25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

VIDEO: Goob Taariikhi ah oo Muqdisho ku taalla oo dib loo dayac tiray

0

Caasimada Online: Magaalo Madaxda Muqdisho waxaa ka soconaya dib u howl gelin iyo dib u dayac tir xoogan oo lagu sameynayo xarumo magac iyo maamuus ku leh Dalkeena hooyo kuwaa oo Muwaadin walba oo Soomaali ah qiiro gelinaya marka uu maqlo magaceeda xaruntaasi.

Waxaa hubaal ah in qof walba uu ku farxi doono waa hadi ay Soomaalinimadiisa ay gaarsiisan tahay heer uu u ilmeeyo marka uu arko goobo taariikhi ah oo dalkeena ku yaalo ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

FAAH-FAAHIN: Dab weli ka socda MUQDISHO iyo khasaaro uu geestay

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa weli socda dab xooggan oo ka kacay goob shidaal oo ku taalla isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa baabi’iyay goobo ganacsi, waxaana lagu soo warramayaa in ay jiraan dad ku dhaawacmay sida uu sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee Muqdisho.

Dabka ayaa ilaa hadda socda, waxaana la arkayaa qiic iyo uuro madow oo cirka isku shareertay,oo ka socda halka uu ka socdo.

Gaadidka gurmadka ee gobalka Banaadir, shirkadda Hormuud iyo gaadid ay lee yihiin Turkiga ayaa ka qayb qaadanaya daminta dabka oo in ka badan hal saac iyo ber socda.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in goobta ay hadda gaareen wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo taliyaha ciidanka booliska Cabdikariin Daahir Siyaad Saacid, kuwaasoo halkaas u tagay bal in ay soo qiimeeyaan khasaaraha uu geestay dabka.

Lama oga waxa dabka sababay, waxaana la socda isku day lagu doonayo in lagu damiyo dabka oo ay wadaan dab-damiyayaasha maamulka gobolka Banaadir,iyo kuwa ay lee yihiin shirkadaha gaarka loo lee yahay iyagoo isticmaalaya baabuurta dab-damiska.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dab noocan oo kale uu ka kaco goob shidaal, waxaana labo ka hor dab sidan oo kale uu ka kacay goob shidaal oo ku taalla Isgoyska Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live,com

DEG DEG AH: Dab khasaaro geestay oo goordhow ka kacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in dab xooggan uu ka kacay goob shidaal oo ku taalla agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Wariye ku sugan KM4, ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, in dab xooggan uu ka kacay kaalin shidaal, wuxuuna sheegay in uu ku faafay goobo ganacsi oo ku yaalla halkaas.

“Waxaa la arkayaa qiic hawada isku shareeray, fuustooyin shidaal ay ka buuxaan oo qarxaya, iyo dab xooggga” ayuu yiri wariyaha noo warramay.

Goobta dabka uu ka kacay waxaa soo gaaray gaadidka gurmadka iyo kuwa dab dabdamiska kuwaasoo la taacalaya daminta dabka.

Ilaa hadda si dhab ah looma khasaaraha ka dhashay dabka goordhow ka kacay goobta shidaalka ee ka agdhow nawaaxigga KM4.

Waxaa goobta isku gadaamay ciidamada booliska, kuwaasoo u diiddaya dadka in ay goobta tagaan.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Caasimada Online, oo isha nagu hay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

R/W Saacid oo taageero cusub oo hor leh sii helaya (Maxaa cusub?)

Waxaa isi soo taraya culeyska beesha caalamka  & qeybo ka mid ah hormuudka bulshadda uga imaanaya Madaxweynaha dowladda FS Xassan Shiikh Maxúud, waxaana soo baxaya   tallooyin loo jeedinayo Madaxweynaha oo ku saabsan inuu dib uga laabto qorshaha is-casilaada R/wasaaraha, laguna dhammeeyo khilaafka kala dhexeeya Wasiirka 1-aad wadahadal  & is-qancin.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo ka gaabsaday magaciisa, isagoo  ka hadlayey barnaamijka sahanka dadweynaha ee ka baxa mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa ku nuuxnuuxsaday in  ku dhowaad 80 xildhibaan oo ka mid ah kuwii horay u saxiixay mooshinka R/wasaaraha ka dhanka ah in ay dib uga laabteen, sababtuna ay tahay qaabka looga saxiixay mooshinka oo uu ku tilmaamay qaab xildhibaanada laysugu darayo handadaad, caga jugleyn & habaar, isaga oo sheegay in Madaxweynaha & wasiirka madaxtooyadda Faarax C/qaadir in ay jawaano ay lacago ka buuxaan u soo dhiibeen dhalinyaro aan xilkas aheyn oo la yiri xildhibaan kasta lacagta intaas la eg siiya, kana saxiixa mooshinka.

Xildhibaanka wuxuu is weydiiyey “Halka laga keenay dhaqaalaha xaddigaas laég ee xildhibaanada loo qeybiyey.?”

“Xassan Shiikh wuxuu haystaa fursad uu qaladkii ka dhacay kaga laaban karo,   hogaamiyayaashu waa sameeyaan qaladaad, waana ka laabtaan, waxaa la gudboon inuu ka   laabto, si xal loogu helo khilaafka” ayuu yiri xildhibaankaasi, isaga oo intaa ku daray in marka la fiiriyo dareenka shacabka & aragtida dadweynaha in shacabku ay taageero weyn u hayaan R/wasaaraha, ayna u arkayaan masúul shaqadiisii lagu qabsaday.

