25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Somali President appoints son as top security aide

MOGADISHU, Somalia — Somali President Hassan Sheikh Mohamud has named his son, Abdifatah Hassan, as the new commander of his personal security unit — a decision that has stirred debate over nepotism and military professionalism in the fragile Horn of Africa nation.

Government sources confirmed the appointment to Caasimada Online, which comes as the president moves to tighten security following a recent assassination attempt by the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab group.

Abdifatah replaces Lieutenant Colonel Maslah Mahmoud Mohamed, who has been promoted to lead the Presidential Guard Brigade, the elite military unit responsible for protecting Villa Somalia, the heavily fortified presidential compound in Mogadishu.

Nepotism allegations

Abdifatah Hassan, who reportedly joined the Somali armed forces during his father’s current term, has frequently been seen alongside the president — including during visits to frontline areas where government troops are battling Al-Shabaab militants.

While the federal government has not released an official statement on the appointment, the move has drawn criticism from military analysts and members of the security sector. Many question why the role was not given to veteran officers who have served in the presidential guard for over 15 years.

“This decision raises serious concerns about fairness and meritocracy within Somalia’s military hierarchy,” said a Mogadishu-based security analyst, speaking on condition of anonymity. “At a time when the government is working to build credible and professional armed forces, such appointments could damage morale and trust within the ranks.”

Observers warn that bypassing experienced commanders in favor of personal connections risks undermining ongoing efforts to reform the security sector, which has long struggled with clan politics and favoritism.

The leadership shake-up comes amid heightened security concerns following a failed Al-Shabaab attempt to target President Mohamud’s convoy in late March.

Though the president escaped unharmed, the incident highlighted the persistent threat posed by the jihadist group, which has been fighting Somalia’s internationally backed government for more than 15 years.

Al-Shabaab, an Al-Qaeda affiliate, continues to carry out deadly attacks across Somalia, targeting military bases, government officials, and civilians. The group seeks to overthrow the federal government and impose its strict interpretation of Islamic law.

President Mohamud, re-elected in 2022 after previously holding office from 2012 to 2017, has made defeating Al-Shabaab a central focus of his administration. Backed by the Somali National Army (SNA), African Union forces under the AU Transition Mission in Somalia (ATMIS), and international partners, his government has stepped up military operations to drive the group from its strongholds.

Command of presidential brigade

Maslah Mahmoud Mohamed, the outgoing head of the president’s personal guard, officially took over as commander of the Presidential Guard Brigade earlier this month. He replaced Brigadier General Hassan Aden Dhicis in a formal handover ceremony at the brigade’s headquarters in Mogadishu.

A career officer with more than 14 years of service in Somalia’s armed forces, Maslah pledged to enhance the unit’s capabilities and ensure the safety of senior government officials.

“I am committed to advancing the mission of the Presidential Guard Brigade and building on the solid foundation laid by my predecessor,” Maslah said at the ceremony, thanking the former commander for his leadership.

Before his promotion, Maslah served as the president’s chief bodyguard, overseeing the personal protection of Somalia’s head of state.

The reshuffle within the president’s security team underscores the political challenges surrounding Somalia’s efforts to rebuild its military after decades of conflict and instability.

Despite international support, Somalia’s armed forces remain divided along clan lines, with key positions often influenced by political loyalties rather than professional qualifications. Analysts caution that such practices could erode recent progress in the fight against Al-Shabaab and stall broader security sector reforms.

The timing of the leadership changes is particularly significant as Somalia prepares for the phased withdrawal of ATMIS forces, scheduled to conclude by the end of 2024. With foreign troops stepping back, the responsibility for maintaining security will increasingly fall on Somali forces.

Ciidamada Pakistan iyo India oo rasaas isku billaabay, xilli xiisadda ay ka sii ka dartay

Kashmir (Caasimada Online) – Ciidamada Pakistan iyo Hindiya ayaa habeenkii saddexaad oo xiriir ah rasaas isku weydaarsaday gudaha gobolka lagu muransan yahay ee Kashmir, sida ay saraakiishu sheegeen Axadda maanta ah, iyadoo xiriirka labada dal ee haysta hubka nukliyeerka uu gaaray heerkii ugu xumaa sannado badan.

Hindiya ayaa Pakistan ku eedeysay inay taageerto waxa ay ugu yeertay “argagixiso xuduud ka tallaab ah”, kadib markii koox hubeysan ay dileen 26 qof — weerarkii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado shacab ku nool Kashmir muddo ku dhow 25 sano.

Islamabad ayaa si adag u beenisay wax lug ah oo ay ku leedahay weerarka, iyadoo sheegtay in isku dayga lagula xiriirinayo Pakistan uu yahay “mid aan sal lahayn”, isla markaana ballanqaaday inay si adag uga jawaabi doonto tallaabo kasta oo ka timaada Hindiya.

Axaddii, ciidamada badda ee Hindiya ayaa sameeyay dhoolatus ciidan oo ay si rasmi ah u baahiyeen sawirro muujinaya maraakiib dagaal oo ridaya gantaallo, halka ciidamada ammaanka ay wadeen howlgalka lagu baadi-goobayo kuwii ka dambeeyay weerarkii 22-kii April ee ka dhacay goobta dalxiiska caan ka ah ee Pahalgam.

Milatariga Hindiya ayaa Pakistan ku eedeeyay inay bilaabeen “rasaas aan qiil lahayn” oo ay ku fureen xariiqda kontroolka xuduudda Kashmir ee Line of Control (LoC), oo kala qeybiya labada dal.

“Ciidankeenna ayaa si wax ku ool ah uga jawaabay rasaastaas iyagoo adeegsanaya hub fudud oo ku habboon,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay militariga Hindiya oo ka hadlayay dhacdadii ugu dambeysay, taas oo Pakistan aanay ka hadlin.

Booliiska Hindiya ayaa soo saaray waraaqaha lagu raadinayo saddex nin — labo Pakistani ah iyo hal Hindi ah — oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin ururka Lashkar-e-Taiba, oo ah koox argagixiso ah sida ay Qaramada Midoobay u aqoonsan tahay.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Hindiya ayaa baaritaanka weerarka u wareejisay hay’adda National Investigation Agency (NIA), oo ku takhasustay la-dagaalanka argagixisada.

“Goobjoogayaashii weerarka ayaa si faahfaahsan loo wareysanayaa si loo fahmo dhacdooyinkii sababay mid ka mid ah weerarradii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Kashmir,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay NIA Axaddii.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa Sabtidii sheegay in dalkiisu “u furan yahay ka qaybgalka baaritaan madax-bannaan, hufan oo lagu kalsoonaan karo” oo lagu sameeyo weerarka.

– Dhoolatuska ciidamada badda Hindiya –

Ciidanka badda ee Hindiya ayaa sheegay inay sameeyeen tababarro lagu “tijaabinayo laguna caddeynayo diyaar garowga maraakiibta, nidaamyada iyo shaqaalaha ee weerarro hubeysan oo fog.”

Ma aysan caddeyn halka uu ka dhacay dhoolatuskaasi.

Wargeyska The Indian Express ayaa Axaddii soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Hindiya oo sheegay in “ay jiri doonto jawaab ciidan”, iyadoo mas’uuliyiintu “ka tashanayaan nooca weerarka la qaadi doono.”

Kashmir ayaa la kala maamulaa tan iyo markii Hindiya iyo Pakistan ay xornimada qaateen sanadkii 1947, iyadoo labada dalba ay sheegtaan lahaanshaha dhulkan balse mid walba uu xukumo qayb ka mid ah.

Kooxo hubeysan ayaa tan iyo 1989 ka wada kacdoon ka dhan ah xukunka Hindiya ee Kashmir, iyagoo dalbanaya madax-bannaani ama inay ku biiraan Pakistan.

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya ee xisbiga Hindu nationalist-ka ah, Narendra Modi, ayaa Axaddii mar kale ku celiyay ballanqaadkiisa ah in “dadkii lagu laayay Pahalgam ay heli doonaan caddaalad.”

“Argagixisada iyo taageerayaashooda waxay doonayaan in Kashmir mar kale burburto, taas ayaana sababtay in la maleego shirqoolkan weyn,” ayuu Modi ku yiri khudbaddiisa billaha ah ee raadiyaha qaranka.

Sabtidii, ciidamada Hindiya ee xukuma Kashmir ayaa qarxiyay guriga qoyskii uu ka dhashay mid ka mid ah eedeysaneyaasha weerarkii Pahalgam.

Guriga Farooq Ahmad Tadwa oo ku yaalla degmada Kupwara ayaa la burburiyay, taas oo qayb ka ah olole lagu bartilmaameedsanayo guryaha ay leeyihiin dadka lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxaha mintidiinta ah.

Sarkaal booliis ah oo codsaday inaan la magacaabin ayaa u sheegay AFP Axaddii in ilaa iyo hadda sagaal guri oo ay leeyihiin mintidiin la qarxiyay tan iyo weerarkii Pahalgam.

Kaddib weerarka, New Delhi waxay hakisay heshiiskii biyaha la wadaagi jiray, waxayna xirtay xudduudda dhulka ee ay la wadaagto Pakistan. Sidoo kale, waxay hoos u dhigtay xiriirkii diblomaasiyadeed, iyadoo kala noqotay fiisooyinkii ay siisay muwaadiniinta Pakistan.

Dhankeeda, Islamabad waxay amartay in dalka laga saaro diblomaasiyiinta iyo la-taliyeyaasha milatari ee Hindiya, waxayna baabi’isay fiisooyinkii ay siin jirtay Hindiya — marka laga reebo soo-galootiga Sikh — iyadoo sidoo kale xirtay xudduudda weyn ee dhankeeda.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday labada dhinac inay muujiyaan “is-xakameynta ugu badan” si loo helo “xal nabadeed oo lagu gaaro wada-xaajood miro dhal ah.”

Weerarka Pahalgam ayaa calaamad u ah isbeddel weyn oo ku yimid bartilmaameedyada weerarrada fallaagada Kashmir, kuwaas oo sida caadiga ah lagu qaado ciidamada ammaanka ee Hindiya.

Sanadkii 2019, weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday ciidamada Hindiya ayaa lagu dilay 41 askari, taas oo sababtay in Hindiya ay duqeymo cirka ah ka fuliso gudaha Pakistan, arrintaas oo labada dal u dhoweysay inay galaan dagaal buuxa.

Xogta dagaal culus oo ka dhacay degmada Garbahaarey

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay dagaal culus uu ka dhacay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Weerarka ayaa maleeshiyaadka Al-Shabaab waxa ay si gaar ah ula beegsadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin duleedka degmadaasi, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo gaystay khasaare kala duwan.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hub culus, balse waxa ay tilmaameen in aanay caddeyn karin inta uu la’egyahay khasaaraha rasmiga ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday laga hortagay, ayna ciidamadu sameeyeen iska caabin xooggan, taas oo keentay inay dib u laabtaan ragga weerarka soo qaaday.

Saraakiil ka tirsan laamaha amiga ayaa sheegaya in ay dileen qaar kamid ah xubnaha weerarka soo qaaday, sidoo kalena ay gacanta ku hayaan goobihii lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada dowladda ay saaka howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Maalmihii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ayaa is uruursi ciidan ka waday agagaarada degmooyinka Baardheere iyo Garbahaarey, waxaase dhaq-dhaqaaqaasi la socday ciidamada oo xalay sameeyey ka hortag, kadib weerarka uga yimid dhanka Khawaarijta.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ay weli joogaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ay ka fuliyaan weeraro arbushaad ah, qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Waxaa kale oo Gedo usii dheer in weli ay ka taagan tahay xiisad kale oo siyaasadeed oo u dhexeyso Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, taas oo mar kale soo laba kacleysay, waxaana si weyn looga dareemayaa degmada Beledxaawo ee gobolkaasi.

Xiisaddan ayaa saameyn ku yeelatay reer Gedo, waxaana ay la kulmayaan xaalado bani’aadanimo iyo mid ammaan, maadaama ay halis ku hayso kooxda Al-Shabaab.

Xasan Sheekh oo shaki geliyey musharaxnimadiisa 2026

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan weli go’aan ka gaarin in uu mar kale isu soo taago doorashada madaxtinnimada ee la filayo sanadka 2026, balse wuxuu xusay in mudnaanta koowaad ee xukuumaddiisa ay tahay sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u soo celinta dimuqraadiyadda dalka.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay Nation Media ee Kenya ayaa sheegay in amniga caasimadda Muqdisho si weyn u soo hagaagay tan iyo markii uu mar labaad xafiiska la wareegay 2022, xilli uu dalku wajahayo caqabado badan oo dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

“Waxaan doonayaa inaan hagaajiyo xaaladda Soomaaliya, tan deriskeenna sida Kenya, iyo cid kasta oo kale oo rabta inay nala shaqeyso, ha ahaato Mareykanka ama shirkadahooda gaarka ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. “Amniga Muqdisho si weyn ayuu u soo hagaagay tan iyo 2022 markii aan xafiiska la wareegay. Waxaan la kulmi jirnay qaraxyo ku dhowaad bil walba, laakiin hadda si aan caadi ahayn ayay u yaraadeen.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isbeddelada dhanka amniga ay horseedeen koboc dhaqaale iyo mid dhisme oo laga dareemayo caasimadda, isagoo tusaale u soo qaatay suuqa ganacsiga oo sii fidaya.

Inkasta oo aanu si cad u sheegin in uu tartanka ku jiri doono, haddana wuxuu carabka ku adkeeyay in go’aankaas uu ku xiran yahay xaaladda siyaasadeed marka la gaaro xilligii doorashada.

“Hadafkayga ugu weyn waa inaan Soomaaliya ku soo celiyo dimoqraadiyad dhab ah. Marka la gaaro xilliga doorashooyinka, waan ka fiirsan doonaa go’aankayga ku aaddan tartanka,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in waxqabadkiisa ugu weyn muddadii uu xafiiska joogay ay tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaalka lagu doonayo in dalka looga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, taasoo uu sheegay inay tahay tiir-dhexaadka siyaasaddiisa.

“Waxaa la igu doortay barnaamij salkiisu yahay la dagaallanka argagixisada iyo soo celinta dimuqraadiyadda Soomaaliya. Kaasi wuxuu ahaa ajandahaygii doorashada, haddii aad dib u eegto barnaamijkaygii siyaasadeed ee doorashadii hore, waxaan ku guuleystay inaan si weyn u wiiqo awooddii Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in uu si shaqsi ah u booqday jiidaha hore ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo sheegay in ciidamada dowladda ay xoreeyeen ku dhawaad 80 deegaan oo ku yaalla dhulka miyiga ah.

“Waxaan shakhsi ahaan tegay jiidda hore ee dagaalka, waxaana xoreynay ilaa 80 deegaan oo ku yaalla dhulka miyiga ah ee Soomaaliya,” ayuu xusay.

Diiwaangelin cod-bixiyeyaal oo socota

Dhanka siyaasadda, madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu ku dadaalayo in doorashada soo socota ay noqoto mid shacabka si toos ah codkooda ugu dhiibanayaan, isagoo sheegay in xisbiyada siyaasadeed ee dalka ay u diyaarsan yihiin ka qaybgalka doorashada.

“Waxaan hadda leenahay afar xisbi siyaasadeed oo sharciyeysan, waxaana socota diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha. Waxaa laga joogaa ku dhawaad 60 sano markii ugu dambeysay ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ay codkooda si toos ah ugu dhiibteen sanduuqa doorashada. Waxaan rabaa inay taasi mar kale dhacdo doorashada soo aaddan,” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in, inkasta oo dadka Soomaaliyeed ay yihiin ku dhowaad 20 milyan, haddana haddii labo milyan oo qof ay heli karaan fursad ay si toos ah codkooda ugu dhiibtaan, uu taas u arko guul weyn.

“Dadka Soomaaliyeed waa ku dhowaad 20 milyan, laakiin haddii aan awoodo in xitaa laba milyan oo qof ay si toos ah u doortaan madaxdooda, waxaan dareemayaa inaan gaaray hadaf weyn,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Su’aal la weydiiyay oo ahayd in qorshahan uu suuragal ka yahay marka la eego xaaladda amniga ee dalka iyo weliba maamulidda Al-Shabaab ee qaybo ka mid ah dalka, ayuu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in wax badan ay iska beddeleen xaaladda amniga, isla markaana la dareemayo xiiso ballaaran oo ku aaddan diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

“Waxaa jirta xiiso iyo xamaasad weyn oo loo qabo diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Al-Shabaab waxaa lagu khasbay inay dib ugu gurtaan deegaannada miyiga ah. Halkan Muqdisho gudaheeda, dad badan oo aan hore u helin fursad ay ku codeeyaan ayaa aad u daneynaya inay isticmaalaan xaqa ay dastuurku siinayo ee ah inay doortaan hoggaamiyeyaashooda,” ayuu yiri.

Madaxweynuhu wuxuu mar kale ku celiyay in haddii uu hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, ay taasi noqon doonto guusha ugu weyn ee noloshiisa siyaasadeed.

“Haddii aan ku guuleysto hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, waxay ii noqon doontaa guusha ugu weyn ee aan noloshayda gaaro,” ayuu yiri.

Imaatinka ciidanka Turkey ee Muqdisho, qorshe cusub oo dagaal, iyo xiisada Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa toddobaadkan kordhisay joogitaankeeda milateri ee Soomaaliya, ka dib markii Al-Shabaab ay dhawaan weerar culus ku qaadday meel ku dhow Muqdisho. Tallaabadan ayaa ka dhalatay walaaca sii kordhaya ee Ankara ka qabto xaaladda amni ee dalka, sida ay ilo dhowr ah oo xog-ogaal u ah arrintan u sheegeen Middle East Eye.

Toddobaadkan gudihiisa, Turkiga wuxuu Soomaaliya geeyay ciidamo ku dhow 500 oo askari. Tiradan ayaa ku dhowaad laba-laabaysa shaqaalaha milateri ee Turkiga ee Soomaaliya horay u joogay.

Ciidamadan cusub ayaa loo xil-saaray inay ilaaliyaan oo ay dayactiraan saldhigga milateri ee Turkiga, ee loo yaqaanno Turksom. Sidoo kale, waxay hawl-gelin doonaan diyaarado aan duuliyaha lahayn oo hubeysan oo lagu weerari doono Al-Shabaab, waxayna sugayaan amniga dekedaha Muqdisho.

Ka dib markii Al-Shabaab ay bishii Maarso samaysay horumarro istiraatiiji ah, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tagay Ankara. Halkaas ayuu kulan gaar ah oo aan saxaafaddu goobjoog ka ahayn kula yeeshay Madaxweyne Erdogan, waxaana kulankaas kaliya joogay wasiirkii gaashaandhigga Soomaaliya ee xilligaas.

Waxa kulankaas looga hadlay weli looma shaacin si rasmi ah, inkastoo kulankaas uu dhaliyay rajo ku aaddan taageerada milateri ee Turkiga uu siin karo Soomaaliya.

Sarkaal sare oo u dhashay Turkiga ayaa u sheegay Middle East Eye in Ankara ay qorsheyneyso inay xoojiso taageerada ay Muqdisho ka siiso la-dagaallanka argagixisada marka la gaaro waqti dambe, laakiin wuxuu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin.

Khubaro badan oo arrimaha Turkiga falanqeeya ayaa aaminsan in horumarka degdegga ah ee Al-Shabaab ay qayb ahaan ka dhalatay kala-qaybsanaanta sii kordheysa ee u dhaxaysa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah khubarada ayaa tuhunsan in qaybaha mucaaradka ay indhaha ka qarsanayaan dhaq-dhaqaaqyada kooxda (Al-Shabaab) si ay u wiiqaan dowladda hadda jirta, ka hor doorashooyinka madaxtinimada ee muhiimka ah ee la filayo sanadka soo socda.

Ilo gobolka ah oo ka war haya hawl-gallada milateri ee Turkiga ee Muqdisho ayaa u sheegay Middle East Eye in ilaa 300 oo ciidamo Kumaandoos ah oo Turki ah loo daabulay Soomaaliya si ay u ilaaliyaan xarumaha ay Turkiga ku leeyihiin Muqdisho iyo inay gacan ka geystaan tababarka ciidamada Soomaaliya.

Shaqaale dheeraad ah oo gaaraya 200 oo qof ayaa loo soo diray si loo xoojiyo hawl-gallada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubeysan. Hawl-gallada noocaan ah ayaa si tartiib ah u kordhayay tan iyo bishii hore.

Inkasta oo diyaaradaha Turkiga ee nooca TB2 Bayraktar ay horey hawlo uga wadeen Soomaaliya, Ankara ayaa dhawaan dalka soo geysay laba diyaaradood oo nooca Akinci ah.

Diyaaradahan Akinci, oo awood u leh inay ku duulaan meelo aad u sareeya muddo dheer, ayaa loo arkaa inay ku waxtar badan yihiin la-dagaallanka Al-Shabaab. Tani waxay ka dhalatay awooddooda aragti habeenkii oo horumarsan iyo inay hawl-geli karaan 24 saac gudahood.

“Diyaaradaha Akinci waxay aad ugu habboon yihiin bartilmaameedsiga Al-Shabaab, oo inta badan hawl-gala habeenkii si ay uga baxsadaan in la ogaado,” ayuu ilo wareedku u sheegay Middle East Eye.

Ilo kale oo goboleed ayaa u sheegay Middle East Eye in Turkiga uusan hadda qorsheynin inuu si toos ah dhulka ugula dagaallamo Al-Shabaab. Tani waxay u baahan tahay, sida uu sheegay, oggolaansho rasmi ah oo ka yimaada Baarlamaanka Turkiga.

“Ciidamada Turkiga waxay halkaas u joogaan oo kaliya si ay u ilaaliyaan hantida Turkiga iyo si ay u tababaraan oo ay ula taliyaan ciidamada Soomaaliya. Kaliya waxay la dagaallami doonaan Al-Shabaab haddii ay xaaladdu keento oo kaliya is-difaacid,” ayuu ilo wareedkaas sharraxay.

Sarkaal labaad oo Turkish ah ayaa xusay in hawada Soomaaliya ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Maraykanka. Sidaas darteed, dhammaan hawl-gallada cirka ee Turkiga waxaa lala lala kaashaadaa Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom).

“Ciidamada Maraykanka mararka qaarkood waxay naga codsadaan gacan ka geysashada hawl-gallada bartilmaameedsiga,” ayuu sarkaalku yiri. Wuxuu hoos u dhigay wararka sheegaya inay jirto xiisad u dhaxaysa Ankara iyo Washington oo ku saabsan xiriirkooda kala duwan ee ay la leeyihiin Muqdisho.

Inkasta oo warar ay sheegeen in Ankara ay Soomaaliya ku wareejisay diyaarado qumaatiga u kaca (helicopters) oo laga sameeyey Turkiga, oo nooca T-129 ah, ilo Soomaali ah ayaa u sheegay Middle East Eye in duuliyeyaasha Soomaalida ay weli tababar ku qaadanayaan Turkiga. Ilahaas ayaa beeniyay warka sheegaya in diyaaradaha la wareejiyay.

Si kastaba ha ahaatee, ilo wareedka ayaa intaa ku daray in tababarkoodu uu ku dhamaan doono labada bilood ee soo socota. Tani waxay suurtogal ka dhigaysaa in ciidanka Soomaaliya ay bilaabaan duulista diyaaradaha qumaatiga u kaca dabayaaqada sanadkan.

Ilo wareed labaad ayaa sheegay in Ankara ay qorsheynayso inay sii waddo geynta ciidamada Soomaalida ah ee lagu tababaray magaalooyinka Turkiga ee Isparta iyo Izmir. Toddobaadkan gudihiisa, diyaarado ay leedahay dowladda Qadar ayaa Muqdisho soo gaarsiiyay rasaas dheeraad ah.

“Turkiga waxaa laga filayaa inuu geeyo diyaarado kale oo aan duuliyaha lahayn (drones) iyo inuu bixiyo taageero madaafiic ah (artillery support) haddii loo baahdo,” ayuu ilo wareedkaas ku daray hadalkiisa.

Firdhiye oo maanta ku soo wajahan Muqdisho + Ujeedka

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana haatan soconayo qaban qaabo wayn loogu jiro soo dhaweyntiisa.

Firdhiye ayaa magaalada Muqdisho u imaanayo ka qayb-galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu ka casuumay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo Villa Soomaaliya ka dhacayo kowda bisha soo socota ee May ee sanadkan 2025.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha SSC ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doono madaxda sare ee dalka, kuwaas oo looga hadlayo dhabaha cusub ee u furmay labada dhinac, gaar ahaan wadashaqeynta SSC iyo dowladda dhexe.

Shirka loo ballansan yahay oo ay ka qayb-geli doonaan madaxda Maamul-goboleedyada, marka laga reebo Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha doorashooyinka ee 2026.

Cabdulqaadir Firdhiye oo dhowaan wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Qaranka ayaa ka hadlay waxa ay uga dhigan tahay ka qayb-galka shirkan oo uu markiisii ugu horreysay imaanayo, isaga oo metalayo dadka deegaanka ee SSC-Khaatumo oo dhowaan maamul goboleed loo aqoonsaday.

Hoggaamiyaha ayaa xusay in wax wayb uga dhigan tahay tagistiisa Muqdisho, wuxuuna carabka ku dhuftay inay tahay markii u horreysay oo uu shirka ka qayb-galayo mas’uul reer waqooyi ah, maadaama markii hore ay madasha ku ekeyd reer koonfur oo kaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shirka golaha wadatashiga qaran ay gayn doonaan taladooda iyo arrinta midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

“Horta madasha markii ugu horreysay ka qayb-galo oo reer waqooyi ah weeyaan qoladaan reer Koonfureed ayaa madashaan iska haysatay marka waxaan leenahay waa nimid, waxaana soo kordhin doonaa qaybihii kala duwanaa ee qaranka Soomaaliyeed oo badankood ay dhan yihiin” ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Waa taladii qaranka oo SSC ay bartanka u fadhiso, waxaanu soo kordhin doonaa midnimo, wadajir iyo Somalinimo”.

Imaanshaha Cabdulqaadir Firdhiye ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhowaan Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre uu booqasho taariikhi ah ku tegay Laascaanood, halkaas oo uu uga soo dhowaaqay aqoonsiga maamulka kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo.

Waa markii labaad ee uu hoggaamiye Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) imaanayo magaalada Muqdisho, laakiin safarkiisii hore ayaa ku koobnaa booqasho oo kaliya, laakiin hadda waa mid xambaarsan ujeedooyin siyaasadeed oo waawayn, maadaama uu qayb ka noqanayo go’aannada kasoo baxaya ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Xasan Biid iyo Cabdullahi Garweyne oo howlgal lagu dilay

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay ayaa waxaa lagu qaaday horjoogayaal ka tirsanaa Khawaarijta oo ku sugnaa deegaanka Maduulow ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaas lagu gaarsiiyay jab culus, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Qoraal aksoo baxay Warbaahinta qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka ay qaadeen ururka 26-aad, guutada 6-aad ee qaybta 60-aad ciidamada Xoogga dalka, kaas oo u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay inay dileen laba horjooge oo lagu kala magacaabo Xasan Biid iyo Cabdullahi Garweyne, kuwaas oo dhibaato ku hayay dadka deegaanka.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay burburiYeen saldhiggii ay ku sugaayeen xubnaha la dilay oo ay tilmaameen inay gabaad ka dhigi jireen muddo dheer.

Waxaa kale oo ay hoosta ka xariiqeen in ay sii wadi doonaan howlgallada, ujeedkana uu yahay in gobolka laga caribtiro maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Khawaarijta ayaa ku xooggan Shabeellaha Hoose, waxaana badanaa ay weeraro ka fulisaa gobolkaasi, waxaana ugu dambeeyay odegmada Awdheegle oo ay qabsadeen.

Shabeellaha Hooose, sidoo kale waxay argagixisadu kasoo abuubushaa inta badan weerarada iyo qaraxyada ka dhaca Muqdisho, maadaama uu daris la yahay caasimada.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka soconaya guluf ka dhan ah Al-Shabaab, gaar ahaan labada Shabelle oo ay culeys soo saareen, iyaga oo qabsaday deegaanno horay looga xoreeyay.

Sawirro: Qarax dhimasho badan oo gilgilay IRAN, iyo 750 oo qof oo la xaqiijiyey in…

Tehran (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa Sabtidii gilgilay deked ganacsi oo muhiim ah oo ku taalla Koonfurta Iran, waxaana ku dhintay ugu yaraan 15 qof, halka in ka badan 750 oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Inkasta oo aan si degdeg ah loo caddeyn sababta qaraxa, xafiiska kastamka dekedda ayaa war uu baahiyey telefishinka dowladda ku sheegay in ay suuragal tahay in qaraxu ka dhashay dab ka kacay bakhaar lagu kaydiyo kiimikooyinka iyo alaabaha halista ah.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in qaraxa xooggan uu ka dhacay dekedda Shahid Rajaee oo ah dekedda ganacsi ee ugu weyn Iran, kuna taalla gobolka Hormozgan ee xeebta koonfureed.

Dabka ka dhashay qaraxa ayaa weli ka holcayay goobta in ka badan toddobo saacadood kadib qaraxa, oo sida ay warisay wakaaladda wararka ee Mehr, dhacay waxyar ka hor duhurnimo waqtiga maxalliga ah (0830 GMT).

Weriye ka tirsan telefishinka dowladda ayaa sheegay in dabaylo xooggan ay adkeeyeen daminta dabka.

Sawirro ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda ee IRNA ayaa muujinaya kooxaha gurmadka iyo dad badbaaday oo maraya wado ballaaran oo ay daadsan yihiin burburka iyo qashinka ka dhashay qaraxa.

Gubasho xooggan ayaa qabsatay gaari xamuul ah, halka dhiigguna uu ka muuqday gaari burburay oo dhinaciisa dhiiggu daatay. Diyaarad helikobtar ah ayaa biyo ku shubaysay qiiq madow oo cirka isku shareeray, oo ka kacayay meelaha ay yaalliin weelasha raran ee dekedda.

Telefishinka dowladda oo soo xiganaya hay’adaha gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in “boqollaal qof loo qaaday xarumaha caafimaad ee ku dhow,” halka xarunta dhiig-ururinta ee gobolka ay codsatay in dadku dhiig ku deeqaan.

Telefishinka dowladda ayaa markii dambe soo xigtay mas’uul ka tirsan Hormozgan oo sheegay in tirada dadka dhintay ay gaartay 15.

Fiidiyow lagu baahiyey baraha bulshada – oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin – ayaa muujinaya nin duubaya muuqaalka masiibada oo leh: “Gaarigaygii gabi ahaan wuu burburay, saaxiibkayna wuu dhintay,” iyadoo meyd ku yaalla dhulka la arkayo.

Sabtida ayaa ah maalinta ugu horreysa ee usbuuca shaqada ee Iran, taasoo la micno ah in dekeddu ay mashquul ahayd xilliga uu qaraxu dhacay.

Saddex muwaadin oo Shiinees ah ayaa si fudud ugu dhaawacmay, sida uu sheegay telefishinka dowladda Shiinaha ee CCTV oo soo xiganaya qunsuliyadda Shiinaha ee Bandar Abbas.

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa tacsi u diray dadkii ku waxyeelloobay qaraxa, isagoo sheegay in uu “faray in si degdeg ah baaritaan loogu sameeyo xaaladda iyo sababaha qaraxa.”

Pezeshkian ayaa intaa ku daray in Wasiirka Arrimaha Gudaha Eskandar Momeni uu tegi doono goobta si uu baaritaan ugu sameeyo dhacdada.

Dekedda Shahid Rajaee, oo in ka badan 1,000 kiiloomitir (620 mayl) koonfur ka xigta Tehran, ayaa lagu tilmaamaa dekedda ugu casrisan ee xamuulka konteenarrada ee dalka Iran, sida ay sheegtay IRNA.

Waxay 23 kiiloomitir galbeed kaga beegan tahay Bandar Abbas, oo ah caasimadda gobolka Hormozgan, kuna dhow marin-biyoodka Hormuz, oo ah halkii uu ka gudbo shan meelood meel saliidda adduunka laga dhoofiyo.

– Konteenarro qarxay –

Mehrdad Hassanzadeh, oo ah madaxa maamulka musiibooyinka ee gobolka, ayaa u sheegay telefishinka dowladda in “qaraxa uu ka dhashay dhowr konteenar oo kaydnaa aagga dekedda Shahid Rajaee.”

Wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay in qaraxa xooggiisa la dareemay lagana maqlay meel 50 kiiloomitir u jirta dekedda.

Tasnim news agency ayaa ku warrantay in “mowjadaha qaraxa ay si xun u burburiyeen inta badan dhismayaasha dekedda.”

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dalkiisu “garab istaag iyo midnimo” la garab taagan yahay Iran kadib qaraxa.

Shirkadda qaranka ee qaybinta shidaalka ee Iran (National Iranian Oil Products Distribution Company) ayaa sheegtay, sida ay werisay warbaahinta maxalliga ah, in “qaraxa ka dhacay dekedda Shahid Rajaee aanu wax xiriir ah la lahayn warshadaha sifaynta, haamaha shidaalka, xarumaha qaybinta ama dhuumaha saliidda.”

Waxay intaas ku dartay in “xarumaha shidaalka ee Bandar Abbas ay si caadi ah u shaqeynayaan, iyada oo aan jirin wax hakad ah.”

Qaraxan dhifka ah ayaa dhacay bilooyin kadib musiibadii ugu dhimashada badnayd ee Iran ka dhacda sannadihii u dambeeyay, markii bishii Sebteembar qarax ka dhashay xiiq gaas uu ku dilay in ka badan 50 qof macdanta dhuxusha ee Tabas oo ku taalla bariga dalka.

Qaraxa Sabtidii dhacay ayaa sidoo kale yimid xilli ay socdaan wadahadallo heer sare ah oo u dhexeeya Iran iyo Mareykanka oo ka dhacay dalka Cummaan, lagana hadlayay barnaamijka nukliyeerka Iran. Labada dhinacba waxay sheegeen in horumar la gaaray.

Xog: Xasan Sheekh oo caawa la shiraya Mudullood iyo xogta kulankii Xasan iyo Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Odayaasha Dhaqanka Beelaha Mudullood ayaa la sheegay in caawa uu shir uga socdo Madaxtooyada Qaranka, kulanka waxaa codsaday Madaxweynaha, waxaana looga hadlayaa dagaalka Al-Shabaab.

Kooxda ayaa qabsatay qeybo badan oo kamid ah dhulka Mudullood, waxaana caawa laga tashanayaa sidii dowladda iyo beesha ay isaga kaashan lahaayeen dib u xoreynta deegaanada iyo degmooyinka laga qabsaday beesha.

Madaxweynaha ayaa u yeeray odayaasha uu la kulansan yahay caawa, waxaana socda shir ay albaabadu u xiran yihiin, ilo wareedyo u waramay Caasimada Online ayaa sheegay in beelaha qaar ay qabaan tabashooyin badan oo kulanka caawa ay ku soo bandhigi doonaan.

Madaxweynaha oo maanta ku soo laabtay Muqdisho ayaa shirka odayaasha Mudullood ka hor la kulmay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ay ka wada hadleen isku shaandheynta golaha wasiirrada, si wax looga bedelo xaaladda dalka.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu saluugsan yahay dhaqada iyo tayada wasiirka cusub ee dhowaan loo magacaabay wasaaradda gaashaandhigga, waxaana suurtagal ah in wasiir kale loo magacaabo.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xiligaan muhiim u ah xaaladda cakiran ee Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in laga fekerayo in loo magacaabo wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay in markaan ay ka go’an tahay in wax badan laga bedelo dagaalka Al-Shabaab, masuuliyiin badan ayaa la qorsheynayaa in maalmaha soo socda ay qabtaan xilal muhiim ah, si loo dardar geliyo dagaalka Al-Shabaab.

Taliyaha NISA ayaa lagu wadaa in loo magacaabo Mahad Salaad, sidoo kale waxaa suurtagal ah in is bedel lagu sameeyo saraakiisha ka hooseysa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, kooxda Al-Shabaab ayaa soo qaaday weerar rogaal celis ah oo culeys badan ay kala kulantay dowladda Soomaaliya.

Somali president defends Turkey oil deal amid scrutiny

Mogadishu, Somalia – Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud has staunchly defended a recently signed hydrocarbons exploration agreement with Turkey, calling it a partnership based on “mutual interests” and stressing that Turkey was the sole country to express interest.

The deal, formalized earlier this year, triggered a significant debate on Somali social media platforms following a report by the investigative platform Nordic Monitor that detailed its terms, including implementation, profit-sharing, and dispute-resolution provisions.

Addressing the public discussion, President Mohamud asserted that Somalia had not previously engaged with any other nation regarding its offshore oil and gas reserves, positioning the agreement as a historic first step towards realizing the country’s potential energy wealth.

“Offshore exploration is ongoing, as you know,” President Mohamud stated. “We have now signed this agreement covering offshore areas. This does not mean we are exclusively granting this opportunity to Turkey. Still, they were the only country that applied and was interested.”

Deep-rooted relationship

He argued that Turkey’s proactive engagement set it apart from potential future investors who might only come forward years after Somalia has established itself as a hydrocarbon producer.

The president also highlighted the deep-rooted relationship between Somalia and Turkey, noting Ankara’s consistent role in providing humanitarian aid, infrastructure development, and military support and often acting as a mediator in Somalia’s relations with neighboring states over the past decade.

Somalia is believed to hold substantial untapped oil and gas deposits offshore in the Indian Ocean. However, exploration and development efforts have been significantly impeded for decades by persistent conflict, political instability, and the nascent state of its legal and regulatory framework for the energy sector. The federal government is actively seeking foreign investment to unlock these potential resources.

Details within the Nordic Monitor report, particularly concerning the financial terms and mechanisms for resolving disagreements, appear to be central to the public scrutiny and debate surrounding the agreement. The management of potential resource wealth and its distribution within Somalia’s federal system are sensitive political issues.

The contract reportedly permits Turkey to recover up to 90% of the annual output as “cost petroleum” to cover operational expenses. Somalia is entitled to a 5% royalty from the outset of production, even before cost recovery begins. Once costs are recouped, the remaining profit, known as “profit petroleum,” is split between Turkey and Somalia.

The agreement also exempts Turkish entities from paying common industry fees, including signature bonuses, surface rents, and administrative charges — further fueling accusations that the deal heavily favors Turkey.

President Mohamud framed the agreement as a pragmatic necessity given the lack of alternative interested international partners. However, critics frequently raise concerns about transparency in major resource extraction deals and the need for robust oversight to ensure revenues benefit the entire nation and are managed effectively.

The president’s vocal defense underscores his administration’s view of the Turkish partnership as a vital catalyst for initiating offshore exploration and positioning Somalia as a future energy exporter, leveraging a key bilateral relationship to attract initial investment.

The agreement explicitly targets offshore exploration blocks, representing a critical move by Mogadishu to develop the country’s hydrocarbon sector and capitalize on its extensive maritime potential.

Turkey’s strategic interests

The oil deal is part of Turkey’s broader effort to expand its strategic footprint in the Horn of Africa. In February 2024, Turkey and Somalia signed a separate defense cooperation agreement under which Turkey committed to rebuilding Somalia’s navy over 10 years.

Turkey also operates its largest overseas military base in Mogadishu and has been involved in various infrastructure projects across the country, from hospitals to schools and airports.

The agreement comes amid heightened tensions between Somalia and Ethiopia over the breakaway region of Somaliland. Turkey has positioned itself as a key mediator in the dispute, with President Recep Tayyip Erdoğan holding meetings with both Somali President Hassan Sheikh Mohamud and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed in recent months.

Somali civil society organizations and some opposition leaders have called for fully disclosing the agreement’s terms and urged the government to renegotiate the deal on more favorable terms for Somalia.

“There must be transparency and accountability. The Somali people have a right to know how their resources are being managed,” said one activist from the Mogadishu-based Center for Policy Analysis.

International watchdogs, including the Natural Resource Governance Institute (NRGI), have also raised concerns about the deal’s lack of transparency, warning that opaque contracts often lead to corruption and resource mismanagement in fragile states.

Caynte: Waxaa la gaaray xiligii shacabku kacdoomi lahaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte oo muddo dheer saaxiib lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlay xaaladda Soomaaliya, jileeca dowladnimada, dadaal yarida madaxda, ciidamada howlgalka Midowga Afrika oo waqtigoodu dheeraaday, gaabiska dhismaha ciidanka Qaranka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Hoos ka akhriso qoraalka Caynte oo ka bilaabanaya shirkii Kampala lagu soo gabagabeeyey:

Waxaa magaalada Kampala ee dalka Uganda ku qabsoomay shir madaxeed looga arrinsanayay Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM. Shir madaxeedkan wuxuu kusoo beegmayaa 18 sano kaddib markii ay ciidankaas ka howl billaabeen Soomaaliya (31 Maarso 2007). Kutalagalku wuxuu ahaa iney saddex sano oo kaliya joogaan!

18-kaas sano waxaa Soomaaliya loo soo tabaray ciidan kor u dhaafaya 100,000. Waxa  balaayiin dollar lagu bixiyey hubeynta iyo tayeynta ciidankeenna. Hiil iyo hooba wuxuu adduunku la garab istaagay xukuumadihii hoggaanka dalka isaga dambeeyay.

Yoolka ugu muhiimsan ee ciidankaas loo keenay dalkeenna wuxuu ahaa iney baritaaraan dowlad nugul oo garab iyo gaashaan ugu baahneyd si ay amniga gayigeeda ugu filnaato, ugana adkaato kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Madaxdii isaga dambeysay hoggaanka dalka waxay shacabkooda iyo adduunkaba u ballan qaadayeen iney gaari doonaan isku filnaan amni, Khawaarijtana ka adkaan doonaan, lagana maarmi doono ciidanka ajnabiga ah.

Ha yeeshee, marka uu sii dhammaanayo muddo xiloodkooda ayuu madaxweyne walba afka furanaayay, isagoo ku cabaadayay in “mar kale fursad la siiyo” si uu “dib ugu soo dhiso ciidan tayo leh oo hanan kara amniga dalka.”

Sida uu Suubbanihii Nabi Maxamed, NNKH, inoo sheegay, “qofka Muslimka ah hal god laba mar lagama qaniino.”

RUNTA QARAAR waxay tahay, hoggaankii dalka isaga dambeeyay 18-kaas sano waxay ku summadeysnaayeen waxa aan ugu yeero T6:

1. Tuugeysi xoolo qaran

2. Toleysi xigto beeleed

3. Takrifal xoogga dowladda

4. Tuugsi xoolo shisheeye

5. Tayo xumo la taliyayaal

6. Tiiro gaabni xikmadeed

Hoggaanka intaas oo sifood kulansaday ma dhisin, ma dhisayo, mana dhisi doono ciidan qaran oo hanan kara amniga qaranka. Ciidan kaliya ma ahane, xitaa ma dhisi karo hey’ado dowladeed oo dalka samatabixin kara.

Khawaarijta, argagixisada iyo xoogagga kale ee halista ku ah jiritaanka qarankeenna waxay ku naaxaan, kuna bullaalaan habdhaqanka T6 ee ma lahan itaal ay iskood u tacbadeen.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Gacan daahir ah ayaa wax daahirisa.” Danleyda T6 inaan ka sugno iney Khawaarijta ka adkaadaan waa halkii laga dhihi jiray “Dhedo roob noqon weyday.”

Waxaa lasoo gaaray xilligii lagu kacdoomi lahaa habdhaqanka T6 ee ay ku sifoobeen (inta badan) haldoorka siyaasadda. Waxaa lama huraan ah in lasoo bandhigo aragti qaran oo lagu badbaadin karo dalka, kana tarjumeysa himilada ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan hoggaan ay caddaaladdu habdhaqan u tahay.

Sidaan laguma sii jiri karo!

Xasan Sheekh oo ka hadlay sababta uu Turkiga ugu saxiixay heshiiska shidaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa difaacay heshiiskii shidaalka ee dhowaan ay Soomaaliya la gashay Turkiga, isagoo sheegay inuu ku saleysan yahay “dano wadaag ah”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in cidna aysan Soomaaliya hore ugala hadal saliidda iyo gaaska, ayna tahay markii ugu horreysay taariikhda ee baaris lagu sameynayo shidaalka Soomaaliya.

“Baarista shidaalka ee meelaha ka baxsan xeebaha ayaa socda hadda sidaad aragteen, mar kale kan xeebaha ayaan saxiixnay, taas micanheeda maaha in fursaddan aan keliya Turkiga siineyno, balse waa dalka keliya ee dalbaday iyo kan keliya ee daneynayay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wuxuu xusay in maadaama Turkigu yahay kan ugu soo hormaray aanan laa barbardhigi karin shirkadaha iyo dalalka dib ka imaan doona toban sano kadib marka ay Soomaaliya noqoto dal shidaal soo saara.

Madaxweynaha sheegay in Turkiga iyo Soomaaliya ay leeyihiin xiriir muddo dheer socday, isla markaana uu Turkigu gacan dhexdhexaadin ah fidiyo marka ay Soomaaliya is qabtaan dalalka deriska ah.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada Soomaalida dood ka abuuray warbixin ay daabacay Nordic Monitor, taasi oo ka shaqeysa dabagalka iyo arrimaha cilmi baarisyada, waxaana mareegtaasi ay faah-faahisay heshiis la sheegay in sannadkii la soo dhaafay ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saabsanaa soo saarista shidaalka Soomaaliya.

Qodobada ku jiray heshiiskaasi waxaa ka mid ah hirgelinta hawshan iyo qaabka loo marayo iyo weliba sida labada waddan ay u qeybsanayaan faa’iidada marka shidaalka Soomaaliya la soo saaro.

Waxaa sidoo kale warbixinta heshiiska ku jirta habka loo xallinayo murannada iyo weliba haddii labada waddan ay isku fahmi waayaan waxyaabaha qaarkood.

Dowladda oo jawaab deg deg ah ka bixisay tallaabadii uu qaaday Saciid Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab deg-deg ah ka bixisay hadalkii maanta kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland oo caddeeyay in aanu ka qayb-galeynin Shirka Golaha Wadatashiga ee dhowaan ka dhacaya Muqdisho.

Saciid Deni oo khudbad ka jeediyay munaasabad uu ciidamo cusub tababar ugu soo xiray oo ka dhacday Boosaaso ayaa shuruud adag ku xiray ka qayb-galka shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo marka hore dalbaday in dowladda dhexe ay kusoo laabato heshiisyadii ay horay uga baxday ee dhaliyay khilaafka labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweyne Xasan inuu fuliyo ballan-qaadyadii hore, kadibna ay diyaar u yihiin in xal waara laga gaaro is faham-waaga taagan.

“Madasha Wadatashiga Qaran waxa aan uga maqanahay wixii lagu heshiiyey oo laga leexday ilaa lagu soo noqdona cidi ku noqonmayso. Xasan haka dhabeeyo ballan-qaadka gogosha hana ku soo noqdo wixii lagu heshiiyey.” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo seegay in Deni uu noqday jid iyo jiho diid, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay inuu diidan yahay aqoonsiga maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo iyo inay isku tashadaan dadka deegaannadaasi.

“Waa jid Iyo jaho diidnimo gogosha Qaran diidmadeedu iyo isku tashigii bulshada SSC-khatumo ma ogoli, Soomaaliyey isbarasho” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana aad loo hadal hayay shirka uu gogoshiisa dhigay Madaxweynaha Soomaaliya, oo isugu yeeray madaxda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada si ay uga wada hadlaan khilaafaadka siyaasadeed, kor loogu qaado midnimada qaranka, loogana wada shaqeeyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee ay ka midka yihiin Daacish iyo Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Deni ayaa ka maqnaa shirarka GWQ tan iyo bishii December 2022, kaddib markii uu sii xumaaday khilaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda federaalka. Xiriirka labada dhinac ayaa aad u xumaaday, iyadoo wada-shaqeyntii iyo isgaarsiintii si weyn hoos ugu dhacday sababo la xiriira muranka siyaasadeed.

Xiisadda Gedo oo dib usoo laba kacleysay iyo Axmed Madoobe oo dul degay…

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gedo ayaa sheegaya in haatan xiisad u dhexeysa maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ay mar kale kasoo cusboonaatay gobolkaasi, gaar ahaan degmada Beledxaawo oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaayqo iska soo horjeedo.

Xiisadda cusub ayaa timid, kadib markii Axmed Madoobe uu dul degay degmadaasi, isaga oo u diray mas’uuliyiin iyo ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland.

Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye oo kasoo jeedo Gedo, isla markaana ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo arrimaha gudaha Golaha Shacaka ayaa si adag uga hadlay xiisadda sida guud uga soo cusboonaatay gobolka Gedo, wuxuuna kasoo saaray digniin culus.

Nuur Axmed ayaa shaaca ka qaaday in Axmed Madoobe uu rabo inuu qabsado gobolka, isla markaana uu dul dagay shacabka degmada Beledxaawo, sida uu hadalka u dhigay.

“Qolada soo dul degtay Beledxaawo waxaan leenahay gadaal uga noqda Beledxaawo dhib uma baahna, duulaana uma baahna” ayuu yiri Xildhibaan Nuur Axmed.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Magaalooyinka kale maa la dul dago, maxaas qaas ku ah Beledxaawo arrintaas waa mid si gaar ah aan farta ugu fiiqeyno?”.

Waxaa kale oo uu farriin culys u diray ciidamada dowladda ee ku sugan degmooyinka Gedo, wuxuuna tilmaamay in iyagu ay mas’uul ka yihiin amniga guud ee gobolka.

“Annaga ka Federaal ahaan waxaan ku ognahay amniga gobolka ciidamada kala duwan ee DFS ka jooga gobolka, degmo walbo ciidanka ayaan ku ognahay” ayuu mar kale yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Axmed Madoobe oo ay haatan is hayaan dowladda dhexe ayaa raba inuu isku ballaariyo gobolka Gedo, maadaama la galayo doorasho, Dowladda Federaalkana ay qorshe wayn ka leedahay gobolkaasi, si loo gaarsiiyo qof iyo cod.

Saciid DENI oo shaaca ka qaaday inay ciidan u dirayaan Koonfurta Soomaaliya

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo haatan khilaaf xooggan kala dhexeeyo Dowladda Federaalka ayaa dabacsanaan muujiyay, kadib khudbad uu maanta ka jeediyay Boosaaso, taas oo uu uga hadlay amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Saciid Deni oo tababar usoo xiray ciidamo si gaar ah loo tababaray oo ka tirsan PMPF ee maamulkaas ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ka socda qaybo badan oo kamid ah dalka, wuxuuna sheegay inay soo afjarayaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in marka uu soo dhammaado howlgalka hadda ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ay bilaabi doonaan howlgal kale oo xoreyn ah, kaas oo lagu gaarayo aagga buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.

“Howlgalka hillaac ee Calmiskaad, Waxaa ku xiga Howlgalka Onkod ee Calmadow” ayuu yiri Deni, oo tababar u xiray ciidamo si gaar ah loo tababaray oo ka tirsan PMPF.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalka ay Dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab ee ka socda koonfurta, isaga oo xusay in Puntland marka ay kasoo dhamaato howlgallada ay hadda waddo inay gacan ka gaysaneyso arrinta Al-Shabaab, isla markaana ay ciidamo usoo dirayaan koonfurta, si ay qayb uga noqdaan dagaalka.

Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay qayb ka taay Soomaaliya, isla markaana ay qaadan doonaan kaalinta kaga aadan amniga iyo dagaalka lagula jiro argagixisada.

“Puntland markii ay howlgalada amnigeeda dhameystirto, gacanta ka laaban mayso tan Somalia-na in ay wax ka qabato, waayo Puntland waa qeyb ka mid ah Somalia”. ayuu mar kale yiri Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatana dowladda dhexe ay waddo guluf culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ka socda inta badan gobollada dalka.

Dagaalka ayaa haatan sii xoogeystay, kadib markii ay maleeshiyaadka Khawaarijta xoogga soo saareen gobollada Shabeellooyinka, iyaga oo a wareegay deegaannadii horay looga xoreeyay.

Soomaaliya, ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo adag, waxaana sidoo kale muran uu ka taagan yahay hannaanka doorashada dalka oo si weyn la’isugu hayo.

Daawo: Lacago kaash ah oo laga dhoofiyo garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa lasoo wariyay in laga dhoofiyo lacago kaash ah oo, iyada oo loo qaado dalka dibaddiisa, sida ay maanta shaacisay Senator Deeqo Xasan Xuseen oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare.

Senatorada oo ka hadashay kulan ay maanta yeesheen xubnaha Aqalka Sare ayaa bannaanka keentay arrin culus oo la xiriirta lacago dollar ah oo iyada oo kaash ah laga qaado gudaha dalka, lagana dhoofiyo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Deeqo Xasan Xuseen ayaa sheegtay in dhoofinta lacagahan uu ku lug leeyahay Banki Caalami ah oo lagu magacaabo Ziraat, kaas oo lagala leeyahay dalka Turkiga, waxayna tilmaamtay inuu la wareego lacaga kaashka, kadibna uu ka qaato dalka.

Sidoo kale Senatorada ayaa carabka ku dhufatay in arrintan tahay halis wayn oo kusoo socoto, ayna keeni doonto lacag la’aan ka dhacda dalka, maadaama ay sii dhamaaneyso lacagta Shilinka Soomaaliga ah oo haddda meesha kasii baxeyso.

“Magaalada waxaa soo degay Bangiga Ziraat oo ay leeyihiin Turkiga lacagtii oo kaash ah ayaa dalka laga qaadaa, waana ogtihiin xittaa lacagtii Soomaaliga waa gabaabsi oo waxaa la la’yahay lacag lagu adeegto, marka haddii lacagtoo dollarka ahaan la dhoofiyo waxaa dhici doona in dalka laga waayaba lacag oo dhan” ayay tiri Senator Deeqo Xasan.

Waxaa kale oo arrintan wax ka waydiisay wasaaradda maaliyadda oo ay quseyso, waxayna su’aasheeda ku tiri “Madaama mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda maaliyadda ay nala fadhiyaan maxaa uga qorsheysan lacagtaasi kaashaka lagu qaadaayo”?

Dhankiisa wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo kulanka goojoog ahaa ayaa hadalka qaatay, wuxuuna qiray inay jirto in lacag kaash ah laga dhoofiyo garoonka Muqdisho, wuxuuna tilmaamay inay eegis ku sameynayaan.

Xaange ayaa sidoo kale xusay in baahi wayn ay ka jirto dirista lacagaha dibadda, isla markaana bangiyada gudaha aanu awood u lahayn nidaamka caalamiga ee dirista lacagaha.

“Arrinta Deeqo ka hadashay arrin jirta weeye, si hoose ayaan u eegi doonaa, laakiin waxaan rabaa inaan caddeeyo Soomaaliya ganacsigeedu wuxuu dhib wayn ku qabay lacagta dibadda loo dirayo oo bangiyadeenu ma lahan nidaamka ay bangiyada caalamiga ah lacaga ugu diraan” ayuu ku jawaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Annaga maadaama aanu nahay dal burburay, maadaama uu dib u socdo dolwad dhiskeenna waxaa culeys naga saaran yahay shuruudihii la rabay inay bangiyada nagula shaqeeyaan maba jiraan”.

DENI oo shuruud adag ku xiray ka qayb-galka shirka uu Xasan Sheekh ku baaqay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo maanta ciidamo cusub tababar ugu soo xiray Boosaaso ayaa ka hadlay arrimo xasaasi oo ku aadan khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka, isaga oo shuruud ku xiray ka qayb-galka shirka dhowaan ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Deni ayaa sheegay in Puntland ay sii maqnaan doonto inta ay dowladda dhexe uga soo laabaneyso heshiisyadii ay horay uga baxday ee dhaliyay khilaafka labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland ayaa cad u sheegay in uusan tegi doonin Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee kowda bisha soo socota ee May ka dhici doono Villa Soomaaliya, kaas oo uu guddoomin doono Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha inuu fuliyo ballan-qaadyadii hore, kadibna ay diyaar u yihiin in xal waara laga gaaro is faham-waaga taagan.

“Madasha Wadatashiga Qaran waxa aan uga maqanahay wixii lagu heshiiyey oo laga leexday ilaa lagu soo noqdona cidi ku noqonmayso. Xasan haka dhabeeyo ballan-qaadka gogosha hana ku soo noqdo wixii lagu heshiiyey.” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in gogoshii uu horay u dhigay Garoowe ay weli taallo, isla markaana ay diyaar u yihiin in la wada-hadalo, kadibna la heshiiyo.

Hadalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo dhowaan Dowladda Federaalka ay sheegtay in Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, uu ka qeybgali doono Shirweynaha Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) oo lagu wado in lagu qabto magaalada Muqdisho bisha soo socota.

Shirka oo uu isugu yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in uu isu keeno madaxda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada si ay uga wada hadlaan khilaafaadka siyaasadeed, kor loogu qaado midnimada qaranka, loogana wada shaqeeyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee ay ka midka yihiin Daacish iyo Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Deni ayaa ka maqnaa shirarka GWQ tan iyo bishii December 2022, kaddib markii uu sii xumaaday khilaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda federaalka. Xiriirka labada dhinac ayaa aad u xumaaday, iyadoo wada-shaqeyntii iyo isgaarsiintii si weyn hoos ugu dhacday sababo la xiriira muranka siyaasadeed.

Diiwaan-gelinta ka socota Xamar ee cod-bixiyeyaasha oo weji cusub yeelatay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaa weli ka soconayo diiwaangelinta cod-bixiyayaasha doorashada qof iyo codka ah, taas oo maalmihii lasoo dhaafay si dardar-leh uga socotay degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana haatan arrintu ay yeelatay waji cusub, kadib markii kasoo korortay arrin xasaasi ah oo dhalisay hadal-heyn xooggan.

Diiwaangelinta ayaa saaka la gaarsiiyay degmooyin horleh, sida Hodan, Howlwadaag, Warta Nabadda, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Kaaraan oo ka wada yaalla Muqdisho.

Dadweynaha doonaya inay si diiwaangeliyaan ayaa safaf dhaadheer ugu jira goobaha ay ka socoto diiwaangelinta oo uu wado guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka.

Sidoo kale, dadka is diiwaangelinaya ayaa waxaa kamid ah mas’uuliyiinta dowladda, sida wasiirada, hoggaanka maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka, oo iyaguna qaadanaya shahaadada, si ay qayb uga noqdaan doorashada soo socota.

Dhinaca kale, arrin cusub oo xasaasi ah ayaa kasoo korortay qaabka ay ku socoto diiwaangelinta, kadib markili loo rogay qaab qabiil, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan.

Degmooyinka Hodan iyo Kaaraan ayaa si gaar ah loo qabiileeyay arrintooda, waxaana saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada qabsaday dood xooggan oo ku aadan degmooyinkaas, waxaana dib loo soo celiyay doodii ku aadaneyd cidda leh Xamar.

Dr Cabdisalaan Ibraahim: “Doorashadii qofka iyo codka ahayd waxay kusoo dhammaatay qabiil aabiil halagu tijaabiyo”.

Muno Xasan Kadiye: “Waxaan nadaam ma aha sidaan in la isku ifiyo wax dhaqan ma aha wasirka warfafinta shaqeyso”.

Maxamed Cabdullahi Hilowle: “Abgaal waan ahay deggmada Hodan waan ku dhashay qabiil iyo doorasho maxaa is ka galay?”.

Hodan Ganeey: “Karaan mugdi waa u kaah, dadna waa keeyd”.

Si kastaba ha ahaateen, Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso xilli weli mucaaradka ay meel adag ka taagan yihiin hanaanka doorashada qof iyo cod taas oo uu ku adkeysanayo madaxweyne Xasan, iyada oo mucaaradka u arkaan mid laga leeyahay dano xukun dheereysi.

Xasan Sheekh oo ka hadlay xiriirka Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xiriirka dowladda Soomaaliya la leedahay quwadaha shisheeye, sida Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo Mareykanka, oo hadda ah saddex dal ee ugu saameynta badan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibedda ee xukuumaddiisu ku dhisan tahay iskaashi ay Soomaaliya kula jirto cid kasta oo dan wanaagsan ka leh dalka, iyadoo lagu saleynayo mabda’a ah nabad iyo is ixtiraam.

“Waxaan ku shaqeynaa hal mabda’ oo asasi ah: Soomaaliya oo nabad la ah gudaha dalkeeda iyo deriskeedaba. Dal walba waxaan ula macaamilnaa si waafaqsan qaabka ay noola macaamilaan,” ayuu yiri.

Isagoo tusaale u soo qaatay Turkiga, ayuu xusay in dalkaasi uu maalgelin ku sameynayo dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya, halka shirkado Mareykan ah ay maalgeshanayaan qeybta shidaalka iyo gaaska.

“Turkigu wuxuu maalgelinayaa dhaqaalaha buluugga ah. Laakiin ma ahan dalka keliya ee shisheeye ee raba inuu Soomaaliya maalgeshto; waxaa sidoo kale jira shirkado Mareykan ah oo maalgelinaya qaybaha shidaalka iyo gaaska. Dhammaan hawlahan waxaan u wadnaa si waafaqsan sharciga, oo leh daahfurnaan buuxda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Turkiga ayaa toddobaadkan kordhisay joogitaankeeda milateri ee Soomaaliya, ka dib markii Al-Shabaab ay dhawaan weerar culus ku qaadday meel ku dhow Muqdisho. Tallaabadan ayaa ka dhalatay walaaca sii kordhaya ee Ankara ka qabto xaaladda amni ee dalka, sida ay ilo dhowr ah oo xog-ogaal u ah arrintan u sheegeen Middle East Eye.

Toddobaadkan gudihiisa, Turkiga wuxuu Soomaaliya geeyay ciidamo ku dhow 500 oo askari. Tiradan ayaa ku dhowaad laba-laabaysa shaqaalaha milateri ee Turkiga ee Soomaaliya horay u joogay.

Ciidamadan cusub ayaa loo xil-saaray inay ilaaliyaan oo ay dayactiraan saldhigga milateri ee Turkiga, ee loo yaqaanno Turksom. Sidoo kale, waxay hawl-gelin doonaan diyaarado aan duuliyaha lahayn oo hubeysan oo lagu weerari doono Al-Shabaab, waxayna sugayaan amniga dekedaha Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku adkeystay in siyaasadda xukuumaddiisu tahay mid u taagan ilaalinta madax-bannaanida dalka, iyadoo aan la oggolaan doonin faragelin shisheeye oo carqaladeyn karta siyaasadda gudaha.

Xildhibaanno ka qeyliyey ciidamo ay DF gaysay Gedo oo qorsheynaya duulaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay olole militari oo sharci-darro ah ka bilowday gobolka Gedo, waxayna ka digeen in duullaankani uu halis gelinayo xasilloonida deegaanka isla markaana uu ka hor imanayo Dastuurka ku-meel gaarka ah ee dalka.

War-murtiyeed wadajir ah oo erayo adag lagu dhigay oo ay soo saareen, ayay 32 xildhibaan ku cambaareeyeen geynta ciidamada federaalka ee degmada Beled-Xaawo. Waxay ku tilmaameen tallaabadan “duullaan militari oo aan sabab lahayn oo lagu beegsanayo shacabka Jubbaland” iyo mid “sababaya cabsi iyo barakac soo food saara dadka rayidka ah.”

“Awoodda militari ee ay dowladda federaalku u adeegsanayso deegaannada nabdoon ee Jubbaland waa daandaansi aan cudurdaar lahayn,” ayay yiraahdeen xildhibaannada. “Ololahan wuxuu wiiqayaa xasilloonida gobolka, waana ixtiraam-darro ka dhan ah nidaamka federaalka.”

Xildhibaannadu waxay ku boorriyeen Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed inay si degdeg ah u joojiyaan hawlgalka ayna ciidamadooda kala baxaan Beled-Xaawo. Waxay ku andacoodeen in saraakiil sare oo ay ku jiraan wasiirro iyo taliyeyaal ciidan ay ka dambeeyaan damaca ah in si toos ah loola wareego maamulka gobolka.

Waxay sidoo kale cambaareeyeen magacaabista ay dowladda federaalku u samaysay wax ay ku tilmaameen guddiyaal aan dastuurka waafaqsanayn oo aan matalin shacabka si ay u kormeeraan arrimaha gobolka Gedo, iyagoo ka digay in tallaabooyinka noocaas ah ay kicin karaan qalalaase cusub.

Marka laga soo tago welwelka dhanka militariga, xildhibaannadu waxay dowladda federaalka ku eedeeyeen inay siyaasadaysay gargaarka bani’aadannimada iyagoo gargaarkii caalamiga ahaa ka joojiyay deegaannada taageersan Jubbaland. Waxay arrintan ku sifeeyeen nooc ka mid ah ciqaab wadareed oo aan keliya ku xadgudbayn axdiga federaalka Soomaaliya laakiin sidoo kale abuuraysa tusaale halis ah mustaqbalka.

“In bulshooyin dhan lagu ciqaabo aragtidooda siyaasadeed waa arrin aan dastuurka waafaqsanayn oo aan anshax ahaan la difaaci karin,” ayay hadalkooda raaciyeen.

Xildhibaannadu waxay ka codsadeen saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya inay si dhow ula socdaan xaaladda ayna cadaadis ku saaraan dowladda federaalka inay u hoggaansanto mabaadi’da dastuuriga ah. Waxay ka digeen in tallaabooyinka aan la xakamayn ee dowladda federaalku ay burburin karaan midnimada qaranka ayna carqaladayn karaan dadaallada lagu doonayo xasilinta dalka.

“Waxaan ka codsanaynaa xulafada Soomaaliya inay dhowraan nidaamka federaalka ayna ka hortagaan ku takrifalka hay’adaha qaranka ee loo adeegsanayo dano siyaasadeed,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo, ayaa xudun u ahaa khilaaf soo jireen ah oo u dhexeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland. Isku dhacyo soo noqnoqday, sheegashooyin iska soo horjeeda oo dhanka awoodda maamul, iyo is afgaran-waa ku saabsan isku-duwidda amniga ayaa xumeeyay xiriirka labada dhinac sannado badan.

War-murtiyeedkan ayaa muujinaya sare u kac ku yimid luqadda siyaasadeed ee ay adeegsanayaan xildhibaannada taabacsan Jubbaland, wuxuuna ku soo aadayaa xilli ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo cusub oo ay wadaan ciidamada federaalka.

War-murtiyeedka waxaa saxiixay 32 xildhibaan, oo ay ku jiraan shakhsiyaad miisaan leh sida Dr. Mursal Maxamed Khaliif, xildhibaan Faadumo Faarax Aadan, iyo Senator Maryan Faarax Kaahiye.

“Haddii tallaabooyinkan ay sii socdaan,” ayay yiraahdeen xildhibaannadu, “Dowladda Federaalku waxay qaadi doontaa mas’uuliyadda buuxda ee cawaaqibka ka dhasha.”