Warbixin: Qaramada Midoobe oo war kasoo saartay ka bixitaanka Ciidanka Ethiopia iyo Amisom ee Somalia
Addis-Ababa (Caasimada Online – Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in ciidamada dowladda Somalia aysan awood u yeelan doonin inay beddelaan ciidanka Amisom, illaa beesha caalamka ay meel saarto maal gelintooda iyo tababarkooda.
“Ka bixitaanka ciidamada Ethiopia iyo kuwa Amisom ee Somalia, waxa ay ku xiran tahay ku filnaanshaha ciidamada Soomaalida ee dalkooda” ayuu yiri wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia, Augustine Mahiga.
“Habka ciidamada Soomaalida loo tababaryo ma ahan sidii ugu xowlisanaa ee aynu fileynay, sababtoo ah maal gelin la’aan darteed” ayuu yiri Mahiga oo ka hadlayay magaalada Addis-Ababa.
Mahiga ayaa sheegay in taa macaheedu yahay in ciidamada Ethiopia iyo kuwa Amisom ay dalka sii joogi doonaan illaa waqti aan la shaacin, ka bixistoodana ay ku xirnaan doonto sida ciidanka Soomaalida ay ugu diyaar noqdaan inay dalkooda la wareegaan.
“Midowga Yurub oo bixiya mushaharka Amisom, ayaa iminka ka xaajoonaya sidii maal gelin damaanad qaadan ay ugu sameyn lahaayeen ciidamada Soomaalida” ayuu yiri Mahiga.
Waxa kale oo uu Mahiga shaaca ka qaaday in Turkey iyo dalal kale oo ku yaalla gacanka Persia laga yaabo in iyagana ay taageero ku yaboohaan.
“Marka helista mucaaradka la baa bi’iyo waxaa suurta gal ah in howl galka Midowga Africa ay sidoo kale ku lug yeelato Qaramada Midoobe” ayuu yiri Mahiga.
Xafiiska Wararka Caasimada Online
Addis-Ababa, Ethiopia
Dawladda Somalia oo casriyaynaysa hanaanka mushahar bixinta
Dowladda Soomaaliya ayaa bilaabaysa barnaamij cusub bisha Abril si shaqaalaha dowladda lacagtooda si otomaatik ah looogu siiyo iyada oo uu maamulayo Baanka Dhexe ee Soomaaliya.
Wasiirka Dhaqaalaha iyo Qorshaynta Maxamuud Xasan Sulaymaan ayaa sheegay in barnaamijka uu yahay mid kamid ah dhowr horumarin oo looga dan leeyahay casiriyaynta hanaanka dhaqaalaha dalka, iyadoo la isku miisaamayo miisaaniyadda, lagulana dagaalamyo musuqmaasuqa maamul iyo kan dhaqaale.
Shaqaalaha dowladda ayaa hadda mushaharkooda lagu siiyaa si kaash iyaga oo ka qaadanaya xisaabiyayaal xadidan oo wasaaradahooda ka socda kadib marka dhaqaalaha laga soo qaado Baanka Dhexe. Xisaabiyayaasha ayaa mas’uul ka ah in ay lacagta kas oo qaadaan Baanka Dhexe, iyagoo siinaya shaqaalo walba marka uu saxiixo ama ay saxiixdo warqad cadaynaysa bixinta lacagta.
Hanaanka, oo ay qeyb ka tahay lacag si muuqata loo bixinayo, qaadidda lacag aad u tirio badan iyo buuxinta waraaqo, ayaa inta badan waxa ay keentaa dib u dhacyo mushaharka ku yimaada iyo lacagaha oo la geeyo meelaha aan loogu talo galin, ayuu yiri Sulaymaan.
Wasiirka ayaa sheegay in hanaanka cusubi uu ka hor tagayo dib u dhacyada caynkaa ah, uuna hor seedayo isla xisaabtan iyo hufnaan la xiriirta maamulidda dhaqaalaha shacabka.
