27.1 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Sidee ayey Soomaaliya uga aqbashay Itoobiya diblomaasi u gefay midnimada dalka?

0

Aqbalaadda warqadda aqoonsiga ee safiirnimo: Waxaa jira habraac la yiraa “Agrément Process” oo ah nidaam diblomaasiyadeed oo dowlad kasta raacdo ka hor inta aan la aqbalin safiir cusub. Nidaamkan waxaa hagaya Vienna Convention on Diplomatic Relations (1961), gaar ahaan Article 4 (1 and 2). Tusaale;

Agrément Process – waa maxay?

  1. Agrément waa oggolaansho horudhac ah oo ay dowladda marti-gelinaysa safiirka cusub ay siiso safiirka dowlad kale ka hor inta aysan aqbalin.
  2. Haddii dowladda martida loo yahay aysan aqbalin qofka loo soo magacaabay (without giving reasons), waa xaq sharci ah in ay iska diido.

Maxay tahay sababta loo sameeyo taas..? Sababta ugu wayn waa:

  1. In la hubiyo qofka lasoo magacaabay uusan khatar ku ahayn amniga, siyaasadda ama xiriirka labada dal.
  2. In laga hortago Persona non-grata (PNG), xaalad ku timaadda ka dib marka safiirka la aqbalo.
  3. Waa habraac lagu ilaaliyo madax-bannaanida iyo amniga dalka martida loo yahay.

Baaritaanka iyo ogaanshaha xogta qofka (Diplomacy-ga):

Dowladda martida loo yahay waxa ay samaysaa (background check) la xiriira:

  1. Amni: xiriirkiisa hore, xiriir siyaasadeed, waxyaabo lid ku ah dalka (Qaranka).
  2. Diblomaasiyadeed: khibradiisa, akhlaaqda, sumcaddiisui hore
  3. Xiriir siyaasadeed: in uu ka tirsan yahay kooxaha mucaaradka ku ah dalkaas ama taageera argagixisada.
  4. Hay’adaha amniga iyo sirdoonka: dalka martida loo yahay waxa ay sameeyaan baaritaan buuxa oo (vetting ama Full Profilling) ah.

F.G: Nidaamkan hubinta ah mararka qaar waxa uu qaadan karaa 3–6 bilood ama ka badan, haddii loo baahdo.

Go’aanku waa (confidential), lama sheego sababta loo diiday Diplomacy-ga haddii la diido.

Go’aan

  • Haddii lagu qanco (agrément) waa la bixiyaa oo la aqbalaa safiirka, haddii aan lagu qancin, waa la diidi karaa “without giving reasons” sida uu dhigayo (Vienna Convention).

Ujeedada qormadaan waxaa waaye, shalay Madaxwaynaha JFS Md. Xasan Sheekh ayaa warqadda magacaabista safiirnimo ka guddoomay safiirro uu kamid yahay safiirka cusub Ee dowladda Ethiopia Suleiman Dedefo. Waxaa xusid mudan in ninkaasu aanu horay u xitiraamin dowladnimada iyo wadajirka Qaranimo Ee Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa leh masuuliyadda hubinta safiirka lasoo magacaabay. ma ninkaan ayaan background check-up lagu samayn mise waxaan uu qorayay ayaa wax caadi ah loo arkaa..? Ama aan dan laga lahayn..? Sidee qof sidaan u hadlaya loogu ogolaanayaa inuu ka howl-galo isla dalkii uu aflagaadaynayay..?

WQ: Musharaf Maxamed 

Dibadbax ka bilowday Doolow kadib go’aankii Itoobiya

0

Doolow (Caasimada Online) – Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugan ayaa maanta ka dhacay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Bannaanbaxan oo ay dhigeen dadka shacabka ah, ayaa ka dhashay caro xooggan oo ka dhalatay hadal kasoo yeeray saraakiil Itoobiyaan ah oo ku sugan gobolkaasi, kaasoo ay ciidamada Soomaaliya saddex cisho ugu qabteen in ay uga baxaan magaalada Beledxaawo oo haatan ay ku sugan yihiin.

Shacabka mudaharaadayay ayaa si cad uga hor yimid hadalkaasi, iyagoo ku tilmaamay xad-gudub ka dhan ah qarannimada iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed, kuna qeexay mid aan marnaba la aqbali karin.

Ciidamada Itoobiya ayaa isku dayaya in ay la dagaalamaan ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Beledxaawo, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Gedo.

Cabdullaahi Shimbir, oo ah guddoomiyaha gobolka Gedo isla markaana taabacsan dowladda Federaalka, ayaa shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay in ciidamada Itoobiya ay u yeereen odayaasha deegaanka, kadibna ay la wadaageen amar la dul-dhigay ciidamada dowladda ee deggan xerada UK, kuwaasoo dhawaan la wareegay Beledxaawo.

Guddoomiyuhu waxa uu caddeeyay in arrintan ay u arkaan gar-darro cad, isla markaana aysan aqbali doonin maamul ahaan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in tallaabada Itoobiya ay dhaawaceyso xiriirka darisnimo iyo is-aaminaadda haatan soo hagaagaysa ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya ay weerareen xerada ciidamada NISA ee Doolow, iyagoo gebi ahaanba cagta mariyay, kadibna xirey taliyihii xeradaasi. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka, kuna saabsan xad-gudubkaasi ay Itoobiya geysatay.

Si kastaba, xaaladda gobolka Gedo ayaa weli kacsan, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ay dhawaan si buuxda ula wareegeen magaalada Beledxaawo, taasoo muddo dheer ay gacanta ku hayeen ciidamo taabacsan maamulka Axmed Madoobe.

Jubaland oo si yaab leh ula safatay Itoobiya, eedeyn u jeedisay Masar iyo Eritrea

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay xaaladda gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda ka taagan gobolka ay ku lug leeyihiin dalal shisheeye.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay in dowladda Soomaaliya ay Gedo usoo rartay aragtida dalalka Masar iyo Eritrea, ayna ka digayaan arrintaas, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan ogoleyn in dowlado shisheeye ay ku hardamaan gobolka Gedo, isla markaana loo soo wareejiyo khilaafaad ka dhexeeya dalal kale oo waawayn, maadaama ay is hayaan saddexda dal ee kala ah Itoobiya, Eritrea iyo Masar.

”Gobolka Gedo waxaa loo soo wareejiyay aragtida Masar iyo Eritrea annagu marabno in deegaankeenna la keeno khilaafaadka dalal kale” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Eedeytan culus ee ka timid Jubaland, loona jeediyay Masar iyo Eritrea ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan xiisadda gobolka Gedo ay farogelin ku hayo dowladda Itoobiya, waxaana maanta ciidamadeeda ku sugan Doolow ay soo saareen amar culus oo ay dul-dhigeen Cabdirashiid Janan iyo ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Beledxaawo, iyaga oo u qabtay in magaaladaas ay uga baxaan muddo saddex cisho gudahood ah.

Cabdullahi Shimbir oo ah guddoomiyaha gobolka Gedo, isla markaana taabacsan dowladda federaalka ah oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay u yeereen odayaasha deegaanka, kadibna ay la wadaageen amarka ay soo saareen ee la dul-dhigay ciidamada dowladda ee deggan xerada UK, isla markaana dhowaan qabsaday Beledxaawo.

“Ciidamada Itoobiya amaro ayay bixiyeen oo ku aadan ciidamada dowladda oo xerada UK deggan iyo madaxda dowladda ee halkaas joogta qaasatan Cabdirashiid Janan waqti ayay qabteen oo saddex berri ah” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Hadda ogow meesha ay waqtiga ku qabanayaan oo ay joogaan waa gobol Soomaali ah meesha ay leeyihiina halaga baxo waa Beledxaawo waddan Itoobiyo ma’ahan”.

Dhowaan ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya ay weerareen xerada ciidamada NISA ee Doolow, iyaga oo gebi ahaan cagta mariyay, kadibna soo xiray taliyihii xeradaasi, mana jiro illaa iyo war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka, kuna aadan xadgubka Itoobiya.

Yaasiin Fareey oo hanjabaad culus kasoo saaray burburinta ay DF ka waddo Siinaay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Fareey) oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag uga haday burburinta saaka laga bilaabay xaafadda Siinaay ee magaalada Muqdisho oo ay haatan howlgal ka wadaan ciidamada dowladda Somalia, si cagta loo mariyo dhismaha dhulkaasi.

Yaasiin Fareey oo hanjabaad culus kasoo saaray burburinta dhulkan oo xiisad xooggan ay ka taagan taagan tahay ayaa sheegay in wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha ay qaadi doonaan dadka ku howlan oo uu tilmaamay inay garanayaan, balse ma carab baabin.

Sidoo kale wuxuu ku goodiyay in dhulkaasi aysan dagi doonin cid kale, ayna difaaci doonaan dadka metalaan ee ku dhaqan suuqyada Siinaay iyo Suuq-bacaad, isaga oo sidoo kale tuhun ka muujiyay dabkii habeen hore baabi’iyay suuqa labaad ee ugu wayn dalka.

“Wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doono dhammaan dadka ku Hoowlan oo aan dhammaantood wada naqaano. Ma aqbali doono in la baa’bi’yo Suuqyada Suuqbacaad iyo Siinaay, mana dhici doonto in la dego inta aan nool nahay” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Fareey).

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;-

Waxaan la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed in wixii aan ka digeynay ku dhacayaan subaxan 6da August, 2025 Dadka aan matalo oo labadii suuq ee noloshoodu ku tiirsaneyd midna gubtay, midna la burburinayo.

Suuqa gubtay waxaan tuhun ka qabnaa xogo horudhacana ka heleynaa in uu yahay faldambiyeed abaabulan, Suuqa la burburinayana dhammaan waa wada naqaanaa cidda sida gaarkaa ugu howlan.

Waxaan u taaganahay lana dareen ahay dadka Soomaaliyeed ee la dulminaayo guud ahaan gaar ahaan dadka Labada Suuq ee Siinaay iyo Suuqbacaad oo loo adeegsanaayo awood dowladeed laguna kacaayo fal ka baxsan xuquuqda aadanaha iyo shuruucda u taala Dalka.

Wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doono dhammaan dadka ku Hoowlan  oo aan dhammaantood wada naqaano. Ma aqbali doono in la baa’bi’yo Suuqyada Suuqbacaad iyo Siinaay, mana dhici doonto in la dego inta aan nool nahay.

Waxaan u sheegayaa dadkeyga in aan murugada la qeybsanaayo, geed dheer iyo geed gaabana u kori doono in aan danaha guracan diidnay dhahno si wadajir ah. Waxaan ugu baaqayaa in ay is garabsadaan waqtigan xasaasiga ah dal iyo dibad, midnimadooda iyo cududooda mideeyaan, qof kastana kaalintiisa qaato.

Muxuu Safiirka Turkiga ee Soomaaliya hoos ugu dhigay booqashadiisii Boosaaso?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho Alper Aktas oo maalin ka hor booqasho ku tegay magaalada Boosaaso, halkaas oo uu kula soo kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa hoos u dhigay booqashadiisa.

Alper Aktas oo haatan kusoo laabtay xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa illaa iyo hadda ka hadlin booqashadiisii Boosaaso, sidoo Kalena wax faah-faahin kama uusan bixin kulankii uu la yeeshay Saciid Deni, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan.

Caadiyan haddii safiirku uu kulan la yeesho madaxda kala duwan ee Soomaaliyeed waxa uu ka shaacin jiray kulankaas baraha bulshada ee safaaradda, balse illaa iyo hadda sooma hadal qaadin booqashadiisii Boosaaso iyo wada-hadalladii dhexmaray isaga iyo Saciid Deni.

Sababta ka dambeysa arrintan ayaa waxaa loo aaaneynayaa xiriirka hooseeya ee ka dhexeeya labada dhinac, waxaana sidoo kale Turkiga uu horay uga carooday tallaabada ay qaaday Puntland oo iyadu markabkan ka qabsatay xeebta degmada Bareeda ee u dhow Ras Xaafun.

Arrintan waxay kusoo aadeysaa, iyada oo haatan Puntland ay Turkiga ku wareejisay markabkii hubka siday ee kusoo socday xerada TurkSom ee ku taalla magaalada Muqdisho. Wareejinta markabka MV Sea World ayaa looga dhawaaqay kulankii dhexmaray Saciid Deni iyo wafdiga uu hoggaaminayo Safiirka Turkiga ee Isniintii booqday magaalada Boosaaso.

Madaxtooyada Puntland oo bayaan soo saartay ayaa shegtay in Turkiga uu la wadaagay caddeymo muujinayo in hubkaas ay iyagu leeyihiin, kadibna ay sidaas ugu wareejiyeen.

“Dowladda Puntland oo ka duulaysa cadeymaha ay soo gudbisay dowladda Turkiga iyo baaritaankii lagu sameeyay markabka iyo shixnada uu sido ayaa go’aansatay in masuuliyada Markabka MV Sea World iyo hantida saaranba lagu wareejiyo Dowladda Turkiga,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madaxtooyadda maamul-goboleedka Soomaaliyeed e Puntland.

Si kastaba, sii-deynta markabkan ayaa ku timid dadaal diblumaasiyadeed heer sare ah oo Imaaraadka u sameeyay Turkiga, maadaama uu si weyn ugu dhow yahay Saciid Deni, taas oo ugu dambeyntiina keentay in markabka iyo hubka uu siday lagu wareejiyo Turkida.

Clan divisions and power struggles cloud Gedo’s future

MOGADISHU, Somalia – A new research paper sheds light on the political instability and identity-based fragmentation gripping Somalia’s Gedo region, highlighting how clan dynamics, cross-border influences, and elite rivalries continue to shape the region’s uncertain future within the federal structure of Jubbaland.

Published by PeaceRep at the University of Edinburgh, the report explores how Gedo — a key region bordering Ethiopia and Kenya — has been caught in a tug-of-war between local clan factions, the federal government in Mogadishu, and the Jubbaland administration based in Kismayo. At the center of this struggle is the Marehan clan, which dominates Gedo but is deeply divided by internal sub-clan rivalries and elite disunity.

The authors, Dr. Nisar Majid and Khalif Abdirahman, trace the Marehan’s historical roots and territorial migrations, linking them to the clan’s evolving political identity and its complex role in shaping and resisting Jubbaland’s formation.

While Jubbaland was formally established in 2013, Gedo’s integration into the regional state has remained partial and contested — with Marehan elites often bypassing Gedo to seek influence in national power centers like Mogadishu and Kismayo.

A key turning point came during the presidency of Mohamed Abdullahi “Farmajo” (2017–2022), himself a Marehan, whose government clashed with Jubbaland President Ahmed Madobe over control of Gedo.

Farmajo’s efforts to assert federal control saw temporary gains, including the deployment of Turkish-trained forces and the marginalization of influential local figures like Abdirashid “Janaan,” a controversial strongman previously aligned with Madobe. However, Farmajo’s tactics also fueled internal divisions among the Marehan and failed to produce a lasting political settlement.

The study notes that Gedo’s security further deteriorated after the fall of Janaan, with rival sub-clans competing for local power and influence. Violent clashes, particularly in towns like Luuq, Baardheere, and Dolo, have increased in frequency, reflecting the absence of coherent regional authority.

