26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya: Saldhig Militari nooguma yaallo Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar ayaa sheegay in booqashadii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu ku yimid Soomaaliya 19 August 2011-kii,  ay badashay mustaqbalka dalka, ayna soo nooleysay rajadii shacabka Soomaaliyeed.

Bekar waxa uu tilmaamay in Turkiga uu si weyn uga qeyb qaatay horumarka Soomaaliya intii lagu guda jiray afartii sano ee ugu dambeysay, isaga oo ka fuliyey mashaariica kala duwan, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo gargaarka.

Safiirka Turkiga waxa uu intaasi ku daray “Ujeedkeenna waa horumarinta bani’aadanimada iyo in xal loo helo dhibaatooyinka ay ka cabanayaan walaalaheenna Soomaaliya iyo in naloshooda ay ku soo laabato sidii hore ee dabiiciga aheyd, waan sii wadeynaa shaqadeenna iyo talaabooyinkeena ku aadan dhinacaani”.

Waxa uu tilmaamay in shaqada Turkiga ee Soomaaliya aysan ku ekeen guud ahaan hay’adaha dowladda, balse ay ka qeyb qaateen iskaashiga ay la sameeyeen ururada bulshada iyo hantida guud iyo midda gaarka loo leeyahay.

Waxa uu sheegay in hay’adaha Turkiga, oo ay ka midka yihiin Istanbul Metropolitan Municipality iyo bisha cas ee Turkiga ay ka qeyb qaateen badalidda magaalada Muqdisho in ay u badalaan magaalo barwaaqo, ka dib markii in badan oo ka mid ah magaalada ay ka cabaneysay dhibaatooyin la xiriira, dhanka nadaafadda, dayacaada iyo amni darrada, kaasi oo ka dhigaya in mooralka dadka uu soo wanaagsanaado.

Safiirka Turkiga, waxaa uu ka hadlay dhibaatooyinka ay ka sheeganayaan hay’adaha dowladda Soomaaliya tan iyo sanadkii 1991, markaas oo ay socdeen loolanno gudaha ah, waxa uu sheegay in loo baahanyahay in la kordhiyo awoodaha hay’adaha  dowladda si ay shacabka ugu adeegaan.

Safiir Bekar waxa uu sheegay in hogaanka ciidamada Turkiga ee jooga Soomaaliya ay si weyn uga qeyb-qaataan tobabaridaa ciidamada Soomaaliya ee dhanka amniga.

Waxaa uu cadeeyay in saldhigga Turkiga ee ku yaallo Soomaaliya uusan aheyn saldhig millatari, balse uu yahay xarun tobabar oo bahwadaag ay Soomaaliya kula yihiin, warbaahinta ay arrintaasi isku qalado.

Waxa uu carabka ku adkeeyay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya  Olgan Bekar in ciidamada lagu siiyo tobabarka xarunta Turkiga ay ahaan doonaan laf dhabarta ciidamada Soomaaliya xilliyada soo socda,ayna tahay tallaabo sax ah oo keeneysa kalsoonida iyo taageerada aragtida guud ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga oo diiday xil ka qaadis lagu sameeyay, Jawaab kululna udiray Wasiir Maareeye  

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Agaasimaha guud ee wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Xayir Ducaale ayaa ku gacan seyray wareegto xilka looga qaaday oo kasoo baxday wasiirka wasaaradaasi iyo eedeyn musuq ah oo loo jeediyay.

Qoraal jawaab celin ah oo uu soo saaray maanta agaasimaha guud ayuu ku sheegay in wasiirka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) aanu awood sharci ah u laheyn inuu xilka ka qaado, wuxuuna intaas ku daray in markii hore xilka loogu magacaabay Wareegto Madaxweyne oo ay ansixiyeen golaha Wasiirada, haddii xilka laga qaadayana ay tahay in wadadaas loo maro.

Agaasimaha ayaa sheegay in shaqo joojin uun uu sameyn karay Wasiir Maareeye, wuxuuna qoraalkiisa oo loo kala diray xafiisyo kala duwan oo ay ku jiraan kan madxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha uu si weyn ugu beeniyay oo uu been abuur ku tilmaamay eedaha wasiir Maareeye u jeediyay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA AGAASIMAHA

Tixraac warqadda summadeedu tahay summad wgw/ xw 14/,2018

Kuna tariikheysan 10.2.2018 kana soobaxday xafiiska wasiirka ganacsiga iyo warashada nuxurkeeduna ahaa shaqa ka joojin iyo xilkaqadis

Mudane wasiir waan aqbalay shaqo ka joojinta aad ii soo jeedisay waana awoodaha wasiirka

Dhan kakale xilkaqadista agaasimaha guud ee aad ii soo gudbisay ka ma mid aha awoodaha Wasiir

Waxaan ahay agaasimaha guud oo heysta ansixinta golaha wasiiirada ee ku tariiqeysan 11.02.2018

Islamarkaana helay digreeto madaxweyne oo ku tariqeysan 08/07/2018 sidaa darteed waxaa xilka sirasmi ah igaga qaadi kara madaxda sare ee dowlada Madaxweynaha ama Ra’iisul wasaaraha

Sida kucad dastuurka dalka markuu dhammaado habraaca xilka qaadista si sharci ah waxaana diyaar in xilka aan k uwareejiyo sifa sharci ah inta ka horeysana waxaan ahay agaasimah guud ee wasarada

Mudane wasiir anigoo xushmad kuu haya waxaad hareer martay sharciga shaqaalaha rayidka ee qaranka (sharciga no. 11) qodabadiisa 45aad iyo 46aad sidookale waxaad tixgelin weyday dastuur kumeelgaarka ah qodobka 115aad iyo 116aad oo ka hadlaya wajibaadka iyo ilaalinta xaquuqda shaqaalaha rayidka ee dowlada

Mudane Wasiir waxaan kula socodsiinaya waxaan lasoo shaqeeyay 10 wasiir wasiiru dowle iyo wasiir kuxigeen oo kaa horeeyay oo ilaa hadda qaar shaqeynaya mana aanan sheegin waxyaabaha aad ku sheegtay warqadada ee eedeymaha, waana markii ugu horeysay muddo 9 sano oo aan ka shaqeynaayay oo khilafkedu bannaanka usoo baxo adigoo nala shaqeynaya bil iyo laba maalin

Waxqabadkii ugu muhiimsana waxaa kamid ahaa dhismaha wasdaradda maanta aan ku shaqeyneeno inaga iyo wasaradaha kale iyo sameynta sharciyadda lagu shaqeeyo hada

Mudane wasiir waxaad ii soo jeedisay eedeymo dhamaantood aanay waxba kajirin madaama ay jirto sameynta shardciga waxaa lagaaga fadhiyaa caddeymo ku qotomo (hanti dhowr iyo garsoor)

Sida marar badan soo laablaabatay oo ah awood sheegashada agaasimayaasha ay ku sameeyen wasiiraddoodu waxaan kacodsanayaa madaxweyna iyo ra iisulwasaraha in ay arintaan soo fara geliyaan si ay xal ugu noqoto khilaafad danbe dowlada madxweyna farmaajo iyo xukumada ra iisul wasaare kheyre ee nabad iyo nolol waxay ku baqeen hirgilint sareynta sharciga

Dhammaan hay’adaha ay warqadan ku socoto iyo kuwa ay ogeysiinta ku tahayba waxaan ka codsanayaa in ay arintan sida ugu dhaqsiyaha badan u soo farageliyaan madaama aan ahay masuul dowladeed oo sharaftiisa dastuuriga meel looga dhacay iyadoo loo adegsanaya awood dowladed oo xil ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaan Mahad Salaad oo weerar ku qaaday Wasiirka Maaliyadda “Wasiirku waa inuu raaligelin bixiyaa..”

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa weerar ku qaaday Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, isagoo sheegay hadal kasoo yeeray inuusan ahayn mid mas’uulk dowladeed ku hadlo.

“Waa wax aad looga xumaado hadalka kasoo yeeray Wasiirka Maaliyada ee ah: in Ganacsatada reer Muqdisho haddii aysan bixinayn lacagta lagu soo rogay ay badeecadooda kala soo dagaan Dekadda Kismaayo. Hadalkaasi ma ahan hadal qof mas’uul dowladeed ah uu ku hadlo, waana in Wasiirku raali gelin ka bixiyaa..” ayuu yiri Xildhibaanka oo ka mida mucaaradka dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa uga digey Wasaarada Maaliyada inay qaado lacago baad ah oo aan waafaqsanayn nidaamka maaliyadeed ee dalka u yaala, sida uu yiri, isagoo ku dooday inuusan diidaneyn in dowladu canshuur qaado laakin canshuurtu ay leedahay sharciyad lagu qaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muuqaal: Faarax Macalim “xilli Itoobiya ay sii burburayso ayay ONLF 100 sano kadib isdhiibaysaa”

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Saraakiil Katirsan Ururka ONLF ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya halkaas oo uu ka furmay wadahadal u dhaxeeya madaxda Ururka iyo dowladda Itoobiya.

Shirka Nairobi ka furmay waxaa dhanka Itoobiya u metelaya Cabdi Ileey oo ah guddoomiyaha gobolka Somaligalbeed iyo Jeneraal Gabre oo kamid ah saraakiisha Itoobiya ee qaabilsan gumeysiga Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ujeedka shirka laga leeyahay uu yahay sidii loosoo gaba gabeyn lahaa dagaalka u dhaxeeya Jabhadda ONLF iyo dowladda Itoobiya arrinkaas oo ah isku day kale oo ladoonayo in xabashida loogu xalaaleeyo heysashada dhulka Soomaaligalbeed oo gumeysi kujira wax kabadan 100 sanadood.

 Siyaasiga Faarax Macalin Dawaare oo horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in ONLF ay ka tanaasushay wixii ay boqol sano u dagaallameysay isagoo dhaleeceeyay waxa Nairobi ka socda.

“ONLF shaqo fiican bay soo qabteen laakin hadda waa ka hoostay oo waa lagu dan gaari,hadda oo ay itoobiya sii burburayso oo ah waqtigii ay cadkooda goosan lahaayeen waaye waqtiga ay isdhiibayaan” ayu yiri Faarax Macalin.
.Faarax Macalin ayaa sheegay in heshiisay Itoobiya ka raadineyso ONLF xilligan uu yahay mid ay ku dooneyso inay dan gaara ku gaarto si culeyska uga heysta qowmiyadaha kale ay ugu jeesato, wuxuuna ka digay inuu mari doono halkii ay mareen heshiisyadii hore.

halkaan hoose ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa kala socotaa qorshaha shirkad Shiinaha laga leeyahay loogu wareejiyey dhismaha Dekadaha Marka iyo Baraawe?

0

Baydhabo (Caasimadda Online) – Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya ayaa heshiis la gaaray shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, taasoo lagu wado inay dhisto, isla-markaana ballaariso Dekedaha Magaalooyinka Marka iyo Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Sida uu qorshuhu yahay Shirkadda SIIH (Silkroad International Industry Holding) oo bahwadaag la ah Shirkadda Damerjog oo laga leeyahay dalka Jabuuti ayaa marka hore dhisi doonto dekedda ku taala Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ee Magaalada Marka.

Silkroad International Industry Holding ayaa dhismaha Dekedda Magaalada Marka bilaabi doonto sanadkan gudahiisa.

Heshiiskan oo mid saddex geesood ahaa ayaa waxaa Isniintii shalay Magaalada Djibouti ku wada gaaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Gudoomiyaha Maamulka Dekedaha Jabuuti, Abuubakar Cumar Hadi iyo mas’uuliyiin ka socday Shirkadda SIIH.

Munaasabadda heshiiskan lagu kala saxiixday ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno uu ka mid yahay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Somaliya, Danjire Aadan Xasan Aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Akhriso wararkii ugu dambeeyey ONLF & Itoobiya oo qarka u saaran inay kala saxiixdaan Heshiis Taariikhi ah

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Waxaa maalintii seddexaad galay wadahadaladda magaalada Nairobi uga furmay jabhadda ONLF iyo Dowladda Itoobiya, kaasoo ay dhexdhexaadineyso Kenya.

Wada-xaajoodka oo u socda qarsoodi aan saxaafadda loo ogolaan yaa Afhayeenka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge wuxuu sheegay inay wadahadalada ay si wanaagsan ku socdaan, lagana soo saari doono war-saxaafadeed.

Ma ahan markii koowaad oo ay wadahadlaan Itoobiyo iyo ONLF, laakiin waxa ay u egtahay in kuwan ay aad uga miisaan culusyihiin kuwii hore. Afhayeenka ONLF ayaa yiri: “Barnaamijka siyaasiga ah ee ONLF ayuu ku xusan yahay in khilaafka Ogaadeeniya iyo Itoobiya lagu xaliyo hab wadahadal ah, mana ahan markii ugu horeysay, 1989-kii ayaan wadahadalnay, 1990-kiibaan wadahadalnay”.

Dhammaan wadahadaladaasi waxa ay ku dhammaadeen guuldarro, balse xaqiiqda ah inay hadda isa soo hor fariisteen madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiinta wasaaradda gaashaandhiga Itoobiya oo dhinac ah iyo waftiga ONLF oo dhinaca kale ah ayaa wadahadalan ka dhigaya kuwa dad badan ay ka filayaan natiijo wanaagsan.

Taageerayaasha jabhadda iyo kuwa kale ayaa baraha bulshada kusoo qoray in horumar laga gaaray shirka, isla markaasma ay u muuqato in heshiis kama dambeys ah la’isla fahmi doono.

Sida uu sheegay afhayeenka ONLF, waxaa jiri doona shir kan ka weyn oo lagu kala saxiixan doono waxyaabihii lagu heshiiyay.

Waxaa jiray guddi hawsha wadahadalka u xilsaarnaa muddo sanooyin ah oo ka tirsan dowladda Kenya oo uu hoggaaminayo xildhibaan Yuusuf Xaaji oo markii ay wadahadalada bilaabanayeen ahaan jiray wasiirka gaashaandhigga.

Waxaa kale oo guddiga dhexdhexaadinta ka mid ah guddoomiyaha Gaarisa Cali Bunoow Qorane iyo Danjire Maxamed Cabdi Affey, kuwaas oo sida uu sheegay afhayeenka ONLF ay dowladda Kenya markale u xilsaartay hawsha dhexdhexaadinta maadaamaa ay iyaga hawsha horey ugu jireen.

“Dowladda Kenya ayaa u xilsaartay, maadaamaa dhinac ka mid ah uu Af Soomaali ku hadlayay, Itoobiya waxaa matalayay wasaaradda gaashaandhigga, dhanka Kenyana wasiirkii gaashaandhiga xiligaas Yuusuf Xaaji, madaxweynaha hadda jirana isla guddigii hore ayuu dib usoo magacaabay”.

Labada dhinac ee wadahadlaya iyo dhexdhexaadiyeyaashaba dhammaantood waa Soomaali marka laga reebo dhawr qof oo ka socda dowladda federaalka ee Itoobiya.

Markii ugu horeysay waxaa miiska dhinaca kale ka fadhiya madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, kaas oo xurgufta ugu badan ay ka dhaxaysay ONLF sanadihii dhawaa kadib dagaalo ay ciidammada Liyuuga ee ismaamulka la galeen dagaalamayaasha jabhadda.

Sawirro ay soo bandhigeen dhexdhexaadiyeyaasha ayaa waxaa sidoo kale ka muuqda Sheekh Ibraahim Dheere oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga Itoobiya, kaas oo ay xusid mudantahay in uu horey u ahaan jiray guddoomiyihii jabhaddii Soomaali Galbeed ee Itoobiya la dagaalami jirtay, taas oo heshiis ay gashay kadib hubka ku dhigtay, kadibna dowladda ku biirtay.

Dhanka jabhadda waxaa waftiga hoggaaminaya guddoomiyaha wadahadalada ee ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Maadeey, ahna madaxa arrimaha dibedda jabhadda. Waxaa wehliya saddex xubnood oo kale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Sidee ayey saaxiibada caalamka u arkaan go’aanka kasoo baxay shirkii kusoo dhamaaday Muqdisho ee qodobada laga soo saaray?

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraalo mideysan oo kasoo baxay Saaxiibada adduunka oo ay ugu horeeyan QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Ethiopia, Talyaaniga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey go’aannadii kasoo baxay Golaha Amniga Qaranka Qaranka ee Somalia (NSC) uu ka gaaray kulankii 6-10 Febraayo 2018 ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Golaha Amniga Qaranka (GAQ) wuxuu ka dooday arrimo asaasi ah sida mas’uuliyadaha amniga, hanaanka doorashada, dib-u-eegista  dastuurka iyo qeybsiga kheyraadka iyo dakhliga, oo uu ku jiro kalluumeysiga.

Saaxiibbadu waxay tallaabooyinkaas u aqoonsanyihiin inay yihiin tallaabooyin sax ah oo muhiim ah waxayna ku boorrinayaan madaxda dalka inay guda galaan hirgelinta tallaabooyinkaas, si dadka Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan heshiisyadan.

Saaxiibbadu waxay sidoo kale soo dhoweeyeen go’aannada laga gaaray amniga waxayna isku raaceen in muhiimadda ugu weyn ay noqoto dadaallada lagu xisaabinayo tirada, lagu qiimeynayo oo dib loogu habaynayo ciidamada booliska ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyadoo lagu salaynayo hanaanka federaalka, sida lagu qeexay Qaabdhismeedka Amniga Qaran iyo Hanaanka Qaabdhismeedka Cusub ee Booliska.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Halxiraalaha Xannaanada Xoolaha – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Shanaad

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Markii farta la iga saaray liiska maxaabbiista, warbixin kooban ayaa la iga siiyay dadka qaar nawaaxiga Muqdisho ay heliddoodu adkaatay.

Waxaa ka mid ahaa nin cinwaankiisu yahay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, laakiin inkasta oo Wasaaradda dhowr jeer la tegey laga waayay qof magaciisa aqoonsada.

Ninkaas waxaan hadda magac ahaan u adeegsanayaa in uu ahaa Cabdi.

Waa nin uu walaalkiis oo maxbuus Ethiopia ku xirani uu waraaq u soo diray laakiin si lagu wargeliyo la la’ yahay.

Mar iyo laba markii aan tegey Wasaaradda oo dad badan aan wareystay waa la garan waayay.

Ninku in uu yahay dhakhtar xoolaha, in uu yahay Agaasime ama xisaabiye, in uu yahay darawal, in uu sheybaar ka shaqeeyo midna kuma cadda waraaqda.  Xataa waaxda uu ka tirsan yahay kuma qorna ama in uu Gobol ka shaqeeyo iyo in uu xarunta joogo ma ogin.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaan ku laabtay Wasaaradda goor duhurkii ku beegan inta aanan qado tegin.

Waaxda Shaqaalaha ayaan tegey.  Waxaa kale oo aan la kaashaday nin  Wasaradda ka shaqeynayay in ka badan 10 sano.

Waxaan u sheegay in aan hubo in Cabdi Wasaaradda ka shaqeynayay 1977.  Laakiin ka dib aanan ka warqabin.  Bal maskaxdaada dib ugu laabo oo feker.  Qof magacaa lahaa oo Wasaaradda ka tegey, dhintay ama meel kale loo beddelay haddii aad xusuusan karto.

In door ah markii uu fekeray, liiska shaqaalahana la eegay.  Cabdi waa la gartay.

Waxaa la ii sheegay in uu Cabdi weli ka tirsan yahay Wasaaradda, qeybta xannaada Digaagga, oo uu joogo beer Digaagga lagu xannaaneeyo oo ku taalla Waddada Afgooye Km 13.

Dhowr xarun oo digaagga lagu xannaaneeyo oo qaar ay Wasaaraddu leedahay qaarna uu yahay ganacsi ayaa waddada Afgooye ku yaallay.  Markaa tilmaan wanaagsan ayaan ka qaatay.

Waan u mahadceliyay.

Km 13

Wakhti aniga oo aan lumin ayaan ku dhacay waddada Afgooye.  Daqiiqado yar ka dib beerta ayaan gaaray..  Iridda hore nin aan kula kulmay ayaa ii tilmaamay oo farta ku fiiqay guriga Cabdi oo markaa ii muuqda.

Guriga ayaan tagey oo gabar guriga joogtay ayaan weydiiyay.  Markii hore su’aalo yar ayay i weydiisay, sida kummaad ahayd? iyo maxaad ka rabtaa?

Waan isu sheegay, shakigana waan ka saaray.

Ka dibna, nin beer falaya oo meel dhinaca midig iiga began oo xerada dhexdeeda ah aan ku soo maray oo i soo eegay markii aan soo dhaafayay ayay ii tilmaantay oo ay tiri waa kaas Cabdi.

Inkasta oo aan meeshu sidaa iiga fogeyn, haddana qorrax kulul ayaa jirtay. Gaariga ayaan ku laabtay, ka dibna waxaan u tegey Cabdi oo beer falidda joojiyay marka uu arkay baabuurka gurigiisa hor istaagay ee haddana dhankiisa u soo dhaqaaqay.

Geed aan u maleynayo in uu garas ahaa ayaan hoostiisa la tagey oo u warramay.

Walaalkiis oo dagaalkii 1977 loo qaatay in uu ku dhintay ayaan si tartiib tartiib ah oo qaarba mar ah ugu sheegay in uu nool yahay, waraaqna aan uga sido.

Cabdi shucuurtiisa oo dhan ayaa mar keliya is beddeshay, waxayna igu qaadatay wakhti dhan in aan sugo marmarna aan ku tuuro kelmad aan ku dejinayo.

Waxoogaa ka dib, markii uu miyirsaday, oo murugada uu warkeygu xusuusiyay uu ka soo yara kabanayo oo ay isu beddeleyso nooc farxad billow ah ayuu ii soo hor kacay dhinaca gurigiisa asaga oo waraaqda walaalkiis gacanta ku sita laakiin aammusan.   Guriga markii aan nimid gabadha ayay meel aan iga fogeyn ku wada hadleen.  Codkooda ma wada maqleyn laakiin waan hubay in uu warka farxadda leh la wadaagay marka aan eegay luqadda jirkooda.

Wuu igu soo laabtay.  Aad ayuu iigu mahadceliyay.  Biyo ayuu i siiyay.  Ka dibna qado ayuu igu martiqaaday inkasta oo aan ka cudur daartay.

Wixii markaa ka dambeeyay, Cabdi si joogto ah ayaan ugu imaan jiray ugu yaraan bil kasta hal mar si aan ugu keeno waraaq uu walaalkiis u soo diray,  jawaabatana aan uga qaado.

W/Q. Yuusuf Garaad

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog xasaasi ah: Yaa ka dambeeya ciidanka kasoo goostay Somaliland ee ku biiray Puntland?

0

Garowe (Caasimada Onlie) – Xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka Sool, Cayn iyo Sanaag ee u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland, ayaa waxaa saldhig u ah in dadka siyaasada hurmudka u ah ee kasoo jeeda degaanadaan  kala qaybsanaantoodu tahay mid shaqsiyadeed balse aysan eegin danaha shucuubta ku nool goboladaas.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo gaaraya 160 Askari oo horay uga goostay Puntland kuna biiray Somaliland ay maalintii 11/2/2018 shaaciyeen inay dib ugu soo noqdeen maamulkoodii hore iyagoo doonaya inay ka qayb qaataan sidii loo ilaalin lahaa dhulkooda. Waxay sheegeen in markii hore ugu wareegeen dhinaca Asad tahay sababo Dayac uga yimid Puntland iyo duruufo soo wajahay, balse aysan marnaba ku raacin Qadiyay.

Goobta Ciidamada isku soo dhiibayeen waxaa ku sugnaa siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Cayn oo katirsan Puntland.

Ciidamadan oo markii hore ku sugnaa deegaanka Carro-weyne ee gobolka Cayn ayaa la rumaysanyahay inay isku beel yihiin Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toose, oo iminka ku sugan magaalada Hargaysa islamarkaana uusan wanaagsanayn calaaqaadka kala dhaxeeya dowladda uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi.

Tallaabada ay ciidamada uga soo goosteen maamulka Hargaysa, ayaa loo malynayaa inay tahay qorshe uu Xaglo-toosiye ku raadinayo inuu mar kale kaga soo dhex-muuqdo masraxa siyaasadda Puntland iyo loollanka doorasho ee la filayo inay dhacdo sannadka dambe.

Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiya ayaa shacabka Puntland barteen 2009-kii markaas oo uu kamid ahaa raggii ku jiray loollanka doorashada hogaanka sare ee maamulkaas isagoo raadinayay Kursiga Madaxweyne ku-xigeenka.

Xaglo-toosiye, ayaa waqtigaas ku fashilmay inuu wax xil ah ka qabto Puntland, wuxuu damaciisii u wareejiyay dhinaca Hargaysa ilaa markii dambe noqdo Wasiir Caafimaad, wuxuuna raadiyay Guddoomiyaha Kulmiye iyo inuu kamid noqdo xukuumadda Cusub balse wuu ku guul darraystay.

Warar kale ayaa sheegaya in arrintan ay keentay booqasho uu magaalada Buuhoodle ku tagay wasiirkii lagu badalay Xagla-toosiye, Cabdirashiid Ducaale Qambi, kasoo magaalada Buuhoodle booqday iyadoo ay jirto xiisadda u dhaxaysa labada maamul.

Tan iyo markii Somaliland ay la wareegtay qayb kamid ah Sool, waxay sare u qaaday booqashooyinka ay ku tagayso qaybo kamid ah gobollada lagu muransanyahay, kuwaasoo ay horboodayeen xubnaha kasoo jeeda gobolladaas ee ku sugan Hargaysa.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda goboladaan gaar ahaan Sool iyo Cayn ee ku sugan magalada Garowe ayaa booqasho dowladeed ku bixin karin degaanadaan ay kasoo jeedaan tan iyo intii Laascaano gashey gacanta Somaliland.

Maamulka Puntland oo ka koobnaa markii dhidibada loo taagey 5 gobol ayaa awood qaybsiga hay’adaha dowlada lagu saleeyey Gobolada Nugaal, Sool, Sanaag, Mudug iyo Barri. Gobolka Sool iyo Cayn ayaa heshiiskan awood qaybsiga ee la gaarey 1998 waxaa Dowlada Puntland ay ku leeyihin Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Guddoomiye ku xigeenka Barlamanka, 17 xildhibaan, Wasiiro iyo howl-wadeeno kale.

Dhinaca kale waxaa jira Siyaasiyiinta marar kala duwan ku biiray Somaliland dibna ugu soo laabtay Puntland oo hadda ku sugan magaalada Garoowe, kuwasoo uu kamid yahay Axmed Cabdi Xaabsade.

Xaabsade oo ilaa markii uu talada Puntland qabtay Madaxweyne Gaas ku sugnaa Garoowe, ayaa kamid ah ragga lagu eedeeyo in magaalada Laas-caano u gacanta u galiyeen Somaliland waqtigii uu xukunka hayay AUN General Cadde Muuse Xirsi. Siyaasigan ayaa rajo ka qabay in Madaxweyne Gaas xil u magacaabo.

Xaabsade ayaa goob joog ka ahaa aasaaskii Somaliland isagoo gudoomiye Barlaman ka noqdey, Puntland xil Wasiir ka qabtey xiligii AHN Madaxweyne Cabdulahi Yusuf, dib ugu noqdey Somaliland xiligii Madaxweyne Cadde Madaxweynaha ahaa AHN isagoo markaas Wasiir ka noqdey Somaliland.

Iminka waxaa jira siyaasiyiin kasoo jeeda gobolkaas, balse xilal ka haya labada maamul gaar ahaan Somaliland oo hormuud ka ah xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Sida la rumeysan yahay weerarkii ciidamada Somaliland ku qabsadeen Tulada Tukaraq waxaa bilowgiisa iska lahaa saraakiil iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Sool. Weerarkaan markii uu dhacey subaxnimadii 8 Jan,2018 ayaa isla-barqanimadii maalintaas waxaa si degdeg ah duulaankaas inuu sharci yahay Barlamanka maamulka Somaliland uga ansaxiyey Gudoomiyaha Barlamanka oo kasoo jeeda gobolka Sool.

Arrintan ayaa shacinaysa doorka siyaasiyiinta gobolkan ka cayaaranayaan in Sool, Sanaag iyo Cayn noqon waayaan kuwo dagan islamarkaana la jaan-qaada gobollada kale.

Falkaan ayaa ku soo beegmaya xilli Tuulada Tukaraq isku horfadhiyaan labo ciidan ee ka tirsan labada maamul ee Puntalnd iyo Somaliland kuwasoo dadaal ugu jira sidii mid walba u heli lahaa tageerada dadka daga goboladaan kuwasoo tan iyo intii Dowlada Soomaaliya dhacdey la jahawareersanaa shaqaiyaadka shaqo doonka ee isaga kala gooshaya magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe.

Xigasho: Garowe Online

Daawo Keating: Waxaan dunida u sheegeynaa in Soomaaliya isku timid oo ay shaqeysaneyso

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating oo wareysi gaar ah siinayey Goobjoog News, ayaa ka hadlay arrimo badan oo dalka ku saabsan.

Waxyaabaha la weydiiyey waxaa ka mid ahaa: Madaxweyne Farmaajo sanadkii uu shaqeynayey dib u qiimee maxuu qabtay?

Michael Keating: Waxyaabo badan oo muhiim ah ayaa dhacay ugu horeyntiim markii ugu horeysay April xukuumad ayaa la magacaabay, xiriirka madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha u dhexeeyana waxa uu ahaa mid aad u adag taas oo ah wax wanaagsan, tan Labaad waxaa laga hortagay Macluul 2017, sanad ka hor waxaan ka wal waleynay in ay gaajo u dhintaan boqolaal kun oo ruux taasina ma dhicin  sababteedana waxaa lahaa qeyb ahaan hoggaanka qaran ee dalka oo ay Soomaalidu leedahay, gaar ahaanna waxaa wax badan arrintaas loo tiirin karaa madaxaweynaha oo isagu ku dhowaaqay  xaalad degdeg ah oo musiibo qaran ah wax yar uun kadib markii uu madaxweyne dalka ka noqday, waxa ayna arrintaas gacan ka geysatay in lacag la yabooho oo aan uruurinno kadibna dadkii dhibaateysnaa la caawiyo.

Tan Saddexaadna waa qorshaha qaran ee horumarineed oo lagu dhaqaaqay Soomaliyana sanado ay la heyd, waxa ay dowladdiisu saxiixday sidoo kale qorsha ammanka qaran, kaas oo wali u baahan in la hirgeliyo, laakiin horumar laga sameeyey sidaa darteed waxaa jira waxyaabo badan oo wanaagsan oo la qabtay muddadii sanadka aheyd.

Wareysiga oo buuxa hoos ka daawo

Daawo: Wasiir macluumaad ka bixiyay gorgortanka ay DF ka gashay heshiiska kaluumeysiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxman Maxamed Cabdi Xaashi oo wareysi siinaayay Tv-ga Universal ayaa si qoto dheer uga hadlay Heshiiska Kheyraadka oo ay isla meel dhigeen Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Wasiirka waxa uu sheegay in Heshiiska Kheyraadka ee iminka lagu gaaray magaalada Muqdisho uu ahaa mid soo jiitamaayay muddo badan, balse iminka la gaaray dantii laga lahaa Heshiiska.

Wasiirka waxa uu sheegay in dowlada Federaalka ay dhibaatooyin badan kasoo martay sida maamul Goboleedyada looga dhaadhicin lahaa ahmiyada Heshiiska awood qeybsiga DF iyo Maamulada ee kalluumeysiga.

Waxa uu tilmaamay inaanu jirin sharci maanacaaya in dowlada Somalia looga danbeeyo wixii sharci ah, balse uu dareemaayo in loo baahan yahay in la qanciyo maamulada si wax loo wada qeybsado.

Waxa uu Wasiirku sheegay in maamul Goboleedyada ay dhinacyo badan wax ka tuseen maadaama Kheyraadka iminkaba ay gurtaan Maraakiibta iyo Doonyahay shisheeye.

Heshiiska ayuu tilmaamay inuu yahay heshiis ku meel gaar ah oo ay ka gaaren qeybsiga dakhliga ka soo xarooda rukhsad bixinta kalluumeysiga.

Sidoo kale, waxa uu Wareysigiisa ku cadeeyay in dowlada Somalia looga danbeyn doono bixinta rukhsad kaluumeysiga, isla markaana maamulada ay noqon doonaan kuwo arrimaha Kaluumeysiga kala kaashta dowlada.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WAREYSIGA WASIIRKA

Akhriso: Maxkamadda caddaalada adduunka oo ee qaadeysay dacwada badda oo waqti u qabatay Soomaaliya

0

Den Haag (Caasimadda Online) – Maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa qoraal kooban kasoo saartay kiiska dacwadda badda ee u dhaxeeya dalalka Somalia iyo Kenya.

Qoraalka kasoo baxay maxkamadda ayaa looga dalbaday Somalia in ay soo gudbiso jawaabteeda ku aadan kiiskaan oo dowladda Somalia horay u furtay.

Maxkamadda ayaa ogolaatay in jawaabteeda soo gudbiso dowladda Somalia, ugu danbeyn 18 June, halka labada dhinac ee dacwada ka dhaxaysana la siiyay inay qoraaladooda dhan soo gudbiyaan 18 Dicember.

Kiiska dacwadda badda ayaa waxaa horay u furtay dowladdii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo aan la ogeyn dowladda cusub ee Farmaajo sida ay xoogga u saari doonto arrintaan.

Caasimada Online
Xafiiska Den Haag
[email protected]

Shacabka Soomaaliyeed kuma hungoobin filashadoodi dowladnimo, Documentary Xiiso badan.

0

Garoowe (Caasimadda Online)- Booqashadii taariikhiiga aheyd ee madaxweyne Farmaajo ku tegay gobolada Puntland iyo Galmudug ayaa dadka shacabka ah dareen iyo yadadiilo gelisay, waxaana halkaan idiin kugu soo gudbineynaa muuqaal doceumentari ah oo laga sameeyay booqashadii madaxweynaha ee ee Puntland iyo Galmudug.

Khilaaf ka taagan xil ka qaadis lagu sameeyay Taliye ka tirsan maamulka Puntland (Sababta)

0

Boosaaso (Caasimada Online)-Khilaaf ballaaran ayaa waxa uu ka taagan yahay xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Bari C/xakiin Yuusuf Xuseen.

Xil ka qaadista C/xakiin Yuusuf Xuseen, ayaa waxaa xil ka qaadista ku sameeyay Guddiga Amniga ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland oo xil ka qaadista sameeyay 8-dii February.

Guddiga ayaa xil ka qaadista ku micneeyay howl gudasho la’aan muddo 6 bil ah oo soo foodsaartay Taliyaha qeybta C/xakiin Yuusuf Xuseen, waxaana intaa u dheereed amar diido la sheegay inuu ku sameeyay Guddiga.

Taliyaha ayaa sidoo kale loo cuskaday xil ka qaadistiisa wada shaqeyn la’aan kala dhexeysay dhammaan Hay’adaha amaanka iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada.

Taliye C/xakiin Yuusuf Xuseen oo ka hadlay xil ka qaadista ayaa sheegay in Guddiga Amniga aysan xilka qaadis ku sameyn Karin isaga, wuxuuna tilmaamay in shaqadiisa uu wadanayo, ilaa uu helo amarka Madaxda sare.

Waxa uu sheegay in xilka uu hayo uusan aheyn mid ay magacaabeen Guddiga, sidaa aawgeedna uu sii heyn doono xilka ilaa ay kasoo baxdo wareegto heer madaxeed ah.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed C/lkaahi Yuusuf oo maanta tagay magaalada Boosaaso, sidoo kalena warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ujeedka ay u yimaadeen magaalada Boosaaso inuu yahay in arrintan ay baaris ku sameeyaan, isla markaana ay daraaseyan hanaanka loo maray xil ka qaadista.

Sidoo kale, wuxuu sheegay Wasiirka Amniga arrintan go’aankeeda ugu dambeeya in warbaahinta ay la soo wadaagi doonaan, balse hada ay wadaan baaris, wuxuu soo hadal qaaday xaalada amni ee Boosaaso, wuxuuna sheegay in Ciidamada ay kordhinayaan Howlgalkooda.

Dhinaca kale, xubnaha Guddiga amniga ayaa waxa ay kala yihiin Wasiirka Dekadaha Siciid Maxamed Raage, Taliyaha Asluubta Gen. Cali Nuur Cumar, Gudoomiyaha Gobolka Barri Yuusuf Maxamed wacay (Dhedo) iyo Gudoomiyaha degmada Bosaso Yaasin Mirre.

Caasimada Online

Xafiiska Boosaaso

[email protected]

160 askari oo ka goostay Somaliland oo ku biiray Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay qaabileen 160 Askari oo ka goostay Maamulka Somaliland kuna biiray Puntland,kuwaas oo ku sugnaa degaanka Carro weyn  ee Gobolka Sanaag.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ee ciidankaas ku qaabilay degaankaas ayaa sheegay in Ciidamadaan ay mar hore ku biireen Somaliland hayeeshee hadda dib uga baxeen.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Puntland ee Ciidamadaas la kulmay ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Puntland ay la socdaan xaaladda Ciidankan islamarkaana ay saraakiisha salaan ugu dhiibeen.

Saraakiil u hadashay Ciidamada sheegay in ay ka goosteen Somaliland kuna biireen Puntland ayaa sheegay in degaanka ay u dhasheen uun ku laabteen ee aysan ahayn dad cusub.

Qaar ka mid ah dadweynaha dadweynaha degaankaas ayaa soo dhaweeyay Ciidamada isu dhiibay Puntland sida ay sheegeen.

Faarax Sulub Jaamac oo Puntland u qaabilsan degaannadaas ayaa sheegay in Ciidamadaas markii hore ee ay ku biirayeen Somaliland ay qasabtay daryeel la’aan dhinaca Puntland ka qabsatay haddana ay dhiaca kale sidii oo kale ku arkeen.

Waxaa uu Faarax ballan qaaday in Ciidamadaas oo uu sheegay in degaankaas ay u dhasheen aysan bar kale la kulmeynin wixii hore uga waday degaannadooda isagana dhabarka u ridanayo daryeelkooda.

Wasiirka Maaliyadda oo soo farageliyey khilaafka ka taagan Dakadda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa maanta oo Isniin ah dalka dib ugu soo laabtay, kadib safar shaqo oo maalmo kooban ugu maqnaa magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiirka ayaa ka warbixiyay khilaafka ka taagan Dekeda Muqdisho iyo arrimaha canshuurta ee ay ka cabanayaan Ganacstada Soomaaliyeed, taasi oo maalimihii dambe xoogeysatay.

C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa si cad u sheegay in aysan jirin canshuur kordhin lagu sameeyay Ganacstada Dekeda, wuxuu sidoo kale beeniyay hadal shalay Ganacstada ay u soo bandhigeen warbaahinta.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay jirto Toban canshuur oo Ganacstada waajib ay tahay in laga qaado, balse duruufo jiro awgeed ay ku soo koobeen oo keliya ilaa Saddex canshuur.

Wuxuu soo bandhigay warqado oo uu sheegay Ganacstada iyo Wasaaradda Maaliyadda in ay kala saxiixdeen, welina uu diyaar u yahay inuu la kulmo Ganacsatada, si uu u dhageysto cabashadooda.

Dekeda magaalada Muqdisho ayaa Todobaad shaqadeeda waxa ay tahay mid gaabis ku yimid, kadib markii Ganacstada ay sheegeen in si aan sharci aheyn looga qaadayo canshuurta, midaasina ay ka soo horjeedaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Meydka wiil yar oo lala baxay Qeyb jirkiisa oo laga helay Duleedka magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) _ Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la helay meydka wiil yar oo qeybo ka mida jirkiisa ay maqan yihiin.

Meyd wiilkan yar oo lagu qiyaasay 4-ilaa 5 sano jir ayaa la aqoonsan waayay iyadoo lagu arkay degaanka Sarkuusta ee duleedka Muqdisho, waxaana dad badan oo kusoo xoomay goobta kadib noqotay haweeney sheegtay inuu ka maqan yahay wiilkan yar.

Meydka wiilka yar ayaa lagu aqoonsaday dharkii uu watay oo haweeneyda ay ku tilmaantay, waxayna magaciisa ku shegtay Xasan Maxamed, dadka degaanka ayaa arrintan si weyn ula yaabay, waxayna sheegeen in qeybaha caloosha iyo keliyaha ay ka maqnaayeen ayna u eg tahay in lagala baxay.

Warar ku tiri ku teen ah oo magaalada la isla dhex maryay ayaa sheegayay inuu jiro Juudaan caruurta ugaarsada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa kajira in Itoobiya iyo Soomaaliya ay yeelanayaan hal baasaboor?, shir ka furmay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shir la sheegay in lagu mideynayo waaxaha socdaalka ee waddamada dhaca geeska qaaradda Afrika.

Shirkan oo ka furmay xerada Xalane waxaa guddoominaya  mas’uul katirsan dowladda Itoobiya oo ah maskaxda ka dambeysa in shir nuucaan ah uu qabsoomo waxaana mashruucan maalgelinaysa waxa loogu yeero Q.Midoobe.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ujeedkan shirkan laga leeyahay uu yahay in Baasaboor mid ah loo sameeyo Soomaaliya iyo Itoobiya waana qorshe uu toban sano ka hor soo hindisay Males Zenawi R/wasaarihii hore ee Itoobiya.

Jamaaludiin Mustafa oo ah Safiirka dowladda Itoobiya uqaabilsan Soomaaliya ayaa shirka daah furay wuxuuna sheegay in dowladaha ku bahoobay Urur goboleedka IGAD ay sameyn doonaan sharci usamaaxaya dadweynaha geeska Afrika in baasaboor la’aan ay isugu kala gooshaan.

Mas’uuliyiin ka socda dowladda Itoobiya oo huwan shaatiga Ururka IGAD ayaa dadaal ugu jira sidii ay wakiillada ‘Beesha Caalamka’ uga dhaadhicin lahaayeen in Soomaaliya iyo Itoobiya loo sameeyo hal baasaboor taas oo ka dhigan in madax banaanida dalka lagu wareejiyo Itoobiya arrintaas oo diblumaasiyiintu ku tilmaameen gumeysi dadban oo shacabka Soomaaliyeed lagelinayo.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda qirtay in shir ku saabsan socdaalka uu Ururka IGAD Uga furmay Xerada Xalane balse si kale ayay u dhigtay oo agaasimaha waaxda Socdaalka ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaan uu daah fur  u yahay qorshe lagu baadi goobayo sidii Baasboor mid ah loogu sameyn lahaa shucuubta wadamada Bariga Afrika.

Abuukar Carmaan oo horay usoo noqday Safiirka dowladda Federaalka ee dalka Mareykanka ayaa bartiisa Twitter-ka ku faafiyay in shirka ka socda Muqdisho uu yahay mid lagu xaqiijinayo damacii Males Zenaawi R/wasaarihii hore ee Itoobiya, wuxuuna tusaale usoo qaatay in waxa hadda socday uu hunqaacay Xuseen Ceydiid sanaddii 2007 xilligaas oo uu sheegay in wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya loo sameynayo Hal Baasaboor

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kheyre : Ciddii aan dowladda garab istaagi karin waa in ay ka joojiso oo kaliya dhibaatada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) _ Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo khudbad ka jeedinayay munaasabad casho sharaf aheyd oo xalay xarunta dowladda hoose ee Xamar loogu qabtay mas’uuliyiinta dowlad gobolleedyada ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya hormarka .

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalabay in Dowladda Federaalka ay kala shaqeeyaan sidii lo dhameystiri lahaa Dastuurka, Nuuca Doorasho ee dalka uu yeelanayo, Arrimaha Cadaaladda, Horumarka dalka iyo wax walba oo ku saabsan dib u dhiska dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay shacabka uga baahan tahay taageero buuxda.

‘’Shacabka waa in ay taageero buuxda siiyaan dowladda, cidii aanan Dowladda garab istaageyninna keliya waa in ay joojiso dhibaatada’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre.

Sida qorshaha uu yahay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa 28-ka March ee sanadkan waxa ay isugu tagayaan magaalada Baydhabo, halkaasi oo lagu qaban doono shir looga hadlayo dhameystirka Kheyraadka dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]