27.1 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay aamusnaanta DF ee faragelinta Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay war-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo looga hadlay xaaladda gobolka Gedo, kaas oo aan lagu soo hadal qaadin faragelinta ciidamada Itoobiya ee xaaladda gobolkaasi.

Qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa kaliya loogu eedeeyay xubno ka tirsan maamul-goboleedka Jubbaland oo uu ugu horreeyao Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa qoraalka ku sheegtay in raggaasi ay faafinayaan warar been abuur iyo marin habaabin ah oo ay ku qarinayaan danbiyada ay faraha kula jiraan.

“Xubnahaas waxaa ka mid ah Maxamuud Sayid Aadan oo horay ugu lug lahaa tacadiyo badan oo ka dhacay oobalka Gedo, waxaana uu maalmahaan danbe ku lug lahaa xogo uu uga been sheegayo xiisadda gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda Federaalka.

Haddaba dhaleeceyn ayaa ka dhalatay ka aamusitaanka dowladda ee dhaq-dhaqaaqyada ciidanka Itoobiya oo haatan saddex cisho uun u qabtay ciidamada dowladda ee ku sugan Beledxaawo, horayna u weeraray ciidamada NISA ee degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Qaar kamid ah dadeynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si caro leh uga falceliyay aamusnaanta dowladda ee xadgudubyada ay gaysaneyso dowladda Itoobiya.

Cabdifitaax Habane:  “Waxaan maqli jiray aabe ninka yar iga celi oo ninka wayn igu siidaa hadda Axmed Madoobe oo kaliya maxaad ka xag xaganeysaan?

Axmed Cabdi Maxamed: “War Ethiopia luuqad adag ma kula hadli wayseen horaa waxa loo yiri miskiin ayaa miskiin fuula maad dhehdeen?”.

Cabdiraxmaan Cumar: “Magaca xabashi maxaa looga ilaaaliyay warqadda?”.

Mahad Diiriye Maxamed: “Xisaabta dhiman maxaa waayey wixi aad tamar haydeen waad so bandhigteen bee?”.

Cabdiraxmaan Sheekh: “Abiy Axmed laga soo cararaa Axmed Madoobe lagu soo ordayaa miyaa?”

Axmed Cabdiwaaxid: “Kistoo yar xattaa xabashida ma u bootayn waydeen war imooda?”.

Kacdoon shacab oo ka bilowday Beledxaawo iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta kacdoon shacab oo wayn uu ka bilowday degmada Beledxaawo, kaas oo looga soo horjeedo farogelinta ay ciidamada Itoobiya ku hayaan xaaladda gobolkaasi.

Shacab careysan ayaa maanta isugu soo baxay gudaha magaaladaasi oo dhowaan ay la wareegeen ciidanka dowladda, waxayna ciidamada Itoobiya ku eedeeyeen in ay weerar ku yihiin madax bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, shacabka ayaa dalbaday in ciidanka Itoobiya ay joojiyaan dhaq-dhaaqyada ay haatan ka wadaan gobolka Gedo, isla markaasna ay dib ugu laabtaan dalkooda.

Bannaanbaxan ayaa ka dhashay caro xooggan oo ka dhalatay hadal kasoo yeeray saraakiil Itoobiyaan ah oo ku sugan gobolkaasi, kaasoo ay ciidamada Soomaaliya saddex cisho ugu qabteen in ay uga baxaan magaalada Beledxaawo oo haatan ay ku sugan yihiin.

Waxaa dibad-baxani ka horreeyay mid kale oo ay shalay dhigeen shacabka degmada Doolow, kaas oo isna looga soo horjeedyay farogelinta Itoobiya ee gobolka Gedo.

Ciidamada Itoobiya ayaa isku dayaya in ay la dagaalamaan ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Beledxaawo, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Gedo.

Cabdullaahi Shimbir, oo ah guddoomiyaha gobolka Gedo isla markaana taabacsan dowladda Federaalka, ayaa shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay in ciidamada Itoobiya ay u yeereen odayaasha deegaanka, kadibna ay la wadaageen amar la dul-dhigay ciidamada dowladda ee deggan xerada UK, kuwaasoo dhawaan la wareegay Beledxaawo.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya ay weerareen xerada ciidamada NISA ee Doolow, iyagoo gebi ahaanba cagta mariyay, kadibna xirey taliyihii xeradaasi. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka, kuna saabsan xad-gudubkaasi ay Itoobiya geysatay.

Si kastaba, xaaladda gobolka Gedo ayaa weli kacsan, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ay dhawaan si buuxda ula wareegeen magaalada Beledxaawo, taasoo muddo dheer ay gacanta ku hayeen ciidamo taabacsan maamulka Axmed Madoobe.

JANAN oo si yaab leh uga hadlay xad-gudubkii Itoobiya, una hanjabay A/Madoobe

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Taliyaha NISA ee Jubaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo haatan ku sugan degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay xaaladda gobolkaasi, isagoo soo hadal qaaday farogelinta ciidamada Itoobiya ee gobolka.

Janan ayaa marka hore shaaca ka qaaday in kaliya ay is hayaan Axmed Madoobe, ayna Itoobiya iyo Kenya u arkaan laba dal oo daris ah oo ay ka dhexeyso is ixtiraamid.

“Annagu isma hayno cadowgeenana ma’ahan Itoobiya iyo Kenya waa dowlado aan daris nahay, waxaana naga dhexeyso is xormeyn iyo wada shaqeyn,” ayuu yiri C/rashiid Janan.

Sidoo kale, wuxuu ku hanjabay inay ka hortagi doonaan cid kasta oo diidan qaranimada Soomaaliya, ayna difaaci doonaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

“Cid kasta oo qaranimada Soomaaliyeed diidan annagana waa diidanahay ma ogolin, waxaa rabno waxaa wayay shacabka oo nabad ku noolaado heybadda qaranimo ee dalkeenna oo taagnaato,” ayuu mar kale yiri taliyaha NISA ee maamulka Jubaland.

Waxaa kale oo uu farriin u diray ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka, isaga oo faray inay gutaan waajibaadka qaran ee saaran, isaga oo ballan qaaday inay ka war qabi doonto dowladdooda.

“Gobolkan waxaa rabnaa inuu kala dambeyn sax ah uu yeesho, ciidamada qalabka sidana ay waajib gutaan wax kastana waxaa diyaar ula ah dowladda Soomaaliyed,” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Itoobiya ay muddo saddex cisho ah u qabatay Janan iyo ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Beledxaawo, sida uu shalay xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda, Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir).

Dhowaan ayay sidoo kale ahayd markii ciidanka Itoobiya ay weerareen xerada taliska NISA ee Doolow, iyaga oo gebi ahaan cagta mariyay, kadibna soo xiray taliyihii xeradaasi, mana jiro illaa iyo war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda oo ku aadan xadgubka Itoobiya.

Afeey, Ibraahim Hubka iyo Yaxye oo lagu toogtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saak xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo usoo gacan galay dowladda, kadibna lagu xukumay dilka saaka lagu fuliyay.

Raggan ayaa saaka aroortii hore la geeyay tiirka toogashada ee Iskuul Buluusiya, halkaas oo ay ku toogteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Saddexda marxuum ayaa lagu kala magacaabi jiray Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed oo magaciisa afgarashada uu ahaa (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble oo Al-Shabaab looga dhex yaqiinay (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun oo loo yaqaanay (Hubka), waxaana lagu wada fuliyay dil toogasho ah oo ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada oo goobta kula hadlay warbaahinta, isla markaana ka warbixiyay toogashada saddexdaasi nin ee horay uga tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada ah.

Dhammaan ragga la dilay ayaa si gaar ah uga tirsanaa amniyaatka kooxda Al-Shabaab, waxaana ay u qaabilsanaayeen madax jabiska iyo fulinta weerarada gaadmada ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha goobjoogga ahaa fulinta toogashada.

Cabdi Afey iyo Ibraahim hubka iyo Yaxye ayaa saddexduba lagu helay inay horay dilal qorsheysan uga gaysteen magaalada Muqdisho iyo sidoo kale gobolka Shabeellaha Hoose.

Maxkamadda Ciidamada ayaa marar badan tiirka gaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo sidaan oo kale loogu helay inay dilal iyo qaraxyo dilal ka fuliyeen caasimada.

Xogta kulan xasaasi ah oo dhexmaray Xasan Sheekh iyo saraakiisha sare ee AUSSOM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, ahna Madaxa cusub ee howlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene iyo saraakiisha ugu sarreysa ee hoggaamisa howlgalkaasi.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidanka AUSSOM, S/Guud Sam Kavuma, Taliyaha Booliska AUSSOM Hillary Sao Kanu iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Intii uu socday kulanka, Madaxweynaha ayaa ka dhageystay warbixinno la xiriira howlgallada AUSSOM ee gudaha dalka, iyadoo sidoo kale diiradda la saaray isbeddelka hogaamineed ee uu keenay Danjire Diene oo dhawaan la wareegay xilka Madaxa howlgalka.

Waxyaabaha si gaar ah looga hadlay waxaa kamid ahaa marxaladda kala guurka ee howlgalka AUSSOM iyo qorshaha lagu wareejinayo mas’uuliyadda amniga dalka, si buuxda loogu gacan geliyo Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay ku jirto dagaal ba’an oo ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaana uu muhiim yahay in howlgalka AUSSOM uu garab istaago dowladda, si gaar ah dhinacyada xog-wadaagga iyo isweydaarsiga khibradaha ciidamada.

Danjire Diene ayaa dhankiisa muujiyay in uu diyaar u yahay in uu si dhow ula shaqeeyo dowladda Federaalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dhisidda awoodda ciidamada qaranka.

Danjire El Hadji Ibrahima Diene ayaa dhowaan si rasmi ah ula wareegay xilka Madaxa howlgalka AUSSOM, isagoo hormuud u noqon doona dib-u-habeynta iyo hagaajinta taageerada uu howlgalkaasi siiyo ciidamada Soomaaliyeed.

Si kastaba, kulankan ayaa imanaya xilli ay kooxda Al-Shabaab dib u qabsatay qaar kamid ah deegaannadii laga xoreeyay, isla markaana uu hoos u dhac weyn ku yimid dagaalka kooxda Al-Shabaab, oo ay iska kaashanayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Ceebeyn iyo bahdil – Abiy Ahmed oo gool ka dhaliyey Soomaaliya, xilli DF ay hurudo

Muqdisho (Caasimada Online) – Markii danjiraha cusub ee Itoobiya, Suleiman Dedefo, uu warqadihiisa aqoonsiga gudbiyay magaalada Muqdisho 5-tii Agoosto, munaasabadda waxaa si rasmi ah loogu sifeeyay “dib-u-habeyn diblomaasiyadeed” oo lagu hagaajinayo xiriirka labada dhinac. Si kastaba ha ahaatee, indheer-garad badan, magacaabistan uma aysan arkin mid nabadeed, balse waxay u arkeen xeelad diblomaasiyadeed oo ku saleysan qasab iyo maquunin.

Tallaabadan, oo timid bilo kadib heshiis badeed oo gilgilay degganaanshaha gobolka lagana galay gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, ayaa soo dirista ergey loo arko inuu taageersan yahay gooni-isu-taagga Somaliland si weyn loogu fasiray aflagaaddo si ula kac ah loo qorsheeyay — waa tallaabo si gaar ah loogu talagalay in lagu bahdilo Soomaaliya laguna qasbo inay aqbasho xaqiiqo cusub oo liidasho ku dhisan.

Aqbalaadda Soomaaliya ee danjiraha — go’aan la gaaray iyadoo aanay jirin culaysyo siyaasadeed iyo cadaadis qasbaya — waxay qaranka gelisay xaalad sharaf-dhac ah.

Xiisaddan oo qaraxday 1-dii Janaayo 2024, ayaa salka ku haysay heshiis is-afgarad (Memorandum of Understanding – MoU) oo uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, la saxiixday Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu Itoobiya, oo aan lahayn bad, siinayo kiro 50 sano ah oo ay ku yeelanayso saldhig milatari badeed oo ku yaal xeebta Badda Cas, taasoo ay ku beddelanayso saami ay Somaliland ka siiso shirkadda Ethiopian Airlines iyo — qodobka ugu muranka badan — “qiimeyn qoto dheer” oo ku saabsan aqoonsi rasmi ah oo loo siiyo madaxbannaanida Somaliland.

Muqdisho, oo u aragta Somaliland inay tahay qayb aan ka go’in dhulkeeda, ayaa si kulul uga jawaabtay, iyadoo ku tilmaantay heshiiskaas “fal gardarro ah” iyo ku xadgudub madaxbannaanideeda. Dowladda Soomaaliya waxay u yeertay danjirihii u fadhiyay Addis Ababa, waxay meel marisay sharci burinaya heshiiska is-afgaradka, waxayna billowday olole diblomaasiyadeed oo ay beesha caalamka kaga hortagayso arrintaasi.

Tani waxay gogol-xaar u noqotay is-horfadhi khatar leh, iyadoo Ra’iisul Wasaare Abiy uu helitaanka bad ku tilmaamay “xaq lama huraan u ah jiritaanka qarankiisa” oo ay ku nool yihiin 125 milyan oo qof.

Is-muujintan gardarrada ah waxay astaan u tahay waxa falanqeeyayaashu ugu yeeraan “Caqiidada Abiy”: siyaasad arrimo dibadeed oo ku dhisan shakhsi-jeclaysi, dan gaar ah iyo shacbiyad raadis.

Hab-dhaqankani wuxuu meesha ka saarayaa hannaankii hay’adeed ee diblomaasiyadda, isagoo u adeegsanaya qalab looga leexiyo dhibaatooyinka gudaha ee ba’an — sida isku dhacyada qowmiyadeed iyo dhaqaale xumida — iyo hurinta dareenka qowmiyad-jacaylka. Heshiiska is-afgaradka, oo noqday “qarax diblomaasiyadeed,” ayaa si qumman ugu adeegay ujeeddadaas.

Dabin diblomaasiyadeed

Magacaabista Danjire Dedefo waxay ahayd sii wadid rasmi ah oo istiraatiijiyaddaas ah. Markii ay soo dirtay diblomaasi matalaya isla siyaasaddii ay Soomaaliya cambaareysay, Itoobiya waxay muujisay in heshiiska is-afgaradka uu yahay mid aan laga laaban karin. Tani ma ahan diblomaasiyad lagu doonayo heshiisiin; waa diblomaasiyad loo adeegsanayo hab qasab ah, si Soomaaliya loogu cadaadiyo inay si dadban u sharciyeyso heshiiska — iyadoo la macaamileysa wakiilka siyaasaddaasi.

Tallaabadan waxay dhamaystireysaa istiraatiijiyad si ula kac ah loogu talagalay bahdilaadda qaranka, waana aalad awood leh oo maamul-goboleedku adeegsado si uu u liido una hoos geeyo cidda kasoo horjeeda.

Ololahan wuxuu ku bilowday hadalladii Abiy, waxaana sii xoojiyay hadallo uu jeediyay danjire hore oo Soomaaliya ku tilmaamay qaran “ay abuureen gumeystayaal.” Waxaa u sii dheeraa hanjabaado kale oo uu Abiy sameeyay, sida ballanqaadkiisii ahaa inuu “bahdili doono” cid kasta oo ka hor timaada Itoobiya. Aqbalaadda Dedefo waxay Soomaaliya ku qasbeysaa inay si dadban uga qayb qaadato bahdilaaddeeda, taasoo ah tallaabo daxaleysa sharafta qaranka.

Go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku aqbashay danjiraha wuxuu ahaa qalad istiraatiiji ah oo weyn, mid aan waafaqsanayn danaha qaran ee Soomaaliya.

Sharciga caalamiga ah, gaar ahaan Qodobka 4-aad ee Axdiga Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed, wuxuu bixiyaa gaashaan sharciyeed oo u oggolaanaya dal martigelinaya inuu diido magacaabista danjire (agrément) isagoon bixin wax sabab ah. Tani waxay ahayd fursaddii ugu nadiifsanayd uguna awoodda badnayd ee ay Soomaaliya ku hor istaagi kartay daandaansiga Itoobiya — kahor inta aysan xaaladdu sii foorarsan.

Markii ay aqbashay ergey matalaya siyaasad si cad ugu xadgudbeysa madaxbannaanideeda, dowladda Soomaaliya waxay wiiqday ololihii diblomaasiyadeed ee socday bilooyin, waxayna muujisay nuglaansho u eg is-dhiibid. Tallaabadani waxay caadiyeysay bahdilaadda qaranka, waxayna abuurtay tusaale khatar leh oo muujinaya in xariiqyada cas ee madaxbannaanida Soomaaliya ay noqon karaan kuwo laga gorgortamo.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo la sameeyay khaladaadkan hore, sharciga caalamiga ah wuxuu weli bixinayaa xal sharciyeed oo xoog leh — inkastoo khatar lagu laray. Sida ku cad Qodobka 9-aad ee isla Axdiga Vienna, dal martigelinaya wuxuu waqti kasta, sabab la’aan ku magacaabi karaa diblomaasi “qof aan loo baahnayn” (persona non grata – PNG), taasoo keeni karta in si rasmi ah dib loogu yeero.

