30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray Brussels

Brussels (Caasimada Online) Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxwene Xasan Shiikh ayaa lagu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay gaareen xarunta midowga yurub  ee Brussels.

Caasimada Online ayaa ahayd warbaahintii ugu horeysay ee shaacisay booqahsada madaxweynaha shalay. Halkan aqri.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu ka helay casuumaad rasmi ah ururka Midowga Yurub. Madaxweynaha ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa Madax kala duwan ee ka tirsan Midowga Yurub.

Safaradda Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu qeyb ka yahay Lixda Tiir Siyaasadeed ee dowlladda oo ku aadan in sare loo qaado xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka.

Waxaa mudan in hoosta laga xariiqo in dhamaan Madaxda Dowladdaha Afrika, Xoghaya Guud ee Qaramadda Middobay, iyo Midowga Yurub in dhamaan ay aad u soo dhaweeyeen safarkii uu Madaxweynaha ku tagay dalka Maraykanka iyo aqoonsigii dhawaan dalkaas uu aqoonsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib muddo kor u dhaafaysa 20sanno.

Madaxweynaha iyo wafdigga la socda ayaa ka qaybgalay shir madaxeedka Midowga Africa oo ka dhacay Addia Ababa.

Wafdigga madaxweynaha waxaa ka mid ah ra’iisal wasaarwe ahna wasiirka arrimaha dibadda Marwo Fawziyo Yusuf Adam, wasiirul dowlaha madaxtooyadda Faarax Sheekh Cabdul-Qaadir, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiyo Mudane Siciid Yusuf Nuur, iyo qaar ka mid ah la-taliyayayaasha Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Addis Ababa waxa uu  la kulmay madaxa labaad ee Bankiga aduunka mudane Makhtar Diap iyo wafdi uu hogaaminayay,waxaana ay ka hadleen qaabkii Bankiga Aduunka uga kaalmeyn lahaay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay horumar ka gaarto dhinaca hab- maamuleedka dakhliga iyo canshuuraha.

Si kastaba shirka midowga oo ah kii 20-aad ayaa lasoo gabagabeeyay, waxana uu Soomaaliya u noqonayaa mid taarikhi ah maadaama Madaxweynaha lagu casuumay in uu khudbad dheer oo ka hadlayso arimo badan oo muhiim ah ka jeediyo oo ay ka mid yihiin Amniga, la dagaalanka Musuqmaasuqa deris-wanaag iyo horumar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Warar dheeri ah: Qaraxii ka dhacay albaabka xafiiska R/W Saacid

Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo xoog badan ayaa goor dhow waxaa laga maqlay Madaxtooyada Soomaaliya sida ay sheegeen goobjooga ayaal ku sugan.

Warar aan helnay sheegaya in ruux naftiisa haliga ah uu isku qarxiyay inta u dhaxaysa safaarada Itoobiya iyo guriga Raysal wasaaraha oo ku yaala Afafaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Nin kamid ah Shaqaalaha Madaxtooyada uu isku dayay inuu gudaha u galo xarunta taliska nabadsugida, kadibnah ay soo celiyeen Ciidamda. Ninkaan ayaa kadib isku hor Qarxiyay Albaabka hore ee Madaxtooyada.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay 1 askari 5 kalena wey ku dhaawacmeen oo dhamaantood ahaa ilaalada Ra’isul wasaare Saacid, iydoo aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarxaasi hadana waxaa jira warar is dabajoog ah oo ka imaanaya gobta uu qaraxa ka dhacay

Daawo Video qosol badan: In sidaan wax loo biiyana way inoo dhinneyd!!

Adduunka inta aad joogto wax walba iska sug, mar unbaad arki doontaa. Haddii dadka qaar ay ku dhib qabaan inay shaqeeyaan, koox meeshan ah waxa ayba shaqadii oo idil ka dhigteen baashaal iyo qosol.

Waxa ay ka shaqeeyaan dukaan lagu iibiyo kabaha, waxyna lasoo baxeen farsamo iyo hab isku diib cajiib ah oo shaqadii oo idil uga dhigay mid fudud.

Haddaba Daawo Video-gan la yaabka leh

Daawo Video: Khudbadi Madaxweyne Xasan ee shirka Midowga Africa

Madaxweynaha Jamhuuriadda Federaalka Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa khudbad qiimo badneyd ka jeediyay shir madaxeedka ururka Midowga Africa ee magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, 27-kii bishan January.

Inkasta oo aan horey idin kugu soo gudbinay warbixintii khudbaddaas, waxaan iminka idiin soo gudbineynaa Khudbaddii madaxweynaha umadda oo Video ah.

Haddaba Play dheh video-ga, kadibna gey daqiiqadda 14-aad, waa halka ay ka billaabaneyso khudbadda madaxweynaha. Mahadsanid

SOOMAALIYA IYO DOLLARAYN !!!

Hordhac

Maadama kahadalka maqaalkan uu yahay mid ku badan dhagaha bulshada Soomaaliyeed maalmahan, waxaan go,aansaday inaan si kooban oga hadlo sababaha keenay inay lacagteena qiimaheeda lumiso, iyo waxa nagu qasbay inaan isticmaalno lacago shisheeye, iyo waxa ka imaanaya hadaan isticmaalno lacagaha qalaad.

Dollarayn micnaheedu waa marka dal ama gobol uu si rasmi ah ama aan rasmi ahayn u adeegsado istcimaaalka lacag aan mida dalkaas ama gobolkaas ahayn.

Kalmada Dollarization waa eray cimiyeedka loo yaqaano, laakiin dollar kaliya ma,ahee waa lacag kasta oo ajnabi ah dadkii  isticmaala ama qaata lacag aan ahayn tii qarankooda ayaa loo isticmaali karaa Dollarization.

Waxaa loo baahdaa isticmaalka lacag ajnabi marka lacag wadan ama gobol ay daciifto qiimaheeda wax gadasho, sidoo kale qiimaha ay ku leedahay gobolka iyo caalamkuba uu rasmi noqon waayo.

Qiima dhaca lacagta:  waxaa keena sababo badan waxaa ka mid ah:-

  1. Dowlad la,aan, ama awood la,aan: dowlada aan awood lahaydn ama dowlad la,aan waxay keenaysaa in lacagtaas lagu kalsoonaaan waayo oo qiimaheedu uu la tartami waayo kuwa gobolka.
  2. wax soo saarka oo yaraado ama baaba,a: sababtan  waxaa yaraanaya qiimaha lacagta wadakeedu iyo dadkeeduba wax soo saar yeelan waayaan. wadankasta haddii waxa loo soo dhoofiyo ay ka bataan wuxuu dhoofinaayo waxaa aad u yaraanaya qiimaha lacagtiisa.
  3. Nabadda: daganaanshaha wadanka, haddii dhanka siyaasada daganaansho la,aan ka jirto qalalaasaha wadanka wuxu keenaya in qiimaha lacagta hoos u dhacdo waayo la dhaankeeda gobolka iyo caalmak ayaa meesha ka baxaaya.
  4. Bangiga dhexe oo meesha ka baxa: bangiga dhexe wa lafadhabarka lacag kasta,  haddii uusan jirina laguma kalsoonaan karo lacagtaas.
  5. Soo daabicid lacag:  haddii ay suuqa soo galaan lacago la iska soo daaabacday oo aysan jirin ilaalin sax ah, waxay keenaysaa qiima dhac ku yimaada lacagtaas.
  6. Sicir barar: sababtan si aan toos ahayn ayay u saamaysaa wiima dhaca lacagta waayo qiima dhaca lacagt ayuu ka yimaadaa sicir baraku markiisa hore kadibna dib ayuu isu saameeyaan.
  7. xaalada suuqa, kalsooni la,aanta, rate lacagta oo laga faaiido, iyo kuwo kale oo badana waxay keeni karaan qiima dhac ku yimaada lacagta.

Taariikhda Dollaraynta:

Dagaalkii labaad ee aduunka kadib, markii aduunku inta badan lagu kala adkaaday dagaalki foolka foolka ahaa ayaa loo soo jeestay mid dhaqaale.

waxaa dowladaha laga awood badanyahay lagu qasbay in ay biixyaan lacago dulsaar ah markay rabaan inay u badalaan lacagtooda lacagaha  wadamada waaweyn, faa,iidada kasoo baxda dhoofinta khayraadkooda ayaa yaraaatay, sidaaa daraadeed waxay ku qanceen inay qaataan lacagaha wadamada waaweyn sida Dollar oo kale.

Siyaasada ay ku dhaqmen waxay ahayd inay si aan rasmi ahayn u isticmaalaan lacagaha waaweyn si ay u sahlanaato inay wax dhoofiyaan faaiido fiicana helaan.

wadama Latin America iyo qaar Asia kamid ah ayaa inta badan qaatay si aan rasmi ahayn dollarayn, wixi ka danbeeyay 1990 waxay noqotay siyaaasad ka mid ah siyaasadaha dowladaha wax soo saara inay wixii banaanka u baxaaya iyo mahsaariicda waweynba lagu kala gato lacagaha waweyn.

Dollaraynta Rasmi ama rasmi la,aan ah:

lacagta gudaha markay qiima beesho waxaa badanaya sicir barar, kalsooni darro, iyo bulshada oo doorbida lacagaha qalaad ee qiimahoodu uu adagyahay.

Dowladaha qaar oo,ay Somalia ku jirto ayaa si an rasmi ahayn u isticmaala lacago qalaad, dowlado kalena si rasmi ah ayay u isticmaalaan lacago ajnabi ah, waxayna heshiis is afgarad ah lagalaan wadamadaas, sida USA oo ah dowladda ugu fudu ee laqaadan karo lacagteeda loo yaqaano UniteState dollar ama USD.

Dowladaha qaatay lacago Ajnabi si rasmi ah oo ku badalay toodi qiimaha beeshay waxaa ka mid ah Ecuador, Salvador, panama iyo kuwa kale

Somalia iyo lacag ajanbi

Soomaaliya waxaa laga isticmaalaa lacago ajnabi oo fara badan haba ugu badnaato lacagta maraykanka ee USD, dollar-ku waa udub dhexaadka ganacsiga Soomaaliya, asaga la,aantiisna dadku makala gataan wax qiimo fiican leh, sida dhulalka, gawaarida, xoolaha, dahabka, iyo kuwo kaloo badan.

Somalia muddo kabadan 22 sano malahayn dowlad awood buuxda leh oo hanata dhamaan xuduudaha iyo lacagaha dalka, sidaa daraadeed ganacsato somaliyeed iyo kuwo ajanbi ah ayaa dhowr mar soo sameeyay lacago ay ku magic dileen shillin Soomaaligii qiimaha ka dhex lahaa bulshada gobolkan bariga Africa.

Ganacsato ku sheegtaas waxay soo daabaceen lacago aan sharci ahayn, ayakoo kaashanaya warshado si suuq madow ah ku sameeya lacagaha been abuurka ah, ayakoo aan u fiirsanaynin astaamaha saxda ah ee ay leedahay lacagt ay been abuuraayaa, lacagta soomaaliga ah ee hadda la isticmaalo waxaa ka maqan tayadii ay lahayd lacagtii hore ee dowladihii hore samayn jireen.

Marka lacag la samaynaayo ama lasoo daabacaayo waxaa loo fiiriyaa dhowr qadob oo dowlad kasta ay usaarto gudi qaran oo aqoonyahano iyo dhaqaalyahanno ah, kuwaasoo kasoo tala bixiya inta lacag ee loo baahanyahy, iyo waqtiga loo baahanyahay, lacag kastana waxay leedahay lambar gaar ah oo aysan wadanin warqad kale oo ay isku lacag yihiin.

Dollar-ka maraykanka iyi Soomaalliya

Haday Somalia si toos ah u qadato lacagta USD, waxaa ka dhalanaya faaiidooyin iyo khasaaro intaba.

Faaiido darada ama khasaaraha ka imaanaya isticmaalka Dollar-ka

  1. Dowladdu waxay luminaysaa Astaan ka mid ah astaamaha qaranka Soomaaliyeed, maadama wadan kasta lacagtiisu ay ka mid tahay waxyaabaha lagu aqoonsado wadanka.
  2. Waxay dowladdu sido kale dhumanaysaa faaidooyinka ay ka heli lahayd marka ay lacag soo samayso iyo marka ay lacagtaas adeegsato, tusaale ahaan samaynta 1000SOS waxaa ku baxday 100SOS, oo lamid ah 1000-100=900. Marka 900SOS waa farqu-sicirka ay Dowladdu ka heshay 1000SOS ee ay soo samaysatay, haday lacag shisheeye qaadatana waxay dhuminaysaa faaiidooyinkaas oo balaayiin noqon kara.
  3. Waxaa meesha kabaxaaya awooda ilaalinta sicirka iyo isticmaalka lacagta, maadama ay dowladdu si rasmi ah yadu u lahayn lacagtaas.
  4. Kala duwanaashaha labada dal daraadeed, waxaa dhacda in ay kala duwanaadaan danaha siyaadeed, waxkasta oo ku saabsan siyaasad dhaqaaleedka dalka wuxuu hoos tagayaa dowladda maraykanka haddii aan loo samaynin xuduud marka hore lakala qorto.
  5. dowladda Somalia haday qaadato lacag ajnabi ama dollar waxay weynaysaa inay ka hadasho danaheeda dhaqaale ee ku aadan xakamaynta inta lacag ee,ay galinayso ama ka bixinayso suuqa, maadaama aysan ahayan isha kaliya ee kaliya ee laga heli karo lacagtaas.
  6. Banngiga dhexe ee wadanka waxaa ka yaraanaya awooda ay ahayd inuu lahaado.

Faaiidooyinka isticmaalka Dollarka maraykanka

  1. waxaa laga helaayaa isticmaalka dollarka-maraykanka kalsooni buuxda maadaama ay tahay lacag adag oo kasoo jeeda wadan dhisan.
  2. Waxaa badanaya maalgalinta ay samaynaayaan dibad jooga iyo ajaanibta kale ee faaiido dooonka ah, maadama aysan ka cabsanaynin wax  khasaaro dhanka lafaha lagtooda ah.
  3. Waxaa joogsanaya ama yaraanaya isbadbadlka dhanka sicirka badeeecada maadama banaanka looga soo gadayo dollar gudahana lagu gadayo dollar.
  4. Waxaa isku soo dhawaanaya ganacsiga labada dale e maraykanka iyo soomaalida, kaasoo ka dhigaya dhaqaalaha mid ka xoogan wadama aan xiriirka ganacsi ee dhow an lalahayn lacag adag sida tan maraykanka.

Ahmed Mohamed Hussein Ismail

BSC in Economics

MBA in Accounting and Finance

    E-mail: [email protected]
    Skype: Ahmedzaky101
   twitter: Ahmedzakiyuddin
    tell:    +211 920 557 57

Somaliland iyo USA oo ka hadlay aqoonsiga la siiyay Dowlada Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar oo ka hadlaayay shir uu ku qabtay xarunta madaxtooyada Hargaysa ayaa wuxuu sheegay  in arrintaas uusan saamen ku yeelan doonin xiriirka Somaliland iyo xukuumada Washington.

Wasiirka ayaa sheegay in uu magaalada Addis Ababa uu kula kulmay danjiraha Maraykanka u fadhiya Soomaaliya isla markaana ay ka hadleen aqoonsiga la siiyay Soomaaliya.

Wuxuu yiri “ Intii aan joogay magaalada Addis Ababa shirkii midowga Africa, waxaanu kulan la yeelanay safiirka dowladda Maraykanka u fadhiya arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland James Swan, waxa aan ka wadahadlanay arrintii aqoosiga ee dhawaan dhexmaray Maraykanka iyo Soomaaliya, waxan uu wafdiga Maraykanka uu noo xaqiijiyay in arrintaasi aanay ahayn mid saameeneysa xiriirkii iyo wadashaqeyntii iyo cilaaqaadkii horrey uga dhexeeyay dowladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dowladda Maraykanka”

Wuxuu sheegay wasiirka in aqoonsigaas uu gaar u yahay xukuumada Muqdisho, isla markaana dowladda Soomaaliya lagu wargaliyay inta uusan Maraykanka go’aanka qaada, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, dowladda Maraykanka oo dhawaan markii ugu horreysay aqoonsi siiyay dowladda Soomaaliya muddo 21-sano kaddib ayaa sheegtay in Soomaaliya loola dhaqmi doono sida dal madax banaan isla markaana aysan jirin doonin siyaasadii labo geesoodka ee (Dual Track Policy ).

Mar la waydiiyay sida uu arko shirka ka dhacay bisha May 7-deeda magaalada London, kaasoo ay sida wadajir ah u guddoominayaan madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Britain wuxuu ku jawaabay?

“ Illaa hadda shirkaas wax casuumad ah nooga imaanin, xittaa ma ogin sida uu u dhacayo, marka annaga waxan ka sheegno ma aqaano, wax illaa hadda laga dido meesha ma yaala aan sugno xilligiisa.” Ayuu yiri Maxamed Cabdulaahi Cumar.

Somaliland ayaa 21-kii sano ee la soo dhaafay waxa ay raadineysay ictiraaf rasmi ah, laakin arrintaas wax uga hirgalay ma jirto.

Waxa ay sheegtaa in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’aday laakin adduunyada wax aqoonsi ah ma siiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Daawo Video: Arrin Mucjiso ah oo aad uga yaabisay Caalamka Islaamka

0

Arin Mucjiso ah ayaa waxeey ka dhacday Wadanka Sacuudi Carabiya waxaana la arkay Malaay Dawaafaya xajka oo maqlaya Codka Xujaayda Dawaafaya. Arintani  waxa ay dhacday Xajkii hore waana arin mucjiso ah.

Hada Aqristoow Muuqaalkani waxaan idiin kugu soo gudbinay ku cibro  qaadasho ee nala daawada.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO:

Ujeedka Wafti wasiiro heer sare ah ay maanta u tageen Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Onlin) Waxa maanta oo Isniin ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay gaaray wafdi wasiirro ah oo ka socda dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Xubnaha wafdiga waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiirka gaashandhigga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, wasiir ku xigeenno, taliyaha ciidanka booliiska Gen: Shariif Sheekhunaa Maye iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga ayaa markii ay ka daggeen garoonka diyaaradaha waxa halkaas ku soo dhaweeyay maamulka gobalka Baay iyo ciidamada AMISOM ee halkaas jooga.

Waxana markii dambe loo galbiyay xarunta madaxtooyadda Baydhabo, halkaasoo kulamo albaabada uu xiran yahay ay la qaateen maamulka iyo ciidamada ajinabiga ee ku sugan Baydhab.

Illaa hadda si rasmi ah looma ogga qorshaha wafdiggan wasiirada ay ku jiraan ku gaareen magaalada Baydhabo, laakin waxa la sheegayaa in socdaalkooda uu ugu muhiimsan yahay siddii ay u soo qiimeen lahaayeen xaaladda ammaan, midda siyaasadeed iyo tan bulsho ee gobolka.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa waxaa dhawaan lagu wadaa in lagu qabto shor looga hadlaayo maamul u sameenta gobalada koonfur Galbeed.

Waxana arrintaas dadka u olaleenaya ku jira guddoomiyihii hore ee golaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Ra’iisal Wasaare Saacid oo la kulmay danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa saaka Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Adrea Mazzela. Waxyaalaha ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhaxeeya labada waddan.

Kulan qaatay mudo saacad ah kadib ayaa waxaa saxaafadda si wada jir ah ula hadlay Ra’iisul Wasaare Saacid iyo Danjiraha Talyaaniga u Qaabilsan Soomaaliya.

Ra’isal Wasaare Saacid oo ka warbixinaya waxyaabihii ay ka wada hadleen DanjirahaTalyaaniga ayaa yiri.

“Sida aynu ka warqabno waxaa ka dhexeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya xariir taariikhi ah, waxaana aad uga mahadcelin taageerada hagar la’aanta ah ee dowladda Talyaanigu la garab taagantahay Soomaaliya, waxaana soo dhaweynayaa xariirka u bilaaban doona labada Dowladood, isagoona xariirkaan ka duwanaan doono xiriirkii ka dhexayn jiray labada waddan.

Waxa kaloo dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba soo dhaweynayaan in xariirkaan hada bilowday uu noqdo mid miro dhalkiisu soo deg dego” Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa intaa ku daray si loo xoojiyo wada shaqaynta labada waddan ay ka rajaynayaan Dowladda Talyaaniga in ay soo dadajiso furitaanka Safaradooda.

Dhanka kale danjirah Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Mazzela ayaa dhankiisa xaqiijiyey in xiriir dhow ee dhex mara labada Dowladood uu yahay mid lagama maarmaan ah.

“Waxaan mahad balaaran u soo jeedinayaa sida wanaagan ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ii soo dhaweeyey, waxaana balan qaadayaa in dowladda Talyaanigu ka taageeri doonto Soomaaliya horumarinta Gaashaandhiga, Cadaaladda, Waxbarashadda, Caafimaadka iyo Dib-U-Dhiska Dalka.

Safiirka Talyaaniga ayaa intaas ku daray in Dowladoodu ay la yeelan doonto xiriir siyaasadeed oo toos ah. Wuxuuna sheegay in Talyaaniga ay ka go’antahay sidii loo xoojin lahaa xiriirkaas, sidoo kale safiirka ayaa ku aamanay Xukuumadda Soomaaliya sida ay u muujisay wax qabad la taaban karo boqlka maalmood ee lagu dhex jiro.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay iin deeqaha Talyaanigu siiyo Soomaaliya loo maamuli doono si hufan oo miisaman, Dowladuna ay si adag uga horjeeddo wax is daba marinta, ayna bilwoday sidii gacan adag loogu qaban lahaaa musuq-maasuqa, waxaana dowladdu rajaynayaasaa in arinkaas laga dareemo dhamaan dalka oo dhan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho