24.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

DEG DEG: Dad lagu dilay Gaarisa

Gaarisa (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa goordhow waxay labo qof ku toogteen magaalada Gaarisa ee gobalka waqooyi bari dalka Kenya.

Sidoo kale qof kale ayaa ku dhaawacmay weerrarkaas oo ka dhacay goob dukaan ah oo ku taalla bartamaha magaalada Gaarisa.

Labada qof ee la toogtay ayaa la sheegay in uu ku jiro askari bilays, oo goobta joogay.

Kooxii dilka geestay ayaa durba ka baxsaday goobta, waxana isla markii soo gaaray meesha ciidamo bilays ah oo howlgalo ka sameeyay.

Xaalladda magaalada Gaarisa ayaa la soo sheegayaa in ay caawa kacsantahay, waxana dadka ay ku kala carareen guryahooda sida ay sheegayana dadka goobjoogayaasha ah.

Labo toddobaad ka hor ayaa magaalada Gaarisa ee gobalka waqooyi bari Kenya waxa dab la qabadsiiyay suuqa ugu weyn magaalada ee SUUQ MUGDI, oo hanti badan uu ku gubtay.

Wixii ku soo kordha kala soco Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Manchester United oo 3-2 ku qaarajisay deriskooda Man City.

Manchester United ayaa ka talaabsatay kooxda ay deriska yihiin ee Manchester City kulankii loogu magaca daray Derbiga Gobolka Manchester. Waxayna dhabarka u saarisay guul darro 3-2 ah.

Weyne Rooneey ayaa ahaa geesiga qeybta hore ee ciyaarta markii uu laba gool United hugaanka ugu dhiibay daqiiqadihii 16 iyo 29 sidaas ayaana lagu kala nastay qeybta hore ee ciyaarta.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ayaa waxaa halkeedii kasii socday ciyaarta weerarka iyo weerar celiska ku dhisneyd.

Yaya Touré ayaana gool usoo celiyey Sky Blue inta uusan daqiiqadii 86aad u barbareyn Pablo Zabaleta, waxayna ciyaartu noqotay mid sawaxan badan wixii intaas ka dambeeyey.

Taageerayaasha City ayaana doonayey inay helaan goolka guusha, laakiin waxaa qalad meel u dhow diilinta ganaaxa ku galay Carlos Tevez, laad xor ah ayaana lagu abaal mariyey Red Devils, Robin van Persie ayaana gool u sarifay.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.


Wasiirka Maaliyadda oo faah-faahiyay heshiis uu la soo saxiixday Denmark.

Muqdisho (Caasimada Online) Wasiirka Maaliyada, Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Maxamuud Xasan Suleemaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Wasiirka ayaa ka mid ahaa waftigii Madaxweynaha u raacay dalka Turkiga, wasiirka ayaa safarkiisa Turkiga ka dib soo maray magaalada Nairobi isagoona halkaas kulama kula soo qaatay xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Wasiirka ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka dalka Denmark u fadhiya Kenya waxayna labada dowladood kala saxiisdeen heshii is faham ah, waxaaan dowlada Denmark ugu deeqday dalka Soomaaliya Shan Milyan oo doolar ( 5,000,000) lacagtaas oo dowladda Soomaaliya ku bixinayso adeegyada bulshada.

Kadib booqashadii uu ku soo kala bixiyey  dalalka Turkiga iyo Kenya ayaa wasiirku ku soo guryo noqday dalka. Waxaana  garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xildhibaano iyo dadweyne aad u fara badan, Wasiirka ayaa warfidiyeenada kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha isagoona ka warbixiyay safarkiisa.

“ Runtii aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta dalka dib ugu soo laabto, Waxaan ka mid ahaa waftigii Madaxweynaha u raacay dalka Turkiga, booqashadii turkiga kadib waxaan shaqo gaar ah u soo maray dalka Kenya” ayuu yiri wasiirku

Ugu danbayntii Wasiirka Maliyadda ayaa noqday wasiirka ugu shaqada badan golaha wasiiradda oo jiray in ka yar mudo bil ah wuxuuna qaaday talaabooyin kala duwan oo shacabku aad u soo dhaweeyeen. Waxaana ka mid ahaa joojintii lacagihii kala duwanaa oo lagu qaadi jiray Dekeda dhexdeeda iyo isagoo ku amray shaqaalaha wasaaradda maaliyadda inaysan wax lacag ah ka qaadi karin Ex-Kontrool Afgooyo ka hor intaan la qaadin Isbaaradaas.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Madaxweyne Xasan oo la kulmay wafdi ka socday Midowga Yurub

Mogadishu (Caasimada Online) War saxaafadeed ka soo baxay aqalka madaxtooyadda Somalia oo nuqul ka mid ah ay heshay shabakadda Caasimada Online ayaa lagu sheegay madaxweynaha Soomaaliya in uu maanta oo Axad ah la kulmay wafdi ka socda midowga Yurub.

War-saxaafadeedka ay u qornaa sidan:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Villa Somalia wafdi ka socday Midowga Yurub (EU).

Wafdigaas waxaa hogaaminayay Ambassador Alex Rondos oo ah ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arimmaha Soomaaliya, waxaana ku wehliyay saraakil sar sare oo ka tirsan EU.

Madaxwenyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdigaas ugu warbixiyay safaradiisii ugu danbeeyay kuwaas uu ku sheegay gogol xaar looguna diyaar garoobayay xiriir dhaqaale iyo mid ku aadan xaga amniga iyo hormarinta Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu u sheegay in hada Soomaaliya ay ka go’an tahay in xiriir wanaagsan ay la yeelato beesha caalamka iyo qaasatan dalalka deriska la ah. Madaxweynaha ayaa ugu mahad celiyay EU, sida wanaagsan ay ula shaqeeyaan dowladda Somaaliya

EU ayaa soo dhaweeyay horumarka hada ka jira Soomaaliya iyo dadaalada ay dowladda ku dooneyso dib usoo celinta, iyo amniga.

– Dhamaad –

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Chelsea oo qarka u saaran inay lasoo wareegto Higuain & Falcao.

Chelseaayaa raadineysa inay weeraryahanka kale kooxda kusoo darto iyadoo Radamel Falcao iyo Gonzalo Higuain ay yihiin kuwa ugu cadcad.

Caawiyaha milkiile Roman Abramovich, Marina Granovskaia, ayaa u duulay Madrid si uu kooxaha ka dhisan caasimada Spain ugula soo hadlo inay ciyaartoydaan ka qaadan karaan bisha Janaayo, sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Weeraryahanka Atletico Madrid iyo qaranka Colombian Falcao ayaa ah ninka koowaad ee diirada u saaran Blues waxaana lagu qiimeeyaa 48 milyan oo ginni.

Wargeyska Sunday Telegraph aya qoraaya inuu weeraryahanka xulka Argentina Higuain, oo u ciyaara kooxda ay xafiiltamaan Atletico ee Real Madrid, uu yahay qorshaha kale ee Chelsea.

Real ayaa xiiseyneysa saxiixa Falcao hadii uu u dhaqaaqo weeraryahanka Colombia kooxda Jose Mourinho, Higuain ayaa noqon kara qorshaha ugu haboon ee kooxda galbeedka London.

Weeraryahankaan, oo 25 jir noqonaya berri, ayaan mar walba aheyn dooqa koowaad ee Mourinho, Karim Benzema iyo Cristiano Ronaldo ayaana looga door bidaa inay garoonka kusoo bilowdaan.

