Hadal farxad gelin kara Saxafiyiinta iyo dadka ka damqada oo la jeediyay
Saraakiisha ugu saraysa hayada Dambi baariska dalka ayaa ku dhawaaqay inay sameynayaan dadka ka dambeeya dilalka loo geysanayo wariyaasha Soomaaliyeed,waxaana hayada dambi baarista ay sheegtay inay wadaan baaritaan ku aadan dilkii ugu dambeeyay ee Cabdi Xareed Cismaan.
Cabdulaahi Xasan Bariise ,taliyaha hayada dambi baarista islamarkaana ah afhayenka ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in qorshe cusub oo ay ku baarayaan dadka ka dambeeya dilalka wariyaasha ay wadaan.
Wuxuu cadeeyay inay ku raadjoogaandadkii ka dambeeyay dilkii ugu dambeeyay ee lolo geystay wariye Cabdi Xareed oo ka tirsanaa Shaqaalaha Idaacadda Shabeele ee magaalada Muqdisho.
Col Bariise ,ayaa sheegay in iminka aan laga hordhici karin halka ay marayaan natiijada baaritaano lagu wado dad gacan ku dhiiglayaal ah oo ay ku hayaan hayada dambi baarista dhexdheeda,sida uu hadalka udhigay.
Arintaan ayaa imaanaysa iyadoo masuuliyiinta dowlada ay ka hadleen dilalka loo geysanayo wariyaasha Soomaaliyeed iyadoo ay ugu dambeysay markii bishaan 18 kedi Muqdisho lagu dilay wariye Cabdixareed Cismaan.
Ma la tashanayaa mase waa la kala tashanayaa?
Qorshooyin kala duwan oo la doonayo in maamul loogu sameeyo gobolada jubooyinka iyo lix gobol oo kale ayaa ka socda magaalooyin dalka Soomaaliya, waxaana markii aad u fiirato shirarka qaar ay u muuqdaan kuwo hal meel loogu wado jeedo, laakiin deegaanada lagu kala qabanayo iyo qaababka loo kala hadlayo.
Magaalada baydhaba waxa ka socda qorshe maamul loogu sameynayo lix gobol oo jubbooyinka ay ku jiraan kuwaasi oo la doonayo in lagu mideeyo lixdaasi gobol.
Sidoo kale magaalada Kismaayo waxaa ka socda qorshe maamul loogu sameynayo gobolada jubbuland la yiraahdo ,waxaana qorshahaasi wadda masuuliyiin dowlada ka tirsan iyo dadka deegaanka.
Suldaan Xaydar Suldaan Suufi Suldaan,oo ka mid ah waxgaradka gobolka Baay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wadaan qorshe maamul gaar ah loogu sameynayo lix gobol oo kala ah :-Baay,Bakool ,Shabeelaha Hoose,Jubbooyinka iyo Gedo.
Magaalada Baydhaba ee gobolka Baay ayuu sheegay inay dhigeen googol ay ku fakarayaan dadka maamul goboleedka u sameynaya gobolada jubooyinka.
Sido kale magaalada Kismaayo waxaa ku shiraya ergooyin badan oo qorshe maamul u sameyn ah waddo waxaana la doonayaa in maamulkaasi laga dhigo seddex gobol oo kala ah Jubbooyinka iyo Gedo.
Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxaa ku sugan wafdi ka socda urur goboleedka IGAD iyo gudiga maamulka u sameynaya gobolada Jubbooyinka.
Marka aad eegto halka loo wado socda oo ah maamul usameynta ,waxaa kuusoo baxayo in qof walbaa uu doonayo in qorshahiisa uu hirgeliyaa,waxaana la isweydiinayaa ma la tashanayaa mase waa lakala tashanayaa?
Madaxweyne Xasan oo arrin muhim ah kala hadlay Kibaki oo ay kulmeen
Addis Ababa (Caasimada Online) Madaxweyneha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan Addis Ababa ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Kenya Mwai Kibaki.
Labada madaxweyne ayaa ka hadlay arrimo badan oo u badan qoxootiga Soomaalida ee ku dhaqan dalka Kenya.
Markii uu kulanka dhammaaday ayaa waxa saxaafadda la hadlay madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay inay isaga iyo madaxweyne Kibaki isla soo qaadeen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.
Waxa kaloo uu sheegay in madaxweynaha uu ka hadlay siddii loo illaalin lahaa qoxootiga Soomaalida ee ku dhaqan magaalooyinka oo uu ku billowday raaf baahsan.
Waxa kaloo uu sheegay in kulanka ay ku soo qaadeen hormarka xagga nabadda iyo xasiloonida ee ay dowladda Soomaaliya ku tallaabsaday.
Madaxweynaha Kibaki ayaa isna sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto inay ka taageerto dowladda Soomaaliya si u soo ceshato xiriirkii ay la lahayd dadweynaha.
Labada madaxweyne ayaa ugu dambeyn isku raacay in dhammaadka sanadkan la qabto shir goboleed looga hadlayo dhibaatooyinka qaxootiga haysta.
Kenya ayaa dhawaan qoxootiga Soomaalida ee ku dhaqan magaalooyinka waxa ay ku amrtay in ay ka baxaan magaalooyinka oo ay iska xaadiriyaan xeryaha qoxootiga.
Labada madaxweynaha ayaa ka mid ah madaxda ka qaybgaleysa shir-madaxeedka hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika oo maalintii labaad ka socday Addis Ababa.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Adds Ababa
Somaliland oo ka hor timid digniin ka timid dowladda Britain
Hargeysa (Caasimada Online) Kaddib markii shaley xafiiska arrimaha dibadda ee dalka Britain uu ka digaya khatar reer galbeedka kaga soo fool leh Somaliland, ayaa arrintaas waxa ka hadlay maamulka Somaliland.
Shir jaraa’id oo uu xaley ku qabtay goor dambe magaalada hargeysa wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar, ayuu ku sheegay in digniintaas aysan la qabin dowladda Britain oo deegannada ay maamulaan uu ammaankooda yahay mid la isku haleen karo.
Wuxuu yiri “Waxa dowladda Somaliland soo gaaray fariin ka timid dowladda Ingiriiska oo muujineysa dareen nabad galyada iyo arrimaha guud ee argagixisada, waxana shacabka reer Somaliland iyo ajinabiga kale ee dalka ku nool iyo beesha caalamka u sheegeynaa in xukuumada Somaliland aysan heeyinin wax mushkilad ah ama dareen ah oo cabsi ah oo la xiriirta nabadgalyada dalkan”
Wuu sii hadlay “ Nabadgalyada dalka Somaliland waa mid sugan, waa mid ku jirta gacanta ciidamada iyo hey’addaha nabadgalyada dalka,waxan u sheegeynaa in kalsooni buuxda aan ku qabno haddaanu nahay jamhuuriyada Somaliland nabadgalyada xadadkeeda iyo gudaheeda, dareen oo aan ka duwaneen nabadgalyi darida mandiqada Ingiriiska ka soop gaareyna waanu baareynaa”ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.
Si kastaba dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay uu jiro khatar cusub oo ku wajahan dadka reer galbeedka ee jooga Somaliland.
Xafiiska arrimaha dibadda iyo Barwaaqa-sooranka waxaa uu horeyba ugu taliyay inaan wax socdaal ah lagu tegin Soomaaliya oo dhan, oo ay ku jirto, Somaliland waxaana lagula talinayaa dhammaan dadka muwaadiniinta British-ka ah inay ka baxaan.
Warku waxaa uu sheegay inay jirto khatar gaar ah oo la ogyahay inay ku wajahan tahay dadka reer galbeedka ee jooga somaliland, waxaana lagu boorrinayaa qofkii muwaadin british ah oo halkaas jooga oo taladeenna aan raacin inuu dhaqso uga baxo.
Khatarta laga digayo waxaa ka mid ah: Afduub lagu doonayo faa’iido dhaqaale ama siyaasadeed ama ay keentay dembiilenimo ama argagixisanimo, taas oo ka jirta soomaaliya oo dhan.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Hargeysa
Midowga Yurub oo arrin culus darteed ugu yeeray madaxweyne Xasan (Xog)
Midowga Yurub ayaa ugu yeeray madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, xarunta ururkaasi ee magaalada Brussels ee caasimada dalka Belgium, halkaasi oo ay si rasmi ah ugu casuumeen.
Ilo Xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay arrintan, waxaana ay sidoo kale sheegeen in madaxweynuhu aqbalay casuumadda, islamarkaana uu baqooli doono halkaas.
Madaxweyne Xasan oo iminka kaga qeyb galaya magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa beri oo talaado ah tegi doona magaalada Brussels, sida aan xogta ku helnay.
Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga sababta madaxweynaha looga yeeray xarunta EU-da, hase yeeshee xogta aan helnay qarakeed waxa ay sheegeysaa in midowga Yurub uu qaadi doono tallaabo la mid ah tii Mareykanka, islamarkaana uu aqoonsan doono Dowladda Somalia.
Waxaa sidoo kale ay Somalia u yaboohi doonaan taageero maaliyadeed oo aad u culus, sida ilo-wareedyadu inoo sheegeen.
Daawo Sawirrada: Ma sidaan ayay Berbera iyo Sheekh u bilicsanaayeen?
Ma eegtay sawirrada bilicda dalkaaga oo ma ilmeysay?. Sawirradan waa xulka xulalka, waa bilicda magaalada xeebta leh ee Berbera iyo buurtii Sheeh. Waxaa ka muuqda bilic indhuhu ku doogsadaan iyo qurux dabiici ah.
Waa dekeddii Berbera iyo magaaladiii. Waa dhoofintii xoolaha Ariga iyo Geela, waana wax induhu jecleystaan. Sawirradan waxaa soo qaaday oo xuquuqdooda leh warbaahinta Dowladda Somalia.
Daawo Sawirrada





















Aqri: Warqad Furran oo loo diray Madaxweynaha Soomaaliya
Nairobi (Caasimada Online) Warqad ay soo qortay hey’adda ilaalinta xuquuqda warbaahinta oo ku socotay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu sheegay hey’adda in ay walwal ka qabto xaalada wariye dowladda Soomaaliya u xiran illaa 10-kii bishan January.
Wariyahan oo lagu magacaabo Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim ayaa la sheegay in wareestay haweeney sheegatay in la kufsaday.
Warqada waxa kaloo lagu sheegay in hey’addu walwal ka muujineyso hadal uu madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan ka sheegay magaalada Washington kaasoo ahaa in maamulkiisa uusan u dul qaadanaynin warbaahinta wax dumineysa ee saxaafadda gudaha.
Warqada ayaa madaxweynaha loogu sheegay in la sii daayo Cabdi Casiis Koronto oo sida warqada lagu xusay u xiran booliska Soomaaliya, isagoo oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.
Warqada oo uu ku saxiixan yahay aggaasimaha guud ee hey’adda Jowl Simon sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya loogu baaqay in war fidiyeenada kalena loo oggolaado in si-xor ah isla markaana qota dheer ay wararkooda u tabiyaan.
Ugu dambeentii waxa madaxweynaha loogu yeeray in uu dabagalka ku sameeyo arrinta uu sheegay ee ah in uu abuuraayo maxkamad caddaalada horkeena cida dilalka u geesta warfidiyeenka Soomaaliya ku sugan.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Kampala
Faallo: Gaarisaay ma ila Gumowbaa?
Ha u qaadan dhaleecayn. Ha u qaadan dhib iyo dhabbaqo abuur. Ha u qaadan dareen xun tabin iyo durid. Ha u qaadan doc wareen ama doc faruurid. Ha u qaadan fidno iyo fawdo abuur. Intaa iyo intoo kalaba ha u qaadan. Maxaa yeelay intaaba ujeedku ma ahan, ee bal sadarradan ila wadaag.
Dadka Soomaalida ah inta uusan imaan Gumaysiga ma lahayn hannaan dawladeed oo mideeya, aan ka ahayn midka GUURTIDA oo aan isna dhaafsiisanayn GOOFKA ama GALKA lagu nool yahay. Gumaystihii kala qaybsaday Soomaali ee kala ahaa Faransiis, Igiriis iyo Talyaani, waxay soo kordhiyeen dhib aan hore u jirin oo ay iyagu abuureen.
“Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaaye” Ururkii SYL ayaa hore u galay qalad taariikhi ah, ka dib markii ay ku gacan sayreen taladii Igiriiska ee ahayd in tobanka sano ee maamul hoosaadka lagu jiri doono isaga loo daayo maamulka dalka, isna uu ballan qaado in Shanta Soomaali afar ka mid ah uu isu keeno, marka Jabuuti laga reebo. Go’aankii la qaatay wuxuu ahaa hal ku dhaggan: “Four Power” oo markaa kala ahaa Maraykan, Igiriis, Rush iyo Faransiis, oo ka guulaystay Xulufadii Naaziga iyo Faashiistaha ee Talyaani iyo Jarmal kala hoggaaminayeen. Dhabar jabkii laga dhaxlay, waa midda aan cinwaanka ugaba dhigay qormada.
Soomaalidu waa is taqaan, deegaan iyo dad ahaanba. Qof walba iyo qolo walba xan iyo xiiso waxay tahayba waxbaa lagu sheegaa. Haddana, si xaal yahayba, sidii dagaalka sokeeya ugu dillaacay Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa dhacay ishdexgal ballaaran oo aan horay u dhicin. Taana waxay keentay in si fiican la isu sii barto, oo kaliya ma ahane, ku tiri ku teentii hore iyo dhag ka maqal badani meesha ka baxeen.
Taa ka sokow, sidii ay Kenya u gashay gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya sannad ka hor, waxaa soo badanayey codad ka soo yeeraya Soomaali ka soo jeedda Gobalka Waqooyi Bari Kenya, oo dhammaan ku aaddanaa in Kenya xaq u leeday inay ku duusho Soomaaliya. Qaarkood waxayba sii sheegeen in Soomaali la kala qaybsho. Waxaan tusaale u soo qaadan karaa, Faaraxan Macallin oo yiri: “Ma dhici doonto in mar dambe Xamar looga taliyo Kalbiwo, ninka taas ku riyonaya, waxa uu ku nool yahay qarni kale…”.
Hadalkaa xumaan abuurka ah marka laga soo tago, waxaa kaloo jiray taageero kale oo si hagar la’aan ah Keenyaanka loogu garab siiyey sida midda Maxamed Yuusuf Xaaji, oo isna dhankiisa aan hiil af iyo addinba kala bakhaylin. Waa maroo waa Wasiirka Gaashaandhigga, waa marka kaloo wuxuu ku jiraa Kooxda Kenya ku maleegta Karinta Dheriga Kismaayo, oo dabcan ku kaaban qabiil.
Hal hilmaamin Gaandi oo isna noqday udub dhexeedka colaadda Jubbooyinka. Waaba su’aale Axmed Madoobe iyo Gaandi ninna kuma dhalan Jubbooyinkee, maxay tahay sheekadan cayn wareegsan? Mise waa: “Ku qabso ku qadi mayside!”? Waa yaabka yaabkiisa, bal ila eega.
Haddii marar badan aad maqashay waxaa muran adag ka taagan yahay maamul u samaynta Jubbooyinka, waxaan kugu marti qaadi lahaa inaad ila eegto eraydan uu yiri Axmed Madoobe oo Horjooge u ah kooxda RAASKAMBOONI. Si aad u ogaato meesha sartu ka qurun santahay ee la isku mari la’yahay. Mar uu ka hadlayey arrintaa wuxuu yiri sidan: “Waxaan dawlada ka codsaneynaa inay yimaadaan oo hawsha maamul u sameynta ay la gudoomiyaan IGAD oo ay isdhinac fariistaan, annagu ma qabno in la yiraahdo IGAD meesha haka baxdo.”
Waan u soo laaban doonaaye, aan mid ay salka ku hayso kuu sheego. Waa shirarka Nairobi had iyo jeer ka dhaca, ee haddana aysan u dhammayn beelaha wada dega Jubbooyinka. Shirarkan ma billaaban maanta iyo shalay. waxay soo socdeen in ka badan shan sano, oo si is daba joog ah loogu qabanayey Imaaraadka iyo Kenya. Dhammaanna ay taakulayn jirtay Dawladda Kenya, gaar ahaan ragga af Soomaaliga ku hadla ee ku jira Maamulka Kenya. Haddana, ay si toos ah ugu soo beereen intooda kale, maadaama aysan qarsoodi ahayn hanka Kenya ay ku doonayso Shidaalka Soomaaliya.
Dhanka kale, waxaa jiray shir dhexmaray garab ka socday oo metelayey Kooxda Raaskambooni iyo Maamulka Addis Ababa hoos taga ee ka taliya Soomaali Galbeed ee uu hoggaansho Cabdi Ileey. Illaa hadda ma cadda waxa ay ka wada hadleen. Balse, weydiinta baa ah, inta beelo Soomaaliyeed deggan Jubbooyinka iyo Gedo, maxaa keenay in Soomaali Galbeed af garasho laga doonto? Bal dhan kale ka eegoo, saw Soomaali Galbeed ma ahan waxa ay eersatay Dawladdii Soomaaliyeed? Abaalkii ma wuxuu noqday in ay Beel ahaan Qabqablayaal u taageeraan, halkaanna ka maamulaan? Isma qabanayso.
Maahmaah Talyaani ah ayaa waxay leedahay: “Non c’è due senza tre” oo ka dhigan: “Labo aan saddax lahayne ma jirto” oo laga wado, wixii laba mar dhaca waa inay mar sadaxaad dhacaan. Waxaa jira shir ka dhacay Garoowe, oo u dhexeeya masuuliyiin ka socday Madaxda Maamulka Gaarisa ee Waqooyi Bari Kenya iyo Maamulka Bari. Ujeedka waxaa lagu sheegay in lagu mataanaynayo labada magaalo! Weydiinta baase ah; qaabkee loo mataanaynayaa? Labada magaalo midna waa xor, oo Soomaali ayey ka mid tahay, midna waxay wali ku jirtaa gacan gumaysi, Kenya ayey hoos tagtaa.
Aniga ogaalkay ma arag mana maqal meel ay Dawladda Soomaaliyeed uga tanaasushay deegaannada lagu muransan yahay. Waxaan wada xasuusannaa, in Dastuurkii u dambeyey ee la qoray uu dhigayo in xuduudaha dalka loo daayo sidii Gumaystuhu uga tagay, oo Soomaaliya wali dood ka qabto sida wax ahaayeen, teer iyo markii xornimada iyo Midawga Waqooyi iyo Koofur la helay.
Weydiinta kale baa ah, horta Gaarisa ma waxay doonaysaa sideeda oo kale in Gun la sii ahaado, mise? Laga yaabee, in ka weydiin ahaan ay aad u qallafsan tahay. Balse, maanka ku hay waxa aan u cuskaday oo ah maangal iyo marag ma doonto. Wixii kale ee la isku qancin karo, ee leh maamul iyo dawladi nagama maqna ama aragti qabiil ku salaysan waa meeshooda.
Midda la iska indha laabayo baa ah, magaalada la doonayo in lala mataaneeyo Gaarisa, waxaa maamula nin xilkii loo dhiibay waqtigiisa intuu ka dhacay, Dastuur jeebkiis ah samaystay ee qol mugdi ah ku soo ansaxsaday ee sannad ku darsaday. Haddaba ma awoodaan inay ku dhahaan Adeer meesha doorashaad ku tumide, dookha dadka u hoggaansan? Haddii kale, waxay iska noqonaysaa isla go’aankaa xaaraanta ah ee qolka gudcurka lah lagu qaatay “Bil saddaxa gurigaaga waa kaa saartaa guri kalase kuma gaarsiiso”.
Haddii Sooyaalkii la hilmaamay, oo la noqday sidii: “Illow dhawaa ma Umulaa?!” Aqriste, waxaad is barbardhigtaa, Maxamed Siciid Moorgan wuxuu 1991-1992 ka lahaa Magaalada Kismaayo, liilkan hoose ka daawo:
http://www.youtube.com/watch?v=5Dae00I_qtQ&feature=player_embedded
Iyo HAL AQOONNADAN waxa ay ka leeyahay Magaalada Londan. Iyana liikan hoose ka daawado:
http://www.youtube.com/watch?v=1Yu_3Cf6VCw
Dhanka kale, sidii Kenya u gashay gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa soo badanaya dadka Soomaaliyeed ee lagu dhibaataynayo magaalooyinka ku yaal Waqooyi Bari Kenya. Dadkaa oo awalba hore u dhibbanaa, ayaa maalmahan dambe la kulmay dhibkii hore mid ka sii badan. DHACA, KUFSIGA, BOOBKA iyo HANDADAADDO waa u joogto QAXOOTIGA Soomaaliyeed ee ku jira xeraya IFO, DHADHAAB iyo XAGARDHEER.
