25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Turkiga oo SOOMAALIYA ka taageeraya aqoonsiga…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa shaaciyay in dowladda federaalku xoogga saareyso horumarinta nidaamka socdaalka dalka.

Agaasime Dhuxulow ayaa si gaar ah u tilmaamay kaalinta muuqata ee Turkiga ka qaadanayo aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga.

Mustaf oo wareysi siiyay wakaaladda Anadolu, ayaa sheegay in hay’addu ay fulinayso qorshayaal ballaaran oo lagu kobcinayo xirfadda shaqaalaha iyo lagu adkeynayo nidaamka amniga socdaalka, iyadoo la kaashanayo dalal saaxiib la ah Soomaaliya.

Wuxuu xusay in dalal badan oo reer Yurub ahi muujiyeen diyaar u ahaanshaha iskaashi dhow, hase yeeshee Soomaaliya si gaar ah ugu baahan tahay garabka iyo taageerada Turkiga.

“Waxaan si dhab ah u rajeyneynaa inay nala garab istaagaan, isla markaana na taageeraan dhanka aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga,” ayuu yiri Dhuxulow, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu baasaboorku u leeyahay sumcadda iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka.

Agaasimuhu wuxuu Turkiga ku tilmaamay dal walaal iyo saaxiib dhow, oo mar walba taagnaa garabka Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay in taageeradaasi sii xoogeysato.

Dhuxulow ayaa carabka ku adkeeyay in la labanlaabo iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada socdaalka, tababarka shaqaalaha iyo horumarinta nidaamka aqoonsiga baasaboorka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ka shaqeynaysa horumarinta adeegyada socdaalka, iyadoo la sugayo amniga qaranka. Hay’adda ayaa hirgelisay nidaam casri ah oo ka hortagaya in xubnaha kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish ay dalka uga bixi karin.

Nidaamkan ayaa ka hortagaya in xubnaha xagjirka ah usoo duullaan Soomaaliya, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Nidaamkan oo lagu magacaabo PISCES ayaa si rasmi ah u hirgalay saddex billood ka hor, waxaana taageertay dowladda Mareykanka, sida uu sheegay Agaasime Dhuxulow.

Sidoo kale, Hay’adda ayaa dhawaan ku dhawaaqday hirgelinta adeegga e-VISA, kaas oo si rasmi ah u dhaqan-galay 1-dii bishaan.

Adeeggan ayaa lagu soo dalban karo qaab elektaroonig ah, iyada oo loo marayo mareegta rasmiga ah ee hay’adda. Tani waa tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya ku biirinaysa dalalka isticmaala nidaamka casriga ah ee fiisooyinka elektaroonigga ah.

Itoobiya oo sameysay arrin hadal-heyn ka dhex abuurtay Soomaalida oo la xiriirta…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya oo u dabaal-degaysa furitaanka biyo-xireenkeeda wabiga Nile-ka ayaa sameysay arrin si weyn uga fal-celiyeen Soomaalida.

Arrintan ayaa ah in Itoobiya ay luuqadda Af-Soomaaliga ay qeyb ka dhigtay dabaal-degga biyo-xireenka, iyadoo boggeeda rasmiga kusoo qortay “Hambalyo Itoobiya” kaas oo lasoo raaciyay sawirka biyo-xireenka la furayo.

Dhawaan, furitaanka biyo-xireenkan ayaa waxaa looga dabaal-degay magaalada Garoowe ee maamulka Puntland. Munaasabaddaasi oo ay sol qaban-qaabisay qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe ayaa waxaa maalgelin lacageed uga dhawaaqday Puntland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Puntland, Cabdi Faarax Juxa ayaa shaaciyay in Puntland ay maalgelinta biyo-xireenka ku darsatay lacag dhan $1,000.

Wasiirka ayaa sheegay in biyo-xireenkan uu tusaale u yahay waxa Afrika qabsan karto, wuxuuna tilmaamay in mashruucan uu wax weyn ka tari doono dhaqaalaha iyo horumarka Itoobiya iyo guud ahaan qaaradda.

Tan ayaa maamulka Puntland ka dhigaysa dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si cad u taageera biyo-xireenka Itoobiya, isla markaana ku darsada maalgashi ku darsatay.

Puntland oo muddooyinkii dambe uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyay hoggaanka Dowladda Federaalka ayaa u muuqata inay ku xumaneyso arrintaan xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya la leedahay Masar.

Masar ayaa iyadu qeyb ka noqotay howl-galka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta. Masar ayaa biyo-xireenka ay Itoobiya fureyso u aragta halis ka dhan ah danaha qarankeeda.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay?

Cabdi Gaab: “Xabashidu dadkeeda waa isku wadataa, qolo halkaanana waxay taagan yihiin “ma Banaadir baa cid u baahataba” markaasa misana arkin iyagoo midnimo ka sheekaynaya.”

“Hada Ethiopia ma koronto aya loo donanaya walee marka is qabano wata dansatay,” ayuu yiri Madamed Aadan Gaas.

Xasan Axmed: “Soomaali soo kuma hoos jiraan xukunkooda?!”

Ramadaan Maxamed ayaa isna yiri “Abiy waa nin han leh, waxa kale u haray waa mida badda.”

“Waxba yeysan Af Soomaali ku qoran meesha Itoobiya haday rag tahay Eritrea ha gasho,” ayuu yiri Nuux Maxamuud Xaaji.

“Way mudan yihiin in loo hambalyeeyo, sababto ah riyadii mudo ka badan 70 sano shacabkeeda ku haminayeen bay ku guuleysteen. Hambalyo shacabwaynaha reer Ethiopia,” ayuu yiri Nuuraadin Maxamed oo ka fal-celiyay arrintaan.

Cabdiraxmaan Qadraawi: “Haday ugu dabaal dagayso muwaadiniintoda miyaanay ka mid ahayn Soomaalidu?.”

Cabdi Galaydh: “Itoobiya iyo Masar maanta qofkii caqli leh wuxuu garab istaagayaa Masar.”

“Soomaali waa baylah aan cidna difaacin, marka iyadaaba leh ayaan dhihi karaa, sababtoo ah madaxdii DFS iyagoo jajuubsan ayey hoos fadhiyaan Dr Abiy, maamuladana warkooda daa,” ayuu yiri Bishaar Aadan Jibriil.

Dadweynaha magaalada Muqdisho oo mar kale loo diiwaan galinayo qof iyo cod

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa mar kale maanta magaalada Muqdisho ka bilaabay diiwaangelinta dadweynaha, si ay qayb uga noqdaan qorshaha qof iyo cod ee ay haatan ku howlan tahay Villa Soomaaliya.

Gudddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa shaaciyay inay dib u fureen diiwaangelinta, isaga oo ujeedka ku sheegay in fursad la siinayo xisbiyada cusub ee todobaadkan is diiwaangeliyay, kuwaas oo ay furteen xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta ee la heshiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Diiwaangelinta cusub ayaa socon doonto illaa dhammaanka bishan, waxaana ay ka socotaa dhowr xarumood oo ku yaalla gudaha caasimada.

“9 bishaan ilaa 30 keeda ayaa fureynaa diiwaan galinta si Ururada cusub ee ka diiwaan galiyay u helaan taageerayaal u codeeya” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikarrin Axmed Xasan.

Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in ururada kale ay is diiwaangeliyaan, isla markaasna ay albaadadu u furan yihiin, si ay qayb uga noqdaan doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Sida qorshuhu yahay doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banaadit ayaa qabsoomi doono 30 bisha bisha October ee soo socota, sida uu horay u shaaciyay guddigu.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhawaan ay is diiwaangeliyaan illaa 14 urur siyaasadeed oo ay ku jiraan xisbiyo ay furteen Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyihii hore ee Baalamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Wasiir hore Daahir Maxamuud Geelle, kuwaas oo la heshiiyay Villa Somalia.

