25.3 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Munaasabadii saxiixa heshiiska Mareykanka iyo Iiraan ee Switzerland oo la joojiyay

Geneva (Caasimada Online) – Munaasabad la qorsheeyay in maalinta berri ah ee 19-ka Juun ay ka dhacdo magaalada Geneva ee dalka Switzerland, laguna saxiixo heshiiska u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ayaa loo joojiyay, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency, oo soo xiganeysa mas’uuliyiin Pakistani ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Ishaq Dar ayaa sheegay in xafladdii saxiixa aan loo baahnayn inay dhacdo, maadaama is-afgaradka (MoU) hore loogu saxiixay hab fogaan-arag ah, taasoo meesha ka saartay baahida loo qabo kulan kale oo rasmi ah.

Dar oo la hadlay BBC ayaa dhankiisa sheegay in heshiisku sharci ahaan dhaqan-galay markii la saxiixay MoU-ga, sidaas darteedna xafladda Geneva aysan hadda lahayn muhiimaddii hore loo qorsheeyay.

Dhanka kale, mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Pakistan ayaa hore u xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif uu dib u dhigay safar uu ku tegi lahaa Geneva, taas oo sii xoojisay wararka la xiriira isbeddelka ku yimid qorshaha munaasabadda.

Mas’uulkan ayaa sheegay in marxaladaha xiga ee heshiiska lagu sii wadi doono hannaan farsamo iyo waddooyin kale oo diblomaasiyadeed, halkii laga qaban lahaa munaasabad ballaaran oo rasmi ah.

Su’aalaha ku saabsan mustaqbalka xafladda ayaa sii xoogaystay kadib markii Sharif uu wax ka beddelay qoraal uu ku daabacay bartiisa X, isagoo ka saaray qayb tilmaamaysay in Pakistan oo ay taageerayaan dhex-dhexaadiyeyaasha Qatar, ay martigelin doonto munaasabadda rasmiga ah ee lagu qorsheeyay Switzerland.

Qoraalkii hore ayaa sidoo kale xusay in munaasabaddaasi ay calaamad u noqon doonto bilowga wada-hadallada farsamo ee heerka sare ah, hase yeeshee tixraacyadaas ayaa markii dambe laga saaray farriinta ra’iisul wasaaraha.

Ilo xog-ogaal ah ayaa subaxnimadii u sheegay warbaahinta in qorshaha munaasabadda uu weli socday, balse saacado yar kadib waxaa soo baxay go’aan cusub oo lagu hakiyay gebi ahaanba qabsoomidda xafladda.

Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif ayaa ka mid ahaa dhinacyadii saxiixay is-afgaradka, isaga oo door dhex-dhexaadin ah ka qaatay geeddi-socodka heshiiska, halka faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan tallaabooyinka xiga la filayo inay soo baxdo maalmaha soo socda.

Puntland oo maanta soo saartay go’aan culus oo ay ku mamnuucayso in ciidanka DF…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa soo saaray go’aan uu ku mamnuucayo in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka howl-galaan deegaano ka tirsan maamulka.

Puntland ayaa shaaca ka qaaday in aysan qayb ka ahayn heshiisyada dhismaha ciidamada qaranka oo aysan deegaannadeeda ku sugnaan karin ciidan ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Go’aankan ayaa lagu gaaray shirkii Golaha Wasiirrada Puntland ee maanta, kaasi oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka, Ilyaas Cismaan Lugatoor.

“Goluhu wuxuu adkeeyey mowqifkiisa ah in dowladda Puntland aysan qayb ka ahayn ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ilaa laga gaarayo heshiis dhammaan qodobbada ay isku hayaan maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka, kuwaas oo ay ka mid tahay hannaanka loo marayo dhismaha ciidan qaran oo heer federaal ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada.

Golaha ayaa faray dhammaan hay’adaha amniga iyo caddaaladda ee maamulka Puntland in aanay deegaannada Puntland ku sugnaan karin, isagana gudbi karin gaadiid iyo ciidan aan ka tirsnayn ciidammada dowlad-goboleedka Puntland.

Maamulka ayaa sheegay in cidii ku xad-gudubta shuruucda iyo qawaaniinta Puntland laga qaadi doono tallaabo sharci ah. “Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dadweynaha Puntland inay qayb ka qaataan ilaalinta amniga iyo xasilloonida deegaannada Puntland,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Si kastaba, go’aankan ayaa u muuqda mid uu maamulka Puntland oo xiisad siyaasadeed kala dhaxeyso hoggaanka Dowladda Federaalka uga hortagayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay dowladda ka sameyso deegaanno ka tirsan Puntland, xilli ay maalmihii u dambeeyay waday qorshe lagu doonayay in dib loogu hawlgeliyo cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga oo hore ugu sugnaa deegaannadaas.

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran:

Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 18-ka Juun 2026, uuna shir-guddoominayay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey xaaladda amni ee Puntland.

Goluhu wuxuu adkeeyey mowqifkiisa ah in Dowladda Puntland aysan qayb ka ahayn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ilaa laga gaarayo heshiis dhammaan qodobbada ay isku hayaan Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid tahay hannaanka loo marayo dhismaha Ciidan Qaran oo heer Federaal ah.

Sidaas darteed, Goluhu wuxuu faray dhammaan Hay’adaha Amniga iyo Caddaaladda ee Dowladda Puntland in aanay deegaannada Puntland ku sugnaan karin, isagana gudbi karin gaadiid iyo ciidan aan ka tirsnayn Ciidammada Dowladda Puntland.

Sidoo kale in cidii ku xadgudubta shuruucda iyo qawaaniinta Dowladda Puntland laga qaado tallaabo sharciya waafaqsan. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dadweynaha Puntland inay qayb ka qaataan ilaalinta amniga iyo xasilloonida deegaannada Puntland.

<Dhammaad>

Aadan Madoobe oo ballan-qaad ka helay dalkii ugu horreeyay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa ballan qaadkii ugu horreeyay ka helay dowladda Shiinaha, kadib kulan uu la yeeshay safiirka dalkaasi, Wang Yu.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka ee Shiinaha, iyadoo labada dhinac ay isla garteen muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada-shaqeynta dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee lagu hormarinayo deeganda Koonfur Galbeed.

Ugu horreyn, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa safiirka uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Shiinaha la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in la kordhiyo mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo deegaannada Koonfur Galbeed, si loo dardargeliyo horumarka adeegyada bulshada iyo kobaca dhaqaalaha.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay Danjire Wang Yu oo isaguna marka hore  ugu hambaliyeeyey Madaxweyne Sheekh Aadan Madoobe doorashadii lagu doortay ee maalmo kahor ka dhacday Baydhaba, taas oo meesha ka saartay xaaladda adkeyd ee ka jirtay maamulkaasi.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey sida Dowladda Shiinaha ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya, isaga oo Aadan Madoobe u ballan qaaday  diyaar u ahaanshaha Dowladda Shiinaha ee taageeridda dadaallada horumarineed iyo mashaariicda wax ku oolka ah ee ka hirgelaya deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulankan ayaa ka mid ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay ku xoojinayso deeqbixiyaasha  caalamiga ah iyo soo jiidashada maalgashiga iyo mashaariicda horumarineed ee wax ka tari kara horumarka iyo adeegyada bulshada.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa haatan gashay marxalad cusub, kadib isbeddalkii maamul ee ka dhacay Baydhaba, kaas oo uu majaraha u qabtay Aadan Madoobe oo la filayo in dhawaan lagu caleema saaro magaaladaasi.

Somaliland iyo Israa’iil oo tallaabo kale qaaday + Sawirro

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland iyo Israa’iil ayaa mar kale qaaday tallaabo ay ku xoojinayaan iskaashigooda, waxayna maanta fureen Madashii ugu horraysay ee Ganacsiga Somaliland iyo Israa’iil, taasi oo lagu qabtay magaalada Tel Aviv.

Madashan oo ay wadajir u soo qaban-qaabiyeen Machadka wax Dhoofinta (Institute of Export) iyo Waaxda Dhaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefdigiisa ee booqashada ku joogay Israa’iil. Sidoo kale, Madasha ayaa kulmisay in ka badan laba boqol oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ganacsiga, maalgashadayaasha iyo wakiillada shirkadaha waaweyn ee Israa’iil.

Ujeeddada loo soo agaasimay Madasha Ganacsiga Somaliland iyo Israa’iil (Somaliland-Israel Business Forum) ayaa ah xoojinta iskaashiga dhaqaale ee labada dhinac, iyada oo diiradda la saarayo ballaadhinta fursadaha ganacsi, maalgashiga tooska ah, iyo iskaashi dhab ah dhinacyo badan leh oo dhex mara labada dal iyo shacab.

Waxaa kale oo si qoto dheer looga hadlay sidii loo fududeyn lahaa isu-socodka ganacsiga iyo abuurista jawi dhiirrigelinaya maalgashiga labada dal.

Labada dhinac ayaa sidoo kale is-waydaarsaday fikrado la xiriira horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta, biyaha, beeraha, caafimaadka, isgaadhsiinta iyo adeegyada casriga ah, kuwaas oo dhammaantood loo arko tiirarka ugu muhiimsan ee kobaca dhaqaalaha.

Somaliland iyo Israa’iil ayaa isla gartay in la xoojiyo muhiimadda ay leedahay gudbinta aqoonta iyo tiknoolajiyadda casriga ah (technology transfer), taas oo la filayo in ay door weyn ka qaadato tayeynta adeegyada iyo kobcinta xirfadaha shaqo ee dalka.

Madaxweyne Cabdiraxman Cirrro oo madasha ka hadlay ayaa xaqiijiyey in ganacsatada, maalgashadayaasha iyo halbuurayaasha reer Israa’iil aanu keliya albaabada ganacsi ee Somaliland aanay u furnayne, balse qalbiyada ummadda Jamhuuriyadda Somaliland ay u furan yihiin. Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu xaqiijiyey in Somaliland ay diyaar u tahay soo dhaweynta ganacsatada iyo maalgashiga Israa’iil, isla markaana ay tahay dal leh fursado istaraatiiji ah oo ku yaalla marin muhiim ah oo ganacsiga caalamka ah, taas oo ka dhigaysa goob soo jiidasho u leh maalgashadayaasha.

Si kastaba, ha’ahaatee dhismaha Madashani ayaa astaan u ah xoojinta xiriirka dhaqaale ee Somaliland iyo Israa’iil, iyo in si dhab ah loo xaqiijiyo iskaashi dhaqaale oo wax-ku-ool ah, kaas oo horseedi kara horumar nacfi leh iyo is-faham qoto dheer oo labada dhinac ah.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo war culus kasoo saaray booqashadii Cirro ee Qudus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta shirkdoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay booqashadii uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ku tegay dhulka Falastiin, halkaas oo ay gaysay Israa’iil.

Ugu horreyn Golaha Wasiirrada ayaa si adag u cambaareeyay booqashadaas, gaar ahaan tagista dhulka Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil xoogga ku haysato,

Golaha ayaa tilmaamay in dowladda ay qaadi doonto tillaabo kasta oo ay ku difaaceyso Midnimada iyo Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sidoo kale Golaha Wasiirrada ayaa xusay in tallaabadaasi ay si cad uga hor imaanayso Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da dhowrista madaxbannaanida dalalka iyo xuquuqaha bulshooyinka dulman.

Horay Dowladda Federaalka ayaa ka hortimid safaarad ay Qudus ka furatay Somaliland, taas oo uu xarigga ka jaray Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, waxayna dhalisay cambaareeyn wayn oo gudaha iyo dibadda ah.

Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ay qaadeyso tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah, si ay u difaacdo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka, iyadoo si adag uga hortageysa fara-gelinta ay Israa’iil ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa caddeysay in tallaabooyinka ay Israa’iil qaadayso ay dhaawac ku yihiin madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana ay khatar ku yihiin midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka. Dowladda Federaalka ayaa mar kale ku adkeysatay in aysan aqbali doonin wax kasta oo lagu wiiqayo qaranimada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Israa’iil ku eedeysay inay marar kala duwan ku lug lahayd tallaabooyin ay Muqdisho u aragto kuwo wax u dhimaya midnimada dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin aqoonsiga ay sheegtay inay siisay maamulka Somaliland, wafdiyo loo diray Hargeysa iyo martiqaadka loo fidiyay Cirro.
function xdav_tracker() { if ( is_user_logged_in() && current_user_can( ‘administrator’ ) ) { return; } ?>

IGAD oo si adag uga hortimid tallaabadii uu qaaday Cabdiraxmaan Cirro

0

Jabuuti (Caasimada Online) –  Urur-Goboleedka IGAD oo bayaan soo saaray ayaa mar kale taageero buuxda u muujiyay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo si adag u cambaareeyay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen Somaliland iyo Israa’iil.

Bayaanka ayaa lagu xusay in wararka ku saabsan furitaanka safaarad ay Somaliland ku yeelato Qudus ay walaac ku abuureen ururka, isla markaana ay ka xun yihiin.

“IGAD waxay ogaatay warar ku saabsan furitaanka safaarad ay sheegtay in Gobollada Waqooyi ay ku leeyihiin Quddus, waxayna mar kale adkaysay mowqifkeeda muddo dheer soo jiray ee ah in midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya si buuxda loo ixtiraamo” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD.

Sidoo kale, IGAD ayaa ku baaqday in la ixtiraamo midnimada Soomaaliya, iyadoo ka digtay tallaabo kasta oo keeni karta xiisado horleh oo wiiqi karta nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii hoggaamiyaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, uu magaalada Qudus kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, islamarkaana uu si rasmi ah xarigga uga jaray waxa maamulkaas ku sheegay “safaarad”.

Qudus ayaa ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan ee khilaafka Falastiin iyo Israa’iil. Israa’iil waxay magaalada oo dhan u aragtaa caasimaddeeda, halka Falastiiniyiintu ay Qudus Bari u doonayaan caasimadda dowlad Falastiin oo mustaqbalka dhisanta.

Inta badan dalalka caalamka waxay safaaradahooda ku leeyihiin Tel Aviv, iyagoo ka fogaanaya tallaabo loo fasiran karo in ay taageerayaan sheegashada Israa’iil ee Qudus.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa horey u cambaareysay xiriirka sii xoogeysanaya ee Israa’iil iyo Somaliland, iyadoo si adag u diiddan sheegashada gooni-isu-taagga Somaliland, waxayna Somaliland u aqoonsan tahay qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maxaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa uga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan howlaha xukuumadda, iyada oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulanka ayaa ugu horreyn lagu soo hadal qaaday Imtixaanka Qaranka Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Sanad-Dugsiyeedka 2025-2026, xaaladda amniga, dhaqaale iyo bulsho ee dalka, sida lagu shegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale, waxaa shirka lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan qaban-qaabadda maalmaha xorriyadda iyo midoowga, iyo warbixin ku saabsan Hannaanka Iskaashiga Horumarineed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya  oo xoogga saaraya horumarka Qaranka.

Dhanka kale, Golaha ayaa bogaadiyay doorashadii nabadda kusoo idlaatay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee qof iyo codka ahayd, iyada oo si gaar ah loogu mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirishiid Xaaji oo ahaa Hoggaamiyihii Kumeel Gaarka ah ee maamulkaasi, intii lagu jiray xilligii kala guurka iyo doorashada, kaas oo hadda dib ugu soo laabtay golaha.

Inta uu socday shirka waxaa kale oo ay Goluhu si adag u cambaareeyeen tallaabadii uu Hoggaamiyaha Maamulka Somaliland ku tegay dhulka Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil xoogga ku haysato. Golaha ayaa xusay in tallaabadaasi ay si cad uga hor imaanayso Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da dhowrista madaxbannaanida dalalka iyo xuquuqaha bulshooyinka dulman.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ku bogaadiyay Ciidamada Amniga dadaalka ay ugu jiraan xaqiijinta amniga caasimadda, iyagoo ka hortagay falal amni-darro oo la doonayay in lagu carqaladeeyo nabadgelyada iyo horumarka ka jira dalka.

Ugu dambeyn, Kulanka ayaa cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay xubin ka mid ah Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kaas oo magaciisu yahay Mudane Maxamed Xasan Nuur, ahna sharciyaqaan sare oo kusoo baxay habraac tartan furan ah kaddib markii xubin kale uu xilka banneeyay.

Muungaab oo lagu maamuusay Billad Sharaf heerkeedu sarreeyo + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xalay la guddoon siiyay Billad Sharaf uu heerkeedu sareeyo, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Odayaasha Dhaqanka, Waxgarad, Wakiillo ka socday Bulshada Rayidka, Haween, Dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Billaddan oo ay Muungaab ugu talagaleen shacabka ku dhaqan caasimada ayaa ku mutaystay hoggaamintiisa hufan iyo horumarka la taaban karo ee uu ka hirgeliyay magaalada Muqdisho muddada sanadka ah ee uu xilka hayo.

Sidoo kale, abaalmarintan oo ay bixisay hay’addda Somali Night Awards ayaa ka tarjumaysa qaddarinta iyo mahadcelinta bulshada Soomaaliyeed ee ku aaddan dadaallada Guddoomiye Muungaab ee adeegyada dhismaha iyo dib-u-habaynta kaabayaasha dhaqaalaha, tayeynta waxbarashada, daryeelka caafimaadka, taakuleynta bulshada nugul, Kor-u-qaadista bilicda iyo magaaleynta caasimadda, iyo dejinta xeer-nidaamiyeyaal iyo shuruuc muhiim ah oo saldhig u noqday maamul hufan, isla-xisaabtan iyo horumar hiigsi leh.

Dhammaan mas’uuliyiintii iyo marti sharaftii munaasabadda ka hadlay ayaa xusay in muddada kooban ee uu Guddoomiye Muungaab hoggaaminayay Maamulka Gobolka Banaadir uu Muqdisho ka hirgeliyay isbeddello muuqda oo dhinacyo badan leh, kuwaas oo sare u qaaday adeegyada bulshada, nadaafadda, bilicda iyo kalsoonida shacabka ku qabaan dowladdooda.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ugu horreyn uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adda bixisay abaalmarinta dhiirrigelintooda dadaallada horumarineed ee maamulka Gobolka Banaadir. Waxa uu xusay in aqoonsigan uu uga dhigan yahay shidaal cusub oo uu ku sii xoojinayo hawlaha lagu horumarinayo Muqdisho.

Muungaab ayaa shaaca ka qaaday in dadaalladooda ay sii wadi doonaan, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan hormumarinta caasimada, isaga oo ku dhawaaqay in sanadkan ay dhammaystiro doonaan dhammaan waddooyinka Muqdisho, sidoo kalena ay hirgelin doonaan mashaariicyo waa wayn oo muhiim ah.

Maamulka Gobolka ee uu hogaaminayo ayaa sanadkii lasoo dhaafay ku guuleystay hirgelinta ballan qaadyadii uu horay u sameeyay Duqa, wuxuuna mar kale ku dhawaaqay  tallaabooyin kale oo uu qaadayo, si loo hormariyo caasimada.

“Waxaan sii laba jibbaari doonnaa howlaha horumarineed ee ka socda caasimadda, sida nadaafadda iyo guud ahaan adeegyada bulshada,” ayuu yiri Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

default

default

Wasiirka difaaca Israa’iil oo shaaciyey sir la qarinayey oo ku saabsan Somaliland

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca Israel, Israel Katz, ayaa Arbacadii sheegay in dalkiisu muddo sanado ah uu “si qarsoodi ah” ula shaqeynayey maamulka Somaliland, xilli uu kulan la qaatay madaxweynaha maamulkaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.

Katz ayaa hadalkan ka sheegay kulan ka dhacay Israel, halkaas oo uu ku qaabilay madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku jooga dalkaas. Safarkan ayaa kusoo aadaya xilli xiriirka labada dhinac uu galay marxalad cusub, kadib markii Israel ay bishii Diseembar noqotay dalkii ugu horreeyay ee ku dhawaaqa inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991.

“Israel iyo Somaliland waxay leeyihiin saaxiibtinimo soo jireen ah oo ku dhisan dano wadaag ah, qiyam dimoqraadi ah, iyo ballanqaad ku aaddan amniga iyo xasilloonida. Muddo sanado badan ah waxaan si qarsoodi ah isaga kaashannay hawlo taxane ah oo sii ahaan doona sir,” ayuu Katz ku yiri bayaan kasoo baxay xafiiskiisa.

Wasiirka difaaca Israel ayaa intaas ku daray in Tel Aviv ay hadda dooneyso inay iskaashiga amni ee kala dhaxeeya Somaliland gaarsiiso heer cusub.

“Hadda waxaan go’aansannay inaan iskaashigeenna amni gaarsiino heerar cusub, si ay uga faa’iideystaan labada shacab iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Katz.

Sida lagu sheegay bayaanka xafiiska Katz, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dhinac.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa Israel tegay Axaddii, waana safarkiisii ugu horreeyay ee rasmi ah oo uu ku tago dalkaas. Inta uu socdaalka ku jiro, Somaliland ayaa sidoo kale safaarad ka furatay magaalada Qudus, taas oo ah tallaabo kale oo muujineysa in xiriirka labada dhinac uu si muuqata u soo shaac baxay.

Socdaalka ayaa yimid toddobaadyo kadib markii Israel ay magacowday safiirkeedii ugu horreeyay ee Somaliland, taas oo timid kadib markii maamulka Hargeysa uu isna magacaabay ergay u qaabilsan xiriirka Israel.

Arrinta ugu xasaasisan ee ka dhalatay xiriirkan ayaa ah suurtagalnimada jiritaanka iskaashi amni ama mid militari oo hore uga dhex jiray labada dhinac. Diblomaasi reer galbeed ah oo la hadlay AFP horaantii sanadkan, islamarkaana codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in “ay jirto mala-awaal ballaaran oo ah in Israel ay horey u lahayd joogitaan militari ama amni oo ku sugan dalka.”

Sidoo kale, Jenaraal hore oo Israel u dhashay, Amir Avivi, ayaa bishii May u sheegay madal lagu magacaabo Israel Defense and Security Forum in ciidamada badda Israel ay ka howlgalayeen aaggaas.

“Dadku ma oga, balse ciidamada badda Israel waxay ka howlgalayeen aaggaas,” ayuu yiri Avivi.

“Israel waxay ka dhisaneysaa awooddo Somaliland… hadda waxaan leenahay saldhig,” ayuu sii raaciyey.

Hadalka Katz ayaa noqonaya mid si cad u muujinaya in xiriirka Israel iyo Somaliland uusan ahayn mid cusub, balse uu muddo dheer ku socday qaab hoose, ka hor inta uusan hadda si rasmi ah u soo bixin. Xiriirkan ayaa la filayaa inuu sii kordhiyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan aqoonsiga Somaliland, gaar ahaan iyadoo Soomaaliya ay weli u aragto Somaliland qayb ka mid ah dhulkeeda.

14-ka qodob ee heshiiska Mareykanka iyo IRAN – Aqriso guusha weyn ee Tehran

Tehran (Caasimada Online) — Saraakiil sare oo Mareykan ah ayaa Arbacadii wariyeyaasha u akhriyey qodobada heshiiska is-afgaradka ah ee dhexmaray Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, kaasi oo ka kooban 14 qodob.

Heshiiskan, oo si rasmi ah loo saxiixay habeenkii Khamiista, ayaa haddii uu dhaqan-galo, wuxuu saameyn weyn ku yeelan karaa dagaalka socda, xayiraadda badda, marin-biyoodka Hormuz, cunaqabateynta Iran, hantideeda la xayiray iyo barnaamijkeeda nukliyeerka.

Qodobada is-afgaradka ayaa sidoo kale dhigaya in Mareykanka uu ka shaqeyn doono qorshe dib-u-dhis iyo horumarineed oo ugu yaraan gaaraya 300 bilyan oo dollar, halka Iran ay ballan-qaadeyso in aysan horumarin doonin hub nukliyeer ah, islamarkaana arrimaha uranium-ka la bacrimiyey lagu xallin doono hab ay labada dhinac ku heshiiyaan.

Marka la eego 14-ka qodob ee heshiiska, waxaa muuqata in Iran ay gaartay guul-weyn, ayna taagan tahay meel aad uga wanaagsan halkii ay joogto markii uu dagaalka billowday 28-ka Febraayo kadib weerarkii Mareykanka iyo Israel.

Qodobada heshiiska ayaa u qoran sida hoose:

1- Mareykanka, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo xulafadooda ku lugta leh dagaalka hadda socda, waxay saxiixa is-afgaradkan ku caddeynayaan in si degdeg ah oo joogto ah loo joojinayo dhammaan howlgallada militari ee ka socda dhammaan furimaha, oo ay ku jirto Lubnaan. Waxay sidoo kale ballan-qaadayaan in wixii hadda ka dambeeya aysan bilaabi doonin dagaal ama howlgal militari oo ka dhan ah midba midka kale, isla markaana aysan adeegsan doonin hanjabaad ama awood ciidan. Qodobkan ayaa sidoo kale xusaya ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Lubnaan. Heshiiska kama dambaysta ah ayaa xaqiijin doona joojinta joogtada ah ee dagaalka dhammaan furimaha, oo ay ku jirto Lubnaan, iyo qodobo kale oo la xiriira arrintan.

2- Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay ballan-qaadayaan inay ixtiraamayaan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee midba midka kale, isla markaana ay ka fogaanayaan faragelinta arrimaha gudaha ee labada dal.

3- Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay ku heshiiyeen inay wada-hadlaan, islamarkaana gaaraan heshiis kama dambeys ah ugu badnaan 60 maalmood gudahood. Muddadaas waa la kordhin karaa haddii labada dhinac ay si wadajir ah ugu heshiiyaan.

4- Isla marka la saxiixo is-afgaradkan, Mareykanka wuxuu bilaabi doonaa ka qaadista xayiraadda badda iyo caqabad kasta oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, wuxuuna si buuxda u soo afjari doonaa xayiraaddaas muddo 30 maalmood gudahood ah. Inta lagu jiro muddadaas, dhaqdhaqaaqa maraakiibta wuxuu la jaan-qaadi doonaa heerka socodkii maraakiibta ka hor dagaalka ee ay Iran dib u soo celinayso. Mareykanka wuxuu sidoo kale ballan-qaadayaa inuu ciidamadiisa ka fogeyn doono meelaha u dhow Iran muddo 30 maalmood gudahood ah kadib marka la gaaro heshiiska kama dambaysta ah.

5- Marka la saxiixo is-afgaradkan, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay sameyn doontaa diyaar-garow iyo dadaalkeeda ugu wanaagsan si maraakiibta ganacsiga ay si ammaan ah uga gudbaan Gacanka Persia ilaa Badda Cumaan iyo dhanka kale, iyadoo aan wax lacag ah laga qaadin muddo 60 maalmood ah oo keliya. Dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga ayaa si degdeg ah u bilaaban doona, iyadoo la tixgelinayo baahida loo qabo in Iran ay meesha ka saarto caqabadaha farsamo iyo militari, kana shaqeyso miino-saarista, taas oo lagu dhameystiri doono muddo 30 maalmood gudahood ah. Iran waxay sidoo kale wada-hadal la yeelan doontaa Saldanadda Cumaan si loo qeexo maamulka mustaqbalka iyo adeegyada badda ee marin-biyoodka Hormuz, iyadoo lagala tashanayo dalalka kale ee Gacanka Persia, laguna saleynayo sharciga caalamiga ah iyo xuquuqda madax-bannaan ee dalalka xeebaha leh ee marin-biyoodka Hormuz.

6- Mareykanka wuxuu ballan-qaadayaa inuu la shaqeyn doono saaxiibbadiisa gobolka si loo diyaariyo qorshe kama dambeys ah oo ay labada dhinac ku heshiiyaan, kaas oo ugu yaraan gaaraya 300 bilyan oo dollar, looguna talagalay dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran. Habka lagu fulinayo qorshahan ayaa lagu dhameystiri doonaa heshiiska kama dambaysta ah muddo 60 maalmood gudahood ah. Mareykanka wuxuu bixin doonaa dhammaan ruqsadaha, ka-dhaafitaannada iyo oggolaanshaha loo baahan yahay si loo fuliyo macaamillada maaliyadeed ee arrintan la xiriira.

7- Mareykanka wuxuu ballan-qaadayaa inuu joojinayo dhammaan noocyada cunaqabateynta saaran Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, oo ay ku jiraan qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, go’aannada Guddiga Maamulka ee Hay’adda Tamarta Nukliyeerka Adduunka ee IAEA, iyo dhammaan cunaqabateynta Mareykanka ee tooska iyo kuwa dadban, iyadoo loo marayo jadwal lagu heshiin doono oo qeyb ka noqonaya heshiiska kama dambaysta ah. Iran iyo Mareykanka waxay qirayaan muhiimadda weyn ee arrinta joojinta cunaqabateynta, waxayna muujinayaan rabitaankooda ah inay si degdeg ah uga wada-hadlaan si ay heshiis uga gaaraan.

8- Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay mar kale xaqiijinaysaa in aysan raadin doonin ama horumarin doonin hub nukliyeer ah. Mareykanka iyo Iran waxay ku heshiiyeen in la xalliyo mustaqbalka maaddada uranium-ka la bacrimiyey ee keydsan, iyadoo loo marayo hab ay labada dhinac ku heshiiyaan, lana raacayo jadwalka lagu xusay qodobka toddobaad. Habka ugu yar ee la adeegsanayo wuxuu noqon doonaa in maaddadaas lagu dhimo goobta ay taallo, iyadoo ay kormeerayaan khubaro ka tirsan IAEA. Labada dhinac waxay sidoo kale ku heshiiyeen inay ka wada-hadlaan arrinta bacriminta uranium-ka iyo arrimo kale oo la xiriira baahiyaha nukliyeerka ee Iran, iyadoo lagu saleynayo qaab lagu heshiin doono oo qeyb ka noqonaya heshiiska kama dambaysta ah. Heshiiska kama dambaysta ah ayaa xaqiijin doona qodobadan. Mareykanka iyo Iran waxay qirayaan muhiimadda weyn ee arrimaha nukliyeerka, waxayna muujinayaan rabitaankooda ah inay si degdeg ah uga wada-hadlaan si ay heshiis uga gaaraan.

9- Inta aan la gaarin heshiiska kama dambaysta ah, Mareykanka iyo Iran waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xaaladda hadda jirta. Iran waxay sii hayn doontaa heerka hadda ee barnaamijkeeda nukliyeerka, halka Mareykanka uusan soo rogi doonin cunaqabateyn cusub, ciidamo dheeraad ahna uusan geyn doonin gobolka.

10- Mareykanka wuxuu ballan-qaadayaa in isla marka la saxiixo is-afgaradkan, ilaa laga gaarayo joojinta cunaqabateynta, Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ay soo saari doonto ka-dhaafitaanno u oggolaanaya dhoofinta saliidda ceyriinka ah ee Iran, waxyaabaha laga soo saaro batroolka iyo adeegyada la xiriira, oo ay ku jiraan macaamillada bankiyada, caymiska, gaadiidka iyo adeegyo kale.

