25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Ra’iisul Wasaare Saacid oo u ballan qaaday shacabka 11 qodob.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Somalia C/qaadir Faarax Shirdoon, ayaa shaaca ka qaaday qodobo dhowr ah uu xooga saari doona ama uu sameyn doono inta uu yahay ra’iisul wasaaraha dalka.

Shirdoon ayaa u ballan qaaday shacabka Soomaaliyeed in arrimaha ugu waawayn ee uu xooga saarayo afarta sano ee soo socta inay tahay:-

1 – Hagaajinta ammaanka.
2 – Ku soo celinta dadka bara kacay guryahooda.
3 – Bixinta adeegyada bulshad.
4 – Dib u noolaynta dhaqaalaha qaranka.
5 – Abuuridda jawi wanaagsan oo maalgashi.
6 – La dagaalanka musuqmaasuqa, xag jirnimadda, argagixisanimadda iyo burcad badeedda.
7 – Hagaajinayo nidaamka garsoorka
8 – Dhisidda dawlad tayo leh.
9 – Sii wadidda dib-u-heshiisiinta qaran.
10 – Iaalinta midnimada Soomaaliya.
11 – Dib usoo celinta dawrkii Soomaaliya ee masraxa caalamka.

Ra’iisul wasaare Shirdoon ayaa sidoo kale yiri “Dawladaydu waxay ka shaqayn doontaa in ay dhisto xidhiidh ku dhisan wada shaqayn iyo is ixtiraam la geesood ah oo ku aaddan waddamada dariska ah iyo beesha caalamka,”

“Dib ayaan u hindisi doonaa dawrka Soomaaliya ee caalamka iyo urur gabaleedyada ay Soomaaliya xubno ka tahay si aan u soo celino sharaftii iyo maqaamkii Soomaaliya ee masraxa caalamka.”

Shirdoon ayaa la rajaynayaa in uu dhiso golohiisa wasiiro maalmaha soo socda. Dastuurka Soomaaliya ayaa siinaya ra’iisul wasaaraha 30 maalmood si uu u soo dhiso gole wasiiro uuna hor keeno baarlamaanka si loo ansaxiyo.

Dowladda “Ajnabigii Meydkiisa laga helay Xeebta Jazeera, wuxuu ahaa xubin Al-Qacida ah” (Dhageyso)

Saraakiisha Ciidamada Somalia, ayaa ka warbixiyay meydka nin shalay laga soo qaaday xeebta Aljazeera ee magaalada Muqdisho. Waxaa shir  jaraa’id magaalada Muqdisho ku qabtay taliyaha booliiska gobolka Banaadir General Axmed Xasan Maalin iyo taliyaha ciidamada Nabad sugidda gobolka Khaliif Ereg, waxana aay sheegeen inuu ninkaas ka mid ahaa saraakiisha Al-Qacida.

Halkan ka dhageyso Codkooda.

Cayil iyo Caato midkii aad tahayba, qormadan aqri (Fadlan)

Siyaabaha Miisaankaaga loo maareeyo

In aad si xaad dhaaf ah u cayisho waxay halis weyn kuu gelineysaa dhibaatooyin caafimaad sida dhiig kar sare, sonkorow iyo wadne xanuun. Kala doorashooyin caafimaad samee maalin walba halkii aad marna cunto cuni lahayd marna iska joojin lahayd.

Si tartiib ah u luminta 227 garaam – 1 kiilo toddobaadkiiba ayaa ugu wanaagsan. Haddii aad miisaan badan si deg deg ah u lumiso, badanaa cayilku dib ayuu kuugu soo noqonayaa.

• Cuntooyin ha ka boodin. Maalinta ku billaabo quraac caafimaad leh. Cunidda ugu yaraan 3 cunto maalin kasta waxay jirkaaga ka caawinaysaa inuu helo tamarta uu u baahan yahay waxayna kaa celinaysaa baahida.

• Xakamee cabbirka qaybtaada. Isticmaal saxan yar isla markaana qaado xaddiyo yar oo cuntooyin kala duwan ah. Ilbiriqsiyo ka dib ha ku noqonnin.

• Cun markaad gaajooto. Ka fogow in aad cunto u cunto in aad isku dejiso, ama in aad caajistay ama diiqootay awgeed. Soco ama wax aad ku raaxaysato samee.

• Qor cuntada aad cunto oo dhan. Ku soo dar nooca cuntada, xaddiga iyo waqtiga aad cuntay. Tani waxay kaa caawinaysaa in aad noqoto mid aad ula socda si markaas aad u awooddid in aad si fiican u maareyso cunto cunkaaga.

• Jir dhis samee. Ka soo hubi takhtarkaaga ka hor inta aadan billaabin jir dhis joogto ah. Noqo mid aad u fir-fircoon adigoo jaranjarada qaadanaya ama baabuurkaaga meel fog soo dhiganaya. U qasad in aad jir dhis sameyso 1 saac maalin walba, ugu yaraan 5 maalmood toddobaadkii adigoo sameynaya hawlaha sida socosho, bushkuleeti fuulid, dabbaalasho, orod iyo meel sare fuulid. Fasallada lagu barto jir dhisku way ku caawin karaan.

• Iska xaddid sonkorta iyo mac-macaannada. Iska xaddid cuntada ay ku jirto sonkorta lagu daray sida mac-macaanka, doonaatka, buskudyada iyo nac-naca. Kuwaani waxay leeyihiin kalooriyo fara badan iyo nafaqo yar. Cabitaannada u isticmaal macaaneeye macmal ah halkii sonkor aad ka isticmaali lahayd.

• Biyo cab. Dadka cabba biyo fara badan waxay u badan yihiin in ay lumiyaan miisaan badan. Cab 6-8 koob oo biyo ah maalin kasta.

• Ka taxaddar marka aad dibedda cunto ka soo cuneysid. Marka aad dibedda cunto ka soo cuneyso, dooro maraq iyo khudrad ama cuntooyin yar-yar oo dufanku ku yar yahay. Weydiiso suugo iyo labeenta ansalaatada la marsado. Haddii qaybuhu ay ballaaran yihiin, wax ka wadaag saxan ama kala bar guriga u qaado.

• Cunto fudud oo caafimaad fiican leh. Ku raaxayso furuto aan la warshadayn, khudrad, ama garoor fudud oo aan dufan lahayn halkii aad ka cuni lahayd cuntooyin fudud oo la soo baakadeeyey. Qarjawleyaasha dufanku ku yar yahay, siiriyaalka iyo boorashku cuntooyin fudud oo fiican ayey noqdaan.

• Isticmaal dufan yar marka aad cunto karineyso. Dub, bir iyo dhuxul ku dub, sol, ama uumi ku kari cuntada halkii aad ka shiili lahayd. Baruurta iyo maqaarka ka jar hilibka. Dufanka ka miir.

• Noqo dukaan wax ka soo iibsade caqli badan. Cuntooyinka horey u sii qorsheyso. Isticmaal taxane kana fogow dukaan wax ka soo iibsashada markaad aad gaajaysan tahay. Soo iibso furuto, miro wadajira, khudrad, cuntada badda, digaag iyo hilib caato ah. Haddii aad cunto waxyaabaha caanaha laga sameeyo, soo iibso kuwa aan dufan lahayn ama uu ku yar yahay.

Isbeddello yar-yar waxay horseedi karaan natiijooyin wanaagsan. halkaan ku waydii haddii aad wax su’aalo ama walaac ah qabtid.

Waxaa diyaariyay Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed.

Jose Mourinho: Waa la dhaafay waqtigii Barcelona mana ahan in la is daaliyo.

Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa rumeysan inuusan jirin tusmo loogu daydo Barcelona ka dib markii ay gacmaha Real Madrid La Liga halka ay Chelsea sanadii hore ka reebtay Champions League.

Catalans ayaa inta badan lasoo jeedinaayey inay tahay koox mudan in lagu daysado ka dib guulohoodii dhowaanahaan, laakiin Ninka reer Portugal uma muuqato falsafad kubadeed Barca iyo inay tahay koox quwadeedii luntay.

“Waxaan u maleynayaa in la gaaray goortii ay dadku iska dhaafi lahaayeen ka hadalka Barcelona,waan inaysan dadku is xiijin is bar-bar dhig ay nagula sameeyaan,” ayuu Special One u sheegay  France Football.

“Waa maxay sababta ay dadku uga hadlayaan Barca? Real Madrid ayaa ah horyaalka Spain, Chelsea-na waa horyaalka Yurub. Barcelona waqtigaan ma ahan labadaasna midkood.”

W/Q: Ahmed Farah Salaad Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Jack Wilshere oo lagu daray kooxda Arsenal ee la ciyaareysa Norwich City.

Jack Wilshere ayaa lagu soo dari doonaa kooxda Arsenal ee la ciyaareysa Norwich, sida uu akoonkiisa Twitter –ka ku xaqiijiyey wakiilkiisa Simon Bayliff.

Lama filaneynin inuu ka mid ahaado kooxda Gunners ay wajaheysa Canaries laakiin waxaa jira fursado u banaan oo ah inuu soo fariisto kursiga keydka sida aan kasoo xiganay wargeyska Talk Sport.

Bayliff ayaa ku qortay akoonkiisa Twitter: “Waxaan idiin sidaa laba war oo farxad leh oo maalmo isku xiga inta badan dhicin. Jack wuxuu ka mid noqday kooxda koowaad ee Arsenal Football Club ee u safartay Norwich !! Waana wax lagu farxo.”

W/Q: Ahmed Farah Salaad Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Roberto Di Matteo oo diiday inuu ka hadlo hadii uu John Terry sii ahaanayo kabtanka Chelsea.

Tababaraha kooxda Chelsea Roberto Di Matteo ayaa diiday inuu ka hadlo hadii uu John Terry sii ahaanayo kabtanka kooxda.

Terry ayaana la ganaaxay afar kulan iyo 220 kun oo ginni, ka dib markii lagu helay inuu hadalo cunsuri ah u adeegsaday daafaca QPR Anton Ferdinand.

Terry oo aqbalay khamiistii ganaaxa, ayaa raali gelin ka bixiyey inuu isticmaalay luqadaas, halka loo qorsheynaayo inay Chelsea ciqaab marsiiso ciyaaryahanka, laakiin bedelkii banaanka ay usoo bixin lahaayeen ciqaabta la marsiinayo waxay ka dhigan doonaan mid sir u ah kooxda.

Di Matteo ayaa sheegay in Terry uu ogyahay hadii uu Chelsea kabtan usii ahaanayo – laakiin tababaraha ayaa diiday inuu qaato go’aan rasmi ah.

“Si waadac ah ugama hadalno ciqaabaheena dishibiliinka ee aan ku qaado ciyaaryahanadeena. Waxay u tahay mid qarsoodi ah. Waa inaad sugtaa aadna aragtaa,” ayuu yiri macalin Di Matteo.

“Waxyaabaha dhexdooda ah, iyo ficilada aan ku sameyno ciyaaryahanadeena, ma aan dooneyno inaan banaanka soo dhigni.”

Mar wax laga weydiiyey hadii uu Terry sii ahaanayo kabtanaka Chelsea, Di Matteo ayaa yiri: “Sanado badan ayuu halkaan soo joogay wuxuuna tusay tayadiisa.”

W/Q: Ahmed Farah Salaad Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Fiorentina oo 8 milyan ku dooneysa weeraryahanka Man Utd Javier Hernandez.

Javier Hernandez Chicharito ayaa ku socda wadadii uu kaga tegi lahaa Manchester United  iyadoo ay Fiorentina isku diyaarineyso inay dalab 8 milyan oo ginni ah u diraan weeraryahanka reer Mexico, sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Hernandez ayaa hadda keliya ku bilowday hal kulan oo Barclays Premier League ah, wuxuuna dooq ahaan weerarka kooxda uga dambeeyaa Robin van Persie, Wayne Rooney iyo Danny Welbeck.

Kooxdiisa ayuu la galay shan sano oo qandaraas ah 12 bilood ka hor, laakiin wuxuu u baqooli karaa Serie A ka dib markii ay ku adkaatay inuu helo boos joogta ah.

Kooxda ka dhisan Talyaaniga ayaa xidigaan u balan qaaday mushaar dhan 80 kun oo ginni isbuucii, waxeyna rajo ka qabaan inay sanada dambe ka qeyb galaan Uefa Champions League.

W/Q: Ahmed Farah Salaad Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Diouf: Gerrard waa maseyroow, mana kala jecla guusha ama guul darrada Liverpool.

Xidigii hore ee kooxda Liverpool El Hadji Diouf ayaa weerar ku qaaday kabtanka haatan ee Reds Steven Gerrard – wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay ciyaaryahan keligiis wax walba isla jecel isagoona ku sheegay inuu yahay maseyroow.

“Gerrard wuxuu iga maseyri jiray markii aan caalamka isku baray cagteyda. Waa nin kaligiis wax walba isla jecel…. Waxba iskama saaro qof kale.

“Garrard wuxuu ka jecelyahay inuu gool dhaliyo inay kooxda guul darro soo gaarto. Ciyaartoydii hore wax necbaayeen. Ha igu qasbin inaan xitta bilaabo ka hadalka [Jamie] Carragher.”

El Hadji ayaa usoo ciyaaray , Rennes, Lens, Bolton, Sunderland, Blackburn, Rangers iyo Doncaster wuxuuna hada u ciyaaraa isagoo 31 jir ah kooxda Leeds ee ciyaarta Championship-ka England.

W/Q: Ahmed Farah Salaad Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Ma taqaan hadallada haweenka xusuusta ku reeba?

Habluhu ma sinna, isku dooqna ma aha, midba wax gaar ah ayay xiiseysaa. Xeeldheerayaasha daraaseeya umuuraha haweenka waxa ay isku raaceen in quluubta dumarka ay aad u jilicsantahay markii uu jiro ruux gayaankeeda ah oo kula dabaasho mawajadaha cidlada iyo moolasha badan ee badweynta Caashaqa.

Akhrostow waxaan halkan kuugu soo uruuriyay qaar kamid ah hadalada ay jecelyihiin haweenka in dhagahoodu ay maqlaan. Erayadan kooban waxaa la sheegay in ay xiiso iyo xusuusba ku reebaan haweynka.

Waan ku jeclahay’ sadaxddan eray waa kuwa kaliya oo aysan dhagaheeda ka daalin inay maqlaan,inkastoo ay ogtahay inaad jeceshay suurtagalna aysan aheyn inaad noolaato la”aanteed hadana ku celcelintooda waxay dareensiiyaan reyreyn gaar ah.

‘Waxaan jeclahay cumrigeyga inta ka dhiman inaan adiga kula qaato’

‘Waligeey kuma qiyaanaayo’

‘Waad quruxbadantahay’ macnaha ma aha kaliya inay muuqal ahaan qurxoontahay waxay koloo muujineysaa in nafsiyan ay tahay mid quruxbadan.

‘Waxaad tahay qofkii ugu quruxda badnaa ee aan waligey dhaayo saaro’

‘Waan nasiibbadanahay maxaayeelay adiga ayaan ku helay’

‘Saaxiibaddaa waad ka qurux badantahay’

‘Kuma iloobidoono gacaliso’

‘Waan boogaadinayaa waxkasta oo aad ii sameyso’

‘Aduunka oo dhan ayaad ii tahay’ ayada oo og inaad muhiim u tahay hadana markii ay erayadaan kaa maqasho waxay dareentaa farxad gaar ah.

‘Waxaad i dhameystirtay’

‘Waad saxantahay’

‘Aniga ayaa ku leh’

‘Cuntada ugu macaan ayaad karintaqaanaa’

‘Nolasheyda Ayaad badashay’

‘Indhahaaga waan ka helaa’

‘Maxaad isleedahay macaanto’

‘Yaab ayaad leedahay’

‘La’aantaa waxaan ahay wax aan jirin’

Axmednuur Cabdulaahi Cali

[email protected]

Caasimada Online

London

Maraakiib Dagaal oo soo fariistay xeebta degmada Hobyo.

Wararka ka imanaya degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xeebta magaaladaasi lagu arkay maraakiib dagaal, oo aan la garaneyn waddanka laga lee yahay.

Maraakiibtaasi oo ah illaa kuwa dhowr ah ayaa muddoo aan la cayimin waxa ay ku sugan yihiin xeebta, ayada oo ay joogaan meel aad ugu dhow xeebta oo si wanaagsan ay isha u qaban karto.

Warkan ayaa waxaa xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka degmada Hobyo Shariif Wada-Cadde, oo yiri in maamulkiisa illaa iyo hadda ay la yaaban yihiin sababta ay maraakiibtaas halkaasi u joogaan.

Shalay galab ayaa sidoo kale la sheegay in mid ka mid ah maraakiibta dagaal uu xeebta kusoo tuuray wiil dhallinyaro Soomaaliyeed ah, oo nool.

Wiilkaasi ayaa sheegay in ahaayeen 7 qof, oo laga soo qabtay xeebta Cadalle, islamarkaana lix ka mid dadkii isaga lala soo qabtay ay weli saaran yihiin markabka dagaal.

Dadka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in maraakiibtaasi ay yihiin kuwa reer galbeedka ee dhowaanahan joogay meelo ku dhow xeebaha Somalia, ayaga oo qiil ka dhiganayay inay la dagaalamayaan burcad badeedda, hase yeeshee la rumeysan yahay inay dano kale lee yihiin.

Tahniyad ku socota Weriye Siidii iyo Safiya Isxaaq.

1-Aabe Isxaaq Canshuur
Hooyo Xaliimo Yuusuf Cabdi
Sahra Isxaaq Canshuur
Sowda Isxaaq Canshuur
Samiira Isxaaq Canshuur
Deeqo Isxaaq Canshuur
Maxamed isxaaq Canshuur
Usaama isxaaq Canshuur
Laylo Cabdulaahi Canshuur
Luul Cabdulaahi Canshuur
Suleekho Cabdulaahi Canshuur
Kadis Cabdulaahi Canshuur
Axmed Cabdulaahi Canshuur
Jaamac Cabdulaahi Canshuur
Hooyo Caasho Xirsi Kheyre
Faaiso Cabdi shuuriye
Ubax Cabdi shuuriye
Amran Cabdi shuuriye
Warsame cabdi shuuriye
Nuur Cabdi shuuriye
Maxamed Cabdi shuuriyeMustafa Cabdi Shuuriye
Sharmaake Cabdi shuuriye
Aabe Cabdulaahi Aadan
Hooyo Maryan Cabdi faarax
Hooyo saaqo Maxamd carab
Luul cabdulaahi Adan
Ubax cabdulahi aadan
Cabdi cabdullaahi Aadan
Dhamaan reer Canshuur iyo reer cabdulaahi waxay tahniyad aroos hawadda u marinayaan Arooska iyo aroosadda Maxamed Cabdulaahi Aadan Siidii iyo Safiya Isxaaq Canshuur oo arooskoodu 19-bisha Oktober 2012 kadhacay Magaaladda muqdisho gaar ahaan Xaafadda towfiiq. Waxay leeyihiin iskuwaara ubad qeyrqabana kala hela. Aamiin aamiin aaamiin

C/Weli Gaas oo Faroole wajahaya kadib Diyaarad ka qaaday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabda Wali maxamad cali gaas ayaa maanta gaaray  Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Maalinta Shalay ayay ahayd markii Dr Gaas uu xilka ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Saacid iyadoo xalay la ogaa in Gaas loo sameeyay Xaflad Sagootin ah.

Safar dhaqsa ah ayuu ku tagay Gaas  Gaalkacyo maanta waxaana uu gudaha garoonka Aadan Cade kula hadlay Saxaafada inta uusan muqdisho ka tagin.

Gaas ayaa Safarkiisa ku sheegay inuu yahay mid uu ku booqonaya Ehelkiisa iyo Caruurtiisa oo ku nool magaaladaas waxaana uu meesha ka saaray in arimo kale uu halkaas uu ugu socdo.

Qorshaha maanta uu ku tagay Gaas Gaalkacyo ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo maalmahan laysla dhexmarayay inuu doonayo inuu noqdo  Madaxwaynaha maamulka Puntland walow mar maalintii Shalay Saxaafada ay ka waydiyeen inuu rabo Xilkaas uu ka gaabsday inuu jawaab ka bixiyo.

FAALLO: Islaamiyiinta Soomaaliya: Xaalad kala-guur ah.

Maqaalkani waa mid dad badani ay u arkaan inuu xasaasi yahay lakiin anigu aan u arko inuu muddan yahay in wax laga iftiimiyo inta la awoodo.Somaliaoo ah dal ku yaala Bariga Africa waxa uu kaabiga ku hayaa badwaynta Hindiya oo lagu qiyaaso bada ugu saxmada badan caalamka dhinaca kala gooshida maraakiibta shixnadaysan.

Sidoo kalle dalku wuxuu ku dherersanyahay bada cas oo ah marrinka ugu mashquulka badan caalamka muhiimad badane u leh isku socodka maraakiibta. Haddaba hadii aan intaas kaga soo gudbo muhiimada ganacsi ee uu dalku caalamka u leeyahay waxaa iyana maanku lu ka dharagsanyahay in siyaasad kastaa oo dalka ka jirta inay muhiimad u leedahay caalamka ayna tahay inay si feejigan ula soocdan.

Islaamiyiinta Somalia : xaalad kala-guur waa maqaal u baahan in xaqiisa la siiyo si waafi ahna looga hadlo lakiin waxaan ka cudur-daaranayaa inaan ku dheeraan karin sababo jirra awgood ayna tahay inaan ka guud marro intaa aan isleeyahay waa arrin umada ku cusboonaan karta. Islaamiyiin marka la yiraahdo waxaa iska cad in ay ka hadlayso arrimo diin gaar ahaan diinta muqadaska ah ee Islam. Lakiin shanta xaraf ee ka danbeeyaa( iyiin) waxay muujinaysaa inay jirto siyaasad ku salaysan islam ama waxa loo yaqaan (Islamic politics).

Hadaba Islaamiyiinta sooomalia ayaa leh taariikh dheer soona martay maalinba heer lakiin waxa ay ka duulayaani ay ahayd inay maalin un hirgaliyaan siyaasada Islaamka.

Hadaba Islaamiyiinta Somalia waxay ku biloowmeen xaalad dag-dag ah waxayna ku baaheen dhamaan qaybaha kala duwan ee Somalia lakiin waxaa xussid mudan in waqtigaasi ay un ku ekaayeen faafinta manhajkooda iyo sidii ay umada uga dhaadhicin lahyeen waxaana ay isla waqtigaasi fooda isdareen xisbiyo u badnaa suufiyda oo iyagu lahaa goobo cayiman bulshadana aan dhex gali jirrin inkastoo ay ixtiraam wayn ku dhex lahaayeen.

Islaamiyiintu waxay si dhakhsa ah guulo waawayn uga gaareen sal u dhigida fikirkooda waxayna hanteen dugsiyo iyo waliba masaajida oo u ahaa rugta kalliya ee ay ka faafiyaan fikirkooda. Waxaa lawada ogsoonyahay marka laga soo gudbo halganadii xoraynta oo ayba laftirkoodu kasoo qayb-qaateen sida kii sayid maxamed cabdule iyo shiikh bashiir in ay hadana ku lug lahaayeen Islaamiyiintu isku dhacyo siyaasadeed oo aan ka xussi karno kii shuuciyada ee madaxwaynihii hore maxamed siyaad barre. Ma ahan waxaan meesha uga hadlayno inaan halbeeg saarno cidna lakiin waxaan ka xusayaa is badalka iyo kala-guurka ku dhacay Islaamiyiinta.

Kadib burburkii dawladii shuuciga ahayd ee siyaad,Somaliawaxay gashay xaalad mugdi badan waxayna ku dhacday dabin ay adagtahay inay ka baxdo. Islaamiyiintu waxa ay noqdeen cida kalliya ee ka badbaaday burburkaa dalka ku dhacay waxana la sheegay inayba kusii xoogaysteen ayna heeleen fursado badan oo aysan horay u haysan. Halkan waa dulucda maqaalka. Waxa lawada ogaa inay Islaamiyiintu ahayeen urur dhisan kuna taagan tiirar adag lakiin ku ekaa fikir faafin in kastaba haku qaadatee. Markan Islaamiyiintu waxay la soo baxeen siyaasad u duugnayd oo ah inay maamulka dalka faraha aysan ka laaban waxaana la wada ogsoonaa inayba dagaaladiiSomaliaka dhacay kuwii ugu waawaynaa ay ka qaybqaateen waxayna isku badaleen quwad siyaasadeed.

Hase yeeshe halkani waa qayb wayn oo kamida kala-guurka ku dhacay Islaamiyiinta, qaar kamida waxay horboodeen dagaladaas iyagoo aaminsan inay tahay mid ay ku khasban yihiin ayna tahay inay fursadaa ka faaiidaystaan, qaar kalle way ka gaabsadeen waxayna u leexdeen dhankii fidinta fikirkooda, qaar kalle waxay lidi ku noqdeen kuwii kalle oo waxayba la safteen dhinacyadii kalle oo ay dagaalamyeen.

Waxaan kusoo gunaanadayaa suaashan. Ma la is oran karaa kala-guurka Islaamiyiinta waxaa assal u ahaa ka qayb-qaadashada dagaalada dalka mase waxay u ahayd isku day loo baahnaa?

W/Q: Cabdi Jaliil Maxamed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

Chelsea, Man United iyo Tottenham oo isku heysta kabtanka Stoke Shawcross.

Ryan Shawcross ayaa qarka u saaran inuu mar kale kusoo laabto Manchester United iyadoo indha-indheeyayaal ka socda Old Trafford ay daawadeen kabtanka kooxda Stoke City.

Daafaca halbowlaha dhexe ayaa lagu daray xulka England ee ka qeyb qaadanaya ciyaarayaha isreeb-reebka koobka aduunka, wuxuuna ka mid ahaa xulkii loo magacaabay inay la ciyaaraan San Marino iyo Poland.

Bandhigiisa cajiibka ah ayaa loo fiirinaayey inuu damac ka galay kooxaha ugu awooda badan Barclays Premier League, iyadoo sidoo kale Chelsea iyo Tottenham ay isha ku hayaan xidigaan, sida laga soo xigtay wargeyska Sky Sports.

Shawcross, waa 25 jir, kasoo baxay Akadeemiga Manchester United, wuxuuna keliya bedel kusoo galay laba kulan oo League Cup intii uu la joogay kooxdiisii ugu horeysay ka hor inta uusan 2008dii u dhaqaaqin Stoke City.

Wuxuu noqday daafac lagu xisaabtamo, kaasoo Stoke la meel dhigay koox aan daafaceeda lagu degdegin oo ka jirta Premier League.

Laakiin Shawcross ayaa ku jira 18 kii bilood ee ugu dambeysay qadaraaskiisa Britannia Stadium waxaana laga yaabaa in Tababare Tony Pulis uu lumiyo daafciisa aadka u adag, oo ay doonayaan kooxo waa weyn.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogdishu, Somalia.

Meydka nin ajnabi ahaa oo lagu arkay magaalada Muqdisho.

Maydka nin ajnabi ah ayaa waxaa lagu arkay Xeebta deegaanka Jaziira ee magaalada Muqdisho iyadoo ay bur bursanayd doonidii uu saarnaa.

Doonidan ayaa waxaa ay ku soo caarisay xeebta waxaana maydka ninka Ajaniba arkay kuluumaysatada ka jilaabta xeebta Jaziira ,iyadoo ay markii hore ay arkeen doon dul sabaynaysa Xeebta kadib ayay ogaadeen Maydka.

Cali Maxamed Abiikar oo kamid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in bur burka doonta laga helay meesha loo yaqaan Jajabka oo Jaziira dhankeeda koofureed u jirta 4-KM.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka dowlada ee degmada Wadajir oo gaaray Xeebta ayaa maydka ruuxa ajnabiga Muqdisho u soo qaaday ,waxaana dadkii arkay ay sheegeen in ninka uu ka soo jeedo wadamada Asia una uu muuqday dhalashadiisa India,Bakistan iyo Bangaladhesh.

Kama aysan Muuqan korkiisa ninkan wax risaas Ama mindi laakiin waxaa loo malaynaya in si qalad ah markab u dulmaray doonida uu saarnaa.

Daawo Video: Muqdisho oo guryo dhisid lagu waashay iyo Guryo hal Milyan oo dollar jooga.

Muqdisho, waa magaalo, waana magaalo magaalo dhaaftay. Markii ay nabad yarba ka dhacdo, waxaa ku urura Soomaalida oo idil, waxaana dadku ku waashaan guryo dhisid. Iminka, waxaa Muqdisho ka socda dhismooyin, ayada oo ayba yar tahay in la hale qof guri kuu dhisaa sida dadka oo idil ay u guryo dhisanayaan darteed. Guryaha qaar ayaa jooga Hal Milyan oo Dollar, halka kiradiina bishii ay kor usii dhaafeyso 8 kun oo Dollar.

Weriye ka tirsan Tv-ga Aljazeera ayaa warbixin kasoo diyaarisay dhismaha guryaha ee Muqdisho kasii xoogeysanaya. 

Baarlamanka iyo Xukumaddii C/Weli Gaas oo isku dheggan (Dhageyso)

Baarlamanka Somalia ayaa ku dheggan xukuumaddii Dr. Cadbi Weli Gaas, gaar ahaan wasaaradda Maaliyadda. Shalay ayaa wasiirka maaliyadda C/Naasir Maxamed Cabdulle (Gerjeex) waxaa looga yeeray xarunta baarlamanka, ayada oo wax laga weydiinayay halkii ay martay miisaaniyadda xukuumadda 9-kii bilood ee tagay, ayada maantana uu dhacayo kullan kale oo waxlooga weydiinayo miisaaniyadda 3 bil ee sanadka ka harta.

Halkan ka dhegeyso wasiirka oo ka jawaabaya su’aalaha iyo guddoomiyaha Baarlamanka iyo xubnaha oo weydiinaya.

Kullanka Miisaaniyadda.

Xasan Sheikh waa lala fadhiyaa kursiga Madaxweynaha (Sawirro)

Farshaxamiiste Amin Amir ayaa sawir gacmeed cajiib ah ka sameeyay tuhunka siyaasadeed ee maalmahan socda, oo ah in Madaxweyne Xasan Sheikh kursiga madaxtinimada ay la fadhiyaan xubno kale gaar ahaan shaqsi gaar ah.

Amin Camir ayaa sawirka ku muujiyay qof la qariyay wejigiisa oo loogu magac daray Dam Jadiid oo kursiga madaxweynaha kula fadhiya madaxweynaha, halka ra’iisul wasaare Saacid uu dhulka fadhiyo.

Waxaan dhowaan jiray ama la arkayay in meel kasta oo uu madaxweynaha aado uu la socdo nin la yiraahdo Faarax Cabdulqaadir oo ah hogaamiyaha ruuxiga ah ee kooxda Dam Jadiid, kaasi oo aan wax xil ah ku magacowneen oo xitaa u raacay safarro dibedda ah, taasi oo ay dad badan is weydiiyeen waxa daba dhigay madaxweynaha.

Aqrsite halkan ka arag Sawirka Amin Camir iyo Sawiro kale oo muujinaya sida Hogaamiyaha kooxda Dam Jadid uu ugu naban yahay Madaxweynaha.

Ogow wax badan oodan Ogeyn!!

Ma Ogtahay…..

In Nabi Maxamed(C.S.W) noolashiisa oo dhan uu hal mar soo xajiyay.

In saxaabiga Salmaan Alfaarisi (R.C.) uu yahay saxiibigii u sheegay Nabigga (C.S.W) in god la qodo duulaankii Khandakh.

In Saxaabiga Cusmaan Bin Cafaan (R.C.) uu ahaa Ruxii ugu horeeyay ee xafida qur”aanka kariimka ah marka laga reebo Nabiyulaahi Maxamed(C.S.W)

In magaalada barakeysan ee Madiina uu magaceeda saxda ah yahay Yathrib

In internetka la oranjiray ARPANET (Advanced Research Project Agency network)

InJamaicaay leedahay 120 wabi.

InChinaay soo saarto 70% boombalayaasha caalamka.

In taajirka weyn Bill Gates uu programinta computerada bilaabay asaga oo 13 jir ah.

In magacyada qaaradaha aduunka ay ku wada dhamaadan xarafka ay ka bilowdaan.

In markabkii jaceylka Titanic lagu sameeyay Belfasta.

In Washington( D.C)loo soo gaabiyaya Distract ofColombia(dagmadii Colambia)

In caasimada Japan Tokyo mar laoranjirayEdo.

In geelu uusan ku dhalan kuruska.

In gaarigacankii ugu horeeyay caalamka lagu sameeyayChina.

In kaneecada mideeda dhadig oo qura ay wax qaniinto.

In Sucuudi Carabiya aysan laheyn wax wabiyo ah.

In kursiga maasada ee dadka lagu ciqaabo uu hindisay Dantist(dhaqtar ilko)

In xayawaanka oorsada loo yaqaano uu leeyahay 42 ilkood.

InBritainay tahay wadankii ugu horeeyay ee isticmaalo Istaambooyinka Boostada.

In guriga weyn ee lagu magacaabo Tajmahal uu gabi ahaantiisba ka sameysanyahay( Marble)Marmar.

In quraanshadu aysan hurdin innaba.

In typeka la Hindisay 1829.

In D.N.A ay u taagantahay Deoxyribonucleic acid.

In madaxweynihii hore ee mareykanka George Bush kooxdiisa Basebal-ka ee jaamacada Yale uu u ahaan jiray kabtan.

In 2010 Soomaliya ay noqotay wadanka ugu liita caalamka.

In xiligii Peter ninkasta oo Ruushinyaan ah oo gar leh laga qaadi jiray Canshuur gaar ah.

In boqor HenerygiiFranceiyo madaweynayaashii Louis iyo Napoleon ay intuba ka baqanjireen bisadaha.

InIcelanday tahay wadankii ugu horeeyay ee sharci ka dhiga ilma iska ridista 1935.

In towerka dheer oo ayPariscaanka ku tahay la yiraahdo Eiffel.

In madaxweynahii hore ee Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu ku soo barbaaray Guri laga qaado Towxiid dheere.( nooc Digriga ka mid ah)

Waa qalinkii wariye Axmednuur Cabdulaahi Cali [email protected]

Caasimada Online London, U.K

Manchester United oo isha ku heysa bedelka Luis Nani.

Manchester United ayaa lala xiriirinayaa ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda FC Porto James Rodriguez, kaasoo ay u arkaan bedelka Nani – oo diirada u saaran Juventus iyo  AC Milan, sida ay hadal hayaan saxaafadu.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Colombia ayaa lala meel dhigaa Cristiano Ronaldo-ha Koonfur America, waxaana laga xiiseynayaa Old Trafford.

“Dhamaanteen weynu ognahay inay Manchester United tahay koox weyn,” ayuu yiri.

“Horyaalka England waa horyaal weyn laakiin hada waxaan ka fikirayaa Porto. Waxaan heysanaa waqti fiican shaqsi ahaana waxaan dareemayaa wax wnaagsan waxaana diirada saarayaa halkaas.”

United ayaa mar kale xiiseyneysa xidigan iyadoo mustaqbalka Nani uu shaki ku jiro, kaasoo ay saxiixiisa quud dareynayaan Juventus oo hada kusoo biirtay iyo AC Milan.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.