25.2 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Warkii ugu farxadda badnaa abid oo u soo yeeray beeraleyda Soomaaliyeed

Nairobi (Caasimada Online) Markii ugu horreysay ayaa beeraleyda Soomaaliyeed waxa ay suuq fiican u heli doonaan dallaga ka soo go’a beerahooda.

Arrintan ayaa daba socota kaddib markii Midowga Yurub,dowladda Austria iyo hey’adda beeraha iyo cuntada ee QM isku raaceen in ay taageeraan beeraleyda Soomaaliyeed.

Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa laga caawin doonaa sidda ay u heli lahaayeen qalab tayo leh oo ka caawiya wax soo saarka beerahooda, taasoo muujineysa in dadka Soomaaliyeed ay helaan raashin xilli dhow la soo gooyay, halkii ka horre ay ahayd in dalka la keeno raashi xillo horre la soo saaray.

Hey’adda cuntada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay FAO iyo Barnaamijka cunta adduunka ee WFP ayaa go’aan ku gaaray in ay dhiiri galiyaan beeraleyda Soomaaliyeed, kuwaasoo horrey ugu eedeeyay labada hey’addood in ay raashiin keenaan marka ay soo go’ayaan dallagooda, taasoo dhibaato ku ah wax soo saarkooda.

Midowga Yurub iyo dowladda Austria ayaa iyana ballan qaaday in ay beeraleyda Soomaaliyeed ka caawin doonaan siddii ay u soo saari lahaayeen dallag fiican.

Wakiilka WFP u qaabilsan Soomaliya, Stefano Porretti ayaa ku qeexay barnaamijkan cusub mid wax badan ka caawin doonaan beeraleyda Soomaaliyeed in soo saaraan dallag fiican waa guul buu yiri.

“WFP waxaa ka go’an in ay caawiso dadka xoolaha leh iyo kuwa beeraha ku howlan,” ayuu yiri Porretti.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Isku-shaandheynta wasiirada oo ay ku jirto kordhinta tirada wasiirada “Xog”

Hargeysa (Caasimada Online) Iyadoo dhawaan soo baxeen warar sheegaya in golaha wasiirrada Soomaaliya lagu sameyn doono isku shaandheyn, ayaa la sheegay wasaaraddaha ay saameyn doonto isku shaandheynta ay ku jirto wasaaradda arrimaha dibedda iyo is-kaashiga caalamiga.

Waxaa qorshe uu yahay in wasaaradda iskaa-shiga caalamiga ah laga dhigo mid iskeed u taagan, sidaasna darteedna loo magacaabi doono wasiir cusub, taasi oo sii kodhineysa tirada wasiirada.

Suldaan Ceyduur  Suldaan Saalax Suldaan Ibraahim, oo ka mid ah salaadiinta ka soo jeeda Somaliland, ayaa madaxda dowladda ka codsaday in ay joojiyaan in ay kala qaadaan wasaaradda arrimaha dibedda.

Suldaalka oo caawa la hadlaayay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in uu maqlay dowladda wasaaradaha ay kala qaadeyso in ay ku jirr wasaarrada arrimaha dibedda.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha ay aad u xiriiraan dhowr jeerna uu taallo siiyay, balse wuxuu yiri lama rabo in waxa ay noqoto beelo la qanciyo waa dowlad meeshu”ayuu yiri Suldaanka.

Mar la weydiiyay waxa ay ku diiddan yihiin in la kala qaado wasaaradda arrimaha dibedda, wuxuu tilmaamay in waligeed wasaaradda arrimaha dibedda iyo is-kaashiga caalamiga ay ahayd hal wasaarad.

Hadalka Suldaanka ayaa ku soo beegmay iyadoo maalmahan suuqa la isla dhex maraayay in ra’iisal wasaaraha xukuumada Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed uu damacsan yahay in uu isku shaandheyn ku sameeyo xubnaha wasiiradiisa maadama ay soo baxeyn beelo dhaliilsan dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Mudullood oo 4 arrin ka dalbaday DFS

Warsaxaafadeed

Waxaan marna la ogoleen in dalka uu ku soo noqdo burbur iyo barakac balse waxaa loo baahan yahay in Madaxweeyne Xassan uu siiyo awooda gudoomiyaha Duqa cusub ee loo magacaabay gobolka Banaadir,awood oo ah in uu u madaxbanaado awooda howlgelinta

Boliska gobolka Banaadir iyo hogaan-kooda .

Nabadsugida gobolka Banaadir iyo madaxdooda.

Dhisida golaha degaanka gobolka Banaadir.

Shaqaalaha Cashuur ururinta gobolka Banaadir .

Daqliga gobolka Banaadir waxaa quman in dib loogu noqdo sabbabta oo ah 15% oo dowlada dhexe gobolka ka qaataa kuma fila gobolka nabadgelyadiisa iyo baahida u qidmeeynta shacabka ku dhaqan gobolka iyda oo la ogyahay in daqliga dowlada ugu weeyn uu yahay midka Dekeda iyo Madaarka Muqdisho uu leeyahay,daqliga canshuuraha iyo kuwa laga qaado dadweeynaha gobolka Banaadir waa in uu gobolka dib ugu soo noqdaa.

Gobolka Banaadir iyo dowlada dhexe ee federaalka waa in uu u dhaxeeya xuduud uusan midba midka kale ku xadgudbi karin ,wasiirka gudaha iyo xildhibaanada ku wareegaha gobolka waxaa quman in gobolada aay u dhasheen soo abaabulaan kana soo dhaadhiciyaan in dowlada federaalka tahay dowlad dhexe oo la wada wadaago,sida oo kale taliyaha Boliska waa in uu gobolada dalka ka soo dhisaa ciidan Boliis maaha in uu booqdo degmooyinka gobolka Banaadir,Duqa & Gudoomiyaha gobolka Bannadir waa in yeesha awooda iyo go”aanka waxwalba oo gobolka ka horyimaada sida soocelibta nabada iyo wadanoolaanshaha shacabka degen gobolka,gudoomiyaasha degmooyinka gobolka waa in la la xisaabtamaa cidii wax ka qaban weeyda degmada aay xukunto waa in talaabo laga qaadaa,degmo walbaa waa in loo dhameeystiraa waxii aay ku shaqo geli laheeyd,awooda dowlada waa in shacabka gaartaa.

Gobolka Banadir waa in loo qeeybiyaa 4 degmo deris wanaag sida degmo xeebeedyada

1.D.Shangaani,

2.D.Xamar jab jab.

3.D.Waaberi

4.D.Cabdulcasiis

Intaa degmo waa degmooyinka dhexe

1.D Hodon

2.D.Hawlwadaag

3.D.Warta nabada

5.D.Boondheere

Waa degmooyinka koonfureed halka oo mudan in aay noqdaan degodiriseed

1.D.Madiina

2.D.Dharkinleey

3.D.Dayniile

4.D.Kaxda

Degmooyinka waqooyi sida

1.Dkaaraan

2.Yaaqshiid

3.D Heliwaa

4 D.Shibis.

Degmooyinkaa waa in aay ka muuqdaan kanna howlgalaan saldhigii boliiska iyo xarumihii degmada iyo maxkamadihii madaniga ee 4tii dego ee walba,awooda dowladnimo waa tan shacabka waxaa quman in shacabka awooda la siiyo dowladana damiin ka noqoto amiga iyo fududeeynta howlmaalmeedka degmada iyo gobolka.

Haddii aanan la xasilin gobolada shabeelada Dhexe iyo midka shabeelada hoose Muqdisho nabadeeda waa mid marwalba qalqal gali kara,sidaasi darteet waxaan leenahay labada shabeele waa in culeeyska la saaraa si amiga Muqdisho loo kobciyo waxna looga qabto,waa in uu jiraa xiriir gudoomiyayaasha goboladaa xaga isweeydaarsida wararka iyo isku gudbinta xogta al.shabbab.

Muungaab oo ka digay in laalush lagu bixiyo warqadaha aqoonsiga (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Sareeyo guud, Xasan Maxamed Xuseen Muun-gaab ayaa sheegay in loo fududeeyo dadka qaadanaya warqadda aqoonsiga muwaadinimada.

Muun-gaab oo in dhihiisa ku soo arkay dhibaatada ka jirta xarunta laga qaato warqaddaha, ayaa sheegay in aan loo dul qaadan doonin in dadka lagu dhibo warqadda ama laga qaato lacago laaluush sidda uu yiri.

Wuxuu tilmaamay ciddii lagu qabto iyagoo shacabka laaluush ka qaadaysa in tallaabo sharciga waa faqsan laga qaadi doono.

Hadalka Muun-gaab ayaa imaanaya iyadoo dhibaatooyin waaweyn ay ku qabaan muwaadiniinta Soomaaliyeed helitaanka warqadda aqoonsiga.

Wariye ka tirsan caasimada Online, oo tagay xarunta laga qaato warqadda muwaadinnimada ayaa soo arkay in dadka ay dhib ku qabaan heli taaganka warqaddahaas, waxaana uu sheegay in marka qaar qofka ay ku qaado bil ama wax ka abdan in uu helo warqaddaas.

Si kastaba, Guddoomiye Muun-gaab ayaa looga fadhiyaa in uu wax ka badalo dhaliilaha loo jeedinaayo dowladda Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Soomaalida Mareykanka & sharci cusub

Minneapolis (Caasimada Online) Soomaalida ku nool gobolka Seattle ee dalka Maraykanka ayaa soo dhaweeyay go’aan uu dhawaan soo saaray maamulka gobalkaas kaasoo loogu ogoolaanayo muslimiinta dalkaas in ay fasax helaan maalmaha ciidaha Islaamka.

Imaamka masjidka Abuubakar Sadiiq ee magaalada Seattle, Sheekh Axmed Nuur Macallin oo u warramay VOA ayaa sheegay in dedaal badan kaddib ay ku guuleysteen inay maamulka ka dhaadhiciyaan soo saarista sharcigan.

Sheekha ayaa xusay inuu sharcigu yahay guul u soo hoyatay muslimiinta ku nool Washington.

Golaha Senate-ka iyo kan hoose ee gobolka ayaa ansixiyay sharciga, wuxuuna dhaqan-geli doonaa marka uu saxiixo guddoomiyaha gobolka oo la sheegay in loo gudbin doono dhowaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

Madoobe oo la caleema saari doono

Baydhabo (Caasimada Online) Sidda uu goordhow ku soo warramaya wariyaha Caasimada Online ee magaalada Baydhab, waxaa xarunta ADC-da ka socota xaflad ballaaran oo lagu caleema saarayo Madoobe Nuunow Maxamed oo loo doortay madaxweynaha maamulka lixda gobal ee loo dhisaayo koonfur galbeed iyo ku-xigeenkiisa.

Xafladda oo ay ka qaybgalayaan xildhibaanno, siyaasyiin iyo dadweyna fara badan ayaa hadda waxa ay ka socota xaruntii horre ee baarlamaanka dowladii KMG ah ee AUN Cabdulaahi Yuusuf Maxamed.

Waxaa lagu wadaa in uu goobta ka hadlay Madoobe Nuunow iyo siyaasiyiin kale oo taageersan maamulka cusub ee loo dhisaayo lixda gobal ee kala ah, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbooyinka iyo Gedo.

Dowladda iyo beesha caalamka ayaa shaley si cad ah u sheegay in aanu taageersaneen doorashada la doortay Madoobe Nuunow.

Warar dheeraad ah kala soco Caasimada Online in shaa Allah

 

Video: Qaxooti ku dhawaaqayo Allaahu Akbar oo xoog ku soo galay SPAIN

Jasiirada Melilla ee dalka Spain waxaa si xoog ah ku soo galay Qaxooti qaarada Africa ka yimid oo aad u fara badan kuwaas oo in mudo ah ku dhibaateeysanaa gudaha dalka Marooko balse iminka qaxootigaan ayaa intooda badan jasiirad ku taala dalka Spain xoog ku soo galay.

Qaxootigaan qaarada Africa ka socda ayaa si toos ah u soo qardo jeexay biro shabaqyo ah oo Koronto maaso ah loogu rakibi jiray waxeeyna qaarkood ku dhawaqayeen Allahu Akbar markii ay soo gaareen jasiirada Melilla oo inta badan lagu qaabilo Qaxootigii si nabad ah ku soo gaara ciida ama xeebaha dalka Spain.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Muqdisho oo lagu qabtay kulan lagu taageerayo MADOOBE NUUNOW

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Jimco ah ka dhacay kulan ballaaran oo lagu taageerayo doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gabalka, laguna doortay Madoobe Nuunow Maxamed oo madaxweyne u noqonaya maamulka lixda gobal ka kooban.

Kulanka oo ay joogeen odayaal iyo wax garad ka soo jeeda gobalada maamulka loo sameenaayo, ayaa waxaa ka hadlay odayaal iyo salaadiin taageersan Madoobe Nuunow.

Garaad Aadan Garaad Axmed oo ka mid ah odayaasha goobta ka hadlay ayaa ugu horeyn ammaanay qaabka ay u dhacday doorashada isagoona dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay taageerto maamulka lixda gobal.

Sidoo kale wuxuu sheegay in loo dhan yahay maamulka loo dhisaayo lixda gobal ee uu madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunow Maxamed oo maanta lagu caleema saaray magaalada Baydhabo.

Si kastaba, waxaa soo baxaya walaac laga muujinayo shirarka iska horjeed ee ka socda Baydhabo, waxaana laga cabsi qabaa in halkaas ay ka dhacaan dagaallo dhiig badan ay ku daataan.

Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa ka soo horjeestay doorashadii toddobaadkan ka dhacday Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maamulka Jubba oo diiday MADOOBE

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo waxaa maanta ku shiray golaha wasiirrada maamulka KMG ah ee Jubba, waxaana kulan kooda la sheegay in ay ku hadleen doorashadii ka dhacday toddobaadkan magaalada Baydhabo, taasoo madaxweyne loogu doortay maamulka lixda gobal ka kooban, Madoobe Nuunow Maxamed.

Markii uu soo dhammaaday kulankooda waxaa saxaafadda la hadlay afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax, wuxuu sheegay golaha wasiirrada ay isku raaceen in laga soo horjeesto oo aan la taageerin doorashadii lagu doortay Madoobe Nuunuw Maxamed.

Wuxuu sheegay doorashaas inay ku dhacday si qaldan isagoonka carabka ku adkeeyay wax lix gobal la dhaho ma jirto.

Cabdinaasir Seeraar ayaa madaxda dowladda dhexe uga mahadliyay go’aanka ay qaadatay shirarka iska horjeeda ee ka socda magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyn dadka deggan Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose wuxuu ku yiri dhista maamul gobaleed balse ha ku mashquulina goballo maamul ay u sameesan yihiin sidda uu hadalka dhigay.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Murusade oo ku shiray Xamar iyo DFS oo ay go’aano ka dhan ah soo saareen

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa galabta kulan kale ku yeeshay Mid ka mid ah beelaha degga qaybo ka mid ah Soomaaliya.

Beesha Murusade oo dhawaan sheegtay in kal soonida kala laabatay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markale kulan weyne kale ku yeelatay Muqdisho.

Afhayeen u hadlay beesha ayaa warbaahinta u sheegay in beesha kulankeeda maanta uu ahaa kii labad oo ay yeeshaan, kaasoo ay uga soo horjeedaan hoggaanka dowladda sida madaxweynaha.

Wuxuu sheegay kulanka maanta in looga gun lahaa siddii beelaha kale iyo beesha caalamka loogu soo bandhiggi lahaa go’aanka ay dowladda ka gaareen sidda uu hadalka u dhigay.

“Kulanka maanta wuxuu daba socdaa kulankii horre, waxaana kan aan ku soo bandhigeynay wax yaabaha nagu kali fay in dowladda aan kalsoonida kala laabanay,beelaha Soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaan u sheegeynaa in madaxweynaha uu ku fashilmay wax yaabaha lagu sugaayay” ayuu yiri.

Wuxuu kaloo sheegay in beesha go’aanka ay gaartay shirkii horre aaney laga laaban, waxaana uu madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in faquuqay beesha oo ah beel buu yiri.

“Madaxweynaha xukuumadii horre oo 1o-ka wasiir wuxuu na dhahay wasiir idiinma hayo, waan yaabnay laakin waan iska yeelnay, xukuumada hadda jirta wax wasiir ah kuma lihin iskaa daayee xil nala siiyo kuwa xilalka haya ayuu madaxweynaha ka qaadayaa xilalka ay hayaan” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu beelaha kale ugu baaqay in kal soonida kala laabtaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, maadama ayuu yiri “Xil habeen madow ah xilka loo wareejiyay halka maalin cad uu ka badbaaday in la dilo”.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Beesha calamka oo taageertay go’aan-kii DF ay ka qadatay shirarka Baydhabo

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah kulan ku yeeshay madaxda dowladda Soomaaliya, beesha caalamka iyo hay’adaha taageera dowladda Soomaaliya.

Kulanka oo ay saxaafadda bannaanka ka joogtay ayaa la sheegay in lagu taageeray go’aankii ay dhowaan dowladda ka qaadatay shirarka ka socda magaalada Baydhabo ee la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada koonfur-galbeed Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Qaramada Midoobay, Urur-goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo howlgalka AMISOM.

Markii kulan uu soo dhammaday, waxaa shir saxaafadeed qabtay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdulaahi Goodax Barre iyo wakiilka gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey.

Ugu horreyn wasiirka arrimaha gudaha, Cabdulaahi Goodax Barre, ayaa sheegay in wafdiga ka socda Midowga Yurub iyo IGAD ay kala hadleen arrimihii ugu dambeeyay dalka gaar ahaan maamul u sameynta gobalada dalka iyo sidda loo dhaqan galin karo nidaamka fedaraalka.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa si cad ah u sheegay in Midowga Yurub iyo IGAD ay kala hadleen siddii loo taageeri lahaa shirka maamul u sameynta gobalada seddaxda ah ee ku yaalla Koonfur Galbeed.

Danjire Afeey oo isna saxaafadda la hadlay ayaa xusay in IGAD iyo Midowga Yurub ay taageersan yihiin rabitaanka iyo cidda ay taageerto dowladda Soomaaliya.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay in ay mowqif cad ka taagan tahay habka loo marayo sameynta maamul goboleedyada, kaddib markii shirar is khilaafsan ay ka furmeen Baydhabo.

Si kastaba, waxa ay hadda uu muuqata in beesha caalamka ay taageersan tahay qorshaha dowladda ay damacsan tahay oo ah in maamul loo sameeyo seddax gobal oo kala Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Turkey-ga oo mashaariic waa weyn ka hirgalinaya PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Khamiis ah gaaray wafdi ka socda dowladda Turkiga.

Wafdiga waxaa hoggaaminaayay danjiraha Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Cemalettin Kani Torun, waxaana markii ay gaareen Garoowe halkaas ku soo dhaweyay madax ka tirsan maamulka Puntland.

Wafdiga waxa ay kulamo la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland,oo uu ku jirro madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali  Gaas.

Kulankooda oo saxaafadda ay bannaanka ka joogtay ayaa markii uu soo dhammaaday waxa saxaafadda si wadajir ah u la hadlay madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo danjire Kani Torun.

IMG_00791

Madaxweyne Gaas ayaa ugu horreyn sheegay in uu ku faraxsan yahay wafdiga ka socda dowladda Turkiga, wuxuuna sheegay in ay ka hadleen siddii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeya Puntland iyo Turkiga.

Wuxuu kaloo sheegay in Turkiga dhawaan ay ka furan doonaan Garoowe xafiiska horrumarinta kaasoo lagala socon doono howlaha gargaarka ay ka wadaan Soomaaliya.

Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Kani Torun ayaa isna sheegay in Turkiga uu mashaariic horrumarineed uu ka hirgalin doono deegannada Puntland.

Wuxuu sheegay oo kale in uu ku faraxsan yahay in markii labaad ay tahay oo uu soo booqdo deegannada Puntland.

Wafdiga ka hor inta aaney madaxweyne Gaas la kulmin waxa ay soo kormeeren goobo ku yaalla magaalada sidda Jaamacada Puntland, iyagoona dhegax dhigay Iskuulo lagu barto farsamada gacanta.

Markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Garoowe, waxaa halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, kaddibna waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada ee Garoowe, halkaas ay kulamo kula qaateen madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali iyo qaar ka mid xubnaha maamulkiisa.

Turkiga ayaa hadda xoojinaya xiriirka uu la lee yahay maamulka Puntland, kaddib markii dhowr jeer ay Puntland ay ku eedeesay dowladda Soomaaliya in ay isku koobtay mashaariicda Turkiga uu ugu talagalay Soomaaliya.

2

1

9

IMG_0089

5

7Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Daawi Video: Awoddii ciidamada dalka Soomaaliya oo dib u soo laabaneysa

Tan iyo burburkii Dowladii Dhexe ee Somalia 1991 waxii ka dambeeyay waxaa burburay Awoodii ciidan ee dalkeena Somalia waxaa la waayay awoodii looga baqi jiray Ciidankii Dalkeena.

Aqristoow maanta waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa Awood ku tusineysa in Ciidankii dalkeena uu dib u soo laabtay ee nala daawo Ciidamada qalabka sida ee kala duwan ee dalka haatan ka shaqeeya iyo awoodahooda.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Warbixin: Qorshaha ciidamo jarmal ah ay ku imanayaan Muqdisho oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo ay Dowladda iyo Xisbiyadda Mucaaradka ee dalka Jarmalka mabda’ ahaan isku khilaafsan yihiin in Ciiddamo loo soo diro dalka Somalia, ayaa waxaa haddana soo baxayo qorshe kale oo Ciiddamadda Jarmalka loogu soo diri doono magaalladda Muqdisho.

Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA ayaa qortay inuu Jarmalka ku soo biirayo Ciiddamadda Midowga Europe ee tababarka siinaya Ciiddamadda Dowladda Federaklka Somalia.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaha Gaashaandhiga ee dowladaha ku bahoobay Ururka EU-da ayaa shalay Kulan Khaas ah ku yeeshay Casaimadda dalka Belgium ee Burusseles, kaasi oo looga wada hadlay Arrimaha Milliteriga iyo Hawlgalka Midowga Europe ee lagu tababarayo Ciiddamadda Dowladda Somalia.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca ee dalka Jarmalka ayaa tilmaamay in ilaa 20 Saraakiil Milliteri lagu wado in loo soo diro magaalladda Muqdisho, si ay ugu biiraan Tababarayaasha Milliteri ee Midowga Europe ee Ciidamada Dowladda ku tababarayo Xeradda Jaziira ee magaalladda Muqdisho.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in la qorsheynayo in bisha soo socoto ee April in Ciiddamadaasi loo soo diro magaalladda Muqdisho.

Dowladda Jarmalka waxay bishii December ee sannadkii hore la soo noqotay Saraakiishii qeybta ka ahaa Tababarkii Ciiddamadda Dowladda Federalka lagu siin jirey dalka Uganda, waxaana soo celintooda xilligaas lagu micneeyey sababo dhinaca ammaanka, maadaama Hawlgalkii Tababarka loo soo wareejiyey magaalladda Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Baydhabo: Doorashada maamulka 3-da gobal oo dib u dhacday

Baydhabo (Caasimada Online) Warar ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa muujinaya in dib loo dhigay doorashada maamulka loo dhisaayo seddaxda gobalka ee ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Ilo Xog-Ogaal ayaa noo sheegay in doorashada dib loo dhigay, kaddib markii shaley magaalada ay ka dhacday shaqaaqo uu ku dhintay saraakiil ciidan oo uu kujirro taliyihii ciidamada booliska ee magaalada Baydhabo.

Magaalada waxaa shaley ka dhacay iska hor imaad u dhexeya ciidamado kawada tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana ay geesteen khasaaro dhimmasho iyo dhaawac.

Iska hor imaadka ayaa la sheegay in uu ka dhacay markii ciidamo ,millitari ah oo la socday baabuur u kireesan hey’addaha gargaarka ay isku dayeen in xoog ay ku maraan goobo bar koontrool ah.

Xaalada magaalada ayaa saakay deggan, waxaana caaddi ku soo noqday isku socodka dadka iyo gaadidka.

Dhinaca kale,waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in xarunta ADC-da ay ka dhacdo caleema saarka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa maamulka loo dhisay lixda gobal ee ku yaalla Koonfur galbeed ee dalka.

Wariye ka tirsan Caasimada Online, ayaa soo sheegay in magaalada laga dareeemayo xafladda caleema saarka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamada AMISOM ee Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Horumarka iyo dib u dhiska ka soconaya magaalada Muqdisho

Horumarka Iyo Bilicda Magaalada Muqdisho oo si weyn uga soconeysa Magaalada ayaa waxeey ku fideysaa Guud ahaan 16 degmo ee Gobolka Banaadir uu ka kooban yahay.

Degmooyinka qaar ee Gobolka banaadir ayaa aad isku xil qaamey waxeeyna sameynayaa wax yaabo badan oo dib u soo celin karo Bilicdii Muqdisho ee Bariisamaadkii ay la haan jirtay ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Wararkii ugu dambeeyey dagaallo ka dhacay magaalada Baydhaba

Waxaa kacsan xaalada Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, ka gadaal markii uu iska horimaad dhex maray Ciidanka Booliska ee Dowladda iyo Ciidan kaloo ka amar qaata Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe”.

Iska horimaadkaan, ayaa ka dambeeyay markii Ciidanka Booliska ee ku sugan Saldhiga Bari ee Magaalada Baydhabo, ay lacago weydiisteen gaadiid xamuul ahaa oo Kuntuneero siday, isla-markaana uu ka biyo diiday in uu wax lacago ah bixiyo, ninkii xamuulka loo siday.

Ninkaan oo ku heyb ah Xildhibaan Aadan Madoobe, ayaa wuxuu soo kaxeystay qaar ka mid ah Ciidanka Ilaalada ee Aadan Madoobe, wuxuuna iska horimaad dhex maray Ciidankii Booliska ee Saldhiga Bari.

Iska horimaadkaan, ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo ay dhinteen ilaa shan ruux inta laga warqabo, tiro kalana oo aan si sax ah loo sheegin, iyana way ku dhaawacantay.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in dadka dhintay uu ku jiro Taliye Ku Xigeenkii Booliska ee Gobolka Baay ee Dowladda Nishoow Aadan Kurtun, waxaana lala dilay mid ka mid ah Ilaaladiisii.

Sidoo kale dadka kale ee dhintay, ayaa waxaa ku jira mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka dagaalka ee Aadan Madoobe, kaasoo magaciisa lagu soo koobay Ooyaaye.

Dhanka kale dhinacyada wada dagaalamay, ayaa waxaa soo kala dhex galay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, isla-markaana waxaan la aqoon waxa amuurtaan xiggi doono.

Saraakiisha Dowladda ee Gobolka Baay iyo Xildhibaan Aadan Madoobe, ayaan weli ka kala hadlin dhacdadaan.

DFS: “Deg deg ayaan ula wareegaynaa dekedda iyo garoonka KISMAAYO”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/laahi Goodax Bare ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay Heshiiskii Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Jubba.

C/llaahi Goodax ayaa sheegay in uu jiro Dib u dhaca ku yimid Heshiiskii Magaalada Addis Ababa lagu gaaray oo ahaa in Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo Maamulkeeda lagu Wareejiyo Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Bare ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Dhawaan la wareegi doonto Maamulka Garoonka iyo Dekedda Kismaayo.

Inkastoo Siyaasiinta iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan, ay sheegeen in Dowladda Soomaaliya ay Hilmaantay Heshiiskii Addis Ababa ayaa waxaan muuqan Qorshe Dowladda ay kula wareegi karto Goroonka iyo Dekedda Kismaayo.

Dhanka kale ninka Axmed Madoobe ugu Magacaaban Wasiirka Warfaafinta Ibraahin Baajuuni ayaa hore u sheegay in Heshiiskaas ay Dowladda Soomaaliya uga baxeen, hadii aysan Maleeshiyada Raas kambooni aan la Qarameen oo aan Qalab Ciidan la siin sida uu sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]