25.9 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Xog: Farmaajo iyo Kheyre oo ku kala aragti duwan qorshaha buuxinta kuraasta faaruqa ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay wararka nagu soo gaarayaan waxaa Xarunta Villa Somalia ka socda kulamo joogta ah oo u dhexeeya Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre.

Kulamada is xigxiga ee u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre ayaa salka ku haya wadatashi ku aadan buuxinta Kuraasta Xukuumada iyo Hay’adaha amaanka ee faaruqa ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa ku kala duwan qorshaha lagu buuxinaayo Kuraasta weli faaruqa ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qaba in si dhaqsi leh lagu buuxiyo dhammaan Kuraasta dhowrka bil banaan ee Xukuumada iyo Hay’adaha amaanka, halka Kheyre uu qabo in la dib dhigo buuxinta Kuraasta.

Farmaajo ayaa Kheyre ku adkeeyay in si dhaqsi ah lagu buuxiyo boosaska weli banaan, waxa uuna farta ku goday in banaanida boosaskaasi ay tahay qeyb kamid ah caqabadaha hortaagan dowlada.

Kheyre ayaa sidoo kale qaba in kuraasta banaan buuxintooda ay imaado wixii ka danbeeya xalinta caqabadaha hortaagan dowlada.

Waxa uu Kheyre sheegay in dowladu aysan u shaqo joojin banaanida Kuraasta Wasaaradaha ka banaan iyo Taliyayaasha Hay’adaha NISA iyo Booliska.

Kuraasta banaan ayaa waxaa ku jira Kuraas muhiim ah sida Wasiirka Owqaafta, Taliyayaasha Hay’adaha NISA iyo Booliska.

Dhinaca kale, labada mas’uul ayaa isla fahmay ahmiyada ay leedahay in la magacaabo Kuraasta banaan, waxaana lagu wadaa in kulanka ugu horeeya ee uu yeelan doono Golaha Wasiirada lagu magacaabo boosaska faaruqa ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Heshiiska shidaal qodis ee Shariif Xasan uu la galay shirkadaha shisheeye oo lagu dhega yahay

0

Kulan ay magaalada Baydhabo ku yeesheen Golaha Badbaadada Koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa waxa ay kaga hadleen xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, iyo heshiisyo uu madaxweyne Shariif xasan la galay shirkado baara shidaalka.

War-murtiyeed ay soo saareen golaha badbaadada Koofur Galbeed waxaa aqriyey afahyeenka golaha Aadan Maxamed waxa uuna yiri “Falanqeyn ka dib goluhu waxa uu soo saaray in sida marar hore dhacday in hoggaanka ku meel gaarka ah ee Koofur Galbeed uu heshiisyo daahsoon uu la galay shirkado shisheeye oo maalintii Isniinta oo Taariikdu ahayd 12-kii Febraayo waxaa heshiis wada-galay hoggaanka ku meel gaarka ah ee Koofur Galbeed iyo shirkadda Zed Karow, heshiiskaas oo ka dhacay Jabbuuti sida aad wada ogtihiin gobollada Shabeellada Hoose waxaa laga hir-galin doonaa mashaariic lagu raadinayo dano dhaqaale una gaar ah Shariif Xasan danna ugama jirto bulshada halkaasi ku nool”.

Aadan Maxamed waxa uu nasiib darro ku tilmaamay heshiisyada uu Shariif Xasan Sheikh Aadan la galay shirkado uu sheegay in Jabbuuti ay u baaraan shidaal xaqna uusan u laheyn in uu la galo heshiis.

“Marka la leeyahay Shidaal ayaa la baaraa shacriga shidaalka wasaaradda badroolka ay soo diyaariso waa in uu soo maraa golaha wasiirada, haddana waxa ay hortaallaa baarlamaanka welina ma an-sixin maxay tahay waxa la baarayo, sharciga lagu baarayo intee laga keenay? Qodobkaasi waa mid lagu xad-gudbay”.

Ugu danbeyn Golaha Badbaadada koofur Galbeed Soomaaliya waxa ay ugu baaqeen madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisulwasaaraha in la ilaaliyo ku dhaqanka dastuurka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Mareykanka oo saldhigyo hor leh ka dhisanaya gobolka Sh/Hoose

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowlada Mareykanka ay wado qorsho ay Saldhigyo Militery uga dhisaneyso Degmooyin hor leh oo hoostaga Gobolka Shabellaha Hoose.

Ilo ku dhow dhow Saraakiisha ciidamada Militeriga Mareykanka ee ka howlgala Somalia ayaa xaqiijiyay in  Saldhigyadaasi dhawaan laga dhisi doono Degmada Awdheegle iyo Sablaale oo kawada tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Saldhigyadaan ayaa la sheegay in laga damacsan yahay nabadeynta Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana si rasmi ah uga howlgali doona Saraakiil iyo Ciidamo Mareykan ah oo ay wehlin doonaan Ciidamo ka tirsan Militeriga Somalia.

Saldhigyadan ayaa la sheegay in laga difaaci doono dhammaan baraha ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana suuragal ah in halkaa laga hago duqeymaha cirka ee uu Mareykanka ka fuliyo Somalia.

Sidoo kale, maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa laga sugayaa diyaarinta Goobaha laga dhisaayo Saldhigyada Mareykanka ee laga xoojin doono howlgalka Mareykanka.

Geesta kale, qorshahaan ayaa waxa uu kusoo beegmaaya xili qeybo kamid ah Gobolka Shabellaha Hoose ay kusoo laabatay gacanta dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Erdogan oo sifo xun ku tilmaamay hab dhaqanka Donald Trump

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa aysan dhag jalaq usiin doonin wararka kasoo yeeraya dhigiisa Mareykanka Trump.

Recep Tayyip Erdogan, waxa uu sheegay in Trump uu u nugul yahay keliya sheegida dhibaatooyinka Islaamka, waxa uuna ku tilmaamay inuu yahay shaqsi aan u saaxiib aheyn caqli.

Recep Tayyip Erdogan, waxa uu cod dheer ku sheegay in dowladiisa aysan marnaba ka suuroobi doonin inay qiimeyso erayada kulul ee kaga imaanaya Trump, isagoo cadeeyay in Siyaasada dalkiisa ay tahay mid ka fac weyn riyada Trump.

Waxa uu Recep Tayyip Erdogan, carab dhabay in dowlada Turkiga ay u taagan tahay keliya difaaca Islaamka, waxa uuna ku goodiyay inay ka jawaabi doonaan waxa uu ugu yeeray caadifada Mareykanka.

‘’Kama aamusi doono mushkilaada uu Trump ka dhex abuuraayo dalalka Muslimka ah, waxaana diyaar u nahay inaan meel ku hubsano wararka aan miisaanka laheyn ee Trump’’ ayuu yiri Recep Tayyip Erdogan oo ay xiganayeen saxaafada gudaha.

Sidoo kale, Recep Tayyip Erdogan, ayaa wadamada Muslimka ah ugu baaqay in hankooda uu ka weynaado halka uu iminka taagan yahay oo uu sheegay inay aad uga hooseyso halkii laga filaayay, sida uu hadalka u dhigay.

Haddalka Recep Tayyip Erdogan, ayaa imaanaya xili uu dhawaan Trump shaaciyay in dowlada Turkiga ay tahay mid meyl adag oo ka dheereyneysa dowladaha asaageeda ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hargeysa – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Sagaalaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Berbera jawigeeda dabiiciga ahi ima soo jiidan.  Berigaas noloshu weli ima barin oo khibrad uma lihi ku noolaashada dhul aad uga kulul ama aad uga qabow magaalada Muqdisho.

Kaba darane waxaan aad u dhibsaday jawiga
col-u-joogga ah ee Berbera ay habeenkii ku sugan tahay.

Ma ogeyn in aan ku soo laaban doono Berbera sannad iyo bar ka dib.

Ma ogeyn in uu xafiiskeygu noqon doono halkan, gurina aan ka degi doono xaafadda Burca-Shiikh.

Ma ogeyn in aan markhaati ka noqon doono xadgudub xuquuq aadane oo culus oo aan dhegta uun ka maqli jiray.

Ma ogeyn in ay ahaan doonto magaalo ay dadka deggani, siiba raggu, ay noqon doonaan ku dhowaad sidii naloo xukumay markii aan Dugsiga Tababbarka Militeriga ee Xalane aan ku jirnay oo ninka doona in uu xerada ka baxo, looga baahan yahay ruqsad uu ku baxo.

Ma ogeyn Bandowga aan hoos-jooggiisa hal habeen dhibsaday in aan habeenno badan ku hoos noolaan doono.

Ugu dambeyn waxaan u dhaqaaqnay jihada Hargeysa.  Waa waddo aan  1985 baabuur ku maray, mar aniga oo ka socda Radio Muqdisho aan soo raacay Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga, Bettino Craxi oo dalka booqanayay oo uu Xamar ka soo kaxeeyay General Maxamed Cali Samatar.  Iyagu Hargeysa ayay toos uga degeen, laakiin qaar weriyayaasha iyo ciidanka hor dhaca ah ka mid ah ayaa ka soo degey Berbera.

Hargeysa waa Caasimadda labaad ee dalka.  Waa magaaladii ugu horreysay ee sare u taagta calan Soomaaliyeed oo xor ah saqdii dhexe ee 26-kii Juun 1960.  Waa munaasabaddii uu Allah ha u naxasriistee gabayaaga Soomaaliyeed ee muxtarimka ah, Cabdullaahi Suldaan Timacadde uu gabayga caanka noqday ka tiriyay asaga oo tilmaamaya markii la dejinayay calanka Ingiriiska, la saarayna oo lagu beddelay calanka Soomaaliya.

Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego e
Kaana siib kanna saar

Marka aan Muqdisho joogay, Hargeysa waxyaabaha lagu ammaano waxaa ka mid ahaa hal-abuurka dhanka Fanka, quruxda hablaha, hantida ama aan iraahdee xawaaraha dhaqdhaqaaqa shilinka Soomaaliga iyo nooca raashinka loo kariyo siiba hilibka.

Waxay ahayd meel aad uga fog caasimadda, haddana magaalo wanaagsan ah.  Qofka yiraahda Hargeysa ayaan tegey ama waan ka soo shaqeeyay, wuxuu Muqdisho u digmay qof ku leh waan kaa khibrad badan ahay, dalka iyo dadkana waan kaa aqaan.

Hargeysa ayaan soo galnay.  Gaadiid badan iyo dad aad uga badan waddooyinka magaalada dhex iyo hareera socda.  Saddexdeenna socdaalka ku nimid midkeenna ma yaqaan waddooyinka magaalada. Hoteel aan ku degno iyo xarunta Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo aan dooneyno in aan tagno midkeenna ma yaqaan.

Dhowrkii saacadood ee aan laba sano ka hor la imid wafdiga, waxa keliya oo aan xusuustaa in aan booqannay xerada Qaxootiga Gannad iyo Rugta Saraakiisha oo General Gaanni uu qado ugu sameeyay wafdiga, iyagana waddo loo maro ma aqaan.

Nin waddada maraya ayaan u istaagnay oo aan is niri tilmaan ka qaata.  Waan is af garan weynay.  Ninku af Soomaali wuu fahmi waayay.  Ingiriisna ma aqoon. Qaxooti ayaan u qaadannay oo waan isaga gudubnay.

Waxaanse la yaabnay in midkii labaad ee aan u istaagnay uu sidoo kale nagu noqday.  Waxay ahayd wax isku soo aaday oo aan aad ula yaabay.  Maalmihii yaraa ee aan magaalada joogay meel kasta oo aan maro ama aan tago dadka aan kula kulmaa Soomaali ayay ahaayeen.  Ma aqaan maalinta koowaad labadii ruux ee ugu horreeyay ee aan tilmaan weydiisto sababta ay u noqdeen ajnebi.

Hotel Maaweel ayaan filayaa in uu ahaa halkii aan ku degay.

Xasan-Kuuriya

Waxaan markiiba Raadiyay Allah ha u naxariistee, Xasan Ciise Cali Xasan oo loo yiqiin Xasan-Kuuriya oo aan ka wada shaqeynay Radio Muqdisho haddase Madax u ah Radio Hargeysa.  Xasan si qurux badan ayuu noo showeeyay.  Wuu na qado geeyay.

Ujeeddada socdaalkeenna marka aan u sheegnay iyo madaxda aan dooneyno in aan aragno wuxuu ballanqaaday in uu gacan nagu siin doono shaqadeenna, madaxdana uu ballammo nooga soo qaban doono.

General Morgan oo ah Taliyaha Qeybta 26aad ee militeriga ayna u muuqato in inta kale ee Madax joogtaa ay isaga hoos tagaan, ayaa aniga iigu muhiimsanaa in  ballan ka helno.  Waxaan qiyaasayay in uu i xusuusan doono maaddaama Qeybta 21aad ee Dhuusa Marreeb aan ku booqannay annaga oo Jaamacadda ka soconna.  Xasan – Kuuriya ayaa ballanqaaday in uu Morgan soo ballamiyo.

Xarunta Gobolka waxaan ugu tagnay Gaashaanle Sare Buulle.  Markii aan inyar u fasiray ujeeddadeenna, waxaan u sheegay in aan diyaar u ahay in aan u tarjumo hadduu doonayo gabadha ila socota in ay wada hadlaan, haddii kalena uu kula hadli karo luqadaha badan ee ay ku hadasho midka uu doono.  Waxaan u sheegay in ay ku hadasho afafka Jarmalka, Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga iyo Spanishka.

Wuxuu ii sheegay in uu kula hadlayo Spanish. Inkasta oo aan mararka qaar u beddelennay af kale si aan isu wada afgaranno.

Waan ogaa saraakiishu in afafka Yurub oo ku hadlaan aanay Ingiriis iyo Talyaani ku koobnayn ee Ruushna ay ku hadlaan qaar badan.  Waxaane illowsanayaa in kuwa ay soo tababbartay Cuba oo militeri iyo nabadsugidba lahaa ay ku hadlaan Spanish.

Buulle guud ahaan wuu soo dhoweeyay howsha aan wadno.

Berri waxaan xerada Birjeex kula kulmi doonnaa General Morgan.

W/Q. Yuusuf Garaad

 

Sawirro: M/G/Banaadir oo wareejiyay dhul Xero tababar looga dhisayo Ciidamada

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa wareejiyey dhul ku yaalla degmada Wadajir ee Deegaanka Jazeera oo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay dawladda Turkiga uga dhisi doonto xarun tababar oo casri ah.

Guddoomiye Yariisow ayaa tilmaamay in dhulkan ay lahaayeen intiisa badan Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana si-deg deg ah looga dhisi doono xarun qalabkeedu u dhameystiran yahay oo lagu tababarayo Ciidanka X.D.S.

“Dhulkan waxaan u bixinay dan guud in loo isticmaalo iyo sidii uu u noqon lahaa xarun lagu tababaro Ciidanka, waana qorshe wax tar u leh bilicda iyo amniga gobolka iyo guud ahaan dalka.”

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow waxa uu sheegay in dhulkan qeyb ka mid ah ay lahaayeen dad shacab ah balse ay isku af-garteen Wasaaradda Gaashaandhigga Dawladda Federaalka ah in dadkaas loogu badelo dhulal kale oo ay ku leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka gudaha magaalada Muqdisho.

“Waxaan ka wada hadlanay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga sidii loo maareyn lahaa qaar ka mid ah bogcadaha dhulkan oo ay qaar lahaayeen dad shacab ah, Arrinkaas oo aan guddi baaritaan u saareyno. Cid kasta oo dokuminti sax ah la timaadana waxa aan u qoondeynaynaa dhul kale oo la qorsheyn doono”. Ayuu yiri Eng.Yariisow.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Mursal iyo Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa bogaadiyey wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa Ciidanka iyo bulshada Gobolka, iyagoona sheegay in ay kala shaqeynayaan Maamulka Gobolka sidii xal loogu heli lahaa dadka qeybta ku lahaa dhulkan loo aqoonsaday danta guud.

Taliyaha Xarunta Tababarka Turkiga ee Soomaaliya Jeneraal Maxamed Yaasiin ayaa tilmaamay xiriirka walaaltinimada leh ee ka dhaxeeya labada dal, waxa uuna sheegay in ay kaalin muhiim ah siinayaan dib u dhiska Soomaaliya gaar ahaan dhanka amniga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Amar cusub oo ka soo baxay madaxweyne Xaaf

0

Cadaado (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday xafiiska Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale ‘’Xaaf’’ ayaa lagu joojiyey bixinta dhulalka banaan degmada Hobyo.

Wareegtadan ayaa timid kadib markii buuq ka dhashay dhulal banaan oo ku yaala magaalo xeebeedka Hobyo.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha ayaa lagu amray Gudoomiyaha degmada Hobyo in uu joojiyo dhulalka la iibsado ee degmada Hobyo ilaa iyo Amar dambe.

Mareykanka oo ka deyrinaaya Xaalada Ethiopia & Digniin culus oo loo kala diray Muwaadiniinta

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa markii ugu horeysay digniin kasoo saartay xaalada sii liidaneysa ee dalka Ethiopia iyo saameynta ay ku yeelankarto Muwaadiniinteeda ku nool.

Qoraal kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa waxaa lagu sheegay inay sii adkaaneyso xaalada amni iyo mid nabadeed ee xiligaan ka jirta dalka Ethiopia.

Qoraalka ayaa waxaa loogu digay in Muwaadiniinta Mareykanka ka joogta dalka Ethiopia ay taxadar ka muujiyaan socdaalka ay ku tagaan goobaha ay ka socdaan banaanbaxyada.

Waxaa lagu sheegay qoraalka inay suuragal tahay in dhinacyada mucaaradka iyo kuwa aadka uga soo horjeeda Nabadda Ethiopia ay ka faa’iideystaan dayacnaanta Muwaadiniinta Mareykanka.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in Safaaradu ay si KMG ah u xadiday socdaalka Muwaadiniinteeda ay ku aadan goobaha ka baxsan magaalada Addis Ababa.

Nuqul kamid ah qoraalka ayaa waxaa lagu yiri “Marka la eego tallaabooyinka taxadarka leh, Safaaradda Mareykanka waxay si KMG ah u hakineysaa dhammaan safarrada ka baxsan magaalada Addis Ababa ee loogu talagalay shaqaalaha safaarada iyo muwaadiniinta”

Sidoo kale Safaarada ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Ethiopia kula talisay in ay si dhow ula socdaan isbedelada xaalada amni,maadaama dhibaato kasto ay soo gaari karto muwaadiniinta Mareykanka ee ku nool dalka Ethiopia.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii uu Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn uu is casilay, si xal loogu helo kacdoonada dalkiisa ka socda ee looga soo horjeedo dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Wasiirka amniga oo lagu wareejiyay deeq ka timid dowladda Qatar

0

Muqdisho (Caasimadda Online)- Wasiirka amniga gudaha dowladda federaalka ayaa la wareegay deeq gaadiid casri ah oo dowladda Qatar ugu talagashay inay adeegsadaan ciidamada booliska Soomaaliya.

Gaadiidkaan oo tiro ahaan dhan 30 nooca Land Cruiser ee casriga ah ayaa waxaa uu wasiir Maxamed Abuukar Isloow lagu guddoon siiyay gudaha dekadda Muqdisho gaadiidkaasi.

Lama oga nidaamka loo marayo isticmaalka gaadiidkaan iyo haddii ay madaxda dowladda iyaga isticmaali doonaan maadaama ay yihiin Land Cruiser casri ah oo noocuudaba ay ku socdaan wasiirada dowladda iyo madaxda kale.

Sida looga bartay madaxda dowladda, deeqaha gaadiidka ee noocaan oo kale ah, waxaa loo qeybsadaan qaab saaxiibtinimo ama nidaamka awood qeybsiga ee 4.5.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Beyle iyo Ganacsatada haloo gar naqo

0

Todobaad ka badan waxaa xiran dekedda Muqdsiho oo waxba kama soo degaan sababo la xiriira Canshuuraha oo la kordhiyey taasoo u cuntami weydey Ganacsatada shixnadaha kala soo degta dekedda weyn ee Magaalada Muqdsiho, hadaba su’aashu waxey tahay  xaggee wax iska qaban la’yihiin.

Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Beyle oo amarka canshuur kordhinta soo rogey ayaa sheegey iney sidaa u yeeleen si ay ula jaan qaadaan wadamada dunida oo ay u farax geliyaan Hay’adda lacagta aduunka ee IMF oo ay dowlada Soomaaliya ka quuddareyneyso  iney ka cafiso deymaha faraha badan ee lagu leeyahay.

Ganacsatada gobolka banaadir oo ka duulaya canshuur kordhinta la soo rogey ayaa saxaafada la hadlay waxayna sheegeen in aaney aqbali Karin hadalada ka soo yeeray Wasiirka Maaliyada oo hore u shaciyey in  la kordhiyey canshuuraha  laga qaado badeecooyinka kasoo dekeda Muqdsiho,.

Ganacsatadu waxay sheegeen iney yihiin canshuur bixiyaal daacad u ah Dowlada Federaalka Soomaaliya oo aaney kala maarmin iyaga iyo dowladoodu, waxayna intaa ku dareen in aaney suurtagal aheyn in dekeda muqdsiho oo kaliya  la takooro oo lagu kordhiyo canshuuraha iyadoo aan canshuuraha lagu kordhin  dekedaha kale ee dalku leeyahay.

In badan oo ka mid ganacsatada waxaa ka careysiiyey wareysi uu bixiyey Cabdiraxmaan Beyle oo uu ku sheegey in ganacsatadii diidda bixinta canshuuraha dheeraadka ah ee uu soo regey ay aadaan dekeda kismaayo oo ka qiima jaban dekeda muqdisho, waxay dad badani su’aal ka keeneen cidda xukunta dekeda kismaayo?

Intaa kadib waxaan isticmaalay xirfadeyda oo waxaan soo ogaadey qaabka canshuuraha looga qaado badeecooyinka kala duwan ee ka soo dega dekedda Muqdisho. Ha ahaadeen Bagaash, Maacuun, Electaroonik IWM. Kartoon caadi 3$. S. Koli ama Kartoon weyn18$. Xirmo oo ka kooban qiyastii laba kartoon  7$.

Inta badan ma dhacdo iney Moobeelada kasoo degaan dekedda Magaalada Muqdisho, waxayna ka soo degaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaana halkii kIilo  oo Moobeyl ah la canshuuraa 4$.

MAXAA LA ISKU HAYAA?.

Waxaa la isku hayaa bixinta canshuurta Value Added Tax. oo loo yaqaan VAT. waxaa isweydiin leh sidee la isaga rabaa canshuurta VAT? Wasaarada uu madaxda ka yahay Mr. Beyle waxay soo rogtey in badeecada (Alaabta) oo dekeda ku jita laga qaado canshuurta VAT. Taasoo ah 5%. Waa lacagtii  laga rabey bakhaareeyda marka ay badeecadoodu u gadmaan.

Si kastaba Mr. Beyle Wasiirka Maaliyadda waa uu diidey inuu gorgortan la galo Ganacsatada Muqdisho si looga fara geliyo canshuurta uu soo rogey iyaguna  haddii ay yihiin Ganacsatada waa ay diideen iney bixiyan lacagta lagu soo rogey, waxay ku wanagsaneyd in loo gar naqo.si looga baxo dhbaatada jirta.

  1. Wararka I soo gaaraya ayaa sheegaya in heshiis hoose ay wada gaareen ganacsatada raashinka keena sida Bariiska, Baastada, Burka IWM iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxayna ku heshiiyeen in aan badeecooyinka qutul daruuriga ah la saarin wax canshuur dheeraad ah, waxaana durba soo gaarey suuqa Bakaaraha gawaarida sida badeecooyinka aan kor kusoo sheegay, waxaana intaa dheer in la shaaciyey Maanta iney dib u furantay dekedda Muqdiho tasoo ah mid laga badbadiyey..
  2. Cabdinaasir Xersi Iidle

Mail. [email protected]

Tel. 00252615503978.

 

 

Ganacsatada Gogoblka Banaadir oo Berri joojin doona shaqada Suuqa Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shir jaraa’id oo ay maanta magaalada Muqdisho, gaar ahaan suuqa bakaaraha ay ku qabtayn qaar ka mid ah Ganacsatada gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegeen in ay joojiyeen Guud ahaan Ganacsigii suuqa Bakaaraha kadib cabashooyin ay sheegeen in wax laga qaban waayay oo ka yimid dhinaca Dowladda arintaas darteedna ay u joojinayaan ganacsigii suuqa weyn ee Bakaaraha ee maagalada Muqdisho.

Ganacsatada ayaa waxa ay sheegeen in dhowr mar cabashadooda wax laga qaban waayay sidaas darteedna ay ay joojinayaan Ganacsigii Suuqaweyn ee bakaraha wixii beri ka bilaawda.

Tallaabadaan shaqa joojinta ah ayaa waxa ay Ganacstadu ku sheegeen in ay ku keentay kadib markii ay xamili waayeen bixinta lacago dheeraad ah oo ay ku soo rogtay wasaaradda Maaliyadd Soomaaliya sida ay hadalka u dhigeen,iyaga oo madaxda Dowladda ugu baaqy in ay waxka qabato cabashadooda.

Ganacstada ayaa sheegay in ay xamili wayeen lacago dheeraad ah oo ay ku soo kordhisay Dowladda Soomaaliya iyagoo ugu baaqay madaxda Dowladda in ay wax ka qabtaan Cabashadooda ku saabsan canshuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogay.

Halkaan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro:-Qaar ka mid ah dhalinyaro ka soo badbaaday Magafayaasha Libya oo Muqdisho soo gaaray

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – 10; ka mid ah dhallinyarada Maxaabiista ku ahaa dalka Liibiya ayaa maanta laga soo dejiyay Garoonka diyaaradah Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dhallinyaradan waxaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana ka mid ahaa Ra’isalwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya.

Dhallinyarada maanta yimid Muqdisho waxaa ay ka mid ahaayeen dhallinyaro badan oo u xir xiran Magafayaasha iyo dowladda Liibiya,iyada oo dad badan oo Soomaali ah ay ku jiraan xabsiyada dalkaas.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro katirsan xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaano matalayey labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey muwaadiniintaan maanta dib uga soo laabtay dalka Liibiya oo muddo ay ku heystay dhibaatooyin xoogan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ku bixisay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibanaa dalka Liibiya, iyadoo natiijada dadaalkaasi uu keenay in maanta qaarkood dalka dib loogu soo celiyo.

Maryan Yasiin  oo ah Ergayga gaarka ah ee Xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda tahriibayaasha ayaa sheegtay in muwadiniinta maanta lagu soo celiyey dalka ay qabaan dhib badan oo ay u geesteen kooxaha arxanka daran ee Magafayaasha loo yaqaan.

Faahfaahin dheeraad ah oo laga helayo dowladda oo hub farabadan kala soo dagtay garoonka Aadan Caade

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdiso ayaa sheegaya in Diyaarad hub sida ay Jimcihii shalay kasoo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Diyaaradan oo hubka ay siday u badnaa qoryaha fudud iyo saanad laga keenay Shiinaha. Ilo ku sugan garoonka ayaa sheegay in hubku u socday dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Shiinaha ayaa la sheegay in qandaraas lagu siiyay in hubkan ay u geyso dowladda Soomaaliya.

Hubkan ayaa ah kii labaad oo Muqdisho la keeno, kaasoo ah mid Sacuudiga uu horay qandaraas  ugu siiyay Shiinaha.

Madaxtooyada ayaa wada qorshe la doonayo in hubkan lagu geeyo maamul goboleedyada, si loogu keydiyo, maadaama hubkan uu aad u badan yahay, suura galna aheyn in Muqdisho lagu haayo.

Dowladda Sacuudiga ayaa la sheegay inay bixisay dhaqaalaha Hubkan loogu soo iibiyey Shiinaha oo hubka iyo saanadda kale u soo daabulaya Soomaaliya. Waa markii labaad ee Hub iyo saanad noocan oo kale ah la keeno Muqdisho.

Hubkan ayaa la sheegay in lagu qalabeyn doono ciidamada Qaran ee dhowaan la isu keeni doono, kana kala imaan doona maamul Goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Akhriso Magacyada & Beelaha ay kasoo jeedaan mas’uuliyiinta loo magacaabay Dakhliga ee G/Banaadir

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa isku shaandheyn ku sameeyay waaxda Dakhliyada dowladda Hoose ee Muqdisho, iyadoo kala bedel lagu sameeyay, isla markaana xubno hore dib loo soo celiyay.

Iyadoo muran weyn ka taagan yahay qaabka awood qeybsiga beelaha ee miisaanka ka dhex muuqda isbedelka uu sameeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaanu idin soo gudbiyneynaa mas’uuliyiinta loo magcaabay Dakhliyada G/banaadir iyo beelaha ay kasoo jeedaan.

HOOS KA AKHRISO LIISKA

  1. Xasan Xuseen C/llaahi -Agaasimaha Dakhliyada kala duwan [Abgaal / Daa’uud]
  2. Xamdi Cali Nuur – Agaasimaha Khasnadaha D/hoose ee Xamar [Murusade]
  3. Ayaan Cabdi Maxamed – Agaasimaah Canshuuraha [Murusade]
  4. Maxamed Macalin Dhicisow – Aagaasimaha Gaadiidka iyo Ganaaxyada [Xawaadle]
  5. C/raxmaan Muxyadiin Maxamed – Agaasimaha Suuqyada iyo Iibinta Xoolaha [Abgaal / Warsangeli]
  6. C/raxmaan Cismaan Ibraahim – Agaasimaha Miisaaniyadda [Reer Aw-Xasan]
  7. Xuseen Axmed Culusow – Aagaasimaha Adeegga & Khidmadaha [Saruur]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Kulan uu albaabada u xirnaa oo dhexmaray Farmaajo, Kheyre iyo Jawaari

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegaya in kulan uu albaabada u xiran yahay uu dhexmaray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha BF Jawaari.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa xal loogu raadinaayay Ra’isul wasaare Kheyre oo xiligaan la kulmaaya culeysyo kaga imaanaya dhanka xubno ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in mudada uu kulanka socday uu Madaxweynaha Somalia Farmaajo ka dalbaday Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan in xal degdeg ah loo raadiyo is fahan darida Ra’isul wasaaraha kala dhexeysa baarlamaanka Somalia.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Jawaari ka dalbaday in Ra’isul wasaaraha uu kala shaqeeyo xal u raadinta Xildhibaanada u tafaxeydanaaya inay carqaladeeyan Xukuumada kadib furitaanka Kalfadhiga.

Waxa uu Madaxweynuhu Guddoomiye Jawaari ka dalbaday in kulamo is arag ah uu ka dhex sameeyo Ra’isul wasaaraha iyo Xildhibaanada garabka kacdoonka wada, si buu yiri loo helo xasilooni Siyaasadeed.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la faray inuu ka shaqeeyo xasilinta kacdoonada ay wadaan Xildhibaanada mucaaradka, iyadoo laga duulaayo guuxa ka dhex aloosan Xukuumada iyo baarlamaanka.

Kheyre ayaa dhankiisa ka ballanqaaday inuu xooga saarayo xal u helida tabashooyinka baarlamaanka, waxa uuna dhankiisa ka qiray inay jiraan tabashooyin isbiirsaday oo ka imaanaya dhanka mudanayaasha dhaliilsan Siyaasada.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Jawaari ayaa gudaha asbuucaan bilaabi doona kulamo joogta ah oo ay la kala yeelanayaan Xildhibaanada, waxaana xusid mudan inay sii kordhayaan Xildhibaanada dhaliilsan Siyaasada Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Rar noocee ah ayuu wadaa Markabka weyn ee ku xirtay Dekadda Magaalada Baraawe?

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baraawe ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in halkaa uu ku xirtay Markab weyn.

Markabka ayaa la sheegay inuu wado shixnado kala duwan oo u badan qalabka dhismaha oo casri ah, kaa oo ay leedahay Koonfur Galbeed.

Shixnada saran Markabka ayaa la xaqiijiyay in lagu dhisi rabo Dekadda iyo Garoonka diyaaradaja magaalada Baraawe ee maamulka Koonfur Galbeed.

Shixnada uu sido Markabka ayaa waxaa qeyb ka ah Gaadiid kala duwan oo ay kamid yihiin noocyada dhismaha sida kuwa Cagafta iyo kuwa shiida Shamiindada.

Xuseen Bare oo ah Guddoomiyaha Baraawe ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo kala duwan oo lagu horumarinaayo Magaalada Maadaama ay tahay Caasimadda Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhawaan la dhisi doono Dekadda iyo Garoonka magaalada Baraawe, si caasimada loogu raro Baraawe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DFS oo maanta Maxaabiis kasoo dajineysa Garoonka Aadan Cadde (Tirada)

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay kasoo dajiso Maxaabiis Soomaaliyeed.

Maxaabiistan ayaa ku jiray gacanta magafayaasha dalka Libya, waxaana lasoo sheegayaa in qaarkood ay qabaan dhaawacyo.

Maxaabiistan ayaa tirro ahaan lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 11 Maxaabiis, waxaana la xaqiijiyay in muddo farabadan ay ku jireen gacanta Magafayaasha dalka Libya oo u geestay dhabaatooyin kala duwan.

Mas’uul ka tirsan Safaarada Somalia ee dalka Libya ayaa sheegay in Maxaabiistan ay gacanta magafayaasha ku jireen muddo laba sanadood ah, balse iminka laga soo saaray.

Danjire Ali Siciid Fiqi oo ah Safiirka DFS u fadhiya Midowga Yurub, ayaa sheegay in juhdi badan ay ku bixiyeen sidii dhalinyaradaasi loo sii dayn lahaa.

Waxa uu Danjiraha sheegay in ka shaqeynta deysmada Maxaabiista uu u xil saaray Madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee ay ku guuleysteen.

Mid ka mid ah Maxaabiista ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu u duulo Magaalada Muqdisho, kadib laba sano oo uu ku xirnaa dalka Libya.

Geesta kale, Madaxweyne Farmaajo, ayaa balan qaaday in dowladiisa ay dadaal badan ku bixin doonto sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista Somaliyed ee ku xiran dalalka caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Safaarada Turkiga ee Somalia oo wada qorshe cusub oo dhiiri galin leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan xogta ku helnay Safaarada Turkiga ee Somalia ayaa wada qorsho ay ku howlgalineyso qaar kamid ah ciidamadii ay dhawaan tababarka ugu soo xireen Saldhiga Militery ee ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Safiirka Imaaraadka u fadhiya Somalia Ambassador Olgan Bekar, ayaa qorshahaan cusub la kaashanaaya Saraakiisha Turkida ee gacanta ku heysa Saldhiga.

Qorshaha Safiirka ayaa la sheegay inuu yahay in ciidamada Soomaalida ee tababarka loogu soo xiray Saldhiga lagu wareejiyo amniga Safaarada iyo Xarumaha kale oo ay maamusho Turkiga.

Qorshaha ayaa markiisa hore la xaqiijiyay inuu ahaa in dufcada koowaad lagu wareejiyo amniga Saldhiga, Safaarada iyo Isbitaalada ay maamulaan Turkida, hase ahaatee waxaa howshaasi dib u dhigay isku shaandheyn lagu sameynaayo ciidamada.

Dowlada Turkiga ayaa kaalmaha koowaad ugu jirta dowladaha garabtaagan Somalia, waxaana xusid mudan in dhammaan howlaha ay kawadaan Somalia ay maamulka u dhiibaan Soomaalida.

Dhinaca kale, qorshaha uu wado Ambassador Olgan Bekar, ayaa dib usoo celinkara mooraalka ciidamada dhawaan tababarka loogu soo xiray Saldhiga ee Soomaalida ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Wasiiro iyo xildhibaano jahwareer galiyey howshii xarunta gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in shaqooyinka halkaa ka socday ay qarka u saran yihiin inay galaan hakat, kadib Wasiiro iyo Xildhibaano Jahwareer galiyey howsha Gobolka Banaadir.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa la sheegayaa inay buux dhaafiyeen Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho C/raxmaan Cumar ‘’ Yariisow’’, oo la filaayo in dhawaan uu magacaabo Guddoomiyayaal Degmo.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa kala wata shaqsiyaad ay doonayaan in loogu magacaabo Guddoomiye Degmo, xili uu si hoose u socdo qorshaha lagu bedeli lahaa Guddoomiyayaashii uu horay u magacaabay Guddoomiyihii xilkiisa waayay Taabit.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa waxaa kaabaaya Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka oo saaxiibo dhow la ah Guddoomiye Yariisow, kuwaa oo qudhooda damac ka qaba in Guddoomiyayaasha cusub ay ku yeeshaan hal iyo laba Guddoomiye, wallow talaabadaasi ay carqalad galinkarto kursiga Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha Gobolka C/raxmaan Cumar “Yariisow’’, ayaa balamo u kala qabanaaya mas’uuliyiinta inkastoo ay xogtu sheegeyso in qaarkood uu ugu tago goobaha ay degan yihiin si uu uga fal celiyo dalabaadkooda.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyayaasha cusub ee Degmooyinka ayaa waxaa ka dhex muuqan doona xubno ay wataan Siyaasiyiin ka tirsan Mucaaradka dowlada oo xiriir hoose la leh Yariisow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]