Xaqaasi waa mid aan xadidneyn, waana la adeegsan karaa xitaa kadib marka la aqbalo warqadaha aqoonsiga danjiraha. Soomaaliya horay ayay u adeegsatay isla awooddan, iyadoo bishii Abriil 2024 ay cayrisay danjirihii hore ee Itoobiya sababo la xiriiray “faragelin gudaha ah” oo ku saleysneyd heshiiska is-afgaradka.

Cayrinta Danjire Dedefo hadda waxay noqon lahayd tallaabo cad oo dib loogu adkaynayo madaxbannaanida Soomaaliya, laguna saxayo khaladkii hore ee siyaasadeed. Waxay fariin adag u diri lahayd Itoobiya iyo xulafada istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya — sida Turkiga iyo Masar — taasoo muujinaysa in xariiqyada cas ee madaxbannaanida Soomaaliyeed ay yihiin kuwo sugan, aan gorgortan geli karin.

Ciidanka Suudaan oo bur-buriyay diyaarad Imaaraadku leeyahay, kuna dilay 40 askari

Khartoum (Caasimada Online) – Ciidanka Cirka ee Suudaan ayaa burburiyay diyaarad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, taasoo siday calooshood-u-shaqeystayaal u dhashay dalka Colombia, xilli ay ku degeysay garoon ay maamulaan Ciidamada Gurmadkaa Degdegga ah (RSF) oo ku yaalla gobolka Darfur. Ugu yaraan 40 qof ayaa halkaas ku dhintay, sida uu weriyay telefishinka dowladda ee taabacsan militariga, maalintii Arbacada.

Sarkaal ka tirsan militariga Suudaan, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in diyaaradda Imaaraadka “la duqeeyay oo gebi ahaanba la burburiyay” xilli ay ku sugneyd garoonka diyaaradaha ee magaalada Nyala ee gobolka Darfur. Garoonkan ayaa muddooyinkii dambe si isdaba joog ah u bartilmaameedsanayay duqeymaha ciidanka cirka ee militariga Suudaan, kuwaasoo dagaal kula jira ciidamada RSF tan iyo bishii Abriil 2023.

Ilaa hadda, wax war ah oo degdeg ah kama soo bixin dhinaca RSF iyo dowladda Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha dalka Colombia, Gustavo Petro, ayaa sheegay in dowladdiisu ay isku dayayso in ay ogaato tirada muwaadiniinta Colombian-ka ah ee weerarkaas ku dhintay. “Waxaan eegi doonnaa haddii aan soo celin karno meydadkooda,” ayuu ku qoray bartiisa X (horey Twitter).

Telefishinka dowladda ayaa sheegay in diyaaraddaasi ay kasoo duushay saldhig cirka oo ku yaalla gobolka Khaliijka, ayna siday tobannaan dagaalyahanno shisheeye ah iyo qalab militari oo loogu talagalay ciidamada RSF, kuwaasoo gacanta ku haya inta badan gobolka Darfur.

Militariga Suudaan, oo uu hoggaamiyo General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa muddo dheer ku eedeynayay Imaaraadka in uu siiyo RSF hub casri ah, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), isagoo u soo mariya garoonka diyaaradaha ee Nyala. Abu Dhabi waxay si adag u beenisay eedeymahan, inkasta oo ay jiraan warbixino kala duwan oo kasoo baxay khubaro Qaramada Midoobay ah, saraakiil Maraykan ah iyo hay’ado caalami ah.

Sawirro dayax-gacmeed ah oo uu soo saaray Shaybaarka Cilmi-baarista Bani’aadannimada ee Jaamacadda Yale (Yale University’s Humanitarian Research Lab) ayaa muujiyay dhowr diyaaradood oo nooca riddada dheer ah oo laga sameeyay dalka Shiinaha, kuwaasoo ku sugan garoonka diyaaradaha ee caasimadda gobolka Koonfurta Darfur.

Bishii Juun, saddex goobjooge ayaa u sheegay wakaaladda AFP in diyaarad xamuul ah la duqeeyay wax yar kadib markii ay ka degtay garoonka Nyala.

Maalintii Isniinta, dowladda Suudaan ee ay militarigu gacanta ku hayaan ayaa ku eedeysay Imaaraadka inuu qoranayo oo uu maalgelinayo calooshood-u-shaqeystayaal Colombian ah si ay ula dagaallamaan ciidamada RSF, iyadoo sheegtay in ay hayso caddeymo qoraal ah oo muujinaya arrintaas.

Wararka ku saabsan joogitaanka dagaalyahannada Colombian-ka ah ee Darfur ayaa soo socday tan iyo dhammaadkii sannadkii 2024, waxaana xaqiijiyay khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay.

Toddobaadkan, Ciidamada Isbahaysiga (Joint Forces) — oo ah isbahaysi taageersan militariga oo ka howlgala gobolka ballaaran ee galbeedka Darfur — ayaa soo sheegay in in ka badan 80 calooshood-u-shaqeyste oo Colombian ah ay dhinaca RSF kaga dagaallamayeen magaalada El-Fasher, taasoo ah caasimaddii ugu dambeysay ee gobolka Darfur ee weli ku jirta gacanta militariga.

Qaar ka mid ah dagaalyahannadaas ayaa la sheegay in ay ku dhinteen hawlgallo ay isugu jireen duqeymo drones ah iyo madaafiic, kuwaasoo dhacay intii uu socday weerarkii ugu dambeeyay ee ay qaadayeen ciidamada RSF, sida uu sheegay isbahaysigaasi.

Militariga ayaa sidoo kale soo bandhigay muuqaallo fiidiyow ah oo ay sheegeen in ay muujinayaan “calooshood-u-shaqeystayaal shisheeye ah oo la rumeysan yahay inay kasoo jeedaan Colombia”. Wakaaladda AFP si madaxbannaan uma xaqiijin sax ahaanshaha muuqaalladaas.

Bishii Diseembar, dowladda Suudaan ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Colombia ay ka shallisay “ka qaybgalka qaar ka mid ah muwaadiniinteeda ee dagaalka Suudaan”.

Calooshood-u-shaqeystayaasha Colombian-ka ah, oo intooda badan ah askar iyo jabhado hore, ayaa horay uga qaybgalay colaado ka dhacay meelo kala duwan oo caalamka ah, waxaana horey u adeegsaday Imaaraadka si ay hawlgallo uga fuliyaan Yemen iyo dalalka Khaliijka.

Qoraalkiisii Arbacada, madaxweyne Petro wuxuu sheegay inuu ku hawlan yahay sidii uu u mamnuuci lahaa hawlaha calooshood-u-shaqeysi, isagoo ku tilmaamay “ka ganacsiga dadka oo loo beddelay badeecad dil geysata”.

Dagaalka Suudaan, oo haatan galay sannadkiisii saddexaad, ayaa sababay geerida tobannaan kun oo qof, barakaca 13 milyan oo qof, wuxuuna dalka geliyay xaaladdii ugu darneyd ee dhinacyada gaajada iyo barakaca dunida laga diiwaangeliyo.

DF oo shaacisay magacyada xubnaha Jubaland ee loo ciqaabi doono xiisadda Gedo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa war culus ka soo saartay xaaladda gobolka Gedo, iyadoo eedeyn culus u jeedisay xubno ka tirsan Jubbaland oo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Maxamuud Sayid Aadan uu ugu horeeyo.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda amniga dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in isha lagu hayo dhaqdhaqaaqa xubno “qaswadayaal ah oo ka amar qaata eedaysane Axmed Madoobe, kuwaas oo ku mashquulsan shirgoollo iyo falal ay colaad uga hurinayaan Gobalka Gedo,” sida lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa qoraalkaan ku sheegtay in ragaasi ay faafinayaan warar been abuur iyo marin habaabin ah oo ay ku qarinayaan danbiyada ay faraha kula jiraan.

“Xubnahaas waxaa ka mid ah Maxamuud Sayid Aadan oo horay ugu lug lahaa tacadiyo badan oo ka dhacay Gobalka Gedo, waxaana uu maalmahaan danbe ku lug lahaa xogo uu uga been sheegayo xiisadda Gobalka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda federaalka.

Dowladda ayaa sheegtay in Gobalka Gedo ay ku sugan yihiin Ciidamada Qaranka oo halkaas ka hawlgelaya.

“15-kii sano ee lasoo dhaafay ayuu Ciidanka Qaranka joogaa Gobalka Gedo, iyagoo gudana waajibaadkooda Qaran ee uu dastuurku u xilsaaray,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka dowladda.

Dowladda ayaa sheegtay Ciidamada Qaranka oo kaashanaya shacabka Gobalka Gedo ay sii wadi doonaan gudashada waajibaadka ka saaran difaaca dalka iyo adeegga bulshada deegaanka.

“Ciidamada ayaa u idman sugidda amniga, xasilinta gobolkaas iyo la dagaalanka argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya digniin u dirtay shaqsiyaadka yo kooxo ay sheegtay inay ku howlan yihiin xiisad abuurka, kuwaas oo lala socdo dhaqdhaqaaqooda, isla markaana lala xisaabtami doono haddii ay ka waantoobi waayaan ficiladooda gurracan, sida qoraalka lagu yiri.

“Dawladdu waxay u mahadcelinaysaa Shacabka Gobalka Gedo iyo maamulkooda, kuwaas oo muujiyay midnimo, dawlad-jacayl iyo waddaniyad, waxayna dawladda Federaalka garab taagan tahay shacabkeeda,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Amniga Soomaaliya.

Cabdicasiis Faarax oo lagu xukumay xabsi 28 sano ah kadib xatooyadii $300 milyan

Minneapolis (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah oo degan gobolka Minnesota ayaa Arbacadii lagu xukumay 28 sano oo xabsi federaal ah, kadib markii lagu helay door muhiim ah oo uu ku lahaa qorshe ay xeer-ilaalintu ku tilmaantay inuu ahaa musuq-maasuqii ugu weynaa ee la xiriira masiibadii COVID-19 ee dalka Maraykanka – qorshe “si weyn loo habeeyay oo xeeladaysan,” kaasoo lagu lunsaday in ka badan $47 milyan oo dollar oo loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta baahan.

Abdiaziz Shafii Farah, oo 36 jir ah, ayaa lagu tilmaamay maskaxdii ka dambeysay nidaamkan musuq-maasuqa, kaasoo si arxan darro ah looga faa’iideystay barnaamij ay dowladda dhexe maalgelinaysay si carruurta loogu quudiyo xilligii uu socday safmarkii COVID-19. Isaga iyo dadkii la shaqeynayay waxay si been abuur ah u sheegeen inay bixiyeen in ka badan 18 milyan oo cunto ah iyagoo adeegsanaya goobo aan jirin, si ay u lunsadaan lacago laga soo qaaday canshuur-bixiyeyaasha.

Marka laga reebo xukunka xabsiga, Garsooraha Maxkamadda Federaalka ee Degmada Minnesota, Nancy E. Brasel, ayaa sidoo kale ku amartay Farah inuu bixiyo magdhow lacageed oo gaaraya $47.9 milyan. Xukunkan ayaa yimid kadib dacwad socotay muddo toddoba toddobaad ah, halkaas oo xeer-beegti ay ku heshay Farah dambiyo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin khiyaano elektaroonig ah, laaluush, iyo lacag dhaqid.

“Halkan Maraykanka waxaad ka gaartay guulo, laakiin waxaad muujisay tixgelin la’aan iyo ku tumasho sharciyada dalka Maraykanka,” ayay tiri Garsoore Brasel xilligii xukunka la ridayay, iyadoo falkiisa ku tilmaantay mid ka dhashay “hunguri aan xad lahayn.”

Liisas been abuur ah iyo laaluush

Dacwaddan ayaa qayb ka ah baaritaan ballaaran oo lagu magacaabay Feeding Our Future, taasoo ku saabsan hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo fadhigeedu ahaa Minnesota, isla markaana xeer-ilaalintu sheegtay inay kormeeraysay musuq-maasuq baaxad weyn oo gaaraya $300 milyan. Dowladda Maraykanka ayaa si weyn u fududeysay shuruucdii Barnaamijkeeda Quudinta Carruurta ee Federaalka (Federal Child Nutrition Program) xilligii masiibada, si loo hubiyo in carruurtu aysan gaajoon – fursad uu Farah si xun uga faa’iideystay.

Laga bilaabo Abriil 2020, Farah wuxuu shirkaddiisa Empire Cuisine & Market u diiwaan geliyay inay tahay goob qaybisa cuntada. Wuxuu si degdeg ah u aasaasay in ka badan 30 xarumood oo la sheegay inay cunto qaybiyaan, kuwaasoo intooda badan ahaa dhulal bannaan ama xafiisyo maran oo aan marnaba cunto laga bixin.

Si ay u xoojiyaan sheegashadooda beenta ah, Farah iyo saaxiibbadiis waxay gudbiyeen qaansheegadyo iyo liisas tirakoob cunto oo la been abuuray. Waxay sidoo kale soo gudbiyeen liisas ay ku qoran yihiin carruur aan jirin, iyagoo adeegsanaya magacyo been abuur ah sida “Serious Problem” iyo “Britishy Melony,” sida ku cad dokumentiyada maxkamadda.

Si uu qorshuhu si habsami leh u socdo, Farah wuxuu bixiyay kumanaan doollar oo laaluush iyo gunnooyin sharci darro ah oo uu siiyay shaqaale ka tirsan hay’adaha kafaala qaada sida Feeding Our Future iyo Partners in Nutrition.

Farah wuxuu shakhsi ahaan jeebka ku shubtay in ka badan $8 milyan oo dollar muddo 18 bilood gudahood ah – lacago uu u adeegsaday inuu ku noolaado nolol raaxo iyo barwaaqo leh.

Xeer-ilaalintu waxay soo bandhigtay fariimo qoraaleed uu u diray mid ka mid ah eedeysaneyaasha la shaqeynayay, isagoo leh: “7 bilood gudahood, haddii ay arrimuhu sidaan ku sii socdaan, waxaad noqonaysaa multi-milyaneer aan wax deyn ah lagu lahayn.”

Wuxuu iibsaday gaadiid raaxo leh oo ay ka mid yihiin Porsche, Tesla, iyo GMC qiimihiisu kor u dhaafayo $300,000. Waxa uu sidoo kale dhaqay ku dhowaad $4.2 milyan isagoo ku iibsaday guryo iyo dhulal ku yaal Minnesota iyo Kentucky, oo ay ku jiraan laba dhul oo ku yaal agagaarka haro, halkaas oo uu qorsheynayay inuu ka dhiso guri casri ah.

Lacagta la lunsaday ayaa sidoo kale loo diray dibadda. Farah wuxuu hanti ka iibsaday dalka Kenya, oo ay ku jirto dhismo dabaqyo dhaadheer ah oo ku yaal Nairobi, sidoo kale wuxuu lacag ku dhaqay hay’ado ku yaal Shiinaha. Sida laga soo xigtay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka, hantidan ayaa haatan ka baxsan gacanta hay’adaha sharci fulinta ee dalka.

Fadeexadda Feeding Our Future

Musuq-maasuqa uu Farah hormuudka ka ahaa wuxuu qeyb ka ahaa shirqool ballaaran oo salka ku hayay hay’adda aan faa’iido doonka ahayn Feeding Our Future, taasoo ahayd in ay noqoto kafaala-qaade iyo maamulaha barnaamijka cuntada ee federaalka. Taas beddelkeeda, waxay noqotay xarunta shabakad lunsatay boqollaal milyan oo dollar.

Wasaaradda Cadaaladda ee Maraykanka (U.S. Department of Justice) ayaa dacwado la xiriira fadeexaddan ku soo oogtay in ka badan 70 qof, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah kiisasii ugu waaweynaa ee la xiriira musuqmaasuq la xariira masiibada COVID-19 ee dalka ka dhacay. Kiiskan ayaa si qoto dheer u saameeyay jaaliyadda Soomaalida Maraykanka ee Minnesota, halkaas oo ay kasoo jeedaan qaar badan oo ka mid ah eedeysanayaasha iyo dhibanayaashooda.

“Cawaaqibka dambigaaga waxaa laga dareemi doonaa Minnesota iyo bulshadaada – bulshada qaxootiga – muddo dheer,” ayay tiri Garsoore Brasel.

Dambiyada Farah ma ahayn oo keliya musuqmaasuqa. Kadib markii wakiillo federaal ah ay ka qaadeen baasaboorkiisa intii lagu jiray baaritaan bishii Janaayo 2022, wuxuu si been abuur ah u sheegay in baasaboorku ka lumay si uu u helo mid cusub. Wax ka yar laba toddobaad kadib, waxaa lagu qabtay isagoo isku dayaya inuu raaco diyaarad hal jaho ah oo ku socotay dalka Kenya.

Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu yaabka badnaa ayaa dhacay intii ay socotay maxkamadayntiisa bishii Juun 2024, markaas oo Farah iyo afar qof oo kale lagu eedeeyay inay isku dayeen inay laaluushaan xubin ka tirsan xeer-beegtida, iyagoo ula tagay boorso ay ku jirto $120,000 oo lacag caddaan ah si loogu beddelo go’aanka maxkamadda. Farah ayaa dambigaas qirtay, waxaana la filayaa in lagu xukumo goor dambe.

Ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka, Joseph H. Thompson, ayaa ku eedeeyay Farah inuu khiyaamay dalkii siiyay magangalyada iyo fursad nololeed. “Dalkan wuxuu Farah siiyay wax walba… waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah,” ayuu yiri Thompson. “Haddaba sidee buu ugu abaal-guday dalkan iyo gobolkan? Isagoo naga dhacay hantidii ummadda.”

Sargaalka sare ee Hay’adda Dambi-baarista Federaalka (FBI), Alvin M. Winston, Sr., ayaa ku tilmaamay dambigan “khiyaano lagu sameeyay aaminaaddii bulshada,” isagoo ballan qaaday in hay’adaha sharci fulinta ay “aan ka laaban doonin” dadaallada lagu la xisaabtamayo “kuwa dhibaateeya dadka ugu nugul bulshadeenna.”

Daawo: Muungaab oo daah-furay olole ay qayb ka yihiin wasiirro iyo xildhibaanno

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa saaka daah-furay olole wayn oo lagu nadiifinayo caasimada, kaas oo ay ka qayb-galeen xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Muungaab oo qaatay oo badiilka ayaa ku dhawaaqay in magaalada Muqdisho ay ka dhigi doonaan magaalo nadiif ah, isla markaana ay soo celin doonaan bilicdii caasimada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay kordhiyeen shaqaalaha waaxda nadaafadda, isla markaana hadda kadib si gaar ah looga war qabi doono, si ay u qabtaan shaqo muhiim ah.

“Halkan waxaan ka bilownay mashruuca ololaha nadaafadda maalmo dhaweyd markii aan xilka la waeegnay bil kadib waxaan waaxda nadaafadda ku biirinay illaa shaqaale gaaraya 300 oo mushaari ah” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Shaqaalaha nadaafadda waxa ay noqon doonaan kuwa ugu muhiimsan ee la siiyo dheerogelinta gaarka ah, waxaan dooneynaa magaaladaan inay nadiif ahaato”.

Duqa Muqdisho oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in ololahan uusan noqon doonin igu sawir, ayna ku dadaali doonaan in la gaarsiiyo caasimadda oo dhan.

Sidoo kale mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka shacabka ah ayuu ugu baaqay inay qaataan doorkooda, isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarinta caasimada.

“Ololahaan igu sawir ma’ahan waa mid rasmi ah oo shaqo ah mas’uul kasta oo gobolka Banaadir ka tirsan inuu ka qayb qaato ololaha nadaafadda ee Muqdisho” ayuu ku daray.

Muungaab ayaa tan iyo markii la magacaabay waday dadaallo horumarineed oo ku aadan caasimada, isaga oo sidoo kale isbeddal wayn ku sameeyay hoggaanka gobolka Banaadir.

Somali man gets 28 years in $300M US pandemic fraud

MINNEAPOLIS, United States – A Minnesota man was sentenced Wednesday to 28 years in federal prison for his central role in what prosecutors have called the largest COVID-19 pandemic fraud scheme in the United States, a “breathtakingly elaborate” plot that siphoned over $47 million intended to feed needy children.

Abdiaziz Shafii Farah, 36, was a principal architect of the fraud, which exploited a federally funded child nutrition program during the global health crisis. He and his co-conspirators falsely claimed to have served more than 18 million meals from shell locations to embezzle taxpayer funds.

In addition to the prison term, U.S. District Judge Nancy E. Brasel ordered Farah to pay $47.9 million in restitution. The sentencing comes after a seven-week trial where a jury convicted Farah on multiple counts, including wire fraud, bribery, and money laundering.

“You achieved successes here in the United States and yet you’ve shown utter and flagrant disregard for the laws of the United States,” Judge Brasel told Farah during sentencing, describing his actions as motivated by “pure unmitigated greed.”

Phony rosters and bribes

The case is part of the sprawling “Feeding Our Future” investigation, named after the Minnesota-based non-profit that prosecutors say oversaw a massive $300 million fraud. The U.S. government dramatically eased rules for its Federal Child Nutrition Program during the pandemic to ensure children would not go hungry, a change that Farah and others ruthlessly exploited.

Beginning in April 2020, Farah enrolled his company, Empire Cuisine & Market, as a food distribution site. He quickly established more than 30 purported distribution centers, many of which were merely vacant lots or empty offices where no food was ever served.

To support their fraudulent claims, Farah and his associates submitted falsified invoices and meal count sheets. They also created rosters of fictitious children, using absurd and fake names such as “Serious Problem” and “Britishy Melony,” according to court documents.

To ensure the scheme continued uninterrupted, Farah paid thousands of dollars in bribes and kickbacks to employees at the sponsoring organizations, Feeding Our Future and Partners in Nutrition.

Farah personally pocketed over $8 million from the scheme in just 18 months, which he used to fund a lavish lifestyle.

Prosecutors presented evidence of text messages where he boasted to a co-defendant, “In 7 months, if things stay the same, you are a multi-millionaire with 0 debt.”

He purchased a fleet of luxury vehicles, including a Porsche, a Tesla, and a GMC truck valued at over $300,000. He also laundered approximately $4.2 million through real estate purchases in Minnesota and Kentucky, including two lakefront lots where he planned to build a custom home.

The stolen funds were also moved overseas. Farah bought property in Kenya, including a high-rise apartment building in Nairobi, and laundered money through entities in China. According to the U.S. Attorney’s Office, these international assets are beyond the reach of American law enforcement.

‘Feeding Our Future’ scandal

The fraud orchestrated by Farah was part of a much larger conspiracy centered around the non-profit Feeding Our Future, which was supposed to act as a sponsor and administrator for the federal food program. Instead, it became the hub of a network that embezzled hundreds of millions of dollars.

The U.S. Department of Justice has charged over 70 individuals in connection with the scandal, making it the largest prosecution of pandemic-related fraud in the country. The case has deeply impacted Minnesota’s Somali-American community, from which many of the defendants and their victims were drawn.

“The repercussions of your crime will be felt in Minnesota and your community—the refugee community—for a long time,” Judge Brasel noted.

Farah’s criminal activity did not end with the fraud. After federal agents seized his passport during a raid in January 2022, he falsely claimed it was lost to obtain a new one. Less than two weeks later, he was arrested while attempting to board a one-way flight to Kenya.

In a stunning development during his trial in June 2024, Farah and four others were charged in a separate case for attempting to bribe a juror with a bag containing $120,000 in cash in exchange for a not-guilty verdict. Farah has since pleaded guilty to the bribery charge and will be sentenced for that crime at a later date.

Acting U.S. Attorney Joseph H. Thompson argued that Farah betrayed the nation that had offered him refuge and opportunity. “This country gave Farah everything… a free college education,” Thompson said. “And how did he repay this country and this state? By robbing us blind.”

FBI Special Agent in Charge Alvin M. Winston, Sr. called the crime “a betrayal of societal trust,” vowing that law enforcement would remain “unyielding” in holding accountable “those who prey on the most defenseless in our communities.”

Kenya oo 24 saac u qabatay ciidamada Jubaland ee ka soo gudbay xuduudda

0

Mandheera (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa saacado kooban u qabatay in ciidamada Jubbaland ee ka baxsaday dagaalkii ay ku Jabeen ee ka dhacay Beledxaawo ay uga baxaan xuduudda Kenya, isla markaana ay aadaan dalkooda Soomaaliya.

Saraakiisha Soomaalida ah ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ee xuduudda ka talaabay ee jooga aagga Mandheera ay ku wargeliyeen in 24 saac ay uga baxaan deegaanka.

Ciidamada Jubbaland ee saacadaha kooban loo qabtay ayaa maalmo ka hor ku jabay dagaalkii ay ciidamada dowladda federaalka kula galeen degmada Beledxaawo oo lagala wareegay, halkaas oo ay uga carareen dhaawacyadooda.

Ciidamadaas oo wax gurmad ah ka waayey Axmed Madoobe oo markii hore dagaalka geliyey ayaa u baxsaday dhanka xuduud-beenaadka Kenya, waxayna isku dhiibeen ismaamulka Mandheera.

Cadaadis ay Kenya kala kulantay dowladda federaalka ayaa la sheegay inuu sababay in ciidanka Jubbaland ay dul dhigaan amarkaan, lamana oga halka ay ku dambey doonaan ciidankaas.

Hadii Dowladda Kenya, ay ku adkeysato in ciidamadaas ay ka baxaan dalkeeda quburrada ammaanka waxay saadaalinayaan in ciidankaas ay u furan tahay oo kaliya inay isku dhiibaan ciidanka dowladda federaalka ee qabsaday Beledxaawo.

Dowladda Soomaaliya, ayaa huray u cadeysay in ciidankaas ay kuweeda ku dareyso oo xuquuq siineyso hadii ay isku soo dhiibaan, waxaana xusid mudan in ciidankii isku dhiibay ay bishaan helayaan mushaar uga imaanaya dowladda, sida uu xaqiijiyey Cabdirashiid Janan oo ugu sareeya saraakiisha ay dowladdu Gedo u dirtay.

Dhinaca kale, Saraakiisha Dolwadda Itoobiya ee Doolow ku sugan ayaa Cabdirashiid Janan iyo Ciidanka DF ee ku sugan Beledxaawo ka dalbaday in seddax maalmood ay uga baxaan magaaladaas, taasi oo gefweyn ku ah dowladnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli wax war ah ka soo saarin amarka ay bixiyeen saraakiisha Itoobiya ee Gedo ku sugan, gobolka Gedo ayaa dhexda uga jira loolan adag oo xilli kasta isku bedeli kara gacan ka hadal.

Wasiir Fiqi iyo Juxa oo ay ka dhex tafatay, iskuna qaaday weerar xun kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa weerar afka ah isku qaaday.

Labada wasiir oo mid walba difaacaya dowladdiisa, ayaa waxaa weerarka ku horreeyay Juxa oo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inay sabab u tahay sumcad xumada liidata ee baasaboorka Soomaaliya.

Juxa ayaa si yaab leh u yiri: “Baasaboorkii ugu liitay adduunka xagga socdaalka ayaa dadkiisa ciqaab iyo shar looga dhigay. Marka taladu gacan qura iyo meel qura gasho, waxay noqotaa shar ummadeed.”

Fiqi oo si weyn uga carooday hadalka Juxa, ayaa isna dhiniciisa maamulka Puntland ku tilmaamay “shufto”, isagoo mas’uuliyadda sumcada xumada baasaboorka dusha uga tuuray ficilada qaldan ee hoggaanka Puntland.

“Waddan aad maraakiibtii badda maraysay ee si sharciga ah u socotay aad afduubanayso, weliba si xishood darro ah aad ku leedahay waa ‘qaniimo’, miyaa baasaboorkiisa dadaal kasta oo lagu bixiyo lagu hagaajin karaa ama kor u kici karaa!? Hashu ayadaa cunta oo caytamaysana!” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Ma aha markii ugu horreysay ee mas’uul ka tirsan dowladda federaalka iyo mid kale oo ka tirsan Puntland ay xiisad ka dhex dhalato, ayna isugu jawaabaan baraha bulshada. Haddana waxaa ceeb iyo murugo leh in mas’uul Soomaaliyeed uu ku tunto sumcadda baasaboorka dalkiisa.

Sanadihii dambe, siyaasadda ku dhisan aflagaado iyo is-weerar ayaa caan ka noqotay gudaha Soomaaliya, iyadoo aysan jirin xeerar ama anshax celinaya mas’uuliyiinta dowladda. Taas oo muujinaysaa in madaxda sare ee dalka ay raali ka yihiin, ama iyagu rabaan in dartood loo shaqsi caayo mas’uul kale oo ay is-hayaan.

Bilo ka hor ayey ahayd markii Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, si shaqsi ah u aflagaadeeyay, isagoo su’aal geliyay dhalashadiisa, kuna tilmaamay “qof marxuum ah” iyo mid ka mid ah dadkii lagaga qaxay magaalada Muqdisho 1991-kii, sida uu hadalka u dhigay.

Inkastoo Puntland ay markaas la kulantay dhaleeceyn xooggan, isla markaana eedeymo culus loo jeediyay xukuumadda Puntland ee uu ka tirsan yahay Wasiirka, iyada oo dad badan ay ka caroodeen gef-ka uu ku kacay, haddana illaa maanta wuu ka tirsan yahay xukuumadda Saciid Deni.

Wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo maanta ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay…

Accra (Caasimada Online) – Wasiirada Difaaca iyo Deegaanka dalka Ghana Edward Omane Boamah iyo Ibrahim Murtala Muhammed iyo Lix ruux oo kale ayaa ku geeriyooday diyaarad Helikobter ah oo shil ku gashay gobolka Ashanti ee koonfurta dalkaasi.

Dowladda Ghana, ayaa goordhow ku dhawaaqday in shilkaasi uu dhacay oo wasiirkii gaashaandhigga iyo xubno kale oo muhiim ah ay ku dhinteen.

Dadka kale ee la xaqiijiyay inay ku dhinteen shilkan waxaa ka mid ah Alhaji Mohammad Muniru Limuna, oo ahaa ku-xigeenka isku-duwaha ammniga dalkaasi, horayna usoo noqday wasiirkii beeraha, iyo Samuel Sarpong, oo ahaa guddoomiye ku-xigeenka xisbiga National Democratic Congress (NDC) ee uu hoggaamiyo Mahama.

Ciidamada cirka Ghana ayaa horey u sheegay in diyaarad militari ah oo ahayd helicopter ay ka luntay raadaarka wax yar kadib markii ay ka duushay magaalada Accra.

Diyaaradda ayaa kusii jeeday magaalada Obuasi oo ku taalla waqooyiga galbeed ee caasimaddan dalkaasi Ghana, sida lagu sheegay warbixinta dowladda.

Dowladda Ghana ayaa ku dhawaaqday in calanka dalkaasi hoos loo dhigi doono muddo dhowr maalmood ah, taasi oo ah baroordiiq loo sameynayo masuuliyiinta ku geeriyootay Shilka.

Madaxweynaha dalka Ghana, John Dramani Mahama, ayaa hakiyay dhammaan howlihiisii rasmiga ah, si loo muujiyo murugada dhacdadaan galaafatay masuuliyiintaas muhiimka ahaa.

Isbeddel weyn oo September ku imanaya qaadashada baasaboor Soomaaliga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbeddelada lagu sameynayo qaadashada baasaboorka Soomaaliya ayaa lagu sameynaya isbeddelkii ugu weynaa, kadib toddobaadyo isbeddelo dhowr ah lagu sameeyay hanaanka qaadashada baasaboorka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa maanta ku dhawaaqday in kaarka aqoonsiga qaranka lagu codsan doono baasaboorka Soomaaliga ah. Tan ayaa ka dhigan in qofka aan haysan kaarka aqoonsiga uusan qaadan karin baasaboorka.

Isbeddelkan weyn ee ku yimid hanaanka qaadashada baasaboorka ayaa waxa uu si rasmi ah u dhaqan-galayaa 1-da September 2025, sida lagu iclaamiyay shir heer sare ah oo maanta ka dhacay xarunta dhexe ee hay’adda socdaalka.

Sidoo kale, dhammaan dadka ku safraya dalka gudihiisa waxa looga baahan yahay in ay safarkooda u haystaan kaarka aqoonsiga qaranka, laga bilaabo 1-da January 2026.

Shirkan oo diirada lagu saarayay sare u qaadista sumcadda baasaboorka Soomaaliyeed ayaa waxa shir-guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Fartaag, waxana qeyb ka ahaa Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Balcad, Agaasimaha Guud ee hay’adda socdaalka, MustafeDhuxulow, Maareeyaha Guud ee NIRA, Cabdiwali Cali Cabdulle Timacadde, La-taliyayaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada hay’adood.

Ujeedooyinka ugu waaweyn ee kulanka waxa ka mid ahaa:

  • Hirgelinta isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee qaadashada baasaboorka
  • Dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee Baasaboorka Soomaaliga
  • Sugidda iyo tayeynta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed
  • Xoojinta is-dhexgalka nidaamyada xog-wadaagga HSJ iyo NIRA
  • Dhisidda hannaan joogto ah oo ay si wadajir ah u fuliyaan labada hay’adood

Go’aannada lagu gaaray shirka

  • 𝐋𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝟏-𝐝𝐚 𝐒𝐞𝐩𝐭𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟓, Baasaboorka Soomaaliyeed waxaa lagu codsan doonaa Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadinka.
  • 𝐋𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝟏-𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐧𝐮𝐚𝐫𝐲 𝟐𝟎𝟐𝟔, dhammaan dadka ku safraya dalka gudihiisa waxa looga baahanyahay in ay safarkooda u haystaan kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo hubiyo xogtooda shaqsiga ah.
  • 𝐌𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐝𝐚𝐚𝐬, labada hay’adood waxay si buuxda uga wada shaqeyn doonaan isku dubaridka nidaamyada, tababarka saraakiisha, iyo wacyigelinta bulshada.

Tani waxay ka mid tahay tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu xoojinayo hannaanka maamulka socdaalka iyo aqoonsiga muwaadiniinta, iyadoo lagu saleynayo istiraatiijiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan hay’ad casri ah iyo adeegyo la jaanqaadaya baahida shacabka.

Si kastaba, labada hay’adood ayaa ku hawlan dhameystirka hannaan wada-shaqeyn buuxda, si codsiga baasaboorku u noqdo mid la isku halleyn karo, daahfuran, oo si degdeg ah u shaqeeya.

Wasaarada caafimaadka oo magacawday golaha anshaxa cilmi-baarista qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay ku shaacisay magacaabista xubnaha cusub ee Golaha Anshaxa Cilmi-baarista Qaranka Soomaaliyeed (SNREB).

Sida lagu sheegay bayaanka wasaaradda, magacaabista xubnaha golahan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda ee lagu horumarinayo cilmi-baaris caafimaad oo ku dhisan hufnaan, anshax sare iyo nidaam sharciyeed cad, iyadoo la raacayo qorshaha isbedelka qaran (National Transformation Plan).

Golahan cusub ee SNREB ayaa loo xil-saaray inay dib u eegis ku sameeyaan, qorsheeyaan, isku xiraan isla markaana kormeeraan dhammaan cilmi-baarisyada caafimaadka ee dalka laga hirgeliyo, sida lagu caddeeyay bayaanka wasaaradda. Mas’uuliyadda golahan ayaa sidoo kale dabooli doonta cilmi-baarisyada la xiriira nafaqada, biyaha iyo fayadhowrka (WASH), deegaanka iyo dhaqamada bulshada.

Bayaanka wasaaradda ayaa intaas ku daray in ujeedka ugu weyn ee golahan yahay in cilmi-baarisyada lagu hago xeerarka anshaxa cilmi-baarista ee heer qaran iyo go’aanka Golaha Wasiirrada Summadiisu tahay SHGW.00.84.10.19 ee la ansixiyay 10 October 2019, kaas oo qeexaya nidaamyada Machadka Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa bayaanka ku sheegay in dhismaha golahan uu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo muhiim u ah dhiirigelinta cilmi-baarista caafimaad ee dalka, iyadoo ilaalinaysa xuquuqda aadanaha kuna dhisan mas’uuliyad iyo isla xisaabtan.

Sidoo kale, xubnaha cusub ee Golaha SNREB ayaa lagu tilmaamay inay yihiin khubaro sare oo leh aqoon iyo khibrad dheer oo ku saabsan caafimaadka, anshaxa bio-etikada, cilmi-baarista caafimaadka, sharciga iyo siyaasadda guud ee caafimaadka Soomaaliya. Waxaa la filayaa inay gutaan waajibaadkooda si waafaqsan heerarka anshaxa gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Caafimaadka ayaa ugu baaqday dhammaan hay’adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, jaamacadaha, xarumaha caafimaadka iyo daneeyayaasha kale inay si dhow ula shaqeeyaan golahan cusub, loona hoggaansamo xeerarka iyo nidaamyada Golaha SNREB si loo gaaro cilmi-baaris caafimaad oo lagu kalsoonaan karo.

Somalia taps veteran diplomat as new national security chief

MOGADISHU, Somalia – Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud has appointed a veteran diplomat as his new national security advisor, a move that comes as his administration grapples with significant security challenges, internal policy disagreements, and a damaging scandal over the alleged misappropriation of military aid.

Ambassador Aweys Haji Yusuf was named to the crucial post, replacing Hussein Sheikh-Ali, whose recent departure was precipitated by months of mounting pressure and strategic rifts within the government, according to a statement from the presidential palace, known as Villa Somalia.

The change in leadership of the nation’s security apparatus occurs at a pivotal moment for Somalia, which is engaged in a long-running and brutal offensive against the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab insurgency while navigating complex internal politics and its relationships with key international partners.

In an official statement, President Mohamud praised the incoming advisor’s “deep experience and leadership” and expressed hope that he would “play a significant role in strengthening national security and implementing the government’s counter-terrorism strategy.”

The presidency also formally thanked the outgoing advisor, Hussein Sheikh-Ali, for his service. However, his exit on July 25 followed a period of intense political strain, rooted in accusations of corruption within the security sector and fundamental disagreements over military strategy.

The new National Security Advisor, Aweys Haji Yusuf, brings extensive diplomatic and policy experience to the role. He previously served as Somalia’s ambassador to Saudi Arabia from 2023 to 2025, a period focused on bolstering strategic and security cooperation between Mogadishu and Riyadh.

Between 2012 and 2016, during President Mohamud’s first term, Yusuf led the Presidency’s Political Planning Office, where he was instrumental in shaping national policies on security, economic reform, and governance.

He was also a key figure in high-level negotiations with international partners concerning security and economic cooperation. Observers see his appointment as an effort by President Mohamud to install a trusted and experienced hand to steady the nation’s security policy.

The departure of Hussein Sheikh-Ali was not abrupt, according to Caasimada Online sources. He reportedly tendered his resignation as early as May 2025 but remained in his post under pressure from Villa Somalia until late July.

The core of the dispute appears linked to a scandal that erupted in the spring of 2024. A U.S.-led investigation in April of that year uncovered the misappropriation of food aid and other essential supplies intended for the “Danab” (Lightning) Brigade, an elite, U.S.-trained commando force that serves as the spearhead for counter-terrorism operations.

The revelations led to the temporary suspension of U.S. food aid to the unit, prompting significant concern among Somalia’s international partners. According to government sources, senior officials at the Ministry of Defense and military commanders accused Sheikh-Ali’s office of failing to adequately respond to the corruption allegations, creating a significant point of friction.

Further complicating his tenure were stark strategic disagreements. Sheikh-Ali reportedly opposed a planned government military offensive in the southern state of Jubaland, cautioning that it could provoke dangerous divisions within the Somali National Army.

The final catalyst for his exit was reportedly the diversion of a ship carrying weapons destined for TURKSOM, a major Turkish military base and training academy in Mogadishu. The vessel was rerouted to the semi-autonomous state of Puntland, a move that stoked fresh political suspicions and tensions between the federal government and the regional state.

Concerns within the presidency were also reportedly heightened by news that Sheikh-Ali has authored a forthcoming book. Villa Somalia officials are said to be worried the book could disclose sensitive details about the inner workings of Somalia’s security agencies and their relationships with foreign powers.

The leadership change comes as Somali forces, with the support of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) and U.S. air support, continue a grinding war against Al-Shabaab. While the government has had success in liberating some territories, the insurgent group has proven resilient, recently retaking ground in central Somalia and continuing to launch deadly attacks.

 The appointment of Ambassador Yusuf is a clear signal of President Mohamud’s intent to reset his security agenda and reinforce trust with crucial international allies like the United States and Turkey.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay la-taliyaha cusub ee amniga qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Danjire Aweys Xaaji Yuusuf u magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha. Magacaabistan ayaa ku timid xilli uu dalka wajahayo caqabado dhanka amniga ah, iyadoo Villa Somalia ay dooneyso inay xoojiso dadaallada istiraatiijiyadeed ee la-dagaallanka argagixisada.

Danjire Aweys waa siyaasi iyo diblomaasi khibrad dheer u leh maamulka iyo amniga qaranka. Intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2016, wuxuu hogaaminayay Xafiiska Qorshaynta Siyaasadda ee Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo uu door muuqda ka qaatay dejinta siyaasadaha guud ee amniga, dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta dowladda.

Waxa uu sidoo kale hormuud ka ahaa wada-hadallada heerka sare ee amniga iyo iskaashiga dhaqaale ee dowladda Federaalka iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah.

