26.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Faah-faahinta howlgal culus oo ka socda Shabellaha Hoose

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ballaaran ka wada deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyo waddada muhiimka ah ee isku xirta gobolkaasi iyo gobolka Bay.

Ujeeddada howl-galka ayaa ah sugidda amniga deegaannadaasi, iyadoo la xakameynayo dhaqdhaqaaqa xubno ka tirsan Al-Shabaab oo mararka qaar ku dhuunta halkaas.

Ciidamada Danab ayaa sidoo kale baaritaanno ku sameeyay gaadiidka dadweynaha iyo dadka isticmaalaya waddooyinka, si loo xaqiijiyo nabadgelyada guud ee shacabka ku nool aaggaasi.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay ku bogaadisay geesinimada iyo dedaalka ay muujiyeen ciidamada Danab.

“Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxay ammaan iyo bogaadin u diraysaa geesiyaasha Danab ee si joogto ah ugu taagan ilaalinta shacabka iyo sugidda xasilloonida dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Howl-galkan ayaa qeyb ka ah howl-gallada gaar ah ee kooxda Al-Shabaab lagula dagaalamayo, kaasi oo ay ka kaashanayaan ciidamada qaranka iyo kuwa xaq-udirirka deegaanka.

Si kastaba, Dagaalladan oo bilihii lasoo dhaafay uu ku yimid gaabis ayaa horseeday in kooxdu dib ula wareegto deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo ku yaalla Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ugu dambeeyay Moqokori oo illaa iyo hadda ay haysato kooxdu.

Inkastoo Dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ka go’an tahay ciribtirka kooxda Al-Shabaab, iyadoo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka, haddana weli ma muuqdo duullaan culus oo kooxda dib looga furanayo deegaanada ay qabsatay.

Fadeexad ka taagan Xudur: Doorasho mise xoreyn?

0

Xudur (Caasimada Online) – Magaalada Xudur oo muddo sanado ah go’doon ku jirta, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab ka xireen wadooyinkii geli lahaa, ayuu guddiga doorashooyinka kaga dhawaaqay daah-furka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Magaaladan oo haatan ku sugan yihiin Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxay halkaasi ka bilaabeen dardar-gelinta qorshaha doorasho ee ay riixayso Villa Somalia.

Gudoomiye Aadan Madoobe oo ay wehliyaan xubno ka tirsan ayaa daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codxiyeyaasha gobolka Bakool, isagoo kasoo muuqday safafka dadweyne loo soo aruuriyay diiwaan-gelinta ay dowladdu ka bilowday Xudur.

Tan ayaa noqoneysa fadeexad hor leh, halka mas’uuliyiinta ugu sareysay deegaanka ay muujinayaan in aysan shaqadooda aheyn Xudur oo xor ah, balse ay keliya fiirsanayaan danaha siyaasadeed, ayagoo Madaxweynaha Soomaaliya la difaacaya qorshaha doorasho ee mucaaradka sida weyn uga soo horjeedaan.

Mas’uuliyiinta ayey aheyd in marka hore ay dadaal iyo juhdi badan ku bixiyaan sidii loo heli lahaa Xudur oo xor ah iyo guud ahaan gobolka Bakool, oo haatan shacabkeedu wajahayaan nolol adag, maadaama ay ku jiraan go’doon, ayna wax walba kasoo galaan dhanka hawada, taas oo cirka ku shareertay maciishada quuta-daruuriga ah.

Sida muuqata Madaxweyne Lafta-gareen iyo Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ku dhacay imtixaankii u dambeeyay, sida aan horey u baahinay, safarka labada mas’uul iyo wafdiga horkacayaan ayaa waxaa horyaallay sida ay fursadan uga faa’iideysan lahaayeen, maadaama ay marar hore oo tageen magaalada aysan u dhaqaaqin xoreynteeda.

Ku dhowaad laba sano kahor ayay ahayd markii isla magaalada Xudur ay isugu tageen Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Safarkaas ayaa xilligaas la sheegay in ujeedkiisu ahaa dardar-gelinta howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo markaas la filayay in Koonfur Galbeed uu ka billowdo wajigii ugu cuslaa ee dagaalka kooxda.

Hase yeeshe, nasiib darro ma dhicin sidii ay dowladda sheegtay, waxaana laba sano kadib la jooga halkii, iyadoo maanta uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu dhanka cirka kasoo galayo Xudur.

Tani waxay kordhineysa dhaleecaynta loo jeediyo madaxda dalka, oo lagu eedeeyo in aysan si dhab ah uga go’nayn dagaalka argagixisada, balse ay ka fiirsanayaan danahooda siyaasadeed iyo kuwa shaqsiyadeed.

Si kastaba, Xudur oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee koonfurta Soomaaliya, ayaa muddo ku jirta go’doon adag, iyadoo kooxda Al-Shabaab ay ka hareereeyeen dhamaan afarta jiho ee magaalada, taas oo sababtay in shacabka magaaladaasi ay ku noolaadaan xaalad go’doon ah muddo ka badan toban sano.

Daacish baxsad ah oo lagu qabtay gobolka Bari xilli…

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayey buuraleyda Calmiskaad.

Saraakiil ka tirsan hawl-galka Calmiskaad ayaa xaqiijiyay in xubnahan oo laba ah laga qabtay buuraha u dhaw degaanka Kalabayr ee gobolka Bari.

Labadaan xubnood oo ajaanib ah ayaa kamid ah firxadka maleeshiyaadka ee ku dhuumaalaysanaya gobolka Bari, kaddib markii ciidamada difaaca Puntland iyo saaxiibada caalamiga ay kala daadiyeen awooddii kooxdan.

Xubnahan ayaa loo gudbin doona taliska guud ee hawl-galka Calmiskaad ee magaalada Boosaaso, si loo mariyo baaritaan dhammaystiran, loona horgeeyo hay’adaha garsoorka, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Hawl-galka ka dhanka argagixisada Daacish ayaa haatan maraya heer geba-gabo ah, kadib markii ciidamadu ay maleeshiyaadka ka saareen inta badan dhulkii ay kaga sugnaayeen maamulka.

Madaxweynaha Puntland oo xalay jeediyay khudbadii sanadlaha ayaa sheegay in uu dhawaan bilaabanayo hawl-galka Calmadow ee buuraha gobolka Sanaag lagaga sifaynayo kooxda Al-Shabaab.

Saciid Deni ayaa ugu bushaareeyay ciidamada maamulka Puntland ee difaaca kaga jira buuraha Calmadow in ay ku soo biiri doonaan ciidamadii hore u fadhiyay Calmiskaad ee ku soo guulaystay ciribtirkii Daacish, sida uu hadalka u dhigay.

Beled Hawo crisis: Somalia’s federalism at the brink

BELED-HAWO, Somalia – The recent military seizure of Beled Hawo by forces aligned with the Federal Government of Somalia (FGS) is more than just a tactical shift in a remote border town. It symbolizes Somalia’s existential struggles: the contentious balance between centralization and federalism, the political weaponization of impunity, and the dangerous diversion of resources from the existential fight against Al-Shabaab.

Events in July 2025 in the Gedo region have profound implications for national stability and regional security across the Horn of Africa.

For years, Beled Hawo has been a focal point of friction between Somalia’s federal government and the semi-autonomous Jubaland administration. Yet, the recent violence marks a dangerous escalation from political posturing to open warfare, exposing deep fault lines in Somalia’s provisional constitution and threatening its fragile national consensus.

