26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Shir Kismaayo ka dhacay maanta iyo awood qeybsiga Jubba oo billowday

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacay shir looga hadlaayo mustaqbalka Jubbooyinka iyo shirkii Addis Ababa ay ku yeesheen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe.

Shirkan oo ka dhacay xarunta Jaamacadda, oo ah halkii lagu doortay Axmed Madoobe waxaa looga hadlay sida laga yeelayo soo xulida labada golle ee fullinta iyo sharciyeenta, ee loo sameenaayo maamulka Jubba.

Shirkan waxaa ka hadlay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdirashiid Xidig, kaasoo sheegay in uu soo dhaweenaayo heshiiska ka dhacay Addis Ababa.

Kulanka waxaa joogay ku dhawaad 400 oo qof,waxaana muddo bil ah loogu daray Axmed Madoobe in uu soo dhammeestiro maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Waxaa dadkii ka hadlay ka mid ahaa madasha, ku simaha Axmed Madoobe, Macalin Maxamed oo ahaa guddoomiyihiin shirka Jaamacadda.

Shirka waxaa lagu soo bandhigay sida loo qaybsan karo maamulka Jubbaland, laga qaybgalin karo dadka sheeganaya madaxweynanimada.

Si kastaba, saakay ilaa galabta waxaa magaalada Kismaayo ka socday isku soo bax lagu soo dhaweenaayo shirka Addis Ababa, dadka ayaa watay boorar ay ku sawiran yihiin madaxweynaha Soomaaliya iyo Axmed Madoobe.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

 [email protected]

Xaqiiqda Amiin Caamir: Maxaa kaaga baxay labadan sawir gacmeed?

Washington DC (Caasimada Online) – Amiin Caamir marar badan waxa uu daabacay sawirro gacmeedyo dad badan ka qosliyey. Sawiradaas qaarkood waa ammaan, qaarna waa aflgaado iyo weerar shaqsiyeed.

Waxaa dhacda in mararka qaar waqti kooban gudihiis uu Amiin Caamir hal qof uu ka sameeyo laba sawir gacmeed, oo midna yahay ammaan midna yahay aflgaado iyo weerar.

Dad badan ayaa aamisan in hadba ay ku xiran tahay sida aad ula macaamisho Amiin. Tusaale hadaad lacag siiso wuu ku amaanayaa, hadaad u diidana waa weerar iyo aflgaado, ama si fudud u dheh: Shufto Internet.

Labadan sawir ee hoos ka muuqda, wuxuu Aamin sameeyey laba bil gudahood, isku eeg kadibna ka dhiibo fikirkaaga waxa kaaga baxay:-

amin 1amin 2

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
[email protected]

Daawo Video: Weli ma aragtay dhacdo Nuucaan oo kale ah

Caasimada Online:   Haweeney u dhalatay dalka China ayaa damacday iney nafteeda haligto, kadib markii ay isu diyaarisay iney daaqada dabaqa 17-aad ee dhismaha ay daganeyd iska Tuurto, hase ahaatee si cajiib ah oo farsameysan loo badbaadiyay.China-Women

Dhacdadan oo ka dhacday dhismaha la yiraahdo Tongren ee Koonfurta dalka China oo ka tirsan Gobolka Guizhou.

Haweeneydan ayaa fuushay Daaqada dabaqa 17/aad, kadibna waxay ku istaagtay marwaxada Aircondition-ka iyadoo ilbiriqsi gudahood boodi rabto ayaa si xirfadeysan loo badbaadinayaa.

HALKAAN KA DAAWO:

Dhageyso: Shir ka dhan ah heshiiskii DF Somalia iyo Jubba oo ka dhacaya…

Beydhabo (Caasimada online) Waxaa maanta  galinka dambo lagu wadaa inuu Shir ballaaran oo ka dhan ah heshiiskii Maamulka Jubba iyo dowlada Soomaaliya ay shalay ku gaareen Magaalada Adis-Ababa , ka dhoco Magaalada Beydhabo ee xarunta Gobbolka Baay

Sida qorshuhu uu yahay kulankaas waxaa diiradda lagu saari doonaa ka doodistay Qodobadii kasoo baxay shirkii Adis-Ababa kusoo idlaaday, kaas oo ay dhinacyada kulanka maanta Beydhabo ku yeelanaya ay aad uga soo horjeedaa.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galaya waxgaradka , odayaasha iyo guud ahaan bulshada kasoo jeeda magaalada Beydhabo ee xarunta Gobolka Baay, waxaana laga sugayaa sidii ay go’aan isku mid ah ay uga qadan lahaayeen Heshiiska Maamulka Jubba iyo dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka Maamulka gobolka Baay, ahna Xoghayaha maamulkaas , Maxamed Isxaaq Ibraahim ayaa si cad u sheegay in beelaha ku Abtirsada Digil iyo Milifle ay sicad uga biyo diidan yihiin qodobadii kasoo baxay Shirkii Adis-Ababa ee Maamulka JUBBA iyo dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale Malaaq Shiino oo kamid ah waxgaradka kasoo jeeda Gobolka Baay ayaa warbaahinya u sheegay inay siweyn uga soo horjeedaan heshiiska Axmed Madoobe iyo dowlada Soomaaliya iyo in hogaanka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo loo gacan galiyo Maamulka uu hogaan u yahay Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in qodobadii kasoo baxay shirkii Adis-ababa inay yihiin kuwo aysan ku qanaxsaneyn isla markaana ay kasoo horjeedaan , isagoo sheegay in aan la tashi dadweyne arintaas lagu sameyn sida uu sheegay.

Dowlada Soomaaliya ayaa heshiis buuxa waxay la gashay maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe, kaas oo hogaan u ah gobolada Jubbooyinka iyo Gedo , inakstoo ay soo baxayaan dhaliilo arintaas laga Muujinayo.

Halkaan ka dhageyso Malaaq Shiino

Caasimada online

Xafiiska Beydhabo

[email protected]

Sawirro: Ra’isul wasaare Saacid oo Booqday Xarunta Bankiga Dhexe

Muqdisho (Caasimada online) Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  ayaa maanta Kormeer ku tagay Bankiga dhexe ee Soomaaliya , iyadoona halkaasi maanta laga bilabay Mushar Bixin  Shaqaalaha dowlada Soomaaliya .

Maxamuud Xasan Suleymaan, Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Somaaliya oo gudaha Bank-iga qudbad ka jeediayay ayaa sheegay inay Bilaabeen Bixinta  mushaarka Shaqaalaha Rayidka dowlada ,  taasi oo ay ka caawineyso Dawlada Norway.

Wuxuu sheegay inay aad ugu farsaxsan yihiin in qeybtii ugu horeysay  ay lacago ku qaateen barnaamijka la yiraahdo (Special Financy Facilaties) kaas oo shaqaaalaha ka caawin doona inay helaan Musharaadkooda Bil waliba.

Wasiirka Wuxuu sheegay inay bilaabeen Waji Cusub oo ku aadan Bixinta Musharaadka shaqaalaha dowlada iyo sidoo kale hey’adaha kala duwan ee dowlada Soomaaliya kaas oo wax badan ka badali doona qaabkii mar kii hore ay aheyd.

Ra’iisalwasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon isna dhaniisa  sheegay inay rajeynayaan bilowga barnaamijkaan inuu noqdo mid sil silad ah oo dib iskugu xiranta hormar uhorseeda Dawlada Soomaaliya si gaar ahna ugu mahad celiyee Dawlada Norway oo Wasaarada Maaliyada kala qeyb qaadaneysa bixinta Mushaarka Shaqaalaha Dawlada.

Xukuumadda Soomaaliya aya dadaal dheeri ah ugu jirta horimarinta shaqaalaha dowlada Soomaaliya , iyadoo la kashaneysa Dowladaha caalamka , gaar ahan dalalka deeqa bixiya , inkastoo ay jiraan dhaliilo oo jeedinayo .

HADALKA RA’IISUL WASAARAHA

Halkaan ka dhageysio Mushaar Qeybinta dowlada.

bank 1bank 2bank 3bank 4bank 5

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

7 faa’iido oo Dowladda Somalia ugu jirta heshiiska ay la gashay Jubba

Waaxaan cidna ka qorsooneyn in heshiisku yahay kheyr sida quraankuba noo sheegay قال تعالي والصلح خير
Hadaba waa maxay faa,iidada ugu jirta dowlada iyo shacabka soomaaliyeed intaba heshiiskaan?

Waxaa lagusoo kobi karaa faa,iidada heshiiskaan ilaa 7-qodob oo waaweyn sida :-

1-Waxaa ka faa,iidaaya 2-da dhinac ee heshiiyay dowladu wexey heshay deegaan weyn oo muhiim ah oo kusoo biiray dhulka ey ka taliso oo awooda dowladu maamul ahaan iyo meletari ahaanba ey ku faafeyso halka Sh Axmad Madoobana uu isna helay aqoonsiga dowladda Soomaaliya iyo maamulkii oo asaga gacantiisa ku jira ilaa 2-sano si sharciya hadow si saxa u shaqeeyo oo qaranimo iyo dadkasbasha ahna la hubo in dib loo dooran doono mustaqbalka.

2-In heshiiskaasu ow ilaalinaayo sharafta iyo madaxbanaanida Soomaaliya ee ey xaq u leedahay in dowladda Soomaaliya ey dalkeeda iyo dadkeeda ey toos ula heshiiso faragelinta shisheeyana meesha ka baxdo taasoo ah guul weyn oo siyaasadeed oo ey 2-da dhinac ey taaba geliyeen shacabka soomaaliyeedna laga rabo iney ugu hanbalyeeyaan.

3- Heshiiskaanu woxow albaabada u furaayaa in gobolada kale ee weli aan dadkoodu ka tashan dhismaha deegaanadooda iney wax badan ka faa,iideestaan arimaha maamul u sameynta JUBOOYINKA siiba maamul goboleedyada hadda laga diyaarinaayo gobolada dhexe ee 3-da ah sida mudug,gal guduud,iyo hiiraan. sidoo kale gobolada EX BANAADIR iyo gobolada BAY iyo BAKOOL haddaba haddii bartamaha iyo kofurta somaliya ey ka dhismaan 4-taas maamul goboleed oo hadda la yagleeyay kan jubooyinka kuwakale ee 3-da ahna faraha lagu haayao ayaa iyaduna ah tusaale wanaagsan oo maamulkaanu uu sinaayo gobolada kale.

4-Waxaa heshiiskaanu meesha ka saaraayaa shakigii laga qabay dowladda dhexe iney ogoshahay in dadku ey dhistaan maamul goboleedyo iyagu ey soo doorteen taasoo maalmahaan dadbadan oo siyaasiyiin ahu ey dowlada ku eedeynaayeen hasa yeeshee ey hadda cadaatay in tuhunkaasu meesha ka baxay dowladda Soomaaliyana ey ogoshahay in dadku madaxdooda deegaanada ey iyagu doortaan laakin ey arintaasu ahaato mid waafaqsan sharciga iyo distuurka.

5-Heshiiskaanu woxow jaanis weyn siinaayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee maleeshiyaadka ah oo helaaya iney ka guuraan maleeshiyaad qabiil una guuraan ciidama qaran taasoo wax badan ka tereysa xagga nabadgelyada wadanka iyo in laga maarmo ku tiirsaanaanshaha ciidamada shisheeye iyo soo afjarida dagaalada iyo isubowda qaawinta qabaa,ilka dagaaladu ragaadiyeen taas bedelkeedana dalka loo dhiso ciidan qaran oo taya leh.

6- Waxaa laga faa,iidaayaa heshiiskaan in dadka Soomaaliyeed ee dagaaladii iyo dulmigii wadankaan ka taagnaay muddo 50 sano ka badan in laga daawoobo oo dib loogu heshiiyo wada maamulidda deegaanada leesla dego oo qabaa,ilku ey si xaq ah wax u qeybsadaan dadki sedbursiga raabayna isha la wada saaro looguna duceeyo in ilaahey iimaanka geliyo, si loo bilaabo dibu dhiska dalka iyo horumarintiisa.

7-Waxaa meesha ka baxay dowlad goboleedyo gacan ku rimis ah oo loogu talagalay in dowlada dhexe lagu wiiqo laguana arbusho sida ninki shirbay yiri (DAR ALLA LOOMA DUUBINE DAASHAA LAGU DUMIRABAA). iyadoo marmarsiimo looga dhiganaayo waa in dadka loo ogolaadaa iney iyagu dowlado qabyaalad ku dhisan oo aan dowlada dhexe shaqo ku leheyn iyo xeeraraka adalka loo dhisay taasoo ah khatar weyn oo dowladnimada iyo qaranimadaba wiiqeysa taasna hadda meesha waaba ka baxday oo waxaa la helay qaab y dadkuna maamuladooda ku dhisan karaan dowladdoodana u hoos imaankaraan.

Haddaba walaalayaal iyadoo maanta loo baahanyahay in dalka si dhaqsa ah loo yagleelo dowladnimadiisa iyo amaankiisa waa in dowladda dhexe iyo maamulkaasba loo hanbalyeeyo leeskana ilaaliyo dantaas weyn ee qaran in laga dhex akhriyo dano yar ayr ee qabiil amaba qofeed tan qarankana indhaha laga qabsado taasoo ah mid u khidmeyneysa cadawga umada iyo kuwa argagixiska ku qaraabta.

waxaan ilaahey ka baryeynaa in ilaahey xaalkeena noo hagaajiyo aamiin.

walaakiin Sheekh Cali Wajiis
[email protected] 

W/Q: Hussein Qurac

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

FAALLO: DF oo dabin kale ku dhacday

3dii iyo 4 tii isla bishaan August  bay ahayd markii shirkii aan ugu yeeray guuldaro, ay dawlada madaxweyne Hassan Shiik uga qayb gashay magaalada Kampala. Sida aan markaas sheegay Soomaali badana ay ila qabto 39 kii qodob o kasoobaxay shirkaas wuxay meelka dhac ku ahaayeen qaranimada umada iyo wadanka Somaaliyeed.

Nasiib daro dawladu ma aysan fahmin xad gudubka loogaystay madaxbanaanida (Sovereignty) wadanka oo ay ayadu gacmaheeda ku keensatay. Shirkaas waxaa loogu raad gaday xadgudubyadii ciidamada Kenya ay kagaysteen gobolada jubooyinka iyo gedo oo maxkamadda ICC loogudbiyay. Intaas kaliya maa hee qaladaad siyaasadeed oo aan markaas kahadlay baa Kampala kadhacay.

Shirkaas Kampala waxaa kaloo lagu sahamiyay sida ay dawladu unugushahay una talo iyo tacliin yartahay marka laga hadlayo xagga wada xaajoodka siyaasadeed iyo sharciyada ku taxaluqa siyaasadda caalamiga ah. Waxay dawladaha dariska ah ay fahmeen in aan waxba iska badalin sidii dawladihii kumeel gaarku udhaqmi jireen. Sida:

  • In lasaxiixo warqad walba of miiska lasoosaaro ayada oon lagafiirsan
  • In go aamada masiirka umadda saamynaya sidagdag ah loo qaato ayadoon laga fakarin
  • Iyo in loo sahlo dawladaha shisheeye in ay faragaliyaan Soomaaliya.

Arintaas markii dawladaha dariska ah ay xaqiijiyeen waxay abaabuleen isla markiiba shirkan  Addisababa kadhacay si loo dhamaystiro mu aamaraddi lagu soomaleegay Kampala, loona baa bi’yo halqodob oo ay dawladdu markaas maslaxad moodaysay laakiin dad badani arkayeen in uusan dhab ka ahayn dawladaha daris ka ah.

Hadaba aan fiirino qodabada shirkaan kasoobaxay iyo cawaaqib xumadda ay u keeni karaan qaranka iyo umadda soomaaliyeed.

  • Waxay dawladu ogolaatay maamulkii ay Kenya dhisatay si ay ugu qabsato goboladda jubooyinka
  • Waxay Ethiopia u ogolaatay in ay ayaguna maamushaan gobolka Gedo ( xasuuso in heshiiskan cusub ay kujirto in gobolka Gedo aan maamulkiisa lamagacaabi Karin maxaa yeeley Ethiopia ayaa dhisatay.
  • Waxaa meesha lagu xaliyay khilaaf hoose of udhexeeyay Kenya iyo Ethiopia xagga maamulka jubooyinka iyo gedo( Sooma’aragtid sida ay uqaybsadeen sadexda gobol)
  • Waxay dawladu ku xad gudubtay dastuurka wadanka, waxayna aqonsatay maamul aan dadku dhisan oo Kenya laga keenay.
  • Kabadarane, waxay maamulkan siisay dhul uusan hadda katalin qorshahana ugujirin in uu kataliyo. (Meeyay sharcigii dawladu lahayd waan ilaalinaynaa)
  • Waxay marlabaad duudsiday dadkii Kenyanka iyo xulafadooda ku xasuuqeen jubooyinka iyo gedo( meeday xuquuqdii umadda Soomaaliyeed ee maalmahan dawladu kahadlaysay)
  • Waxay dawladdu sahashay in  colaad cusub kadhalato goboladan iyo in gobolo kale ay ayaguna maamulla sharci daro ah sida midkan oo kale.
  • Tan ugu daran in cid walba oo wadamada dariska ah Soomaaliya kusoo hogaamiya lagu abaalmariyo xukun iyo madaxnimo sidii hore udhici jirtay( Xasuuso qaa inu wadan halyay qaran laga dhigayo)

Hadaba taladaydu waxay tahay in dawladu dib isugu noqoto oo ay saxdo qaladaadkan badan oo wadanka iyo madax banaanidiisa ay ka galayso. Tan labaad, in talada wadanka nidaam dawli ah lagu maamulo oo aysan dhicin in shakhsiyaad koobani is qaataan. Tan sadexaad waa in dib loogu noqdaa heshiis yadii Kampala iyo Addisababa. Iyo tan afraad oo ah in wadamada dariska ah iyo hagardaamadooda laga hortago si aysan wadan 22 labaatan sano oo bur bur ah ugucelin.

 W/Q: Hussein Qurac

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

XOG: Gen. Fartaag oo doonaya laba xil midkooda iyo Madoobe oo u deyriyey

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe, ayaa heshiiskii uu la galay dowladda Somalia kaga tanaasulay waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen:- Madaxweynenimo, Jubbaland iyo ku xigeenkiisa Gen. Cabdullahi Sheikh Ismaaciil Fartaag.

Heshiiska ayaa dhigaya in hogaamiyaha Jubba uu yeelan doono saddex ku xigeen. Saddexdaas ku xigeen ayaa kala ah saddexda guddoomiye ee gobol ee gobollada maammulka uu ka kooban yahay ee Jubbasa Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Sidaa darteed maadaama uusan jirin madaxweyne, waxaa isna meesha ka baxay madaxweyne ku xigeenkii oo ahaa Fartaag.

Si kastaba Fartaag ayaa iminka qal qaalo xooggan ugu jira inuu helo guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose ama Jubbada Dhexe, maadaama gobolka Gedo uu boos kaga banaaneyn.

Heshiiska waxaa ku xusan in maamulka gobolka Gedo oo uu horey u magacaabay ra’iisul wasaare Saacid uu sidiisa ahaan doono, sidaa darteedna waxaa la magacaabi doonaa guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Waxaa muuqata in Fartaag ay caqabad ku hor gudboon tahay, maadaama ninka ah guddoomiyaha gbolka Gedo ay isku beel yihiin, islamarkaana ay jiraan beelo badan oo deggan labada Jubba oo iyagana xilal doonaya.

Magacaabista labada guddoomiye ee gobol, ayaa sidoo kale lagala tashan doonaa dowladda federaalka ah sida ku dhiggan heshiiska, taasi oo ah caqabad labaad oo heysata Fartaag.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegeysa in Axmed Madoobe uu mar horeba si dadban ugu deyriyey saaxiibkiisa, una sheegay in labada xil ay hor fadhiyaan beelo tiro badan.

Waxaa muuqa in Fartaag uu meel cidlo ah kusoo dhicay, waa tii horey loo yiri Siyaasaddu ma lahan saaxiib joogto ah ee waxay leeddahay dan jooto ah.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimada@livecom

Xog: Dhageyso: Faroole oo lagu xiray garoonka diyaaradaha ADDIS, loona diiday saxiixa heshiiska DF & Jubba

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayaa shalay lagu xanibay garoonka diyaaradaha magaalada Addis-Ababa, xilli uu isku dayayey inuu ka qeyb galo xiritaankii wada-hadallada DF iyo maamulka Jubba.

Faroole oo isbaheysi la ahaa Axmed Madoobe, ayaa la sheegay inuu dhaliilsanaa qodobada heshiiska oo la gaaray maalintii talaadada ahayd, balse la saxiixay shalay oo arbaco ahayd, sidaa darteedna uu doonayey inuu ka hor taggo inta aan qallinka lagu duugin.

Sida warku sheegayo Faroole, oo kasoo tagay Nairobi, ayaa telefonka kula xiriirayey maalmahan Axmed Madoobe, oo ka dhego adeegay baaqyada Puntlanad islamarkaana doortay inuu nabadda qaato, lana heshiiyo DF.

Dowladda Ethiopia ayaa la sheegay inay Faroole u sheegtay inuusan ka qeyb gali karin saxiixa heshiiska, islamarkaana aan xittaa loo ogolaan inuu gudaha u galo magaalada Addis-Ababa, ayada oo laga cabsi qabay inuu carqaladeeyo saxiixa heshiiska.

Go’aankan, ayaa waxaa sidoo kale ku lug lahaa wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay, oo ka cabsi qabay in Faroole uu saameyn weyn ku yeelan karo Axmed Madoobe, sidaa darteedna heshiiska uu ku bur buri karay.

Xogta ay heshay Caasimada Online, ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey afhayeenka ururada bulshada rayidka ah ee Puntland Dr Daahir Cumar, oo sheegay inuu la xiriiray xubno kasoo jeeda Puntland oo u xaqiijiyey in Faroole la xannibay.

Dr. Daahir oo aan xalay la xiriirnay ayaa sheegay in Faroole uu ku xanibnaa garoonka, hase yeeshee xog aan goor dambe helnay ayaa sheegeysa in markii dambe Faroole loo ogolaaday inuu dib ugu laabto Nairobi.

Dowladda Puntland ayaa ka niyad jabtay heshiiska, waxaana ay u aragtay in Axmed Madoobe lagaga badiyey, inkasta oo waxa laga shaqeeyey ay yihiin un danta umadda Soomaaliyeed, waxaana hadda deg deg u xumaaday xiriirkii Faroole iyo Axmed Madoobe.

Puntalnd weli kama aysan hadlin heshiiska ammaan iyo dhaliil, intaba.

Halkan ka dhageyso wareysiga Dr. Daahir Cumar

Afhayeenka-Ururada-Bulshada-Rayidka-Puntland

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Xog: Magaalada JigJiga oo laga fidiyey gogol Daarood (Isbaheysi cusub)

Jig-Jiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Mxamuud Cumar ayaa magaalada Jigjiga gogol ugu fidiyay guud ahaan beelaha Daarood, si ay ugu hadlaan mustaqbalka iyo midnimada beesha Daarood.

Durba waxaa bilowday in Isimo ka socda Maamul Goboleedka Puntland ay ku qulqulaan magaalada Jigjiga oo horay ay ugu sii sugnaayeen wafuud ka socotay Xukuumadda Faroole, waxaana dhawaan gaaray waxgarad iyo Isimo ka socda deegaanada Puntland.

Wax faah faahin rasmi ah oo shirkaasi laga haayo ayaan jirin iyo xiliga rasmiga ah uu furmayo, hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya in diirada lagu saari doono Midnimada Beesha Daarood, Xiriirka ka dhaxeeya, iyo arrimaha Puntland ee khilaafka Siyaasadeed ka jira sidii xal loogu heli lahaa iyo in si nabdoon doorashada Puntland u dhacdo bisha Janaayo ee soo socoto.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Waxgarad ka tirsan Beesha Daarood ee Muqdisho ku sugan iyo kuwa Gobolada Geddo aysan shirkaasi ka qeybgeli doonin, kuwaasi oo u arka shir gaashaanbuursi ah oo siyaasadeysan, waxayna xubnahaasi ay taageersan yihiin Dowladda Federaalka Somalia.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka ayaa dhawaan mar uu ka hadlayay arrimaha Jubbooyinka wuxuu sheegay in Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Maamulka Axmad Madoobe isla markaana wuxuu eedeeyay Dowladda Federaalka Somalia.

Isha: Warfaafiye.com

Video: Shacabka magaalada Muqdisho oo u riyaaqay arrinta nuucaan ah!

Caasimada Online: Magaalada  muqdisho waxaa ka biloowday arin aad loogu farxay taas oo ah in Mustaqbalkii Dhalinta Soomaaliyeed lagu dhisayo taas oo ah mid ay ka wada shaqeynayaan Guddiga Isboortiga kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Xiriirka aduunka ee fifa.

Waalidiinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu arkayaa garoomada kubadda cagta ayagoo soo kaxeynaya Caruurtooda si ay qeyb uga noqdaan ilmaha la tababarayo ee la doonaya in mustaqbalka ay u noqdaan laacibiin heer caalami ah.

HALKAAN KA DAAWO:

Taliye ka tirsanaa nabad sugidda dalka Somalia oo Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (Caasimada online) Kooxo Hubeysan ayaa degmada Kaxda ku dilay Khaliif  Maxamuud Cali Talihii ciidamada Nabad sugiida degmadaas, sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha degmadaas .

Kadib markii xalay ay kooxo hubeysan ay wadada u galeen Taliyihii Nabad Sugidda kadibna risaas ay is weydaar sadeen ilaalada taliyaha iyo waliba kooxihii weerarka ku qaaday , taasi oo sababtay ugu dambeyn in halkaasi uu geeriyoodo kadib risaas dhowr ah oo haleeshay .

Sidoo kale wuxuu dhaawac soo gaaray laba kamid ah ilaaladii taliyaha sida uu xaqiijiyay Cabdiwali Yuusuf Cumar, gudoomiyaha degmada Kaxda , isagoo sheegay nuusan ogeen Khasaaro intaasi ka badan , waxaana uu  sheegay in weerarkaas uusan ku tilmaami karin inay ka dambeysay cid gaar ah .

Cabdiwali Yuusuf Cumar gudoomiyaha degmada Kaxda ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan ragii dilkaasi ka dambeyay .Maanta ayaana lagu wada in lagu aaso magaalada Muqdisho,

Kooxihii dilka geystay ayaa ka baxsaday halka ay dhibaatadaas ka geyteen ,  mana jirto ilaa iminka cid sheegatay dilkaas loo geystay Khaliif  Maxamuud Cali Talihii ciidamada Nabad sugiidadegmada Kaxda.

Shalay ayay aheyd markii uu ka bad baday isku day dil ah gudoomiye kuxigeenka degmda Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana dilkan uu qeyb ka noqonyaan dilal mudooyinkan kusoo kordhayay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DHAGEYSO: Madaxweyne sheeganaya Jubaland oo ka hadlay heshiiska

Kismaayo (Caasimada online) Axmed Faarax Ducaale oo ka mid ah ragii isku magacabay hogaanka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo , kuna dhawaqay inuu yahay madaxweynaha Maamulka Jubbland , ayaa dhaliilay go’aankii kasoo baxay Shirkii Adis-Ababa ee maamulka Jubba iyo dowlada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in heshiiskaas uu yahay mid aan habooneyn isla-markaasina lagu fududaaday , isagoo sheegay in heshiiskaas uusan keeneyn Nabad iyo barwaaqo ka dhalata , balse uu horseedayo dhibaaato ka dhalata gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Goobta heshiiskaas lagu qabtay ayuu sheegay inay tahay sida uu shaaciyay halkii laga maleegay lagana abaabulay Bur Burka Soomaaaliya ,  wxaana dhamaan waxyaabihii lagu heshiiyay uu sheegay inay yihiin kuwo horseedaya dhibaato ka dhalata gobolda Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay inay haboonaan laheyd inay dowlada la sameyso dhamaan shacabka goboladaas inay la sameyso la tashi , balse ay iskaindho tirtay isagoo ku canaantay inay ku fududaatay go’aankaas ay qaadatay.

Halkan ka dhageyso

Halkaan ka dhageyso Axmed Faarax Ducaale

Kadib kulan muddo Isbuuc ah ka soconayay magaalada Adis – Ababa kaas oo u dhexeeyay dowlada Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ayaa shlay si rasmi ah la isugu raacay in Axmed Madoobe loo magacabo Hogaamiyaha Maamulka Jubba kaas oo talada Jubbooyina iyo gedo heyn doono ugu badnaan Muddo laba Sano ah.

Caasimada online

Xafiiska kismaayo

[email protected]

 

 

Warbixin: Markab kalumeyso oo lagu afduubtgay Somalia

Muqdisho (Caasimada online) Kooxaha Burcad  Badeedda Soomaalida ah ayaa lagu soo waraayaa inay afduubteen Markab nuuca Kuluumeysiga ah oo lagu Magacaabo Thai Union 3 sida ay shaaciyeen Ciidamada Badda Midowga Yurub ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya .

Wararku waxay sheegayana in markabkaan uu kasoo shiracanayay meel  qiyaastii meel 650 miles u jira xeebaha Soomaaliya xilligii gacanta lagu soo dhigayay sida saraakiisha ciidanku ay sheegeen .

Sida ay qortay wakaladda wararka ee  (AP),  Ciidamada Badda ee  Midowga Yurub ay ka war heleen Afduubka markii shaqaalaha doonta saran ay la kulmeen weerar kaga yimid rag hubeysan oo u qaab ekaa Burcada ka qowleysata xeebaha Soomaaliya iyo goobaha ka baxsan.

Midowga Yurub ayaa isku dayay inay diyaarad kula dul heehaabaan goobta tuhunka uu ku jiro ee ah in lagu afduubtay Doonta ayna arkeen Dhalinyaro hubeysan oo doonta saran iyo shaqaalihii Doontaasi.

Markabkani Thai ayaa noqonya kii afarad oo ay Kooxaha Burcad Badeeda ay gacanta kudhigaan labadii todobaad ee u danbeeyay,sida lagu daabacay AP.

Kooxaga burcada badaha Soomaaliya aya afduub kula dhaqaaqa maraakiibta isticmaashaa xeebaha Soomaaliya kuwaas oo ay ka qaataan lacago madax furasho ah.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Axmed Madoobe oo si aad ah u amaanay madaxweyne Xasan iyo Faarax oo isna ka hadlay heshiiska

Addis Ababa (Caasimada Online) Iyadoo galabta si rasmi ah magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia loogu soo gabagabeeyay shir ay la haayeen wafuud ka kala socotay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe, waxaa la wereystay labada dhinac.

Idaacadda VOA ayaa Wareysiyo la kala yeelatay wasiirka madaxtooyada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir oo dowladda u matalayay shirka iyo Axmed Maxamed Islaam oo ah hoggaamiyaha kumeel gaarka maamulka Jubba.

Wareysiga Faarax Maxaa ugu waaweynaa?

Wax yaabaha lawey diiyay wasiirka madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka mid ahaa sida uu arko shirka ka dhacay  Addis Ababa.

Wuxuu ku jawaabay in heshiiska uu ku yimid siddii loo xalin lahaa mushkiladaha ka taagan Jubbooyinka, wuxuu shegay in maamulkaas uu hoggaamin doono Axmed Maxamed Islaam.

Wuxuu sheegay in Axmed Madoobe uu soo dhisi doono guddoomiyaasha Jubbada Dhexe iyo Gedo, balse dowladda ayaa la socon doona sida loo soo dhisaayo ayuu yiri.

Mar la weydiiyay in qoddobo ku saabsan sida loo maamulaya dhaqaalaha dekedda Kismaayo, wuxuu sheegay in wax la isku khilaafo aysan jirin, Dekedda in ay tahay Asset-ka dowladda ama dhaqaalaha, marka lix bil kaddib in lagu wareejin doono dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in shirka markii ugu horreysay ay soo qaban qaabiyeen isaga iyo Axmed Madoobe, wuxuu sheegay in Isfahan waa uu jiray balse markii dambe la isku raacay.

Wuxuu sheegay in arrimaha u yaalla dowladda Soomaaliya aan la rabixin in lagu mashquulo arrimahan, wuxuu sheegay in maalmaha soo socda shir lagu qaban doono magaalada Muqdisho isla markaana shir kale lagu qaban doono Kismaayo.

Axmed Madoobe muxuu Wareysiga ku sheegay?

Hoggaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam oo wax laga weydiiyay sida uu arko heshiiska, wuxuu sheegay in heshiiskan uu yahay mid albaab cusub u furaya Soomaaliya,

Wuxuu sheegay nin kasta oo raba in wax qaso in uu soo qaadanayay arrimaha Jubbooyinka, marka wuxuu yiri “ Haddii markii hore uu dhariga daboolka ka qaadnaa hadda waa la dooboolay oo ma jiri doonto meel maraq dambe lagu daarto”.

Waxaa kaloo la weydiiyay sida uu arko maamulka kumeel gaarka ee Jubba iyo magaca la isku raacay?

Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in maamulka Jubba (Jubba Administrations) ama (Jubba Land) aanu wax isbadal ah sameeneynin magaca ee balse waxa uu qabanaayo iyo sida uu u shaqeeyo ay muhiim tahay, wuxuu sheegay oo kale in uu magacaas soo dhaweenaayo.

 Waxaa kaloo la weydiiyay sida uu ugu qancay in lix bil kaddib in garoonka diyaaradaha iyo dekedda Kismaayo lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya?

Wuxuu sheegay in wax kasta ay Isfahan yihiin, wuxuu sheegay in muddada lixda bil ee gacanta kuhayaan maamulka garoonka iyo dekedda uu socon doono wadatasho, kaddina dowladda ay soo diri doono ergo, balse wuxuu sheegay in dhaqaalaha ka soo xarooda lagu maareen doono deeganka oo aan meel kale lageen doonin.

Waxaa wax laga weydiyay in maleeshiyaadka u dagaalama iyo kooxaha kale ee ku sugan seddaxda gobal lagu daro ciidamada dowladda?

Wuxuu sheegay in uu soo dhaweenaayo haddii ciidamadaas la mideenaayo oo laga dhigaayo ciidamo qaran (Somali National Arm), balse wuxuu daboolka ka qaaday in ay jiri doonaan ciidamo gaar u ah maamulka Jubba ee madaxda ka yahay.

Ugu dameen waxaa wax laga weydiiyay caqabadaha ugu waaweyn ee shirka ku yimid kaasoo ku sigtay in uu burburo?

Axmed Madoobe ayaa sheeegay in caqabadaha ugu weyn ee labada dhinac ka hor yimid ay ka mid ahaayeen sida loo qaadan karo qoddobada qaar, balse  wuxuu  daaha ka qaaday in wafdiga dowladda Soomaaliya ay muujiyeen tanaasul iyo biseel, kuwaasoo uu sheegay in ay ka go’need in heshiis laga gaaro qoddobada la isku hayay.

Wuxuu ammaanay madaxweynaha Soomaaliya oo uu sheegay intii shirka uu socday markasta taleefon kula socday xaaladda sida meesha ay mareysay, wuxuuna intaas ku daray in madaxweynaha uu lahaa waa in Option kale la keenaa markii qoddobada qaar la isaga hor yimaado.

Sidoo kale Axmed Madoobe wuuxu sheegay in wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia uu dedaal ballaarn ugalay in uu shirka heshiis lagaaro.

Halkan ka dhageyso  Wareysi ay siiyeen VOA

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

2 haween oo MUQDISHO lagu toogtay caawa iyo galabta, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho maanta iyo caawa waxaa lagu toogtay labo dumar ah.

Mid ka mid haweenka waa ciidan, waxaana rag ku hubeysan bastoolado ay galabta ku toogteen gudaha Suuqa-Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Haweeneyda ciidanka ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nadiifo Wiilo, waxaana markii la toogtay goobta ka baxsaday kooxda falka geesatay, mana jirto cid loo soo qabtay.

Dhinaca kale, waxaa caawa xaafadda Xamar-Jadiid ee degmada Warta Nabadda (Ex-Wardhiigleey) lagu toogtay haweeney makhaayad ku lahayd halkaas.

Sida ay lee yihiin goobjoogayaal, dableey bastoolada ku hubeysan ayaa dilay haweeneyda oo ku jirtay goobteeda shaqada, waxaana markii dilka uu dhacay goobta soo gaaray ciidamada ammaanka degmada, kuwaasoo baaritaan ka sameeyay halkaas.

Haweenyda ayaa la oran jiray Farxiyo Cabdi, waxaana la sheegay in laga toogtat maskaxda isla markaa goobta ayey ku dhimatay.

Ma cadda wax yaabaha loo dilay haweeneydan oo aan ka tirsaneen dowladda, balse waxaa la lee yahay Makhaayadeeda waxaa yimaada ciidamo kuwaasoo ku qayila halkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

FG: Fadlan barta macnaha LIKE, warkan oo kale ma mudna like, waayo waa dad geeriyooday, hadaad tahay aqriste warkan ha saarin LIKE, sababta warkan loo qoray kaliya waa in la ogaado xaaladda dalka ka jirta iyo wixii dhacay. Mahadsanid

VIDEO: Muuqaalkii ugu dambeeyay ee bilicda Muqdisho (Farxad la ilmey)

Muqdisho (Caasimada Online) –  Muqdisho waxeey ka soo kabaneysaa burburkii xooganaa ee gaaray sanadihii dowlad la’aanta aheyd waxaana haatan laga dareemaa in dib u soo ceshaneyso Bilicdeedii ay la heyd bariisamaadka Caasiamda Dalkeena ee Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya dhismooyin xoogan iyo dayartir dhanka Wadooyinka Muqdisho waxaana iska kaashanaya Maamulga gobolka banaadir iyo Ganacsatada Muqdisho.

Goobaha muhiimka ah ee  isha qabaneyso ee aad ka dareemi karto soo celinta bilicda Magaalada ayaa muuqaal qurux badan laga soo duubay ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]