan ragga firxadka ah iyo isku daygooda ah inay dib usoo abaabulaan.

Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Ghana xilli ay wajaheyso murugo weyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay madaxda iyo shacabka Ghana kadib geerida wasiirro iyo saraakiil sare oo dalkaas uga baxay shil diyaaradeed oo Arbacadii ka dhacay gobolka Ashanti ee koonfurta dalkaasi.

Bayaan tacsi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay garab taagan tahay dhiggeeda Jamhuuriyadda Ghana oo la murugeysan dhibaatada ka dhalatay shilkaasi diyaaradeed, kaasi oo galaaftay nolosha 8 xubnood.

“Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysa dowladda iyo shacabka dalka saaxiibka ah ee Jamhuuriyadda Ghana, kaddib shil naxdin leh oo sababay geerida siddeed qof, oo ay ku jiraan Wasiirka Gaashaandhigga, Dr. Edward Omane Boamah, iyo Wasiirka Deegaanka, Sayniska iyo Teknolojiyadda, Dr. Ibrahim Murtala Muhammed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka: “Waxaan si qoto dheer uga naxnay murugada ay Ghana ku sugan tahay, Soomaaliya waxay la wadaagaysaa dareen tacsiyeed oo qalbi ah dhammaan dadkii ay saameysay dhacdadan murugada leh.”

Soomaaliya ayaa si dareen leh u muujisay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin Ghana xilligan adag ee baroor-diiqda, iyaga oo u diraya dareenkooda ugu xanuunka badan, kuna celinaya ballan-qaadkooda midnimo iyo naxariis.

Dowladda Ghana ayaa ku dhawaaqday in calanka dalkaasi hoos loo dhigay, halka madaxweyne Mahama uu hakiyay dhammaan howlihiisii rasmiga ah si loo muujiyo murugada dhacdadan.

Shilalka ay ku lug leeyihiin diyaaradaha yar yar ayaa ah kuwo mararka qaar laga dareemo Bariga Afrika.

Bishii April ee sanadkii hore, taliyihii guud ee ciidamada Kenya ayaa ka mid ahaa 10 qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo dhacay Kenya, wax yar kadib markii ay duushay diyaarad milatari.

Shilalkan ayaa si dhab ah faah-faahin dhammeystiran looga soo gudbin marka guddiyada ka shaqeynaya arrintaan ay sameeyaan baarista loo xil-saaro.

NISA oo bartilmaameedsatay madax sare oo Al-Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay howl-gal qorsheysan ka sameeyay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galka ayaa lagu beegsaday guri ay deganaayeen horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ku maleegayay falal argagixiso ah.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in howl-galkaasi uu sababay khasaare xooggan oo gaaray kooxda Al-Shabaab.

Gaar ahaan, horjoogeyaal sare oo ku sugnaa guriga la beegsaday ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkaasi.

Faah-faahin dheeraad ah ayaa la filayaa in la helo saacadaha soo socda, iyadoo la sugayo war rasmi ah oo kasoo baxa hay’adda NISA.

Howl-galkan ayaa daba socda bartilmaameedyo gaar ah oo hay’adda NISA ku beegsanayso horjoogayaasha Al-Shabaab iyo xubnaha muhiimka ah, xilli ay hoos u dhaceen howl-galladii tooska ahaa ee ka dhanka ahaa kooxda, kaas oo iska garabsanayeen ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka ee Macawisleyda

Kooxda ayaa haatan dib u qabsatay deegaano ka tirsan bariga gobolka Hiiraan, kuwaas oo labo sano ka hor laga xoreeyay. Waxaana muuqata in kooxda ay isku dayeyso sii wadista ballaarinta awooddeeda mar kale gudaha gobolka.

Ruushka oo cambaareeyay qorshaha cusub ee Israel

0

New York (Caasimada Online) – Ku-xigeenka Ergayga Ruushka ee Qaramada Midoobay, Dmitry Polyanskiy ayaa si kulul u cambaareeyay qorshaha cusub ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada Israa’iil, kaas oo lagu doonayo in lagu qabsado guud ahaan dhulka marinka Gaza.

Ergeyga Ruushka oo la hadlayay warfidiyeenka ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid aad u halis badan oo wiiqeysa dadaallada nabadeed. Wuxuu sheegay in Ruushku si buuxda u cambaareynayo qorshahaasi iyo wax kasta oo lamid ah.

Dmitry Polyanskiy ayaa intaas ku daray in waddo kasta oo lagu raadiyo xasillooni iyo nabad waarta laga fogaanayo haddii Israa’iil ay u dhaqaaqdo ficillo noocan oo kale ah oo horseedi kara dhiig daata dheeraad ah iyo xasillooni darro gobolka ka dhacda.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa si cad u soo bandhigay qorshe cusub oo milatari, kaasi oo lagu doonayo in Israa’iil ay si rasmi ah gacanta ugu dhigto marinka Gaza. Qorshahaan ayaa qayb ka ah dadaallada milatari ee Israa’iil ay ku sheegtay “in lagu baabi’inayo awoodda Xamaas”.

Sida ay sheegayaan warbixino kala duwan, qorshahaan ayaa lagu bilaabi doonaa in ciidamo cusub oo Israa’iili ah la geeyo deegaanno aysan horey u gelin, kuwaas oo ay ku jiraan xeryo ciidan oo lagu tuhunsan yahay in Xamaas ay u isticmaasho tababarada militari.

Waxyaabaha kale ee ku jira qorshaha waxaa kamid ah in si buuxda loo hareereeyo magaalada Gaza, waxaana qorshuhu dhigaya in dadka ku sugan halkaasi lagu khasbo inay u qaxaan koonfurta, si loo furo waddo lagu fulin karo weerarro milatari oo cusub.

Qorshahan ayaa sidoo kale tilmaamaya in la beegsado goobo ay dad badan ku sugan yihiin, taas oo laga cabsi qabo inay keento khasaare baaxad leh oo ka dhan ah shacabka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Israa’iil ay wajahaysa cadaadis xooggan oo caalami ah oo la xiriira duqeymaha joogtada ah ee ay ka waddo gudaha Gaza, kuwaas oo sababay burbur baahsan iyo dhimasho tiro aad u badan.

Tirakoob ay hay’adaha caafimaadku soo bandhigeen ayaa muujinaya in dagaallada ka socda Gaza tan iyo bishii Oktoobar 2023 ay sabab u noqdeen geerida in ka badan 61,200 oo qof, kuwaas oo badankood ah dumar iyo caruur.

Dalka Ruushka oo horay ugu baaqay in la helo xabbad-joojin degdeg ah ayaa mar kale ku celiyay baaqiisa ah in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka, lana bilaabo wadahadal horseedi kara xasilooni iyo nabad waarta oo laga gaaro gobolka.

BCG linked to plan moving Gazans to Somalia, Somaliland

Washington, USA – Global management consultancy Boston Consulting Group (BCG) developed a controversial blueprint to relocate hundreds of thousands of Palestinians from the Gaza Strip to countries such as Somalia and the self-declared Republic of Somaliland, the Financial Times has reported.

The work said to have been carried out for Israeli businessmen preparing for the post-war redevelopment of the besieged territory, examined the “voluntary and temporary” deportation of Palestinians. The plan has been sharply condemned by human rights groups, which have branded it a framework for ethnic cleansing.

The idea stemmed from BCG’s collaboration with the US-backed Gaza Humanitarian Foundation (GHF), a newly established organization involved in aid distribution.

Documents reviewed by the Financial Times indicate that the firm’s modeling suggested countries agreeing to host Palestinian migrants could reap significant economic benefits — with a potential $4.7 billion boost for host nations within just four years.

BCG has since moved to publicly distance itself from the proposal, saying the partner who led the work was instructed not to move forward.

The lure of recognition

The inclusion of Somalia and Somaliland in the plan is particularly striking. According to the source material, the modeling drew on media reports that Israeli and US officials had floated the idea of East African nations accepting Palestinian deportees.

A key incentive allegedly put on the table was the possibility of formal diplomatic recognition of Somaliland as an independent state.

Somaliland, located in northwestern Somalia, broke away and declared independence in 1991 but has not secured broad international recognition. For its administration in Hargeisa, acknowledgment from the United States or Israel would represent a landmark diplomatic breakthrough.

The proposal reportedly estimated that around 25 percent of Gaza’s Palestinian population might opt to relocate, with most unlikely to return.

“By accepting the Gazans who relocate temporarily and voluntarily, a country will get an injection of population that will have an economic benefit that clearly could be significant,” a person familiar with the modeling told the Financial Times.

The plan aligns with rhetoric from some far-right Israeli politicians and ties into earlier redevelopment visions linked to former US President Donald Trump, including the concept of a “Trump Riviera” along Gaza’s coastline. T

he Office of the UN High Commissioner for Human Rights has consistently condemned any mass deportation of Palestinians, warning that “their forced displacement… is strictly prohibited under international law.”

A web of international actors

BCG’s involvement reportedly began when Orbis Business Intelligence, a US security contractor, approached the firm to conduct a feasibility study for a new Gaza aid operation.

That connection was made through Phil Reilly, a former CIA officer who served as a senior adviser to BCG for eight years. Reilly now heads Safe Reach Solutions, a security company tasked with protecting GHF’s aid hubs in Gaza.

The controversy also touches the Tony Blair Institute for Global Change. According to the Financial Times, staff from the institute — founded by the former British prime minister — participated in post-war Gaza projects that used the financial models BCG had developed.

BCG, one of the world’s most prestigious consulting firms and an alma mater of Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu, has sought to make clear that the relocation modeling was “not commissioned by any Israeli government body” and was instead “an internal, unsanctioned effort by a single partner.”

Somalis in Sweden face deportation under new policy

STOCKHOLM, Sweden – Sweden has deported several Somali nationals and is preparing to expel more under its most restrictive immigration policy in decades, triggering alarm within the Somali community, whose leaders warn that the returnees face grave dangers in their homeland.

At least eight Somalis have been deported in recent weeks, with another 15 currently held in detention centers awaiting removal, according to Yoonis Khaliif, a representative of the Somali Community Association in Sweden.

The deportations mark a significant policy shift under the current government, affecting asylum seekers and long-term residents alike.

“This is something the new government has been working on for a long time,” Khaliif told the media. He explained that those targeted include individuals who have been denied extensions on their residency permits, as well as asylum seekers who have been waiting for decisions for between three and ten years.

“Among them are elderly people, children, and young adults, many of whom are working and paying taxes, who are now losing their right to stay in the country,” Khaliif added.

Community leaders are urgently seeking dialogue, with a meeting planned this week with the Somali embassy in Stockholm to address the escalating situation.

The crackdown is a direct result of a political sea-change in Sweden. Since Prime Minister Ulf Kristersson’s center-right coalition government took office in 2022, it has governed with the parliamentary support of the nationalist, anti-immigration Sweden Democrats.

This alliance was cemented in the Tidö Agreement, a political pact that explicitly calls for a “paradigm shift” in Swedish immigration policy to be the strictest in the European Union.

The effects have been stark. According to the Swedish Migration Agency, the number of asylum seekers granted residency has plummeted. The government has defended the stringent measures as necessary to handle “budgetary challenges,” a justification that critics and community leaders reject.

Khaliif argues that economic reasons “cannot be an excuse to deport people who have lived here for a long time and contributed to society.”

‘Returning to danger’

The central fear for community advocates is the perilous situation awaiting deportees in Somalia. The country continues to grapple with profound instability, armed conflict, and a dire humanitarian crisis.

According to a May 2025 operational update from the UNHCR, the security situation in Somalia remains “tense, marked by ongoing military operations, clan conflicts, and localized civil unrest.”

The militant group Al-Shabaab remains a potent threat, particularly in southern and central Somalia, where it continues to launch attacks and control territory. Community leaders fear that young people deported from Sweden are especially vulnerable to forced recruitment by such groups.

“There is no political stability, and extremist groups are capturing more territory, said Khaliif. “The youth who are sent back become vulnerable, especially with no jobs available. These are people who crossed the desert and found safety here, but are now being returned to the problems they fled.”

The United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) estimates that nearly 6 million people in Somalia will require humanitarian assistance in 2025, with millions facing acute food insecurity.

The deportations have sent a shockwave through the Somali diaspora in Sweden, one of the country’s larger immigrant communities, many of whom fled the Somali Civil War that began in the early 1990s.

While Khaliif noted that previous Swedish administrations were more open to dialogue on community concerns, he described the current government’s stance as unyielding.

The community’s focus is now on persuading both Swedish and Somali authorities to reconsider the deportations, emphasizing the moral and humanitarian implications of the policy.

“It is imperative that the Somali government seriously considers this matter, Khaliif urged, highlighting the responsibility to protect its citizens from being returned to a volatile and dangerous environment.

Somalia cleared controversial Ethiopian envoy in botched deal

MOGADISHU, Somalia – Somalia is grappling with a growing diplomatic crisis after accepting Ethiopia’s new ambassador, Suleiman Dedefo Woshe — a veteran diplomat with a history of publicly backing Somaliland’s secession.

The breakaway region has long been a sensitive issue for Mogadishu, and the appointment has sparked public outrage, with accusations that the Somali government knowingly approved him as part of a political gamble gone wrong with Addis Ababa.

The controversy centers on Ambassador Dedefo, who presented his credentials to Somali President Hassan Sheikh Mohamud in Mogadishu on August 5, 2025. His arrival is particularly contentious because of past online comments that, according to sources, endorsed Somaliland’s right to self-determination and questioned Somalia’s territorial unity. For critics, this was a major misstep for Mogadishu, especially after more than a year of strained relations.

Tensions between the two countries trace back to January 2024, when Ethiopia signed a Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland, agreeing to recognize the region in exchange for access to a naval base on its coastline.

Somalia denounced the deal as a violation of its sovereignty, expelled Ethiopia’s previous ambassador, and closed its embassy in Mogadishu. While both nations have since taken steps to repair ties, Dedefo’s appointment threatens to reignite the diplomatic rift.

A diplomatic deal gone sour

Sources within the Somali presidency say both Villa Somalia — the presidential palace — and the Ministry of Foreign Affairs were aware of Dedefo’s past statements. His acceptance, they allege, was part of a behind-the-scenes deal struck during the Food Security Summit in Addis Ababa on July 27. The arrangement reportedly involved Somalia’s State Minister for Foreign Affairs, Ali Omar (Bal’ad), and Ethiopian officials.

Under the alleged deal, Somalia would approve Dedefo’s ambassadorship, and Ethiopia would help the Somali Federal Government reassert control over the Gedo region, an area currently aligned with the autonomous state of Jubaland.

Jubaland, a federal member state in southern Somalia, has been at odds with Mogadishu over constitutional powers and resource-sharing. Its president, Ahmed Madobe, has repeatedly clashed with President Mohamud’s administration, with control over Gedo at the heart of the dispute. The region has witnessed renewed military activity and civilian displacement, underscoring the volatility of the standoff.

But the plan appears to have backfired. Just days after Dedefo’s credentials were submitted, Ethiopia allegedly reneged on its commitment. Instead of backing Mogadishu, Addis Ababa is said to have resumed its support for the Madobe-led Jubaland administration.

Reports suggest Ethiopian officials have hosted clan elders and facilitated the return of Jubaland’s Vice President, Mohamud Sayid Aden, to Gedo. If true, the reversal has left Somalia empty-handed — except for a controversial ambassador firmly in place.

Widespread public backlash

The decision to accept Dedefo has fueled an intense backlash online, with Somali citizens and political commentators calling it a betrayal of national interests. Many have noted the irony that his predecessor, Mukhtar Mohamed Waare, was expelled for far less provocative remarks on Somalia’s territorial integrity.

The fallout has also laid bare divisions within the Somali government. Some officials blame intelligence lapses, while others see it as a sign of political desperation. Critics argue the episode reflects a wider problem: a foreign policy shaped by short-term domestic power struggles rather than a consistent national strategy.

Such an approach, they warn, risks giving foreign powers more leverage over Somalia’s internal affairs and eroding the country’s already fragile sovereignty.

This diplomatic row comes at a critical time for Somalia’s relations with its powerful neighbor. As Ethiopia deepens its ties with Somaliland and maintains influence in Jubaland, Mogadishu faces a pressing challenge — safeguarding its territorial integrity and sovereignty.

The Dedefo affair has sharpened public scrutiny and raised difficult questions about the government’s priorities and political judgment.

DF oo garoonka Muqdisho ku qabatay 189 Kartoon oo lagu soo qariyay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya laamaha amniga ayaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku qabtay 189 Kartoon oo lagu soo qariyay Daroogo noocyo kala duwan ah iyo kaniiniyaal isticmaalkooda laga mamnuucay Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in daroogada la qabtay ee laga soo dejiyey garoonka la doonayay in dalka lasoo galiyo, balse si buuxda loogu guuleystay in la fashilo qorshahaas.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu ku wargelinayaa shacabka Soomaaliyeed in howlgal wadajir ah oo uu la kaashaday hay’adaha ammaanka lagu qabtay189 Baakadood (box) oo daroogo ah iyo Kaniini oo ka reeban isticmaal iyo ka ganacsiga oo si sharci-darro ah lagu soo gelinayay Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xeer Ilaalinta ayaa qoraalkaan ku sheegtay in Daroogada la qabtay ay halis ku tahay badqabka bulshada, taas oo laga soo dejiyey Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isla markaan lagu dhex qabtay intii aysan kabixin Garoonka.

“Xafiisku waxa uu wadaa baaritaano rasmi ah oo lagu ogaanayo shabakadaha ku lugta leh soo gelinta daroogadan, si gacan loogu soo dhigo, loona horkeeno cadaaladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa adkeeyey la dagaallanka dambiyada la xiriira daroogada.

“Waxaan digniin adag u dirayaa cid kasta oo ku hallan soo dejinta iyo ka ganacsiga sharci darrada ah, si loo ilaaliyo caafimaadka iyo amniga bulshada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Dad badan oo ku dhintay diyaarad u socotay Hargeysa oo burburtay

Nairobi (Caasimada Online) – Lix ruux ayaa ku geeriyooday Diyaarad yar oo sidday shaqaale caafimaad oo galabta ku dhacday xaafad ku taala duleedka magaalada Nairobi.

Diyaaraddu waxey ku sii jeeday magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Kenya ee ka warbixiyey shilkaan.

Dadka dhintay 4 kamid ah waxey ahaayeen dhakhaatiir diyaarada saarnaa, halka labada kalena ay ahaayeen dad ku sugnaa dhismaha ay diyaarada ku dhacday.

Shilalka ay ku lug leeyihiin diyaaradaha yar yar ayaa ah kuwo mararka qaar laga dareemo Bariga Afrika.

Bishii Abriil ee sanadkii hore, taliyihii guud ee ciidamada Kenya ayaa ka mid ahaa 10 qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo dhacay Kenya, wax yar kadib markii ay duushay diyaarad milatari.

Shalay Wasiirradii Difaaca iyo Deegaanka dalka Ghana Edward Omane Boamah iyo Ibrahim Murtala Muhammed iyo Lix ruux oo kale ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Ashanti ee koonfurta dalkaasi, kadib markii ay la dhacday diyaarad Helikobter ah.

Dadka kale ee la xaqiijiyay inay ku dhinteen shilkaas waxaa ka mid ahaa Alhaji Mohammad Muniru Limuna, oo ahaa ku-xigeenka isku-duwaha ammniga dalkaasi, horayna usoo noqday wasiirkii beeraha, iyo Samuel Sarpong, oo ahaa guddoomiye ku-xigeenka xisbiga National Democratic Congress (NDC) ee uu hoggaamiyo Mahama.

Dowladda Ghana ayaa ku dhawaaqday in calanka dalkaasi hoos loo dhigi doono, halka madaxweyne Mahama uu hakiyay dhammaan howlihiisii rasmiga ah si loo muujiyo murugada dhacdadan.

Wasiir difaacay shirkadda Hormuud si adagna ugu jawaabay xildhibaan Yaasiin Farey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa si adag ugu soo jawaabay Xildhibaan Yaasiin Farey oo shirkadda Hormuud ku eedeeyey inay ku lug leedahay barakicinta dadkii laga saaray Suuqa Siinaay, isagoo wacad ku maray in ganacsatada iibsatay dhulkaas aysan ku nacfi doonin.

Wasiirka oo ka jawaabayey eedeynta Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa qoraalkiisa ku bilaabay, “Jiingado sharci darro ah oo dhul dawladeed laga dhistay, isagoo  difaacaya inuu shirkad Soomaaliyeed jaa’ifeeyo, wax aysan ku lug lahayna ku eedeeyo lagama aqbalayo.”

Sidoo kale Wasiir Cumar, ayaa sheegay in Xildhibaan Yaasiin uu maleeshiyaad hubeysan dhaxkeenay Caasimadii Dalka ee Muqdisho, isla markaana uu galay dambi weyn oo lagu maxkamadayn karo.

“In isagoo Xildhibaan Qaran ah uu falal amniga dalka dhaawacaya ku lug yeesho waa ayaan darro,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi.

Sidoo kale, wuxuu gef aan la aqbali karin ku tilmaamay in Xildhibaan Yaasiin uu weli adeegsanayo hadallo kicin iyo fidno abuur ah oo bulshada lagu kala fogaynayo, “Inuu cararo inta fidno kiciyayna waa fulaynimo,” ayuu ku soo gabagabeeyey qoraalkiisa Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi.

Dhinaca kale, Shirkadda Hormuud Telecom oo tixraaceysa qoraalka Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa iska fogeysay eedeynta ah in dhulka Siinay ay iibsadeen.

War-saxaafadeed ka soo baxay Hormuud ayaa lagu yiri, “Shirkadda Hormuud Telecom waxa ay si cad u beeninaysaa wararka been-abuurka ah ee lagu faafiyey baraha bulshada, kuwaas oo si khaldan shirkadda loogu tilmaamay in ay lug ku leedahay arrimo la xiriira dhul ku yaalla Suuqa Siinaay.”

Hurmuud oo qoraalkeeda soo raacisay sawirka ciwaanka Xildhibaanka ayaa soo bandhigtay afar qodob oo ay ku caddeyneyao in shirkaddu aysan ku lug laheyn arrimaha dhulkaas, qodobada ayaa kala:

1.⁠ ⁠Hormuud Telecom aanay maalgelin mashruucaas, lugna ku lahayn.

2.⁠ ⁠Shirkadaha ka faracmay (subsidiaries) shikradda Hormuud aysan wax maalgelin ah ku lahayn mashruucan, si toos ah ama si dadban.

3.⁠ ⁠Guddiga sare ee maamulka shirkaddu aysan wax xiriir ah la lahayn arrintaas, si shakhsi ah ama si rasmi ah.

4. Bankiguna uusan maalgelin mashruucan.

Halkaan ka eeg qoraalka Xildhibaan Yaasiin Farey ee Hormuud ay beenisay, Wasiir Cumar-na uu qaab siyaasadeysan uga soo jawaabay.

Puntland oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilowday gobolka Sanaag

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa dhaq-dhaqaaq cusub ka bilaabay qeybo kamid ah gobolka Sanaag, kuwaas oo ay sheegtay in ay kula dagaalamayso maleeshiyaadka Shabaab ee ku sugan buuraha Calmadow.

Taliye ku-xigeenka ciidanka difaaca Puntland, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Ilig) ayaa booqasho kormeer ah ku tagay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo ku sugan jiidda hore ee buuraha Calmadow. Waxaa safarkaasi ku wehliyay saraakiil sare oo ka tirsan taliska ciidanka.

Safarkan oo taliyaha ku wehlinayaan saraakiil sare oo ka tirsan taliska ciidanka ayaa intii uu socday kormeerka, wuxuu taliyuhu indha-indheyn ku sameeyay dhammaan saldhigyada ciidamada ee ku sugan difaaca hore.

Kormeerkan ayaa bar bilow u ah howl-galka la qorsheeyay ee Onkod, kaas oo loogu talagalay in lagaga sifeynayo buuraha Calmadow kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska ciidanka difaaca Puntland.

Taliska ayaa sheegay in saraakiisha booqashada ku tagay jiidda hore ay la yeesheen kulamo dhiirrigelin iyo wacyigelin ah ciidanka, iyagoo ku bogaadiyay sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo fulinta waajibaadka qaran.

Sidoo kale, waxay ciidamada ku booriyeen in ay si buuxda ugu diyaar garoobaan wejiga cusub ee howlgalka Onkod, oo lagu beegsan doono kooxaha argagixisada ku dhuumaalaysanaya buurahaas.

Dhanka kale, Abbaan-duulaha guud ee ciidanka difaaca Puntland, S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere), ayaa socdaal shaqo ku tegay deegaanka Yubbe ee degamada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Halkaas ayuu ka bilaabay abaabul iyo qaramayn ciidan beeleedyo deegaanka ku sugan, kuwaasoo sida uu sheegay lagu darayo ciidanka rasmiga ah ee qeybta ka noqon doona howlgalka Calmadow.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan sheegay in lagu guuleystay howl-galkii Calmiskaad, isla markaana ay haatan u ruqaansanayaan dhanka Calmadow oo maleeshiyaadka Al-Shabaab u ah saldhig.

Munaasabadda daahfurka Madasha Somali Business oo ka dhacday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho looga daahfuray Madasha Somali Business, oo ah madal bixineysa xog sugan oo isugu jirta: warbixinno lagu falanqeynayo fursadaha maalgashi ee dalka ka jira, saadaalinno ku saabsan isbeddellada suuqa iyo kobaca dhaqaalaha, daraasado la xiriira jihada ganacsiga iyo maalgashiga, iyo warbixinno lagu lafagurayo dhaqaalaha dalka.

Xafladdan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dowladda, ganacsatada, khubaro dhanka dhaqaalaha ah, qeybaha waxbarashada, dhalinyarada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, kuwaas oo daneeya horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Aasaasaha ahna Maamulaha Madasha Somali Business, Dr. Abdinor Dahir, ayaa ugu horreyn xafladda daahfurka kusoo dhoweeyay martida. Wuxuu xusay muhiimadda ay Somali Business u leedahay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sababaha keentay aasaasitaanka madasha, oo ugu horreyn ahayd sidii loo heli lahaa xog habaysan oo sugan oo lagu go’aan qaadan karo.