Dhinaca kale waxaa weli maqan xubnaha mucaaradka ee uu hoggaaminayo Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo ka biyo diidan qorshaha Villa Somalia, waxaana burburay wada-hadallo la’isla gaaray 5 wareeg oo ay Villa Soomaaliya kula galeen Madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastab ha ahaatee, xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa weli cakiran, waxaana la’isku hayaan cutubka 4aad ee dastuurka ee la beddalay iyo hannaanka doorashada 2026.

DF oo Deni dhex-joojisay laba darran mid dooro kadib markii laga xiray il-dhaqaale

0

Garowe (Caasimada Online)Go’aanka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu ku diiday nidaamka cusub ee fiisaha elektarooniga ah (e-visa) ee dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana u uku sii wado lacag dhan $60 oo laga qaadayo rakaabka ka soo degaya garoomada Puntland, waa isku day lagu muujinayo madaxbannaanida Puntland.

Hase yeeshee, tallaabadan ayaa khatar ugu jirta inay dib uga soo laabato siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo sumcad ahaanba, iyadoo shacabka Puntland iyo qurba-joogtaba ka dhigi karta kuwa kasoo horjeesta maamulkiisa.

Khilaafkan ayaa loo sawiray sidii loollan awood oo u dhexeeya Muqdisho iyo Puntland, balse dhibbanayaasha tooska ah ma aha mas’uuliyiinta federaalka ee waa shacabka caadiga ah ee reer Puntland.

Inta badan rakaabka ka dega Garowe iyo Boosaaso waa qurba-joog Soomaaliyeed oo ku soo laabanaya inay la kulmaan qoysaskooda, maalgelin sameeyaan ama xiriir dib ula yeeshaan dalkooda hooyo. Iyadoo horey loo bixiyay $64 oo fiisaha federaalka ah, haddana lagu khasbayo $60 kale oo Puntland ah, maamulka Deni wuxuu si dhab ah usoo rogay lacag laga qaadayo kuwa daacadda u ah.

Qaar badan waxay ku tilmaameen khibraddaasi mid xanuun leh: safaf dhaadheer oo garoonka ah, lacag labo jeer ah oo la bixiyo, iyo dareen ah in looga faa’iideystay gudaha dalkooda. Halkii ay tallaabadani u abuuri lahayd taageero madaxbannaanida Puntland ah, waxay khatar ugu jirtaa inay dhaliso caro iyo nacayb ka yimaada bulshada taabacsan Puntland.

Qurba-joogta Puntland ma aha oo kaliya astaan—balse waa tiir muhiim ah. Xawaaladaha ay soo diraan ayaa laf-dhabar u ah dakhliga qoysaska, ganacsiyada, iyo xitaa mashaariicda dowladaha hoose. In bulshadan laga fogaado iyadoo lagu soo rogayo lacago ay dad badani ku tilmaameen “ugaarsi” waxay daciifin kartaa xiriirkaas adag.

Haddii qurba-joogta reer Puntland ay u arkaan hoggaanka Garowe mid ka faa’iidaysta xaaladaha halkii uu ka ahaan lahaa mid ilaaliya, cawaaqibka ka dhalan karaa wuxuu dhaafsiisnaan doonaa dhibaatada garoonka oo kaliya. Saameyntooda dhaqaale iyo midda siyaasadeed—oo muhiim u ah xilliyada doorashooyinka iyo ololayaasha horumarineed—waxay ka weecan kartaa maamulka Deni.

Xilliga ay arrintani ku soo aadday ma jiro mid ka waxyeello badan. Muqdisho waxay ku tilmaantay fiisaha elegtarooniga ah ee federaalka “tallaabo taariikhi ah,” iyadoo muujinaysa in Soomaaliya ay tahay dowlad casriyaynaysa oo la jaanqaadaysa heerarka caalamiga ah ee dhijitaalka ah. Markii ay si bareer ah uga horyimaadeen nidaamkan, Puntland waxay halis ugu jirtaa inay u muuqato mid caqabad ku ah horumarka, kana fog hab-dhaqannada caalamiga ah ee ugu wanaagsan.

Sannado badan, Puntland waxay sheegan jirtay inay tahay tusaalaha dowlad-wanaagga iyo xasilloonida Soomaaliya. Dhacdadani waxay wiiqaysaa sheegashadaas, iyadoo maamulka u sawiraysa mid go’doonsan oo aan la socon dareenka iyo dhibaatada haysta muwaadiniintiisa.

Dabin dastuuri ah

Dhinaca sharciga, dastuurka Soomaaliya wuxuu awoodda socdaalka siinayaa dowladda federaalka, ma siinayo dowlad-goboleedyada. Shirkadaha diyaaradaha, oo ku tiirsan oggolaanshaha federaalka si ay u shaqeeyaan, waa inay sidoo kale u hoggaansamaan awaamiirta Muqdisho, maadaama hawada dalka ay hoos timaado maamulka qaranka, ee aysan ahayn mid gobol.

Tani waxay Deni uga tagaysaa laba doorasho oo kaliya: inuu u hoggaansamo nidaamka fiisaha elegtarooniga ah ee federaalka, ama inuu sii wado inuu dadkiisa laba jeer lacag kaga qaado garoonka. Labadan doorasho mid kasta wuxuu kashifayaa xaddiga kooban ee awooddiisa saameynta, wuxuuna halis gelinayaa kalsoonida lagu qabo hoggaankiisa oo sii yaraata.

Ikhtiyaar kale oo saddexaad waa inuu wada-hadal la furaa dowladda federaalka, isaga oo aqbalaya nidaamka e-visa, balse sidoo kale codsanaya in dakhliga ka soo xarooda qeyb laga siiyo, balse taas ma muuqato sababo la xiriira isla weynida Deni.

Waxaa laga yaabaa in dowladda Deni ay damacsanayd inay farriin awoodeed u dirto Muqdisho, laakiin taa beddelkeeda, waxay u muuqataa inay dhibaato u geysatay dadkeeda. Mas’uuliyiinta federaalka waxay hadda haystaan dood fudud oo ay ku hadlaan: diidmada Puntland maaha mid ay ku ilaalinayso muwaadiniinteeda, ee waa mid ay ku ciqaabayso.

Hase yeeshee, halista ugu weyn waa luminta kalsoonida. Haddii shacabka caadiga ah ee reer Puntland iyo qaraabadooda qurba-joogta ah ay aaminaan in loollanka siyaasadeed lagu wado iyagoo kharashkooda la bixinayo, Deni wuxuu halis gelinayaa inuu wiiqo saldhigga taageerada ee uu ku tiirsan yahay si uu u sii haysto awooddiisa.

Wixii loogu talagalay in lagu muujiyo madax-adayg waxay taa beddelkeeda kashifi karaan daciifnimo. Markii uu diiday nidaamka cusub ee fiisaha Soomaaliya, Deni ma uusan ceebayn Muqdisho—wuxuu kasbaday cadowtinimada dadkiisa. Hoggaamiye si weyn ugu tiirsan niyad-wanaagga qurba-joogta iyo taageerada shacabka, xisaabtan-xumadaasi waxay noqon kartaa mid aad uga qaalisan lacagta $60 ee lagu muransan yahay. 

Ciidanka Puntland oo qabtay rag halis ah oo kusoo socday Boosaaso + Sawirro

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada difaaca Puntland ee howlgallada ka wada aagga buuraha Calmiskaad ayaa maanta gacanta kusoo dhigay rag ajaaniib ah oo loo arko halis, kana soo firxaday maleeshiyaadka kooxda Daacish ee lagu jabiyay dagaallada ka socda halkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Howlgalka Calmiskaad ayaa waxaa lagu sheegay in ragga la qabtay oo laba ah ay doonayeen in ay si dhuumaaleysi ah ku galaan magaalada Boosaaso, balse waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka oo ku qabtay aagga togga lagu magacaabo Gaaca oo horay looga xoreeyay maleeshiyaadka Daacish.

“Ciidanku waxay qabteen labo xubnood oo Ajanabi ah kuwaasi oo ka mid ah firxadka Argagixisada Daacish, isla markaasina isku dayayey in ay dhuumasho kusoo galaan Boosaaso, hawlgalka ayaa ka dhacay Togga Gaaca” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka

Sidoo kale, Puntland ayaa sheegtay in ajaaniibta la qabtay ee kasoo jeedaan Itoobiya, ayna kasoo baxeen kooxda Daacish ee looga adkaaday dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in ragga la qabtay ay haatan ku socdaan baaritaanno, waxaana loo gudbiyay taliska qaybta booliska ee gobolka Bari.

“Labada Nin waa Itoobiyaan mid uu waxyar ka yaqaano Soomaaliga, wuxuu sheegay in ay kasoo baxsadeen Argagixisada . Ragan waxaa mid walbo wata bac ay ku jiraan Bariis, Yaanyo shiidshiid, Basal iyo Caagad Biyo ah” ayaa lasii raaciyay qoraalka kasoo baxay taliska howlgalka Calmiskaad.

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Waxaa hadda lagu soo wareejiyay Taliska Qeybta Booliska ee Gobolka Bari. Ciidanka ayaana sii wadaya Hawlgalada ciribtirka Argagixisada Daacish iyo ka hortegista firxadka Argagixisada isku dayaya in ay soo galaan magaalooyinka waaweyn”.

Ciidamada ayaa weli howlgalka sii wada, waxaana ujeedka uu yahay in laga hortago firxadka argagixisada iyo suurtagalnimada weeraro ay kasoo abaabulaan buuraha hoostooda.

Tan iyo marka ay billowdeen howlgallada Calmiskaad, ciidanka Puntland ayaa xoreeyay dhul ballaaran, waxaana sidoo kale ay nolosha ku qabteen xubno ka tirsan kooxda Daacish oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib, waxaana kamid ahaa ajaaniibta soo gacan galay nin kasoo jeeda dalka Turkiga, kaas oo ay horay usoo bandhigtay Puntland.

Mareykanka oo rikoor cusub ka dhigay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa taariikh cusub ka dhigay Soomaaliya, isaga oo sanadkan ka fuliyay duqeymihii cirka ahaa ee ugu badnaa abid mudadii ku dhoweyd 20-ka sano ee uu jiray.

Sida la xaqiijiyay Isniintii, tirada guud ee duqeymaha Taliska AFRICOM ayaa gaartay 72, iyadoo weerarro is-daba-joog ah ay dhaceen intii uu socday howlgal ballaaran oo laba toddobaad qaatay oo ka dhan ahaa dagaalyahannada al-Shabaab.

Howlgalka sanadkan ee ka dhanka ah al-Shabaab iyo faraca kooxda Dowladda Islaamiga ah (Daacish) ee dalka ka howlgala ayaa tirada duqeymaha ee Soomaaliya ka dhigay inay dhaafto rikoorkii hore oo ahaa 63 duqeyn sanadkii 2019. Duqeymahan xooggan ayaan muujineyn wax calaamad oo ah inay gaabinayaan.

War-saxaafadeed uu soo saaray Jimcihii, Taliska AFRICOM wuxuu ku sheegay inuu duqeymo cirka ah fuliyay intii u dhaxeysay 31-kii Agoosto iyo 2-dii Sebteembar, kuwaasoo lala beegsaday Daacish-Soomaaliya, gaar ahaan bartilmaameedyo ku yaalla gobolka Buuraha Golis ee woqooyiga.

Dhanka kale, duqeyntii ugu dambeysay ee uu Taliska AFRICOM ka warbixiyay ee ka dhanka ahayd al-Shabaab waxay dhacday 30-kii Agoosto, meel 25 mayl u jirta magaalada Kismaayo ee koonfurta ku taalla. Gobolkaas Soomaaliya waxa uu ahaa bartilmaameed joogto ah oo ay beegsato AFRICOM.

Khamiistii, ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ee ay iskaashadaan oo ka howlgayay nawaaxiga Kismaayo ayaa lagu soo qaaday weerar madaafiic ah, sida uu Taliska AFRICOM ku sheegay war-saxaafadeed kale oo uu soo saaray Jimcihii.

“Ma jirin wax khasaare dhaawac ama dhimasho ah oo soo gaaray ciidamada Mareykanka ama kuwa saaxiibada la ah weerarkaas, sidoo kalena lama soo sheegin waxyeello soo gaartay saldhigga ama hantida isbaheysiga,” ayuu yiri AFRICOM, isagoo aan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan dhacdadaas.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan waxay hoosta ka xariiqeysaa sida ay ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ku sugan ay mararka qaar isugu arkaan goobaha dagaalka.

Marka laga soo tago duqeymaha cirka ah, howlgalada joogtada ah ee AFRICOM ee Soomaaliya waxaa ka mid ah tababarka iyo la-talinta ciidamada dhulka ee maxalliga ah. Kororka ku yimid duqeymaha cirka ah ayaa sidoo kale ku soo beegmay awaamiir uu bishii Janaayo soo saaray Xoghayaha Difaaca, Pete Hegseth, taasoo awood dheeri ah oo go’aan qaadasho ah oo ku saabsan duqeymaha cirka ah siisay taliyeyaasha AFRICOM.

Toddobaadkii hore, General Dagvin Anderson, oo ah hoggaamiyaha cusub ee taliska fadhigiisu yahay Stuttgart, ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku tagay Soomaaliya isagoo ah madaxa howlgalada milateri ee Mareykanka ee qaaradda.

Magaalada Muqdisho, Anderson wuxuu kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo mas’uuliyiin kale, iyagoo ka wada hadlay halisaha ka imanaya dalka.

Wuxuu sheegay in faracyada Daacish ay ku faafayaan Soomaaliya iyo qeybo kale oo Afrika ka mid ah, halka al-Shabaab ay iskaashi la sameynayaan maleeshiyada Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay Yemen, kuwaasoo ay taageerto Iran.

Al-Shabaab, oo Mareykanku u arko kooxda argagixisada ugu weyn Afrika, ayaa lagu qiyaasaa inay haystaan inta u dhaxeysa 7,000 ilaa 12,000 oo dagaalyahan. Tobannaan sano, waxay ku jireen kacdoon hubeysan oo ka dhan ah dowladda dhexe ee jilicsan ee Soomaaliya, oo ay ciidamadeeda tababaraan Mareykanka.

Anderson wuxuu si gaar ah u iftiimiyay howlgalada ka dhanka ah Daacish-Soomaaliya isagoo tusaale u soo qaatay iskaashiga Mareykanka ee lala yeesho saaxiibada maxalliga ah ee dhulka si loo helo xog sirdoon loona doorto bartilmaameedyada duqeymaha.

“(Intaas waxaa dheer) waxaan awood siinnay saaxiibkeena, oo lahaa rabitaanka ah inuu buurahaas tago, ugaarsado argagixisada, oo uu qabsado dhulka si aysan dib ugu soo laaban karin,” ayuu Anderson ku yiri hadal uu soo saaray.

Bishii Maajo, tirada dagaalyahannada Daacish-Soomaaliya waxay ka korodhay qiyaastii 500 oo dagaalyahan ilaa 1,500 muddo 18 bilood gudahood ah, iyadoo qiyaastii 60% xubnaha kooxda ay ka yimaadeen meel ka baxsan Soomaaliya, sida lagu sheegay xogta AFRICOM.

Somaliland oo codsi u dirtay Finland kadib go’aankii ay ka qaadatay Soomaaliya

0

Helsinki (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan Somaliland oo booqasho ku jooga dalka Finland ayaa ka codsaday dowladda Helsinki inay deeqda horumarinta si toos ah usoo mariso Somaliland, kadib markii Finland ay hakisay maalgelintii ay siin jirtay Soomaaliya sababo la xiriira diidmada aqbalaadda dadka la soo tarxiilayo.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland, Cali Xaamud Jibriil, oo wafdiga hoggaaminayay, ayaa sheegay inay codsadeen in Somaliland la siiyo gargaarka mustaqbalka ee Finland ay horey ugu qorshaysay Soomaaliya. Wuxuu xusay in Finland ay bixisay €54 milyan afartii sano ee la soo dhaafay, balse Somaliland ay heshay qayb aad u yar oo ka mid ah deeqdaas.

“Afartii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya waxay heshay malaayiin, laakiin Somaliland wax yar ayay ka faa’iiday,” ayuu yiri Xaamud. “Hadda annaga ayaa miiska wada-hadalka joogna, Finland-na si dhab ah ayay u tixgelinaysaa codsigeena.”

Finland waxay barnaamijkeeda joojisay kadib markii ay Muqdisho diiday inay aqbasho qaxooti Soomaaliyeed oo Helsinki ay doonaysay inay dib u celiso. “Waxaan u maleynayaa inay caddaalad tahay in maamul aan soo dhoweyneyn muwaadiniintiisa uusan isna helin maalgelin horumarineed,” waxaa sidaas sheegay Wasiirka Horumarinta ee Finland, Ville Tavio.

Warbaahinta dadweynaha ee Yle ayaa sheegtay in Tavio uu soo jeediyay halbeeg ah in ugu yaraan 100 muwaadin Soomaaliyeed la aqbalo celintooda kahor inta aan dib loo soo celin maalgelinta horumarinta. Wuxuu diiday inuu ka hadlo tiradaas isagoo u soo mariyay kaaliyihiisa.

Xaamud wuxuu ku dooday in Somaliland ay keeni karto natiijooyin wanaagsan. “Waxaan u sharraxnay in mashaariicdeena ay ku bilowdaan kuna dhammaadaan waqtigooda,” ayuu yiri. “Finland waxay niyad-jab ka muujisay qaabka ay Soomaaliya u maamusho gargaarka, waxayna sheegtay in horumar intan ka badan la gaari lahaa haddii Somaliland ay ahayd dhinaca deeqda qaata.”

Wafdiga, oo ay ka mid ahaayeen xildhibaannada Xuseen Aadan Cabdi, Barkhad Jaamac Batuun iyo Xasan Axmed Cilmi, ayaa kulamo la yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Finland iyo xildhibaanno Finnish ah oo taageersan qaddiyadda Somaliland.

Dowladda Finland ayaa horey u xaqiijisay in diidmada Soomaaliya ee iskaashiga ku saabsan celinta qaxootiga ay ahayd sababta ugu weyn ee loo hakiyay deeqda. Wafdiga Somaliland ayaa sheegay in aysan doonayn inay aqbalaan qaxooti, aysana arrintaas kala hadlin Helsinki.

Jaaliyadda Soomaalida Finland waxay tiradoodu gaaraysaa qiyaastii 20,000 oo qof, oo ku dhawaad kala bar ay ku nool yihiin nawaaxiga magaalada Helsinki, sida uu sheegay Ururka Soomaalida Finland (Finnish Somali League).

Qiyaastii saddex-meelood labo meel waxay ku dhasheen Finland. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in xiriirka labada dal uu dhinacyada kale ka wanaagsan yahay, dowladduna waxay tilmaantay in hakinta horumarinta la qaadi karo marka uu soo hagaago iskaashiga dib-u-qaabilidda.

 

Xogta wada-hadallo Xasan Sheekh uu ka wado Addis

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa, ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan oo muhiim ah.

Madaxweynaha oo ka qeyb-galayey shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika ayaa kulan doceedyo la qaatay Madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Kenya, Ismaaciil Cumar Geelle iyo William Ruto.

Madaxweynaha ayaa kulamadan uu la qaatay hoggaamiyeyaasha gobolka waxa uu kala hadlay iskaashiga dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale, kulamadan uu Xasan Sheekh la qaatay hoggaamiyeyaasha Jabuuti iyo Kenya ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadda iyo adkaynta xiriirka laba geesoodka ah.

Dalalkan oo ka mid ah kuwa ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee howl-galka nabad-ilaalinta AUSSOM ayaa kulankoodu waxa uu xoojinayaa garab-siinta Dowladda Federaalka, xilli ay dowladdu dooneyso in dib loo abaabulo dagaalka Al-Shabaab oo bilihii dambe uu dib u dhac ku yimid.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in ay xoogga saarayso howl-galada lagu sugayo amniga dalka, si gaar ahna iskaashiga dalalka saaxiibada dhow iyo kuwa deriska ah, maadaama xaaladda amni ee Soomaaliya ay saameyn ku leedahay gobolka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah u aragta horumarinta iskaashiga caalamiga ah, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay khudbad ka jeediyay shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika uu baaq la xiriira arrintan u diray beesha caalamka.

Xasan Sheekh oo Addis Ababa uga dhawaaqay dhismaha hay’adda…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya uu marayo marxaladdii ugu dambeysay.

Dhismaha hay’addan ayaa la horgeyn doona baarlamaanka si loo ansixiyo. Arrintan ayuu Madaxweynaha ku dhawaaqay intii uu socday Shirweynaha Cimilada Afrika ee ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hay’addan cusub loo dhisay si ay ula qabsato nidaamyada iyo habraacyada hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan Hay’adda Caalamiga ah ee Saadaasha Hawada (WMO).

Sida uu sheegay, Soomaaliya waxay fursad u heli doontaa xog cimiladeed oo lagu kalsoonaan karo, taas oo muhiim u ah qorsheynta mustaqbalka, ka digista xaaladaha degdegga ah, iyo ka jawaabidda masiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha iyo fatahaadaha.

Hay’addan cusub ayaa lagu wadaa inay noqoto xudunta howlaha dowladda ee la xiriira saadaasha roobabka iyo duufaannada, la socodka isbeddelka cimilada, taageeridda beeraleyda iyo kalluumeysatada iyo sidoo kale ka qayb-galka barnaamijyada caalamiga ah ee la xiriira ilaalinta deegaanka.

Hoggaamiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhismaha hay’addan uu qeyb ka yahay qorshaha dowladda ee dib loogu dhisayo hay’adaha muhiimka u ah horumarka iyo xasilloonida dalka.

Soomaaliya oo sanad kasta wajahda abaaro iyo fatahaado culus ayaa si gaar ah ugu nugul isbeddelka cimilada. Sida uu madaxweynuhu sheegay, hay’addan cusub waxay gacan ka geysan doontaa yareynta saameynta masiibooyinkaas iyo dhisidda awood qaran oo wax ka qabata khataraha deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu ku tilmaamay sameynta Hay’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya tallaabo istaraatiiji ah oo horseedi doonta in bulshada Soomaaliyeed lagu wacyi-geliyo khataraha cimilada, isla markaana dalka loo diyaariyo qorshe horumarineed oo waara, haddii Baarlamaanku ansixiyo.

Fiqi oo u jawaabay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya kadib weerarkii uu shalay qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay weerar si caro leh uu safiirka Itoobiya ee Muqdisho ugu qaaday ururka Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya xubin ka tahay.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo qoraal jawaab ah soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter), ayaa sheegay in hadafka ugu weyn ee ururka Jaamacadda Carabta uu yahay xoojinta xiriirka dalalka xubnaha ka ah iyo iskaashiga ka dhaxeeya, si loo ilaaliyo madax-bannaanidooda.

Jawaabtan oo u muuqata mid dabacsan ayaa sidoo kalena wasiirku ugu caqli celinayaa safiirka Itoobiya oo maalmihii dambe ka soo yeerayay hadallo muujinaya rabitaannada guracan ee Itoobiya.

“Soomaaliya waa xubin muhiim ah oo ka tirsan Jaamacadda Carabta, waxayna uga mahadcelinaysaa taageerada joogtada ah ee ay siisay Soomaaliya iyo dadaallada dhismaha dowladnimo,” ayuu Fiqi ku yiri qoraalkiisa.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku yiri: “Ujeeddada ugu weyn ee Jaamacadda ayaa ah in ay xoojiso xiriirka ka dhexeeya dalalka xubnaha ka ah, isla markaana ay isku duwo wada-shaqeynta ka dhexeysa, si ay u ilaaliyaan madaxbannaanidooda.”

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Suleiman Dedefo ayaa shalay weerar culus ku qaaday ururka Jaamacadda Carabta, isaga oo ku eedeeyay inuu noqday aalad u adeegta siyaasadda arrimaha dibadda ee Masar, halkii uu ka wajihi lahaa dhibaatooyinka ka dhex jira xubnihiisa.

Dedefo oo baraha bulshada ku qoray qoraallo si toos ah u weeraray Jaamacadda Carabta, ayaa ku dhaliilay ururka inuu si joogto ah uga soo horjeedo Itoobiya sababo la xiriira isticmaalka Webiga Nile, isaga oo indhaha ka qarsanaya colaadaha, barakaca iyo macluusha ka jirta dalalka Carabta.

“Runtii Jaamacadda Carabta ma mid u taagan dalalka Carabta baa mise waa jaamacad fulisa siyaasadda Masar ee ka dhanka ah Itoobiya?” ayuu yiri, isagoo ku dooday in ururku “si xun isu kashifay oo aanu matalin dalalka kale ee Carabta.”

Hadalladan ayaa daba socday bayaan kasoo baxay Jaamacadda Carabta oo lagu cambaareeyay Itoobiya oo ku sii adkaysanaysa dhismaha biyo-xireenka weyn ee horumarka Itoobiya (Grand Ethiopian Renaissance Dam), iyadoo aan la gaarin heshiis sharci ah oo lagu wadaagayo biyaha.

Qaahira waxay muddo dheer ku doodaysay in biyo-xireenku uu halis ku yahay sugnaanteeda biyaha, halka Addis Ababa ay ku adkaysanayso inay isticmaalayso xaqa ay u leedahay madax-bannaanideeda ee ka faa’iidaysiga kheyraadkeeda.

Dedefo wuxuu meesha ka saaray welwelka Masar, isagoo ku tilmaamay “mid aan sal iyo raad toona lahayn,” wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay sii wadi doonto dhismaha biyo-xireenno cusub mustaqbalka.

“Hoggaamiyayaasha Masar waa inay qirtaan in riyadooda aan dhammaan ee carqaladeynta Itoobiya aysan waligeed hirgeli doonin, isla markaana ay ku noqdaan wada-shaqeyn faa’iido u leh shacabka labada dal,” ayuu ku gooddiyay.

Google oo beddeshay khariidadda ay sheegan jirtay Somaliland kadib Waqooyi Bari

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Shirkadda Google Maps ayaa dib u habeyn ku samaysay khariidadda waqooyiga Soomaaliya, iyadoo beddeshay soohdintii ballaarnayd ee Somaliland ay sheegan jirtay si looga saaro gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn, tallaabo muujinaysa isbeddelka siyaasadeed ee ka dhashay aasaaskii maamul-goboleedka cusub ee Waqooyi-Bari.

Somaliland waxay tobannaan sano isku muujinaysay jamhuuriyad iskeed u madaxbannaan, iyadoo sheegashadeeda ku salaynaysay xuduudihii maxmiyaddii hore ee Ingiriiska. Dhulka ay ku dhawaaqday wuxuu ka soo fidayay xadka galbeed ee Jabuuti ilaa magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo ee bariga — kuwaas oo ah deegaanno ay si adag ugula loollamayeen maamulka Puntland iyo dawladda federaalka ah ee Muqdisho.

Sidoo kale, Google wuxuu muddo dheer xuduudaha Somaliland ku sawirayay xariiqmo googo’an — taasoo ah calaamad khariidadeed oo muujinaysa dhul lagu muransan yahay, balse aan ahayn aqoonsi madaxbannaani. Laakiin, soo bixitaankii Maamul-goboleedka Waqooyi-Bari, xitaa bedkaas xariiqmaha googo’an lahaa ayaa hadda yaraaday.

Isbeddelkan khariidadda ah wuxuu daba socdaa sannad colaadeed oo aad u weyn. Bishii Febraayo 2023, odayaasha Laascaanood waxay ku dhawaaqeen inaysan mar dambe aqbali doonin maamulka Hargeysa, waxayna baayacadooda u ballanqaadeen Muqdisho.

Waxaa xigay bilo dagaallo qaraar ah oo dhex maray ciidammada Somaliland iyo maleeshiyaad deegaanka ah, kuwaasoo sababay dhimashada boqollaal qof iyo barakaca tobannaan kun oo kale. Markii la gaaray bishii Agoosto 2023, ciidanka Somaliland ayaa gebi ahaanba laga saaray gobolka Sool.

“Waa markii ugu horreysay ee madal caalami ah ay ka tarjunto xaqiiqada siyaasadeed ee dhulka jirta,” ayuu yiri Axmed Xuseen, falanqeeye siyaasadeed oo ku sugan Muqdisho. “Waxay muujinaysaa in sheegashada Somaliland aysan kaliya ku burburin dhanka dagaalka, balse ay sidoo kale ku fashilmayso fahamka caalamka.”

Colaaddaas waxaa ka dhashay maamul cusub. Bartamihii 2025, dawladda federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u dhameystirtay Maamul-goboleedka Waqooyi-Bari, iyadoo gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn kusoo dartay nidaamka federaalka ee dalka.

30-kii Agoosto, xildhibaannada Laascaanood ayaa doorasho taariikhi ah u doortay Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, oo loo yaqaan Firdhiye, inuu noqdo madaxweynahoodii ugu horreeyay. Guushaas waxay sii xaqiijisay isbeddelka maamulka Waqooyi-Bari oo ka soo gudbay maamul kumeelgaar ah kuna noqday dawlad-goboleedkii ugu dambeeyay ee ku biira Soomaaliya.

Muqdisho, waxay arrintani u ahayd guul istiraatiiji ah — iyadoo xoojinaysa aragtida federaaliga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana wiiqaysa sheegashada gooni-isu-taagga ee Somaliland.

Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, waxay dhisatay hay’ado dowladeed oo iskeed ah muddo soddon sano ka badan. Waxay leedahay ciidan u gaar ah, lacag iyo nidaam dowladeed, waxayna muddo dheer raadinaysay aqoonsi caalami ah. Hase yeeshee, ma jiro dal si rasmi ah u aqoonsaday madax-bannaanideeda, waxaana luminta Sool, Sanaag iyo Cayn ay dhul ahaan iyo siyaasad ahaanba ka yareysay awooddii ay ku andacoon jirtay.

“Albaabku si dhaqso ah ayuu ugu xirmayaa Somaliland,” ayuu yiri diblomaasi gobolka ah oo ku sugan Nairobi. “Khariidaduhu waa muhiim. Waxay qaabeeyaan sida dunidu kuu aragto. Marka dunidu joojiso inay kuu sawirto sida aad rabto, way adkaanaysaa inaad sii waddo mala-awaalka siyaasadeed. Xaqiiqadu waa qaraar tahay.”

Saamaynta isbeddelka Google ma ahan mid juqraafi oo kaliya, balse sidoo kale waa mid astaan ah. Hoggaamiyeyaasha Somaliland ee Hargeysa, waxay uga dhigan tahay inay lumiyeen muuqaalkoodii mid ka mid ah baraha khariidadaha ee dunida ugu isticmaalka badan. Halka markii hore Somaliland ay khariidadaha kaga soo muuqan jirtay iyadoo gaarsiisan gudaha Waqooyi-Bari, maanta soohdinteedu si muuqata ayay u yaraatay.

Muqdisho, isbeddelka waxaa loo arkaa mid soo daahay. “Somaliland waxay ku nooleyd khariidadda,” ayuu qoray faalleeye Axmed Xuseen. “Haddase khariidaddii ayaa iyaga ka soo horjeesatay.”

Iyadoo Maamul-goboleedka Waqooyi-Bari uu booskiisii ka galayo nidaamka federaalka ee jilicsan ee Soomaaliya, aragtida caalamiga ah ee laga qabo Somaliland way isbeddelaysaa. Loollanka loogu jiro aqoonsigu wuu sii soconayaa, laakiin xaqiiqada khariidaddu way caddahay: Somaliland way sii yaraanaysaa, dhul ahaan iyo aragtida dunida intaba.

 

 

Puntland oo ku dhawaaqday inay $1,000 ku darsaneyso biyo-xireenka Itoobiya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in qadar lacageed ay si rasmi ah ugu darsatay maalgelinta biyo-xireenka Itoobiya, kaas oo xalay looga dabaal-degay magaalada Garoowe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Puntland, Cabdi Faarax Juxa ayaa shaaciyay in Puntland ay maalgelinta biyo-xireenka ku darsatay lacag dhan $1,000.

Wasiirka ayaa sheegay in biyo-xireenkan uu tusaale u yahay waxa Afrika qabsan karto, wuxuuna tilmaamay in mashruucan uu wax weyn ka tari doono dhaqaalaha iyo horumarka Itoobiya iyo guud ahaan qaaradda.

“Waxaan bogaadineynaa biyo-xireenka ay Itoobiya dhistay dhowaan la daah furi doono. Waa arrin weyn oo tusaale u ah waxa Afrika qabsan karto. Waxaan rajeynaynaa in koronto qiimo jaban ah ay na soo gaarto, waana mashruuc mudan in la taageero, anigu waxaa gatay 1,000 doollar share ah,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.

Deeqdan lacageed ayuu ku tilmaamay mid astaan u ah in dadku ay si wadajir ah mustaqbalka uga qeyb qaataan maalgashiyada waaweyn.

Tan ayaa maamulka Puntland ka dhigaysa dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si cad u taageera biyo-xireenka Itoobiya, isla markaana ku darsada maalgashi.

Puntland oo muddooyinkii dambe uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyay hoggaanka Dowladda Federaalka ayaa u muuqata inay ku xumaneyso arrintaan xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya la leedahay Masar.

Masar ayaa iyadu qeyb ka noqotay howl-galka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta. Masar ayaa biyo-xireenka ay Itoobiya fureyso u aragta halis ka dhan ah danaha qarankeeda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay tahay inay isku dheelitirto xiriirka labada dal ee uu ka dhexeeyo khilaaf siyaasadeed, ayaa si dhow indhaha loogu hayaa sida ay u wajihi doonto arrintaan.

Si kastaba, biyo-xireenka Itoobiya oo lagu dhisay lagu sheegay in ka badan $4 bilyan ayaa noqonaya midkii ugu weynaa ee Itoobiya laga fuliyo, iyadoo la filayo inuu soo saaro tamar koronto oo gaarta guud ahaan Itoobiya iyo dalalka deriska ah.

Dowladda Soomaaliya oo hirgelisay nidaam aysan dalka uga bixi karin xubnaha…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hirgelisay nidaam casri ah oo ka hortagaya in xubnaha kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish ay dalka uga bixi karin.

Nidaamkan ayaa sidoo kale ka hortagaya in xubnaha xagjirka ah usoo duullaan Soomaaliya, sida uu Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow u sheegay wakaallada Anadolu ee dalka Turkiga.

Nidaamkan oo lagu magacaabo PISCES ayaa si rasmi ah u hirgalay saddex billood ka hor, waxaana taageertay dowladda Mareykanka, sida uu sheegay Agaasime Dhuxulow.

“Saddex bilood ka hor ayaan hirgalinay nidaamka PISCES, oo Mareykanku taageeeayo. Nidaamkan ayaa xaqiijinaya in aan qofna dalka uga bixin ama ugu soo gelin iyadoo aanay jirin diiwaan rasmi ah,” ayuu Dhuxulow u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Agaasimaha ayaa tilmaamay inay heshiis la galeen Interpol, si loo adeegsado liiska kormeerka caalamiga ah. Hay’adda ayaa sidoo kale xiriir dhow la’leh dalal ay ka mid yihiin UK, Jarmalka, Switzerland, Norway iyo Finland.

Dalalkan ayaa hay’adda socdaalka Soomaaliya u ballan-qaaday sii xoojinta iskaashiga dhinaca socdaalka iyo amniga, sida uu xusay agaasimaha.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ka shaqeynaysa horumarinta adeegyada socdaalka, iyadoo la sugayo amniga qaranka. Hay’adda ayaa dhawaan ku dhawaaqday hirgelinta adeegga e-VISA, kaas oo si rasmi ah u dhaqan-galay 1-dii bishaan.

Adeeggan ayaa lagu soo dalban karo qaab elektaroonig ah, iyada oo loo marayo mareegta rasmiga ah ee hay’adda. Tani waa tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya ku biirinaysa dalalka isticmaala nidaamka casriga ah ee fiisooyinka elektaroonigga ah.

PUNTLAND: Walaalkeenna koowaad waa Itoobiya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Jeneraal Saciid Dheere oo kamid ah saraakiisha ugu darajada sarreysa Puntland oo xalay ka qayb-galay munaasabad loogu dabaal-degay biyo-xireenka Itoobiya ay ka sameysay wabiga Nile-ka oo ka dhacday Garoowe ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiriirka Itoobiya, isaga oo sheegay inay tahay walaalka koowaad ee ay haysato Puntland.

Saciid Dheere oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay abaal ku leedahay Soomaaliya, isla markaana markii uu ku dhacay burburka ay garab istaag u muujisay, si mar kale ay cagaheeda ugu istaagto.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dowladnimada Soomaaliya ee maanta la haysto ay saldhig u tahay Itoobiya, laakiin ay jiraan dad cadaawad dhex dhigaya labada dal, sida uu hadalka u dhigay.

“Waalaha iyaga Itoobiya ayaa Ilaahey ka sokow suurtageliyay dib u qabashada Soomaaliya, dadka sida qaldan u dhigaya oo Itoobiya cadowtinimo u abuuraya ha ogaadaano dowladnimada maanta la haysto iyagaa saldhig u ah” ayuu yiri Jeneraal Saciid Dheere.

Jeneraalka ayaa xusay in dowladda itoobiya ay qalab iyo awoodba ku garab istaagtay Soomaaliya, ayna hirgalisay dowlanimada maanta, sida uu ku sheegay khudbaddiisa.

“Sababta waxaa waayay awoodooda ayaan wax ku qabanay iyo teyna baan isu gaysanay, kadibna waa ku guuleysanaya” ayuu mar kale yiri Jeneraalku.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Soomaaliya hadii haddii uu aqli talinay waalalaha koowaad ee aan leenahay Itoobiya, annagana haddii aan nahay reer Puntland walaalka sii koowaad waa Itoobiya”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan Puntland uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo hoggaanka Dowladda Federaalka, waxaana ay u muuqataa in dabaal-degga biyo xireenka wabiga Nile ee lagu qabtay Garoowe iyo hadalkan ay ku xumaynayso xiriirka wanaagsan ee haatan Soomaaliya la leedahay Masar.

Dowladda Masar ayaa iyadu qeyb ka noqotay howl-galka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta. Masar, waxaana biyo-xireenka ay Itoobiya fureyso u aragtaa halis ka dhan ah danaha qarankeeda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay tahay inay isku dheelitirto xiriirka labada dal ee uu ka dhexeeyo khilaafka siyaasadeed, ayaa si dhow indhaha loogu hayaa sida ay u wajihi doonto arrintaan.

Si kastaba, Masar ayaa muddo dheer kasoo horjeedday biyo-xireenka, sababo la xiriira walaac ay ka qabto inuu yareyn karo saamigeeda biyaha Wabiga Nile.

Muxuu Xasan Sheekh kaga hadlay shirka Addis Ababa?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda iskaashiga heer Afrika ee xal-u-helidda dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada.

Xasan Sheekh ayaa dul istaagay tallaabooyinka ay dowladda Soomaaliya qaadday si loo xakameeyo saameynta isbeddelka cimilada, kuwaas oo ay ka mid tahay soo gudbinta qorshaha qaran ee NDC.

Qorshahan ayuu sheegay in kor loogu qaadayo adkaysiga deegaanka, hirgelinta ololaha caagaraynta oo lagu beerayo 10 milyan oo geed iyo sameynta Sanduuqa Qaran ee Cimilada.

“Soomaaliya door yar ayay ku leedahay asbaabaha keena isbeddelka cimilada, balse waxaan ka mid nahay dalalka ugu nugul dhibaatadeeda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray “Abaartii ugu xumeyd afartankii sano ee la soo dhaafay ayaa saamaysay 7.8 milyan oo qof, taas oo sababtay barakac iyo dhibaatooyin dhaqaale”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay beesha caalamka in la horumariyo iskaashiga wadajirka ah ee lagaga hortagayo isbeddelka cimilada iyo in shirkan ay ka soo baxaan tallaabooyin dhaxalgal ah oo heer qaaradeed ah.

Saameynta beesha caalamka ee Somalia oo isbedel ku yimid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saameynta beesha caalamka ee gudaha Soomaaliya, gaar wakiilada ku sugan xerada Xalane ayaa hoos u dhac ku yimid, sida ay muujiyeen xubno ka tirsan mucaaradka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah hoggaamiye mucaarad ah ayaa qiray in kaalinta beesha caalamka ay sannadihii la soo dhaafay isbeddeshay, isla markaana ay maanta badankoodna indhaha ka daawanayaan arrimaha ka taagan Soomaaliya, oo ugu horreeyo khilaafka siyaasiga ah.

Warsame ayaa aaminsan in Soomaaliya aysan weli gaarin heer ay si buuxda u xalisato arrimaheeda, isagoo muujiyay muhiimadda sii jiritaanka ee beesha caalamka iyo sida lama huraan u tahay ilaalinta dheellitirka arrimaha Soomaaliya.

“Anigu ma aaminsani in Soomaalidu weli gaareen heer ay si madax-bannaan arrimahooda u xallin karaan. Sidoo kale, ma u malaynayo in hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee maanta ay gaarsiisan yihiin heerkii kuwii ka horreeyay,” ayuu yiri Warsame oo ka qeyb-galay dood siyaasadeed oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Waxa uu intaas kusii daray “Kaalinta beesha caalamku sannadihii la soo dhaafay wey is-beddeshay, mararka qaar waxay aheyd ciyaartooy garoonka ku jira, mararka qaarna garsoore bannaanka ka xukuma, maantana badankood waa daawadayaal.”

Warsame ayaa si cad u sheegay in si toos ah ula xiriiran wakiilada beesha caalamka, marka ay dacwada ka yihiin dowladda, si ay xayndaabka ugu celiso hoggaanka tallada haya.

“Mucaaradka iyo dowladda federaalka labaduba si joogto ah ayey ula kulmaan xubnaha loo yaqaan QM, Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub,” ayuu yiri Cabdiraxmaan, oo sheegay in dhinacyadan ay saameyn ku leeyihiin arrimaha doorashooyinka, iyadoo ku xiran hadba heerka saameyntooda.

“Beesha caalamku weli waa lama huraan, loo baahan yahay kaalintooda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Si kastaba, khilaafka doorashooyinka oo inta badan aysan heshiis rasmi ah ka gaarin siyaasiyiinta Soomaalida ayaa waxaa awood socodsiin ku leh beesha caalamka oo ayadu dhaqaale badan uga baxo dowladnimada Soomaaliya.

Midowga Yurub oo soo faro-geliyay xiisadda ka taagan dastuurka dalka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka cusub ee Midowga Yurub ee Soomaaliya Francesca Di Mauro iyo ku xigeenkeeda Karin Gatt-Rutter ayaa waxa ay ka wada-hadleen arrimo ku aadan dastuurka oo ay ka taagan tahay dood xooggan.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha ayaa labada dhinac waxa ay diiradda ku saareen xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhexeysa Baarlamaanka iyo Midowga Yurub, gaar ahaan arrimaha la xiriira dib-u-eegista dastuurka iyo shuruucda muhiimka ah ee hortaalla Golaha Shacabka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo madasha ka hadlay ayaa safiirka cusub ee Midowga Yurub warbixin guud ka siiyay arrimaha dib-u-eegista dastuurka, qodobada ka harsan iyo sidoo kale shuruucda kale ee dhammeystirka dowlad dhiska muhiimka u ah.

Aadan Madoobe ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed ay rajo weyn ka qabaan dowladooda iyo Baarlamaanka, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo dastuur dhammeystiran iyo shuruuc waxtar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhankeeda Danjire Francesca Di Mauro ayaa guddoomiyaha uga mahadcelisay soo dhaweyntiisa diirran, waxayna bogaadisay dadaallada Golaha Shacabka ee ku aaddan ansixinta shuruucda muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya, si horay loogu sii wado horumarrada socda.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka iyo Golaha Shacabka, si loo sii xoojiyo taageerada siyaasadeed iyo tan farsamo intaba.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Villa Somalia iyo mucaaradka, taas oo ka dhalatay wax ka beddalka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.

Guddoomiyihii degmada Kaaraan oo xilka laga qaaday iyo mid kale oo la magacaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo wareegto soo saaray ayaa maanta xilka ka qaaday guddoomiyihii degmada Kaaraan Faarax Cadaani Maxamed, isaga oo u magacaabay guddoomiye cusub.

Muungaab ayaa guddoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan u magacaabay Mudane Maxamuud Cabdullaahi Cumar oo la faray inuu si deg-deg ah ula wareego xilka.

Sidoo kale duqa Muqdisho ayaa guddoomiyaha cusub ayaa kula dardaarmay in uu mudnaan siiyo Harumarinta Degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah.

Xilka qaadista guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa dhalisay fal-celin xooggan, iyada oo Faarax Cadaani si aad ah loogu amaanay shaqadii uu ka qabtay degmada Kaaraan oo ay ugu horreyso xagga bilicda, dhismaha jidadka iyo ammaanka guud ee degmada.

