28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Daawo Video: Dadka dunida oo Yaab aan horey loo arag sameynaya 2013

0

Maalin kasta wax cusub ayaad ku arkeysaa adduunka, dadkuna waxa ay sameynayaan waxyaabo yaab leh oo aan horey loo arag ama ay adkeyd in xitaa la sameeyo markii hore.

Video-gan waxaa halku dhiggiisu yahay “People are Awesome in 2013” (Dadku waa cajiib sanadka 2013), waxaana lasoo ururiyay dhacdooyin badan oo dadku ay sameynayaan waxyaabo yaab iyo qosol leh

HALKAAN RIIX  SI AAD U DAAWATO:

 

Dhacdo la yaab iyo amakaag leh oo lagu arkey waddanka Sacuudiga

Haddii ay aad Maqli jirtey Dad Soomaali ah baa Madaxfurasho loogu Haystaa Liibiya, Koonfur Afrika , Yaman, Koofurta Suudaan, Kenya , Musaambiik, Tansaaniya, Angola, Zaambiya iyo Wadamo kale , waxayna dadka Soomaaliyeed Madaxfurshadaasi ku bixiyaan lacag aad u fara badan, si loo siidaayo la Haystayaasha , iyadoo taasi jirto ayaa dhacdo la yaab leh waxaa laga soo Calaamadeeyey mid ka mid ah Wadamada ugu Xasiloonida badan Dunida oo aan laga fileyn in Dhacdo Noocaas ah ka Dhacdo.

“Anigaa ku jira Goob laga Xawilo lacagaha ayaa waxa ii so galey Haweeney aan si wanaagsan isku Garaneyney ,markaan iska qaadney Salaantii ayey Xoogaa Afka Moroojisey , markaas baa ku iri “ Hooyo Sidee waxa u jiraan , Markaasey igu tiri “iska aaamus wax la yaab leh baa soo kordhey,waxay sii daba dhigtey Tanina ma ii Harsaneyd, reer Xamarka ayaa yiraahda “Cimrigaada oo Dheeraaday Geel Dhalaa ku Tusiyaa”

Inta soo fariisiyey ayaa isi hoose u iri “Hooyo maxaa dhacay , markaas baa iri “ Ma yara waxa kaa yaabiyey ee Hooyo ii waran “ Markaas bey tiri “ Nin aan yaabin ayaa ku leh waa yaabey” waxay sii raacisey “Ma fududda waxaan maanta i keeney Xawaaladaan” Markaas baa ku iri “Sow hore uma imaan jirin “ Maya ..Maya oo Maxay yihiin waxa maanta halkaan ugu soo Muraadeey waxayna tiri.

“Wiilkeygii oo Sacuudiga Jira ayaa Xaley i soo wacay markaasuu yiri “Hooyo waan Xiranahay,marka waxaa la iga rabaa Lacag MadaxFursho ah? Markii uu Wiilka hadalkaasi i yiri “ Taleefoonkii baa tuurey oo aan iiri “Hoogayeey .. Hoogayeey .. Hoogayeey , ma maantaa Sacuudigii ka bilaabantey in Soomaalida lacag Madaxfursho looga qaato walee waa yaab”

Waxaa weydiiyey Hooyo Lacagta Madaxfurashada ah waa imisa . waxay ku jawaabtey waa “Sideed Boqol oo Doolar” .waxaan sii weydiiyey oo Hadii lacagtaasi la bixiyo ma la siideynayaa Wiilka “ Waxay tiri “haa”waxay sii raacisey Isaga keligiis ma aha waa dhowr Qof oo loogu hanjabey in haddi aysan lacagtaasi bixin Tarxiilka lagu dari doono”

Hooyo Wiilka ma weydiisey Cidda ay u xiran yihiin oo Madaxfurashda ka dooneysa,waxayna ku jawaabtey “War waa Soomaali iyo Sacuudiyaan isku jira arrimaha noocaan oo kale ka bilaabey Sacuudiga “ Hooyo maxaad u oran weydey Wiilka Tarxiilka ii soo raaciya inta aad bxin lahayd lacagtaas faraha badan “waxay tiri ‘ Hadda ayuu Saucudiga galey marka Calaacalkii buu igu badiyey marka waan ku qasbanaadey in aan bixiyo lacagtaasi “

Waxaa weydiiyey armuusan Xirneyn oo uu Lacagta si kale kaaga doonayaa.waxayna ku jawaabtey “ Waa wax dhici kara ,Wiilkeyga Run baan ku aqaaney u maleyn maayo in sidaa wax ku raadinayo,marka dadka Wiilkyeyga haysta waa Soomaali iyo Sacuudiyaan iyagaa ila soo Hadley mid af Soomaali buu ku hadlayey,waa kii noo kala Dab qaadayey midna Afka Carabiga ayuu ku hadlayey, aniga kiligeyga maahina dad baa Wiilkeyga la xiran oo Madaxfurasho laga doonayaa”

Laba maalmood ka dib ayaa Hooyadii wacay waxaan ku iri “ Wiilkaadii ma laguu soo daayey “ waxay tiri “Hooya haa.. waa la ii soo daayey , waa Ilaah Mahadii haddi Wiilkeygii Xoryahay , waxaan Dowlada Sacuudiga ugu baaqayaa in arrimaha Sacuudiga ku soo kordhey ay wax ka qabtaan oo Baaraan, maadaama ay tahay dowlad aan ogoleyn dhacdooyinka noocaan oo kale ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected].

Madaxweyne Xasan oo markii ugu horeysay qeyb galaya kullanka AU

Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxaa maanta ka furmaya shir balaaran oo ay ka qeyb galayaan madaxda dalalka  midowga Africa.

Shirka ka dhacaya dalka Ethiopia oo ah mid sanadle ah ayaa markii ugu horeysay sanadkaan waxaa ka qeyb galaya madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadli doonaa xaalada dhaqaalaha wadamada Africa iyo xaalada dagaalada ka taagan dalal badan oo qaarada Africa ku yaala.

Warar hordhac ah oo shirka kasoo baxaya ayaa waxay sheegayaan in kulanka inta badan diirada lagu saari doono wadanka Mali dhibaatada ka taagan iyo xaalada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa wafdigiisa ku wehliya wasiirka maaliyada xukuumada Soomaaliya,waxaana halkaasi kaga sii horeeyay wasiirka arimaha dibada xukuumada Soomaaliya.

Shir madaxeedka midowga Africa oo maanta ka furmaya Addis Ababa

Addis Ababa (Caasimada Online) Waxaa maanta oo Axad ah magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ka furmaya shir madaxeedka midowga Africa.

Shirkan oo ah kii 20-aad ayaa waxa ka qaybgalaya madax  badan oo ka socota gobalka iyo wafuud caalami ah.

Wax yaabaha hareen doona shirkan waxa a ugu horreeya xiisadda ka taagan Maali, khilaafka u dhexeeya labada Sudan iyo arrinta Soomaaliya oo shir kasta looga hadlo.

Ammaanka goobta uu shirka ka dhacayo ayaa aad loo adkeeyay, waxana meel kasta la dhigay ciidamo ammaanka suga.

Waxa magaalada ku soo qulqulaya madax badan oo ka socota gobalka, kuwaasoo shirka ka qaybgalaya.

Madaxda ka qaybgaleysa waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay shaley gaareen Addis Ababa.

Shirka ayaa maanta duhurkii furmi doona, waxana uu soconaya illaa labo maalin oo ah maanta iyo  berri ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

Xukuumadda Faroole waa midda ka mas’uul ah fashilka iyo guuldarrada siyaasadeed ee dowladda Puntland.

Maaha markii ugu horaysay ee Dowladda Puntland ee Soomaaliya  soo hadal qaado arimaha ku aadan Muqdisha Caasimad ahaan iyo lahaansha ahaan.

Waa dood dhadhan beeshay oo  waqtigeeda munaasabka ahi aan la gaarin oo jujeedada laga leeyahay ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deeganada Puntland lagu mashquuliyo isla markaana laga weeciyo fashilka iyo guul darrada siyaasadeed, hor’umar la’aanta nolosha reer Puntland iyo mus-maasuqa xariga goostay ee  xukuumadda  hadda ka taliso ee  waqtigeeda dhamaaday ka mas’uul tahay.

Governatooraha Puntland Faroole iyo xukuumadiisa oo shacabka  Soomaaliyeed ee Puntland ku dhaqan ku haaya dhibaato,  handadaad iyo cagajugleen xad dhaaf ah, xukuumad ku dhisan nidaam diktatooriyeed ay u horseedayaan qoyska Faroole (xusuus xukuumadii Siyaad Barre) oo aan ogoleen xurriyada uu muwaadinka reer Puntland uu xaq u leeyahay, xukuumad rabto in sandulleyn u kororsato waqtiga uu sharciga ay ku heshiiyeen dhigayo, xukuumad xabsiga u taxaabaya cid kastoo ka hortimaado uma aan aragno kana yeelimayno in ay soo faragashato oo ay ka hadasho arimaha qusaysa Muqdisho Caasimad ahaan iyo lahaansha ahaan.

Muqdisho waa dhul Soomaaliyeed, waxaana degan ummad soomaaliyeed, Muqdisho waxay ka mid tahay magaalooyinka Soomaaliyeed waxaana iska leh ummad Soomaaliyeed, Muqdisho waa caasimadda Qaranka Soomaaliyeed shalay bay aheed, maanta ayee tahay berrri iyo mustaqbalka dambe ee foog ayee ahaan doontaa,Muqdisho waa hooyada magaalooyinka soomaaliyeed waxaana nasiibkaasina u qadaray Ilaahay subxaana wa tacaalaa.

Hadalada ka soo yeeraya xukuumadda Puntland waa wax lagu qoslo oo aan murti lahayn xigmadna wadanin, Muqdisho weligeed bay ahayd Magaalo ay Soomaalida cidna marti ugu ahayn saa waa magaalo Soomaaliyeed waa Caasimadda Qaranka, waa magaalo ay kuwada nool yihiin dhamaan beelaha Soomaaliyeed, waa magaalo soomaali kasto hanti ku leedahay, marka mudane Max’uud Caydiid Dirir yuusan iku mash’quulinin Magaalada Muqdisho ee ha u howlgalo hor’umarinta  Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Puntland iyo in ay soomaalidaasi helaan nidaam dimoqratiyeed.

Mudanaha wuxuu sheegay in Muqdisho ay ka dhaceen gabood falo aan la iloobin karin, mudanaha

wuxusan soo hadal qaadin xasuuqii loo gaystay shacabka Soomaaliyeed ee reer BanadirLand 21ka sano ee dagaalka sokeeye ka socday Soomaaliya, mudanaha wuxuu iloobay  boobkii iyo dhacii hantidii ma guurtadada ahayd iyo tii kalaba loo gaystay ay lahaayeen reer BanadirLand xiligii xukuumada Cabdirisaaq Xaaji Xuseyn  iyo Maxamad Siyaad Barre

mudanaha wuxuu iloobay gobood faladii joogtada ahayd loo gaysan jiray reer BanadirLand xiliyadaas.

dr xuseenMuqdisho sida aan wada ognahay waa deegaan ka mida  deegaanada soomaaliyeed  waa gobolka banaadir ka mid ah BanadirLand waxayna ku taalaa  galbeedka  badweynta hindiya.

Muqdisho waxaa iska leh  umada  degan maanta horena u deganaa  ayna tahay degaanka awoow  iyo awoowgiis  waxaa leh qowmiyad ka mida umada soomaaliyeed oo ilaahay ka dhigay deegaankooda kuna beeray dadkuna u yaqaan  ninkii ogi waa ogyahay nacasna loo sheegi maayo.

Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya oo albaabadeeda u furan Soomaaliyoo idil tana waxaa mahad u leh soomaalida degan maanta horayna u deganaa.

Dott. Abuukar Nuur Xuseyn

Xisbiga Dimoqratiga Banadir

[email protected]                                                                        

 

 

Maryan Qaasim oo ka faah faahisay mas’uuliyiin loo xiray musuq maasuq

Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay mas’uuliyiin uu ku jiro agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashada Muuse Faarax Xayd oo lagu eedeeyay inay musuq-maasuqeen deeq waxbarasho oo dowladda Soomaaliya ay ka heshay dalka Turkey.

Maryan Qaasim, wasiirka adeegga bulshada oo ay hoos timaado wasaaradda waxbarashada ayaa VOA u xaqiijisay xadhiga agaasimihii hore, iyadoo sheegtay in dadka  xiran uu ku jiro  wiil uu dhalay agaasimihii wasaaradda waxbarashada.

Maryan ayaa sheegtay in xadhigan uu dhacay kadib markii ay dacwoodeen dad sheegay in lacag laga qaatay iyadoo loo sheegay in caruurtooda loo dhoofinayo Turkey.

Musuq-maasuq baahsan ayaa la sheegay inuu ka jiro hay’addaha dowladda Soomaaliya, balse dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay la dagaalami doono musuq-maasuqa sidoo kalena gacan bir ah ku qaban doonto cid kasta oo lagu helo musuq-maasuq.

Dhageyso Hadalka wasiirka iyo warbixinta

Madaxweyne Xasan oo gaaray Addis

Addis Ababa (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa caawa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Madaxweynaha ayaa ka qaybgalaya shirka 20-aad ee madaxda midowga Africa oo berri ka furmaya xarunta Ethiopia.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu ka hadlo kulankaas, isagoo soo bandhigi doona wax yaabaha u qabsoomay dowladiisa muddadii ay jirtay.

Madaxweynaha waxa kaloo uu la kulmi doonaa madaxda waddamada ciidamada u soo diray Soomaaliya, sida Kenya, Uganda iyo Djibouti.

Madaxweynaha waxa kaloo uu aadi doonaa shir ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasoo uu ka dhacayo shir ay lee yihiin waddamada midowga Yurub.

Sidoo kale madaxweynaha iyo wafdiga la socda waxa ay ka qaybgali doonaan shirka waddamada iskaashiga Islaamka OIC.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmahan ka bixi la’ safaro xagga dibedda ah kuwaasoo aqoonsi iyo taageero loogu raadinaayo dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

Sida uu kusii billowday jiritaanka iyo xuska mowliidka Nebiga NNKH.

0

قال بعالي وكان فضل الله عليك عظيما

Walalayaal sanad walba dadka muslimiinta waxay xusaan dhalashada Nabiga NNKH. Sida rajaxa ah wuxuu dhashay 12 bishan rabiicul awal, xaflada la dhigane waxaa laga aqriyaa siiradiisa, waana la ammaana, waana lagu saliyaa, dadkane way ku kulmaan, sadaqane waa la bixiyaa.

Intaas waxa uu nabiga ogeyn oo bidco ah ma jiro, laakiin intaas oo dhan oo halmeel lagu sameeyo oo Ahlu-Sunna ah waxaa ugu horeyay ملك اربل مظفر ابو سعيد ابن زين الدينi.

Ibnu Jawzi, waxa uu yiri “ruuxii ugu horeeyay ee billaaba mowliidka waa Mudafir, wuxuu qabay Salaxudiin Al Ayubi Walashiis Mudafir.

Boqorki Irbiil wuxuu kulmiyay culumo waqtigiisa oo ay ka mid ahaayeen:- Ibnu Xajar Casqalani oo ah ninka sharaxay bukhaariga iyo Ardagisi Alxaafid Sakhawi, sidoo kale suyudi ayaa ka mid ahaa iyo culumadii waqtigaas joogtay kuwoodii ugu waa weyna, waxayna isku raaceen in mowliidku uu shay wanagsan yahay.

Ibu Kathiir wuxu ku yiri kitaabkisa البدبيه والبهايه كان ملك مظفر يعمل المولد الشريف في ربيع الاول “Boqorka Mudafar wuxuu ahaa mid mowlidka dhigo bisha rabicul awal, wuxuna dhigi jiray ixtifaal weyn, wuxu qali jiray xoolo fara badan iyo digag faro badan iyo xalawiyd farabadan.

Marka dadka waxay ku ordaan marka laga hadlayo mowlidka faadumiyiinta iyo shiicada oo iyna qaarkooda 6 mowlid dhigo, una dhigo Nabiga NNKH iyo Fadumo Xasan iyo Xuseen iyo Cali Bin Abi Daalib iyo ninka madaxda markaas u ahaa.

Marka culimada aan oo bandhiy dhamaan tood waa suniyiin waana kuwi sharaxay bukhariga qaarkodna mufasirin ah, marka waxa lagu bixiyay sidi dadkaas wanwanaagsan loo qarin laha oo looga dhigi laha wax shiico kaliya ay sameyso maal faro badan ilaa maanta inta diidan ayaa aad u yar yihiin.

Sheikh Yuusuf Alqardawi oo culimada caalamka madax u ah ayaa taagersan kana qeyb galo marka dadka qaar waxa lagu qaldaa waxa ka mid ah ciidihi ayaa la siyaadiyay oo mowliid ayaa lagu soo kordhiyay, dadkaas waxaan leenahay salad ciid oo la dukada ma jirto maalinta mowlidka, Haddii aad ula jeedin farax hala farxo ciida kaliya inta kale lama farxi karo lama dhihin قل بفضل الله وبرحمته فبذلك فاليفرحو MARKA dadka musliminta waxaan ugu baaqeynaa in ay diintooda iyo culimadoda ay bartaan oo an quful lagu xiran.

W/Q: Sheikh Cali Maxamed Nuur

Madaxweynaha Somalia oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Addis-Ababa

Addis Ababa (Caasimada Online) Maalinta berri ah waxa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, ka furmaya shir heer caalami ah oo ay lee yihiin madaxda waddamada midowga Africa.

Shirkan wax yaabaha meesha sare kaga jira waxa ka mid ah arrimaha Soomaaliya, maadama Soomaaliya ay lee dahay dowlad caalami ah.

Soomaaliya waxa shirkaas uga qaybgalaya wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Shirka ka furmaya Axada berri Addis Ababa waxa ka horreeyay shir kale oo yeesheen labadii cisho ee la soo dhaafay wasiiradda arrimaha dibedda IGAD iyo midowga Africa.

Sida ay lee yihiin diplomaasiyiinta ku sugan Addis Ababa, waxa la filayaa in shirka si gaar ah looga hadlo arrimaha Soomaaliya oo dhawaan aqoonsi caalami ah ka heshay dowladda Maraykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu shirkaas ka sheego wax yaabaha u qabsoomay dowladiisa muddadii ay jirtay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan waxa ay kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda ka qaybgaleysa.

Madaxda ka qaybgaleysa waxa ka mid ah madaxweynayaasha Somalia, Kenya, Ghana, iyo wasiirka arrimaha dibedda Iran Ali Akbar Salehi.

Shirkan oo berri billaabanaya ayaa wuxuu socon doona labo maalmood sida ay lee yihiin diplomaasiyiinta ka qaybgalaya.

Waa shirkii 20-aad oo ay yeesheen madaxda midowga Africa, waxa kaloo shirka looga hadli doonaa khalaasaha ka taagan dalka ku yaalla galbeedka Africa ee Maali.

Ammaanka goobta shirka uu ka dhacayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada ku soo qulqulaya diplomaasiyiin iyo wafuud caalami ah oo gobalka iyo adduunka ka immaaneysa.

Caasimada Online

Xafiiska wararka Addis Ababa

Xeer ilaalinta maxkamadda gobalka Banaadir oo sheegtay in la soo gaba gebeeyay kiiska wariye Koronto

Muqdisho (Caasimada Online) Xeer-ilaalinta maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegtay maanta inay kiiska weriye Cabdi Casiis Koronto iyo dadka kale oo la xiran ay u gudbisay maxkamadda sare.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda Cabduqaadir Maxamed Muuse ayaa sheegay in maxkamadda gobalka Banaadir ay u soo wareejisay wariye Koronto xabsiga dhexe, illaa inta laga horkeenayo kiiska isaga iyo dadka la xiran maxkamadda sare.

Wuxuu sheegay in wax yaabaha uu baahiyay wariyaha ay meel dhac ku tahay ciidamada dowladda oo lagu eedeeyay in ay geesteen kufsi, arrintaas waa arrrin culus ayuu yiri oo u baahan baaritaan.

Wuxuu intaas ku daray in cidii ay ku cadaato arrintaas laga qaadi doono tallaabo sharciga waa faqsan.

Wariyaha ayaa maanta mar kale la hor keenay maxkamadda gobalka banaadir.

Dadka xeer-ilaalinta la hor geeyay waxaa ku jirta haweenay la sheegay in la kufsaday.

Aggaasimaha idaacadda Dalsan oo uu ka tirsanaa wariye Cabdi Casiis Koronto ayaa sheegay in arrin qalad ah lagu heesto wariyaha.
Wuxuu intaas ku daray in wariyaha lagu eedeeyay warbixin lagu qoray Al-Jazeera, taasoo isaga uusan baahin.

“Warbixinta la sheegayo lagama sii deen Idaacadda Dalsan iyo Ergo oo uu ka tirsan yahay, Al-Jazeera ayaa leh waan ka xunahay wariye aan noo shaqeen in loo xiro warbixin annaga aan sii deenay” ayuu yiri Xasan Cali Geesay.

Dacwada wariye Koronto iyo afar qof oo kale oo la eedeesan ayaa soo jiitameysay muddo 20-cisho, waxana la filayaa in maalmaha soo socota ay dhinac uun ay isugu biya shubato.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ayaa sheegay in kiiska wariye Koronto uu gaaray caalamka oo aad loo hadal hayo taasoo loo baahan yahay in ay dhinac u dhacdo.

Si kastaba lama oga xilliga ay maxkamadda sare hor imaan doonaan dadkan la soo eedeeyay oo xabsiga ku hoyanaya caawa habeenkoodii 14-aad.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Ciidamada DF oo weli wada dilalka shacabka (Maxaa saaka dhacay?)

Sida dadka deegaanka ay sheegayaan aroornimadii hore ee saaka ciidamada nabad sugida ayaa qof shacab ah ku toogtay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo magaciisa ku sheegay C/risaaq Nuur ayaa sheegay in ciidamada Nabad sugida dharkooda dad watay ay toogteen qofka rayidka ah.

Wuxuu sheegay in afar ka mid ah ciidamada nabad sugid ay dilka geysteen kuwaasi oo maqaayad kala soo baxay wiilka ay togteen sida uu sheegay,kadibna ay goobta isaga tageen.

Xaafada Gubta ee degmada Deyniile ee gobolka Banaadir oo dhawaan ciidamo nabad sugid ah la geeyay ayaa la sheegayaa in saaka falka dilka ah uu ka dhacay oo qof rayid ah loo geystay.

Degmada Deyniile waa degmada kaliya ee ugu dilalka badan marka loo eego dhibaatada loo geysto dadka rayid sida ay sheegayaan dadka  deegaanka ee ku nool degmadaasi.