28.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Manchester City oo uusan iib ka aheyn Mario Balotelli.

Tababaraha Manchester City Roberto Mancini ayaa meesha ka saaray inuu iibinaayo Mario Balotelli, inkastoo loogu baaqay inuu kor isku qaado weeraryahankaan.

Mancini ayaa bedel ku sameeyey xidigaan daqiiqadii 51aad kulankii Manchester Derby, laakiin xidigaan ayaa u muuqday mid ka xanaaqay bedelka lagu sameeyey.

Balotelli ayaa lala xiriirinaayey inuu amaah kula biiro kooxda ka dhisan dalkiisa Talyaaniga AC Milan.

Si kastaba, waxay u muuqataa inuu Mancini isku diyaarinayo inuu weeraryahankaan fursad kale siiyo, sida laga soo xigtay Daily Mail.

“Waxaan sugeynaa waqtiga ku haboon ee aan ka faa’iideysaneyno tayadiisa. Taas ayaa ah sababta uusan iib u aheyn,” ayuu yiri tababaraha reer Talyaani.

Arsene Wenger oo amaan kala dul dhacay Lionel Messi.

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa aaminsan inuu xidiga kooxda Barcelona Lionel Messi uu yahay mid dadka amakaag ku sameeya.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa dhaliyey goolashiisii 85aad iyo 86aad ee sanadkaan, wuxuuna dhaafay Rikoorkii Gerd Muller ee sanadii 1972dii uu ku dhaliyey 85 gool, tababaraha Faransiiska ah ayaana afka labadiis amaan kala dul dhacay 25-jirkaan.

“Hambalyo Messi. Hada wuxuu noqday mid dadka ka yaabiya. Waxa uu sameynayo waa wax aan la rumeysan Karin,” ayuu u sheegay Website-ka kooxdiisa Arsenal.

“Waxaan u maleynayaa waa ciyaaryahanka keliya ee hal sano dhalin kara 86 gool, hadii aad u maleyso inaad ciyaartay sigaal bilood iyo bar, waa wax deg deg ah inaad bishiiba 10 gool dhaliso. Marka ay bilaabato bishu, markaas waxaad ogaaneysaa inuu dhalinaayo 10 gool, mana ahan wax xun.”

Messi ayaa kordhin kara goolashiisa ka hor inta uusan sanadku dhamaan, iyadoo kooxdiisa Blaugrana ay ciyaareyso afar kulan ka hor inta uusan bilaaban sanadka 2013.

DAAWO VIDEO: Dhismaha Istanbul-Bazaar ee laga sameynayo Muqdisho

Mustafa Erkan, oo ah ganacsade u dhashay dalka Turkiga ayaa sida dad badan ay la socdaan waxa uu wadaa qorshaha dhisme xarun ganacsi oo laga sameynayo magaalada Muqdisho, ee caasimada Somalia, taasi oo loogu magac dara Istanbul Bazaar.

Waa xarrun ay wax kasta u dhan yihiin, kasoo bilow Hotel, Suuq illaa iyi Banki, waxaana dhismaheeda ku kici doona 15 milyan oo dollar.

Waxa ay tani qeyb ka tahay dib usoo nooleynta rajadii Somalia ee uu Turkiga wado iyo maal gashi ujeedkiisu yahay in labada dal ay ka faa’iideystaan.

Waxaan halkan idin kugu soo bandhigeynaa filim kooban oo ku saabsan dhismahaas iyo habka uu u shaqeyn doono, balse ku billaabanaya warbixin ku saasban muhiimada iyo taariikha Somalia.

Daawo

Maxkamadda oo lawareegtay Natiijadii doorashada deeganka Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) Labo cisho ka hor markii rabshado dad ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen ka dhaceen magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland,ayaa guddoomiyaha guddiga doorashada golaha deeganka Ciise Yuusuf Xamari wuxuu sheegay in natiijada degmada Hargeysa lagu wareejiyay maxkamadda.

Wuxuu sheegay markii ururada siyaasadda iyo axsaabta ka dhisan Somaliland ay diideen in dib loo tiriyo doorashadii ka dhacday magaalada Hargeysa, waxan go’aan ku gaarnay in natiijada doorashada aan ku wareejino maxkamadda gobalka Maroodi-Jeex, ayuu yiri

“Guddiga doorashada wuxuu dadweynaha Somaliland ogeysiinayaa in doorashadii golaha deeganka ee ka qabsoontay Somaliland 28-kii November, ay dhacday si-waafaqsan sharciga doorashooyinka golayaasha deeganka, iyagoona goob joogn ka ahaayeen wakiiladda xisbiyada iyo goobjoogayaal caalami ah iyo gudaha”

Ciise-Xamari-Guddoomiyaha-Komishanka-Doorashooyinka-Qaranka-Somaliland
Ciise-Xamari-Guddoomiyaha-Komishanka-Doorashooyinka-Qaranka-Somaliland

Wuxuu sii hadlay “Komishanka doorashooyinka qaranka wuxuu maanta oo taarikhda tahay 10-ka bishan December 2012-ka go’aasaday in loo gudbiyo natiijada doorashada  degmada Hargeysa maxkamadda gobalka Maroodi-jeex, markii uu komishanka dib u eegis ku sameeyay natiijada doorashadda, isla markaana hufid ku sameeyay natiijada xogta goobihii codbineed ee Farowayne oo ah degmo doorasho oo ka tirsan caasimada Hargeysa, kaddib markii xisbiyada iyo ururadda siyaasadda ay ku heshiin waayeen dib u eegista komishanku sameeyay , waxa uu ku saleeyay natiijada goobaha ay isla saxeen howlwadeenada kamishanka heer degmo iyo wakiiladda xisbiyadda iyo ururadda siyaasadda…..

Maxkamadda gobalka ayaa ka garnaqi doonta wixii cabasho ee ka soo baxa xisbiyadda iyo ururadda, xisbiyadda iyo musharixiinta.

Ugu dambeyn guddiga doorashada maamulka Somaliland ayaa yiri “Komishanku waxay kulla talinayaan axsaabta musharrixiinta iyo dadwaynaha Somaliland in guulihii laga soo hoyay doorashayoonkii golayaasha deeganka ay ka marag kaceen goobjoogayaashii caalamiga ahaa  iyo kuwii gudaha inaan lagu dhaawicin khilaaf aan loo marin jidkii sharciga ahaa, Komishanku waxa uu mar labaad ku boorinayaa dadweynaha in nabadda qaaliga ee ay ku caano-maashay, sumacadda weyna ay adduunka kaga yeelatay in la dhowro.”

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Wasiirkii ugu horreeyay ee maaliyadda Somalia oo ku geeriyooday London

London (Caasimada Online) Allaha ha u naxariisteen waxa xaley magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ku geeriyooday wasiirkii ugu horreeyay ee maaliyadda Soomaaliya Xaaji Cismaan Axmed Rooble.

Sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid eheladiisa marxuum Xaaji Cismaan ayaa muddooyinkii dambe ku xannuusanayay isbitaal ku yaalla London.

Wuxuu ahaa marxuumka wasiirkii maaliyadda ee dowladdii uu hoggaaminayay madaxweynihii isna geeriyooday Aaden Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) wuxuu kaloo ahaa siyaasi caan ka ah Soomaaliya isagoo soo qabqabtay xilal kala duwan.

Xaaji Cismaan Axmed Rooble ayaa ahaa ganacsade caan, wuxuu madax u ahaa  rugta ganacsiga Soomaaliyeed isagoo aan wax xil ah ka qaban dowladii milatariga ee uu hoggaaminaayay Maxamed Siyaad Barre, waxana uu in mudda ah ku noolaa waddanka Ingiriiska.

Si kastaba, Meydka marxuumka ayaa lagu wadaa in la keeno magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya si halkaas aas qaran loogu sameeyo.

Sida ay lee yihiin ilmaha uu dhalay Xaaji Cismaan ayaa ku dhintay da’da 92-jirka, wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1919-kii, isla markaana waxa ifka kaga tagay 37 carruur ah oo isaga uu dhalay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

Maxaad ka taqaan Uur qaadista galmo la’aanta “Artificial Insemination”?

Mar walba abuurka ilmaha Illaah ayaa ku shaqo leh, oo isaga kaliya ayay u gaar tahay, hase yeeshee waxaa halkan uga hadleynaa marxaladda haweeneyda ay ku uur qaadeyso gacanta ama gacan ku rimiska “Artificial Insemination”

Gacan ku rimiska ama waxa loo yaqaano “Artificial Insemination” waa haweenka oo xawada iyo ugxanta oo la isku bacrimiyo galmo la’aan.

Waxaa la soo qaadaa manida isagoo fresh ah ama qallajisan (barafaysan) kadibne minka haweenka ayaa lagu tallaalaa.

Inta manida aan lagu ridin haweenta waxaa lala socdaa meertada caadada si markii ugxanta loo soo saaro haweentane diyaar u noqoto in ay uur qaadi karto loogu rido manida iyadoo la adeegsanayo silingo ama tubo loogu talo galay.

Manida waxaa la dhex dhigi karaa dhowr meel oo kala ah: Siilka, Farraatiga, Minka ama Tubooyinkaba.

Arrin aad loogu farxay oo maanta ka dhacday Muqdisho “Sawiro”

0

Arin aan horay loo maqal loona arag hal mar oo sidaan oo kale ah ayaa maanta dadka reer Muqdisho ku sheekeysanayaan taas oo ah in Markii ugu horeeysay Saddexda Mas’uul ee Dalka Marwooyinkooda ay Maanta Deeq Raashin iyo Lacag ah gaarsiiyeen Isbitaalka Martiini.

Marwooyinka Madaxda Dalka ayaa maanta mar qura gaaray isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Ciidamada Naafada Xooga Dalka ee ku dhaawacmay Dagaalkii 1977.

Hadaba Aqristoow Daawo Sawiradaan Kadibna Fikradaada ka bixi qeybta Commentiga






Jaliyada Mataan Cabdulle oo hadalkii Madaxwaynaha soo dhoweysay

Jaaliyadda Mataan Cabdulle ee ku nool, dunidda dacaladeeda waxay soo daweeyeen hadalkii kasoo yeeray Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Mudane Xassan Sh. Mxamuud ee ku aadanaa maamul goboleedyada.

Madaxwaynaha ayaa si cad u qeexay in maamul u sameeynta gobalada lagu tix-gelin doono umadwalba meesha ay ku nooshahy ama deegaankeeda haddi aaney jirin wa is qabqabsi ah.

Waxaa uu si gooni ah usoo hadal qaaday maamul usamaynta Jubbooyinka, Hiiraan iyo Galgaduud, Bay iyo Bakool iyo kuwa kale oo badan.

Madaxweynaha Somalia ayaan sheegay in maamuladaas oo an si nidaamsan loo dhisin ay kala fogayn karaan shacabka iyo gobollada dalka.

Xasan Sh Maxamuud ayaa sheegay in ay tahay in la iswaafajiyo dastuurada ay qoranayaan maamulada gobollada iyo kan qaranka, taasna ay tahay howl utaal Baarlamaanka Soomaaliya.

Jaaliyadda Mataan Cabdulle waa dad neceb dulmiga iyo Cadaalad xumidda, sidaaas darteed waxay si cad u taageereen hadalka xaqa ah ee uu ku dhawaaqay madaxwaynaha Jamhuuriyada federaalka Somalia Mudane Xassan Sh. Maxamuud.

Daawo Muuqaalkaan Waa Dukumenteri laga Sameeyay Dalkeena Somalia.

0

Soomaalidu waxeey tiraahdaa nin aduunyo joogoow maxaa aragti kuulaaban Maanta anoo dhex mushaaxayo Webka Dhanka Muuqaalka ah ee dhawaan hawada soo galay ee Daawo24.com ayaan waxaan arkay Muuqaal aan la yaabay iyo sida Dalkeena u baaba’ay iyo sida aan isku dileeyno.

Hadaba Aqristoo Ula jeedka aan idiin kugu soo xulay Muuqaalkaan waa mid aad ka arki karto Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dalkeena soo maray oo laga sameeyay Film Dukumeenti ah oo soconaya 30 minit nala daawo kadib Fikradaada aan kula wadaagno.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA DUKUMEENTIGA:

Madaxweyne Xasan oo ka digay in dib loo soo celsho arrin laga gudbay

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa aysan oggolaan doonin in dib loo soo celiyo jid-gooyooyin fara badan oo dhawaan laga qaaday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu isaga guddoomiyaha baarlamaanka, ra’iisal wasaaraha iyo qaar ka mid ah golaha wasiiradda xukuumadda ay xaley kulan qaateen xarunta madaxtooyada Villa Somalia ururada bulshada-rayidka ah.

Wuxuu yiri “ Magaalada Muqdisho waxa bishii horrey taallay lixdan isbaaro, laakin illaah ayaa mahadleh maanta hal xabo mataallo”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale hoosta ka xariiqay in dowladda ay wado qorshayaal lagu dhaqan-celinaayo kooxihii joogay isbaarooyinka la qaaday.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka codsaday ururada bulshada rayidka in ay dowladdiisa kala shaqeeyaan siddii dalka looga dhammeen lahaa falalka xun ee caadeesteen kooxaha ku la bisan dareeska ciidamada ee dadka dhibaateeya.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeen sheegay in uu socdo qorshayaal lagu dhisaayo xarumo lagu xareeyo kooxaha dadka dhibaateeya, si halkaas loogu hayo isla markaana lagu xannaaneeyo.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo la soo sheegayo in dib loo soo celiyay jidgooyin horrey loo qaaday oo lagu arkay degmooyinka magaalada Muqdisho.

Bishii horrey ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay ku guuleesatay in magaalada Muqdisho laga qaado isbaarooyin fara badan oo lacago sharci daro ah looga qaadi jiray gaadidka dad weynaha iyo kuwa gaarka loo lee yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Xaflad lagu xusayay Xaquuqul Aadanaha oo Muqdisho ka dhacday.

Muqdisho (Caasimada Online) Xaflado  lagu xusaayo maalinta caalamiga ah ee Qaramada u asteesay Xuquuqda Aadanaha oo ku beegan 10-ka December ayaa maanta lagu qabtay magaalooyin ku yaalla Soomaaliya.

Magaalooyimka Muqdisho, Hargeysa, Garowe iyo Kismaayo  ayaa meelaha laga xusay maalintan ka mid ah.

Magaalada Muqdisho xaflad lagu qabtay xarunta Xalane oo ay ka soo qaybgaleen danjiraha Britain u qaabilsan Soomaaliya, wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya, wakiilka midowga yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, wasiirka warfaafinta Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi iyo agaasimayaal idaacadeed ayaa looga hadlay tacadiyada loo geesto saxaafadda.

Waxa lagu soo hadal qaaday xaflada in Soomaaliya sannadkan kaliye lagu dilay 18 weriye, taasoo ka dhigeysa  Soomaaliya in ay tahay meesha kaliye ee lagu dilay wariyaasha ugu badan.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa goobta ka sheegay inuu ka xun yahay tacaddiyada ka dhanka ah weriyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howlgala gudaha dalka.

Wuxuu sheegay Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi in dowladda Soomaaliya ay wax ka qaban doonto dhibaatooyinka loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Danjiraha QM ee arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa sheegay in warbaahinta Soomaalida ay ka dhigtay dalkooda kuwa adduunka si weyn looga bar yaqaan oo caan ka ah, isla markaan waddamo hor marsan aan laga heli karin warbaahinta ka howlgasha Africa.

Sidoo kale magaalooyin kale oo ku yaalla waddanka Soomaaliya ayaa laga xusay maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha oo Qaramada Midoobay ay xusto sannad kasta marka laga gaaro 10-ka December.

Maalintan ayaa la sameeyay 10-kii December 1948-dii, waxana laga xusaa meelo badan oo adduunka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala

Wasiiradii lagu dhagnaa oo aan soo Xaadirin maanta. “Sababta Aqri”

Waxaa Maanta dib u dhacay kalfadhigii loo balansanaa ee Baarlamanka ay ku hor imaan lahayeen Labo Wasiir oo kala ah Wasiirka Arimaha dibada iyo Wasiirka gaashaandhiga.

Maanta oo taariiqda ay ku beegantahay tobonka bisha ayay baarlamanka Soomaaliyeed waxaa ay  horay u codsadeen in Baarlamanka la horkeeno labada Wasiir kuwaas oo aan maanta soo xaadirin kulanka.

Wasiirka Arimaha dibada Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo maanta aan imaan xarunta golaha shacabka  waxaana lagu haystaa sababtii ay u iibisay safaarada Soomaaliya ee dalka Taliyaaniga.

Baarlamanka waxaa kale oo ay ku dhagan yihiin wasiirka gaashaandhiga Cabdixakiin Fiqi oo isagana lagu haysto sababtii Wariyihii Bbc-da ay u xirtay maxkamada ciidamada Qalabka Sida iyo sababta wariyaha loo gayn waayay Maxkamada rayidka.

Laakiin Gudoomiyaha Baarlamanka Jawaari ayaa cudur daaray labada wasiir waxaana markale uu ugu baaqay inay horyimaadaan baarlamanka si loo waydiiyo su’aalo.

Daawo Video: Taknooljiyad cusub oo ciidamada Mareykanka ka dhigeysa kuwa aan la arki karin.

Haddii sida hadda ay wax u socdaan ay usoo geba geboobaan, ciidamada Mareykanka waxa ay qorsheeyeen inaysan jirin doonin cid dagaal kaga soo horjeesata oo kaga adkaata.

Milatariga Maryekanka, waxa ay qarash badan ku bixiyeen taknoolijiyad cusub oo ka dhigi doonta ciidamda kuwa aysan arki karin cadowga dagaalka kaga soo horjeeda.

Shirkado dhinaca taknoolajiyadda ka shaqeeya, ayaa barnaamijkan ku qaatay lacag badan oo soo saaray dhar ciidanka Mareykanka marka ay xirtaan ka dhigaya kuwa aysan indhu qaban.

Waxaa ku xiran qalab kaamiro ah oo dhinacyadooda u kala fidiniya iftiin u eg goobta ay markaas joogaan, kaasi oo indhaha kuwa kasoo horjeeda tusaya kaliya goob maran oo cidna aysan joogin.

Weriyaha CNN-ka uu qaabilsan waaxda gaashaandhiga Mareykanka ee The Pentagon Chris Lawrence ayaa warbixin ka diyaariyaya arrintan ee daawo.

Oscar: Chelsea waxay dooneysaa inay ku guuleysato CWC.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Chelsea Oscar ayaa aaminsan inay kooxdiisu ku baahi goyn karto Koobka Kooxaha aduunka kaasoo ah koob ay doonayaan inay geeyaan Stamford Bridge.

Blues ayaa wareega afar dhamaadka la ciyaari doonta kooxda Mexico Monterrey iyadoo midkood Finalka ku qaabi doona kooxda soo baxda Al Ahly ama Corinthians , waxaana kama dambeysta lagu ciyaari doonaa Garoonka caalamiga ahYokohama.

“Chelsea waa kasoo dhamaatay koobka Yurub waxaana dooneynayaa inaan halkaan wax wanaagsan ku sameyno,” ayuu 21-jirkaani u sheegay World Soccer Digest.

“Waxaan isku deyeynaa inaan ku guuleysano tartanka sanadkaan. Koob walba muhim ayuu u yahay Chelsea. Hadii aan ku guuleysano, waxay na siineysaa kalsooni badan inta ka harsan xilli ciyaareedka.”

Nigel de Jong oo garoomada ka maqnaan doona lix bilood.

Nigel de Jong ayaa garoomada ka maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan ka dib markii uu dhaawac kasoo gaaray lugta kulankii ay Milan 4-2 ku dubatay Torino Axadii.

Kubad burburiyahaan heerka caalami ee dalka Holland ayaa laga saaray ciyaarta daqiiqadii 22-aad, markii tijaabo caafimaad uu maray goor dambe ayaana la ogaaday inuu dhaawac waqti dheer ah soo gaaray.

“AC Milan waxay xaqiijineysaa intii lagu jiray kulankii u dhexeeyey Torino iyo AC Milan, inuu Nigel de Jong dhaawac kasoo gaaray lugtiisa bidix,” ayaa lagu qoray Website-ka Milan.

De Jong ayaa xagaagii Milan kaga soo biiray kooxda Manchester City waxaana lagu soo iibsaday 4.5 milyan oo euro wuxuu u saftay 15 kulan xilli uu hal gool u dhaliyey Rossanerri.

Andrea Stramaccioni oo dib u weeraray Tababaraha Juve Conte.

Tababaraha kooxda Inter Andrea Stramaccioni ayaa cadeeyey in hadii uu Antonio Conte yahay ‘Special One’,  uu markaas isna yahay ‘Normal One’, iyadoo kooxdiisu ay guul 2-1 ah ka gaartay kooxda Napoli Axadii.

Goolal ka kala yimid Fredy Guarin iyo Diego Milito ayaa u fududeeyey Nerazzurri inay kaalinta labaad ka gashi Serie A, inkastoo uu Edinson Cavani gool usoo celiyey kooxda San Paolo.

Ka dib ciyaarta, Stramaccioni ayaa u jawaabay tababaraha Bianconeri kaasoo isku sheegay mid gaar ah, wuxuuna ku jawaabay: “Hadii uu Conte dareemayo inuu yahay ‘Special One’ markaas  ana waxaa ahay ‘Normal One’.”

Inter ayaa kaalinta labaad kaga jirta Serie A waxanya leedahay 34 dhibcood iyagoo afar dhibcood oo keliya ka dambeeya Juventus.

Henry oo ku dhow inuu markiisii sedaxaad kusoo laabto Arsenal.

Thierry Henry ayaa qarka u saaran inuu markiisii sedaxaad kusoo laabto kooxda Arsenal kulanka ay FA Cup wajahayaan kooxda Swansea 6da Janaayo.

Gunners ayaa wadahal kula jirtay New York Red Bulls sidii ay amaah ugu soo qaadan laheyd Henry waxayna bilowdeen shan maalin ka hor, sida uu qoray Daily Mail.

Tababare Arsene Wenger ayaa rajo ka qaba inuu Henry u safto kooxdiisa wareega sedaxaad ee FA Cup.

Heshiiska waa la isku afgartay laakiin labada koox ayaa weli wadahadal ku jira iyadoo laga doodayo in amaahda la dheereeyo.

Wegner ayaa doonaya inuu Henry oo 35 jir ah, amaah ku heysto inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan laakiin kooxda MLS ayaan dooneyn inay weeraryahankeeda lumiso xilliga uu bilaabanayo Horyaalka Mareynkanku.

Red Bulls ayaana door bidi laheyd inay weeraryahankooda helaan bilowga xilli ciyaareeddkan inta lagu jiro March.

Weeraryahanka qaranka Holland Klaas-Jan Huntelaar ayaa ah nin kale oo diirada u saaran tababaraha Faransiiska ah, halka uu si aad ah u doonayo ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Crystal Palace Wilfried Zaha.

Chelsea oo qarka u saaran inay 8 milyan kusoo wareegto Markovic.

Chelsea ayaa ku dhow inay ugu dambeyn 8 milyan oo ginni kula soo saxiixato  18-jirka qaranka Serbia Lazar Markovic, sida uu qoray Daily Mail.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ayaa door muuqda ka ciyaarayey xulkiisa wuxuuna bishii lasoo dhaafay gool ka dhaliyey xulka Chile ciyaar saxiibtinimo.

Sidoo kale wuxuu lix gool 12 kulan u dhaliyey kooxdiisa, Partizan Belgrade, xilli ciyaareedkaan.

Liverpool, Arsenal iyo Inter Milan ayaa dhamaandood wada xaajood kula jiray Partizan, iyadoo ay xidigaan ku rabto 14 milyan oo ginni. Si kastaba, Chelsea ayaa ah halka uu door bidayo xidigaani.

Chelsea ayaa sidoo kale wadahadalo isbuucaan la yeelan ciyaartoyda diirada u saaran inta ay joogto dalka Japan.

Weeraryahanka Bayer Leverkusen Andre Schurrle, mishiinka goolasha Atletico Madrid Radamel Falcao, xidiga Real Madrid Gonzalo Higuain iyo weeraryahank Newcastle Demba Ba ayaa ah kuwa ay dhamaantood dooneyso Blues.

Messi: Iniesta ayaa u qalma inuu ku guuleysto Ballon d’Or.

Lionel Messi ayaa aaminsan inuu saxiibkiisa Andres Iniesta u qalmo ku guuleysiga Ballon d’Or ka dib markii ay Barcelona 2-1 ku garaacday kooxda Betis axadii.

Weeraryahanka ayaa labada gool isagu u dhaliyey kooxdiisa kulankii ay wajaheen Andalusians wuxuuna sidaas ku noqday gool dhaliyaha ugu sareeya hal sano isagoo dhaliyey goolkiisii 86-aad, wuxuuna jebiyey Rikoorkii Gerd Muller ee ahaa 85 gool oo hal sano ah.

Si kastaba, Messi ayaa amaanay saaxiibkiisa ee ay isku kooxda yihiin Blaugrana kaasoo caawiye ka ahaa labadiisii goo lee Betis.

“Maskaxdeyda kama bixin in Ballon d’Or la siiyi Andres,” ayuu yiri 25-jirkaani. “Wuxuu u qalmaa sababtuna waa sida uu u ciyaaro iyo waxay ay asxaabtiisa kooxdu sameeyaan.”

Halkaan hoose ka daawo 86-dii ee uu sanadkaan dhaliyey Lionel Messi.
[youtube http://www.youtube.com/watch?v=GQN0jeX07eo]

Jaaliyada Balcad ee Holland oo Soo dhaweysay lawareegida Jowhar.

0

Waxgaradka, dhalinyarada iyo Haweynka Ka soo jeeda Degamda Balacad ee gobolka Sh/dhexe oo ku nool wadanka Nederlands ,ayaa siweyn u soo dhawey Guushii ay Ciidamada Dowlada Soomaaliya ka soo Hooyeen Gobolka Sh/dhexe gaar ahaan Magaala Madaxda Gobolkaasi ee Jowhar.

C/kariim Xuseen oo ku hadlay Magaca Jaaliyada Balcad ee wadanka Nederlands, ayaa waxaa uu sheegay in Ciimadada Xooga Dalka iyo Kuwa AMISOM ay ugu hanbalyey nayaan Guulihii is daba jooga ahaa ee ay ka gaareen Gobolk Sh/dhexe .

C/kariim Xuseen oo Magaca Jaaliyada Soomaaliyeed ee Balcad ee wadanka Holland ku hadlayey ,ayaa waxaa uu sheegay in loo bahanyahay in Ciimada Dowlada Soomaaliyeed ay san niyad jabin oo ay sii wadaan Howlahooda ay u gu adeegayaan Shacbka Somaaliyeed.

C/kariim ayaa hanbalyada uu u diray Ciidamda Xooga Dalka Soomaaliyeed ka sakoow waxaa uu ugu baaqay Maamulka Gobolka Sh/dhexe in laga dulqaado Shacabka reer Balcada Ciidmada Duldhooban oo loo kaxeeyo Goobaha Shaabaka laga saaray Lana Geeyo Balacad Booliska iyo Ciidamada Nabad sugida si loo sugo Amaanka Shacabka.

“ Shacbka Balcad waa Shacab Nabadeed oo aan Rabin Dagaal iyo Fowdo waxaana maalmahaan Balcad ka jiray isqabqabsi u dhaxeeya Maamulka Balcad iyo Kan Gobolka taasina waa wax aan wanaagsaneyn oo loo baahanyahay in laga digtoonaado Ciidamda Meshaa joogana Laga rarao” ayuu Yiri C.kariim Xuseen.

Ugudanbeytii Waxgaradka,Haweynka iyo Dhalinyarda Reer Balcad ee Holland ,ayaa waxaa ay ku baaqeen in dadka Reer Balcad laga taageero dhankasta gaar ahaan Dhanka Tacabka beeraha si ay wax u soo saartaan madaama ay san heysanin Tasiilaad kii ku haboona wax soo saarka..