24.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Zinedine Zidane: Maalin uun tababare waan u noqon doonaa xulka France.

Halyeeyga kubada cagta Zinedine Zidane ayaa daaha ka qaaday inuu maalin uun macalin u noqon doono xulka France.

40 jirkaan ayaa xulkiisa lagu niinaaso Les Bleus ku hugaamiyey koobkii aduunka ee 1998dii iyo koobkii Qaramada Qaarada Yurub ee 2000, ka hor inta uusan Koobkii aduunka ee 2006dii kabtanku u weyn xulka Italy, wuxuuna talaabo u jiraa inuu noqdo macalin buuxa.

“Waxaan ku baasi doonaa shahaadadeyda tababare ee mahadka kubada cagta France,” ayuu Zidane u sheegay wargeyska L’Equipe.

Zizou ayaa la weydiiyey hadii uu doonayo inuu macalin u noqdo xulkiisii hore ee France wuxuuna ku jawaab celiyey:

“Maxaa ii diidaya, maalin uun xulka macalin waa u noqon doonaa.”

 

Muqdisho: Haweeney Ganacsato ahayd oo gurigeeda lagu dhex dilay.

Kooxo hubaysan ayaa  haweenay Ganacsata ah waxaa ay ku dileen gurigeeda oo ku yaala Xaafada suuqa Xoolaha ee degmada heliwaa.

Dilka Haweenaydan ayaa yimid markii Wiilal bistoolada ku hubaysan ay ugu galeen gurigeeda oo Xaafada Cali Turcaaye ku yaala.

Haweenaydan  la dilay ayaa waxaa la sheegay inay ahayd ganacsato oo waxaa ay ka ganacsan jirtay Shidaalka iyadoo fariisin jirtay Black Sea.

Sabata loo dilay haweenaydan ganacsatada ah lama oga balse dad  ay aad isugu fiicnaayeen ayaa sheegaya in loo malaynayo sababta loo dilay inay tahay Arimo la xiriira shidaalka gawaarida dowlada ay ka iibiso.

Laakiin Waxaa Ceeb iyo Waji Xumi ay ku tilmaameen shacabka Muqdisho in dadka rayidka ah guryahooda lagu dilo dowladana ay fadhiso.

Tuugo si cajiib oo dhib la’aan ah ku dhaca lacagta dadka oo ka soo shaac baxday dalka Sweden.

Beryahaan dambe waxaa kusoo batay dalka Sweden tuugo ka qaraabata sanduuqa boostada, iyagoo la baxa warqadaha biilasha ay soo diraan shirkadaha, ka dibna isbedal ku sameeya.

Qiyaanada ayaa ah in ay tuugadu la baxaan warqada biilka ay soo diraan shirdaha doonaya in uu qofku lacagta soo bixiyo. Tuugada ayaa wax ka soo badala koontada lacagta lagu shubayo iyagoo markaas warqad cusub qofka u soo tuura. Arintaas ayaa keentay in dadka qaar ay lacagta u diraan tuugada.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah tuugada ayaa waxay sameeyaan in ay iskood u soo dirsadaan warqado biil ah adiga oo aan waxba ka dalban. Tuugadaan ayaa waxay abuuraan shirkado been abuur ah iyagoo faktuurooyin badan u diray shacabta Sweden, arintaas ayaa keentay in dad badan ay lacag u soo shubaan tuukada.

Beryahaan dambe ayaa waxaa soo batay qiyaanooyinka ay sameynayaan tuugada ku qaraabada qiyaanada biilasha iyo internetka. Dad badan ayaa isbuucyadii la soo dhaafay waxaa sidoo kale lagu qiyaanay ka dib markii kombutarkooda Virus lagu shubay ka dhibna ay u soo baxday fariin u muuqada in ay ka timid Booliska oo qofka lagu leeyahay “waa lagu ganaaxay” taas ayaa sidoo kale keentay in dad badan ay lacago ganaax been ah bixiyaan. Booliska ayaa sheegay in aysan dadka qaabkaas ganaax ugu dirin.