Since the election of President Hassan Sheikh Mohamud in 2022, Gedo’s political status has remained ambiguous. Mohamud initially pulled back from the Jubbaland conflict to focus on countering Al-Shabaab. However, renewed tensions with Madobe have since erupted — most notably in the Ras Kamboni standoff of late 2024.

Meanwhile, local conflicts have escalated, with district-level violence in Baardheere, Luuq, and Dolo pointing to a breakdown of governance and growing clan militarization.

The report underscores how Marehan elites, particularly those from the influential Reer Diini sub-clan, have become politically dislocated from Gedo, prioritizing influence in the capital over grassroots reconciliation. This disconnection, the authors argue, has created a leadership vacuum and empowered rival sub-clans, fueling instability across the region.

Historical divisions between Marehan sub-clans — especially the divide between “Reer Guri” (long-established inhabitants) and “Galti” (newcomers) — continue to shape internal political contestation, weakening efforts to build a united front.

Regional dynamics further complicate the picture. Ethiopia and Kenya, both with military and political stakes in Jubbaland, have played shifting roles in Gedo’s affairs. Ethiopia’s once-strong influence has diminished, leaving no clear patron or stabilizing force in the region. At the same time, Kenya remains a key backer of Madobe.

The report also highlights how Marehan leaders’ closer historic ties with Hawiye elites in Mogadishu — compared to the Ogadeen — have enabled them to exert greater narrative influence at the federal level, though not enough to shift the power balance in Jubbaland decisively.

Despite their dominance in Gedo, the Marehan currently find themselves politically marginalized in both Mogadishu and Jubbaland, according to the report. The authors warn that without serious reconciliation efforts—both within the Marehan clan and with other local communities—Gedo is likely to remain unstable and contested.

“Only when Marehan political elites embark on a serious dialogue process concerning Gedo… will Gedo itself become a more coherent political entity,” the report concludes.

The findings offer a sobering reflection on Somalia’s wider state-building challenges, where federalism continues to be shaped as much by clan loyalties and external allegiances as by constitutional frameworks.

Ciidanka Itoobiya oo 3 cisho u qabtay in ciidanka Janan ay uga baxaan Beledxaawo

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Doolow ayaa amar culus dul-dhigay Cabdirashiid Janan iyo ciidamada dowladda ee haatan ku sugan magaalada Beledxaawo, waxayna u qabteen in muddo saddex cisho ah ay uga baxaan halkaasi, sida uu shaaciyay guddoomiyaha gobolka Gedo.

Cabdullahi Shimbir oo ah guddoomiyaha gobolka, isla markaana taabacsan dowladda federaalka oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay u yeereen odayaasha deegaanka, kadibna ay la wadaageen amarka ay soo saareen ee la dul-dhigay ciidamada dowladda ee deggan xerada UK, isla markaana dhowaan qabsaday Beledxaawo.

“Ciidamada Itoobiya amaro ayay bixiyeen oo ku aadan ciidamada dowladda oo xerada UK deggan iyo madaxda dowladda ee halkaas joogta qaasatan Cabdirashiid Janan waqti ayay qabteen oo saddex berri ah,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Hadda ogow meesha ay waqtiga ku qabanayaan oo ay joogaan waa gobol Soomaali ah meesha ay leeyihiina halaga baxo waa Beledxaawo waddan Itoobiyo ma’ahan”.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusan in arrintan ay u arkaan gar-darro cad, isla markaana aysan aqbali doonin ka maamul ahaan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in arrintan ay dhaawaceyso darisnimada iyo xiriirka haatan soo hagaagayo ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Arrintaas waxaa u arkaa arrin darisnimada iyo deegaanka wax u dhimeyso weeye,annagu ma rabno dagaa Itoobiyo, gar-darrana ma yeeleyno,” ayuu mar kale yiri.

Dhowaan ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya ay weerareen xerada ciidamada NISA ee Doolow, iyaga oo gebi ahaan cagta mariyay, kadibna soo xiray taliyihii xeradaasi, mana jiro illaa iyo war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka, kuna aadan xadgubka Itoobiya.

Xarunta Turkigu ka dhisayo Soomaaliya oo la ogaaday in uu ku jiro qorshe la qariyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Turkiga ayaa Dardar geliyey qorshaha uu deked hawada sare ah uga dhisayo Soomaaliya, tallaabadaas oo loo arko inay si weyn ugu adeegayso himilooyinkiisa ku aaddan horumarinta teknoolojiyadda hawada sare iyo xoojinta awoodda difaaceed, sida ay xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda.

Xaruntan, oo ay hoggaaminayso Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga (TUA), ayaa noqon doonta goob laga rido gantaallada dayax-gacmeedyada iyo meel lagu tijaabiyo gantaallada riddada dheer, iyadoo la filayo in dhismaheedu si rasmi ah u billowdo dhawaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bishii Diseembar 2024 mashruucan kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho, isagoo si gaar ah u muujiyay inuu yahay mid ku yimid iskaashi buuxa oo lala yeeshay dowladda Turkiga.

Sida uu qoray wargayska Türkiye Daily, Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga ayaa masuul ka noqon doonta kormeerka iyo hirgelinta dekedda hawada sare, taasoo la rumeysan yahay inay noqon doonto xaruntii ugu horreysay ee noocan ah oo laga dhiso qaaradda Afrika.

Mashruucan ayaa lagu fulin doonaa dhul ballaaran oo gaaraya 900 kiiloomitir oo isku wareeg ah, kuna yaalla xeebta Badweynta Hindiya, meel ku dhow dhulbaraha — taasoo la sheegay inay tahay goob si gaar ah ugu habboon in gantaallo si hufan looga rido.

Dhismaha dekedda hawada sare ayaa lagu wadaa inuu billowdo kaddib marka la qabto tartan qandaraas oo dhowaan la qorsheeyay. Mas’uuliyiintu waxay saadaalinayaan in dhismaha lagu dhammeystiri doono muddo laba sano gudahood ah, iyada oo kharashka ku bixi doona lagu qiyaasay $350 milyan oo doollar, taasoo loo qeybin doono wejiyo kala duwan.

Goobta istiraatiijiga ah ee mashruucu ka dhacayo, oo ah meel u dhow dhulbaraha, ayaa u oggolaanaysa in gantaallada lagu rido shidaal yar, iyadoo xamuul weynna la qaadi karo — sida ay sheegeen saraakiisha mashruuca.

Tijaabinta gantaallada riddada dheer

Dekeddan hawada sare ayaa sidoo kale qeyb ka noqon doonta dadaallada Turkiga ee dhinaca difaaca, gaar ahaan tijaabinta gantaallada riddada dheer. Goobta lagu tijaabin doono, oo u jeedda Badweynta Hindiya, ayaa hoos u dhigi doonta khataraha suurtagalka ah, maadaama burburka gantaallada aanu halis ku noqon doonin deegaanada la deggan yahay ama waddamada deriska ah.

Waxaa la qorsheynayaa in lagu tijaabiyo gantaallo riddadoodu ka badan tahay 1,000 kiiloomitir, kuwaas oo lagu ridayo dhanka badweynta.

Gantaalka ugu riddada dheer ee hadda Turkigu leeyahay, oo lagu magacaabo TAYFUN, ayaa leh awood gaaraysa masaafo dhan 800 kiiloomitir. Tijaabadiisii ugu horreysay, oo laga sameeyay magaalada Rize, ayuu ku gaaray masaafo dhan 561 kiiloomitir, sida uu sheegay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

“Waxaan kordhin doonnaa kaydkayaga gantaallada 800-ka kiiloomitir gaara, waxaana dardargelin doonnaa horumarinta gantaallada 2,000-ka kiiloomitir gaara,” ayuu yiri Erdoğan. Dekedda hawada sare ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka ciyaarto tijaabinta hababkan casriga ah.

