25.9 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Sawiro: Wiil 19 jir ah oo arday ku dhow 20 ku laayay Dugsi ku yaalla Dalka Mareykanka

0

Florida (Caasimadda Online) _ Ugu yaraan 17-qof ayaa dhimatay kadib markii nin 19 sano jir ah uu rasaas ku furay Dugsi sare oo ku yaalla magaalada Parkland ee gobolka Florida ee dalka Mareykanka sida ay xaqiijiyeen ciidamada Boliiska.

Wiilkan loo qabtay inuu geystay falkaasi ayaa lagu magacaabaa Nikolas Cruz ,kaas oo horay uga mid ahaa ardayda Dugsigaasi, ka hor inta aan laga eryin. Wuxuuna adeegsaday xeelad ah inuu shido qalabka digniinta, kadibna markii ay ardayda kasoo wada yaaceen fasaladda uu rasaas ku bilaabay.

Shilkaan ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca goob wax barasho marka laga yimaado weerarakii lagu dilay 26-ruux ee ka dhacay Dugsi ku yiillay gobolka Connecticut sanadkii 2012-kii.

Wiilkaasi ka dambeeyay dilka dadkaasi waxaa lagu qabtay deegaanka Coral Springs, daaweyn ka dib waxaa la dhigay xabsiga Boliiska. Madaxweyne Trump ayaa cambaareeyay falka toogashada ah.

Tarsan oo weerar ku qaaday Madaxda xilalka ka haya dowlada Federaalka ah ee …

0

Muqdisho (Caasimada Online)- La-taliyaha dhanka Siyaasadda Madaxweynaha Somalia, Maxamuud Axmed Nuur ‘’Tarsan’’, ayaa si kulul uga hadlay waddooyinka sida maalaayacniga ah uga xiran dadka shacabka ah.

Tarsan, waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in shaqsi waliba uu dhagxaan dhigto wadada hormarta hooygiisa, waxa uuna taa ku tilmaamay mas’uuliyad daro cad oo ay muujinayaan shaqsiyaadka xilalka ka ahay dowlada.

Tarsan waxa uu si toosa ficilada ceynkaas ah ugu weeraray Wasiirada, Xildhibaanada, Taliyayaasha iyo Saraakiisha qaar oo uu sheegay in kala bar ay kala xirteen waddooyinka magaalada Muqdisho.

Waxa uu Tarsan Su’aal ka keenay cida dusha saran doonta mas’uuliyada ciqaabta ku dhaceysa dadka shacabka ah ee laga xirtay waddooyinka muhiimka ah.

‘’Waa mas’uuliyad daro cad in shaqsi waliba oo xil ka haya dowlada uu jarto wadada hormarya hooygiisa, waxaan ku baaqeynaa in la garwaaqsado xaqiiqda oo dib loo furo waddooyinka la kala xirtay’’.

Waxa uu Mr Tarsan cadeeyay in waxa dhibka loo kordhinaayo ay yihiin keliya shacabka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in la furo waddooyinka xiran.

Wuxuu sheegay in uusan amni sugin Dhagax, balse keliya amniga lagu sugi karo Sharci, Aqoon iyo Ciidan, wuxuuna tilmaamay wadooyinka xiran in shacabka Soomaaliyeed ay u arkaan mid ciqaab ah, oo lagu xakameynayo dhaq dhaqaaqooda.

Sidoo kale, Tarsan ayaa sheegay marka ay dalka ka dhoofayaan ama ay imaanayaan Madaxda dalka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha daqiiqahaas wadada la xirayo muhiim in ay tahay shacabka in lagu wargeliyo, si aysan ugu noqon arrin aysan filyen, oo culeys ay ku keento.

Haddalka Tarsan ayaa imaanaya xili kala bar waddooyinka magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo u xiran Madaxda dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DFS oo markii ugu horeysay cadeysay Mowqifkeeda ku aadan wadahadalka Ethiopia & ONLF

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wadahadalka maalmahan magaalada Nairobi uga socda maamulka DDSI iyo Jabhada xoriyadoonka ah ee ONLF.

Wadahadalka oo iminka maraaya heerkii ugu wanaagsanaa ayaa furmay 11-kii bishan February 2018, waxa ayna dowlada Somalia sheegtay inay aad usoo dhaweyneyso wadahadalka socda.

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo u waramaayay Idaacad VOA laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in wadahadalka socda uu kusoo beegmay xili munaasib ah.

Waxa uu Wasiirka sheegay in wakhtigaan aanu jirin wax ka wanaagsan wadahadal iyo in xal laga gaaro wixii khilaaf ah, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Cawad, waxa uu intaa ku daray in dowlada Somalia ay saadaalineyso in wadahadalka socda uu saldhig u noqon doono Nabad, Xasilooni iyo Wanaag, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in dowlada Somalia ay taageereyso wadahadlka socda.

Nuqul kamid ah haddalka Wasiirka ayaa ahaa “Dowlada Somalia waxay u aragtaa wadahadal kasta oo Nabad, Xasilooni iyo Wanaag u keenaya Gobolka, faa’iidana u leh waan soo dhaweyneynaa, waana taageereynaa wadahadalka maamulka DDSI iyo ONLF uga socda Kenya.”

Sidoo kale, Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay Juhdi badan galin doonto isku soo dhawaan shiyaha maamulka DDSI iyo ONLF, waxa uuna ku baaqay in loo degdego dhanka Nabadda iyo Xasiloonida.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaa sheegtay inay diyaar u tahay dadaal waliba oo lagu xalinaayo xiisad ka dhacdaa Gobolka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Doorashada Kursiga uu ka dhintay Siraaji oo ka dhaceysa magaalada Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online)-Waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay ka dhacdo doorashada mid kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka ee faaruqa ah.

Doorashada ayaa waxaa ku tartami doona musharaxiin dhowr ah, waxaana Kursiga loo tartamaayo horay u baneeyay Marxuum Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji oo sanadkii hore lagu hor dilay Villa Somalia.

Doorashaddan ayaa waxaa ku tartami doona xubno dhowr ah oo ka mid ah Beesha iska leh Kursiga, waxaana Magaalada Kismaayo diyaar ku ah dhammaan Ergooyinkii loogu tala galay in ay xubinta Kursiga doortaan.

Xubnaha ku tartami doona doorashada ayaa waxaa kamid noqon doona wiil la dhashay marxuumka oo isaga la saadaalinaayo inuu qaban doono xilka.

Sidoo kale, Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka, ayaa sheegay in ay shalay bilaabeen hubinta Ergooyinka, sidoo kalena ay xaliyeen wixii tabasho ah, islamarkaana doorashada maanta ay ku dhaceyso sidii loogu talo galay.

Docda kale, doorashada ayaa u muuqaneysa mid ay guusheeda u janjeeri doonto wiilka la dhashay Marxuumka oo ay wadato dowlada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo si kadis ah xilka isaga casilay

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxaweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa xilkii madaxtinmo ee dalkaasi iska casiley kadib buuq maalmihii dhowaa hareeyey xukunkiisa.

Madaxweyne Zuma ayaa loo soo jeediyey eedo la xiriira musuq-maasuq, eedahaas oo ka imanayey badi xubnaha xisbigiisa.

Jacob Zuma oo markii hore dhagaha ka fureystay baaqyadan kaga imaanaayay xubnaha xisbigiisa ayaa ugu dambeyn Tv-ga dowlada ka sheegay in xilkii madaxtinimo ee Koonfur  Afrika uu ka degay xili uu jeedinaayay Khudbad.

Goor sii horraysay xisbiga ANC ayaa Zuma u sheegay inuu xilka banneeyo haddii kale uu wajahi doono in baarlamaanka uu maalinta Khamiista ah u qaado in lagala laabto codka kalsoonida.

Jacob Zuma oo ah 75-jir ayaa waxaa saarnaa caddaadis ballaaran oo ah inuu xilka ku wareejiyo Madaxweyne ku xigeenka Cyril Ramaphosa, kaas oo ah hogaamiyaha cusub ee xisbiga ANC-da.

Dhinaca kale, Jacob Zuma ayaa xilka Madaxweynaha Koonfur Afrika soo hayay tan iyo 2009, waxa uuna wajahayaa eedo dhowr ah oo musuq maasuq.

Waxa ay is casilaadan kusoo beegmeysaa xili ay saaxiibada caalamka qudhooda soo jeediyeen is casilaad ka hor inta uusan dalka galin xaalad adag.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Arrin cusub oo kusoo korortay kiiska dacawada badda Somalia iyo ICJ oo ogolaatay in…

0

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda cadaaladda adduunka(The International Court of Justice) ayaa ogolaatay in Soomaaliya ay jawaab ka bixiso dacwada ay ka gudbisay Kenya ee la xiriirta  xadka badda.

Sida muuqata, waxaa bilaabanaya wareeg cusub oo dal weliba ku soo bandhigi-doono dacwadiisa iyo xujo waxa uu haayo,  si go’aan kama dambeys ah looga gaaro xariiqda xadka biyaha ee labada dal.

Maxkamadda ICJ ayaa isniintii sheegtay in Kenya dalbatay in xadka biyaha labada dal aan la taaban ee uu sidan sii ahaado illaa June 18, kadibna Kenya u baahan tahay 6 bil si ay kiiskan uga jawaabto.

Qoraal ka soo baxay maxkamadda ICJ, waxaa lagu sheegay in ay go’aankan gaartay kadib markii ay tixgelisay aragtiga labada dal iyo duruufaha ku xeeran kiiskan.

Codsiga Kenya:

February 2, 2018-kii, waxaa uu garsooraha maxkamadda ee Ronny Abraham aqbalay codsiga Kenya ee ahaa in labada dhinac loo furo wareeg cusub oo dood ah, taas oo Nairobi ay sheegtay in ay sidoo kale u baahan tahay waqti badan oo ay isku diyaariso. Tani micnaheedu waxaa uu noqonayaa in labada dal ay maxkamadda horteeda ku galaan wareeg cusub oo dood ah oo la xiriirta xadeynta badda.

Soomaaliya oo dacwaddan gudbisay 2014-kii, waxaa ay ku doodeysaa in xadka hadda jira aanu sax aheyn, xadkan oo ku yaallo dhanka bari ee Kenya, Nairobi waxaa ay qabtaa in haddii la taabto ay xitaa saameyn karto Tanzania.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Shirkadda Tabaarak ICT Solutions oo dalka Somalia kusoo kordhisay adeeg casri ah

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkadda Tabaarak ICT Solutions oo ah shirkad si weyn looga yaqaan dalka Soomaaliya ayaa soo kordhisay adeeg cusub oo ay kugu magac dartay Beeciye kaasoo wax badan u tari doono macaamiisha shirka iyo dhammaan Soomaalida.

Waa maxay adeega Beeciye?

Beeciye market waa adeeg casri ah oo ah website iyo mobile APP oo ay kuu keentay shirkadda Tabaarak ICT Solutions.

  • Waa suuq ay ku kulmayaan dadka wax iibinaya iyo macaamiisha ka iibsanaysaaba. Qofkasta oo wax iibinaya, sida guryaha, gawaadhida, dahabka IWM waxa uu galin karaa oo ku iibin karaa alaabtiisa Beeciye Market.
  • Supermarket-yada, hotel-lada, dahablayaasha, shirkaddaha dhismaha iyo qof kasta oo ganacsi leh waxa uu alaabtiisa ku iibin karaa oo isticmaali karaa waa suuqa Beeciye Market.
  • Waa isku xidhaha dalka iyo debbeda iyo soo dhoweeyaha alaab aad in badan raadin lahayd.

Faaiidooyinka oo u leeyahay bulshada

             Waa lacag la,aan

             Waqtiga ayuu kuu beekhaaminaa

             Si fudud ayaad u arkeysaa alaab raqiis ah oo waliba tayo leh

             Si fudud ayaa isaga iibin kartaa alaabahaada.

             Macaamiil badan oo meela kala gadisan joogta ayaad ku xirmeeysaa

             Toos ayaad ula hadli kartaa iska iibiyaha alaabta.

             Waad la gorgortami kartaa qofka leh alaabta hadii aad ku qanacdo

Sidee loo isticmaalaa?

             Kala soo deg play store ama apple store adiga oo ku qoraaya Beeciye

             Sameeyso username and password ama ku gal Facebook account ama Google account

             Markii soo gasho waxaad awood u leedahay inaad badeecadaada ku soo bandhigto adiga oo sawir kaqaadaya ama sawir hore soo galinaya sidoo kale waxaa awood u leedahay inaad aragto badeecado horay loo soo galiyay adiga toos ula xariiri kara qofka iska leh

 Waxaa arki doona badeecada aad soo galisay malaayin qof oo macaamiil ah.

Madaxda maamul goboleedyada oo curyaamiyey shaqooyinkii hay’adihii dowliga ahaa

0

Shirkii maamulada Soomaalida iyo Dowlada Federalka u dhexeeyey oo ku soo dhamaadey magalada Muqdisho 11/02/2018 ayaa waxaa kasoo baxay go’aamo Khuseeya arimaha Dastuurka, doorashooyinka Soomaaliya sanadka 2020 iyo heshiis laga gaarey qaybsiga khayraadka Kalumeysiga.

Madaxweynayaasha maamulada Soomaalida oo kulankaas qayb ka ahaa ayaa madaxdooda inteeda badan waxaa aysan kaxaysan ama aan wehelin hay’adihii dowliga ahaa ee ku shaqo lahaa go’aamada ay gaareen.

Madaxweyne Gaas oo kulankaas ka qayb galay ayaa waxaan kulankaas gabi ahaanba aan la socon wasiirada gaar ahaan kuwo howlaha laga wada hadlayey ku shaqo leh.

Gaas oo inta badan u kexeysta kulamada noocaan ah shaqsiyaad uu ku kalsoon yahay kuwasoo aan dood iyo wadaxaajood ka gali karin qodobada maaiiriga ah ee laga hadlayo ayaa Muqdisho waxaa u jooga xubno isaga Wakiil ugu ah iney kamid noqdaan guddiyada socidsiinaya qodobada lagu heshiiyo iyadoo wasaradaha iyo hay’adaha loogu talagaley in lagala xisaabtamo hehsiisyadaan gaar ahaan kuwooda Dastuuriga ah aysan soo dhaafi karin magalaada Garowe.

“Cabdiweli Gaas markii hore ayuu xilalka u dhiibey dad aan wax ka waydiin karin howlaha loo igmadey, waxayna u badan yihiin shaqsiyaad aan horey u soo shaqeyn oo aan laheyn waaya-aragnimo xafiiseed iyo siyaasadeed.” sidaas waxaa sheegey qof aad uga warqaba kulamada Muqdisho madaxda Soomaalidu ku qabsadaan.

Kulanka madaxda Soomaalida Muqdisho uga socdey 6-11 Feb,  ayaa waxaa Madaxweynayaasha mamaulada gudiyadii la howl-gali lahaa kuwa Federaalka ay ku darsadeen shaqsiyaad aad ugu dhow kuwasoo ama isku beel hoose yihiin ama jooga xafiisyadooda sida agaasimyaasha madaxtooyada.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu maraya kala guur ah oo go’aamo masiiri ah laga gaarayo mustaqbalka shacbaka Soomaaliyeed kuwasoo loo baahan yahay iney noqdaan kuwa aan qarsoodi aheyn (Transparent).

Maamulada Soomaalida waxaa ku jira kuwo hay’adahooda dowliga ah dhisan yihiin muddo 20 sano ah kuwasoo ay tahay iney ogaadaan heshiis walba oo g’aan ka gaaraya masiirka shucuubta ku nool.

Doorashadii ka dhacdey Soomaaliya 2017 ayaa waxaa dib loogu noqdey nidamakii 4.5 kadib markii Madaxdii markaas joogtey oo ay kamid yihiin kuwa hadda xillalka ka haya maamul goboleedyada danahooda siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale ka eegeen iney sida ay rabaan ka yeelan masiirkii ummadaha ay u matalayeen kulamadaas.

Xigasho: Garowe Online

Kheyre: “Gorgortan kama gali doono hirgalinta hanaanka lagu bixinayo canshuurta”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa mar kale ka hadlay qorshaha ay Xukuumada ku dooneyso in lagu qaado Canshuuraha dalka.

Kheyre oo la hadlaayay qaar kamid ah Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumada Somalia ay marka hore dooneyso kamiro dhalinta bixinta Canshuurta laga doonaayo Ganacsatada.

Kheyre waxa uu tilmaamay in nasiib darro ay tahay in Ganacsatada ay dhaqaalaha Canshuurta ah ku bixiyaan dalalka shisheeye, balse aysan ku bixin dalkooda.

‘’Waxaa maskaxdeena kaweyn sida ay u dhaqmaan Ganacsatada waa in Canshuurta dalka ay u bixiyaan si lamida canshuurta ay uga bixiyaan dalalka ay alaabaha kala soo dagaan, waa inay nala gartaan in dalka uu ku dhismayo keliya lacagaha canshuurta ee aan ka qaadno Ganacsatada’’

‘’Anagu ma diidanin inaan isla jideyno wixii ku xeeran cabashooyinka Ganacsatada waxaase nooga dhib badan inaan isla fahmi weyno in dalkeena uu u burbursan yahay bixin la’aanta canshuuraha, sidaa aawgeed waxaan dooneynaa in lacagaha aan ka qaadno Ganacsatada ku dhisno dalka’’

Kheyre waxa uu sheegay in Somalia ay dhexda ugu jirto cadow Shisheeye iyo mid Ganacsi, waxa uuna Ganacsatada ugu baaqay inaysan eegin keliya Canshuurta laga qaado, balse ay eegaan halka ay Canshuurtaas ku baxeyso.

‘’Waa inaan eegnaa halka ay canshuurta ku baxeyso anagu dooni meyno dal ay wadooyinkiisa haleysan yihiin waxaan dhaqaalaha aan idinka qaadno ku hormarineynaa dalkiina’’

Ra’isul wasaaraha iyo Ganacsatada waxa ay isla garteen in la qafiifiyo Canshuurta, taa bedelkeeda ay Ganacsatadu si joogta ah uga qeybqaataan kor u kaca dhaqaallaha dalka.

Waxaa kamid ahaa qodobada ay isku fahmeen Ra’iisul wasaaraha iyo Ganacsatada:

1-In si wada jira looga wada shaqeeyo Dhaqaalaha iyo Horumarka dalka.

2-In dowlada laga caawiyo dhinacyada Canshuurta iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka.

3-Horumarinta bilicda dalka iyo in xooga la saaro sida ay Somalia kusoo ceshan laheyn Ganacsigii ay caanka ku ahaan jirtay.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa ballanqaaday inuu xooga saarayo wado waliba oo ay kuwada shaqeyn karaan Dowlada iyo Ganacsatada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa ka suura gal ah in dadka Bariga Afrika uu yeesha isu-socod furan?

Isniinti ina dhaaftay waxaa Xamar lagu qabtay shir wadatashi oo ku saabsanaa sida lagu suuragalin karo helidda isu-socod furan oo ay helaan dadka dagan Bariga Afrika. Shirkaan ayaa wuxuu ku koobnaa kaliya waddamada IGAD ku midaysan oo ay Soomaaliya ku jirto.
Inta badan dadka soomaaliyeed iyo idaacadahaba sawir madow ayay ka bixiyeen qorshaha la wado. Waxaa aad looga dhawaajiyay in la midaynayo baasaborrada soomaaliya iyo Itoobiya. Taasoo ah cabsi na haysay tobanki sano ee lasoo dhaafay. Haddaba maxaa ka suura gal ah in la helo waddamada Bariga Afrika oo xuduudaha isu furo? Haddiise ay dhacdo yay dan ugu jirtaa?
Sodanki sano ee lasoo dhaafay waxaa si xowli ah ku socday dhisamaha xulufo goboleed. Qaarad walba waxaa laga dhisay urur ay waddamo koox ah ku middaysan yihiin. Afrika waxaa ka jiro IGAD, SADC, ECOWAS iyo kuwa kale. Aasiya waxaa ka jiro kuwa badan sida AFTA, Yurub iyo Amerikana waa la mid.
Dhammaan ururadaan waxaa loo sameeyay dano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale, waxaana ugu badan helidda suuq dhaqaale oo xor u ah hadba intaa ururkas ku midaysan. Tusaale, suuqa Midowga Yurub, waxaa u siman dhammaan 28 dal ee ku jiro ururkaas. Mid walba meesha uu rabo oo midowga ka mid ah ayuu u suuq gaysan karaa alaabtiisa isagoon wax canshuur ah la saarin. Gaariga Jarmal lagu sameeyo canshuur la’aan ayaa laga soo dajiyaa Ingiriis iyo Faransiis.
Waxaa sidoo kale, loo dhisaa ururadaas in la yareeyo xorriyad la’aanta shucuubta ku jirto ururkaas. Sida in la baabi’iyo shuruudaha fiisaha ama la yereeyo. Si loo sahlo ganacsiga iyo waxbarashada la is dhaafsanayo.
Dhib ugu weyn ee xorriyada safarka waxay haysataa dadka Afrikaan ah xataa haddii ay isaga gooshayaan qaradda dhexdeeda. 54-ta dal ee Afrika ka kooban tahay 13 kaliya ayaa fiise la’aan la tagaa ama fiisaha garoonka laga qaataa. Inta kale, waxaa la maraa jid dheer iyo shuruudo adag. Waxa Kenya naga haysto ayaa tusaale kuugu filan.
Maxaa faaido ku jiro xorriyada isu-socodka?
 
Faaiidooyin badan ayaa dadka iyo dalalkaba ugu jiro xorriyadda safarka. Dadku waxay abuuraan dhaqaale. Haddii aad safarto dalka aad tagto waxaad geyn lacag tiro badan. Xorriyada isu-socodka ayaa sahasho inay waddamadu helaan shaqaalaha ay u baahanyihiin. Ingiriiska, matalan, 10% daqaatiirta ka shaqayso waxay ka yimaadeen Yurub. Waxaa sidoo kale kordho dal xiisayaasha oo ah kuwa lagacaha ugu badan geeyo waddamada kale.
Dadku waxay faaiidi inay si xor ah u aadi araan oogana shaqaysan karaan waddanki ay doonaan. Tusaale, haddi ay suura gasho in Bariga Afrika sida Yurub laga dhigo, qofka Soomaaliga ah wuxuu kala dooran karaa inuu ku noolaado Kenya, Itoobiya ama waddanki kale ee heshiiska ku jiro. Waxaa meesha ka bixi raadinta waraqaaha ogalaanshaha shaqooyin oo ah kuwo dhib badan laga maro, fiisaha waxbarashada loo dalbado, canshuuraha dheeriga ah ee laga qaado dadka yimaado waddamo kale ee ka shaqeeyo dal aysan dhalasho ka haysan iyo shuruudo kale oo tirabadan.
Maxaa dhib ah oo ka imaan karo?
 
Fikradda suuqa xorta ah waa mid muddo badan soo jiray. Asalkiisuna wuxuu kasoo jeedaa reer Galbeedka. Gaar ahaan waxaa addunka la marsiiyay 80aadki. Meel marinta suuqa xorta ah waxaa hormuud ka ahaa Maraykanka iyo Ingiriiska. Waqtigaas waxaa meel fiican gaaray dhaqaalahdooda. Waxay rabeen in helaan suuqyo ay ku iibiyaan alabaahooda iyagoon la kulmin shuroodo badan.
Qasab iyo juujuub ayay ku marsiiyeen adduunka oo dhan. Addunka intiisa badan waa uu ku qasaaray fikaraddaas Afrikaba ha ugu darnaatee. Laakiin waxaa ka faaiiday quwadihii soo baxay sida Shiinaha.
Manta waxaa caddaatay inaysan dan ugu jirin waddamadii keenay fikirka. Taas ayaa keentay inay labadii adduunka bartay sheekada suuqa xorta ah ay billaabaan suuqa xiran. Ingiriiska waa kan u codeeyay inuu Yurub ka baxo. Maraykanka waxa Taraam loo doortay inuu albaabada u xiro si aysan Shiine iyo Kuuriya ugu soo galin.
Sababta ay gadaal ugu baxeen ayaa ah inay fahmeen inay wax faaiido ah u qabin. Suuqa Yurub cidda ugu badan ee ka faaiiddo waa Jarmalka oo leh warshado badan oo wax soo saaro. Haddii aadan lahayn wax soo saar suuqa maxaad ku iibin?
Maraykanka waxaa suuqa ka saaray Shiinaha oo badeeco jaban keeno dalkiisa. Sida kaliya ee uu uga bixi karo ayaa noqotay inuu ganjeelka xirto. Innagoo taas ka cabbir qaadanayno, maxaan haysannaa oo aan geyn doonnaa suuqa Bariga Afrika? Sideen ula tartami karnaa waddamada Kenya iyo Itoobiya oo xirfad dhaqaale iyo wax soosaar ahaanba innaga horreeyo? Soo noqon mayno suuq wax loo soo iibgaysto kaliya ee aan waxba iibin?
Midda labaad ayaa ah xakamaynta dadka. Waxaan wada ognahay xaaladda uu dalkeennu ku jiro. War kama hayno cidda soo gasho iyo midda ka baxdo iyo kuwa ku nool shaqooyinka ay qabtaan. Waxaan kaloo ognahay in waddamada dariska nala ah ay damaaci weyn ka qabaan qaadashada qaar ka mid ah dhulkeenna. Side lagu koontarooli karaa dadka soo galayo dalka? Qalab yo nidaam toona lama hayo. Aqoon iyo xirfad midna uma lihin, dhaqaale lagu maamulana ma hayno. Marka soo daaftaa ka gal iyo waa danbe aan kugu qabsado noqon mayso?
Sababta ugu weyn ee Ingiriiska ku qasabtay inuu Yurub ka baxo ayaa ah in dad tiro dhaafay ay usoo guureen dalkiisa. Marki hore shuruudo ma uusan xiran sida Noorway. Dhaqaalihiisa fiican iyo dhaqanka dadka dagan oo ka furfuran Yurubta kale ayaa ka dhigtay meel qof walba ku noolaan karo. Taasi waxay keenaty in midki fahmi waayo waddankiisaba uu boorsada soo qaato. Ka dib, iskoolladi, isbitaalladi iyo dhammaan adeegyadi bulshada ayaa laga isu yimid. Markaas ayaa lagu baruurugay dhibka jiro lana fahmay in dalku buux dhaafay.
Dhibka sadexaad ayaa ah, in aanan hadda lahayn awood aan ku galno heshiis noocaan ah. Midowga Yurub muddo dheer ayaa laga shaqaynayay dhisiddiisa. Tobonnaan sano oo dhib ah ayuu qaatay in laga sal gaaro. Saas oo ay tahay ilaa hadda waxaa la wadaa sixiddii qaladaadki horay ooga dhacay. Heshiisyada noocaan ah dood badan, indha-faro iska galis iyo hujuum badan ayay rabaan.
Arrintaas waxay dhex mari kartaa dad siman awood ahaan ama isu dhow. Laakiin waqtiga lagu jiro waxaan la tacaalaynaa dhisadda dowlad iyo maamul. Waxaa dalkeenna u joogo inay na ilaaliyaan, sida ay sheegtaan, ciidamada waddamada aan heshiisyada la galayno. Sided ugu afcelin kartaa qof naftiisa u hurayo inuu ku difaaco? Sideed ula xisaabtami dal ciidamadiisu joogaan madaxtooyadaada? Wax ma diidi karnaa oo mayaba ma awoodnaa horta?
Waxaa hubaal ah in baahi weyn loo qabo fududaynta isu-socodka iyo suuq-geynta. Soomaalida qaas ahaan baahi weyn ayaan u qabnaa in lanoo fududeeyo dal ku gallada waddamada dariska ah oo aan wax badan ooga baahanahay. Laakiin, isu-socod furan oo u eg midka Yurub marnaba suuragal ma noqon karo. Duruufaha dhaqaale, kuwa siyaasadeed, kuwa dhaqan iyo diimeed ayaa intaba ka dhigayo mid suura gal ahayn inaan Kenya yeelano hal baasaboor oo meshi aan donno aan u dagi karno. Yurub oo nooga horraysay ayaa hadda fahantay inay kuqaldantay midowgi noocaas ahaa.
Saas oo ay tahay waxaan aaminsanahay, in soomaalidu tahay kuwa ku dhex noolaal karo dadyowga kale. Laakiin dadyowga kasoo jeeda Kiinya iyo Itoobiya uma sahlana inay nagu dhex noolaadaan. Iyadoo laga yaabo inaan nahay dadka ugu badan ee ka faaiidi lahaa isu darmashada, ayaan haddana waxaan qabaa innaan aqbalin waayo ma joogno waqti aan taas ka fakerno mana lihin awood aan ku xisaabtanno ama aan isaga eegno shuruudaha wax wadaaga.
W/Q: Ibrahim Aden Shire
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Beled Weyne – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Toddobaad

0
Muqdisho (Caasimada Online)-ICRC waxay Geneva ka soo magacowday 1987 Richard Anderegg oo ah Madaxa ICRC ee Soomaaliya.  Waa nin firfircoon, howsha samafalkana sida diin oo kale u aamminsan. Cidna aan ka gabban marka ay baahi samafal u muuqto. Annagana sidoo kale nagu dhiiri geliya.
Malahyga taasi waa waxa uu eeday markii uu dagaalku ka qarxay Hargeysa iyo Burco sannadkii 1988.
Beatrix Attinger oo ah gabar dhallin yar oo aan is da’ aaddan nahay laakiin khibradda shaqo ee ICRC iga badan ayaa ku wehlisa ajnebiga Xafiiska.  Labaduba waa Swiss.
Xafiiska waxaa iiga soo horreysay Faadumo Shiikh Cabdi oo howsha baadi-goobka ka shaqeysa howsheeduna ay u badan tahay xafiiska. Axmed Tifow iyo Cali Adan ayaa ayguna ka mid ah howlwadeennada Xafiiska u fuliya shaqooyin kala duwan.
Beatrix Attinger iyo anigu waxaan qaban qaabinnay safar dhulka ah oo aan ku tegeyno toban gobol oo dalka ka mid ah.  Waxay soo jeedisay in aan labadeenna oo keliyihi aan is raacno, baabuurka Madaxa Xafiiska aan qaadanno oo ah Land Cruiser yara cusub.

Buurta Shiikh iyo Waddooyinka miliqsan ee Boosaaso

Markii aan soo xog wareystay darawaliinta gobollada u baxa waxay iiga digeen laba marin.  Waa Waddada isku xirta Garowe iyo Boosaaso oo aan markaa laami ahayn. Waa waddooyin badan oo kala leexleexda qaarkood ay dib isugu soo dhacaan, summadna aan lahayn. Waxay iigu dareen inta badan in ay tahay dhul aad u weyn gaadiidka iyo tuulooyinkuna ay ku yar yihiin. Taas oo macnaheedu yahay in haddii aad waddo aan tii saxda ahayn raacdo ay suurta gal tahay in aad muddo socota adiga oo aan arag cid aad ka hubsato in jihada Boosaaso aad ku joogto iyo in kale.
Darawaliinta qaar waxay iiga digeen Buurta Shiikh oo ay ku tilmaameen in ay tahay mid u baahan khibrad darawalnimo oo sarreysa.  Buuraha bacaadka ah ee Muqdisho marka laga tago, Buurta keliya oo aan markaas khibrad u leeyahay waa Yasoomman oo ku taal waddada Ceel Buur meel u dhaxeysa Buulo Burte iyo Maxaas oo aan ogahay in ay tahay khatar.  Markii aan la barbardhigay darawaliinta labadaba yaqaanna waxay ii sheegeen buuraha Shiikh in ay ka khatar badan yihiin Yasoomman.
Ugu dambeyn waxaa la ii sheegay in haddii ay dhacdo in gaarigu uu hallaabo aan u baahan doonno qof makaanik ah oo waddada naga badbaadiya.
Sidaa darteed waxaan fasiraad badan ka dib, Beatrix ku qanciyay in aan kireysanno darawal makaanik ah, yaqaannana waddada Boosaaso iyo sida loo maro buuraleyda Shiikh.
Nin hadda Xildhibaan ah ayaa naga kaxeeyay Muqdisho. Waxaan sidannaa caag weyn oo biyo nadiif ah oo la cabo ay noogu jiraan iyo darmuus weyn oo biyaha u keydiya qabowga.
Waxaa noo raran barmiil shidaal ah iyo sanduuq bir ah oo uu noogu jiro agabka baabuurta lagu cilladtiro xag makaanik iyo xag koronto.  Caag saliidda baabuurta ah iyo laba taayar oo dhigaal ah.
Maaddaama berigaas xasaasiyad laga qabay magaca iyo wax kasta oo Ethiopia ku saabsan, annaguna aan wadno liiska ciidan Soomaaliyeed oo u xiran Ethiopia iyo waraaqo ay ku shaabbadeysan yihiin hey’adaha amniga Ethiopia, waxaan sidannaa waraaq ay na siisay Wasaaradda Arrimaha Guduhu oo fasireysa howsheenna. Waxaa kale oo aan sidannaa waraaq Wasaaradda Arrimaha Dibadda ah oo oggolaashadii kow ay he’addu dalka ku timid.

Billowga Waddada Dheer

Goor subax ah ayaan Xamar ka shiraacannay.  Magaalo kasta oo aan tagno waxaa noo qorsheysan in aan booqanno Saldhigga Booliiska, Guddoomiyaha Degmada ama kan Gobolka haddii ay Xarun Gobleed tahay.   Meelaha qaarna waxaan la heshiin doonnaa qof aan u dhiibno waraaqaha si uu qoysaska maxaabbiista ee degaankaas u raadiyo ilaa aan ku soo marno soo laabadkeenna.
Balcad markii aan ka baxnay ayaa darawalku billaabay in marka dhinaca midig ee waddada uu ku arko god, uu gaariga u weeciyo dhinka bidix.  Beatrix waxay ku adkeysatay in uu mar kasta ku joogo seedkiisa xataa haddii uu god ku yaallo.
Waxaan xusuustaa in uu u sheegay sannado badan oo uu darawal ahaa, weligiinna aanuu shil gelin.  Waxay ugu jawaabtay in aanay diyaar u ahayn in ay ku dhimato shilka ugu horreeya ee uu geli doono.
Waddada Jowhar waa mid aan dayactir helin tan iyo markii gumeysiga aan ka xorownay.
Qaddar yar ka dib waxaan tagnay Jowhar.  Waxaan ka cunteynay Dalxiiska meel loo yaqaan oo Geedo aad u waaweyn leh oo ay Wasaaradda Dalxiisku leedahay.
Waxaan u gudubnay Buulo Burte.  Waxaa Jowhar nooga billowday waddo wanaagsan oo ay Dowladda Kacaanku dhistay.  Waxaan gaarnay Buulo Burte.  Waa magaalada aan ka dhigtay Dugsiga Hoose. Waa magaalo aan guri guri u aqaan.  Waxaan ku lahaa xiriirro fara badan oo ah ciidanka ay aabbahay wada shaqeynayeen, macallimiinta oo hadda qaarkood ay yihiin ardaydii aan isku fasalka ahayn sida Axmednuur Shiikh Cilmi oo gacan na siiyay, bahda Sportiga oo ay magaaladu caan ku tahay iyo dad kale oo badan.

Waxaan u gudubnay Tuulada Halgan oo ay ku eg tahay waddada wanaagsan ee uu Kacaanku dhisay.  Waxaa dib u billaabata waddo codsaneysa dayactir oo Gumeystuhu dhisay.

Tuulada Garziani oo ku taal buur fiiqeed ayaa noo xigtay.   Intaba waxaan shir kula yeelannay qof mas’uuliyad degaanka ah haya iyo ugu yaraan hal qof oo macallin, dhakhtar, ama ganacsade ah.  Waxaan kala hadalnay arrinka maxaabbiista qaarkoodna waxaan uga tagnay koobbi waraaqaha Maxaabbiista ee u socda qof degaankaas cinwaankiisu yahay.

Beled Weyne

Waxaan u gudubnay Beled Weyne oo aan isla habeenkaas shir la yeelannay Isuduwaha Caafimaadka, Dr. Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal ajnebi ah oo ka socday Italian Medical Team.
Mar kale arrinta maxaabbiista ayaan u fasirnay, koobbiyaal waraaqaha Beled Weyne u socda-na waan uga tagnay.
Beatrix waxay jiif ka heshay xerada Italian Medical team.  Aniga iyo darawalkii waa nagu adkaatay in aan helno Hotel haya laba qol oo uu naga kireeyo caawa.  Waan ogaa magaalada in ay joogaan qaar ka mid ah qaxooti ka badan nus malyuun qof oo Ethiopia ka soo qaxay xilligii dagaalka.   Laakiin ma garan sababta ay hoteelladeedu sidaa ugu cammiran yihiin.
Markii dambe ayaan helnay hotel ay laba sariirood ka bannaan yihiin mid saddexaadna uu nin aynaan garaneyn jiifo oo markaa hurda.
Korontadu waxay tagtay oo la demiyay xilli habeen barkii ku dhow.  Aniguna maaddaama aan yara daallanaa hurdo culus ayaan la dhacay.  Goor dambe ayaan soo baraarugay.  Waa mugdi.  Waxaa ka daran in qolka dhexdiisa looga hadlayo af aanan waxba ka fahmeyn marka laga reebo in aan gartay in uu yahay af Xabashi.
Wax aan ku fasiro ama aan uga talo galo ayaan garan waayay.
Waxoogaa markii aan dhegeystay waxaan gartay in codku yahay hal qof oo cid la hadleysaa aanay jirin.
Waxaan garan waayay ninka qolka nooga soo horreeyay in uu xabashi yahay iyo in uu Soomaali yahay.  In uu waalan yahay iyo in kale. In uu qarwayo iyo in ay ulakac tahay oo uu howl kale ku jiro.

Ma garan, laakiin iftiinka waagu wuxuu soo bikaacay aniga oo sugi la’.  Marka aan arkay in wax waliba ay caadi u muuqdaan, waxaan mar ku shakiyay in aan codkaas maqlay iyo in aan ku riyooday.  Laakiin darawalkii ayaan si hoose u weydiiyay oo isaguna ii xaqiijiyay.

Waxaa lagu fasiray in ninku uu qarwayay.  Waa laga yaabaa in ay run tahay.
W/Q. Yuusuf Garaad
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

Golaha wakiillada Libya oo go’aan ka gaaray musharaxnimada wiilka Gaddafi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Golaha Wakiillada baarlamaanka Libya Mr Aguila Saleh Issa, ayaa shaaca ka qaaday in doorashada Libya uu u tartami karo Saif al-Islam Kadhafi, oo ah wiilkii hoggaamiyihii hore ee Liibiya Muammar Gaddafi.

Mr Aguila Saleh Issa, ayaa sheegay inaanu jirin sharci Saif al-Islam Kadhafi ka mamnuucaaya inuu u tartamo doorashada la filaayo inay dhacdo dhawaan.

Afhayeenku waxa uu sheegay in dhammaan qodobada Dastuurka Libya ay fasaxayaan in Saif al-Islam Kadhafi uu shuruud la’aan isugu soo taagi karo doorashada, iyadoo la eegaayo xuquuqdiisa muwaadinimo.

Afhayeenku waxa uu intaa raaciyay in doorashada dhicitaankeeda uusan dhaafi doonin sanadkan gudihiisa, sida uu xaqiijiyay hogaamiyaha barlamaanka dalkaasi.

Afhayeenka Golaha Wakiillada Aguila Saleh Issa, ayaa u sheegay wargeyska Sputnik in xeerka cusub ee cafiska oo la meel mariyay , Saif iyo qofkasta oo kale ay u tartami karaan inay hoggaamiyaan waddanka waqooyiga Afrika.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Waxaannu hirgelinay sharciyo cafis iyo sharciyo ku saabsan joojinta go’doonka siyaasadeed. Hadda muwaadin kasta oo Liibiya, oo aan sharci ahaan lagu xukumin, wuxuu xaq u leeyahay inuu u tartamo madaxweynaha. Codeyntana waxa ay muujin doonta in Saif uu dadku caan ku yahay, “.

Sidoo kale, Afhayeen u hadlay qoyska Qadaafi ayaa bishii December 2017 xaqiijiyay in Saif uu haysto taageerada iyo aqoonta si uu usoo afjaro rabshadaha waddanka tan iyo markii aabihii xukunka laga tuuray.

Si kastaba ha ahaatee, dhamaadkii kacdoonkii ka dhanka ahaa aabihiis, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ayaa soo saartay amar ah in la xiro Saif bishii Juunyo 2011 iyada oo lagu tuhunsan yahay dilka iyo dibad baxa rabshadaha watay, wallow baaritaano daba dheeraaday kadib Saif al-Islam Kadhafi lagu waayay kiiskii loo xiray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

C/weli Gaas “Annaga dadka shacabka ah warkooda kuma shaqeyno”

0

Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland, C/weli Cali Gaas ayaa si kulul ugu fal celiyay eedeymo loo jeediyay iyo baaq mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Puntland ay ku dalbanayeen in Puntland u baahan tahay isbadal kow ka yahay in gacanta Puntland lagu soo celiyo Tukaraq.

C/weli Gaas oo garoonka Garowe kula hadlayay warbaahinta xili uu kasoo laabtay magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in xukuumaddiisa aysan ku shaqeyn hadalka shacabka.

“Dastuurka Puntland ayaa na-faraya in dalka la difaaco, annagana dadka shacabka ah warkiisa kuma shaqeyno, dowladuna kuma shaqeyso.” ayuu si carro ku jirto u yiri C/weli Gaas.

Hadalka kulul ee C/weli Gaas ayaa kusoo beegmay xili mudane ka tirsan baarlamaanka Puntland oo kasoo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag uu ku eedeeyay Gaas inuu ka gaabiyay wax ka qabashada xaalada Tukara, isla markaana uu iska safro xili walbo oo xaalada Puntland kacsan tahay, wuxuuna mudanahasi ku baaqay isbadal ka dhaca Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected] 

Kiiska Qalbi-Dhagax: Xildhibaan jawaab ka bixiyey go’aankii Farmaajo ku taageeray…

0

Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax waxa uu ahaa sargaal ka tirsan ururka ONLF ee ka dagaalama waddanka Itoobiya, waxa uu ku taami jiray, sida la sheegay, in ciidamada Itoobiya uu ka xoreeyo dhulka Soomaaliya.

Balse ma uusan noqon hamigiisii mid suuro-galay, waxa uu safar ku tegay magaalada Gaalkacyo 23 Agoosto ee sannadkii la soo dhaafay, halkaasi oo ay ka qabteen ciidamada Nabad-sugidda Qaranka, ka dibna waxa ay u soo gudbiyeen magaalada Muqdisho.

Maalmo yar ka dib, 27 Agoosto ayey mugdi gashay rajadii Cabdikariim Muuse Qalb-dhax iyo qoysaskiisa, waxaana ka gilgishay dhiibistiisa shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Soomaaliya oo mar danbe ka hadashay arrintan ayaa ku tilmaantay in dhiibista Qalbi-dhagax ay ahayd sifo sharci ah, uuna ka tirsanaa urur argagaxiso ah, arrintaasi waxa ay mar kale gilgishey dareenka shacabka Soomaaliyeed.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay dhiibista Qalbi-dhagax ayaa waxa uu sheegay in ay qalad aheyd dhiibistiisa, dhinacyo kala duwan ayaana lagu eedeeyay dhiibista Qalbi-dhagax waxaana arrintan aan isku mowqif ka ahayn madaxda sare ee dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu taageersan yahay go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ay ka qaateen arrinta Qalbi-dhagax.

Kala aragti duwanaashaha xafiisyada dowladda ayaa mar kale mugdi galin kara arinkani, Carafaad Cali Axmed ayaa ka warramay waxa uu arrintan sharcigu ka qabo “Sharcigu waa cad yahay, qof muwaadin ah ma bannaana in lagu wareejiyo gacan shisheeye, waa qofku marka uu yahay muwaadin”.

Marka dhinaca kale laga eego shacabka Soomaaliyeed waxaa sii kiciyey waddanka Itoobiya oo aan xiriir wanaagsan kala dhexayn Soomaaliya dagaallo bandanna ay soo dhex mareen.

Itoobiya waxa lagu sheegaa in ay tahay wadamo badan oo aan jecleysan horumarka Soomaaliya sida uu sharaxayo Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

“Dhibaatooyin badan oo shan boqol oo sano soo socday oo mar walba lagu sameynayay dadka Soomaaliyeed ayaa jira, waa nasiib darro in aynan aqrin taariikhda, Itoobiya qarannimada Soomaaliya marna raali kama aheyn”

Xildhibaan Sakariye ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ku mahadsan yahay in uu taageero go’aankii baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku sheegeen in dhiibistiisu aheyd mid aan sharci aheyn.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka R/W Kheyre iyo safiirka Faransa ee Somalia?

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay waheliyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka dalka Faransa u qaabilsan Soomaaliya, Antoine SIVAN iyo wafti uu hogaaminiyo.

Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayay mas’uuliyiintu ka wada hadlayn xoojinta iyo wadashaqaynta labada dawladood iyo sidii uu wadanka Faranse uga qayb qaadan lahaa xasilinta amanigga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarka guud ee wadanka.

Safiirka Faranse u qaabsilsan arrimaha Soomaaliya Antoine SIVAN ayaa dawladda ku bogaadiyay horumarka ay samaysay mudadii ay jirtay iyo sida ay ugu dadalayso in laga cafiyo daymaha mudada dheer lagu leeyahay Soomaaliya, taas oo u sahlaysa in ay la jaanqaado wadamada horumaray hadii laga cafiyo daymaha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in xukumadiisu ay si wayn uga shaqaysay xoojinta iyo dardargalinta arrimo dhowr ah oo ay ka mid yhiin Maaliyadda, Amnigg,a la dagaalanka musuq-maasuqa iyo ciribtirka argagaxisada.

“Soomaaliya uma baahana oo kaliya in lagu taageero lacag, balse waxay doonaysaa in lagala shaqayo sidii looga dhaafi lahaa daymaha. Sidoo kalena shacabkeeda loogu abuuri lahaa adeegyo Caafimaad, Waxbarasho iyo jidad casriya”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in dawladda ay ku dadaalayso habkii looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay dalka,waxuuna u soo jeediyay in dalka Faransa uu qayb muhiim ah ka qaato sidii dunidda loo tusi lahaa soo kabashada iyo amniga ka jirta Soomaaliya, si uu caalamku uu maalgashi uga samaysto Soomaaliya.

-DHAMMAAD-

Muwaadin Somaliyeed oo deyn u qaatay sidii weeraro ugu geysan lahaa dalka Ingiriiska.

0

Lodon (Caasimadda Online) – Muwaadin soomaaliyeed oo laxiray isagoo doonaya in uu ku Biiro ururka Daacish ayaa la ogaaday in uu  Bangi ka deeynsaday lacag dhan 10,000 oo Euro oo u dhiganta 12,362 Dolar ka Mareeykanka ah, Sida uu daabacay Wargeyska telegraph ee ingiriiska kasoo baxa.

Muwaadinkaan oo magaciisa lagu sheegay Aweeys Shiikheey ayaa Bangiga u sheegay in uu Lacagta ugu Baahanyahay si uu ugu guursado, laakiin waxaa la ogaaday in uu ku talo galay in uu ugu safro Siiriya si uu Daacish ugu Biiro.

Wuxuu ahaa 38 jir Darawal ka ah Gaari Badeecooyinka daabula wuxuuna inkiray in uu diyaarinayay weerarro Argagixiso iyo in uu Dad kale kala dooday Dilka Boqoradda UK iyo ra’iisul wasaarihii hore ee ingiriiska David Camiroon.

Xeer ilaalinta eedeeymaha Aweeys Shiikhoow Gacanta ku haya ayaa sheegay in uu ka hadlay in laweeraro Yahuud Dagan Degmadda Stamford Hill ee ku taalla Waqooyi bari Magaaladda London ee Caasimadda Ingriiska iyo in Qori AK47 ah lagu Beegsado marka taagerasyaasha kubadda Cagtu kasoo Baxaan Garoonka Tottenham Hotspur.

Aweeys Shiikheey wuxuu heeytaa Dhalashadda Netherland wuxuuna leeyahay Labo xaas oo kala Dagan Netherland iyo Kenya iyo Caruur, waxaa 23 kii may ee Sanadkii tagay laga qabtay  Garoon Caalami ah oo kuyaala London.

Dacwad ooge lagu magacaabo Barnaby Jameson ayaa sheegay in ujoodo kasta oo uu lahaa Aweeys ay ka dhexmuuqatay Xagjirnimo.

Muwaadin Soomaaliyeed oo ku noolaa wadanka Kenya magaciisana lagu sheegay Abdirahman Idris Hassan ayaa la sheegay in uu Xagjirnimaddda ku dhiiri galiyay Aweys shiikhoow sida laga ogaaday Qoraal ay isku dhaaafsadeen Alaadaha lagu sheegkeeysto.

Dacwad oogaha kasoo horjeeda Muwaadinka Soomaaliyed ayaa Maxkamad ka hor aqriyay Qoraal uu soo qoray Abdirahman Idris Hassan oo u Qornaa “ ilaaheey hakugu darajeejo Dilka David camiroon iyo Haweeneeyda Duqda ah ee Elizabeth.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasiirka Howlaha Guud ee Somalia oo laga reebay tartanka Kursiga Xildhibaan ee Beeshiisa

0

Muqdisho (Caasimadda Online) _ Wasiirka Howlaha Guud ee xukuumadda Soomaaliya Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa laga reebay tartanka Kursiga Beesha Hubeer ee Baarlamaanka Federaalka oo ahaa kursigii uu ka dhintay wasiir Cabaas C/llaahi Siraaje.

Wasiirka ayaa ka mid ahaa musharixiinta kursigan waxaana la sheegay inuu cadaadis uga yimid xafiisyada Madaxtooyada iyo Ra’iisal wasaaraha, taasoo keentay inuu ka haro doorashada kursiga uu musharax u ahaa oo lagu wado inay Berri ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Waxaa socda olole Madaxtooyada Soomaaliya ugu jirto in kursigaasi loo doorto wiil la dhashay Cabaas Siraaji oo dhowaan soo gaaray magaalada Kismayo, kaasoo lagu magacabo Maxamuud C/llaahi Siraaji.

Wararka ayaa intaa ku Maxamuud C/llaahi Siraaji oo maalmo ka hor gaaray magaalada Kismaayo ay u badan tahay inuu kursigaas ku guuleysto, oo uu bedelo booska walaalkii, iyadoo uu la tartami doono musharax malxiis ah.

Dood badan ayaa ka jiray qaabka kursigan loogu tartamayo, iyadoo Madaxtooyada iyo Maamulka Jubbaland ay isku hayeen, inkastoo markii dambe la xaliyay.

Maxamuud Cabdi Beekoos oo ahaa Musharaxii laga guuleystay Tartanka kursigan ayaa sheegay inay jirto faragelin, isla markaana la baal maray shuruucdii doorashada, maadaama qofkii laga guuleystay ay aheyd inuu buuxiyo kursigan.

Taageerayaasha musharaxa Maxamuud C/llaahi Siraaje ayaa ku dhawaaqay inuu ku guuleystay xildhibaanni kursiga beesha Hubeer, iyadoo uu tanaasulay musharicii la tartamayey, waxaase go’aanka laga sugayaa Guddiga Doorashada, iyado ay jirto musharax haweeney ah oo tartanka ku jirta inkastoo aysan miisaan lahayn.

Musharaxa kale ee kursiga u taagan Maxamuud Cabdi Beekoos oo horeba uu uga qaaday Marxuum Cabbaas Siraaje ayaa ku dodaya inay doorahsda lagu hayo jirto faragelin, isagoo dacwad geystay Maxkamadda sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mid ka mida Saaxiibada ugu weyn Madaxweyne Farmaajo oo loo magacaabayo Safiirka Somalia ee Qatar

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Villa Somalia waxaa dhowaan lagu wadaa in la magacaabo safiiro dhowr ah oo cusub, kadib markii xilalkii laga qaaday in ka badan 8 safiir oo Soomaaliya u fadhiyey dalal muhiim ah.

Xogta ayaa sheegeysa in Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada C/risaaq Axmed Shoole oo ah mid ka mida saaxiibada ugu waaweyn ee madaxweynaha Soomaaliya loo magacaabayo Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Doha ee dalka Qatar, xilkaas oo laga qaaday Cumar Idiris.

Magacaabidda safiirka cusub ee Qatar loogu magacaabayo C/risaaq Shoole ayaa la sheegay inuu taageero ka heysto xubno sar sare oo ka tirsan Villa Somalia , wuxuuna qeyb ka yahay safiiro dhowr ah oo lagu wado in la buuxiyo.

Illaa 12 Safaaradood ayaa laheyn wax safiir ah, tan iyo markii sanadkii hore xilalka laga qaaday Safiiradii dalalkaas joogay oo qaarkood muddo sanado hayay xilalka, waxaana lagu dhaliilayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda in aanay wali soo jeedin buuxinta safaaradaha banaan.

Xilalka safiirnimo ee dalalka muhiimka ah sida: Kenya, Imaaraadka, Kuwait, Shiinaha, Mareykanka iyo Qatar ayaa bannaan iyadoo uu socdo olole olole lagu doonayo in lagu buuxiyo xilalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Shir xasaasi ah oo u dhaxeeya Dowladda, Midowga Africa iyo waddamada ay ciidamada ka joogaan dalka oo ka furmaya Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray wafdi ka socda Midowga Afrika iyaga oo Magaalada Muqdisho uga qeybgelaya shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka ee Soomaaliya,Midowga Afrika oo ay iyaga matalayaan iyo danjirayaasha Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Wafddigan oo tiradoodu tahay 10 Qof waxaa ay Muqdisho u joogaan shirkaas iyo qiimeyn ay ku sameynayaan howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wafddiga ayaa sidoo kale u kuur gelaya hanaanka mas’uuliyadda amniga Soomaaliya Ciidanka AMISOM ugu wareejinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa guulaha laga gaaray howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo sanadkii 11aad gelaya Bisha March ee soo socota, caqabadaha lagala kulmay,waxyaabaha hadda taagan ee ay tahay in la wajaho, sida amniga Soomaaliya loogu wareejin karo Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qodobo kale.

Wafddiga oo uu hoggaaminayay madaxa qorsheynta howlgallada ee Midowga Afrika Jen. Francis Okello,waxaa ay durba kulan horudhac ah la qaateen wakiillo ka socda dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay lataliyaha amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Siciid Cali.

Kulanka hordhaca ah oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya waxaa sidoo kale ka qeybgelay ergeyga Mudowga Afrika ee Soomaaliya sidoo kalena ah Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira..

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]