25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Chelsea oo bedelka A.Cole u aragta Benoit Assou-Ekotto.

Chelsea ayaa sida macquulka ah dalab ay kula soo saxiineyso u direysa daafaca kooxda Tottenyham Benoit Assou-Ekotto, sida uu qoray Daily Mail.

Rafa Benitez ayaa cadaadis saran yahay sidii uu u heli lahaa bedelka Ashley Cole kaasoo qarka u saaran inuu ka tago kooxda ka dib marka uu qandaraaskiisu dhamaado gabgabada xagaaga, Assou-Ekotto waa xidig aad ugu qibrad badan daafaca.

Chelsea ayaa sida lasoo werinaayo waxay dooneysaa inay xidigaan kula soo saxiixato 5 milyan oo ginni, sida uu qorayo wargeyska Metro, Spurs ayaa xidigaan 3.5 milyan oo ginni 2006dii kaga soo qaadatay kooxda Lens.

28-jirkaan heerka caalami ee dalka Cameroon ayaa ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan White Hart Lane xilli ciyaareedkii hore, laakiin tan iyo markii uu kooxda macalin u noqday Andre Villas-Boas dhaawacyo ayaa la degay. Sida la filaayo dhowaan ayuuna soo laaban doonaa.

Inta badan Jan Vertonghen ayaa ahaa doorka daafaca bidix, Kyle Naughton, ayaana isaga laftiisa loo doortaa booskaan.

Chelsea ayaa lala xiriirinaayey daafaca bidix ee Southampton Luke Shaw, laakiin hadii uu 17-jirkaan kusoo biiro kooxda Stamford Bridge taas ayaa la micno ah inuu heysto Blues laba daafac oo bidix misna da’yar ah Shaw iyo Ryan Bertrand.

Steven Gerrard oo mustaqbalkiisa kusoo afjaraya Liverpool.

Tababare Brendan Rodgers ayaa doonaya inuu Kabtan Steven Gerrard xirfadiisa kubada cagta kusoo afjaro kooxda Liverpool.

Kabtanka xulka England ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xilli ciyaareedka soo aadan wuxuuna macalin Rodgers doonayaa inuu qandaraas cusub kooxda u saxiixo.

32-jirkaan, ayaa ku dhow inuu kulankiisii 400aad ee Premier League u safto Liverpool Rodgers ayaana maanka ku haaya inay kooxdo badan heegan ugu jiraan saxiixa Kantan Fantastc.

“Steven aad ayuu muhim inoogu yahay taasna anaa qirsan,” ayuu yiri tababarihii hore ee Swansea.

“Waan garwaaqsanahay inay qandaraaskiisa ka hartay 16 bilood laakiin waxaan doonayaa inuu qandaraas kale kooxda u saxiixo. Taasna su’aal kama taagna.

“Waan nin kooxda hugaamin karaaya waxaana doonayaa inuu xirfadiisa inta ka harsan usii ciyaaro Reds.”

YAA LAGU LEGDAY SHIRKII NAIROBI?

Shir fool ka fool ah oo in muddo ah la sugayay inuu dhexmaro madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waa mid aynu haatan si wadajir ah u dhihi karno “wuu qabsoomay”, balse lagu kala aragti duwan yahay natiijadii ka soo baxday shirkaasi.

Madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Kenya waxay kulmeen jimce December 21, 2012, si ay isula meel dhigaan arrimo ay dad badan filayeen in meel sare laga gelin doono ajendaha shirka, si weyn-na loo qaadaa dhigi doono.

Balse sida ka muuqata 9 qodob oo lagu soo bandhigay war murtiyeedkii ka soo baxay shirka, si weyn loogama hadlin qodobo ay si weyn Soomaalidu u sugayeen, kuwaasoo ka mid ah amar ay dowladda Kenya ku siisay Soomaalida bilaa sharciga ah ee ku nool goboladeeda inay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga iyo dhisidda maamul goboleedka Jubbaland oo aan daah saarneyn inuu ahaa halkii uu ka bilowday mugdiga ku dhex jira labada dowladood.

Qaraxyo is xig xigay ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay ka dhacayay xaafadda Islii ee Soomaalidu u badan tahay ee magaalada Niarobi, kuwaasoo khasaaro nafeed iyo mid hantiyeedba gaarsiiyay Soomaalida iyo Kenyaatiga.

Inkastoo aan jirin cid Soomaalida ka tirsan oo sheegatay qaraxyadaasi, haddana dowladda Kenya waxay farta ku godaysaa Soomaalida, sidaasi darteedna ay ugu amartay inay ka baxaan magaalada Nairobi, ayna iska xaadiriyaan xeryaha qaxootiga.

Soomaalida deggan magaalada Nairobi waxay u badan yihiin kuwo aan sharci lahayn, oo qoysaskoodu ay ku biilaan halkaasi, iyo kuwo xoogsato ah oo siyaabo kala duwan noloshooda u soo saarta.

Badi Soomaalidaasi waxay u arkeen in dowladdoodu ay u soo gurmatay kana filayeen war murtiyeedka in uu ka dhex muuqdo qodob si rasmi ah u quseeya Soomaalida Nairobi deggan iyo xasilooni darrida ka dhacda gudaha Kenya, si Kenya ay u dabcido mowqifka ka saarista Soomaalida magaalada Nairobi iyo gobolada kale ee Kenya.

Arrinta kale ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay isku hayeen waxay ahayd habka dhisidda maamul goboleedka Jubbaland, oo loo arko Kenya inay si weyn dabada uga riixeyso.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka iyo odayaal ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka kuwaasoo kula siman dowladda mucaaradidda habka loo dhisayo maamulka Jubbaland ayaa horey ugu eedeeyay Kenya inay kala qeybineyso ummadda ku dhaqan goboladaasi isla markaana ay beel gaar ah garabsiineyso, sida ay hadalkooda u dhigeen.

Inkastoo Kenya ay iska fogeysay eedeeymahaasi, haddana xubnaha ka tirsan baarlamaanka iyo odayaasha ka soo jeeda goboladaasi ee Muqdisho ka soo qeyliyay waxay ugu baaqeen Kenya inay ciidamadeeda deg deg ugala baxdo Soomaaliya.

Qodobadaasi oo muhiim ahaa waxay dad badan u arkaan in madaxda dowladda ay ka il duufeen amma la duufsiiyay.

Heshiis mase Amar?

Qodobadaasi la hareer maray bedelkood waxaa war murtiyeedka ka muuqda qodobo aad isweydiin kartid “ma heshiis baa mase waa amar” {?}.

Qodobka 7aad ee war murtiyeedka shirkii Nairobi waxa uu u qornaa sida tan 7.{Commended the role of the Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) in the Grand Stabilization Plan for South Central Somalia and other liberated areas and stressed the need to support this process which has been endorsed by the IGAD Heads of State and Government, the African Union and the UN Security Council.}

Macnaha qodobkan marka la qaadaa dhigo waxa uu tilmaamayaa in aad loo soo dhoweeyay doorka Urur-goboleedka IGAD ee qorshaha xasilinta Bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo deegaanadii dhowaan la xoreeyay, waxaana lagu nuux nuuxsaday sida loogu baahan yahay in la taageero qorshahaasi ay ansixiyeen madaxda gobolka, Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Inkastoo heshiis lagu tilmaamayo qodobkan, haddana waxa uu u muuqdaa mid si dadban ugu amrayo dowladda Soomaaliya uguna adkeynayo inay arrimaha nabadgelyada uga dambeyso dowladaha IGAD islamarkaana aysan soo faragashan sida IGAD ay wax u waddo.

Haddii sida loo fasiray ay tahayna, waxa uu qodobkaasi xad u yeelayaa awoodda dowladda federaalka oo ku hanweyneyd in wax kastaa oo Soomaaliya quseeya iyada looga dambeeyo, taasoo dad badan oo siyaasiyiin iyo indheergarad ahi ku tilmaameen inaan waqtigeedii la gaarin.

Isku soo wada duuboo shirkii Nairobi ku dhexmaray madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ee ay kala hoggaaminayeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Kenya Moi Kibaki, waxa uu ahaa shir lagu legdamay oo dhulkana lagu dhigay dowladda Soomaaliya.

W/Q: Cabdulqaadir Nuunow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay u gaar tahay qoraaga ku saxiixan

“Maxamed Cali Ameeriko Bilad ayuu naga istaahilaa”! (Aqri sababta)

Bishaan December ayaa Qaraxyo isdaba joog ah waxey ka dhaceen Dalka Kenya, Magaalada Nairobi, gaar ahaan Xaafadda Soomaalidu dagto ee Eastleigh, waxaana lagu qabqabtay Soomaali tiradeeda lagu sheegay iney 2.000 oo Qof kor u dhaaftay.

Dadkaas la xirxiray Qaarkood waxey sheeganayaan in Jirkoodi iyo Hantidoodi lagu xadgudbay.

Cabdifataax Xasan Nuurow oo kamid ah Dadkii laga soo daayay Xabsiga kuyaala Xaafada Islii ee loo yaqaano “Bangaani”  ayaa wuxuu yiri:

“Markii Xoriyadeyda lagu xadgudbay waxaan fadhiyay Maqalka Maqaayadeyda, Askar baa soo gashay ayagoo durdurinaaya, wixii Maqalka ku jiraynah waa iga boobeen, Aniga iyo Shaqaalihii intey gacnaha naga xirxreen ayeey Baabuur Shabaqla ah nagu dhex tuureen”

“Afar Maalmood baan xirnaa waxaana nasoo daayay Danjiraha Maxamed Cali Ameeriko (Maxamed Soomaali), waxaan Aaminsanahay hadii Illahey uusan Danjire Maxamed Soomaali noo bixin laheyn Maantay Dad badan oo Soomaali ah ayaa Xabsiyada ku basbeeli lahaa!” …

“Aad baan uga Mahadcelineynaa Howsha wanaagsan oo uu noo qabtay, Runtii Cali Ameeriko Bilad ayuu naga istaahilaa!

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Amerika oo  Soomaalida Nairobi kunool isku raacday inuu yahay Ninka Soomaalida Dalka  Kenya kunool Maantay badbaadshay ayaa Waayahaan Dambe Propaganda indha la’aan iyo Cunsurinimo ku dheehantahay waxaa baafinayay 8 Website oo Hal beel ay leedahay.

Waxeyna Baafinayeen oo ay Buufinayeen Propaganda Waxkama jiraan ah oo Lid ku ah Danjiraha, habayaraateenah aan laheyn Hal Qodob oo ay u cuskadeen Qalad ka yimid Danjiraha.

Websiteyo Beeleedka lagu bartay ama ku caanbaxay inay Propaganda ku buufiyaan wixii markaas ayaga aan u cuntameyn ama aysan u arkin wax ayaga kasoo fulay ayaa waxey dhaliileen Waxqabadka Danjire Maxamed Cali Amerika.

Oo maxey ku dhaliileen:

  • Waxey ku dhaliileen inuu Marwalba u danqado Dadka Soomaaliyeed oo uu wakiilka ka yahay.
  • Inuu ku wareego Xabsiyada iyo Xerooyinka Qaxootiga si uu u kuurgalo Xaalada Maxaabiista iyo Qaxootiga Soomaaliyeed.

Cali America ayaa dhowr jeer laga maqlay Idaacadaha asagoo ka dhiidhinaya, Astakeynayah Xadgudubyada loo geesto Dadka Soomaaliyeed ee kunool Wadanka Kenya. Malaha Websiteyo Beeledka aan kor kusoo sheegnay waxey diidanyihiin in Waxlaqabto oo Waxlooqabto Dadka Soomaaliyeed.

Websiteyo Beeleedyadu waxey kaloo bilaabeen inay Buraash Dhiiqa ah oo aan geed loogu soo gamban ku seeriyaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliyeed Xasan Sheikh Maxamuud, oo Sadex bilood oo kaliyah Xukunta haya, Waxey kaloo bilaabeen inay Aflagaadeeyaan R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.

Isku soo duuboo, Aflagaadadaas indha la’aanta ah waxey muujineysaa in Beesha Websiteyadaas ku qaraabata ay kasoo horjeedo Waxwalba oo ku dheehan Horumar, Midnimo iyo Waxqabad Soomaaliyeed.

Barinah waxaan sugeynaa inay Aflagaadeeyaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada aan kasoo jeedin Beesha Sideeda Website…

Isha: KON

OGOW WAX BADAN OODAN OGEYN!

Ogow Aqristow

In aqalka boqortooyada Ingiriiska Bakingham palace ay ku yalaan in ka badan 600 oo qol

In Hawaii la oranjiray Sandwich Islands

In New York ay mar ahaan jirtay caasimada  Mareykanka

In dalka Cuba uu yahay wadanka ugu sokor dhoofnta badan caalamka

In kafeegu uu yahay sheyga loogu ganacsi badanyahay marka laga reebo Petrolka

In dadka mareykanka ay yihiin kuwa ugu Kafee cabka badan dunida

In dadka habeenkii shaqeeyo ay ka cayilanyihiin kuwa maalinta shaqeeyo

Cudurka ugu caansan dunida uu yahay Ilka bololka

In sambabkaaga midig uu ka neef qaadasha badanyahay midkaaga bidix

In biyaha roobka laga helo Vitaminka loo yaqaano B12

In wadanka New Zealand uu yahay dalkii ugu horeeyay ee haweenka u ogolaaday Inay codeeyaan

In 53% haweenku anay guryahooda marnaba ka bixin make up la’aan( is naash naash la’aan)

In Finland tahay wadanka ugu jaziiradaha badan caalamka

In erayga Karate micnihiisu yahay empty hand ( gacan maran)

In Libaaxu aanu ciyi Karin ilaa uu ka gaaro 2sano oo kaamil ah

In dadku 11% ay yihiin kuwa gureey ah

In maroodiyaashu ay 4 ilaa 5 saacadood seexaan 24kii saac mar

In  waxa ugu badan oo ay dadku iloobaan marka ay safrayaan ay tahay  daawada cadayga

In 96% shumacyada ay gataan haweenka

In 42% raggu aaney dhaqin gacmahooda marka ay isticmaalaan suuliga halka 25% haweenku aysan dhiqin.

in India ay tahay wadanka ugu boostada badan caalamka

in magaaladii ugu horeysay oo ay dadkeedu gaaraan  hal milyan ay tahay London

in 80% tuugada guryaha jabsato ay da’doodu u dhexeyso 13 ilaa 21

in kalarka buluuga iyo cadaanka ay yihiin kalarada ugu badan ee laga isticmaalo iskuulada

in xiligii ugu dheeraa ee uu qof koomo ku jiro ay aheyd 37 sano

in sadax meelood meel dadka mareykan ah ay musqulaha falaashaan iyaga oo ku dul fadhiya.

in libaax badeedku aanu joojin dhaqdhaqaaq xitaa markay hurdayaan ama nasanayaan

in jazeerada ugu weyn Mediterranean ay tahay Sicily

W/Q: Wariye Axmednuur Cabdulaahi Cali

London

[email protected]

FAALLO: Puntland Ma Badbaaday Rabtaa Mise Baxnaano?

Waxaan maqli jiray maahmaah Soomaliyeed oo tiraahda: “Labaatan jir Mudug jooga Alle uma xil qarin”  Taas waxaa la mid ah cidii maanta Soomali hogaan u qabata.  Maxaa yeelay dadka Soomaaliyeed waa dad meheradoodii ka dhigtay siyaasad, dad habeen iyo dharaar wakhti ku dhumiya maxaa la yiri iyo maxaa la soo sheegay.

Sidaa awgeed, qof kasta oo xil qabta waxaa sugaya imtixaan aduun oo ah in ficil kasta uu qaado ama odhaah kasta oo uu ku dhawaaqo fasiraado iyo faalayn badan loo yeelayo, ama faalo xaqa asiibta ha noqoto ama mid khaldan hanoqotee.  Bal hadaba ka waran qofka yiri waxaan hogaanka u qabanayaa malaayiin qof oo wada siyaasi ah.

Waa saas oo ay reer Puntland Soomaalidu kale dhinaca siyaasad jacaylka iyo faaladeeda, marka Soomalida kale loo eego ay baro dheeryihiin.  Walow, ay sidaas tahay, ayaa shacabka reer Puntland yihiin kuwo u dhago nugul adeecista hogaankooda, had iyo goorna ka dheeraada wax kasta oo khilaaf gacan ka hadal gaari kara.   Badanaana fadhi ku dirir ayaa falan qaynta siyaasadeed lagu dhamaystaa, iyadoo si kaftan lehna hadalka la isugu dhiibayo.

Isku soo duuboo, waxaa maanta mucaaradka iyo muxaafidka Puntland iyo shacabka aan intaa midna ahayniba isla qireen in Puntland maanta ay maraysaa marxalad adag oo u baahan in lagu wajaho dabacsanaan, dulqaad iyo dareen dad iyo degaan jacayl, lagana dheeraado wax kasta oo sii fogayn kara in khilaaf gacan ka hadal yimaado.

Hadaba, waxaa shacabka ku haybtirsada Puntland dal gudo iyo dibadba uga fadhigaan hogaanka maanta xilka haya iyo qof ama koox kasta oo mucaarad ahiba ay la yimaadaan  Garaad garowshiinyo wata iyo geesinimo aan gaagax lahayn, taas oo ah dowga keliga oo lagu xalin karo laguna wajihi karo duruufaha adag ee in si nabadi ku jirto looga gudbo u baahan.

Dowlada iyo Mucaaradkuba waxyaalo ay ku saxan yihiin iyo wax yaalo ay ku khaldan yihiin baa jira, meelo ay isaga imaan karaan oo muwaafaqo keeni kartaan waa jiraan, hadaba , bal aan dib u yare jaleecno waxa sababay dib u dhaca ku yimid geedi socodka sidii loo gaari lahaa doorasho xor ah.

Dowlada: 

Dowladu wax badan oo ay qabatayna way jirtaa wax ay ka gaabisayna way jirtaa.  Hadaba waxyaalaha ay ka gaabisay oo isbedelka siyaasadeed iyo doorasho khuseeya waxa weeyaan inay ku fashilmatay inay wakhtigii loogu talo galay ku fuliso geedi socodka dimocraadiyanta, gaar ahaan Axsaabta Siyaasadeed iyo tira koobka shacabka.

Furista iyo diiwaan gelinta axsaabta siyaasadeed waxay ahayd inay fusho labo sano ka hor, ee maahayn maanta oo afartii sano dhamaatay in lakala ordo.  Taas waxaa dad badan u fasirteen in aan dowladu daacad ka ahayn in isbedel siyaasadeed oo doorasho xor ah ku salaysan uu ku dhaco wakhtigii loogu talo galay, sababta dib u dhaca loo sameeynayayna ay ahayd in dowlada ku sii seeto dheeraysato xilka dowladadeed si ay dib u dhaca cudurdaar uga dhigato.

Talaabooyinka kale ee ka soo horjeeda doorasho cadaalad ah oo dhacda  waxaa ka mid ah:

Waxay ahayd in Guddiga doorashadu noqdo guddi xor ah, oo dhexdhexaad ah oo aan xisbi ama siyaasi gaar ah awood dheeri ah ugu yeelan.  Laakiin, sida ay qabaan siyaasiyiin reer Puntland oo badani waxay tahay in xubnaha guddiga maanta jira uusan ahayn mid madax banaan balse ah mid dowlada maanta xukunka haysa ay soo magacaabatay oo dhinacooda u janjeera.

Waxaa kale oo khalad meel ka dhac ku ah caqliga muwaadiniinta reer Puntland ah in Masuuliyiintii Puntland oo wasiiro leh, gudoomiyayaal Gobol iyo degmo leh, saraakiil leh la yiraahdo waxay xubno ka yihiin Xisbiga Dowlada maanta Xilka Haya uu samaystay ee Horseed, waxaa intaa isku fuuqsaday in 66 Xubnood ee ay soo dirsadeen dhamaan qabiilada reer Puntland la yiraahdo waxay xubno ka yihiin Xisbigan cusub, waxaa kaba sii darnaa in ku dhawaaqista xisbigani ay ka dhacday Baarlamanka Puntland, taas oo ah mid ka soo horjeeda hanaanka dowladnimo,  maxaa yeelay Dhismayaasha dowladu waa mid dadka oo dhan ka dhexeeya ee xisbi gaar u leh una isticmaali karaa uusan jirin.

Mucaaradka:

Mucaaradku waxay u badan yihiin afraad , walow iskooxaysi ay iminka bilaabatay laakiin, mucaaradka kuwa ugu cadcadi waa shaqsiyaad siyaasada wax badan ku soo jiray,  lasoo shaqeeyay dowladihii Cadde, Cabdullahi iyo Siyaad Bare-ba iyo kuwii ka horeeyayba, ay isku jiil yihiin Madaxweyne Dr. Faroole.  Sidaa awgeed, maskax cusub iyo aragti ka duwan tii hore inaysan jiran ayaa dadka qaar qabaa , oo sheekadu ay tahay , toco per toco.

Mucaarad awood iyo kalsooni buuxda ka haysta shacabka Puntlandna ma jiro, sida aysan Dowlada maanta jirtaaba kalsooni buuxda shacabka oo dhan aysan uga haysan.  Goodintooda ku aadan “Car Dr. Faroole maalin ka ku darsado xukunkana” waa mid aan xal siyaasad oo nabadeed horseedi doonin.

Xisbiyada Cusub:

Xisbiyada Cusub wax weyn oo ay soo kordhinayaan ma jiraan baa dad badan qabaa, maxaa yeelay hal xisbi oo buuxin kara shuruudaha ku qeexan xeerka Puntland ma jiro, ama waa xisbiyo beeleedyo, ama waa kuwo gobol qudha ka jira oo aan ku baahsanayn Puntland oo dhan, balse badankoodu Boosaaso iyo nawaaxigeeda ka unkameen.  Waana dhaqdhaqaaqaas iyo shirarka Bari baryahaan ka socday mida keentay in Madaxweyne Dr. Faroole Boosaaso u soo raray dowladii si uu Heegan culus uga hayo finfiniinka siyaasadeed ee dowladiisa gilgilay.

Maxaa Xal ah: 

Aad ayay u adag tahay in Xisbiyo curdin ah, oo aan axdi (xeer) iyo hadaf ay ka duulayaan lahayn haday leeyihiina aan la aqoon, qaacido siyaasadeed (political base) oo xoog lehna aan haysan, dhaqaale buuran uusan jirin,  kuna kooban aragti qof ama beel, ama beelo hal gobol isla dega oo is biirsaday balse aan ku baahsanayn deegaamada Puntland oo dhan.  Haday in diiwaan geliyaan xisbiyadaasi waxay dowlada u saamaxaysaa dhowr arimood oo ah:

  1. Inay dadka ka dhaadhiciso waxaan hirgelinay dimocraadiyad , dadkiina u horseednay nidaam xisbiyo,
  2. Waxay xisbiydaan diiwaan gelintooda u adeegsan doonataa in lagu caburiyo hogaamiyayaasha mucaaradka ee afraada ah

Hadaba , waaa xaqiiq in xisbiyada degdega lagu furtay aysan isdiiwaan gelintoodu wax dheef ah soo hoyinaynin dhib ay horseedaan mooyaane, maxaa yeelay waxaa hubaal ah inaysan guul buuran soo hoyin doonin doorasho dhacda, awooda dhaqaale iyo qaacidada siyaasadeed ee maamulka jirana u babac dhici karin.

Siyaasiyiinta shaqsiyaadka ah , iyagana caqabad taas la mid ah ama kaba siiweyn ayaa hortaala, oo ah awood dhaqaale oo ay ku kala furfuri karaan xubnaha kooban oo codbixiyashasa ah ma jirto,  mid ciidan oo ay kaga hortagi karaan hadii dowlada maanta jirta xukunka ku darsatona ma jiro,  waxaaba intaa ka sii dheer,  taageero siyaasadeed oo sidaa u baahsana ma haystaan.

Dowlada maanta jirtana ku darsasho hal sano oo aan shacabku raali uga noqon, laguna qancin siyaasiyiinta ka soo horjeeda maamulkan waa mid aan u suurto galayn, ilayn Puntland rabitaan shacab ayay ku timid, maamulka jirana doorashu ayuu ku yimid, sidaa awgeed , hadii maamulku isku dayo jajuub, taasi waa mid ka hor imanasa rabitaanka shacabka, wado aan lagu faa’iidina horseedi karta, taas oo kala dili karta shacabka walaalaha ah ee reer Putnland.

Sidoo kale maadaama ay wakhtigii loogu talo galay hirgelinta axsaabta siyaasiga ah ka dib dhaceen, kuna fashilmeel hirgelintoodii, wax (last minute) dhaqiiqada ugu danbaysa la dhoodhoobay guul iyo isbedel uusan horsoode Karin.

Hadaba maxaa xal ah, waxaan arkaa labo arimood mid in ay kala doortaan reer Puntland iyagaa u dow leh.

Xalka Koowaad:

In maadaama mucaaradku aysan diyaar u ahayn in dowladu wakhti ku darsato ay doorashadii dhacdo Jan, 2013.  Balse ay ahaato oo qudha tartan dhex mara afraad siyaasiyiin ah oo tartamaya , balse wax xisbiyo siyaasadeed la yiraado meesha laga saaro, maadaama aysan mudada intaa le’eg ku suurto geli Karin in la hirgeliyo laguna barto axsaabta cusub waxa ay yihiin , cida hogaamisa, hadafka ay ka duulayaan iyo barnaajimkooda siyaasadeedba.   Qofkii ku guulaysta doorashadaasna ama ha noqdo madaxweyne Dr. Faroole ama qof kalee hore u sii wado oo dhamaystiro hirgelinta axsaabta Siyaasadeed iyo tira koobka shacabka si markaasi doorka danbe loo gaaro xornimo buuxda oo ku aadan doorashooyinka iyo xoriyadda fikarka siyaasi iyo aragtiyeed.

Xalka Labaad:

In dowlada jirta wakhti go’an loogu daro, ugu yaraan 6 bilood, ugu badnaan sanad, laakiin ku daristaasi ay wadato shuruudo dhowr ah sida:

  1. In wakhtiga diiwaan gelinta axsaabta siyaasadeed dib loo dhiyo oo la siiyo mudo ku filan hirgelintooda iyo tartankooda siyaasadeed.
  2. In guddiga doorashada oo iminka jira la kala diro oo lagu bedelo guddi dhexdhexaad ah oo ay ku wada qancaan dowlada jirta iyo mucaaradkuba.
  3. In isamadda Puntland ay heshiiskaan dhexdhexaadiyaan xilka fulintiisana dusha u rutaan
  4. In cida wax dooranaysan noqdaan shacabka Puntland ee aysan noqon 66 qof ee qol lagu soo xirto, si taas loo helana tiro koobka shacabka iyo diiwaan gelintooda la sameeyaa xiliga doorashada ka hor
  5. In doorashadu xiliga ay dhacayso , ururada dowliga ah  iyo hay’adaha kor-joogtada ka noqda doorashooyinka caalamka lagu casumaa inay goobjoog ka ahaadaan si loo xaqiijiyo in doorashadaasi cadaalad iyo xornimo ku dhacday
  6. In dowlada iminka jirta aysan hantida , gaadiidka iyo dhismayaasha dowlada u adeegsan Karin howlo xisbi siyaasadeed oo gaar loo leeyahay
  7. In mucaaradka loo saamaxo inay ilaalo gaar ah yeelan karaan, aragtidooda iyo hadafkooda siyaasadeedna  si xor ah ku gudbin karan , qabsan karaana shirar.
  8. In idaacadaha dalka ka jira aan la caburin, balse xornimo buuxda la siiyo
  9. Iyo ugu danbays in siyaasiyiinta iyo saxaafaduba ka fogaadaan aflagaado iyo bahdal qof, oo aan la shakhsiyadayn siyaasada,  balse ay ku koobnaadaan wixii siyaasad iyo badbaado dal , dad iyo deegaan khuseeya oo qudha.

W/Q: Farah Aw-Osman [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Madaxwaynaha Somalia oo socdaal ku jooga dalka Uganda.

Wafdi uu hogaaminayay madaxwaynaha dowlada Soomaaliya ayaa goordhow waxaa ay ka dageen magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Madaxwayne Xasan ayaa ka soo ambabaxay Kenya halkaas oo sadaxdii cisho ee ugu dambaysay uu booqasho uu ku joogay.

Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta  C/llaahi Ciilmooge Oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha oo Radiyaha dowlada la hadlay ayaa sheegay in guud ahaaan ajandihii ay u tageen Kenya ay ku guulaysteen.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda waxaa uu la shiri doonaa dhigiisa Uganda waxaana ay ka hadli doonaan arimaha Amaanka iyo Xiriirka labada dal.

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta ka shiraya Miisaaniyada

Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kulan kuleh Xarunta Golaha Shacabka ee ay ku shiraan mudanayaasha Baarlamanka.

Kulanka Maanta ayaa waxaa ay baarlamanka ay ugu doodi doonaan miisaaniyada sanadka 2013  ee ay ku shaqaynayso Dowlada Soomaaliya.

In kastoo lagu madalsan yahay qabsoomida kulanka ee looga doodayo Miisaaniyada ayaa hadana dhicitaankiisa shaki badan la gelinayaa.

Xildhibaan Maxamed Cumar  oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulanka maanta uu quseeyo arimaha miisaaniyad iyo dhamaystirka howlaha u yaala Baarlamanka.

Laakiin kulanka maanta ayaa waxaa ka maqnaanaya gudoomiyaha Baarlamanka oo maalintii shalay loo cuskaday qodob dhigaya in shirka uu ka baxo maadaama uu matalayo madaxwaynaha dalka waxaana la wareegaya howshiisa ku xigeenkiisa.

Afhayeenka Baarlamanka Somalia oo maanta qoddob uu jabiyay lagu qaaday

Muqdisho(Caasimada Online) Fadhi maanta oo Axad ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya uu ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari qoddob uu jabiyay oo ku qoran dastuurka lagu qaaday.

Qoddobka uu jabiyay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxa uu ahaa qoddobka 94-aad ee dastuurka qaranka, kaasoo dhigaya in hadduu uu dalka ka maqan yahay madaxwaynaha Soomaaliya ama ay xaalad caafimaad la soo daristo in xilka ugu sareeya dowladda uu qaban karo guddoomiyaha baarlamaanka.

Cumar Islow Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka oo qoddobkaas ka hor akhriyay fadhiga maanta oo uu soo xaadiray guddoomiyaha baarlamanka, ayaa marki dambe wuxuu kursiga ka istaagay Jawaari, iyadoona uu kulanka shir guddoomiyay wixii xilligaas ka dambeeyay guddoomiye ku-xigeenka koobaad Jeylaani Nuur Iikar.

Markii qoddobaadkaas loo sheegay guddoomiyaha baarlamaanka, wuxuu ka kacay fadhiga maanta baarlamaanka, waana lagu hooriyay iyadoo uu howlka is-qabsaday sacab iyo sawaxan aad u badan.

Kulankii maanta oo uu goobjoog ka ahaa wasiirka maaliyadda iyo qorsheenta Maxamuud Suleymaan Xasan , ayaa markii dambe waxa la dhageestay guddiyo uu baarlamaanka u xil saaray in ay ka soo talla bixiyaan miisaaniyadda ay ku shaqayn doonto dowladda sannadka soo socda ee 2013-ka.

Guddoomiyaha ayaa fadhiga isaga baxay, waxana uu muuqday mid ku faraxsan , waana uu dhoola cadeenaayay markii uu fadhiga ka baxayay.

Waa qoddobkii ugu horreyay ee lagu fuliyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, isagoo markaas ah hoggaanka baarlamaanka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo is-daba joog ah maalmahan ku leh Muqdisho, waxana maalinta berri ah ay ka dooddi doonaan miisaaniyadda ay soo bandhigtay dowladda Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa dhawaan fasax labo bil qaadan doono marka uu dhammaado shaqada hadda hortaala oo ay ka mid yihiin in ay cod u qaadaan heshiis dhinaca Millatariga oo dhexmaray waddamada Soomaaliya iyo Turkiga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Wasiirka Gaashaandhiga oo u kicitimay Uganda iyo Kenya + Ujeedka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya C/Xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad safar shaqo ku aaday Dalalka Kenya iyo Uganada si uu ula kulmo Wasiirrada Gaashaandhigga wadamadaasi.

Fiqi ayaa ugu horreyn Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya kula kulmi doonta Wasiirka Difaaca dalkaas Mudane Maxamed Yuusuf Xaaji oo ay ka wada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga Dhanka amniga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa Howlgallada ay Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ka wadaan Gobollada Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo iyo magaalooyinka kale.

Socdaalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ee Kenya kadib waxa uu wasiirku  u safri doonaa Magaalada kampala ee xarunta dalka Uganada Halkaas oo uu kula kulmi doono Wasiirka Gaashaandhigga Dalkaas Karisbas Kyonga oo uu kala hadli doono sidii loo kordhin lahaa loona dardar gelin lahaa Howlgalka Ciidmada AMISOM iyo sidii ay isaga kaashaan lahaayeen Madaxda wasaaradaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Uganada adkeynta iyo Xasilinta Amniga Soomaaliya.

Waa Safarkii Labaad ee Wasiirka Gaashaandhiga uu ku tago dalka Dibadiisa waxaana ka horeeyay oo uu socdaal ku tagay Dalka Turkiga.

Ciidamada Dowlada oo maanta Jibiyay amarkii Madaxwaynaha

Ciidamo ku labisan  dharka dowlada Soomaaliya ayaa maanta Jidgooyo waxaa ay soo dhigteen wadada isku xerta Muqdisho iyo Afgooye  gaar ahaan deegaanka Lafoole.

Goobjoogayaal ku sugan deegaankaas ayaa duhurnimada maanta waxaa Shabakada Caasimada u sheegeen in ciidamada Dowlada ay wadada Isbaaradii laga qaaday ay ku soo celiyeen.

Waxaa ay Istaajinayaan ciidamadan Gawaarida BL-ka waxaana ay ka qaadayaan Lacagaha Baada waxaana ay dadku isdhaafsanayeen hadaladan.

“Soo Ma mamnuucin  Madaxwaynaha Isbaarada,waxaana markaas ay ciidamada ku jawaabayeen Lacagtan waa sharci dowlada ayaana nagu og.

Madaxda Dowlada Soomaaliya ilaa iyo hada kama aysan hadlin Isbaaradan laakiin waxaa laga yabaa in saacadaha soo socda ay xaqiijiyaan Isbaarada Lafoole taalay waxa ay ahayd.

Wenger oo lasoo wareegaya David Villa iyo Villa-ha cusub.

Arsene Wenger ayaa diyaar u ah inuu soo afduubto labada xidig ee u dhashay dalka Spain waana ‘David Villa-ha cusub’ ka hor inta uusan lasoo wareegin Midkii hore.

Arsenal ayaa dooneysa inay lasoo wareegto weeraryahanka kooxda Barcelona Villa, laakiin Wenger ayaa ka welwelaya inuu kula soo wareego 12 milyan oo ginni xilli uu mushaar ahaan u qaadan doono 100 kun Isbuucii waana 31 jir.

Taas ayaa la micno ah inuu Wenger doonayo sidoo kale xidiga Atletico Madrid Adrian Lopez, kaasoo loo yaqaano Villa-ha cusub  ee Spain.

Lopez ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 15 milyan oo ginni wuxuuna ka mushaar raqiisan yahay Villa wuxuuna keliya 25 jirsanayaa 8da Janaayo.

Wenger ayaa xidigaan soo arkay awoodiiisa wuxuuna soo daawaday isagaoo gool u dhalinya kooxdiisa Atletico Jimcadii markaasoo ay 1-0 ku dubatay Celta Vigo.

Lopez ayaa 19 gool u dhaliyey Atletico sanadii hore, laakiin wuxuu sanadkaan ku dhibtoonyey inuu boos joogta ah kooxda ka helo Radamel Falcao ayaana booskiisa weerarka kooxda kala wareegay.

Benitez: Waan soo celshay kalsoonidii Fernando Torres.

Tababaraha Chelsea Rafa Benitez ayaa shaaca ka qaaday inuu horaan ku guuleystay mid ka mid ah sababihii uu milkiile Roman Abramovich ugu dhiibay shaqada Blues ilaa dhamaadka xilli ciyaareedlka, wuxuuna arkinkaas ku sheegay inuu dib usoo celiyey waayihii gool dhalinta Fernando Torres.

Weeraryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa ku dhibaatoonaayey gool dhalinta ka dib markii uu 50 milyan oo ginni kaga soo dhaqaaqay Liverpool laakiin wuxuu dib usoo noolaaday intii uu ka hoos ciyaarayey tababarahaan, wuxuuna dhaliyey lix gool shantiisii kulan ee ugu dambeysay.

Benitez, ayuu shaqadaan ugu dhiibay Abramovich inuu soo celiyo kalsoonidii Torres si uu uga magto qiimihii uu kazoo bixiyey. Laakiin tababarihii hore ee Liverpool ayaa u muuqda mid ku guuleystay arinkaas.

“Waa waxa ugu yare e keenaya kala duwnaashaha,” ayuu yiri Benitez. “Waan ogahay inuusan Fernando kulamo badan oo uu ciyaaray goolal dhalin laakiin hada wuxuu heystaa kalsooni badan wuxuuna dhalinayaa goolal.

“Waan u sheegnay inuu u ciyaaro si heer sare ah markii uu ku jiro Diilinta 18ka intii uu wax kale qaban lahaa markii aan booskaas joogno sababtoo ah waxaa gadaal ka caawinaya xidigo sida Hazard iyo Oscar oo kale ah.

“Fernando wuu fahamsan yahay wuuna isku dayaa midaas. Waa ciyaaryahan ay ka daba carari karaa daafacyadu, wax uu hada sameynayo waa wax uu horay usoo sameeyey. Mar walba wuxuu isku deyi jiray wax adag. Laga yaabee haatan inuu sidaas sameynayo uuna joogo booskii saxda ahaa.”

Daniel Sturridge oo ku dhow inuu ku biiro kooxda Liverpool.

Liverpool ayaa la aaminsan yahay inay xalisay qarashaadkii cadaanka ah ee Daniel Sturridge xilli ay ku dhowdahay inay usoo dhaqaajiso Anfield waxaana la rajeynayaa in heshiiska shaaca laga qaado 48da saacadood ee soo aadan.

Wargeyska Afka dheer ee Sportsmail ayaa ogaaday inay wadahadalada la iska meel dhigay uuna 23-jirkaani ka dhaqaaqi doono Stamford Bridge xilli uu qeyb ka noqonayo weerarka la xoojinayo ee kooxda Liverpool.

Sportsmail ayaa markii ugu horeysay ogaatay inay Liverpool dooneyso Sturridge dhamaadkii bishii August.

Xidigaan ayaa caafimaadka u mari doona Reds waxaana la fahamsan yahay inay kula saxiixaneyso 12 milyan oo ginni.

Theo Walcott oo doonayaa inuu lasii joogo kooxdiisa Arsenal.

Theo Walcott ayaa qaboojiyey wararka sheegay inuu xilli ciyaareedka ka tegayo Arsenal, xilli uusan xidigaani weli qandaraas cusub la gelin kooxdiisa wadahadalada qandaraaska ayaana la isla meel dhigi doonaa bisha soo aada.

Walcott, oo ah ciyaaryahanka xilli ciyaareekaan ugu goolasha badan Arsenal isagoo dhaliyey 11 gool, ayaa wuxuu qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga waxayna Arsenal diiday inay mushaarkiisa Isbuucii 75 kun oo ginni ah u kordhiso.

Hadii wadahadalada heshiiska cusub la isla meel dhigi waayo bisha soo aadan, Walcott ayaa si fudud u dhegeysan doona dalabyada kaga imaanaya Manchester City, Liverpool, Manchester United iyo Chelsea inta lagu jiro xagaaga.

Laakiin 23-jirkaan heerka caalami ee dalka England ayaa ka dhawaajiyey inuu weli doonayo inuu lasii joogo Arsenal hadii wadahadalada la isla af-garto. Sidoo kale uu tababare Arsene Wenger siiyo boos joogta ah iyo in fursad loo siiyo inuu ka ciyaaro booska gool dhaliyaha.

AC Milan oo Janaayo 20 milyan ku dooneysa Mario Balotelli.

Kooxda Talyaaniga AC Milan ayaa cadeysay inay Janaayo 20 milyan oo ginni kula soo saxiixaneyso weeraryahanka kooxda Manchester City Mario Balotelli, waana si kazoo horjeeda sida uu doonayo tababaraha Manchester City Roberto Mancini.

Madaxweynaha kooxda Milan Silvio Berlusconi ayaa wuxuu amar ku siiyey ku xigeenkiisa Adriano Galliani inuu lasoo saxiixdo Balotelli oo uu taageere u yahay, wuxuuna doonayaa inuu ciyaaryahankii hore ee Inter Milan dib ugu soo celiyo San Siro, xilli ay Milan qorsheyneyso inay wadahadalo toos ah la galaan milkiilayaasha City ee u dhashay dalka Abu Dhabi iyo wakiilka ciyaaryahanka Mino Raiola.

Taas ayaa kasoo horjeesaneysa Mancini oo lasoo werinaayyey inuu doonayo inuu xidigaani baaqi kusii ahaado England.

Balotelli ayaa seegay kulankii City ay 1-0 ku garaacday Reading, Mancini ayaa kulanka ka dib yiri: “Mario wuu xanuunsanayaa. Ma garanayo xilliga uu diyaar noqon doono. Hal isbuuc sidaan ayuu u xanuunsanaa. Shalay tababarka ayuu yimid sababtoo ah wuxuu doonayey inuu tababar qaato laakiin wuu awoodi waayey. Laakiin waan ku booqan waayey gurigiisa. Waana wax aan macquul aheyn.”

Waxaa lasoo sheegayey inuu Balotelli xiriiri aan wanaagsaneyn kala dhexeeyo Mancini, iyo milkiilaha City Sheik Mansour iyo gudoomiye Khaldoon al Mubarak.

Sir Alex Ferguson oo isha ku haaya bedelka Nemanja Vidic.

Sir Alex Ferguson ayaa bisha soo aadan Janaayo mudnaanta siinaya inuu lasoo saxiixdo xidig ka ciyaara daafaca dhexe, waxaana diirada u saaran xidiga heerka caalami ee dalka Denmark Jores Okore, sida uu qoray wargeyska Sunday People.

Tababaraha Manchester United ayaa sidoo kale isha ku haaya Geesigii Celtic usoo bixiyey Champions League, goolhaye Fraser Forster, kaasoo aduunka is baray markii ay Barcelona shabaqa u waardiyaha ka ahaa dhibaato ku martay.

Fergie ayaan dooneyn inuu bartamaha xilli ciyaareedka ganacsi badan sameeyo laakiin wuxuu u sheegay wakiilada wax u indha-indheeya inuu doonayo daafac dhexe sababtoo ah dhaawacyada la degay Nemanja Vidic iyo Rio Ferdinand oo aan u muuqan mid mustaqbal dheer sii leh.

Waxaana haatan diirada u saaran 20-jirka daafaca uga ciyaara kooxda Nordsjaelland Okore, kaasoo la yaab ka dhigay Champions League sanadkaan, inkastoo kooxdiisu ay guul darrooyin dhowr ah qaadatay.

Okore, ayaa lagu qiimeeyaa mid ka mid ah xidigaha daafaca ugu fiican Yurub waxaana dhowaan loogu yeeray qaranka Danish-ka, wuxuu kazoo jeedaa dalka Ivory Coast laakiin wuxuu qaatay dhalashada dalka Denmark, Okore ayaana lagu qiimeeyaa xidig leh qaaab difaaceed wanaagsan.

Chelsea oo qandaraaska u kordhineysa Juan Mata.

Chelsea ayaa qarka u saaran inay qandaraas cusub ka dalbato Juan Mata kaasoo Stamford Bridge kusii heyn doona shanta sano ee soo aadan.

24-jirkaan qadka dhexe ayaa 18 bilood kooxdaan heshiis kula jiray markaasoo ay Chelsea kala soo saxiixatay Valencia bishii August sanadii hore.

Xidiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa si dhaqso ah ula qabsaday Chelsea, xilli uu caawimaad siiyey ninka ay isku wadanka yihiin Fernando Torres.

Xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyey ayuu Blues ku hugaamiyey FA Cup iyo Champions League wuxuuna noqday xidig ay aad u jecel yihiin taageerayaasha Stamford Bridge.

Sidaas darted, Chelsea ayaa dooneysa inay ka dalbato qandaraas cusub oo laba sano ah ayna mushaarkiisa ka dhigto 100 kun oo ginni Isbuucii.

Xidigaan ayaa sidoo kale qiimihiisa gool dhalinta soo bandhigay xilli uu goolal soo dhaliyey isagoo ka hoos shaqeynaya tababareyaashii soo leyliyey kooxda Galbeedka London ­Andre Villas-Boas, ­Roberto Di Matteo iyo haatan oo uu kazoo ciyarayo Rafa Benitez.

Cristiano Ronaldo oo doonaya inuu kusoo laabto Man Utd.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu kusoo laabto xagaaga kooxdiisii hore ee Manchester United.

Wargeyska SunSport ayaa daaha ka qaaday in xidigii  hore ee United uu rajeynayo inuu ka tago Real Madrid uuna kusoo laabto Old Trafford, maalin ka dib markii uu sheegay tababare Alex Ferguson inuu jeclaan lahaa inuu kooxda kusoo laabto.

27-jirkaan heerka caalami ee dalka Portugal ayaa loo sheegay in si fiican loogu soo dhoweyn doono garoonkii uu horay ugu soo ciyaari jiray marka ay Real Madrid lugta labaad ee wareega 16ka Champions League wajahdo United.

Xidigaan oo 80 milyan oo ginni Los Blancos kula biiray 2009, ayaa si aad ah kooxdaas uga soo dhex muuqday wuxuuna 170 kulan ku dhaliyey 169 gool. Waana mid ka mid ah xidigaha ugu mushaarka badan caalamka taasoo keentay inuu 810 milyan oo ginni ku qaato 2½ (Laba sano iyo bar) gudahood.

Si kastaba, Ronaldo ayaa isha ku haaya inuu dib ugu soo laabto kooxdiisii hore ee Red Devils. Halka uu sidoo kale doonayo inuu mar labaad la shaqeeyo tababare Fergie.

10-kii Xidig ee heshiiskooda uu ku ku fashilmay Macalin Alex Ferguson

exclusive-information-about-sir-alex-ferguson’s-26-years-at-manchester-united-01-456x552In ka badan 25-sano ee  uu ku fadhiyay kurisga keydka ee kooxda Manchester United Macalin Alex Ferguson oo 70 jir ah, waxa uu ku guuleestay in uu Kooxda Manchester United ka dhig mid ka mid ah kooxaha kubada cagta ciyaaro ee Caalamka ugu weyn looguna jecelyahay.

Waxa uu u soo joogay guulo fara badan oo ay kooxdiisa gaartay wuxuuna Magaca Man Utd noqday mid Caalamka aynu maanta joogno si aad ah loogu yaqaano looguna ixtiraamo.

Waxaa sidoo kale marag madoonta ah in Macalin Ferguson uu yahay Macalinka ugu waqtiga dheer ee kooxaha waa weyn ee Caalamka soo leyliyo iyadoo Milkiilayaasha Kooxda Manchester United ne ay taasi badalkeeda ugu abaal marin ugu dhigeen in ay Masiirka Kooxda ay gacanta ugu shubaan.

Hadaba Intii uu Macalinka u dhashaay Dalka Scotland  ku sugnaa Garoonka Old Trafoll waxa uu Kooxda Manchester United u soo hoyay in ka badan 38 Koob oo ay ku jiraan 12 Horyaalka Primier Leagu-ka ah iyo 2 ka mid ah Koobka ugu Qaalisan Qaarada Yurub ee Champions Leagu-ga loo yaqaan.

Guushaasi uu gaarsiiyay kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson waxaa barbar socday  dabeecadiisa oo aad u kul kulul taasina ay qasabtay in ay kooxda isaga tagaan  qaar ka mid ah Xidigo muhiim u ahaa Kooxda Manchester United sida Roy Keane, David Bechkam iyo Ruud Van Nistelrooy Fabian Barthez iyo kuwa kale .

Magacyada 10-kii Xidig ee heshiiskooda uu ku ku fashilmay Alex Ferguson .

1- DIEGO FORLAN  (Signed from Independiente for £6.9m in 2001)

2. BEBE  (Signed from Vitoria de Guimaras for £7.4m in 2010)

3. MASSIMO TAIBI (Signed from Venezia for £4.5m in 1999 )

4. ERIC DJEMBA-DJEMBA (Signed from Nantes for £3.5m in 2003)

5. DAVID BELLION (Signed from Sunderland for £3m in 2003)

6. JORDI CRUYFF (Signed from Barcelona for £1.4m in 1996)

7. DONG FANGZHUO (Signed from Dalian Shide for £500,000 rising to £3.5m in 2004)

8. JUAN SEBASTIAN VERON (Signed from Lazio for £28.1m in 2001)

9. KLEBERSON (Signed from Atletico Paranaense for £6.5m in 2003)

10. WILLIAM PRUNIER (Signed on a free transfer in 1995)

Ugu Danbeyntii xusid mudan in Macalin Ferguson uu sidoo kale uu ku guuleestay in uu Heshiisyo lagu faa’day ku soo xero galiyay Xidigo caan ah sida C. Ronaldo, P. Evra, P. Scholess, Ryan Giggs, Denis Irwin, Edwin Van der Sar iyo xidigo kale oo tiro badan.

Cabdiqani Cali Dalmar
[email protected]
Caasimada-Bern Switzerland