Turkigu wuxuu dhismaha dekedda hawada sare ee Soomaaliya u arkaa fursad uu ku kobcin karo doorkiisa caalamiga ah ee dhinaca hawada sare, isla markaana uu si weyn ugu xoojiyo awooddiisa istiraatiijiyadeed ee dhanka difaaca iyo cilmi-baarista teknoolojiyadeed.

Soomaaliya oo sharaxday ka qeyb-galkeeda shirka dalalka aan badda lahayn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay shir caalami ah oo ay qaybgashay magaalada Awaza ee dalka Turkmenistan, kaas oo diiradda lagu saarayey dardargelinta iskaashiga u dhexeeya wadamada leh iyo kuwa aan lahayn xeebaha, gaar ahaan dhinaca ganacsiga, horumarinta kaabeyaasha iyo fududeynta isu socodka badeecadaha.

Shirkan oo ah kii 3-aad oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ayaa ujeedadiisu waxa ay ahayd in la xoojiyo fursadaha kobaca dhaqaale iyo horumarka waara iyadoo la adeegsanayo iskaashi ballaaran iyo istiraatiijiyad cusub oo lagu hirgelinayo Barnaamijka Awaza ee 2024–2034.

Soomaaliya waxaa shirkan ku metelay wafdi uu hoggaaminayay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Isaaq Maxamuud Mursal, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay shirka uga qayb gashay sidii ay u xoojin lahayd doorkeeda ku aaddan taageeridda wadamada xeebaha la’ ee soo koraya, isla markaana ay u raadiso maalgashi ku wajahan dekedaha iyo jidadka istaraatiijiga ah ee kobcin kara isku socodka gobolka.

“Soomaaliya waxay ka go’an tahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato dadaallada lagu taageerayo wadamada aan badaha lahayn, si kor loogu qaado iskaashiga gobolka iyo horumarka wadaagga ah,” ayuu yiri  wasiir Isaaq Maxamuu Mursal.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in Soomaaliya ay ka go’an tahay in kaalin muuqata ka qaadato iskaashi horumarineed oo dhexmara dalalka deriska ah.

“Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkan wuxuu fure u yahay raadinta maalgashi ku wajahan dekedaha iyo kaabeyaasha isku xira dalalka gobolka, si badeecaduhu si fudud oo qiimo jaban ah ugu gudbaan.” ayuu raaciyay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda.

Arrintay ayaa dhalisay fal-celin xoogan, iyada oo su’aallo laga keenay ka qeyb-galka Soomaaliya ee shirka wadamada aan badaha lahayn ee dhacay dalka Turkmenistan.

Dowladda Federaalka ayaa dhowaan iska diiday in dhoolatus badeed la sameyso dalal aan bad laheyn. Qorshahan oo ay fahmeen madaxda Soomaaliya ayaa ujeedkiisu ahaa in Itoobiya ay qeyb ka noqoto dhoolatuska badeed, maadaama ay si weyn u daneynayso gaarista badda.

“Waxaan diidnay in dhoollatus badeed aan la samayno dalal aan bad lahayn, dalkayagana kama dhacayso taas. Waxay doonayeen in naloo hoos geliyo dalal muranno ay naga dhexeeyaan” ayaa horay looga soo xigtay wasiirka gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi.

Mucaaradka ‘oo ku dhacaya shirqoolka’ Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu eedeeyay inuu mar kale isku dayayo inuu waqti dheeri ah ku darsado muddada xilkiisa, iyadoo ay jirto mucaaradad uga imaneysa Madasha Samatabixinta oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Qorshaha Madaxweyne Xasan, sida ay sheegayaan ilo siyaasadeed, ayaa ah inuu muujiyo niyad-wanaag saddexaad, isaga oo si caadi ah usii wada qorshihiisa doorashada, una muuqda mid dhegaha ka fureysanaya baaqyada isdaba-joogga ah ee ku aaddan in uu wadahadal la furo madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland — oo uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka digay waxa ay ku tilmaameen qorshe cusub oo uu madaxweynuhu doonayo inuu ku wiiqo doorka Madasha, iyagoo uga digaya mucaaradka inuu noqdo mid la marin habaabiyo.

Siyaasiga Maxamed Yuusuf Axmed, oo la hadlay Caasimadda Online, ayaa sheegay in tallaabada Madaxweyne Xasan ay tahay mid aan la aqbali karin, kuna sifeeyay in Madasha Samatabixinta ay tahay inay ka feejignaato wax uu ugu yeeray shirqoolka Xasan Sheekh.

“Madaxweynuhu wuxuu doonayaa inuu muddo laba sano ah ku darsado, isagoo qorsheynaya in dowladdiisu noqoto mid ku tiirsan dhaqaalaha shidaalka isla markaana muddadaas horumar sameysa,” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Wuxuu sidoo kale sheegay in aysan ahayn wax qarsoon in madaxweynaha uu doonayo in lacagahaasi u adeegsado si uu u aamusiiyo mucaaradka aan dhabta ahayn, halka kuwa kale uu la gali doono is-qabqabsi siyaasadeed.

“Waxaan ugu baaqayaa Madasha iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed in aysan aqbalin ballan cusub oo waqti dil ah. Taa beddelkeedana waa inay ku khasbaan Madaxweynaha inuu hannaanka doorashada keeno miiska, la fariisto madaxda Puntland iyo Jubaland, si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo lagu wada qanacsan yahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Dood xooggan ayaa haatan ka taagan qorshaha dowladda Federaalka ee ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro dhammaadka xilliga xil-heynta ee hadda socda.

Xukuumadda Madaxweyne Xasan ayaa ku adkeysaneysa in dalka uu u diyaarsan yahay in markii ugu horreysay la qabto doorasho dadweyne oo toos ah, hase yeeshee arrintan ayaa si weyn looga biyo diiddan yahay, iyadoo dowlad goboleedyada qaarkood iyo mucaaradku ay ku doodayaan in aan la helin shuruudo buuxa oo suurtagelinaya doorasho noocaas ah.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee la isku haysto waxaa ka mid ah: Jadwal cad oo doorasho lagu qaban karo, wadahadal dhab ah oo la isku raacsan yahay, xasilooni amni iyo sharci oo sal adag u noqon karta hannaanka iyo in laga fogaado in doorashada loo adeegsado muddo-kororsi siyaasadeed.

Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan waxaa u harsan siddeed bilood oo ka dhimman muddo xileedkeeda rasmiga ah, iyadoo aan weli la caddeyn nooca doorasho ee dalka uu geli doono marka la gaaro dhammaadka muddadaas.

Ciidamada dowladda oo howlgal burburin ah ka billaabay xaafadda Siinaay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa saaka howlgal culus oo burburin ah ka bilaabay xaafadda Siinaay ee magaalada Muqdisho, halkaas oo maalmahaan ay ka taagneyd xiisad xooggan.

Wararka ayaa sheegaya in saaka aroor hore ciidamo badan la dul-dhigay suuqa Siinaay, kadibna la geliyay Cagaf Cagafyo, si loo burburiyo dhismaha dhulkaas oo ay la wareegeyso dowladda Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in haatan uu socda howlgalka, ciidankuna ay wadaan burburinta xaafadda, iyada oo la xiray dhammaan waddooyinka gala isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

“Hadda waxaa socda dudumiskii, ciidamada albaabada ayay garaacayaan, dadkiina jiingadaha ayay fuqsanayaan xaalad aan caadi ahayn ayaa saaka ka taagan xaafadda Siinaay ee degmada Warta Nabadda” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.