Mid ka mid ah  shaqaalaha dowladda oo isna ka hadlayey barnaamijka aragtida dadweynaha (Public opinion) wuxuu sheegay in  khilaafka madaxda sare uu sababay dib u dhac weyn oo ku yimid hab-sami u socodkii shaqooyinkii hayádaha dowladda, isaga oo xusay in madaxda hayádaha dowladda ay la kala safan yihiin Madaxweynaha  & R/wasaaraha, oo xittaa taliyeyaasha ciidamada ammaanka kala taageersan yihiin madaxweynaha & R/wasaaraha.

“Shacabku waxey qabaan in qofka keliya ee dalka xilligan badbaadin kara uu yahay Xassan Shiikh, waana inuu garowsadaa in xadgudub loo geysto dastuurka uusan xal aheyn” ayuu yiri Masúulkaas.

Isha: Yoobsannews

Saraakiil sar sare oo ka tirsan DFS oo caawa lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa caawa ka dhacay dilal ay geesgteen kooxo ku hubeysan bastoolado.

Sarkaal ka tirsan hey’adda nabad sugida iyo askari ayaa lagu dilay Isgoyska Siinaay ee degmada Wardhiigleey sida ay noo sheegeen goobjoogayaal ah.

Kooxda dilka geesatay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana durba soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda kuwaasoo baaritaan sameeyay, balse ma jirto dad ay u soo qabteen dhacdadaas.

Waa dilkii seddaxaad oo noociisa ah oo ka dhaca maanta magaalada Muqdisho.

Mar sii horreysay ayaa kooxo hubeysan waxa ay xaafad ka tirsan degmada Dharkeynley ku dileen haweeney la sheegay in ka mid ah ahayd dumarka nadaafadda degmada.

Magaalada oo labadii sanno ee la soo dhaafay ka kabanaysay dagaaladii la haray, ayaa waxaa weli ka dhacay falal dil iyo qara isgu jira.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

FAAH-FAAHIN: Dagaal qaraar oo dhex maray Puntland iyo Khaatumo

Taleex (Caasimada Online) Waxaa faahfaahin laga helayaa dagaal maanta ka dhacay deegaanka god-qaboobe oo ka tirsan gobolka Sool.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu dhexmaray labo maleeshiyo oo kala taageersan Maamulada Khaatumo iyo Puntland.

Sida ay lee yihiin dadka deeganka, dagaallkan ayaa billowday markii ciidamo ka yimi Buuhoodle oo ku sii jeeday Taleex ay rasaaseeyeen kuwa joogay duleedka deeganka god-qaboobe.

Illaa hadda si dhab looma xaqiijin karo khasaaraha ka dhashey dagaalka,waxaana wararkii ugu dambeeyay ay ku sheegayaan in xilligaan dagaalka uusan wax dagaal ka socon deeganka lagu dagaamalay.

Dhinaca kale, madaxweynaha maamulka Khaatumo, Maxamed Yuusuf Jaamac “Indhasheel”oo caawa la hadlay idaacadaha gudaha, ayaa ku eedeeyay dagaalkii maanta maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay in hal askari uu xagooda kaga dhaawacmay dagaalka, balse dhinicii kale ay askar badan ka dileen sida uu hadlaka udhigay.

Maamulka Puntland ilaa hadda kama hadlin eedeenta loo soo jeediyay ee ah in ay ka dambeeyeen dagaalka maanta ka dhacay deegan hoostaga gobalka Sool.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa caawa deggan, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan maamulka Khaatumo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

[email protected]

DEG DEG AH: Isgaarsiinta Kismaayo oo jaran iyo xaalad cabsi ah oo jirta

Kismaayo (Caasimada Online) War hadda soo dhacay, ayaa sheegaya in isgaarsiinta Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ay jaran tahay.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay isgaarsiinta magaalada in ay jaran tahay, waxaana sidaas amar ku bixiyay maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Magaalada waxaa lagu arkayaa ciidamo fara badan, kuwaasoo gaaf wareegaya xaafadda magaalada.

Isku socodka dadka iyo gaadidka ayaa caadi ah oo wax saameen ah kuma yeelan isgaarsiinta jaran.

Ma ahan markii ugu horreysay oo la jaro isgaarsiinta magaalada Kismaayo, waxaana inta badan la sameeyaa marka ay wafdi soo dagayaan ama ka baxayaan magaalada.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay sababta hawada looga saaray isgaarsiinta magaalada Kismaayo oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen dilal iyo qaraxyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Soomaaliya oo 22-sanno kaddib kasoo muuqatay masrax ay ka maqneyd

Sana’a (Caasimada Online) Magaalada Sana’a ee xarunta dalka Yemen, waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlaayay garsoorka waddamada carabta, waxaana markii ugu horreysay 22-sanno kaddib ka soo muuqday shirkaan Soomaaliya.

Shirka oo shaley furmay, ayaa looga hadlay siddii loo horrumarin lahaa garsoorka waddamada carabta, waxaana gabagabadiisa laga soo saaray qoddobo muhiim ah oo loo baahan yahay in la hirgaliyo.

Shirka waxaa si weyn looga hadlay siddii wax looga qaban lahaa burbcad-badeednimada, lunsashada hantida qaramada iyo ka ganacsiga aadanaha, loona sameen lahaa maxkamad ay lee yihiin waddamada carabta.

Wasiirka cadaallada Soomaaliya, Cabdulaahi Abyan Nuur,oo saxaafadda kula hadlay Sana’a ayaa sheegay in markii ugu horreysay ay tahay oo Soomaaliya ay ka soo qaybgasho shirarka waddamada carabta.

Wasiirka ayaa sheegay Soomaaliya in lagu daray kursiga wasaaradda cadaalladda Carabta.