A constitutional crisis 

The battle for Beled Hawo is not merely territorial but rooted in an unresolved constitutional crisis. Somalia’s provisional constitution, designed to distribute power and prevent authoritarianism, remains vague regarding the division of authority between the central government and Federal Member States (FMS). This ambiguity has fueled competing interpretations and tensions, particularly between Mogadishu and Jubaland.

The crisis escalated sharply following Mogadishu’s March 2024 constitutional amendments, which controversially expanded executive powers. Among the most contentious changes were the return to a one-person, one-vote electoral system and granting the president unilateral power to appoint and dismiss the prime minister without parliamentary approval. Jubaland’s President Ahmed Madobe vehemently rejected these reforms, perceiving them as a threat to regional autonomy.

Jubaland responded by amending its own state constitution to extend presidential terms from four to five years, holding elections on November 25, 2024, in which Madobe secured a controversial third term.

This direct challenge to federal authority led Mogadishu’s Banadir Regional Court, on November 27, 2024, to issue an unprecedented arrest warrant against Madobe for treason and undermining national unity. Thus, a political dispute escalated into a legal confrontation and, ultimately, violent conflict.

The Janan factor

Central to the federal assault on Beled Hawo was Abdirashid Hassan Abdinur, better known as Abdirashid Janan—a deeply controversial figure embodying the complex and cynical nature of Somali politics.

Janan first gained prominence as Jubaland’s security minister, notably controlling Gedo and strongly opposing Mogadishu’s influence. In August 2019, however, the federal government arrested him in Mogadishu on charges of severe human rights abuses committed between 2014 and 2017, extensively documented by Amnesty International and the UN.

In a dramatic twist, Janan escaped federal custody in January 2020, fleeing to Kenya, where he remobilized his forces and launched attacks against federal troops in Gedo throughout 2020. Kenya’s alleged support for Janan became a significant diplomatic issue, with Amnesty International urging his arrest and extradition.

Unexpectedly, in March 2021, after intense fighting and heavy losses, Janan surrendered to Mogadishu, citing a desire to end civilian suffering. In what many observers saw as a political compromise, all charges against him were swiftly dropped by a court in Benadir, raising serious questions about impunity and judicial integrity.

By July 2025, Janan resurfaced dramatically as a senior commander in Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA), leading federal forces against his former Jubaland ally, Madobe, and completing a remarkable journey from regional strongman to federal fugitive, and finally, federal proxy. 

The conflict in Beled Hawo has regional implications, directly challenging the strategic interests of neighboring powers, especially Kenya. Nairobi maintains a long-standing security doctrine—the “Jubaland Initiative”—aimed at stabilizing southern Somalia as a buffer zone to protect Kenya’s northeastern border from Al-Shabaab attacks, arms trafficking, and refugee crises.

The FGS seizure of Beled Hawo undermines Kenya’s strategy, as violence spilled across the border into Kenya’s town of Mandera, injuring civilians and prompting mass displacement. According to the UN Office for Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA), nearly 38,000 civilians fled the fighting, with many crossing into Kenya, triggering a significant humanitarian crisis.

The clearest beneficiary of the Beled Hawo conflict is Al-Shabaab, the al-Qaeda-linked insurgency. The federal government diverted elite, internationally-trained security forces—including Turkey-trained Gor Gor and Haram’ad brigades—from fighting Al-Shabaab to pursue political objectives in Gedo.

This shift creates dangerous security vacuums that Al-Shabaab readily exploits, enabling the group to regroup, rearm, and intensify attacks elsewhere.

This internal conflict thus represents a severe, self-inflicted setback in Somalia’s broader campaign against violent extremism. As federal and regional forces confront each other rather than terrorists, Al-Shabaab’s threat grows unchecked.

Somalia at a precipice

The seizure of Beled Hawo is not an isolated incident but the violent culmination of Mogadishu’s deliberate strategy to subordinate federal member states through coercive military action.

This aggressive federal approach threatens to unravel Somalia’s fragile state-building project, inciting further humanitarian suffering, regional instability, and enabling terrorist resurgence.

To prevent a catastrophic outcome, immediate steps must be taken. Firstly, a ceasefire and verified withdrawal of federal-aligned forces from Beled Hawo to pre-conflict positions is essential—not as a loss of sovereignty but as a necessary confidence-building measure for renewed political dialogue.

Ultimately, the crisis in Gedo forces Somalia to confront a stark choice: recommit to building an imperfect yet functional federal state grounded in consensus and rule of law, or regress to destructive zero-sum politics reminiscent of past civil wars.

Failure to act decisively now risks handing Al-Shabaab a strategic victory, allowing its black flag to rise again over the ruins of a fractured and failed Somali state.

Beijing targets Somaliland-Taiwan deal with Somali push

MOGADISHU, Somalia – China is ramping up its security and diplomatic presence in Somalia, a development analysts view as a direct response to the expanding partnership between Taiwan and Somaliland—a relationship that risks igniting new tensions in the already volatile Horn of Africa.

The Chinese Embassy in Mogadishu confirmed last week that it had discussions with Somalia’s Police Force Coast Guard aimed at boosting cooperation. The talks, as announced on social media platform X by the embassy, focused on coastal security and underscored a mutual commitment to “safeguarding national sovereignty and territorial integrity.”

Though official communications remained carefully broad, Caasimada Online sources allege Chinese officials encouraged Somali authorities to recruit and arm personnel from northern Somaliland regions and deploy them along the Somaliland coast—an explosive proposal given the historical dispute between Mogadishu and Hargeisa.

The intensified diplomatic activity follows closely on the heels of a new maritime and fisheries cooperation pact signed between Taiwan and Somaliland, two self-governing democracies striving for international recognition.

A widening geopolitical rift

The agreement has drawn fierce criticism from Beijing, which sees Taiwan as a renegade province destined for reunification with the mainland, even by force if necessary. China staunchly opposes any diplomatic relations between Taiwan and other nations, considering such interactions violations of its “One China” policy.

Somalia, viewing Somaliland as an inseparable part of its national territory, has likewise rejected the Taiwan-Somaliland accord.

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 following a violent civil war, yet remains internationally unrecognized despite maintaining its government, security forces, and currency for over 30 years.

Its relationship with Taiwan marks a significant diplomatic step, exemplified by Taipei opening a representative office in Somaliland’s capital, Hargeisa, alongside the provision of development aid.

Taiwan, however, defends the agreement vigorously, insisting on its sovereign right to establish relations with other independent entities.

Soft power and strategic influence

In reaction, China’s Ambassador to Somalia, Wang Yu, has accelerated a series of high-profile meetings in Mogadishu. This engagement signifies a notable shift for China, which traditionally avoided direct involvement in Somalia’s security challenges, particularly the fight against al-Shabaab, spearheaded mainly by the African Union.

Beijing’s current strategy appears to combine security commitments with soft-power diplomacy. On Wednesday, Somalia’s Ambassador to China, Hodan Osman, hosted Somali senators and officials in Beijing in what she described as an “experience-sharing program.”

“This visit is part of broader efforts to strengthen bilateral cooperation between Somalia and China across important sectors,” Osman stated via social media.

Observers in Mogadishu regard Osman, a Mandarin-speaking former translator for the Chinese Embassy, as a crucial intermediary for Beijing. Her position and experience are seen as particularly valuable assets to China’s strategic interests amid intensifying international competition in the region.

Fears of destabilization

China’s diplomatic influence has also reached sensitive and contested territories within Somalia. Recently, the Chinese Embassy delivered food aid to Las Anod, the administrative capital of the SSC-Khaatumo region. This region recently declared allegiance to the Federal Government of Somalia after months of deadly clashes and a breakaway from Somaliland’s control.

Analysts widely interpret this direct involvement in an unstable region as a calculated effort by Beijing to leverage internal Somali divisions.

Experts caution that China’s increasing activity, particularly around the contentious Somaliland-Somalia issue, could exacerbate already fragile regional dynamics.

“China’s increasing involvement—particularly in regions like Somaliland that have long enjoyed relative stability—could heighten political tensions and destabilize the area,” warned a regional analyst quoted by Somali media.

As Beijing and Taipei project their sovereignty dispute onto the Horn of Africa, the danger grows that longstanding local conflicts could be inflamed by global geopolitical rivalry, threatening to unravel delicate and hard-won stability.

Daawo: Deni oo khudbad xasaasi ah uga hadlay dagaalka Gedo, kan Shabaab iyo DF

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa jeediyey khudbad sanadle ah oo xaaladda siyaasadeed ee dalka uu kaga hadlay, khudbadiisa ayaa ku saabsaneyd sanad-guurada 27-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii dowlad goboleedka Puntland.

Saciid Deni ayaa hambalyo kadib qiray in Puntland ay wajaheyso xaalad adag, balse wuxuu dadkiisa kula taliyey in culeysaadka jira looga gudbo isku tashi, isagoo aan hoos u sii gelin faahfaahinta culeyska ay Puntland wajaheyso 27 sano kadib aas-aaskeedii.

“Dadka reer Puntland waxaan ugu baaqayaa inay u dheganuglaadaan xaaladda adag ee soo wajahday, inay ilaaliyaan midnimada dadka reer Puntland iyo hadafkii maamulkaan loo aas-aasay oo ahaa in la isku raaci dhismaha maamul ka shaqeeya horumarka bulshada,” ayuu yiri Saciid Deni.

Sidoo kale, Madaxweyne Saciid Deni, ayaa dowladda federaalka ku dhaliilay inay ka weecatay waajibaadkii loo dhisay, isla markaana ay ku howlan tahay waxyaabo aan maslaxada dadka Soomaaliyeed aan ka tarjumeyn, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Dowladda Federaalka inta ka weecatay waajibaadkeedii ayey dagaallo sokeeye abaabuleysaa, waxay ka shaqeyneysaa dano u qaas ah, arrintaasi waa ceeb iyo foolxumo dadkeena u soo hoyatay oo caalamka ay nooga niyad jebayaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Deni, ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay in maamullada ka jira Soomaaliya aysan weli u qalab qaadan in deegaanadooda ay ka sifeeyaan cadowga Khawaarijta ah, isagoo ugu baaqay inay sidaan wax ka beddelaan oo dalka cadowga laga xoreeyo.

“Waxaa nasiib darro ah, dagaallada weli socda ee dhexmaraya beelaha Soomaaliyeed oo kooxaha argagixisada ah ay abuurayaan, waxaan ka tacsiyeynayaa falalka argagixiso ee ka dhacaya guud ahaan gayiga Soomaaliyeed,” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa farriin u diray dowladda federaalka, isagoo ugu baaqay inay wax ka beddesho siyaasadda hadda ay ku socoto, si gaar ah dagaallada ka socda Jubbaland oo ah kuwo siyaasadeed ayuu ku taliyey in la joojiyo.

“Waxa socda waxay dalkeena u horseedi karaan burbur aan laga soo kabsan, dowladdu ha joojiso dagaalada ka socda Beledxaawo, Doolow iyo deegaanada kale ee Soomaaliyeed oo ku dhisan dano gaar ah, iyadoo aan lala dagaalameyn kooxo argagixiso ah,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Hoos ka daawo

Israel evacuates most UAE diplomatic staff citing threats

ABU DHABI, United Arab Emirates – Israel evacuated most of its diplomatic staff from the United Arab Emirates late Thursday, according to Israeli media, after its national security agency issued a stark warning of plots against its citizens in the Gulf nation.

The move marks a significant security escalation that poses a direct challenge to the landmark normalization pact between the two countries.

Israel’s National Security Council (NSC) sharpened its travel advisory for the UAE, a popular destination for Israeli tourists and businesspeople since the signing of the Abraham Accords in 2020.

“We are emphasizing this travel warning given our understanding that terrorist organizations (the Iranians, Hamas, Hezbollah, and Global Jihad) are increasing their efforts to harm Israel,” the NSC said in a statement.

The agency warned of specific attempts to target Israeli and Jewish individuals in the UAE, particularly during significant religious periods such as Jewish holidays and Shabbat.

The Israeli foreign ministry spokesperson’s office did not immediately respond to a request for comment. Officials in the UAE’s foreign ministry also did not issue an immediate comment on the evacuation.

A test for landmark accords

The withdrawal of diplomatic personnel underscores the fragility of regional security, even within nations that have forged historic ties with Israel.

The U.S.-brokered Abraham Accords saw the UAE and Bahrain become the first Arab nations in decades to normalize relations with Israel, paving the way for burgeoning economic and security cooperation.

The agreement led to a flourishing of ties, with an estimated one million Israeli tourists visiting the UAE since 2020 and a small but visible Jewish community re-establishing its presence.

This diplomatic drawdown raises questions about the resilience of these ties amid soaring regional tensions fueled by the long-running war in Gaza and Israel’s protracted shadow conflict with Iran.

The NSC’s warning explicitly names Iran and its powerful proxies, including the Lebanese militant group Hezbollah and the Palestinian Islamist group Hamas, which governs the Gaza Strip.

Israel has cited concerns about retaliatory attacks from Tehran following a series of direct and indirect military confrontations. Tensions between the two arch-foes have included an unprecedented exchange of direct missile and drone fire and ongoing Israeli strikes against Iranian-linked targets in Syria.

Simultaneously, Israel faces mounting international pressure over its military conduct and the severe humanitarian crisis in Gaza.

The conflict has inflamed public opinion across the Arab world, creating a hostile environment that extremist groups could seek to exploit, according to security analysts. The humanitarian situation remains a key driver of instability, according to United Nations agencies.

While the UAE is widely regarded as one of the safest countries in the Middle East, a violent incident earlier this year highlighted potential risks.

In March, a UAE court sentenced three people to death for the murder of an Israeli-Moldovan rabbi in November. The crime, while rare, sent shockwaves through the expatriate community and demonstrated that Israeli citizens could be targets even in friendly nations.

Daawo: DF oo Laascaanood ku dhistay ciidan difaaci doona dowlad goboleedka Waqooyi Bari

0

Laascaanood (Caasimada Online) –Hoggaamiyaha dowlad goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdulqaadir Firdhiye ayaa maanta magaalada Laascaanood tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Aqalka Sare ayaa ku sugnaa munaasabadda maanta tababarka loogu soo xiray ciidankaas oo lagu tababaray xero militeriga Soomaaliya uu ku yeeshay duleedka magaalada Laascaanood.

In ciidankaan la dhiso oo lagu diyaariyo Laascaanood waxay qeyb ka aheyd heshiiskii dhismaha dowlad goboleedka cusub ee Waqooyi Bari iyo aqoonsigii KMG ahaa ee SSC Khaatumo.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la go’aamiyey in ay toos u ilaaliyaan dowlad goboleedkaas xuduudda la leh Somaliland oo gooni ogoosad ah iyo Puntland oo ka carootay dhismihiisa.

Sidoo kale, dhismaha ciidanka xoogga qeybtiisa Waqooyi Bari Soomaaliya waxaa barbar socota diyaarinta ciidan Daraawiish ah oo maamulkaas gaar u ah, oo si dardar leh ku socota.

Xalay ayaa la soo gabagabeeyey dhismaha dowlad goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo marxalado adag laga soo maray, iyadoo igu dambeyn la qanciyey beelaha wax ku leh maamulkaas oo beesha Warsangeli ay ugu tabasho badneyd.

Caawa waxaa Laascaanood ka socota xafladda xiritaanka shirweynihii lagu dhisay dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, taas oo loogu mahadcelinayo dadkii ka soo qeyb qaatay guusha laga gaaray dhismaha maamulkaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waqti badan gelisay dhismaha maamulkaas, waana ku guuleysatay, Laascaanood ayaa caawa kadib toos wax ula qeybsa doonta Garoowe, Dhuusamareeb, Jowhar, Baydhaba, Kismaayo iyo Muqdisho.

Hoos ka daawo

Xildhibaan ka carooday arrin ka taagan Gedo oo mooshin ka abaabulaya Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ismaaciil Ciid oo ka tirsan golaha shacabka ayaa baarlamaanka Soomaaliya ka dalbaday in la keeno mooshin xilka looga qaadayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, isagoo sheegay in abaabulka mooshinkaas uu hoggaami doono.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu ka carooday dagaal beeleed ka taagan degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo uu sheegay in xukuumadda ra’iisul wasaare Xamsa ay dhegaha ka fureysatay, isna uu doorbidayo in mooshin uu ka abaabulo.

Hoos ka aqriso qoraalka Xildhibaanka oo dhameystiran:

Waxaan halkaan rabaa in aan umadda Soomaaliyeed si guud ula wadaago dagaal in muddo ah ka aloosnaa degmadda Luuq ee Gobolka Gedo, una dhaxeeyey labo beelood oo deegaanka wada dega oo xalintiisa dadaalo badan ku bixiyey, hase ahaatee ka quustey, kadib markii dowladda federaalka Soomaaliya laga waayay in nabadaynta qayb ka noqdaan, waxaana isoo baxday xukuumada hada joogta inaan dalka iyo dadka u sinayn.

Haddaba anigoo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Barlamaanka 11aad ee kursiga tirsigiisu yahay #hop275, isla markaasna ku metela dhinaca kale ee raadinaayey xal nabadeed, waxaan bulshada Soomaaliyeed si guud ah si gaar ah ugu sheegayaa inaan ka quustey, isla markaasna lumisey kalsoonida bulshada aan siyaasadda ku metalo.

Sidaas darteed, Anigoo fulinaya dareenka dadka aan matalo waxaan mooshin la xisaabtan iyo kalsooni kala noqosho ah ka keenayaa Xukuumada aan dalka iyo deegaanka u sinayn, si dalka u helo xukuumad dadka Sooamaaliyeed midnimadooda ka shaqaysa, una wada adeegta.

Ugu dambeyntii, maadaama Xukuumadda ay ku fashilantay joojinta dagaalada beelaha walaalaha ah, kana leexatey barnaamijkeedii siyaasadeed ee barlamaanku codka kalsoonida ku siiney, waxaan xildhibaanada Golaha Shacabka ugu baaqayaa in si degdeg xukuumadda loo horkeeno Golaha Shacabka lagana keeno Mooshin kalsooni kala noqosho ah.

Xukuumadda Xamza iyo gobolka Banaadir oo ku dhowaad $1 Milyan oo dollar ugu yaboohay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ku yaboohday lacag dhan oo $500,000 oo doolar, taasoo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee ku nool gobolka Awdal, halka maamulka gobolka Banaadir uu ku yaboohay $200,000.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya (SODMA), Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay golaha wasiiradu ku yaboohday lacagtaan.

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa sheegay in Golaha Wasiirada XFS ay tixgeliyeen warbixintii dhawaan ay soo saartay hay’adda SODMA ee ku aadan xaaladdaha bini-aadannimo ee ka taagan Gobolka Awdal.

Wuxuu xusay in lacagtan ay qayb ka noqon doonto dadaallada lagu yareynayo saamaynta abaarta, isla markaana ay gacan weyn ka geysan doonto xaaladaha degdega ah ee ka jira gobolka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay hay’adaha gargaaraka iyo bulshada caalamka inay gacan ka geystaan dadaallada gurmadka ah ee loogaga baahan yahay gaar ahaan gobollada ay abaaruhu ku dhufteen.

Dhinaca kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isna caawa $200,000 ugu deeqay gurmadka abaarta ka taagan gobolka Awdal.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta kulan la qaatay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda ee laga soo doorto gobolka Awdal ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in laba boqol oo kun oo doollar uu ugu yaboohay wax-ka-qabashada abaarta Awdal.

Mas’uuliyiintan ayaa Guddoomiyaha siiyey warbixin ku saabsan xaaladda murugsan ee abaarta ka taagan gobolkaas, iyo qeylo-dhaanta ba’an ee muddooyinkii dambe kasoo yeeraysay waxgaradka iyo siyaasiyiinta Awdal.

“Guddoomiye Dr. Muungaab oo garwaaqsan muhiimadda isu-gurmashada ayaa ku dhawaaqay in Maamulka Gobolka Banaadir uu deeq lacageed oo dhan laba boqol kun oo doollar ($200,000) ku bixinayo sidii looga qayb qaadan lahaa gurmadka degdegga ah ee loo fidinayo walaalaha dhibaateysan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulkiisa iyo shacabka gobolka Banaadir ay diyaar u yihiin garab-istaagga walaalahooda ku sugan Awdal, waxaana uu xusay in deeqda lacageed ee uu yaboohay lagu wareejin doono Hay’adda SODMA si loogu fuliyo gurmadka naf-badbaadin ee looga baaqsanayo in aafadu sii baahdo, oo ay salfato nolosha dad Soomaaliyeed.

Si kastaba, Yaboohan ayaa imanaya iyadoo gobolka Awdal uu ka mid yahay meelaha ay abaartu si ba’an u saameeyeen, taasoo keentay in boqolaal qoys ay waayaan xoolahoodii iyo nolol maalmeedkoodii.

Maxay tahay digniinta lala wadaagay ciidanka Burundi ee ku sugan Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Guutada Ciidanka Burundi ee ku sugan Soomaaliya, G/Sare Oscar Hatungimana, ayaa soo gaba-gabeeyay socdaal shaqo oo uu ku tegay dhammaan saldhigyada Ciidanka Qaybta 5-aad ee qeyb ka ah howl-galka nabad ilaalinta ee AUSSOM.

Ujeeddada socdaalka taliyaha ayaa ahayd in la qiimeeyo xaaladda guud ee hawl-gallada, lana dhiirrigeliyo ciidamada, isla markaana lagu muujiyo taageerada joogtada ah ee Dowladda Burundi u hayso ciidamada BNDF ee ka howl-gala gudaha Soomaaliya.

Intii uu socdaalku socday, G/Sare Hatungimana wuxuu kulammo la yeeshay saraakiil iyo askar ka tirsan saldhigyada uu booqday. Wuxuu si gaar ah u ammaanay dadaalka, adkeysiga iyo xirfadda ay muujiyeen, isagoo la wadaagay digniin amni.

Taliyaha oo dhiirrigelin u muujiyay howl-galka ay wadaan ciidamadan ayaa wuxuu la wadaagay muhiimadda ay leedahay feejignaanta joogtada ah si looga hortago khataraha kooxda Al-Shabaab, isagoo ku baraarujiyay ciidamada in ay sii xoojiyaan heeganka iyo u diyaar garowga hawl-galladooda.

Wuxuu sidoo kale xusay in anshaxa iyo xirfadlaha ciidan uu yahay tiir muhiim u ah adeeg hufan oo loo fidiyo bulshada, wuxuuna carrabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay u hoggaansanaanta xeerarka caalamiga ah ee aadannimada iyo ilaalinta xuquuqda bini’aadamka.

G/Sare Hatungimana wuxuu ku bogaadiyay ciidamada sida ay uga go’an tahay ilaalinta nabadda iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, isagoo muujiyay in ixtiraamku iyo masuuliyaddu ay laf-dhabar u yihiin guusha howl-galka nabad ilaalinta.

Si kastaba, digniintan lala wadaagay ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howl-galka AUSSOM ayaa imanaysa xilli ay kooxda Al-Shabaab kordhisay weerarradeeda, isla markaana ay sameysay soo rogaal celin xooggan.

Jeneraal Diyaano oo muujiyay dareenka reer Puntland ee maamulka Waqooyi Bari

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Aasad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa shacabka iyo waxgaradka ku nool SSC-Khaatumo ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen dhameystirka dhismaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.

Dhismaha maamulkaasi ayaa lagu soo gaba-gabeeyay shir muddooyinkii dambe ka socday magaalada Laascaanood.

Qoraal uu Taliyaha ku daabacay bartiisa Facebook ayuu ku muujiyay taageeradiisa, isagoo yiri: “Waxaan u hambalyeynayaa shacabka iyo waxgaradka SSC dhameystirka dhisidda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.”

Jeneraal Asad Diyaano, oo horey uga mid ahaa musharraxiintii u tartamay xilka madaxweynaha Puntland, ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Puntland ay si weyn ugu riyaaqeen horumarkaasi.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay in madaxda Puntland ay garab istaagaan walaalahooda SSC si loo xaqiijiyo midnimo iyo iskaashi dhab ah.

“Dadwayanaha Puntland waxay ku faraxsanyihiin guushaas, sidoo kale maamulka waxay masuuliyadu faraysaa inay garab istaagaan walaalahooda waxay isku noqonayaan garab iyo gaaashaan,” ayuu yiri Jeneraal Diyaano.

Hoos ka aqriso qoraalka:

Hambalyo Dhamaystirka Dowlad Goboleedka Wuqooyi Bari.

Waxaan u hanbalyeynayaa Shacabka iyo Waxgaradka SSC ee Dhamaystirka Dhisidda Dowlad Goboleedka Wuqooyi Bari.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha dalka Soomaaliya Dadaalkii iyo ka go’naantii ay geliyeen Dhisida Dowlad Goboleedkaas iyo hirgelinta midnimada iyo wadajirka dalka.

Dadwayanaha Puntland waxay ku faraxsanyihiin guushaas, sidoo kale maamulka waxay masuuliyadu faraysaa inay garab istaagaan walaalahooda waxay isku noqonayaan garab iyo gaaashaan.

Waxaan u rajaynayaa Dowlad Goboleedka Cusub guul, sidoo kale guud ahaan Soomaaliya Barwaaqo iyo Baraare.

Mahadsanidin.

Somaliland oo Mareykanka u yaboohday laba shay oo ku rabto aqoonsi iyo jawaabta la siiyey

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland oo sannadkii 1991-kii kaga dhawaaqday madax-bannaanideeda Soomaaliya inteeda kale, ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay Maraykanka u bandhigto saldhig milatari oo ku yaalla meel muhiim u ah Badda Cas iyo heshiisyo dhinaca macdanaha istaraatiijiga ah, taas oo qayb ka ah dadaalkeeda ay ku doonayso in loo aqoonsado dal madax-bannaan.

In kasta oo Maraykanku uu hadda aqoonsan yahay in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliya, haddana madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa olole ka wada Washington si uu taageero uga helo dadaalka gobolka gooni-u-goosadka ah uu ugu jiro aqoonsi — isaga oo qayb ka ah loolan ballaaran oo loogu jiro dareenka Donald Trump, xilli Maraykanku uu Shiinaha kula tartamayo kheyraadka istaraatiijiga ah ee Afrika.

Cirro, oo xukunka gobolkan gooni-u-goosadka ah ee Geeska Afrika qabtay sannadkii 2024, ayaa sheegay in wada-hadallo uu la yeeshay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Difaaca (Department of Defense) ay ujeedadoodu tahay in la gaaro iskaashi cusub oo ku saabsan iskaashiga dhaqaalaha, amniga, iyo la-dagaallanka argagixisada.

“Waxaan ka wada hadalnay hababka iyo waddooyinka aan isaga kaashan karno amniga, ganacsiga, iyo xasilloonida gobolka,” ayuu madaxweynuhu ku yiri wareysi uu siiyey Bloomberg, isaga oo xusay in safiirka Maraykanka ee Soomaaliya uu booqday Somaliland dhowr jeer bilihii la soo dhaafay, halka saraakiil ka tirsan wasaaradda difaacana ay tageen gobolkiisa bishii Diseembar.

Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka kama aysan jawaabin codsiyo loo diray oo la xiriiray arrintan.

Somaliland way ku guul-darraysatay inay hesho aqoonsi caalami ah tan iyo markii ay madax-bannaanida ku dhawaaqday. Laakiin, halka Soomaaliya ay la daalaa-dhacaysay soddon sano oo dagaal sokeeye ah iyo kacdoon mintidiin Islaami ah oo salka ku haya, gobolkan gooni-u-go’ay wuxuu ahaa mid nabdoon inta badan.

Aqoonsiga Somaliland oo ku taalla goob istaraatiiji ah waxay xoojin kartaa saameynta Mareykanka ee gobol muhiimad sii kordheysa leh, halkaas oo fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ee Yemen ay beegsadaan maraakiibta xiriirka la leh Israel, Maraykanka, iyo dalalka kale ee taageersan dagaalka Gaza. Imaaraatka Carabta, oo ah xulufo dhow oo Maraykanka ah, ayaa horay u maamulayay dekedda Berbera ee Somaliland wuxuuna gacanta ku hayaa garoon diyaaradeed oo u dhow oo ay adeegsadaan diyaaradaha milatariga.

Maraykanku wuxuu sidoo kale ku qasbanaan lahaa inuu ka fikiro waxa uu aqoonsiga Somaliland uga dhigan yahay iskaashiga dhinaca amniga ee kala dhexeeya Soomaaliya, halkaas oo uu kaalin weyn ka qaatay caawinta dowladda ee la dagaallanka kooxaha la xiriira Daacish iyo Al-Qaacida. Ku-xigeenka madaxa Taliska Afrika (Africa Command), John Brennan, ayaa sheegay in la dagaallanka kooxaha argagixisada uu yahay “dadaalkooda ugu weyn,” gaar ahaan bariga Afrika.

“Waa halka ay dadkeenna intooda badan joogaan,” ayuu weriyeyaasha u sheegay Isniintii. “Waa maalgashiga ugu weyn ee aan hayno.”

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in kasta oo Safiirka Maraykanka Richard Riley iyo mas’uuliyiin kale ay la kulmeen madaxweynaha iyo saraakiil kale oo Somaliland ah si ay uga wada hadlaan danaha guud ee gobolka Geeska Afrika, haddana Wasaaraddu aysan wada-hadallo toos ah kula jirin wakiillada Somaliland oo ku saabsan heshiis lagu aqoonsanayo Somaliland.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Maraykanku uu aqoonsan yahay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, oo ay Somaliland ka mid tahay, iyadoo ku celisay mowqifka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya.

“Siyaasadda rasmiga ah ee Maraykanka, oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, waa aqoonsiga ‘Hal Soomaali’ oo taageeraysa madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya oo ah hal dawlad oo aan la kala qaybin karin,” ayuu yiri wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, oo Talaadadii khadka taleefanka ugu warramay Bloomberg.

Cirro wuxuu sheegay in inkastoo aqoonsiga dawladnimo uu weli yahay yool, haddana waddada lagu gaari karo ay ugu horreyn ku xiran tahay la falgalka beesha caalamka ee dhinacyada amniga, ganacsiga, la-dagaallanka argagixisada, burcad-badeedda, iyo tahriibka sharci-darrada ah.

“Haddii Maraykanku uu danaynayo inuu yimaado Somaliland, si weyn ayaa loogu soo dhoweynayaa,” ayuu yiri Cirro, isagoo intaa ku daray inuu diyaar u yahay inuu Maraykanka u bandhigo heshiis macdanta muhiimka ah sida lithium-ka.

Somaliland hadda ma soo saarto lithium, inkastoo ay horay shati u siisay shirkadda fadhigeedu yahay Sacuudi Carabiya ee Kilomass Co. si ay u sahamiso kaydka macdantaas, sida ay warbaahinta Somaliland Chronicle baahisay Juun 2024.

Gobolku wuxuu sidoo kale leeyahay kaydka macdanta daasadda, dhagxaan qaali ah iyo macdano warshadeed oo ay ku jiraan gypsum, agabka sibidhka iyo dahabka, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday African Mining bishii Juun 2023.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay inuu filayo inuu booqasho ku tago Maraykanka, isla markaana in heshiisyada cusub ee loo bandhigayo Washington aysan “shuruud ku xirnayn” in Trump uu si rasmi ah u aqoonsado gobolka gooni-u-go’ay.

Mar la weydiiyay suurtagalnimada saldhig milatari oo Maraykanku ka samaysto Somaliland, wuxuu yiri: “Weli waxaan ka wada xaajoonaynaa arrimo. Waxaan rajaynaynaa in wada-hadalkaas uu miro-dhalo mustaqbalka.”

Marka laga hadlayo xiriirka Soomaaliya, Cirro wuxuu cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay isku dayo ay dhowaan Muqdisho ku doonaysay inay maamul barbar-socda ka dhisto gudaha Somaliland.

“Soomaaliya ma wada hadli karto mana la yeelan karto wada-xaajood Somaliland iyadoo goynaysa qaybo ka mid ah Somaliland oo samaynaysa maamul gooni ah,” ayuu yiri. “Waxaan nahay qaran nabadda jecel, laakiin Somaliland waxay awood u leedahay inay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda.”

Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa la’aan ah

0

Jakarta (Caasimada Online) – Dowladdaha Soomaaliya iyo Indonesia ayaa maanta heshiis visa-la’aan ah ku kala saxiixday baasaboorada diblomaasiga iyo kan shaqaalaha dowladda.

Saxiixa heshiiskan ayaa dhacay kadib kulan rasmi ah oo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Indonesia ku dhex-maray magaalada Jakarta ee dalkaasi.

Kulanka waxaa lagu xoojiyay xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, beeraha, caafimaadka, kalluumaysiga, iyo arrimaha badda.

Indonesia waxay ballan-qaaday taageero farsamo iyo deeqo waxbarasho, iyadoo Soomaaliya lagu dhiirrigeliyay ka qeybgalka barnaamijyada KNB, Darmasiswa iyo TIAS.

Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay doorkooda dhexdhexaadnimo iyo wada-shaqeynta ay la leeyihiin Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), iyagoo ku boorrinaya iskaashi dheeraad ah oo ku saleysan qiyamka Islaamka.

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore ansixiyey in dalalka Soomaaliya iyo Indonesia ay iska dhaafaan shuruudaha dal-ku galka dadka sita Baasaboorrada diblomaasiga iyo shaqada.

Waa tallaabo cusub oo lagu fududeynayo arrimaha socdaalka ee labada dal ee Soomaaliya iyo Indonesia. Ujeeddada heshiiskan waa in la xoojiyo xiriirka diblumaasiyadeed, la dardargeliyo iskaashiga labada dal iyo in la fududeeyo socdaalka rasmiga ah ee shaqaalaha dowladda iyo diblumaasiyiinta.

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay arrinta Gedo, kuna dhawaaqay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii toddobaadlaha uga hadlay xaaladda ka taagan gobolka Gedo, oo si weyn isku hayaan maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe.

Golaha ayaa ugu horeyn ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka, masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, si looga hortago khasaaraha gaari lahaa shacabka degmada Balad-Xaawo.

Sidoo kale, golaha ayaa ku ammaanay qeybaha kala duwan ee bulshada garab istaagga ay u muujiyeen dowladnimada iyo ka shaqeynta nabadda gobolka Gedo, iyagoo shaaciyay in hadda ay shaqeynayaan xaruumihii dowladda ee bixin jiray adeegyadda.

Golaha Wasiirrada ayaa tilmaamay in dowladda federaalka ah ay mudnaanta siineyso dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, hadafkeeduna uu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen nabad, xasillooni iyo adeeg dowladeed oo dhammaystiran.

Golaha ayaa tilmaamay in cid kasta oo ka shaqeynaysa daganaansho la’aanna ay carqaladeynayso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah.

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa sidoo kale waxaa lagu ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Dhijitaalka Nidaamka Maareynta Maaliyadda, iyo Xisaab-xirka sanadeedkii 2024.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowladda la wareegeen gacan ku haynta magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo oo maalmihii dambe uu dagaal xooggan ku dhexmaray ciidamada taabacsan Axmed Madoobe iyo kuwa uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan, Taliyaha NISA ee Jubbaland.

Ciidamadan ayaa hadda gacanta ku haya xaruntii degmada, saldhigga booliska iyo xarumo kale oo muhiim ah, kuwaas oo haatan dowladda federaalka sheegtay in ay diyaar ku yihiin adeegyadii dowliga ahaa.

Sister of ISIS-Somalia leader sentenced in the United States

SAN DIEGO, United States – A Somali woman, whose brother is a high-ranking leader in the extremist group ISIS-Somalia, has been sentenced for asylum fraud in the United States after a counter-terrorism investigation uncovered her familial ties, the Justice Department announced.

Sowda Ahmed Mohamud, 27, was sentenced in a San Diego federal court after pleading guilty to making false statements on immigration documents and in testimony. She will be deported from the United States.

Her case was unraveled by an FBI-led Joint Terrorism Task Force (JTTF) after she illegally crossed the US-Mexico border in March 2024 and was flagged by a government database as a potential match for an individual with suspected terrorism-related activities.

According to prosecutors, Sowda’s attempts to deceive immigration authorities by hiding relatives in the US inadvertently led investigators to her brother, Mohamed Ahmed Qahiye, a key figure in ISIS-Somalia responsible for fundraising and weapons procurement for the terror group.

Uncovering terrorism ties

The investigation into Sowda began after US Border Patrol agents near San Diego arrested her. In her asylum application and sworn testimony, she falsely claimed she had never applied for legal status in any other country and intentionally concealed the fact that she had a sister living in the United States.

It was the identification of this sister that enabled agents to discover her connection to Qahiye, who was placed on the US Treasury’s Specially Designated Nationals (SDN) and Blocked Persons list in November 2022 for his role in supporting ISIS-Somalia.

ISIS-Somalia is a relatively small but persistent splinter group of the larger al-Shabaab insurgency, primarily based in the mountainous regions of Somalia’s semi-autonomous Puntland state. It is led by Sheikh Abdulqadir Mumin, an extremist ideologue who pledged allegiance to the Islamic State in 2015.

According to the US Treasury’s Office of Foreign Assets Control (OFAC), Qahiye and Mumin met with Iranian nationals in early 2020 who paid over $10,000 to the group’s leadership. Separately, the two leaders sought to procure a major arms shipment from Yemen that included rocket-propelled grenade launchers and Russian-designed machine guns.

From border crossing to removal

After a year-long investigation, the evidence gathered by the JTTF was used to dismiss Sowda’s asylum claim with prejudice, meaning she is permanently barred from seeking that protection in the US.

In her plea agreement, she admitted to lying about her prior attempts to gain lawful status in the United Kingdom, Brazil, and the United States.

Sowda, who was held in immigration custody for 15 months, was sentenced to 48 days already served and will be removed from the country.

“The prosecution of Mohamud for asylum fraud also represents our commitment to ensuring that individuals who might pose a threat to our national security due to their family ties to foreign terrorist organizations are swiftly removed from the United States,” said US Attorney Adam Gordon in a statement.

Special Agent in Charge Mark Dargis of the FBI’s San Diego office added that the case “demonstrates the FBI’s unwavering commitment to rooting out anyone with potential ties to known foreign terrorist organizations intent on harming the United States.”

The case highlights the intense scrutiny applied to asylum seekers at the US border and the use of multi-agency task forces to investigate potential security threats concealed within fraudulent immigration claims.

C/Weli Gaas oo Puntland u diray farriin culus oo la xiriirta maamulka Woqooyi Bari

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamul-goboleedka Puntland, haatana ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Suudaanta Koonfureed, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo bayaan soo saaray ayaa ka fal-celiyay dhismaha maamul-goboleedka cusub ee Waqooyi Bari ee xalay looga dhowaaqay magaalada Laascaanood, kaas oo ay ku mideysan yihiin gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Cabdiweli Gaas ayaa marka hore hambalyo u diray dadka deegaanka, isaga oo sidoo kale maamulka cusub u rajeeyay mid ka shaqeeya danaha dalka, dadka iyo diinta.

“Hambalyo Dowlad-goboleedka cusub ee Waqooyo Bari Soomaaliya waxaan rajeynayaa inuu noqdo kii u adeegga danta dalka, dadka iyo diinta” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Intaasi kadib Gaas ayaa farriin culus u diray Puntland, wuxuuna ugu baaqay in aysan shareysan maamulka cusub, balse ay soo dhaweysato, si ay u wada shaqeeyaan.

“Dowladda Puntland waxaan ka rajaynayaa in aysan sharaysan maamulka cusub ee ay soo dhawayso; waxa idinka dhexeeya baa ka wayn waxa yar ee aad isku haysaan.” ayuu raaciyay.

Maamulkan cusub ee Waqooyi Bari oo xalay lagu dhowaaqay ayaa beddelaya maamulkii ku-meelgaarka ahaa ee SSC-Khaatumo, kaas oo hoggaaminayay ololihii militari iyo siyaasadeed ee lagu qabtay magaalada.

Abuuritaanka maamulkan cusub waa natiijo toos ah oo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay oo ka qaraxday magaalada Laascaanood, oo ah xarunta gobolka Sool, dabayaaqadii 2022. Dibadbaxyo looga soo horjeeday dilal is-daba-joog ah oo loo geystay shakhsiyaad deegaanka caan ka ahaa ayaa isku beddelay halgan hubeysan oo ballaaran bishii Febraayo 2023, kaas oo dhex maray ciidamada ammaanka ee Somaliland iyo ciidamadii cusbaa ee SSC-Khaatumo.

Si kastaba ha’ahaatee, Aas-aaska maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya ayaa looga gol leeyahay in lagu rasmiyeeyo heerkiisa Dowlad-Goboleed ka tirsan Federaalka, isagoo si toos ah ula shaqaynaya dawladda dhexe ee Muqdisho, isla markaana caqabad ku noqonaya sheegashada dhuleed ee derisyadiisa awoodda leh ee Somaliland iyo Puntland.

DF Soomaaliya oo qorshe culus ku dhowaaqday kadib qabsashadii Beledxaawo

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgal culus ka fulisay degmada Beledxaawo, ugu dambeyna la wareegtay ayaa haatan ku dhowaaqay qorshe culus oo xasilin ah, iyadoo farriin u dirtay shacabkii isaga barakacay degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Beledxaawo ee garabka dowladda Shire Keynaan oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta degmada ayaa ka hadlay xaaladda guud, wuxuuna ugu horreyn ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday magaalada, gaar ahaan waxyeelada loo gaystay shacabka.

Shire Keynaan ayaa bulshada degmada ugu baaqay inay kusoo laabtaan guryahooda, isaga oo xusay in adeegyada dowladnimada ay dib u bilowdeen sidoo kalena la fasaxay korontada, biyaha iyo isgaarsiinta magaalada oo horay loo jaray, intii ay socdeen dagaallada.

“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada degmada Beledxaawo waxaan idin-kaga tacsiyeynayaa dhibkii idin-ku dhacay ee barakac lahaa, burburka lahaa, dhimashada lahaa, go’doonka lahaa, runtii aad iyo aad ayaan uga xumahay, mana mudeyn. Hadda wax kasta dib ayaa la’idin kuugu fasaxay ee soo laabta” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Haddda wixii ka dambeeyo waxaan sii wadi doonaa shaqooyinka aad nagu taqaaneen ee hormarka ahaa ma idin cunaqabateyn doono, laakiin waxaan idin-ka dhayi doonaan dhibkii la’idin gaystay, kusoo laabta magaalada guryihiina, waa nabad Beledxaawo”.

Dhanka kale, waxa uu dalab culus u diray ragga la safan Axmed Madoobe ee magaalada laga saara, isaga oo ugu baaqay inay kusoo laabtaan deegaankooda, ayna la shaqeeyaan dowladooda.

“Ragga saaxibadeenna ah waxaan leeyahay soo laabta dowladnimada ayaa idin baahan gobolka ayaa idin baahan wiilasheenna ayaa tihiin” ayuu mar kale yiri Shire Keynaan.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo shalay galab ciidamada dowladda ay dagaal kula wareegeen guud ahaan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo dagaallo culus ay ka socdeen muddo toddobaad ah.

Ciidamadii taabacsanaa Jubbaland dhinaca ay u jabeen ayaa sidoo kale warar kala duwan ay ka soo baxayaan, waxayna wararkii u dambeeyey sheegayaan inay ka talaabeen xuduud beenaadka xiga Kenya.

Wasiir FIQI oo shaaciyay arrin uu soo afjarayo maamulka cusub ee Waqooyi Bari

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay dhismaha dowlad-goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo beddalay maamulkii KMG ahaa ee SSC-Khaatumo, isaga oo sheegay inuu maamulka uu cusub uu soo afjarayo rajadii Somaliland ee gooni-goosadka.

Ugu horreyn Fiqi ayaa hambalayo iyo bogaadin u diray dadka deegaanka ee ku heshiiyay inay dhistaan maamulka cusub, wuxuuna qiray in laga maray dhib badan, balse ugu dambeyn lagu guuleystay in dowlad-goboleed ay yeeshaan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maamulka Waqooyi Bari uu noqonayo maamul macno iyo maamuus gaar ah u leh Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu soo yareynayo rajadii gooni-goosadka, sida uu hadalka u dhigay.

“Hambalyo Dawlad Goboleedka Waqooyi- Bari Soomaaliya. Waa maamul dhismihiisa loo maray dhib badan, waana maamul macno iyo maamuus gaar u leh dadka iyo Dawladda Soomaaliya isu hayntooda. Ma ahan maamul gacmo iyo garab shisheeye ku yimid ama uu qeyb ka ahaa. Waa maamul bilay midnimada dalka soona yareeyey rajadii gooni-goosadka” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Waxaa kale oo uu u rajeeyay maamulka cusub inuu horseedi doono midnimo iyo horumar way oo ay ku tallaabsadaan dadka deegaanka ee ku dhaqan saddexdaas gobol.

“Waxaan u rajaynyaa dadka reer Waqooyi-Bari in maamulkani u horseedo midnimo, horumar iyo badhaadhe” ayuu sii raaciyay Axmed Macallin Fiqi.

Abuuritaanka maamulkan cusub waa natiijo toos ah oo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay oo ka qaraxday magaalada Laascaanood, oo ah xarunta gobolka Sool, dabayaaqadii 2022. Dibadbaxyo looga soo horjeeday dilal is-daba-joog ah oo loo geystay shakhsiyaad deegaanka caan ka ahaa ayaa isku beddelay halgan hubeysan oo ballaaran bishii Febraayo 2023, kaas oo dhex maray ciidamada ammaanka ee Somaliland iyo ciidamadii cusbaa ee SSC-Khaatumo.

Si kastaba ha’ahaatee, Aas-aaska maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya ayaa looga gol leeyahay in lagu rasmiyeeyo heerkiisa Dowlad-Goboleed ka tirsan Federaalka, isagoo si toos ah ula shaqaynaya dawladda dhexe ee Muqdisho, isla markaana caqabad ku noqonaya sheegashada dhuleed ee derisyadiisa awoodda leh ee Somaliland iyo Puntland.

Mareykanka oo soo tarxiilaya gabar Soomaali ah oo la soo ogaaday in ay la dhalatay…

San Diego (Caasimada Online) – Haweeney Soomaali ah, oo walaalkeed uu yahay hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish-Soomaaliya, ayaa dalka Maraykanka loogu xukumay dambi la xiriira been abuur dhanka magangalyo-doonka ah, kadib markii baaritaan la-dagaallan argagixiso uu daaha ka rogay xiriirka qoysnimo ee ay la leedahay, sida ay ku dhawaaqday Wasaaradda Cadaaladda.

Sowda Axmed Maxamuud, oo 27 jir ah, ayaa lagu xukumay maxkamad federaal ah oo ku taalla magaalada San Diego kadib markii ay qiratay inay bixisay warbixinno been abuur ah oo ku saabsan dokumentiyada socdaalka iyo marag furkeeda. Waxaa laga tarxiili doonaa Mareykanka.

Kiiskeeda waxaa daaha ka rogay Guddiga Wadajirka ah ee La-dagaallanka Argagixisada (JTTF) ee ay hoggaamiso hay’adda FBI-da, kadib markii ay si sharci-darro ah uga soo gudubtay xuduudda Maraykanka iyo Mexico bishii Maarso 2024, waxaana keydka xogta ee dowladda uu muujiyay inay u dhigmi karto qof looga shakisan yahay falal la xiriira argagixisanimo.

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha, isku daygii Sowda ee ahaa inay marin-habaabiso mas’uuliyiinta socdaalka iyadoo qarinaysa qaraabadeeda ku nool Maraykanka ayaa si aan ku talagal ahayn ugu horseeday baarayaasha walaalkeed, Maxamed Axmed Qaahiye, oo ah shakhsi muhiim u ah Daacish-Soomaaliya, kana mas’uul ah lacag uruurinta iyo hub u soo iibinta kooxda argagixisada ah.

Kashifaadda xiriirka argagixisanimo

Baaritaanka lagu hayay Sowda ayaa billowday kadib markii ay xireen ciidamada Ilaalada Xuduudaha Maraykanka meel u dhow San Diego. Codsigeeda magangalyada iyo marag furkeedii dhaarta ahaa, waxay si been abuur ah ku sheegtay inaysan waligeed sharci ka dalban waddan kale, waxayna si ula kac ah u qarisay walaasheed oo ku nool dalka Maraykanka.

Aqoonsiga walaashan ayaa u sahashay sirdoonka inay ogaadaan xiriirka ay la leedahay Qaahiye, kaasoo Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ay ku dartay Liiska Dadka Gaarka ah ee La Bartilmaameedsaday (SDN) iyo kuwa la xayiray bishii Nofeembar 2022, sababo la xiriira doorkii uu ku lahaa taageeridda Daacish-Soomaaliya.

Daacish-Soomaaliya waa garab yar laakiin joogto ah oo ka go’ay kooxda weyn ee fallaagada Al-Shabaab, wuxuuna saldhigiisu yahay inta badan deegaannada buuraleyda ah ee maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Waxaa hoggaamiya Sheekh Cabdulqaadir Muumin, oo ah hoggaamiye fikir xagjir ah oo bayco la galay Dawladda Islaamka sannadkii 2015.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Kontoroolka Hantida Shisheeye (OFAC) ee Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka, Qaahiye iyo Muumin waxay horraantii 2020 la kulmeen shakhsiyaad u dhashay Iiraan oo siiyay hoggaanka kooxda lacag ka badan $10,000. Sidoo kale, labada hoggaamiye waxay raadinayeen inay ka helaan Yemen shixnad hub ah oo weyn oo ay ku jiraan gantaalaha garbaha laga tuuro (RPG) iyo qoryaha darandooriga u dhaca ee naqshaddoodu tahay Ruushka.

Ka soo gudbidda xadka illaa tarxiilka

Kadib baaritaan socday muddo sannad ah, caddaymihii ay soo ururiyeen Guddiga JTTF ayaa loo adeegsaday in lagu laalo codsigii magangalyo ee Sowda si aan dib looga noqon karin, taasoo ka dhigan in si joogto ah looga mamnuucay inay magangalyadaas ka raadsato Maraykanka.

Heshiiskeeda qirashada dambiga, waxay ku qiratay inay been ka sheegtay isku daygeedii hore ee ay ku doonaysay inay sharci kaga hesho dalalka Boqortooyada Midowday (UK), Brazil, iyo Maraykanka. Sowda, oo ku xirnayd xarun socdaal muddo 15 bilood ah, waxaa lagu xukumay 48 maalmood oo ay horey u xirnayd, waxaana laga saari doonaa dalka.

“Dacwadda lagu soo oogay Sowda ee ku saabsan been abuurka magangalyada waxay sidoo kale muujinaysaa sida ay noga go’an tahay inaan hubinno in shakhsiyaadka khatarta ku keeni kara amnigeenna qaranka, sababo la xiriira xiriirka qoysnimo ee ay la leeyihiin ururada argagixisada ee shisheeye, si degdeg ah looga saaro Maraykanka,” ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha Maraykanka Adam Gordon oo hadal soo saaray.

Sarkaalka Gaarka ah ee Mas’uulka ka ah Xafiiska FBI-da ee San Diego, Mark Dargis, ayaa intaa ku daray in kiiskani “uu muujinayo sida ay FBI-da uga go’an tahay ciribtirka qof kasta oo xiriir la yeelan kara ururada argagixisada shisheeye ee la yaqaan ee damacsan inay waxyeelleeyaan Maraykanka.”

Kiiskani wuxuu iftiiminayaa baaritaanka adag ee lagu sameeyo magangalyo-doonka xuduudda Maraykanka iyo sida loo adeegsado guddi-hawleedyada ka kooban hay’ado kala duwan si loo baaro khataraha amni ee imaan kara ee ku dhex qarsoon codsiyada socdaalka ee ku dhisan been abuurka.