Sioo kale wuxuu intaasi kusii daray in wax ciidan mucaarad ah aysan joogin goobta xaaladduna ay dagan tahay, laakiin howl burburin ah wadaan ciidanka dowladda.

“Wax ciidan mucaarad ah oo saaka joogo Siinaay ma jirto, laakiin waxaa ku sugan oo howlgalka wada ciidamada dowladda” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale, dadka deegaanka ayaa ku doodaya in dhulkan laga iibinayo ganacsato, isla markaana ay iyagu diidan yihiin in lagala wareego dhulkaasi.

Waxa horay si toos ah loogu beec geeyay dhulka uu ku yaallo suuqa, iyada oo qiimihiisana la shaaciyay, kaas oo u dhexeeyo $ 45,000 oo dollar illaa 80,000 oo Dollarka Mareykanka ah.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka taagnaa dood ka dhalatay barakicinta dadka deggan dhulalka danta-guud, iyadoo inta badan ay la wareegtay dowladda dhexe.

Itoobiya oo dooneysa in la baaro 4 shirkado Somali ah oo ka jira Mareykanka + Sababta

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Bankiga Qaranka ee Itoobiya ayaa ku baaqay in baaris lagu sameeyo afar shirkadood oo fadhigoodu yahay Mareykanka. Bankigu wuxuu sheegay in shirkadahan maaliyadeed ay isku dayayaan inay wiiqaan nidaamka maaliyadeed ee Itoobiya.

Qoraal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay magacyada afarta shirkadood ee lagu eedeeyay inay shaki geliyeen aaminaadda nidaamka maaliyadeed ee Itoobiya, kuwaasoo la sheegay inay ka howlgalaan gobollada Maryland, Virginia iyo Minnesota.

Sida lagu sheegay qoraalka: “Shirkadahan lacagaha xawila waxay ka ururiyaan lacagaha jaaliyadaha Itoobiyaanka ah ee ku nool Mareykanka, kadibna waxay u diraan Itoobiya iyo dalal kale.”

Bankigu wuxuu sheegay in “shirkadahan ay xalaaleeyaan lacago sharci-darro ah, isla markaana ay maalgeliyaan howlo aan sharci ahayn.”

Doollarka Mareykanka ayaa ah lacagta ugu badan ee la geeyo dalka Itoobiya marka la eego lacagaha qalaad ee dalka soo gala.

Dowladda Itoobiya ayaa isku dayeysa inay saxdo nidaamka sarrifka, iyadoo laga bilaabay sanadkii hore qorshe lagu xakameynayo lacagaha qalaad ee suuqa madow.

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay in go’aankan uu kordhinayo kaydka sarrifka ee dalka, balse qiimaha suuqa madow ayaa sidoo kale kor u qaadi doona nidaamka.

Dhinaca kale, Bankigu wuxuu dacwad ka gudbiyay afar shirkadood oo fadhigoodu yahay Mareykanka, kuwaas oo lagu eedeeyay inay xawilaan lacago. Afarta shirkadood ayaa lagu sheegay:

  • Shgey Money Transfer — Silver Spring, MD, iyo Falls Church, VA
  • Adulis Money Transfer — Falls Church, VA, iyo Silver Spring, MD
  • Ramada Pay (Kaah) — Falls Church, VA
  • TAAJ Money Transfer — Minneapolis, MN

Bankigu wuxuu sidoo kale ugu baaqay hay’adaha ay khuseyso inay taageeraan baarista lagu sameynayo shirkadahaan. Waxa uu sidoo kale ka codsaday jaaliyadaha Itoobiya ee ku nool dibadaha inay joojiyaan xiriirka ay la leeyihiin shirkadahaan.

“Waxaan si adag ugu talinaynaa in lacagaha loo diro dadkooda ay marsiiyaan xawaaladaha lagu kalsoonaan karo ee sharciyeysan,” ayaa lagu yiri qoraalka Bankiga.

Bankigu wuxuu sheegay inuu sii wadi doono baarista, iyadoo tallaabooyinka uu qaadayaa ku saleysan doonaan baahida jirta.

“Waxaan ka codsaneynaa maamulka sharci fulinta ee aaggooda ay shirkadahaan ka howlgalaan inay nala shaqeeyaan,” ayaa lagu yiri qoraal uu Bankiga Qaranka ee Itoobiya soo dhigay bartiisa X.

Bankigu wuxuu ka digay in lacagaha la soo marsiiyo shirkadahaan ay sababi karto tuhun ah in hanti sharci-darro ah la doonayo in la xalaaleeyo.

“Waxaa muhiim ah in lacagaha la isugu diro waddamada lagu sameeyo si waafaqsan nidaamka sharciyeed ee maaliyadeed, iyadoo la xaqiijinayo nidaamka kormeerka si loo yareeyo khatarta lacagaha sharci-darrada ah iyo maalgelinta argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka Bankiga.

Bankigu wuxuu sidoo kale sheegay in aysan jirin wax damaanad ah oo xaqiijinaya in lacagaha loo diro dadka la rabo ay gaaraan si ammaan ah.

Ugu dambeyn, Bankigu wuxuu ku baaqay in la adeegsado xawaaladaha sharciyeysan ee uu magacaabay.

Waxaan isku daynay inaan jawaab ka helno shirkadda TAAJ oo lagu magacaabay warbixinta, hase yeeshee masuuliyiintii aan la xiriirnay way ka gaabsadeen inay jawaab ka bixiyaan. Sidoo kale, waxaa noo suurageli weyday inaan helno jawaab ka timid shirkadda Kaah oo iyadana lagu xusay qoraalka.

Isha: BBC

Jamaal Maxamed Xasan oo ka digay ‘arrin khatar ah oo ay ka shaqeyneyso’ DF Somalia

Laascaanood (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, oo kamid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari, ayaa walaac xooggan ka muujiyey habka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) u wajahdayo dhismaha maamulkaasi.

Qoraal uu soo saaray ayuu Jamaal ku sheegay in deegaanada maamulka Waqooyi Bari laga dareemayo khataro la xiriira kala irdhow bulsho iyo wiiqidda kalsoonida shacabka, gaar ahaan beelihii Laascaanood ku shiray.

“Waxaa jirta khatar weyn oo ah kala irdhow bulsho, wiiqanka kalsoonida dadweynaha, iyo burbur ku yimaada hannaanka dhismaha dhammaystirka Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari,” ayuu yiri Jamaal.

Sidoo kale, wuxuu soo dhaweeyay baaqyada kasoo yeeray odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Maxamuud Harti iyo bahwadaagtooda, kuwaas oo uu sheegay in ay si masuuliyad leh u muujinayaan walaac dhab ah oo la xiriira hannaanka xulista Xildhibaannada.

“Tabashada ay muujiyeen waa mid si mug leh uga tarjumaysa walaac dhab ah oo la xiriira habka xulista Xildhibaannada – hab aan sharciyad ku salaysnayn, isla markaana lagu sifeeyo boob iyo dhac,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Jamaal Maxamed Xasan wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada arrintani khusayso in ay si xilkasnimo leh uga jawaabaan tabashada jirta, ayna ka fogaadaan ficillo horseedi kara kala shaki, niyad-jab bulsho, ama dib-u-dhac ku yimaada dhismaha maamulka.

Ugu dambayn, Jamaal wuxuu ku baaqay in la ilaaliyo midnimada bulshada, lana joojiyo hannaan doorasho oo hal dhinac ah, si looga hortago khataraha dhaawici kara masiirka siyaasadeed ee mustaqbalka Gobollada ku midoobay maamulka Waqooyi Bari iyo guud ahaan dalka.