Waa shirkii 19-aad ee oo ay yeeshaan wasaaradaha cadaalladaha ee Carabta,waana markii ugu horreysay oo Soomaaliya ay ka soo muuqato shirkan tan iyo burburkii dalka.

Shirkan laguma casuumi jirin dowladihii kumeel gaarka ee soo maray dalka Soomaaliya sida uu sheegay wasiirka garsoorka iyo cadaaladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

Liiska golaha wasiirada ee khilaafka ka dhex abuuray Xasan Sheikh iyo Saacid oo la helay + Magacyada + Beelahooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog  lagu kalsoon yahay oo laga helay xubno ku sugan Villa Somalia, ayaa Sheegaysa in khilaafka Xasan Sheekh iyo Saacid uu xoogiisa ka yimid isku shaandheenta Golaha Wasiirada ee Horey u ballan qaaday Ra’isul wasaare Saacid.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Prof-Xasan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Saacid Shirdoon ayaa waxay isku maan dhaafsanaayeen sida layskugu afgaran lahaa qaabka loo dhigayo golaha wasiirada ee la doonayay in isku shaandheen lagu sameeyo taasoo khilaaf adag dhalisay.

Madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha waxa kaliya ay ka mideys-naayeen ama ay  isku raacsanaayeen ayaa aheyd in golaha si siman beelaha loogu qeybiyo sida Shan beelood ama 5.

Ra’isul wasaare Saacid ayaa markii koowaad laga fujin waayay wasiirka arimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed isagoo aad u diidanaa in loo dhiibo C/Kariin Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka isagoo la jeclaaday Taas badalkeeda in loo magacaabo Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, Laakiin Taas wuu Ku gacan seeray Madaxweynaha, waxaana ugu dambeyn soo kala dhex galay hogaamiyaha kooxda Damjadiid Faarax Sheekh C/Qaadir, ahna wasiiru dowlaha madaxtooyada, Kaasoo ku xaliyay C/kariin Xuseen Guuleed in uu Noqdo Wasiirka Arimaha Gudaha oo Kaliya Lana Abuuro Wasaarada Amniga Qaranka oo Shaqsi Kale loo Magacaabo Wayna kuwada Qanceen Waliba Shaqsi Heeb ahaan kasoo Jeeda Beel-weynta Hawiye.

Mar Labaad Ra’isul wasaare Saacid Ayaa ku adkeestay in Wasiirada Arimaha Dibadda Fowsiyo Yuusuf  Xaaji Aadan  Xilkeeda ay wayso Sabab la’aan- Ra’isul Wasaare Saacid Wuxuu Kaloo Ku adkeystay in aysan Soo Noqon  90%  Golaha Wasiirada ee Hadda jira halka uu ka doorbiday in Golaha Wasiirada lagu soo biiriyo Wajiyo Cajiib ah oo uu ku tilmaamay Rugcadaayaal Siyaasadeed Laakiin laysku Mari Waayey.

Waa kuwaan Magacyada Liiska oo dhameystiran ee khilaafka Weyn ka dhexdhaliyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qabiiladooda:-

F.G:- Wasaaradaha aad layskugu heysto waxaa kamida kuwa Hal Qof kabadan ku Qoran

1- Ra’isul Wasaare Ku Xigeen 1aad Ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga
*Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan        (Dir/isaaq/Habar-Yoonis).
*Prof:C/raxmaan C/Qaadir –Waa Gudoomiye ku xigeenkii hore Xisbiga Kulmiye ee Maamulka   Somaliland ee Xilkiisa Jirdil Sharci daro iyo Xoog looga Qaaday (Dir/isaaq/Habar-Yoonis).
*Axmed C/raxman Abaade Waa Wasiirkii hore Dekadaha ee Xukuumaddii TAYO ee Farmaajo.

2- Ra’isul Wasaare Ku Xigeen 2aad Ahna Wasiirka Ganacsiga’Warshadaha iyo Maalgashiga
*Aadan Saran-Soor Waa Xildhibaan Siyaasi Rug Cadaa ahna (Mirifle/Hadamo).
*Maxamuud Axmed Xasan Waa wasiirka Hadda Xilkaasi Wasaarada Haaya (Mirifle/Hadamo).
*Shariif Xasan Sheekh Aadan Waa Siyaasi Rug Cadaa ah Wax Gad Gadiyana (Mirifle/Asharaf)

3- Ra’isul Wasaare Ku Xigeen 3aad Ahna Wasiirka Maaliyadda iyo Lacagta
# Maxamuud Xasan Suleeymaan  (Daarood/Majeerteen).

4- Wasiirka Garsoorka’Cadaalada’Diinta iyo AwQaafta
#C/laahi Abyan Nuur    (Dir/Biyamaal).

5- Wasiirka Macdanta Biyaha’Tamarta iyo batroolka
# Maxamed C/laahi Oomaar     (Dir/isaaq/Habar-Awal).

6- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada
# Ducaalle Aadan Maxamed Waa Ag.Guud ee Wasaarada Caafimaadka Hadda ah (Dir/Surre).

7- Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Maamul Wanaaga
#C/Kariin Xuseen Guuleed   (Hawiye/Habargidir/Sacad).

8- Wasiirka Kaluumeysiga’Kheyraadka badda’ iyo Maamulka Dekadaha
#C/risaaq Cumar Maxamed Waa Wasiirka Hadda Xilkaa Hayo (Hawiye/Xawaadle).

9- Wasiirka Amniga Qaranka iyo Hub ka Dhigista
# Mustaf Dhuxukoow Waa Siyaasi Rug cadaa ah Xidhibaana ah (Hawiye/Murusade).

