25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

QM oo xafiis laga maamulo GOBOLADA dhexe ka furaneysa Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) Qaramada Midoobay ayaa sheegtay maanta oo Sabti ah in xafiis gaar u ah UNSOM ay ka furaneyso dhawaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Hadalkan ayaa waxaa sheegay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo maanta tagay magaalada Beledweyne.

Danjire Kay ayaa gobalka Hiiraan in uu yahay gobal muhiim ah marka loo eego gobalada dhexe sidaas darteedna UNSOM ay ka furaneyso xafiis gaar ah.

Danjiraha markii uu ka dagay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif wuxuu durba kulamo la qaatay maamulka gobalka iyo saraakiisha ciidamada AMISOM, dabadeed wuxuu la kulmay ururka dhallinyarada iyo wax garadka, wuxuuna sheegay reer Hiiraan in looga baahan yahay in ay ka tashadaan masiirkooda oo aysan ku tashan AMISOM, QM iyo dowladda fedaraalka

Waa markii ugu horreysay oo danjire Kay u tago magaalada Beledweyne Xarunta gobalka Hiiraan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Shir muhiim u ah Soomaalida Koonfur Afrika oo ka dhacay Pretoria

Pretoria (Caasimada Online) Magaalada Pretoria ee wadanka Koonfur Afrika, waxaa lagu qabtay shir hal maalin socday, kaasoo looga hadlayay dhibaatada dadka Soomaalida ah ku haysata dalkaasi.

Shirka oo ay kasoo qeyb galeen xubno sar sare oo isugu jira diblomaasiyiin, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Koonfur Afrika iyo hoggaamiyayaasha jaaliyada Soomaalida, ayaa waxaa laga soo saaray qoddobo dhowr ah oo ku aadan sidii Soomaalidu ay uga bad baadi lahayd dhibaatooyinka dalkaasi ku haysta.

Hey’adda Helpsom oo shirkan soo qaban qaabisay ayaa goobta ku soo bandhigtay bal in wax laga ogaado dhibaatada Soomaalida lagu hayo wax yaabaha sababta u ah iyo sida loo badbaadin karo.

Dhammaan dadka ka qaybgalay shirka ayaa isku raacay in loo baahan yahay siddii loo badbaadin lahaa Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika, iyagoona dowladda ka codsaday in la badbaadiyo Soomaalida ganacsatada u badan ee ku nool dalkan.

Soomaali badan oo ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa ka walwalsan nolashooda kaddib markii dhawaan uu geeriyooday hoggaamiyihii dalkan Nelson Madela oo maalinta berri lagu aasi doono xaafadda uu ku dhashay ee Quuno oo Pretoria ku taalla.

Soomaalida waxa ay lee yihiin dadka Koonfur Afrika ayaa nagu cabsiinaya mar haddii uu u dhintay Mandela in dalka laga saari doono isla markaana la boobi doono dhaqaalahooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Pretoria

[email protected]

Video: Ehellada Wariye caan ah oo ku xiran Addis-Ababa oo codsi jeediyey

0

Wariye Caan ka ah Dalka Soomaaliya oo Xabsi ku yaalo Magaalada Adis Ababa ku jiro asagoo aan wax galabsan waxaana loo xiray Qarax ka dhacay Magaaladaasi.

Safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa wax dhaqdhaqaaq ah oo ku aadan dadka Soomaaliyeed ee xabsiyada ku jira iyo Wariyahanba aysan xil iska saarin iney daba gasho ama ay kala hadasho Dowladda Itoobiya, taasoo nasiib daro ay ku tilmaameen Soomaalida degan Addis Ababa.

Ehelada Wariyaha ayaa ka codsanaya Dowlada Somalia in ay ka qeyb qaadato sii deynta Wariyaha Rugcadaayga ah ee dadka Soomaaliyeed si weyn u garanayaa.

Aqristoow Wariyaha waa mid qof walba oo Soomaali ah yaqaano ee nala daawo Video-gaan.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Faah-faahin:Dagaal ka socda Shabeellaha Hoose iyo wax yaabaha uu salka ku hayo

Afgooye (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa dagaallo maalintii labaad ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

In ka badan 20 qof oo u badan u dhinacyada dagaalamaya ayaa la sheegay in dagaalka ay ku dhinteen, waxaa kaloo wararka ay sheegayan in dagaalka uu ku baahanay deeganno kale.

Deegannada lagu dagaalamayo ayaa hoos-taga degmooyinka Marka iyo Aw-dheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka muxuu salka ku hayaa?

Sida ay lee yihiin dadka aan la hadalnay dagaalka ayaa ka billowday tuulo lagu magacaabo Aybuutey kaddibna uu ku fiday tuulooyinka Gumeysi-diid, Jannaale iyo kuwo kale oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa daba socda dagaallo horrey u dhexmaray labadan maleeshiyaad oo isku heesta dhul.

Dagaalka waxaa kaloo la sheegayaa in ay qayb yihiin ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa millitariga.

Dagaalka ayaa sababay dad badan in ay ka barakacaan guryahooda si ay u baadiyaan nafsadoooda.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid ku howlan joojinta dagaalka geystay khasaaraha ee maalintii labaad ka soconaya gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa ku soo beegmay iyadoo shaley deeganka Awdheegle lagu dilay nabadoon caan ahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: Qaar ka mid wasiiradii RW Saacid oo soo laabanaya (Yaa ka mid ah?)

Muqdisho (Caasimada Online) Warar lagu kal soon yahay oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa muujinaya in golaha wasiiradda cusub ee xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed ay ka mid ahaan doonaan wasiiradii Cabdifaarax Saacid Shirdoon oo dhawaan waayay kalsoonida baarlamaanka.

Xafladii shaley lagu magacaabayay raysal wasaaraha cusub waxaa lagu arkay wasiirro horrey uga tirsanaa xukuumadii Saacid, mana cadda sababta keentay.

Wasiirada lagu arkay xafadda caleema saarka Raysal Wasaaraha cusub waxaa ka mid ahaa arrimaha dibedda, arrimaha gudaha iyo wasiirkii horre wasaaradda Horumirinta Adeega Bulshada.

Si kastaba, waxaa jirra warar sheegaya in raysal wasaaraha cusub xukuumadiisa cusub ku soo diri doono qaar ka mid ah golihii wasiiradda horre.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo looga hadlaayo xuluashada golaha wasiiradda, waxaana magaalada ku soo qulqulaya siyaasiyiin isku garbinaya golaha wasiiradda cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Shariif Xasan Sheekh oo waji gabax kala soo laabtay Baydhabo (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)  Waxaaa galabta dib Muqdisho ugu soo laabtay wafdi xildhibaanno ah oo uu hoggaaminaayo guddooyihii horre ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmahan Baydhabo ku sugnaa.

Wafdiga Shariif Xasan ayaa la sheegay in magaalada kala kulmeen muucarad xooggan oo ku saabsan qorshaha ay wadeen ah oo in maamulka cusub ee laga dhisaayo halkaas lagu koobo uun seddax gobal oo kala ah Bay, Baydhabo iyo Shabeellaha Hoose.

Shariif Xasan inta uusan ka soo ambabixin Baydhabo wuxuu shir jaraa’id ku qabtay Hotel Bakiin oo uu daganaa wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in maamul gaar ah loo sameeyo dadka deggan seddax gobal ee Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay in uusan isaga ka soo horjeedin in la mideeeyo lixda gobal balse waa in lagu shaqeeyaa danaha dowladda fedaraalka oo rabta buu yiri marka horre in la dhiso seddaxda gobal haddii la midoobay hadhow hala qaato taladaas.

Shariif Xasan ayaa tilmaamay in dowladda federaalku aysan aqoonsan doonin maamul goboleed ka kooban lix gobol maadaama saddex gobol ee Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo ay u aqoonsantahay maamulka ku meel
gaarka ee Jubba.

Si kastaba, Shariif Xasan oo markii horre laga diray Muqdisho ayaa ku soo guul dareestay qorshaha uu baxay, waxaana jirra warar sheegaya in maalmaha soo socoda uu magaaladaas gaari doono wafdi kale oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxaa galabta ka dhacay Hargeysa?