Hadalkiisa ayaa yimid maalin kadib musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari ay si wadajir ah u soo saareen bayaan ay si kulul ugu cambaareeyeen faragelin ay sheegeen in dowladda federaalka, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), uu ku hayo hannaanka doorashada xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.

Bayaanka oo nuqul ka mid ah ay heshay Caasimada Online ayaa lagu sheegay in “Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Xildhibaanada oo uu magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha aan lagu dhisin hab waafaqsan dastuurka iyo nidaamka dowlad-dhisidda, islamarkaana uusan metelin saamileyda deegaanka.”

Sida lagu caddeeyay bayaanka, “Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu si toos ah ugu adeegayaa musharrax gaar ah, isagoo marin habaabinaya geeddi-socodka dhismaha maamulka si uu u gaaro natiijo horay loo sii qorsheeyay.”

Musharraxiintu waxay sheegayaan in guddigaasi uu yahay mid “si gaar ah u adeegaya dano gaar ah, taasoo dhaawacaysa kalsoonida bulshada, beesha caalamka iyo hufnaanta nidaamka doorasho ee maamulka Waqooyi Bari.”

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in “hab-dhaqanka wasiirka uu sababi karo khilaaf beeleedyo furan, burbur ku yimaada rajada dhismaha maamulka cusub, iyo kalsooni darro soo wajahda shacabka iyo beesha caalamka.”

Musharraxiinta ayaa si cad u sheegay in aysan aqbali doonin doorasho si gaar ah loogu daneynayo musharrax gaar ah, islamarkaana “aysan suuragal ahayn in la aqbalo hannaan aan lagu dhisneyn wada-tashi iyo heshiis siyaasadeed oo ay la wada yihiin saamileyda deegaanka.”

Somalia’s misstep: Accepting Ethiopia’s envoy of humiliation

MOGADISHU, Somalia – When Ethiopia’s new ambassador, Suleiman Dedefo, presented his credentials in Mogadishu on August 5, the ceremony was officially framed as a “diplomatic reset” aimed at mending ties. Yet, for many observers in the Horn of Africa, the appointment was not a peace offering but a masterstroke of coercive diplomacy.

Coming just months after a seismic port deal with the breakaway region of Somaliland shattered regional stability, sending an envoy who reportedly supports Somaliland’s self-determination is widely seen as a calculated affront—a move designed to humiliate Somalia into accepting a new, diminished reality.

Somalia’s acceptance of the ambassador, a decision made under no immense political and security pressure, has placed the nation in a state of humiliation.

The crisis that precipitated this moment erupted on January 1, 2024, when Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed signed a Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland’s President Muse Bihi Abdi.

The deal reportedly grants landlocked Ethiopia a 50-year lease for a naval base on the Red Sea coast in exchange for a stake in Ethiopian Airlines and, most contentiously, an “in-depth assessment” toward officially recognizing Somaliland’s independence.

Mogadishu, which views Somaliland as an integral part of its territory, reacted with fury, condemning the deal as an “act of aggression” and a violation of its sovereignty. The Somali government recalled its ambassador from Addis Ababa, passed a law nullifying the MoU, and launched a diplomatic campaign to rally international opposition.

This set the stage for a high-stakes confrontation, with Prime Minister Abiy framing sea access as an “existential” right for his nation of 125 million people.

This aggressive posturing is a hallmark of what analysts call the “Abiy Doctrine”: a highly personalized, transactional, and populist foreign policy. This approach de-institutionalizes diplomacy, using it as a tool to distract from severe domestic crises—including ethnic conflicts and a dire economy—and stoke nationalist fervor. The MoU, a diplomatic “bombshell,” served this purpose perfectly.

A diplomatic trap

The appointment of Ambassador Dedefo is a direct continuation of this strategy. By sending a diplomat who personifies the very policy that Somalia condemns, Ethiopia is signaling that the MoU is non-negotiable. This is not diplomacy aimed at reconciliation; it is diplomacy as a tool of coercion, intended to compel Somalia to legitimize the agreement by engaging with its representative.

This move is the culmination of a deliberate strategy of national humiliation, a potent tool of statecraft used by dominant powers to degrade and subjugate rivals.

The campaign began with Abiy’s rhetoric, was compounded by a previous ambassador’s remarks labeling Somalia a nation “created by colonialists,” and punctuated by Abiy’s threats to “humiliate” anyone who challenges Ethiopia. Accepting Dedefo forces Somalia to participate in its degradation, a corrosive act for national prestige.

Mogadishu’s decision to accept the ambassador was a significant strategic miscalculation that should never have occurred.

International law, specifically Article 4 of the Vienna Convention on Diplomatic Relations, provides a sovereign shield, allowing a host country to refuse an ambassadorial appointment (agrément) without offering any justification. This was Somalia’s cleanest and most powerful opportunity to reject Ethiopia’s provocation before it escalated.

By accepting an envoy who personifies a policy that violates its sovereignty, the Somali government undermined its months-long diplomatic campaign against the MoU and signaled a capacity for capitulation. This move has normalized the national humiliation and established a dangerous precedent that Somalia’s sovereign red lines are negotiable.

However, having made this initial error, international law still offers a powerful, if risky, remedy. Under Article 9 of the Vienna Convention on Diplomatic Relations, a host country can declare any diplomat persona non grata (PNG) at any time and without explanation, forcing their recall.

This right is absolute and can be exercised even after an ambassador’s credentials have been accepted. Somalia has used this very tool before, expelling the previous Ethiopian ambassador in April 2024 for “internal interference” related to the MoU.

Expelling Ambassador Dedefo now would be a decisive reassertion of Somali sovereignty and a reversal of the national humiliation. It would send a clear message to Ethiopia and Somalia’s allies, like Turkey and Egypt, that its sovereign red lines are firm.

Türkiye’s Somali base to test new long-range missiles

MOGADISHU, Somalia – Türkiye is set to build a spaceport on Somalia’s coast that will serve as a crucial test site for its developing long-range missile program, a move that solidifies Ankara’s growing military and strategic influence in the Horn of Africa.

The facility, to be managed by the Türkiye Space Agency (TUA), will be a dual-use space and missile launch center, according to official statements. The project, announced by Somali President Hassan Sheikh Mohamud in December 2024, represents a significant deepening of the defense and economic partnership between the two nations.

“This is a collaborative effort with our strategic partner, Türkiye,” President Mohamud stated during the announcement in Mogadishu.

Construction on the sprawling 900-square-kilometer site along the Indian Ocean is expected to begin shortly after a bidding process concludes in the coming weeks. Officials estimate the project will cost approximately $350 million and be completed within two years, establishing what is poised to be the African continent’s premier space launch facility.

Strategic military implications

While the spaceport will support civilian satellite launches, its primary strategic value for Ankara lies in its capacity as a testing ground for advanced weapons systems. The facility’s location on the Indian Ocean provides an unpopulated, expansive area for safely testing missiles with ranges far exceeding Türkiye’s current capabilities.

Ankara plans to test missiles with ranges of over 1,000 kilometers (620 miles) by launching them over the ocean, ensuring debris does not endanger neighboring countries or populated areas.

This capability is critical for Türkiye’s defense industry. The country’s most advanced operational missile, the TAYFUN, is a short-range ballistic missile with a publicly declared range of up to 561 kilometers, as confirmed by President Recep Tayyip Erdogan after a 2022 test.

Erdogan has publicly stated his ambition to expand this arsenal. “We will now accelerate our work on missiles with a range of 2,000 kilometers,” he said following the TAYFUN test. The Somali facility provides the indispensable geographical and logistical solution to achieve that goal.

