27.1 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo aqbalay safiirada sideed dal oo ay ku jirto Mexico

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal cusub oo ku soo biiray diblomaasiyiinta ka howlgala gudaha Soomaaliya, kuwaas oo gaaraya illaa siddeed danjire, waxaana ku jirto Mexico oo haatan xiriir toos ah la yeelan doonto dowladda federaalka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay danjireyaasha cusub oo ka kala socda dalalka Itoobiya, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, iyo Ciraaq, waxana kala yihiin;-

1-Suleiman Dedefo Woshe – Safiirka Itoobiya

2-Robert Ifriyie – Safiirka Ghana

3-Maes Ennio – Safiirka Ivory Coast

4-Alejadro Eves Estivill Castro – Safiirka Mexico

5-Moravia Peralt Hernaldez – Safiirka Venezuela

6-Kang Hyundshik – Safiirka Korea

7-Hussein Deh – Safiirka Mauritania

8-Kahtan Taha Khalaf – Safiirka Ciraaq.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey safiirradan in ay ku soo biireen safka diblomaasiyiinta ka howgala Soomaaliya, isaga oo u rajeeyay inay ku guuleystaan xilka culus ee loo igmaday.

Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay dalalkan.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa ku boorriyey safiirrada in ay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal, isagoo la wadaagay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan, ulana shaqeynayaan.

Danjireyaasha warqadaha laga guddoomay ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran, iyagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay dadaal ku bixiyaan horumarinta xiriirka ay dalalkoodu la leeyihiin Soomaaliya.

Taliyihii ururka labaad ee kumaandooska PMPF ee Puntland oo maanta la dilay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax culus oo ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland maanta lagula eegtay qaybo kamid ah buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen saraakii sar sare oo uu ku jiro taliyihii ururka labaad ee kumaandooska PMPF ee maamulka Puntland, Kabtan Maxamuud Jaamac Leexo, kaas oo door muhiim ah ku lahaa dagaalka ka socda halkaasi.

Sidoo kale waxaa la dhinta sarkaal kale oo lagu magacaabi jiray  Siciid Maxamuud Maxamed (Jiqda), waxaana saaka la kacday miino lagula eegtay nawaaxiga degaanka Dasaan ee Calmiskaad.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in miinada ay dhulka ugu aaseen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish, taas oo haleeshay baabuurka ay saarnayeen saraakiisha geeriyootay

Allaha u naxariistee Kabtan Leexo ayaa horay ugu dhaawacmay qarax la kacay gaarigii uu saarnaa, xilli ay ciidamadu ka guurayeen deegaanka Dharjaale, markalena wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii Haraaryo, isaga oo mar kasta oo uu bogsado dib ugu laaban jiray furimaha dagaalka, hayeeshee saaka ayaa ku dhintay qarax ay la heshey kooxda Daacish.

Buuraha Calmiskaad ayaa waxaa weli ka soconayo howlgallo culus oo guullo waawayn ay kasoo hoyeen ciidanka Puntland oo dhul ballaaran ka sifeeyay kooxaha argagixisada.

Waxaa kale oo ciidamadu ay dileen xubno badan oo ka tirsanaa kooxda Daacish, kuwaas oo ay ku jiraan ajaaniib badan, waxaana sidoo kale nolosha lagu qabtay kuwa kale oo nool.

Howlgalladan waxaa barbar socda duqeymo culus oo ay saaxibada caalamiga ah ka fuliyaan deegaannada la tuhunsan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Daacish.

Itoobiya oo beddashay danjiraheeda Somalia kadib tallaabadii ay qaaday DF

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa haatan safiir cusub usoo magacoway Soomaaliya, kaas oo ku shaqeyn doono magaalada Muqdisho, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Danjiraha cusub oo lagu magacaabo Suleiman Dedefo Woshe ayaa beddalay safarkii hore ee Itoobiya, Mukhtaar Maxamed Waare oo laga cayriyay dalka, kadib markii uu xumaaday xiriirka labada dal, sababo la xiriira heshiiskii badda ee uu Abiy Axmed la galay  Somaliland.

Mukhtaar Maxamed Waare ayaa ahaa Soomaali, waxaana haatan lagu soo beddalay ninkan oo lagu magacaabo Suleyman Dedefo oo hoggaamin doono howlgalka diblumaasiyadeed ee Itoobiya.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in safiirkooda cusub uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada waddan, si loo sii wado iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sawirro ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya waxaa ka muuqanayo danjiraha cusub oo uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay) oo ku qaabilay xafiiskiisa.

Wasiirka ayaa u rajeeyay Danjire Woshe inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, isaga oo caddeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya si sare loogu qaado xiriirka dhow iyo isfahamka labada dhinac.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan uu soo hagaagay xiriirika tooska ah ee diblumaasiyadeed ee labada dhinac, kaas oo horay u go’ay, kadib markii Itoobiya ay Itoobiya qaaday tallaabooyin xadgudub ah oo ay ka caroortay dowladda Soomaaliya.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa billaabatay bishii Janaayo kadib markii Addis-Ababa ay heshiis la gashay Somaliland, kaasi oo lagu sheegay in Ethiopia lagu siinayo dhul badeed ay ka dhigato saldhig ciidan iyo dekad, welo markii dambe ay wada-hadal galeen labada dal oo heshiis ku gaaray dalka Turkiga.

Heshiiskaas kadib ayaa waxaa mar kale dib u bilowday xiriirkii labada dal, iyada oo madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ay yeesheen kulamo ka kala dhacay labada dal oo lagu dhammeystiray heshiiska ay ka gaareen xiisadda ka dhalatay doonista Itoobiya ee badda.

Sidee looga fal-celiyay tallaabadii geesinimada lahayd ee ciidanka Xoogga?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xooggan oo aad loogu boggaadiyay ciidamada Xoogga dalka ayaa ka dhalatay, kadib markii shalay ciidamadu ay ka hortageen laba gaari oo ay qaraxyo kasoo buuxiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuna soo weerareen sadhig ciidamada ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ciidamada Uganda ee UPF ayaa si geesinimo leh uga hortagay laba gaari oo qaraxyo laga soo buuxiyay, kuwaas oo Khawaarijta Al-Shabaab ay doonayeen in lagu beegsado fariisimaha ciidamada ee duleedka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa lasoo bandhigay muuqaalka labada gaari oo cabaar kala dambeeyey, gaariga koowaad ayaa isku dayey inuu xoog uga gudbo godad waaweyn oo ciidanku ay u sii qodeen, siu u ugu dhaco.

Ciidamada ayaa dhowr daqiiqo xabado ku waday gaariga koowaad, waana qarxi diiday, sababtoo ah Al-Shabaab waxay u diyaariyeen in ilaa bartilmaameedka uu gaaro aysan xabaddu wax u dhibin gaarigooda. Nasiib wanaag, gaarigii ayaa kasoo gudbi waayey difaaca, muuqaalka waxaa laga dhex arkayaa ciidamada oo kala cararaya rasaas badana ku ridaya gaariga oo ku soo dhawaaday, balse ka soo gudbi waayey difaacoodii ugu dambeeyey.

Askari difaaca kore saaraa ayaa soo riday qori Saban ah, halkaas ayu uku qarxay gaariga koowaad, waxaana suurtagal ah in firirkiisa uu gaaray ciidamada oo aad ugu dhawaa, sida muuqaalka koowaad laga arki karo.

Intaas kadib, ciidamadii oo diyaarsan waxaa yimid gaarigii labaad, si lamid ah kii hore oo la qarxiyey ayuu isku soo maqiiqay, wuxuu ka soo gudbay difaacii uu dhaafi waayey kii hore. Hase ahaatee, si iskiis ah ayuu u istaagay, iyadoo aad u moodo in darawalkii waday la toogtay, waxayna ciidanku u qarxiyeen si lamid ah kii hore.

Haddaba Sidee looga fal-celiyay tallaabada geesinimada leh ee ciidamada Xoogga Dalka?

Saadaam Xuseen: “Dunida xaniinyo rag baa lagu joogaa rag AK47 la hortaagan gaarigaas miineysan”.

Cawil Maxamuud: “Allaah u Akbar guuleysta ciidankeenna qaranka Soomaaliyeed guul Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud (dal-xoreeye).

Cumar Ibaahim: “Hambalyo geesiyada Xoogga Dalka oo runtii mar waliba u taagan fashilinta dhagarta cadawga. Waxaad ku jirtaan jihaad xaq ah oo lagu kala saaraya xulafada sheydaan iyo xaq u dirirka”.

Axmed Cabdinaasir: “Ciidanka xey la cararayaan ayaan leenahay bal waxaan miyaa qof bini aadam ah horsitaagi karaa? saas oo ay tahayna waa ka hortagaan ilaahey ha guuleeyo ciidankeena”

Xasan Kaafi: “Haddi aad fahanteen dhagartooda saan u gala hadda kadib ee noo soo duuba muuqaalladooda”.

