Addis Ababa (Caasimada Online) Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegaya in saxiixa qoddobada ilaa hadda lagu heshiiyay oo lagu waday in caawa la saxiixo dib loogu dhigay berri, islamarkaana shirka isla Isniinta berri la soo gabagabeen doono, inkasta oo daqiiqad kasta ay wax is-beddeli karaan.
Diplomaasiyiin ku sugan shirka ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay in labada dhinac ay muujiyeen xaley iyo maanta waxaagaa caga jiid, waayo waxaa jirra qoddobo kal hore laga heshiiyay oo Jubaland ay ogolaatay oo hadda la soo nooleeyay.
In kasta oo qodobada ay dhowr yihiin, haddana qodobkii ugu muhiimsanaa oo ah in maamulka noqdo mid KMG ah weli waa la isku raacsan yahay.
Qoddoda la isku heesto waxaa ka mid ah
1-Axmed Madoobe ma madaxweyne ayaa loogu yeerayaa mise guddoomiye gobol. Dowladda waxa ay lee dahay waa in loogu yeeraa guddoomiye gobal sidoo kale in maamulo madax banaan loo sameeyo seddaxda gobal sida Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, inkasta oo ay isaga hoostagi doonaan.
2-Sida loo qaybsanayo dhaqaalaha ka soo xarooda dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo.
3-Dhammeestirka maamulka hadda jira in lagu wareejiyo dowladda iyadana ay dhammeestirto inta harsan sida baarlamaan iyo wasiiro.
4 – Dowladda in ay soo magacowdo taliyaasha ciidamada ee seddaxda goba, kaasoo ka amarqaata dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Marka qoddobadan iyo kale waxa ay noqdeen caqabado ku hor-gudban shirka, taasoo haddana berri dib u sii dhagay saxiixa labada dhinac.
Sida ay lee yihiin diplomaasiyiinta shirka ku sugan, labada wafdi waxaad moodaa in ay daaleen iyadoona beesha caalamka iyo diplomaasiyiinta kale ee shirka jooga ay jahwareereen.
Kulanka labada dhinac wuxuu ahaa mid tan iyo xaley socday, waxaana u xirnaa albaabada in kastoo ay jiraan faragallin meelo badan ka imaaneysa
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi
[email protected]