25.3 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Caro ka taagan Talyaaniga kadib arrin Trump uu sheegay in ay dhex-martay Meloni

Rome (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa si kulul ugu jawaabtay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kadib markii uu sheegay in ay “ka tuugtay” inuu sawir kula galo shirkii dalalka G7, hadal ay Meloni ku tilmaantay mid gebi ahaanba la dhoodhoobay.

Meloni, oo muddo hore loo arkayay inay ka mid tahay hoggaamiyeyaasha Yurub ee ugu dhow Trump, ayaa sheegtay inay aad uga yaabtay hadalka madaxweynaha Mareykanka, kaas oo ay ku sheegtay “mid aan waxba ka jirin.”

Waxay sidoo kale Trump ku dhaliishay inuu si ka ixtiraam badan ula dhaqmo madaxda ay reer Galbeedku u arkaan cadowgooda, marka loo eego sida uu ula dhaqmo xulafada soo jireenka ah ee Mareykanka.

Hadalka Trump ayaa dhaliyay caro xooggan oo ka dhex dhalatay dowladda Talyaaniga, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Antonio Tajani uu ku dhawaaqay inuu baajiyay safar uu toddobaadka soo socda ku tagi lahaa Mareykanka.

Xiisaddan cusub ayaa muujineysa hoos u dhac weyn oo ku yimid xiriirka Trump iyo Meloni, maalmo kaddib markii shirkii G7 ee ka dhacay Faransiiska ay muuqdeen calaamado muujinayay in labada hoggaamiye ee midigta u janjeera ay dejinayeen khilaaf hore uga dhex jiray, gaar ahaan xiisadaha ka dhashay dagaalka Iran.

Muuqaal laga duubay shirka ayaa muujiyay Meloni iyo Trump oo si dhow u wada sheekeysanaya, iyagoo dhinac fadhiya kursi yar. Hase yeeshee, Trump ayaa wareysi uu siiyay telefishinka La7 ee Talyaaniga ku sheegay inuu kaliya u sameeyay tixgelin.

“Waxay u badan tahay inay ku faraxsan tahay inaan la hadlay. Qasab iguma aheyn inaan la hadlo,” ayuu Trump yiri, sida uu baahiyay telefishinka La7, oo sheegay in madaxweynaha Mareykanka laftiisu uu wariyaha wax ka weydiiyay ra’iisul wasaaraha Talyaaniga.

Trump ayaa intaas ku daray: “Waxay iga bariday inaan sawir la galo. Aad bay u dooneysay sawir ay ila gasho. Ma aanan qaadeen sawirka, balse waan u naxay.”

Telefishinka La7 ma uusan baahin codka asalka ah ee Trump, balse wuxuu soo bandhigay nooc cod lagu dul turjumay.

Meloni ayaa jawaab adag ka bixisay hadalkaas, iyadoo tiri: “Hadalka Donald Trump waa mid gebi ahaanba la sameeyay. Runtii aad baan ula yaabay. Ma garanayo sababta Madaxweynaha Mareykanka uu sidan ugula dhaqmo xulafadiisa; mana ahan markii ugu horreysay.”

“Waxaan kaliya dhihi karaa waa arrin niyad-jab leh inuusan adkeyn la mid ah u muujin cadowga reer Galbeedka iyo Mareykanka, kuwaas oo madaxdoooda uu ula dhaqmo dulqaad ka badan kan uu u muujiyo xulafada,” ayay tiri Meloni.

Waxay intaas ku dartay: “Hal arrin waa inuu xusuustaa: aniga iyo Talyaaniguba waligeen ma barinno cidna.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Antonio Tajani ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in hadalka Trump uu ahaa mid “culus oo gef ah,” isla markaana uu ku yahay meel ka dhac dhammaan Talyaaniga.

“Erayada culus ee gefka ah ee Madaxweyne Trump ka sheegay Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni waxay dhaawacayaan Talyaaniga oo dhan,” ayuu yiri Tajani, isagoo ku dhawaaqay inuu baajiyay safarkiisii Mareykanka.

Mid ka mid ah saraakiisha ugu dhow Meloni ayaa isna si aan hore looga baran uga hadlay Trump, isagoo ku eedeeyay inuu dhaawacayo xiriirkii taariikhiga ahaa ee Mareykanka iyo Yurub.

Giovanbattista Fazzolari, oo ah ku-xigeenka xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayaa sheegay in aan la ogeyn in Trump uu si ula kac ah ama aqoon-darro ah u burburinayo xiriirka soo jireenka ah ee Mareykanka iyo Yurub.

“Hadalladiisa aan habbooneyn waxay gaareen wax aan sahlaneyn, oo ah inuu Mareykanka ka dhigo mid aan laga jeclayn guud ahaan qaaradda Yurub, taas oo dhaawac u geysaneysa Yurub, balse ka sii daran Mareykanka laftiisa,” ayuu yiri Fazzolari.

Meloni ayaa horey loogu arkayay inay si weyn u taageerto Trump, waxayna ahayd hoggaamiyihii kaliya ee Yurub ka socday ee ka qeyb-galay caleemo-saarkiisa sanadkii 2025.

Hase yeeshee, xiriirka labada hoggaamiye ayaa xumaaday sanadkan, kadib markii Meloni ay Trump ku dhaliishay weerar afka ah oo uu ku qaaday Pope Leo, oo cambaareeyay dagaalka Iran. Trump ayaa markaas jawaab adag siiyay Meloni, isagoo ku eedeeyay inay geesinimo la’aan muujisay.

Xiisaddan cusub ayaa hadda sii muujineysa kala fogaanshaha u dhexeeya Trump iyo qaar ka mid ah xulafadii uu hore ugu tiirsanaa Yurub, xilli siyaasaddiisa dibadda ay weli dhalineyso dood xooggan oo ka dhex taagan dalalka reer Galbeedka. 

44,136 Arday o u fariistay Imtixaanka dugsiga sare + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah dalka uga billowday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare, kaas oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana u fariistay illaa 44,136 Arday, sida ay shaacisay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar oo faah-faahin ka bixisay imtixaanka bilowday.

Sidoo kale, waxa ay sheegtay in 58 degmo iyo 158 xarumood lagu galayo imtixaanka qaranka ee sannadkan, iyada oo farriin u dirtay ardayda, kana dalbatay inay ilaaliyaan habsami u socodka imtixaanka qaran ee shahaadiga ah.

Imtixaankan waxaa si rasmi ah u furay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, kaas oo isna hadal siiyay waraabhinta, wuxuuna guul u rajeeyay dhammaan ardayda Soomaaliyeed.

“Mustaqbalka dalka iyo rajada ayaa tihiin, waana idinku faaneynaa jiilka maanta imtixaanka qaranka u fadhiya,” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Imtixaanka kalsooni ku gala, Allana talo saarta waxaad sanado badan ku bixiseen waxbarasho diyaar garow iyo dadaal joogta ah”.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa ardayda imtixaanka galaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysa kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda imtixaanka oo waqti badan la galiyey.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka hay’adaha amniga, gaar ahaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee sugayo amniga imtixaanka, si ay ardayda Soomaaliyeed u dareemaan nabad iyo xasilooni, inta uu socdo imtixaanka.

Si kastaba, ha’ahaatee, Imtixaankan ayaa waxaa si wadajir ah looga fariistay maanta gobolka Banaadir iyo inta badan dowlad goboleedyada, iyada oo loo diyaariyay qaab waafaqsan nidaamka waxbarashada dalka.

Israa’iil ma billaabi kartaa duulimaadyada uu sheegay Cirro, haddii aysan ogolaan DF?

Hargeysa (Caasimada Online) — Hoggaamiyaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa sheegay in duulimaadyo toos ah oo isku xira Israa’iil iyo Hargeysa ay bilaaban doonaan “dhowaan”, xilli uu booqasho ku joogo Israa’iil, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madaxda sare ee dalkaas.

Cirro ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay telefishinka i24NEWS, isagoo ku sugan Israa’iil kadib markii uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Israa’iil.

Hoggaamiyaha Somaliland ayaa sheegay in xiriirka Israa’iil iyo maamulka Hargeysa uu hadda galayo marxalad cusub, isagoo duulimaadyada tooska ah ku tilmaamay tallaabo ka mid ah xiriirka sii ballaaranaya ee labada dhinac.

Wareysigaas, Cirro kuma bixin faahfaahin ku saabsan shirkadda duulimaadka fulin doonta adeegga Israel-Hargeysa, taariikh rasmi ah oo uu bilaabanayo, waddada uu mari doono iyo oggolaanshaha duulimaad ee loo baahan doono.

Wuxuu kaliya sheegay in duulimaadyadu bilaaban doonaan “waqti aad u dhow”.

Hadalkan ayaa yimid maalmo kadib markii Cirro uu magaalada Qudus ka furay waxa maamulkiisu ku sheegay “safaaraddii” ugu horreysay ee Somaliland, tallaabo ay si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Somaliland, oo ah gobol ku yaalla waqooyi-galbeed Soomaaliya, ayaa tan iyo 1991 sheeganeysay inay ka go’day Soomaaliya, balse ma jiro dal ka tirsan Midowga Afrika oo u aqoonsaday dal madax-bannaan.

Culeyska hawada

Inkasta oo Cirro uu sheegay in duulimaadyada tooska ah ee Israel iyo Hargeysa ay soo dhow yihiin, haddana arrintaas waxay taabaneysaa mid ka mid ah qodobada ugu xasaasisan ee muranka Muqdisho iyo Hargeysa: sharciyadda maamulka hawada Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ah maamulka caalamku u aqoonsan yahay inuu maamulo hawada Soomaaliya, oo ay ku jiraan marinnada duulimaadyada ee mara Somaliland.

Taasi waxay ka dhigan tahay in duulimaad joogto ah oo toos ah oo ka yimaada Israa’iil kuna socda Hargeysa uu u baahan doono habraacyo duulimaad oo waafaqsan maamulka hawada Soomaaliya iyo xeerarka duulista rayidka caalamiga ah.

Muqdisho ayaa marar badan sheegtay in xiriir kasta oo siyaasadeed, diblomaasiyadeed, amni ama duulimaad oo lala sameynayo Somaliland uu maro dowladda federaalka Soomaaliya.

Somaliland ayaa dhankeeda horey u sheegtay in diyaaradaha soo galaya ama ka shaqeynaya hawada ay sheegato ay u baahan yihiin oggolaansho ka yimaada Hargeysa.

Dowladda Soomaaliya ayaa diidday arrintaas, waxayna ku adkeysatay in maamulka hawada Soomaaliya uu yahay awood federaal oo aysan jirin cid kale oo si madax-bannaan u bixin karta awaamiir hawadeed.

Tusaale hore

Arrintani ma aha dood mala-awaal ah.

Soomaaliya waxay hore u muujisay in hay’addeeda caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee maamusha hawada dalka ay saameyn ku yeelan karto diyaaradaha Israel.

Horaantii sanadkan, shirkadda diyaaradaha Israel ee Arkia ayaa sheegtay in aysan helin oggolaansho ay ku marto hawada Soomaaliya, xilli ay duullimaad ku tageysay Thailand, kadib markii Israel ay aqoonsatay sheegashada gooni-isu-taagga Somaliland.

Shirkaddu waxay sheegtay inay si joogto ah u gudbisay codsiyada oggolaanshaha marista hawada, taas oo qeyb ka ah habraacyada caadiga ah ee duulimaadyada caalamiga ah, balse aysan helin cusbooneysiinta oggolaanshaha bisha Febraayo.

Arkia ayaa xilligaas sheegtay in haddii oggolaanshaha uusan imaan, ay adeegsan laheyd waddo kale, iyadoo aan waxba laga beddeli doonin jadwalka rakaabka.

Soomaaliya ayaa markii dambe oggolaatay in Arkia ay dib uga sii gudubto hawadeeda, halka shirkaddu ay sheegtay in oggolaanshahaas uu isla markiiba dhaqan galay.

Dhacdadaas waxay muhiim u tahay dood kasta oo la xiriirta duullimaad la sheegay in Israel iyo Hargeysa ay yeelan karaan. Waxay muujisay in Soomaaliya ay dib u dhigi karto ama diidi karto oggolaanshaha marista hawadeeda ee shirkad diyaaradeed oo Israel laga leeyahay.

Waxay sidoo kale muujisay in shirkadaha diyaaradaha Israel ay ku tiirsan yihiin oggolaanshaha rasmiga ah ee Soomaaliya marka ay adeegsanayaan hawada dalka.

Sidaas darteed, su’aashu ma aha in diyaarad Israel laga leeyahay ay awood u leedahay inay jir ahaan u soo dhowaato Hargeysa.

Su’aashu waxay tahay in shirkad diyaaradeed ay si joogto ah u shaqeyn karto iyadoo ka tallaabsaneysa hay’adda duulista ee la aqoonsan yahay, taas oo gacanta ku haysa maamulka hawada iyo nidaamka oggolaanshaha duullimaadyada.

Casharkii e-Visa

Muranka e-Visa ayaa horey u muujiyay sida awaamiirta dowladda federaalka Soomaaliya ay u saameyn karaan safarka caalamiga ah ee Hargeysa, xitaa marka Somaliland ay diido.

Soomaaliya ayaa soo rogtay nidaamka Electronic Travel Authorisation System, oo loo yaqaan eTAS, kaas oo dadka sita baasaboorrada ajnabiga ah looga baahan yahay inay helaan oggolaansho elektaroonig ah ka hor inta aysan u safrin Soomaaliya.

Somaliland ayaa diidday nidaamkaas, waxayna sheegtay in dadka u safraya Hargeysa ay weli fiiso ku qaadanayaan garoonka diyaaradaha ee Cigaal.

Hase yeeshee, shirkado diyaaradeed ayaa rakaabka u socda Hargeysa ka dalbaday inay soo bandhigaan e-Visa ama oggolaanshaha elektaroonigga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ka hor inta aysan diyaaradda raacin.

Talada socdaalka ee dowladda Britain ayaa sidoo kale sheegtay in qofka u safraya garoonka Hargeysa laga yaabo in weli laga codsado inuu muujiyo e-Visa Soomaaliya si loogu oggolaado inuu diyaaradda raaco, inkastoo fiisahaas aan lagu aqbaleyn gelitaanka marka uu qofka gaaro Hargeysa.

Arrintaas waxay muujisay sida caalamka mar kasta u fulinayo sharciyada dowladda federaalka Soomaaliya, xitaa haddii ay diido Hargeysa, taasi oo Somaliland ku qasabtay in shacabkeeda ay ka qaado lacag visa oo dheeraad ah, kadib lacagta e-Visa.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkan mar kale sheegtay in ay tahay hay’adda kaliya ee sharci ahaan awood u leh inay Soomaaliya ku matasho xiriirka caalamiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in xiriirka Israa’iil la yeelatay Somaliland uu yahay xadgudub ka dhan ah “madax-bannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo nidaamka dastuuriga ah” ee Soomaaliya.

Muqdisho waxay sidoo kale sheegtay in xiriir kasta oo siyaasadeed, diblomaasiyadeed ama amni oo lala sameeyo Somaliland, iyadoo laga tallaabsanayo dowladda federaalka, uusan lahayn “wax sharci ama miisaan siyaasadeed ah”.

Sidaas darteed, ballan-qaadka Cirro ee ku saabsan duulimaadyada tooska ah ee Israel iyo Hargeysa wuxuu u muuqdaa mid ay adag tahay in uu hirgalo.

Sirdoonka Mareykanka oo Trump uga digay dabin uu damacsan yahay Netanyahu

Washington (Caasimada Online) — Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa maamulka Madaxweyne Donald Trump uga digay in Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu qaadi karo tallaabooyin wiiqi kara heshiiska is-afgaradka ee dhowaan lagu gaaray in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, sida uu qoray wargeyska Washington Post.

Qiimeynta sirdoonka ayaa timid xilli xiisaddu ka sii kordheyso ololaha militari ee Israel ka waddo Lubnaan, kaas oo noqday mid ka mid ah qodobbada ugu xasaasisan ee saameyn kara dhaqangelinta heshiiska cusub.

Heshiiska is-afgaradka, oo Arbacadii ay si elektaroonig ah u saxiixeen Madaxweyne Trump iyo Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, ayaa qodobkiisa koowaad ku baaqaya “joojinta joogtada ah ee howlgallada militari ee dhammaan jihooyinka, oo ay ku jirto Lubnaan.”

Qodobkaas ayaa sidoo kale labada dhinac ku waajibinaya inay ka fogaadaan hanjabaadda ama adeegsiga awood militari, isla markaana ay dhowraan “midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Lubnaan.”

Digniin loo diray Trump

Sida ay Washington Post ku warrantay, hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa faafiyey qiimeyn muujineysa walaac laga qabo in Netanyahu uu qaado tallaabooyin carqaladeyn kara dadaalka Trump ee lagu doonayo in lagu dhiso heshiis nabadeed oo waara oo lala gaaro Iran.

Saraakiil Mareykan ah oo xilal haya iyo kuwo hore uga tirsanaa dowladda ayaa wargeyska u sheegay in bulshada sirdoonka Mareykanka ay aragto halis ah in howlgallada militari ee Israel ka waddo Lubnaan ay adkeyn karaan, ama si toos ah u wiiqi karaan, heshiiska jilicsan ee hadda la gaaray.

Hal sarkaal oo Mareykan ah oo xog-ogaal u ah qiimeynta ayaa sheegay in digniintu ay salka ku hayso walaac laga qabo in Israel ay sii waddo ama ballaariso weerarrada ka dhanka ah kooxda Xizbullah ee Lubnaan, inkastoo heshiiska is-afgaradka uu xambaarsan yahay qaab-dhismeed xabbad-joojin ah.

Sarkaal kale ayaa sheegay in falanqeynta sirdoonka ay muujisay kala fogaansho sii kordheysa oo u dhexeysa yoolalka diblomaasiyadeed ee Washington iyo mudnaanta amni ee Israel.

Cadaadiska Lubnaan

Warbixinta Washington Post ayaa sheegtay in qiimeynta sirdoonka ay soo baxday xilli Netanyahu uu wajahayo cadaadis uga imanaya siyaasiyiin gudaha Israel ah iyo saraakiil amni oo doonaya in la sii wado howlgallada ka dhanka ah Xizbullah.

Falanqeeyayaal lagu xusay warbixinta ayaa sheegay in mustaqbalka siyaasadeed ee Netanyahu uu si dhow ugu xiran yahay awoodda uu u leeyahay inuu muujiyo adkeysi militari oo ka dhan ah kooxda ay taageerto Iran.

“Dagaal joogto ah — iyo ballaarin dhuleed — waxay muddo sanado ah ahaayeen xoogagga dhaqaajiya siyaasadda Israel. Ma ahan wax lala yaabo in iyadoo doorashooyin soo socdaan, Netanyahu uu doonayo inuu muujiyo inuu arrimahaas uga fiican yahay kuwa la tartamaya,” ayuu yiri Harrison Mann, oo hore uga tirsanaa ciidamada Mareykanka, kana soo shaqeeyey Hay’adda Sirdoonka Difaaca ee Mareykanka.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in qaybo ka mid ah maamulka Mareykanka ay ka walaacsan yihiin in tallaabooyinka Israel ee dhulka ka socda ay si toos ah u dhaawici karaan dhaqangelinta heshiiska, gaar ahaan haddii howlgallada militari ee Lubnaan ay sii socdaan inkastoo heshiisku dhigayo ballanqaadyo xabbad-joojin ah.

Digniintan ayaa muujineysa caqabadda ugu horreysa ee weyn ee wajahaysa heshiiska Trump iyo Iran, kaas oo Washington ay u aragto fursad lagu dejin karo xiisadda gobolka, balse ay weli mugdi ku hareyso sida loogu qasbi karo dhinacyada xulafada la ah Mareykanka inay u hoggaansamaan qodobbadiisa ugu xasaasisan.

Sawirro: DF Soomaaliya iyo bangiga horumarinta Islaamka oo maanta saxiixay…

0

Baku (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige iyo Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Muhammad Al Jasser ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay qaab-dhismeedka iskaashiga dalka (Country Engagement Framework – CEF) 2026–2028.

Qaab-dhismeedkan ayaa hagaya iskaashiga maalgalineed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka muddada saddexda sano ee soo socota.

Qorshahan istaraatiijiga ah ayaa muujinaya sida ay IsDB uga go’an tahay taageeridda dadaallada horumarineed ee Soomaaliya, iyadoo la waafajinayo Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo himilooyinka kobaca dhaqaalaha.

Heshiiska ayaa mudnaanta siinaya horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee adkaysiga leh, gaar ahaan qaybaha tamarta iyo beeraha, si loo kordhiyo wax-soo-saarka dalka.

Heshiiskan ayaa diiradda saaraya laba tiir oo muhiim ah:

1. Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee adkaysiga leh, gaar ahaan qaybaha tamarta iyo beeraha, si loo kordhiyo wax-soo-saarka, loo dardar-geliyo kobaca dhaqaalaha, loona yareeyo saboolnimada.

2. Xoojinta horumarinta awoodda aadanaha, iyada oo la maalgelinayo adeegyada caafimaadka, tababarrada xirfadaha, dib-u-tababarka iyo kor-u-qaadista aqoonta shaqaalaha, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada.

Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in heshiiskani uu xoojinayo iskaashiga miro-dhalka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kooxda IsDB, isla markaana uu furi doono fursado cusub oo lagu maalgelinayo mashaariic horumarineed oo saameyn muuqata ku leh nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Israa’iil oo gashay xaalad adag – Maxaa dhacay?

Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog ayaa shaaca ka qaaday in Israa’iil ay ku jirto maalin adag oo murugo leh, kadib markii dagaal ka dhacay koonfurta Lubnaan ay ku dhinteen sarkaal sare iyo saddex askari oo kale.

Herzog ayaa sheegay in khasaarahan uu yahay mid xanuun badan, isagoo tacsi u diray qoysaska iyo ehellada askarta la dilay.

Sida ay sheegeen militariga Israa’iil iyo warbaahinta gudaha, dhimashada askartan ayaa ka dhalatay weerar lagu qaaday taangi ay lahaayeen ciidamada Israa’iil.

Wararka ayaa tilmaamaya in taangigaasi uu qarxiyay ururka Xisbullah ee Lubnaan, xilli uu ku sugnaa deegaanka Kfar Tebnit ee koonfurta dalkaas.

Weerarkaasi waxaa lagu dilay Lt. Col. Dor Gedalia Ben Simhon, oo ahaa taliyaha guutada 52-aad ee ciidamada Israa’iil. Sidoo kale, saddex askari oo kale ayaa ku dhintay weerarka, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin magacyadooda.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli Israa’iil ay duqeymo ka wadday koonfurta Lubnaan, kuwaas oo la sheegay inay ku dhinteen ku dhawaad 30 qof, halka dhismayaal badan oo la degganaa ay ku burbureen weerarradaas.

Si kastaba, Israa’iil ayaa haatan qorsheynaysa weerarro burburin ah oo ka dhan ah Lubnaan, xilli xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Xisbullah ay si xooggan u sii kordhayso. Dagaallada Lubnaan ayaa galay marxalad aad u kacsan tan iyo markii uu billowday isku dhaca ka dhashay dagaalka Gaza, iyadoo Xisbullah ay sheegtay inay taageero u fidineyso Falastiiniyiinta, halka Israa’iil ay ka jawaabeyso weerarro ay ku tilmaamayso “halis amni.”

Arrimahan ayaa imanaya xilli Mareykanka iyo Iiraan ay gaareen heshiis lagu soo afjarayo dagaalka, iyadoo saxiixa heshiiskan ay dibad-joog ka ahayd Israa’iil, oo markii hore dagaalka ku soo jiidday Washington.

Cabdikaafi Makaraan oo loo magacaabay guddoomiyaha…

0

Muqdisho (Caasimada)– Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Cabdikaafi Maxamuud Makaraan xilka Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dardargelinayso horumarinta iyo awood-siinta dhallinyarada, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo doorka ay ku leeyihiin horumarka dalka, dowlad-dhiska iyo ka qeybgalka go’aan qaadashada.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa sheegtay in magacaabistan ay ku soo beegmayso xilli dowladda ay xoogga saarayso hirgelinta barnaamijyo lagu kobcinayo xirfadaha dhallinyarada, shaqo-abuurka, wacyigelinta iyo xoojinta ka qeybgalka bulshada, si loo dhiso jiil karti iyo aqoon u leh hoggaaminta mustaqbalka dalka.

Cabdikaafi Maxamuud Makaraan ayaa leh waaya-aragnimo ballaaran oo dhanka hoggaaminta iyo horumarinta dhallinyarada ah. Wuxuu horey u soo noqday Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, halkaas oo uu door muuqda ka qaatay mideynta iyo abaabulka dhallinyarada, isagoo si gaar ah uga shaqeeyay kobcinta xirfadahooda iyo dhisidda jiil isku kalsoon oo kaalin wax ku ool ah ka qaata horumarka bulshada.

Sidoo kale, Cabdikaafı Maxamuud Makaraan wuxuu xubin ka soo ahaa Guddiga La-talinta Dhallinyarada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (United Nations Somalia Youth Advisory Board) intii u dhexeysay sannadihii 2019 illaa 2021, taas oo ka tarjumeeysa khibraddiisa iyo doorkiisa ku aaddan matalaadda iyo horumarinta arrimaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Makaraan, ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato isku dubbaridka iyo hormuudnimada howlaha la xiriira horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo la shaqeyn doona hay’adaha dowladda iyo daneeyayaasha kale ee ka shaqeeya arrimaha dhallinyarada.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa ugu dambeyn u rajeysay Guddoomiyaha cusub guul iyo in Alle u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, si uu uga miro-dhaliyo himilooyinka lagu horumarinayo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirada Masar, Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan oo shir xasaasi ah ku leh Qaahira

0

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Masar, Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa lagu wadaa inay kulan muhiim ah ku yeeshaan magaalada Qaahira, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin ajandaha kulankaas.

Sida ay sheegayaan xogaha hordhaca ah ee laga helayo ilo diblomaasiyadeed, kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Bariga Dhexe, gaar ahaan xiisadaha sii kordhaya ee gobolka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in wasiirradu ay falanqeyn doonaan halka ay marayaan dadaallada lagu doonayo in lagu yareeyo colaadaha gobolka, oo ay ku jirto xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan, taas oo saameyn weyn ku yeelatay amniga iyo dhaqaalaha dalal badan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda Qaahira ku soo dhaweeyo dhiggiisa Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan, ka hor inta aysan si rasmi ah u billaaban wada-hadallada tooska ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in si weyn loo xaddiday faah-faahinta laga bixinayo kulanka, iyadoo la filayo in qodobada ugu muhiimsan lagu soo bandhigo marka uu shirku soo dhammaado.

Dhanka kale, wakaaladaha wararka ee Reuters iyo Anadolu ayaa hore u sheegay in Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga ay toddobaadyadii la soo dhaafay wadeen dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu dejinayo xaaladda gobolka, isla markaana lagu dhiirrigelinayo xalal siyaasadeed oo looga hortagayo isku dhacyo horleh.

Pakistan ayaa iyaduna door muuqda ka qaadatay dadaallada diblomaasiyadeed ee la xiriira arrimaha Bariga Dhexe, iyadoo marar badan ku baaqday in xiisadaha gobolka lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan diblomaasiyadeed.

Kulanka Qaahira ayaa sidaas darteed loo arkaa mid muhiim u ah isku-dubbaridka mowqifyada afartan dal ee saameynta ku leh siyaasadda gobolka.

Israa’iil: Somaliland waa Israa’iisha Afrika

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa maamulka Somaliland ku tilmaantay “Israa’iisha Afrika”. Madax, siyaasiyiin iyo falanqeeyayaal Israa’iiliyiin ah ayaa arrintan ku sababeeyay waxyaabo ay ka mid yihiin dimuqraadiyadda, amniga iyo duruufaha juqraafiyeed ee ay sheegeen inay wadaagaan labada dhinac.

Dr. Mike Evans, oo ah aasaasaha iyo madaxa Hay’adda Friends of Zion (FOZ), ayaa sheegay in Somaliland ay mudan tahay aqoonsi caalami ah, isaga oo si gaar ah ugu baaqay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump inuu aqoonsado Somaliland.

“Somaliland waa Israa’iisha Afrika, Madaxweyne Trump-na waa inuu aqoonsadaa,” ayuu yiri Evans, isaga oo khudbad ka jeedinayay munaasabaddii lagu maamuusay Madaxweyne Cirro, laguna guddoonsiiyay Billadda Sharafta Friends of Zion Award.

Evans ayaa ku dooday in Somaliland ay Afrika kula dagaallamayso waxa uu ku tilmaamay xagjirnimada Islaamiga ah, halka Israa’iil ay dagaal la mid ah ka waddo Bariga Dhexe, isaga oo sheegay in arrintaasi ay ka mid tahay waxyaabaha ugu waaweyn ee isu soo dhoweynaya labada dhinac.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland ku sheegay in labada dhinac ay ka siman yihiin caqabado amni iyo siyaasadeed, isaga oo xusay inay ku nool yihiin deegaanno ay deriskoodu marar badan diiradda saaraan diidmada jiritaankooda iyo cadaadiska lagu hayo, halkii ay xoogga saari lahaayeen horumarinta iyo iskaashiga gobolka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale tilmaamay in Somaliland iyo Israa’iil ay wajahaan duruufo amni iyo siyaasadeed oo isku dhow, kuwaas oo, sida uu sheegay, horseeday in labada dhinac yeeshaan aragtiyo iyo dano istaraatiiji ah oo isugu dhow.

Isticmaalka sii kordhaya ee ereyga “Israa’iisha Afrika” ee ay adeegsanayaan warbaahinta, siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha Israa’iil ayaa muujinaya sida ay u sii xoogeysanayso aragtida ka dhex jirta qaybo ka mid ah bulshada Israa’iil ee ah “in Somaliland iyo Israa’iil ay wadaagaan xaalado amni, siyaasadeed iyo istaraatiijiyadeed oo isu dhow,” xilli ay sidoo kale soo baxayaan hadallo sii kordhinaya suurtagalnimada xiriir dhow oo dhexmara labada dhinac.

Mahad Salaad oo gaaray Dhuusamareeb + Ujeedka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, isaga oo hoggaaminaya wafdi ballaaran.

Wafdiga uu hoggaaminayo Mahad Salaad ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo saraakiil amni.

Safarka Agaasimaha NISA ayaa la sheegay inuu hordhac u yahay booqasho uu maalmaha soo socda ku tagi doono Dhuusamareeb Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ujeedka socdaalka wafdigan ayaa ah diyaarinta kulammo iyo wada-tashiyo lala yeelanayo madaxda sare ee Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaannada maamulkaasi.

Kulammada la qorsheeyay ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro arrimaha doorashooyinka, amniga, xasillinta deegaannada la xoreeyay iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee ka socda Galmudug.

Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay hanaanka doorashada qof iyo cod ee wado Villa Somalia.

Maamulka Galmudug ayaa dhawaan walaac xooggan ka muujiyay sida uu wax u wado guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha, isagoo ku baaqay in la xaqiijiyo hannaan doorasho oo hufan, daah-furan isla markaana lagu wada kalsoon yahay.

Israel oo ku dhawaaqday inay dabka saarayso Lubnaan kadib markii laga dilay…

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil, Itamar Ben Gvir ayaa ku dhawaaqay inay dabka saaryaan Lubnaan kadib markii militariga Israa’iil ay ku dhawaaqeen in afar askari looga dilay weerar ay qaaday kooxda Xisbullah.

Ben Gvir ayaa hadalkan ku sheegay bayaan rasmi ah oo uu soo saaray, isagoo si adag uga falceliyay khasaaraha soo gaaray ciidamada Israa’iil ee ka dagaallamaya xuduudda waqooyi.

“Anigoo ixtiraamaya Mareykanka, Israa’iil waa inay dunida oo dhan u caddeysaa in dhiigga wiilasheenna iyo amniga muwaadiniinteennu ay tahay mabaadi’da gorgortan la gelin karin,” ayuu yiri Ben Gvir.

Wuxuu intaas ku daray: “Dhammaan Lubnaan waa inay gubataa,” taas oo loo fasirtay hanjabaad toos ah oo ku wajahan dalka Lubnaan.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Xisbullah ay si xooggan u sii kordhayso, iyadoo labada dhinac ay isweydaarsanayaan duqeymo joogto ah oo ka socda xuduudda Lubnaan iyo Israa’iil.

Dagaallada Lubnaan ayaa galay marxalad aad u kacsan tan iyo markii uu bilowday isku dhaca ka dhashay dagaalka Gaza, iyadoo Xisbullah ay sheegtay inay taageero u tahay Falastiiniyiinta, halka Israa’iil ay ka jawaabeyso weerarro ay ku tilmaamayso “halis amni.”

Warbixinno militari ayaa tilmaamaya in duqeymaha cirka iyo madaafiicda labada dhinac ay saameyn ku yeesheen tuulooyin ku yaalla koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay dad rayid ah ku barakaceen.

Dhanka kale, saaxiibada caalamka ayaa si joogto ah ugu baaqaysa in xiisadda la dejiyo, iyada oo laga digayo in dagaalka Israa’iil iyo Xisbullah uu isu beddeli karo mid gobolka oo dhan saameeya.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli dowladaha Mareykanka iyo Iiraan ay gaareen heshiis lagu soo afjarayo dagaalka, iyadoo saxiixa heshiiskan ay dibad-joog ka ahayd Israa’iil, oo markii hore dagaalka ku soo jiidday Washington.

Maamulka JUBALAND oo xoojiyay dhaq-dhaqaaqiisa ciidan ee…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtay furimaha hore ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ka socdaan howl-gallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa waxaa si rasmi ah u sagootiyay saraakiisha ciidamada Jubbaland iyo wasiirka amniga gudaha ee dowlad-goboleedkaas, Sarreeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo farriimo dardaaran ah u jeediyay.

Ciidanka la diray ayaa noqonaya kuwo xoojin u ah cutubyo isugu jira Daraawiishta Jubbaland iyo kumaandooska Danab ee horey uga howl-galayay deegaanada Jubbada Hoose.

Sida ay sheegeen saraakiisha amniga, ujeeddada howl-galka ayaa ah in laga saaro kooxaha Al-Shabaab deegaanada wali ay ka maamulaan qaar ka mid ah Jubbada Hoose.

Jubbaland ayaa sidoo kale shaacisay in qorshuhu yahay in marka laga saaro Jubbada Hoose deegaannada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, loo gudbo wajiga xiga ee Jubbada Dhexe.

Deegaankaas oo sida la sheegay ay inta badan ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa bilihii dambe xoogga saarayay dagaalka Al-Shabaab, oo hoggaanka maamulka lagu eedeeyo inuu si weyn uga gaabiyay, maadaama kooxdu ay gacanta ku hayso deegaano muhiim ah.

Si kastaba, howl-gallada socda ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo Jubbaland ku doonayso in ay dib ugu hanato gacan ku haynta deegaanada istiraatiijiga ah ee gobolka.

Cirro oo war cusub ka soo saaray saldhig militari oo Israel ay ku yeelato Somaliland

Jerusalem (Caasimada Online) — Hoggaamiyaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa sheegay inuusan meesha ka saari karin in mustaqbalka Israa’iil ay saldhig militari ku yeelato Somaliland, oo ah gobol ku yaalla waqooyi-galbeed Soomaaliya.

Cirro ayaa hadalkan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay telefishinka i24NEWS, xilli uu ku sugan yahay Israa’iil, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madaxda sare ee dalkaas, islamarkaana uu furay waxa maamulkiisu ku sheegay “safaaraddii” ugu horreysay ee Somaliland ku yeelato magaalada Qudus.

Markii la weydiiyay suurtagalnimada saldhig militari oo Israa’iil ay ka sameysato Somaliland, Cirro si cad uma diidin, wuxuuna sheegay in arrimaha noocaas ah ay ku xirnaan doonaan sida uu u kobco xiriirka labada dhinac.

Hadalkaas ayaa yimid xilli wasiirka gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, uu dhankiisa sheegay in Israa’iil ay tababar siineyso ciidamada booliska iyo kuwa milatariga Somaliland, balse uu beeniyay in ay hadda socdaan wada-hadallo ama qorshe ku saabsan saldhig militari oo Israa’iil laga siiyo halkaas.

Arrintan ayaa xiise gaar ah yeelatay kadib markii wasiirka gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, uu Arbacadii sheegay in Israa’iil iyo Somaliland ay sanado badan yeesheen iskaashi hoose oo aan si rasmi ah loo shaacin.

“Isra’iil iyo Somaliland waxay leeyihiin saaxiibtinimo muddo dheer soo jirtay oo ku dhisan dano wadaag ah, qiyam dimuqraadi ah, iyo ka go’naan amni iyo xasillooni,” ayuu Katz yiri kadib kulan uu la yeeshay Cirro, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa.

“Sanado badan waxaan iska kaashaneynay si hoose hawlo taxane ah oo qarsoodi ahaan doona,” ayuu raaciyay.

Katz ayaa sheegay in Israa’iil ay hadda go’aansatay inay sare u qaaddo iskaashiga amni ee ay la leedahay Somaliland, isaga oo yiri labada dhinac waxay doonayaan inay gaarsiiyaan xiriirka amni “heerar cusub”.

Xafiiska Katz ayaa sheegay in kulanka uu diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland.

Duulimaadyo toos ah

Wareysiga uu siiyay i24NEWS, Cirro ayaa sidoo kale sheegay in duulimaadyo toos ah oo isku xira Israa’iil iyo Hargeysa ay bilaaban doonaan “aad u dhow”.

Balse ballan-qaadkaas wuxuu u baahan yahay hab-raacyo duulimaad iyo oggolaansho dhanka hawada ah, maadaama dowladda federaalka Soomaaliya ay maamusho hawada Soomaaliya ee caalamku aqoonsan yahay, oo ay ku jiraan waddooyinka duulimaadyada ee mara Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ku adkeysatay in xiriir kasta oo diblomaasiyadeed, amni ama siyaasadeed oo lala sameynayo Somaliland uu maro dowladda federaalka Soomaaliya.

Cirro ayaa wareysiga ku difaacay go’aanka uu maamulkiisu ugu furtay xarunta Qudus, isagoo yiri: “Caadiyan safaaradaha waxaa laga furaa caasimadaha dalalka is aqoonsada.”

Qudus ayaa ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan ee khilaafka Falastiin iyo Israa’iil. Israa’iil waxay magaalada oo dhan u aragtaa caasimaddeeda, halka Falastiiniyiintu ay Qudus Bari u doonayaan caasimadda dowlad Falastiin oo mustaqbalka dhalata.

Inta badan dalalka caalamka waxay safaaradahooda ku leeyihiin Tel Aviv, iyagoo ka fogaanaya tallaabo loo fasiran karo in ay aqoonsan yihiin sheegashada Israa’iil ee Qudus.

Dekedda Berbera

Cirro ayaa wareysigiisa ku sheegay in Dekedda Berbera ay muhiim u tahay dadaallada Somaliland ku dooneyso xiriirro caalami ah, isagoo sheegay inay u noqon karto marin Itoobiya iyo dalalka kale ee aan badda lahayn ee Afrika.

Wuxuu sheegay in dekeddaas ay daneynayaan Mareykanka, Imaaraadka Carabta, Israa’iil iyo dalal kale.

Markii la weydiiyay haddii Somaliland ay door ka ciyaari karto ka hortagga halista Xuutiyiinta Yemen ee Badda Cas, Cirro ayaa sheegay in Somaliland “aysan cidna cadow ku ahayn”, balse ay xaq u leedahay inay is difaacdo.

Wuxuu sheegay in maamulkiisu uu doonayo taageero caalami ah oo lagu xoojiyo awoodda ciidamadiisa ilaalada xeebaha.

Cirro ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay Somaliland ka caawin karto dhinacyada beeraha, biyaha, caafimaadka iyo amniga. Wuxuu sheegay in siddeed carruur ah oo Somaliland ka yimid, kuwaas oo qaba xanuunno wadnaha ah, lagu daweyn doono Israa’iil inta uu socdaalka ku guda jiro.

Cirro ayaa sheegay inuu filayo in dalal kale ay raaci doonaan tallaabada Israa’iil ee ku saabsan aqoonsiga sheegashada madaxbannaanida Somaliland, balse ma uusan magacaabin dalalkaas mana bixin waqti rasmi ah.

“Aqoonsigu wuu imaan karaa dhowaan,” ayuu yiri.

Farriintiisa uu u diray dalalka weli aan aqoonsan Somaliland ayuu ku yiri: “Fadlan ku soo biira ka hor inta aysan goori goor noqon. Cidda ugu horreysa waxay heli doontaa fursadda ugu wanaagsan.”

Intii uu ku sugnaa Qudus, Cirro ayaa sidoo kale lagu guddoonsiiyay billadda Friends of Zion Award, oo ah abaal-marin la xiriirta hay’ad si dhow ugu xiran taageerada Israa’iil.

Dadka dhaliila abaal-marintaas ayaa sheegaya inay xambaarsan tahay miisaan siyaasadeed, maadaama Matxafka Friends of Zion uu xiriir dhow la leeyahay dhaqdhaqaaqyada Christian Zionist iyo ololayaasha taageera Israa’iil.

Falastiiniyiin iyo falanqeeyayaal Carab ah ayaa inta badan u arka abaal-marinnada noocaas ah qeyb ka mid ah dadaal lagu sharciyeynayo maamulka Israa’iil ee Qudus, laguna abaal-marinayo madaxda taageerta mowqifyada Israa’iil ee magaaladaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u diidday aqoonsiga Israa’iil ee sheegashada Somaliland iyo furitaanka xarunta Qudus.

Mareykanka oo Itoobiya kala saftay Masar – Sidee?

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa qiray in muranka ka taagan biyaha Webiga Nile uu weli culeys weyn ku hayo xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Masar, isaga oo tilmaamay in tallaabooyinka ay Addis Ababa ku maareysay mashruuca Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD) ay walaac xooggan ku abuureen Qaahira.

Trump ayaa arrintan ka sheegay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Siisi, isagoo xusay in dowladdiisu ay dhowr jeer isku dayday inay dhexdhexaadiso labada dal si loo gaaro heshiis waara oo ku saabsan qaybsiga biyaha Nile, balse dadaalladaas aysan weli dhalin natiijadii la filayay.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Masar ay si weyn ugu tiirsan tahay biyaha Nile, isla markaana ay muhiim tahay in la tixgeliyo baahida iyo amniga biyaha ee dhammaan dalalka uu webigu maro. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xal kasta oo lagu dhammeeyo muranka uu ku yimaado wada-hadal iyo is-afgarad, taas oo ah waddada ugu habboon ee lagu yareyn karo xiisadda.

Trump ayaa sidoo kale ku eedeeyay Itoobiya inay ka leexatay heshiisyo iyo is-afgaradyo hore oo la isku dayay in lagu xalliyo muranka, isagoo sheegay in arrintaas ay sii kordhisay walaaca Masar. Wuxuu ku baaqay in dib loo billaabo wada-hadallo miro-dhal ah oo ay taageerayaan dhinacyada caalamiga ah.

Khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Masar ayaa salka ku haya Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya oo laga dhisay Webiga Nile ee Buluugga ah, kaas oo Addis Ababa ay ku tilmaantay mashruuc muhiim u ah horumarka dhaqaale iyo koronto-soo-saarka dalka. Masar se waxay ka cabsi qabtaa in mashruucu saameyn ku yeesho saamigeeda biyaha Nile.

Itoobiya ayaa hore u diidday qaar ka mid ah dadaalladii dhexdhexaadinta ee Mareykanka, gaar ahaan xilligii ay socdeen wada-hadalladii la xiriiray buuxinta iyo howlgelinta biyo-xireenka.

Dowladda Itoobiya waxay xilligaas ku eedeysay Washington in aysan dhexdhexaad ahayn, isla markaana ay u janjeerto dhinaca Masar, taasoo keentay inay ka fogaato heshiisyadii la soo jeediyay.

Inkasta oo biyo-xireenka GERD uu hadda si rasmi ah u shaqeynayo, haddana muranka ku saabsan sida loo maareynayo biyihiisa iyo saameynta uu ku yeelan karo dalalka hoose ee webiga ayaa weli taagan.

Beesha caalamka ayaa marar badan ku baaqday in Itoobiya, Masar iyo Suudaan ay gaaraan heshiis sharciyeed oo dhammaystiran si looga hortago xiisado hor leh oo ka dhasha arrintan.

Cabdiraxmaan Cirro oo ku dhawaaqay inay Somaliland iyo Israa’iil bilaabayaan…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shaaciyay in duulimaadyo toos ah oo isku xiri doona magaalooyinka Hargeysa iyo Tel Aviv ay bilaaban doonaan “waqti dhow”, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo cusub oo lagu xoojinayo xiriirka sii kobcaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.

Madaxweyne Cirro ayaa arrintan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta Israa’iil ee i24NEWS, isaga oo xusay in xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso ballaarinta isu socodka caalamiga ah iyo furitaanka marinno cusub oo isku xira Somaliland iyo dalalka ay la leedahay xiriirro siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

Cirro ayaa sheegay in Somaliland muddo dheer wajahaysay caqabado la xiriira isu socodka hawada iyo safarrada caalamiga ah, kuwaas oo, sida uu sheegay, mararka qaar ku qasba dadka u safraya Hargeysa inay maraan waddamo kale ama ay la kulmaan habraacyo dheeraad ah oo dhinaca socdaalka ah.

Madaxweynaha Somaliland ayaa tilmaamay in duulimaadyada cusub ay fududeyn doonaan safarka dadka ka imanaya Israa’iil iyo dalal kale oo xiriir dhow la leh Somaliland, isaga oo xusay in Tel Aviv ay noqon karto xarun muhiim ah oo laga sii raaco duulimaadyada ku wajahan Hargeysa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in tallaabadan ay kor u qaadi karto dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, maalgashiga iyo dalxiiska, isla markaana ay fursad siin karto ganacsatada iyo maalgashadayaasha doonaya inay sahamiyaan fursadaha ka jira Somaliland.

Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa xusay in xukuumaddiisu ay xoogga saarayso sidii loo soo jiidan lahaa maalgelin shisheeye oo taageerta kobaca dhaqaalaha.

Xiriirka Somaliland iyo Israa’iil ayaa si weyn u xoogaystay tan iyo markii Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland dabayaaqadii sannadkii 2025. Tan iyo xilligaas, labada dhinac ayaa bilaabay wada-hadallo iyo heshiisyo la xiriira iskaashiga dhinacyada amniga, beeraha, biyaha, caafimaadka, tiknoolajiyadda iyo maalgashiga.

Cirro ayaa wareysiga ku tilmaamay Israa’iil “saaxiib lagu kalsoonaan karo”, isaga oo sheegay in labada dhinac ay wadaagaan dano istaraatiiji ah oo la xiriira horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed. Mas’uuliyiin Israa’iiliyiin ah ayaa iyaguna hore u sheegay in labada dhinac ay muddo dheer lahaayeen iskaashi aan si weyn loo shaacin.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid xiriirka u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, iyadoo ku tilmaantay aqoonsiga iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac mid ka hor imanaya madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Sidoo kale, dalal iyo ururro ka tirsan dunida Islaamka ayaa cambaareeyay tallaabooyinka ay qaadeen Hargeysa iyo Tel Aviv.

Si kastaba, Cirro ayaa sheegay in xukuumaddiisu aysan dib uga laaban doonin siyaasadda ku saleysan ballaarinta xiriirrada caalamiga ah, isagoo ku adkeystay in furitaanka albaabada maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha iyo helitaanka xiriir toos ah oo ay Somaliland la yeelato dalalka caalamka ay yihiin mudnaanta ugu sarreysa ee dowladdiisa.

Waxa uu sheegay in duulimaadyada tooska ah ee Hargeysa iyo Tel Aviv ay qayb ka yihiin qorshahaas istaraatiijiga ah ee lagu xoojinayo joogitaanka Somaliland ee masraxa caalamiga ah.

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda doorashada Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) Khilaafka jiitamaya ee ka taagan doorashooyinka Galmudug ayaa caqabad siyaasadeed ku noqday dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo laga filayo inay si hufan u maamusho doorashooyinka ku soo fool leh maamulka ka dhisan gobollada dhexe.

Doorashooyinka Golaha Deegaanka, Baarlamaanka iyo hoggaanka Galmudug ayaa si toos ah u taabanaya masiirka siyaasadeed, horumarka iyo xasilloonida dadka reer Galmudug.

Hannaanka doorashooyinka maamulkan, oo si weyn la isugu hayo, ayaa abuuray kala qaybsanaan siyaasadeed iyo walaac xooggan oo shacabku ka muujinayaan jihada uu maamulku ku socdo.

Inta badan saamileyda siyaasadda Galmudug, oo uu ku jiro Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa doonaya in laga fogaado doorasho dhinac gaar ah u xaglineysa, si natiijada ka soo baxda ay u hesho kalsooni guud.

Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayaa madaxda qaranka ka sugaya in Galmudug laga qabto doorasho loo siman yahay, laguna saleeyo is-afgarad iyo talooyinka ka imanaya bulshada.

Odayaasha, waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka hadlaya warbaahinta ayaa ku celcelinaya sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada soo socota ay noqoto mid hufan oo natiijadeeda la wada aqbali karo. Waxay arrintaas u arkaan dhabaha keliya ee lagu xaqiijin karo hirgelinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah, loogana baaqsan karo dib-u-dhac siyaasadeed iyo soo kabasho waqti dheer qaadata.

Villa Somalia, oo ay ka go’an tahay in meesha laga saaro Madaxweyne Qoorqoor, booskiisana ay u waddo Liibaan Axmed Xasan, ayaan iska indho tiri karin codka hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo siyaasadda ee lagu dalbanayo in aan Galmudug haadaan laga tuurin, maadaama ay dadku weli xusuusan yihiin caqabadihii laga soo maray dhismaheeda.

Xasaasiyadda ay leedahay Galmudug ayaa ah sababta aysan Dowladda Federaalka ugu degdegi karin inay ciidamadeedu xoog kula wareegaan Dhuusamareeb, si la mid ah magaalada Baydhaba oo ay la wareegeen 30-kii March, xilligaas oo xilka laga qaaday Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Dabayaaqadii bishii May waxaa jiray abaabul iyo isku day ay Ciidamada Dowladda Federaalka kula wareegi lahaayeen amniga Dhuusamareeb, balse waxaa ka hortimid beesha degan magaaladaas, oo sheegtay inaysan dagaal u dooneyn magaalada, isla markaana ay tahay in si degdeg ah loo qabto doorasho madaxbannaan, loo dhan yahay, heshiis lagu yahay, isla markaana daahfuran.

Loolanka siyaasadeed ee taagan waxaa looga gudbi karaa wada-hadal iyo isu-tanaasul dhex mara Villa Somalia iyo garabka kale ee ka soo horjeeda. Arrintaas waxay dammaanad qaadi kartaa in jihada maamulka lagu saleeyo rabitaanka dadka deegaanka, oo ah in laga baaqsado koror xiisadeed ama qalqal amni, iyadoo laga wada shaqeynayo nabadda, xasilloonida iyo wadajirka Galmudug, kuwaas oo saldhig u ah doorasho xor iyo xalaal ah.

Hufnaanta doorashadu waxay saldhig u tahay xaqiijinta dowladnimo adag, waxayna ka hortagtaa musuq-maasuqa, khilaafaadka siyaasadeed iyo dib-u-dhaca maamul ee horseeda xasillooni darrada.

Mareykanka oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Israa’iil kadib heshiiska Iran

0

Washington (Caasimada Online) — Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa si kulul ugu jawaabay xubno ka tirsan dowladda Israel oo maalmahan dhaliilayay heshiiska uu madaxweyne Donald Trump la gaaray Iran, kaas ee lagu hakiyay dagaalka, isla markaana dib loogu furay Marinka Hormuz.

Vance oo Khamiistii ka hadlayay shir jaraa’id oo ka dhacay Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump uu yahay hoggaamiyaha kaliya ee dunida ee xilligan si dhab ah u garab taagan Israel.

“Donald J. Trump waa hoggaamiyaha kaliya ee adduunka oo dhan ee xilligan u naxariisanaya qaranka Israel,” ayuu yiri Vance. “Haddii aan ka mid ahaan lahaa golaha wasiirrada dowladda Israel, ma weerareen saaxiibka awoodda leh ee keliya ee aan dunida ku leeyahay.”

Hadalka Vance ayaa yimid kadib markii xubno midigta fog ka tirsan dowladda Israel ay si cad u dhaliileen heshiiska Mareykanka iyo Iran, kaas oo dhigaya in la hakiyo dagaalka, lagana shaqeeyo dib u furista Marinka Hormuz, oo muhiim u ah ganacsiga shidaalka adduunka.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa si gaar ah uga carooday weerarro uu sheegay in si shaqsi ah loogu qaaday Trump, isaga oo xusay in hubka ugu badan ee Israel looga difaacay weerarrada Iran uu yahay mid Mareykan ah.

“Dhibaatada Israel ma ahan Donald J. Trump,” ayuu yiri Vance. “Qof kasta oo Israel jooga oo u maleynaya in dhibaatada ugu weyn ee dalkiisa ay tahay madaxweynaha Mareykanka, waa inuu hurdada ka kaco oo uu xaqiiqada xaaladda dalkaas ku sugan yahay arko.”

Hadalladan ayaa sii muujinaya khilaafka ka dhex muuqda maamulka Trump iyo dowladda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, oo doonayay in cadaadiska lagu hayo Iran aan la dabcin. Trump ayaa dhankiisa raadinayay waddo uu kaga baxo dagaal noqday mid qaali ah, isla markaana aan taageero badan ka haysan gudaha Mareykanka.

Netanyahu si cad uma dhaliilin heshiiska Trump iyo Iran, balse saraakiil Israel ah ayaa si gaar ah u sheegay in heshiiskan uu Tehran siin karo waqti iyo dhaqaale ay dib ugu dhisto gantaalladeeda iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, isla markaana ay dib ugu xoojiso kooxaha ay taageerto ee ka howlgala Lebanon, Yemen iyo Iraq.

Itamar Ben-Gvir, oo ah wasiirka amniga qaranka Israel kana tirsan garabka midigta fog, ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in heshiiska Mareykanka iyo Iran uusan qabaneynin Israel, inkastoo heshiisku si gaar ah u xusayo in dagaalka Lebanon uu dhammaanayo.

“Israel ma hoos tagto Mareykanka, waxaan nahay dal madax-bannaan oo leh qarannimo,” ayuu qoray Ben-Gvir, isaga oo intaas ku daray inuu Trump uga mahadcelinayo taageeradiisa, balse uu yiri “Dowladda Israel ma ahan jamhuuriyad moos ah.”

Vance ayaa sidoo kale wareysi hore oo uu siiyay New York Times ku sheegay in Israel aysan “dhibaato kasta oo amni qaran ah ku xallin karin dil iyo dagaal oo keliya,” hadal loo arkay digniin ku socota wasiirrada ugu mayalka adag ee dowladda Netanyahu.

Heshiiska Mareykanka iyo Iran ayaa lagu sheegay is-afgarad 60 maalmood soconaya, kaas oo Tehran ay ku oggolaatay inay dib u furto Marinka Hormuz, halka Mareykanku uu qaadayo cunaqabateyn saaran iibka saliidda Iran. Tallaabadan ayaa Iran siin karta dhaqaale muhiim ah, xilli ay wajahday cadaadis culus oo dhanka dagaalka iyo dhaqaalaha ah.

Inta lagu guda jiro 60-ka maalmood, labada dhinac ayaa sii wadi doona wada-hadallo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran. Trump ayaa Vance u magacaabay inuu hoggaamiyo marxaladda xigta ee wada-hadallada, inkastoo madaxweyne ku xigeenka uusan sheegin taariikh gaar ah oo ay kulamada bilaabanayaan.

Aqalka Cad ayaa fiidkii Khamiista sheegay in Vance uusan u safri doonin Switzerland, halkaas oo lagu waday in wada-hadallo farsamo ay ka bilowdaan Jimcaha, maadaama qorshaha kulamadaas aan weli si rasmi ah loo dhameystirin.

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in xannibaaddii saarneyd dekedaha Iran la qaaday. Vance ayaa sheegay in Tehran aysan laba maalmood oo xiriir ah rasaas ku furin maraakiibta ganacsiga, isla markaana ay oggolaatay in maraakiib sida 12.5 milyan oo foosto oo saliid ah ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka gudbaan Marinka Hormuz.

“Marka ay kordhiyaan dhaqankooda wanaagsan, annaguna waan kordhin karnaa fududeynta dhaqaale,” ayuu yiri Vance. “Haddii ay hoos u dhigaan dhaqankooda wanaagsan, waan joojin karnaa.”

Trump ayaa qoraal uu Khamiistii ku daabacay baraha bulshada ku boorriyay dalalka Bariga Dhexe inay fursad siiyaan marxaladda xigta ee wada-hadallada. Wuxuu sheegay in Mareykanku ay ka go’an tahay nabad, isla markaana uu ku dhiirrigelinayo dhammaan dhinacyada gobolka inay u oggolaadaan wada-hadallada inay si wanaagsan u socdaan.

Heshiiskan ayaa sidoo kale shaki ka dhaliyay qaar ka mid ah taageerayaasha ugu waaweyn ee Trump iyo saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga. Vance ayaa dadka dhaliilsan heshiiska ugu baaqay inay ku kalsoonaadaan madaxweynaha.

“Wuu aaminsan yahay heshiiska, wuuna dhameystiri doonaa,” ayuu yiri Vance. “Haddii Iran ay fulin weydo, weli waxaan heysanaa dhammaan qalabkii iyo awooddii cadaadis ee aan horey u heysanay.”

Mucaaradka oo soo bandhigay hanaan doorasho oo ka duwan kii hore iyo kan qof iyo cod

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo hoggaannada maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa haatan miiska soo saaray hannaan doorasho oo cusub.

Hanaankan oo ka duwan doorashadii dadbaneyd ee dalka ka dhacday sanadkii 2022 iyo nidaamka qof iyo cod ee ay hadda waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ah doorasho dad iyo deegaanno badan ah.

Golaha ayaa sheegay in qorshahoodu ku saleysan yahay doorasho dadban oo ay ka qeyb-gelayaan dad iyo deegaanno ka badan kuwii lagu saleeyay doorashooyinkii hore, si loo helo hannaan ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda dalka.

Sida ay sheegeen xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka, nidaamkan cusub ayaa suurta-gelin kara in doorasho dalka ka qabsoonto muddo saddex bilood gudahood ah, haddii lagu heshiiyo qaabka loo wajahayo iyo hirgelintiisa.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, mucaaradka ayaa qorshahan cusub u gudbinaya wakiillada beesha caalamka, kuwaas oo kaalin muuqata ka qaadanaya dadaallada lagu raadinayo is-afgarad siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in beesha caalamku mar kale isa-soo hor fariisiso madaxda Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, xilli ay dowladda sii waddo qorshaheeda doorashooyinka tooska ah, iyadoo dadaalladeeda hadda diiradda saareysa dowlad-goboleedyada Galmudug iyo HirShabeelle, kadib markii ay soo xirtay faylka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, khilaafka ka dhashay doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo muddada xilka hay’adaha federaalka ayaa sii xoogaystay kadib markii dowladda ku adkeysatay in dalka loo wado doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ku tilmaantay isbeddel muhiim ah oo Soomaaliya ka saaraya hannaan doorasho dadban oo muddo dheer ku dhisnaa awood-qeybsi iyo xulasho beeleed.

Soomaaliya ayaa markii ugu dambeysay doorasho guud oo toos ah qabatay sanadkii 1969-kii, ka hor afgambigii militariga ee Maxamed Siyaad Barre. Tan iyo burburkii dowladdii dhexe, doorashooyinka heer federaal ayaa inta badan ku dhacay hannaan dadban, waxaana madaxweynaha dooran jiray baarlamaanka.

Hase yeeshee, qorshaha dowladda ee doorasho qof iyo cod ah ayaa wajahaya mucaaradad xooggan, iyadoo kooxaha mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada ay ku doodayaan in hannaan kasta oo doorasho lagu geli karo uu u baahan yahay heshiis siyaasadeed oo ballaaran.

Beesha caalamka ayaa dhankeeda muujineysa cabsi laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu u gudbo marxalad ka adag midda hadda taagan, gaar ahaan iyadoo Soomaaliya ay weli wajahayso weerarro ka imanaya Al-Shabaab, xaalad amni oo jilicsan iyo baahiyo bini’aadantinimo oo soo noqnoqda.

Waxaa sidoo kale weli xusuusta ku jirta xiisaddii siyaasadeed ee sanadkii 2021, markii muran ka dhashay muddo-kordhin uu sababay isku dhacyo hubeysan oo ka dhacay Muqdisho, ka hor inta aysan dhinacyadii siyaasadeed dib ugu laaban wada-hadal.

Beesha caalamka ayaa hadda u muuqata inay doonayso in laga hortago in xaaladda siyaasadeed ee maanta taagan ay gaarto heerkaas oo kale, iyadoo xoogga saaraysa in dhinacyadu ku heshiiyaan hannaan doorasho oo looga gudbo marxaladda kala guurka.

Xog: R/W Xamza oo ku wajahan Galmudug xilli Qoor-Qoor uu…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda safar ku tago magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-goboleedka Galmudug, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imanaya kaddib wada-hadallo dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), kuwaas oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee maamulka Galmudug.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in labada mas’uul ay isku afgarteen in si dhow looga wada-hadlo arrimaha taagan ee Galmudug, gaar ahaan doorashooyinka, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu booqasho rasmi ah ku tagayo caasimadda maamulkaas si loo sii ambaqaado wada-tashiyada.

Socdaalka Xamza ayaa la filayaa inuu qeyb ka noqdo dadaallada dowladda federaalka ay ku dooneyso xoojinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya dowlad-goboleedyada, gaar ahaan xilligan ay taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay hanaanka doorashada qof iyo cod ee wado Villa Somalia.

Socdaalka Xamza ayaa imanaya xilli maamulka Galmudug uu walaac xooggan ka muujiyay sida uu wax u wado doorka guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha, isagoo ku baaqay in la xaqiijiyo hannaan doorasho oo hufan, daah-furan isla markaana lagu wada kalsoon yahay.

Bayaan kasoo baxay hoggaanka maamulka ayaa lagu eedeeyay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Cabdikariim Axmed Xasan inuu ka mid noqday olole la xiriira musharrax la sheegay inuu u tartamayo xilka madaxtinimada Galmudug.

Galmudug ayaa caddeysay in aysan aqbali karin guddi doorasho oo lagu tuhmayo inuu la safan yahay musharrax ama xisbi gaar ah, iyadoo ku adkaysatay in hufnaanta geeddi-socodka doorashadu ay ku xiran tahay dhexdhexaadnimo buuxda oo guddiga ah.

Sidoo kale, maamulka ayaa sheegay in dhammaan musharraxiinta iyo axsaabta siyaasadeed ay tahay in la siiyo fursado siman oo ay ugu tartamaan doorashada, si looga fogaado wax kasta oo keeni kara eex ama saameyn siyaasadeed oo dhaawici karta natiijada doorashada. Waxay ugu baaqday in la adkeeyo nidaam doorasho oo caddaalad ku dhisan, si ay u soo baxaan natiijooyin leh sharciyad, kalsooni bulsho iyo wada-ogolaansho siyaasadeed.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in xisbiga JSP uu musharraxnimada xilka madaxweynaha Galmudug u wado Liibaan Axmed Xasan, oo lagu tilmaamay ganacsade saaxiib dhow la ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadii saxiixa heshiiska Mareykanka iyo Iiraan ee Switzerland oo la joojiyay

Geneva (Caasimada Online) – Munaasabad la qorsheeyay in maalinta berri ah ee 19-ka Juun ay ka dhacdo magaalada Geneva ee dalka Switzerland, laguna saxiixo heshiiska u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ayaa loo joojiyay, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency, oo soo xiganeysa mas’uuliyiin Pakistani ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Ishaq Dar ayaa sheegay in xafladdii saxiixa aan loo baahnayn inay dhacdo, maadaama is-afgaradka (MoU) hore loogu saxiixay hab fogaan-arag ah, taasoo meesha ka saartay baahida loo qabo kulan kale oo rasmi ah.

Dar oo la hadlay BBC ayaa dhankiisa sheegay in heshiisku sharci ahaan dhaqan-galay markii la saxiixay MoU-ga, sidaas darteedna xafladda Geneva aysan hadda lahayn muhiimaddii hore loo qorsheeyay.

Dhanka kale, mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Pakistan ayaa hore u xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif uu dib u dhigay safar uu ku tegi lahaa Geneva, taas oo sii xoojisay wararka la xiriira isbeddelka ku yimid qorshaha munaasabadda.

Mas’uulkan ayaa sheegay in marxaladaha xiga ee heshiiska lagu sii wadi doono hannaan farsamo iyo waddooyin kale oo diblomaasiyadeed, halkii laga qaban lahaa munaasabad ballaaran oo rasmi ah.

Su’aalaha ku saabsan mustaqbalka xafladda ayaa sii xoogaystay kadib markii Sharif uu wax ka beddelay qoraal uu ku daabacay bartiisa X, isagoo ka saaray qayb tilmaamaysay in Pakistan oo ay taageerayaan dhex-dhexaadiyeyaasha Qatar, ay martigelin doonto munaasabadda rasmiga ah ee lagu qorsheeyay Switzerland.

Qoraalkii hore ayaa sidoo kale xusay in munaasabaddaasi ay calaamad u noqon doonto bilowga wada-hadallada farsamo ee heerka sare ah, hase yeeshee tixraacyadaas ayaa markii dambe laga saaray farriinta ra’iisul wasaaraha.

Ilo xog-ogaal ah ayaa subaxnimadii u sheegay warbaahinta in qorshaha munaasabadda uu weli socday, balse saacado yar kadib waxaa soo baxay go’aan cusub oo lagu hakiyay gebi ahaanba qabsoomidda xafladda.

Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif ayaa ka mid ahaa dhinacyadii saxiixay is-afgaradka, isaga oo door dhex-dhexaadin ah ka qaatay geeddi-socodka heshiiska, halka faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan tallaabooyinka xiga la filayo inay soo baxdo maalmaha soo socda.