28.1 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Ciidamada booliska oo soo celinta kalsoonida laga doonayo

Ciidamada Booliska dalka Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay inay soo celiyaan kalsoonidii bulshada Soomaaliyeed ay ku dhex lahaayeen.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Shariif Sheikhunaa Maya oo ka hadlay xaflad tababar loogu soo gabogabeyay ciidamo badan oo booliska ayaa sheegay in ciidamada booliska looga baahan yahay inay soo celiyaan sharaftii ku dhex lahaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Booliska ee ka faa’ideystay tababarka usoo  dhamaaday laga doonayo inay usii faa’ideeyaan kuwa kale ee aan ka qeyb galin.

Ciidamadaan oo gaaraya ku dhawaad 100  ayaa waxaa tababar shalay loogu soo dhameeyay xarunta tababarka ciidamada ee General Kaahiye,waxaana tababarka siinayay ciidamada booliska AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

Xog: Maxaadan ogeyn oo ka socda Xafiiska ra’iisul wasaare Saacid?

Muqdisho (Caasimada Online) Sida ay u sheegeen shabakadda Caasimada Online, qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, waxa ka billowday siddii loo badali lahaa shaqaalihii hore ee joogay xafiiska.

Illo kal soon yahay oo diidday magacooda in la xigto ayaa sheegay in shaqaale badan oo horrey u joogay xafiiska wasiirka koobaad ee xakuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon in la ceriyay ama loo sheegay in shaqada laga ruqseeyay.

Arrintan ayaa lagu sheegay isbadalka ka dhashay xafiiska maadama uu yimid xafiiska raysal wasaare cusub.

Inta badan shaqaalihii joogay xafiiska ayaa loo sheegay in shaqada ay u dhammaatay oo ay baneeyaan xafiiska.

Tusaale shaqaalahii hore ayaa loo diray mid 10-qof  kuwaasoo siyaabo kala duwan shaqada loo ceyriyay.

Waxa xafiiska yimid shaqaale cusub iyo kuwa horrey uga shaqeenaayay oo laakin shaqada laga joojiyay marka uu yimid xafiiska Cabdi Wal Cali Gaas oo ahaa raysal wasaarihii ugu dambeeyay dowladdihii ku-meel-gaarka.

Illaha laga soo xigtay warkan ayaa sheegay in arrintan aysan ahayn mid ku cusub xafiisyada dowladda, waayo wasiir kasta oo xafiiska yimaada wuxuu inta badan raaf ku sameeyaa shaqaalihii horrey u joogay goobta, waxana ku badalaa kuwa uu isaga bar yaqaano ama ay isku dhow yihiin.

Inta badan dadka xafiiska hadda laga ceyriyay waxa ay u badan dadka ka soo jeeda deegannada Puntland, dib ayeena ugu laabteen meelihii ay ka yimaadeen.

Shaqaalaha cusub ee hadda ka shaqeeya xafiiska ra’iisal wasaaraha waa kuwa u badan qabiilka uu ka dhashay ra’iisal wasaaraha.

Waxaa kaloo jira qaar badan oo xafiiska weli jooga, laakin awoodihii  laga khafiiyay, oo hadda shalaayo jooga.

Si kastaaba, dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysa in ay wax ka qaban doonto arrimaha musuq-maasuga ee ka jira dalka.

Soomaaliya waxa ay kaalinta koobaad kaga jirtaa waddamada ugu musuq-maasuqa badan adduunka, Soomaaliya waxa ay hadda lee dahay dowlad rasmi ah.

Caasimada Online

Xafiisaka Wararka Nairobi

Mucjiso: Daawo Video: Timahaagu ma lee yihiin awood intan la eg?

Aadanaha illaahay isku mid kama uusan dhigin oo waaa jira dad la siiyay heybad iyo  awood  gaar ah oo dadka kale aysan heysan.

Muuqaal video-gan wuu idinka yaabin doonaa. Nin lagu magacaabo Alex Riachi oo u dhashay dalka Lebanon ayaa timahiisu waxa ay awood u lee yihiin in xarig ahaan loogu soo jiido baabuur nooca xamuulka ah. Waxaa kasii yaab badan in ninkan uusan wax xanuun ah ah dareemeyn.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO:

 

Luuqad Dalkeedii ku dayacan: DF ma inay dayactirtaa mise waa inay dagaal bahdil ah ku qaaddo Af-Soomaaliga?

Marka laga hadlayo jiritaanka dhaqan ay bulsho yeelan karto waxaa ugu horreeysa ee muhimka ihi waa luuqadda oo ah baaq-sidaha iyo dhaqan-sidaha umad kasti leedahay, hadii aad tusaale dheeri ah jeclaan lahayd eeg dalalka maanta ku hadla luuqadaha ay ka dhexaleen gumeysiga oo maanta baaba’ dhaqan iyo mid taariikheedba taagan.

Maqaalkan waxaan jeclaan lahaa inaan ku iftiimiyo waxyaabo loo laalaabtay oo aniga iyo intii ila mid ihi ay u arkaan talo xumo meel kaga dhacaysa AFKA HOOYO ee Soomaaliga ah oo aad mooddo inay halis ku hayaan luuqado badan oo ay Soomaalidu qurbaha kala soo noqotay, iyadoo haatan boorarka xitaa Af Ingiriisi lagu qoro.

Taasise waxay ahayd mid ka imanaysay shacabka oo had iyo jeer hoga tusaalayn iyo baraarujin uga fadhiya dowladooda, balse nasiibdarro markii ay dowladii soo noqotay ayay sheekadii u ekaatay ‘Ka daroo dibi dhal’ marka mowduucan la eego.

Dowladda Soomaaliya oo haatan u muuqata mid si rasmi ah u caga dhiganaysa ayay ka muuqataa inaysan ilaa haatan sameeynin dhaqaaq ku aadan badbaadinta, boor ka jafidda iyo dib u barbaarinta afka hooyo balse mararka qaar waxaadba mooddaa inayba bad kusiii rideeyso, waxaa laga yaabaa inaad is waydiiso sababta aan sidaa u leeyahay.

Anigaa kuu hayee, marka hore waxyaabaha cajiibka ah waxaa ka mid ah in waraaqaha kasoo baxa dowladda (oo ay xitaa kujiraan kuwa loogu tala galay warbaahinta Soomaaliyeed) in badan oo ka mid ah oo Af-Soomaali ku qoran qaybta hoose looga xiro Ingiriisi sida General Secretery, Media director of the president, PM, MN, IWM, magacyada laftooda qaab Ingiriisi ah ayaa loo qorayaa mana la fahmi karo baahida keenaysa.

luuqad (2)

Waxaad is waydiin kartaa sababta keenaysa qofku jagadiisa iyo magiciisa Ingiriisi ahaan u qoro dulucdii kale ka badneeydna uu Af Soomaali ku qoro, waxaan u qaatay micnaha qorshe ayaan jirin ku salaysan waxa la ogol yahay iyo waxa aan la ogoleeyn ama waxaan la dareensanayn mas’uuliyadda adag ee dowladda ka saaran ilaalinta dhaqanka iyo afka hooyo.

Waxaa intaa dheer ahna kuwa ugu daran ee aan la yaabay, waxaa dib loo dayactiray oo la howlgeliyay qaar ka mid wasaaradihii iyo wakaaladihii dowladda waana runtii howl wanaagsan oo muujinaysa dowladnimo rasmi ah oo soo carfeeysa.

Balse in magicii wasaaradda ama hay’adda lagu qoro Ingiriisi iyadoo hoos loo dhigayo qiyamkii luuqadda hooyo oo kaalinta 2-aad, 3-aad la gelinayo, meelaha qaarna aanba lagu xusin sida taargada gawaarida ee cusub waa su’aal hortaalla dowladda Soomaaliya oo xal deg deg ah u baahan.

luuqad (1)