Hargeysa (Caasimada Online) Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa galabta weerar ku qaaday xafiiska Wargeyska Hubaal ee magaalada Hargeysa.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay irdaha isugu laabeen xarunta xafiiska dabadeedna ay soo xireen labo wariye oo ka tirsan wargeyska sida ay noo sheegeen wariyaal Hargeysa ku sugan.

Ciidamada weeraray xarunta Wargeyska Hubaal ayaa fasax ka heestay maxkamadda, waxaana ay sheegeen in wargeysku uu been ka sheegay shaqada iyo wax qabadka ciidamada sidaas waxaa sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Somaliland Cabdulaahi Fadal Iimaan.

Bishii April ayaa xarunta Wargeyska weerar lagu qaaday waxaana la sheegayaa in khasaaro xooggan la gaarsiiyay arrintaas oo ururada xuquuqda aadanaha ay cambaareeyeen.

Si kastaba, Somalialand ayaa ku biirtay maamulada dhibaateeya saxaafadda madaxa banaan. waxaana dhawaan xabsiga ay dhigeen afar suxufiyiin oo u shaqeeya warbaahinta gudaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

XOG: Jawaari oo kumanaan dollar ugu deeqay shirka Baydhabo ka socda

Baydhabo (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay in afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari uu ku bixiyay shirka maamul usameenta gobalada Koonfur Galbeed ee Bayadhabo ka socda lacag gaaraysa 20 kun oo doollar.

Lacagtan ayaa qayb ka ahayd 50,000 oo dollar oo loogu deeqay shirka ka socda Baydhabo sida ay noo sheegeen ilo xog-gaal ah oo diidday magacooda in ay baahino.

Prof Jawaari muxuu lacagtan u bixiyay?

Sida ay lee yihiin ilaha warkan aan ka soo xignay, waxaa sabab u ah in lacagtan uu bixiyo guddoomiyaha golaha baarlamaanka markii uu khilaaf soo kala dhex galay xildhibaannada ku sugan Baydhabo kuwaasoo u kala jabay kuwa taageersan Shariif Xasan iyo kuwa kale oo taageersan Aadan Madoobe.

Prof Jawaari wuxuu ka soo horjeeda qorshe uu wado Shariif Xasan ee ah in maamulka gobollada Koonfur-galbeed lagu koobo uun seddax gobal oo kala Baay, Bakool iyo Shabeellaah Hoose.

Lacagtan qayb kama bixin Shariif Xasan oo isna ku sugan magaalada Baydhabo halkaasoo ay ku shiran yihiin odayaal iyo siyaasiyiin ka qaybgalaya shirka Baydhabo ka socda.

Shariif Xasan muxuu wataa?

Shariif Xasan oo ah nin wajiyo badan horreyna gudddoomiyaha baarlamaanka uga soo noqday dowladihii KMG ah ee Soomaaliya, waxaa uu doonayaa in la badbaadiyo maamulka Axmed Madoobe oo ka kooban seddax gobal oo kala ah Gedo Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Shariif Xasan inta uusan imaan Baydhabo wuxuu kulamo kula qaatay Villa Somalia madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa madaxweynaha uu ka cosaday Shariif Xasan in uu maamulka laga dhisayao Baydhabo lagu koobo seddex gobal maadama maamulka Axmed ay kal horre dowladda heshiis kula gashay Addis Ababa.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in uu furmo wajiga labaad ee shirka maamul u samaynta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Wariye ka tirsan VOA oo ku tilmaamay magacabista RW cusub maalin madow

Wariye caana oo ka tirsan Idaacadda VOA Somali oo Somalida ugu baaqay kacdoon ka dhana Damu Jadiid iyo Ra’isulwasaraha cusub.

Wariye Abdullahi Nur Kolombo ayaa khamiistii shalay ku tilmaamay maalin madoow oo halis wajahday jiritaanka iyo magaca umadda Soomaaliyeed.

Abdullahi Kolombo wuxuu sheegay in Ra’isulwasaaraha cusub ee Somalia yahay nin qayaalad iyo hanti boob ku caanbaxay sidaas darteedna wuxuu shacabka ugu baaqay inay hurdada ka kacaan oo kacdoon ka dhana Damu Jadiid iyo Ra’isulwasaraha cusub la bilaabo. Abdullahi Kolombo wuxuu warbixintiisa u qoray sidaan:-

Wariye Abdilaahi Nuur Maxamed Colombo oo ka tirsan VOASOMALI
Wariye Abdilaahi Nuur Maxamed Colombo oo ka tirsan VOASOMALI

Madaxweyne Garguurte oo si uu dhibaatada Somalia u sii fogeeyo u habar wacdey Ra,iisalwasaare Dam jadiid ah ,oo qabyaaladna ay biyo dhigatay Inta Xasan Garguurte iyo Dam Jadiid ay Somalia hogaamiyeyaal u yahiin Somalia cadaabteedii aduunka ayey ku qaadaneysaa inaan maanta ka hadlo xaalka siyaasadeed ee Somalia ka taagan waxaa igu qasbey inaan umadeyda abaalka igu leh uga digo hagar daamada ay falkinayaan kooxda masiirka shacbiga Soomaaliyeed af duubtey ee Dam jadiid waxaanan horseed ka noqon doonaa oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulayaa sidii cadowgaas aadka u xun ee Dam jadiid dhibkooda looga suulin lahaa wadankeyga aan jeclahay ee Somalia.

Shacbiga Somaliyeedow mudo dheer baad hurdo ku jirteen waxaa la joogaa xiligii aad gacmaha is qabsan laheydeen masiirkiinana aad ka tashan laheydeen kooxda yar ee dam jadiid intey qol isku soo xiraan ayey shacbigeena sharafta leh ka iibinayaan inay isku qaateen Madaxweyne iyo Ra,iisal wasare ,tani maaha mid damiirka suuban ee Somaliga uu liqi karo.

Somaliyeey sanad ayaad ku aragtaan dam jadiid sidey ugu tunteen masiirkeenii ma waxaad sugeysaan in 3 sano oo kale ay dhiigeena jaqaan oo mustaqbalka shacbiga sharafta badan ee somaliyeed ay god dheer ku ridaan Baarlamaanka sharafta leh ee Soomaliyeed waxaan weeydiisanayaa ineysan codka siinin Ra’iisal wasaaraha cusub si Somalia ay uga badbaado halis ku soo fool leh.

Ra’isulwasaaraha cusub ninka uu Garguurte u magacaawday ee Abdiwali Ahmed Mohamud wuxuu ahaa ninkii 1984 qoray liis ay ku jiraan arday baran jirtay Jaamacadii Gaheyr qeybta dhaqaalaha,kuna amray maamulkii xilligaas ee jaamacada in ardaydaas isku qabiilka ah dhamaantood jaamacada laga eryo.

Ninka nuucaasa miyaa maanta Somali hogaamin kara? Jawaabta waa maya .

By Abdullahi Nur Maxamed Kolombo [email protected]

ku soo hagaaji waxii aragti ah walaal

https://www.facebook.com/abdulahinurcolombo?fref=ts

Email: [email protected]

NB: Qoraalkan waxaa uu u gaar yahay wariyaha ku saxiixan Abdilaahi Nuur Maxamed Kolombo oo isaga u shaqeeya idaacada VOA oo inaga soo gaarsiiyey qoraalkan. Warbaahinta caasimada  waa idin soo gudbisay oo kaliya. Mahadsanidiin.

Nabadoon caan ah oo lagu dilay….!

Afgooye (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in deeganka Awdheegle ee gobalka Shabeellaha Hoose lagu dilay nabadoon caan ahaa.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Daahir Xuseyn “Qoordheeere” ayaa waxaa toogtay kooxo hubeysan kuwaasoo rasaas ku furay gaari uu la socday caawa maqribkii sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Sidoo kale waxaa rasaasta ku dhaawacmay dad kale oo la socday nabadoonka kuwaasoo dhaawacooda loo soo qaaday Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda macadda sababta ka dambeesay in kooxdan hubeysan ee jidgooyada u tiilay deeganka Awdheegle ay dilaan nabadoonkan oo caan ka ah Shabeellaha Hoose.

Waxaa goobta dilka gaaray ciidamo ka tirsan dowladda balse wax ay qabteen ayaa yer.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Maxaa ka socda MUQDISHO?

0

Caasimada Online:  Magaalo Madaxda Dalkeena ee Muqdisho waxaa ka soconaya howlo uu ku farxay qof walbo oo muwaadin Soomaaliyeed ah meel kasta uu ka joogo caalamka.

Bilic ahaan & Muuqaal ahaan Muqdisho maanta ma’ahan sida ay aheyd Shalay waxaa is badalay wax yaabo badan ee ma ogeyd in ay sidaan tahay Muqdisho Iyo howlaha ka socda ee nala daawo adaa ku farxi doonee.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

Dadka reer GEDO oo aan u kala harin taageerada Ra’iisul Wasaaraha Cusub

Baladxaawo (Caasimada Online) Maanta oo Jimco waxaa qaybo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee gobalka Gedo ka dhacay dibad bax kii ugu ballaarnaa oo waayahan halkaas ka dhaca.

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalooyin ay ka mid yihiin Buulo Xaawo, Luuq iyo kuwa kale kuwaasoo watay sawirka raysal wasaaraha cusub Cabdiwel Sheekh Axmed ee shaley uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wariyaal ku kala sugan goobaha dibad baxyada ay ka dhaceen ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online  in aysan jirin dad soo abaabulay dibad baxyada ka dhacay maanta Gedo, balse waxa ay tilmaameen in ay iskood isku soo abaabuleen waxaana ay soo dhaweenayaan in xilka wasiirka koowaad loo magacaabo shakhsi ka soo jeeda gobalka Gedo.

Sidoo kale, dibad baxyo lagu soo dhaweynaayo raysal wasaaraha cusub waxa ay kaloo dhaceen magaalooyinka Muqdisho Caabudwaaq.

Waa dibadbaxyadii ugu horreyay ee lagu taageerayo raysal wasaaraha cusub ee shaley uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh ee ka dhaca dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, dadka magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay raysal wasaaraha cusub, iyagoona ka codsaday in uu soo dhiso xukuumad wax tar leh.

Waa raysal wasaarihii labaad oo muddo 14-bil ay yeelato Soomaaliya, waxaana laga warsugayaa bal in ay codka kalsoonida siiyaan xildhibaannada baarlamaanka iyo in kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Maxaa ka cusub tallaabadii Amisom ee ka dhanka ahayd Shariif Xasan?

Baydhabo (Caasimada Online) Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ka hadlay hadal dhawaan ay shaaciyeen warbaahinta gudaha, kaasoo ah in saraakiisha ciidanka AMISOM ee Baydhabo ku sugan ay ku amreen xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xildhibaanno kale oo ku sugan halkaas ay ka baxaan magaalada haddii aysan joojin kulamada iska soo horjeedo oo ay magaalada ka wadaan.

Korneyl Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo ah taliyaha saldhigga booliska Baydhabo, ayaa wuxuu sheegay inaanay AMISOM awood u lahayn Shariif Xasan in ay magaalada ka saaraan.

“AMISOM awood uma laha Shariif Xasan inay ka saarto  Baydhabo. waa xildhibaanadii deegaanka waxayna u yimaadeen siddii loo soo dhishi lahaa maamulka gobolada koonfureed. xaq ayuu u lee yahay in uu yimaado” ayuu yiri Korneyl Mahad Cabdiraxmaan.

“Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta deegaanka waxay Xaq u lee yihiin, in goorta ay doonaan ay Magaalada soo gaaraan,marka ay rabaana ay si khiyaari ah kaga taggaan. laakiin in la dhaho ka baxa dhulkiinii, anni ma qabo in AMISOM ay sidaasi dhihi karto.” ayuu sii raaciyay sarkaalkaan.

Isku soo duub waxaa jirra khilaaf weyn oo ka jirra maamul u sameenta gobalada koonfur galbeed, oo la doonayo in u loo dhiso lix gobal balse Shariif Xasan Sheekh wuxuu doonaya maamulkan cusub in uu lagu koobo uun seddax gobal oo kala ah, Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

KASHIFAAD: Sida uu CABDI WELI xilka R/W ku helay iyo 7 arrin oodan ogeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan ma aysan fileyn in Cabdi Weli Sheekh Axmed loo magacaabi doono ra’iisul wasaaraha Somalia, balse siyaasadda ayaa mar waliba waxaa ugu nasiibka badan kuwa aan xisaabta ku jirin.

Caasimada Online, ayaa heshay xog ku saabsan sidii uu ku yimid go’aanka Cabdi Weli Sheekh Axmed lagu doortay ee uu qaatay madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu horeyn, marka la eego taariikhdiisa, aqoontiisa iyo waxqabadkiisii hore, marnaba shaki kuma jiro inay yar yihiin dadka Mr. Cabdi Weli ka mudnaan lahaa xilkaasi in loo magacaabo, balse aan is weydiino sida wax u dhaceen?

Sida inta badan warbaahinta aad kala socoteen maalmihii dhowaa, saadaasha ayaa u badneyd in la magacaabi lahaa Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex, oo xitaa madaxweynaha uu ku wargeliyey beeshiia inuu go’aankiisa sidaas yahay, ayna ku taageeraan.

Go’aankii madaxweynaha uu ku magacaabay Cabdi Weli iyo waqtiga uu dhacayba waxaa uu ahaa kaliya mid ku dhacay laba maalin gudahood.

Sida ilo xog-ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, madaxweynaha ayaa talaadadii ku war-geliyey saaxiibkiis iyo hogaamiyaha kooxda Damul Jadiid Faarax Cabdul Qaadir inuu doonayo inuu magacaabo Goonjeex.

Markaa kadib, ayaa sida xogtu leedahay Faarax Cabdul Qaadir uu taas ku gacan seeray, isaga oo madaxweynaha u sheegay in haddiiba go’aankiisa uu yahay inuu jagadaas siisyo beesha Mareexaan inuu hayo qof aan looga mudneyn.

Ka hor go’aanka madaxweynaha, ayaa labada nin waxay ay isku maandhaafsanayaan Goonjeex oo madaxweynaha uu jeclaa iyo Xuseen Cabdi Xalane oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen oo Faarax uu doonayey, balse markii madaxweynaha uu ku adkeystay Goonjeex, ayuu Faarax la yimid qorshe cusub.

Waxa uu madaxweynaha ka dhaadhciyey inay badan yihiin fursadaha ay isaga hor imaan karaan isaga iyo Goonjeex iyo kooxda Dam Jadiid, sidaa darteedna uu xilka siiyo Cabdi Weli Sheekh Axmed, oo ka mid ah aas aasayaashii hore ee kooxda Damul Jadiid, si xaandeebkooda aanay cid kale usoo dhex galin.

Maalintii arbacada ahayd ayaa Faarax iyo Xasan qaateen go’aanka loogana yeeray Cabdi Weli dalka dibeddiisa, si uu Muqdisho u yimaado, jagadana loogu magacaabo.

Caasimada Online, ayaa heshay sawir muujinaya in shalay subax oo khamiis ahayad un uu yimid Cadbi Weli Muqdisho, dhowr saac kadibna loo magacaabay ra’iisul wasaaraha Somalia, waxaana Sacuudiga kasoo waday wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Somalia Maxamed Nuur Gacal, oo ka mid ah xubnaha sare ee Damu Jadiid.

Cabdi Weli oo kasoo degay garoonka Aadan Cadde, Khamiis 12-ka December
Cabdi Weli oo kasoo degay garoonka Aadan Cadde, Khamiis 12-ka December

Rumeyso ama ha rumeysan ,xittaa ma dhicin wax wareysi ah oo madaxweynaha uu la yeeshay Cabdi Weli, marka laga reebo is arag iyo is-barasho guud oo saacado ka hor ku dhex martay Villa Somalia, inta aan la magacaabin.

Cabdi Weli ayaa si aad ah ay isku yaqaanaan, islamarkaana ay dhowr hay’adood ka wada shaqeeyeen Faarax Cabdul Qaadir, sidaas ayaana looga dhigay ra’iisul wasaaraha Somalia.

1. Wuxuu isaga iyo aabihii(Sheikh Axmed Baardheere) ku dhasheen lana soo dhaqmeen beesha Digil iy Mirifle

2. Wuxuu ku hadlaa afka maay maay-ga.

3. Aabihiis wuxuu ahaa wadaad caan ka ahaa gobolada koonfureed gaar ahaan jameecada Baardheere.

4. Maadaama uu Dhulka Digil iyo Mirifle ka yimid, waxa uu sidoo kale haystaa taageerada beelaha Digil iyo Mirifle.

5. Dr. Cabdiwelli Sheikh Axmed baardheere waa nin ka soo jeeda dhal culumo , subaca quraanka afka maay maay-gana aad u yaqaana.

6. Dr. Cabdiwelli wuxuu saaxiib dhow weligii la ahaa dad ay ka mid yihiin Shariif Xasan, Faarax Cabdulqaadir, Prof Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil iyo rag kale.

7. Dr. Cabdiwelli waa nin ka soo jeeda Mareexaan iyo Digil iyo Mirifle, maadaama hooyadiis ay tahay Digil iyo Mirifle.

Qeybta daba-galka ee Caasimada Online

Ma la aqbali doonaa codsi muhiim ah oo uu madaxweyne Xasan jeediyey?

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaannada baarlamaanka ugu baaqay in ay si fudud codka kalsoonida u siiyaan ra’iisal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed oo shaley uu ku dhawaaqay.

“Iyadoo ay jiraan caqabdo fara badan haddana waxaan aad ugu kalsoonahay inuu Cabdiweli muddo gaaban ku sameyn doono isbedel dhanka  dowlad wanaaga ah. Waxaana ka codsanayaa Baarlamaanka inay kalsooni siiyaan iyadoo loo eegayo danaha shacabka iyo dalka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Si kastaba, maalmaha soo socda ayaa la filayaa in raysal wasaaraha cusub uu hortago mudanayaasha baarlamaanka si ay u siiyaan codka kalsoonida.

Dhinaca kale, xildhibanno badan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ratsal wasaaraha cusub uu heli doono codka kalsoonida maadama uu yahay qofka kaliye ee hadda ku haboon xilkaas.

Raysal wasaaraha cusub ayaa haddii uu helo codka kalsoonida waxaa laga doonayaa in uu soo dhiso xukuumad cusub taasoo aan la ogeyn tiradooda iyo tayadooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

GAAS oo qorshe cajiib ah shaaciyey

Musharax Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa abaara 3:00 Galabnimo xiliga Geska Afrika ee shalay gaaray Degmada Ufayn ee Gobalka Bari.

Boqolal Dadweyne ayaa ku soo dhoweeyey Ufayn iyo Deeganada ku dhodhow Halkaaso uu ku hakanayay si uu Farxadda ula qaybsado Tageerayaashiisa.

Dadweynaha ayaa Musharaxa uga hortagay ilaa 60 KM halkaaso ay ka soo gelbiyeen waxana Dhamaan dadweynaha reer Ufayn oo ay wehliyaan Waxgarad iyo Isimo ay Musharaxa iyo Wafdigiisa ku soo dhoweyeen Duleedka ilaa Gudaha Magaalada iyagoo ku dhawaqayay Erayo ay ku muujinayan sida ay ugu Faraxsanyihiin in Dr Gaas uu isu soo taago qabashada Madaxtinimada Puntland.

Beeldaaje Cali Farax Maxamuud oo kamid ah Isimada Puntland si diirana u soo dhoweyey Dr.Cabdiweli ayaa Sheegay in Musharaxa uu noqday Musharixii ugu horeeyey ee soo Gaara Deeganadan taasina ay qadarin weyn ugu hayaan ayna ku Faraxsanyihiin in Musharaxa uu yimado Deeganka dadkana uu la hadlo.

Qaar Kamid ah Waxgaradkii Deeganka oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in Musharaxa socdaalkiisa ay gelisay Kalsooni weyn haddi uu ku gulaysto Doorashada ka warqabkiisa Deeganada laamiga ka baxsan ee la ilaaway, waxayna waxgaradkii hadlay ay ka dalbadeen Musharaxa in uu joogteyo Boqashadiisa Deeganada fog fog ee aan la tegin Ufayna ay kamid tahay si xaladooda looga warqabo.

Musharax dr Cabdi weli Cali gaas oo la hadlay Dhamaan Dadweynihii reer Ufayn ee soo dhoweeyey ayaa Mahadcelin kaddib wuxuu balanqaaday in uu samaynayo Cadaalad iyo Horumar ay ka wada simanyihiin dhamaan Deeganada Puntland.

Xukumadiisa Cusub ayuu sheegay in ay ka shaqayn doonto 5-ta sanno ee soo socota Dhamaan gobalada si ay u daboolan dhamaan Xaladaha gudaha iyo dhibatooyinka Bulshada haysata waxana uu sheegay in aysan iska Fariisan doonin Magaalada Garoowe sidii looga bartay Xukumadihii hore.

Isagoo tixracaya Hadalkii Dadka reer Ufayn ee ahaa in Deegankan ay Kheyraad uu Shidaalka kamid yahay Ceegagto ayuu sheegay in Kheyraadka Dalka ay Bulshada ka Faidaysan doonto Isla markana guud ahaan Kheyraadka Dalka uu yahay Mid dadka reer Puntland ka Badan.

Xagga Adeegyada bulshada oo ay kamid yihiin Waxbarashada iyo Cafimadka ayuu sheegay in uu wax ka qaban doono isagoo sidoo kalana si gaar ah reer Ufayn uga Mahadceliyay horumarka ay ka sameynayaan dhanka Tacliinta kaddib Markuu arkay Musharaxa Boqolaal Arday oo ka qaybqatay soo dhoweyntiisa kuwaaso iskood isu xilqaamay markii ay ka warheleen in Musharaxa uu ku soo aadanyahay .

Dadka deeganka ayaa soo bandhigay wax soo saarka deeganka iyagoo soo bandhigay Qudaar kala duwaan oo Deeganka uu Can ku yahay Markastana ay Beeraleyda Deeganka soo saaran sidoo kale waxay ku soo bandhigeen Soo dhoweynta Wafdiga Dr Gaas agabka Hidaha iyo dhaqanka oo dhamantood ay reer Ufayn gacantooda ku sameyeen taaso Musharaxa farxad gelisay.

Musharaxa iyo Wafdigiisa ayaa Caawa ku hoyday Ufayn halkaaso Kulamo ay kula leeyihiin Waxgaradka iyo qaybaha Bulshada reer Ufayn taaso ku aadan Isbedel Doonka iyo kala warqadasho Xaladaha guud ahaan Puntland iyo Siyaasadda halka ay marayso.

Xafiiska Warfaafinta Musharax Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Video: Goob caan ah oo Muqdisho ku taalla oo dib loo howl gelinayo

Caasimada Online:  Dhismo Caan ah oo ku yaalo Magaalada Muqdisho ayaa dib dayac tir loogu sameeynayaa ayadoo la doonaya in dhawaan la howl geliyo.

Goobtani Taariikhiga ah oo ku taalo Faras magaalaha Magaalo madaxda Muqdisho ayaa ah Meel caan ah oo qof walba oo Soomaali ah uu yaqaano Magaceeda & Muuqaalkeeda balse magaceeda iyo sida ay tahay hada isma lahan ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

AXMED MADOOBE oo sarkaal muhiim magaalada Kismaayo looga khaarajiyay

Kismaayo (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose lagu toogtay  Korneel. Cabdi Madoobe oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee maamulka KMG ah ee Jubba.

Dad goobjoog ah ayaa noo sheegay in sarkaalka ay dileen kooxo ku hubeysan bastoolado kuwaasoo ku khaarajiyay marxuumka meel ku dhow gurigiisa.

Dilka kaddib waxaa magaalada ka dhacay howgallo, iyadoo caawa magaalada lagu soo rogay bandow sida ay lee yihiin dad noo warramaay oo didday in magacooda aan soo xigano.

Ma jirto cid ilaa hadda ka hadashay dilka loo geestay Korneel Cabdi Madoobe oo horre u ahaa taliyihii ciidamada xoogga gobalka Jubbada Hoose.

Waa dilkii labaad oo muddo toddobaada ah ka dhaca magaalada Kismaayo kaasoo lagu beegsaday saraakiil muhiim ah oo ka tirsan maamulka Axmed Madoobe, waxaa seddax cisho ka hor magaalada lagu khaarijiyay madixii canshuuraha dekeddda Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]