26.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Mareykanka oo soo tarxiilaya gabar Soomaali ah oo la soo ogaaday in ay la dhalatay…

San Diego (Caasimada Online) – Haweeney Soomaali ah, oo walaalkeed uu yahay hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish-Soomaaliya, ayaa dalka Maraykanka loogu xukumay dambi la xiriira been abuur dhanka magangalyo-doonka ah, kadib markii baaritaan la-dagaallan argagixiso uu daaha ka rogay xiriirka qoysnimo ee ay la leedahay, sida ay ku dhawaaqday Wasaaradda Cadaaladda.

Sowda Axmed Maxamuud, oo 27 jir ah, ayaa lagu xukumay maxkamad federaal ah oo ku taalla magaalada San Diego kadib markii ay qiratay inay bixisay warbixinno been abuur ah oo ku saabsan dokumentiyada socdaalka iyo marag furkeeda. Waxaa laga tarxiili doonaa Mareykanka.

Kiiskeeda waxaa daaha ka rogay Guddiga Wadajirka ah ee La-dagaallanka Argagixisada (JTTF) ee ay hoggaamiso hay’adda FBI-da, kadib markii ay si sharci-darro ah uga soo gudubtay xuduudda Maraykanka iyo Mexico bishii Maarso 2024, waxaana keydka xogta ee dowladda uu muujiyay inay u dhigmi karto qof looga shakisan yahay falal la xiriira argagixisanimo.

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha, isku daygii Sowda ee ahaa inay marin-habaabiso mas’uuliyiinta socdaalka iyadoo qarinaysa qaraabadeeda ku nool Maraykanka ayaa si aan ku talagal ahayn ugu horseeday baarayaasha walaalkeed, Maxamed Axmed Qaahiye, oo ah shakhsi muhiim u ah Daacish-Soomaaliya, kana mas’uul ah lacag uruurinta iyo hub u soo iibinta kooxda argagixisada ah.

Kashifaadda xiriirka argagixisanimo

Baaritaanka lagu hayay Sowda ayaa billowday kadib markii ay xireen ciidamada Ilaalada Xuduudaha Maraykanka meel u dhow San Diego. Codsigeeda magangalyada iyo marag furkeedii dhaarta ahaa, waxay si been abuur ah ku sheegtay inaysan waligeed sharci ka dalban waddan kale, waxayna si ula kac ah u qarisay walaasheed oo ku nool dalka Maraykanka.

Aqoonsiga walaashan ayaa u sahashay sirdoonka inay ogaadaan xiriirka ay la leedahay Qaahiye, kaasoo Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ay ku dartay Liiska Dadka Gaarka ah ee La Bartilmaameedsaday (SDN) iyo kuwa la xayiray bishii Nofeembar 2022, sababo la xiriira doorkii uu ku lahaa taageeridda Daacish-Soomaaliya.

Daacish-Soomaaliya waa garab yar laakiin joogto ah oo ka go’ay kooxda weyn ee fallaagada Al-Shabaab, wuxuuna saldhigiisu yahay inta badan deegaannada buuraleyda ah ee maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Waxaa hoggaamiya Sheekh Cabdulqaadir Muumin, oo ah hoggaamiye fikir xagjir ah oo bayco la galay Dawladda Islaamka sannadkii 2015.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Kontoroolka Hantida Shisheeye (OFAC) ee Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka, Qaahiye iyo Muumin waxay horraantii 2020 la kulmeen shakhsiyaad u dhashay Iiraan oo siiyay hoggaanka kooxda lacag ka badan $10,000. Sidoo kale, labada hoggaamiye waxay raadinayeen inay ka helaan Yemen shixnad hub ah oo weyn oo ay ku jiraan gantaalaha garbaha laga tuuro (RPG) iyo qoryaha darandooriga u dhaca ee naqshaddoodu tahay Ruushka.

Ka soo gudbidda xadka illaa tarxiilka

Kadib baaritaan socday muddo sannad ah, caddaymihii ay soo ururiyeen Guddiga JTTF ayaa loo adeegsaday in lagu laalo codsigii magangalyo ee Sowda si aan dib looga noqon karin, taasoo ka dhigan in si joogto ah looga mamnuucay inay magangalyadaas ka raadsato Maraykanka.

Heshiiskeeda qirashada dambiga, waxay ku qiratay inay been ka sheegtay isku daygeedii hore ee ay ku doonaysay inay sharci kaga hesho dalalka Boqortooyada Midowday (UK), Brazil, iyo Maraykanka. Sowda, oo ku xirnayd xarun socdaal muddo 15 bilood ah, waxaa lagu xukumay 48 maalmood oo ay horey u xirnayd, waxaana laga saari doonaa dalka.

“Dacwadda lagu soo oogay Sowda ee ku saabsan been abuurka magangalyada waxay sidoo kale muujinaysaa sida ay noga go’an tahay inaan hubinno in shakhsiyaadka khatarta ku keeni kara amnigeenna qaranka, sababo la xiriira xiriirka qoysnimo ee ay la leeyihiin ururada argagixisada ee shisheeye, si degdeg ah looga saaro Maraykanka,” ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha Maraykanka Adam Gordon oo hadal soo saaray.

Sarkaalka Gaarka ah ee Mas’uulka ka ah Xafiiska FBI-da ee San Diego, Mark Dargis, ayaa intaa ku daray in kiiskani “uu muujinayo sida ay FBI-da uga go’an tahay ciribtirka qof kasta oo xiriir la yeelan kara ururada argagixisada shisheeye ee la yaqaan ee damacsan inay waxyeelleeyaan Maraykanka.”

Kiiskani wuxuu iftiiminayaa baaritaanka adag ee lagu sameeyo magangalyo-doonka xuduudda Maraykanka iyo sida loo adeegsado guddi-hawleedyada ka kooban hay’ado kala duwan si loo baaro khataraha amni ee imaan kara ee ku dhex qarsoon codsiyada socdaalka ee ku dhisan been abuurka.

Xog: Sababta iyo fadeexadda keentay in uu madaxweyne Xasan eryo Xuseen Macallin

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Macallin, ayaa lagu qasbay inuu ka tago xilkiisii awoodda badnaa, taasoo timid ka dib loollan siyaasadeed oo heersare ah oo bilooyin soo jiitamayay, fadeexad la xiriirta gargaar militari oo Mareykanku bixiyay oo la lunsaday, iyo is-khilaaf ku saabsan isbahaysiga arrimaha dibedda, sida ay sheegeen ilo wareedyo la hadlay Caasimada Online.

Xil ka tagistiisan oo dhacday 25-kii Luulyo, ayaa soo bandhigtay dildilaac weyn oo ka dhex jira maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilli xasaasi ah oo uu ku jiro dagaalka muddada dheer lala galay kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Inkastoo Xuseen uu is-casilaaddiisii si rasmi ah u gudbiyay toddobaadyo ka hor, haddana ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia, ayaa tilmaamaya in aakhirki lagu cadaadiyay inuu xilka ka dego. Xil ka qaadistiisa waxaa loo aanaynayaa dhibaatooyin is-biirsaday oo go’doomiyay isla markaana ka dhigay jagadiisa mid aan sii socon karin, oo ay ku jirto in eedda dusha looga saaray fashil militari iyo muranno siyaasadeed.

Fadeexadda gargaar la lunsaday

Khilaafka ayaa la sheegay inuu sii xoogeystay horraantii 2024-kii, kaddib markii ay soo baxday fadeexad ku saabsan lunsashada gargaar uu Mareykanku siin jiray Guutada Danab, oo ah ciidan khaas ah oo Kumaandoos ah oo uu Mareykanku tababaray si ay u hoggaamiyaan hawlgallada la-dagaallanka argagixisada.

Baaritaan ay hoggaaminayeen Mareykanku bishii Abriil 2024, ayaa lagu ogaaday in la lunsaday raashin gargaar ah iyo agab kale oo loogu talagalay ciidanka Danab. Sida ay sheegeen ilo-wareedyada Caasimada Online, saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliyeyaal sare oo militari ayaa ku eedeeyay xafiiska Xuseen Macallin inuu ku guuldarreystay inuu si ku filan uga jawaabo eedeymahaas.

Qaar ka mid ah saraakiisha amniga ayaa intaas ka sii gudbay, iyagoo ku eedeeyay xafiiskiisa inuu ku lug lahaa, waxayna sheegeen inuu ka warqabay tuugada balse uu ka gaabiyay inuu wax ka qabto.

Dhacdadani waxay dhaawacday kalsoonidii, waxayna abuurtay kala fogaansho weyn oo dhexmaray Xuseen Macallin iyo shakhsiyaad muhiim ah oo ka tirsan hay’adaha amniga Soomaaliya, kuwaasoo si weyn ugu tiirsan taageerada caalamiga ah ee ay ka helaan dalalka saaxiibada la ah sida Mareykanka iyo Turkiga.

Khilaafka istiraatiijiyadda milatari

Saameynta Xuseen Macallin waxaa sii wiiqay is-khilaaf ba’an oo ku saabsanaa istiraatiijiyadda militari iyo siyaasadda arrimaha dibedda, gaar ahaan midda ku aaddan Jubaland, oo ah dowlad-goboleed ka tirsan dowladda federaalka oo ku taalla koonfurta Soomaaliya.

Waxaa la sheegay inuu kula taliyay dowladda inaan la qaadin hawlgal militari oo ka dhan ah maamulka madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, isagoo ka cabsi qabay inay taasi abuurto kala qeybsanaan ka dhex dhalata Ciidanka Xoogga Dalka.

Talooyinkiisii waa la iska indha tiray, markii uu fashilmay duullaankii lagu qaaday deegaanka Raas Kaambooni, ayaa la sheegay in xafiiskiisa dusha laga saaray eedda ah inuusan soo bandhigin qorshe amni oo hirgeli kara.

Go’doomintiisa ayaa sii xoogeysatay xilli ay socdeen wada-xaajoodyo siyaasadeed oo xasaasi ah. Waxaa la soo tebiyay in Xuseen Macallin laga reebay wada-hadallo heer sare ah oo ku saabsanaa in ciidamo Masaari ah la keeno Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka noqon lahaa hawlgalka cusub ee Midowga Afrika (AUSSOM).

Tallaabadan ayaa timid xilli ay Soomaaliya xoojisay xiriirka ay la leedahay Masar iyo Turkiga, taasoo jawaab u ahayd heshiis dekedeed oo muran dhaliyay oo dhexmaray Itoobiya iyo gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, heshiiskaas oo Muqdisho ay u aragto mid lagu xadgudbayo madax-bannaanideeda.

Isagoo ku dhex jira loollanka garabyo iska soo horjeeda oo ka tirsan kooxda Madaxweynaha u dhow, ayaa Xuseen Macallin si dhab ah loo cidleeyay, iyadoo la sheegay in shaqooyinkiisii lagu wareejiyay Agaasimaha Madaxtooyada.

Markab la leexiyay iyo buug xog-kashif ah

Ka dib bilooyin uu ku jiray “go’doon xirfadeed,” Xuseen Macallin wuxuu is-casilaaddiisii gudbiyay horraantii bishii Maajo 2025. Hase yeeshee, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dib u dhigay aqbalaaddeeda isagoo raadinayay beddelkiisa.

Xaaladdu waxay isbeddeshay 20-kii Luulyo, 2025. Waxaa maalin kahor la soo sheegay in markab siday hub loogu talagalay TURKSOM, oo ah saldhigga weyn ee tababarka militariga Turkiga ee Muqdisho, loo weeciyay dhinaca dowlad-goboleedka Puntland, waxaana madaxtooyadu ay go’aansatay inay aqbasho is-casilaaddii Xuseen Macallin ee horay u taallay.

Ilo-wareedyo lagu soo xigtay warbixinta ayaa sheegaya in Villa Somalia ay Xuseen Macallin ku eedeysay inuu bixiyay xogtan xasaasiga ah ee daaha ka rogan, ayna u adeegsatay marmarsiiyo kama dambeys ah oo xilka looga qaaday.

Waxaa cadaadiska sii kordhiyay warar sheegaya in Xuseen Macallin uu qoray buug dhowaan soo bixi doona oo faahfaahinaya sida ay u shaqeeyaan hay’adaha amniga Soomaaliya, xiriirka ay la leeyihiin saaxiibbada caalamka, iyo go’aan qaadashada Villa Somalia. Qoraalka buugga ayaa la sheegay inuu walaac weyn ku abuuray madaxtooyada, iyadoo laga cabsi qabo in la kashifo xog xasaasi ah oo dawladda ku saabsan.

Xuseen Macallin, oo hore ula soo shaqeeyay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, wuxuu lahaa taariikh isku-dhafan, isagoo mar lala xiriiriyay ururka Al-Shabaab ka hor inta uusan ka tanaasulin fikirka xagjirnimada.

Xil ka tagistiisu waxay abuuraysaa firaaq muhiim ah oo ku yimid hoggaanka amniga Soomaaliya, xilli ay dowladdu waddo weerarradeeda ka dhanka ah Al-Shabaab ayna wajahayso siyaasad goboleed oo cakiran. Loollanka awoodda ee lagu buuxinayo booskiisa ayaa la filayaa inuu noqdo mid aad u adag oo dhexmara xulafada madaxweynaha.

Maxay DF Soomaaliya ka tiri dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa looga hadlay dhismaha maamul-goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya ee xalay looga dhowaaqay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasaaradda arrimaha gudaha oo faah-faahin ka bixisay gabagabeynta shirweynihii xalay lagu soo xiray magaalada Laascaanood ee lagu dhisay maamulka cusub ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray shacabka ku dhaqan saddexda gobol ee loo dhisay maamulkaasi.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn u bogaadisay dadaallada nabadeed, wadatashiga iyo midnimada bulshada deegaannad SSC ee horseeday guusha wayn” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, wasaaradda arrimaha ayaa intaasi kusii dartay in maalmaha soo socda la guda geli doono wejiga saddexaad ee geeddi socodka dhammeystirka, iyada oo diiradda la saari doono dhismaha hay’adda koowaad oo ah baarlamaanka cusub, kadibna la aadi doono qabashada doorashada madaxweynaha cusub iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka.

Ergooyinkii ku shiray magaalada Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay maamul-goboleed cusub oo la magac baxay ‘Waqooyi-Bari Soomaaliya’, soo si rasmi uga mid noqonaya dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Shirweynaha lagu ansixinayay dastuurka, ayaa 417 ergo oo matalayay beelaha deegaanka waxa ay si aqlabiyad buuxda ah ku ansixiyeen dastuur iyo calan cusub oo uu yeelanayo maamulka, kaas oo ka talin doona gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn.

Maamulkan cusub ayaa beddelaya maamulkii ku-meelgaarka ahaa ee SSC-Khaatumo, kaas oo hoggaaminayay ololihii militari iyo siyaasadeed ee lagu qabtay magaalada.

Aas-aaska maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya ayaa looga gol leeyahay in lagu rasmiyeeyo heerkiisa Dowlad-Goboleed ka tirsan Federaalka, isagoo si toos ah ula shaqaynaya dawladda dhexe ee magaalada Muqdisho, isla markaana caqabad ku noqonaya sheegashada dhuleed ee derisyadiisa awoodda leh ee Somaliland iyo Puntland.

 

Maraykanka oo kordhiyey abaalmarinta la siinayo qofkii keena xogta Sacad bin Caatif

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si weyn u kordhisay abaalmarinta lacageed ee la siinayo ciddii keenta xog horseedda qabashada hoggaamiyaha ururka Al-Qaacida ee Jasiiradda Carabta (AQAP), tallaabo muujinaysa ahmiyad cusub oo la saarayo burburinta hoggaanka ururkan, kaas oo ay u aragto mid ka mid ah laamaha ugu halista badan ee shabakadda caalamiga ah.

Barnaamijka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Abaalmarinta Caddaaladda (Rewards for Justice – RFJ) ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in hadda la bixinayo ilaa $10 milyan oo doollar ciddii keenta macluumaad ku saabsan halka uu ku sugan yahay ama aqoonsigiisa Sacad bin Caatif al-Cawlaqi, oo ah amiirka kooxda mintidiinta ah ee fadhigeedu yahay Yemen. Lacagtan ayaa ah koror la taaban karo marka loo eego tii hore oo ahayd $6 milyan oo doollar.

Bayaan uu soo saaray, barnaamijku wuxuu sidoo kale xaqiijiyay abaalmarinno weli taagan oo loo ballanqaaday laba sarkaal oo kale oo sare oo ka tirsan AQAP: ilaa $5 milyan oo doollar oo la siinayo ciddii keenta xogta Ibraahim Al-Bannaa, iyo ilaa $4 milyan oo la siinayo ciddii keenta xogta Ibraahim Axmed Maxmuud al-Qoosii, kuwaas oo labadoodaba lagu tilmaamay inay yihiin kaaliyeyaal muhiim u ah al-Cawlaqi.

“Al-Cawlaqi wuxuu si fagaare ah ugu baaqay in la weeraro Mareykanka iyo xulafadiisa,” ayay Wasaaradda Arrimaha Dibeddu ku sheegtay bayaankeeda, iyadoo hoosta ka xarriiqday khatarta uu ninkani ka dhigan yahay.

Beegsiga hoggaanka cusub ee AQAP

Sacad al-Cawlaqi ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha AQAP bishii Maarso 2023, kaddib dhimashadii hoggaamiyihii isaga ka horreeyay ee Khaalid al-Badarfi. Intii uusan la wareegin talada guud, al-Cawlaqi wuxuu soo noqday amiirka kooxda ee gobolka istiraatiijiga ah ee Shabwa ee koonfurta Yemen, wuxuuna muddo dheer xubin ka ahaa golaha sare ee hoggaanka AQAP.

Xil-qabashadiisu waxay astaan u ahayd isbeddel jiil oo ka dhex dhacay kooxda, saraakiisha la-dagaallanka argagixisaduna waxay si dhow ula socdeen muddada uu xilka hayo. Kordhinta laxaadka leh ee abaalmarinta ayaa ka tarjumaysa qiimaynta Washington ee ku aaddan doorkiisa udub-dhexaadka ah ee hagidda ururka iyo qorshayntiisa hawlgallada ka dhanka ah danaha reer Galbeedka.

Ururka Al-Qaacida ee Jasiiradda Carabta waxaa la aasaasay sannadkii 2009 kaddib markii ay midoobeen laamihii Al-Qaacida ee Yemen iyo Sacuudiga. Mareykanka iyo xulafadiisu waxay u arkaan ururkan mid ah khatar joogto ah oo awood leh, sababtoo ah awoodiisa sarsare ee farsamaynta bambooyinka iyo taariikhdiisa ku aaddan hagidda iyo dhiirigelinta weerarro ka baxsan xuduudaha Yemen.

Kooxdu waxay sheegatay mas’uuliyadda dhowr weerar oo caan baxay, oo ay ku jiraan isku-daygii “qarxiyihii nigiska” ee sannadkii 2009 ee lagu doonayay in lagu qarxiyo diyaarad rakaab ah oo ku sii jeeday Mareykanka oo dul maraysay magaalada Detroit, iyo weerarkii 2015 ee lagu qaaday xafiisyada wargeyska Charlie Hebdo ee magaalada Baariis.

Isagoo ka hawlgala saldhig ku yaal Yemen, ururka AQAP wuxuu ka faa’iidaystay fowdada ka dhalatay dagaalka sokeeye ee muddada dheer ka socday dalkaas si uu u qorto, u tababaro, una maleego weerarro. Colaadda, oo u dhaxaysa dawladda caalamku aqoonsan yahay iyo fallaagada Xuutiyiinta ee Iiraan taageerto, ayaa abuurtay goobo ballaaran oo aan dowlad ka talin, halkaas oo ay ku xoogeysteen kooxaha mintidiinta ah sida AQAP iyo Daacish (Islamic State).

Kaaliyeyaal sidoo kale bartilmaameed ah

Abaalmarinta Mareykanka ayaa sidoo kale bartilmaameedsanaysa laba ka mid ah kaaliyeyaasha saamaynta leh ee al-Cawlaqi, taas oo muujinaysa istiraatiijiyad looga gol leeyahay in lagu carqaladeeyo dhammaan qaab-dhismeedka taliska kooxda.

Ibraahim Al-Bannaa, oo u dhashay Masar laguna naanayso Abu Ayman al-Masri, waa xubin aasaasi ah oo ka tirsan AQAP wuxuuna soo qabtay jagooyin kala duwan oo sare, oo ay ku jirto madaxa amniga ee kooxda. Barnaamijka Abaalmarinta ee Caddaaladda wuxuu ku tilmaamayaa inuu yahay jihaadi ruug-caddaa ah oo xiriir la leh hoggaanka dhexe ee Al-Qaacida tobannaan sano.

Waxaase kasii xusid mudan kiiska Ibraahim Axmed Maxmuud al-Qoosii. Al-Qoosii, oo u dhashay Suudaan, ayaa lagu qabtay Afgaanistaan sannadkii 2001 wuxuuna in ka badan toban sano maxbuus ku ahaa saldhigga ciidamada badda ee Mareykanka ee Guantanamo Bay, Cuba. Waxaa loo wareejiyay Suudaan sannadkii 2012 kaddib markii uu maxkamad militari ku hor qirtay inuu bixiyay taageero maaddi ah oo la xiriirta argagixisannimo.

Hase yeeshee, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo dowladda Mareykanka, al-Qoosii wuxuu markii dambe jabiyay shuruudihii lagu celiyay, wuxuuna u safray Yemen si uu ugu biiro Al-Qaacida sannadkii 2014, isagoo aakhirkii ka dhex gaaray darajooyin sare. Safarkiisa ee uu kaga soo laabtay xabsi Mareykanku leeyahay kuna biiray mar kale goobta dagaalka ayaa muujinaya caqabad weyn oo dhinaca la-dagaallanka argagixisada ah.

Barnaamijka Abaalmarinta ee Caddaaladda, oo la aasaasay sannadkii 1984, waa qalab muhiim ah oo Mareykanku u isticmaalo diblomaasiyadda iyo fulinta sharciga. Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, waxaa barnaamijkani bixiyay in ka badan $250 milyan oo doollar oo la siiyay in ka badan 125 qof oo daafaha dunida ah, kuwaas oo keenay xog wax-ku-ool ah oo gacan ka geysatay ka hortagga falal argagixiso ama in argagixisada la hor keeno sharciga.

 

Afwerki: UAE fuels Somalia chaos for ‘port empire’ dream

ASMARA, Eritrea – Eritrea’s President Isaias Afwerki has launched an extraordinary verbal assault on the United Arab Emirates, accusing the Gulf powerhouse of deliberately stoking conflict in Somalia and Sudan as part of an “elusive dream” to build a maritime “empire of ports” across the Horn of Africa and the Red Sea.

In a remarkably candid interview published by Eritrea’s Ministry of Information, the long-serving leader questioned the motives behind Abu Dhabi’s aggressive foreign policy. “The big question arises: Why the UAE? This is particularly worrying for us now. Why would the UAE do this? One cannot comprehend it.”

The direct and detailed allegations signal a stark deterioration in relations between the two former allies, who once cooperated closely during the Yemen war, with the UAE using Eritrea’s Assab port as a key military base.

Afwerki portrayed the UAE as the central antagonist in multiple regional crises. “People often point fingers at the UAE, claiming they are behind all these mayhem. This is not a matter that needs proof,” he stated, adding that the web of interference was vast. “One can invoke not only what is happening in Libya but also what is being done through Chad, the Central African Republic, and Kordofan.”

An ’empire of ports’

At the heart of Afwerki’s critique is what he describes as a UAE-led ambition to control a vast network of ports, thereby dominating regional trade and security.

“If someone… is contemplating controlling the Suez Canal… controlling Jeddah, Port Sudan, Hodeidah, Djibouti, Assab, Aden, Berbera, Mogadishu, Mombasa, Lamu, and reaching as far as Dar es Salaam… how can one find a rational explanation for this ambition?” he asked.

He argued this expansionist policy dismisses local sovereignty, questioning the premise of UAE-led development projects. “They claim to ‘develop ports’ but are these no-man’s land? Are there no governments? Are there no people there who wish to develop their own investments, industries, and infrastructure?”

Afwerki also accused the UAE of using its immense wealth for “influence peddling,” alleging that humanitarian or environmental concerns were a smokescreen for political maneuvering.

“Billions of dollars are spent on issues like ‘climate change’ to fund political parties here and there,” he claimed. “There is no end to the billions that governments in this region receive from the UAE.”

Somalia and Sudan  

The Eritrean president, who has led the Horn of Africa nation since its 1993 independence, singled out several active conflicts where he sees the UAE’s hand.

In Sudan, he lamented that “unnecessary external interference has taken the matter out of the hands of the Sudanese.” His claims align with reports from a United Nations panel of experts that presented credible evidence of the UAE supplying weapons to the paramilitary Rapid Support Forces (RSF).

Regarding Somalia, Afwerki directly questioned the UAE’s motives, asking, “What is the purpose of the interventions in Somalia? Why are they singling out and propagating the Somaliland issue?”

 This is a pointed reference to the controversial port access deal between Ethiopia and the breakaway region of Somaliland, which Somalia’s government considers a violation of its sovereignty. The UAE is a major investor in Somaliland’s Berbera port.

He further alleged that weapons were flowing into Ethiopia, another regional heavyweight facing internal and external pressures. “The drones that have recently been landing in Addis Ababa, Debre Zeyit, and Bahir Dar—where did they come from? Who is bringing them?” he asked rhetorically. “The weapons that are being unloaded daily from huge transport planes are not hidden. What is the purpose?”

An ‘agent for others’

In his most explosive claim, Afwerki alleged the UAE was not an independent actor but a proxy for foreign powers. “I would say that all these missteps do not truly represent, in any conceivable way, the UAE. The UAE is acting as an agent of others. This is extremely worrying.”

He explicitly linked these actions to Israeli interests, stating, “The ultimate aim seems to create a conducive environment for Israeli control in the region.”

Visibly dismayed, Afwerki contrasted the UAE’s current actions with the legacy of its founder, Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan.

“I first met Sheikh Zayed in 1972, 53 years ago, when the UAE was first established… He was an honorable man; a truly great Statesman,” he recalled. “For a country founded by such a noble man to be embroiled in such acts: Why? It remains unacceptable by all standards.”

The UAE has not yet publicly responded to the wide-ranging allegations. Abu Dhabi has consistently framed its foreign policy and investments, particularly through port operator DP World, as partnerships aimed at fostering economic development and regional stability. 

Inside the sacking of Somalia’s national security advisor

MOGADISHU, Somalia – Somalia’s National Security Advisor, Hussein Macalin, has been forced from his powerful post, the culmination of months of high-stakes political infighting, a scandal over stolen US military aid, and disagreements over foreign alliances, according to Caasimada Online sources.

The departure on July 25 reveals deep fractures within the administration of President Hassan Sheikh Mohamud at a critical time in its prolonged war against the Al-Shabaab extremist group.

While Macalin formally submitted his resignation weeks ago, sources inside the presidential palace, known as Villa Somalia, indicate he was ultimately pressured to leave. His ouster is attributed to a confluence of crises that sidelined him and made his position untenable, including being scapegoated for military failures and policy disputes.

A scandal over US aid

The friction reportedly began escalating in early 2024 with a scandal involving the disappearance of US aid intended for the Danab Brigade, an elite Somali commando force trained and equipped by the United States to lead counter-terrorism operations.

An American-led investigation in April 2024 uncovered that food aid and other supplies for the Danab forces had been misappropriated. According to Caasimada Online sources, officials at the Ministry of Defence and senior military leaders blamed Macalin’s office for failing to address the allegations adequately. Some security officials went further, accusing his office of complicity, claiming he was aware of the theft but failed to act.

This incident damaged trust and created a significant rift between Macalin and key figures in Somalia’s security apparatus, which relies heavily on international support from partners like the United States and Turkey.

Infighting over military strategy 

Macalin’s influence was further eroded by sharp disagreements over military strategy and foreign policy, particularly concerning Jubaland, a federal member state in southern Somalia. He reportedly advised against a planned government military operation against the administration of Jubaland’s president, Ahmed Madobe, fearing it would sow division within the Somali National Army.

His advice was ignored, and when the offensive in the Raaskambooni region failed, his office was allegedly blamed for not providing a viable security plan.

His marginalization intensified amid sensitive geopolitical negotiations. Macalin was reportedly excluded from high-level discussions about deploying Egyptian troops to Somalia as part of the new African Union mission (AUSSOM).

This move came as Somalia strengthened ties with Egypt and Turkey in response to a controversial port access deal between Ethiopia and the breakaway region of Somaliland, a deal Mogadishu views as a violation of its sovereignty.

Caught between competing factions within the president’s inner circle, Macalin was effectively sidelined, with his duties reportedly transferred to the President’s Chief of Staff.

A diverted ship and a tell-all book

After months of “professional isolation,” Macalin tendered his resignation as early as May 2025. However, President Mohamud delayed accepting it while searching for a successor.

The situation came to a head on July 20, 2025. On the same night, it was reported that a ship carrying arms for TURKSOM, Turkey’s vast military training base in Mogadishu, had been diverted to the semi-autonomous Puntland state, and the presidency moved to accept Macalin’s pending resignation.

Sources cited in the report claim Villa Somalia blamed Macalin for the leak of this sensitive information, using it as a final justification for his removal.

Adding to the pressure, Macalin is said to have authored a forthcoming book detailing the inner workings of Somalia’s security apparatus, its relationship with international partners, and decision-making within Villa Somalia. The manuscript has reportedly caused significant concern within the presidency over potential revelations of sensitive state information.

Hussein Macalin, who previously served as an advisor to former President Sharif Sheikh Ahmed, had a complex history, having once been associated with the precursor to Al-Shabaab before renouncing extremism.

His departure leaves a critical vacuum in Somalia’s security leadership as the government continues its offensive against Al-Shabaab and navigates turbulent regional politics. The ensuing power struggle to fill his role is expected to be intense among the president’s allies.

New ‘North-East Somalia’ state formed in Las Anod

Las Anod, Somalia – Delegates in the northern city of Las Anod on Wednesday formally established a new autonomous state named ‘North-East Somalia,’ a move aimed at creating a new federal member state and reshaping the volatile political map of the Horn of Africa nation.

The declaration solidifies a new political reality on the ground, coming nearly a year after local clan-based forces expelled troops from the self-declared republic of Somaliland, which had controlled the city for over 15 years.

In a constitutional convention, 417 delegates representing local clans unanimously approved a new constitution and a flag for the administration, which will govern the Sool, Sanaag, and Cayn regions. The new entity replaces the interim SSC-Khaatumo administration, which led the military and political campaign that secured the city.

“This is a great and historic result,” organizers of the convention announced after the vote, which was conducted by a show of hands.

The newly adopted flag features blue and green horizontal stripes with a white triangle on the hoist, bearing the emblem of a horse. The emblem pays homage to the famous steed of Sayid Mohammed Abdullah Hassan, a revered early 20th-century anti-colonial leader who is a national hero, particularly among the local Dhulbahante clan that spearheaded the new state’s formation.

The establishment of North-East Somalia aims to formalize its status as a Federal Member State, aligning it directly with the central government in Mogadishu and challenging the territorial claims of its powerful neighbors, Somaliland and Puntland.

A state born from conflict

The creation of the new administration is a direct consequence of a bloody conflict that erupted in Las Anod, the capital of the Sool region, in late 2022. Protests against a series of assassinations of local figures escalated into a full-scale armed struggle in February 2023 between Somaliland security forces and the newly formed SSC-Khaatumo forces.

After months of heavy fighting that displaced tens of thousands of people, SSC-Khaatumo forces, primarily drawn from the Dhulbahante clan, successfully pushed Somaliland troops out of Las Anod in August 2023, establishing complete control.

The conflict stemmed from long-standing local grievances against Somaliland’s administration and a desire for self-determination under the Somali federal system.

Somaliland, which declared independence from Somalia in 1991 but is not internationally recognized, continues to claim the Sool and Sanaag regions based on the colonial-era borders of the former British Somaliland protectorate.

To the east, the Puntland federal member state also asserts a claim over the territory based on kinship ties, as the Dhulbahante and Warsangeli clans are part of the Harti clan confederation dominant in Puntland. The new North-East Somalia state carves out a third path, rejecting the authority of both.

Lingering disputes and next steps

Despite the celebratory mood in Las Anod, officials involved in the process acknowledged that significant challenges remain.

“There are still disputes over power-sharing that need to be resolved,” one official involved in the administration’s formation told local media, speaking on condition of anonymity.

He noted that the Warsangeli clan, which predominantly inhabits the northern Sanaag region, still has unresolved grievances regarding its role and representation in the new state.

Such internal divisions could complicate the administration’s efforts to consolidate its authority across both regions. Political agreements may need to be revisited to address any formal opposition to the new constitution or structure.

With the constitution now approved, the administration’s immediate priority is to establish formal government institutions, including a parliament (legislative council) and a cabinet (executive council).

The formation of North-East Somalia introduces a new and assertive actor into one of Somalia’s most complex and long-standing territorial disputes. Its success will depend on its ability to manage internal clan dynamics, secure its territory, and navigate the intricate politics of federal Somalia, all while under the watchful eyes of its spurned neighbors.

US hikes bounty for Al-Qaeda Yemen leader to $10M

Washington, United States – The United States has significantly increased the financial reward for information leading to the capture of the leader of Al-Qaeda in the Arabian Peninsula (AQAP), signaling a renewed focus on dismantling the leadership of what it considers one of the global network’s most dangerous branches.

The State Department’s Rewards for Justice (RFJ) program announced Wednesday it is now offering up to $10 million for information on the location or identity of Saad bin Atef al-Awlaki, the emir of the Yemen-based militant group. The bounty represents a substantial increase from the previous offer of $6 million.

In a statement, the program also confirmed standing rewards for two other senior AQAP figures: up to $5 million for Ibrahim Al-Banna and up to $4 million for Ibrahim Ahmed Mahmoud al-Qosi, both described as key aides to al-Awlaki.

“Al-Awlaki has publicly called for attacks against the United States and its allies,” the State Department noted in its announcement, underscoring the perceived threat he poses.

Targeting AQAP’s new leadership

Saad al-Awlaki was named the leader of AQAP in March 2023, following the death of his predecessor, Khalid al-Batarfi. Before assuming overall command, al-Awlaki served as the group’s emir for the strategic Shabwah governorate in southern Yemen and had long been a member of AQAP’s senior leadership council.

His ascent marked a generational shift within the group, and counter-terrorism officials have closely watched his tenure. The significant increase in the bounty reflects Washington’s assessment of his central role in steering the organization and its operational planning against Western interests.

Al-Qaeda in the Arabian Peninsula was formed in 2009 by the merger of al-Qaeda’s Yemeni and Saudi branches. The U.S. and its allies view it as a persistent and potent threat due to its sophisticated bomb-making capabilities and its history of directing and inspiring attacks far beyond Yemen’s borders.

The group has claimed responsibility for several high-profile plots, including the 2009 “underwear bomber” attempt to blow up a U.S.-bound passenger jet over Detroit and the 2015 attack on the Charlie Hebdo magazine offices in Paris.

Operating from a base in Yemen, AQAP has exploited the chaos of the country’s long-running civil war to recruit, train, and plot. The conflict, which pits the internationally recognized government against Iran-backed Houthi rebels, has created vast ungoverned spaces where militant groups like AQAP and the Islamic State have thrived.

Key lieutenants also in crosshairs

The U.S. bounty offers also target two of al-Awlaki’s influential lieutenants, highlighting a strategy aimed at disrupting the group’s entire command structure.

Ibrahim Al-Banna, an Egyptian national also known as Abu Ayman al-Masri, is a founding member of AQAP and has served in various senior roles, including as the group’s security chief. The Rewards for Justice program describes him as a veteran jihadist with ties to al-Qaeda’s core leadership dating back decades.

More notable is the case of Ibrahim Ahmed Mahmoud al-Qosi. A Sudanese national, al-Qosi, was captured in Afghanistan in 2001 and spent over a decade as a detainee at the U.S. naval base in Guantanamo Bay, Cuba. He was transferred to Sudan in 2012 after pleading guilty in a military commission to providing material support for terrorism.

However, according to the United Nations and the U.S. government, al-Qosi subsequently violated the terms of his repatriation and traveled to Yemen to rejoin al-Qaeda in 2014, eventually rising through its ranks. His journey from a U.S. detention facility back to the battlefield represents a significant counter-terrorism challenge.

The Rewards for Justice program, established in 1984, is a key U.S. diplomatic and law enforcement tool. According to the State Department, it has paid over $250 million to more than 125 people across the globe who provided actionable intelligence that helped prevent terrorist acts or bring terrorists to justice.

Sawirro: Maamul beddelay SSC oo looga dhowaaqay Laascaanood + Magaca cusub

Laascaanood (Caasimada Online) – Ergooyinka ku shiraya magaalada Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay maamul-goboleed cusub oo la magac baxay ‘Waqooyi-Bari Soomaaliya’, soo si rasmi uga mid noqonaya dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Shirweyne lagu ansixinayay dastuurka, ayaa 417 ergo oo matalayay beelaha deegaanka waxa ay si aqlabiyad buuxda ah ku ansixiyeen dastuur iyo calan cusub oo uu yeelanayo maamulka, kaas oo ka talin doona gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn. Maamulkan cusub ayaa beddelaya maamulkii ku-meelgaarka ahaa ee SSC-Khaatumo, kaas oo hoggaaminayay ololihii militari iyo siyaasadeed ee lagu qabtay magaalada.

“Tani waa guul weyn oo taariikhi ah,” ayay ku dhawaaqeen qabanqaabiyeyaasha shirweynuhu codbixinta kaddib, taas oo u dhacday qaab gacan-taag ah.

Calanka cusub ee la ansixiyay wuxuu ka kooban yahay laba xariijin oo siman oo midabyo cagaar iyo buluug ah leh, iyo saddexagal cad oo ku yaal dhinaca bidix, kaas oo ay ku dhex taal astaanta faras. Astaantan ayaa lagu maamuusayaa faraskii caanka ahaa ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, oo ahaa halgamaa weyn oo gumaysi-diid ahaa horraantii qarnigii 20-aad, isla markaana ah halyey qaran, gaar ahaan ay aad u qaddariyaan beesha Dhulbahante ee hormuudka ka ahayd dhismaha maamulkan cusub.

Aas-aaska maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya ayaa looga gol leeyahay in lagu rasmiyeeyo heerkiisa Dowlad-Goboleed ka tirsan Federaalka, isagoo si toos ah ula shaqaynaya dawladda dhexe ee Muqdisho, isla markaana caqabad ku noqonaya sheegashada dhuleed ee derisyadiisa awoodda leh ee Somaliland iyo Puntland.

Dowlad ka dhalatay iska caabin

Abuuritaanka maamulkan cusub waa natiijo toos ah oo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay oo ka qaraxday magaalada Laascaanood, oo ah xarunta gobolka Sool, dabayaaqadii 2022. Dibadbaxyo looga soo horjeeday dilal is-daba-joog ah oo loo geystay shakhsiyaad deegaanka caan ka ahaa ayaa isku beddelay halgan hubeysan oo ballaaran bishii Febraayo 2023, kaas oo dhex maray ciidamada ammaanka ee Somaliland iyo ciidamadii cusbaa ee SSC-Khaatumo.

Dagaallo culus oo bilo socday, oo barakiciyay tobanaan kun oo qof kaddib, ciidamada SSC-Khaatumo, oo u badnaa beesha Dhulbahante, ayaa ku guuleystay inay gebi ahaanba ciidamada Somaliland ka saaraan Laascaanood bishii Ogosto 2023, ayna si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta magaalada.

Colaaddu waxay salka ku haysay tabashooyin muddo dheer ay dadka deegaanku ka qabeen maamulka Somaliland iyo rabitaan ah in ay helaan aayo-ka-tashi hoos yimaada nidaamka federaalka Soomaaliya.

Somaliland, oo sannadkii 1991-kii kaga dhawaaqday madax-bannaani Soomaaliya inteeda kale laakiin aan helin aqoonsi caalami ah, ayaa weli sheegata gobollada Sool iyo Sanaag iyadoo cuskanaysa xuduudihii xilligii gumeysiga ee Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland (British Somaliland).

Bariga, waxaa iyana dhulkaas sheegata dowlad-goboleedka Puntland oo cuskaneysa isir-wadaag, maadaama beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli ay ka tirsan yihiin beel-weynta Harti ee aqlabiyadda ka ah Puntland. Maamulka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya ayaa jeexaya waddo saddexaad, isagoo diidaya awoodda labada dhinacba.

Khilaafyo weli taagan oo xal u baahan

Inkastoo ay jirtay damaashaad iyo rayn-rayn ka muuqatay Laascaanood, mas’uuliyiinta ku lugta leh geeddi-socodka ayaa qiray in ay jiraan caqabado waaweyn oo weli horyaalla.

“Weli waxaa jira khilaafyo la xiriira awood-qaybsiga oo u baahan in la xalliyo,” ayuu sarkaal ka tirsan dhismaha maamulka u sheegay warbaahinta maxalliga ah, isagoo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

Wuxuu xusay in beesha Warsangeli, oo u badan deegaannada waqooyiga ee gobolka Sanaag, ay weli qabto tabashooyin aan la xallin oo ku saabsan doorkeeda iyo matalaaddeeda maamulka cusub. Kala qaybsanaanta noocan ah ee gudaha ah ayaa adkayn karta dadaallada maamulka ee uu ku doonayo inuu awooddiisa ku fidiyo labada gobolba. Waxaa laga yaabaa in heshiisyadii siyaasadeed dib loogu noqdo si wax looga qabto mucaarad kasta oo rasmi ah oo ka yimaada dastuurka ama qaab-dhismeedka cusub.

Maadaama hadda dastuurka la meel mariyay, arrinta degdegga ah ee maamulka u taalla waa in la dhiso hay’adaha rasmiga ah ee dawladda, oo ay ku jiraan baarlamaan (gole sharci-dejin ah) iyo golaha wasiirrada (gole fulin).

Aas-aaska maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya ayaa fagaaraha siyaasadda ku soo kordhinaya jilaa cusub oo miisaan leh, kaas oo ka qayb qaadanaya mid ka mid ah murannada dhuleed ee ugu adag uguna faca weyn Soomaaliya.

Guushiisu waxay ku xirnaan doontaa awoodda uu u yeesho maaraynta loollanka beelaha ee gudaha, sugidda amniga deegaannadiisa, iyo sida uu ugu dabbaasho siyaasadda cakiran ee federaalka Soomaaliya, iyadoo ay si dhow ula socdaan derisyadiisa ay loollanka kala dhexeeyaan. 

Hoos ka eeg sawirrada hoolka shirweynaha ee Laascaanood 

Somali Federal forces seize key border town from Jubaland

Beled Hawo (Caasimada Online) – Somali government forces on Wednesday seized control of the strategic town of Beled Hawo on the Kenyan border after a week of heavy fighting, ousting troops loyal to the regional state of Jubaland in a major escalation of a long-simmering political dispute.

Forces loyal to the federal government in Mogadishu launched a final, decisive assault on Wednesday afternoon, overwhelming Jubaland security forces who subsequently retreated across the border into the neighboring Kenyan town of Mandera.

The capture marks a significant victory for the central government in its struggle to assert authority over the semi-autonomous Jubaland state.

Local reports indicated the battle for the town lasted several hours. “The fighting was heavy, but the federal forces eventually overpowered the Jubaland troops,” a local elder told reporters by phone on condition of anonymity.

The federal offensive was reportedly launched from strategic positions around the town, including a military camp on the outskirts, which had been reinforced with federal troops in recent days.

The federal operation was spearheaded by Abdirashid Hassan Abdinur, better known as Abdirashid Janan, a controversial figure whose presence adds a complex layer to the conflict. Janan, the Gedo region’s intelligence chief, was formerly the security minister for Jubaland—the very administration his forces have now ousted from Beled Hawo.

In 2019, Janan was arrested by federal authorities in Mogadishu and accused by human rights groups of overseeing forces responsible for serious abuses. However, he staged a dramatic escape from government custody in January 2020 and fled to Kenya. His re-emergence at the head of a federal-aligned militia highlights the fluid and often personal nature of political alliances in Somalia.

Following the capture of the town, forces led by Janan released video footage showing them in control of key administrative buildings, including the district headquarters and the central police station.

Gedo: The epicenter of a political power struggle

The battle for Beled Hawo is the latest flashpoint in a protracted power struggle over the Gedo region between Somalia’s Federal Government (FGS) and the Jubaland administration, led by President Ahmed Madobe, a key political rival of the central government.

Gedo is constitutionally part of Jubaland, but the federal government has been actively working to bring the region under its direct control, a move seen by Jubaland and other federal states as an unconstitutional power grab aimed at centralizing authority in Mogadishu. This dispute has frequently led to armed confrontations and has been a significant obstacle to holding stable regional and national elections.

Beled Hawo, situated in a strategic corner of the Horn of Africa where Somalia, Kenya, and Ethiopia meet, is a vital economic hub and a crucial security asset. Control over the town and its border crossings is essential for trade, revenue, and military positioning.

An uneasy calm has returned to Beled Hawo, but the situation remains tense. Jubaland previously vowed it would not relinquish control of the town’s security.

There are fears that the conflict could spill further across the border. Reports from the region suggest the defeated Jubaland forces are regrouping in Mandera, Kenya, raising the possibility of a counter-attack.

“The Jubaland forces have withdrawn to Kenya, but they may try to launch a counter-attack,” a security analyst in Mogadishu said. “This situation is far from over and risks drawing Kenya deeper into Somalia’s internal political disputes.”

The international community, including the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), has repeatedly called for a de-escalation of tensions in Gedo, urging dialogue between federal and state leaders to resolve their political differences peacefully. However, the latest developments suggest the dispute is increasingly being settled on the battlefield.

Somaliland offers US base, mineral deals in recognition bid

Hargaisa (Caasimada Online) – In a bold push for international legitimacy, Somaliland—a self-declared republic in the Horn of Africa—is extending a hand to the United States, offering access to a strategic military base near the Red Sea and potential deals for untapped critical minerals.

The proposal is part of a broader effort by President Abdirahman Mohamed Abdullahi, who took office in 2024, to secure formal recognition from Washington by presenting Somaliland as a stable and democratic partner in a fragile region.

The move comes amid growing global competition between the United States and China for influence and resources across Africa. While the U.S. still officially recognizes Somalia’s sovereignty over the territory, Somaliland’s leadership argues that its decades-long track record of peace and democratic governance—especially in contrast to Somalia’s continued struggles with conflict and insurgency—deserves a fresh look.

Somaliland’s geography is one of its greatest assets. With a coastline stretching along the Gulf of Aden, it sits at the mouth of the Bab al-Mandab Strait—a key shipping lane increasingly threatened by Iran-backed Houthi attacks from neighboring Yemen, especially amid the ongoing conflict in Gaza.

A potential U.S. military base at the port of Berbera could boost American maritime security in the region. The UAE, a U.S. ally, already operates the Berbera port and maintains control over a nearby airstrip currently used for military flights.

In a recent interview, President Abdullahi shared that discussions with the U.S. Embassy in Somalia and the Department of Defense are progressing, focusing on areas such as economic development, regional security, and counter-terrorism.

“We talked about ways to collaborate on security, trade, and stability,” he said, pointing to multiple visits by the U.S. ambassador and defense officials to Somaliland in recent months.

Diplomatic realities

Despite these conversations, the U.S. State Department maintains that it is not in “active discussions” regarding official recognition of Somaliland. Ambassador Richard Riley has met with Somaliland officials, acknowledging mutual regional interests.

However, Washington continues to uphold the “One Somalia” policy—backing the sovereignty and territorial integrity of Somalia as recognized by the international community.

This stance was reinforced by Somalia’s State Minister for Foreign Affairs, Ali Mohamed Omar, who reaffirmed Mogadishu’s opposition to any parallel engagement that undermines national unity.

Alongside its strategic location, Somaliland is highlighting its largely unexplored mineral wealth. While the region is not yet a producer of lithium, President Abdullahi said the country is open to future deals with the U.S. for access to critical minerals.

Exploration licenses have already been issued, and surveys point to the presence of tin, gemstones, gypsum, cement components, and gold—resources that align with broader U.S. efforts to diversify supply chains away from strategic competitors.

Once a British protectorate, Somaliland declared independence in 1991 after Somalia’s central government collapsed. It has since held regular elections and built functional institutions, yet continues to lack formal international recognition.

Its relative stability contrasts sharply with Somalia, where federal authorities remain locked in a long fight against Al-Shabaab militants and, to a lesser extent, Islamic State affiliates.

The U.S. remains a key partner in Somalia’s counter-terrorism strategy, with AFRICOM deputy commander John Brennan recently describing it as the Pentagon’s “main effort in East Africa.

President Abdullahi emphasized that recognition remains the ultimate goal—but the path there, he says, lies through meaningful engagement with the international community. That includes cooperation on shared security concerns, anti-piracy operations, and managing irregular migration flows.

He also reiterated Somaliland’s openness to hosting a U.S. military presence: “If the U.S. is interested in coming to Somaliland, they are most welcome.”

Looking ahead, the president is expected to visit the United States to continue advocating for Somaliland’s case. He clarified that while the new offers to Washington are not contingent on immediate recognition—potentially even under a future Trump administration—he remains hopeful. “We look forward to these discussions bearing fruit in the near future, he said.

The recognition campaign has further strained ties with Mogadishu. Abdullahi accused Somalia of trying to undermine Somaliland’s autonomy by forming alternative administrations within its territory.

“You cannot talk peace and then divide Somaliland at the same time, he said. “We are a peace-loving nation, but we are also ready to defend our land and our people.”

Why Mogadishu needs governance by consent, not by control

Before anyone talks about elections in Mogadishu, there are two essential questions that must be answered clearly:

First, who is responsible for establishing the administration of Banadir Region?

Is it the people of Mogadishu who will be allowed to form their own local government, or is it the federal government that will appoint one at will?

If the residents of Mogadishu are sidelined in building the administration that will govern them, then there can be no legitimacy, no genuine representation, and certainly no trust in the leadership imposed upon them.

Second, is there a functioning legal framework in place before discussing elections?

Has a constitution been drafted for the new administration? Have its powers, responsibilities, and structure been defined? How will elections be held?

To hold elections without first defining the system that governs them is to invite chaos. It’s a recipe for confusion, conflict, and long-term instability.

The reason these questions matter is because the process currently unfolding is neither transparent nor fair. It’s being handled by a private company, not the government. This company has been handed a task that belongs to public institutions, with no public oversight, no transparency, and no accountability.

So far, what we are seeing is a troubling pattern. People are being registered for an election they do not fully understand. The registration system is so weak that it cannot detect duplicate entries. Videos on social media already show individuals registering multiple times without the system flagging it. Worse, there are credible concerns that people who do not even live in Mogadishu are being brought in to vote for certain candidates.

How can anyone trust a system where someone can register five times? What kind of election is this?

If these two foundational questions, who builds the administration and what is the legal framework, are not addressed with honesty and clarity, then Banadir Region will fall into the hands of individuals who do not represent the people who actually live there. We could end up with a governor from elsewhere, while Mogadishu residents watch from the sidelines, powerless in the city they call home.

The company running the election process seems to have one goal, remove control from the people of Mogadishu and hand it over to outside actors who serve private interests. This is not about democracy. It’s not about good governance. It’s about engineering a system where power stays out of the hands of locals.

This is a dangerous path.

Mogadishu needs leadership chosen by its own residents, not appointed by distant decision-makers or installed through flawed private contracts. It needs a constitution that clearly defines the roles and powers of local government. It needs transparency, accountability, and a system of checks and balances that ensures the people’s will is respected.

Without these, any so-called election held in Mogadishu will be a sham, a manufactured event designed to give the illusion of legitimacy while eroding the very foundation of democratic governance.

In a country that has suffered from decades of imposed rule, instability, and elite manipulation, Mogadishu deserves better.

The residents of Mogadishu are not a population to be managed, they are citizens who must be empowered. Until they are allowed to govern themselves with clarity, law, and fairness, no election will ever be real, only another layer of deception.

Abdulaziz Ibrahim Xildhibaan. Author and Political Commentator, writes about Somali politics and the Horn of Africa in general email: [email protected] 

Ciidanka DF oo dagaal culus kula wareegay Beledxaawo iyo kuwa Jubaland oo la…

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa galabta la wareegay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo dagaal culus uu ka socday muddo toddobaad ah.

Ciidamadii taabacsanaa Jubbaland dhinaca ay u jabeen ayaa sidoo kale warar kala duwan ay ka soo baxayaan, waxayna wararkii u dambeeyey sheegayaan inay ka talaabeen xuduud beenaadka xiga Kenya.

Taliyaha Nabad Sugidda gobolka Gedo Cabdirashiid Janan ayaa hoggaaminaya ciidanka la wareegay Beledxaawo, kuwaas oo iska soo duubay muuqaal cadeynaya inay la wareegeen xaruntii degmada, saldhigga booliska iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Ciidamada federaalka oo maalmahaan ku sugnaa meelo istiraatijiyad ah oo magaalada agagaarkeeda ah sida xerada militeriga ee UK ayaa galabta dagaal culus ku qaaday magaalada, iyagoo ugu dambeyn la wareegay.

Ciidan federaal ah ayaa dhowaan la dejiyay Beled‑Xaawo, isla markaana Janan ayaa diyaarad Helikobtar ah ku tegay magaaladaas, isagoo la socday saraakiil sare, wixii maalinkaas ka dambeeyana waxaa bilowday dagaal culus.

Jubaland ayaa horay u sheegtay inay ku fara dirireyso gacan ku heynta ammaanka degmadaas, iyadoo markii horeba ciidamada dowladda ka qabsatay xarumihii danta guud ee gacanta ay ku hayeen.

Dagaalkii maanta ciidamada dowladda federaalka ay kula wareegeen Beledxaawo ayaa socday muddo saacado ah, iyadoo ugu dambeyntii ciidmaada Jubbaland ay isaga baxeen magaalada, markii dagaalka looga awood roonaaday.

Beledxaawo ayaa marti gelisay dagaalo teelteel ah oo maalmo badan ka socday, labada dhinac ayaa maalin kasta dalbanayey gurmadyo is dabajoog ah, ugu dambeyntiina Jubaland ayaa laga adkaaday caawa.

Dhanka magaalada Madheera ee Kenya ayaa la sheegay inay caawa u carareen ciidamada Jubaland, waxaana suurtagal ah inay dib ugu soo rogaal celiyaan oo dagaal kale ay soo qaadaan ilaa berri.

Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe oo wajahaya imtixaankii ugu dambeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno ayaa maanta gaaray magaalada Xudur, xarunta gobolka Bakool.

Xudur waa magaalo muddo sanado ah go’doon ku jirta, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab ka xireen wadooyinkii geli lahaa. Maalmo ka hor ayaa magaalada sidoo kale waxaa booqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo duulay magaalada Baydhabo.

Guddoomiye Aadan Madoobe waxaa sidoo kale wehliya wafdi kale oo kasoo raacay magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha ee Xudur kusoo dhaweeyay Madaxweyne Lafta-gareen, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxda booqatay Xudur ayaa inta ay halkaas ku sugan yihiin la filayaa inay la kulmaan maamulka gobolka Bakool, maamulka degmada Xudur, odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada si ay uga wada-hadlaan xaaladda amniga, nolosha iyo qorsheyaasha lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

Xudur ayaa wajahaysa xaalado adag oo dhanka nolosha iyo amniga ah, waxaana muddo ka badan toban sano ay go’doon ku tahay cunaqabateynta Al-Shabaab. Waa booqashadii labaad ee ay magaaladaas si wadajir ah ku tagaan Lafta-gareen iyo Guddoomiye Aadan Madoobe.

Isu-tagii hore ee Xudur

Ku dhowaad laba sano kahor ayay ahayd markii isla magaalada Xudur ay isugu tageen Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Safarkaas ayaa xilligaas la sheegay in ujeedkiisu ahaa dardar-gelinta howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo markaas la filayay in Koonfur Galbeed uu ka billowdo wajigii ugu cuslaa ee dagaalka kooxda.

Hase yeeshe, nasiib darro ma dhicin sidii ay dowladdh sheegtay, waxaana laba sano la jooga halkii, iyadoo maanta uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu dhanka cirka kasoo galayo Xudur, taas oo su’aalo badan dhalisay.

Tani waxay kordhineysa dhaleecaynta loo jeediyo madaxda dalka, oo lagu eedeeyo in aysan si dhab ah uga go’nayn dagaalka argagixisada, balse ay ka fiirsanayaan danahooda siyaasadeed iyo kuwa shaqsiyadeed.

Kadib fashilka, maxaa hadda la gudboon?

Dib isku qabashada ayaa laftigoodu mar kale horseedi karta guul aan la filayn, waxaana la gudboon madaxda haatan ku sugan Xudur inay kolkaan ka dhabeeyaan abaabulka dagaalka Al-Shabaab, balse uu socdaalkooda noqon safar kale oo aan waxba ka bedelin xaaladda.

Madaxweyne Lafta-gareen waxaa laga doonayaa inuu si dhab ah u wajaho xaaladda sanadaha badan taagan, booqdo xarumaha ciidamada, oo uu si dhab ah ugu kuurgalo xaaladda amni iyo tan nololeed, si loo dardargeliyo howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dejinta qorshe dhameystiran oo dhinac walba taabanaya waa tallaabada keliya ee lagu xoreyn karo magaalada Xudur, deegaanada ku hareeraysan, iyo guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed, oo kamid ah meelaha ay saldhigteen maleeshiyaadka Shabaab.

Si kastaba, Xudur oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee koonfurta Soomaaliya, ayaa muddo ku jirta go’doon adag, iyadoo kooxda Al-Shabaab ay ka hareereeyeen dhamaan afarta jiho ee magaalada, taas oo sababtay in shacabka magaaladaasi ay ku noolaadaan xaalad go’doon ah muddo ka badan toban sano.

Xildhibaan kashifay ‘xaalad quus ah’ oo Muqdisho ka taagan, fadeexadna ku ah DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan xaalad quus ah, taas oo salka ku haysa barakicinta dadkii soo naf bidday caasimada, kuwaas oo si arxan-darro iyo naxariis la’aan ah looga barakicinayo halkii ay ku noolaayeen, sida uu shaaciyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warsame oo sidoo kale ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, ahna hoggaamiyaha xisbiga Wadajirka ayaa sheegay in dhulkii ay deganaayeen barakacayaasha usoo cararay Muqdisho laga iibinayo ganacsato, isla markaana lagu laaluushayo siyaasiyiin, xildhibaanno iyo shaqsiyaad kale.

“Magaalada Muqdisho waa halka ay soo maciinsadaan danyarta iyo dadka kasoo barakaca dagaalka argagexisada, colaadaha beelaha iyo iyo masiibooyinka la xiriira isbedelka cimilada ee abaaraha iyo fatahaadaha, waxaana ku nool ku dhowaad hal milyan oo barakacayaal ah,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in lacagta lagu iibiyo dhulkaan laga kicinayo barakacayaashii usoo nolol doontay caasimadda ay ku dhacayso jeebka madaxda sare ee dowladda.

“Danyarta cooshashkooda baldoosarka la dulmariyey ee iyagoo ilmaynaya Alle u dansheeganaya, ma xusi doonaana oo keli ah kuwa dulmiyey ee waxay xusuusan doonaan kuwa ka aamusay,” ayuu yiri.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Magaalada Muqdisho waa halka ay soo maciinsadaan danyarta iyo dadka kasoo barakaca dagaalka argagexisada, colaadaha beelaha iyo iyo masiibooyinka la xiriira isbedelka cimilada ee abaaraha iyo fatahaadaha, waxaana ku nool ku dhowaad hal milyan oo barakacayaal ah.

Si arxan-darro iyo naxariis la’aan ah ayaa dadkaas looga barakiciyaa halkii ay ku noolaayeen, iyadoo dhulkii ay deganaayeen laga iibanayo ganacsato, lagu laaluushayo siyaasiyiin, lacagtuna ay ku dhacayso jeebka madaxda sare ee dowladda. Baarlamaankii, hay’adihii garsoorka ee gacanta qaban lahaa Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisana waa la dhufaanay.

Warbaahinta, culimada iyo bulshadii rayadka waxaa u fudud in ay Gaza ka hadlaan, taasoo xaq ah, laakiin barakicinta Muqdisho waa ka aamusanyihiin.

Ilaaheey wuxuu quraankiisa inooga digay in aan ka dhowrsano fitnada aan ku ekaan doonin kuwa gaboodfalka gaystay.

Danyarta cooshashkooda baldoosarka la dulmariyey ee iyagoo ilmaynaya Alle u dansheeganaya, ma xusi doonaana oo keli ah kuwa dulmiyey ee waxay xusuusan doonaan kuwa ka aamusay.

Awood sheegashadka iyo barakicinta kuwa nugul, waxaa ka dhalanaya tabasho iyo hurgumooyin ay ka faa’iidaysanayaan argagagexisada.

SOMALILAND oo isku xirtay wada-hadallada DF Somalia iyo dhismaha SSC-Khaatumo

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo khudbad ka jeediyay magaalada Hargeysa ayaa si adag uga hadlay dhismaha maamul-goboleedka SSC-Khaatumo ee haatan ka scoda Laascaanood isaga oo dhinaca kalena soo hadal qaaday wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Cirro ayaa marka hore cambaareeyay qorshaha dowladda federaalka ee maamul u dhisidda gobollada Sool iy Sanaaag, waxaana uu tilmaamay in aanay aqbali doonin maamulka haatan laga abaabulayo bariga Sool.

Sidoo kale wuxuu isku xiray wada-hadallada iyo arrinta dhismaha maamulkaasi, isaga oo shaaca ka qaaday in Somaliland aanay wada-hadal la geli doonin dowladda federaalka Soomaaliya, inta ay ku howlan tahay dhismaha maamul ka madax banaan Somaliland.

“Soomaaliya ma wada-hadli karno, wada-hadalna Somaliland lama galeyso, iyadoo qayb Somaliland kamid ah ka baabuleyso maamul kale. Waxaanu nahay qaran nabadda jecel, laakiin Somaliland way awoodaa in ay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda” ayuu yiri Cirro.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dowladda Soomaaliya ay danayneyso inay dib u bilowdaan wada-hadallada labada dhinac, oo noqday kuwo aan natiijo laga gaarin.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya, Cali Balcad ayaa sheegay in istaraatiijiyadda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay tahay inay iska dhex xaliso dhibaatooyinkeeda gudaha, taas oo qayb ka tahay Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-bannaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Gobolkaasi waa mid ka mid ah gobollada Soomaaliya. Istaraatiijiyaddeenna annagoo ah xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa inaan iska dhex xallino dhibaatooyinkeena gudaha,” ayuu yiri Wasiir Balcad.

Cali Balcad ayaa sidoo kale muujiyay sida ay Dowladda Federaalka diyaar ugu tahay cid kasta oo ka caawinaysa arrintaasi, “Haddii ay jirto cid kale oo doonaysa inay naga caawiso dhankaas (wada-hadallada), waan soo dhoweyneynaa.”

Si kastaba, Somaliland iyo Soomaaliya ayaa si weyn u sii kala fogaaday kadib heshiiskii Somaliland ay la gaartay Itoobiya, kaasi oo Hargeysa ay sheegtay inay aqoonsi uga beddelanayso Addis Ababa marin badeed.

Xogta dagaal xooggan oo dib uga qarxay Beledxaawo

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal mar kale saaka dib uga qarxay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo ciidanka dowladda iyo kuwa Jubaland, waxaana dagaalka uu galay maalintii lixaad oo xiriir ah.

Dagaalka ayaa daba socoda iska horimaadyo maalmahaanba labada dhinac ku dhex-marayay magaalada, waxaana haatan la maqlayaa rasaas ay isweydaarsanayaan labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in haatan dagaalka xooggiisa uu ka socda qaybo kamid ah gudaha magaalada iyo duleedkeeda, gaa ahaan aaga xerada UK oo ay ku sugan yihiin ciidamada uu horkacayo Janan, waxaana lasoo warinayaa in xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Sidoo kale ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka haaatan socda, iyada oo ay jiraan madaafiic ku dhaceysa gudaha degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Xiisadda ka taagan gobolka Gedo ayaa u muuqato mid kasii dareyso, waxaana dagaalka uu kusii fidiyaa qaybo badan oo kamid ah gobolka oo ay isku hayaan dowladda iyo Jubaland.

Dhinaca kale, dadka deegaanka ayaa isaga barakacay guryahooda, waxaana intooda badan ay gaareen dhinaca magaalada Mandera ee dalka Kenya, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka ka socda halkaasi.

Dagaalka ka socda Beledxaawo ayaa u muuqdo mid kasii daraya, waxaana dhinacyadu ay shalay bilaabeen inay is duqeeyaan, kadib markii ay isku adeegsadeen madaafiic culus oo dhalisay khasaare dhimasho, dhaawacyo iyo burbur wayn oo gaaray degmada gudaheeda.

Si kastaba, Xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisaddaan loo dareemaa mar kasta oo la gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

DF Soomaaliya iyo Puntland oo mar kale ay ka dhex tafatay kadib markii ay isku qabteen…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa mar kale ay ka dhex-tafatay, kadib markii ay soo baxday khariidad cusub oo muran dhalisay, taas oo la sheegay inay soo saartay ‘wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Doodda ayaa ka dhalatay, kadib markii dhowaan wasaaradda ay soo saartay  qorshaha qaran ee caafimaadka oo lagu magacaabo Somali National One Health Strategic Plan (2025–2029), waxaana lagu daabacay khariidad ku jirta bogga 13-aad ee qorshaha, taas  oo ‘lagu muujiyey in gobolka Mudug si buuxda loogu daray maamulka Galmudug’  iyada oo meesha la gaaray qaybtii ka tirsaneyd Puntland, sida ay ku warantay warbaahinta.

Waxaa sidoo kale ka maqan khariidada la baahiyay gobolka Sanaag, oo intiisa badan ka tirsan Puntland, balse lagu daray Somaliland.

Dhinaca kale, wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si deg-deg ah uga jawaabtay eedeyntan, waxayna tilmaamtay Khariirada la baahiyay in aysan ka tarjumaynin aragtida siyaasadeed ee wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku daray in wasiir Cali Xaaji Aadan aanu saxiixin siyaasado Qaran oo kama dmnbays ah oo ay ku jirto Khariiradan.

“Wasaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, waxay si rasmi ah u shaacinaysaa in sawirka Khariirada (Map) ee la baahiyay uusan ka tarjumaynin aragtida siyaasadeed ee Wasaaradda, waxaan si cad u muujinaynaa in aysan jirin siyaasado Qaran oo kama danbays ah ee uu Wasiirka Caafimaadka saxiixay oo ay kujirto Khariiradan”. ayaa lagu yiri bayaan deg-deg ah oo ay faafisay wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Sawirka Khariiradan oo ay warbaahinta qaar baahiyeen wuxuu muujinaya aragtiyo aan rasmi ahayn oo siyaasadaha iyo qorsha-yaasha caafimaadka dalka aanay ka mid ahayn”.

Dhinaca kale, wasaaradda caafimaadka ayaa farriin culus u dirtay warbaahinta, waxayna ugu baaqday inay si taxadar ah u hubiyaan warbixinnada ay sii deynayaan, si looga fogaado, faafinta warar been abuur ah.

“Waxaan ku boorinaynaa in dhamaan warbaahintu ay si taxadar leh u baaraan macluumaadka ay soo bandhigayaan, si looga fogaado faafinta warar khaldan oo saamayn ku yeelan kara bulshada, waxayna wasaaradda Caafimaadka masuuliyad ka saaran tahay in ay la wadaagto bulshada xogta saxda ah iyo horumarada la xiriira Caafimaadka dalka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ayaa waxaa haatan ka dhexeeya khilaaf culus oo siyaasadeed, kaas oo gebi ahaan sameeyay wada shaqeyntooda oo meesha ka baxday.

Xog: Puntland oo sii daynaysa markabka hubka kadib faro-gelin ka timid Imaaraadka

Boosaaso (Caasimada Online) – Puntland ayaa isu diyaarinaysa inay sii deyso markab siday qalab ciidan oo Turkigu ugu talagalay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaddib dhexdhexaadin diblomaasiyadeed oo heer sare ah oo Imaaraadka Carabta uu u sameeyay Turkiga, sida ay ilo-wareedyo dowladda ka tirsan u sheegeen Caasimada Online.

Dhacdadan, oo ku billaabatay qabashada markabka MV Sea World 18-kii Luulyo, ayaa imtixaan ku noqotay isbahaysiyada isku cakiran ee Geeska Afrika, waxayna iftiimisay loolanka awoodeed ee isbeddelaya ee u dhexeeya quwadaha gobolka ee Turkiga iyo Imaaraadka.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Puntland oo la hadlay Caasimada Online, qorshaha sii deynta markabka ayaa yimid kaddib cadaadis toos ah oo ka yimid safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho. Safaaradda ayaa la sheegay inay soo faragelisay kaddib markii Ankara ay cabasho kulul u gudbisay, iyadoo u aragtay qabashada gargaarkeeda militari ee ay fulisay Puntland—oo ah dowlad-goboleed Soomaaliyeed—mid meel ka dhac weyn ku ah.

Diblomaasiyiin xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Turkiga, oo ka carooday aamusnaantii hore ee Puntland, uu u weecday xiriirkiisa dhawaan soo hagaagay ee Imaaraadka si uu uga caawiyo xal u helidda is-mari-waaga. Ankara ayaa lagu warramay inay ku gooddisay inay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u soo ceshato shixnadda haddii ay Puntland u hoggaansami weydo.

Shixnaddan ayaa loogu talagalay saldhigga tababarka militari ee TURKSOM ee Muqdisho—kaas oo ah tiir-dhexaadka kaalmooyinka ballaaran ee dhinacyada amniga iyo horumarka ee Turkigu ka fuliyo Soomaaliya. Saldhiggan ayaa door muhiim ah ka ciyaara tababarka iyo qalabaynta ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dagaalka daba-dheeraaday kula jira ururka Al-Shabaab.

Dhacdadani waxay tusaale muuqda u tahay isbeddelka ku yimid isbahaysiyada gobolka. Turkiga iyo Imaaraadka oo mar isku khilaafsanaa dagaallo wakaaladeed sida kii Liibiya, ayaa tan iyo markaas dib u hagaajiyay xiriirkooda, taasoo ay sii adkeeyeen booqashooyin heer sare ah iyo heshiisyo iskaashi oo balaayiin dollar ah.

In Ankara ay awood u yeelatay inay ku tiirsanaato Abu Dhabi si ay cadaadis u saarto Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni—oo ah xulufo dhow la ah Imaaraadka—waxay muujinaysaa heerka uu gaaray heshiiskooda.

Puntland, dhankeeda, way qiratay xiriirka ka yimid Ankara. War-saxaafadeed la soo saaray 23-kii Luulyo, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in safiirka Turkiga uu xaqiijiyay in shixnaddu ay “leedahay dowladda Turkiga,” taasoo keentay in Puntland ay markabka ku xannibto dekedda Boosaaso si loo baaro.

Isla war-saxaafadeedkaas, dowladda fadhigeedu yahay Garoowe waxay ku dadaashay inay dejiso xiisadda, iyadoo tiri: “Dowladda Puntland waxay uga mahadcelinaysaa shacabka iyo Dowladda Turkiga xiriirka walaaltinimo iyo taageerada ay u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed.”

Xiisad siyaasadeed oo qoto-dheer

Dhacadan dhinaca badda ah waxay ku soo aadaysaa xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo kacsan oo u dhaxaysa Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Bishii Abriil, Puntland waxay ku dhawaaqday inaysan sii aqoonsanayn dowladda federaalka ah ayna u dhaqmi doonto si madax-bannaan—tallaabadaas oo jawaab u ahayd wax-ka-beddelka dastuuriga ah oo ay sheegtay inuu si qaldan awoodda ugu ururinayo meel dhexe uuna wiiqayo nidaamka federaalka Soomaaliya.

Kala-jabkaas siyaasadeed ayaa loo badinayaa inuu salka ku hayo qabashada markabka, iyadoo ay suurtagal tahay in Puntland ay shixnadda Turkiga u adeegsanayso hub cadaadis ah oo ay kaga faa’iidaysanayso is-mari-waaga ballaaran ee kala dhexeeya Muqdisho.

Xaaladdu waxay sidoo kale dhalisay su’aalo ku saabsan doorka Imaaraadka. Marka la eego xiriirka dhow ee ay la leedahay Puntland iyo Dowladda Federaalka, fallanqeeyayaashu waxay isweydiinayaan sababta aysan Abu Dhabi goor hore ugu soo dhexgelin si ay u dhexdhexaadiso khilaafka siyaasadeed ee qotada dheer.

Imaaraadku wuxuu saldhig adag ku leeyahay Puntland, oo ay ku jirto xarun militari oo ku taal dekedda Boosaaso, taasoo istiraatiiji ahaan ku taalla Gacanka Cadmeed—mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee ugu mashquulka badan adduunka.

Muhiimadda dekedda ayaa soo jiidatay indhaha caalamka. Sida ay sheegeen diblomaasiyiin iyo falanqeeyayaal gobolka ah, xarumaha Imaaraadka ee aaggaas ayaa laga yaabaa inay u adeegaan dano siyaasad dibadeed oo ballaaran, oo ay ku jiraan eedeymo la xiriira hubka oo la sheegay in loo gudbiyo xulafada gobolka.

Eedeymahaas waxaa ka mid ah warbixino sheegaya in hub la siiyo Ciidamada Gurmadka Degdega ah ee Suudaan (RSF)—eedeymo ay ku celceliyeen Guddiga Khubarada Qaramada Midoobay ee Suudaan.

In kasta oo xal u helidda xiisadda markabka MV Sea World ay ka hortagtay iska-hor-imaad toos ah oo dhexmara Turkiga iyo Puntland, haddana waxay si cad u soo bandhigaysaa aasaaska jilicsan ee tijaabada federaalka Soomaaliya—iyo saamaynta ballaaran ee ay quwadaha shisheeye sida Turkiga iyo Imaaraadku weli ku leeyihiin qaabeynta mustaqbalkiisa. 

Sawirro: Fiqi iyo Geelle oo ka wadahadlay qodobo xasaasi ah kadib heshiiskii galabta

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa caawa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wadahadlay arrimaha ammaanka Soomaaliya.

Kulanka Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa dagaalka Khawaarijta ee ka socda Soomaaliya oo Jabuuti ay door muuqda ku leedahay, iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sidoo kale, masuuliyiinta ayaa wadahadalkooda diiradda ku saaray arrimaha difaaca, amniga gobolka iyo sidii Soomaaliya iyo Jabuuti ay iskaashi dhow uga yeelan lahaayeen dagaalka kooxaha argagixisada ah oo khatar muuqata ku haya gobolka.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Geelle doorka hoggaamineed iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda Jabuuti ay siiso Soomaaliya, isagoo si gaar ah u bogaadiyay kaalinta muuqata ee ciidamada “Hiil Walaal” ay kaga jiraan howlgalka AUSSOM iyo dadaallada nabadeynta iyo xasillinta dalka.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa ku soo aaday iyadoo galabta dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ay kala saxiixdeen heshiis rasmi ah oo lagu kordhinayo tirada ciidamada Jabuuti ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Heshiiskan waxaa ku kala metelayay labada dal Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti, Cali Xasan Bahdoon.

Saxiixa heshiiska ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada dhinac.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiisku uu qeexayo kordhinta ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka socda ee gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu caddeeyay in heshiiska uu hagayo habraacyada shaqo, waajibaadka labada dhinac, iyo qaabka iskaashiga militari, iyadoo lagu dhisayo mabda’a wadashaqeynta iyo is-ixtiraamka.

Heshiiskan ayey dowladda Soomaaliya sheegtay inuu muujinayo sida Jamhuuriyadda Jabuuti uga go’an tahay taageerada nabadda iyo amniga Soomaaliya, wuxuuna qeyb ka yahay aragti guud oo labada dal ka wadaagaan xasilloonida gobolka.

“Munaasabadda saxiixa ayaa ku qabsoontay jawi walaaltinimo iyo kalsooni leh, taasoo markale muujinaysa xoogga iyo qotada dheer ee xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka

Si kastaba, Jabuuti ayaa kamid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya ee ka taageera dhinacyada amniga iyo horumarka. Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM waxay door muhiim ah ka qaataan nabad ilaalinta dalka.