Axmednuu Cabdiraxmaan Sooyaal: “Wax badan ayu galaafan lahaa kaas oo an laga hortagin laheyn”

Al-Shabaab oo si fudud u qabsaday degaan muhiim ah

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanka Goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta deegaankaasi.

Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, kooxda ayaa la wareegtay deegaankan muhiimka ah, iyada oo aan wax dagaal ah ka dhicin, taas oo si fudud ay ula wareegtay.

Ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka ayaa isaga baxay Goobo, taas oo fursad siisay Al-Shabaab in ay si toos ah ula wareegaan deegaankaasi oo ku yaalla xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Goobo ayaa muhiimad istaraatiiji ah u leh isku xirka magaalooyinka Matabaan iyo Guriceel, iyadoo marin u ah wadooyin muhiim ah oo dhex mara labadaas gobol.

La wareegista deegaanka ayaa sidoo kale ku soo beegantay xilli dadka shacabka ah ee deegaankaasi ku noolaa ay badi ka barakaceen, una qaxeen magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka u dhow, sababo la xiriira cabsi amni.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dhaq-dhaqaaqyo cusub oo ay kooxda Al-Shabaab dib ugu qabsatay deegaano ka tirsan bariga gobolka Hiiraan, kuwaas oo labo sano ka hor laga xoreeyay. Waxaana muuqata in kooxda ay sii waddo ballaarinta awooddeeda mar kale gudaha gobolka.

Si kastaba, kooxda ayaa fursad ay dib iskugu soo abaabusho ka heshay gaabiska Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dagaalka lagula jiray, kadib markii madaxda dowladda ay u jeesteen arrimo siyaasadeed iyo dano shaqsiyeed, taasoo meesha ka saartay in dagaalku noqdo ajendaha koowaad.

Wax ka beddel 5 qodob ah oo lagu sameeyay qaadashada baasaboor Soomaaliga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa si rasmi ah u saxiixay habraacyo muhiim ah oo wax ka beddel loogu sameeyay qaadashada baasaboor Soomaaliga.

Munaasabadda saxiixa habraacyadan oo ka dhacday xarunta dhexe ee hay’adda ayaa waxaa ka qeyb-galay agaasime ku-xigeennada guud, la-taliyeyaal, agaasime waaxeedyada iyo saraakiil sare oo ka kala socday xafiisyada hay’adda. Ujeedada habraacyadan ayaa ah dardargelinta hannaanka adeeg-bixinta, xaqiijinta hufnaanta, isla xisaabtan iyo tayeynta adeegga.

Qodobada wax ka beddelka lagu sameeyay waxaa ka mid ah:

  • Habka dalbashada iyo bixinta baasaboorka Soomaaliyeed
  • Maamulka socdaalka iyo xuduudaha, si loo xaqiijiyo dadka soo galaya ama ka baxaya dalka
  • Maamulka shaqada iyo shaqaalaha
  • Maaraynta maamulka guud ee hay’adda
  • Yaraynta waqtiga dalabka baasaboorka

Mid ka mid ah isbeddellada ugu muhiimsan ee habraacyadan cusub ayaa ah yareynta muddada la sugayo baasaboorka caadiga ah, arrin si toos ah u anfici doonta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan adeeg degdeg ah oo hufan.

1. Dalbashada baasaboorka cusub: Waqtiga sugitaanka waxaa laga dhigay 7 maalmood, halkii uu markii hore ka ahaa 15 maalmood.

2. Cusboonaysiinta baasaboorka dhacay ama lumay: Waqtiga sugitaanka waxaa laga dhigay 4 maalmood, halkii uu markii hore ka ahaa 10 maalmood.

Agaasimaha Guud, Mustafe Dhuxulow oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in habraacyadan ay saldhig u yihiin isbeddelka ay hay’addu hiigsanayso.

Wuxuu tilmaamay in habraacyadu si cad u dejinayaan hannaan shaqo oo mideysan, hufan, kuna dhisan isla xisaabtan. Waxa uu intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay mudan yihiin adeeg sharaf leh, degdeg ah, oo aan carqalad lahayn.

Musk oo ku dhowaaqay war culus oo ku saabsan Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay dalalka laga heli karo adeegga internet-ka xawaaraha sare leh ee la mariyo dayax-gacmeedka, kadib markii Elon Musk iyo shirkaddiisa Starlink ay ku dhawaaqeen in adeegga uu hadda ka shaqeynayo guud ahaan dalka.

“Starlink hadda waa laga heli karaa Soomaaliya!” ayuu Musk ku qoray bartiisa X (horey loogu yiqiin Twitter), isagoo la-wadaagay khariidad muujinaysa in adeegga laga heli karo dhammaan gobollada Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Boosaaso, iyo Gaalkacyo.

Shirkadda Starlink, oo hoos tagta SpaceX ee uu leeyahay Elon Musk, ayaa iyaduna xaqiijisay arrinta: “Adeegga internet-ka xawaaraha sare leh ee Starlink ayaa hadda laga heli karaa Soomaaliya.” Qoraalku wuxuu la socday xiriir toos ah oo loogu talagalay macaamiisha Soomaaliyeed: starlink.com/somalia, halkaas oo laga dalban karo qalabka adeegga.

Hirgelinta adeeggan ayaa timid kadib markii 13-kii Abriil, 2025, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Soomaaliya (NCA) ay si rasmi ah shatiga isgaarsiinta u siisay Starlink, taasoo shirkadda u oggolaanaysa inay si buuxda uga howl-gasho dalka.

Shatigan waxaa lagu guddoonsiiyay xaflad ka dhacday caasimadda Muqdisho, taasoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka iyo wakiillo ka socday Starlink. Munaasabaddaasi waxay ahayd tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ballaarinta adeegga internet-ka ee dalka, gaar ahaan meelaha fogfog iyo deegaanada aan weli haysan helitaan tayo leh.

Shirkadda Starlink waxaa munaasabadda ku matalay Ryan Goodnight, Agaasimaha Sare ee Suuq-gaynta, iyo Micaela Pawlak, Maareeyaha Suuq-galka, kuwaasoo labaduba caddeeyay in shirkaddu ay ka go’an tahay inay internet-ka dayax-gacmeedka ah gaarsiiso dhammaan Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee NCA, Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in imaanshaha Starlink uu kaalin ka qaadanayo dadaallada qaranka ee lagu doonayo in internet-ku gaaro shacabka oo dhan. “Waxaan filaynaa in adeeggan uu si gaar ah uga faa’iideeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, ganacsiyada, iyo hay’adaha dowladda meelaha aan horey u gaarsiisneyn isgaarsiinta casriga ah,” ayuu yiri.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda, Maxamed Aadan Macallin, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Starlink, isagoo ku tilmaamay mid waafaqsan yoolka dowladda ee horumarinta tiknoolojiyadda. “Aad baan ugu faraxsanahay inaan dalka ku soo dhawayno Starlink. Tani waxay taageeraysaa yoolkeena ah in dhammaan shacabka Soomaaliyeed—meel kasta oo ay joogaan—ay helaan adeeg internet oo raqiis ah oo gaara meelaha fogfog,” ayuu yiri wasiirka.

Soomaaliya hadda waxay ku tiirsan tahay dhowr xarig badeed oo fiber-optic ah kuwaasoo badda hoosteeda mara, kuna xira magaalooyinka xeebaha ah internet-ka caalamiga ah. Balse adeegga cusub ee Starlink ayaa lagu wadaa inuu kaabayaal u noqdo kuwa hadda jira, isagoo gaarsiin doona isku xirka meelaha aan horey u helin.

Khariidadda ay Starlink shaacisay ayaa muujinaysa in guud ahaan dalka laga heli karo adeegga “AVAILABLE,” taasoo micnaheedu yahay in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u dalban karaan adeegsiga bilaa sugaan ama liis sugitaan ah.

Mas’uuliyiinta dowladda iyo khubarada tiknoolojiyadda ayaa rajo ka muujiyay in adeeggani uu kaalin weyn ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah, waxbarashada, caafimaadka, adeegyada dowladda, iyo ganacsiga fog.

Waxaa la filayaa in Starlink ay door muuqda ka qaadato yaraynta farqiga dhanka tiknoolojiyadda ee u dhexeeya gobollada dalka, taasoo sare u qaadi doonta fursadaha horumarineed iyo helitaanka adeeg internet oo loo siman yahay. 

Heshiiskii SSC iyo Maakhir ku dhiseen maamulka Waqooyi Bari oo burbur qarka u saaran

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka cusub ee Waqooyi Bari oo lagu dhisay heshiis ay dhawaan gaareen SSC-Khaatumo iyo Maakhir ayaa haatan wajahaya caqabado hor leh, kadib markii Ergadii metelayay gobolka Haylaan ay ka baxeen shirweynaha Laascaanood.

Odayaasha iyo xubnaha ergada oo la hadlay warbaahinta maalmo kadib markii ay kasoo baxeen shirka ayaa sheegay in ay u tageen Laascaanood si ay ugala tashadaan beelaha gobolka Sool sidii si siman loo dhisi lahaa maamulka cusub.

Ergadan ayaa sheegtay in niyad-wanaag iyo isu soo dhowaansho ay la yimaadeen, balse ay la kulmeen fara-gelin iyo sad-bursi dhanka awood qaybsiga ah.

Waxay sheegeen in qorshuhu ahaa in la mideeyo laba maamul oo kala ahaa SSC iyo Maakhir, maadaama dhulka iyo maamuladu sinaayeen ay ahayd in xubnaha iyo xilalka maamulka cusub noqdaan kuwo si cadaalad ah loo qayb saday sad bursina dhinacna samayn.

“Wax kasta oo aan u nimid waa lagu tuntay. Waxaa meesha ka muuqda boob. Xeerkii shalay la ansixiyay ayaa maanta lagu xad-gudbayaa. Waxaan u nimid in labada beelood wax ku dhisaan si heshiis ah, balse waxaa lagu beddelay dano gaar ah. Waxaan leenahay siyaasiyiinta arrimahan wadda ha laga qabto,” ayay yiraahdeen odayaasha.

Sidoo kale waxay caddeeyeen in aysan wax maamul ah la samaysan gobolka Sool, ayna hadda arkeen in dhismaha maamulka Waqooyi Bari laga ilaalin waayey caqabado iyo is-qabqabsi hor leh oo carqaladeyn kara hannaanka dhismaha maamulka cusub.

30-kii July ayay ahayd markii ergadan iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka socday gobolka Sanaag ay iskaga baxeen shirka, xilli uu marayay gaba-gabadii dhismaha maamulka Waqooyi Bari.

Tan ayaa imaneysa xilli Musharraxiinta xilka Madaxweynaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari ay si wadajir ah u cambaareeyeen fara-gelin ay sheegeen in dowladda federaalka ay ku hayso hannaanka doorashada xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.

Bayaan ay soo sareen ayaa lagu sheegay in guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaanada oo uu magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha aan lagu dhisin hab waafaqsan dastuurka iyo nidaamka dowlad-dhisidda, isla markaana uusan metelin saamileyda deegaanka.

Sida lagu caddeeyay bayaanka, “Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu si toos ah ugu adeegayaa musharrax gaar ah, isagoo marin habaabinaya geeddi-socodka dhismaha maamulka si uu u gaaro natiijo horay loo sii qorsheeyay.”

Musharraxiintu waxay sheegayaan in hab-dhaqanka wasiirka uu sababi karo khilaaf beeleedyo furan, burbur ku yimaada rajada dhismaha maamulka cusub iyo kalsooni darro soo wajahda shacabka iyo beesha caalamka.

Musharraxiinta ayaa si cad u sheegay in aysan aqbali doonin doorasho si gaar ah loogu daneynayo musharrax gaar ah, iyagoo sheegay in mas’uuliyadda wax kasta oo ka dhasha fara-gelinta hannaanka doorashada ay si buuxda u qaadi doonto dowladda dhexe, si gaar ahna Wasiir Cali Xoosh.

Si kastaba, Maamulka cusub ee Waqooyi Bari oo si toos ah ugu xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan wajahaya caqabado hor leh, iyadoo dowladda dhexe ku adkeysaneyso sii wadista dhismaha, xilli ay soo baxayaan inay shaqsiyaad gaar ah u wado hoggaanka maamulkan.

Firdhiye oo ku dhowaaqay dhismaha dekeda Laasqoray xilli Puntland ay ciidan dirayso

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa qorsheynaya in uu deked ka dhisto magaalo xeebeedka Laasqoray, sida uu shaaciyay Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye.

Firdhiye oo haatan musharax madaxweyne ah ayaa shaaciyay in ay Laasqoray ka dhisanayaan deked, xilli maamulka Puntland uu halkaasi u dirayo ciidamada badda ee PMPF, si ay uga sameystaan saldhig weyn.

“Waxaan dhisaynaa dekedda Laasqoray, garoomada diyaaradaha deegaankeenna, waxaan ka faa’ideysanaynaa kheyraadkeenna bad, berri iyo buuraha,” ayuu yiri hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye.

Hadalka Firdhiye ayaa imanaya xilli Imaaraadka uu ka cabsi qabay in maamulka cusub uu ku dhaqaaqo qorshahan, wuxuuna Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni ka dalbaday inay ka hortagaan dhismaha deked laga sameeyo Laasqoray, uuna halkaasi geeyo ciidamada uu maalgeliyo Imaaraadku ee loo yaqaano PMPF.

Maamulka Puntland ayaa haatan wada qorshaha uu ciidamada PMPF ku geynayo magaalo xeebeedka Laasqoray ee gobolka Sanaag. Ciidamadan ayaa saldhig cusub ka sameysanaya magaaladaasi, iyadoo maamulka Puntland uu sheegay in halkaasi laga abaabuli doono howl-gallo ka dhan ah AS iyo kooxaha lamidka ah.

Saldhiga Laasqoray ayaa noqon doona saldhiga labaad ee ugu weyn oo ay leeyihiin ciidamada gaarka ah ee PMPF, marka laga yimaado kan Boosaaso. Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa doonaysa in magaaladan toos loo hoos geeyo maamulka Deni.

Qorshahan ayaa salka ku haya si looga hortago in degmada Laasqoray laga dhiso dekad uu yeesho maamulka cusub ee lagu dhisayo Laascaanood. Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni ayaa haatan ku dhaqaaqay fulinta qorshaha Imaaraadka gadaal ka riixayo.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa si weyn uga walaacsan in maamulka Waqooyi Bari uu qaado tallaabo uu ku dhisanayo dekadda Laasqoray. Sababta Imaaraadku ay cabsi badan uga qabaan in Laasqoray deked cusub laga dhiso waa inay cuuryaamin karto maalgashigooda dekadaha Berbera iyo Boosaaso.

Imaaraadka Carabta oo la ogaaday in uu Kenya mariyo hub la gaarsiiyo kooxda….

Khartuum (Caasimada Online) – Dowladda milatari ee Sudan ayaa ku eedeysay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) inay hub u soo marsiiso dalka Kenya si ay u gaarsiiso ciidamada maleeshiyaadka ah ee la dagaallamaya ciidanka rasmiga ah, eedeyn culus oo sii hurinaysa dagaal wakiilnimo ah oo muddo dheer socday, islamarkaana halis gelinaysa in Bariga Afrika si qoto dheer loogu soo jiido colaaddan ba’an ee ka socota dalka.

Eedeyntan, oo ah tii ugu toosnayd ee Sudan si fagaare ah ugu jeediso Imaaraadka ilaa hadda, waxay muujinaysaa ballaarin weyn oo lagu sameeyay waddooyinka saadka ee quudinayay dagaalka sokeeye ee arxan darrada ah ee socday muddo 16 bilood ah.

Iska horimaadka u dhexeeya Ciidanka Qalabka Sida ee Sudan (SAF) iyo ciidanka maleeshiyaadka ah ee Dhaqdhaqaaqa Degdega ah (RSF) ayaa lagu dilay tobanaan kun oo qof, waxaana ku barakacay malaayiin kale, iyadoo dalka uu qarka u saaran yahay macaluul ba’an.

Dagaalka, oo qarxay bishii Abriil 2023, una dhexeeya taliyaha ciidamada, Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan, iyo ku-xigeenkiisii hore ahna hoggaamiyaha RSF, Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan “Hemedti”, waxaa sii huriyay faragelin shisheeye. Si kastaba ha ahaatee, furitaanka marinkan la sheegay ee Kenya ayaa astaan u ah weji cusub oo khatar ah.

Raadraaca caddeymaha

Saraakiisha Sudan waxay sheegeen in eedeyntan ay salka ku hayso caddeymo ay heleen kadib markii ciidamada SAF ay magaalada Khartuum ku qabteen keyd hub ah oo ay lahaayeen RSF, kuwaasoo ay ku dheganaayeen calaamadaha ciidamada Kenya. Waxay ku andacoonayaan in hubkan uu qayb ka yahay silsilad sahay casri ah oo ka timid Imaaraadka Carabta, oo muddo dheer lagu eedeynayay inuu taageero RSF.