Danjire Aweys wuxuu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga intii u dhaxeysay 2023 ilaa 2025, isagoo door muhiim ah ka ciyaaray xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed iyo amni ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Danjire Aweys waayo-aragnimadiisa qotada dheer iyo hogaamintiisa, wuxuuna ka rajeeyay in uu door muuqda ka qaato xoojinta amniga qaranka iyo hirgelinta istiraatiijiyadda dowladda ee la-dagaallanka argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka, Mudane Xuseen Macallin Maxamuud, dadaalkii uu geliyay horumarinta amniga qaranka muddadii uu xilka hayay, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Xuseen Macallin Maxamuud, ayaa xilka ka tegay dhammaadka bishii hore ka dib cadaadis siyaasadeed oo baahsan, fadeexad la xiriirta gargaar militari oo la lunsaday, iyo khilaafyo istiraatiijiyadeed oo ku saabsan arrimaha gudaha iyo dibedda.

Inkasta oo uu si rasmi ah u gudbiyay is-casilaad horraantii bishii Maajo 2025, haddana warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Villa Somalia ay cadaadis ku saartay in uu xilka ka dego 25-kii Luulyo. Khilaafyada ugu waaweyn ee horseeday go’aankaasi waxaa ka mid ahaa:

Khilaafka ayaa la sheegay inuu sii xoogeystay horraantii 2024-kii, kaddib markii ay soo baxday fadeexad ku saabsan lunsashada gargaar uu Mareykanku siin jiray Guutada Danab, oo ah ciidan khaas ah oo Kumaandoos ah oo uu Mareykanku tababaray si ay u hoggaamiyaan hawlgallada la-dagaallanka argagixisada.

Baaritaan ay hoggaaminayeen Mareykanku bishii Abriil 2024, ayaa lagu ogaaday in la lunsaday raashin gargaar ah iyo agab kale oo loogu talagalay ciidanka Danab. Sida ay sheegeen ilo-wareedyada Caasimada Online, saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliyeyaal sare oo militari ayaa ku eedeeyay xafiiska Xuseen Macallin inuu ku guuldarreystay inuu si ku filan uga jawaabo eedeymahaas.

Xuseen wuxuu la soo baxay mowqif ka dhan ah weerarro laga qorsheeyay Jubaland, isagoo ka digay in tallaabo militari ay keeni karto kala qaybsanaan ka dhex dhalata Ciidanka Xoogga Dalka.

Waxaa sidoo kale lagu warramay in Xuseen Macallin uu qoray buug dhowaan soo bixi doona, kaasoo faahfaahinaya habka shaqo ee hay’adaha amniga Soomaaliya, xiriirka ay la leeyihiin quwado shisheeye, iyo go’aan qaadashada Villa Somalia. Warbixintaasi ayaa la sheegay in ay walaac weyn ku keentay madaxtooyada, iyadoo laga baqayo in xog xasaasi ah oo dawladda ah ay banaanka timaaddo.

Dhacdadii ugu dambeysay ee dhabbaha u xaartay is-casilaadda ayaa ahayd markii markab siday hub loogu talagalay saldhigga Turkiga ee TURKSOM loo leexiyay Puntland, taasoo dhalisay shakiyo cusub oo siyaasadeed.

Sidee ayey Soomaaliya uga aqbashay Itoobiya diblomaasi u gefay midnimada dalka?

0

Aqbalaadda warqadda aqoonsiga ee safiirnimo: Waxaa jira habraac la yiraa “Agrément Process” oo ah nidaam diblomaasiyadeed oo dowlad kasta raacdo ka hor inta aan la aqbalin safiir cusub. Nidaamkan waxaa hagaya Vienna Convention on Diplomatic Relations (1961), gaar ahaan Article 4 (1 and 2). Tusaale;

Agrément Process – waa maxay?

  1. Agrément waa oggolaansho horudhac ah oo ay dowladda marti-gelinaysa safiirka cusub ay siiso safiirka dowlad kale ka hor inta aysan aqbalin.
  2. Haddii dowladda martida loo yahay aysan aqbalin qofka loo soo magacaabay (without giving reasons), waa xaq sharci ah in ay iska diido.

Maxay tahay sababta loo sameeyo taas..? Sababta ugu wayn waa:

  1. In la hubiyo qofka lasoo magacaabay uusan khatar ku ahayn amniga, siyaasadda ama xiriirka labada dal.
  2. In laga hortago Persona non-grata (PNG), xaalad ku timaadda ka dib marka safiirka la aqbalo.
  3. Waa habraac lagu ilaaliyo madax-bannaanida iyo amniga dalka martida loo yahay.

Baaritaanka iyo ogaanshaha xogta qofka (Diplomacy-ga):

Dowladda martida loo yahay waxa ay samaysaa (background check) la xiriira:

  1. Amni: xiriirkiisa hore, xiriir siyaasadeed, waxyaabo lid ku ah dalka (Qaranka).
  2. Diblomaasiyadeed: khibradiisa, akhlaaqda, sumcaddiisui hore
  3. Xiriir siyaasadeed: in uu ka tirsan yahay kooxaha mucaaradka ku ah dalkaas ama taageera argagixisada.
  4. Hay’adaha amniga iyo sirdoonka: dalka martida loo yahay waxa ay sameeyaan baaritaan buuxa oo (vetting ama Full Profilling) ah.

F.G: Nidaamkan hubinta ah mararka qaar waxa uu qaadan karaa 3–6 bilood ama ka badan, haddii loo baahdo.

Go’aanku waa (confidential), lama sheego sababta loo diiday Diplomacy-ga haddii la diido.

Go’aan

  • Haddii lagu qanco (agrément) waa la bixiyaa oo la aqbalaa safiirka, haddii aan lagu qancin, waa la diidi karaa “without giving reasons” sida uu dhigayo (Vienna Convention).

Ujeedada qormadaan waxaa waaye, shalay Madaxwaynaha JFS Md. Xasan Sheekh ayaa warqadda magacaabista safiirnimo ka guddoomay safiirro uu kamid yahay safiirka cusub Ee dowladda Ethiopia Suleiman Dedefo. Waxaa xusid mudan in ninkaasu aanu horay u xitiraamin dowladnimada iyo wadajirka Qaranimo Ee Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa leh masuuliyadda hubinta safiirka lasoo magacaabay. ma ninkaan ayaan background check-up lagu samayn mise waxaan uu qorayay ayaa wax caadi ah loo arkaa..? Ama aan dan laga lahayn..? Sidee qof sidaan u hadlaya loogu ogolaanayaa inuu ka howl-galo isla dalkii uu aflagaadaynayay..?

WQ: Musharaf Maxamed 

Dibadbax ka bilowday Doolow kadib go’aankii Itoobiya

0

Doolow (Caasimada Online) – Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugan ayaa maanta ka dhacay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Bannaanbaxan oo ay dhigeen dadka shacabka ah, ayaa ka dhashay caro xooggan oo ka dhalatay hadal kasoo yeeray saraakiil Itoobiyaan ah oo ku sugan gobolkaasi, kaasoo ay ciidamada Soomaaliya saddex cisho ugu qabteen in ay uga baxaan magaalada Beledxaawo oo haatan ay ku sugan yihiin.

Shacabka mudaharaadayay ayaa si cad uga hor yimid hadalkaasi, iyagoo ku tilmaamay xad-gudub ka dhan ah qarannimada iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed, kuna qeexay mid aan marnaba la aqbali karin.

Ciidamada Itoobiya ayaa isku dayaya in ay la dagaalamaan ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Beledxaawo, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Gedo.

Cabdullaahi Shimbir, oo ah guddoomiyaha gobolka Gedo isla markaana taabacsan dowladda Federaalka, ayaa shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay in ciidamada Itoobiya ay u yeereen odayaasha deegaanka, kadibna ay la wadaageen amar la dul-dhigay ciidamada dowladda ee deggan xerada UK, kuwaasoo dhawaan la wareegay Beledxaawo.

Guddoomiyuhu waxa uu caddeeyay in arrintan ay u arkaan gar-darro cad, isla markaana aysan aqbali doonin maamul ahaan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in tallaabada Itoobiya ay dhaawaceyso xiriirka darisnimo iyo is-aaminaadda haatan soo hagaagaysa ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya ay weerareen xerada ciidamada NISA ee Doolow, iyagoo gebi ahaanba cagta mariyay, kadibna xirey taliyihii xeradaasi. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka, kuna saabsan xad-gudubkaasi ay Itoobiya geysatay.

Si kastaba, xaaladda gobolka Gedo ayaa weli kacsan, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ay dhawaan si buuxda ula wareegeen magaalada Beledxaawo, taasoo muddo dheer ay gacanta ku hayeen ciidamo taabacsan maamulka Axmed Madoobe.