The spaceport agreement is the latest and most ambitious development in a long-standing strategic relationship. Türkiye is one of Somalia’s most important international partners, providing extensive humanitarian aid, economic investment, and military support for over a decade.

Ankara operates its largest overseas military base, Camp TURKSOM, in Mogadishu, where its forces have trained thousands of Somali National Army soldiers in their fight against the al-Shabaab insurgency.

A deepening alliance

This cooperation was formalized in February 2024 when the two countries signed a far-reaching Defense and Economic Cooperation Agreement. The 10-year pact grants Türkiye authority to help defend Somalia’s extensive coastline and rebuild its naval forces.

The deal was widely seen as a response to a controversial port access agreement between landlocked Ethiopia and the breakaway region of Somaliland, which Mogadishu deemed an infringement of its sovereignty.

For Türkiye, the Somali spaceport is a key component of its National Space Program, an ambitious road map established in 2021 to make the country a major player in the global space industry. The program’s goals include achieving a lunar landing, developing satellite technologies, and establishing a spaceport.

The choice of Somalia is highly strategic. A location near the equator offers significant advantages for space launches. The Earth’s rotational speed is greatest at the equator, providing a natural velocity boost to rockets. This “slingshot effect” allows for launching heavier payloads with greater fuel efficiency compared to launches from higher latitudes.

By establishing this facility, Türkiye not only secures a critical asset for its defense industry but also positions itself to compete in the lucrative commercial satellite launch market, challenging established space powers and marking a bold entry into the 21st-century space race.

Somalia accepts envoy who called government a ‘failure’

MOGADISHU, Somalia – The appointment of Ethiopia’s new ambassador to Somalia has ignited a diplomatic firestorm, after past social media posts surfaced in which the envoy repeatedly referred to the Somali federal government as a “failed regime” and accused it of “air piracy,” further straining already fraught relations.

The new ambassador, Suleiman Dedefo, presented his diplomatic credentials to Somali President Hassan Sheikh Mohamud in Mogadishu on Tuesday, a standard diplomatic procedure that was immediately overshadowed by his history of inflammatory public statements.

The controversy erupts at a time of high tension between the Horn of Africa neighbours, following a January 1 deal between Ethiopia and the breakaway region of Somaliland that would grant Addis Ababa coveted sea access in exchange for potential recognition of Somaliland’s independence—a move Mogadishu has branded an “act of aggression.”

Mr. Dedefo, a veteran diplomat who previously served as Ethiopia’s Director General for Neighboring Countries and IGAD Affairs, has been a vocal critic of President Mohamud’s administration on his official X (formerly Twitter) account. In multiple posts, he has used the term “nidaamka fashilmay ee Muqdisho,” or “the failed regime in Mogadishu,” to describe the internationally recognized Somali government he is now tasked with engaging.

Hostility towards Somalia

In one particularly scathing post from February 24, 2024, Mr. Dedefo accused Somali authorities of endangering regional aviation safety.

“The air piracy in the making:- The irresponsible group in power in Mogadishu has proven that it can not administer that big and sensitive part of the world,” he wrote. “The airspace pirates originating from Mogadishu are endangering that part of the world once again. The attempt to create a flight collision between Ethiopian and Qataris aircraft on February 24, 2024, is a witness to this complaint.”

The allegation refers to a period of heightened airspace tension after Somalia accused Ethiopian Airlines of violating its airspace. In response, Ethiopia reportedly instructed its aircraft to disregard directives from air traffic controllers in Mogadishu, according to the International Civil Aviation Organization (ICAO), which issued a warning at the time.

Mr. Dedefo concluded his post by calling on “International institutions in charge of airspace and aviation management” to take measures to “ensure safety and security of Somali airspace,” implying the Somali government was incapable of doing so.

Another of the ambassador’s posts commented on protests against a potential deployment of Egyptian troops to Somalia, a move seen as a sign of Mogadishu bolstering its alliances against Ethiopia. Egypt has offered strong support for Somalia’s sovereignty following the Ethiopia-Somaliland pact.

Sharing images of a demonstration, Mr. Dedefo wrote, “The people of Somalia, who have drawn a good lesson from their history, have publicly rejected the arrival of the Egyptian military by the invitation of the leaders of the failed regime in Mogadishu.”

The images accompanying the post show protestors in Xudur, a town in Somalia’s South West State, where Ethiopia maintains a significant military presence as part of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS).

Some signs read “EGYPT MASAR MARABNO,” a Somali phrase meaning “We do not want Egypt.” At the same time, another in English says, “WELCOME TO ETHIOPIA,” highlighting the deep internal divisions Ethiopia’s presence has sometimes exacerbated within Somalia.

Unacceptable appointment 

Critics in Somalia have expressed shock that the government accepted the credentials of a diplomat with a public record of hostility towards its institutions. The appointment is seen by many as a provocative step by Addis Ababa in the wake of the port deal.

The controversial Memorandum of Understanding (MoU) signed on January 1, 2024, would grant landlocked Ethiopia access to 20 kilometres (12 miles) of Somaliland’s coastline for a naval base and commercial port for 50 years. Somaliland has operated as a de facto independent state since 1991, but has not gained widespread international recognition.

President Mohamud has rejected the deal as a violation of Somalia’s territorial integrity and has been rallying diplomatic support from regional partners, including Egypt and Eritrea. The African Union has called for de-escalation and respect for Somalia’s sovereignty.

The Somali government has yet to issue a formal public statement regarding Ambassador Dedefo’s past comments.

His arrival in Mogadishu, where he joins the diplomatic community within the heavily fortified Halane Zone, places a figure central to Ethiopia’s assertive foreign policy directly at the heart of a capital he has publicly disparaged, setting the stage for a deeply uncomfortable diplomatic relationship.

Fadeexad: Itoobiya oo Soomaaliya u soo dirsatay safiir halis badan iyo DF oo aqbashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku guul-daraysatay in ay hubiso shaqsiyaadka ay ogolaanayso in ay dalka safiiro ka noqdaan, gaar ahaan safiirka cusub ee Itoobiya ay u soo dirtay Muqdisho, ayaa la ogaaday inuu yahay nin u ololeeya kala goynta Soomaaliya, oo taageera gooni isutaagga Somaliland.

Suleiman Dedefo, ayaa lagu magacaabay ninkaan oo noqday safirka cusub ee Itoobiya u jooga Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay, maalin ka horna wasiirka arrimaha dibadda ayaa nuqul kale ka guddoomay.

Waa nin si joogto ah bartiisa Twitter (X) ugu falanqeeya arrimaha Soomaaliya, isagoo dowladda federaalka u yaqaana “nidaamka fashilmay ee Muqdisho” wuxuu hadda ku biiray kooxda awoodda badan ee C6+ oo xarunta Xalane ee Muqdisho degan.

Danjiraha cusub ee Itoobiya u jooga Soomaaliya, Suleiman Dedefo, mar uu ka hadlayey arrinta hawada Soomaaliya wuxuu bartiisa X ku soo qoray, “Nidaamka fashilmay eeMuqdisho: Waa Burcad hawadeed oo soo ifbaxaysa – Kooxda masuuliyadda la’aanta ah ee hadda awoodda ku haysa Muqdisho, waxay mar kale muujisay in aysan maamuli karin qaybtaas weyn oo xasaasi ka ah adduunka. Iyadoo biyaha badda ku teedsan Soomaaliya ay weli ku sugan yihiin xaalad amni oo halis ah.”

Wuxuu intaas ku sii daray, “Burcad hawadeed ka soo jeeda Muqdisho ayaa khatar hor leh ku haya amniga gobolkaas. Isku daygii in la abuuro shil diyaaradeed oo u dhexeeya diyaaradaha Itoobiya iyo Qatar, 24-kii Febraayo 2024, ayaa marqaati cad u ah cabashadan. Sidaas darteed, hay’adaha caalamiga ah ee u xilsaaran maamulka hawada iyo duulista waxay tahay in ay qaadaan tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo ammaanka hawada Soomaaliya.”