Waxaa sidoo kale xafladda laga jeediyay qudbadooyin kala duwan, kuwaas oo lagu bogaadiyay laguna soo dhoweeyay furitaanka Madasha Somali Business.

Martida ka qeyb gashay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha, Hon. Mohamud Abdirahman Beenebeene; Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdiqafar Hange; Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha dhaqaalaha ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Hassan Adam Hosow; Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Soomaaliyeed, Dr. Ahmed Khadar A. Jama; Guddoomiye Ku-xigeenka Bangiga Dhexe, Dr. Ali Yasin Sheikh; Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Abdirahman Yusuf Al-Adala; iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdullahi Aadan Galanbi, iyo marti sharaf kale.

Madashan ayaa la filayaa in ay noqoto isha koowaad ee laga helo xogaha maalgashi ee dalka, saadaasha suuqa, falanqaynta dhaqaalaha, iyo daraasadaha ganacsiga, iyadoo si gaar ah loogu tala galay in ay ka faa’iideystaan ganacsatada, dhalinyarada hal-abuurka leh, iyo hay’adaha dowladda.

Dhammaan ka qaybgalayaashii xafladda ayaa si weyn usoo dhaweeyay madashan cusub, iyagoo muujiyay baahida loo qabo in xogaha ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya la habeeyo, lana helo meel isku keenta xogtaas oo si joogto ah looga heli karo.

Maxaa ka jira in shirkadda Hormuud ay ku lug leedahay burburinta dhulka Siinaay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Hormuud Telecom ayaa iska fogeysay ku lug lahaanshaha barakicinta dhulka Siinaay, iyadoo beenisay in ay sinaba ugu lug leedahay arrimaha dhulkaasi, oo dowladdu ka bilowday burburin iyo barakacin hor leh.

“Shirkadda Hormuud waxa ay si cad u beeninaysaa wararka been-abuurka ah ee lagu faafiyey baraha bulshada, kuwaas oo si khaldan shirkadda loogu tilmaamay in ay lug ku leedahay arrimo la xiriira dhul ku yaalla Suuqa Siinaay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay shirkadda.

Hormuud ayaa caddeysay in xitaa guddiga sare ee maamulka shirkaddu aysan wax xiriir ah la lahayn arrintaas, si shakhsi ah ama si rasmi ah.

War-saxaafadeedka shirkadda Hormuud ayaa si toos ah u beeniyay hadal kasoo yeeray Xildhibaan Yaasiin Fareey, oo isagu si weyn uga soo horjeeda burburinta ay dowladda ka wado dhulka Siinaay.

Yaasiin Fareey oo uga digay ganacsatada Soomaaliyeed in ay hantidooda iska geliyaan dhulkaas, ayaa ku eedeeyay Hormuud iyo Salaam Bank inay si toos ah ugu lug yeesheen burburinta suuqa Siinay iyo barakicinta dadka ku ganacsada ama deegaansaday.

“Waxaa nasiib daro weyn ah in shiirkadda isgaarsiinta Hormuud iyo Salaam Bank oo aan in mudo ah ka shaqeyneyey bedqabka sumcadooda una heysana hantida ummadda Soomaaliyeed ay si toos ah ugu lug yeeshaan burburinta dhulka Siinaay,” ayuu Yaasiin Fareey ku yiri qoraal uu soo saaray.

Waxa uu intaas kusii daray “Marnaba ma aqbaleyno falka ay ku kaceen waxa ayna qeybtooda ka qaadan doonaan cawaaqib xumada ka dhalata musiibada loo geystay shacabka Siinaay. Ma jirto cid aan uga gambaneyno, ku ixtiraameyno, uga tanaasuleyno xuquuda dadkeena marasta ah ee la baa’iiyey. Kama sabri doono dhibaatada loo geystay dadka reer Siinay.”

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Hormuud oo dhameystiran:

WAR-SAXAAFADEED

Shirkadda Hormuud Telecom waxa ay si cad u beeninaysaa wararka been-abuurka ah ee lagu faafiyey baraha bulshada, kuwaas oo si khaldan shirkadda loogu tilmaamay in ay lug ku leedahay arrimo la xiriira dhul ku yaalla Suuqa Siinaay.

Haddaba, shirkaddu waxa ay si rasmi ah u caddeyneysaa in:

  1. ⁠Hormuud Telecom aanay maalgelin mashruucaas, lugna ku lahayn.
  2. Shirkadaha ka faracmay (subsidiaries) shikradda Hormuud aysan wax maalgelin ah ku lahayn mashruucan, si toos ah ama si dadban.
  3. Guddiga sare ee maamulka shirkaddu aysan wax xiriir ah la lahayn arrintaas, si shakhsi ah ama si rasmi ah.
  4. Bankiguna uusan maalgelin mashruucan.

Ugu dambayn, shirkaddu waxa ay mar labaad caddaynaysaa in aanay sinnaba ugu lug lahayn arrimaha la xiriira Suuqa Siinaay.

Jubaland oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh kana digtay qorshaha…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo muhiim u ah xasiloonida iyo horumarka Jubbaland, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay xaaladda gobolka Gedo iyo khilaafaadka halkaas ka sii daraya.

Golaha Wasiirrada ayaa si gaar ah u eegay qulqulatooyinka ka taagan gobolka Gedo, kuwaas oo ay sheegtay Jubaland in ay hurinayaan “Taliska Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud.”

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Jubbaland, tan ayaa ujeedadoodu tahay in colaado daba dheeraada laga abuuro deegaanada xuduudka ku teedsan ee gobolka Gedo, taas oo saameyn ballaaran ku yeelan karta guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa Golaha uga warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga gobolka Gedo. Warbixintaas ayuu maamulka ku sheegay in qorshaha cusub ee Taliska Xasan Sheekh uu yahay mid ballaaran oo uu doonayo inuu fidiyo colaadaha gudaha Jubbaland, si gaar ah gobolka Gedo, una gudbiyo dalalka dariska la ah Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirrada ayaa tilmaamay in arrintan ay halis ku tahay nabadda guud ee gobolka Geeska Afrika. Waxaa laga digay in colaado cusub ay abuuri karaan barakac, burbur dhaqaale iyo is-aamin la’aan guud oo khatar ku ah danaha shacabka Soomaaliyeed iyo xiriirka dalalka deriska ah.

Dhinaca kale, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa Golaha la wadaagtay siyaasadda cusub ee maaraynta qashinka magaalooyinka. Siyaasaddan cusub ayaa lagu saleeyay ilaalinta deegaanka, kor u qaadista bilicda magaalooyinka, iyo xoojinta nadaafadda guud.

Ugu dambeyntiina, waxaa la isku raacay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada gobolka iyo daryeelka deegaanka.

Si kastaba, kulankaan iyo hadalka kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan in maamulka uu boqolaal kamid ah ciidamada Jubbaland oo wata gaadiid dagaal u ruqaansadeen degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Magaaladan ayaa waxaa haatan ku sugan oo gacanta ku haya ciidamada Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan, oo dhawaan dagaal uga saaray ciidamadii taabacsanaa Axmed Madoobe.

Cali Xoosh oo kusoo biiray is-weerarka Axmed Macallin Fiqi iyo Cabdi Faarax Juxa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cali Xoosh ayaa saacado kadib kusoo biiray is-weerarka u dhexeeya Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxa, taasoo salka ku haysay baasaboorka Soomaaliga.

Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in baasaboorka uu wasiirka Puntland caayay uu leeyahay fiicnaan, isagoo Juxa ku dhaliilay sida uu ugu dhiirran yahay sumcad-dilka baasaboorka dalka, oo aysan keliya lahayn dowladda dhexe.

“Waxaan maqli jiray: ‘Facaa foolxumadana waa kugu caayaa, fiicnaantana kuuma oggola.’ Baasaboorkeenii foolxumadiina ma lagu caayay, fiicnaantiina ma loo diiday? Aduun faallo dambe buu leeyahay,” ayuu yiri Cali Xoosh oo u jawaabay Juxa.

Haddaba, sidee ku bilaabatay xiisadda is-weerarka?

Weerarka Wasiirrada Xukuumadda Federaalka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa ka bilaabtay falcelin yaab leh oo Juxa uu ka bixiyay go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee qasab ka dhigaya in qofka baasaboorka dalbanaya uu haysto kaarka aqoonsiga NIRA, halka sidoo kale laga rabo dadka u kala safra gobollada dalka wixii ka dambeeya Janaayo 2026.

Juxa ayaa sheegay in baasaboorka Soomaaliya uu marayo meeshii ugu liidatay sumcad ahaan, taasoo uu ku eedeeyay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh in ay sabab u tahay.

Juxa ayaa yiri: “Baasaboorkii ugu liitay adduunka xagga socdaalka ayaa dadkiisa ciqaab iyo shar looga dhigay. Marka taladu gacan qura iyo meel qura gasho, waxay noqotaa shar ummadeed.”

Fiqi oo si weyn uga carooday hadalka Juxa, ayaa dhinaciisa maamulka Puntland ku tilmaamay “shufto”, isagoo mas’uuliyadda sumcad-xumada baasaboorka dusha uga tuuray ficillada qaldan ee hoggaanka Puntland.

“Waddan aad maraakiibtii badda maraysay ee si sharciga ah u socotay aad afduubanayso, weliba si xishood darro ah aad ku leedahay waa ‘qaniimo’, miyaa baasaboorkiisa dadaal kasta oo lagu bixiyo lagu hagaajin karaa ama kor loogu qaadi karaa!? Hashu ayadaa cunta oo caytamaysana!” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Ma aha markii ugu horreysay ee mas’uul ka tirsan dowladda federaalka iyo mid kale oo ka tirsan Puntland ay xiisad ka dhex dhalato, ayna isugu jawaabaan baraha bulshada. Haddana, waxaa ceeb iyo quus ah in mas’uul Soomaaliyeed uu ku tunto sumcadda baasaboorka dalkiisa.

Sanadihii dambe, siyaasadda ku dhisan aflagaado iyo is-weerar ayaa caan ka noqotay gudaha Soomaaliya, iyadoo aysan jirin xeerar ama anshax celinaya mas’uuliyiinta dowladda. Taas oo muujinaysa in madaxda sare ee dalka ay raalli ka yihiin, ama iyagu rabaan in dartood loo shaqsi caayo mas’uul kale oo ay is hayaan.

Somalia executes 3 members of Al-Shabaab’s ‘Amniyat’ wing

MOGADISHU, Somalia – Somalia’s military court on Thursday executed three members of the jihadist group Al-Shabaab who were convicted of carrying out assassinations for the organization’s feared intelligence wing, officials said.