Iyada oo la raacayo hanaanka mushahar bixinta atomaatika ah, shaqaale walba oo kuwa rayidka ah waxaa Baanka Dhexe laga siin doonaa xisaab u gaar ah halkaa oo mushaharaadkooda loogu wareejinayo iyo jeeg lasiin doono bilowga bil walba.
Dowladda ayaa sidoo kale qorshaynaysa in ay canshuuro kusoo rogto shirkadaha xawaaladaha, kuwa isgaarsiinta, qaadka, sigaarka iyo ganacsatada suuqyada maxaliga ah, ayuu yiri. Canshuuraha ayaa sidoo kale lagu soo rogi doonaa alaabaha kasoo dagaya dekedaha Muqdisho, Kismaayo, Boosaaso iyo Berbera.
“Waanu la dagaalami doonaa musuqmaasuqa maamul iyo kan dhaqaale, waxaanuna dhaqan galin doonaa qorshayaal noo ogolaanaya in aannu ururino canshuuro badan, aanana ilaalino balamaheena ahaa in aan u shaqayno dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Sulaymaan.
Hufnaanta Caalamka, oo ah hay’adda bulshada rayidka ah ee la dagaalanka musuqmaasuqa, ayaa 176 dal 2012-kii kaalinta hore ka dhigtay Soomaaliya, Afgaanistaan iyo Waqooyiga Korea dallaka ugu horeeya musuqmaasuqa.
Xaalad suuq qasnaan ah
Dowladdu waa in ay qaadda talaabooyin badan si loo hagaajiyo dhaqaalaha shacabka oo qeyb ka ah dadaalo lagu dajinayo dhaqaalaha, ayay falanqeeyayaashu yiraahdeen.
Bashiir Mardaadi Saalax, oo ah dhaqaaleyahan ayaa sheegay in ay tahay in sharci la sameeyo si loo xaqiijiyo in mushaarka shaqaalaha rayidka ah lagu bixiyo si kaash ah si loo xasiliyo qiimahiisa marka la eego lacagaha ajaanibta ah. Xiligan, lacagaha ajaanibta ah ee ka shaqeeya Baanka Dhexe ayaa lagu qiyaasaa $170 milyan oo doolar waxa ayna dib u dhiagayaan qiimaha sii kacaya, ayuu sheegay.
Saalax ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay tahay in ay hayso lacagaha ajaanibta ah si loo dhiso, loona keeno shilinka Soomaaliga ah ee la daabacay intii lagu jiray xiligii kala guurka balse aan wali suuqa la galinin.
Hiba Cabdi Khaliif, oo ah dhaqaaleyahan kale ayaa sheegtay in xoojinta booska Baanka Dhexe ay sidoo kale gacan ka gaysanayso joojinta bed bedelka sarifka ee ay samaynayaan ganacsato madax banaan oo aan nidaamsanayn.
In kastoo Baanka Dhexe ee Soomaaliya dib loo furay sanadkii 2009-kii, hadana ganacsato madax banaan ayaa maamula sarifka lacagaha, waxa ayna awoodaan in ay ku cayaaraan suuqa. Sanad gudihiis, waxa ay sheegtay, in ganacsatada ay ka faa’idaysteen dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay nidaam la’aan iyo yaraanta helidda shilinka Soomaaliga si dantooda ku jirta oo ay ciyaaraan sarifka lacagaha.
Khaliif ayaa ka digtay in Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Qorshaynta ay ku guul darreysato in ay soo xirto shakhsiyaadka ku lugta leh ku cayaaridda sarifka, taa oo saamaysay nolosha qoysas badan oo Soomaali ah oo noloshooda ay ku xirantahay biilal looga soo diro dalka dibadiisa.
Janaayo 17-keedii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaqaalayahanka Cabdisalaam Cumar u magacaabay guddoomiyaha Baanka Dhexe. Cumar ayaa kasoo shaqeeyay Baanka Adduunka, waxa uuna shahaadada ugu sareysa ee maamulka guud ka haystaa Jaamacadda Tennessee ee dalka Mareykanka.
Isha: Sabahi
Daawo Video ku saabsan horumarka Magaalada Jowhar ee Maanta.
Muuqaalka maanta aan idiin soo gudbineeyno waa mid ka hadlaya Horumarka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolk Shabelada Dhexe taas oo tan iyo markii ay la wareegyn Ciidmada Dowlada Horumar weyn ku talaabsatay.
Hadaba Aqritsoow Muuqaalkani waa mid ku tusinaya in uu yahay Muuqaal Xiiso badan ama muuqaal ku tusinaya in Dalka uu ka baxayo Colaada iyo Dhibka.
Baaritaan lagu sameynayo duqeynta diyaaradaha Drone-ka ee Somalia
London (Caasimada Online) Waxa magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ka billiowday baaritaan lagu sameenaayo wax yeelada ay geesteen duqeymaha diyaadaha Drones-ka ay ka geestaan waddamo ay ku jirto Soomaaliya.
Arrintan ayaa waxa baareysa koox ka socota Qaramada Midoobay, kuwaasoo hadda gacanta ku haya illaa 25-dhacdo oo la xiriira weerarro Drones-ka ay ka fuliyeen dalalka Soomaaliya, Pakistan, Afghanistan, Yemen iyo Falastiin.
Waxa kaloo la baarayaaa khasaaraha ka dhashay weerarradaas, oo dad badan ay ku dhinteen kuwa kale ay ku dhaawacmeen.
Ben Emmerson waa wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan la dagaallanka argagixisada iyo arrimaha xuquuqda aadanaha wuxuu hoggaaminayaa baaritaanka arrintan, wuxuu sheegay in uu rakeenayo xog badan laga heli doono baaritaanka billowday
Diyaaradaha Drones-ka ayaa inta badan waxaa adeegsada waddamada Maraykanka iyo Israel, waxana dadka ku dhintay ka mid ah carruur iyo haween.
Meelo badan oo adduunka ayaa waxaa ka dhacay dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo weerararada ay geestaan diyaaradaha Drones-ka.
Ugu dambeen warbixinta guddigan QM ka socda ayaa dhammaadka sanadkan waxa baaritaankooda la horgeeyn doonaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi
Maxaa ka jira in barbarooniga u roon yahay cayaarta sariirta?
Barbarooniga waxa uu ka mid yahay khudaarta inta badan dadka ay aadka u jecelyihiin. Gaar ahaan Soomaalida aad bay u isticmaashaa xiliyada ay karsanayaan cunada. balse kuma baraarugsano in wax badan uu kusoo kordhiyo jirka aadmiga, ragga iyo Dumarka.
Ragga inta badan xiliyada ay socoto ciyaarta sariirta waxa ay u kala baxaan kuwa ku daaha ciyaarta iyo kuwa wareega hore ku hara, waxaana la ogaaday in dhibtaada ay tahay xanuuno xiligaasi jira iyo qofka oo aanan ku qanacsaneyn in uu sii saarnaado sariirta, si kastaba ha ahaatee Barbarooniga ayaa la ogaaday in wax badan uu ka taro biya daaha ama in ay bataan biyaha oo xiisaha iyo ciyaarta sariirta ay noqoto mid aan dhamaan oo la macaansado.
Baaritaan la sameeyay ayaa waxaa lagu soo ogaaday qoysaska Soomaalida ee inta badan isticmaala barbarooniga ay badan yihiin ayagoon ka warheyn waxa uu taro balse isaga darsada cunada oo qura, taa oo ugu danbeyntii nagu kaliftay in aan soo bandhigno faa’ida iyo wax tarka gaar ahaan uu u leeyahay ragga barbarooniga.
Kaliya biyaha ma badiyo ee waxa uu kobciyaa awooda iyo in xiisaha sariirta in uu sii ahaado mid aan lagu kala bixin xili hore waana faa’ida uu ilaahay barbarooniga ku dhax abuuray.