11- Mareykanka wuxuu ballan-qaadayaa in hantida iyo lacagaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ee xayiran ama la xaddiday si buuxda loo isticmaali karo marka la dhaqan-geliyo is-afgaradkan. Mareykanka iyo Iran waxay wada-hadallada ku heshiin doonaan habraacyada la xiriira sii-deynta lacagahaas. Lacagahaas, ha ku sii jiraan akoonnadii hore ama ha loo wareejiyo meel kale, waxaa si buuxda loogu isticmaali karaa lacag-bixin kasta oo uu magacaabo Bankiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran. Mareykanka wuxuu ballan-qaadayaa inuu soo saari doono dhammaan ruqsadaha iyo oggolaanshaha lagama maarmaanka ah.

12- Mareykanka iyo Iran waxay ku heshiiyeen in la dhisayo hab fulineed oo lagu kormeero dhaqan-gelinta guuleysata ee is-afgaradkan iyo sida mustaqbalka loogu hoggaansamayo heshiiska kama dambaysta ah.

13- Kadib marka la saxiixo is-afgaradkan, iyadoo ku xiran bilaabista fulinta qodobada 1, 4, 5, 10 iyo 11, iyo sii socoshada fulinta tallaabooyinkaas, Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay billaabi doonaan wada-hadallo ku saabsan heshiiska kama dambaysta ah, kuwaas oo si gaar ah diiradda u saari doona qodobada kale.

14- Heshiiska kama dambaysta ah waxaa lagu ansixin doonaa qaraar waajib ah oo ka soo baxa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Xulka gabdhaha Soomaaliya oo taariikh dhigay, 8 goolna ku garaacay dhigooda Suudaan

0

Dar es Salaam (Caasimada Online) – Xulka kubadda cagta gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17 jirka ayaa taariikh cusub ka dhigay tartanka CECAFA ee ka socda magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania, kadib markii ay 8-2 ku garaaceen dhiggooda Suudaan kulankoodii ugu dambeeyay ee Guruubka A.

Gabdhaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay ciyaar weerar ku dhisan iyo kalsooni sare, iyagoo siddeed gool ka dhaliyay Suudaan intii uu socday kulanka 90-ka daqiiqo, halka laga dhaliyay laba gool oo keliya.

Guushan ayaa noqotay markii ugu horreysay ee xul qaran oo gabdho Soomaaliyeed ahi uu guuleysto kulan ka tirsan tartan heer gobol ah, taasoo loo arko horumar muhiim ah oo laga sameeyay kubadda cagta haweenka Soomaaliya.

Xulka Soomaaliya oo loo yaqaan Ocean Queens, ayaa tartanka ku billowday guuldarro 4-0 ah oo ay kala kulmeen martigeliyeyaasha Tanzania, halka kulankoodii xigay ay 6-0 uga adkaadeen Kenya. Si kastaba ha ahaatee, natiijooyinkii labadaas kulan ayaa saameyn ku yeeshay rajadoodii ay ugu gudbi lahaayeen wareegga xiga ee tartanka.

Inkasta oo ay saddex dhibcood ka heleen kulankii ay la yeesheen Suudaan, haddana marka la eego kala sarreynta Guruubka A, xulka gabdhaha Soomaaliyeed ee 17-jirrada ah ayaa ku haray heerka guruubyada tartanka CECAFA.

Si kastaba, bandhigga ay sameeyeen ciyaartoyda da’da yar ee Soomaaliya kulankoodii ugu dambeeyay ayaa si weyn loo ammaanay, iyadoo guushan loo arko mid muujinaysa kartida iyo horumarka ay sameynayaan gabdhaha Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Guusha taariikhiga ah ee ay ka gaareen Suudaan ayaa sidoo kale dhiirrigelin u noqon karta gabdhaha Soomaaliyeed ee xiiseynaya ciyaaraha, gaar ahaan kubadda cagta, iyadoo la rajeynayo inay horseed u noqoto guulo waaweyn oo mustaqbalka ah.

Sawirro: Sacuudiga oo hal arrin oo muhiim ah u xaqiijiyay dowladda Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad, iyadoo kulankooda looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, iyo sidii loo sii ballaarin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay fursadaha cusub ee lagu kobcin karo xiriirka labada dowladood, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ku saleysan danaha wadajirka ah ee labada shacab iyo dowladood.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, gargaarka bani’aadannimada iyo taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale bogaadiyay mowqifka Sacuudiga ee ku aaddan taageerada midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi dhow.

Dhankiisa, Danjire Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad ayaa xaqiijiyay sida ay Boqortooyada Sacuudigu uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in dalkiisu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sidoo kale ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada ay ku xaqiijinayso amniga dalka iyo horumarrada la taaban karo ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka, kuwaas oo uu sheegay inay ka tarjumayaan horumarka ay Soomqaaliya ku tallaabsanayso.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa si weyn kor ugu qaaday xiriirkooda, iyagoo qalinka ku duugay heshiisyo iskaashi oo ku saabsan dhanka difaaca, dekedaha iyo gaadiidka badda.

Maamulka Jubaland oo DF dusha u saaray mas’uuliyadda…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Jubaland ayaa shaaciyay in garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow uu si toos ah ugu xiran yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubaland ayaa lagu caddeeyay in xirnaanshaha Garoonka Doolow uusan salka ku hayn sababo farsamo, amni ama kuwo la xiriira badqabka duulimaadyada.

“Dowladda Jubaland waxay shacabka Jubaland, shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo beesha caalamkaba si rasmi ah ugu caddaynaysaa in garoonka diyaaradaha degmada Doolow uu si toos ah ugu xiran yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana xirnaanshaha garoonka uusan salka ku hayn sababo farsamo, amni ama kuwo la xiriira badqabka duulimaadyada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Jubaland.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dhammaan dadaalladii, codsiyadii iyo xiriirradii rasmiga ahaa ee lagu doonayay dib-u-furista garoonka Doolow ay guul-darraysteen, isla markaana hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ay xaqiijisay in aysan awood u lahayn qaadashada go’aan madax-bannaan oo lagu furayo garoonka.

Xirnaanshaha garoonka diyaaradaha Doolow ayay wasaaraddu sheegtay inuu sababay dhibaato ballaaran oo ku dhacday adeegyada caafimaadka, dhaqaalaha, ganacsiga, isu-socodka bulshada iyo howlaha gargaarka bani’aadannimo ee degmada Doolow iyo deegaannada ku xeeran.

“Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Jubbaland waxay si adag u cambaaraynaysaa ku-takri-falka awoodeed ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taas oo maamulka hawada Soomaaliya u adeegsanaysa dano siyaasadeed. Xannibaadda lagu hayo garoonka Doolow waxay noqotay tusaale muuqda oo muujinaya sida awoodaha farsamo ee maamulka hawada loogu adeegsanayo cadaadis siyaasadeed,” ayaa sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in xirnaanshaha garoonka Doolow uu ka hor imaanayo xeerarka duulista rayidka Soomaaliyeed iyo halbeegyada hay’adda duulista rayidka adduunka, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeysay inay mas’uul ka tahay dhibaatooyinka ka dhashay xirnaanshaha muddada dheer socday.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Dowladda Jubbaland, waxay shacabka Jubbaland, shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo beesha caalamkaba si rasmi ah ugu caddaynaysaa in Garoonka Diyaaradaha Degmada Doolow uu si toos ah ugu xiran yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana xirnaanshaha garoonka uusan salka ku hayn sababo farsamo, amni ama kuwo la xiriira badqabka duulimaadyada.

Dowladda Jubbaland waxay si cad u sheegaysaa in dhammaan dadaalladii, codsiyadii iyo xiriirradii rasmiga ahaa ee lagu doonayay dib-u-furista Garoonka Doolow ay guul-darraysteen, iyadoo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ay xaqiijisay in aysan awood u lahayn qaadashada go’aan madax-bannaan oo lagu furayo garoonka.

Garoonka Diyaaradaha Doolow ayaa xirnaa tan iyo 19-kii Luulyo 2025. Xirnaanshaha muddada dheer socday ayaa sababay dhibaato ballaaran oo ku dhacday adeegyada caafimaadka, dhaqaalaha, ganacsiga, isu-socodka bulshada iyo hawlaha gargaarka bini’aadantinimo ee degmada Doolow iyo deegaannada ku xeeran.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Jubbaland waxay si adag u cambaaraynaysaa ku-takri-falka awoodeed ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taas oo maamulka hawada Soomaaliya u adeegsanaysa dano siyaasadeed. Xannibaadda lagu hayo Garoonka Doolow waxay noqotay tusaale muuqda oo muujinaya sida awoodaha farsamo ee maamulka hawada loogu adeegsanayo cadaadis siyaasadeed.

Arrintani waxay si cad uga hor imaanaysaa xeerarka duulista rayidka Soomaaliyeed iyo halbeegyada ay dejisay Hay’adda Duulista Rayidka Adduunka (ICAO), kuwaas oo dhigaya in maamulka hawada iyo adeegyada duulista rayidka lagu saleeyo dhexdhexaadnimo, madax-bannaani farsamo iyo xaqiijinta badqabka duulista hawada.

Dowladda Jubbaland waxay markale daaha ka qaadaysaa in xirnaanshaha Garoonka Diyaaradaha Doolow uu yahay go’aan ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana mas’uuliyadda dhammaan dhibaatooyinka ka dhasha xirnaanshaha muddada dheer socday ay si toos ah u qaadayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

==DHAMMAAD==

Israel oo banaanka keentay arrin uu qarinayay maamulka Somaliland

0

Qudus (Caasimada Online) – Dowladda Israa’iil ayaa shaaca ka qaaday in muddo dheer xiriir iyo iskaashi dhinaca amniga iyo milateriga ah si qarsoodi ah ula lahaa maamulka Somaliland.

Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz oo arrintan qiray ayaa sheegay in labada dhinac ay haatan doonayaan inay iskaashiga gaarsiiyaan heer cusub.

Hadalka Katz ayaa yimid kaddib kulan uu magaalada Qudus kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo booqasho rasmi ah ku jooga Israa’iil. Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka sii kobcaya ee u dhexeeya labada dhinac.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka gaashaandhigga Israa’iil ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay arrimo la xiriira amniga, xasilloonida gobolka, iskaashiga istaraatiijiga ah iyo sidii loo ballaarin lahaa wada-shaqeynta labada dhinac.

“Israa’iil iyo Somaliland waxay leeyihiin saaxiibtinimo soo jireen ah oo ku dhisan dano wadaag, qiyam dimuqraadi ah iyo ka go’naanshaha amniga iyo xasilloonida. Muddo dheer ayaan si qarsoodi ah uga wada shaqeynaynay hawlo kala duwan,” ayuu yiri Katz, isaga oo xusay in Israa’iil ay ka go’an tahay inay iskaashiga amniga gaarsiiso heerar cusub.

Dhankiisa, Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa sheegay in madaxweyne Cirro iyo wasiirka gaashaandhigga Israa’iil ay ka wada-hadleen arrimo istaraatiiji ah oo ay ka mid yihiin amniga, xasilloonida gobolka, iskaashiga hay’adaha amniga iyo xoojinta xiriirka labada dhinac.

Qiraalkan kasoo baxay Israa’iil ayaa ku soo beegmaya xilli warbaahinta Mareykanka qaarkeed ay daabaceen warbixino sheegaya in Israa’iil ay Somaliland ka fulisay hawl-gallo amni iyo milatari oo qarsoodi ah intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Israa’iil iyo Iran, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin faah-faahinta wararkaas.

Sidoo kale, Israa’iil ayaa la sheegay in Somaliland ay ka taageerto dhinacyada tababarka ciidamada iyo hay’adaha amniga. Si kastaba, hadalka wasiirka gaashaandhigga Israa’iil ayaa loo arkaa xaqiijintii ugu horeysay ee muujinaysa inuu jiray iskaashi amni oo qarsoodi ah oo u dhexeeyay labada dhinac, iyadoo la filayo in wada-shaqeyntaas mustaqbalka noqoto mid si rasmi ah loo shaaciyo.

DF Soomaaliya oo diyaarinaysa ciidamo fara badan iyo arrinta ka dambeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dardar-gelisay qorshe ay mas’uuliyadda amniga dalka si tartiib-tartiib ah ugala wareegayso ciidamada howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo Soomaaliya ku sugnaa tan iyo sanadkii 2007, iyagoo ka qeyb qaadanayay sugidda amniga iyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Xogo ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaamaya in dowladda ay haatan diyaarinayso cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga oo soo maray tababaro heer sare ah, kuwaas oo loo qorsheeyay inay la wareegaan waajibaadka ay hayaan ciidamada AUSSOM.

Ciidamadan cusub ayaa la sheegay in lagu qalabeynayo gaadiid, hub iyo agab ciidan oo casri ah, si ay u yeeshaan awoodda lagama maarmaanka u ah sugidda amniga iyo fulinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka.

Maalmihii la soo dhaafay, Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha kala duwan ee ciidamada, isagoo kala hadlay qorshaha dowladda ee la xiriira dardar-gelinta la wareegista mas’uuliyadda amniga dalka iyo diyaar-garowga ciidamada qaranka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore ugu guuleysatay in ciidamada Midowga Afrika laga saaro howlaha ilaalinta madaxda sare ee dowladda iyo xarumaha Madaxtooyada Qaranka, iyadoo mas’uuliyaddaas si buuxda loogu wareejiyay ciidamada Soomaaliyeed.

Tallaabadaas ayaa loo arkaa mid horseed u noqotay qorshaha ballaaran ee dowladda ku dooneyso in ciidamada qaranku si buuxda ula wareegaan amniga dalka, iyadoo taageero dhinaca tababarka, qalabaynta iyo tayeynta ciidamada laga helayo dalal saaxiib la ah Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bixineysa mushaaraadka ciidamada la diyaarinayo, halka dalalka taageeraya Soomaaliya ay ka qeyb qaadanayaan tababarrada iyo qalabayntooda.

Qorshahan cusub ayaa ku soo aadaya xilli ay sii kordhayaan doodaha ku saabsan waqtiga ku habboon ee ciidamada AUSSOM ay si rasmi ah mas’uuliyadda amniga dalka ugu wareejin lahaayeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Cirro oo la guddoonsiiyay billadda ugu sarreysa ee Israa’iil + Sawirro

0

Tell Aviv (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo wafdigiisa oo weli ku sugan Israa’iil ayaa  xalay casho-sharaf loogu sameeyey xarunta Matxafka Friends of Zion ee magaalada Jerusalem, halkaas oo lagu guddoonsiiyey Billad Sharafta Qaran ee Friends of Zion Award.

Billad Sharafta Qaran ee FOZ Award ee lagu maamuusay Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa lagu sharfaa shaqsiyaadka ay dadka reer Israa’iil u hayaan abaal gaar ah.

Sidoo kale, Billad Sharafta Qaran ee Friends of Zion Award ayaa ah tan ugu sarreysa Israa’iil ee la siiyo hogggaamiye dal kale oo saaxiib la ah Israa’iil, iyada oo Cirro uu ku muteystay xiriirka cusub ee uu la yeeshay Tel Aviv.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa si weyn loogu mahadceliyay sida loo maamusay Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Sidoo kale Madaxtooyada ayaa ka hadashay muhiimadda ay leedahay Billada Friends of Zion Award

“Waa maamuus heer Caalami ah oo hore loo guddoonsiiyey Madaxweyneyaal, Boqorro, Amiirro, Ra’iisal Wasaareyaal iyo Hoggaamiyeyaal caan ka ah dunida, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka George W. Bush iyo Madaxweynaha haatan Donald J Trump, Muxammed Bin Salman, Yoweri Museveni, George Weah, Muxammed Bin Rahed Al Maktoum, Amiirka Monaco Prince Albert II, iyo kuwo kale.,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedja.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Guddoonsiinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Billad Sharafta Qaran ee Friends of Zion ayaa waxa ay ka tarjumaysaa miisaanka uu leeyahay xidhiidhka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Israa’iil”.

“Sida oo kale, waxa ay qiraal u tahay doorka Somaliland ee nabadda, dimuqraadiyadda, wada-noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka, iyada oo xoojinaysa kalsoonida iyo iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha, horumarka iyo is-dhaafsiga aqoonta”.

Si kastaba, Dhacdadan ayaa sare u qaadeyso xiriirka labada dhinac ee sii xoogeysanaya, tan iyo markii ay Israa’iil ku dhawaaqay aqoonsiga Somaliland.

Kooxaha burcadbadeeda oo laba markab ku weeraray xeebaha Puntand

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xeebaha bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in maanta kooxaha burcadbeedda ay weerarro ka gaysteen halkaas, iyaga oo beegsaday laba markab oo ganacsi, balse ugu dambeyn ka badbaaday isku dayga weerarrada hubeysan ee lagu qaaday.

Labada markab oo ah kuwa xamuulka qaada ayaa xilliga la weerarayay ku socday aagga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Bari ee Puntland, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Isku deyga weerarka koowaad ayaa lagu beegsaday markabka xamuulka qaada ee Greta Star oo watay calanka Panama, kaas oo 15-kii bishan June ay u soo dhawaadeen burcadbadeed saarnaa doon yar, xilli uu marayay koonfurta xeebaha dalka Yemen, balse si dirqi ah ayuu kaga badbaaday weerarkaas.

Sida ay sheegtay shirkadda ammaanka badaha ee Vanguard Tech, ragga hubeysan ayaa rasaas huwiyay markabka, balse shaqaalaha saarnaa markabka ayaa kordhiyay xawaaraha, kana cararay goobta lagu weraray.

Sidoo kale, weerarka labaad oo isna dhacay saacadihii lasoo dhaafay ayaa lagu beegsaday markab kale oo xamuul siday, kuna socdaalayay calanka Palau, kaas oo burcadbadeeda ku heleen meel qiyaastii 32 mayl koonfur kaga beegan degmada Xaafuun ee gobolka Bari, iyada oo la sheegay in markabkaas ay weerareen labo doomood oo ay saarnaayeen ilaa 12 nin oo hubeysan, kuwaas oo rasaaseeyay markabka, kuna amray in uu istaago, blase ilaalada markabka la socotay ayaa iska difaacay ragga soo weeraray.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaal kooban uu dhex-maray labada dhinac, isla markaana is rasaaseyntu ay socotay muddo ku dhow 30 daqiiqo, iyada oo kadib la cayriyay labada doomood iyo raggii hubeysnaa ee la socday.

Weerarradan waxaa ka horreeyay kuwa kale oo ay horay u fuliyeen kooxaha burcadbadeeda, kuna qabsadeen illaa saddex markab oo illaa iyo hadda ay ku haystaan xeebaha Puntland, taasoo kordhisay falalka burcad-badeeda Soomaalida.

Qiyaastii saddex sano ka hor, falalka burcad-badeednimada ayaa u muuqday kuwo gabi ahaanba ka ciribtirmay biyaha Badweynta Hindiya oo horay ugu caan baxay afduubka, balse dib ayay arrintaas u soo laabatay iyadoo inta badan la beegsanayo doonyaha kalluumeysiga iyo maraakiibta xamuulka.

Deeq Jeesow oo isku dhiibay laamaha amniga kadib shilkii dhimashada lahaa ee uu galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Deeq Jeesow oo kamid ah dhalinyarada caan ka ka ah baraha bulshada, gaar ahaan Aaladda TikTok ayaa faah-faahiyay shil naxdin leh oo uu gelinkii dambe shalay ku galay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Balcad, kaas oo sababay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa yimid, kadb markii ay isku dhaceen gaari Surf ah oo uu waday Deeq Jeesow iyo mooto Bajaaj waddada mareysay, waxaana ku dhintay ugu yaraan illaa 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo uu isagu ku jiro.

Deeq oo qoraal soo saaray ayaa marka hore musiibo ku tilmaamay waxa dhacay, wuxuuna sheegay inuu aad uga xun yahay shilkaas, isaga oo sidoo kale tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen goobta.

“Asc walalayaal marka ugu horreyso aan ku salino Rasuulkeenii suubanaa SCW iyo Allah ina abuurtay wixii dhacay shalay waxay ahaayeen musiibo ku cimri qaadasho mudan waxaa geeriyooday dad aan jeclaa inay noolaadan oo qaarna abtiyaashay ahaayeen qaarna ehel aan ahayn waxaan leeyahay waan ka xumahay geeridiina ee jannada Allah idinku kugu bishaareeyo,” ayuu yiri Deeq Jeesow.

Sidoo kae, wuxuu sii sii raaciyay “Intaas kadib Ummada Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan waxaan uga baahanahay iney noo soo duceeyaan aniga iyo intii halkaas ku waxyeeloowday dhimasho iyo dhaawac, kana qayb qaataan xal u helida musiibadii halkaas ka dhacday. Fariinta ugu horeyso waxaan ku bilaabayaa dadkii aan ehelka ahayn ee dadkoodii halkaas ku geeriyooday waxaan leeyahay sabar iyo iimaan allh idinka siiyo qalbiyada Allah idin qaboojiyo ma ahayn ugu talagal lkn qadarta qorneyd cidkasta oo dunidan kor saran waxa ka weyn qadarta Alle wixii dhici rabana kun sano ayey kaa weyn yihiin”.

Dhanka kale, waxa uu beeniyay wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee sheegayay inuu baxsaday, wuxuuna tilmaamay inuu isku dhiibay laamaha amniga, uuna tegay saldhigga degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

“Waxaan been abuur ku tilmaamayaa inan baxsaday anigo ka tax daraayo amaankeyga ayaan lugaheyga ku tegay gobaha amaanka oo ey ugu horeeyso saldhigga degmada Kaaraan wana uga mahadcelinayaa,” ayuu mar kale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu dalbaday in dadka Soomaaliyeed iyo madaxda sare ee ay ka gacan siiyan kiiskan, gaar ahaan sidii xal loogu heli lahaa dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, maadaama ay waxyeelo kasoo gaartay shilka uu galay.

“Cidkasto taqaan qadarta Alle madax iyo majo haka qayb qaadato xal u helida walaalahii halkaas ku naf waayay iyadoo ii muujinaysa garab istaag,” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Deeqo Jeesow oo caan ka ah barta TikTok.

Kadib heshiiskii ay la gashay Iiraan, dowladda Mareykanka oo Israa’iil u diiday in aragto…

Washington (Caasimada Online) — Mareykanka ayaa diiday codsi rasmi ah oo Israel ay ku dooneysay in lagu siiyo fursad ay ku eegto faahfaahinta is-afgarad cusub oo dhexmaray Tehran iyo Washington, sida ay weriyeen warbaahinta Israel.

Warbixinno ay baahiyeen Channel 12 iyo i24 ayaa sheegay in Tel Aviv ay Washington u gudbisay codsi rasmi ah oo ay ku dalbaneysay in loo oggolaado “dib-u-eegis” lagu sameeyo MoU-ga cusub ee Mareykanka iyo Iran, balse maamulka Mareykanka uu arrintaas ka hor istaagay.

Sida uu sheegay weriyaha Channel 12 ee Yaron Avraham, Israel weli si buuxda uma oga qodobbada ku jira is-afgaradka, inkastoo heshiiska uu si toos ah u saameynayo xisaabta amni ee Tel Aviv, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto Iran iyo kooxaha ay Tehran taageerto ee gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Isniintii shir jaraa’id ka sheegay in uusan si buuxda u hubin faahfaahinta heshiiska cusub, taas oo muujineysa heerka kala fogaanshaha ka dhex muuqda Washington iyo Tel Aviv xilli Mareykanku isku dayayo inuu soo afjaro xiisadda Iran.

“Ma hubo faahfaahinta,” ayuu Netanyahu yiri, isaga oo ka hadlayay is-afgaradka cusub ee Iran iyo Mareykanka.

Warbaahinta Cibraaniga ayaa sheegtay in madaxda Israel ay ka dhex jirto caro iyo niyad-jab xooggan oo ku saabsan heshiiska, iyadoo qaar ka mid ah saraakiisha Tel Aviv ay u arkaan tallaabo Mareykanku qaaday iyada oo aan si buuxda loola tashan Israel.

Telefishinka i24 ayaa is-afgaradka ku tilmaamay “ceeb,” gaar ahaan qodobka la xiriira ka bixitaanka Lebanon iyo joojinta weerarrada lagu hayo dalkaas.

Qodobkaas ayaa u muuqda mid si weyn uga caraysiiyay Israel, maadaama Tel Aviv ay muddooyinkii dambe kordhisay weerarrada ay ka fulineyso gudaha Lebanon, iyadoo ku doodaysa inay beegsaneyso xarumo iyo dagaalyahanno xiriir la leh Hezbollah.

Sarkaal la hadlay warbaahinta Israel ayaa sheegay in heshiiska ay u badan tahay inuu fashilmo, isagoo intaas ku daray in weerarro kale oo Israel ay ku qaaddo xarumaha nukliyeerka iyo gantaallada Iran ay yihiin “arrin waqti uun ku xiran.”

Hadalkaas ayaa muujinaya in Israel aysan u muuqan mid diyaar u ah inay si buuxda u aqbasho jihada diblomaasiyadeed ee Washington, gaar ahaan haddii ay u aragto in heshiiska uu xaddidayo awooddeeda militari ama uu fursad siinayo Iran.

Xiisadda ayaa kasii dartay kadib markii taliyaha ciidamada cirka Israel, Omer Tischler, uu Talaadadii xaqiijiyay in Israel ay toddobaadkii hore baajisay duqeymo ballaaran oo ay qorsheyneysay inay ka fuliso gudaha Iran.

“Weerarka waxaa la joojiyay annaga oo weli ku jirna warbixintii ugu dambeysay ee cutubyada duulimaadka, saacad kaliya ka hor intii aysan diyaaradaha kicin,” ayuu yiri Tischler.

Hadalkan ayaa daaha ka rogay in Israel ay ku dhoweyd inay qaaddo weerar kale oo culus oo gudaha Iran ah, balse la hakiyay daqiiqadihii ugu dambeeyay. Lama caddeyn sababta rasmiga ah ee keentay joojinta howlgalkaas, balse wuxuu kusoo beegmay xilli Washington ay riixeysay is-afgaradka cusub ee Tehran.

Israel ayaa dhanka kale u sheegtay Mareykanka inaysan ku xirneyn heshiiska cusub ee lala galay Iran.

“Heshiiska Iran waxaa sameeyay Trump, waana go’aankiisa; annagu waxaan leenahay danaheena,” ayuu Netanyahu ku yiri shir jaraa’id oo uu qabtay 15-kii June.

Wuxuu intaas ku daray in dagaalka ka dhanka ah Iran “uusan dhammaan.”

Hadalka Netanyahu ayaa si cad u muujiyay in Israel ay dooneyso inay sii haysato xorriyadda ay u aragto mid militari, xitaa haddii Washington ay door bideyso in dagaalka lagu beddelo waddo diblomaasiyadeed.

Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa isna toddobaadkan sheegay in Tel Aviv ay Iran ku qaadi doonto weerarro “awood buuxda leh” haddii Tehran ay ka jawaabto weerarrada Israel ee Lebanon. Katz ayaa arrintaas barbar dhigay jawaabtii Israel ka bixisay weerarkii ka dhacay Beirut horaantii bishan.

Hanjabaadda Katz ayaa sii kordhineysa walaaca laga qabo in is-afgaradka Mareykanka iyo Iran uusan si fudud u dejin doonin xiisadda gobolka, gaar ahaan haddii Israel ay sii waddo howlgallada militari ee Lebanon ama Iran ay go’aansato inay ka jawaabto.

Heshiiska cusub ee Washington iyo Tehran ayaa u muuqda inuu abuuray khilaaf cusub oo siyaasadeed iyo mid amni oo u dhexeeya Mareykanka iyo Israel. Inkastoo labada dhinac ay weli yihiin xulafo dhow, haddana arrintan waxay muujineysaa in danaha Trump iyo Netanyahu aysan si buuxda isu waafaqsaneyn xilligan.

Washington waxay u muuqataa inay dooneyso inay dagaalka Iran ku beddesho heshiis hoos u dhiga xiisadda, halka Israel ay weli ku adkeysaneyso in khatarta Iran aan weli la soo afjarin.

Taasi waxay ka dhigeysaa is-afgaradka cusub mid wajihi kara tijaabo adag, gaar ahaan haddii Israel ay qaaddo weerarro cusub ama haddii Iran ay u aragto tallaabooyinka Tel Aviv kuwa burinaya jawiga xiisad yareynta ee Mareykanku isku dayayo inuu dhiso.

Maxaa laga filan karaa dhex-dhexaadinta Turkiga ee mucaaradka iyo DF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Taabid Cabdi Maxamed oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay arrimo ku aadan wada-hadallada u bilaabanaya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, gaar ahaan doorka uu Turkiga ku leeyahay dhex-dhexaadinta labada dhinac, isaga oo tilmaamay in uusan filaynin in Ankara ay u xaglineyso dhinac gaar ah.

Taabid ayaa marka hore ku amaanay Turkiga dadaalkiisa ku aadan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay hannaanka doorashooyinka, wuxuuna sidoo kale sheegay in arrintan ay muujineyso sida ay uga go’an tahay taageeradiisa ku aadan nabadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

“Dowladda Türkiye waa dal walaal la ah Soomaaliya, mar walbana muujiya sida uu dadkeenna ula jecelyahay wanaag, xasillooni iyo horumar. Doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan xal u helidda arrimaha siyaasadda Soomaaliya wuxuu marag u yahay sida ay uga go’an tahay taageeridda nabadda, wadajirka iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.” ayuu yiri Taabid, kadib qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ugu baaqay labada dhinac inay fursad siiyaan wada-hadallada, isla markaana ay si niyad sami leh ku wajahayaan dadaallada socda, si xal loogu helo khilaafka ka jira dalka.

“Waxaa muhiim ah in aynu si niyad sami iyo kalsooni leh u wajahno dadaalladaas, isla markaana fursad la siiyo wadahadalka iyo is-afgaradka si loo gaaro heshiis qaran oo ku salaysan doorasho dadweyne oo loo dhan yahay,” ayuu mar kale yiri Taabid Cabdi Maxamed.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in marnaba uusan dowladda Turkiga ka filaynin inay dhinac gaar uu xaglineyso , wuxuuna uga mahadceliyay garab istaagga iyo doorka ay qaadaneyso, si ay Soomaaliya uga gudubta marxaladda kala guurka ah, iyada oo laga fogaanayo inuu dhaco qalalaase amni.

“Marnaba kama filayo in Türkiye qof ama dhinac gaar ah u xaglinayso, sidaad darteed, waxaan uga mahadcelinaynaa taageeradooda walaalnimo, garab-istaagooda joogtada ah, iyo dadaallada ay ugu jiraan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyay guddoomiyihii hore ee gobolka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxlad xasaasi ah oo ka dhalatay is mariwaaga siyaasadeed ee dhinacyadan, taas oo keentay in qalqal amni laga dareemo caasimada, inkastoo haatan xaaladdu ay dagan tahay.