The men were executed by firing squad at dawn in the capital, Mogadishu, at the General Kahiye Police Academy, a common site for state-sanctioned executions.

Military court officials, who were present at the execution, confirmed the identities of the condemned men as Qudama Hamze Yusuf Mohamed (aliasYahye”), Abdi Hassan Roble (aliasAfeey”), and Ibrahim Omar Shamcun (aliasHubka”).

“All three men were found guilty of belonging to the terrorist group Al-Shabaab and carrying out several planned assassinations in Mogadishu and the Lower Shabelle region,a military court official told reporters at the scene.The court’s sentence of death has been carried out this morning.”

The trio was part of the Amniyat, a highly secretive and disciplined unit that functions as Al-Shabaab’s intelligence and assassination squad, tasked with high-profile attacks and infiltrating government-held territory.

Al-Shabaab’s fearedAmniyat’ unit

The Amniyat is considered one of the most effective and ruthless branches of the Al-Qaeda-linked group. Its operatives are responsible for gathering intelligence, policing Al-Shabaab’s members, and planning and executing complex attacks, including suicide bombings and targeted killings of government officials, security personnel, and civilians accused of spying.

According to Somali security officials, the three executed militants were explicitly involved inmadax jabis,a Somali term meaninghead-breaking,used to describe the group’s assassination campaigns. Their convictions stemmed from a series of targeted killings that have contributed to the climate of fear in areas the government is struggling to secure fully.

The Lower Shabelle region, located just south of Mogadishu, has long been a flashpoint in the conflict. Its strategic importance and fertile lands have made it a key battleground, with swathes of the region frequently changing hands between Al-Shabaab and government forces, who are often backed by African Union troops.

The executions are part of the Somali government’s aggressive stance against the insurgency under President Hassan Sheikh Mohamud, who declared anall-out waron Al-Shabaab after taking office in 2022. The government frequently uses military courts to try terror suspects, handing down swift and harsh sentences, including the death penalty.

While the government defends the practice as a necessary deterrent, human rights organizations have repeatedly voiced concerns. Groups like Human Rights Watch have criticized Somalia’s military courts for failing to meet international fair trial standards, citing issues such as the denial of adequate legal representation and the trial of civilians in military tribunals.

Despite these criticisms, the Somali government maintains that the tribunals are a crucial component of its national security strategy to dismantle the jihadist network.

An unrelenting insurgency

Al-Shabaab has been waging a brutal insurgency against the Somali federal government for more than 15 years. The group seeks to topple the internationally-backed government in Mogadishu and impose its strict interpretation of Islamic law.

Although a major government offensive, supported by local clan militias, has driven the militants from significant territories since 2022, the group has proven to be resilient. It continues to control large parts of rural southern and central Somalia and remains capable of launching deadly attacks against military and civilian targets across the country and in neighboring nations like Kenya.

The ongoing executions underscore the Somali state’s determination to project strength, even as it battles to extend its authority and provide security for a population weary of decades of conflict.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay aamusnaanta DF ee faragelinta Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay war-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo looga hadlay xaaladda gobolka Gedo, kaas oo aan lagu soo hadal qaadin faragelinta ciidamada Itoobiya ee xaaladda gobolkaasi.

Qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa kaliya loogu eedeeyay xubno ka tirsan maamul-goboleedka Jubbaland oo uu ugu horreeyao Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa qoraalka ku sheegtay in raggaasi ay faafinayaan warar been abuur iyo marin habaabin ah oo ay ku qarinayaan danbiyada ay faraha kula jiraan.

“Xubnahaas waxaa ka mid ah Maxamuud Sayid Aadan oo horay ugu lug lahaa tacadiyo badan oo ka dhacay oobalka Gedo, waxaana uu maalmahaan danbe ku lug lahaa xogo uu uga been sheegayo xiisadda gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda Federaalka.

Haddaba dhaleeceyn ayaa ka dhalatay ka aamusitaanka dowladda ee dhaq-dhaqaaqyada ciidanka Itoobiya oo haatan saddex cisho uun u qabtay ciidamada dowladda ee ku sugan Beledxaawo, horayna u weeraray ciidamada NISA ee degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Qaar kamid ah dadeynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si caro leh uga falceliyay aamusnaanta dowladda ee xadgudubyada ay gaysaneyso dowladda Itoobiya.

Cabdifitaax Habane:  “Waxaan maqli jiray aabe ninka yar iga celi oo ninka wayn igu siidaa hadda Axmed Madoobe oo kaliya maxaad ka xag xaganeysaan?

Axmed Cabdi Maxamed: “War Ethiopia luuqad adag ma kula hadli wayseen horaa waxa loo yiri miskiin ayaa miskiin fuula maad dhehdeen?”.

Cabdiraxmaan Cumar: “Magaca xabashi maxaa looga ilaaaliyay warqadda?”.

Mahad Diiriye Maxamed: “Xisaabta dhiman maxaa waayey wixi aad tamar haydeen waad so bandhigteen bee?”.

Cabdiraxmaan Sheekh: “Abiy Axmed laga soo cararaa Axmed Madoobe lagu soo ordayaa miyaa?”

Axmed Cabdiwaaxid: “Kistoo yar xattaa xabashida ma u bootayn waydeen war imooda?”.