Dalku wuxuu ku jiray 21 sanadood oo burbur dhah waxyaabaha in si deg deg ah lasoo nooleeyo u baahanna waxaa ka mid ah afka hooyo oo aad mooddo inaysan dadka qaarkood u kala cadeeyn muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Waxyaabaha aan la yaabay waxaa ka mid ah dad ku leh eraygaas Soomaaliga ihi wuu nagu adag yahay ee fududee waa sax in wax la fududeeyo lkn waa khalad inuu qofka Soomaaligu ku dadaalo luuqado kale (xitaa Shiineeys iyo Finish waan baranay) hadana uu baylihiyo ama bahdilo tii uu u dhashay isagoo aan u quurin inuu inyarba Allaha ka dhigee uu isku dayo inuu barto dowladduna maaha inay iyana jidkaa jarribka badan qaaddo oo ay khalad istaraatiji ah ku sameeyso luuqadda qaniga ah ee Soomaaliyeed.

mxaajiWaxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: [email protected]

Tifaftiraha; Gool FM.net

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Maxkamad saarida nin ajinabi ah oo lagu qabtay baasabooro Somali ah oo markale ka billaabaneysa Mombasa

Mombasa (Caasimada Online) Waxaa maanta dib uga billaabanaya magaala xeebeedka dalka Kenya ee Mombasa dhageesiga dacwad loo heesto nin sannadkii hore lagu qabtay  halkaas isagoo wata baabuur ay ku raran yihiin baasabooro Soomaali ah.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi Maxamed Cali Nuur Americo ayaa saaka boggiisa Facebook soo galiyay war uu ku sheegayo in maanta oo Jimca ah ay dib u billaabaneyso dacwada loo heesto ninka ajinabiga ah.

Wuxuu yiri “ Xamar ayaan ka soo laabtay, haddana waxan ka soo degay Mombasa oo aan Jimcaha maanta ah ay ka billaabaneyso maxkamaddii ninki lagu qabtay furdada Mombasa oo uu Baasaboro soo geliyay container”

Ninkan ayaa horrey maxkamadiisu waxa ay uga dhacday Mombasa, laakin wali go’aan sax ah lagama gaarin.

Dowladda Soomaaliya ayaa rabta in ninkan maxkamadda ay xukunto oo dacwad lagu soo taago, waana lagala wareegay baasabooradii uu watay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

 

Horay ma u aragtay Hees Shirib ah oo Nuucaan oo kale ah. “Daawo Video”

0

Heesta Todobaadka ee Dhagaha iyo Iindhaha  Bulshada Soomaaliyeed qabsatay ayaa loo aqoonsaday heesta shiribka ii tuma oo dhawaan soo shaac baxday muuqaalkeeda oo qaab qatar ah loo sameeyay.

Heesta waxaa sameeyay Milkiilaha Shabakada Shaaciye.com Husseein Madoobe halka uu Naaxiyada saaran Alfanaan Bashiir Ali Hussein Waxaa qaaday Xiddiga Norway Alfanaan Hussein Abdulle Alasoow “Hussein Nuuriyoow”.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO:

Madaxweyne Xasan oo codsi u diray wariyaasha,digniinna muujiyay.

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay wariyaasha inay joojiyaan Faafinta wararka been abuurka ah ee sumcada ka dilayaa dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Madaxweyanaha Xasan Shekh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in wax laga qaban doono dilalka iyo ugaarsiga lagu hayo wariyaasha Soomaalida.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta isaga iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan wasiiradiisa ay ka qaybgaleen munaasabad ka dhacday hotel Plaza oo lagu soo dhaweenayay aqoonsiga Maraykanka uu siiyay dowaldda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay dowladda in ay baareyso dadkii ka dambeeyay dilalka wariyaashii sannadkii hore la dilay, isla markaana maxkamad la hor keeni doono.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in saxaafadda ay ku jiraan dad xun isla markaana ay hayaan kiisas wariyaal been abuur ka baahiyay dowladda iyo dalka, kuwaasoo uu sheegay in dhaqaale loo adeegsaday si dhibaatooyin ay u abuuraan.