Inta badan barbarooniga waxaa laga helaa goobaha lagu gado khudaarta waxaana sameyn kartaa adigoon karin ayaad ku cuni kartaa ceyriinka wax dhib ah kuguma uu abuurayo hadii maalin kasta aad ka isticmaasho wajbad ama garaam dhan, 1/2 ama qiyaas ahaan 5-xabo waxaan kuu balanqaadayaa in wax badan ay iskaa badali doonaan dhanka ciyaarta sariirta oo aad noqon doonto mid awood u leh in wax badan in uu sii safto ama biyo badan uu ku maansheeyo nawaaxiga macmacaanka xaaska.
raaxadaguurka,blogpost.
MUCJISO: Guri iyo dadkii ku noolaa oo gubtay iyo Kitaab Qur’aan ah oo bad-baaday (Aqri faah faahin)
Alle ayaa Quraankiisa noogu sheegay inuu koryeelaayo ama uu xafidaayo Quraankiisa, Waxa ay ahayd Maalin Talaado ah waxaa mar Qura Gubtay Guri ku yaala Dalka Ciraaq oo ay ku sugnaayen Ehelkii lahaa Gurigaasi ruux ka bad-baadayna ma jirin Dabka ka kacay gurigaasi markii laga reebo Kutubo Qur’an oo yiilay Qeyb kamid ah Gurigaasi
Arintaasi waxa ay mucjiso Rabbaani ah ku noqotay Dadka Reer Ciraaq waxaana goobta uu Guriga ku yiilay soo buux-dhaafiyay Ciidamada Amaanka si ay u bad-baadiyaan Ehelka Hooygaasi kunoola Hayeeshe ma jirin cid ka bad-baaday dabkaasi ka kacay Gurigga
Guriga ayaa gubanaayay muddo laba saac ah mana jirin cid awooday inay damiso Dabkaasi, Saacado kadib marka dabka uu yaraaday damintiisa waxaa awood ku bixiyay Ciidamada ka hortaga dhibaatooyinka Bulshadda waxa ay damiyeen Dabkii waxa ayna gudaha u galeen Guriggi waxa uu indhahooda qabtay dadkii iyo alaabta Gurigga oo wada gubtay Hayeeshee waxaa bad-baaday Kutubo Quraa’n
Ugu dambeyntii Baaritaano kadib Ciidamada Amaanka waxa ay soo xaqiijiyeen in Gurigaasi uu ahaa mid xili waliba lagu sameyn jiray waxyaabo uusan alle raali ka ahayn taasina waxa ay soo dadajisay in Mucjisadaasi ay ku habsato gurigga
Anwar Bakhiit
Daawo Video: Wax ka Baro Dadka Dunida ugu Nasiibka Badan.
Aduunka wax badan baa ka dhaca waxkastana waxeey ku dhacaa qadarta all waxaan maanta soo arkay muuqaal aan in badan daawaday oo aan jacelahay in aan nala wadaagaan muuqaalkaan ka hadlaya Dadka Dunida ugu nasiibka badan ee ka badbaaday shilal qatar ah.
Hadaba Aqristoow ogoow alle dile ayaa dhinta qofkii tiisa soo gasha ayaa dhinta mar walba alle ku kalsoonoow oo ku xirnoow asagaa ku badbaadinaya.
Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo isku badalay garoon caalami ah iyo Isbadal horrumar oo ka jira
Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah wariyaasha Shabakadda Caasimada Online oo maanta booqday garoonka diyaaradaha Muqdisho Aadan Cabdulle Cismaan ayaa waxa ay soo arkeen mashuul ballaaran oo ka socda garoonka.
Garoonka ayaa wixii ka dambeeyay daba yaaqadii sannadkii hore, markaas oo inta badan magaalada Muqidsho ay noqotay mid ammaan ah, waxaa ku soo badanayay diyaaradaha immaanaya, kuwaasoo qaar kood ka yimaada waddamada Yurub.
Garoonka Muqdisho ayaa maalintii waxa soo caga dhigta ugu yaraan 45-diyaaradood oo qaar kood ka yimaada waddamada Yurub .
Diyaaradahan ayaa badankood waxa ay sidaan rakaab doonaya in ay dalka dib ugu soo laabtaan iyo kuwa soo qiimeenaya isbadalka ka dhashay magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidanka AMISOM Col : Cali Aadan Xumad ayaa dhawaan sheegay in garoonka maalintii ay soo cagadhigtaan illaa afartan diyaarad oo badankood ah kuwa raab wada.
Inta badan waxa dadka ka keenta Yurub diyaaradaha Turkish Airline oo ah diyaarad laga lee yahay dalka Turkiga.
Diyaaradan waa diyaarada kaliye ee duulimaad caalami ah ka sameesa Soomaaliya tan iyo markii sannado badan uu dagaal ka socday Muqdisho.
Diyaaradan ayaa toddobaadkii waxa ay magaalada Muqdisho timaadaa labo jeer, waxana dadka raaca iyo kuwa ay keento aad u badan kuwa ay sido.
Sidoo kale waxa jira dhowr diyaaradood oo iyana ka yimaada Africa, iyo waddamada Asia , waxana ay keenaan magaalada Muqdisho rakaab aad u badan.
Dadka ugu badan ee magaalada Muqdisho yimaada waa kuwa ka soo cararay waddanka Kenya oo ay ku nool yihiin Soomaali badan.
Kenya ayaa dhawaan ku amartay Soomaalida ku dhaqan magaalooyinka in ay dib ugu laabtaan xeryaha qoxootiga, kuwaasoo ay buux dhaafeen isla markaana go’doon ah.
Dadka ku soo qulqulaya magaalada
Magaalada Muqdisho waxa soo buux dhaafiyay qurba joog fara badan kuwaasoo doonaya in ay dalka maalgashi ku sameestaan.
Waxa qaali noqday qiimaha lagu kireesto guryaha, waxana magaalada ka billowday dib u dhis ballaaran.
Qaar badan oo dadkaas waxa ay magaalada ka sameeyeen xarumo ganacsi iyo hotello waaweyn oo aan horrey aan loo dhisin.
Gawaari ku soo badanaya magaalada
Magaalada Muqdisho ayaa waxa ku soo badanaya gaadidka noocyadooda kala gadisan,kuwaasoo loo aaneenaayo ammaanka magaalada waayahan dambe ku soo kordhay.
Isbadalkaas iyo baabuurta badan waxa ay keeneen in magaalada la ciirciirto baabuur iyo dad ka yimid qurbaha, waxana soo kordhay shilalka gaadidka.
Inta badan baabuurta dad waynaha iyo kuwa sida gaarka loo lee yahay ayaa isticmaal waddada kaliye ee magaalada ugu mashquulka badan ee Makah Al-Mukaramah.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Ra’iisul wasaare Saacid oo la hadlay Ciyaartoya K.Koleyga
Ra’iisul wasaaraha Dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka hadlay doorka ciyaartoydeena ay ka ciyaarayaan ciyaaraha kubada koleyga ee ka socda dalka Tanzania ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay guulihii ugu dambeeyay ee ay soo hoyeen.
Cabdi Shirdoon ayaa sheegay in xukuumadiisa ay ku dadaali doonto dhiiro gelinta kooxaha ciyaaraha dalka Soomaaliya,wuxuuna farxada uu la wadaagay kooxda kubbada koleyga ee ka badiyay xulalka Kenya iyo Burundi.
Ra’iisul wasaaraha ayaa qadka telefoonka kula hadlay ciyaartoyda Soomaaliyeed iyaga oo ku sugan magaalada Daarasalaam ee caasimada Tanzania,wuxuuna ugu hambalyeeyay guulihii ugu dambeeyay ee ay soo hooyeen.
Ciyaartoyda Soomaaliyeed ayuu sheegay ra’iisul wasaaraha dalka inay usoo dulqaateen daruufo kala duwan oo soo maray,wuxuuna sheegay in dib u dhiska dalka iyo horumarinta ciyaartoydaasi ay isla socon doonaa.
Waa masuulkii ugu horeeyay oo ciyaartoy dibbada ku maqan u hambalyeeyo guulo ay soo hoyeen,waxii ka dambeeyay markii xukuumadaan lasoo dhisay.

