Tel Aviv (Caasimada Online) – Dowladda midigta fog ee Israa’iil ayaa toddobaadkan aamusnaan diblomaasiyadeed qaadatay, xilli Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu soo saaray tiro hadallo ah oo si weyn u ruxay kalsoonidii Israa’iil ee ku aaddan xiriirka ay la leedahay xulafadeeda ugu dhow.
Go’aankii Trump ee uu kaga weecday Israa’iil booqashadiisa Bariga Dhexe ayaa durba loo fasiray calaamad muujinaysa sida xukuumaddiisu diiradda u saartay heshiisyada ganacsi ee lacagta badan leh oo uu la galayo dalalka Khaliijka hodanka ah, oo ay Qatar ku jirto – waddan Israa’iil ay muddo dheer ku eedeynaysay inuu taageero siiyo Xamaas.
Kahor safarka Trump, Israa’iil waxay dareemaysay walaac ku saabsan wadaxaajoodyada Mareykanka uu la leeyahay Iran – cadawgooda ugu weyn – iyo sidoo kale go’aankii Trump uu ku joojiyay duqeyntii Xuutiyiinta Yemen, xilli kooxdaasi, oo ay Iran taageerto, ay sii waday weerarada gantaallada ee ay ku qaadayso Israa’iil.
Saraakiisha Israa’iil waxay markii dambe ku khasbanaadeen inay si aamusnaan ah u daawadaan sida Mareykanku heshiis ula galayo kooxda Falastiiniyiinta hubeysan ee Xamaas si loo soo daayo Edan Alexander, oo ahaa muwaadinkii Mareykan ee ugu dambeeyay ee lagu haystay Gaza.
Intaas kadib, Israa’iil waxay dhegaysanaysay Trump oo ku dhawaaqaya in uu qaadayo dhammaan cunaqabateyntii saarnayd Suuriya, isla markaana ku baaqaya in la caadiyeeyo xiriirka dowladda cusub ee Dimishiq – xukuumad ay Israa’iil u aragto mid jihaadiyiin si qarsoodi ah ugu shaqeeya.
Xilli Trump Talaadadii hadal ka jeedinayay Riyadh, isagoo sheeganaya guusha heshiiska xabad-joojinta ee Xuutiyiinta, warbaahinta Israa’iil ayaa soo werisay in digniino weerar ay ka yeerheen magaalada Qudus iyo Tel Aviv, xilli gantaal ka yimid Yemen uu ku soo jeeday Israa’iil.
Trump ayaa beeniyay eedeymaha sheegaya in xiriirka Mareykanka iyo Israa’iil uu burburayo, isagoo saxaafadda la socotay u sheegay in booqashadiisu ugu dambayn faa’iido u noqon doonto Israa’iil oo weli u arkaysay mid ka mid ah taageerayaasheeda ugu dhow.
“Waxay Israa’iil u tahay fursad weyn, in la yeesho xiriir sida kan aan hadda la leeyahay dalalka Bariga Dhexe – dhammaanba,” ayuu yiri.
Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu weli si toos ah ugama hadlin arrimaha socda, marka laga reebo mahadcelinta uu u jeediyay Trump doorkii uu ku lahaa sii deynta Alexander.
Si kastaba, Israa’iil waxay la tacaalaysaa aragtida dadweynaha ee ah in laga hareer maray, iyada oo mar horeba cadaadis caalami ah kala kulmaysay dagaalka Gaza oo wiiqay dedaalladii ay ku doonaysay inay xiriir diblomaasiyadeed la yeelato Sacuudi Carabiya.
“Bariga Dhexe waxa uu horteena kaga samaysmayaa qaab cusub oo ay wadaan heshiisyo iyo kulamo isdaba joog ah, halka Israa’iil ay (ugu yaraan) u muuqato daawade dibad joog ah,” ayuu qoray Yoav Limor, oo ka faallooda wargeyska midigta u janjeera ee Israel Hayom.
Mudnaanta kala duwan
Netanyahu, oo wajahaya maxkamad musuq-maasuq ah oo uu beeniyay eedeymaheeda, si cad ayuu u muujiyay in uu doorbidayo Trump marka loo eego Madaxweyne Joe Biden, kaasoo hakiyay dirista hub culus oo Israa’iil la siin lahaa isla markaana cunaqabateeyay xagjiriin Israa’iili ah.