Wuxuu yiri “ Dadka Saxaafadda ka shaqeeya kuwa ugaarsanaya ee dilaya dowladda in ay daba galeyso waqtigii doontaba ha qaadato in la soo taagi doono maxkamad, laakin wiilasheena iyo gabdhaha saxaafadda ku jira bahdilka magaca dowladnimo kuwooda qaar kood ay u sameenayaan in ay aad isaga hubiyaan”

Soomaaliya oo ka mid ah meelaha ugu khatarta badan ee lagu ugaarsado suxufiyiinta ayaa sannadkii hore lagu dilay 18-wariye, waxaana sannadkan billowday la dilay wariyihii ugu horreeyay oo noqday Marxuum Cabdi Xareed Cusmaan Aadan oo ka tirsanaa Shabeelle.

Madaxweynaha muxu ka yiri in awoodaha madaxda ay isku milmeen?

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay hadalo la isla dhex maraayay oo ahaa in awoodii dowladda ay isku dhex milantay taasoo uu been abuur ku tilmaamay.

Waxana uu sheegay in ay ka war qabaan isla markaana ay jiraan dad doonaya in ay dhaawac u geestaan jiritaanka iyo hoggaanka wanaagsan dalka iyo isbadalka ka dhashay.

“Aad ayey noo gubeysay  waayihii dambe khilaafka dowladda ka dhex jiray, khilaafka hoggaanka ka dhex jiray, war maxaa ku dhacay maxay sidaas u yeelayaan, may midoobaan may kala dambeeyaan, maanta waxa soo baxay sida kale kuwa dhahaya , Ra’iisal wasaarihii iyo madaxweynihii waa ay isku milmeen, guddoomiyihii baarlamaanka waaba uu ku dhex milmayba , oo awoodihii kala saarnaa oo kala sareeyay meeshaas ay ku dhammaadeen, maxaa fiican marka”

Wuu sii hadlay “ Mawaxaa fiican in aan isqabsano oo aan is xagxagano oo aan war iska hor imaanaya aan shegno oo midba midka kale uu farta ku fiiqo, miyaa fiicnaan lahayd waa Maya, hadee kuwaasna waxan lee yahay haloo caqli celiyo, waa run anniga iyo ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaa waxa nahay saaxibo, waxan saaxibo ku nahay danta Soomaaliyeed”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Shirka ma nihin, ganacsi nagama dhexeeyo isku jufa ma nihin, isku maxaan iraahdaa koox diineed ma nihin, isku wax kale ma ihin, waxaa nahay madaxweynihii iyio ra’iisal wasaarihii iyo guddoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya, waxaan saaxibo ku nahay oo isku jecelnahay danta Soomaalida in aan isku dhinac u riixno”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda aysan u dul qaadan doonin falalka Kufsiga iyo dilalka loo geeto dadka rayidka.

“Qofka qof Soomaali ah oo aan dambi lahayn oo walaalkiis dilay wax dulqaad ah oo aan u lee nahay ma jirto, ninka gabar Soomaaliyeed u tagay ee kufsaday waa ka siin xun yahay isagana, waxa waaye musuqmaasuga lacagta dowladda lacagta dadweynaha in la xado oo qof gaar ah ka dhigto hanti waa mamnuuc.”

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

MSF “Waan joojineynaa howshii aynu ka heynay Isbitaalka Istarliin”

Guriceel (Caasimada Online) Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn MSF ayaa maanta oo khamiis ah sheegtay in ay joojineyso dabayaaqada bishan howlihii ay ka waday Isbitaalka Istarliin ee degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Hey’adda ayaa arrintan ka sheegtay kulan ka dhacay Guriceel oo looga hadlay go’aanka MSF iyo sidii lagu sii wadi lahaa howsha isbitaalka ee u hayay bulshada.

Aggaasimaha isbitaalka Istarliin Cali Cumar Tarabbi oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in MSF ay joojineyso 30-ka bishan howshii ay ka heysay Isbitaalka.

Isagoo intaas ku daray  isbitaalka in uu ka kooban yahay dhowr qeybood, isla markaana sanadkii hore dhowr kun oo qof loogu sameeyay adeegyo caafimaad oo kala duwan.

Waxa kaloo kulanka ka hadlay qaar ka mid ah maamulka gobalka Galgaduud, Ahlu Sunna iyo dhaqaatiirta isbitaalka Istarliin.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Axmed Yuusuf Ciyow ayaa u mahadceliyay hay’adda MSF oo muddo toddobo sano ah gacanta ku heysay isbitaalka,

Wuxuu sheegay in Isbitaalka ay la soo darsi doonto dhibaato xooggan isla markaana laga cabi qabo in uu xirmo.

Hay’adda MSF ayaa ka howlgaleysay isbitaalka Istarliin tan iyo sanadkii 2006, waxayna sheegtay sababo dhaqaale dartood in ay u joojin doonto howlihii ay ka wadday isbitaalka.

MSF ayaa horry u joojisay howlihii caafimaad ee ay ka wadday magaalooyinka Dhuusamarreeb iyo Beledweyne oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Hiiran.

Waxa kaloo jira iyadoo MSF ka walaacsan labo shaqaale oo looga heesto Soomaaliya, waxana kaloo la sheegayaa in ninkii dilay labo ka mid ah shaqaalahooda uu baxsaday isla markaana uu ku sugan yahay gobalada dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baladwayne

WAR CULUS: Raila Odinga oo amray inaan Soomaalida Islii dib loogu celin xeryaha qaxootiga (Wareysiyo)

Ra’iisul wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga  ayaa Amray in aan Dadka Soomaalida ee qaxootiga ah aan Xeryaha lagu Celin

Hadalkan kasoo yeeray Ra’iisal Wasaaraha Kenya waxa VOA u xaqiijiyey Mudane Faarax Macallin, ku-xigeenka baarlamaanka Kenya oo sheegay in go’aankii la sheegay in dadka qaxootiga ah lagu celinayey uuna ahayn mid maray wadaddii sharciga ahayd ee dawladda.

Dhinaca kale, waxa jira dad wali ka tageya magaalada Nairobi oo, ama dalka Somalia ku noqonaya, ama xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Wareysiyo arrimahan ku saabsan oo ay sameysay idaacadda VOA  hoosta ka dhageyso.

Wareysiyo la Xiriira Soomaalida Kenya

Muqdisho: Hay’ad loo sameeyay inay maamusha lacagaha DF ay ka hesho deeq bixiyaasha (Warbixin iyo Cod)

Muqdisho (Caasimada Online) Kulan ay shaley ku yeesheen dowladda Soomaaliya, danjirayaasha u fadhiya caalamka Soomaaliya gaar ahaan kuwa deeq bixiyaasha iyo Bankiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay hey’ad si kooban u maamusha deeqaha la siiyo dowladda.

Hey’addan ayaa loogu talagalay in ay la socoto dhaqaalaha deeq bixiyaasha ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii lagu xoojin lahaa hay’adaha dhaqaalaha Soomaaliya, iyo sidii lagu ogaan lahaa dhaqaalaha Soomaaliya la siiyo iyo halka ay ku baxaan.

Madaxweyanha Soomaaliya oo ka mid ahaa madaxda ka qaybgashay kulanka ayaa yiri :- “Halkan waxa ka dhacay maanta kulan ay yeesheen dowladda Soomaaliya safiirada deeq bixiyaasha iyo Bankiga Adduunka Waxa ugu muhiimsan oo laga hadlaayay ayaa waxa ay ahayd Soomaaliya sida looga saacida lahaa dhaqaalaha ama beesada iyo siddii Soomaaliya u yeelan lahayd hay’addo maamula beesada dowladda oo loo xoojin lahaa”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in hey’addan loogu talagalay siddii loo heli lahaa hal meel oo lagu shubo beesha dowladda ay ka hesho deeq bixiyaasha isla markaana la isku ogyahay, inta la dhisaayo hey’addaha dowladda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in arrintaas ay tahay siddii loo dhisi lahaa wasaaradda maaliyada, Bankiga Soomaaliya, xisaabiyaha guud iyo hanti dhowraha dowladda.

Hey’addan ayaa lagu magacaabaa Special Faience Facility (SFF)  waa hey’ad loogu talagalay in ay muddo kooban shaqeyso inta hey’addaha Soomaaliya ee Public Finance laga dhisaayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in hey’addan cusub shaqadeeda ugu wayn uu yahay in lacagaha deeq bixiyaasha ay bixiyaan in ay maamusho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in isfaham wayn uu dhex maray dhammaan dhinacyadii ka qaybgalay shirka oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Soomaaliya oo hadda leh dowlad rasmi ah, ayaa dhawaan beesha caalamka ka codsatay in si toos ah lacagaha ay bixinayaan deeq bixiyaasha ay gacantooda ku soo simaan, arrintaas oo la diidday.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaalaha ugu badan waxa uu ka soo gala waddamada deeqbixiyaasha.

Shirkii shaley waxa ka qaybgalay dajirayaasha waddadamada Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Jabaan, Talayaniga, Turkiga, Denmark, Norway, Sweden, Finland, Bankiga Adduunka iyo ururka G7 iyo Qaramada Midoobay.

Dhageyso hadalka Madaxweynaha

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Maxamed Xasan Xaad oo ka hadlay maamul u sameynta Jubbaland

Odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka hadlayay maamul u sameyn deegaanada gobolka Jubbooyinka iyo gobolka Gedo ee koofur galbeed Soomaaliya.

Maxamed Xasan Xaad,gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiya oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in maamul u sameynta Jubbaland ay leedahay masuuliyadeeda dowlada Soomaaliya ,loogana baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan maamul loogu sameyo.

Wuxuu hadal aan wanaagsaneyn ku tilmaamay hadal kasoo yeeray maamulka KMG ee Kismaayo oo ahaa in maamul dowlada aysan waxba kala socon ka hergelin doonaan halkaasi,wuxuuna xaad sheegay in dalka ay ka jirto dowlad rasmi ah.

Jabahada ka jira dalka ayuu ku tilmaamay inay horseed u yihiin dib u dhaca dalka mudda sanadaha ah,isagoo sheegay in waxii ka dambeeyay markii daaqada ay ka baxsaday dowladii dhexe ay sameysmeen jabhado kala duwan.

Wasaarada arimaha gudaha ee xukuumada Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inay masuul ka tahay maamul u sameynta deegaanad Jubbooyinka iyo guud ahaan dalka oo dhan.

1960-kii Aqoonsi, 2013 Aqoonsi, Kee Baa Sax ah? (Warbixi xiiso leh)

– “Waxay ahayd in la yiraahdo waxaa dib u soo laabtey Xiriirkii Mareykanka iyo Soomaaliya… ama la yiraahdo: Soomaaliya iyo Mareykanka oo dib Boorka uga Jafey Xiriirkoodii 22 Sanno ka dib… “

– Waxayna ahayd in Madaxweynaha (Soomaaliya) uu si aad ah isaga Fiiriyo erey bixinta , waayo xitaa Laba Dal oo kala Saxiixanayo Heshiis ayaa mararka qaar ku kala Booda sida loo dhigayo Erey Bixinta…..

Soomaalida waxay Tiraahdaa “Ma Anaa Waalan Mise Cadanaa laga Heesayaa” waxay kaloo yiraahdaan “Hasha Maankeyga Gadayee Ma Masaar Bay Liqdey “ Dhamaan Murtidaan waxay ku tusinayaan marka aad wax la yaabtid oo ay Maskaxdaada ku wareerto , marka waxaan Beryahan Maqlayey iyadoo la leeyahay, ”Mareykankaa Aqoonsi ka helney” marka waxaan is weydiiyey Tolow Ma hadaan Xoriyadda Qaadaney waayo Ereyadaan oo kale waxaa la maqlaa marka uu Dal Xoriiyad uu qaato.

“Waxay Garan la’a yihiin Dadka Soomaaliyeed in Dalka Mareykanka uu Dalkooda la mid yahay , waayo Xoriyad Buu qaatey, Adigana Xoriyad baan qaadaney, mar baa la aqoonsadey, Adigana lagu aqoonsadey , Waa Dal ka mid ah UN-ka, adigana waa ka mid tahay , Ergey baa u fadhiya UN-ka Adigana kuu fadhiya, Calankiisaa ka taagan , kaaga waa ka taagan yahay, Safaarad baa kaaga furan Mareykanka , Isagana uga furan Soomaaliya, marka waxay ahayd in la yiraahdo waxaa dib u soo laabtey Xiriirkii Mareykanka iyo Soomaaliya ee Xumaadey markii Mareykanka Soomaaliya looga diley 18 Askari, wax kale nooma Colaadineynin 22-kaa Sanno ee aan ka ahayn Askartaasi laga Diley oo si Xun loogu jiiddey Dariiqyada Muqdisho , balse waxay ahayd in Soomaaliya Tiraahdo 1500 oo Soomaali ah baa naga Dishey ee aan Furno Baal Cusub oo aan iska Ilowno wixii horey aan isugu geysaney ”.

Sida hadda loo dhigayo oo ah in aan aqoonsi helney , waxaa meesha ka baxay wixii Halgan ahaa ee ay dad badan ay Dhiigooda u daadiyeen si Xorriyad aan u helno ,waxayna arintu ku Biya Shubaneysaa in maanta Soomaaliya ay Xor Noqotey oo ah Sannadka 2013, wixii waqtigaa ka horeeyey wixii Halgan la soo marey ay noqonayaan Hal Bacaad lagu lisey.

Hadaba Xoriyada ama aqoonsiga aan maanta helney sida ay ku Hadaaqayaan Qaar ka mid Masuuliyinta Dowlada iyo Saxaafada Soomaalida , Runtii aniga waxaa u qaatey in 22-kii Sanno ee aan ku jirney dagaalada ay ahaayeen kuwa Xornimo doon ah waayo sidaa ayey u dhigmeysaa, marka wixii Gabood falo ahaa ee dhacay 22 kaa Sanno ee aan isku geysaney ama naloo geystey in ay tahay Abaal Marintoodii.

“ Dadka Soomaaliyeed wax ma Hubsadaan oo wixii Saxaafada reer Galbeedka u Meeriyaan oo welibana Saxaafada Soomaaliya ay sii Buun Buuniyaan ayey ku dhaqaaqaan, malaha Aragti ah in ay iska fiiriyaan ama iska Hubiyaan wax loo Meerinayo, waxaana la yaab leh in maanta la abaabulo Banaanbaxyo la leeyahay waxaan aqoonsi ka helney Mareykanka, oo welibana ay la soo taagan yihiin dad Masuuliyad Sheeganaya”ayuu yiri Cali Jaamac oo la yaabanaa dad la leeyahay waxay ka yimaadeen Banaanbaxyo lagu taageerayo “Aqoonsiga Soomaaliya” waxaa uu ku sii darey “Markaan qaadanay Xoriyada waxaa laga joogaa 53 Sanno marka Dowladdi Rayidka iyo Tii Milatariga iyaga waxay ahaayeen kuwa Ku meel gaar ahaa mar haddi maanta la leeyahay Soomaaliya waxay heshey Aqoonsi, marka aniga waxaan u arkaa in Mareykanka uu na Gumeysanayey Soomaaliya 22-lii sanno ee la soo dhaafey, maanta Afka lala ma taageen in la yiraahdo Soomaaliya waxay heshey Aqoonsi , marka waxaa la doonayaa in si Maskaxiyan ah loo baabiyo Halgamayaashii Soomaaliya sida Axmed Gurey, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo 13 Kii Dhalinyarada ee SYL oo iyagu Naf iyo Maal u hurey Xoriyadii aan ka qaadaney Gumeystihii “ayuu yiri Ismaacil Muumin oo ka mid ah Odayaashii u soo joogey Waqtigii Xoriyadda.

“Waxaa Xaqiiqo ah in aan weli ku jirno Gumeysi Dhinaca Maskaxda ah mana garanayo goorta aan ka Xoroobi doono , aad baan ula yaabanahay in dad maanta ku faraxsan yihiin in aan helney Aqoonsi aniga waxaan aaminsanahy in aan weli helin Xoriyadii saxda ahayd waayo waxaa maalin kasta lagu soo Xadgudbaa Dhulkeennii , Baddeennii iyo Cirkeennii waxaana Xoroobi doonaa marka aan la mid noqdo kuwa noo diidan Sinaanshaha dhinaca Ciidamada , Hubka iyo Technology-da Casirga ah , laakiin inta lagaa hortaagan yahay arrimahaasi weli Xor ma tihid , waxaa ku jirnaa Khiyaali iyo nolol u dhaxeysa Geeri iyo Dhmasho”ayey tiri Xaawo oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo intaa Raacisey sidan:

“Waa wax laga Yaqyaqsoodo in maanta la yiraahdo Waa nala Aqoonsadey oo dib naloo Celiyo, Mareykanka Aqoosigiisa waxaa uu la mid yahay waan Socon weyney ee aan Orodno , Xaqiiqdii intii aan ku Jirney Dagaalada Dowlado ayaa marnaba ka bixin Dalka weliba Safaaradahoodii kuwaas oo Soomaaliya la qaybsanayey Dhib iyo Dheef, waxaan ka mid ahaa Safaardahaasi Liibiya, Suudaan iyo kuwa kale oo weliba nala joogey Xilli Xaaladu adag tahay , marka kuwaa baa abaal weyn nagu leh , waxayna Raxawen Tiraahdaa “Abaar Baxaasee ,Ceebaa Dhaafaase “oo ah Abaar waa Baxeysaa laakiin Ceeb bay Dhaaftaa ama ka tagtaa , marka Qofkii kuu soo Gurman waayey Xiliga aad dhibaateysan tahay Aqoonsiga maanta uu ku aqooonsadey waa mid Qosol ku jab ah, marka Soomaalida waxaan leeyahay nin wax ku tari waayey 22-kii Sanno ee la soo dhaafey oo welibana Dagaal kuugu hayey dhinac kasta ah waxba yaan laga sugin , waxayna arrintu la mid tahay”Nin ku Diley Har kuuma jiido”ninkii is lahow Mareykanaa aqoosigiisa ayaa Barwaaqaa la Durduuran doontaa Sakiin Liq”

Guntii iyo Gabagabadii Dadka Soomaaliyeed Wali waa Nool yihiin , Ciidda Madaxa waa ka Ceshedeen , Sidaa Darteed weli dadka Soomaaliyeed ma fahamsana Dhagarta Reer Galbeed ee ay Dejisteen waqti hore ,waxaa Xaqiiqa ah in aan si dhab ah u Xoroobin Xoriyadii aan qaadanayna 1960-kii waxay ahayd mid aan Dhameystirneyn oo Muuqoodii baa naga tagey waayo iyaga keliya ayaan Hub Sameysan kara , iyaga ayaa Adduunka ugu Ilbaxsan , iyaga ayaa Harumar gaari kara marka waxaana leeyahay Dadka Soomaaliyed isku tashada oo iska daaya hadba waxa la idiin Meerinayo ee ay soo Gudbinayaan Warbaahinta Reer Galbeedka Mideenana ay Faafinayaan oo had iyo jeer Jeebka kala soo Baxa wax iyaga Dan ugu jirto.

Haddi ay run sheegayaan waxy dhihi lahaayeen Soomaaliya Waa Dal Madaxbanaan oo Xoriyadiisa Qaatey 1960-kii ee Ereyga Aqoonsiga ee aan Shafka ku soo qaadanay,waxay ahayd in Madaxweynaha uu si aad ah isaga Fiiriyo erey bixinta ,waayo Laba Dal oo kala Saxiixanayo Heshiis ayaa mararka qaar ku kala Booda sida loo dhigayo Erey Bixinta ,waxayna ahayd in la yiraahdo”Soomaaliya iyo Mareykanka oo dib Boorka uga Jafey Xiriirkoodii 22 Sanno ka dib ” ama la yiraahdo Mareykanka oo wax ka Badeley Go’aankiisii hore ee Soomaaliya.

Hadaba Su’aasha isweydiinta Mudan waxay tahay 1960 Miyaan Aqoonsi helney mise 2013-ka .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail [email protected]

E-Mail [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalka waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixa