25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

TCC oo soo jeediyey in ay Soomaaliya u baahan tahay 8,000 oo askar dheeraad ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa u baahan 8,000 oo askari oo dheeraad ah, xilli ay Burundi qorsheyneyso inay ciidamadeeda kala baxdo dalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen saraakiisha militariga waddamada ciidamada geeya Soomaaliya ee loo yaqaan TCC, Jimcihii.

Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa loo xil saaray la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, oo weerarradeedu ay dhalinayaan cabsi laga qabo in kooxaha jihaad-doonka ah ay dib ugu soo xoogaystaan Geeska Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, bixitaanka la qorsheeyay ee Burundi — oo ilo diblomaasiyadeed ay u sheegeen AFP inuu ka dhashay muran kala dhexeeya dowladda Soomaaliya oo la xiriira qalabka ciidamada Burundi — ayaa howlgalka ka jaraya ku dhowaad shan meelood meel (1/5) oo ka mid ah tirada guud ee ciidamada hadda jooga.

Wakiillo ka socda Jabuuti, Itoobiya, Masar, Kenya, Uganda, Soomaaliya, Midowga Afrika iyo hay’ado caalami ah ayaa toddobaadkan kulan seddex maalmood socday ku yeeshay Uganda, si ay uga wadahadlaan xaaladda amni ee Soomaaliya iyo horumarka howlgalka AUSSOM.

Bayaan laga soo saaray kulankaas ayaa lagu sheegay in yaraanta ciidanku ay abuurtay firaaqyo amni oo sababay “in Al-Shabaab dib ula wareegto deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.”

“Sidaas darteed, magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho waxay wajahayaan khatar soo food leh oo kaga imaanaysa Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Soomaaliya ayaa muddo dheer la tacaaleysay kacdoonka kooxda Al-Shabaab, inkastoo dagaalka adag ee ay ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya nabad-ilaaliyaasha Midowga Afrika la galeen sannadihii 2022 iyo 2023 uu kooxdaasi ku qasbay inay dib u gurato.

Weerarro dhowaan ka dhacay magaalooyin muhiim ah ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo dib usoo xoogsashada Al-Shabaab, iyadoo dagaalyahannada kooxdaasi ay bishii Maarso isku dayeen inay weerar ku qaadaan kolonyada gaadiidka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo marayey caasimadda Muqdisho.

– ‘Ixtiraam la’aan’ –

Wakiillada amniga ayaa soo jeediyay “in la kordhiyo 8,000 oo askari oo lagu daro AUSSOM si wax looga qabto xaaladda amni ee hadda taagan, loogana hortago in la waayo guulihii adkaa ee la gaaray.”

Howlgalka AUSSOM, oo beddelay kii hore ee ATMIS, ayaa haatan leh 11,146 askari.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ciidamada Burundi la saaro iyada oo aan la helin ciidan beddeli kara, “waxay sii ballaarin doontaa firaaqi amni ee jira waxayna uga sii dari doontaa xaaladda horeyba u liidatay,” ayaa lagu xusay bayaanka.

Soomaaliya iyo Burundi ayaa muddo isku khilaafsanaa tirada ciidamada ay Burundi uga qeyb qaadaneyso howlgalka, iyadoo Muqdisho codsatay kaliya qiyaastii 1,000 askari, halka Burundi ay soo jeedisay inay dirto 2,000 oo askari.

Diblomaasi Afrikaan ah oo la hadlay AFP isagoo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in Soomaaliya “ay aaminsan tahay in Burundi aysan si buuxda u qalabeyn karin tiro intaas le’eg oo askar ah.”

“Dowladdeennu waxay u aragtay dalabka Soomaaliya inuu yahay ixtiraam-darro iyo yareyn lagu sameeyay dadaallada Burundi ee lagu doonayay in Soomaaliya nabad lagu soo celiyo,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Burundi oo sidoo kale codsaday inaan magaciisa la shaacin, una warramay AFP.

War-saxaafadeed uu Midowga Afrika soo saaray 15-kii April, oo ay aragtay AFP, ayaa amray xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya inuu fududeeyo bixitaanka ciidamada Burundi.

Wakiilladu waxay sidoo kale ka hadleen caqabadaha dhaqaale ee culus ee haysta howlgalka, iyagoo ugu baaqay saaxiibada caalamiga ah inay wax ka qabtaan baahida dhaqaale ee ah $96 milyan oo lagu daboolayo deynta ATMIS iyo $60 milyan oo loo baahan yahay si loo bixiyo kharashaadka afar bilood ee AUSSOM — howlgalkaas oo shaqadiisa bilaabay bishii Janaayo.

Xogta wada-hadallo dhex-maray DF iyo 4 dal oo Yurub ah

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo haatan wadda dadaallo dheeraad ah oo ku aadan xiriirka caalamiga ah iyo horumarinta arrimaha dhaqaalaha ayaa waxay wada-hadallo xasaasi ah la yeetalatay afar dowladood oo waa wayn, kana tirsan qaaradda Yurub.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo ku sugan Washington ayaa intii uu ku guda jiray ka qayb-galka shirka xiliga Gu’ga ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka wuxuu kulamo doceedyo la yeeshay mas’uuliyiin ka socda UK, Norway, Denmark iyo Germany.

Biixi ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka horumarinta Caalmiga ah ee Dowladda Norway Mr. Åsmund Aukrust, waxayna kulankooda diiradda ku saareen arrimaha mudnaanta gaarka ah u leh Dowladda sida horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, kobcinta wax soo saarka dalka iyo ka wada shaqeynta dhisidda hannaanka ka gudbidda aafooyinka dabiiciga ah.

Intii uu socday kulanka labada dowladood, Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa mahadcelin kadib waxa uu tilmaamay Norway doorka muuqdo ee ay ku laheyd hannaankii deyn cafinta Soomaaliya iyo ka garabsiinta Dowladda barnaamijka Qorshaha Isbaddalka Qaranka NTP.

Sidoo kale, wasiirka ayaa kulan kale oo wax ku ool ah la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka socday Xafiiska Horumarinta Dibadda ee Dowaldda UK, kaas oo looga hadlay hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha, horumarinta hey’adaha maamulka iyo meelmarinta qorsheyaasha u dagsan kobcinta dhaqaalaha si ay fursado u helaan bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday natiijo aad u wanaagsan oo ku saleysan xiriirka dhaw ee Soomaaliya iyo UK, sida ay shaacisay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Dhinaca kale, kulan lala yeeshay dowladda Denmark oo ay ka socdeen madaxda sare ee Xafiiska Horumarinta Siyaasadda Caalamiga ah ayaa isna diiradda lagu saaray qorsheyaasha miro-dhalka ah ee horumarinta Maaliyadda, sare u qaadidda hannaanka dhaqaalaha dalka iyo maalgalinta ilaha wax soo saarka dalka ku waas oo ah fursado ay aad ugu baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Gabagabadii Marwo. Birgid Pickel oo ah Agaasimaha Guud ee Afrika Wasaaradda Xiriirka Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Germany iyo qaar kale oo kamid ah wafdiga Germany ayaa kulan gaar ah waxa ay la yeesheen wafdiga Soomaaliya ee uu hogaaminayay Wasiir Biixi Imaan Cige, iyaga oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo barnaamijka Qorshaha Isbaddalka Qaranka oo ah hannaan ay Dowladdu waqti gaar ah galisay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa dowladda Germany uga mahadceliyay xiriirka wada-shaqeyneed ee ay la leeyihiin Soomaaliya iyo taageeradooda.

Xogta hoobiyeyaal maanta lagu garaacay Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo ay xalay Al-Shabaab ku garaaceen qaybo kamid ah magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee maamul Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoobiyeyaasha oo soo dhacay xilli habeenimo ah ayaa qaarkood waxa ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla gudaha magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray rayid aan waxba galabsan, kadib markii ay madaafiicda ugu tageen guryahooda.

Dadka ay waxyeellada soo gaaryay waxaa kamid ah hooyo iyo carruuteeda oo noqday dhimasho iyo dhaawac, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale, waxaa burbur xooggan uu soo gaaray guryo ku yaalla magaalada oo shacab ay daganaayeen, waxaana haatan socda baaris ay wadaan laamaha amniga Baydhaba.

Shacabka ayaa sidoo kale saaka isugu soo baxay goobaha la duqeeyay, iyaga oo isku gurmaday, waxaana muuqaallo la helay ay muujinayaan saameynta hoobiyeyaasha lagu garaacay halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan weerarka hoobiyeyaasha ee xalay ka dhacay magaalada Baydhaba.

Weerarkan ayaa daba socda dagaal culus oo lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, kaas oo dhowaan ka dhacay deegaanka Burjeed oo ku yaalla duleedka magaaladaasi, halkaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay xubno badan oo ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta.

Maydadka xubnaha kooxda Al-Shabaab ee la laayay ayaa xilligaas la geeyay gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, iyada oo lagu soo bandhigay fagaaraha afar irdoodka ee magaaladaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah.

Kadib dhacdadaasi, waxaa xaalad kacsanaan laga dareemay qaybo badan oo kamid ah gobollada Baay iyo Bakool oo ay weli ku xooggan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab oo deegaanno badan ka haysta gobolladaasi.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa hadda isku diyaarineyso qaadista guluf oo ka dhan ah argagixisada si la’isugu furo, go’doonkana looga qaado deegaannada maamulkaasi.

Donald Trump oo shaaciyey in Sacuudi Carabiya ay xiriir la sameysan doonto Israel

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu kalsooni ku qabo in Sacuudi Carabiya ay xiriir diblomaasiyadeed la yeelan doonto Israa’iil, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay majaladda Time oo la daabacay Jimcihii.

“Saudi Arabia waxay ku biiri doontaa heshiisyada Abraham,” ayuu yiri Trump, isaga oo xiganaya heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhammaadkii xilligii uu xilka hayay 2020, kaas oo waddamada Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Suudaan iyo Marooko ay ku oggolaadeen inay caadiyeeyaan xiriirkooda Israa’iil.

“Waa ay dhici doontaa arrintaas,” ayuu sii raaciyay.

Trump ayaa la filayaa inuu booqdo Sacuudi Carabiya bisha soo socota, isagoo ku guda jira socdaal uu ku tegayo Bariga Dhexe, taas oo loo arkayay safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo markii uu mar kale la wareegay Aqalka Cad. Si kastaba, waxaa hadda la xaqiijiyay inuu ugu horreyn u safri doono Talyaaniga si uu uga qeyb galo aaska Pope Francis.

Intii uu xilka hayay Trump, wuxuu xiriir dhow la sameeyay Riyadh, waxaana la filayaa inuu mar kale cadaadis ku saaro Sacuudi Carabiya — oo hoy u ah goobaha ugu barakaysan Islaamka — si ay xiriir ula yeelato Israa’iil, taas oo noqon lahayd mid ka mid ah himilooyinkiisa waaweyn ee siyaasadda arrimaha dibadda.

Si kastaba, dagaalka ka socda Gaza ayaa caqabad ku noqday dadaalladaas, iyadoo madaxda Sacuudiga ay si cad u sheegeen in aysan xiriir caadi ah la yeelan doonin Israa’iil ilaa iyo inta aan la aqoonsanayn dowlad madax-bannaan oo Falastiiniyiin ah — arrin uu ka soo horjeedo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Socdaalka Trump ee gobolka ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli Aqalka Cad uu sii wadayo wadaxaajoodyada nukliyeerka ee lala leeyahay Iran, isaga oo isla markaana hanjabaad militari u jeedinaya haddii heshiis la gaari waayo.

Jubaland oo dadkeeda uga digtay qorshe ay waddo hay’ad ka tirsan DF Soomaaliya

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa sheegtay in aysan ‘aqoonsanayn’ kaarka Aqoonsiga Qaranka ee Hay’adda NIRA ay bixiso, si lamid ah Puntland oo horay u diiday.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay bulshada reer Jubbaland ku wargalinayso in sharci kasta oo aan heshiis lagu ahayn aysan qayb ka ahayn reer Jubbaland.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland waxay cadeenaysaa in aysan aqoonsaneyn waxa loogu yeeray kaarka Aqoonsinga Qaranka oo aan haysan sharciyad heshiis lagu yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka Jubbaland.

Waxay sheegeen in Kaarka Aqoonsiga Qaranka ay u arkaan wax loogu talagalay in lagu “meelmarsado dano siyaasadeed.”

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland waxay Bulshada ree Jubbaland ku wargalinaysaa in aysan ka qayb qaadan wax kasta oo jabinaya sharciga iyo qaanuunka u dagsan Dowladda Jubbaland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Jubbaland ayaa sheegtay in dadka deegaanada ay ka taliso ku nool looga baahanyahay inay raacaan nidaamka iyo shuruucda u dagsan “Dowladda Jubbaland” ayna ka feegjignaadaan wax kastoo dhibaato u keeni kara.

Dowladda Jubbaland waxay xoogga saaraysa hormarinta danaha shacabka Jubbaland, waxayna marwaliba ka shaqenaysaa u adeegidda Bulshada Jubbaland ee wakiilatay,” ayaa lagu yiri warqadaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha arrimaha gudaha Jubbaland.

Puntland ayaa horay u diiday Hay’adda NIRA ee bixisa kaarka qaran ee aqoonsiga dadweynaha, waxayna sameysteen Hay’ad kale oo ayada lamid ah, taas oo dowladda federaalka ay ka hortimid, kana soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegtay in Saciid Deni uu carqaladeynayo Hay’adihii sharciga ahaa ee dalka.

Somali President says he survived six assassination bid

MOGADISHU, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has revealed that he has survived six assassination attempts by the al-Qaeda-linked Al-Shabaab militant group since first taking office in 2012, including a recent attempt in March 2025 amid an intensified government offensive against the insurgents.

Speaking in an interview at the presidential palace, Villa Somalia, in Mogadishu, President Mohamud recounted the latest attack on March 18, 2025. He said his convoy was targeted with Improvised Explosive Devices (IEDs) as he was preparing to travel to the HirShabelle region to join government forces fighting Al-Shabaab on the front lines.

“Their plan was to stop me and my delegation from reaching the front line to support our troops in battle, but they failed,” President Mohamud said, confirming the attack was aimed at preventing him from participating directly in the military campaign.

Now, in his second term (2012–2017 and 2022–present), the President emphasized that Al-Shabaab has made his assassination a top priority ever since his initial election.

Despite the ongoing security challenges and admitted setbacks, President Mohamud expressed his resolve to keep pressing the fight into Al-Shabaab strongholds, vowing to defeat the group entirely. He described a strategy that goes beyond military action alone.

A multi-front war against extremism

“We have intensified the fight against Al-Shabaab on two fronts – ideological and financial,” the President explained, outlining the government’s multi-pronged approach.

On the ideological front, the government has enlisted the help of over 300 respected Islamic scholars who are publicly challenging Al-Shabaab’s extremist narrative. These scholars argue that the group distorts Islamic teachings to justify violence, especially against fellow Somalis.

“The scholars have condemned the group, and as a result, people are starting to distance themselves,” President Mohamud said. The government is also using local television to raise public awareness about Al-Shabaab’s actions, stressing that the killing of innocent civilians goes against the teachings of Islam and the Quran.

He pointed to the devastating truck bombing in Mogadishu on October 14, 2018, which killed more than 800 people, as a painful example of Al-Shabaab’s brutality against the Somali people.

At the same time, the government is working to dismantle Al-Shabaab’s financial networks. The group depends heavily on extortion, forcing citizens and businesses in areas under its control to pay money to fund its operations. President Mohamud said that efforts are underway to shut down these revenue streams.

“We have blocked many of their bank accounts and also cut off the mobile money platforms they used to collect funds,” he said, describing measures to weaken the group’s financial lifeline.

The President insisted that Al-Shabaab’s capabilities have been significantly reduced since his second term in 2022, reaffirming his government’s commitment to the fight despite ongoing hurdles.

Beyond the immediate battle against terrorism, President Mohamud also spoke about the country’s broader state-building efforts. These include pushing forward plans for “one person, one vote” elections – a shift away from Somalia’s complex clan-based indirect voting system toward universal suffrage, seen as a key step in strengthening democratic institutions.

Al-Shabaab has been waging an insurgency to overthrow Somalia’s internationally-backed government and impose strict Islamic law since 2007. While the group still controls large areas of rural territory, it continues to carry out deadly attacks on civilians, government officials, and security forces across the country – a constant reminder of the challenging and complex fight President Mohamud’s administration continues to face.

Xasan oo shaaciyey in uu ka bad-baaday 6 isku day dil

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka badbaaday lix isku day dil oo ay la beegsatay kooxda argagixisada ee Al-Shabaab tan iyo markii ugu horreysay ee la doortay sanadkii 2012-kii. Isku daygii ugu dambeeyay wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho Maarso 18, 2025.

Madaxweynaha, oo xilligaas ku sii jeeday garoonka diyaaradaha, ayaa sheegay in kolonyadiisa ay bartilmaameedsadeen argagixisadu. Waxay adeegsadeen walxaha qarxa ee gacanta lagu sameeyo (IEDs) si ay uga hor istaagaan safarkiisa uu ugu biirayay ciidamada Soomaaliya ee kula dagaallamaya Al-Shabaab HirShabeelle, balse isku daygoodaas wuu fashilmay.

“Qorshahoodu wuxuu ahaa inay aniga iyo wafdigayga naga hor istaagaan inaan gaarno jiidda hore ee dagaalka si aan ugu biirno ciidamada Soomaaliya ee la dagaallamaya, laakiin way ku guuldarreysteen,” ayuu yiri Madaxweyne Maxamuud.

Wareysi gaar ah oo uu weriye ka tirsan Nation Media, David Okwemba kula yeeshay Villa Soomaaliya, Madaxweyne Maxamuud wuxuu wacad ku maray inuu dagaalka gaarsiin doono meelaha ay Al-Shabaab ku xooggan yihiin, isagoo ugu dambayn ka ciribtiraya guud ahaan Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ka hadlay dib u soo celinta dimoqraadiyadda Soomaaliya iyadoo loo marayo codbixin guud oo qof iyo cod ah.

Halkan waxaa ku xusan qaybo muhiim ah oo ka mid ah waraysiga:

Su’aal: Waxaad ku sugnayd jiidda hore adigoo hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Guul ma ka gaaraysaan, marka la eego inay dhawaan weerareen kolonyadiina?

Jawaab: Waxaan xoojinnay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee labada dhinac – kan fikirka iyo kan dhaqaalaha. Dhanka fikirka, waxaan hawlgelinnay in ka badan 300 oo culimo Islaami ah oo magac leh si ay u buriyaan aragtida qalloocan ee Al-Shabaab ee ah in dagaalka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed uu yahay mid diini ah.

Culimadu si cad ayay u cambaareeyeen kooxda, taasina waxay keentay in dadku ay bilaabaan inay ka fogaadaan. Waxaan sidoo kale bilownay barnaamijyo aan ku baahinno telefishinnada maxalliga ah si aan bulshada uga wacyigelinno falalkooda gurracan. Diinta Islaamka iyo Qur’aanka Kariimka ah midna ma oggola daadinta dhiigga qof aan waxba galabsan. Waxaan xusuusannahay Oktoobar 14, 2018, markii ay halkan Muqdisho ku dileen in ka badan 800 oo qof oo Soomaali ah oo aan eed lahayn.

Marka labaad, waxaan ka xannibeynaa ilaha dhaqaalaha ee ay ka helayeen lacagaha ay baad ahaan uga qaadanayeen dadka iyo ganacsiyada Soomaaliya. Waxaan xirnay qaar badan oo ka mid ah xisaabaadkooda bankiyada iyo sidoo kale hababkii ay lacagaha ku urursan jireen ee moobayllada.

Su’aal: Kolonyadiina waxaa bishii hore (Maarso) weeraray isla kooxdan argagixisada ah. Sidee u aragtaa sheegashadooda ah inaad ku fashilantay inaad gebi ahaanba burburiso?

Jawaab: Al-Shabaab waxay sameeyeen lix isku day oo ay doonayeen inay igu dilaan tan iyo 2012-kii, markii iigu horreysay ee la ii doortay Madaxweynaha Soomaaliya. Isku daygii koowaad wuxuu dhacay xitaa ka hor intaanan u soo guurin Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Dilkaygu wuxuu ahaa hadafkooda ugu weyn.

Laakiin annaga ayaa dagaalka ku qaadnay. Tan iyo 2022, markii aan xilka la wareegay mar labaad, waxaan sameynay horumar weyn oo aan ku daciifineyno awooddooda. Inkastoo ay jireen caqabado iyo dib u dhacyo, weli waxaan ku guda jirnaa hawlgalka, guul ayaana ka gaareynaa.

Somali President ‘undecided’ on 2026 election bid

MOGADISHU, Somalia—Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud has stated he remains undecided on whether he will seek a second consecutive term in the 2026 presidential election. He said his immediate focus is on bolstering the nation’s security, fostering economic growth, and delivering a long-promised direct democratic vote.

In an interview with Kenya’s Nation Media, Mohamud claimed significant improvements in the security situation in the capital, Mogadishu, since he began his second term in May 2022. This period was marked by an intensified government offensive against the Al-Shabaab extremist group.

“Security in Mogadishu has improved significantly since 2022 when I took office,” President Mohamud said. “We used to have bombings almost every month, but now they are scarce.”

He asserted that this enhanced security environment had directly contributed to increased economic activity and construction within the capital, citing the expansion of its commercial areas.

Prioritizing core mandate

Mohamud, who previously served as President from 2012 to 2017, was elected in 2022 on a platform explicitly prioritizing the fight against terrorism and the restoration of democracy through a ‘one-person, one-vote’ system. He reiterated these as his administration’s central objectives.

“I was elected to a program to fight terrorism and restore democracy to Somalia. That was my election agenda,” he stated. “If you look back at my political program from the previous election, I have largely succeeded in significantly weakening the power of Al-Shabaab.”

He claimed active involvement in the anti-insurgency campaign, including personal visits to the front lines, and reported that government forces had liberated approximately 80 rural areas previously held by the militants.

A cornerstone of President Mohamud’s agenda is the transition from Somalia’s complex, indirect electoral system – which has historically relied on clan elders selecting delegates who then choose the President – to a direct popular vote. This system, last fully implemented in the early 1960s, faces significant logistical and security challenges.

Mohamud confirmed that voter registration is underway and highlighted four licensed political parties prepared to contest the polls.

“It’s been almost 60 years since Somali citizens last cast their votes directly into the ballot box. I want that to happen again in the upcoming election,” he said, underscoring the historical significance of the proposed shift.

Acknowledging the practical difficulties of organizing a nationwide direct poll in a country still grappling with insurgency and lacking extensive electoral infrastructure, Mohamud set a more immediate, attainable target. “The Somali population is close to 20 million,” he noted. “But if I can enable even two million people to cast their votes directly, I feel I will have achieved a great goal.”

He addressed concerns regarding the security risks posed by Al-Shabaab to a direct vote, particularly in areas where the group retains influence. The President maintained that the overall security situation had evolved, with militants largely confined to rural areas. He pointed to high public interest in voter registration within Mogadishu among citizens who have never had the chance to vote directly.

Re-election decision pending

Mohamud reiterated that any decision regarding a potential bid for a third term in 2026 would depend on the political environment as the election cycle approaches.

“My main goal is to restore true democracy to Somalia. When election time comes, I will consider my decision regarding the race,” he stated.

He emphasized the profound personal importance he places on achieving the direct voting system, describing it as potentially the most significant accomplishment of his political career. “If I succeed in implementing a one-person, one-vote election, it will be the greatest success I achieve in my life,” he said.

The push for a direct popular vote in 2026 represents a critical step in Somalia’s ongoing efforts to build a stable federal state and consolidate democratic institutions after decades of conflict and political fragmentation.

Daawo: Xasan oo dalalka ciidanka AUSSOM iyo caalamka kula heshiiyey shan qodob

Entebbe (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay shir-madaxeedka dalalka qaybta ka ah howlgalka taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo saaxiibada caalamiga ah, kaas oo lagu qabtay Madaxtooyada dalka Uganda ee magaalada Entebbe.

Madaxweynaha ayaa shirka ka jeediyey khudbad uu ku muujiyey guulaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed lagu garab istaago dagaalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalbaday in Soomaaliya laga taageero dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, si ay ula wareegaan amniga guud ee dalka.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay madax ka kala socotay dalalka; Kenya, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Uganda iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Dowladda Mareykanka.

Madaxda shirku waxay isla qaateen qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

1• In shirku bogaadiyay guulaha ay xaqiijisay DFS oo ay ka mid yihiin; ku biirista Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), xubinnimada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, qaadista cunaqabtaynta hubka, dib u habaynta dhaqaalaha iyo billaabista diiwaangalinta codbixiyeyaasha doorashada tooska ah.

2• In la dardargeliyo taageerada tababarka, qalabaynta, iyo tayeynta ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

3• In la xoojiyo taageerada dhinaca diyaaradaha, sirdoonka, iyo garab-istaagga cirka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

4• In la dhiirrigeliyo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, si loo sugo xasilloonida dhulka la xoreeyey.

5• In la dhaqan geliyo istaraatiijiyadda dhaqaale-ururin ee howlgalka AUSSOM iyo taageerada la siiyo ciidamada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka qeybta ka ah howlgalka AUSSOM dadaalkooda ku aaddan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhammaystirka dhismaha ciidanka qaranka iyo xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Hoos ka daawo la-taliyaha amniga Qaranka

Turkey boosts military presence in Somalia

MOGADISHU, Somalia – Turkey has significantly increased its military presence in Somalia this week, nearly doubling its personnel and deploying advanced armed drones, following recent territorial gains by the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab group.

Sources familiar with the matter told Middle East Eye that the move reflects growing concern in Ankara over the volatile security situation in the Horn of Africa nation.

According to the sources, approximately 500 additional Turkish troops have been deployed to Somalia, bringing the total contingent to nearly 1,000.

The reinforcements are tasked with securing and maintaining Turkey’s key Turksom military base near Mogadishu – one of Turkey’s largest overseas military facilities, established in 2017 to train the Somali National Army – operating armed drones for precision strikes against Al-Shabaab militants and providing enhanced security for the city’s strategic ports.

Responding to Al-Shabaab advances

The increased deployment comes in the wake of strategic advances made by Al-Shabaab forces in March in areas surrounding the capital. This deterioration in security prompted Somali President Hassan Sheikh Mohamud’s visit to Ankara, where he held private talks with Turkish President Recep Tayyip Erdogan.

The meeting, attended only by Somalia’s then-defence minister, occurred without immediate official details but fuelled speculation regarding expanded Turkish military assistance.

A senior Turkish official, speaking to Middle East Eye on condition of anonymity due to the sensitivity of the matter, confirmed that Ankara plans to reinforce its counter-terrorism support for Mogadishu “at a later stage,” without providing specifics on the timing or nature of the future support.

Analysts monitoring Turkey’s engagement and Somalia’s internal dynamics suggest that Al-Shabaab’s recent momentum is partly attributed to deepening political divisions between President Hassan Sheikh Mohamud’s administration and opposition factions within Somalia’s complex federal system.

Some experts suspect that elements within the opposition may be tacitly overlooking or failing to adequately counter the group’s movements ahead of crucial presidential elections expected next year, potentially seeking to weaken the current government’s standing.

Role of the Turkish reinforcements

Regional sources familiar with Turkey’s military operations in Mogadishu corroborated the deployment details provided to Middle East Eye. They indicated that roughly 300 Turkish commandos were sent specifically to reinforce the protection of Turkish facilities and assets in Mogadishu and aid in the ongoing training and advice of Somali forces.

An additional 200 personnel were reportedly deployed to bolster Turkey’s armed drone operations, which have gradually increased in frequency and intensity over the past month.

The sources added that while Turkey’s widely utilized TB2 Bayraktar drones have previously been active in Somalia, Ankara recently deployed two advanced Akinci unmanned aerial vehicles.

The Akinci, known for its high-altitude capability, long endurance, advanced sensor suite, and sophisticated night vision systems, is considered more effective against a dispersed and often nocturnal insurgency like Al-Shabaab.

“The Akinci are better suited for targeting Al-Shabaab, which often operates at night to evade detection,” one source with knowledge of the deployments told Middle East Eye. The drones’ ability to operate for extended periods around the clock provides persistent surveillance and strike capability.

Direct combat role limited

Despite the significant increase in military assets and personnel, another regional source indicated that Turkey currently has no plans for direct ground combat operations against Al-Shabaab militants. Such an intervention would reportedly require formal approval from the Turkish Parliament, which has not been sought.

“Turkish forces are primarily there to protect Turkish assets and train and advise Somali troops,” the source explained. “They would only engage Al-Shabaab directly for self-defense purposes if necessary.”

A second Turkish official highlighted that control of Somali airspace currently rests predominantly with US forces operating under the US Africa Command (Africom) banner. This necessitates close coordination between Turkish air operations and Africom.

“‘US forces sometimes ask for our assistance with targeting operations,’ the official said,” indicating a level of operational cooperation and downplaying any reports of tension between Ankara and Washington regarding their respective military and political engagements in Mogadishu.

Meanwhile, reports claiming Turkey had transferred Turkish-made T-129 helicopters to Somalia were denied by Somali sources.

These sources told Middle East Eye that Somali pilots are still undergoing comprehensive training on the aircraft in Turkey. However, they added that the pilot training is expected to conclude within the next two months, potentially allowing the Somali army to operate the helicopters domestically later this year.

Another source stated that Ankara also plans to continue the deployment of Somali forces trained at specialized Turkish facilities located in Isparta and Izmir, highlighting Turkey’s long-term investment in building the Somali National Army’s capacity.

Adding another layer of international assistance, Qatari government aircraft delivered additional ammunition to Mogadishu this week, providing essential supplies for the Somali forces engaged in counter-insurgency operations.

“Turkey is further expected to deploy more drones and provide artillery support if requested,” the source added, signaling Ankara’s potential readiness to provide broader military assistance, particularly regarding firepower and surveillance, as the security situation requires.

Turkey’s deepened engagement underscores its strategic importance to Somalia and its commitment to supporting the government’s fight against militant groups.

Xogta weerar culus oo ay Macawiisleyda Hiiraan galabta ku qaadeen Al-Shabaab

0

Yasooman (Caasimada Online) – Ciidamada Qaranka iyo Geesiyaasha Difaaca Deegaanka ee Macawiisleyda Hiiraan ayaa galabta weerar ku qaaday goob ay isku uruursanayeen dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo u dhaxeysa deegaanada Yasooman iyo Aboorey ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa ayaa soo gaaray caawa, waxaana lagu howlgalay xog laga helay deegaanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa halkaas ka soo abaabuleysay weerar, balse ciidamada ayaa galabta weeraray intii ay is uruursanayeen.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Caasimada Online u sheegay inay ka hor tageen dhagartii ay halkaas kasoo abaabulaysay Al-Shabaab.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa sheegay in khasaare culus ay howlgalkaas ku gaarsiiyeen kooxda, isla markaana ay faahfaahin rasmi ah ka soo saari doonaan saacadaha soo socda.

Macawiisleyda Hiiraan oo kaashaneysa ciidamada qaranka ayaa maalmahaan waday weerarro ka hortag ah, waxayna ka hortegayaan in weerar lagu soo qaado ayaga, taasi oo khasaare badan ay kala kulmi karaan.

Dhowr howlgal oo maalmihii lasoo dhaafay ay fuliyeen ayaa guuleystay, waxayna ka badbaadeen dhagaro badan iyo khatar ku soo wajahneyd, maadaama kooxda Al-Shabaab ay hal goob isku uruursato inta aysan qaadin weerarrada.

Is-difaaca iyo weerarrada reer Hiiraan ee is dabajoogga ah ayaa imaanaya iyadoo kooxdu ay la wareegtay inta badan gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana ay weli abaabuleyso weerarro kale oo ay doonayaan inay dhul hor leh ku qabsadaan.

Shir xasaasi ah oo u furmay madaxda dowladaha ay ciidanka ka joogaan Somalia

0

Kampala (Caasimada Online) – Magaalada Entebbe ee dalka Uganda waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amni ee gobolka, iyadoo la tixgelinayo marxaladda cusub ee ay Soomaaliya wajahayo.

Shirkan ayaa waxaa martigelinaya Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, waxaana uu kulminayaa madax sare oo ka kala socda dalal dhowr ah oo ka qeyb qaadanaya howl-galka nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in la dardar-geliyo taageerada howl-galka cusub ee AUSSOM, kaasoo badalay kii hore ee AMISOM.

Wafdi ka socda Masar ayaa shirkan ka qeyb-galay, iyagoo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi, Dr. Mostafa Madbouly, oo matalaya Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi. Sidoo kale, waxaa madasha joogay Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya iyo mas’uuliyiin kale oo sare.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isna goobjoog ka ah shirkan, isagoo matalaya dal uu ka socdo howlgalka xasillinta ee lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirka, taasoo si gaar ah u taaban doonta xaaladda amni ee dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada oo ugu horreyso Al-Shabaab.

Shirka Entebbe ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad amniyeed oo adag, iyadoo kooxaha xagjirka ah ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka. Arrintan ayaa sii adkaynaysa baahida loo qabo iskaashi amni oo xooggan oo u dhexeeya dalalka gobolka.

Kulankan ayaa loo arkaa fursad muhiim ah oo lagu mideynayo aragtiyada madaxda Afrikaanka ah ee ku aaddan sidii loo heli lahaa maalgelin iyo taageero joogto ah oo lagu dardar-gelinayo howl-galka AUSSOM, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta oo ka hana qaada Soomaaliya.

Xogta qorshe xasaasi ah oo sarkaal u dhawaa Fahad uu ka wado Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, Cabdirisaaq Yuusuf Cali (Terra) oo ahaa sarkaal sare oo si weyn ugu dhawaa Taliyihii hore ee Sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin, ayaa si qarsoodi ah ku tegay Somaliland.

Terra, oo deegaan ahaan kasoo jeeda Somaliland, ayaa leh tababar sare oo ciidan iyo mid sirdoon, xilli markii Fahad uu joogay hoggaanka NISA lagu tilmaami jiray inuu ahaa kaaliyihii ugu dhawaa ee sida gaarka ah ula shaqeynayay.

Caasimada Online, oo aad u baartay xogta ninkan iyo waxa uu ka qabanayo Somaliland, maadaama uu horey uga tirsanaa saraakiisha sare ee sirdoonka Soomaaliya, ayaa baaristeenna ku ogaatay in Terra uu maamulka u wakiishay qorshe xasaasi ah oo dhanka sirdoonka ah.

Sarkaal ka tirsan hay’adda sirdoonka Somaliland (NIA), oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo jira awgood, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Terra loo xilsaaray horumarinta qalabka sirdoonka iyo kor u qaadista aqoonta hawl-wadeennada hay’adda.

Ninkan, oo tababar heer sare ku soo qaatay dalal ay ka mid yihiin Turkiga, ayaa wada qorshe qalab sirdoon loogu rakibayo hay’adda Sirdoonka Somaliland, si ay sare ugu qaaddo awoodeeda sirdoon.

Inkasta oo sarkaalka la hadlay Caasimada Online uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo nooca qalabkan, haddana wuxuu noo xaqiijiyay in arrintaas ay hadda socoto, ayna dalka yimaadeen khubaro kale oo cadaan ah oo dalabkooda uu lahaa Terra, si loo hirgeliyo qorshaha qalabkan sirdoon.

Sidee ayuu Terra ku tegay Somaliland?

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, Cabdirisaaq Terra wuxuu Somaliland ku tegay kadib cafis uu ka helay Madaxweynaha Somaliland, kadib markii uu ka laabtay mowqifka midnimada Soomaaliya oo uu ku dhaganaa markii uu la hawl-galayay Fahad Yaasiin.

Saxafigan u xuubsiibtay sirdoonka, si la mid ah taliyihiisii Fahad, ayaa haatan dhaq-dhaqaaqyo hoose ka wada magaalooyinka Somaliland, iyadoo ay saacadihii dambe muujinayaan muuqaal sir ah oo laga duubay isagoo ku sugan magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Inkasta oo ay hore u dhacday in Somaliland ay cafis u fidiso shaqsiyaad xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka Soomaaliya, oo uu u dambeeyay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Bayle, haddana waxaa isweydiin mudan sababta madaxda sare ku kaliftay inay cafis u fidiyaan sarkaal sare oo ka tirsanaa NISA.

Sababta ugu weyn ee Terra loogu furay albaabada Somaliland ayaa waxaa qeyb ka ah sidii uu door muhiim ah uga qaadan lahaa qorshaha dib u habeynta loogu sameynayo sirdoonka Somaliland, oo sanadihii dambe ay ka muuqatay habacsanaan xoog leh.

Terra haatan si gaar ah ayaa loo ilaaliyaa, iyadoo inta badan dhaq-dhaqaaqiisa uu yahay mid qarsoodi ah. Waana shaqsi si weyn ugu dhagan fikradda “is-qarinta”, taas oo hore ugu caanbaxay Taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, intii uu hoggaaminayay NISA, inkastoo markii uu shaqadaas ka tagay uu kasoo muuqday shaashadaha warbaahinta.

From Somalization as collapse to Somalization as recovery

Introduction: Rewriting the Script on State Fragility – A Cautious Optimism

For decades, “Somalization” has been a stark geopolitical shorthand for state failure, conjuring images of unchecked warlordism, pervasive piracy, and the complete erosion of institutional authority. Under President Hassan Sheikh Mohamud’s administration (2022–present), Somalia is actively attempting to script a powerful counter-narrative: “Somalization as recovery.” This strategic rebranding points to tangible advancements in security, governance, and economic revitalization. However, while acknowledging these gains, this analysis will probe deeper, critically examining the limitations, persistent challenges, and potential downsides alongside the progress, while also incorporating diverse perspectives to provide a more balanced understanding of Somalia’s complex trajectory. The imperative for constructive criticism and national unity remains paramount, echoing the Somali wisdom of “Gaalka dil, gartiisana sii” – “Give the devil his due”, emphasizing the need to acknowledge progress even amidst past or present adversaries. This journey towards recovery necessitates a collective effort, embodied in the proverb “Wadajir bay gacmuhu wax ku gooyaan” – “Many hands make light work.”

  1. Security and Counterterrorism: Forging Stability – A Fragile Foundation?

“Total War” Against Al-Shabaab: Initial Gains, Enduring Threat

President Mohamud’s declaration of “total war” against Al-Shabaab has yielded initial territorial gains, with the SNA, backed by local militias and ATMIS, liberating key areas. This has disrupted meaningfully of the group’s revenue streams and operational capabilities. However, the long-term sustainability of these gains remains uncertain. As one security analyst noted, “While the SNA has retaken towns, holding and securing vast rural areas, the group’s traditional strongholds, presents a far greater challenge. Al-Shabaab’s resilience stems from a complex interplay of local grievances, clan dynamics, and its ability to adapt its tactics.” The “clear, hold, and build” strategy faces significant hurdles, as evidenced by Al-Shabaab’s continued presence and influence in regions like South West State, hindering service delivery and the return of displaced populations.

Regional Military Cooperation: A Necessity with Complex Dynamics

Regional military cooperation is crucial in combating the transnational threat of Al-Shabaab. However, these collaborations are not without their complexities. As a civil society leader from Gedo region commented, “While we appreciate the support from neighboring countries, historical tensions and differing national interests can sometimes complicate coordination and create unintended consequences on the ground.” The effectiveness of these partnerships requires continuous evaluation and careful consideration of local contexts.

Lifting of UN Arms Embargo: Enhancing Capacity, Risks of Diversion?

The gradual lifting of the UN arms embargo is intended to bolster Somalia’s national defense capabilities. However, concerns remain regarding the transparent and effective utilization of these resources. An opposition politician voiced caution, stating, “While a stronger army is necessary, robust oversight mechanisms are essential to prevent the diversion of weapons and ensure accountability.” Building a truly self-reliant security apparatus requires not only equipment but also strong governance and anti-corruption measures.

  1. Economic and Financial Reforms: Laying the Foundation – Amidst Vulnerabilities

Debt Relief Achievements: A Milestone with Caveats

The completion of the HIPC Initiative is a significant achievement, unlocking access to international financing. However, the sustainability of this progress hinges on prudent fiscal management and the effective allocation of these funds. An economist based in Mogadishu cautioned, “Debt relief provides a fresh start, but it also places a greater responsibility on the government to implement sound economic policies and avoid accumulating unsustainable new debt.” Constructive analysis must focus on how these funds are translated into tangible improvements for the average Somali citizen.

Economic Stabilization: Resilience Under Pressure

The reported GDP growth of 4% in 2024, despite climatic shocks, indicates a degree of economic stabilization. However, this growth remains vulnerable to external factors and has not yet translated into significant job creation or poverty reduction for a large segment of the population. A local entrepreneur in Kismayo noted, “While business registration has become easier, access to capital and reliable infrastructure remain major obstacles for small and medium-sized enterprises.” Inclusive economic policies are crucial for ensuring that growth benefits all Somalis. Data limitations, often relying on government reports, necessitate cautious interpretation and a push for more independent verification.

  1. Regional Integration and Diplomacy: Reasserting Influence – Navigating Complex Interests

Admission to the East African Community (EAC): Opportunities and Challenges

Somalia’s EAC admission offers significant opportunities for regional trade and investment. However, realizing these benefits will require careful negotiation and implementation of agreements, considering the potential impact on domestic industries. As an academic specializing in regional integration observed, “EAC membership can be a game-changer, but Somalia needs a clear strategy to leverage its comparative advantages and address potential competitive disadvantages.” Open dialogue involving businesses and civil society is crucial for maximizing the benefits.

Strengthened International Relations: Rebuilding Trust – Amidst Shifting Global Dynamics

Somalia’s increased engagement on the international stage, including its UNSC seat candidacy, signifies a rebuilding of trust and partnerships. However, the impact of international interventions in Somalia has been complex and sometimes contradictory. A former UN official commented, “The international community has played a crucial role, but a lack of coordination and a focus on short-term fixes have sometimes undermined long-term stability. A more coherent and Somali-led approach is essential.” Scrutiny of international engagements must consider their long-term impact on national sovereignty and development.

  1. Governance and Institutional Development: Rebuilding – While Facing Political Headwinds

Rebuilding State Institutions: Progress and Persistent Weaknesses

Efforts to rebuild state institutions are underway, with initiatives like the digital ID system and SBRS showing promise in modernizing governance. However, these reforms face challenges related to capacity building, resource constraints, and resistance from entrenched interests. A civil servant in Baidoa stated, “New systems are being introduced, but effectively implementing them across all levels of government requires significant investment in training and infrastructure.” Ensuring inclusivity and addressing regional disparities in institutional development remain critical.

Constitutional Reforms: A Divisive Path Forward

The ongoing constitutional review process is a critical juncture. While amendments like the women’s quota is positive step, the proposed shift to a presidential system and changes to party laws are deeply contentious. Opposition leaders argue that these changes centralize power and undermine the inclusivity of the political process, potentially reversing the gains of the Third Republic. One prominent opposition figure stated, “The government’s unilateral push for these fundamental changes without broad consensus risks fracturing the fragile political settlement and could lead to parallel administrations if our concerns are not addressed.” The absence of a unified international stance on these reforms further exacerbates the risk of political instability. The government’s perceived “winner-takes-all” strategy in pursuing these changes is a significant concern.

  1. International Recognition: Acknowledging Progress – A Call for Continued Reform

Africa Leadership Award 2025: Recognition and Responsibility

The Africa Leadership Award 2025 acknowledges President Mohamud’s efforts. However, this recognition should serve as further impetus for inclusive governance and addressing the concerns raised about political polarization.

Conclusion: A Nation at a Crossroads – The Urgent Need for Unity and Inclusivity

Somalia’s journey from the depths of “Somalization as collapse” towards “Somalization as recovery” demonstrates significant progress in key areas. However, this progress remains fragile and faces considerable headwinds, particularly concerning political polarization and the perceived centralization of power. The urgent proposal for national unity, emphasizing a return to the 2012 Provisional Constitution, embracing inclusive governance, seeking broad political agreement, and upholding the framework of the Third Republic, is not merely a suggestion but a necessity to safeguard the hard-won gains. President Hassan Sheikh Mohamud has a crucial opportunity to steer Somalia towards a more stable and prosperous future by prioritizing dialogue, consensus, and genuine inclusivity. The international community must also play a more unified and constructive role in supporting this process. As Somalia continues to build a better future, the wisdom of “Gaalka dil, gartiisana sii” reminds all stakeholders to acknowledge progress fairly, while the understanding that “Wadajir bay gacmuhu wax ku gooyaan” underscores that national recovery requires a united effort. The narrative of “Somalization as recovery” can only be truly realized through a shared commitment to inclusive governance and a collective effort to overcome the deep-seated political divisions that threaten to undermine the nation’s hard-won progress.

About the Author

Prof. Abdinasir Ali Osman is a highly respected senior researcher, consultant, and trainer with over 35 years of experience in the humanitarian, development, and institutional capacity-building sectors. His career spans across the private, public, and non-profit sectors, where he has played a critical role in shaping policies, building institutions, and implementing large-scale programs in Somalia and beyond.

As a leading expert in humanitarian, governance, peacebuilding, and development, Prof. Osman has dedicated his life to advancing local capacity, institutional resilience, and sustainable development. His work has influenced policy decisions, empowered young professionals, and strengthened governance frameworks in fragile and conflict-affected environments.

You can reach him through email: [email protected]

Soomaaliya oo heshay malaayiin dollar oo deeq ah kadib heshiis shalay dhacay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Sanduuqa Kuwait ee Horumarinta Dhaqaalaha Carabta (KFAED) ayaa heshiis deeq maaliyadeed la saxiixday Xafiiska QM ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada (OCHA), taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo taageerada bani’aadamnimo ee Soomaaliya.

Heshiiskaan oo la saxiixay Khamiistii ayaa lagu sheegay inuu ku kacayo $2.5 milyan, waxaana loogu talagalay in lagu taageero Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya.

Munaasabadda saxiixa heshiiska ayaa waxaa kasoo qayb-galay masuuliyiin ka socday labada dhinac, waxaana heshiiska si rasmi ah u kala saxiixday Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Kuwait, Waleed Al-Bahar, iyo Agaasimaha Maaliyadda iyo Iskaashiga OCHA, Lisa Dotten.

Heshiiskan ayaa socon doona inta lagu guda jiro sannadaha 2025 ilaa 2026, iyadoo la filayo in uu wax weyn ka tari doono dadaallada gurmadka bani’aadanimo ee gudaha Soomaaliya.

Ujeeddada deeqdan ayaa ah in lagu maalgeliyo mashaariicda bani’aadamnimo ee yaryar oo si toos ah wax uga qabanaya xaaladaha degdegga ah ee ay la tacaalayaan dadka Soomaaliyeed.

Waxaa la rajeynayaa in mashaariicdan ay gaari doonaan in ka badan 6.9 milyan oo qof oo ay saameeyeen abaaraha ba’an iyo colaadaha soo noqnoqda ee ka jira dalka.

Deeqdan cusub waxay noqonaysaa mid sii xoojisa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya KFAED iyo Qaramada Midoobay, iyadoo la xusuusto in tani ay tahay taageeradii afaraad ee uu Sanduuqa Kuwait siiyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

Tan iyo sannadkii 2017, Sanduuqa Kuwait wuxuu bixiyay deeqo gaaraya ku dhawaad $4.6 milyan, taasoo muujinaysa joogtaynta taageeradooda. Deeqdii ugu dambaysay ee horay loo bixiyay ayaa ahayd mid la siiyay dhulka Falastiiniyiinta sanadkii 2024, taasoo qeyb ka ahayd kaalmada bani’aadamnimo ee gobolkaas.

Heshiiska cusub ee lala galay OCHA wuxuu ka tarjumayaa istaraatiijiyadda Sanduuqa Kuwait ee ku saleysan garab istaagga dadka nugul ee dunida, gaar ahaan kuwa ay si weyn u saameeyeen musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bini’aadantinimo.

Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha u baahan in si degdeg ah oo joogto ah loo taageero, maadaama xaaladaha bini’aadamnimo ee ka jira ay weli adag yihiin.

Deeqdan ayaa noqon doonta mid kor u qaadda awoodda wax-qabad ee Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya, iyadoo sahleysa in si degdeg ah loo gaarsiiyo gargaar dadka u baahan.

Is-barbar dhig: Heshiiska shidaalka Soomaaliya iyo kii Saudi Arabia iyo dalal kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Sahaminta shidaalka iyo gaaska waxay rajo weyn u tahay mustaqbalka dhaqaalaha Soomaaliya. Laakiin in kheyraadka dhulka hoostiisa ku jira loo beddelo hanti qaran waligeed ma ahayn mid fudud oo ku eg qodista ceelal oo keliya.

Waddan weli kasoo kabanaya tobannaan sano oo colaado ah oo dib u dhisaya hay’adihiisa, su’aasha muhiimka ah waligeed ma ahayn in Soomaaliya ay leedahay shidaal — su’aasha dhabta ah waxay tahay sida loo soo saari karo kheyraadkan si badbaado leh, masuuliyad leh, oo aan halis gelinayn dhaqaalaha qaranka.

Heshiiskii dhowaan dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu dhaliyay dood kulul, oo inteeda badan diiradda lagu saaray tirada si khaldan loo soo xigtay ee ah “90%.” Hase yeeshee, si dhab ah loo fahmo heshiiska, waa in dib loo eegaa taariikhda caalamiga ah ee heshiisyada shidaalka, xaqiiqada maaliyadeed ee sahaminta, iyo sababta heshiisyada wax-soo-saarka la wadaago ee kharashka lagu soo ceshado (cost recovery) ay u yihiin halbeegga caalamiga ah ee waddamada maraya heerka horumar ee Soomaaliya.

Sababta kali ahaansho aanay waligeed u ahayn ikhtiyaar

Sahaminta shidaalka—gaar ahaan kan badda—waa mid ka mid ah hawlaha ugu qaalisan uguna khatarta badan adduunka. Inta aan shidaalka la soo saarin, shirkaddu waa inay si weyn ugu kharash garaysaa sahaminta dhulka (seismic surveys), qalabka qodista, dhuumaha shidaalka ee badda hoosteeda, iyo nidaamyada badbaadada.

Qodista hal ceel oo keliya oo badda ah waxay si fudud u dhaafi kartaa $100 milyan, mana jirto dammaanad qaad guul ah. Soomaaliya, haddii ay isku daydo inay kaligeed maalgeliso oo ay qabato sahamintan, waxay u baahan lahayd inay deynsato lacag aad u badan ama ay lacagaha muhiimka ah ka weeciso daryeelka caafimaadka, waxbarashada, iyo amniga. Intaas ka sii daran, haddii sahamintu fashilanto, Soomaaliya waxaa laga yaabaa inay ku dhammaato deyn oo keliya.

Iyadoo la tixgelinayo xaqiiqooyinkan, dawladda Soomaaliya waxay dooratay hab xeeladaysan: soo jiidashada maalgashi caalami ah iyada oo loo marayo Heshiiska Wadaagga Wax-soo-saarka (PSA) oo leh habka kharashka lagu soo ceshado (cost recovery) — qaab ay si guul leh u isticmaaleen tobannaan waddan oo adduunka ah.

Waa maxay kharash soo ceshadka (cost recovery) — maxayse u tahay hab caadi ah?

Heshiisyada Wadaagga Wax-soo-saarka waxaa loogu talagalay waddamada leh kheyraad dabiici ah laakiin aan haysan raasumaal iyo awood farsamo oo ay si madaxbannaan ugu sahamiyaan una horumariyaan. Marka loo eego PSA:

  • Qandaraaslaha (maal-gashadaha) ayaa bixiya dhammaan kharashyada bilowga ah ee sahaminta, qodista, iyo wax-soo-saarka.
  • Haddii shidaal la helo, qandaraasluhu wuxuu marka hore soo ceshadaa maalgashigiisa qayb ka mid ah shidaalka la soo saaray — tan waxaa loo yaqaan kharash soo ceshadka (cost recovery).
  • Ka dib marka maalgashiga la soo ceshado, wax-soo-saarka soo haray — faa’iidada shidaalka — waxaa loo qaybiyaa dawladda iyo qandaraaslaha, iyadoo la raacayo qaacido faa’iido-qaybsi oo lagu dejiyay heshiiska.
  • Inta hawshu socoto, lahaanshaha shidaalka wuxuu si buuxda ula jiraa waddanka martida loo yahay. Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga, qandaraasluhu wuxuu soo ceshan karaa ilaa 90% wax-soo-saarka sannadlaha ah si uu u daboolo kharashkii ku baxay — laakiin tani waxay ku xaddidan tahay muddada loo baahan yahay si loo soo celiyo kharashyada maalgashiga ee la ansixiyay. Soomaaliya waxay weli helaysaa ilaa 5% royalty ama gunno laga bilaabo fuustada ugu horreysa ee la soo saaro, iyadoon loo eegin kharash soo ceshadka. Ka dib marka kharash soo celinta la dhammeeyo, faa’iidada waxaa loo qaybiyaa labada dhinac, inkastoo boqolleyda saxda ah ee faa’iido-qaybsiga lagu go’aamiyo lifaaqyada PSA. Qaab-dhismeedkani wuxuu hubinayaa in Soomaaliya ay ka faa’iidaysato kheyraadkeeda iyada oo aan qaadanayn khataraha maaliyadeed ee sahaminta.

Caado caalami ah: Soomaaliya waxay raacaysaa waddo ay qaar badan mareen

Soomaaliya ma aha waddankii ugu horreeyay ee qaybtiisa tamarta ku billaaba heshiisyo kharash soo ceshad leh — mana noqon doonto kii ugu dambeeyay. Dalal badan oo hadda ah soo saareyaal shidaal oo waaweyn ayaa ku billowday shuruudo la mid ah ama xitaa ka liita. Waqti ka dib, markii ay korodhay awooddooda, khibraddooda, iyo awooddooda gorgortanka, waxay dib uga wada hadleen heshiisyo adag. Tusaalooyin yar oo caan ah waxaa ka mid ah:

  • Sacuudi Carabiya: Sannadihii hore, shirkadaha Maraykanka (Aramco) waxay qaadaneysay 100% wax-soo-saarka shidaalka Sacuudiga, iyadoo Sacuudigu helayay oo keliya royalty aad u yar. Ma ahayn ilaa laga gaaray 1950 markii Sacuudi Carabiya ay ka wada hadashay heshiis faa’iido-qaybsi 50/50 ah. Qarameynta buuxda waxay timid uga dambeyn, 1980-kii.
  • Ciraaq: Shirkadaha shidaalka ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa gacanta ku hayay qaybta shidaalka Ciraaq ilaa dawladdu ay warshadaynta qaramaysay 1972-kii.
  • Iiraan: Shirkadda Anglo-Iranian Oil Company (hadda BP) ayaa maamulaysay shidaalka Iiraan tobannaan sano. Qarameynta ayaa markii ugu horreysay la isku dayay 1951-kii, waxaana ku xigay sannado dib-u-gorgortan ah.
  • Venezuela: Ka dib sannado badan oo maamul shisheeye, Venezuela waxay heshay heshiis faa’iido-qaybsi 50/50 ah 1948-kii ka dibna si buuxda ayay u qaramaysay qaybteeda shidaalka 1976-kii.
  • Ghana, Uganda, iyo Mozambique: Soo saareyaashan dhowaanahan waxay isticmaaleen PSA-yo leh kharash soo ceshad oo la mid ah heshiiska Soomaaliya, iyagoo si tartiib tartiib ah u wanaajinaya ka qaybgalka qaranka iyo ka wada hadalka shuruudo ka wanaagsan marka ay warshadahoodu kobcaan.

Tusaalooyinkani waxay muujinayaan in heshiisyada marxaladda hore ee leh kharash soo ceshadka aysan ahayn calaamad daciifnimo — waa caado caalami ah oo loogu talagalay soo saareyaasha soo koraya.

Khuraafaadka 90%: Kala saaridda beenta iyo xaqiiqda

Inta badan muranka ku hareeraysan heshiiska Soomaaliya wuxuu ku salaysnaa sheegashada ah in “Turkigu uu qaadan doono 90% dakhliga shidaalka Soomaaliya.” Hadalkani ma aha oo kaliya mid aan sax ahayn — wuxuu si khaldan u matalayaa nuxurka dhabta ah ee heshiisyada kharashka lagu soo ceshado. Xaqiiqdu waxay tahay:

  • Tirada 90% waxay khusaysaa oo keliya kharash soo celinta — qaybta shidaalka loo isticmaalo in lagu bixiyo kharashka bilowga ah ee maal-gashadaha ee sahaminta iyo wax-soo-saarka.
  • Qaybtan kharash soo ceshadku waa mid ku meel gaar ah oo meesha ka baxaysa marka maalgashiga la bixiyo.
  • Soomaaliya waxay heleysaa royalties ilaa 5% ah bilowga, oo lagu daray qaybteeda faa’iidada ka dib marka kharash soo ceshadka dhammaado.
  • Marnaba Soomaaliya ma lumin lahaanshaha shidaalkeeda. Habkani wuxuu u oggolaanayaa Soomaaliya inay isla markiiba bilowdo inay ka kasbato kheyraadkeeda iyada oo aan culays deyn ah ama khatar maaliyadeed saarnayn.

Barashada, dhisidda kartida, iyo ka wada hadalka heshiisyo wanaagsan waqti ka dib

Ma jiro waddan ku bilaaba safarkiisa shidaalka isagoo leh awood gorgortan oo qumman. Laakiin waddamada guulaystay — sida Norway, Ghana, iyo Sacuudi Carabiya — waxay ku guulaysteen:

  • Barashada sida warshaddu u shaqeyso
  • Dhisidda khibrad maxalli ah iyo hay’ado qaran
  • Isticmaalka qandaraasyada hore sida tallaabooyin loo maro heshiisyo mustaqbalka oo adag. Hoggaanka Soomaaliya wuxuu doortay waddo la mid ah: hubinta maalgashiga maanta, helidda khibrad, iyo xoojinta mowqifkeeda mustaqbalka. Heshiiska Turkiga ma aha dhammaadka istiraatiijiyadda tamarta Soomaaliya — waa bilowgeeda.

Gunaanad: Tallaabo istiraatiiji ah oo loo qaaday madaxbannaanida tamarta

Heshiiska shidaalka ee Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu matalayaa hab wax ku ool ah, oo caalami ahaan la aqoonsan yahay oo lagu horumarinayo kheyraadka dabiiciga ah si badbaado leh oo suurtagal ah oo loogu talagalay soo saare soo koraya. Marka la wadaago khatarta maalgaliye, Soomaaliya:

  • Waxay ilaashanaysaa lahaanshaha buuxa ee shidaalkeeda
  • Waxay ka fogaanaysaa deynta iyo hubanti la’aanta maaliyadeed
  • Waxay isla markiiba heleysaa dakhli royalties ah
  • Waxay ka qayb qaadanaysaa faa’iidada marka kharashyada la soo ceshado
  • Waxay dhisaysaa aqoonta iyo awoodda ay kaga wada hadli karto heshiisyo wanaagsan mustaqbalka.
  • Kani ma aha sheeko ku saabsan bixinta kheyraadka. Waa sheeko ku saabsan sida loo maareeyo si xikmad leh—iyadoo la isticmaalayo istiraatiijiyad, ee aan la isticmaalin halkudhigyo.

Markab shidaal siday oo ku gubtay xeebaha Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Markab shidaal siday oo ku wajahnaa Imaaraadka Carabta ayaa dab qabsaday isagoo dhex marayay Badweynta Hindiya, meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

Markabkan oo si gaar ah ugu jeeday magaalada Fujairah ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa watay calanka Jasiiradda Marshall Islands, waxaana yiraahda Invictus.

Shilkan ayaa dhacay fiidnimadii Abriil 22, sida ay sheegeen hay’adaha kormeera badaha caalamka. Dabka ayaa ka kacay qaybta matoorka ee markabka, taasoo keentay in markabka uu istaago isla markaana uu ku xanibmo badweynta, isagoo ku sugan meel qiyaastii 508 mayl-badeed u jirta magaalada Muqdisho.

Dhibaatadan deg-degga ah ayaa keentay in shaqaalaha markabka ay la tacaalaan xaalad khatar ah oo lama filaan ah. Shaqaalaha ayaa dadaal xooggan ku bixiyay daminta dabka, iyagoo ugu dambeyn ku guuleystay in ay damiyaan duhurkii maalintii xigtay, Abriil 23.

Si kastaba ha ahaatee, markabka ayaa weli wajahaya dhibaatooyin kale, maadaama biyaha ku fatahay qaybta matoorka ay curyaamiyeen awooddii korontada, taasoo hor istaagtay qiimeyn buuxda oo ku saabsan khasaaraha.

Ciidamada badda ee dalka Hindiya oo ku sugnaa meel u dhow goobta uu markabku ku xanibmay ayaa si deg-deg ah uga jawaabay baaqa gurmadka. Waxay markabka u direen koox caafimaad si ay u caawiyaan shaqaalaha, gaar ahaan mid kamid ah shaqaalaha oo u dhashay dalka Filibiin, kaasoo dhaawacmay intii uu dabku socday.

Markabka Invictus ayaa kasoo baxay magaalada Beira ee dalka Mozambique, isagoo marayay mid kamid ah marin-biyoodka ugu mashquulka badan uguna istaraatiijisan caalamka, taasoo muujinaysa sida ay u saameyn karto ganacsiga badda haddii ay caqabad soo wajahdo mid kamid ah maraakiibta waaweyn.

Shirkadda iska leh markabka ayaa hadda ku hawlan qiimeyn ku saabsan sidii loo daadgureyn lahaa shaqaalaha dhaawacmay, loona soo celin lahaa adeegyada muhiimka ah sida korontada, ama markabka loogu jiidi lahaa meel ammaan ah oo dayactir lagu sameeyo.

Dhibaatadan ayaa sidoo kale dhalisay feejignaan dheeri ah oo ay muujiyeen unugyo ka tirsan ciidamada badda Midowga Yurub ee ku sugan gobolka, kuwaasoo si dhow ula socda xaaladda markabka, si looga hortago khatar kasta oo dheeraad ah.

Xog dheeri ah iyo sawirro: Raadaarka ay Imaaraadka ku rakibeen Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa horaantii sanadkan waxa ay Puntland, Soomaaliya, geeyeen radar militari si ay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso uga difaacdaan weeraro suurtagal ah oo ka yimaada Xuutiyiinta Yemen, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen warbaahinta Middle East Eye.

Sawirro dayax-gacmeed oo la qaaday horraantii bishii Maarso ayaa daaha ka rogay in radar-ka noociisu yahay ELM-2084 ee Israel samaysay, kaasoo ah radar casri ah oo leh 3D lagu xiray agagaarka garoonka diyaaradaha.

Xogta duulimaadyada hawada ee guud ahaan la heli karo ayaa muujinaysa in dowladda Imaaraadka Carabtu ay si joogto ah oo isa soo taraysa u adeegsanayso garoonka Boosaaso, si ay saanad ugu gaarsiiso ciidamada taageerada degdegga ah (Rapid Support Forces – RSF) ee Suudaan.

Ciidamada RSF ayaa muddo labo sano ah dagaal kula jiray militariga dalka Suudaan.

Horraantii sanadkan, dawladda Suudaan ayaa dacwad ka dhan ah Imaaraadka Carabta u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), kuna eedaysay inay ku lug leedahay xasuuq, sababtuna ay tahay xiriirka kala dhexeeya RSF. Imaaraadka Carabtu way beenisay inay taageero militari siiso RSF.

“Imaaraadka Carabtu waxay rakibtay radar-ka wax yar ka dib markii RSF ay gacanteeda ka baxday inta badan Khartoum horraantii Maarso,” sida uu il-wareed gobolka ka tirsan u sheegay Middle East Eye.

“Ujeeddada radar-ku waa in la ogaado loogana digo khataraha ka iman kara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ama gantaalaha, gaar ahaan kuwa ay suuragalka tahay inay Xuutiyiintu ka soo tuuraan meel Boosaaso ka baxsan.”

Ilo kale oo gobolka ah ayaa sheegay in radar-ka la geeyay garoonka diyaaradaha dabayaaqadii sanadkii hore. Middle East Eye ma aysan awoodin inay si madax bannaan u xaqiijiso sheegashadan dambe.

Isha labaad waxay intaa ku dartay in Imaaraadka Carabtu ay maalin kasta isticmaalaysay garoonka Boosaaso si ay u taageerto RSF, iyadoo diyaarado waaweyn oo xamuul ah ay si joogto ah u yimaadaan si ay ugu rartaan hub iyo rasaas – mararka qaarkood ilaa shan shixnadood oo waaweyn markiiba.

Middle East Eye waxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta waydiisatay inay ka jawaabto arrintan.

Markii eedeymahan wax laga waydiiyay, Cabdifataax Cabdinuur, Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Puntland, wuu ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan, wuxuuna taa beddelkeeda soo diray farriimo majaajillo ah (memes) oo lagu durayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Xiriir qotodheer

Laba ilo wareed oo Soomaali ah oo kala gaar ah ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uusan fasax uga qaadan dawladda federaalka Soomaaliya iyo baarlamaanka Puntland midna heshiiskan. Puntland waa maamul goboleed si iskiis ah u madax bannaan, waxaana guud ahaan loo arkaa dhul ismaamul oo Soomaaliya ka mid ah.

“Kani waa heshiis sir ah, xitaa madaxda ugu sarreysa dawladda Puntland, oo ay ku jirto golaha wasiirradu, kama warqabaan,” ayuu yiri mid ka mid ah ilaha Soomaalida oo arrintan si toos ah ula socda.

“Aamusnaanta dawladda dhexe ee Soomaaliya ee ku aaddan arrintan waa mid aan la garan karin.”

Isha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday warbixinno sheegaya in askar u dhalatay Colombia la keenay garoonka Boosaaso si loogu sii daadgureeyo Suudaan, inkastoo aan la caddayn cidda siisay fiisooyinka, maadaama Muqdisho aysan ku lug lahayn qabanqaabadaas.

Imaaraadka Carabta ayaa xiriir qotodheer la leh dawladda Soomaaliya, iyagoo sannado badan siinayay kaalmo dhaqaale isla markaana tababarayay ciidamada Soomaaliya si ay ula dagaallamaan kooxaha hubaysan sida al-Shabaab.

Tan iyo 2009, Imaaraadka Carabtu waxay sidoo kale si gaar ah uga hawlgalaysay Puntland, oo juquraafi ahaan u dhow Imaaraadka iyo Yemen. Imaaraadku waxay Puntland ku tababareen ciidamo la dagaallama burcad-badeedda.

Madaxweyne Deni waxaa si weyn loogu arkaa inuu aad ugu dhow yahay Imaaraadka Carabta, taasoo inta badan salka ku haysa kaalmo dhaqaale oo suuragal ah inay xoojiso hamigiisa siyaasadeed.

Mid ka mid ah ilaha Soomaalida ayaa tilmaamay in u janjeersiga Deni ee dhanka Imaaraadka ay qayb ahaan sabab u tahay rabitaankiisa ah inuu helo taageero uu kaga qaybgalo doorashooyinka madaxtinimada Soomaaliya.

“Waxaa jira doorasho madaxtinimo sannadka 2026, wuxuuna u baahan doonaa taageero kasta oo uu heli karo si uu ugu guulaysto doorashada heer qaran,” ayay tiri isha, oo codsatay inaan magaceeda la sheegin si ay uga badbaado cawaaqib ka dhalan kara.

Salim Siciid Salim, oo ah khabiir arrimaha gobolka ah isla markaana ah agaasimaha fulinta ee Machadka Sidra oo fadhigiisu yahay Puntland, ayaa xusay in inkastoo ay jiraan warbixinno lagu faafiyay baraha bulshada iyo sawirro dayax-gacmeed, haddana Deni iyo maamulkiisuba aysan weli ka hadlin jiritaanka radar-ka.

“Aamusnaantani waxay muujinaysaa in sheegashooyinku ay run yihiin,” ayuu yiri Salim, isagoo intaa ku daray inuusan la yaabin warkan marka la eego xiriirka fog ee Deni la leeyahay Imaaraadka Carabta.

Salim wuxuu sheegay in Muqdisho ay u badan tahay inay doorbiday in aysan iska horkeenin Imaaraadka Carabta, oo ay taas beddelkeeda dooratay inay ka aamusto hawlgallada militari ee Imaaraadka ee Puntland.

“Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku tiirsan yahay taageerada Imaaraadka si uu ula dagaallamo al-Shabaab una sii wado dadaallada nabadda ee dalka,” ayuu yiri Salim. “Waxay macquul tahay in arrimahan lagu dhammeeyo si aan dadweynaha loo soo bandhigin.”

Dawladda Madaxweyne Xasan ayaa cadaadis xooggan la kulmaysay waayadan dambe, maadaama al-Shabaab ay dhul ballaaran ka qabsadeen agagaarka Muqdisho. Waxaa intaa dheer, waxaa sii kordhaya mucaaradka ka dhanka ah hoggaankiisa, sababo la xiriira qaabka qabiilka ku dhisan ee nidaamka maamul ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa soo jeediyay in laga gudbo nidaamka doorashada ee ku salaysan qabiilka loona wareego mid ku dhisan codbixin guud oo qof iyo cod ah. Hase yeeshee, soo jeedintan ayaa waxaa ka horyimid siyaasiyiin caan ah qaarkood, taasoo ka dhigtay arrin dood badan dhalisay.

Imaaraadka Carabtu waxay sidoo kale si firfircoon uga hawlgashaa Somaliland, oo ah dhul sheegta in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, waxayna halkaas ka samaysay maalgelinno waaweyn, taasoo ka caraysiisay Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa dhammaadkii asbuucii hore sheegay in dawladdiisu ay warqad u dirtay Imaaraadka Carabta, kuna boorrisay inay joojiso siinta Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, hab-maamuuska madaxweynenimo sidii inuu yahay madaxweyne qaran.

Shanta arrin ee dowladnimo dhameystiran ku gaari karto Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray ku iftiimiyay xaaladda cakiran ee dowladnimada Soomaaliya, isagoo dul istaagay astaamaha dowlad nugul iyo sababaha keenay burburka hay’adaha dowladeed.

Wuxuu xusay in Soomaalidu yihiin dad wadaaga isir, diin, dhaqan iyo taariikh, balse dadaalladii ay ku doonayeen in ay dhistaan dowlad ku dhisan dan-wadaag iyo ilaalinta karaamada muwaadinka aysan guulaysan. Taasi beddelkeeda, wuxuu sheegay in Soomaaliya lagu tilmaamo dowlad fashilantay, haatanna la tixgeliyo inay tahay dowlad nugul.

Qoraalka xildhibaanka ayaa si qoto dheer u sharraxay tilmaamaha dowlad nugul, isagoo soo jeediyay in xalka nugaylka uu ku jiro qirashada dhibka jira iyo helidda hoggaan leh hufnaan, himilo qaran iyo karti hoggaamineed oo mideyn kara shacabka.

Waxa uu xalka ku xidhay shan arrin oo kala ah; dawlad matasha muwaadinka, hoggaan dhab ah, karti maamul, dhisidda kalsoonida bulshada, iyo isla xisaabtan dhab ah. Talooyinkiisa ayaa si toos ah ugu wajahan sidii dib loogu hanan lahaa dowladnimo sal adag leh, taasoo ka turjumaysa baahida deg-degga ah ee isbeddel hoggaamineed iyo midka hannaanka dawladnimo.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Soomaalidu waa ummad wadaagta isir iyo degaan, diin iyo dhaqan, hiddo iyo taariikh, waxay isku dayeen in ay dhistaan dowlad diinta, dhulka, isirka iyo dhaqanka u ilaalisa, laguma guulaysan oo waa tan nala oran jiray dowlad fashilantay, haatanna na loo baasiyey dowlad nugul.

Tilmaamaha dowlad nugul

1. Bulsho kala qaybsan, kalana aaminbaxsan, yartahay kalsoonida shacabka ku qabo dowladda.

2. Colaad sokeeye weli ku jira, Dowladduna dalka wada xukimin.

3. Hay’adaha dowladdu karti uma laha sugidda amniga, meelmarinta sharciga, iyo bixinta adeegga dadwaynaha.

4. Dhibaatooyin bani’aadannimo oo baahsan ayaa jira; cunto yari, barakac, qaxooti iyo ku tiirsanaan gargaarka caalamiga ah, nidaamyada daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada oo liita.

5. Shaqo la’aan baahsan, musuqmaasuq xargga goos ah, iyo ku tiirsanaanta kaalmada dibadda.

6. Kaabayaasha dhaqaalaha oo liita iyo fursadaha dhaqaale oo kooban.

Sideen nugaylka uga bixi karnaa?

Waa in aan marka hore qirano in aan cudurka nugaylka qabno, dawadiisana raadinno, si taas loo xaqiijiyana waa in;

1. Dawladdu matasho danaha iyo baahida muwaadinka, maamulkeedana loo aqoonsado mid sharci ah oo xaq ku dhisan, waxna ka qabato tabashooyinka taariikheed, kala qaybsanaanta qabiil iyo faragelinta shisheeye.

2. Hoggaamiyuhu waa lafdhabarta hanaqaadka dowlad nugul, waa in uu yahay ruux hiraal ummadeed leh iyo aftahannimo uu ku bayaamiyo, yididiilo iyo dareen wadaniyadeed abuuri kara, dulqaad iyo dad isku wad leh, qaadan kara go’aano sax ah oo uu xaaladaha qalqalka iyo hubanti la’aanta ummadda kaga gudbiyo, ka foogaado wax kasta oo bulshada kala qaybinaya, iska horkeenaya, ama damqinaya dhaawacyada.

3. Karti Maamul: Waa in la helaa maamul dowladeed oo hawlwadeenkiisa lagu xulay karti, hufnaan, iyo daacadnimo si loo xaqiijiyo sugidda amniga, bixinta adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.

4. In la dhiso is aaminaadda bulshada iyo kalsoonida ay dawladda ku qabaan, si taa loo xaqiijiyana waa in la kobciyaa dhaqanka wanaagsan ee bulshada, lana daweeyo keeda liita, iyadoo la adeegsanayo waanada diinta, manhajka waxbarasho iyo hal abuurka suugaanta, fanka, farshaxanka iyo masraxa.

5. Isla-xisaabtanku waa sida keli ah ee looga hortegi karo sabibihii dumiyey dowladda sida;, eexda, musuqmaasuqa, ku takri falka awoodda dowlada iyo hantida qaranka. Haddii uusan isla-xisaabtan jirin qof walba oo xil dowlad qabta wuxuu kaga faa’iidaysanayaa dan gaar ah, mid ehel ama qabiil, taasoo horseedaysa ka aaminbaxa dowladda iyo kalsoonida lagu qabo hay’adaheeda.

Digniin caalami ah oo laga soo saaray xaaladda kasii dareysa ee dalka Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa shaaca ka qaaday in xaaladda nafaqo-darro ee ka jirta Itoobiya ay gaartay heer aad u halis ah, iyadoo malaayiin qof si degdeg ah ugu baahan yihiin gargaar.

Sida ay hay’addu sheegtay, in ka badan 4.4 milyan oo haween uur leh iyo carruur ah ayaa wajahaya khatar caafimaad oo aad u daran oo u baahan caawimaad nafaqo iyo caafimaad si looga hortago dhibaato hor leh.

Zlatan Milisic, oo ah agaasimaha WFP u qaabilsan Itoobiya, ayaa si qoto dheer uga hadlay dhibaatada baahsan ee dalka ka jirta.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo ka dhacay xarunta QM ee Geneva, wuxuu xusay in heerka nafaqo-darrada carruurta ee gobollada Soomaalida, Oromada, Canfarta, iyo Tigray uu dhaafay xadka degdegga ah ee 15%.

Tani waxay muujinaysaa xaalad ka baxsan xadka caadiga ah oo u baahan tallaabo degdeg ah.

Milisic wuxuu carabka ku adkeeyay in Itoobiya ay wajahayso musiibooyin is xigxiga, kuwaas oo ay ka mid yihiin abaaro daba-dheeraaday, colaado hubeysan, iyo qulqulka qaxootiga oo sii kordhaya.

Arrimahan ayaa si weyn u saameynaya nolosha dadka nugul, gaar ahaan haweenka iyo carruurta, kuwaas oo aan lahayn wax difaac ah oo ay kaga hortagaan dhibaatooyinka daba-dheeraaday.

Saameynta gargaarka iyo caqabadda taagan

Inkastoo WFP ay dadaal weyn sameysay oo ay gaarsiisay gargaar cunto iyo nafaqo in ka badan 3 milyan oo qof horraantii 2025, haddana hay’addu waxay la daalaa-dhacaysaa caqabado xagga maalgelinta ah.

Waxaa lagu khasbay in la joojiyo daaweynta nafaqo-darrada ee loo waday 650,000 oo haween iyo carruur ah sababo la xiriira dhaqaale la’aan baahsan. Tani waxay muujineysaa heerka qatarta ah ee ay gaartay xaaladdu, iyadoo la ogyahay in dadkani ay yihiin kuwa ugu nugul bulshada.

Sidoo kale, howlaha loogu talagalay qaxootiga gudaha iyo kuwa ka yimid dalalka deriska ah ayaa wajahay halis weyn.

Waxaa la filayaa in cunto iyo caawimaad lacageed ay gabaabsi noqdaan bisha Juun, taasoo saameyn weyn ku yeelan karta nolosha 800,000 oo qof, oo ay ku jiraan 100,000 oo qaxooti ka yimid dalka Suudaan. Xaaladdan ayaa walaac weyn ku abuurtay hay’adaha gargaarka.

Hay’adda WFP waxay hadda dalbaneysaa in la helo $222 milyan si loo sii wado howlaha gargaarka ilaa bisha Sebtembar ee 2025. Ujeedada ugu weyn ayaa ah in la gaarsiiyo gargaar 7.2 milyan oo qof oo ku kala sugan gobollada ugu nugul ee dalka. Codsigan ayaa ah mid degdeg ah, maadaama waqtigu sii dhacayo, baahiduna sii kordheyso.

Milisic wuxuu sheegay in hay’addu ay haysato shaqaale tayo leh, gaadiid iyo awood howleed, balse waxa ka maqan ay tahay maalgelin ku filan oo fure u noqon lahayd wax ka qabashada baahida dhabta ah.

Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka in aysan daahin, maadaama nolosha malaayiin qof ay halis ku jirto, lana heli karo xal haddii la isu gacan qabto waqtigan xaadirka ah.

Si kastaba, xaaladda Itoobiya ayaa ah mid u baahan feejignaan iyo gargaar degdeg ah, xilli ay nafaqo-darrada iyo gaajada sii fidayso, taas oo si weyn uga deyrinayaan hay’adaha caalamiga.