Netanyahu wuxuu la kulmayaa cadaadis uga imanaya xulafadiisa xagjirka ah ee dowladda, kuwaasoo ku adkeysanaya in dagaalka Gaza la wado ilaa Xamaas gebi ahaanba la jebiyo, iyo sidoo kale dadweynaha Israa’iil oo aad ugu daalay dagaalka in ka badan 18 bilood socday. Ilaa hadda, wuxuu doortay inuu la safan xulafada xagjirka ah.
Si kastaba, dhacdooyinka todobaadyadii la soo dhaafay ayaa muujinaya “farqi cad oo ku yimid mudnaanta siyaasadeed,” taasoo keenaysa in daryeelka khaaska ah ee Israa’iil ay ka heli jirtay Mareykanka aysan hadda si toos ah ugu jirin, sida uu sheegay Jonathan Panikoff, oo hore u ahaa ku xigeenka Madaxa Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka ee Bariga Dhexe.
“Trump si cad ayuu u go’aansaday inuu hore ugu socdo ajende ku saleysan ganacsi iyo maalgelin,” ayuu yiri Panikoff, oo ka tirsan xarunta fikirka Atlantic Council ee Washington.
“Haddii arrimaha amni ama siyaasadeed ee Mareykanka iyo Israa’iil ay caadi ahaan iskaashi ku lahaayeen aysan waafaqsaneyn mudnaanta Trump, wuu horay ugu socon doonaa qorshihiisa.”
Iyaga oo mar kale ku adkaysanaya in xiriirka Mareykanka iyo Israa’iil uu weli xooggan yahay, saraakiisha xukuumadda Trump ayaa si hoose u muujiyay niyad-jab ay ka qabaan Netanyahu, xilli madaxweynaha uu doonayo inuu degdeg ugu dhammeeyo dagaallada Gaza iyo Ukraine.
Waxay Netanyahu ku cadaadinayaan inuu dadaal dheeraad ah geliyo sidii loo gaari lahaa heshiis xabad joojin ah iyo la soo celinta la haystayaasha, iyagoo sidoo kale muujiyay inaanay diyaar u ahayn inay taageeraan weerar Israa’iil ku qaaddo xarumaha nukliyeerka Iran inta Mareykanku uu wadaa dadaallada diblomaasiyadeed.
Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad James Hewitt ayaa sheegay in maamulka Trump uu sii wadaayo wada shaqeynta Israa’iil si loo xoreeyo 58-ka la hayste ee weli lagu hayo Gaza, iyo in la xoojiyo amniga gobolka Bariga Dhexe.
“Isra’iil weligeed saaxiib ka wanaagsan Trump ma aysan yeelan,” ayuu yiri Hewitt.
Xagjiriinta xukuumadda Israa’iil, oo horay ugu farxay qorshihii Trump ee ahaa in Gaza laga saaro dadka Falastiiniyiinta ah lagana dhiso goob dalxiis xeebeed, ayaa hadda u muuqda kuwo aamusan. Saraakiisha Israa’iil waxay si taxaddar leh uga fogaanayaan wax dhaleeceyn ah oo loo jeediyo xukuumadda Mareykanka.
“Dal kasta waa madax bannaan yahay,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil, markii la weydiiyay haddii la dareemayo in Israa’iil laga hareer maray arrinta Alexander. Wuxuu intaas ku daray in “wadahadalka dhow ee Israa’iil iyo Mareykanka” lagu qaban doono “si toos ah, ee aan loo marin warbaahinta.”
Koox Israa’iili ah ayaa loo diray Doha si ay uga qaybqaataan wadahadallada xabad joojinta oo uu dhexdhexaadinayo ergayga Trump, Steve Witkoff, hase yeeshee ciidamada Israa’iil ayaa kordhiyay weerarrada Gaza, iyadoo Arbacadii la dilay tobanaan Falastiiniyiin ah.
Netanyahu laftiisa ayaa caddeeyay in Israa’iil aysan beddelaynin himilooyinkii dagaalka Gaza, isagoo mar kale xaqiijiyay in hadafkoodu yahay in gebi ahaanba la burburiyo awooda ciidan iyo maamulka ee Xamaas.
“Isra’iil ma joogsanayso, mana is dhiibayso,” ayuu yiri Arbacadii.