Aqriste, hubaal inaad in badan maqashay eraga MOORYAAN! Ma is weysiisay yaa MOORYAAN ah? Maxaa lagu noqdaa MOORYAAN? Jawaabta aan kuu daaye, bal labadan dhacdo is barbardhig. Dhawaan Magaalada Muqdisho iyo Deegaanno ku dhawdhaw sida Agooye iyo Marka waxaa laga soo sheegay inay ka dheceen falal KUFSI. Dad badan ayaa ka carooday, oo dabcan maanka ku haya MOORYAANtaa yaa dadka ka qabta? Balse, dadka ka carooday inta Deegaanka Waqooyi Bari ka dhacday Alla yaraa, ee waliba FAL MOORYAANNIMO u aqoonsatay?.
Taa kaliya ma ahan sheekadu. Ee aqriste, ma kula tahay in falalkaa ay ku kacaan Keenyaanka oo kali ah? Micnaha Keenyaanka ka soo jeedo Qawmiyadaha kale, oo aan Soomaali ku jirin? Marka aad u dhabbagasho waxa ka dhacaya deegaannadaa, horana uga dhici jiray, balse, kolkii hore koobnaa, waxay kuu caddaynaysaa in dhibaatada xooggeed ay masuul ka yihiin dad Soomaali ah.
Maxaa yeelay, marka laga soo tago in marti loo yahay, marka laga soo tago in Soomaali la wada yahay, marka laga soo tago in Muslin la wada yahay, marka laga soo tago in daris la yahay, marka laga soo tago intaa iyo intoo kale, suuragal ma tahay dad xero ku jira, ee aan magaalka joogin ama deganayn in tacaddiyada intaa la eg loo gaysto, oo aan waliba wax tallaabo ah laga soo saarin? Laga yaabee, inaad maqasho hebel baa hadlay iyo hebelbaa walaac ka muujiyey. Kuwa sidaa lagu tilmaamayo saw ma ahan kuwa balaayadan oo dhan abuuray ama u sacab tumay. Waa meeshii laga dhihi jiray: “Qosolba hiillo waa gala!”
Dhanka kale, dhawaan doorasho ayaa ka dhici doonta dalka Kenya. Waxaa hubaal ah in Soomaalida deegaanka uusan u qalmin in uu matelo wax la mid ah Faarax Macallin iyo Maxamed Yuusuf Xaaji. Saa waxaan u leeyahay dadkii ay meteleen wax ay u qabteen ma jirto. Waxayba u horseedeen deganaasho la’aan iyo qalalaaso hor leh, ka dib markii ay qayb ka noqdeen mashruuca lagu JUFEEDKA ee lagu jarjarayo Jubbooyinka.
Isla wadiiqada doorashada kenya, waxaa jirta qorshe siyaasadeed, oo laga yaabo in laga hirgaliyo Kenya, oo qeexya nidaamka Federalka. Aqriste, ma kula tahay kuwan inay ka warqabaan ujeedka laga leeyahay? Waayaha ayaan u daynayaa warcelinta weydiinta.
Aan u laabto hadalka Axmed Madoobee, mar dhexdaa ah baa, C/naasir Seeraar oo isku sheegay af hayeenka Kooxda Raaskambooni, ayaa sheegay in dawladdu aysan soo faragalin karin Maamul u samaynta Jubbooyinka! Waaba su’aale, haddaa yaa soo faragalinaya? Ma Cabdi Ileeyga Jigjiga jooga? Ma Faarax Macallinka Gaarisa jooga? Mise, waaba midda ugu xume, Kismaayo Soomaaliyaba kama mid ahan? Anigu ma garan! Aqriste, adiguna? Mise macnayn karaa, Mooryaanta xoogga ku degtay dhisamaha Jaamacaddii Kismaayo?! Xarumaha Muqaddaska yaan la haraysan!
Af hayeenkan Mooryaaneeyey hadalkiisa marka laga soo tago, maxaa looga biya diidsan yahay in inta ANJABIGA xagga la soo dhigto si Soomaalinimo ku jirto loo wada hadlo? Maxaa ku jaban in inta la is horfariisto si furcaddi iyo waji furnaan ah loo wada hadlo, oo wixii la kala qabo si toos ah la isugu sheego? Waa maxay baahida keenaysaa in Dawladdu dhinac fariisato IGAD si maamul loogu sameeyo Jubbooyinka? Weydiimuhu kala hakan maayaane, aan bal dhan kale kaa tuso sheekada.
Waxaa jirta sheeko Baralleey maalmahan suuqyada iyo seyladaha beenta lagu kala wareejiyo sabbaynaysa. Heer ay ku dheceen dad badan, iyagoon iska fiirin ma runbaa mise waa ku tiri ku teen? Illeen dadka intiisa badan caadifad qabiil baa hagaysee. Sheeko xariiradaa waxay tahay in Xasan Sheekh uu laba cod ku kala hadlay, oo Baydhaba iyo Beledweyn ka yiri MAAMULKIINA DHISTA. Halka uu Jubbooyinka yiri: DAWLADDAA MAAMUL IDIIN DHISAYSA!
Hadalkaa macmamlka ah ee gacan ku rimiska ah dadka iska qaatay waxaa ka mid ah Xildhibaan Cali Khaliif Galayr, oo dhawaan booqashadii Xasan Sheekh ee Maraykanka hadalkaa soo xigtay. Horta waa su’aale isagu ma hoggaanka Khaatumaa, mise Jubbooyinkana inuu nuddeeda wax ka xiro ayuu doonayaa? Miyuusan xasuusan isagoo ciirsi la’ taagan in Sheekh Shariif gacan gobeed u fidiyay, iyadoo waliba ay ka soo horjeedeed inta badan Wasiirrada Xukuumaddii Gaas iyo iyo Gaasba qushiisuba?.
Dhanka kale, marka uu hadal suuqeedka la imaanayo, oo waliba quseeya gobol aan ahayn kii uu xaarxaartay, saw lama dhihi karo waxa ka keenay ka baxsan dhaleecayn Xasan Sheakh ama tilmaamid qaladkiis? Illeen hadday qusayn lahayd Khaatumo waaba loo qiilin lahaaye, oo la dhihi lahaa: Haa Odaygu meel kale ayaa wax laga tusay, madaama uu harjad adag ku jiro una dhexeeyo lama maamul oo aan jiritaanka Khaatumo doonayn.
Malaha Xildhibaan Galayr wuxuu illoobay, in Sheekh Shariif shirkii ugu dambeeyey ee LIXDA SAXAL uu uga baxay si uu u soo dhiciyo in xulidda Xildhibaannimada Khaatumo ka soo galaya Baarlamaanka uusan afka u dhigan Faroole, oo horor ku ahaa arrintaa. Sidoo kale, maalintii la dhisay Khaatumo gogoshii u horraysay waxaa loo dhigay deegaanka Cadaado ee maamulka Ximan iyo Xeeb. Sida maalintaa loo turxaan baxshay, saw ma ahayn inuu Odaynimo uga qaybqaato sidii loo xallin lahaa Jubbooyinkana? Hubaal inaan reer Khaatumo la qabin aragtidaa, haddana, waxaa habboon inaan dadka lagu kala gayn been abuur.
Anigu waxaan garan waayey waxa IGAD uga xiran maamul u samaynta Jubbooyinka? Anoo weydiintaa igu taagan tahay, ayaan dul istaagay nin lagu sheegay Sheekh hadal uu ka yiri Jubbooyinka. Sheekha magaciisa waxaa lagu sheegay Maxamed Ibraahim Shakuul. Wuxuu yiri oo Waraysi ku sheegay sidan: “Kenya iyo Ethiopia xaq ayay u leeyihiin in ay arrimaha Jubbooyinka ka hadlaan, qofkii yiraahda kama hadli karaanna waxaan u arkaa arrin Doqonnimo ah!”
“…Kenya iyo Ethiopia waxaan leeyahay way mahadsan yihiin oo dadka ayay badbaadinayaan ammaankana way sugayaan!”
“…IGAD Sharci ayay ahayd shaqo sharci ahna wey ku billawday shaqada ay ka wadaan Jubbooyinka!”
Bal waa iga su’aale kaa oo kale maxaa diin looga duggaashadaa? Ninka hadalladaa ku hadlay ee waliba muuqaal ah een cod ahayn, maxaa laga sugan karaa? Saw aafada dhacday inta ay gaarsiisan tahay kuma tusayso? Saw ma cadda dacar diimeedkii uu waday in ay awalba bug ahayd? Illeen qof xitaa maankiisu fadhiyo isuma quuro inuu sidaa u hadlee, iska daa Sheekh iyo qof diin wax ka yaqaane, oo Alla ka cabsi ku jiree. Allow adaa faxan.
Meel ay Culimadiina u horreeyaan taageerada shisheeyaha iyo u qiilintiisa, maxaad caamiga a filan? Hadalka si fiican u dhuux, waa kii aan kor ku soo xusay ee Faarax Macallin oon biya la marin. Halkan ka soo daawayo waraysi ku sheegga, aanse dhihi karo waa Borobogaando.
http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=LsyQ4PoW1Yo#!
Ugu dambayn. Haddii inta aan ka sheekeyey ee Jubbooyinka hal dhan ka socdaan, aan dhan kale kaa tuso waxa ka socda. Waxaa jira qorshe kale oo isna lagu doonayo sidii Maamul loogu dhisi lahaa Jubboonkaa. Qorshahaa wuxuu yahay in la isu geeyo shan Gobol oo hal maamul loo sameeyo, waxayna kala yihiin: BAAY, BAKOOL, GEDO, JUBBADA HOOSE iyo JUBBADA DHEXE.
Aragti ahaan markii u horraysay oo la soo bandhigo ma ahan. Ugu yaraan waa fekrad taban sano ka hor laga dhawaajinayey. Balse, aan waligeed hirgalin. Haddaba, nimanka muuqaalka sare ku jira ee sida aad aragteen u hadlaya iyo aragtidaan sidee isu qaban karaan? Ani ahaan dareen walaac ah baa igu abuurmay, oo waxaan ka cabsi qabaa in dib loo laabto, ugu yaraan haddaan loolaabanna, dadka la sii kala fogeeyo, illeen saansaanta muuqataa ma ahan mid wanaagsane.
Dadku garaad yaraa, miyaan sooyaalka lagu cibra qaadan? Beeli beel ma dul dagi kartaa? Haddayse kor degto imisa ayey dul degaanaa kartaa? Caqligu miyuusan shaqaynayn? Kolley Soomaalinimo, walaaltinimo, xididnimo iyo ood wadaagnimo waxba tari waayeene, ma waxaa dadka ka dhaadhacsan haddaad shisheeye ku daaban tahay dadka waad jujuubi kartaa, dalkana waad qabsan kartaa? Waa ogaal li’idaa.
W/Q: Bashiir M. Xersi
Afeef: Aragtida qoraalkan wax ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan
Reer Khaatumo Leh: Idaacada VOA Ma Warbaa Nagu Seegan?
- Dhaliisha kowaad, waxaan dhageystey barnaamijka falaqeynta jimcaha ee kabaxey idaacada January 25, 2013 kuna saabsanaa faaqidaada: siyaasada Maraykana ee ku aadan somaliya iyo waliba (Dual Track Policy) doodana waxaa kaqeyb qaadanayey aqoonyahana somaliyeed oo kala ahaa: Ciise Farax oo madax ka’ah arimaha batrooka ee Puntland, Dr Mohamud Mohamed Culusow oo ahaa gudoomiyhii hore ee bankiga dhexe ee somaliya iyo Dr Axmed Xusseen kana tirsan dhinca waxbarasha ee Gobolada Waqooyi Galbeed ee Somaliland. Doodana waxaa daadihinaayey (mediator) ka’ahaa wariye Abdi Casiis. falaqeeyntu waxey socotoba waxaa dhacdey in Ciise Farax oo kahadlaaya arinta Dual Track Policy iyo saameynta eey kuyeelan karto maamulda Puntland iyo Somaliland ayaa isagoo qancinaaya saaxiibkiis waa Dr Ahmed Xussen wuxuu yiri: Somaliland waan kuraacsanahey waxa eey gaareyn, Nabada dhina eeyka gaareyn, inta jeer ee doorasha xalaal ah qabsadeyn, Nabada eey sameeysteen waa wax lagu bogaadiyo, laguna faano! balse waxaa aad iyo aad iiga Qosliyey markuu yiri: anaga iyo iyaga waa (Puntlland iyo Somaliland) dhibaato ayaa naga dhaxeysa xadka ama borderka ah. mana a’aha wax aan isku diidanahey labada dowladood waxaana rabnaa inaan isla xalino arintaas (border dispute) ah. markaas ayaa waxaa hadalkii qaatey Dr Ahmed Xussen oo banoonigii uu saaxiibkiis usoo baasey (waa jambalkii) intuu xabadka saartey foorbiish kusoo celiyey oo yiri: waan laqabaa arintaas waana kuraacsanahey saaxiibkeey Ciise Farax hadalkaas waxaana naga dhexjira xoogaa XURJUF dhinaca xadka ah waana arin soojireyn ah oo waayo aduunkee kadhacdaa in laba dowladood eey xadka kumurmaan. arintaasana waxey kutusiineysaa in labada mas’uul ee isku raacsanyihiin iskuna marqaati fureen ineeysan jirin wax maamul ah oo u dhaxeeya islamarkaana ee inkirsanyihiin shirkii taariikhiga ahaa ee kadhacey Taleex iyo yagleelidii Maamul Goboledka Khaatumo State Of Somalia. wariyuhana dabcan uu kuraacsanyahey hadaladooda.
- Dhaliisha Labaad waxay tahey barnaajimkii ugu dambeeyey dhamaadkii sanadii hore waa maalintii ugu danbeeysey December 31, 2012 lagaga sheekeenaayey isbadalkii ugu weynaa ee siyaasada somaliya kadhacdey dhamaan wixii isbadal ahaa laga soobilaabo January illaa December 2012. markaas ayuu isla wariye Abdi Casiis wuxuu kasoo sheekeeyoba dhamaan isbadalkii dhacey ee dhinaca siyaasada somaaliya isagoo kasoo bilaabey Road Mapkii iyo kabixitaankii Dowladii KMG aheyd ee somaaliya, shirarkii kadhacey, Mogadishu, Goroowe 1, 2, Gaalkacyo, Addis Ababa, Nairobi, iyo kii ugu Weynaa ee Istanbul Turkey. wuxuu kaloo kasheeykeeyey imaatankii Magaalada Muqdisho ee Odayaasha Dhaqanka iyo Qabasoomidii shirkii Ansixinta Dastuurka, Doorashadii Afhayeeynka Barlamaanka, tii Madaxweynaha illaa dhameyskii Golaha fulinta ee Xukumada oo dhan. wuxuu kaloo wariyaha VOA kasoo sheekeeyey isbadalkii kadhacey Galmudud iyo Doorashadii halkaas kadhacdey, iyo waliba doorashooyinkii golaha deegaanka ee kadhacdey Somaliland. xittaa waxa kale uu wariyaha VOA xusey furashadii xisbiga Horseed ee Madaxweyne Faroole: balse waxey igu noqotey waxla yaabo (shocked) kadib markii wariyaha barmaajirka daadihinaayey uu si’ula kac ah (deliberately) iskago indho tirey Shirkii taariikhiga ahaa ee kadhacey Degmada Taleex iyo dhisitaankii Maamul-Goboleedka soomaaliyeed ee Khaatumo State.
Asadnaa Suudi
Columbus, Ohio
An Independent Analyst and Columnist.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan
Muqdisho: Shariif Sheekhunaa Maye oo sheegay war culus
Muqdisho (Caasimada Online) Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya Gen: Shariif Sheekhuna Maye ayaa sheegay in booliska Soomaaliya uu xubin ka yahay booliska adduunka ee Interpol.
“Waxan rabaa in fariin aan u dirno dad waynaha ha oggaadaan dambi falayaasha meel kasta oo ay tagaan boolis ayaa jooga mee kasta -meel kasta xittaa meel ay ku dhuuman karaan aduunka majirto saas ha oggaadaan, booliska sidaas ayey habeen iyo maalin u taagan yihiin” ayuu yiri.
“Waxan ka mid nahahay booliska adduunka ee Interpol, ninka Kenyajooga, ninka Italia jooga, ninka America jooga waa isku mid, shaqadeena waan sugeynaa,, waxan sidoo kale ka mid nahay booliska YABKO oo ah booliska bariga Africa oo 12-wadan, qof Africa ku dhuuman kara ma jiro, meelaha kalena waa 165-wadan ayaa nahay waxa la yiraahdo Interpol” ayuu yiri Shariif Sheekhuna Maye.
Booliska waxaa la weydiiyay su’aalo ku saabsan wariyaasha maxaa loo dilaa, oo loo qaban waayay dadka dila?
“Waxaan sheegaa baabuur bas ah oo booliska uu lee yahay 2009 ayaa lala baxsaday, oo bac ah cusub, waxaa la baxsday nin boolis ah, waxa uu gacan galiyay cadowga,waan soo qabanay gacanteena ayuu ku jiraa”.
Wuxuu sii hadlay “ Marka in shaa allah booliska cid kasta oo dil geesta ama wariyaasha dilaan raadaad ayaa jira waana ku raad joognaa waana soo qaban doonaa, laakin dad waynaha naftirkoda waxan u sheegeynaa in ay nala shaqeeyaan”
Mar la weydiiyay labo nin oo lagu soo eedeeyay in ay dileen wariye Xasan Yuusuf Absuge oo hadda ku jira gacanta dowladda wixii sharciga loo horkeeni waayay.
Wuxuu taliyaha boolska ku jawaabay “Laba nin gacanta ayey ku jiraan, waa garsugayaal, arrintooda waa lagali lahaa, laakin maxkamadda ayaa dib u dhigatay waa kiis arrintooda, sababtoo ah, anniga ayaa baaraa nabad sugida ayaan ku wareejiayay, daraad ayaa lagali lahaa, laakin maxkamadda Jowhar ayey aaday ayaa la dhahay, laakin waa ay in oo xiran yihiin.
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha ugu khatarta badan adduunka oo suxufiyiinta ka howgalaan, sannadkii hore 18-wariye ayaa lagu dilay, sannadkan hadda billowdana waxa la dilay wariyihii ugu horreeyay.
Dowladda waxa ay mar kasta sheegeysaa in gacanta lagu dhigi doonokooxaha ugaarsada wariyaasha, laakin arrintaas illaa hadda waxbo kama hirgalin.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Ruux dil ka geystay Muqdisho oo laga soo qabtay dalka Sudan
Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigay shaqsi horay fal dil ah kaga geystay magaalada Muqdisho,kaasi oo u baxsaday dalka dibadiisa gaar ahaan dalka Sudan.
Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen Shariif Sheikhunaa Maya oo saxaafada kula hadlay goobta lagu soo bandhigay shaqsiga dilka geystay ayaa sheegay inuu ahaa Craxmaan Ciise Axmed,islamarkaana dilka uu horay u geystay.
Taliyaha ayaa sheegaya in Craxmaan Ciise, uu horay u dilay Saciid Dhiblaawe Siyaad oo ka mid ahaa dadka deegaanka ee Degmada Warta Nabbada ee gobolka Banaadir,isagoo sheegay inay suurto gashay in ningaasi gacanta lagu dhigo.
C/raxmaan Ciise ,ayaa markii uu dilka ka geystay magaalada muqdisho wuxuu u baxsaday dalka dibadiisa,waxaana la sheegay inuu gaaray dalka Sudan,iyadoo maanta lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho.
Shariif Sheikhunaa Maya ayaa sheegay in horumar ay tahay arinta maanta dhacday isagoo sheegay in booliska Interpol ee adduunka uu qeyb ka qaatay soo qabashada ruuxa dilka horay ugeystay una baxsaday dalka Sudan.
Saxafiyiin ku kulmay Muqdisho iyo warsaxaafadeed la soo saaray
Kulanka maanta oo ahaa mid ay yeesheen saxafiyiinta magaalada Muqdisho ayaa waxa ka qeyb galay qaar ka mid ah agaasimayaasha Idaacadaha Muqdisho,milkiilayaal iyo wariyaal ka howlgalo magaalada Muqdisho.
Waxaa kulanka soo qaban qaabiyay masuuliyiinta ururka saxafiyiinta qaranka ee NOSOJ,waxaana looga hadlayay tacadiyada ay la kulmaan wariyaasha Soomaaliyeed gaar ahaan wariyaasha kaga howlgala magaalada Muqdisho.
Dhamaan saxafiyiinta ka howlgashay kulanka ka dhacay maanta magaalada Muqdisho ayaa waxa is dhaafsanayeen waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu yareyn dhibaateynta wariyaasha magaalada Muqdisho.
Sidoo kale kulanka maanta ayaa waxaa looga hadlayay xarigii loo geystay wariye Cabdi casiis Koronto oo muddo badan u xeran ciidamada dowlada Soomaaliya,iyadoo maalintii shalay loo wareejiyay xabsiga dhexe ee Xamar.
Ugu dambeyn Maxamed Ibraahim Pakistan ayaa aqriyay warsaxaafadeed kasoo baxay kulankoodii maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Muqdisho: 3 arrin oo la sababeeyay hoos u dhaca sarifka dollar-ka
Muqdisho (Caasimada Online) Waa maalmahan si wayn looga dareemay magaalada Muqdisho hoos u dhac ballaaran oo ku yimid qiimaha lagu sarifo dollarka Maraykanka.
Arrintaas ayaa waxa ay keentay hadal hayn ballaaran,oo dadka ay siyaabo kale duwan u fasireen.
Tusaale, halkii dollar ayaa suuqyada magaalada Muqdisho iyo meelaha kale wuxuu maanta ka maraayay 19-kun oo Shilling Somali ah, halka uu kal hore ka ahaa 22-kun.
Haddaba qaar ka mid ah wariyaasha shabadda Caasimada Online ayaa soo maaray suuqyada Muqdisho waxana ay la hadleen dad-yow kala duwan.
Waxa ay dadka aan la hadalnay ay sheegayaan in isbadalka ku yimid dollarka loo sabeeyay dhowr siyaabood.
1- Waa mar Maraykanka ayaa aqoonsaday dowladda Soomaaliya taasoo keentay in lacago badan oo dollar ah magaalda ay soo gasho.
2-Waxa kaloo jira lacago badan oo magaalada ay soo galiyeen dad qurba joog ah oo magaalada iska soo buuxiyay.
3- Iyo Dad kale oo leh dhibka oo dhan waxa asal u ah ganacsatada Soomaaliya, kuwaasoo suuqa ku soo faraqay ama soo galiyay lacago badan oo dollar.
Si kastaba, isbadalkaas ballaaran ee ku yimid dollarka waxa uusan haba yaratee saameen ku yeelan qiimaha lagu iibiyo Quutul daruuriga ama maciishada oo halkeeda joogta ama meelaha qaar wax lagu darayba.
Laakin waxa iyana hoos u dhacay Sonkorta oo hal koolo ka joogta 16-kun oo Shilling Soomaali ah waxana horrey loo iibin jiray hal dollar ama 22-kun.
Qiima dhaca ku yimid dollarka wuxuu muran wayn ka dhex abuuray bulshadda, kuwaasoo meelaha qaar uu is-maan dhaaf iyo muran uu ka dhaco.
Ma ahan arrintan wax ku cusub magaalada Muqdisho tan wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladii ugu dambeesay sannadkii 1991-dii.
Dadka arrimahan la socda waxay ay lee yihiin waa iyadoo dalka uusan ka jirin hey’ad ama xarun jaan-goyn ku sameesa sarifka lacagaha dalka,isbadal kasta oo yimaada.
Soomaaliya markii dowladii dhexe meesha ay ka baxday, waxa lacagta ugu yer 1000 Sh. So. waxana ugu wayn kun shillin Somali ah.
Meelaha qaar marka aad wax ka iibsaneyso waxa lagu lee yahay lacag dollar ma rabno ee shilling Soomaali ma heysaa, taasoo ka badal halkii horrey wax lagu iibin jiray dollarka.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Dowladda Somalia oo sii lumineysa mid ka mid astaamaheedii Qaranka
Dadka Soomaaliyeed waxay yiraahdan “ Dhar Aaddan lahayn Dhaxan Kaama Celiyo” , waxaana Murtidaan u soo qaatey markii ay ii soo baxdey arrimo aan is dhihi karo Khatarteeda ayey leedahay oo Halis gelin kara Jiritaankeennii , iyadoo taasi ay jirto ayaa Dal marka uu ka mid noqonayo Qaramada Midoobey waxaa uu Diwaangeliyaa Dhowr Arimood mid waa Astaanta Calanka oo uu Dalkaasi leeyahay gaar ahaan Midabkiisa si uusan u qaadan Dal kale oo Xoriyad qaadanayo, sidoo kale waxay Diwaangelisaa, Tirada Dadka ku nool Wadankaasi (Population).
Waxaa kale oo Qaramada Midoobeey ay Diwaangelisaa Xuduudaha uu Wadankaasi la leeyahay Wadamada Deriska la ah ha noqoto dhinaca Dhulka iyo Badda, waxaa kale oo iyana ay Qaramada Midoobey ay Diwaangelisaa Nooca lacagta uu isticmaalyo Wadankaasi, waxayna Dhamaan Astaamahaasi ay noqonayaan kuwa lagu garto Qaran qaatey Xornimo.
Hadaba aan soo qaadano Astaana Lacagta oo ah Middda ugu muhiimsan ee uu Qaran leeyahay waxaan Soomaaliya Qaramada Midoobey uga Diwaangashan lacag lagu Magacaabo SHILIN oo weliba lagu Xardhaa hadba waxaa uu dalka Taariikh u leeyahay, hadaba lacagtaasi waxaa lagu jaan gooyaa wax kasta oo uu Wadankaasi leeyahay gaar ahaan marka ay timaado wax kala iibsiga iyadoo Lacagta Shilin Soomaaliga uu soo marey heerar kala duwan.
Markii aan qaadaney Xoriyada waxaa Qarankii markaasi jirey ay isku qabsadeen magaca ay qaadanayso lacagtaasi, hase yeeshee, waxaa markii dambe la go’aamiyey in aan qaadano magaca lacagta SHILIN-ka,waxaana Xiligi Xoriyadda la daabaxay Lacag shilin Soomaali ah oo dadka qaar ay noo sheegeen waxaa ugu weynaa Labaatan Shilin , kadib ayaa waxaa la soo daabacay Boqol Shilin .hase yeeshee dadka waxay si aad ah wax ugu iibsan jireen , Taanno, Kumi , Nushilin, Shilin,Shan shilin, Toban Shilin ilaa…
Markii ay Dhalatey Dowladii Miltariga waxay damacdey in ay wax ka badesho Qaabka lacagta Tiradadooda iyo Naqshadeeda , waxaana Dowladu ay dhowr jeer soo Dabaacdey noocyo lacago kala duwan , waxaana ugu dambeeyey lacagtii Kun Shilin iyo Shan Boqol , balse waxba kama badelin Nooca lacagta ee Shilinka , Dagaaladii Sokeeyey ayaa waxaa Dalka la soo geliyey lacag N20, N50,N100 balse waa uu sii jirey Magacii Shilinka .
Maamulka la magac baxay Soomaaliland ayaa isaga soo daabacdey lacag gaar ah hase yee Shiilin-ka ma lumin, waxaana markaad tagtid Hargeysa maqleysaa lacagtooda oo la raacinayo Magaca SOMAALILAND SHILIN , xitaa Miisaaniyadooda kuma Sargoooyaan Doolar ee waxay ku Gooyaan lacagta Shilinka , waxaan dadka qaar ay ii sheegeen in Maamulkaasi uu damcay in uu Magaca Shilin bedelo balse loo diidey oo loo sheegey in Magaca Shilin uu Soomaaliya oo dhan uu ka dhaxeeyey waana midaas in ay gadaal ka raaciyaan SOMALILAND SHILIN .
Dhinaca koofurta , Markii ay sii dhaceysey Dowladii Milatariga ay soo daabacdey Lacagta Shanta Boqol iyo Kunka Shilin , balse Dagaaladii Sokeeye waxay lacagtii noqotey ama ku soo ururtey Kun Shillin , waxayna arrintii noqotey “ Lacag Kunaa u weyn Kunaa u yar” ,hase yeeshee waxaa moodaa in Waqtiyadaan dambe in uu meesha uu ka sii baxayo Kunkii Shllin oo isugu u taagnaa Astaanta Qaranka, waxaana wax weliba lagu Sargooyey DOOLAR oo ah lacag uu leeyahay Wadan kale oo uga Diwaangashan Qaramada Midbbey , wuxuuna Doolarkii uu noqdey mid wax lagu kala iisado .
In aan qormadan Qoro waxaa iigu dhaliyey markii aan maqley Miisaaniyadii Dowlada Federaalka ee Sannadka 2013 waxaa lagu Sargooyey Doolar iyadoo Baarlamaankii Ansaxiyey laga waayey Qof keliya oo yiraahda “Ma Ansaxineyno Miisaaniyada lagu Sargooyey Lacagta Doolar ,ee lacagteenna ha lagu Sargooyo haba badnaatee si ay u sii jirto Astaanteennii Qaranka , maadaama aan leenahay lacag noo gaar ah iyadoo
Mas’uulkii Wasaarada Maaliyada ay afkiisa ka dhaamaan weydey “Qolo heblo Miisaaniyadeedi waa intaas Milyan oo Doolar,“ waxay ahayd in ay yiraahdaan “War ma adigaa Doolarka iska leh marka aad wax weliba ku Sargoonysid aawey lacagteennii waxaa ka sii yaab badan markii aan Boor ku yaala Wadooyinka Muqdisho aan ku arkey “Cashuurta Bixi”, waxaana Boorka ku sawiran Doolar sidoo kale Darbiyada Dukaaamada Waxaa ku sawiran Doolar waxayna Soomaalida mararka qaar Doolarka yiraahdaan “Abuu Bidaarle” mar haddii lagu Salaaxo Madaxa waa Fahmeysaa “Waa Doolar Ma haysaa”waa Astaan ay isku yaqaanaan dadka ay marka ay Qarinayaan Doolarka.
Mar aan tagay Wadanka Marooko Hotelkii aan degeneyn ayaa waxaa noloo sheegey in Ciddii wadata Doolar aysan kala bixi Karin Hotelka , marka waxaan ku qasbanaaney in uu hotelka noo Sarifo si oo aan Magaalada uga soo Dukaameysano lacagta wadankaasi ,sidoo kale Wadanka Suudaan oo aan tagey Xitaa waxaan weyney Cid noo Sarifta anagoo ka baanhan Doolarkii aan haysaney ayaa dib ugala soo laabaney Magaalada Muqdisho ,waa yaab anagana wax weliba ayaa lagu kala iibsadaa , waxaana in Doolar uu magac yeesho u sabab ah Shirkada Lacagaha ku Xawili Mobile-ka (Mobile Money Transfer ) oo Xitaa waxa uu gaarey in Koob Shaah lagu kala iibsado Doolar,waxayna Islaanta Shaaha iibisa aad Mobile -ka ugu Tuureysaa 10 Cent oo Doolar ah oo u dhiganta Saddex Kun Shillin Soomaali , marka waxay ahayd in Shirkadaha in ay Isticmaalaan Lacagta Shilin Somaaliga ah si ay u taagnaato Astaantii Qaranka Soomaaliyeed.
Guntii iyo Gabagabdii haddii Dowladii Miisaaniyadeedii uu noqdey Doolar, Xildhibaanadii Mushaarkoodii uu noqdey Doolar , Ciidamadii Mushaarkoodii uu noqdey Doolar , Canshuurtii Dekeda iyo Garoonka uu noqdey Doolar , Ganacsatadii iyana ay doonayaan Doolar, Baasaboorkii uu noqdey Doolar ,oo Shirkadihii Mobilada iyana wax aan hayn Doolar wax ku dooneyn halkee loo socdaa.
Waxaa iigu yaab badneyd markii aan damcay in aan 50 Doolar wax ku iibsado ayaa ninkii aan wax ka iibsanayey igu soo celiyey oo i yiri “Saaxiib lacagtaan meel yar bay Garaafo ku leedahay” “ ee mid kale ma haysaa,markaas baan iri “Adiga miyaa leh Doolarka aad igu soo celineysid “Arrin aan ugu Garaabey ayuu ii sheegey ah “ Saaxiib Cid iga qaadanmayso” waa hoos iska iri “Lacagtaan sidaan loogu Waashey sow Dal kale ma laha oo Hadhow uu oran karo “ Lacagaheygii Doolarka waan bedeley ama Cid isticmaali karta ma jirto .
Marka Dowlada Federaalka ayaa laga doonayaa in ay Dhiirigeliso Shillinka maadaama uu u yahay Astaanteedii Qaranka, waxaana u Mahadcelinayaa Maamulka Soomaaliland sida uu ugu weli ugu dhegan yahay SHILLN-ka ,sidoo kale Shirkadaha Isgaarsiinta ayaa iyana waxaa laga doonayaa in Dhulka ka qaadan Shillinka Soomaaliga oo ay joojiyaan Xayeysiinta ay u sameynayaan DOOLARKA.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected]