Waayadaan wuxuu ku maqnaa dhaawac feysha ah, Chelsea ayaana u baahan weeraryahan kale iyadoo haatan heysata keliya laba weeraryahan, waana Fernando Torres iyo Daniel Sturridge.

Weeraryahanka xulka Spain ayaa soo dhameystay 12-kiisii saacadood ee uusan dhalin gool Premier League ah, wuxuuna kusoo afjaray kulankii shalay ay kooxdiisu dubatay Sunderland oo uu laba gool ka dhaliyey.

Dhan kale, Sturridge ayaa dhaawacyo a tacaalayey iyadoo lala xiriirinayo inuu ka tago Stamford Bridge, Liverpool ayaana macquul ah inuu u wareego.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu.

Man United oo Arsenal iyo Spurs kaga adkaaneysa saxiixa Zaha.

Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa 10 milyan oo ginni kusoo qaadan kara ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Crystal Palace Wilfried Zaha, oo 20 jir ah, isagoo doonaya in marka uu Janaayo lasoo wreego uu dib amah ugu siiyo kooxdiisaSelhurstPark. 

Palace ayaa dhegeysaneysa dalabyada saxda ah ee u imaanaya Zaha hadii aysan kusoo bxin tartanka ay ugu soo laabaneyso Premier League.

United ayaa heshiisyo dhowr ah 2010kii ay kooxo isku afgarteen markii ay 8 milyan Chris Smalling kaga soo qaateen Fulham waxayna u ogolaadeen inuu inta xilli ciyaareedkaas ka dhimaneyd usii ciyaaro kooxda Craven Cottage ka hor inta uusan usoo dhaqaaqin Old Trafford. 

United, Arsenal iyo Spurs ayaa si dhow isjha ugu haaya ciyaaryahankaan kaasoo ka dhexe muuqday ciyaartoyda da’doodu ka yartahay 20ka sano ee xulka England.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu.

Arsena oo 10 milyan ku dooneysa xidiga Bayern Munich Gustavo.

Arsene Wenger ayaa ku daray ciyaaryahanka qadka dhexe kooxda Bayern Munich Luis Gustavo liiska uu bisha soo aadan ka doonayo suuqa kala iibsiga, sida uu qoray wargeyska Daily Mirror.

Wenger ayaa hada u baahan inuu kooxdiisa ka dhiso qadka dhexe, ka dib markii uu si  xun ku bilowday xilli ciyaareedkaan. Wuxuuna si aad ah u doonayaa 25-jirkaan qadka dhexe Gustavo.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa xulkiisa u ciyaaray laba jeer wuxuuna 12 milyan oo ginni Hoffenheim kaga soo dhaqaaqay kooxda Bayern Munich.

Laakiin wuxuu ku guul darreystay inuu garoonka kusoo bilowdo inta badan wuxuu doonayaa inuu meel kale u baqoolo.

Isaga iyo tababaraha kooxda Bayern Jupp Heynckes ayaa marar badan is af fahmi waa dhex maray, waxaana hada u gacan haatinaaya tababare Wenger.

Wenger ayaa xidigaan ku darsaday ciyaartoyda uu suuqa ka doonayo bisha Janaayo hadii ay kooxdiisu ka yeesho inuu kaga qaato aduun dhan 10 milyan oo ginni.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu.

Chelsea oo aan weli ka harin xidiga Barcelona Busquets.

Chelsea ayaa weli isha ku heysa sidii ay ula soo wareegi laheyd xidiga qadka dhexe ee kooxda Barcelona Sergio Busquets, laakiin waxay sugi doonaan ilaa xilli ciyaareedka soo aadan markaasoo ay bixinayaan qiimaha saxda ah ee lagu iibsan karo, sida uu qoray wargeyska Sunday People.

Si la yaab ah ayaa waxaa isbuucii lasoo dhaafay garoonka Comp Nou ugu safray, wakiilka ugu sareeya indha-indheeyeyaasha Chelsea Scott McLachlan wuxuuna soo  daawanaayey inta badan ciyaarayahanka qadka dhexe.

24-jirkaan heerka caalami ee dalkaSpainayaa ka tegi kara kooxda Catalans, Chelsea ayaana la socota xaalkiisa, sida uu horaan ogaaday Wargeyska People Sport.

Barca ayaa wax ganacsi ah geli doonin inta lagu jiro bisha Janaayo, laakiin waxay u ogolaan doonaan inuu tago dhamaadka xilli ciyaareedka waxeyna ku iibin karaan 30 milyan oo ginni, hadii uu doonayo markaasi inuu ka dhaqaaqo kooxda ka dhisan La Liga.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu.

Liverpool oo u jeesaneysa Michu hadii ay weyso Sturridge.

Tababare Brendan Rodgers ayaa qiimeynaya inuu lasoo wareego weeraryahanka kooxda Swansea City Michu hadii uu ku guul darreysto Janaayo weeraryahanka diirada u saaran Daniel Sturridge, sida uu qoray Wargeyska Sunday People.

Tababaraha kooxda Liverpool ayaa u baahan inuu kooxdiisa dhiig cusub kusoo daro bisha Janaayo marka uu suuqu furmo waxaa liiskiisa weerarka ugu sareeya weeraryahanka kooxda Chelsea Sturridge.

23-jirkaan ayaa keliya loo ogolaan karaa inuu kooxda ka tago hadii ay isku dhisaan weerarka oo ay keenadaan weeraryahanada ay diirada u saaran tahay, iyo xittaa hadii ay Chelsea hesho ragga u qaaska ah, heshiis uu Sturridge ugu dhaqaaqo Reds ayaana ku xiran in mushaarkiisa laga dhigo 80 kun oo ginni isbuucii.

Laakiin Liverpool, ayaa u diyaarineysa 7 milyan oo ginni halka aysan ka fikiri doonin mushaarkiisa hadii ay ku guul darreystaan Sturridge waxay diyaarsadeen qorshe kale.

Taas ayaa loo arkaa inuu tababare Rodgers uu mar kale u jeesan karo kooxdiisii horeSwanseaweeraryahankeeda Michu, kaasoo si aad ah uga soo dhex dhalaalay Premier League.

Tababaraha Swans Michael Laudrup ayaan dooneyn inuu iska lumiyo Michu wuxuuna madaxiisa horaan dul dhigay 30 milyan oo ginni, taasoo ah lacag aan macquul aheyn.

Laakiin waxaa laga yaabaa inay Reds ku dalbato 10 milyan oo ginni ninka ay lix bilood ka hor kooxdiisu kula soo wareegtay 2 milyan.

26-jirkaan heerka caalami ee dalka Spain ayaa 13 gool dhaliyey 18 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkaan halka uu laba gool oo ka mid ah kulankii shalay ka dhaliyey Norwich.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu.

 

Dhageyso: Sh. Umal iyo Sh. Shible oo kahadlay qaraxii Masjid Al-Hidaaya iyo Kaamirooyin lagu xirayo Masjidka

Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Maxamuud Shible ayaa shalay salaadii duhur ka dib ka hadlay qarax habeen hore ka dhacay masjidka Al-Hidaaya ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Qaraxa ayaa waxaa uu dhaliyey khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii ka soo baxay masjidka salaadii cishe ka dib.

Labada Sheekh ayaa marka hore tacsi u diray dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay banaanka masjidka Al-Hidaaya waxayna sidoo kale alle uga baryeen in uu dadkii ku dhaawacmay in uu caafimaad taam ah alle siiyo.

Sheekh Maxamuud Shible iyo Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa ku tilmaamay ficil aad u danbi weyn in qarax ama bam lala bartilmaamsado dad muslimiin ah oo ka soo baxay salaadii cishe waxayna alle ka baryeen in alle kashfiyo gaal iyo muslim ciduu doono ha ahaadee cida ficilkan xun ka danbeysay

Culumada ayaa sheegay in khasaaraha gaaray dadka muslinka ah uu gaarayo 8 dhimasho ah dhaawacana uu u dhexeeyo 15-ilaa 30 qof wilina waxaa socda tirikoob dadka ku jira isbitaalada xaafada Islii.

Culumada ayaa dadweynaha ugu baaaqay in ay joojiyaan rabshadaha iyo dhagax tuurka iyada oo habeen hore markii qaraxa uu dhacay ay dadweyne ka careysan qaraxa ay dhagxaan ku weerareen askartii soo gaartay goobta qaraxa uu ka dhacay.

Sheikh Shible ayaa shaaca ka qaaday inay wadaan qorshaha oo ay si deg deg ah kaamirooyin iyo nalal waa weyn ugu xiri doonaan Masjidyada, si ay ula socdaan waxa dhacaya.

Dhageyso Sheekh Maxamed Cabdi Umal

Dhageyso Sheekh Maxamuud Shible

Isha Warka iyo Codadka: Halgan.net

Soomaalida Islii oo uu xaalka ku xun yahay (Ku dhawaad 100-qof oo….)

Islii (Caasimada Online) Ciidamada bilayska Kenya ayaa tan iyo shaley waxay howlgalo ka sameeyeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, halkaas habeen hore uu ka dhacay qarax ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaxa bilayska Nairobi Mosas Ombati ayaa sheegay in howlgalo laga sameeyay xaafadda Islii oo ay ku nool yihiin Soomaali badan lagu soo qabqabtay dad ku dhow 100-qof, kuwaasoo lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen qarixii ka dhacay habeenkii Jimcaha xaafadda Islii.

Ammaanka xaafadda Islii ayaa aad loo adkeeyay, waxana la geeyay halkaas ciidamo badan.

Isku socodka dadka iyo dhaqdhaqaaqa gaancsiga ayaa la sheegay in uu teel-teel yahay, waxana dadka Soomaalida ay ku sugan yihiin guryahooda.

Illaa shan qof ayaa la sheegay oo uu ku jiro ilmo ayaa yar ayaa ku dhintay qarixii habeen hore ka dhacay xaafadda ay ku badan tahay Soomaalida ee Islii magaalada Nairobi.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa waxa ku jira Xildhibaanka laga soo doorto deeganka Kaamakunji Yuusuf Xasan Cabdi Indhagamuun, kaasoo la sheegay in uu ka jabay gacanta iyo lugahah.

Arbacadii ayaa hey’adda laan qeyrta cas ee Kenya waxay sheegtay in seddax qof oo ka mid ah dadkii dhaawaca ahaa ay xaalladooda aad u liidato.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyada weerrarkii habeen hore ka dhacay masjidka Al-Hidaaya ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Muqdisho: Shaneemo la qarxiyay

Muqdisho (Caasimada Online)  inta la ogyahay hal ruux ayaa ku geeriyooday seddax kalena waa ay ku dhaawacmeen bam gacmeed xaley lagu tuuray Shaneemo ku taalla Dagmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan dadka goobjoogayaasha ah, shaleemada bamka lagu weerraray ayaa lagu magacaabaa (Shaneemo Muqdisho) , waxana xilligaas ku sugnaa dhallinyaro  aad u fara badan oo sugayay mid ka mid ah cayaaraha kubada cagta oo ka tirsan horyaalka wadanka Spain.

Bambka ayaa la sheegay in uu ku dhacay afaafka hore ee Shaneemada oo ay ku sugnaayeen koox dhalinyaro ah oo damacsanaa in ay gudaha u sii gudbaan.

Sida ay lee yihiin dadkii goobta soo gaaray ruuxa geeriyooday ayaa ahaa wiil dhallinyaro ah oo ay da’diisu la sheegay  13-jir kana tirsanaa dhallinta ka shaqaysata qaadka loo yaqaano garaabada.

Markii qaraxa uu dhacay waxa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa degmada kuwaasoo howlgalo ka sameeyay shaneemada iyo agagaarkeeda, waxana ay qabqabteen dhallin yaro badan laakin mar dame ayaa la iska siidaayay.

Dadkii dhaawaca ahaa loo qaaday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Horrey ayaa sidan oo kale Shaneemo ku taalla degmada Hodan bam gacmeed lagu weerraray illaa shan qof oo u badan dhallin yaro aya la sheegay xilligaas in ay ku dhinteen.

Ma jirto cid sheegatay qarixii bam ee xaley lagu weerraray Shaneemo Muqdisho oo ka mid ah shaneemooyinka ugu caansan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Gaalkacyo: Barakacayaal xeradooda dab uu qabsaday + Khasaare xoogan

Gaalkacyo (Caasimada Online) Wararka ka immaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaay in dab qabsaday xero ay daggan yihiin dadka soo barakacay oo ku taalla koonfurta Gaalkacyo in ay ku dhinteen carruur hanti kalena ay ku baaba’day.

Sida ay dad goob joogayaal ah u sheegeen warbaahinta illaa sagaal carruur ah oo u badan ku da’yer ayaa ku dhaawacmay aqalo ka sameesan bacana waa ay ku gubteen dadbkaas.

Xerada dabka uu qabsaday ayaa lagu magacaabaa Buulo Carafaat waa mid ka mid ah xeryaha ay ku nool yihiin dadka soo barakacay ee ku yaalla dhinaca Galmudug.

Qaar ka mid ah dadka ku nool xerada ayaa sheegay in dabka ka dhashay burjuko lagu illoobay mid ka mid ah kaamka taasoo iyadoo shidan laga tagay.

Carruurta dhaacantay ayaa waxay ahaayeen kuwa xilligaas jiifay kaamka, waxaana dhaawacooda la dhigay isbitaallo ku yaalla Gaalkacyo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dab uu qabsado xeryaha ay ku nool yihiin dadka soo barakacay ee ku yaalla koonfurta Gaalkacyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Masuuliyiinta Maamulka DF ee Hiiraan oo Khilaaf uu soo kala dhex gelay

Gobolka Hiiraan wararka  ka imaanaya ayaa waxaa ay sheegayaan in qilaaf xooga uu soo kala dhex galay Masuuliyiinta Dowlada ee gobolkaas.

Axmed Cabdalla Inji oo ah gudoomiye ku xigeenka Gobolka Hiiraan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuu jiro khilaaf xoogan  oo u dhaxeeyo masuuliyiinta maamulkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka Wuxuu sheegay inuu khilaafkaasi udhaxeeyo Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan ee Dowlada Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale ee Gobalka kala shaqeysa.

Waxaa lagu Micneeyayay Sababaha keenay khilaafka udhaxeeya maamulka ayuu ku sheegay inuu yahay Maamulka Gobalka Hiiraan inuusan aheyn mid ushaqeeya shacabka Gobalkaasi islamarkaana uu ka shaqeeyo waxyaabo aan ku dheehneyn rabitaanka shacabka Gobalkaasi.

Axmad Cabdala Inji  ayaa Dowladda Soomaaliya wuxuu ka codsaday inay soo fara geliso khilaafaadka ka taagan Gobalka Hiiraan,hadii kalena ayuu sheegay inay suuragal tahay in dagaalo qabiil halkaasi ay ka dhacaan Gobalka Hiiraana uu dib ugu noqdo dagaal beeleed.

Shirkii Jigjiga ma la oran karaa Xabsi Maxaabiista ku Jirtaa ay la haayeen Hal Xuquuq oo kaliya? (Faallo)

Waxaa markaliya kasoo muuqday shaashada idaacadaha la iska arko & Websites uu maamusho xukuumada ethiopia & kuwa xidhiidh qotodadheer la leh maamulka gumaysiga ethiopia shir lagu qabtay magaalada Jigjiga oo loogu magac bixiyay shirka wadatashida xukuumada & shacabka.

Waxaa magaalada jijiga lagu soo ururiyay dadwayne aad u tiro badan oo laga kala keenay gobolada & tuulooyinka Soomaalida Ogadeenya. Inkasta oo ayna ahayn mid inagu cusub in dadwayne isugu jira Odoyaal, marwooyinka & Dhalinyaro kala jaad & kala duruuf ah intii lagu ururiyo Hool ama meel daleed ah lana bacad joojiyo la dhaho is fashiliya ama u baroorta xubno gumaysiga ka tirsanaa oo siyaalo kala duwan u bakhtiyay hadana shirkani waxuu kaga duwaanaa iyadoo ceebaynta & Bahdilka loo ooday Xero maalmo dhan lagu horjoogay dadka, Kooxda gumaysiga ka hoos adeega oo ku caan baxday gumaadka & wada xabista dadwaynaha, hadana codkoodu kusoo dindimay horumar ayaa wadanka laga sameeyay iyo nabad galiyo ayaa curatay, ayaa maanta ku canbbaaroobay hawlgalkan dadwaynaha la rabay in lagu maquuniyo. Madaxbanaanidii muwaadinka, xoriyadii qawlka iyo qalinka, ganacsigii, daryeelkii bulshada aaway & sarayntii sharafta shaqsiya? gumaysiga itoobiya isagu ma garanwaayay kooxdan cajaladan duuga ah ee 21 jirka ah ka badal?

Muddo dheer ayay soo socdeen Gaboodfallada dahsoon ee ay gumaysiga & gacanyarayaashiisu ku hayaan bulshada soomaalida ogadeenya, dad badan oo ay ka dahsoonaayeen ayaa maanta makhraati ka noqday bahdilka & xajiimaynta sharafta aadanaha ee lagu hayo shacabka maatida ah. Qofkasta indhiisa & dhagahiisa ayaa macalin u ah xigmad & xushmo darada gumaysiga ethiopia & kooxda uu gumaysigu jaheeyay ee u jajaban amarada gumaysiga.Waxaa inoo cadaatay in ethiopia ayna shacabka soomaalida ogadeenya ina arxan u hayn ee ay dabargoyn sharafeed iyo mid nololeedba ku hayso. Ogadeenya shirarka noocan ah ee ay sida joogtada ah ciidanka gumaysigu u qabtaan ee Sabsabaa(shir)ugu yeedhaan waa kuwo aan dhamaad ujeedo midna lahayn, marka laga reebo ku xadgudubka sharafta umada & cadaadis joogta ah oo gumaysigu ku hayo shacabka. Gaboodfallada ka dhacaya Teendhada jigjiga kuwa ka durugsan ayaa ka dhaca, ayna halku dhag u yahiin erayadda Salaaminnaa zerasalaamnow mini nagaagarow/miniwayaayaw oo ay macnadeedu tahay ( nabadgaliyada iyo nabadiida ayaan ka wada hadlaynaa).

Intii Odayaasha & marwooyinka lasoo uruuriyo iyada oo aan laga tagayn dhalinyarada ayaa ciwaan looga dhigaa horumarka & Nabadgaliyada ama erayadaas aan sare ku xusnay. Waxaa aduunka ka daadagi wayday been abuurka ay samayn jireen kooxda gumaysiga ka hoos adeegta, garasho daradda, sida ayna aqoon, xirfad siyaasadeed u lahayn & arxandarrada.

Iyada oo ay wada ogaadeen dadkii aan xog ogaalka u ahayn ficilada gumaysiga & gumaysi kalkaalka kadib baxsashadii Cabdullaahi Maxamed oo daaha ka qaaday dhaqanka gumaysiga & kooxahan ka hoos adeega oo wada muuqaal ah. Muuqaalada oo in intii daawatay ay lafajacday ayaa waxaa kamid ahaa arimaha aan xasuuusta daawadayaasha ka go’idoonin sida, mayd lagu tumanayo oo afka iyo sanka laga laadayo, odoyaal is hayn waayay dhibka haya oo ka hadlay shirar, markii ay runta daaha ka qaadeena loo dhaadhiciyay jeelasha, Hadana waxaa wali ku duuban gumaysiga & kooxda ka hoos adeegta codadkii duuga ahaa ee caalamka indhahiisa iyo dhagahiisaba gaadhay.Shirkii uu soo agaasimay Abraha Walda oo ujeedadiisu u muuqato mid la rabay in lagu sharaf dilo bulshada soomaaliyeed, iyada oo aan cidna laga tagayn ayaa kusoo ibabeelay waxii gumaysiga ethiopia lagu yaqaanay.

Dadka intii daawatay waxaa fajac & xaaja uguba ku noqotay markii dhalinyaro intii xabsiyada laga soo qaaday oo bulshada la horkeenay isfashaliya la dhahay. Sida uu ii xaqiijiyay nin ka mid ah dadkii ka qaybgalay shirkan dhalinyaradan ayaa loo sheegay in danbiyo ay galeen oo buugaag ku qoran la hayo, sababtaasna ay u xidhanyahiin, waxa kaliya ee ay ku badbaadi karaana uu yahay in ay bulshada & kamerada horteeda ka sheegaan wax alla waxay sameeyeen iyaga oo ka bilaabaya naftooda & qoyskooda. Cabsida, rajo xumada & aragagaxa haysta dhalinyarada awgeed waxaad arkayseen dad waxay sheegaan garan waayay oo abtirsan haya sheeganaya in ay faraxumeeyeen dad & duunyaba. Maxaynu ku macanaynaa ? ma erayo loo soo qoraa, ma argagaxbaa! adiguba maankaaga la kaasho.

Hadii ay jiri lahayd cadaalad & sharuucda ay sheegan ethiopia inay dalka ka jirto ee ay shalay lahayd ONLF ha aqoonsato waa mid cadaalad & sinaan ka buuxdo laguna gaadhi xoriyade, soo ma ahayn in qofkii la tuhmo horta loo aqoonsado eedaysane oo intii la xidho maxkamad la geeyo lana xukuma kadib markii cadaymo waafi ah loo helo? Mise waa in dad maati ah oo aan waxba galabsan intii xabsiyo wadareedka laga soo kaxeeyo odoyaasha & marwooyinka hortooda la dhaho isku ceebeeya si xabsiga la idiinka sii daayo oo aad u heshaan xoriyad shaqsiyadeed? Waa nooc bahdil ah oo meel lagaga dhacayo sharafta aadamiga laguna fadeexayn hayo bulshada yar iyo waynba.

Laakiin hadii ay jireen shaqsiyaad Tastuurka(Dastuurka) ethiopia rajo ka qaba in lagu gaadhi cadaalad iyo sinaan maanta adiguba xukmi! Siyaasada gumaysiga itooba ee cadhwaday ayuu sii calwiyay shirkani.

Gumaysigu & kooxda ka hoos adeegta waxay qooraansan hayaan caqliga & cududa shacabka maatida ah. Waxaa lala wada yaaban yahay dhaqan xumada & dhaga adayga gumaysiga ethiopia ee caadaystay ceebaynta & isku bahdilka bulshada uu gumaysto, si ay dhimato sharafta & meeqaanba bulshada! Umada hadii sharaftu ka dhimato waxaa geeriyooda karaamada aadanaha, hadii ay tahay caqli, hadii ay tahay cududba is ixtiraam & kala danbayn.. Hadda kor ayaa intii dadwaynaha ku nool magaalada Dhagaxbuur meel fagaare ah la isugu keenay ayay ciidanka ethiopia ku hortoogteen 3 wiil oo dhalinyaro ah oo ilaa hada aan la ogayn waxay galabsadeen. Nin kamid ah bulshada magaalada maskaxdana ka xanuunsada ayaa aad ula yaabay gaboodfalka heerkaas gaadhsiisan ee aan geed loogu soo gaban. Inkasta oo uu ahaa nin ka xanuunsan maskaxda hadana waxuu ka tagay hadal mahadha noqday oo hal hays u noqday cidkasta oo dulman oo aan haysan cudud ay isku difaacdo. Muwaadinkan ayaa ka xumaaday gumaadka ay ciidanka gumaysigu ku hayaan shacabka & sida ay u argagax galin hayaan dadweynaha.

Isagoo cabiraya/qiyaasay sida uu uga xunyahay dhacdadan in ay jiraan kuwo uga xun oo ku dhex jira dadwaynaha, si ay u muujiyaan shucuurtooda una qarsadaan dareenkooda ayuu qaab digniin ah ugu baaqay “War bishinta kore qaniina ama war danbinta sare qaniina”.

Sida caadiga ah qofku markuu nabar soo gaadhay adkaysi muujin ama uu cadho muujin waxaa uu qaniinaa bishinta/dabinta hoose, laakii xeeladdan uu keenay muwaadinkan ayaa maanta inoo sharaxaysa in dadwaynaha Teendhada ka dhex ilmayn ay Laba dareen muujinayeen. Aan inoogu koosaaro qormadan dhacdooyinka sida joogtada ah uga dhaca ogadeenya mid ka mid ah. Cabdullaahi oo aana magaciisa rabin inaan dhamaystiro maadaama uu xabsi deegaan ku jiro ayaa shir ay ciidanka gumaysiga ethiopia u qabteen magaalada waxay ku amreen maadaama uu yahay Odoyaasha magaalada in uu dadka la hadlo una sheego in shacabku shaqsi shaqsi isu fashiliyaan/isu ceebeeyaan kadibna ciidan,hub iyo maalba keenaan si loogaga hortago 5-ta wiil ee geedahan taag taagan oo uu ula jeeday jabhada ONLF.

Cabdullaahi oo la yaaban dhalanteeda, dhaakadhaakada & garasha xumada ninka ciidanka haysta ee shiriyay magaalada ayaa ugu jawaabay “adeer ma been baan sheegaa mise run?” ninkii ciidanka gumaysiga ethiopia haystay ee magaalada bacaad fadhiisiyay ayaa dhahay “mayee run sheeg”, Odaygii waxuu ku warceliyay Aniga Cabdullaahi ayaa lay dhahaa oo isfashilin maayo, ee su’aal baan ku waydiine Hantida shacabka ma Ciidanka ethiopia sahaydoodaa? ciidanka aanu soo uruurinse ma mid ciidanka dawlada waxuu qaban waaay qaban kara oo ka cudud badanbaa mise waa ciidanka dawlada dhaaraankiisaa, maalinkasta waxaynu u fadhidaana cadceedan salaam inaa zera salaamee (Nabadda iyo nabad diidka) maad maalin uun wax kale noo shirisaan?”

Cabdullaahi ayaa la xidhay waxaana la soo daayay markii uu xidhnaa 6 bilood isaga oo aad ugu rafaaday xabsiga. Dadkii magaalada waxay dhaheen Cabdullaahi maxaa kaa siiyay hadalkaas Gaf buu kugu ahaaye waana uu ku galaaftaye? Odayguse waxuu ku warceliyay “Naari meel qabow maleh, ma xabsi baa xabsi dhaama dhamaanteen waynu wada xidhanahaye? Ma dilbaa dil dhaama soo idinkuba shirkii, caga juglayntii & is ceebee wadnuhu siduu habaq idiin lahaa, wadna gariir idinkuma wada dhacin? soo sidii maalinba ruux la idiinku hor dilayay maydka lama aasi/xabaali karo iyo in baabuur lagu jiido dad aad garanaysaan mayna gaadhin?”

Dadkii jigjiga lagu soo ururiyay ee lagu sheegay in la shirinaayo ayaa waxaan odhan karaa waxay ahaayeen maxaabiis hal xuquuq ah leh,taasi oo ah in ay Ooyaan/Baroortaan, Duunyaduba way Oloshaa/ci’daa hadii la cabiidiyo ama la xareeyo wakhti ayna u baran, Hadii ayna doorasho jirin hal dariiq unbaa banaan! kaasi oo ah in aad ku luuqayso erayada uu ku raaxaysan gumaysigu, Laakiin waa fadeexo kale oo kasoo foodhacday/muuqatay Jigjiga, Waana wajigabax kale oo aan dabiib loo helayn.

Dhanka kale ethiopia waxaa dhaqan soo jireen ah u ahaa in dhibanaayasha ay gaboodfallada ugaysato ay dadka horkeento, ayna dhahdo waxaad u sheegtaan bulshada in dhibkan ay ku gaadhsiisay cidkale, Laakiin xaqiiqada meesha taalla qofkasta oo garaad leh way u muuqataa. Gumaysiga ethiopia oo aad uga danbeeya dunida ayaa wali kusoo celcelinaya fadeexooyin foolxun oo fagaarayaasha ka raacay, taasi oo cadayn u ah sida ayna ethiopia marna maskaxda uga horumarayn.

W/Q: Xarbi Aden
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Sidoo kale Aqri: 

Shirka Jigjiga: Dhaqan Liinbaxay mise Dhimir dhalan Rogan

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo muddo kordhin sameeyay

Garowe (Caasimada Online) War saxaafadeed ay soo saareeen guddiga doorashooyinka maamulka Puntland , wuxuu muddo saddex todobaad ku daray xilliga ay ku egtahay diiwaangelinta ururada iyo axsaabta siyaasada Puntland oo horey u ahaa 10-ka bishan December 2012-ka.

Gudoomiyaha Guddiga ku-meel-gaarka ee Doorashooyinka Dr. Maxamed Xasan Barre ayaa ku dhawaaqay arrintaas, waxana uu dabadeed soo saaray war-saxaafadeedkan:

Ujeedo:- Kordhinta Mudada Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda Puntland.

Guddiga doorashooyinka ee kmg markuu shirar wadatshi ah la yeeshay waxgaradka bulshada Puntland ee gobollada dalka.

Markuu dhagsaystay :codsiyo ka imaanaya bulshada qaybaheeda kala duwan,

Markuu u kuurgalay :dareenka dadweynaha ee ku aadan rabitaanka iyo furashada Ururada siyaasadda ee Puntland.

Markuu arkay :u heelanaanta iyo abaabulka ballaaran ee bulshadu wado si ay u furato ururro siyaasadeed,

Markuu tixgeliyey: mudada kooban ee u harsan diiwaangelinta ururada siyaaasadda ee Puntland oo ku eg 10-ka December ,2012.

Markuu arkay :wakhtiga uu u baahanyahay hanaan iyo habraaca laga doonayo ururada siyaasadda ee Puntland inay soo buuxiyaan si loo diiwaangeliyo,

Guddiga doorashooyinka ee kmg ah fadhi rasmi ah oo uu yeeshay khamiista oo taariikhda ay ahayd 6 December 2012,wuxuu go’amaiyey in la kordhiyo mudada diiwaangelinta ururada siyaasadda ee Puntland laguna daro saddex toddobaad oo ku eg 31 December,2012,guddigu wuxuu cadaynayaa kordhintan wax saamayn ah kuma yeelan doonto hanaankii iyo Roadmap-kii horay loo soo bandhigay.

Ururada is diiwaangeliyey waxaa laga doonayaa inay shuruudaha wajiga labaad ay ku soo dhamaystiraan ka hor 10 February 2013,sida ku cad hanaanka diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo Roadmap-kaba.

Guddigu wuxuu ka cadsanayaa dadweynaha ururada siyaasadda ee Puntland inay mudadaas kor ku xusan ku soo dhamaystiraan dhmmaan shuruudaha laga doonayo si loo diiwaan geliyo.

DHAMAAD

JACEYLKII DUGSIGA DHEXE ( 8 )!

0
Qeybtii 8-aad  halkan ka aqriso qeybihii hore 1-aad,  2-aad,  3-aad4-aad 5-aad6-aad7-aad
Akhristoow sheekadii wey sii kululaatay mar haddii uu Ostan jeclaaday gabar Talyaani ah oo qurux badan, Maryanna uu u daayey saaxiibkii lagu sheegay  ee Buurane !!! .
Ostan khaladka uu galay ee kaliya waa in uusan hubsan waxa saaxiibkiis u sheegay ee ah xiriirka Maryan & Buurane oo uu yaqaano, sababtuna waxa weeye si uu ku hubsado ayaaba adag oo Maryan meel uu u maro ma helaayo, isku Dugsi ma ahan, isku xaafad ma ahan , marka wey adag tahay si uu ula xariiro oo Arrinkaas u hubsado.
Midda kale Ostan Muraayaddii baa jabtay oo Mustaqbalkii Guurkiisu waa dhaawacmay mar haddii Maryan Xiriir kale lagu sheegay, taasoo uga dhiganta in Ooridiisii lagu soo xad gudbay, Jaceylkiisii la soo weeraray, Mustaqbalkii guurkiisa la dhaawacay.
Ostan oo Jaceylka haayey aad u weynaa baa hagardaamada gaartay la raftay, Habeeno dhan u soo jeeday, maalmo dhan is hiifay, ugaaroobay oo dhuubtay, khad ka madoobaaday ,oontii ka soomay , Saaxiibadii lunshay !!!!.
Ostan oo sidii aan horay ba u soo sheegnay  ahaa Ruux Caqli badan ayaa arrinka soo foodsaaray maareeyey, xal dhankiisa ka doonay, in uu is moogeysiiyo Jaceylka Maryan ku dadaalay, Dhaawaca gaaray Qalbigiisa dhabiibay, Turaanturada ku dhacday ka sara kacay,Calool adeyg iyo Ragganimo muujiyey,Sabar sadkiisa ka dhigtay,aan is dhigane dadaal dheeraad ah muujiyey !!!!.
Ostan Markiiba wuxuu ka dhabeeyey in uu Jaceylkii Gabadhii Talyaaniga Abuuro, Jimco kasta Xeebta Liido u sii jarmaado, Isha ka buuxsado tii Caseyd ee Timaha haldhaaga laheyd, ee Quruxdeeda qaar ka mid ah muujisay sida Barida yar ee kastuumada dhinacyadeeda ka muuqata, ama Naasaha reejabeetadu kor u qaadeen ee dhexdooda loo jeedo markay foorarsato.
Ostan wuxuu la ashqaraaray sida eebo u abyey middaan uusan xataa magaceeda garaneynin, se uu Indhihiisa la sii raaco hadba meesha ay istaagto, Ostan waagaas ma Aqoonin se maanta waxaa lagu sifeyn lahaa ( stalker) oo ah ruux mid uu jecel yahay markasta daba taagan oo Qooraansigeedu Qiimo u leeyahay !!!!.
Ostan si uu jaceylkiisa Run ugu ekeeysiiyo wuxuu bilaabay in uu is weydiiyo sida uu ula xariiri karo markaas buu goostay in uu Warqad Jaceyl ah oo Af Ingiriisi ku qoran uu u diro, maadaama uusan Af talyaaniga Aqoonin oo uusan Banaanka ku daandaansan karin , taas baana talo uga dhamaatay .
Ostan wuxuu qoray warqad Jaceyl ah oo af Ingiriisi ku qoran oo sawiro jaceyl ku dheehan yihiin, wuxuuna ka diyaarshay Ereyaddii Jaceylka ee Filimada Hindiga uu ka maqli jiray marka la tarjumo iyo Buug Jaceyl ah oo uu maalmahaas aqrinaayey erayooyin ku soo arooray, markaas buu Buuggii Afka Ingiriisiga ku qornaa warqaddii dhex gashay oo is yiri macal buugga u dhiib.
Ostan haddana waxaa soo food saartay dhibaato ka timid sidii uu ugu dhiibi lahaa warqadda jaceylka ee buugga Jaceylka ku dhex jirta, oo uu u gaarsiin lahaa gacanta Gabadha Talyaaniga ah.
Ostan nasiibkiisa Maalin kasto oo jimco ah wey timaadaa Gabdhaasi Xeebta Liido sida uu asaguba u yimaado, taas ayaa ugu filan in uu Jaceylkiisa sii kobciyo sidii Maryan uu ugu kobcin jiray markuu ku arko Habeennimada Jimco kasta ah Shaneemo Soomaaliya.
Ostan bilo ayaa ka soo wareegtay intuu jeclaa Gabdha Quruxleeyda ah ee Talyaaniga, taas oo ka xalisay Jaceylkii weynaa ee Dugsiga dhexe ee uu Ostan la  dhiman gaaray !!! arrinkaasi wuxuu ahaa talaabo ( move) fiican oo uu Ostan qaaday haddii kale saameynta Jaceylkii Maryan wuuba u dhiman kari lahaa !!!.
Ostan haatan wuxuu jecel yahay Gabar talyaani ah se xataa magaceeda ma yaqaano waa Jaceyl indho la’ se Ostan waa u shaqeeyey oo Maryan buu ka reebay, haatan xaafadda Kuwaarto Dhawr bilood ma tagin, xagga Shaneemooyinka Shaneemo Bandir iyo Central buu bartay , tolow muxuu is leeyahay xoogaa Af talyaani ah ka siyaadso aad Gabarta talyaaniga ah ku qash qashaado, sideey noqotayba Ostan badaha liido ayuu ugu jecel yahay, Gabdhahana mid Talyaanioga ah !!!!.
Maalin Ostan asagoo u socda Dugsigii Agoonta xoogga ee uu macllinka ka ahaa ayaa waxaa dhacday , asgoo maraaya Isgoyska Lambar afar ayuu wuxuu maqlay labo wiil oo taxi u sii jeeda dhanka Airporka farta ku fiiqaaya oo midkood leeyahay Taxi-gaas waxaa ku jirta Maryan hebla , Markaas buu ka shanqariyey magac Ostan Qalbigiisa gilgilay oo uu muddo jeclaa waa Maryan.
Kii kale ayaa yiri xaggey u socotaa , markaas buu ugu jawaabay Dugsiga Xalane ayey galeysaa Maanta PP 1977.
Maryan Jidkii Ostan bay raacday oo ayaduna macallimad ayey Tababar u gashay !!!.
Ostan wiilka wax tilmaamaaya wuu yaqwaanaa oo waa xasanoow waxay ag degan yihiin Hotel Xamar oo xaafadda Kuwaarto caan ka ah, Hoteel sedddex dhabaq ah oo rinji guduudan marsan yahay.
Ostan Jaceyl uu waa’ iloobay ayaa Qalbigiisa ruxay wuxuu soo xasuusta Maryan iyo Jaceylkiisii Afarta sano qaatay ee meesha xun ku dhamaaday !!! se wuxuu la yaabay wali dhanka bidixda ee Qalbigiisa ayey meel ku leeyahay markuu Arko ama magaceedaba uu maqlo ayuu xanuun ka dareemayaa oo wadnuhu halkaas ka bood boodaa !!!.
Akhristoow maalintaan aan kuu sheegay hal maalin oo kale ayaa ka danbeysay ooy Ostan iyo Maryan is arkeen ??? Dhawr sano kadib bayna aheyd  ilaa laga soo gaaro 1982 bishii December.
Ostan gabadhii Talyaaniga aheyd na ma calfan , warqaddii uu qoray na agtiisa ayey ku duugowday, waxaa u dareyd markii uu warqaddii oo uu buug ku wado uu Su,aalay inabtigiis Cali daahir Allaah ha u naxariistee oo Baar kuraajo del suud hortiisa gaari gacmeed uu nanac iyo alaabo kala duwan ku gado uu soo dul istaagay.
Cali daahir baa ku yiri bal Buugga is tus se waxaa ka soo dhacday warqad jaceyl oo xardhan ,markaas buu qoslay oo ku yiri tanna yaad u wadaa markaas buu Ostan yaxyaxay oo iska aamusay , se Cali Daahir baa ku farxay in inaabtigiis oo waqti Shukaansi  gaaray.
Akhristoow Ostan iyo Saaxiibadiis Hunboow iyo Hassan Nur ( andrea) waxay bilaabeen in ay ku xirmaan tafsiir ka socday Masaajidka Arbaca Rukun ee Xamar weyne oo uu Akhrin jiray Macallin Muriidi oo Reer Xamar ahaa waa bilowgii 1977.
Waa sheeko aan si gaar ah uga sheekayn doona markaan dhameeyo Jaceylka Dugsiga dhexe ayaduna waa qeyb ka mid ah, Nolol Taariikheedka Ostan oo la yiraahdo ( CIYAAL XAMAR ) .
Ostan wuxuu ku biiray Arday Diinta barata oo la oran jiray Akhwaanul Muslimiin oo Masaajidkaas Tafsiir ka akhrisan jiray, wuuna ka reystay Jaceylkii iyo shaneemooyinklii iyo Banooni ciyaarkii inkastooy waqti ku qaadatay sidii uu iskaga gooyn lahaa.
Ostan Galistii shaneemooyinka waa yareeyey, baddii Liidana waaba iska daayey haatan mar kasta kitaab yar buu gacanta ku wataa wuxuu noqday wadaad ??? Mar mar wuxuu wacdiyaa saaxiibadiis markaas bay ku yiraahdeen erey uusan ilaa haatan iloobin ( shan beri shiikh laguma noqdo )  !!! aygoo ka wada ma Ostankii shaneemooyinka iyo Kubbadda nooga horeeyey baa maanta na wacdinaaya !!!!.
Waxaa la soo gaaray 1978 Ostan saaxiibkiis Hunboow wuxuu ku jiraa fasalkii ugu danbeeyey ee Dugsiga Sare, Ostanna waxaa loo ogolaaday in uu galo Imtixaanka Dugsiga Sare ee Gaarka ah ( private school) oo loo ogol yahay Ruux kasta oo Afar sano ka hor qaatay Shahaadada Dugsiga dhexe wuxuu u fariisan karayaa Imtixaanka Dugsiga Sare .
Ostan baa ka codsaday Hunboow in uu la diyaariyo Xisaabta, Physics iyo Biology si uu Imtixaanka uga faa.ideysto, markaas ayuu habeeno dhawr ah wax la Akhrisan jiray ooy isku imaan jireen.
Waxaa dhacday Qiso cajiib ah Hunboow ayaa wuxuu jeclaaday gabar ay isku Fasal yihiin oo Akhwaanul Muslimiin ah oo xijaab iyo shaati gacmo dheero ah gashata waa  (style )waagaas gabdhaha Wadaada ah ay school -ka ku tagi jireen oo mar mar laga soo eryi jiray haddii ay shaatiga gacma dheeraha ah Dugsiga ku yimaadaan.
Hunboow baa habeen kasta Saaxiibkiis Ostan uga sheekeeya gabdhaas iyo dhaqankeeda suuban iyo sida ay u waaniso, oo uu ku yiri Adiga ayadaa kaa waano fiican, ileen meesha Jaceyl baa ku jiree ????.
Hunboow Jaceyl baa galay warqad buu qoray baqshad buu galiyey gabadhii u dhiib buu is yiri se waa sameyn kari waayey??? Habeenkii danbe ayuu Ostan la tashaday wuxuu u sheegay in uu Warqad gabdhii u qoray uu ku leeyahay waan ku jeclahay,se uu u dhiibi kari waayey ???ee maxaan sameeyaa ??? Ostan waa khabiir Afar sano ka hor buu Jaceyl jilaayey ??? wuxuu ku yiri Warqadii meeday ???waa tan oo Baqshad aan magaceeda ku dul qoray baan galiyey ??? Ostan waa qoslay sidaan warqad Jaceyl ah looma dhiibo oo ardeyda oo dhan baa ku arkaysa ??? ee waxaad sameysaa horta Baqshada ka bixi , kadibna Buugeeda weydiiso in aad cashar ka soo qoroto ??kadib markaad u celineyso warqadda Jaceylka ugu dhex Rid oo ku dheh waa kan Buugaagii , Sidaas samee ayuu kula taliyey ???Hunboow Taladii buu qaatay weyna u shaqeysay oo warqaddii sidaas buu ku gudbiyey , ileen khabeer Jaceyl baa la joogga oo xataa Gabar talyaani ah warqad u qoraye.
Haddana waxaa la soo gaaray 1979 kii Ostan Imtixaankii Dugsiga Sare waa ku barmoosay walow uusan galin Imtixaankii biology-ga oo uu maalintaas ka soo daahay loona diiday in uu Imtixaankaas u fadhiisto, se wuxuu ku barmoosay 64% meesha macallinkiisii Hunboow uu ku barmoosay 62 %.
Hunboow haddana waxaa galay Jaceyl kale wuxuu jeclaaday gabar ay isku xaafad yihiin 1da maajo, waaberi oo aad u qurux badan, markaan Ostan guriga Hunboow ayuu wax ka cunaa oo Hooyadiis baa Hargeysa aaday, Asaga iyo Hunboowna isku Dugsigii Agoonta ayey wax ka wada dhigaan, maxaayeelay Hunboo Shaqadiisii Qaran ayaa Xamar lagu qoray isla Dugsigii uu macallinka ka ahaa Saaxiibkiis Ostan.
Hunboow ayaa maalintii danbe u sheegay Ostan in uu Gabar jecel yahay oo uu sagaal warqadood u qoray oo middiiba ka kooban tahay 10 Bog , oo haddana mid kasta uu koobi ka guuriyey oo uu haayo, Ostan baa yaabay oo ku yiri bal i tus waxa aad qortay ??? koobigii ayuu u dhiibay maxaa amaan ah, maxaa mustaqbal fiican ah oo uu u balan qaadaayo in haddii uu guursado uu Nimco dhex geen doono ??? Ostan waa yaabay ,wuxuu ku yiri Warqadda 10 naad ayadoo cad aan wax ku dhigneyn u dir ??? taas oo macnaheedu yahay warkii waa iga dhamaaday ??? Hunboow oo Ostan Xagga Jaceylka ugu danbeeya ayaa warqad cad tii tobnaad gabadhii u diray ??? se ayaduna jawaab la,aan bay noqotay.
Habeen Ostan iyo Hunboow oo isla socda Baar Wardheer Hortiisa ayaa Hunboow ku yiri waa tan gabadhii ???Ostan baa ku yiri ka daba tag oo Arrinkaaga u sheeg ??? se Hunboo ayaa hakaday oo lugihii qaadi waayey ilaa ay ka libidhay ??? hal mar buu yiri aaway uma jeedee ??? weyba libidhay qarsoontay ??? Ficilkaas ayaa Ostan soo xasuusiyey Jaceylkii Maryan iyo Maalintii uu kaligeed arkay kuna dhici waayey ???markaas buu Saaxiibkiisna u qiray in uu jaceyl haayo ??? .
Waa inoo qeybta 9aad oon ku arki doono waqtigii iskugu danbeysay Ostan iyo maryan oo is arka  December,1982 oo haatan laga joogo muddo 30 sano ah oo Akhristayaasha badankoodu aysan dhalan  !!!
Sheekadii Qiimaha iyo qaayaha iyo Jaceylka Nadiifta ah laheyd waa sheekadii Jaceylkii Dugsiga dhexe !!!!.

F.G Sheekadaan waa Qiso Run ah Magacyada uun baa la Badalay ??? Walow Ostan uu yahay Naaneysta wiilka, Maryan se waa magaceeda Runta ah Se ayaduna Naaneysteeda ayey ku caan tahay sidaas baa looga reebay Magaceeda .

Qore : Ostan Gacamay

Daawo Muuqalkan: Waa Muqdisho, ma ka Taqaanaa Xaafadaada…….?

0

Aqristayaasheena Qiimaha Badan waxaan Maanta idiin soo gudbineynaa Muuqaal qurux badan oo laga soo duubay Dusha Sare ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaad arkeeysaa Muuqaalka inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir ee maka taqaanaa Xaafadaada halkaan.

Muuqaalkaan marka aa daawato nala wadag Fikirkaada adoo adeegsanaaya Commentiga, Muuqaalkaan waxaan ka soo xiganeeynaa Shabakadeena Dhanka Muuqaalka ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA OO VIDEO AH:

Kooxda Qaranka Uganda oo ku guuleesatay koobka Cecafa

Kampala (Caasimada Online) Kooxda qaranka kubada cagta waddanka Uganda ayaa galabta ku guuleesatay koobka bariga iyo bartamaha Africa ee Cecafa.

Kooxda ayaa cayaartii ugu dambeesay waxay la yeelatay kooxda qaranka Kenya ee Harambee Stars.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Namboole Stadium ee caasimada Kampala ayaa waxa ay ku bilaabatay dar-dar iyo jari deggannaan ah.

Ciyaarta oo socota 27-daqiiqo ayaa kooxda qaranka Uganda waxa ay heleen goolkii koobaad, laakin wuxuu ahaa gool uu iska dhaliyay ciyaaryahanka Kimani, laakin kooxda Kenya ayaa bar-bareesay daqiiqadii 87-aad, waxana u dhaliyay Lavatsa.

Ciyaarta oo ay weerrar iyo weerrar ku socota, dad badana ay aaminsanaayeen in ay ku dhammaan karto 1 iyo 1, ayaa daqiiqadii 90-aad waxa kooxda Uganda ay dhalisay goolkii guusha waxana dhaliyay  Kizito.

Taageerayaasha kooxda Uganda oo ku faraxsan koobka ay hanteen caawa
Taageerayaasha kooxda Uganda oo ku faraxsan koobka ay hanteen caawa

Kooxda Uganda waa koobkii 13-aad oo ay ku guuleesato tartanka bariga iyo bartamaha Africa, waana kooxda ugu badan ee koobkan hanatay.

Kooxda Uganda ayaa hannan doonta adduun lacageed oo gaaraya 30,000 oo dollar oo dhigan (ku dhawaad sh81 million) halka kooxda Harambee Stars ay iyana jeebka gashan doonto 20,000 oo dollar.

Kooxaha ka qaybgalay koobkan waxa ka mid ahayd Soomaaliya oo seddaxdii cayaar laga adkaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala

 

Tirada dadkii ku dhintay Qarixii Islii oo Kordhay iyo xaalka Soomaalida

Nairobi (Caasimada Online) Waxa korartay tirada dadkii ku dhintay qarax xaley ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi wadanka Kenya.

Saraakiisha caafimaadka ayaa ku waramay illaa hadda in shan qof ay mareyso tirada dadka ku dhintay qarixii xaley ka dhacay Masjidka Al-Hidaaya ee xaafadda Islii.

Waxa kaloo jira dad uu dhaawacooda daran yahay oo si weyn wax ugu noqday qaraxaas oo saraakiisha bilayska ay lee yihiin wuxuu ahaa bambo nooca gacanta laga tuuro.

Guud ahaan tirada dadka ku dhaawacmay waxa lagu sheegay 37-qof oo uu ku jiro mudanaha laga soo doorto deeganka Kaama kunji Yuusuf Xasan Cabdi “Indhagamuun” kaasoo hadda lagu daweynayo isbitaalka Aga Khan.

Taliyaha bilayska magaalada Nairobi Moses Ombati ayaa saxaafadda u sheegay in Mr Xassan loo qaaday dhaawiciisa isbitaalka Aga Khan dhaawacna uu ka soo gaaray lugaha isla markaana ay gacan ka jabtay, xaalladiisa ay fiicanle.”

Wuxuu intaas ku daray qaraxa in uu ahaa wax la soo tuuray “Waxan ogaanay in qaraxa uu ahaa bam nooca gacanta laga soo tuuro ah, waxana socda siddii lagu soo qaban lahaa kooxihii falkaas geestay” ayuu yiri.

Wararka dheeraadka ah waxay sheegayaan

Howlgalo ayaa maanta waxay ka dhaceen xaafadda Islii oo ay Soomaali badan ku nooshay, dhowr qof ayaa la sheegay in bilayska soo xireen kuwaasoo lagu xiray xabsiyo ku yaalla magaalada.

Xaaladda Islii ayaa maanta daganeed, in kastoo dhaqdhaqaaqa iyo ganacsiga uu ahaa mid teel-teel ah sida ay in oo sheegeen ganacsata ku dhaqan xaafadda Islii.

Bilayska waxay lee yihiin qaraxa wuxu ahaa mid loola dan lahaa Xildhibaanka laga soo doorto deeganka Kaama-Kunji Yuusuf Xasan oo halkaasi dadka kula hadlaayay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi