25.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Xogta shir xasaasi ah oo mucaaradka uga socda Jaziira

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee la magaca baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa haatan shir xasaasi ah wuxuu uga socdaa hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga arrinsanayaan waxa ay kala soo kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay lasoo yeesheen wada-hadallo maalmo badan qaatay.

Siyaasiyiinta mucaaradka oo tan shalay Muqdisho ka waday kulamo goono gooni ah ayaa mar kale maanta isugu tegay hoteelka Jaziira, waxaana u socdo shir gaar ah oo la filayo inay kasoo saaraan go’aanno la xiriira mowqifkooda wada-hadalkii Xasan Sheekh.

Ilo wareedyo ku dhow kulanka ayaa innoo xaqiijiyay in hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo uu horkacayo Sheekh Shariif ay qorsheynayaan inay soo saaraan go’aanno xasaasi ah, walow dhexdooda ay ka taagan tahay dood xooggan oo xalay bannaanka usoo baxday, kadib markii xubnaha dhexdooda ay isku khilaafeen qaabka loo dhigayo warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa soo baxday inay jiraan rag ka tirsan mucaaradka oo raadinaya kursiga Ra’iisul wasaaraha dalka, sida uu shaaciyay Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran ee Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in xubnahaasi ay fashiliyeen shirkii xalay, kuwaas oo loo ballan qaaday in Ra’iisul wasaare iyo safiir la siinayo, sida uu ku sheegay qoraal uu soo saaray.

Si kastaba, Kulankii shalay ee Villa Somalia oo lagu waday inuu noqdo kii ugu dambeeyay ee lagu xallinayo khilaafka ka taagan wax ka beddelka cutubka afaraad ee Dastuurka, ayaa la mid noqday kulamadii hore, taas oo wada-hadallada ka dhigaysa kuwa burburay.

Mucaaradka ayaa ku adkeystay qodobada qaar, gaar ahaan cutubka afaraad ee Dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyaga oo Madaxweynaha ka dalbaday inuu sameeyo tanaasul dhab ah oo aan leexleexad lahayn, taas oo sida muuqata aan suuragal noqon.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo waxa ay lasoo shir tagi doonaan mucaaradka, waxaana kasii careysiiyay tallaabadii ugu dambeeyay ee uu Madaxweynuhu qaaday kadib markii uu maalin kahor isku diiwaangeliyay doorashooyinka qof iyo codka ah ee uu rabo inuu ka qabto dalka.

Shir xasaasi ah oo u furmaya Xawaadle iyo go’aan la xiriira mustaqbalka HirShabelle oo…

Beledweyne (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Ugaaska 21-aad ee beelaha Xawaadle, ayaa shalay soo gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, si uu uga qeyb galo shir weyne beeleed xilli xiisado siyaasadeed iyo dagaallo ka socdaan gobolka.

Ugaaska iyo wafdigiisa ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay masuuliyiin, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka. Wafdiga waxaa ka mid ahaa siyaasiyiin caan ah oo Xawaadle ah, sida Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac, Xildhibaan Cabdirisaaq Macalin Ciid iyo Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Ugaas Yuusuf ayaa si kooban ula hadlay shacabka iyo saxaafadda, isagoo ku dhawaaqay in saaka 09:00 subaxnimo uu Baladweyne ka furmi doono shir weyne ay isugu iman doonaan dhammaan waxgaradka beelaha Xawaadle, si ay uga tashadaan mustaqbalka maamulka HirShabeelle, oo beeshu ay muddo diidaneyd.

Shirkan la iclaamiyay ayaa kusoo beegmaya xilli dagaallo culus ay ka socdaan qaybo badan oo Hiiraan ka tirsan, isla markaana boqolaal qoys oo Xawaadle ah ay ku barakaceen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Bulshada deegaanka iyo falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa si dhow indhaha ugu haya natiijada ka soo bixi doonta kulankaas, maadaama beeshu muddo dheer tabasho ka qabtay nidaamka Hirshabeelle, taas oo ay uga sii dartay colaadda ka dhex taagan Xawaadle iyo Al-Shabaab.

Khilaafka ka taagan maamulka Hirshabeelle – oo loo dhisay inuu mideeyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe – ayaa taariikh dheer leh, isagoo salka ku haya tabashooyin siyaasadeed, awood qaybsiga, iyo muran ku saabsan maamulida kheyraadka.

Dhinaca ammaanka, gobolka ayaa ku jiray xaalad kacsanaan joogto ah oo ka dhalatay weerarrada iyo qaraxyada ay Al-Shabaab ka fulisay magaalooyinka iyo tuulooyinka, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maal leh. Sidoo kale, dagaallo culus oo ka dhacay xuduudaha Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sababay dhimasho badan iyo barakac ballaaran.

Shirkan uu iclaamiyay Ugaas Yuusuf ayaa lagu wadaa inuu noqdo madal lagu mideeyo mowqifka beelaha Xawaadle ee ku aaddan maamulka HirShabeelle iyo dagaalka Al-Shabaab.  

Mucaaradka oo kala shakiyey kadib markii xubnaha qaar loo balan-qaaday R/Wasaare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran ee Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa sheegay in xubno ka mid ah mucaaradka ay raadinayeen kursiga Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xubnahaasi ay fashiliyeen shirkii xalay, kuwaas oo loo ballanqaaday in Ra’iisul Wasaare iyo safiir la siinayo, sida uu ku sheegay qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale, Xildhibaan Caana-nuug ayaa sheegay in ballanqaadyada dowladda ee ku saabsan kursiga Ra’iisul Wasaaraha ay wehliyaan lacago, xilal safiirnimo iyo kuwo heer gobol, isagoo tilmaamay in mucaaradka qaar la go’aansaday in “dhiiro lugaha loo geliyo,” sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkiisa ayaa imanaya ayadoo xalay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku midoobay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ay ku guul darreysteen inay isku raacaan in ay faahfaahin ka bixiyaan shirkii shalay natiijo la’aanta ku soo dhamaaday ee ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Markii ay ka soo baxeen Villa Somalia, waxay si toos ah u tageen guriga hoggaamiyaha Madasha, Shariif Sheekh Axmed, halkaas oo ay ku yeesheen shir gaar ah oo goor dhow soo dhamaaday.

Mucaaradku waxay isku raaci waayeen hanaanka loo dhigayay war-saxaafadeedka laga soo saarayo kulankii fashilmay ee ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qoraalka Xildhibaan Caana-nuug oo dhameystiran hoos ka akhriso:

Saaxiibada Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxaa loo baahan yahay inay hoos isu eegaan, waana lama huraan in xilligan xasaasiga ah aan la isku dhex huursanaan.

Madaxda waqtigoodu sii dhamaanayo waxaa haysta cadaadis siyaasadeed oo culus, gudaha iyo dibaddaba. Sidaas darteed looma baahna in ragga qaarkiis ay aqbalaan ama rajeeyaan cad-quureed sida ballan-qaad siyaasadeed (Ra’iisul Wasaare) oo waqtiga lagu moodayo, dhaqaale yar, safiirnimo, ama maamul heer gobol iyo wixii la mid ah.

Sida muuqata, DFS oo muddo xileedkeedu gabaabsi yahay waxay doonaysaa in xubno yar oo ka mid ah Madasha Samatabixinta ay dhiiqo lugaha u galiso. Waxaan saaxiibadaas u sheegayaa inaysan dhiiqadaas dooran ee ay dhab ka noqdaan dadaallada iyo hadafka lagu badbaadinayo hay’adaha dowladda, isla markaana loogu gogol xaarayo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo la isku raacsan yahay.

Heshiis la’aan ayaa dhaanta heshiis xun oo waqti lumis ah.

Shirkii mucaaradka u gaarka ahaa oo lagu kala tegay caawa kadib markii la isku qabtay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku midoobay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa caawa ku guul darreystay inay isku raacaan in ay faahfaahin ka bixiyaan shirkii maanta natiijo la’aanta ku soo dhamaaday ee ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Markii ay ka soo baxeen Villa Somalia, waxay si toos ah ugu tageen guriga hoggaamiyaha Madasha, Shariif Sheekh Axmed, halkaas oo ay ku yeesheen shir gaar ah oo goor dhow soo dhamaaday.

Mucaaradku waxay isku raaci waayeen hanaanka loo dhigayay war-saxaafadeedka laga soo saarayo kulankii fashilmay ee ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa suuragal ah in caawa mar kale lagu shiro Hotel Jazeera, si loo isla meel dhigo go’aanka ay ka qaadanayaan kulamadii tixanaha ahaa ee ay la yeesheen Xasan Sheekh, kuwaas oo si dhab ah u fashilmay gelinkii dambe ee maanta.

Saxaafadda oo caawa tagtay guriga Sheekh Shariif ayaa goor dhow loo sheegay in war-saxaafadeedka weli la gorfeynayo, isla markaana berri la soo saari doono bayaanka ay ku cadeynayaan mowqifka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkan ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo aysan dhinacyadu gaarin wax heshiis ah.

Kulanka maanta, oo lagu waday inuu noqdo kii ugu dambeeyay ee lagu xallinayo khilaafka ka taagan wax ka beddelka cutubka afaraad ee Dastuurka, ayaa la mid noqday kulamadii hore, taas oo wada-hadallada ka dhigaysa kuwa burburay.

Mucaaradka ayaa ku adkeystay qodobada qaar, gaar ahaan cutubka afaraad ee Dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyaga oo Madaxweynaha ka dalbaday inuu sameeyo tanaasul dhab ah oo aan leexleexad lahayn, taas oo sida muuqata aan suuragal noqon.

DF Soomaaliya oo soo saartay qodobo cusub oo sii adkeynaya cunaqabateynta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga qaran ee la hortagga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada oo maanta kulan miro-dhal ah yeeshay ayaa soo saaray qodobo muhiim ah oo lagu sii adkeynayo cunaqabateynta dhaqaale ee kooxda Al-Shabaab.

Shirkan oo uu guddoomiyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige ayaa waxaa diiradda lagu saaray qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay sidii loo dardar-galin lahaa curyaaminta maaliyadeed ee kooxaha argagixisada.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha guddiga oo kala ah, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Amniga, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Isgaarsiinta, Bangiga Dhexe, Hay’adda NISA, Xeer-ilaaliyaha Qaran, Hay’adda Warbixinada Maaliyadda iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Qodobada ka soo baxay shirkan ayaa u dhignaa sidan:

  1. In la dhammaystiro nidaamka sharci ee la dagaalanka maalgelinta argagixisada.
  2. Waxaa la go’aamiyay in la adkeeyo kor joogtaynta hay’adaha warbixinada.
  3. Waxaa la go’aamiyay samaynta istaraatijiyado qaran oo la dagaalanka lacag dhaqidda iyo maalgelinta.
  4. Asset recovery agency in la sameeyo, sidoo kale la howlgeliyo hay’ad u qaabilsan arrimahaasi.
  5. In Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ay qorshe ka keento hannaan diiwaangelinta SIM-ka dadka, kuwa cusub iyo kuwii hore.
  6. Sidoo kale waxaa FRC laga dhagaystay horumarka laga sameeyay curyaaminta maalgelinta argagixisada iyo wacyigelinta bulshada.

Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay in iyadoo ka duuleysa waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran dhowrista sharciga iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, ay ka go’an tahay fulinta qorshayaasha qaran ee ka hortagga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada.

Sawirro: Taliyaha Ciidamada Xoogga oo qorshe culus uga dhawaaqay Bariire

0

Bariire (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta kormeer ku tegay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan goobihii dhowaan laga saaray Khawaarijta Al-Shabaab.

Taliyaha oo safarkaan ku maray Sabiib iyo Caanoole ayaa tegay Bariire oo dhowaan lagu laayey dhamaan wixii Shabaab joogay, kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Uganda ay ku qaadeen weerar toddoba maalmood socday.

Jeneraal Odowaa ayaa ciidamada ugu tegay difaacyada ugu dambeeyey ee deegaanka Bariire, isagoo faray inay sii dhaqaajiyaan howlgalka gobolkaas looga sifeynayo Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska GorGor Gaashaanle Cali Cagey ayaa Taliyaha Odowaa kusoo dhaweeyay deegaanka, isagoo warbixin ka siiyey jabkii argagixisada loogu geystay degaanka Bariire iyo sida uu u dhacay howlgalku.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka fagaaraha Bariire kula hadlay Ciidanka Xoogga ee xoreeyey deegaankaas iyo kuwa Ciidanka Uganda ayaa aad ugu amaanay naf hurnimada ay sameeyeen, isagoo bogaadiyey guushii ay ka gaareen howlgalkii adkaa ee Bariire.

Taliyaha ayaa ciidanka kula dardaarmay inay isku diyaariyaan weerar kale oo maalmaha soo socda lagu qaadayo Awdheegle oo dhowaan gacanta u gashay Al-Shabaab, halkaas oo ay ka qoteen difaacyo kasii adag kuwii lagu laayey ee Bariire.

Howlgalka ka socda gobolka Shabeellaha Hoose waxaa loogu magacdaray duufaanta aamusan, waxaana la qorsheeyey in Al-Shabaab deg deg looga xoreeyo gobollada Shabeellooyinka, hadii kooxda laga saaro Awdheegle, waxay ka dhigan tahay inay ku jabeen oo gacantooda uu ka baxay gobolka muhiimka ah ee Sh/Hoose.

 

Dowladda Soomaaliya oo maanta heshay malaayiin dollar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshay deeq cusub, taasi oo dhan $125 milyan. Deeqdan ayaa noqoneysa maalgelintii labaad ee Bangiga Adduunka uu ansixiyo laba sano xiriir ah.

Deeqdan ay heshay Soomaaliya ayaa loogu talagalay taageerada siyaasadaha horumarinta , taas oo ay bixineyso Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA). Bogga Larolav ayaa warbixin ay baahisay ku sheegtay in maalgelintan cusub ay tahay wejiga labaad iyo kan ugu dambeeya ee barnaamij loogu talagalay kor u qaadista adkeysiga dhaqaalaha Soomaaliya.

Tan ayaa xoojinaysa maamul wanaagga maaliyadda guud iyo horumar waara oo laga sameeyo. Qaybtii hore ee isla maal-gelintan oo ahayd $125 milyan ayaa la meel mariyay sanadkii 2024.

Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Hideki Matsunaga ayaa tilmaamay in tallaabadani ay caddeyn u tahay sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta dib-u-habeyn muhiim ah oo dhanka hay’adaha ah, taas oo kor u qaadaysa dhismaha dawlad deggan iyo xoojinta heshiiska bulshada.

Maalgelintan ayaa diiradda saaraysa xoojinta xasilloonida maaliyadeed ee dowladda iyada oo la kordhinayo dakhliga canshuuraha, hufnaanta iyo waxtarka kharashaadka, yaraynta ku tiirsanaanta gargaarka caalamiga ah, maalgelinta tamarta la cusboonaysiin karo si loo kordhiyo helitaanka koronto oo gaarta 50 megawatt sanadka 2026, horumarinta maalgelinta yar-yar, abuurista caymiska ka hortagga abaaraha, iyo dhiirrigelinta maalgelinta qaybta kalluumeysiga.

Dadaalladan ayaa qayb ka ah iskaashiga Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya ee lagu qeexay qorshaha sanadaha 2024 ilaa 2028, iyadoo la kaashanayo la-hawlgalayaasha horumarka caalamiga ah.

Shirkii Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo mar kale ku soo dhamaaday natiijo la’aan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Madaxtooyada Soomaaliya uga socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Samatabixinta oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ayaa soo dhammaaday.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkan ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo aysan dhinacyadu gaarin wax heshiis ah.

Siyaasiyiinta mucaaradka oo kasoo dareeray Villa Somalia ayaa haatan usii socdo shir gaar ah oo ay leeyihiin, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow xubnaha mucaaradka.

Shirka mucaaradka ayaa ujeedkiisu yahay sidii ay war kama dambeys uga soo saari lahaayeen dalab cusub oo Madaxweynuhu soo gudbiyay, kaddib shirkii saacadaha badan socday ee aanan wax natiijo ah laga gaarin.

Kulanka maanta oo lagu waday in uu noqdo midkii ugu dambeeyay ee lagu xallinayo khilaafka ka taagan wax-ka-beddelka cutubka afraad ee Dastuurka, ayaa isna la mid noqday kulamadii hore, taas oo wada-hadallada ka dhigaysa kuwa burburay.

Si kastaba, Mucaaradka ayaa ku adkeystay qodobada qaar, gaar ahaan cutubka 4-aad ee dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyaga oo Madaxweynaha ka dalbaday in uu sameeyo tanaasul dhab ah oo aan leex leexad laheyn, taas oo aan suurta-gelin sida muuqata.

Dagaalka Masar iyo Itoobiya ee gobolka Gedo – Addis oo qaaday saddex tallaabo

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Xifaaltan siyaasadeed oo muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeyay Masar iyo Itoobiya ayaa ka dilaacay gudaha Soomaaliya, isagoo isu beddelay dagaal wakiilnimo oo halis ah, kana dhigay gobolka istiraatiijiga ah ee Gedo goob cusub oo uu ka qarxo khilaafkoodii faca weynaa.

Loollankan, oo salkiisu ku fadhiyo is-maandhaaf qaraar oo ka dhashay xuquuqda biyaha Webiga Niil, ayaa hadda halis gelinaya inuu Geeska Afrika u jiido dagaal ka ballaaran oo ka sii adag, iyadoo Soomaaliya ay dhexda u gashay loollankaas.

Xudunta xiisaddan sii kordheysa ayaa ah eedeymo sheegaya in Qaahira ay ka faa’iideysanayso heshiis amni oo ay la gashay Muqdisho si ay furin cusub ugu furto Addis Ababa, taasoo si toos ah caqabad ugu noqonaysa saameynta Itoobiya ee gobol ay u aragto deyrkeeda dambe ee istiraatiijiyadeed.

Taas beddelkeeda, Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inay waddo dhaqdhaqaaqyo milatari oo gardarro ah gudaha xuduudaha Soomaaliya, iyadoo ujeeddadeedu tahay inay meesha ka saarto wax ay u aragto khatarta soo ifbaxaysa ayna dib u soo ceshato awooddeeda gobolka.

Xiisaddii biyaha oo isu rogtay dagaal wakiilnimo

Loollanka u dhexeeya labadan quwadood ee Afrika ma ahan mid cusub. In ka badan toban sano, Masar iyo Itoobiya waxaa ka dhex taagnaa ismari-waa diblomaasiyadeed oo ku saabsan Biyo-xireenka Weyn ee Horumarka Itoobiya (GERD), oo ah mashruuc aad u weyn oo korontada biyaha lagaga dhalinayo Webiga Niilka Buluugga ah.

Qaahira, oo in ka badan 90% biyaheeda macaan ka hesha Webiga Niil, waxay biyo-xireenka u aragtaa mid khatar ku ah jiritaanka iyo sugnaanshaheeda biyaha. Dhanka kale, Addis Ababa waxay ku adkaysanaysaa in biyo-xireenka GERD uu muhiim u yahay horumarkeeda dhaqaale iyo baahideeda tamarta, iyadoo u aragta astaan muujinaysa madax-bannaanida qarankeeda.

Khilaafkan faca-weyn ayaa hadda usoo gudbay dhinaca Soomaaliya, waxaana sii huriyay heshiis is-afgarad (MoU) oo muran dhaliyay, kaasoo bishii Janaayo 2024 dhexmaray Itoobiya iyo gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

Heshiiskaas ayaa Itoobiya, oo aan bad lahayn, u ballanqaaday helitaanka deked iyo saldhig ay helaan ciidamadeeda badda oo ay muddo dheer raadinaysay, taasoo beddelkeeda ay Somaliland heleysto suurtagalnimada in loo aqoonsado dal madax-banaan—tallaabadaas oo Soomaaliya ay ku tilmaantay “xadgudub bareer ah” oo ka dhan ah madax-bannaanideeda.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dareentay cabsi iyo go’doon ayaa u weecatay dhanka Qaahira.

Isbahaysi istiraatiiji ah oo lagaga hortagayo Itoobiya

Masar, oo ka faa’iideysanaysa fursaddan, ayaa si degdeg ah u xoojisay xiriirkeeda Soomaaliya, waxayna gaarsiisay heer iskaashi istiraatiiji ah. Bishii Agoosto 2024, labada dal waxay kala saxiixdeen heshiis difaac iyo amni oo ballaaran. In kasta oo aan faahfaahintiisa oo dhan la shaacin, heshiiskan ayaa si weyn loogu arkaa xeelad ay Masar ku doonayso inay ku hareerayso Itoobiya.

Sida la sheegay, heshiiskan hoostiisa, Soomaaliya waxay ku martiqaadday Masar inay ka qaybgasho hawlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Afrika. Waxaa taas kasii muhiimsan, wuxuu albaabka u furay suurtagalnimada in ciidamo Masar ah la keeno Soomaaliya, oo ay ku jirto awoodda ay ku samaysan karaan saldhigyo iyo inay geeyaan ciidamo.

In Qaahira ay saldhig milatari ka samaysato gobolka Gedo, oo xudduud dheer oo daloola la wadaaga Itoobiya, waxay u noqonaysaa guul istiraatiiji ah oo weyn, taasoo u saamaxaysa inay cadaadis toos ah saarto Addis Ababa.

Jawaabta xooggan ee Itoobiya ee gobolka Gedo

Itoobiya waxay isbahaysiga Soomaaliya iyo Masar u aragtay mid daandaansi toos ah. Jawaabteedu waxay noqotay mid degdeg ah oo xooggan, taasoo toddobaadyadii la soo dhaafay xiisadda gobolka Gedo gaarsiisay heerkii ugu sarreeyay. Sida ay sheegayaan wararka soo baxay horraantii Agoosto 2025, ciidamada Itoobiya, oo muddo dheer ku sugnaa gobolka, waxay qaadeen tallaabooyin dhowr ah oo gardarro ah:

  • Duullaan milatari: Ciidamada Itoobiya ayaa waxay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin magaalada xuduudda ku taalla ee Doolow.
  • Xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida: Taliyeyaasha Itoobiyaanka ayaa lagu warramay inay waqti kama dambays ah u qabteen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) si ay isaga baxaan fariisimo muhiim ah oo ku yaalla gudaha dhulkooda.
  • Ka-tallaabsiga Muqdisho: Saraakiil ka tirsan milatariga Itoobiya ayaa wadahadallo toos ah la yeeshay mas’uuliyiin ka socday maamul-goboleedka Jubaland iyo odayaasha deegaanka, taasoo wiiqaysa awoodda dowladda dhexe.

Tallaabooyinkan ayaa loo fasirtay farriin cad oo ka timid Addis Ababa oo muujinaysa inaysan u dulqaadan doonin isku-urursi milatari oo cadowtinimo ah oo ka dhaca xuduuddeeda, ayna diyaar u tahay inay awood adeegsato si ay u ilaaliso danahaheeda.

Soomaaliya oo dhexda u gashay loollanka

Dagaalkan wakiilnimo ee sii kordhaya ayaa Soomaaliya geliyay xaalad aad u nugul. Heshiiskii Ankara ee uu Turkigu dhexdhexaadinayay bishii Diseembar 2024, oo loogu talagalay in lagu qaboojiyo xiisaddii hore ee ka dhalatay heshiiska dekedda, ayaa u muuqda mid gebi ahaanba burburay culeyska xifaaltanka sii xoogeystay ee Masar iyo Itoobiya awgiis.

Intaas waxaa dheer, taageeradii milatari ee ay Qaahira ballanqaadday weli si buuxda uma hirgelin, taasoo Muqdisho ka dhigtay mid diblomaasiyad ahaan cidla ah oo keligeed iska hor keenaysa deriskeeda Itoobiya.

Dadka dhaliila siyaasadda Soomaaliya qaarkood ayaa dowladda ku eedeeyay “xisaabtan qaldan oo halis ah,” iyagoo ku doodaya in isbahaysiga ay la gashay Masar uu dalka usoo jiiday colaad aad uga weyn oo ka khatarsan, iyadoo aan la helin dammaanad-qaadyadii taageero ee lagama maarmaanka ahaa.

Dowladda Federaalka ah ee Muqdisho ayaa hadda wajahaysa cadaadis xooggan oo ku qasbaya inay marto waddo halis badan, iyadoo laga doonayo inay madax-bannaanideeda ka difaacdo duullaanka Itoobiya, isla markaana ay maamusho khatarta ah inay noqoto gacan-yare u adeega danaha loollan siyaasadeed oo ka weyn.

Iyadoo hooskii khilaafka Niilku uu sii fidayo guud ahaan Geeska Afrika, nabadda jilicsan ee gobolka waxay suran tahay meel halis ah.

Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay tallaabadii Xasan Sheekh ee GEDO

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabadii uu xalay qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo saaray warsaxaafadeed uu uga hadlay colaadda ka taagan gobolka Gedo.

Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo, isagoo u rajeeyay dhaawacyada in Alle u boogo dhayo oo caafimaad degdeg ah siiyo.

Sidoo kale Madaxwayne Xasan ayaa faray Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay gargaar caafimaad iyo taageero bani’aadannimo gaarsiiso dadka ay saameeyeen xaaladaha ka taagan gobolka Gedo.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ciidamada Jubbaland ee ka tallaabay xuduudda dalka aan dariska nahay ee Kenya inay dib ugu soo laabtaan deegannadoodii, isaga oo ballan qaaday in aan la dhibaateyn doonin, loona raacan doonin wax dambi ah.

Haddaba sidee looga fal-celiya hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh?

Cabdi Daahir Aadan: “Meel aad dab ka shiday dhinacyada ku lugta leh waxba ha oran ina Sheikhow.”

Maxamed Cabdullahi Xasan: “Fidno oo isaga ka shaqeeyey muxuu ugu qasbanaanaa in uu ka tacsiyeeyo?”

Maxamuud Macallin: “Dhinacyada ku lugta leh yay noqon karaan?”.

Maanka Axme Nuur: “Tacsi maxay taree haddiiba wiilal Somaaliyeed lagu leynayo dhulkoodi iyo dadkoodi dhaxdiisa “.

Abuukar Cali Cismaan: “Markaa Gedo dantaa ka laheyd gaarty maa waraaq so diree?”.

Maxamed Cabdinaasir: “Waxaad arkeysaa qof ku dharbaaxey haddana ku leh raali noqo ama qof dagaal kula soo aadey haddana ku leh nabad ayaan kuugu baqayaa”.

Saalax Salaad Axmed: “Hadalka dowlada haddii la dhuuxo waxaa ka muuqato in saraakiisha meesha joogto aanay matalin”.

Agaasime dambi culus ka gaystay Puntland oo laga soo qabtay dalka dibaddiisa

0

Kigali (Caasimada Online) – Saraakiisha laamaha amniga ee Puntland ayaa xaqiijiyay in ugu dmabeyn gacanta lagu soo dhigay agaasimihii hore ee isbitaalka guud ee Qardho, Dr. Jaamac Ildab, kaas oo ku eedeysan dambi culus, gaar aah kiisas waawayn oo kufsi ah.

Soo qabashada ninkan oo dalka ka baxsaday ayaa hay’adaha amniga Puntland waxa ay kala kaashadeen Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya iyo Booliska Adduunka (Interpol), waxaana maaintii Isniinta ahayd lagu qabtay gudaha dalka Rwanda oo uu gaaray.

Jaamac Ildab oo muddo dheer la baadi goobayay ayaa markii hore tegay Itoobiya, isaga oo ku dhuumaaleysanayay caasimada dalkaasi ee Addis Ababa, kadib waxa uu uga sii gudbay Jabuuti, waxaana la ogaaday qorshihiisa iyo inuu kusii jeedo Rwanda oo laga soo qabtay.

Puntland ayaa ninkan horay ugu jartay waaran soo qabasho ah, waxaana haatan la filayaa in la keeno Soomaaliya, kadibna lagu wareejiyo Puntland, si loogu maxkamadeeyo.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in wafdi ka socda Puntland ay u ambabixi doonaan  Ruwanda, si ay ula soo wareegaan eedeysanaha, kadibna loo geeyo Garoowe oo ay ka bilaaban doonto maxkamadeyntiisa, maadaama loo haysto kiis wayn oo xasaasi ah.

Sidoo kale, waxaa jira rag kale oo ku jira gacanta hay’adaha amniga oo ku eedeysan kiisas la xiriira kufsi iyo muuqaallo anshax darro ah oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada

Xogta ayaa intaasi kusii dareysa in Booliska uu gacanta ku hayo muuqaallo galmo kufsi ah oo ay kooxdaan ka duubeen mid kamid ah dhibbnayaasha kufsiga loo gaystay, taas oo haatan cadaalad ka sugeysa hay’adaha garsoorka ee maamul-goboleedka Puntland.

Kiiskan ayaa dhaliyay hadal heyn xooggan, waxaana laga war dhowrayaa sida ay u xakameyso Puntland iyo halka ay mariso, maadaama lasoo qabtay eedeysanayaasha oo uu ugu dambeeyay agaasimihii hore ee isbitaalka guud ee degmada Qardho, Dr. Jaamac Ildab.

Jubbaland oo si adag ugu jawaabtay madaxweyne Xasan Sheekh, kuna dhawaaqday…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Jubaland ayaa waxaa si adag loogu jawaabay Villa Somaliya oo xalay soo saartay bayaan culus oo ku aadanaa colaadda gobolka Gedo, waxaana Jubaland ay iska fogeysay eedeymaha loo jeediyay.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ay qaadeen ciidamada dowladda, isla markaana uu amarka bixiyay Madaxweyne Xasan, uuna fuliyay Cabdirashiid Janan.

Jubaland ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay ka hortageyso isku day kasto oo ay sheegtay in lagu duminaayo maamulkeeda, waxayna mas’uuliyadda wixii dhacay ku eedeysay dowladda Soomaaliya.

“Dowladda Jubaland waxay mar labaad xaqiijinaysaa go’aankeeda ah inay si buuxda uga hortagayso isku day kasta oo lagu doonayo in lagu dumiyo Dowladda Jubaland iyo nidaamka Federaalka ah ee Soomaaliya taas oo ah hadafka weyn ee eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Jubaland.

Hoos ka akhriso WAR-SAXAAFADEEDKA:-

Dowladda Jubaland waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa dhammaan ehelada, qaraabada, qoysaska iyo guud ahaan shacabka Jubaland ee ay ka baxeen saraakiil iyo askar ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Jubaland, kuwaas oo ku geeriyooday dagaalka iyo colaadaha nasiib darrada ah ee eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka wado degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Weerarkan ayaa ahaa mid si bareer ah loogu qaaday ciidamada Jubaland ee ku sugnaa talisyadooda, iyadoo amarka weerarka uu bixiyay taliska eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud, ayna fulisay kooxda qaswade Cabdirashiid oo eedaysanuhu diyaarad ku geeyay magaalada Beledxaawo, si uu u kiciyo dagaal dhiig ku daatay. Falkan gardarrada ah wuxuu sababay khasaare naf iyo maalba leh, waxaana ka mid ahaa dhimashada saraakiil muhiim ah oo door weyn ku lahaa amniga gobolka.

Dowladda Jubaland waxay u aragtaa falkan inuu yahay qayb ka mid ah damaca indha la’aanta ah ee taliska eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo muddo dheer ku hawlanaa abaabulka rabshado iyo dagaallo ka dhaca gobolka Gedo. Waxaa cadaatay in qorshaha taliskaasi uu yahay in dagaallo daba dheeraada laga huriyo deegaanada xuduudka ee gobolka, taas oo khatar ku ah shacabka Jubaland iyo xasilloonida guud ee dalalka dariska ah.

Dowladda Jubaland waxay mar labaad xaqiijinaysaa go’aankeeda ah inay si buuxda uga hortagayso isku day kasta oo lagu doonayo in lagu dumiyo Dowladda Jubaland iyo nidaamka Federaalka ah ee Soomaaliya taas oo ah hadafka weyn ee eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada Dowladda Jubaland waxay ku sugan yihiin ciiddooda, waxayna mar walba diyaar u yihiin sidii looga hortagi lahaa damaca bahalnimada ah ee Eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa.

DHAMMAAD

Xog: Guddiyada metalaya Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo maanta go’aan gaaraya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale lagu wadaa in maanta kulan kale ay yeeshaan guddiyada kala metalaya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa mucaaradka, kuwaas oo xalay shir xasaasi ah ka yeeshay dhammeystirka wada-hadallada labada dhinac.

Sida ogaatay Caasimada Online, guddigan oo ka kooban mid saddex xubnood ayaa mar kale isku imaadaano labada duhurnimo ee maanta, waxaana dhanka dowladda ka socda Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Jaamac, Wasiirka Cadaaladda Xasan Macalin iyo Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Gaani.

Dhanka mucaaradka, waxaa iyana ka socda guddoomiyihii hore baarlamaanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo ah guddoomiye ku-xigeenka Madasha Samatabixinta, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.

Ujeedka shirka loo ballansan yahay ee maanta ayaa ah in dhinacyadu ay go’aan kama dambeys ah ka gaaraan ajendaha shirka ay leeyihiin Madaxweyne Xasan iyo Madasha Samatabixinta oo markii 5-aad ka wada-hadli doono dastuurka iyo doorashooyinka dalka.

Xubnaha ka socday dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in xalay ay la wadaageen xubnaha ka socday dhanka Mucaaradka qodobada ay xukuumaddu ka tanaasuli karto iyo mowqifka uga degsan qodobada qaar ee doorashada quseeya, kuwaas oo ku jira afarta cutub ee dastuurka oo mucaaradku ay dood adag ka qabaan.

Sida ay sheegayaan wararka laga helay kulankaas, xubnaha mucaaradka ayaa isku aragti ka noqon waayay qorshaha kama-dambeysta ah ee ajendaha shirka ay la yeelan doonaan Madaxweyne Xasan oo horay loo iclaamiyay maanta oo Arbaco, balse ay soo kordheen culeysaad horleh iyo doodo ka yimid dhanka mucaaradka, taas oo dib u dhigi karta shirka.

Sidoo kale, xubnaha metelaya Dowladda Federaalka ayaa intii kulanku socday soo jeediyey in waqti kale la siiyo oo la isku soo laabto, iyadoo dib loo dhigayo shirka berri oo ballan kale uu qabanayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hase yeeshee, ragga kale ee mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee madasha iyo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sheegay in wada-hadalladu ay noqon doonaan  maalinkii ugu dambeeyay, oo aysan jiri karin fursad kale oo la siinayo Madaxweyne Xasan.

Mucaaradka ayaa weli dood xooggan ka qaba qodobada qaar, gaar ahana cutubka 4-aad ee dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyaga oo Madaxweynaha ka dalbaday in uu sameeyo tanaasul dhab ah oo aan leex leexad laheyn.

Si kastaba, waxaa mucaaradka kasii careysiiyay tallaabo kale oo uu shalay qaaday Madaxweynaha, kadib markii isku diiwaangeliyay doorashooyinka qof iyo codka ah, isaga oo tegay degmada Warta Nabadda, kadibna ka qaatay shahaadda guddiga doorashada.

Xisbi ka dhisan Somaliland oo ku hanjabay inuu ridayo madaxweyne Xasan Sheekh

0

Hargeysa (Caasimada Onlin) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Kaah ee Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa si adag uga hadlay xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland, taas oo kasii dartyay bilihii ugu dambeeyay.

Maxamuud Xaashi oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ku goodiyay in ay ridi doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana doorashada soo socoto ay horseed u noqon doonaan inuu waayo madaxtinimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay adeegsan doonaan cid kale oo uusan carab baabin, si kursiga looga qaado Madaxweyne Xasan oo uu eedeeyay inuu kala qaybinayo Somailand.

Waxaa kale oo uu xusay in aanu sii socon doonaan dagaalka gobolka Sool, ayna usoo jeesan doonaan in meesha la tuuro Madaxweynaha Soomaaliya.

“Gacan tobnaad ayaan ku aargoosan naqaan, Xasan Sheekh wuu arki doonaa raggaanu nahay, dagaalku Sool ka jiri maayo, wuu arki doonaa markaanu kursiga waddo ka marinno” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Kaah ee ka dhisan Somaliland.

Dhanka kale, waxa uu soo hadal qaaday maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya, isaga oo sheegay inay ka guuleysan doonaan, ayna difaaci doonaan midnimada Somaliland.

“Difaaca, wadajirka iyo midnimada ummaddayada dhiig ayaynu u shubaynaa, bulshadeenna layskuma diri karo, Somaliland-na waa qaran la yaqaan xadka iyo juquraafiyadda uu leeyahay.” ayuu mar kale yiri Guddoomiye Maxamuud Xaashi Cabdi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Somaliland ay aad uga carootay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee dowladda federaalka, gaar ahaan dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari ee looga dhawaaqay Laascaanood, waxayna taas sii hurisay xiisadda labada dhinac.

Tallaabo siyaasadeed oo miisaamaan: Xasan oo gool kale ka dhaliyey mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Tallaabada uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isugu diiwaangeliyey doorashooyinka taariikhiga ah ee Soomaaliya ee qof-iyo-cod waxay ahayd mid si xeeladaysan loo soo beegay, taasoo diraysa fariin cad oo ah in Dowladda Federaalku ay ka go’an tahay inay hore u waddo dib-u-habaynta nidaamka doorashada, xitaa ayadoo wajahaysa mucaaradad adag oo diiddan.

Talaadadii, Madaxweynaha ayaa tagay xarun is-diiwaangelineed oo si weyn amnigeeda loo sugay kuna taalla degmada Warta-Nabadda ee Muqdisho, halkaas oo looga qaaday xogtiisa gaarka ah (biometric) ee loogu talagalay kaarka codbixiyaha.

Tallaabadan ayaa loo agaasimay si ay u hesho tebin ballaaran, iyadoo warbaahinta dowladduna ay si toos ah u baahinaysay munaasabadda si loo muujiyo sida ay madaxweynaha uga go’an tahay arrintan.

Inkastoo ay u muuqato tallaabo iska caadi ah oo qayb ka ah habraaca, haddana falkani wuxuu xambaarsan yahay culeys siyaasadeed oo aad u weyn. Waxay kusoo aadaysaa xilli uu jiro is-mari-waa u dhexeeya dowladda iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee diiddan qorshaha doorashooyinka.

Waxaa intaas dheer, oo muhiimad gaar ah leh, in tallaabadani ay dhacday maalin uun ka hor kulan heer sare ah oo la filayay inuu dhexmaro mucaaradka iyo madaxda dowladda, iyo xilli ay Talaadadii Muqdisho ku kulmayeen guddiyo kala matalaya labada dhinac, taasoo si cad u muujinaysa ujeeddada istiraatiijiyadeed ee ka dambaysa.

Astaan ka go’naansho

Marka uu Madaxweyne Xasan Sheekh is-hor-keenay kaamarooyinka, isla markaana uu maray isla habraacii laga filayay muwaadiniinta caadiga ah, wuxuu sameeyey fal muujinaya go’aan adag oo astaan ah. Mucaaradku waxay muddo dheer ku doodayeen in aan la qaban karin doorasho xalaal ah oo qof-iyo-cod ah iyadoo aan marka hore la gaarin heshiis siyaasadeed oo dhameystiran oo loo wada dhan yahay.

Sidaas darteed, fariinta Madaxweynuhu waa mid cad oo aan leexleexad lahayn: dowladda ma oggolaan doonto in geeddi-socodka doorashada ay afduubtaan khilaafyo siyaasadeed. Wuxuu isu muujinayaa inuu yahay wejiga isbeddelka — hoggaamiye ay ka go’an tahay inuu Soomaaliya ka gudbiyo nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5 ee ku salaysan qabiilka, kaasoo muddo dheer dalka ragaadiyay.

Astaantani waxay xambaarsan tahay macnayaal kala duwan. Dhanka taageerayaashiisa, waxay u tahay muujin hoggaamineed iyo go’aan adag. Dhanka mucaaradka, waxay u muuqataa tallaabo is-kali-yeelid ah iyo ogeysiis fagaare ah oo u dhigan: “tareenkii isbeddelka waa uu dhaqaaqay, haddii aad saaran tihiin iyo haddii kalaba.”

Sharciyad mise is-afgarad?

Doodda doorashooyinka Soomaaliya waxaa udub-dhexaad u ah su’aal aasaasi ah: sharciyaddu ma ka timaaddaa ka-qaybgalka ballaaran ee shacabka, mise heshiiska siyaasiyiinta sare? Is-diiwaangelinta fagaaraha ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh waxay si cad ugu codeynaysaa qodobka hore, iyadoo xoogga saaraysa in awoodda shacabku ay tahay tan ugu dambaysa ee wax kala xukmisa.

Xulafada Madaxweynaha waxay ku doodayaan inuu ku saxsan yahay inuu difaaco xuquuqda dimoqraadiga ah ee codbixinta, xitaa haddii ay diidaan inay ka qaybgalaan siyaasiyiinta saamaynta leh. Waxay u arkaan fursad dahabi ah oo Soomaalida caadiga ah siinaysa inay si toos ah uga qaybqaataan talada dalkooda, lagagana gudbayo doorashooyinkii dadbanaa ee ay maamuli jireen koox yar oo danahooda ka shaqaynaysay.

Si kastaba ha ahaatee, heshiis la’aantu waxay leedahay khataro u gaar ah. Iyadoo aan la helin taageerada iyo oggolaanshaha dhinacyada siyaasadeed ee waaweyn — gaar ahaan dowlad-goboleedyada saamaynta leh sida Puntland — natiijo kasta oo doorasho ka soo baxda waxay halis ugu jirtaa in la diido, taasoo wiiqaysa xasilloonida, suurtagalna ay tahay inay sharci-darro ka dhigto isla dib-u-habayntii uu madaxweynuhu hormuudka ka yahay.

Caqabadda jirta ayaa ah in sharciyadda iyo is-afgaradku aysan ahayn laba shay oo kala socda, balse ay yihiin kuwo is-kaabaya oo is-xoojiya. Si geeddi-socodku ugu guulaysto dhinaca aragtida iyo ficilkaba, waa in dowladda ay heshaa waddo ay isugu dheellitirto ka-qaybgalka shacabka iyo heshiiska siyaasiyiinta — waana dheellitir ilaa hadda ay adag tahay in la helo.

Xisaab siyaasadeed

Waqtiga uu Madaxweynuhu is-diiwaangeliyey ma ahayn mid iska yimid. Maadaama lagu soo beegay maalin ka hor wareegga 5-aad ee wada-hadalladii lala lahaa hoggaamiyeyaasha mucaaradka, waxay ahayd tallaabo ka-hortag ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo mowqifkiisa gorgortanka. Inuu isagu hore isu diiwaangeliyo, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dirayaa fariin ah in geeddi-socodku uu mar hore billowday, taasoo ku qasbaysa mucaaradka inay go’aan ka gaaraan inay ka qaybgalaan iyo inay halis u galaan in laga tago.

Dhinaca siyaasadda, waa istiraatiijiyad khatarteedu sarrayso, balse abaal-marinteeduna weyn tahay. Haddii uu Madaxweynuhu ku guulaysto inuu mucaaradka u ekeysiiyo caqabad hor taagan horumarka dimoqraaddiyadda, wuxuu kasban karaa ra’yul caamka shacabka, wuxuuna go’doomin karaa kuwa dhaliilsan. Dal ay weli ku weyn tahay xusuusta xaq-darradii codbixinta, ballanqaadka doorasho qof-iyo-cod ah wuxuu leeyahay awood dareen oo qoto dheer.

Laakiin, khamaarkani waa mid laba af leh. Haddii ay diiwaangelinta codbixiyeyaashu ku turunturooto sababo la xiriira ka-qaybgal yar, khataro amni, ama fashil dhinaca saadka ah, taageerada weyn ee Madaxweynuhu waxay u ekaan kartaa xisaab-xumo degdeg ah oo cawaaqib xun keenta. Xaaladdaas, mucaaradku waxay heli doonaan sababo ay ku sheegaan in dib-u-habayntu ahayd mid lagu degdegay, cilladaysan, oo sharci-darro ahayd bilowgiiba.

Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu jiiday xarriiq cad oo kala saaraya dhinacyada. Is-diiwaangelintiisu waxay horseedaysaa is-wajahid ku saabsan nuxurka dowladnimada Soomaaliya: ma waxaa lagu dhisi doonaa hab kor-ka-yimaad ah oo ku salaysan heshiisyada madaxda sare, mise hab hoos-ka-yimaad ah oo ku dhisan codka shacabka?

Xilli ay labada dhinacba sii adkaysanayaan mowqifyadooda, mustaqbalka dhow ee qaranku kuma xirna oo keliya qabanqaabada farsamo ee doorashada, balse wuxuu ku xiran yahay jawaabta loo helo su’aashan aasaasiga ah. Jidka dimoqraaddiyadda Soomaaliya wuxuu ku laalan yahay dheellitirkan jilicsan.

‘Qof iyo Qori’ – Mucaaradka Xasan ma waxay doorteen rabshado iyo dagaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu caansan mucaaradka Soomaaliya ayaa kiciyey xiisad siyaasadeed oo xooggan, kaddib markii uu qoray hadal u muuqda mid ku baaqaya in dowladda hub lagula dagaallamo, isagoo dadweynaha ugu yeeray inay qoryaha qaataan halkii ay codkooda ka dhiiban lahaayeen doorashooyinka taariikhiga ah ee dalka kusoo wajahan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, wasiir hore ahna hoggaamiyaha xisbiga siyaasadeed ee Wadajir, ayaa baaqan muranka dhaliyey soo dhigay bartiisa Facebook Talaadadii. Qoraalka waxaa la socday sawirka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isku diiwaan-gelinaya codbixinta, wuxuuna uga falceliyey qoraal u dhignaa “Qof iyo Qori.”

Qoraalka ayaa jawaab jees jees ah u ahaa doorashada “Qof iyo Cod” ee dowladda ay waddo, kuwaasi oo mucaaradka iyo dowladda ay isku khilaafsan yihiin.

Baaqa Warsame waxaa si degdeg ah u cambaareeyey mas’uuliyiinta dowladda, hoggaamiyeyaasha bulshada rayidka ah, iyo falanqeeyeyaasha siyaasadda, iyagoo ku tilmaamay kicin khatar ah oo rabshado horseedi karta, kuna soo beegmaysa xilli uu dalku horeyba ula daalaa-dhacayey kacdoon dhiig badan ku daatay iyo heshiisyo siyaasadeed oo jilicsan.

Jawaabta dowladda waxay ahayd mid degdeg ah oo adag. Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si toos ah hadalka hoggaamiyaha mucaaradka ah ugu barbar dhigay kan maleeshiyaadka argagixisada ah.

Al-Shabaab baa qori dadka ugu hanjaba,” ayuu Fiqi ku qoray jawaab uu suu dhigay facebook. “Codaynta dadkana qori ma bedeli karo, siyaasigii doorta inuu qori qaatana waxba kama duwanaanayo hogaamiye kooxeed.”

“Kani ma ahan kaliya khilaaf siyaasadeed; waa baaq bareeer ah oo rabshado loogu yeerayo dadka,” ayuu falanqeeye siyaasadeed oo Muqdisho ku sugan, Axmed Xasan Guuleed, u sheegay Caasimada Online. “In shakhsi miisaankiisa leh uu si furan ugu ololeeyo qori halkii cod laga dhiiban lahaa waa isku day halis ah oo lagu carqaladaynayo geeddi-socodka siyaasadeed, wuxuuna dhiirigelin karaa kooxaha hubeysan.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur kama uusan laaban hadalkiisa illaa hadda, qoraalkiisuna wuxuu weli ku jiraa baraha bulshada, isagoo sii hurinaya dood kulul oo ka dhex socota Soomaalida isticmaasha internet-ka.

Sidoo kale, Isbahaysiga mucaaradka ayaan weli iska fogeyn hadalka Cabdiraxmaan Cabsihakuur, taasi oo loo arki karo in ay ku raacsan yihiin.

Khilaaf siyaasadeed oo soo jireen ah

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerkii ugu sarreeyey ee xiisadda siyaasadeed ee muddada dheer u dhaxaysay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Warsame, oo ah siyaasi ruug-caddaa ah oo soo qabtay xilka Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa ahaa musharrax madaxweyne oo joogto ah iyo dhaleeceeye cod kar ah oo ka dhan ah dowlad walba oo dalka soo marta.

Mucaaradnimadiisu waxay inta badan ahayd mid kulul, laakiin falanqeeyeyaashu waxay aaminsan yihiin in hadalkiisii ugu dambeeyey uu ka gudbay xadkii mucaaradnimada siyaasadeed, uuna gaaray heer lagu kicinayo kacdoon hubeysan.

Si kastaba ha ahaatee, taageerayaashiisa ayaa ku doodaya in hadalkiisu uu ka tarjumayo niyad-jab qoto dheer oo laga qabo geeddi-socodka doorashada, oo ay ku andacoonayaan inay is-daba-marinayso dowladda talada haysa.

Muddo tobannaan sano ah, Soomaaliya waxay ku tiirsanayd nidaam doorasho oo dadban oo ku dhisan awood-qaybsi beeleed, kaasoo loo yaqaan “nidaamka 4.5.” Nidaamkan, odayaasha dhaqanka iyo ergada beeluhu waxay soo doortaan xubnaha baarlamaanka, kuwaasoo iyaguna doorta madaxweynaha.

Isku-mari-waa siyaasadeed oo sii xoogaysanaya

Khilaafkan wuxuu imaanayaa xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku jira muddo xileedkiisii labaad ee aan isku xigin, uu wado dib-u-habeyn lagu dhisayo dowladnimada, oo ay ku jiraan u-wareegidda nidaamka madaxtooyada iyo hirgelinta doorashooyin toos ah.

Si kastaba ha ahaatee, dib-u-habayntaasi waxaa si adag uga horyimid mucaaradka. Axaddii, Madaxweynaha iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa soo gebagebeeyey wareeggii afaraad ee wada-hadallo xasaasi ahaa iyagoon xal ka gaarin xiisadda siyaasadeed ee sii kordhaysa ee ku saabsan isbeddellada. Waxay kaliya ku heshiiyeen inay mar kale kulmaan dhammaadka toddobaadkan, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online.

Kulankii Axadda ee ka dhacay madaxtooyada Villa Somalia ayaa is-hor-fadhiisiyey Madaxweynaha iyo Madasha Badbaadada Soomaaliyeed, oo ah isbahaysi mucaarad ah oo miisaan culus leh, kaasoo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Guul-darrada in heshiis la gaaro ayaa sii dheeraynaysa isku-mari-waaga khatarta ah ee dowladda federaalka ka horkeenay isbahaysi mideysan oo mucaarad ah iyo dowlad-goboleedyo awood leh.

Baaq hubeysan oo ka dhacay dal xaalad cakiran

Baaqa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ah in muwaadiniintu ay is-hubeeyaan ayaa si gaar ah walaac weyn u keenaya marka la eego xaaladda amni ee Soomaaliya. Dowladda federaalka, oo ay taageerayaan Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa kula jirta dagaal dhiig badan ku daatay oo muddo dheer soo jiray kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaeda, kana talisa qeybo badan oo ka mid ah dhulka miyiga ah.

Isku-mari-waaga siyaasadeed iyo hadallada kicinta ah waxay imaanayaan xilli ciidamada dowladda ay la kulmayaan culeys sii kordhaya oo ka dhashay kacdoonka Al-Shabaab oo ka sii daraya gobollada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waday howlgal ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyada, si kastaba ha ahaatee, kooxdu waxay sii waddaa inay weerarro dilaa ah ku qaaddo bartilmaameedyada militariga iyo kuwa rayidka ah.

Saraakiisha amniga ayaa si hoose u muujiyey walaac ah in kicinta siyaasadeed ee heerka sare ah ay carqaladayn karto dadaallada lagula dagaallamayo fallaagada ayna abuuri karto isku-dhacyo cusub oo gudaha ah.

“Hadallada dhiirigelinaya faafinta hubka ee dadka rayidka ah waxay si toos ah u wiiqayaan amniga qaranka, waxayna u adeegayaan danaha kooxaha fallaagada ah sida Al-Shabaab,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan laamaha amniga ee Muqdisho. 

Suuriya: Saaxadda dagaalka cusub ee Turkiga iyo Israel

Istanbul (Caasimada Online) – Marka la eego xaaladaha siyaasadeed ee Bariga Dhexe bilihii la soo dhaafay, way fududahay in la soo gabagabeeyo in mawqifka istiraatiijiyadeed ee Israel uu soo roonaaday. Isla sidaas oo kale ayaa laga dhihi karaa Turkiga.

Haddaba, xaaladdani ma horseedi kartaa xasillooni, mise waxay astaan u tahay qalalaase hor leh oo soo fool leh?

In kasta oo ay dagaallo kaga furan yihiin jihooyin dhowr ah — Gaza, Daanta Galbeed ee la haysto, Lubnaan, Suuriya, Yemen, iyo Iran — haddana Israel waxay u muuqataa inay xilligan haysato gacan sarraysa, halka “isbahaysiga iska-caabbinta” ee ay hoggaamiso Tehran uu u muuqdo mid kala daadsan.

Hoggaankii militari iyo kaabayaashii ciidan ee Iran waxaa dhaawac culus loo geystay dagaalkii bishii Juun, kaas oo sidoo kale saameyn ku yeeshay barnaamijkeeda nukliyeerka, inkastoo aan si cad loo ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay dib u dhacaasi. Jawaabtii Iran waxay ahayd mid aan sidaa u sii xoog badnayn, ka dib markii Mareykanku uu 22-kii Juun duqeeyay xarumaheeda nukliyeerka ee Fordow, Natanz iyo Isfahan.

Dhanka kale, Suuriya waxaa hadda xukuma dagaalyahan hore uga tirsanaa Al-Qaacida, kaas oo sumcaddiisa lagu nadiifiyay si xawli ah oo aan hore loo arag, iyadoo ay taageerayaan dimoqraadiyadaha reer Galbeedka. Dhaqdhaqaaqii iyo abaabulkii muddo tobanaan sano ah ee Mareykanka iyo Yurub ay ku taageerayeen kooxaha xagjirka ah sida Daacish iyo Hay’at Tahrir al-Sham ayaa muddo kooban gudaheed burburay, taasoo sii xaqiijinaysa laba-wajiilaynta reer Galbeedka.

Sidaas darteed, waa la gooyay jidkii saadka ugu muhiimsanaa ee ay Iran taageerada ku gaarsiin jirtay Xizbullah-da Lubnaan. Ururkaas laftiisa waxaa soo wajahday daciifnimo weyn ka dib dilkii hoggaamiyihooda, Xasan Nasrallah, iyo xubno kale oo sar-sare. Hadda waxa saaran cadaadis xooggan, mid gudaha ah iyo mid caalami ah, oo lagu doonayo inuu hubkiisa ku wareejiyo gacanta dowladda.

Isla mar ahaantaana, naxariis-darrada Israel ee Gaza — oo loo beddelay goob xasuuq baahsan halkaas oo dadka rayidka ah ee gaajaysan ay safaf ugu jiraan si ay u helaan gargaar bani’aadannimo oo xaddidan — ayaa wiiqday kalsoonidii iyo taageeradii caalamiga ahayd ee ay haysatay.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda mayalka adag ee Israel dheg jalaq uma siinayso ra’yiga caalamka, illaa inta ay dalalka reer Galbeedku taageeradooda sii wadaan (halka dalalka kale sida Ruushka iyo Shiinaha ay si la yaab leh dhexdhexaad uga jiraan).

Weerarro aan daandaansi lahayn

Haddii aan u soo jeedsanno dhanka Turkiga, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan wuxuu dhawaan ku guuleystay inuu meesha ka saaro khatartii amni ee ugu weynayd ee ka haysatay soohdintiisa koonfur-bari, taas oo ahayd Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK).

Waxa kale oo uu fuliyay hadafkiisii muddada dheer ee ahaa in xukunka laga tuuro Bashar al-Assad ee Suuriya, isagoo ku beddelay Axmed al-Sharaa. Ugu dambayntiina, Ankara waxay sare u qaadday sumcaddeeda caalamiga ah, iyadoo noqotay dhexdhexaadiyaha lagu aaminay colaadda u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine.

Sida Israel oo kale, Turkigu wuxuu noqday awood goboleed oo safka hore kaga jirta. Xaaladdan, waddo kasta oo lagu raadinayo xasillooni deegaan sidan u qalafsan waa inay si lama huraan ah u soo martaa Israel iyo Turkiga — labaduba diyaar bay u yihiin inay iska caabiyaan cadaadiska Mareykanka, si aysan xulafada kale ee uu leeyahay ugu riyoon karin inay ku qasbaan.

Suuriya waxay noqon kartaa mid ka mid ah tijaabooyinka ugu adag ee lagu qiimeynayo isbeddelkan. Bishii la soo dhaafay, Israel waxay duqeymo cirka ah ka fulisay fariisimaha ciidanka Suuriya, xilli ay isku dhacyo ka dhex qarxeen beelaha Druze iyo Bedouin ee koonfurta dalkaas.

In kasta oo ay Israel sheegtay in ujeeddadeedu ahayd inay difaacdo bulshada Druze, haddana siyaasaddeeda dhabta ah waxay u muuqataa inay diiradda saarayso sidii hubka looga dhigi lahaa aagga koonfurta ka xiga Dimishiq, si ay u ballaarsato “aaggeeda difaaca” (buffer zone).

Arrintu intaas kuma eka: isla markiiba ka dib burburkii xukunkii Assad, Israel waxay Suuriya ka fulisay duqeymo cirka ah oo isdaba-joog ah oo aan daandaansi lahayn, kuna burburisay kaabayaashii militari ee dalkaas — iyadoo sidii caadada ahayd ay arrintaas ka aamuseen dimoqraadiyadaha reer Galbeedka.

Sacuudi Carabiya, Qatar, Turkiga iyo dalal kale oo gobolka ah ayaa muujiyay taageeradooda ku aaddan midnimada dhuleed ee Suuriya, halka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga, Hakan Fidan, uu ka digay in Turkigu uu faragelin karo haddii kooxaha gooni-u-goosadka ah — sida Druze-ka oo Ankara u aragto inay wakiil ka yihiin Israel — ay isku dayaan inay kala qaybiyaan oo qalalaase ka abuuraan dalkaas.

Waxaa sidoo kale jiray warar la isla dhexmarayay oo sheegaya in Israel laga yaabo inay isku daydo inay buriso heshiiskii xabbad-joojinta ee ay Suuriya la gashay sannadkii 1974-kii, iyadoo raadinaysa qorshe amni oo cusub, kaas oo siinaya Israel awood ay ku joogto meelo ka shisheeya Buuraha Golan muddo shan sano ah oo kala-guur ah, sida uu sheegay ilo-wareed amni oo gobolka ah.

Marka la eego sida ay Israel ugu fududdahay inay xilliyada ku-meel-gaarka ah u beddesho kuwo joogto ah, waa caadi in la filayo in tallaabadani ay walaac weyn ka abuurto Dimishiq iyo Ankara labadaba.

Shaki qotodheer

Dhanka kale, isku daygii dhowaa ee xukuumadda Suuriya ay ku doonaysay inay gacanteeda ku hoos keento deegaannada Druze-ka ayaa walaac ku abuuray Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya (SDF) ee ay Kurdidu hoggaamiyaan, kuwaas oo ka cabsi qaba inay iyagu noqdaan bartilmaameedka xiga — inkastoo ay ilaa hadda ka faa’iideysanayeen ilaalinta Mareykanka.

Xaaladdan, Turkigu uma muuqdo mid diyaar u ah inuu difaaco al-Sharaa, mana cadda in ay suurtagal tahay in lala gaaro Israel heshiis ku saabsan aagag saamayn oo la isku raacsan yahay.

Haddii la malaynayo in Suuriya la kala qaybinayo, qaybta koonfureed ee dalka ilaa duleedka Dimishiq waxay hoos imaan kartaa saamaynta Israel, halka inta soo hartay — marka laga reebo dhulka udub-dhexaadka u ah SDF ee bariga wabiga Furaat — ay hoos imaan karto saamaynta Turkiga. Qaab-dhismeedkan, SDF waxay ku tiirsanaan lahayd taageerada Mareykanka si ay isaga difaacdo weerarrada Turkiga. Sida ay tani ficil ahaan u shaqeyn karto waa su’aal wali taagan.

Tijaabo kale oo culus ayaa laga yaabaa inay dhowaan soo baxdo, taasoo la xiriirta diblomaasiyadda Mareykanka ee gobolka. Safiirka Mareykanka ee Turkiga, Tom Barrack — oo ah Maraykan u dhashay Lubnaan — wuxuu Washington ku leeyahay saameyn gaar ah: xiriir toos ah oo uu la leeyahay Madaxweyne Donald Trump. Waxa uu sidoo kale yahay ergeyga gaarka ah ee Suuriya, waxaana loo xil saaray inuu xasiliyo xaaladda siyaasadeed ee Lubnaan. Tani waa waajibaad aad u ballaaran oo loo dhiibay hal qof gobol sidan u qalafsan, taasoo calaamad cad u ah in Washington ay laga yaabo inay higsanayso qorshe dhammaystiran.

Sida la filan karo, shakiga laga qabo ujeeddooyinka dhabta ah ee Washington waa mid qoto dheer gudaha Turkiga. Ankara waxay aaminsan tahay in aakhirka, Mareykanku uu mar walba mudnaanta siin doono Israel.

Laakiin mustaqbalku weli ma cadda. Ma xakamayn kartaa Washington laba ka mid ah xulafadeeda ugu waaweyn ee gobolka, si looga baaqsado xaalad ay Suuriya oo si weyn u kala qaybsan, ayna jihooyin kala duwan u jiidayaan quwado iska soo horjeeda, ay noqoto dhinbisha hurisa colaad kale oo baahsan?

Xogta kulan xasaasi ah oo Xasan iyo mucaaradka uga socda Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa haatan martigelinaysa kulan muhiim ah oo u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaanka Madasha Samatabixinta Mucaaradka.

Kulanka ayaa lagu wadaa in uu noqdo midkii ugu dambeeyay ee lagu xallinayo khilaafka ka taagan wax-ka-beddelka cutubka afraad ee Dastuurka, kaas oo quseeya hannaanka doorashooyinka iyo awoodaha hay’adaha dowladda.

Saacadihii la soo dhaafay, guddiyo farsamo oo labada dhinac kala matalaya ayaa yeeshay wada-hadallo diiradda lagu saaray qodobada ugu muranka badan, iyadoo ay muuqato in weli ay jiraan aragtiyo iska soo horjeeda.

Mucaaradka ayaa weli dood xooggan ka qaba qodobada qaar, gaar ahana cutubka 4-aad ee dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyaga oo Madaxweynaha ka dalbaday in uu sameeyo tanaasul dhab ah oo aan leex leexad laheyn.

Inkastoo Madaxtooyadu ay ku adkaysanayso in lagu dhaqmo qaabka hadda uu Dastuurku u qoran yahay, haddana waxaa la filayaa in kulanka uu ku soo idlaado war-saxaafadeed rasmi ah oo labada dhinac ay si wadajir ah u soo saaraan, kaas oo lagu faah-faahin doono wixii heshiis ah ee la gaaray.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn indhaha ugu haya natiijada wada-hadalladan muhiimka ah ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Madasha Samatabixinta.

Si kastaba, Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa badankood qaba in tani tahay fursadii u dambeysay ee ay siinayaan Madaxweyne Xasan, oo muddo badan ka meermeerayay inuu is-faham dhab ah la gaaro, oo iyagu ka biyo diidan hanaanka doorasho ee socda.

Xogta duqeyn culus oo lagu beegsaday guri madax Al-Shabaab ah ay ku shirayeen

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ciidamada cirka ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, isla markaana lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, waxaana lagu garaacay guri ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad iyo horjoogayaashooda lagu laayay duqeyntan, kadib markii ciidamada Xoogga ay ka war heleen shirka u socday xubnaha Al-Shabaab, kadibna waxa ay ku dhufteen dhowr gantaal oo lala helay goobta uu shirka ka socday.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo xaqiijiyay in sido kale weerarkan cirka ah lagu dilay horjoogayaal caan ka ahaa gobolka, uuna kamid ahaa sarkaal sare oo magaciisa lagu soo koobay Wadaad Yare.

Horjoogayaasha la duqeeyay ayaa dhowaan uun tegay Tardo, halkaas oo ay ka bilaabeen kulamo ay la qaadanayaan dadka deegaanka, si ay cadaadis u saaraan shacabka ku dhaqan deegaankaasi, waxaana xogta dhaqdhqaaqooda helay ciidanka oo kadib duqeeyay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalka guuleystay ee ay fuliyeen ciidanka Xoogga dalka.

Duqeynta waxaa ka horreeyay howlgal kale oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay deegaanka, kuwaas oo la laayay, waxaana sidoo kale howlgalka waxaa lagu burburiyey gaadiid dagaal oo ay wateen Al-Shabaab, kaas oo qaar ay qaraxyo ku soo rareen.

Tardo ayaa kamid ah deegaannadii ugu dambeeyay ee ay la wareegeen argagixisada, kadib markii ay kasoo baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirika deegaanka ee loo yaqaanno Macawiisleyda, kuwaas oo qayb ka ah halganka xoreynta ee ka socda dalka.

Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda guluf culus oo ay waddo dowladda, waxaana u jeedka uu yahay in dib loo xoreeyo deegaannadii ugu dambeeyay ee ay qabsadeen Al-Shabaab oo ay ugu horreeyaan degmooyinka Maxaas & Moqokori oo ay gacanta ku hayso kooxda.

Sacuudi Carabiya oo xukun dil ku fulisay afar Soomaali ah

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa hal maalin gudaheed ku toogatay sideed qof, kuwaas oo intooda badan ay ahaayeen ajaanib lagu eedeeyay dambiyo la xiriira maandooriye.

Sabtidii, Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga (Saudi Press Agency) ayaa sheegtay in afar muwaadin oo Soomaali ah iyo saddex kale oo Itoobiyaan ah lagu toogtay gobolka koonfureed ee Najran, iyadoo lagu eedeeyay “inay boqortooyada soo geliyeen maandooriyaha nooca xashiishka ah.”

Hal nin oo Sacuudiyaan ah ayaa isna loo toogtay dilka hooyadiis.

Dilalkan ugu dambeeyay ayaa kusoo beegmaya xilli ay si weyn u kordhayaan xukunnada dilka ah ee la fulinayo, kuwaas oo intooda badan lala beegsanayo muwaadiniinta ajnabiga ah ee lagu soo eedeeyo dambiyada maandooriyaha.

Xaaladdan ayaa ay hay’adaha Reprieve oo fadhigeedu yahay UK iyo Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Sacuudiga iyo Yurub (ESOHR) ku tilmaameen “xaalad dilal ah oo aan hore loo arag.”

Tan iyo markii mas’uuliyiinta Sacuudigu sannadkii 2021 ka laabteen joojin aan rasmi ahayn oo lagu sameeyay xukunnada dilka ee dambiyada maandooriyaha, boqortooyadu waxay si degdeg ah u kordhisay fulinta xukunnada dilka.

Sannadkii 2024, Sacuudi Carabiya waxay toogatay 345 qof — tiradii ugu badnayd abid — kuwaas oo ku dhawaad kala bar lagu eedeeyay dambiyo aan dil ahayn, sida ay sheegtay hay’adda Reprieve.

Sannadkan, waxaa muuqata in rikoodhkaas la jabin doono, maadaama ilaa hadda la toogtay 230 qof sannadka 2025, sida lagu sheegay tirokoob ay diyaarisay wakaaladda wararka ee AFP. Dadkaas, 154 ka mid ah waxaa lagu helay dambiyo la xiriira maandooriyaha.

Muwaadiniinta ajnabiga ah ayaa si gaar ah ugu nugul halistan, iyagoo ka ahaa 92 qof oo ka mid ah dadkii la toogtay sannadkii 2024.

Sida ku cad xog ururin ay sameeyeen hay’adaha Reprieve iyo ESOHR, intii u dhaxaysay 2010 iyo 2021, Sacuudi Carabiya waxay muwaadiniin ajnabi ah u fulisay xukunnada dilka ee dambiyada maandooriyaha ku dhawaad saddex laab ka badan tirada muwaadiniinta Sacuudiga ee isla dambiyadaas loo toogtay.

Arrintan ayaa dhacday iyadoo muwaadiniinta ajnabiga ah ay ka yihiin kaliya 36 boqolkiiba dadweynaha Sacuudi Carabiya.

“Dagaalka caalamiga ah ee fashilmay ee ka dhanka ah maandooriyaha, waxaan mar walba aragnaa qaab isku mid ah oo soo noqnoqda — mas’uuliyiintu waxay walaaca laga qabo isticmaalka maandooriyaha kaga jawaabaan dilka kooxaha saboolka ah ee la takooro,” ayay hore u sheegtay Jeed Basyouni, madaxa mashruucyada ka hortagga xukunnada dilka ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee hay’adda Reprieve, mar ay la hadlaysay Middle East Eye.

“Waxaase kasii daran, marar dhif ah ayay helaan xuquuqaha aasaasiga ah ee maxkamad cadaalad ah, sida helitaanka qareen u dooda ama turjubaan inta ay socoto dacwadooda,” ayay raacisay Basyouni.