Si aad isaga ilaaliso in lagugu qiyaano warqadaha biilasha ayaa waxaa haboon in aad lacagta kirada, korontada iwm aad ku bixiso waxa loo yaqaan “E-faktura ama Autogiro. Sidoo kale iska fiiri koontada la socota warqada iyo magaca shirkada in ay isleeyihiin.

W/Q: Jimcaale, Somaliska

Dhageyso hadalki uu Jawaari maanta ka jeediyay golaha Baarlamanka.

Baarlamanka Somalia ayaa maanta ku shiray magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaana ay kullankooda kaga hadleen waxyaabo badan oo dalka quseeya.

Waxaa ugu weynaa inay ra’iisul wasaaraha ka codsadeen inuu laba maalmood gudahood ku hor yimaado baarlamanka.

Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa hadalkii guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari uu halkaasi ka jeediyay.

Hadalka Jawaari

 

Dhageyso hadallo qiimo badan oo ay maanta jeediyeen taliyayaasha ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Taliyayaasha Ciidamada Dalka Somalia ayaa maanta hadallo ka jeediyay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose.

Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa codadka Hadallada  Abaandulaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Gen. Dhago Nadan, Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Sheekhuna Maye iyo Agaasimaha hay’adda nabad sugidda qaranka Axmed Fiqi ay maanta ka jeediyeen Wanlaweyn sheegayna in ciidama ammanka sida nabad sugida iyo Booliska la geeyo Wanlaweyn iyo deganada Hoos Taga‏.

Halkaan ka dhagayso Hadallada Dhagobadan, Sheekuna Maye iyo Fiqi

 

Dekedda Bosaso oo la ballaarinayo.

Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland ayaa mudooyinkii ugu danbeysey ka wadey dekedda magaalada Bossaso mashaariic lagu balaarinayo oo qayb ka ah dadaalka dowladda Puntland ugu jirto sidii loo horumarin lahaa shaqada dekedda.

Agaasimaha guud ee wasarada Dekaddaha Puntland Cabdimajiid Samatar Jaafaan oo maanta 14 October,2012 warbaahinta kula hadlayay xarunta Dekadda  Bossaso ayaa ka war bixiyay qorshaha lagu balaarinayo dekada,wuxuna sheegay in la bur buriyay xarunta Necfish ee ku taalay dhabarka danbe ee dekada laguna daray Dekedda.

“Run ahaantii dhulkaan cusub ee lagu diray dekada ayaa waxa uu ka kooban yahay 120 miter iyo 113 ,waxaana dhul loogu tallo galay in la dhigo qalabka dekada la keenayo amase laga dhoofinayo qaarkood waxaa laga dhigayaa wadooyin laami ah iyo goobo wax lagu kaydiyo”.

Dhanka kale agaasimaha ayaa sheegay qarashka ku  baxaya dhismaha goobtani cusub uu yahay mid ka yimi dowlada iyo shacabka reer Puntland balse aysan jirin hayada ama urur ka caawiyay dhaqaalaha lagu dhisayo.

Dekdda Bossaso ayuu tilmaamey agaasimuhu inay tahay haatan mid mashquulkeedu badanyahay maadaama lagu jiro xligii Xajka oo xoolo badan la dhoofinayo.

Ugu danbayntii Agaasimaha guud ee wasaarada Dekaddaha iyo Gaadiidka BaddaPuntland ayaa ku tilmaamay dhisada Dekedda inay tahay mid wax wayn ka badali doonta dhanka horumarinta dhaqaalaha dalka.

Isha: Radio Garowe

R/W Saacid oo loo qabtay in 2 maalin lagu horkeeno Baarlamanka.

Kulankii maanta Baarlamanka Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay barlamanka ku jeex jeexeen Arimo badan oo ay ku jirtay Codsi Ra’iisul Wasaaraha loo jeediyay.

Kulan ay maanta  ay ku yeesheen Barlamanka xaruntooda Magaalada Muqdisho waxaa ay  uga hadleen Arimo dhowr ah waxaana ka mid ahaa Codsi ay u jeediyeen madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya  kaas oo ah in uu  Maalmood Gudahood baarlamaanka ku Hor keeno  R/wasaaraha Cusub ee uu dhawaan Magacaabay.

Proff Jawaari oo ah Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya  oo ka hor hadlayay Baarlamanka ayaa sheegay in ay ka dalbanayaan M/weynaha in uu barlamaanka horkeeno Cabdi faarax shirdoon si Cod loogu qaado iyadoona la arkayay Xildhibaanada qaar oo uu ka dhex taaagnaa  Khilaaf la xiriira qaabka loo Marayo Ansixinta R/wasaaraha iyo waxa uu dastuurku ka qabo.

Baarlamanka ayaa sheegay inay Awood u leeyihiin in mudo kooban Ra’iisul Wasaaraha uu ku horyimaado baarlamanka.

Robinho: Hadii aysan Milan ku guuleysan Italian Serie A ha la iigu waco ‘Waalanoow’

Robinho ayaa afkiisa furtay iyadoo Milan ay guul darro kasoo gaartay kulankii Derby De Mondalino, wuxuuna ku hadaaqay in kooxdiisu hadiis aysan is dhigana y ku guuleysan karto Scudatto.

Rossoneri ayaa fadhisa booska 11aad ka dib todobo kulan ay ciyaartay Serie A waxayna guul darro 1-0 ah dhowaan kasoo gaartay 10 ciyaaryahan oo Inter Milan ah.

“Waxaad iigu yeeri kartaa Waalanoow, laakiin fakir ahaanteyda waxaan u maleynayaa in Milan ay ku guuleysan karto Scudatto,” ayuu Robinho u sheegay La Gazzetta dello Sport.

Milan ayaa ku dhibatooneysay guul darrooyin iyadoo hada ayba qarka u saaran yihiin inay iska ceyriyaan tababarahooda Allegri.

Gary Cahill: Waxaan noqon karaa John Terry-ga cusub ee Engaland.

Daafaca kooxda Chelsea iyo xulka England Gary Cahill ayaa rumeysan inuu bedeli karo booska uu xulkiisa ka baneeyey ciyaaryahanka ay isku kooxda yihiin ee John Terry.

Daafaca halbowlaha dhexe ayaa ku bilowday kulankii uu xulkiisa ka hortegay xulka San Marino tan iyo markii uu Terry ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ee xulkiisa Three Lions.

Cahill oo 26 jir ah ayaa in badan  Terry kala soo ciyaaray Chelsea.

Difaaca kooxda Blues ayaana yiri: “Had iyo jeer wuxuu I dhiiri gelin jiray waxaana rajeynayaa inuu wax fiican ii rajeynaayo.”

Kulankii ay Jimcada 5-0 England kaga talaabsatay San Marino ayuu Cahill soo bandhigay awoodiisa daafac.

 

Weyne Rooney oo noqonaaya kabtan ku xigeenka xulka Ingiriiska (Aqriso)

Tababaraha Ingiriiska Roy Hodgson ayaa daaha ka qaaday in weeraryahanka Manchester United Weyne Rooney uu Kabtanimada Xulka England kala wareegi doono Steven Gerrard qadka dhexe ee Liverpool marka iska siibo kobihiisa uu ku ciyaaro kubada cagta heerka caalami.

Iyadoo uu Gerrard ganaax ku maqnaa, 26 jirkaan ayaa kabtan u ahaa xulka Hodgson markiisii ugu horeysay  wuxuuna ku hugaamiyey inay guul 5-0 ah ka gaaraan xulka San Marino isreeb-reebka koobka aduunka ee 2014ka. Wuxuuna Rooneyn ciyaartii Wembley dhaliyey laba gool.

Wuxuuna tababaraha xulka England maanka ku hayaa inuu Weyne u dhiibo kabtanimada marka uu Gerrard ka fariisto xulka, inkastoo uu xulka ku jiro qabiirka qadka dhexe ee Chelsea James Frank Lampard.

Mar la weydiiyey hadii uu Rooney noqonaayo kabtaka mustaqbalka England, Hodgson ayaa ku jawaabay: “Haa. Waa wax uu aad ugu fiican yahay waana wax uu doonayo inuu sameeyo. Wuxuu ugu ciyaaray xulka si aan la maleyn Karin waana wax noo fiican inaga.”

 

 

Xavi: Lionel Messi waa ciyaaryahankii abid ugu fiicnaa taariikhda Kubada cagta.

Xidiga kooxda Barcelona Xavi ayaa ka hadlay is bar dhig lagu sameeyo macalinka haatan ee Barca Tito Vilanova iyo ninkii isaga ka horeeyey ee Pep Guardiola. Wuxuuna qirtay inuu faqri u dhexeeyo.

32 jirkaan ayaana sidoo kale amaan kala dul dhacay ninka ay isku kooxda yihiin ee Lionel Messi, wuxuuna xidiga Argentina ku sheegay ciyaaryahankii abid ugu wanaagsanaa kubada cagta. Halka uu sheegay inuu ka wanaagsan yahay Cristiano Ronaldo.

“Pep iyo Tito, waxaa u dhexeeya farqi xoogaa ah taatik ahaan, inta badan waa isku mid. Guardiola wuxuu inta badan awooda saaraa ku celcelinta Paraatikada, halka uu Vilanova uu waxoogaa aado xaga orodka,” ayuu yiri xidiga heerka caalami ee dalka Spain mar uu wareysi siinaayey Radio Catalunya.

Xavi ayaa sidoo kale qorshihiisa amaanta huwiyey Lionel Messi wuxuuna 25 jirkaan ku sheegay xidigii ugu wanaagsanaa taariikhda kubada cagta.

“Marka lagu jiro qolka lebiska, Leo Messi laga yaabee inuu ka mid yahay dadka ugu xasilan. Waa qof aan caadi aheyn. Aniga ahaan waa ii NO’ 1, waa ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa abid, wuuna ka yaabiyey dadka oo idil. Aad ayuu u wanaagsan yahay, wuxuuna ciyaarta muhim u yahay in ka badan  inta uu muhim u yahay Cristiano.

 

Man City oo u sheegtay Balotelli inuusan aheyn heerkii ay doonayeen (Warbixin)

Mario Balotelli ayey u sheegtay kooxdiisa Manchester City inuusan aheyn heerkii ay ka donayeen.

Xidiga u dhashay dalka Italy oo ay waayadaan yareyd saameyn tiisa Garoonka ayaa lasoo werinayaa in loo sheegay inay heysato dhibaato dhanka maskaxda ah.

Sunday Mirror Sport ayaa laga soo xigtay isbuucii tegay in City ay diyaar u tahay inay beec geyso weeraryahankeeda ay laba sano ka hor kusoo iibsatay 24ta milyan ee ginni.

Mid ka mid ah madaxda City ayaa laga soo xigtay: “Waxaan u maleynayaa inay muhim tahay inuu sameeyo tusaale fiican.

“Waxaan u maleynayaa, inaan ognahay qofka aan ka hadalno kaasoo dadku ay arkaan inuusan qaab ahaan kasoo bixin qiimihiisii.”

“Xog iyo Gorfeyn”: Maxamed Dheere oo la kulmay R/W Saacid + Loolanka guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysay in guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere”, uu wado qorshe uu dib ugu soo laabanayo jagadaas.

Maxamed Dheere ayaa xalay kullan qaatay dhowr saacadood magaalada Muqdisho kula yeeshay ra’iisul wasaaraha la magaacabay ee Somalia Cabdulqadir Farax Shirdoon “Saacid”.

Maxamed Dheere ayaa la sheegay inuu ka faa’iideysanayo saaxiibtinimo hore oo ka dhaxeysay isaga iyo Saacid, xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre, si uu xilkan u helo.

Illaa iyo hadda ma cadda nooca go’aan ee uu Mr. Saacid siiyay saaxiibkiisa waayo waayo ee Maxamed Dheere, oo isaga iyo beesha uu kasoo jeedo ee Warsangeli Abagaal ay dadaal xoogan ugu jiraan inay gacanta ku dhagaan maamulka gobolka Banaadir, oo muddo ku dhow 5 sano gacantooda ka maqneyd, tan iyo markii maxamed Dheere laga qaaday.

Sida aan xogta ku heyno kadib markii beesha Warsangali oo waysay gacan ku haynta muddada dheer ee ukeed qaabka dhaxalka Boqortooyo ee dekadda Muqdisho oo Beesha Absuge Waceysle ay hadda maareeye ka tahay, ayaa waxay doonayaan inay u weecdaan Maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale dadaalkan dhinac kale ka wada ganacsade Cabdulqaadir Cosoble Cali oo ka mid ahaa musharaxiintii ku tanaasualy wareegii labaad ee doorashshada isaga oo taageeraya Xasan Sheikh.

Cosoble ayaa ballan qaad ka heystay Xasan Sheikh, laakiin ma caddeyn nooca jagada la siin lahaa, waxaana iminka uu orod ugu jiraa in qof isaga uu wato laga dhigo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ganacsade Cosoble ayaa sidoo kale arrintaas kala hadlay ra’iisul wasaaraha la magacaabay ee Somalia, oo habeen hore uu la kulmay.

Cosoble ayaan isaga sharci ahaan qaban karin jagada guddoomiyaha baarlamanka Somalia, sababtoo ah waa xildhiban ka tirsan baarlamanka, sidaa darteedna waxa uu u doonayaa aqoon yahan ay ehel dhow yihiin inuu booskaas u galo.

Sharciga cusub ee Somalia ayaa u diidaya xildhibaanada inay laba jago isku qabtaan, waana taas sababta iminka uu cadaadis u saaran yahay Tarsan, si uu labada jago mid u doorto maadaama uu sidoo kale yahay xildhibaan.

Sida wararka sheegayaan Tarsan ayaa dooran doona inuu sii ahaado xildhibaan, maadaama ay caddahay in weji cusub loo doonayo guddoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Beesha Mataan Cabdulle, oo ah beesha koowaad ee deegaan lagu tiriyo magaalada Muqdisho, ayaa iyana sidoo kale orod ugu jirta sidii ay u heli lahayd xilkaas, oo inta badan ayada la siin jiray taariikh ahaan.

Aqoon yahanno badan oo beesha ka tirsan kana tagay qurbaha iyo gudaha dalka ayaa cadaadis saaraya madaxweynaha sidii uu xilkaas ugu magacaabi lahaa.

Waxaa horey u jirtay ballan qaad uu Xasan Sheikh u fidiyay beel weynta Wacbuudhan Abgaal, oo beesha Mataan ay u tahay laf dhabar, inuu siin doono jagadaas, markii uu tartanka doorashada galayay, hase yeeshee lama yaqaan inXasan Sheikh uu oofin doono ballan qaadkaas iyo in kale.

Manchester United oo dooneysa inay Vidic ka iibiso Anzhi Makhachkala.

Manchester United ayaa dooneysa in si la yaab leh ay kabtankooda Nemanja Vidic lacag sare uga iibiso kooxda aadka u xiiseyneysa ee Anzhi Makhachkala, sida ay ogaatay shabakada Goal.com.

Kooxda Old Trafford ayaa aragta inay 30 jirkaan ku lumen karto 41 milyan oo euro oo ay ku dooneyso kooxda ka dhisan dalka Ruushka, daafaca reer Serbia ayey hareeyeen dhaawacyo is daba joog ah ka dib markii uu garoomada ka maqnaa 12 bilood hadana uu qaliin ku maqan yahay.

Anzhi, ayaa dooneysa inay soo aruursato ciyaaryahano magic ku leh kubada cagta iyadoo ay kooxdaani heysato lacago fara badan oo ay suuqa geliyaan. Vidic ayaana laga yabaa inuu mushaar fara badan ugu baqoolo Dalka Ruushka.

 

Del Piero: Waxaan jeclaan lahaa inaan la ciyaaro Ronaldo.

Halyeygii hore ee kooxda Juventus hadana u ciyaara kooxda Sydney FC Alessandro Del Piero ayaa ka dhawaajiyey inuu jeclaan lahaa inuu mar uun la ciyaaro halyeeyga dalka Brazil Ronaldo inta lagu jiray xirfadiisa ciyaareed.

37 jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii hore soo afjaray 19 sano oo uu ku sugnaa Turin, wuxuuna sidoo kale daaha ka qaaday mar wax laga weydiiyey ciyaaryahanka uu u xiisay inuu ka hor yimaado inuu jeclaan lahaa ninkii Ballon d’Or ku guuleystay 1996dii.

“Hada dhamaantood ma ahan. Mana ka shalaynaayo. Mar walba oo guul darro ah. Sida Finaladii Champions League taasoo si qaldan wax u dheceen. Ama Koobkii Qaramada Yurub ee 2000. waxaanse u xiisay ninkii 1996dii ku guuleystay Ballon D’Or.” Ayuu Alex u sheegay Gazzetta dello Sport.

“Waxaan ka hor imid 20 sano oo kubada cagta ah. Wax la yaab leh ayey noqon laheyd inay mar kale dhacdo inaan la ciyaaro Ronaldo.”

 

Ciidamo Kenyan dheeraad ah oo ku sii jeeda Kismaayo. + Tiradooda.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Tiro Ciidamada Dalka Kenya oo wata Gaadiidka dagaalka in ay ku soo jeedaan Magaala Xeebeedka Gobolka Jubada hoose ee Kismaayo.

Goob joogayaal ku sugan degaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamadan oo tiradooda lagu qiyaasey inta u dhaxeysa illaa Sagaal Boqol iyo Kun Askeri in ay wataan Gaadiidka Dagaalka oo Taangiyo ay ka mid yihiin.

Ciidamadan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka soo gudbeen Degmada Afmadow iyagoona ku soo jeeda Magaalada Kismaayo si ay halkaa ugu biiraan Ciidamadii Kiinyaanka ee hore ugu sugnaa gudaha Magaalada Kismaayo.

Ciidamadan ayaa lagu sheegey in ay xoojin u yihiin Ciidamadii Kiinyaanka ee hore ugu sugnaa Magaalada kismaayo. Militariga Dawladda Kenya oo dabayaaqadii sanadkii hore soo galay Ciiddaa Soomaaliya ayaa muddo hal Sano kaddib waxaa dhawaan u suurta gashay in ay soo gaaraan gudaha Magaalada Kismaayo iyagoo kaashanaya Ciidamada dawladda iyo kuwa Raas kaanbooni.

Baarlamanka Soomaaliya oo Kulan ku yeelanaya Muqdisho.

Baarlamanka Soomaaliyeed ayaa maanta la filayaa in kulan ay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho waxaana looga hadli doonaa arimo badan.

Ajandaha Shirka ay Baarlamanka yeelanayaan ayaa waxaa lagu gorfayn doonaa qodobo ay kamid tahay Xeer hoosaadka.

Shirka ay Isugu Imaanayaan Baarlamanka ayaa waxaa lagu wadaa inuu ka dhaco saacadaha soo socda Xarunta Golaha Shacabka”Sidaasna waxaa inoo xaqiijiyay Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka.

Sidoo kale  Muhiimada shirka ayaa waxaa qaybka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Golahiisa Wasiirada ayaa hortagi doonaa baarlamanka si ay codka kalsoonida ugu helaan Baarlamanka.

Ra’iisul Wasaarahaa Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa olale uu ku soo dhisayo xukumadiisa waxaa uu ka wadaa Muqdisho iyadoo xog lahalayna ay sheegayso in Xukuumadiisa ay ku badnaan doonaan Xubno ku cusub Masraxa Siyaasada Soomaaliya.

Daawo Video-gan: Ma sameyn lahayd wixii uu sameeyay Taksi wadahan?

Weli waxaa adduunka jooga dad daacadnimadu ay ku weyn tahay. Waxaa laga yaabaa dad badan inay durbaba oran lahaayeen waa doqon, marka aad eegto wixii uu sameeyay Adam Woldemariam, oo ah taksi wade ka shaqeysta magaalada Las Vegas, ee gobolka Nevada ee dalka Mareykanka.

Adam oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Ethiopia ayaa bishii tagtay waxa uu gaarigiisa ka helay boors uu kaga tagay qof uu soo qaaday.

Hase yeeshee markii uu furay boorsada, waxa uu arkay wax uusan weligiis fileyn inuu mar qura noloshiisa arki doono. Waa lacag kaash ah oo dhan 221,510 (laba boqol labaatan iyo kow kun shan boqol iyo toban) dollar.

Waxa uu ka yaabiyay dad badan markii uu qaaday lacagtaasi uuna u geeyo qolada shirkadda taksiga, si loo siiyo qofkii lahaa, waxaana markaa kadib ninkii lahaa lacagta uu abaal marin ahaan u siiyay laba kun oo Dollar, oo ah kaliya boqolkiiba hal, lacagta.

Halkan ka daawo dhacdadaas.

Haddaba Ma sameyn lahayd wixii uu sameeyay Taksi wadahan?

K/Afrika: Qiso xanuun badan oo ku dhacday wiil iyo adeerkiis Somali ah.

Qisadan oo ah mid dhab ayey waxay ku dhacday Mucaaqashiin Soomaaliyeed oo ku kala nool Wadama Kenya iyo South Afrika waxeyna ka mid tahay qisooyinka tusaalaha u ah labada qofood ee is jecel misana is waaya.

Axmed Cabdi Kariin Khaliif (Axmed Saadaq ) oo ku nool magaalada Cape Town ee dalka K/Afrika waa wiilka ay qisada ku dhacday,isagoo la soo xiririray Saxafada ayaa waxa uu ugu sheekeyay qisada ku dhacday iyo dhibaatada kasoo gaartay oo saameysay noloshiisa,
“Waxaan ka mid ah dhalinta Soomaaliyeed ee ku nool South Afrika mudo dhowr sano ah waxaa jirtay gabar aan qaraabo nahay ee ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo markaan halkaan imid xiriir jeceyl ina dhex maray mudda ka badan labo sano,aniga iyo Sacdiyo Cumar Giirmaalle  waxaan ahen lamaane is jecel kana dhaxeeyo inagoo ahen lamaamo daqiiqad walba xiriira ugu dambeyntii waxaan galnay ballan ku saabsan guurkeena iyo waqtiga kama dambeysta ee uu dhici lahaa.
“Muddo laba sano kadib markii aan go,aansanay guurkeena aniga iyo qofta aan Dunada ugu jeclaa ayaa waxaa meesha soo galay xaasid jecel oo aan ka fogeyn ehelkayga kaasoo ahaa adeerkayga oo ku sugan magaalada ay ku nooshahay Sacdiyo Cumar Giiraalle oo ah noloshayda aan ifka ugu jeclaa oo iga doorsaday lacag  kadib markii ay wadahadaleen walaalkiisa ka weyn oo ku noolaa dalka Mareykanka kana dhaadhiciyay in uu u dooonayo gabar reerka ah kadibne uu yimid ninkii noloshayda jari lahaa marna ahaa adeerkayga Yusuf Khaliif,muddo maalmo kadib doontay  kadibne aqalgal deg deg ah sameeyay isagoo dhaqaalo iigu faanaayo,
Qisidan ku dhacay Axmed Saadaq oo ah wiilka dhalinyarada ee sawirkiisa meesha idinkaga muuqda ayaa ah qisooyinka ka dhaca dunida iyadoo Soomaalida inta badan isticmaasho hanti balse aan fiiriin jeceylka iyo qiimaha uu leeyahay.
Ugu dambeyntii Axmed Cabdi Kariin Khaliif ayaa waxa uu waydiisanayaa dhamaan aqristaasha duco iyo talo celin si uu noloshiisa dambe dhib u gaarin, waxaadna kala xiriiri kartaan ciwaankiisa oo ah (midnimo102@hotmail.com)

Daawo Video: Qolka ugu yar uguna qaalisan caalamka oo 280,000 oo dollar lagu qiimeeyay.

Ka fifikir halka aad joogtaba. Imisa ayaa ka bixin lahayd gurigaaga, noocuu doono ha ahaadee, guri dhan ama apartment. Kaba soo qaad adoo joogaa USA ama Europe, waxaad ugu badnaan qiyaaseysaa 80,000 illaa 150,000 oo dollar , ayada oo ay ku xiran tahay hadba magaalada aad joogto.

Balse aqrsite ka waran haddii  280,000 (Laba boqol sideedtan kun oo dollar). lagu iibinayo hal appartment, Haba ahaatee ma xumee, ka waran haddiiba cabirka guriga dhan uu yahay 8×10 foot.

Haddaba apartment yar oo ku yaalla London ayaa lagu iibinayaa lacagtaas..

Bal daawo Video-gan oo arag inta uu la eg yahay adaa yaabi doonee.