Mar kale, isagoo ka hadlayey banaanbixii ay Itoobiya abaabushay ee ka dhacay degmada Xudur ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, wuxuu ka hadlay arrinta ciidamada Masar ee lagu soo darayo howlgalka AUSSOM.

Xiligaas wuxuu bartiisa X ku soo qoray, “Dadka Soomaaliyeed, oo si wanaagsan uga faa’iideystay casharradii ay ka barteen taariikhdooda, ayaa si cad u diiday imaanshaha ciidanka Masar ee lagu casuumay hoggaamiyeyaasha nidaamka fashilmay ee Muqdisho. Beesha Caalamka, gaar ahaan Midowga Afrika (AU), waa in ay garab istaagtaa shacabka Soomaaliyeed.”

Ninkaan ayaa sidoo kale aad ugu ololeeya gooni isku taagga Soomaaliya, wuxuu necebyahay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo u yaqaana “Nidaamka fashilmay ee Muqdisho” sidoo kale wuxuu qeyb ka yahay ragga u xil-saaran meel marinta qorshaha Itoobiya ay ku raadineyso saldhig iyo dekedo ay ka hesho badda Soomaaliya.

Hoos ka eeg cadeymaha

DF oo la wareegtay lacag ku dhow hal milyan dollar oo ay lahayd kooxda Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka, Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa waxaa lagu sheegay in xafiiska uu gacanta ku hayo kiisas la xiriira lacag dhaqid iyo maalgelin argagixiso oo gaaraya illaa 250 kiis.

Qoraalka oo lagu faah-faahiyay kiisaskan ayaa sidoo kale lagu sheegay in la xayiray lacag ku dhow hal milyan oo doolar, isla markaana ay lahayd kooxda Al-Shabaab, kadib markii loo dhacay akoono ay isticmaali jireen kooxaha argagixisada ah.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay in lacag nus milyan ah oo ay lahayd kooxda lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya, kadib markii xukun sharci ah laga soo saaray.

“Xafiisku wuxuu ku guuleystay in la fatasho in ka badan 3500 akoon oo ay isticmaali jireen kooxaha argagixisada, loona adeegsan jiray aruurinta maalgelinta kooxaha argagixisada, tallaabadaas oo ay ka dhalatay in la xayiro ku dhawaad hal milyan oo doolar” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Xafiisku wuxuu xaqiijiyay in dawladda Soomaaliyeed si sharci ah loogu wareejiyo ku dhawaad nus milyan doolar oo ku jirtay koontooyinka kooxaha argagixisada ah”.

Warqadda ayaa sidoo kale sheegay in la xukumay 13 dambiile oo lagu helay lacag dhaqid iyo maalgelin argagixiso, kuwaas oo haatan ku xiran magaalada Muqdisho.

Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dagaalka dhinaca dhaqaale ee ay dowladdu kula jiro Al-Shabaab, kaas oo haatan laga gaaray guullo waawayn oo wax ku ool ah.

Dhawaan ayay ahayd markii la xiray in ka badan 575 taleefoon oo Al-Shabaab ay u adeegsan jireen uruurinta lacagaha iyo hanjabaadda shacabka. Sidoo kale waxaa la xayiray illaa 21 akoon Bank oo ay isticmaali jireen kooxaha Argagixisada.

Waxaa kale oo lagu guuleystay in la xiro 88 xisaabaad ganacsi (Marchants) oo loo isticlaamayay lacagaha baaddda ah iyo lacag dhaqidda, sida lagu sheegay warbixinta.

Xog: A/Madoobe oo laba aag ka weeraraya Beledxaawo

Beledxaawo (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa saacadihii lasoo dhaafay ciidamo xooggan u diray dhanka magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo qorshuhu yahay in ay weeraraan ciidamada dowladda federaalka ee qabsaday Beledxaawo.

Ciidamada uu diray Axmed Madoobe ayaa la qorsheeyey inay maraan xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, isla markaana ay halkaas ka galaan Belexaawo.

Sida ilo wareedyo deegaanka ah ay u xaqiijiyey Caasimada Online in ciidanka uu diray Axmed Madoobe ay wataan ku dhawaaq 20 gaadiidka dagaalka ah iyo ciidamo aad u badan.

Waxaa jira ciidamo ka tirsan Jubbaland oo go’doon ah, kuwaas oo ku jabay dagaalkii Beledxaawo ay kula galeen kuwa dowladda federaalka.

Ciidankaas ayaa u baxsaday gudaha Kenya, gaar ahaan aagga Mandheera, Jubbaland ayaa qorsheyneysa in laba dhinac ay ka weerarto Beledxaawo, si gacanteeda ay ugu soo celiso.

Ciidamada dowladda federaalka ee uu hoggaaminayo Taliyaha NISA ee gobolka Gedo Cabdirashiid Janan, ayaa difaac adag ka galay Beledxaawo, waxaana cabsi badan laga qabaa in dagaal kale uu ka qarxo halkaas maalmaha soo socda.

Gudoomiyaha gobolka Gedo ee Jubbaland Alqaadi ayaa ku hanjabay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan ciidamada dowladda federaalka ee qabsaday magaalada Beledxaawo.

Weli macada sida ay dhinacyadu ula macaamilayaan ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolkaas oo saamayn ku leh siyaasadda Jubbaland. Dowladda Federaalka ayaa dadaal badan ku bixineysa inay Jubaland iyo Itoobiya kala furfurto.

Sida ay sheegayaan xogaha hoose, Mahad Salaad, ayaa qorsheynaya in maalmaha soo socda uu tago magaalada Doolow, wuxuuna halkaas kula shirayaa dhiggiisa Taliyaha Sirdoonka Itoobiya.

Dowladda federaalka ayaa kula heshiisay Itoobiya in la abuuro wadashaqeyn ka hirgasha gobolka Gedo, iyadoo meesha laga saarayo xiriirkii Axmed Madoobe kala dhaxeeyey Itoobiyaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo aqbalay safiirada sideed dal oo ay ku jirto Mexico

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal cusub oo ku soo biiray diblomaasiyiinta ka howlgala gudaha Soomaaliya, kuwaas oo gaaraya illaa siddeed danjire, waxaana ku jirto Mexico oo haatan xiriir toos ah la yeelan doonto dowladda federaalka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay danjireyaasha cusub oo ka kala socda dalalka Itoobiya, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, iyo Ciraaq, waxana kala yihiin;-

1-Suleiman Dedefo Woshe – Safiirka Itoobiya

2-Robert Ifriyie – Safiirka Ghana

3-Maes Ennio – Safiirka Ivory Coast

4-Alejadro Eves Estivill Castro – Safiirka Mexico

5-Moravia Peralt Hernaldez – Safiirka Venezuela

6-Kang Hyundshik – Safiirka Korea

7-Hussein Deh – Safiirka Mauritania

8-Kahtan Taha Khalaf – Safiirka Ciraaq.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey safiirradan in ay ku soo biireen safka diblomaasiyiinta ka howgala Soomaaliya, isaga oo u rajeeyay inay ku guuleystaan xilka culus ee loo igmaday.

Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay dalalkan.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa ku boorriyey safiirrada in ay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal, isagoo la wadaagay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan, ulana shaqeynayaan.

Danjireyaasha warqadaha laga guddoomay ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran, iyagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay dadaal ku bixiyaan horumarinta xiriirka ay dalalkoodu la leeyihiin Soomaaliya.