Horay Muungaab ayaan sidaan oo kale xilalkii uga qaaday guddoomiyeyaal degmo, isaga oo soo magacaabay kuwa kale oo cusub, waxaana ugu dambeeyay guddoomiyihii degmada Daarusalaam oo lagu beddalay Mire Salaad Dhuxulow oo isna horay loogasoo  qaaday xilka guddoomiyaha degmada Heliwaa oo uu haayay muddo afar sano oo xiriir ah.

Isbeddellladan ayaa qayb ka ah tallaabooyin dheeraad ah oo uu wado Muungaab, waxaana tan markii la magacaabay xilalkii uu ka qaaday madaxdii ugu badneyd ee gobolka Banaadir.

Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa muddooyinka si dardar leh u shaqeynayey, waxaana lagu tilmaamay nin aad u garanaya shaqada loo dhiibay iyo hoggaaminta gobolka.

Waxaa kale oo intaas usii dheer dhismaha waddooyinka iyo bilic soo celinta caasimada oo uu u qaaday tallaabooyinkii loo baahnaa, tan iyo markii uu yimid xafiiska.

Xasan Sheekh oo ay haysato laba daran mid dooro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan Addis Ababa ayaa waxaa haysato laba daran mid dooro, maadaama beri ay dhaceyso munaasabadda biyo xireenka oo ay si weyn isugu hayaan waddamada Itoobiya iyo Masar oo labaduba haatan saaxib la ah Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qorshuhu yahay inuu ka qayb-galo munaasabadda, maadaama uu hadda Addis Ababa u joogo shirka cimilada ee Afrika, iyada oo su’aallo badan oo walaacooda leh laga keenay arintaasi.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in Masar ay u aragto ka qayb-galka Soomaaliya ee biyo xireenka inay ku abaal dhacday, maadaama ay si wayn u garab istaagtay xilligii ay Itoobiya soo damaacisay badda.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Dowladda Federaalka ay hortaallo doorasho adag, lagana rabo inay ciyaarto istiraatiijiyad diblomaasiyadeed oo ku aadan labada dal.

“Soomaaliya waxaa horyaalla kala doorashooyin adag, diblomaasiyaduna waa istiraatiijiyada ay dawladi awooddeeda iskugu aaddiso iyadoo ku xisaabtamaysa waqtiga iyo masaaxada ay haysato si ay ugu baxsato imtixaanka lagu tijaabanayo tabarteeda” ayuu yiri Xildhibaanka.

Waxaa kale oo eedeyn u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu tilmaamay inuu kaligiis isku soo koobay siyaasadda arrimaha dibada, taasina ay leedahay khatarteeda.

“Su’aashu waxay tahay qof kaligii ma isku keeni karaa in uu qeexo hadafkii siyaasadda arrimaha dibadda, dejinta istiraatiijiyadii iyo qorshe hawleedkii, iyo xirfadii, iyo kartidii lagu fulin lahaa? !!. ayuu mar kale yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-

Maalin aan dheerayn wafdiyo dalalka Suudaan iyo Imaaraad ka socda ayaa Madaxwehnuhu laba maalin oo isku xigta qaabilay. Maantana wuxuu bartanka ka taagan yahay loollanka Masar iyo Itoobiya.

Ka  qaybgalka xaflada furitaanka biya xireenka Itoobiya ee Madaxweynaha beri u qorshaysan, Masar waxay u aragtaa halis amni qaran, waxayna u haystaa in ay Soomaaliya ka abaaldhacday, maadaama ay si wayn u garab istaagtay xilligii ay Itoobiya soo damaacisay badda Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa horyaalla kala doorashooyin adag, diblomaasiyaduna waa istiraatiijiyada ay dawladi awooddeeda iskugu aaddiso iyadoo ku xisaabtamaysa waqtiga iyo masaaxada ay haysato si ay ugu baxsato imtixaanka lagu tijaabanayo tabarteeda.

Taasi macnaheeda maaha in aad is dhiibto, mana ahan in har qabow harsanayso. Waxaa lagama maarmaan ah in aad la timaado xeelad iyo istiraatijiyad xirfad, aqoon iyo waaya aragnimo ku dhisan, si aad dalkaada kaga badbaadiso cadaadiska iyo loollanka dowladaha danahoodu is diidayaan.

Ayaandaridase waxay tahay in siyaasadii arrimaha debeda iyo jaangoynta danaha amniga qaranka uu Madaxweynuhu kaligii jeebka ku sito. Waxaana taas caddayn u ah in wasaaradaha, talisyada ciidanka, hay’adaha sirdoonka iyo difaaca, guddiyada labada aqal ee Baarlamaanka aysan wax talo ah ku lahayn siyaasadda arrimaha dibadda, mana jiro waaya-arag, khubarro iyo aqoonyahan wax laga waydiiyo.

Wafdi kasta ee dalka yimaada,heerkuu doono ha ahaadee, Madaxweynaha ayaa qaabila, waxaana caado u ah in Markii uu kulanka gebogebo yahay uu wasiirrada, iyo taliyayaasha sirdoonka dibadda iskaga saaro.

Waxaa dhaca in agaasime sirdoon iyo wasiir arrimo dibadeed dibada looga saaro kulamo uu Madaxweynaha la qaadanayey rag dhigooda ah, ama ka daraja hooseeya. Tiro ma laha safiirrada laga reebo kulamo uu Madaxweynuhu ku yeelanayo dalalka ay danjirayaasha ka yihiin.

Su’aashu waxay tahay qof kaligii ma isku keeni karaa in uu qeexo hadafkii siyaasadda arrimaha dibadda, dejinta istiraatiijiyadii iyo qorshe hawleedkii, iyo xirfadii, iyo kartidii lagu fulin lahaa?!!.

ROOBOW oo sameeyay arrin ay neceb yihiin Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka.

Wasiirka ayaa ugu horreyn la waydiiyay sababta uu u tegi la’yahay furimaha dagaalka, si uu u dhiirogeliyo ciidamada, waxaana uu sheegay in dagaalka uu ku jiro welina uu haysto qoray iyo booshash oo ay u yaallaan xafiiska, ayna ka go’an tahay la dagaallanka Khawaarijta.

Roobow ayaa sidoo kale intaasi ku daray in hadda uu u xilsaaran yahay arrin kale oo dagaalka ka muhiimsan, ayna neceb yihiin Al-Shabaab, taas oo uu ku sheegay isku keenidda culimada, si dhanka fikirka ay ugala dagaalamaan kooxaha Khawaarijta.

“Horta waxaa fiicneyd inaad xafiiska iigu timaado, haddana waa sii mareynaa qorayga iyo booshka hadda ayaan wataa miiska ayay ii hoos yaallaan maba dhigo waan wataa, tan kalena dagaalka xabad la rido oo kalya ma’ahan nimankaas ciidan xabadeeya waxa ay ka neceb yihiin culumo in la’isugu keeno oo ay wax dhahaan ayaa uga daran” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Culimada Soomaaliyeed iyo wasaaradda oo iskaashanaya qaytaas oo dhan ayay ku aadan yihiin waa dhufeys wayn oo aan sahlaneyn”.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay inuu diyaar u yahay in dagaalka uu galo, haddii ay dowadda Soomaaliyeed u dirto furimaha hore ee dagaalka, si loo garab istaago ciidanka.

“Wasiiradu waa askar oo kale meesha loo diro uunbey aadayaan marka haddii saaka la’i diro oo la’i yiraahdo meeshaa aad iyadana diyaar aan u ahay” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa ah nin fahamsan Al-Shabaab oo uu horay uga mid ahaa hoggaamiyeyaashooda, wuxuuna inta aanu kasoo goosan kula dagaalamay qaybo kamid ah gobolka Bakool oo uu muddo ku go’doonsanaa, kadibna wuxuu isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa haatan si xooggan uga socda dalka, waxaana socda guluf ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah, kaas oo ka socda meelo kala duwan oo kamid ah gudaha dalka.