30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Siilaanyo oo hadlay, kadib maalmo uu xaalka ku xumaa Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in aysan dowlad u ahayn isla markaana xukumin Somaliland.

Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay mar uu maanta khudbad ka jeedinaayay labada aqal ee baarlamaanka Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu sheegay in ay ku howlan yihiin horrumarinta Somaliland iyo siddii aqoonsi uga heli lahaayeen dunidda.

Mar uu ka hadlaayay dowladda Soomaaliya wuxuu yiri “Dowladda cusub ee Soomaaliya waxaa inoo dhexeeya cilaaqaad fiican waxaanu cid walba u sheegeynaa dalka Somaliland dowlad uma ahan, Somaliland waxa ay dowladnimadeedu dib ula soo noqotay sannadkii 1991-dii”

Wuu sii hadlay “ Waxaanu ku howlanahay horrumarinta dalkeena iyo siddii aqoonsi aanu uga heli lahayn dibedda, dowladda Soomaaliya iyo dadkeeda waxaanu ka rajeyneynaa in ay garwaaqsadaan oo ay u tashtaan siddii uu u fiicnaan lahaa xiriirkeena, mana jirto cid juujuubi karta aqoonsiga Somaliland”

Muxuu ka sheegay Siilaanyo Aqoonsiga Maraykanka uu siiyay dowladda Soomaaliya?

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku soo hadal qaatay aqoosniga Maraykanka uu siiyay dowladda cusub ee Soomaaliya.

“Ictiraafka uu siiyay Maraykanka dowladda cusub ee Soomaaliya arrintaas ma ahan wax Somalialand quseeya mana ahan wax cusub waligeed waa ay ictiraafsaneed Soomaaliya balse iminka waxa ay oggolaadeen maamulka cusb, annaguna kama xumin xaasidna kuma nihin waxa dadka Soomaalida ku kordhaya iiyo n ay horrumar gaaraan”

Muxuu ka sheegay xiriirka Somaliland iyo Maraykanka?

Madaxweyne Siilaanyo ayaa meelaha kale ee uu taabtay waxaa ka mid ah xiriirka Somalialnd iyo Maraykanka taasoo uu sheegay in aanay waxba iska badalin.

“Xiriirka u dhexeeyay Somaliland iyo Maraykanka waxba iskama badalin wadashaqeenteenuna waa siddeedii , waxanaa rabaa in aad ila dhageesataan fariintan ka timid wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka taasoo uu ii soo dhiibay danjiraha halkan u jooga, waxa la sheegay in xiriika labada wadan uu siddiisa yahay” ayuu yiri Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray dowladda Britain ee ahaa in muwaadinteeda ka jooga Somaliland ay ka baxaan halkaas kaddib markii la helay digniino khatar ah oo xagga nabadgalayada oogeed.

“Dowladda Ingiriiska waxaa noo dhexeeyay xiriir soo jireen ah waxaa naga dhexeeyay iskaashi meel fiican maraya, waxaase ka xumahay dhawaaq ka soo yeeray wasaaradda arrimaha dibedda ee lagu sheegay in Somaliland ay ka jirto khataro xagga nabad galyada ah dhawaqaas ma ahayn mid u qalba kuna haboon xiriirka labada waddan waxaanu u aragnaa gaf nalaga geestay” ayuu yiri madaxweyne Siilaanyo.

Siilaanyo aqoonsiga Somaliland waa muqadas

Madaxweynaha Somaliland ugu dambeen wuxuu ku soo hadal qaaday madaxbanaanida Somaliland oo sacab loo tumay.

“Mudanayaal jiritaanka Somaliland oo soo martay marxalado kala duwan  oo fulaygu shaki badan galiyay sidaan horrey u sheegay 100-sano haddii ay gaareyso qadiyada madaxbaanida Somaliland waa muqadas ,waxaanu ku kalsoonahay in aan si wadajir ah uga wadagudbi doono caqabad kasta oo naga hortimaada”

Si kastaba, Somaliland oo muddo 20-sano kabadan ay aqoonsi raadineysay aanu weli jirin cid aqoonsatay caalamka.

Caasimada Online

 Xafiiska Wararka Hargeysa

 

Tarsan: “Magaalada Ma’ahan Kaliyah Makka Almukara ee Barta Magalada..”

0

Munaasab balaaran oo loogu magac daray Baro Magaaladaada taas oo ka dhacday Hoteelka Garguurte oo ku yaalo Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uul yihiin ka tirsan Dowlada Somalia.

Ula jeedada loo qabtay Munaasabada ayaa aheyd in Magaalada Muqdisho aysan aheyn hal meel oo kaliyah Shacabkuna ay ilaabeyn Waqooyiga Muqdisho taas oo ay ka hadleyn Mas’uul yihiin ka tirsan Dowlada Somalia.

tarsan

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mahamud Ahmed Nuur “Tarsan” ayaa ka mid ahaa Madaxdii ka qeyb gashay waxuuna ka hadlay arimo muhiim ah oo ku socda Shacabka Magaalada Muqdisho joogo iyo kuwa ka imaanaya Qurbaha waxuuna yiri.

“Magaalada Wadada Maka Almukarama kaliyah ma ahan ee barta Magaaladiina waa magaalo baaxad weyn tusaale ahaan halkaan aan joogo waxaa ku yaalo Hotelo Raqiis ah iyo meelo badan oo ku soo jiidanaya waxaan dhihi la haa Shacabka Soomaaliyeed meelo badan ayaa jiro oo ka qurxoon daaraha Wadada Maka Almukarama”

“Ma’ahan in la ilaabo meelo amaankooda uu aad u adag yahay sida Waqooyiga Muqdisho waana meel la isku haleyn karo waxaa joogo Ciidamada Dowlada ee halkaan kaalayaha wax kasta oo ka jaban meelaha qaaliga ah ayaad ka heleysaan”

Hadalka Gudoomiyaha ayaa ahaa mid soo jeedanaya Shacabka asagoo dagaal ugu jiro soo celinta bilicda Magaalada iyo dib u dhiska Gobolka Banaadir oo si xowli ah ku soconaya Maalmahaan.

Daawo: Afhayeenka Daarood “Axmed Madoobe Wuxuu dib usoo nooleyay Colaadii Hawiye & Daarood”

Mid ka mid ah Ugaasyada dhaqanka Beesha Sade Daarood, ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood, ayaa ka hadlay arrimaha maamul sameynta gobollada Jubbooyinka ee uu hor kacayo hogaamiye kooxeed Axmed Madoobe, oo madax ka ah maamul KMG ah oo ka dhisan Kismaayo.

Ugaas Maxamed Weli oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa shalay, ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu dib usoo nooleeyay barnaamijkii beelaha Daarood iyo Hawiye.

TV-ga Somali Channel ayaa baahiyay shirka jaraa’id ee Ugaas Maxamed Weli ee Daawo.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sii jeeda London + Ujeedada socdaalka

London (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maalinta Jimcaha ku wajahan magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Danjiraha dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Matt Bought ayaa u sheegay VOA –da in madaxweynaha uu ka qaybgali doono shir ka dhacaya London oo looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay heesato fursad aan horrey u soo marin, taasoo loo baahan yahay buu yiri in laga faa’ideesto.

Wuxuu yiri 12-kii bilood ee la soo dhaafay Soomaaliya waxaa ka muuqda dhaqdhaqaaq wanaagsan oo la mahdin karo.

Maxaa looga hadli doonaa shirka ka dhacaya London?

Dajjire Bought ayaa sheegay in shirka ka dhacaya London looga hadli doono siddii taageero loo siin lahaa dowladda Soomaaliya oo ah dowlad rasmi ah iyo beesha caalamka ay isku raacaan siddii loo taageeri lahaa dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa kaloo looga hadli doonaa shirkaas siddii Soomaaliya looga caawin lahaa in ay sameesato hey’addaha caddaaladda iyo garsoorka oo hadda ah kuwa aan jirin.

Waxa kaloo shirka London looga hadli doonaa siddii lagu sameen lahaa hey’addo ilaaliya maaliyadda iyo dhaqaalaha soo gala dowladda Soomaaliya.

Mar la weydiiyay mowqifka maamulka Somaliland ee ah in ay yihiin maamul iskood u jira, wuxuu yiri “Somaliland weli aqoosigeeda siddeedii ay u taagan tahay, wax kasta waxa ay u taallaa waxa ay ka yeelaan iyaga iyo Soomaaliya” ayuu yiri danjire Bought.

Si kastaba, danjiraha dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in tallaabo horrumar ah ay tahay aqoonsiga Maraykanka uu siiyay dowladda Soomaaliya oo muddo yer hadda jirta.

Waa shirkii labaad oo dowladda Britain u qabto muddo ka yer sannad Soomaaliya.

Waxa shirka London ee soo socda wadajir u qabanaya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisla wasaaraha Britain David Camiron.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa hadda ku sugan xarunga midowga Yurub ee Brussels.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

HRW oo madaxweyne Xasan Sheikh farriin kasii hor dhigtay Brussels (Aqri)

Nairobi (Caasimada Online) Hey’adda ilaalisa xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in midowga Yurub ay u gudbiyeen codsi ah in madaxweynaha ay ka codsadaan sii deynta afaro qof oo uu ku jiro wariye oo u xiran dowladda.

Hadalka HRW ayaa lagu soo beegay iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu hadda booqasho rasmi ah ku joogo xarunta midowga Yurub ee Brussels.

Daniel Bekele waa aggaasimaha guud ee HRW , wuxuu sheegay in midowga yurub gaar ahaan kuwa deeq bixiyaasha ay u sheegeen madaxweynaha Soomaaliya in mudnaan lee yihiin wariyaasha iyo dadka lagu xadgubo.

Wuxuu kaloo yiri “Saraakiisha midowga yurub waa in ay hordhigaan dowladda Soomaaliya sida loo baahan yahay in ay ilaaliso xuquuqda aadanaha iyo shariga, waana in hoos lagalin dad raba in ay soo bandhigaan kiisaska kufsia.”

HRW ayaa ka codsatay midowga yurub in dowladda lagu tartarsiiyo siddii loo sii deen lahaa wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur oo loo heesto wareysi uu la yeeshay haweeney sheegtay in ay kufsadeen askar katirsan dowladda sannadkii hore 2012-ka.

Wariyaha ayaa waxa kaloo lala soo xiray afar qof oo kale oo ay ku jirto haweeneyda sheegtay in la kufsaday, in kastoo la sii daayay haddana waxaa xiran ninkii qabay.

Wariyaha xiran ayaa la sheegay in uusan sii deen wareesiga uu la yeeshay haweeneyda dhibanaha, laakin waxa booliska Soomaaliya ay lee yihiin warbixinta waxa ay ka baxday TV-ga Al Jazeera.

Afarta qof oo uu ku jiro wariye Cabdi Casiis waxa ay ku xiran yihiin xabsiga dhexe halkaasoo ay maxkamad ku sugayaan.

“Midowga Yurub waddamada deeqaha siiyay booliska Soomaaliya waxa looga baahan yahay in ay kala cadeeso dowladda in aysan qayb ka ahayn caddaalad darida ,”sidaas waxaa yiri Bekele.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Waxaan kusoo arkey kullankii labaad ee Prof Samatar iyo Prof Galeydh!

Fiidnimadii 26kii Janaayo 2013 ayaa markale labada Barfisoor islamarkaasna ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Cali Khaliif Galeydh iyo Axmad Ismaaciil Samatar kula kulmeen jaaliyada Soomaalida ee Minnesota gabagabadii kulanka ayey jaaliyadu suaalo ay weydiiyeen.

Runtii waxaan si toos ah u orankaraa dadkii soo qabanqaabiyey kulamadaan ay mudan yihiin in loo mahadceliyo sida la sheegay waxaa hormuud u ahaa Sadik Warfa oo magac iyo maamuus ku dhexleh bulshada Soomaalida ah ee Gobolka Minnesota qabanqaabiyayaashu waxa ay baal cusub u fureen umada Soomaalida ah guud ahaan.

Kulankaan ayaa waxaa lagu qabtay makhaaxida lagu magacaabo Safari qeybteeda shirarka waxaana isugu yimid dad badan oo intooda badan xiise gaar ah u qabay in a dhageystaan waxa ay halkaas ka oran doonaan 2bada barafeysar.

Kasoo qeybgalayaasha oo aan in badan ka gartay ayaa waxaa ay kasoo kala jeedaan gobolada dalka amaba waxaan oran karaa qabaailada soomaalida kuwooda ugu sawaxanka badan iyo kuwooda ugu shanqarta yar intaba.

Ka wargurista labada Barfasoor looma kala harin baan oran karaa.

Prof Galeydh.

Prof Cali KH Galeydh oo hadalka lagu bilaabay ayaa waxa uu ugu horeynba dadka tusay in uu wato buug uu ku qarnaa Dastuurka Soomaaliya waxa uuna akhriyey qeyb ka hadlaysa dalka Soomaaliya inta uu ka kooban yahay xuduudiisa, wadajirka dalka iyo waliba nooca ay dowlada Soomaaliya ay tahay, waxa uuna bud-dhig uu uga dhigayey doodiisa dastuurka dalka u degsan oo uu gacanta ku heystay marna kor buu u qaadayey marna waa uu akhrinayey.

Dulucda hadalkiisa waxa ay aheyd Soomaaliya waa jirtaa weyna jiridoontaa kalagoyna waa wax aan dhici karin, micnaha waxa uu ku han-jabinayey oo fartiin u dirayey dadka aaminsan in dalka Soomaaliya lakala gooyo.

Somaliland ayuu ku diganayey baan ka fahmay

Waxa uu kaloo ka hadlay arimaha maamul u sameynta jubooyinka waxa uu sheegay in uu mudo kasoo shaqeeyey goboladaas oo uu khibrad dheeri ah u leeyahay sida loo kala degan yahay waxa uu ka digay in la carqaladeeyo maamul u sameynta goboladaas, doorka dowladana waxa uu ku cadyahay dastuurka ayuu yidhi. Waxa uu ka digay in ay dowladu marin habaabto oo ay ku talaabsato khaladaadkii ay sameysay dowladii uu R/Wasaaraha ka ahaa.

Nin khibrad siyaasadeed iyo mid deegaan u leh koonfurta fog ee Soomaliya sidiisii ayuu u hadlay.

Prof Cali Khaliif Galeydh waxa uu u ekaa sidii nin usoo diyaar garoobay kulanka waxa uuna uga duwanaa kii hore isaga oo si gabad aan ku jirin u weerary Villa Somalia, waxa si diiran u weeraray siyaasada Madaxweyne Xassan issga oo madaxweyne Xassan SH si dahsoon ku sheegay in uu ku xadgudbay dastuurka uu madaxweynaha ku doortay.

Waxaan is odhan karaa hadalkii ugu adkaa in uu ahaa isaga oo madaxweynaha iyo R/Wasaaraha uu ku tilmamay nin iyo hadhkii.

Anoo hoos isulu hadlaya ayaan is iri maxaa ku jaban nin iyo hadhkii hadii ay wax inoogu hagagayaan.

Prof Galeydh kulankii hore waa uu ka hadal adadkaa sidii nin socdaal ku ah meel uu oghyahay sidiisii ayuu u hadlayey si khibradiisa siyaasadeed ka tarjumeysana waa uu u dhigayey doodiisa.

Marar badan baa loo qoslay waana uu kaftamayey.

Prof Samatar

Prof Axmed I Samatar waxa uu durba markii uu makarafoonka qabsadey ku bilaabay dib ugurasho xeeldeysan oo in mudo ah uu ka faalooday in si khaldan looga fasirtay hadaladii adadkaa ee kulankii 1aad ee 2bada barfasoore ay qabteen.

Samatar waxa dulucda dib u gurashadiisa ku sifeeyey in lahjadiisa darteed si khaldan loo fasirtay balse jaceylaka dalka iyo dadka ay ku weyn tahay. Waxa uu yidhi Niyadjab waa ay jirtaa balse Rajobeel ma jirto.

Aamaan iyo wanaag badan buu ka sheegtay wadaniyiin badan oo ku dhaqan gobolka Banaadir.

Waxaan u qaatay in mar afka uu kasoo xadey oo uu yiri dowlada Mareykanka warqad baan u diray markii xiriirkii diblamaadsiyadeed ay dowlada Mareykanka ay lasoo ceshatay Soomaliya oo uu ugu sheegay in Somaliand aan la dhayalsan karin wax ala iyo wixii Soomaliya ku Saabsan in meesha hore laga galiyaa oo talo ay Somaliland ku yeelataa. Tan kama aan ka filaneyn Prof Samatar.

Waxaan is idhi mar hadii ay sidaas tahay maxaa darajadaas u diiday Puntland, Galmudug iyo maamulada kale ee unkamayo.

Dadkii halkaas fadhiyey waxa uu ka codsadey in lacag joogto ah la isku qoro oo lagu caawiyo Booliiska Xamar iyo Hargeysa, waxa uuna suaalo laga wediiyey waxa uu ku doortay labadaas magaalo waxa uuna ugu jawaabay dalka labaas ayuu ahaa 60kii micnaha British Somaliland iyo Italian Somaliland.

Prof Samatar kulankaan waa uu ka daganaa kii hore waana is xadidayey waxaan u qaatay uu u hadlayey sidii nin lagu shideeyey erayadii kulkululaa ee uu ka jeediyey kulankii hore ee ay wada qabteen Prof Galeydh.

Xodxodasho Siyaasadeed iyo jileec aan ku aqoon baan ka dhex arkay Khudbadii Samatar .

Prof Samatar waa loo qoslay waana looga qosol badnaa Prof Galeydh.

Iskusoo wada duub

Labada barfasoor waxaa ay u ekaayeen niman danta isku keentay oo iska maciin biday dhanka siyaasada oo intaas isaga dan ah oo wax kale ka dhaxeyn.

Prof Galeydh waxa uu ka ciil qabay baan u qaatay.

1-sida aysan dowlada Soomaaliya aysan wax uga oran dagaalada Khaatumo uga socda Somaliland.
2-sida dowlada ay uga indha laabatay talooyinkii uu siiyey oo aan waxba laga soo qaadin.

Micnaha nin muraayada laga dalacday sidiisii oo kale buu u hadal ekaa.

Prof Galeydh Darbiga masoo taaban laakiin waa uu u dhawaa baan isleeyahay

Prof Cali Khaliif Galeydh waxa uu iila ekaaday sidii nin siyaasad iska dhicinaya.

Ikhtiyaar Siyaasadeed in uu leeyahay waa uu ka muujiyey halkaas.

Soomalinimada in ay ku weyn tahay kuna qanacsan yahayna waa uu cadeeyey Prof Cali KH Galeydh.

Prof Samatar waxa uu ka ciil qabay baan u qaatay

1-sida uu ugu soo fashilmay Muqdisho, Somaliland na aan wax uga horeyn.
2-sida uu u hanweynaa una soo hungoobay.

Prof Samatar Darbiga ayuu soo taabtay waana gacan haadinayey baan is idhi.

Prof Axmad Ismaaciil Samatar  waxa uu iila ekaaday sidii nin siyaasad raali galinaya.

Ikhtiyaar Siayaasadeed in uu leeyahay waa uu ka muujiyey halkaas.

Soomaalinimada in ay ku weyn tahay kuna qanacsan yahayna waa uu cadeeyey Prof Axmad I Samatar.

Gunaanad

Aragtideyda waxaan odhan karaa in labada Barfasoor aysan waxba iskaga qaban karin siyaasada la isku humbaaleynayo ee ka dhex socota qeybaha Soomaalida, Gocoshadeedana ay sharaftooda wax u dhimi karto.

Kasoo qeybgalayaashii iyaga oo laga qosliyey bey ka tageen labada barfasoorna iyaga oo neefsadey bey ka tageen anigana waxaa ka tagay anoo yaaban.

W/Q: Mursal Geeldoon
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Daawo Video: Wiil yar oo caalamka ka yaabiyay adna kaa yaabin doona!

Adduunka intaad ku nooshahay maalin kasta wax kaa yaabiya ayaad arkeysaa. Arrintan waa ay ka yaabisay Caasimada Online ee adinkuna nala yaaba. Waa wiil yar oo u dhashay dalka India, oo illaah siiyay awood caqliga ka baxsan. Inkasta oo aynan helin da’diisa rasmiga ah, haddana waxaan ku qiyaasnay inta u dhaxeysa 13-15. Waxa uu awoodaa inuu dhabarkiisa ku jiido Baabur yar, waxaa taas ka darran, kama muuqato wax xooganaan ah oo waa miskiin yar oo caato ah.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

Ohio: Colonel ka tirsanaa Dowladdii Max’ed Siyad Barre, balse dhuuntay oo maxkamadeyntiisa la waqtiyeeyay

Columbus, Ohio (Caasimada Online) Xaakim federaal ah oo jooga dalka Mareykanka ayaa dhageysan doona dacwo magdhow doon oo ka dhan ah Colonel horey uga tiran milatariga Somalia, waqtigii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Si kastaba Col. Cabdi Aadan Magan, ayaa ka tagay Mareykanka, xilli uu wajahayay eedeymo ku saabsan inuu jir dilay nin kale oo Soomaali ah oo u dhaq dhaqaaqa xuquuqda aadamaha.

Xaakimka jooga gobolka Ohio, ayaa dhageysiga dacwadda waqtiyeeyay daba yaaqada bisha May.

Waxa ay noqon doontaa markii ugu horeysay ee maxkamad lagu dhageysto eedeymaha ka dhanka ah Col. Magan.

Sanaddii tagtay, ayaa Magan waxaa lagu helay inuu jir dilay Abuukar Xasan Axmd, sanadihii sideetamaadkii.

Abuukar, ayaa sheegay in jirdilkii uu magan u geystay inuu gaarsiiyay xanuun darran, illaa iyo haddana uusan awoodin inuu farriisto.

Col. Magan ayaa dhowr sano ku noolaa Ohio. waxa uu Ohio ka tagay ka hor inta aanu xaakim ku helin dambi ah inuu jirday Axmed, lamana oga halka uu jiro.

Xafiiska wararka

Columbus, OHIO, USA

50 Sano iyo Nolosha qurbaha! (Qiso iyo qeexid cajiib ah)

Xaaji Maxamuud Muuse Xirsi oo ku magac dheer Kabtan, waxa uu ku dhashay degaanka loo yaqaano Dooxo Gurayo ee hoos tago baadiyaha dhulka Hoowd ee Waqooyiga Somaliya, qiyaastii 1941 ee qarnigii hore 19-aad.

Waxuu Xaaji Maxamuud asaga oo dhalinyaro ah soo galay magaalada Hargeysa, asaga oo halkaa ku soo dhaafay noloshii Reer miyinimo, waxuuna isla markiiba uga sii gudbay Hargeysa, magaalada Jabuuti markaa uu Xaajiga da’diisu aheyd 19 jir, waxuuna sidoo kale uga sii talaabay dhanka wadanka Yemen, gaar ahaan magalada Cadan oo ay Somali badan xiligaa ku nooleyd.

Xaajiga waxuu sheegay in ujeedkiisu ahaa in uu soo shaqeysto, ka dibna dalka dib ugu soo laabto dalka, laakin maalinba maalin ayaa ay u isu dhiibtay, sidoo kale dhulna dhul kale.

Markii Xaajiga Yemen soo galay, ayuu arkay in aysan nolol wacan ka jirin iyo shaqaba, waxuuna go’aansaday inuu u gudbo dhanka Dubay 3 sano ka dib, waxuuna galay safar kale oo badda ah oo aanan sahlaneyn.Dubay markii uu soo galay, ayuu waxuu la kulmay dad dhibaato badan ka muuqato oo buulal cows ka sameysan ku jiro, waxaa la oran karay Sheekha ayaa guri fiican ku jiray isna aqal dhoobo ka sameysan ayuu degenaay.

Waxuu sheegay in magaalada Dubay uu xiligaa joogay nin somali ah oo la oran jiray Cali Caamiri oo dadka Somalida ah aad u saacidi jiray kana ilbaxsanaay carabta waagaa joogtay Dubay, ninkii ayaa la sameeyay asaga iyo raggii ay saaxiibada ahaayeen ee la socday warqadahii ay Dubay uga dhoofi lahaayeen, waxaa ayna qabteen ama galeen safar dhanka badda ah, ayaga oo markaa sheeganayo in ay yihiin dadka loo yaqaan Meheri ee dega intooda badan Cuman, markii ay Kuweyt gaareen, ayaa loo diiday in ay galaan waddanka, waxaa aakhirkii ogolaasha siiyay sargaalkii haystay dakadda, markii uu ogaaday in ay sheeganayaaan qabiilka Meheri oo markaa ahaay dad aamin ah, shaqana badan, Kuweyt ayaan sidii ku galnay, waagaa Kuweyt oo dhan waxaa deganaay Somali aanan ka badneyn 200 oo qof oo 40 ka mid ah ay yihiin darawaliin, ka shaqeeyso ciraaq iyo kuweyt dhaxdooda, 40-kaa nin ayaa biisha inta kale ee aanan shaqada haysan.

50 sanoXaajiga waxuu helay shaqo, waxuu yiri shaqada aad ayaa u dhib badneyd, maalin maalmaha ka mid ah, ayaa nin injineer oo u dhashay Denmark, ayaa waxuu igula taliyay in aan Yurub aado, waayo waxuu igu yiri, waxaad heli xuquuq ka wanaagsan midda aad hadda haysato ee nin dhalinyaro ah ayaa tahay ee halkaa iyo Yurub qabo gaar ahaan Denmark.

Ninkii warkiisii wax weyn ayaa iiga baxay, waxaana bilaabay qorshahii aan yurub ku imaan lahaay, waan ka soo tagay Kuweyt waxaan iamaaday Ciraaq, ka dib waxaan soo galay Urdun, Beyruut oo Lubnaan, Dimishiq, Xalab oo Suuriya ah, ka dib Istanbuul ilaa Giriiga oo aan ka imaado Denmark.

Sanadka waxuu ahaay marka aan imaanayo Denmark 1969, waagaa waxaan Denmarka ku joognay 47 ay labo yihiin dumar, Sweden waxaa joogay 7 qof, Filand waxaa joogay hal qof, Norway waxaa joogay 7 qof.

Waxaan shaqo ka bilaabay shirkad dhisto maraakiibta, waxaa helay shaqo ka wanaagsan kana dhib yar sida uu ninkii ii sheegayba, laakin waxaan soo galay waddan wax badan ka gadisan dhaqankii aan ka imaaday, waxaa nasoo maray wax yaalo badan oo aanan soo koobi karin, waxaa inoogo darney markii uu naga geeriyay nin dhalinyar ah waayo dadka Muslimiinta ah waa ay yaraayeen, marka aakhirkii waxaan helnay nin Carab ah, ninkii ayaa noo geeyay nin dheenish ah oo muslim ah, markaa ayada ah muslimiinta asalkooda dheenishka yahay waxaa ay aheeyn labo nin, marka Cumar ayaa noo dhaqay, anigana biyaha ayaan u hayay raggii kale waa ay baqdeen.

Raggaaynii soo galay xiligaa ma aynu keeni jirin dumarka halkaan, sidoo kale ma aysan guursan jirin dumarka dheenishka ah, laakin waxaa jiro rag aanan badneyn oo guursaday dheenish iyo kuwa keenay dumar Somali ah, raggii guursaday dheenisha iyo kuwii keenay dumar Somaali ah, waxaa la oran karaa waxaa wanaagsanaaday kuwii dheenishka guursaday kuwii soomalida guursaday qoys burbur ayaa ku dhacay, halka la helayo raggii waagaa guursada dheenish in ay wali la noolyihiin dumarkii dheenishka ahaay.

Waxaan aad u naxnay markii ay nasoo galeen soomaali badan oo magangalya doon ah, waxuu arrinkaa nagu abuuray welwel iyo dal tabyo dheeri ah.

Maraan weydiiyay dadkii qaxoota ahaay ee idiin imaaday, wax ma idin ku kordhiyeen, waxuu yiri hal sheey ayaa ay nagu soo kordhiyeen oo ah cibaado, wax kale oo aan ka kororsanay ma jiraan.

Waxuu Xaaji Maxamuud ii sheegay maraan weydiiyay, haddii maanta dib nolosho loo celin lahaay, qurba ma imaan laheyd, waxuu yiri xitaa Hargeysa ma imaadeen, oo waxaan joogi lahaay miyigeygii aan ku soo koray, nolosha waxaa ay xaraga iyo qiimo ku leedahay dhulkaada hooyo.

Maraan weydiiyay, haddii dib laguu celiyo maanta yurub waddankee ayaad degi laheyd halka aad Denmark ka timid, waxuu yiri waxaan dooran lahaay England waayo waa waddan aqoon u leh ajnabiga wax badan naga og.

Xaaji Maxamuud waxuu intaa ku daray, war raggiina jooga oo ka shaqeysta laakin dumarka iyo ciyaalka inta ay goori goortahay ka wata dhulkaan, waa haddii aysan suuragal idiin wada aheyn in aad noqotaan.

Marka aan arko dadkaan aan la joogno sida ay dhulkooda u jecelyihiin ayna u dhisteen iyo midkeenii sida aan u galnay waan xanuunsadaa, waagii hore ma aynu ogeleyn in aan qaadano jinsiyadda waddanka haddana waxaad arki soomali ku faaneyso waxaan haystaa jinsiyada waddanka marka waxaa inoo dhaxeeyo wax badan, aaway soomalidii aan naqiinay, dadnimadii xagee ayaa ay martay, duulkaan maxuu yahay, maxaa adeer dadkii ku dhacay iyo dalkii?

waa su’aal u baahan jawaab .

Ahmed-haadi Muhumad

[email protected]