“Imaaraadku wuxuu RSF ku hubeeynayay dalalka Chad iyo Libya, laakiin marinkan cusub ee Kenya wuxuu xaaladda ka dhigaya mid aad khatar u ah,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan militariga Sudan oo la hadlay wakaaladda wararka AFP, isagoo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo la xiriira xasaasiyadda arrinta.

Tallaabooyin diblomaasiyadeed oo dhowaan la qaaday ayaa sii huriyay xiisadda. Bishii Febraayo, magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, waxaa lagu martiqaaday hoggaamiyeyaal ka tirsan RSF, halkaasoo ay ku saxiixeen axdi lagu dhisayo maamul madani ah oo barbar socda kan dowladda, tallaabadaas oo Khartuum ay ku tilmaantay duullaan toos ah oo lagu qaaday madax-bannaanideeda.

Dowladda Sudan waxay sidoo kale farta ku fiiqday qoraal baraha bulshada ah, oo hadda la masaxay, kaasoo uu 16-kii Juun soo dhigay afhayeenka dowladda Kenya, Isaac Mwaura, oo u dhignaa: “Masar iyo Iran waxay taageeraan SAF; Imaaraadkuna wuxuu taageeraa RSF.” Khartuum waxay arrintan u aragtaa qirasho cad oo muujinaysa in Kenya ay ku lug leedahay qorshayaasha Abu Dhabi.

Sannado badan, goobjoogayaal caalami ah ayaa ka digayay faragelinta qotada dheer ee Imaaraadka ee arrimaha Sudan. Warbixin ay soo saareen Guddiga Khubarada Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Sudan, oo la soo xigtay bishii Janaayo 2024, ayaa si faahfaahsan uga hadashay duulimaadyo badan oo xamuul ah oo ka yimid Imaaraadka kuna socday garoonka diyaaradaha ee Amdjarass ee dalka Chad, oo u dhow xadka Sudan, kuwaasoo la rumeysan yahay inay taageero milatari u siday RSF.

Ganacsi faa’iido badan leh oo ah “dahab lagu beddesho hub” ayaa lagu sheegay inuu maalgelinayo taageeradan milatari ee Imaaraadka. Ciidamada RSF ayaa gacanta ku haya qaar badan oo ka mid ah macdanta dahabka ee Sudan, gaar ahaan gobolka dagaalladu la degeen ee Darfur. Sida ay sheegeen falanqeeyayaal soo xiganaya xogta ganacsiga ee Qaramada Midoobay, Imaaraadku wuxuu yahay suuqa ugu weyn ee loo iib geeyo dahabka Sudan, iyadoo la rumeysan yahay in dahab si sharci darro ah loo tahriibiyay uu aad uga badan yahay midka rasmiga ah.

Dakhligaas ayaa RSF siiyay awood dhaqaale oo ay ku iibsadaan hub casri ah. Baaritaan dhowaan ay samaysay hay’adda Amnesty International ayaa lagu ogaaday in RSF ay isticmaalayso hub casri ah, oo ay ku jiraan bambaanooyin la hago oo laga sameeyay Shiinaha iyo nidaamyo madaafiic culus ah oo la mid ah kuwa ay isticmaalaan ciidamada Imaaraadka.

Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in taageerada Imaaraadku siiyo RSF, oo ka soo farcantay maleeshiyaadkii sumcadda xumaa ee Janjaweed, ay tahay dadaal ay ku doonayaan inay saameyn ballaaran kaga yeeshaan xeebta istiraatiijiga ah ee Badda Cas iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Sudan, taasoo meesha ka saaraysa dhaq-dhaqaaqii dimuqraadi-doonka ahaa ee xukunka ka tuuray kaligii-taliye Cumar al-Bashiir sannadkii 2019.

Isbahaysiyo is-beddelaya

Doorka la sheegay ee Kenya ay ku leedahay fududeynta sahayda ayaa yimid kadib booqasho rasmi ah oo uu Madaxweyne William Ruto ku tagay Abu Dhabi horraantii 2025, taasoo lagu soo gabagabeeyay heshiisyo waaweyn oo dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga ah. Falanqeeyayaashu waxay tilmaamayaan in arrintani ay Nairobi si weyn ugu dhoweysay saamaynta siyaasadeed ee Imaaraadka.

Inkastoo Kenya ay si rasmi ah isu dhigtay dhex-dhexaadiye ka tirsan urur-goboleedka IGAD, martigelinta ay u fidisay hoggaanka RSF waxaa si weyn loogu fasiray inay ka leexatay mowqifkii ay Khartuum ka taagneyd. Iyadoo taas ka jawaabaysa, waxaa la soo sheegayaa in Sudan ay mamnuucday qaar ka mid ah badeecadaha laga keeno Kenya, taasoo sii kicisay xiisadda diblomaasiyadeed iyo tan dhaqaale.

Inkasta oo ay jiraan caddeymo isa soo taraya oo ku saabsan faragelinta shisheeye, hadana jawaabta caalamiga ah weli waa mid kala qaybsan. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa si isdaba joog ah u cambaareeyay qulqulka hubka ee “sii hurinaya dagaalka Sudan”, hase yeeshee wuu ka gaabsaday inuu magacaabo dalal gaar ah.

Magaalada Washington, koox sharci-dejiyeyaal ah oo ka kala tirsan labada xisbi ee Mareykanka, oo ay ku jiraan xildhibaan Sara Jacobs iyo Senator hore Marco Rubio, ayaa ku boorriyay maamulkii hore ee Biden inuu cunaqabateyn saaro hay’adaha laga leeyahay Imaaraadka ee lala xiriirinayo RSF, hase yeeshee waxba kama hirgelin.

Sudan waxay sidoo kale isku dayday inay dacwad sharci ah u gudbiso Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ), iyadoo ku eedeysay Imaaraadka inuu lug ku leeyahay falal xasuuq ah oo lagu eedeeyay in ciidamada RSF ay ka geysteen gobolka Darfur, gaar ahaan qowmiyadda Masalit. Inkastoo maxkamaddu ay diidday dacwadda sababo la xiriira awoodda ay u leedahay, tallaabadan waxay iftiimisay sida Khartuum uga go’an tahay inay la xisaabtanto dalalka shisheeye ee taageerada siiya RSF.

Sida dagaalku usii socdo, dhibaatada Sudan waxay noqonaysaa mid sii qoto dheeraanaysa, iyadoo mustaqbalka dalka uu afduub u yahay colaad si cad u noqotay mid caalami ah, oo khasaaraha bini’aadamnimadu uu yahay mid aad u baahsan.

JANAN oo qaaday tallaabo kale oo xasaasi ah kadib qabsashadii Beled-Xaawo

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo dhowaan dowladda Federaalka Soomaaliya u magacowday madaxa hay’adaha amniga ee gobolka Gedo, ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada deegaanno ka tirsan gobolkaasi, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Cabdirashiid Janan, oo dagaal maalmo socday kula wareegay gacan ku haynta xarumaha dowladda ee degmada Beled-Xaawo, ayaa soo bandhigay ciidamo ku biiray dowladda federaalka, kuwaas oo loo qorsheeyay in ay maamulaan amniga degmadaasi iyo deegaannada hoos yimaada.

Sarkaalkan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadii beeleed ee ku sugnaa Beled-Xaawo ay haatan ku biireen dowladda federaalka, islamarkaana noqdeen ciidamo ka amar qaata Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA).

Degmada Beled-Xaawo ayaa dhawaan ka baxday gacanta maamulka Jubbaland, kaddib markii beesha ugu badan ee deggan degmadaasi ay heshiis la gaartay Cabdirashiid Janan, gacantana u gelisay ciidamadii horey uga diiwaangashanaa dowladda Jubbaland.

14-kii Luulyo 2025, Ra’iisul Wasaare Janan ayaa loo magacaabay inuu noqdo madaxa hay’adaha sirdoonka ee dowladda federaalka u qaabilsan gobolka Gedo. Soo degitaankiisa Beled-Xaawo waxaa la socday ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo helikobtaro lagu keenay, gaadiid dagaal, saraakiil sirdoon iyo qalab casri ah – taas oo calaamad u ahayd abaabul ciidan oo xoogan oo ka bilaabanaya xuduudka.

Qayb muhiim ah oo ka mid ah abaabulka ciidamada ayaa noqotay in maleeshiyaad beeleed horey ugu jiray dhinaca Jubbaland ay hadda u wareegeen dowladda federaalka, loona hoos geeyay taliska NISA ee uu Janan hoggaaminayo. Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in tallaabadan lagu doonayo in ciidamada deegaanka lagu meeleeyo nidaamka rasmiga ah ee amniga qaranka.

Beled-Xaawo waxay ku taallaa isgoyska xuduudaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxayna u adeegtaa sidii marin ganacsi oo muhiim u ah gobolka Gedo – taas oo ka dhigaysa meel xasaasi ah oo leh miisaan siyaasadeed, amni iyo dhaqaale.