10- Wasiirka Waxbarashada’Hidaha iyo Tacliinta Sarre
*Abuukar Xasan Cali Hadda waa Wasir ku xigenka Maaliyada (Hawiye/Gaaljacel).
*C/wahaab nin magaciisa lagu soo koobay horeyna Dowladii Carta ee C/qasim Wasiir ka Soo noqday Hadana ah Al-islaax – Damjadiid  (Hawiye/Gaaljacel).

11- Wasiirka Duulista’Hawada’Gaadiidka’Cirka iyo Dhulka
*C/laahi Ciilmooge Xirsi (Daarood/Absame/Ogaadeen).

12- Wasiirka Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta
*C/qaadir Sheekh ismaaciil Hadda Waa wasir ku xigenka Ganacsiga (Daarood/Leelkase).

13- Wasiirka Warfaafinta’Wacyigalinta’Hanuuninta Dadweynaha’iyo Dhaqanka
*C/kariin Xasan Jaamac Waawasirki hore Xukumadi Tayo Wasaradan (Daarood/Dhulbahante)

14- Wasiirka Gaashaandhiga
# C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Waa wasiirka Hada haya jagadaa (Digil/Dabare).

15- Waiirka Beeraha’Xanaanada’Xoolaha’Dhirta iyo Daaqa
*Jamaal Axmed Barrow Hadda Waa wasir ku xigenka Arimaha Dibada (Digil/Jiido).

16- Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta
*ibraahim isaaq Yaroow Hadda Waa wasir ku xigenka Warfafinta (Mirifle/Garwaale).

17- Wasiirka Howlaha Guud’Guryeenta iyo Dib U dhiska Dalka
#Muxidiin Maxamed Kaalmooy (Beesha Shanaad/Jareer-weyne).

18- Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska
#Maryan Qaasim Axmed   (Beesha Shanaad/Reer-Xamar).

19- Wasiirka Arimaha bulshada’shaqada’Horumarinta Shaqaalaha’Dhalinyarada iyo isboortiga
*Khadiijo Maxamed Diiriye    (Beesha shanaad/Yaxye-Saalax).

20- Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo Hurumarinta
#Faarax Sheekh C/Qaadir   (Beesha Shanaad/Reer-AwXasan).

Isha: Idaacadda Haatuf

DAAWO VIDEO: Isbadalka cusub ee garoonka caalamiga ah ee Adan Adde

0

Caasimada Online: Garoonka Caalamiga ee Aadan Adde oo wax weyn iska badaleyn tan iyo markii ay la wareegtay Shirkada Turkiga ayaa waxaa ka dareemeysaa howlaha shaqo iyo mashquulka Garoonka ee Shacabka Dhoofaya iyo kuwa dalka ku soo laabanaya.

Arinka sida weynka ah loogu farxay ayaa ah in Shaqaalaha Shirkada cusub ee la wareegtay garoonka ay yihiin shaqaalo ka duwan kuwii hore kana naxariis badan dhanka caawinta Dadweynaha iyo u adeegida Diyaaradaha soo dagaya iyo kuwa dhoofaya ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Haweeney MUQDISHO lagu toogtay

Muqdisho (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa maanta barqadii waxa ay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho ku toogteen haweeney rayid ah.

Sida ay sheegayaan dadka goobjoogayaasha, haweeneydan ayaa waxaa toogtay labo qof oo ku hubeysnaa bastoolad, markii ay falka geesteena goobta isaga baxsaday.

Waxaa jirra warar sheegaya in markii haweeneydan la tooganayay, uu eryaday wiil ay dhashay, balse markii uu dhowr daqiiqo uu eryanayay, waxay kooxda dableyda u sheegen in ay isna dili doonaan.

Dadka ku dhaqan xaafadda dilkan uu ka hdacay ayaa walwal ay la soo daristay, waxaana ay lee yihiin ma ahan markii ugu horreysay oo dad rayid ah lagu xaafadda Quba.

Haweeneyda la dilaya ayaa la sheegay in ka mid ahayn haweenka howlaha nadaafada u qaabilsan degmada.
Ma jirto koox sheegtay dilka haweeneydan iyo cid ka hadashay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Taliyihii ciidamada badda Somalia oo xil-ka-qaadis lagu sameeyay

Muqdisho (Caasimada Online) Taliyahan Cusub ee loo magacaabay Hogaaminta  Ciidamada Badda ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay General Ufurow waxaana la tilmaamay inuu hore kaga tirsanaa Ciidamadii Milateriga Soomaaliya .

Xog ay heshay Shabakada Caasimada online ayaa sheegaysan inuu jiro qorshe is badal loogu sameynayo guud ahaan Saraakiisha ciidamada Somalia kadib  marka lasoo dhiso xukuumada cusub .

Ilaa sanadkii 2009-kii ayuu Admiral Faarax Qarre soo hayay xilka Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliyawaxaana la tilmaamaa inuu si aad ah u garanayoo culuumta badda sida wararku ay sheegayaan.

Wali si rasmi ah looma Shaacin wareegtada xilka looga qaaday Admiral Faarax Qarre hayeeshee wararka ayaa tilmaamaya in  is bedelkan uu qeyb kayahay is bedelo horay loogu sameeyay Hogaanada ciidamada qalabka sida, .

Wixii ka dambeeyay markii xilka madaxtimada dalka uu qabtay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud waxaa isi soo taraya isbadalada lagu sameynayo dhanka hogaanka ciidamada dowlada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Puntland oo runta u sheegtay DF “Ma jirto deeq aan idinkaga baahanahay”

Garowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ee uu hogaamiyo C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole, ayaa ka dhawaajiyay inaysan dowlada Somalia ka helin deeqdii halka milion aheyd ee ay u balan qaaday inay kaga qeyb qadaneyso dhibaatadii deegaano ka mid ah gobolada Maamulkaasi ka dhacday.

Isagoo saxaafada kula hadlayay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland Wasiiru Dowlaha Maamul Wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin deeq ka timid  Dowladda  Soomaaliya  oo Puntland soo gaartay.

Wuxuu sheegay in dowlada Somalia ay balan qaad kaliya sameysay hayeeshee aysan ka qeyb qaadan gurmadkii deg dega ahaa ee loo fidiyay dadkii ay waxyeelada kasoo gartay duufaantii ku dhifatay qeybo ka mid ah Puntland.

Mr: Gaashaan, wuxuu sidoo kale sheegay in xilligan aysan jirin baahi loo qabo  gurmad lala soo daahay, sida uu hadalka u dhigay , waxaana uu shaaciyay inay jiraan hanto badan oo lagu bixiyay u gurmashada dadka ay saameynta xoogan kasoo gaaratay duufaantii gobolada Bari iyo Nugaal.

Maamulka Gobalka Banaadir, maalin kahor wuxuu shaaca ka qaaday inay uruuriyeen iminkana ay  gacanta ku hayaan lacag gaaraysa $270,822, dhar iyo sidoo kale raashin, dhawaana aygaarsiin doonaan Puntland gaar ahaan degaanada dhibaatada ay ka dhacday.

Qoysas badan aya ku ceyroobay duufaan ku dhifatay qeybo ka mid ah Puntland halka qaarkoodna ay ku nafwaayeen, waxaaana hey’ada Caafimaadku ay sheegayaan in goobaha ay duufaantaaasi ku dhifatay inay ka dilaacee cuduro aan la aqoon.

Puntland hore waxay u sheegtay inay xiriirka u jartay dowlada Somalia kadib markii sida ay sheegtay wax ka badal lagu sameeyay dastuurka dalka .

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Xog: Ajaanib lagu qabtay Kismaayo oo la wareejiyay (Yaa loo gacan galiyay?)

Kismaayo (Caasimada Online) Warar lagu kal soon yahay oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa muujinaya in maamulka KMG ah ee Jubba ay ku wareejiyeen ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo labo nin oo ajnebi ah kuwaasoo dhawaan laga qabtay dekedda Kismaayo.

Ilo xog-ogaal oo diidday magacooda ayaa noo sheegay in labadan nin oo u dhashay dalka Kenya iyo Tanzania ay la socdeen markab ka yimid Muqdisho oo ku xirtay labo maalin ka hor dekedda Kisamayo.

Raggan ayaa laga shakiyay, markii ay ka soo dageen markabka iyagoo wax fasax weydiisan maamulka dekedda sidaas waxaa noo sheegay ilaha aan warkan ka soo xiganay.

Markii la ogaaday in raggan ay yihiin ajnebi, waxaa maamulka Kismaayo ay wareysi qarsoodi ah la yeesheen kabtankii waday markabka kaasoo sheegay in uusan wax aqoon ah u lahayn raggan la socday markan uu wadahayh ka yahay.

Si kastaba, ma jirto wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay maamulka Axmed Madoobe, marka laga reebo in ay saxaafadda u sheegeen in la qabtay rag ajnebi ah.

Dhinaca kale, labadan nin ayaa waxaa hadda lagu hayaa dusha markab dagaal oo ay lee yihiin ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo, waxaana loo wareejin doonaa magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya si halkaas baaritaan loogu sameeyo.

Magaalada Kismaayo waxaa waayahan dambe ku soo badanaya falalka ammaan darada, iyadoo dilal iyo qaraxyo kala duwan ay ka dhaceen dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

UHURRU KENYATTA oo uu usoo yeeray warkii ugu naxdinta badnaa (Warbixin)

Hague (Caasimada Online) – Maxkamada Caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ICC ayaa sheegtay in Madaxweynaha Kenya laga doonayo inuu joogo inta ay socdaan fadhiyadu, iyadoona la fasixi doono hadba xaalada markaasi taagan.

Garsoorayaasha ayaa horey u go’aamiyay in Mr. Kenyatta uu hortagayo maxkamada xiliyo kooban sida furitaanka, dhageysiga markhaatiyaasha muhiimka iyo ku dhawaaqida xukunka.

February 2014 ayaa lagu wadaa inay furmato maxkamadeynta oo marar hore dib u dhacday.

Kenyatta ayaa loo haystaa danbiyo dagaal inuu galay kana danbeeyay rabshado ka dhacay 2007 Kenya taasi oo ay ku dhinteen in ka badan kun qof.

‘’Waxa la eegi doonaa codsiyada mustaqbalka uu soo gudbin doono oo ku aadan in laga cafiyo imaatinka maxkamada qaybo ka mida iyadoo la eegayo xaalad weliba gaarkeed” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ICC.

Kooxda difaaceysa Uhuru Kenyatta ayaa ku doodaya in tagitaanka Maxkamada ay ka hor istaageyso Madaxweynaha maamulida dalka.

Hogaamiyasha Afrika aya bishii tagtay fadhi ay ku yeesheen Addis ku sheegay ICC mid bartilmaameedsata keliya Qaarada Afrika, waxana laga diiday bishan horaanteedi codsi ay UN-ka u gudbiyeen in dib loo dhigo talada intuu hayo maxkamadaynta Uhuru.

Madaxweyne Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa labaduba beeniyay eedaymaha loo soo jeedshay.