Abaabulka ciidamada dowladda federaalka waxaa lala xiriirinayaa qorshaha Villa Somalia ee ah in Gedo laga hirgeliyo nidaamka codeynta tooska ah, iyadoo ay fooda nagu soo hayaan doorashooyinka guud ee 2026.

Magacaabista Janan ayaa dhalisay dhaleeceyn xooggan oo ka timid siyaasiyiin goboleed iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha. Mas’uuliyiinta Jubbaland ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda federaalka inay jebineyso heshiisyadii horay loo gaaray ee ku saabsanaa awood qaybsiga iyo nidaamka federaalka Soomaaliya.

Mareykanka oo dal Afrikaan ah kula heshiiyey in uu qaabilo muhaajiriinta la soo tarxiilayo

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka iyo Rwanda ayaa ku heshiiyay in dalkaas Afrikaanka ah uu qaabilo ilaa 250 muhaajiriin ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyeen afhayeenka dowladda Rwanda iyo sarkaal kale. Tallaabadan ayaa imanaysa xilli maamulka madaxweyne Donald Trump uu wado siyaasad adag oo ka dhan ah socdaalka.

Heshiiskan, oo markii ugu horreysay la baahiyay bishii June, ayaa lagu saxiixay magaalada Kigali, waxaana saxiixay mas’uuliyiin ka kala socday Mareykanka iyo Rwanda, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Rwanda oo codsaday in magaciisa la qariyo. Sarkaalka ayaa intaa ku daray in Washington ay horey u dirtay liis hordhac ah oo ka kooban 10 qof oo la hubinayo.

“Rwanda waxay la heshiisay Mareykanka inay aqbasho ilaa 250 muhaajiriin ah, waxaana sababta qayb ka ah waaya-aragnimada taariikheed ee uu qoys kasta oo reer Rwanda ah la kulmay xilliyo barakac, iyo qiyamka bulshada oo ku saleysan dib-u-dhexgalka iyo dhaqancelinta,” ayay tiri afhayeenka dowladda Rwanda, Yolande Makolo.

“Sida ku cad heshiiska, Rwanda waxay xaq u leedahay inay oggolaato ama diiddo shakhsi kasta oo loo soo jeediyo in dib u dejin loogu sameeyo. Kuwa la ansixiyo waxaa la siin doonaa tababar xirfadeed, daryeel caafimaad, iyo taageero hoy si ay noloshooda dib uga bilaabaan Rwanda, taasoo siinaysa fursad ay kaga qayb qaataan mid ka mid ah dhaqaalaha ugu kobaca badan adduunka tobankii sano ee la soo dhaafay.”

Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka weli kama aysan bixin wax jawaab ah arrintan. Sidoo kale, Wasaaradda Amniga Gudaha (Department of Homeland Security) ayaa su’aalaha la xiriira heshiiskan u gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Madaxweyne Trump ayaa hiigsanaya inuu dalka ka masaafuriyo malaayiin muhaajiriin ah oo si sharci-darro ah ku jooga Mareykanka. Maamulkiisu wuxuu muddooyinkii dambe raadinayay waddo uu ku kordhiyo masaafurinta loo wareejinayo dalal saddexaad. Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ahaa in dembiilayaal xukun lagu riday loo diro dalalka South Sudan iyo Eswatini (oo horey loo oran jiray Swaziland).

Sanadihii la soo dhaafay, Rwanda waxay isu muujisay dal diyaar u ah inuu qaabilo muhaajiriinta ay dalalka reer Galbeedku doonayaan inay iska fogeeyaan. Si kastaba ha ahaatee, ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyay in Kigali aysan ixtiraamin xuquuqaha aasaasiga ah ee dadka.

Bishii May, wasiirka arrimaha dibadda ee Rwanda wuxuu sheegay in dalkiisu uu ku jiro wejiyadii hore ee wadahadallo ku saabsan qaabilaadda muhaajiriinta laga soo tarxiilo Mareykanka.

Maamulka Trump ayaa ku doodaya in tarxiilidda muhaajiriinta loo wareejinayo dalal saddexaad ay gacan ka geysanayso in si degdeg ah loo fuliyo masaafurinta, gaar ahaan kuwa leh diiwaanno dembiyeed. Dhinaca kale, dadka u ol’oleeya xoojinta sharciyada socdaalka ayaa u arka in habkan lagu maareyn karo dembiilayaasha aan si sahlan dib loogu celin karin dalalkoodii, kuwaasoo khatar ku noqon kara bulshada.

Dadka arrintan kasoo horjeeda ayaa dhaleeceyn u jeediyay, iyagoo ku tilmaamay tarxiillada noocan ah kuwo naxariis-darro ah, maadaama dadka loo diri karo dalal ay kala kulmi karaan rabshado, aysan lahayn xiriir la taaban karo, ama aysan ku hadlin luqadda dalkaas.

Mareykanka oo deeq lacag siinaya Rwanda

Mareykanka ayaa Rwanda siin doona deeq lacageed, sida uu sheegay sarkaalka, isagoo intaas ku daray in heshiiska deeqda la dhameystiray bishii July. Sarkaalka ayaa diiday inuu bixiyo faahfaahin ku saabsan cadadka deeqda.

Sida uu sheegay isla sarkaalka, labada dhinac waxay kordhin karaan tirada dadka lagu wareejinayo heshiiska haddii ay sidaas ku heshiiyaan. Waxa uu intaas ku daray in dadka loo tarxiilo Rwanda aan lagu qasbayn inay sii joogaan dalkaas; waxayna fursad u heli doonaan inay ka baxaan xilliga ay doonaan.

Kigali waxay aqbali doontaa kaliya muhaajiriinta dhameystay xukunadooda xabsiga ama aan wax dacwad ah lagu wadin. Lama aqbalayo dad lagu helay dambiyo la xiriira faraxumeynta carruurta, maadaama aysan jirin heshiis u oggolaanaya in Rwanda lagu fuliyo xukun maxkamadeed oo ka yimid Mareykanka, sida uu sarkaalka xusay.

Maamulka Trump wuxuu cadaadis saaraya dalal kale si ay u qaabilaan muhaajiriinta. Bishii Maarso, in ka badan 200 oo muwaadiniin Venezuelan ah oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin burcad ayaa loo tarxiilay dalka El Salvador, halkaas oo lagu xiray ilaa bishii hore laga sii daayay, kadib markii lagu beddelay maxaabiis kale.

Bishii June, Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu muhaajiriinta u tarxiilo dalal saddexaad iyadoo aan la siin fursad ay ku muujiyaan inay waxyeello ka soo gaari karto. Si kastaba ha ahaatee, sharci ahaanshaha tallaabadan ayaa weli dacwad ka furan tahay maxkamad federaal ah oo ku taalla magaalada Boston. Kiiskan ayaa suurtagal ah in uu mar kale dib ugu laabto Maxkamadda Sare oo hadda u janjeerta dhinaca muxaafidka.

Hoggaamiyeyaasha reer Galbeed iyo kuwa gobolka ayaa ku ammaanay Madaxweyne Paul Kagame sida uu dalkiisa uga soo saaray burburkii ka dhashay xasuuqii 1994-kii oo ay ku dhinteen in ka badan hal milyan oo qof, una beddelay waddan leh dhaqaale kobcaya. Si kastaba ha ahaatee, ururada xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay inuu ku kacay xadgudubyo iyo inuu taageero siiyo kooxo fallaago ah oo ka dagaallama Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo—eedeeymo uu Kagame si adag u beeniyay.

Rwanda waxay sidoo kale qayb ka ahayd wadahadallo nabadeed oo uu Mareykanku hoggaaminayay, kuwaasoo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadaha ka jira bariga Congo. Labada dal ayaa bishii June magaalada Washington ku kala saxiixday heshiis nabadeed oo uu Mareykanku dhexdhexaadinayay, kaasoo rajo laga muujiyay in uu soo afjaro dagaallo sanadkan oo keliya sababay kumanaan dhimasho ah iyo barakaca boqollaal kun.

Heshiiska cusub ee lagu qaabilayo muhaajiriinta Mareykanka laga soo tarxiilay ma ahan kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo Rwanda gasho. Sannadkii 2022, Kigali waxay heshiis la saxiixatay Britain si ay u qaabilaan kumanaan magangalyo-doon ah. Heshiiskaas waxaa sanadkii hore laalay ra’iisul wasaarihii cusub ee Keir Starmer, iyadoo aan hal qofna loo dirin Rwanda intii uu qorshahaasi socday sababo la xiriiray dacwado sharciyeed oo sannado qaatay.

Wararkii ugu dambeeyay ee dabka Suuq Bacaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xooggan oo muddo saacado ah ka kacay Suuq Bacaad ayaa ugu dambayn xalay xilli dambe lagu guuleystay in la damiyo, kaddib dadaallo ay sameeyeen kooxaha dab-damiska oo ku howlanaa xakamaynta fiditaanka ololka.

Dabkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay cilad koronto, isla markaana uu sababay dhimashada hal gabar, taasoo uu u diray tacsi ehelkeeda guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Suleymaan Maxamuud Fargax. Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in aysan jirin cid kale oo dhaawac soo gaaray.

Ibraahim Muuse oo ka mid ah ganacsatada ku sugan Suuq Bacaad, ayaa sheegay in dabka uu baabi’iyay saddex cawro iyo dukaammo kale oo ay lahayd hooyadiis. Arrintan ayaa muujineysa baaxadda khasaaraha hantiyeed ee uu dabku sababay.

“Caawa waxaan noqonay qoys ceyrtoobay. Murugo weyn ayaan dareemeynaa,” ayuu yiri Ibraahim Muuse.

Suuq Bacaad ayaa inta badan bas-beelay, maadaama ay waqti badan qaadatay damibta dabkan, maadaama uu si degdeg ah ugu fiday qaybo badan oo ka mid ah suuqa, iyadoo halkaas ay ku burbureen hanti fara badan oo ay lahaayeen ganacsatadii camiri jirtay Suuq Bacaad.

Ciidamada dab-damiska ee Dowladda Hoose, kooxaha gurmadka degdegga ah ee shirkadda Hormuud iyo dhinacyo kale ayaa si wadajir ah uga shaqeeyay daminta dabka, oo saacado badan qaatay.

Maanta ayaa la filayaa in la magacaabo guddi ka kooban ganacsatada Suuq Bacaad, kuwaasoo lagu wado in ay qiimeeyaan hantida ku burburtay dabka. Guddigani ayaa kulammo la yeelan doona milkiilayaasha goobaha ganacsi ee uu gubay dabku si loo ogaado heerka khasaare.

Maxaa laga baranaya dabka soo noqnoqda ee suuqyada dalka?

Dabkan wuxuu mar kale muujiyey awoodda xaddidan ee Soomaaliya u leedahay wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, taasoo ah dhaxal ka dhashay tobanaan sano oo colaado ah iyo maalgelin la’aan.

Muqdisho, oo ah magaalo ay ku nool yihiin in ka badan saddex milyan oo qof, waxay heysataa kaliya tiro kooban oo baabuurta dab-damiska ah iyo kooxo gurmad oo si liidata u qalabeysan.

Dabka waa dhibaato ku soo noqnoqota suuqyada Soomaaliya, kuwaasoo intooda badan shaqeeya iyaga oo aan laheyn xeerar rasmi ah ama heerar badbaado oo aasaasi ah.

Meheradaha ciriiriga ah, badeecooyinka ololi kara oo meel isugu jira, iyo korontooyin qalafsan ayaa dhammaantood ah sababaha sii hurinaya qatarta joogtada ah.

Sanadkii 2021, dab ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ayaa baabi’iyay in ka badan 200 oo dukaan. Sidoo kale, sanadkii 2022, Suuqa Waaheen ee Hargeysa oo ah xarunta dhaqaalaha ugu weyn ee Somaliland ayaa dab ba’an ku burburiyay, iyadoo lagu qiyaasay khasaarihii ka dhashay inuu gaarayey $2 bilyan, taasoo ku dhowaad 60% ka ah wax-soo-saarka guud ee gobolka.

Muungaab oo digniin culus soo saaray kadib gubashadii Suuq Bacaad

0

Mudqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta booqday suuqii xalay gubtay ee suuq Bacaad ayaa soo saaray digniin culus oo la xiriira gubashada suuqyada.

Muungaab ayaa sheegay in sababta uu u fiday dabkii xalay ay ugu wacan tahay waddo la’aanta suuqa, waxaana dabka ka dhashay khasaare xoogleh oo soo gaaray ganacsatada.

Sidoo kale Muungaab ayaa sheegay in maamulka gobolka uu qaadayo tallaabo deg-deg ah, isla markaana la bixinayo waddooyin waawayn, si haddii dhibaato dhacdo loogu gurmado.

“Suuqyada marka la habeynayo waxaa muhiim ah in waddooyin waawayn loo sameeyo hadhow haddii lacalla ay dhacdo mushkiladdan oo kale gurmadka deg-degga ah uu kusoo gaari karo inuu Ambalaaska kusoo gaari karo iyo ciidanka amniga” ayuu yiri Muungaab.

Waxa kale oo uu ballan qaaday in si deg-deg ah loo dhisayo suuqa, kadibna lagu wareejin doono ganacsatadii horay uga shaqeysan suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee dalka.

“Ganacsatadii waa joogtaa suuqaan dib ayaa loo habeynayaa, waxaana arrintaas hormuud ka noqonaayo ganacsatada suuqa, waxaana loo habeynayaa dadkii ku ganacsan jiray” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, duqa Muqdisho oo hadalkiisa sii wata ayaa ka digay in la siyaasadeeyo musiibadan, maadaama ay ku hanti beeleen dad badan oo Soomaaliyeed.

“Lama rabo arrintaan oo kale in la siyaasadeeyo, mana ah tii la siyaasadeyn jiray kooxaha siyaasadeynayo waxaan leeyahay iimaanka Allaha idin geliyo” ayuu markale yiri Muungaab.

Suuq Bacaad ayaa inta badan bas-beelay, iyada ooo] ay waqti badan qaadatay damibta dabkan, maadaama uu si degdeg ah ugu fiday qaybo badan oo ka mid ah suuqa, iyadoo halkaas ay ku burbureen hanti fara badan oo ay lahaayeen ganacsatadii camiri jirtay Suuq Bacaad.

Ciidamada dab-damiska ee Dowladda Hoose, kooxaha gurmadka degdegga ah ee shirkadda Hormuud iyo dhinacyo kale ayaa si wadajir ah uga shaqeeyay daminta dabka, oo saacado badan qaatay.

Si kastaba, Dabkan wuxuu mar kale muujiyey awoodda xaddidan ee Soomaaliya u leedahay wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, taasoo ah dhaxal ka dhashay tobanaan sano oo colaado ah iyo maalgelin la’aan.

Starlink launches high-speed satellite internet in Somalia

MOGADISHU, Somalia – Somalia has officially joined the list of countries with access to high-speed satellite internet, following a major announcement from Elon Musk and his satellite internet company, Starlink.

“Starlink now available in Somalia!” Musk posted on X (formerly Twitter), sharing a coverage map that highlights full availability across Somalia, including major cities such as Mogadishu, Hargeisa, Bosaso, and Galkayo.

Starlink, a division of Musk’s aerospace company SpaceX, confirmed the rollout in a parallel announcement: “Starlink’s high-speed, low-latency internet is now available in Somalia.” The post linked to the country-specific portal: starlink.com/somalia, where users can now place orders for internet kits.

The launch follows a formal agreement signed earlier this year. On April 13, 2025, Somalia’s National Communications Authority (NCA) granted a telecommunications license to Starlink, authorizing the company to begin operations within the country.

The license was issued during a high-level ceremony in Mogadishu, attended by senior Somali government officials and Starlink representatives. The event marked a significant milestone in Somalia’s efforts to expand nationwide internet access, particularly in rural and underserved communities.

Starlink was represented at the ceremony by Ryan Goodnight, Senior Director of Market Access, and Micaela Pawlak, Market Access Manager, who both reaffirmed the company’s long-term commitment to providing high-speed satellite internet across Somalia.

NCA Director Mustafa Yasin Sheikh emphasized the importance of the partnership: “We expect this service to especially benefit Somali citizens, businesses, and government institutions in areas where internet access has been limited.”

Minister of Communications and Technology Mohamed Adan Moalin welcomed Starlink’s entry, saying it aligns with the government’s broader digital development goals. “We are pleased to welcome Starlink to our country. This step supports our goal of ensuring all Somalis, wherever they are, have access to affordable and far-reaching internet services,” he said.

Currently, Somalia relies primarily on several undersea fiber-optic cables to connect coastal regions to the global internet. The addition of Starlink’s satellite-based service is expected to complement this infrastructure and extend reliable connectivity to more remote and inland areas.

According to the availability map shared by Starlink, the entire country is marked as “AVAILABLE,” meaning residents can immediately access the service without delays or waitlists. This development is anticipated to boost access to digital services, enhance education and healthcare delivery, and enable remote work and e-commerce growth across the country.

Officials hope Starlink’s presence will bridge Somalia’s digital divide and accelerate economic development, especially in regions that have long remained disconnected due to a lack of infrastructure.

UAE-Kenya arms flow ignites Sudan war escalation

KHARTOUM, Sudan – Sudan’s military government has accused the United Arab Emirates of funneling weapons to rival paramilitary forces through Kenya, an explosive claim that escalates a long-simmering proxy war and threatens to drag East Africa deeper into the nation’s devastating conflict.

The accusation, Sudan’s most direct public condemnation of the UAE to date, suggests a significant expansion of the supply routes that have sustained the brutal 16-month civil war. The conflict between the Sudanese Armed Forces (SAF) and the paramilitary Rapid Support Forces (RSF) has killed tens of thousands, displaced millions, and pushed the country to the brink of famine.

The war, which erupted in April 2023 between army chief General Abdel Fattah al-Burhan and his former deputy, RSF commander Mohamed Hamdan Dagalo, known as “Hemedti,” has been fueled by foreign interference. The alleged opening of a Kenyan channel, however, marks a perilous new phase.

A trail of evidence

Sudanese officials claim the charge is rooted in evidence found in January, when SAF troops captured RSF weapon caches in Khartoum that bore Kenyan army markings. They allege these arms are part of a sophisticated supply chain originating in the UAE, a long-accused backer of the RSF.

“The UAE has been arming the RSF through Chad and Libya, but this new Kenyan route is a dangerous escalation,” a senior Sudanese military source told AFP on condition of anonymity due to the sensitivity of the matter.

Recent diplomatic moves have inflamed tensions. In February, Kenya’s capital, Nairobi, hosted RSF leaders, where they signed a charter to establish a parallel civilian administration, a move Khartoum condemned as a direct assault on its sovereignty.

Sudan’s government also pointed to a now-deleted social media post from June 16 by Kenyan government spokesman Isaac Mwaura, which stated: “Egypt and Iran back SAF; UAE backs RSF.” Khartoum cites this as an admission of Kenya’s complicity in Abu Dhabi’s designs.

For years, international observers have warned of the UAE’s deep involvement in Sudan. A report by the UN Panel of Experts on Sudan, referenced in January 2024, detailed numerous cargo flights from the UAE to an airport in Amdjarass, Chad, near the Sudanese border, believed to be delivering military support to the RSF.

A lucrative ‘gold-for-guns’ trade bankrolls this alleged military backing. The RSF controls many of Sudan’s gold mines, particularly in the war-ravaged Darfur region. According to analysts citing UN trade data, the UAE has been the primary destination for Sudanese gold, with smuggled quantities believed to far exceed official figures.

This revenue stream provides the RSF with the financial muscle to purchase advanced weaponry. A recent Amnesty International investigation identified the RSF using sophisticated arms, including Chinese-made guided bombs and heavy artillery systems consistent with the UAE’s military inventory.

By backing the RSF, which evolved from the notorious Janjaweed militias, Abu Dhabi aims to secure influence over Sudan’s strategic Red Sea coastline and vast mineral wealth, analysts say, effectively sidelining the pro-democracy movement that toppled dictator Omar al-Bashir in 2019.

Shifting alliances

Kenya’s alleged role as a logistical hub follows a state visit by President William Ruto to Abu Dhabi in early 2025, which culminated in major trade and investment agreements. Analysts suggest this has pulled Nairobi closer into the UAE’s geopolitical orbit.

While Kenya officially positions itself as a neutral mediator within the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) bloc, its hosting of RSF leadership has been widely interpreted as a tilt away from Khartoum. In response, Sudan has reportedly banned some Kenyan imports, escalating diplomatic and economic tensions.

Despite mounting evidence of foreign interference, the international response has remained fractured. UN Secretary-General António Guterres has repeatedly condemned the flow of arms “fueling the war in Sudan” but has refrained from naming specific countries.

In Washington, a bipartisan group of lawmakers, including Representative Sara Jacobs and Senator Marco Rubio, has urged the Biden administration to sanction entities in the UAE linked to the RSF.

Sudan also attempted to seek legal recourse by filing a case at the International Court of Justice (ICJ), accusing the UAE of complicity in acts of genocide allegedly committed by the RSF against the Masalit ethnic group in Darfur. The court dismissed the case on jurisdictional grounds, but the move highlighted Khartoum’s desperation to hold foreign backers accountable.

As the war grinds on, Sudan’s suffering deepens, its future held hostage by a conflict now undeniably international in scope and devastating in its human cost.

Deadly fire guts Mogadishu’s Suuq Bacaad market, 3 killed

MOGADISHU, Somalia — A massive engulfed one of Mogadishu’s largest commercial hubs on Monday, killing at least three people, injuring several others, and destroying vast swaths of the Suuq Bacaad market, a vital artery of Somalia’s informal economy.

The fire broke out around 4:40 pm local time, shortly after afternoon prayers, and quickly spread through the tightly packed stalls of the market, located in the city’s Yaqshid district. Thick plumes of smoke blanketed the skyline as traders rushed to salvage what they could.

“At least three people have died,” a city emergency services official confirmed. “Two were burned alive trying to recover their goods, and one died from smoke inhalation.”

By nightfall, the fire was still raging, with emergency crews struggling to contain the blaze amid the market’s narrow alleyways and dense layout.

Ibrahim Muse, a longtime merchant at Suuq Bacaad, said his family had lost everything.

“I lost three shops, and my mother’s shops were also destroyed,” Muse told local media. “Tonight, our family has become destitute. We are in deep sorrow.”

The full extent of the damage remains unclear, but early estimates suggest millions of dollars in goods were lost, including clothing, food, electronics, and household items. Many were injured while attempting to recover inventory as the flames spread.

Emergency response overwhelmed

Firefighting crews from the Mogadishu municipality, supported by emergency teams from Hormuud Telecom and civilian volunteers, were dispatched to the scene. However, their efforts were severely hampered by the market’s congested layout and lack of modern infrastructure.

Police were also deployed to assist vendors in retrieving goods from stalls that had yet to be engulfed. Local authorities said efforts to extinguish the fire entirely were ongoing late into the evening.

The blaze underscored Somalia’s limited emergency response capacity, a legacy of decades of conflict and underinvestment. Mogadishu, a city of more than two million, has only a handful of fire trucks and poorly resourced emergency units.

Fires are frequent in Somalia’s markets, which often operate without formal regulation or basic safety standards. Overcrowded stalls, flammable goods stored in close quarters, and faulty wiring all contribute to the persistent risk.

In 2021, a fire at Mogadishu’s Bakara Market destroyed more than 200 stalls. And in 2022, the Waaheen Market in Hargeisa, Somaliland’s most significant economic hub, was devastated by a fire that caused an estimated $2 billion in losses—nearly 60 percent of the region’s GDP.

Despite repeated warnings, efforts to improve urban planning and safety infrastructure have seen little progress.

Economic shock for families

For many Somalis, markets like Suuq Bacaad are their sole source of income. The destruction of such hubs can plunge entire families into poverty overnight.

“We’re calling on the government to help the affected families,” said another vendor. “We have nothing left.”

Humanitarian agencies and local officials are expected to assess the damage in the coming days and coordinate possible relief efforts.

Over the past two decades, Suuq Bacaad has grown into one of Mogadishu’s key marketplaces, serving thousands of traders and low-income residents, including internally displaced persons (IDPs). It is the city’s second-largest market, following Bakara.

Despite its economic importance, the market has long lacked formal infrastructure. Calls from business owners for upgrades—such as regulated wiring, firebreaks, and safer storage facilities—have mainly gone unanswered due to ongoing insecurity and limited state capacity.

Authorities have launched an investigation into the cause of the fire. While an electrical fault is suspected, this has not been officially confirmed.

As of late Monday, emergency crews, police, and volunteers were still combing through the ruins, searching for salvageable goods and extinguishing lingering hot spots. 

Daawo: Suuq Bacaad oo gubanaya oo la demi la’yahay iyo dad badan oo ku dhintay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xooggan oo khasaare baaxad leh geystay ayaa caawa ka kacay Suuq Bacaad, oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho, wuxuuna sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo aad u weyn.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ugu yaraan saddex qof ay ku geeriyoodeen dabka oo billowday galabta kaddib salaaddii Casar, kaas oo ilaa hadda aan weli lagu guuleysan in la damiyo.

Dadka dhintay ayaa isku dayayay inay badbaadiyaan hantidooda; laba kamid ah waxay si toos ah ugu gubteen gudaha dabka, halka qofka saddexaad uu u geeriyooday neef-qabatin. Waxaa sidoo kale jira dad badan oo dhaawacyo soo gaaray iyagoo ku jiray dadaalka ay ku badbaadinayeen hantidooda.

Suuq Bacaad ayaa caawa inta badan bas-beelay. Ibraahim Muuse, oo ah ganacsade hanti weyn ku waayay dabka, ayaa u sheegay warbaahinta: “Aniga saddex carwo ayaa iga wada gubatay, hooyadeyduna dukaammo ayaa kaga gubtay dabka. Caawa waxaan noqonay qoys ceyrtoobay. Murugo weyn ayaan dareemeynaa.”

Dabku wuxuu si degdeg ah ugu fiday qaybo badan oo ka mid ah suuqa, wuxuuna billowday abaare 4:40 galabnimo, iyadoo halkaas ay ku burbureen hanti fara badan oo ay lahaayeen ganacsatadii camiri jirtay Suuq Bacaad.

Ciidamada dab-damiska ee Dowladda Hoose, kooxaha gurmadka degdegga ah ee shirkadda Hormuud, iyo dhinacyo kale ayaa si wadajir ah uga shaqeynaya daminta dabka, inkastoo uu yahay mid xooggan oo si sahal ah aan loo xakameyn karin.

Sidoo kale, ciidamada booliska ayaa garab siinaya ganacsatada, iyagoo ka caawinaya in ay badbaadiyaan hantidooda inta aan dabku gaarin. Dadaallada gurmadka ayaa weli socda, waxaana la rajeynayaa in xaaladda si buuxda loo xakameeyo saacadaha soo socda.

Dabkan wuxuu mar kale muujiyey awoodda xaddidan ee Soomaaliya u leedahay wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, taasoo ah dhaxal ka dhashay tobanaan sano oo colaado ah iyo maalgelin la’aan. Muqdisho, oo ah magaalo ay ku nool yihiin in ka badan saddex milyan oo qof, waxay heysataa kaliya tiro kooban oo baabuurta dab-damiska ah iyo kooxo gurmad oo si liidata u qalabeysan.

Dabka waa dhibaato ku soo noqnoqota suuqyada Soomaaliya, kuwaasoo intooda badan shaqeeya iyaga oo aan laheyn xeerar rasmi ah ama heerar badbaado oo aasaasi ah. Meheradaha ciriiriga ah, badeecooyinka ololi kara oo meel isugu jira, iyo korontooyin qalafsan ayaa dhammaantood ah sababaha sii hurinaya qatarta joogtada ah.

Sanadkii 2021, dab ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ayaa baabi’iyay in ka badan 200 oo dukaan. Sidoo kale, sanadkii 2022, Suuqa Waaheen ee Hargeysa—oo ah xarunta dhaqaalaha ugu weyn ee Somaliland—ayaa dab ba’an ku burburiyay, iyadoo lagu qiyaasay khasaarihii ka dhashay inuu gaarayey $2 bilyan, taasoo ku dhowaad 60% ka ah wax-soo-saarka guud ee gobolka.

Inkastoo digniino badan la jeediyay, dadaallada lagu horumarinayo qorsheynta magaalooyinka iyo kaabeyaasha badbaadada weli ma gaarin horumar la taaban karo.

Hoos ka daawo

DF oo Mahad Salaad u xil-saartay dhismaha ‘Jubaland cusub’ – Maxaa ka socda Gedo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Salaad, ayaa lagu wareejiyey galka dhismaha maamul cusub oo laga dhisayo deegaanada Jubbaland, kaas oo lagu jebinayo Axmed Madoobe, oo dowladdu ay dagaal culus kula jirto.

Sidoo kale, Caasimada Online waxay ogaatay in dowladdu ay qorsheysay in maamulkaas loo dhiibo Wasiirka Amniga Soomaaliya, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ka soo jeeda gobolka Gedo.

Tan iyo markii ciidamada Dowladda Soomaaliya ay la wareegeen Beledxaawo, waxaa bilowday qorshayaal ay dowladdu ku dooneyso inay wax uga bedesho xaaladda gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland.

Wasiirka Fartaag ayaa Saxaafadda u dusuyey xogta ah in dowladda federaalka ay bilaabeyso dhismaha ‘Jubbaland cusub’ taas oo isaga madaxweyne looga dhigayo, sida uu qorshuhu yahay.

Xogtu waxay intaas ku dareysaa in fulinta qorshaha dhismaha maamulkaas uu kaalin xoog leh ka qaadan doono Cabdirashiid Janan oo hadda gobolka ku sugan, iyadoo Mahad Salaad uu hayo malafka guud ee dhismaha maamulkaas oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ku wareejiyeen.

Qorshahan oo si dhab ah uga tarjumaya rabitaanka dadka reer Gedo, waxaa lagu soo daray Jubbada Dhexe, waxaana la go’doominayaa Jubbada Hoose oo Axmed Madoobe uu joogo.

Shalay iyo maanta waxaa gobolka Gedo ka bilowday dhaqdhaqaaqa iyo hadal heynta dhismaha maamulka cusub, waxaana gobolka jooga saraakiil ay dirtay dowladda federaalka oo Cabdirashiid Janan uu ugu sareeyo.

Puntland releases Turkish arms ship After UAE steps in

BOSASO, Somalia – The semi-autonomous Somali region of Puntland on Monday released the Turkish-owned vessel MV Sea World, laden with a sensitive arms shipment, ending a week-long standoff that triggered diplomatic tensions and underscored the fragile balance between Somalia’s central government, its regions, and their international partners.

The vessel, MV Sea World, was formally handed over to Turkish officials following high-level diplomatic intervention by the United Arab Emirates (UAE), a key ally of Puntland’s leadership.

The transfer was sealed during a meeting in Bosaso—Puntland’s bustling commercial capital—between the region’s president, Said Abdullahi Deni, and a visiting Turkish delegation led by Ankara’s ambassador to Somalia, Alper Aktaş.

“The Puntland Government, based on the evidence presented by the Turkish government and the investigation conducted on the ship and its cargo, has decided to transfer the responsibility of the MV Sea World and its assets to the Government of Turkey,” the Puntland presidency announced in a statement.

This move effectively resolves a tense dispute that erupted last week when Puntland’s maritime forces seized the ship in its territorial waters, raising concerns over the shipment’s ownership and intended destination.

A week of diplomatic tensions

The cargo aboard MV Sea World, described as a “very heavy weapons shipment,” quickly became the focus of diplomatic debate. Somalia’s federal government in Mogadishu publicly defended the shipment, stating it was intended for Camp TÜRKSOM—a major Turkish-run military training base in the capital—as well as for licensed Somali businessmen.

However, Puntland authorities—who have long had a delicate and often strained relationship with the federal government—opted to launch their own investigation. They detained the vessel at the strategic Port of Bosaso along the Gulf of Aden.

Sources suggest the seizure stemmed from Puntland’s desire to assert its regional authority and concerns over the risk of weapons being diverted—an ongoing worry in a country still battling insurgent threats. Resolution came only after Turkey submitted what Puntland officials called “complete evidence” confirming its ownership of both the ship and the cargo.

Maritime tracking data showed the MV Sea World had departed from a Turkish port weeks earlier and transited the Red Sea before reaching Somali waters. While specific details of the cargo were not disclosed, officials confirmed the shipment included small arms, ammunition, and military-grade communication systems.

This incident sheds light on the tangled web of alliances that shape Somali politics. Turkey remains a key strategic partner to Somalia’s federal government, having invested heavily in development and security. Camp TÜRKSOM, Ankara’s most extensive overseas military base, plays a vital role in training Somalia’s national army in its fight against the al-Shabaab insurgency.

By contrast, the UAE has historically enjoyed strong ties with Somalia’s federal member states, including Puntland, often placing it at odds with the Turkish-backed government in Mogadishu.

The UAE’s successful mediation—facilitated through its close relationship with President Deni—was a notable diplomatic win. It may even hint at a thaw in the long-standing rivalry between Turkey and the UAE in the Horn of Africa, a region critical to global maritime trade routes.

“This incident demonstrates the persistent mistrust between Somalia’s federal and regional authorities,” said Ahmed Abdi, a Horn of Africa security analyst. “But it also shows how external powers like the UAE and Turkey can act as pressure valves in a region where unresolved power-sharing issues can easily escalate.”

Somalia’s post-embargo era

The seizure and its diplomatic resolution come at a pivotal moment for Somalia’s security landscape. In December 2023, the UN Security Council lifted a 30-year-long arms embargo on the Somali government, aiming to empower its fight against al-Shabaab.

While this change grants the federal government the freedom to import weapons for its forces, regional administrations like Puntland remain highly cautious. They’re determined to ensure all arms shipments are properly vetted and securely handled—to avoid the risk of weapons falling into the wrong hands or upsetting the country’s fragile federal balance.

The episode also reflects broader tensions in Somalia’s evolving federalism. As Mogadishu gains new leeway in foreign military partnerships, federal member states like Puntland are asserting their right to oversight—especially when arms shipments cross into their territories without prior coordination. For observers, the incident is a reminder that Somalia’s post-embargo reality still requires clear rules, transparency, and trust.

The peaceful handover of MV Sea World reflects a shared preference among key players for de-escalation. It signals a careful balancing act—protecting national security while navigating the intricate political landscape that defines Somalia today.