Mr. Kenyatta ayaa noqon doona madaxweynihii ugu horeeyay oo isaga oo xafiiska jooga taga maxkamada danbiyada caalamiga ah ee ICC.

Caasimada Online
Xafiiska Amesterdam
[email protected]

Saacid oo soo jiitay xildhibaano badan iyo mooshinkii oo mugdi uu hareeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan ku heleyno Warar lagu kalsoon yahay waxaa Magaalada Muqdisho ka bilowday in lakala fur furo Xildhibaanadii tirada badnaa ee dhawaan saxiixay Mooshinka laga gudbiyay R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid)

Xogta aan heleyno ayaa tibaaxeysa in markaan olole xoogan bilaabeen Xubno katirsan Baarlamaanka oo u ololeenaya dhinaca R/Wasaaraha kuwaa oo Xildhibaanada kusoo jiidanaya lacago badan oo la siinayo Xildhibaanaa taageera Siyaasada Saacid.

Xildhibaanadii horey u saxiixay Moohinka lagu ridayo R/Wasaare saacid oon qaarkood wax lacag ah ka qaadan Dhinaca Madaxweynaha ayaa hada bilaabay in dhinaca kale ku biiraan kana qaataan lacagaha lagu kasbanayo codkooda.

In lakala fur furo Xildhibaanadii Saxiixay Mooshinka lagu ridayo R/Wasaare Saacid ayaa timid kadib markii Xildhibaanada qaarkood iyaga oon lacag la siin laga saxiixay Mooshinka kuwaa oo hada laga dhaadhiciyay in Xubanaha Baarlamaanka ee madaxweynaha u ololeenaya ay madaxyadooda lacag ku cuneyn iyagana aan wax loo heyn taa oo kalifta in ay markaan dhinaca kale usoo wareegaan lacagna ka qaataan.

Marwada R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Xubno kale oo caan ah oo katirsan Baarlamaanka ayaa hada wada kala fur furka Xildhibanaadii saxiixay Mooshinka , waxaana Shalay lagu arkayay Xildhibaanada taageersan R/Wasaaraha oo olole xoogan ka wada gudaha Xarunta Golaha Shacabka.

Dib u dhaca ku yimid Mooshinkii la doonayay in lagu Rido R/Wasaaraha ayaa u noqotay Saacid Sheyrdoon fursad uu ku raadiyo in uu is bad baadiyo iyadoona arintan ay niyad jab galisay dhinaca Madaxweynaha oo hada la bilaabay in lakala fur furo Xildhibaanadii taageersanaa horeyna u saxiixay Mooshinka lagu ridayo R/Wasaaraha.

Xildhibaanadii horey u saxiixay Mooshinka iminkana kalaabtay ayaa markii hore aan la siin wax lacag sidaa u buuran marka laga reebo balan qaad waxa ayna hada ku andacoonayaan in ay ku qaldameen Saxiixa Mooshinka iminkana ay dhinaca kale la jirsanayaan hadii ay dhaqaaloka helayaan.

Isha: Kismaayo24

Dagaal siyaasadeedka madaxda dalka & doorka marwada Ra’isul wasaaraha

R.wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud 06-dii October 2012 ayaa waqtigii dastuurku u ogolaa waxa uu ku keenay gola wasiirro oo 10 xubnood ah kuwaas oo Soomaalidu ku qanci weysay hormuudna u noqday in beelaha Soomaaliyeed ay durbadiiba luqunta isu galaan oo hanaankii dowladnimo hamigii loo qabay uu socon waayo.

Sedax bilood gudohood laga soo bilaabo xilligii uu xukuumadii soo dhisay, waxaa soo baxay R.wasaare Saacid in uusan shaqeyn Karin arintaas oo ay ugu mug weyntahay siyaasada dalka oo uu ku jaha wareeray dhanka ay ku wajahantahay, arintaas oo xildhibaanna Soomaaliyeed oo u dhaartay horumarinta dalkooda iyo ka hor tegidda hagardaamada dalka lala damacsanyahay waxa ay mowshin ka diyaariyeen Xukuumadiisa si loo helo xukuumad Soomaaliyeed oo shaqeyn karta dalka, dadka iyo Diintana sharaftooda kor u qaada.

Xildhibaanada diyaariyay mowshinkaasi oo gaarayay 93 xildhibaan ayaa waxaa si hal-haleel ah oo masuuliyadi ku dheehantahay codsi ugu soo jeediyay madaxweynaha Soomaaliya oo xilligaasi meela badan wax ka eegayay oo ay kamid ahaayeen shirar is-daba joog ah oo heer caalami ah oo madaxda dalku ka qeyb galeysay kuwaas oo ay kamid ahaayeen shirarkii, London, Japan iyo kii Bruselles ee New deal xilligaasina uusan aheyn waqti ku haboon in buuq siyaasadeed iyo xukuumad cusub dhisitaankeed la guda galo.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo isaguba dareensanaa in R.wasaare Saacid uusan kasoo bixin xilka loo dhiibay ayaa mudanayaashii doonayay in ay dalka kahor wareejiyaan waxa uu isaga aadiyay markaasi isaga oo ku war geliyay in ay Mowshinkooda la laabtaan oo markaan isaga ay ku sharfaan.

R.wasaare Saacid markii uu ogaaday in aan madaxweynuhu ku qanacsaneyn waxa uu bilaabay in uu warbaahinta ka sheego in uu xukuumad soo dhisi doono xukuumad tira badan si uu umada Soomaaliyeed uga gado fikir ah in madaxweynaha iyo isagu ay wax isla ogyihiin isaga oo su’aal laga weydiiyay shaqadiisa iyo in uu is-casilayo uga jawaabay in uu 2016-ka gaarayo xilligaas oo ah marka uu ku egyahay waqtiga 4-sano ah ee madaxweynaha loo doortay in uu talada dalka hayo.

Iyada oo ay u banaaneed madaxweynaha dalka in uu khiyaano R.wasaare Saacid oo uu ka ogolaado xukuumada uu sheegay in uu soo dhiso kadibna uu baarlamaanku codka kalsoonida ah u diido, ayaa madaxweynaha oo ku kalsoon in R.wasaaruhu uu ogolaan doono dadaal waliba oo dalka lagu hor-marinaayo, waxa uu ka leexday wadaasi isaga oo si furcada ah ugu sheegay in uu iscasilo R.wasaaraha si loo keeno kuriga uu baneeyo nin shaqada adag ee dalka hortaalla ka bixi kara isaga oo waliba sharfan oo taariikhda Soomaaliya baal dahab ah ka geli lahaa, shaqsiyaadka lagu xasuusto wanaagana kamid noqon lahaa.

R.wasaare Saacid uma cuntamin dalabka madaxweynaha ee ahaa in wax la dhiso, ee durbadiiba waxa uu bilaabay in uu dagaalo oo uu diido in uu istaqaalada geeyo, isaga oo madaxweynaha ku eedeeyay dalabka uu usoo jeediyay halkii ay ku habooneed in uu uga mahad celiyo sida uu u sharfay ee aheyd in uusan madaxweynuhu waqti dheerna lumin sumcada R.wasaarahana uusan wax u dhimin.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo aad u xasuusan in R.wasaare iyo madaxweyna isku dhacay taariikhda uusan R.wasaare guuleysan marnaba, ayaa waxaa u tegay qabiilada Soomaalida oo dhan iyaga oo u sheegay in uu isaga tago xilka maadaama kursiguba uu wareeg yahay, masuuliyiin bandanna ay horay uga tageen kuwa kalana ka tegi doonaan arintaas oo u cuntami weysay uuna ka door biday in uu soo taabto salka xeerada wixii u soo baxana uu halkaasi ka qaato.

Markii uu khilaafku uu sara u kacay ayaa xildhibaanadii markii hore madaxweynuhu uu isku hor gudbay mowshinkooda waxa ay dib ula soo laba kacleeyeen mowshinkii iyaga oo waliba ay ku biireen xildhibaanna kale kuwaas oo tirada ka dhigay 168 xildhibaan oo ka badan xildhibaanadii dastuurku ogolaa in ay R.wasaaraha ridi karaan maadaama tirada guud ee baarlamaanka ay ka badanyihiin 50% +1

Tirada guud ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay tahay 275, waxaana halkaas ka cadaanaya in xildhibaanada xukuumada ridi kara ay yihiin 139, oo in badan ka yar tirada moshinka keentay oo 167 xildhibaan oo kamid ah dalka ay joogaan marka laga reebo 1 xidhibaan oo isna ku sugan dalka Kenya sida aan ka helnay siyaasiyiin arinta sheeda kala socday arintaas oo muujineysa in ay ka go’antahay in R.wasaare Saacid uu meesha ka boxo.

Mowshinka xildhibaandu ay ka geeyeen Xukuumada R.wasaare Saacid ayaa waxaa gudoonka baarlamaanku ka dhawaajiyeen in uu maalinta sabiga ah laga doodi doono si xukuumada codka kalsoonid u hesho ama ay u weyso.

Hadaba maxey isku haleynayaan R.wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo Xaaskiisa Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi?

Sida ay sheegeen xildhibaanno la kulmay Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi oo aad ugu ololeyneysa in xukuumada uu hogaamiyo Segeeda ay sii joogto ayaa waxa ay sheegeen in uu jiro qorshe xildhibaanada ay uga dooneyso in aysan gacanta u taagin codka lagu diidayo in xukuumadu sii shaqeyso.

Qorshahaas oo ah sedax qeybood oo kala lacag badan waxaa la socda dhaar kutub qur’aan leesku dhaarinayo iyada oo waliba lacagta horay loogu kaashayo xildhibaankii aqbala ololaha Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi.

Qeybta 1-aad ayaa waxa ay tahay in xildhibaankii u codeeya in Xukuumada
Cabdi Faarax Shirdoon ay sii shaqeyso la siinayo $5000 (Shan Kun oo
Doolar).

Qeybta 2-baad ayaa iyana waxa ay tahay $3000 (sedax Kun oo Doolar) oo la siinayo xildhibaankii madasha soo xaadira ee ka aamusa oo in xukuumadu dhacdo ama shaqeyso aan u codeyn Qeybta ugu danbeysa ayaa waxa ay iyana tahay in xildhibaankii dalka ka safraya oo aan maalintaasi dalka joogeyn la siinaayo $2000 (laba Kun oo Doolar) iyo ticket-ka dalka uu u baxaayo.

Dhamaan xildhibaanada sedxadaas option midkood uu u cuntamo ayaa waxaa iyana hor-yaalla kutubka Qur’aanka oo lagu dhaarinaayo si aysan balanta uga bixin arintaas oo keeni karta in xildhibaanna badan aysan ku dhiiran qaadashada qandaraaskaasi.

Hadaba la arki doonee sida xaalku dhu madaado maalinta Sabdiga ah ee ay naga xigaan sedax maalmood oo kali ah!!!

W/Q Saadaq Yuusuf Maxamed
E-mail: [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahn tan Caasimada Online

Jawaari oo hadal aan laga fileyn ku yiri xukuumadda Somalia ee R/W Saacid

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha golaha baarlamaanka, Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa shalay dib ugu celiyay wasaaradda kheyraadka hindise ku saabsan dib u dhiska bangiga horumarinta Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in hindisahaas aaney laga qaybgalin maamulada ka dhisan dalka sida maamulka Puntland.

Guddoomiye Jawaari ayaa ku amray wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya inaysan u soo gudbin baarlamaanka sharci aysan wada tashi kala soo samaynin maamulada ka dhisan dalka.

Ugu dambeyn,guddoomiyuhu wuxuu ku booriyay wasaaradaha xukuumadda inay xildhibaannada baarlamaanka u soo gudbiyaan wax yaabo waa faqsan shuruucda dalka, si sannadka 2016-ka dalka ay u dhacaan doorasho madax banaan.

Dhinaca kale, guddoomiyaha golaha baarlamaanka ayaa ku celceliyay in xaalad xasaasi la marayo, wuxuuna xildhibaannada ka codsaday inay soo buux dhaafiyaan kulamada la lee yahay.

“Caalamka oo dhan wuxuu eegayaa baarlamaanka, xaakimiin baa tihiin, maalmahan shaqooyin adag ayaa noo yaalla xildhibaanka ka maqnaada fadhiyada waxaan u qaadanayaa in uu yahay xildhibaan ka dhuumanaya shaqadiisa” ayuu yiri guddoomiye Jawaari.

Waa markii ugu horreysay oo guddoonka baarlamaanka uu dib u celiyo hindise ay soo bandhigtay wasaarad ka tirsan xukuumadda, taasoo la xiriirta in aan lagala tashan maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawiro & Warbixin: Maxay Somalia kala soo kulantay shirki shalay ee Brussels

Brussels (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam iyo wafdi ay hoggaamineyso oo beryahan ku sugnaa Brussels ayaa maanta soo gabogabeynaya shirka ay halkaas uga qeybgalayaan oo looga hadlayo Horumarinta Caalamka. 

Wasiir Fowzia ayaa shirka inta uu socday kulamo gaar gaar ah la yeelatay mas’uuliyiin kala duwan oo ay kala hadleysay soo xoojinta xiriirka iyo sidii dalalka caalamka ay uga dhabeyn lahaayeen ballanqaadyadooda oo ay dowladda Soomaaliya garab weyn k siin lahaayeen qorsheyaasha lagu xasilinayo dalka, iyo kuuwa lagu dardargelinayo dhismayaasha hay’adaha dowliga ah iyo sidii mashaariic horumarineed loogu heli lahaa dalka. 

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleyn Madaxweynayaal iyo Ra’iisul Wasaareyaal ka kala socda caalamka oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha Liberia, Niger, Ra’iisul Wasaarayaasha Jamaica, Lithuania, Cape Verde. Sidoo kale waxaa ka soo qeybgalay Madaxa Midowga Africa Nkosazan Zuma, Madaxweynaha EU Barosso, iyo madaxda Midowga Yurub. Sidoo kale waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro ka kala socda caalamka, gaar ahaan Wasiirada horumarinta ee Midowga Yurub. 

Wasiir Fowzia ayaa sheegtay in Soomaaliya ay maanta horumar ballaaran ku tallaabsatay caalamkana laga codsanayo inay Dowladda qorsheyaasheeda taageeraan. Wasiir Fowzia ayaa warbixin kooban ka bixisay horumarka ballaaran ee dhinacyada badan sida amniga, dib-u-heshiisiinta, shirarka Qaranka ee dadka talada laga qeybgalinayo, iyo qorsheyaasha cad-cad ee dowladdu soo bandhigtay. Wasiir Fowzia ayaa ku nuuxnuuxsatay in dumarka iyo dhalinyarada ay yihiin laf dhabarka bulshada loona baahanyahay in loo abuuro shaqooyin iyo mashaariic keeni kara in dalku dib u dhismo. 

Wasiir Fowzia ayaa Midowga Yuruub uga mahadcelisay doorka hoggaamineed ee arrimaha Soomaaliya, kuna dhiiri gelisay inay ballanqaadyadii iyo saxiixii Compact la soo dedejiyo si dalka loo gaarsiiyo marxalad horumarineed. Shirka ayaa maanta la soo gabogabeyn doonaa. 

Sawirro

faw (1)faw (2)faw (3)faw (4)faw (5)faw (6)faw (7)faw (8)faw (9)faw (10)faw (11)faw (12)faw (13)faw (14)

Faahfaahin: Weerar lagu qaaday Hotel ku yaalla Bosaso & dad laga afduubtay

Boosaaso (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa weerar xaley kooxo hubeysan ay ku qaadeen hotel ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobalka Barri.

Goobjoogayaal ku sugan Boosaaso ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, hotelka la weeraray oo lagu magacaabo London Hotel, laga afduubtay dad ajnebi ah, balse tira sax ah lama hayo.

“Weerarka ayaa soday muddo, waxaana kooxda soo weerartay ay isku dayeen in ay gudaha u soo galaan dhismaha Hotelka” sidaas waxaa yiri goobjooge ku sugan Boosaaso.

Maamulka Puntland, ilaa hadda kama hadlin weerarka xaley lagu qaaday hotelka ku yaalla Boosaaso.

Hotelka ayaa waxaa degannaa dad ajnebi ah iyo dad Soomaali ah.

Wararkii ugu dambeeyay, waxa ay sheegayaan in ciidamada ammaanka Puntland ay tageen hotelka, iyagoona rasaas is dhaafsaday ilaalada hotelka.

Wariayasha ku sugan Boosaaso ayaa arrintan ka gaabsaday weerarka lagu qaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

[email protected]